28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Dhageyso: Fadeexad hareysay xafladii arooska gabadha Ismaaciil C. GEELLE

Djibouti (Caasimada Online) – Fanaaniinta Djibouti ee ku nool qurbaha ayaa qeeyladhaan afka furtay kadib markii Abwaan Cali Seenyo uu Fanaaniin Reer Somalia ah u kaxeeyay arooska gabadha Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle. Hooyada Fanaaniinta Djibouti Faduma Ahmed Dhimbiil ayaa fadeexadii ugu darneed todobaadkaan shaacisay.

Faduma Dhimbiil waxay sheegtay in Fanaanadii ugu weyneed Jibouti oo lagu magacaabo Xaawo Geelqaad aysan guri heysan sidaas darteedna ay seexato wadada Dekadda Jibouti.

“Sangub guri qurux badan ayaa loo dhisay laakiin nasiibdaro gabadhii fanka iiga weyneed ee Xaawo Geelqaad waxay seexataa dariiqa ,anigana halkaan London ayaan iska joogaa,waa nasiibdaro in sidaasi xukumadda Jibouti u dhaqanto” ayey tiri Faduma Dhimbiil.

Faduma Dhimbiil oo ay hareer fadhiday Fanaanada Aamina Afrik waxay si kulul u cambaareeysay Abwaan Cali Seenyo oo mar walba lagu tilmaamo inuu yahay cunsuri astaan u noqday qabyaalada.

Faduma Ahmed Dhimbiil, Xaawo Geelqaad iyo Nimca Jamac waxay sedexdooda ka mid yihiin Fanaaniintii gobanimadoonka DJibouti kaalinta libaax ka qaatay laakiin nasiibdaro waxaa laga doortay Fanaaniin ka soo jeeda dalka Somalia.

Dadku waxay isweydiinayaan xurmo darada Dowladda Djibouti ku qasabtay in Cali Seenyo loo wakiisho xulida Fanaaniinta maxay tahay?

Halkan ha ka dhageyso warbixinta

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Key oo degdeg looga yeeray Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa u yeeray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Key iyagoona kala hadli doona arrimo xasaasi ah.

Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Nick Key uu immaan doono magaalada Hargeysa 18-ka illaa 19-ka bisha August isla markaana ay kala hadli doonaan arrimo quseeya arrimaha gargaarka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan kala hadli doonin arrimaha siyaasadda iyo wax quseeya Soomaaliya.

Mar uu ka hadlaayay xiriirka u dhexeeya xafiiska UNSOM iyo maamulka Somaliland wuxuu tilmamaay in xiriir fiican uu ka dhexeeyo oo ay lee yihiin wadashaqeyn.

Horrey ayaa maamulka Somaliland ay uga mamnuuceen danjire Key in uu yimaado magaalada Hargeysa waxaana ay sheegeen in uu wakiil u yahay Soomaaliya kaliya.

Waxaa kaloo maamulka Somaliland uu diidday in garoomada ay maamulaan ka soo degaan diyaaradaha u kireesan QM balse go’aankaas mardambe ayey ka laabteen

Ma cadda wax yaabaha iska badalay maamulka Somaliland oo ku aadan in ay xiriir fiican la lee yihiin xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa in ka badan 20-sanno baadi-goob ugu jirta aqoonsi caalami ah, balse ilaa hadda ma aaney helin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Xog: Magacaabista 20 safiir oo ay isku hayaan Bayle iyo xoghayaha joogtada

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf u dhexeeyo Wasiirka arrimaha Dibada Dr Cabdiraxman Ducaale Bayl iyo Xoghayaha joogtada wasaarada Arrimaha Dibada C/llahi Dhool, ayaa soo shaac baxay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka uu ka yimid ka gadaal markii labada Mas’uul ay isku fahmi waayeen qaabka loo kala qeybin lahaa 20-Diblumaasiyiin oo iyagu lagu wado in Wasaaradu ay u kala magacawdo Safaaradaha ay Dowlada Federaalka Somalia ku leedahay dalalka caalamka qaarkood.

Mas’uul ka tirsan Wasaarada ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiir Bayle iyo Xoghayaha joogtada ay isku afgaran waayen shaqsiyaad ay doonayeen inay booska ka saran si ay ula yimaadan kuwo kale, hase yeeshee waxa ay taasi dhalisay in Khilaaf banaanka yimid uu ka dhex curto.

Liiska 20-ka Diblumaasiyiin oo ay Mas’uuliyiintaasi isku fahmi la’yihiin ayaa waxaa kamid ah Prof Gaandi oo isagu loo wado Dalka Canada, waxa ayna u muuqaneysaa inuu qarka ka dhici doono, waa haddii aan xal la dhex dhigin Wasiir Bayle iyo Xoghayaha joogtada wasaarada.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale dusha kala socda madaxweyne Xasan Sheekh, oo inta badan xubnaha wax ka wata.

Dhanka kale, Wasaaradu waxa ay wadaa qorsho Safaaradaha la magacaabayo lagu kala qeybin doono 4.5, wallow ay illo wareedyo sheegayaan inay jirto tiro dheeri ah oo ay iyaga ku darsadeen si ay halkaasi uga macaashaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

KENYA oo dhibaatadii Britain laga soo diiday u weecisay SOMALIA (Warbixin)

Waxa kor u kacay qaadka Muqdisho ka soo gaara Kenya toddobaadyadii la soo dhaafay, tan iyo markii dawladda Ingiriisku ay dhaqan-galisay mamnuuciddii maandooriyaha bishii hore.

Ka hor mamnuucidda, Boqortooyada Ingiriisku waxay ahayd suuqa ugu weyn ee soo dhoofsada qaadka, oo gudaha looga yaqaan miraa.

Xilligan, ganacsatada qaadka Kenyaanka ah waxay inta badan qaadkii u weeciyeen Soomaaliya iyaga oo aad u jabiyay beecii, ayay sheegtay Haboon Sheekh Cali, oo qaadka ku iibisa Isgooyska KM4 ee Muqdisho.

“Ka hor intii aan qaadka laga mamnuucin Ingiriiska, Muqdisho waxa soo gaari jiray inta u dhexeeya 13 illaa iyo 15 diyaaradood oo qaad ah maalintii, laakiin hadda waxa maalin walba yimaada inta u dhexeeya 23 illaa iyo 25 diyaaradood,” ayay tiri. “Taasi waxay sababtay in uu hoos u dhaco sicirkii qaadka, iyada oo hadda halkii marduuf la iibiyo inta u dhexeeysa $5 illaa $10 doollar, halka uu markii hore ka ahaan jiray $15 illaa iyo $20 doollar.”

Diyaarad walba waxay keentaa 80 jawaan oo qaad ah, iyada oo jawaan walba ay ku jiraan 80 marduuf. Taasi waxay la mid tahay in Soomaalidu ay malaayiin doollar maalin walba ku bixiyaan qaadka la keeno dalka, ayay sheegtay Haboon.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdiraxmaan, oo ah dhaqaale yahan bare ka ah Jaamacadda Simad, ayaa sheegay in ay laba-jibbaarantayay saameeyntii dhibaatada uu qaadku ku yeeshay dhaqaalaha Soomaaliya.

Kaliya maaha in qaadku uu hoos u dhigay hantida gaarka ah ee shakhsiyaadka, ee waxa uu sidoo kale dhibaato u geeystay dhaqaalaha dalka guud ahaan sababtoo ah dadka cuna qaadka waxay shaqeeyaan saacado ka yar kuwa aan cunin, taasoo sababtay in uu hoos u dhaco wax-soo-saarkii, ayuu sheegay.

“Tusaale ahaan, haddii u qofku sameeyo $15 maalintii oo uu $10 ku kharash gareeyo qaad, taasi waxay ay dhibaato ku tahay qofka iyo qooyskiisa waayo lacagtaasi waxay ku baxday wax aan manca laheeyn,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

“Sidoo kale waxa uu dhibaato ku yahay dhaqaalaha guud ee dalka marka la fiiriyo in maalin walba qaadka la keeno Soomaaliya, anagana majirto wax alaab ah oo aan u dhoofino dalka laga keeno,” ayuu yiri. “Taa bedelkeeda, lacag kaash ah ayaa dalka ka baxda oo tagta dalka qaadka laga keeno. Marka lacagtaas baxaysa waxa ay dhibaato aad u xun ku tahay dalka Soomaaliya marka la fiiriyo isu dheelitir la’aanta xagga ganacsiga .”

Baaqyo ku aaddan mamnuucidda qaadka

Cabdiraxmaan waxa uu qabaa in qaadka laga mamnuuco Soomaaliya iyo in ay xukuumaddu ku dhiirri-galiso ganacsatada qaadka in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku raadsan lahaayeen oo ku bilaabi lahaayeen ganacsiyo cusub.

“Haddii qaadka la joojiyo, lacagta ku baxda dalka ayay kusoo laaban laheeyd dadka qaadka ka ganacsadana ganacsiyo kale ayay abuuran lahaayeen,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay “waxaa jira suuqyo kale oo hadda aan laga faa’idaysan oo u baahan in laga faa’idaysto.”

Maal-gashadayaasha xukuumadda iyo kuwa khaaska ah ee hadda ku dhex jira ganacsiga qaadka waa in ay maal-gashadaan dib-u-dhiska iyo dib u soo nooleeynta ganacsiyadii beeraha iyo kalluumeeysiga dalka oo ay gacan ka geeystaan dib-u-bilaabidda doorkii ay Soomaaliya ku laheeyd dhoofinta furuudka macaan iyo cunno-badeedka sida canbaha, mooska iyo loobistarka, ayuu sheegay.

Xukuumadda oo maal-gashi ku sameeysa dhinacyadaas waxa ay abuuri kartaa kumanaan shaqooyin ah iyada oo ayan la socon saameeyntii xumeeyd ee uu watay ganacsiga iyo cunitaanka qaadka, ayuu sheegay.

Dhiniciisa, ayuu caalimka diineed ee Soomaaliga ah Sheekh Mukhtaar Xaaji Axmed waxa uu sheegay in uu taageeri lahaa in qaadka laga mamnuuco dalka oo dhan sababtoo ah isticmaalkiisa baahsan ayaa ka mid ahaa sababihii ugu waaweeynaa ee hoos u dhaca dhaqaale iyo bulsho ee ku yimid Soomaaliya.

“Sida ku cad diinteena, wax walba oo dhibaataynaya nolosha iyo caafimaadka qofka waa xaaraan. Sidoo kale qaadka waa maan dooriye, diintana sharci ahaan wax walba oo maanka dooriya way xaaraantinimaysay,” ayuu Axmed yiri. “Marka, waxaan Soomaalida ku boorrinayaa in ay diintooda raacaan oo ay iska daayaan xaaraanta qaadka oo ay lacagtooda iyo nafsaddoodaba ku gubayaan.”

Sida uu qabo Dhakhtar Maxamed Cumar, oo ka shaqeeya Xarunta Caafimaadka Dar es Salaam ee degmada Hodan ee Muqdisho, isticmaalka joogtada ah ee qaadka waxa uu sababaa dhibaatooyin halis ah oo isugu jira kuwo caafimaad iyo kuwo bulsho.

“Qofka qaadka cuna inta badan stress (buufis) ayaa ku dhaca, cudurrada maskaxda ayuuna ugu dambeyn qaadayaa,” ayuu yiri. “Qofkani sidoo kale cunto badan ma qaadanaayo, mar marka qaarna cuntada wuuba iloowaa.”

“Qaadka [sidoo kale] waxa uu keenaa in qoysas badan ay burburaan maadaama aabaha guriga lacagta uu heelo uu ku iibsanayo qaad. Taasi waxa ay keentaa muranno xagga dhaqaalaha ah oo qoysaska dhex mara ugu dambeyntana keena in qoysku uu bur buro,” ayuu yiri Cumar.

Hoos-u-dhaca dhawaan ku yimid qaadka, ee ka dhashay qaadka badan ee sida degdegga uga soo galay Kenya, waxa uu kordhin donaa isticmaalka dadweynaha waxana uu kaliya uga sii dari doonaa saameeynta xun ee isticmaalka ballaarani ku leeyahay gudaha Soomaaliya, ayuu sheegay.

Maxamed Xasan, oo ah 27-jir darawal ka ah gaari weyn oo ka shaqeeya dekedda Muqdisho sameeyana lacag u dhexeeysa $300 iyo $350 bishii, ayaa sheegay in uu maalin walba gato oo cuno qaadka.

“Maalin walba $5 ilaa $10 doolar ayaan qaad ku iibsadaa waanna cunaa, bil walba waxa ay dhamaataa aniga oo deyn la igu leeyahay, iskaba daa in aan lacag meel dhigto.”

“Aniga waxaan jeclaan lahaa in gabi ahaan nalaka joojiyo [qaadka], markaa waxaan ku khasbanaan lahaa in aan cunistiisa dhaafo, oo aan lacag meel dhigto, naag arooso, caruurna aan dhalo,” ayuu yiri. “Laakiin hadda intaasba ma sameeyn karo oo lacagba meel iima dhiganto.”

Isha: Sabahi Online

Ujeedka waftiga QM ee tagay Kismayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Arbaca ah gaaray wafdi ka socda hey’addaha Qaramada Midoobay.

Wafdiga ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxay halkaas kulamo kula yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan mamaulka KMG ah ee Jubba.

Xubnaha wafdiga oo ay horkaceysay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serour ayaa garoonka Kismaayo kulan kula yeeshay madax uu kamid yahay  hoggaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka KMG Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag .
.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ammaanka, sidii Qaramada Midoobey ay gargaar u gaarsiin laheyd dadka gobolka ku dhibaateysan iyo dardar gelinta  dib u heshiisiinta beelaha gobolka dega.

Fatiha Serour  oo ay shir jaraa’id wada qabteen Fartaag ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda gobolka iyo tan magaalada, waxayna shaacisay in 21-ka bisha September shir dib u heshiisiineed lagu qaban doonoKismaayo, kaasoo looga hadlayo in beelaha gobolka ay heshiis gaaraan.

Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa isna sheegay in ay ku faraxsan yihiin kaalinta Qaramada Midoobey ee gobolka.

Wafdiga ayaa markii ay la kulmeen mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba waxay kormeer ku tageen goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada sida dekedda iyo isbitaalka weyn ee Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Dhageyso: Ganacsade carbeed oo loo sharciyeeyey hanti ay lahayd SOMALIA

Sanca (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Yemen ayaa si rasmi ah ugu wareejisey nin ganacsade ah saddex markab oo ay horey u lahayd dowladda Somalia.

Ninka ganacsadaha oo u dhashey Yemen ayaa maraakiibtan ku yeeshay lacag deyn ah oo gaaraysa 2 Malyuun oo Dollar.

Saddexdan markab oo lagu kala magacaabo Cismaan Geedi Raage, Faarax Oomaar iyo 21-ka Octoobar 3, waxaa haatan milkiyadoodu ay hoostagaysaa ninka ganacsada ah.

Dacwadda lagu xukumayay maraakiibtan ayaa soo socotay muddo 7 sannadood ah. Mas’uulliyiin ka socotay dowladdihii Soomaaliya ayaa tagay Yemen si ay arrintan xal ugu helaan, balse kumaysan guuleysan.

Hoos Dhageyso Warbixintan Maraakibta lagu wareejiyay Ganacsade Yemeni ah.

Caasimada Online

Xafiiska Sanca

[email protected]

MUXUU QABTAY BFS SANADKAAN?

Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlaamaanka Soomaaliya ayaa shaley oo Talaado ahayd soo xirtay kulan kal fadhigii 4-aad tan iyo markii la unkay golahan oo ka koobam 275-xubnood.

Haddaba golahan oo la yagleelay sannadkii 2012-ka maxaa u qabsoomay kal fadhigga xilliigan?

Baarlamaanka Soomaaliya oo markii hore ku yimid hannaanka 4.5, ayaa la islahaa wuxuu ka wanaagsan kolkan kuwii horre, waxaana dad badan oo indho-indheeya arrimahan ayaa aaminsan in baarlamaanka hadda shaqeeya ay ku jiraan xubno aqoon yahano ah oo dalka iyo dadka difaaci kara.

Kal fadhigii afaraad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya oo la soo xiray Talaadadii
Kal fadhigii afaraad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya oo la soo xiray Talaadadii

Shaqada baarlamaanka labadii sanno ee la soo dhaafay waxay ahayd mid der-der ku socota, waxaana mahdiyay dad badan, balse sannadkan 2014-ka waxay noqdeen fadhiid oo waxbo ma u hirgalin sidda ay lee yihiin xeel-dheerayaasha siyaasadda.

Kulanka baarlamaanka ayaa maanta la soo xirayaa iyagoo muddo bil aan shaqeyn, waxaana dib u-dhac uu ku yimid sharciyaal la rabay in ay meel mariyaan sannadkan.

Baarlamaanka waxyaabaha u qabsoomay kalfadhiggan waxaa ka mid ah in ay meel mariyeen miisaaniyada 2014-k, ansixinta guddiga adeegga garsoorka, in ay joojiyeen warqada muwaadinimada, iyo in ay u yeereen safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya si ay su’aallo uga weydiiyaan xarig loo geestay mid ka mid ah diplomaasiyiinta safaarada iyo dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan Kenya gaar ahaan xaafadda Islii.

Waxaa kaloo ay ka doodeen qoddobo la aqriyay balse aan la dhaqan galin, balse sidda saxda waxay ahayd baarlamaanka in uu sannadkan qabto shaqo intaas ka badan oo ay ku jirto dejinta habka ay doorasho uga dhici karto dalka marka la gaaro 2016-ka, ansixinta sharciga waxa loo yaqaano argagixisada oo ka soo baxay golaha wasiirada, sameynta nidaamka axsaabta iyo kuwa kale oo badan.

Kalfadhiggan afaraad intii uu socday waxaa dhacay in labo jeer la soo weeraray dhismaha weyn ee golaha baarlamaanka, waxaana ka mid ah kii dhacay 25-kii bishii May kolkaas oo 18-qof oo u badan ciidaamda ammaanka ay ku dhinteen weerarkaas.

Sidoo kale, waxaa xildhibaannada baarlamaanka ay ku waayeen kal fadhigga maanta la soo xiray seddax mudane kuwaasoo ciddii dishay ilaa hadda aan la soo qaban.

Si kastaba, dad badan ayaa aaminsan in aysan dhici doonin doorasho xor ah labo sanno Kaddib, taasna waxaa sababta u ah gaabiska ku yimid shaqadii baarlamaanka, waana taas tan dad badan oo Soomaali ah iyo beesha caalamka ay dhowrayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin caan ah oo ku lug leh colaadda gobolka HIIRAAN

Baladweyne (Caasimada Online) – Xubno ka socda dowladda Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay in in la soo afjaro colaado maalmahan ka taagnaa deegan u dhow magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Xubnahan oo isugu jirra wasiiro iyo xildhibaanno ayaa kulamo la qaatay beesha Xawaadle oo ka mid ah labada beelood ee ku dagaallamay deeganka Deefow oo 40km dhinaca waqooyi kaga beefan Baladweyne.

Waxay sheegeen in dhinaca ay la kulmeen ay isla afgarteen sidii loo soo afjari lahaa dagaallada soo noqnoqday iyagoona xusay in dhinaca kale ay la kulmi doonaan isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ay la qaataan waan-waanta ay wadaan.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Bangax oo ka hadlay kulanka ay la qaateen beesha Xawaadle ayaa sheegay in ogyihiin dagaallada ka socda deeganka Deefow ay ku lug lee yihiin xildhibaanno iyo siyaasiyiin kala jooga Muqdisho, New York iyo London.

Wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaas oo qaar aaney ka soo jeedin gobalka Hiiraan waligoodna aan wax u tarin in ay joojiyaan colaada ay ka hurinayaan labada maleeshiyo beeleed.

Dadka uu carab dhaway waxaa ka mid ah guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe kaasoo uu ku eedeeyay in uu marwalbo ka hadlo colaada ka aloosan deeganka Deefow.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn xusay in colaada ka aloosan beelaha Dir iyo Xawaadle ay soo taagneed muddo labo sanno oo xittaa gobalka Hiiraan ay yimadeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud iyo ra’iisal wasaarihii hore ee Saacid balse ay ku guul-darreesteen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Xasan Sheekh oo ku ballan furay Muungaab, si uu ugu daneeyo abtigiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballantii uu ka qaaday uga baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho General Muungaab, isaga oo u daneynaya abtigiis Sambalooshe.

Madaxweyne Xasan, ayaa horey u go’aamiyey in hay’adda nabad sugidda qaranka qeybteeda Xamar ay hoos tagi doonto Muungaab, si amniga gobolka wax looga qabto, hase yeeshee dib ayuu uga laabtay go’aankaas.

Ilo ku dhow madaxtooyada, ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan Sheekh uu go’aanka qaatay, kadib markii uu ka codsaday taliyaha cusub ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Cabdullahi Sambalooshe.

Sambalooshe, oo abti ugu aadan madaxweynaha, una dhashay beesha Xawaadle, ayaa u sheegay in haddii qeybta gobolka Banaadir ee haya’dda nabad sugidda la hoos geeyo Muungaab uusan wax dhaqaale ah ka sameyn karin, maadaama hay’adda ay ka shaqeyso kaliya Muqdisho.

Sambalooshe, waxa uu ku andacooday inuu ku fshilmay inuu wax dhaqaale ah ka helo safiirnimadii Britain, sidaa darteedna uu u baahan yahay inuu madax banaanaado markan.

Sida ay xogta Caasimada Onine leedahay, Xasan Sheekh ayaa Sambalooshe ugu niyad qaboojiyey in arrinta ah in hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir la hoos geenayo Muungaab ay tahay wax iska war ah, oo aysan jirin wax warqado ah oo la saxiixay, sidaa darteedna uu howshiisa wato.

Sababta ugu weyn ee Nabad sugidda gobolka Banaadir loo hoos geenayey Muungaab, ayaa ahayd in hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh amniga la mideeyo, si wax looga qabto xaaladda amni ee Muqdisho ee sii xumaaneysa.

Is-beddelka Xasan Sheekh, ayaa muujinaya inuusan wax dan ah ka lahayn Muqdisho iyo dalkaba, oo uu danaha shaqsiyeed ka hormarinayo tan qaranka.

Arrintan cusub weli looma sheegin Muungaab, waxaana Xasan iyo Sambalooshe ay ku heshiiyeen in howsha sideeda loo wado, juuqna aan loo oran Muungaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG CUSUB: SOCDAALKA CALI KHALIIF

Burtinle (Caasimada Online) – Sida an ku helayno wararka ka imaanaya degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya inuu halka ka furmayo shirweyne,waxaana gaaray wafti oo horkacayo Cali Khaliif Galayr oo xalay soo gaaray deegaannada Puntland.

Degmada Burtinle waxaa ku wada sugan yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo xubno kale oo deegaanada hoos taga degmada Burtinle.

Inkastoo aysan jirin wax warar ah oo arimahaas ku saabsan oo saxaafadda la siiyay, haddana waxaa la sheegayaa in shirarkan lagaga arrinsanayo colaado soo laablaabtay oo horay uga dhacay deegaanada Qorile iyo Caggaare sidii loo soo afjari lahaa, sidoo kalana waxaa la xusayaa suura galnimada in laga hadli karo khilaafyada siyaasadeed gobolada Sool iyo Cayn .

Xubnaha ka socda deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn waxaa horkacaya xildhibaan Cali Khaliif Galayr oo muddooyinkii danbe ku sugnaa gobolada Sool iyo Cayn deegaano ka tirsan.

Wararka aynu ka helayno dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in shir maanta loo ball-sanaa uu u baaqday kaddib xubno shirka ka qayb gali lahaa oo ku geeriyooday shilkii gaari ee shalay galab ka dhacay halka loo yaqaan gooladda oo ku dhaw Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XAMAR waxaa goor dhow ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleesiyaad ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa ay goor dhow dil ka geysteen Xaafada Soona key Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa loo geystay Askari ka tirsanaa militeriga Somalia, waxaana Dilkiisa si cad u fuliyay dhalinyaro iyagu kasoo raacay meel lagu qayilo, iyagoona dilka ka hor u yeeray markii ay hubsadeena Rasaas ku furay.

Goobjooge ayaa inoo xaqiijiyay in Kooxda Dilka geystay ay Sargaalka rasaasta uga dhufteen qeybaha kore ee jirkiisa, gaar ahaan Madax, wadnaha iyo Caloosha, waxaana lagu dhuftay illaa Todobo rasaas oo uu u geeriyooday.

Dilka kadib sidii caadaduba aheyd waxaa durbadiiba goobta gaaray Ciidamada Dowlada oo halkaasi ka sameeyay Howlgalo lagu qabqabtay dad badan.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Degmada Hodan, ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan Dilka Sargaalka waxa ayna sheegen inay dib uga hadli doonaan markii ay soo idlaato baaritaano lagu sameynaayo dadka la qabqabtay.

Dhanka kale, Dilka Sargaalkaani ayaa waxa uu noqonayaa dilkii Lixaad oo muddo Laba asbuuc ah ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxa uuna daba socdaa dilal maalmahaani ka kala dhaca Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh oo BF u sheegay waxyaabihi ku qornaa WARQADDII uu u diray QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baarlamaanka u faah-faahiyay wax yaabaha ku qornaa warqad uu u qoray Qaramada Midoobay taasoo looga hadlaayay xadeynta badda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in ay xaq u lee yihiin inay QM kala hadlaan arrimaha bada Soomaaliya waxaana uu xusay in waxbo aan laga badali doonin halkii uu ahaa xadka bada Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu sheegay haddii aan Qaramada Midoobay loo qori lahayn warqadaas oo uu isaga saxiixay in ay halis ku jirtay dhirirka badda.

Xasan Sheekh Maxammuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa xildhibaannada baarkamaanka u sheegay in dhirirka badda Soomaaliya uu yahay 350 nautical miles .

“Soomaaliya waxay leedahay badda ugu ballaaran qaarada Afrika, biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed. Waxaanna nagu waajib ah Iilaalinta biyaha Soomaaliya. Xuquuqda ummad walabi waxaa lagu ilaashadaa sharuucdeeda iyo sharuucda caalamiga Soomaaliyana waxay xubin ka tahay dalalka saxiixay heshiska baddaha caalamiga. Isbuucii la soo dhaafay waxay Dowladda Soomaaliyeed diiwaangashatay 350 nautical miles oo ah biyaheenna xaqa aanu u leenahay’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka hadlay eedeen dhawaan ka soo baxday guddiga dabagalka cunaqabateenta hubka ee Soomaaliya iyo Eretria kuwaasoo ku eedeey xubno ka mid ah wasiiradii hore iyo isaga in ay lunsadeen lacago badan oo Soomaaliya u yaalla dibedda.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay arrintaas ka jawaabeen isla markaana looga gun lee yahay warbixinta UN Monitoring mid lagu wax yeeleenaayo horrumarka Soomaaliya.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay kulan uu maanta baarlamaanka Soomaaliya lahaa kaasoo lagu soo xiraayay fadhigiisa afaraad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Akhriso: Liiska magacyada Soomaalidii ku geeriyooday xeebaha TALYAANIGA

Libya (Caasimada Online)- Waxan halkaani idinkugu soo gudbineynaa Liiska qaar ka tirsan Muhaajiriintii Soomaaliyeed ee Asbuucii tagay ku geeriyooday Badda u dhexeysa Dalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Liiska ayaa waxa uu isugu jiraa kuwo ay awooda u deyrisay oo badda isku tuuray iyo kuwo la socday Dooni badda uga dhex halowday Badda oo qaar kamid ah ay bad-baadiyeen Maraakiib ganacsi oo laga leeyahay Dalka Talyaaniga.

Haddaba Shabakada Caalamiga ah ee Caasimada waxa ay kusoo bandhigeysaa qeyb ka tirsan Liiska dadkii Badaasi ku geeriyooday waxaana kamid ah:-

1-                 Aadan C/llahi Muse (Bad-baado)  SANADKA 42 Jir

2-                 Axmed (Indha kuul)   SANADKA 22 Jir

3-                 Abshir ……..      SANADKA 32Jir

4-                 Xamdi Xaashi   SANADKA 24-Jir

5-                 Najax Guure  SANADKA 27Jir

6-                 Ilyaas Nuuradiin

7-                 C/llahi Xassan  SANADKA 26Jir

8-                 Najmo Xusein   SANADKA 21Jir

9-                 Saleeman Abuukar  SANADKA 24Jir

10-             Saabir …….

11-             Cali Xassan  SANADKA 22Jir

12-             Salaad Ibraahim  SANADKA 36Jir

13-             Ibraahim C/llahi  …..

14-             Cabdinaasir Faarax  SANADKA 27Jir

15-             C/qaadir ….. (Dal-nuurshe)  SANADKA 34Jir

16-             Dahadir Maxamuud  ……

17-             Saadaq Xassan Cabdi   SANADKA 31Jir

18-             Salmaan Xashi Nuur  SANADKA 23Jir

19-             Nuuradiin Abdullahi …..

20-             Axmed Ibraahin SANADKA 31Jir

21-             Ismaaciil Hiraabe  SANADKA 23Jir

22-             Samiiro C/fitaax  SANADKA 19Jir

23-             C/raxmaan Salaad  SANADKA 24Jir

24-             Maxamed Maxamuud  SANADKA 28Jir

25-             Axmed Nuur C/kariin …

26-             C/llahi Axmed Nuur  SANADKA 26Jir

Ugu dambeyntii, waxan Akhristayaasha u balan qaadeynaa inaan usoo dhameystiri doono Magacyada ka harsan kuwa Geeriyooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan waa madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara dalka, sidaas waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka qeybgalay kulan looga soo horjeeday maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyagoona ku eedeeyay in ay isku baheesteen in la beegsado beelo gaar ah oo deggan gobalka Shabeellaha Hoose.

Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu wado barakicin uu ku hayo beelo gaar ah oo deggan gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in ay beesha caalamka u gudbin doonaan qoraalo muujinaya dhibaatada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay ku hayaan beelahaas sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu shegay oo kale Ugaaska in dalka Soomaaliya ay soo mareen madaxweynayaal balse madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud uu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara dalka.

Wuxuu sheegay oo kale in marnaba aaney yeeli doonin in lagu tunto xuquuqdooda isla markaana ay diyaar u yihiin in ay dagaallamaan sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayuu ka sheegay Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey kulan ballaaran oo ka dhacay Muqdisho ayna ka qeybgaleen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh. oo waji gabax aan horay loo arag kala kulmay Xildhibaannada BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo wareedyo ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu maanta waji gabax aan horay looga baran kala kulmay Golaha shacabka xilli uu halkaasi ka jeedinaayay Khudbad uu kusoo xiraayay kalfadhigii 4aad.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in Madaxweyne Xassan inta uu Khudbada jeedinaayay Xildhibaanada ay Xarunta ka sameynayeen buuq iyo sawaxan oo ay Wakhtiga uga luminayeen Madaxweynaha, iyadoona ay wararku intaa kusii darayeen in Xildhibaanada qaar ay Madaxweynaha weydiinayeen Su’aalo xiliga uu kalfadhiga xirmay.

Xassan Sheekh oo aan kalsooni xiligaani ka heysan Golaha shacabka, ayaa waxaa la sheegayaa inay madaxa lu xayeen goortii uu jeedinaayay Khudbad uu ku dafiraayay Lunsashada Hantida Qaran iyo damaca iibsashada qeyb kamid ah Badda Somalia.

Xassan Sheekh ayaa waxa uu walaac ka heystaa dhanka Xildhibaanada, waxa uuna Khudbadiisa ku soo qaatay wararka sheegaya Xildhibaanada kasoo horjeedo isaga, wuxuuna ka codsaday inaysan la soo degdegin Mooshinada iyo maja xaabinada ay wadaan, si loosoo afmeero waxa uu ugu yeeray Cadowda Dowlada.

Dhanka kale, waxaa maanta la arkayay inta uu kalfadhiga socday Xildhibaano saaxiib dhow la ahaa Xassan oo iyagu Salaanta iyo hadalka la baalmaray, waxaana la rumeysan yahay in Xassan uu Xildhibaanada qaar ku balaminaayay inay Caawa Villa Somalia, waxa uuna Xassan uu muujinaayay maanta walaacy ka heysta dhanka Siyaasada iyo Baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

BASHIIR GOOBE oo dhaqaale culus ku iibsaday xubin ka tirsan BF SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xarunta Golaha shacabka Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia ayaa sheegaya in Agaasimihii hore ee Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Bashiir Maxamed Jaamac goobe loo dhaariyay Xubin ka tirsan Baarlamaanka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Bashiir Goobe uu xilkaasi ka iibsaday Xildhibaan lagu magacaabi Jiray Qaasim Maxamed, waxa ayna wararku Tilmaamayaan in xilkaasi uu ka baxshay lacag kor u dhaafeysa 120,000$ oo dollar.

Bashiir Goobe, ayaa waxa uu ku fashilmay Hay’ada Nabadsugida Qaranka Somalia, waxa uuna xilkaasi ku iibsaday Hantidii uu kala soo guuray Qasnadaha Hay’adda Sirdoonka Somalia.

Lacagaha uu Bashiir Goobe ku iibsaday Xilkaasi, ayaa waxaa kamid ah Mushaarka shaqaalo ka tirsanaa Hay’adda oo aan xuquuqdooda la siin in kabadan Sanad, halka Ciidamo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Sudan ay iyaguna muddo 3-Bil ah ay shaqeynayaan Mushaar la’aan kuwaasi oo naftooda lagu haligo furumaha badi ay ka dhacaan dagaalada iyo Qaraxyadda.

Dhaarinta Bashiir Goobe ayaa waxa ay ka turjumeysaa qaabka ay Dowladda Xassan Sheekh u lunsanayaan Hantida Qaranka maadama uu Goobe lunsaday Hantida iyo Mushaarka shaqaalaha Dowlada.

Dhanka kale, waxa ay dadku is weydiinayaan waxa uu Bashiir Goobe kusoo biirin karo Golaha shacabka maadama uu lunsaday Hantidii shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

C/WELI oo xiray albaabkii Villa Somalia ee gurigisia ku aadanaa (Kala shakiga isaga iyo Xasan oo meel xun maraya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaare Cabdi Weli, ayaa albaabkii madaxtoyada ee gurigiisa ku aadanaa xiray kadib markii uu ka shakiyay baabuurta ka soo baxda dhinaca xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Go’aanka Cabdi Weli ku dhiiraday wuxuu ka marqaati kacay inay dhamaatay is aaminaadii ka dhaxeeysay isaga iyo Madaxweyne Xasan.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Somalia, wuxuu magacaabay guddi xafiiskiisa ka tirsan, kuwaas oo qiimeeyn ku sameeynaya dhismaha afisyooni si golaha xukumadda loogu raro deegaankaas.

Cabdi Weli iyo Wasiir Faarax Cabduqadir ayaa god dheer ku hubsaday Xasan, kadib markii ay kala dileen isaga iyo beeshiisa, oo iminka ka fakareysa inay ku biirto mooshin ka dhan ah.

Cabdi Weli, wuxuu sidoo kale siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan gudaha uga adkaaday Xasan Sheekh, oo maanta lagu wado inuu hortago golaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada mucaaradsan madaxweynaha, ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan isku aaminin doonin golaha Baarlamaanka oo la filayo in la soo xiro, sidaas darteed waxay dhamaantood ku xog warameen inay ka baaqsan doonaan sababa la xiriira amaankooda.

Xildhibaan Faysal ayaa hore loogu dilay Villa Somalia, sidoo kalena weerarkii Ra’iisul wasaaraha ayaa laga shaki qabaa inuu abaabulay Faarax C/qaadir, si loo khaarijiyo Cabdi Weli.

Sida muuqata Muqdisho waxay dib ugu laaban doontaa nidaamkii awooda beelaha iyo hogaamiye kooxeedyada maadama Madaxda Dowladii laga sugayay inay ku shaqeeyso Dastuurka ay sharciga oo lagu dhaqmo ka doorteen hanaanka sharci darada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Cabdi Waal “Wadanka waxaa qabsaday nin aan waxba kala ogayn, DOWLADDA QATAR ayaana arrintaas sabab u ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdi Nuur Siyaad (Cabdi Waal), ayaa wuxuu eedeymo xoogan uu u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdi Nuur Siyaad, ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inaanu waxba kala garanayn, ayna Dowladda Qatar ka gacan siisay inuu Madax ka noqdo dalkaan. Isla-markaana ay cid kasta ogtahay in xaalad khatar badan uu dilku ku sugan yahay, sida uu yiri.

“Wadanka waxaa qabsaday nin aan waxba kala ogayn, Dowladda Qatar baana u qabatay. Dalku wuxuu ku sugan yahay xaalad khatar badan, oo cid kasta ay maanta dareensan tahay.” ayuu yiri Cabdi Nuur Siyaad.

Wuxuu Madaxweynihii hore ee Soomalaiya Shariif Sheekh Axmed uu ku ammaanay, nin ka warqaba xaalada dadkiisa, wax ka maqla, waxna ka qaata, sida uu hadalka u dhigay.

“Shariifka wuxuu ahaa nin dadkiisa ka warqaba, xaaladooduna la socdo. Shariif wuxuu ahaa nin Oday ah oo wax ka maqla dadkiisa, waxna ka qaata.” ayuu yiri Cabdi Nuur Siyaad.

Wuxuu kaloo yiri “Laakiin Xasan Sheekh cid uu wax ka maqlaayo malaha, cid uu wax ka dhageysanaayana lama arko, bulshaduna way la socotaa wax kastaa oo uu yahayba.”

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku eedeeyay inuu halis ugu jiro inuu iibiyo qaybo ka mid dalka, xilli uu soo haadalqaaday in Xeebaha Soomaaliya, uu qayb ka mid ah uu iibinaayo, sida uu yiri.

“Xasan Sheekh wuxuu halis ugu jiraa inuu dalka ka iibiyo dad kale. Hadda arrinta Badda waad la socotiin wuxuu rabaa inuu iibiyo, warqad buuna u gudbiyay Qaramada Midoobe, waana soo bandhigi doonaa iyadoo qoraal ah.” ayuu yiri Cabdi Waal, isagoo la hadlaaya Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdsho.

Waxa uu intaa ku daray “Shirkadaha Ajnabiga waxay lee yihiin heshiiskaas noo saxiix ma soo bandhigeyno, hadana bulshada waxay xogta ka heshaa shirkadahaasi, maxaa yeelay ma rabaan wax qarsoodi ah, iyagaana ka helnay dekumentiga aan soo bandhigi doono.”

Cabdi Waal, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu is casilo, isagoo ka jawaabaaya baaqii 5-tii bishii May ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka, ee ahaa in uu is casilo, haddii dadkii Somaliyeed ay ka niyad ka jabeen Dowladda uu garwadeenka ka yahay.

“Xasan Sheekh waxaa u sharaf ah inuu qaato dalabkii ay u soo jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka, ee inuu iska casilo xilkaan. Shacabka kalsooni daro weyn ayay ka muujinayaan Dowladdii.” Sidaasi waxaa yiri Cabdi Waal.

Isha: Dhacdo.com

Xasan oo maanta laga cabsi qabo inuu BFS kala kulmo wax uusan fileyn iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Talaadada maanta ah la filayaa in la soo xiro fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Somaliya, iyadoona ay Xarunta xiligaani ku qulqulayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Kulanka ay maanta wada qaadanayaan Golaha shacabka, ayaa waxa uu noqonayaa kulankii koowaad, markii laga soo bilaabo Qaraxyadii is xigxigay ee lagu weeraray Xarunta, waxa ayna maanta wadaan kulankii lagu soo xiri lahaa fadhiga 4-aad.

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa soo xiri doono Madaxweyne Xassan Sheekh oo isagu maalmahaani ka ganbanaayay inuu hortago Baarlamaanka, balse maanta ayaa waxaa laga mamaarmaan ah inuu halkaasi gaaro, iyadoona la filaayo inuu ka jeedin doono Khudbadii uu kusoo xiri lahaa, wallow Madaxda qaar oo noo xog waramay inoo xaqiijiyeen inuu Khudbadiisa Culeys badan ku saari doono Xifaaltanka kala dhexeeyo Golaha Shacabka.

Xassan Sheekh ayaa waxaa la filayaa in Khudbadiisa uu uga faa’iideysan doono Eedeymaha ku saleysan Lunsashada Hanti Qaran iyo iibsashada qeybo kamid ah Badda Somalia.

Xassan Sheekh, ayaa waxa uu maanta hortagayaa Xildhibaano caaboon oo maalmahaani dhaleeceen iyo Eedeymo uga jeedinaayay Warbaahinta, waxaana la sheegayaa in Xassan uu Saaka ku sugan yahay xaalad Walaac, isagoona ka cabsi qaba inuu waji xun kala kulmo Xildhibaanada.

Dhanka kale, Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaan wax kulan ah isugu imaan Xarunta Golaha Shacabka, kadib weerarkii ismiidaaminta ee 5-tii bishaan ka dhacay barxada Sayidka, oo ku dhow Xarunta Baarlamaanka.

Lama Oga sida uu Saakay Xassan uga hor Khudbeyn doono Golaha shacabka, waxa uuna halkaasi gaarayaa iyadoo uu dayacay Ammaanka, iibsaday Badda iyo Hantidii Qaranka oo uu Lunsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho  

[email protected]

Maraakiibta sunta ku daadiya xeebaha SOMALIA oo hab lagu ogaado la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday in ay kaamirooyin ku xirto xeebaha Soomaaliya kuwaasoo ka socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta shisheey ee suntan ku daadiya xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeesiga iyo kheyraadka Maxamed Colow Barrow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ay dhammaatay maraakiib shisheeye in ay sun ku daadiyaan xeebaha Soomaaliya kuwaasoo gurta kheyraadka uu alle ku maneestay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in wixii hadda ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin in xeebaha Soomaaliya lagu daadiyo sun iyo wax yaabo khatar leh.

Mar uu ka hadlaayay cidda ku caawineysa in kaamirooyin lagu xiro xeebaha Soomaaliya, wasiirka ayaa xusay in ay jiraan waddamo badan oo ay saaxibo yihiin kuwaasoo ku caawin doona in goobo ammaan ah laga dhigo xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka waxaa kaloo uu ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ilaaliso xeebaha Soomaaliya oo 20kii sanno ee la soo dhaafay noqday kuwa loo soo waarido suntan halis ah iyo haraadiga wax yaabaha ka soo hara warshadaha caalamka.

Si kastaba, marar badan ayaa laga digay in ay ka dhalan karaan khataro xagga caafimaadka iyo deeganka ah suntan lagu daadiyo xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa hadda ka soo kabaneysa dagaalladii ka dhacay dalka waxaana dib loo yagleenayaa ciidankii badda waardiyeen jiray in kastoo dowladda tabarta daran ee taageerada ka hesha caalamka aysan arrintaas ku guuleesan karin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]