28.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Maraakiibta sunta ku daadiya xeebaha SOMALIA oo hab lagu ogaado la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday in ay kaamirooyin ku xirto xeebaha Soomaaliya kuwaasoo ka socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta shisheey ee suntan ku daadiya xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeesiga iyo kheyraadka Maxamed Colow Barrow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ay dhammaatay maraakiib shisheeye in ay sun ku daadiyaan xeebaha Soomaaliya kuwaasoo gurta kheyraadka uu alle ku maneestay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in wixii hadda ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin in xeebaha Soomaaliya lagu daadiyo sun iyo wax yaabo khatar leh.

Mar uu ka hadlaayay cidda ku caawineysa in kaamirooyin lagu xiro xeebaha Soomaaliya, wasiirka ayaa xusay in ay jiraan waddamo badan oo ay saaxibo yihiin kuwaasoo ku caawin doona in goobo ammaan ah laga dhigo xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka waxaa kaloo uu ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ilaaliso xeebaha Soomaaliya oo 20kii sanno ee la soo dhaafay noqday kuwa loo soo waarido suntan halis ah iyo haraadiga wax yaabaha ka soo hara warshadaha caalamka.

Si kastaba, marar badan ayaa laga digay in ay ka dhalan karaan khataro xagga caafimaadka iyo deeganka ah suntan lagu daadiyo xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa hadda ka soo kabaneysa dagaalladii ka dhacay dalka waxaana dib loo yagleenayaa ciidankii badda waardiyeen jiray in kastoo dowladda tabarta daran ee taageerada ka hesha caalamka aysan arrintaas ku guuleesan karin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Maxay beesha Cumar Maxamuud ugu yeertay Prof. Cali Khaliif GALAYR?

Bursaalax (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galayr oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka dhawaanahanna ku mashquul sanaa sida uu sheegay xoraynta Deegaanada ay gacanta ku hayso Somaliland ayaa ku sugan Deegaanka Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Islaan Bashiir Islaan C/Dulle iyo Odayaal dhaqameed kale.

Xog aan helnay waxa ay sheegeysaain Cali Khalif oo ku socda magaca Khaatumo uu Gogol u fidiyay Islaan Bashiir Iyagoo ka wada hadlaya Dagaalka u dhexeeya khaatumo iyo Somaliland iyo Sida Beesha Cumar Maxamuud ay kaalin uga qaada lahaayeen Dadaalka loogu jiro Dib u xoraynta Gobolada Maqan.

“Waxaa nasoo wacay Islaan bashiir wuxuuna lasoo hadlay Garaad Jaamac wuxuuna u sheegay in beesha Cumar Maxamuud ay si iskeed ah diyaar ugu tahay Taageerida Khaatumo kadibna waxaanu inagoo wafdi ah nimid Tuulada Bursaalax oo si wacan naloogu soo dhaweeyey hada halkaasi ayaanu ku sugan nahay waxaana nasoo dhaweeyey Islaan bashiir odoyaal dhaqamee kale” Waxaa sidaas yiri mid ka mid ah Xoghaynta Cali Khaliif Galayr.

Cali khaliif ayaa sida wararku sheegayaan lagu wareejin doonaa Hub iyo Ciidan si uu ula tagaalamo maleeshiyaadka Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool waxaanaCali uu wali ku sugan yahay Deegaanka Bursaalax.

Dr Cali Khaliif galayr oo mar Somaliya ka noqday Ray’sulwasaare ayaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ku sugnaa safaranana ku marayey degaano kala duwan ee Sool iyo Cayn,dhawr jeer ayaa ciidamada u gaarka ah iyo kuwa Khatumo ay dagaalo la galeen maleeshiyaad ka tirsan maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Daawo ciidamo la diyaarianyo & dagaal la rabo in dib loogu qabsado magaal…

Saaxdheer (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay Deegaanka Saax-dheer ee gobalka Sool, waxa ay sheegeysaa in halkaas lagu diyaarinayo ciidamo aad u fara badan oo la doonayo inay xaqiijiyaan deegaanada goballada maamulka Khaatuma oo ay hadda qaarkood ku sugan yihiin ciidamada maamulka Somaliland.

Somaliland, ayaa weli haystay deegaano ka mid ah maamulka Khaatumo, waxaana qorshaha uu yahay in ciidamadan la diyaarinayo iminka ay qaadaan weerarro ka dhan ah ciidanka Somaliland.

Waxaa sidoo kale Saax-dheer ku sii qul-qulaya odaydhaqameedyo deegaanada Khaatuma ka soo jeeda, kuwaasoo iyana qeyb ka ah ololaha looga soo horjeedo ciidmaada Somaliland ee ku soo duulay Taleex.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
[email protected]

Go’aanno kasoo baxay shir ay beelaha HAWIYE ku yeesheen dalka NORWAY

BAAQ TAAGEERO GO’AANADII KASOO BAXAY SHIRARKII ODAYAASHA IYO XILDHIBAANADA BEELWEYNTA HAWIYE EE MUQDISHO, TAARIIKHDIISU KALA AHAYD 19/20-07-2014

Jaaliyadda beelweynta Hawiye ee Norway  oo ka kooban siyaasiyiin, aqoon yahano, suldaano, culumaa udiin wax-garad  magacyadooduna ku saxiixan yahay baaqan, ayaa shir deg deg ah oo ay ku yeesheen xarunta wadanka Norway ee Oslo taariikhdu markii ay ahayd 20-07-2014, ayaa  dood dheer iyo falanqayn marxaladda wadanku marayo kadib, waxay kasoo saareen baaq taageero ah kaasoo si buuxda loogu taageeray, go’aanadii shirarkii isdaba joogga ahaa ee beelweynta hawiye go’aano adag kaga soo saareen kaasoo ay si buuxda uga soo horjeesatay siyaasadda dawladda ay ku aqoonsatay gobolada Koofur Galbeed ayadoo gobolka Shabeelaha hoose magac ahaan loogu buuxsaday kaasoo qilaafsan dastuurka kmg ah ee dalka u yaalla isla markaana loo tix gelinin rabitaanka dadka dega Shabeelada Hoose.

Jaaliyadda Beelweynta Hawiye ee Norway, waxay si buuxda u taageeraysaa in gobolka Shabeelaha Hoose uu ka mid yahay Shabelle State si waafaqsan dastuurka kmg ah ee dawladdu ag martay.

Sida la wada ogsoon hanaanka federaalaynta dalka sida dastuurka kmg ah ee u yaalla dalka dhigayo, in labo gobol iyo wixii ka badan is raaci karaan haddii dadka degaanku ku heshiiyaan. Sidaasi awgeed, ayadoo Jaaliyaddu ka duulayso habraaca ay dawladdu u martay dhaqan gelinta arrimaha sare ku xusan kaasoo ay dawladdu si cad ugu dhinac martay dastuurka, waxay kalsoonidii ay u haysay kala noqotay Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli.

 

Geba-gebadii, waxay baaq u dirayaan dhammaan bulshada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee daneeya siyaasadda Soomaaliya in baaqaani yimid kadib markii ay dawladdu iska indha tirtay dastuurkii kmg ahaa ee u yaalay dalka, isla markaana waxay ka codsanaysaa Jaaliyaddu in baaqan ay u tix-geliyaan mid aan wax gor-gortan siyaasadeed ah laga geli karin in gobolka Shabeelle Hoose  ka mid tahay Maamulka Shabelle State.

MAGACYADA XUBNAHA JAALIYADDA BEELWEYNTA HAWIYE EE NORWAY

  1. D/Sare Shahar Cabdi Afrax —— Guddoomiyaha Jaaliyadda
  2. Gud/Sul. Cabdiqawi Cabdi Faray
  3. Gud. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Khaliif
  4. Xil. Axmed Cali Wacays
  5. Inj. Cabdi Shiikh Axmed
  6. Inj. Axmed Aadan Cali
  7. Dr. Maxamed Xasan Daldalan
  8. Dr. Cabdiqaahir Cismaan Xasan
  9. Av. Faarax Guutaale Geeddi
  10. Cabdulaahi Xasan Kulmiye (Xoghaya Jaaliyadda)
  11. N/don. Shire Maxamud Geeddi
  12. Col. Maxamed Suudaani
  13. Col. Xabad Axmed Maxamed
  14. Haaruun Cali Shiilaale
  15. Xuseen Cismaan Nuur
  16. Cabdulaahi Aamiin Barre
  17. Cabdullaahi Jugjug
  18. Maxamed Aadan Nuur
  19. Bashiir Maxamed Axmed
  20. Caagane Cabdalle Sacad
  21. Diiriye Maxamed Guure
  22. Axmed Maxamed Cali
  23. Cabdulaahi Maxamud Siyaad
  24. Cismaan Cabdikaahin Cabdulle
  25. Cabdinaasir Jaamac Axmed
  26. Cabdiqadar Cali Cabdi
  27. Cali Salaad Cabdi
  28. Cabdinaasir Tabaarak Cali
  29. Faarax Sabriye Maalin
  30. Cabdinaasir Cabdullaahi Faarax
  31. Axmed Qare
  32. Axmed Siyaad Maxamed
  33. Cali Warsame Cabdi
  34. Ciise Xasan Rooble
  35. Sh. Axmed Aadan Dheere

Caasimada Online
Xafiiska Oslo
[email protected]

Xog: Ujeedada Wafdi ka socda IGAD iyo Midowga Yurub oo tagay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareyn wafdi ka kala socda IGAD iyo Midowga Yurub.

Wafdigan ayaa kulamo albaabada u xiran kula qaatay garoonka diyaaradaha Kismaayo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka kumeel-gaarka ee Jubba.

Xog badan lagama hayo kulanka ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo saxaafadda banaanka ayey ka joogtay, balse waxaa la lee yahay wafdigan waxaa socdaalkooda uu la xiriiraa siddii loo taageeri lahaa maamulka KMG ah ee Jubba.

IGAD waxay ka mid tahay dhinacyada taageersan maamulka KMG ah ee Jubba ee ka dhisan magaalada Kismaayo.

Ammaanka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay intii ay joogeyn wafdiga gaar ahaan garoonka Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

War fiican oo HIIRAAN ka soo yeeray !!

Muqdisho(Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Saalax oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay guulo ka gaareen natiijadii ay u tageen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in iminka uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacaya duleedka magaalada Beledweyne oo u dhaxeeya ciidamadii halkaasi ku dagaalamayay ee kala matalayay maleeshiyo beeleedka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maleeshiyaadkii dagaalamay aysan is horfadhin oo lagu guuleystay in la kala qaado, walina ay wadaan kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan maleeshiyadii dagaalantay xubno matalaya.

Wuxuu eedeeyay dad uu sheegay inay siyaasiyiin sheeganayaan kuwaasi oo Idaacadaha qaar ka hurinaya dagaalada ka dhacaya deegaanka Deefow ee duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

“Wax dagaal ah hadda ma jiro maleeshiyaadkii waa la kala qaaday, waxaa noo socda kulamo aan dadka la qaadaneyno, waxaa colaada sii hurinaya dadka siyaasiyiinta sheeganaya iyo Media-yaha Xamar”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha.

Maalintii shalay kulan ay isku mari waayeen wafdiga dowlada ee gobolka Hiiraan u dirtay iyo midka mid ah maleeshiyaadka dagaalamay xubno matalayay ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Deefow ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo barakac ay sameeyeen dadka lagu dul dagaalamayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Haweenka Soomaaliyeed oo ka shiray kaalintooda siyaasadda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online0 – Kulan ay isugu imaadeyn Haweenka Soomaaliyeed oo isugu jira Xildhibaano, Hooyiiyin iyo Gabdhaha Dhalinyada ah ayaa ku dhaqaaqay talaabo loo baahnaa waa hore balse waqtigeeda hada timid, oo ay uga arrinsanayaan kaalintoda ku aadan siyaasadda dalka.

Arinkani ay ku dhaqaaqeyn Haweenka Soomaaliyeed ee ah laf dhabarka Bulshada ayaa waxaa soo dhoweeyay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

DUQII GAALKACYO oo geeriyooday

Garoowe (Caasimada Online)- War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in goor dhow uu geeriyooday ku xigeenka Duqqa Degmada Gaalkacyo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mas’uulkaasi oo lagu magacaabayay Cabdi Ismaaciil Faarax (Ciiro) oo horay u ahaan jiray ku xigeenka Duqqa Degmada Gaalkacyo uu ku geeriyooday Shil Gaari oo ka goordhawayd ka dhacay Inta u dhexaysa Deegaanka Cagaaran iyo Magaalada Gaalkacyo.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada, ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu la rogmaday Mas’uulkaasi durbadiina halkaasi uu ku naf baxay.

Allaha u naxariistee ku xigeenka Duqqa Degmada Gaalkacyo, ayaa waxaa xiligaasi la socday Laba ruux oo aan la garaneynin sida uu xiligaani Caafimaadkoodu yahay, wallow Saraakiisha Caafimaadka ay sheegayaan in midi uu dhaawac yahay labadaasi ruux.

Dhanka akle, Meydka Ciiro ayaa waxaa goor dhow la geeyay Isbitaalka Al-xayaat ee Magaalada Gaalkacyo.
Cabdi ismaaciil Faarax (Ciiro) Sidoo kale waxaa uu hadda ka tirsanaa 27-ka Xubnood ee golaha Deegaanka, waxaana sidoo kale uu mar labaad u tartamay Ku xigeenka duqqa Degmada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Mas’uul ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay caawa

Muqdisho (Caasimada Online)- War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan waxyar ka hor lala eegtay Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay isla Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir, waxaana lasoo sheegayaa in iminka halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidamadda Dowlada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ku geeriyooday, Gudoomiye Waaxeedka oo lagu Magacabi jiray Dooli,waxaana uu ka mid ahaa Gudoomiye Waaxeedyada Degmada Wardhiigleey.

Qaraxa ayaa la sheegay in Garigiisa loogu Xiray,waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeeysa Isgoyska Cali Kamiin iyo Furayaasha ee Degmada Wardhiigleey.

Gudoomiyaha Wardhiigleey Yaasiin Nuur Ciise oo ka hadlay Qaraxa ayaa waxa uu sheegay inuu geeriyooday Gudoomiye Dooli,kaas oo Caawa lagu Qarxiyey Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Beelaha HAWIYE oo ka fekeraya ku biirista mooshin ka dhan ah XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Hawiye, ayaa u dhowaanaya inay ku biiraan mooshin laga diyaarinayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka socda magaalada Muqdisho.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Wada-hadallo u socda siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Hawiye, ayaa looga hadlayaa in beelaha Hawiye ay dan ugu jirto inuu meesha ka baxo Xasan Sheekh iyo in kale.

Inta badan, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo shacabka Hawiye, ayaa aaminsan in beesha ay Xasan Sheekh ka faa’iiday kaliya inuu xaqeedii duudsiiyo, isaga oo aan lahayn karti uu ku hor-istaago fidnada uu wado ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba inaan Xasan Sheekh meesha laga saarin, balse ay beesha si kale isaga dhiciso dowladda, hase yeeshee inta badan waxa ay u eg tahay in la isku raaci doono in Xasan Sheekh mooshin laga geeyo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka, ayaa hadda Muqdisho ku diyaarinaya mooshin lagu ceyrinayo Xasan Sheekh, waxaana taageero kasta oo ka timaada beelaha Hawiye ay ka dhigan tahay in maalmihii Xasan ay soo gebo geboobi doonaan.

Waxaa sidoo kale ay taasi soo af-jari doontaa fidnada raa’iisul wasaare Cabdi Weli, oo haddii madaxweynaha uu dhaco, isna dhici doona.

Beelaha Hawiye, ayaa xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya, kadib markii ay gobolka Sh/Hoose raacisay Bay iyo Bakool, inkasta oo ay jirto xaqiiqda ah in gobolkaas ay Hawiye u badan yihiin.

Xasan Sheekh, waxa uu sidoo kale gobollada Jubboyinka horey ugu xalaaleeyey kooxda Axmed Madoobe.

Go’aanka Hawiye ee mooshinka Xasan, waxaa la filayaa maalmaha soo socda. Beelaha Hawiye, ayaa ku kalsoon in cid aan ayaga ahayn aysan waqtigan madaxweyne ka noqon karin Somalia, maadaama dowlad aysan raali ka ahayn aysan joogi karin Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Boliiska Kenya oo baaraya arrin naxdin badan oo ka dhacday xaafadda ISLII

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska Kenya ayaa baaraya dilka nin Soomaali ah oo meydkiisa laga helay xaafad ku taalla Nairobi.

Marxuumka oo ka mid ah ganacsatada xaafadda Islii ee Nairobi ayaa lagu magacaabi jiray Maxammuud Cabdi Maxammuud, waxaana la sheegay in bishii hore ay ka wateen xaafaddaa Islii rag dhar cad ah oo isku sheegay in ay yihiin ciidamada sirdoonka dalka Kenya.

Maxammuud Axmed Jimcaale wuxuu Adeer u yahay ninka la dilay, wuxuu warbaahinta u sheegay in meydka wiilkooda ay ka soo heleen shaley goob meydadka la dhigo oo ku taalla magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay in wiilkooda 23-kii bishii hore isagoo ku sugan xaruntiisa ganacsi ay wateen rag dhar cad oo ku yiri waxaa nahay nabad sugid.

“Waxaa watay rag dhar cad oo ku yiri waxaa nahay qolada muqaabaraadka markii ay wateen waxaa la joogay labo wiil kale kuwaasoo markii ay daba baxeyn ragga watay wiilka ay ku yiraahdeen waxaan geeneynaa xabsiga Bangaani, balse markii la tagay xabsiga laga soo waayay” ayuu yiri Maxammuud Axmed Jimcaale.

Wuxuu sheegay markii la waayay wiilkooda in ay tageen saldhigyo dhowr oo ku yaalla Nairobi laakin laga soo waayay.

Wuxuu tilmaamay in shaley loo sheegay in meyd qof Soomaali ah uu yaallo xabsi ku yaalla Nairobi balse markii ay soo arkeen uu noqon waayay wiilkooda, wuxuuna intaas ku daray in loo sheegay in meydadka seddax qof oo Soomaali ah ay ku jiraan talaado ku yaalla meel ka baxsan magaalada Nairobi markii ay tageen ay arkeen meydka wiilkooda.

Wuxu sheegay booliska ay u sheegeen arrinta waxaana ay weydiisteen la baaro oo arrintan aan sidaas looga harin.

Si kastaba, arrintan waxaa ka naxay Soomaalida ku nool xaafadda Islii kuwaasoo seddaxdii bilood ee la soo dhaafay lagu hayay raaf iyo qabqabasho aan sharci ahayn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

AJAANIIB maanta lagu xiray PUNTLAND

Puntland(Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo Soomaali ah iyo 11 ruux oo ajaaniib ah.

Seddex iyo Tobankaan ruux oo 11 kamid ah ay yihiin dad u dhashay wadanka Ethiopia, waxaana dhamaantood lagu qabtay deegaanka Buraan oo kamid ah deegaanada gobolka Sanaag.

Bootaan Axmed Bootaan, gudoomiyaha degmada Buraan oo dadkaan lagu qabtay ayaa sheegay in dadkaasi lagu xiray saldhiga booliska ee degmadaasi ayna mari doonaan sharciga.

Gudoomiyaha degmada wuxuu sidoo kale sheegay in dadkaasi ay u gudbin doonaan degmada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland, si halkaasi maxkamad loogu soo taago.

Maamulka Puntland ayaa horay marar badan usoo saaray amaro dadka loogu digayo inay joojiyaan xaalufinta dhirta.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Kenya oo lagu qaaday weerar kale oo lagu la’day (Dhimashada oo mareysa…

Mombasa(Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo watay mooto ayaa la sheegayaa in afar ruux ku dhawad ay dileen ayna dhaawaceen dad kale , kadib weerar ay ka geysteen magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Booliska ayaa u sheegay warbaahin deegaanka ku taala in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen goob dadkaasi ay ku sugnaayeen taasi oo sababtay dhimashada afar ruux iyo dhaawaca dad kale.

Peter Musyoki, oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu arkayay markii toogashada ay shaceysay, isagoo sheegay in labo ruux oo wajiyada duubtay ay bastoolado ku dileen dadkaasi.

“Waxaan arkay labo ruux oo xirna dhar madow iyo gaduud ahaa oo madaxa kusoo xirtay waxay lugeynayeen waxayna toogasho kula dhaqaaqayeen qof walbaa oo ay arkaan”sidaasi ayuu yiri goob joogaha.

Wakaalada wararka Reuters ayaa baahisay in kooxaha hubeysan ay sidoo kale sheegayeen in weerarka uu la xiriiro weerarkii bishii lasoo ka dhacay deegaanka Mpeketoni oo 300 km waqooyi kaga beegan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Inka badan 60 ruux ayaa labo maalin loogu dilay bishii June, waxaana madaxweynaha dalkaasi uu ku sheegay inay ka dambeeyaan shabakado siyaasadeed oo ka dhisan dalkaasi.

Dadka dhintay badankood ayaa la sheegayaa inay isku reer yihiin madaxweynaha dalka Kenya oo kasoo jeeda qabaa’ilka Kikuyaha la yiraahdo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Xog: Xasan oo xilal siinaya 5 ka mid ah qas-wadayaashii Nairobi + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qaaday tallaabooyin uu doonayo inuu ku kasbado taaageerada kooxdii qas-wadayaasha ee Nairobi, ee siyaasaddiisa sida aadka ah u macaaraday.

Xasan Sheekh, ayaa sida ay xubno ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online billaabay inuu xilal wada siiyo xubnaha ugu miisaanka culus qas-wadayaasha Nairobi..

Waxa uu ka billaabay ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo uu ka dhiggay safirka Soomaaliya ee Mareykanka, si taasi uu ugu qanciyo isaga iyo beeshiisaba. Halkan ka arag

Waxaa sidoo kale lagu warramayaa in Xasan Sheekh uu safiirka Soomaaliya ee dalka Canada u magacaabi doono Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, oo ka mid ah siyaasiyiinta u ololeeya koxoda Axmed Madoobe ee xoogga ku haysata Kismaayo. Halkan ka arag

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale madaxa warfaafinta ee Villa Somalia u magacaabaya tifaftirihii hore ee laanta af-soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, sida aan saaka werinnay. Halkan ka arag

Xasan Sheekh, ayaa dhinaca kale ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi u magacaabi doona safiirka Soomaaliya ee Britain ama wakiilka QM, inkasta oo aan weli go’aan laga gaarin.

Geedi ayaa doorbidaya QM, hase yeeshee madaxweynaha wuxuu la rabaa safiirka UK, mana cadda dhinaca ay u dhici doonto.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wada-hadal kula jira madaxweynaha, isaga oo doonaya wasiirka maaliyadda, laakiin lama yaqaan waxa ay isku afgaran doonaan labada dhinaca.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

“DF Somalia oo qiyaantay Somaliland”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay BBC ayaa madaxda DF ku eedeeyay qiyaano iyo inay dhankooda ka cago jiidayaan fulinta heshiiskiis sanad ka hor la gaaray kaasoo ay ku jireen in la sameeyo qorshe cad oo saddexdii bilood-ba mar la kulmayo, in hawadda Somali laga wada hadlo iyaadoona ay QM mamusho hada hawadda.

Biixi oo hadlaya ayaa yiri “Somaliland diyaar ayay u tahay in la fuliyo dhammaan heshiisyadii lagu kala saxiixday Turkig, hase yeeshee waxaa mooddaa in Somalia ay si gurracan wax u waddo oo ay dhankeeda wax ka socon la’yihiin, waxyan qiyaameynayaan Somaliland”.

“Waxaan arganaa in DF ay wada-hadalka daacad ka ahayn, oo ay qiyaantay Somaliland” ayuu yiri.

Eeda ku saabsan in dhanka DF uu ka dhaqan gali waayay heshiiskii ay la gashay Somaliland wali kama aysan jawaabin madaxda DF, iyadoona dadka la socda arrimaha wada hadalka DF iyo Somaliland ay sheegayaan in dhanka madaxda Villa Somalia ay kasoo bixi waayeen qodobadii ay dhankooda ka saxiixeen.

Somaliland ayaa dhamaan heshiisyadda ay la gashay DF ka ilaalisay in aan lagu soo dari karin ka hadalka gooni isu taago mamulkooda, taasoo dadku ay sheegayaan inay muhiim tahay in laga wada hadlo mustaqbalka Somaliland halka uu ku danbayn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

MUQDISHO oo aan mar dambe loo soo magacaabi doonin DUQ MAGAALO !!!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa shaaca ka qaaday in wixii hadda ka dambeeya aan Muqdisho loo soo magacaabin doonin duq magaalo iyo guddoomiye gobol midna.

Muungaab waxa uu sheegay in maamulkiisu uu bilaabay diyaarinta in sidii maamulada heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Banaadir u noqon lahaayeen kuwo la soo doortay sanadka 2016, oo aanay mar dambe dhici doonin shaqsiyaad lasoo magacaabo.

Guddoomiye Mungaab ayaa sheegay in isaga laftiisa uu rajeynayo in xilka uu ku warejiyo duq magaalo oo la soo doortay sanadka 2016, xilligaasi oo la rajeynayo in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho guud.

“Waxaan hadda ka shaqeynaynaa waa sidii doorasho ay u dhici lahayd 2016, oo aniga uu xilka igala wareego duq magaalo oo la soo doortay,” ayuu yiri Xasan Mungaab oo ka hadlay kulan tababar loogu soo xirayey guddoomiyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir.

“Annagu ma nihin dad raba inay toban sano meesha fadhiyaan,” ayuu sii raaciyey.

Muungaab oo ka hadlay sida ay ku yimaadeen maamulada hadda jooga ee xilka haya ee ka hawlgala 17 degmo ee magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in labo arrimood ay u fiiriyeen.

“Waxaan ku soo xulnay ragga hadda jooga inay yihiin dad dhalinyaro oo aqoonyahano ah isla markaana ka fayow wixii dhibaato iyo dagaalo sokeeye ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri.

Dhinaca kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada arrimood ee kala ah amaanka iyo nadaafada magaalaa ay tahay ahmiyada koowaad ee maamulkiisa oo hadda shaqeynaya mudo shan bilood ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jawaab ku socota Jiinow Sharmaarke

Waa jawaab loo celinayo maqaalki Jiinow Sharmarke oo ku soo baxay somaliweyn 20/7/2014.

Sharmarke waa nin aan weligiis maqal cod aan kiisa ahayn oon aqrinin qoraalkiisa waxaan ahayn, waayoo maalintii uu dhameeyay tababarki kombyuterka wuxuu aaminay inuu gaaray goolki ow u socday. Waxaa intaas u dheer maalinti uu damcay  inuu galo tartantki doorashada Madaxweyne, wuxuu qaatay darajo diblomaasi ah wuxuuna magacisa ka hormariyay His Excellency meel uu ku muteystay lama haayo.  Wuxuuse la mid yahay Saajin talyaani ahaa oo ahaa askari aad u karti badan laakin kharmiga aad u cabi jiray markaasaa Janankiisa u yeeray oo yiri “haddii aad xooga yereyn lahayn khamriga waa ku dallacsiin lahaa!!  Saajinki wuxuu ku jawaabay “signor generale se prendo tre pichierini mi sento gia’ colonello”!!! ( seddax koob hadaan cabo waxaan isu beddelayaa korneel).

Jiinow Sharmarke markuu hamiyay inuu isu rashaxo madaxweyne wuxuu ismooday inuu Madaxweyne yahay markaasuu qaatay H.E.waana darajo, sida muuqata, uusan weligii gaari doonin.

Waxaadan ogeyn in Cali Mahdi yahay qofka aan marna isu rashaxin Madaxweyne laakin odayaashi berigaa joogay ayaa u doortay sidaa ayuuna ku oggolaaday…laakin Caydiid oo ahaa cadawga ugu weyn ee ay Soomaali yeelato ayaa diiday oo burburka, barakaca iyo caqliyadda qallafsan ee manta ku baahday  dalka horseeday.  Cali Mahdi waa qofka ugu sharafta badan uguna akhlaaq fiican ee soo mara madaxtinnimo Soomaali, hadduusan asaga ahayna Caydiid Soomaaliya oo dhan ayuu burburin lahaa. Waxaase ka badbaadiyay oo hammigiisa hakiyay Cali Mahdi (mahadi ha ka grtee) oo loo qiray inuu yahay Zaciim ay u dhan yihiin tilmaamaha asaasiga u ah hogaan dal, taas oo ay qireen beesha caalamka oo dhan badankooda.

CabdiQaasim, madaweynihi fadhiidka ahaa, ayaa mar uu socdaal ku tegay dalalka dibadda qiray in dhibaatada heysata dalka ay horseed ka yihiin dadka ka soo jeeda gobollada dhexe.(Mudug ka soo billaw Matabaan ku dheammey).

Sheikh Shariif wuxuu ku soo beegmay xilli aad xasaasi u ahaa oo dalka ay Amxaaro burburisay, cadawgii gudaha uu ugu weynaa Madaxweynihi ka horreeyay, ay xoog leeyahiin, wuxuuna horseeday degganaan iyo damac dowladnimo oo billaabatay…Nin qabiil ma ahayn, ma jirin hal wasiir oo tolkiisaa, qof kastana waa qanci jiryay, xataa kuwa ugu qalloocan sida Faroole iyo saaxibkiis Shariif Sakin, wuxuuse qanci waayay Xasan Dahir oo rabay inuu booska ka kacsado. Wuxuu xilkiisa uga degay si sharaf leh uu dareemi karo qofka caqligiisa adeegsada, qofka sita cabbirka saxda ah iyo shucuur wadaninnimo.  Sharmarke wuxuu ku eedeeyay inuu u debecsanaa dadka ka soo horjeeda, waa eedeyn rakhiis ah kuna saleysan aragti yaro.

Marki la baaray jirrada heysa Jiinow Sharmarke waxaa lagu tashkhiisay oo ay isugu ururtay isir-neceyb, waxaana markhaati u ah inuu eedeyn aan jirin iyo aflagaado la daba kacay ummad dhan ay ka soo bexeen Madaxdi ugu fiicneyd dalka..haddeysan fiicneyn mar dambe lama dooran lahayn nin iyagaa.   Madaxweyne Hassan Sh. Maxamuud waa ninka ugu aqoonta fiican ee dalkan madax ka naqday, waa nin caqli badan oo la noolaan kara cimilo wada sumeysan (dangerly poisoned environment), adduunkuna uu u qiray inuu yahay Zaciim dalkaan meel fiican gaarsiin kara, horseedi kara horumar iyo degannaan, haddii la siiyo fursad uu ku dhammeeyo qorshaha uu degsaday.

Eedda ugu weyn ee uu u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh waxay la mid tahay tii ay soo jeedisay islaan ka hadashay Puntland, Caasha Abdalla, oo tiri waxaan arki jiray isagoo lugeynaya!!! waxayna timid Xamar iyadoo ISUZU dusha ka saran..laakin waxaa laga yabaa inay Cabdiweli ka rabto jago waana ka heleysaa haddii ay wax sax ah ku eedeyso Madaxweynaha oo aysan noqon sidi Sharmarke. Wax eed ama ceebo ah ow ku cadeeyay madaxweynayaashi ma jiraan, laakin hammigiisu wuxuu ku koobnaa inuu caayo jufo aad uga qiima iyo qaaya weyn, kana xishoota inay u dhaqanto sidiisa oo kale.

Talooyinka la yaabka leh uu so jeediyay Jiinow waxaa ka mida Mursade halloo dhiibo talada, taasuu ka filaayo inay la saftaan, ayna illaabaan dhagarti, dhici iyo gumaadki uu u geystay Caydiid.    

W/Q: Axmad Calasow

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

GOORMUU MEYDKU MAAL NOQDAY?‏

Geeri waa xaq qofkasta oo ku nool koonkan wuu dhimman doonaa maalin maalmaha ka mid ah sida uu Alle ku sheegay aayadda 35-aad ee suuradda Ambiyaa ee Quranka kariimka, waxaa hubaal ah in naftkasta la oofin doono oo ay dhadhamin doonto xanuunka sakaraatul mowdka maalin ay tahayba.

Inkastoo sida ay geeridu ugu timaado dadka ay kala duwanaan karto oo ay dhacdo in qofi uu geeriyoodo, isagoo hurda, fadhiya, tukanaya, socda, ama uu ku dhinto shil gaari ama la dilo haddana geerido waa geeri oo qofna xilligiisa dhaafimaayo taas Alle ayaa horay u sheegay waana arrin uu qofkasta maanka ku hayo hadh iyo habeen in uu dhimman doono oo uusan jirin qof adduunkan u waari doona.

Muddooyinkan dambe waxaa soo badanaya dadka waxa ka ku qora websites ee diyaarka u ah in ay maal ka sameeyaan muuqaallada meydka, waxaad arkaysaa qof ay tii Alle ku timid balse sababsaday gacan ka xaqdarran oo inta muuqaalkiisa la soo qaado kun cinwaan oo kale duwan loo sameynayo sida dadku ay u gujiyaan oo dhaqaale looga helo.

In la muujiyo in si xaqdarro ah loo dilay marxuunkaasi waa sax waana waajibaadka saaran warbaahinta, balse waxaan meesha ku jirta in la dhowro xuquuqda uu leeyahay marxuunkaasi iyo anshaxa saxaafadda ee ku tusaya in aan muuqaalka marxuunka aan si khaldan loo isticmaali karin.

Arrintan nooca ah waa mid ku soo badanaysa warbaahinta wax ku qorta Af-Soomaaliga gaar ahaan Websites kuwaasoo cudurdaar ka dhigta in qofka la dilay uu yahay saaxiibkood ama qof ay wadaagaan mihnada warbaahinta waana arrin dhibatadeeda leh oo u baahan in loo helo xal waara.

Waa xanuun iyo tiiraayo aan la soo koobi karin haddii si xaqdarro ah lagu dilo saaxiibkaa waana waajibad ku saaran in aad dowladda iyo dadweynaha gaarsiiyo in saaxiibkaa si khalad ah lagu dilay waliba isagoo gudnaya waajibaadkiisa shaqo haddana waxaa meesha ku jira in aadan si khalad ah u isticmaalin muuqaalka meydkiisa oo aadan kun iyo kow cinwaan u sameyn adigoo raadinaya in aad lacag ka sameyso waxayna arrintan nooc ah inta badan ay dhacdaa marka la dilo weriye.

Waxa uu sidoo kale muuqaalka marxuunka meydka ee la doonayo in maal laga sameeyo uu ehelkiisa u horseedaa in murugadu ku sii siyaado, boroordiiqduna ay u noqoto mid joogto ah xilli ay nafta samirsiiyeen iyagoo aamisan Allihii shalay siiyay inuu maantana oofsaday ruuxdiisii.

Tusaale ahaan waxaad arkaysaa cinwaannada soo socda sida: Yaa dilay weriye hebal? Hadalkii ugu dambeeyay oo uu weriyuhu sheego inta aan la dilin ka hor. Weriyaha la dilay oo sir weyn hayay. dilka weriyaha oo dusha laga saaray cid aan laga filaynin. weriyaha la dilay oo dad badan farta ku fiiqi rabay inta aan la dilin ka hor. Muxuu sheegay weriyihii la dilay? sidee loo aasay weriye hebal? Yaa lagu tuhunsanyahay weriye hebal? iyo kuwo kale iyadoo intaas oo dhan loo sameynayo in dhaqaale lagu sameeyo oo keliya.

Alle ha laga cabsado oo arrintan waa in la joojiyaa waxaan si gaar ah uga codsanayaa dadka wax ku qora websites in ay falkan foosha xun iska dhaafaan sidoo kale waxaan doonayaa in ay oggaadaan dadka muuqaallada meyd soo geliya boggaga ay ku yeelihiin bogga isku xirka bulshada ee u maleeyaan in ay dadaal sameynayaan in ay jiraan dad aan fahan wanaagsan u lahayn shuruucda warbaahinta kuwaasoo qaata muuqaalladaas kaddibna u sameeya cinwaanno kale duwan si ay dhaqaale uga helaan.

Waxaan ku guubaabinayaa dadka arrintaasi sameeya in ay ka waantoobaan haddii ay shalay cilmi yari u geysay ama dhaqaale raadin waxaa habboon in ay fahmaan in dhaqaalaha ay ka helayaan ay ka badan tahay dhibaatada ay u keenayaan ehelka marxuunkaasi iyo qofka ay ku sheegayaan saaxiibkood ama in ay wadaagaan mihnada warbaahinta.

Qofkana ma jecela in muuqaalka walalkiisa ama saaxiibkiis oo geeriyooday si khaldan loo isticmaalo oo weliba dhaqaale lagu raadinyo iyadoo maalinba cinwaan cusub loo soo curinayo.

Runtii qofka geeriyooday wuxuu tagay hoygiisii rasmiga ah haddii aad tahay qof ka naxaysa sida aan sheegato Alle uga bari in uu u naxariisto oo uu ka yeello kuwa adduun iyo aakhiro ku liibaana ee laga xorreeyo naarta Jahnabo sidoo kalana inuu Alle fududeeyo in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglaha dilay walaalkaa ama saaxiibkaa oo sharciga la marsiiyo balse muuqaalka meydka saaxiibkaa baan dhaqaale ku raadsani haddana waxay ka xumahay wixii ku dhacay waa( KAAF IYO KALA DHEERI) saaxiibayaal dib aynu iskugu laabano oo arrintan wax ka beddelno haddii Alle idmo.

W/Q: Abdirahman British

E-mail: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ma is tiri dhibka waa loo siman yahay?

Qormadan gaaban in aan qoro waxaa igu kalifay markii aan arkay arrin aad ii gil-gishay oo ku saabsan raadadka ay rabeen colaadaha ka socday dalkeena 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Toddobaadkii horre ayaa xilli uu soo dhow yahay afurkii, waxaan arkay wiil yer oo 10-jir ah, waxaan soo socday gadaashiisa, wiilka marka aan arkay waxaan u maleeyay in uu dad kale la hadlaayo balse qofna agaarka kama dhaweyn oo anniga iyo isaga ayaaba waddada ku socdaalayay.

Wuxuu ka bixi waayay mar uu faraha taag-taago iyo mar uu hadallo la maqli karo ka dhawaajiyo, kolkii uu i arkay ayuu xishooday deetana wuu dhoolacadeeyay isagoo markaas iska dhigaya xaaladda in ay tahay caadi, anna kama waalin iskama dhigin in aan la socday xaalada uu ku sugnaa xilligaas oo waan u dhoola cadeeyayoo shibna ka iri, wax ka yer daqiiqad, aan ka aamysay oo aan cabaar socday ayaan u soo jeestay oo ku iri meeqo jir ayaa tahay wuxuu igu yiri 10-sanno ayaan jiraa, su’aal kale ayaan weydiiyay maxaad iskula hadleysay ayaan ku iri oo waxaanba is iri yuu la dagaallayaa wiilka oo waxaanba u heystay sidda aad iskula hadleyso in aad dagaal ku jirto, wax uu ku jawaabo ayuu garan waayay, balse wuu I dareemay in aan fahmay culeyska saaran iyo buuqa ku shidnaa.

Waan calool xumaaday oo waxaan awoodi waayay in aan su’aalo kale weydiiyo, waxaana si kooban ku iri niyada Kheyr u sheeg wax walbo waay ay iska hagaagi doonaan, balse waxaa ii soo baxay markii aan ka soo tagay inay jiraan culeys ballaaran oo heesta wiilka yer (Yaa Allah).

Markii aan ka soo tagay wiilka ayaan kaligeey su’aallo dhowr ah is weydiiyay, oo waxaan is iri wiilka Hooyadii iyo Aabihii miyaa kala tagay oo sidaa ayuu u noqday mid heerkaas gaaray, oo ma reer kale ayuu la joogaa oo dhibaato ku haya, Maxaa keenay in uu ilmahan yer uu kaligiis isla hadlo ilaa heerkaasna uu gaaro?.

Ma ahan arrintan wax nagu cusub oo waa caaddi Soomaaliya marka aad joogto in aad aragto dad badan oo malaha aad moodo markii sheeda ka eegto in uu la hadlaayo qof kale sidda uu sheekeesanaayo kaligiisa, oo anniga ayaaba ka mid ah kuwaas korantada ka tagta mararka qaar, balse waxaa dareen kale I galiyay ilmaha yer ee ah ubixii berri waxa kaligiis uu isula hadlay.

Gun iyo gabgabo, waa hubaal dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalkeena in ay nooga tageyn wax yaabo badan oo aan la mahdin.

Waxaa kaloo sheegis mudan in uu shaki ku jirin dad badan in ay halis ugu jiraan in ay mardhow ku dhuftaan oo maxkaxda ay is dhex-qaado marka la eego xaalada ay ku sugan yihiin.

“Ninba wuxuu ku taamaa ama uu hees ka tiriyaa, tixo gabay ku sheegaa, halka lagu tallaalee ee uurkiisa tabayo annigana waxaa I damqiyay dareenka I galiyay dhibka heesta wiilka yer ee ii muuqda”

Afeef: Tuduca kor ku qoran waa qeyb ka mid ah heesta Togdheer ee uu qaado Fannaanka Nuur Daalacay waxaana Ereyada leh Abwaan Hadraawi, balse waxaan ka badalay qeybta dambe.

Nabad aa naas la nuugo leh ee Allow Soomaali isku dum.

Aamiin Aamiin Aamiin.

Aragtidaada waa muhiim?

W/D: Maxamedkaafi Cali Muumin

[email protected]

Mogadishu| Somalia