28.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Socdaalkii taariikhda galay ee uu Ibnu Battuuta ku tagay Muqdisho (Q.2aad)

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta

Tarjume: Xassan Xayle

Socdaalkii Ibnu Batuuta: 1325-1354

Qaybta Labaad

Halkan ka aqriso qeybtii 1-aad

Maamuus iyo Marti-galin

Markii aan galnay Guriga Martida ayaa wiilkii dhalintayaraa waxuu guriga Sheykha nooga keenay cunto. Waxaa wiilka la socday nin ka mid ah wassiirada Sheykha oo ah wassiirka u qaabilsan marti-soorka, oo isagoo isoo dhaweynaya, igu yiri, “Waxaa ku salaamaya, (Mawlaanaa Sheykh) [-6],waxuuna ku leeyahay: imaanshahaagu waa kheyr!”

Soo dhaweenta ka dib, waxaan bilownay in cuntadii naloo keenay aan cuno. Cuntadu waxay aheyd bariid lagu kariyay dufan, (Subag), laguna soo rogay saxan weyn oo qoray ka sameysan, (Xeero). Waxaa dusha lagsoo saaray cadad ‘Koshaan’ ah [-7] oo goosaar ama iidaan looga dhigay hilib digaag, mid xoolo iyo malaay; sidoo kale, waxaa cuntada lagu daray, Baquul [-8]. iyo Moos oo isagoo aan weli bislaan, laguna kariyay caano dhaay ah, ayaa lasoo saaray labo weel oo midkood uu ku jiro mooskii karsanaa, midka kalena ay ku jiraan caanihii lagu kariyay.

Cuntada waxaa korka looga daray liin iyo xirmo filfil ah oo biyo lagsoo saaray, taasoo loo isticmaalayo khal ahaan. Waxaa kale oo lagu daray sinjibiil cagaar iyo canbe, oo ah miro la mid ah ama u eg tufaaxa hayeeshee gudaha laf ku leh, kaasoo haddii uu bissil yahay aad u macaan badan, lakiin marka uu ceyriinka yahay sida liinta u dhanaan; sidaa darteed markii ay cunaan hal luqmad oo bariid ah ayay raaciyaan wax yaabahaas dhanaanka ah oo ay sida khalka ay u isticmaalaan

Dadka reer Maqdasho, hal nin oo ka mid ah waxuu cunaa inta ay koox inaga ah ay cuni karto, sidaas awgeed waa dad cayilan oo jirkood buuran yahay. Markii aan wax cunay ka dib, ayuu Qaadigu naga tagay; waxaan Guriga Martida ku nagaaday ama aan joogay seddax maalmood oo malin kastaba, sida ay caadadoodu tahay, seddax jeer aniga iyo dadkii musaafirka ahaa ee markabka aan ku wada nimid, cunto naloo keenayay

ibnu battuutaMaalinta afaraad oo aheyd maalin Jimaca ah, ayaa waxaa ii yimid Qaadiga iyo ardaydiisa. Waxaa kale oo la socday wassiir ka mid ah wassiirada Sheykha; waxaa la ii keenay dhar ka kooban maryo go` ah oo ragu dhexda ku xirto, taasoo surweel u dhiganta madaama dadka reer Maqdasho aysan, dhar ahaan, aqoon surweel. Waxaa kale oo la ii keenay khamiis kor laga gashto oo tolmadiisu Missri tahay. Waxaa kale oo ku jiray dhar fidqado ah oo khamiiska laga hoos qaato, dhinaca horeyna ka furan, sameyskiisa ka yimid Al-Qudus; waxaa kale oo la isiiyay cimaamad Massar laga keenay. Dadkii masuufarka ahaa, ee aan wada soconay, waxaa iyagana la siiyay dhar ceenkaas ah oo sidaas u sameysan

Intaa ka dib, waxaa aadnay Masjid-jaamaca oo aan salaadda ku dukanay meel ka danbeyda, Al-maqsuura [-9]. Markii uu Sheykhu kasoo galay albaabka maqsuurada aniga iyo Qaadiga ayaa salaanay Sheykha, si wanaagsan ayuu isoo dhaweeyay; marka hore afkooda ayuu kula hadlay Qaadiga, ka dib Af-Carabi ayuu igu yiri, “Imaasho wanaagsan ayaad noogu timid, waxaadna sharaftay dhulkeena, wehel ayaad noo tahay

Soo dhaweenta ka dib, waxuu Sheykhu u baxay meel banaan oo ka mid ah xeendaabka masaajidka, halkaas aw ku aasanyahay aabihiis; waxuu is-dultaagay qabriga isagoo duco ku aqriyay, Ilaaheyna u baryay

Maqaamka Suldaanka

Markii uu ka soo tagay qabriga aabihiis, ayaa waxaa iyagoo wada socod Suldaanka u yimid dhammaan wassiirada, dad madax ah iyo taliyayaasha ciidamada oo dhammaantood, halkaas ku, salaamay Suldaanka.  Dhaqanka ay isku salaamay dadka Maqdasho, waxuu la mid yahay kan reer Yemen oo kale; waxuu qofku wax salaamaya uu marka hore farta suulka xigta uu galinayaa ciidda, ka dibna waxuu geynayaa madaxiisa isagoo dhahaya ama oranaya: cissigaaga Ilaahay ha dheereeyo ama ha raajiyo. Islamrkiiba, Sheykhu kobahiisa ayuu iladay, waxuuna ka baxay albaabka masaajidka isagoo amray Qadiga iyo aniga inaan ilano ama gashano kobaheyn, ka dibna isaga u raacno dhanka gurigiisa oo aan ka fogyen masaajidka. Dadka intooda kale ayaa nasoo raacay iyagoo cagacad ama aan kobo sidan

Sheykha waxaa madaxiisa lagu hareeyay ama la dul hagoogay afar qubaab [-10] oo xariir midabo leh ka sameysan, iyadoo qubadiiba uu ku sawiranyahay shimbir midkiisu dahabi yahay.

Maalintaas oo jimaco aheyd, dharka Sheykhu waxuu labisnaa khamiis horey ka furan oo Qudsi ah, midabkiisuna cagaar yahay; dharka khamiiska laga hoos qaato oo ka kooban fidaqyo is-raacsan iyo qaar garbaha la saaro oo aad u quruxsan, isku jirkoodana laga keenay dalka Masar. Waxuu dusha ka labisnaa go’ xariir ah iyo cimaamad weyn.

Maalintaas waxaa Sheykha loo garaacay durbaano, waxaana loo yeeriyay boon noocyo kala duwan ah; waxaa horey iyo gadaal ka socday madax iyo ciidan, hareerahana waxaa ka socday Qaadiga, culumo fuqaha [-11] ah iyo dad sharaf iyo xurmo leh, waxayna dhammaanto u socdaan goobta wadatashiga

[-6] Mawlaanaa Sheykha: erayga’ mawlaanaa’ macno dhawr ah oo isku dhaw ayaa loo adeygsadaa, kaaasoo, guud ahaan, tilmaamaya qadarin iyo weyneyn ama gargaar iyo garab joogsi. Waxuu noqdaa cinwaan, (Title) la siiyo boqorada, madaxda iyo culimada diinta Islaamka. Waxaa, xushmad ahaan, la siiyay cinwaankaas ama loogu jiray dadkii adoonta ahaa ee Diinta Islaamka qaatay

[-7] Koshaan: waxuu la mid yahay ama uu yahay KOSHAAR. Waa xawaaji lagu maceeyo hilbka ama dalaca maraqa, kaasoo xiriir la leh, (Curry) assal ahaan laga isticmaali jiray India iyo wadamada kofur-bari Aasiya

[-8] Baquul: waa khudaar kala duwanoo lagu dhinac cuno cunta guud, (Main meals), gaar ahaan qadada

[-9] Al-maqsuurah: qayb yar oo ku dhinac taal ama gooni ka ah qol weyn

[-10] Qubaab: waa cimaamad iyadoo dhawr wareeg leysgu aadiyay madaxa dushiisay lagu xiray

[-11] Fuqaha: waamagac wadareed halkiisu yahay FAQIIH -erayadii qaybtii kowaad fiiri

Saxitaan: hafyo hadal ka mid ma ah! Booqashada Ibnu Battuuta ku yimid Soomaaliya ee uu booqday magaalooyinka Seylac & Muqdishow waxay ahayd Qarniga 7-aad ee Hijriga kuna aadan kii 14-aad ee Milaaddiga. Qaybta hore waxaan ku sheegay inay aheyd Qarniga 13-aad ee Milaaddiga

Tarjume: Xassan Xayle [[email protected]]

Dadka la nool cudurka AIDS-ka ee Somalia oo war cusub laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dadka la nool cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka eek u sugan dalka Soomaaliya.

Maxamed Saciid waa nin la nool cudurkan in ka badan 13-sanno, wuxuu hadda u ololeeyaa dadka qaba cudurkan dilaaga ee AIDS-ka, wuxuu BBC-da uga warbixiyay bal xaalada ay ku sugan dadka qababa ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Wuxuu sheegay inta la ogyahay ee qaadata dawada kaalmeynta cudurkan ee ku nool koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ay gaarayaan ilaa 650 qof.

Wuxuu sheegay dadkaas qaar badan oo uu isaga ka mid yahay ay ka yimaadeen waddamada shisheeye balse wax kasta ay aamineen in uu alle ku ridi karo.

Mar uu ka hadlaayay dadkaas qaba xanuunka sidda ay bulshada ula dhaqmaan, wuxuu sheegay in bulshadda ay kala kulmaan takoorid iyo in ay u arkaan dad aad u xun.

Mar la weydiiyay xarumaha lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurka AIDS-ka wuxuu sheegay in seddax xarumood ay ku yaalaan

Ninkan ayaa sheegay in uu seddax xarumood oo bixiya dawooyinka kaalmeenta ay ku yaalla Muqdisho iyo Marka.

Si kastaba, dadka indho-indheeya arrimahan aya sheegaya in ay soo kordhayaan dadka qaba cudurka Aids-ka Soomaaliya, waxaa kaloo in la xuso mudan inay jiraan dad kale oo qaba cudurkan oo ku nool Somaliland iyo Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Caasimada Online oo heshay Video-ga dambiyadii uu dalka ka galay TALIYAHA cusub ee booliiska SOMALIA (Daawo)

Ottawa (Caasimada Online) – Sida aan horey u shaacinay, taliyaha cusub ee booliiska Somalia, General Maxamed Xasan Ismaciil, oo waagii Siyaad Barre loo yaqiinay (General Ilka-Siibe) waxa uu WANTED ka yahay, oo uu kasoo baxsaday dalka Canada, kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen dad uu dhibaatooyin ugu geystay Somalia.

Maxamed Xasan Ismaaciil Faarax, oo ahaa taliyihii nabad sugidda gobolka Banaadir, xilligi doowladi Maxamed Siyaad Barre, waxaa Canada looga haystaa dambiyo ay ka mid yihiin, dil, jir dil, kufsi iyo boobka hanti dadeed.

Maxamed oo markii ay dhacday dowladdii Milatariga kadib iska dhiibay dalka Canada, ayaa kasoo cararay kadib markii barnaamij ka baxay taleefishinka CBS uu baahiyey sirtiisa iyo dhibaatooyinkii uu ka geestay dalka Somalia.

Barnaamijkaas lagu magacaabo 5TH ESTATE, oo baxay October 7, 1992, waxaa lagu soo qaatay General Maxamed Xasan iyo laba nin oo kale oo xlligii kali-taliye Siyaad Barre dambiyo waa weyn ka geystay Somalia.

Waxaa sidoo kale barnaamijka lagu warreysanayaa qaar ka mid ah dadkii uu General Maxamed dambiyada ka galay, oo sidii ay wax u dhaceen ka sheekeenaya.

Kaddib dadaal dheer, waxaa Caasimada Online u suurta gashay inay soo hesho video-ga barnaamijkaas, ku dhowaad 22 sano kadib markii la sii daayey.

Wixii markaas ka dambeeyey General Maxamed waxa uu kasoo cararay dalka Canada, waxaana illaa iyo hadda, si aad aah looga doon doonayaa dalkaasi, si loo maxkamadeeyo, waxaana uu ku dhuumanayey magaalada Nairobi.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo ay ninkan isku reer dhow yihiin, ayaa dhowaan xilka taliyaha booliiska Soomaaliya u magacaabay, isaga oo mar kale dib ugu soo celiyey dadkii uu horey u gumaaday ee reer Muqdisho iyo Soomaali ba, waana nasiib darro ku tuseysa sida Cabdi Weli uu dalka ugu ciyaarayo.

Halkan hoose ka daawo barnaamijka

Caasimada Online

Xafiiska Ottawa

[email protected]

Dhageyso: Xildhibaannada HAWIYE oo go’aano adag ka soo saaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan beelaha Hawiye, oo maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa soo saaray go’aanno muhiim ah oo ka dhan ah qaska uu Soomaaliya ku wado ra’iisul waaare Cabdi Weli.

Xildhibaannada Hawiye waxa ay si cad u sheegen in gobalka Shabeellaha Hoose uu xaq u leeyahay maamulka Shabelle State, maadaama dadka deegaanka ay sidaas doonayaan.

Waxay kale oo ay sheegeen in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay hor-geynayaan qodobo ka dhan ah maamulka seddexda gobal.

Waxa ay tilmaameen in maamulka seddexda gobal iyo midka lixda gobal labadoodaba aysan raali ka noqon doonin inay ka taliyaan gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay gacanta ku hayaan maamulka Shabelle State.

Halkan ka dhageyso go’aannada xildhibaannada Hawiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Mareykanka iyo Iran oo macdanta Uranium-ka ee Somalia ku loolamaya

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Waxaa soo baxay warar dheeri ah oo ku aadan booqasho qarsoodi ah oo magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud ay ku tageyn labo wafdi oo ka kala socda dowladaha Iran iyo Maraykanka .

Haddaba Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay xog dheeri ah oo ku aadan socdaalka wafdigaas iyo qorshe u tageen gobalka.

IRAN maxay damacsan tahay?

Iraan kuma cusbo in ay tago Galgaduud oo 10-kii sanno ee la soo dhaafay ayey gobalka siyaabo kala duwan u tageysay waxaana ay waday howllo sahan ah.

Iran ayaa si fiican galaangal ugu yeelatay gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii maxkamadaha ay qabsadeen inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya daba-yaaqadii sannadkii 2006-da.

Isla sannadkii 2008-da ayaa koox kale oo reer Iran ay tageen magaalada gobalka Galgaduud iyagoona sahan ka sameeyay inta u dhexeysa Dhuusamarreeb iyo Ceelbuur halkaasoo la sheegay in ay ka buuxaan macdan Yuuraniyom.

Iran waxay ka damacsan tahay Galgaduud Yuuraaniyom waxaana ay u aragtaa in Yuuraaniyom badan ay ka haleyso gobalka.

Haddaba muxuu yahay wafdiga tagay Galgaduud?

Wafdiga tagayDhuusamarreeb oo kooban labo xubnood waxaana ay ka socdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, waxay booqdeen Dhuusamarreeb, Guriceel iyo Caabud-waaq.

Waxaa lagu sheegay booqashadooda mid samafal waxaana ay booqdeen iskuulo iyo goobo kale oo ku yaalla gobalka, waxaa kaloo ay booqdeen deegannada Xeeraale, halkaasoo ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna.

Ilo xog-ogaal ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in wafdiga ka socda dowladda Iran in immaatinkooda gobalka ay la socoto dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Mareykanka muxuu doonayaa?

Dhinaca kale, wafdi ka socda Maraykanka ayaa la sheegay in ay ku socdeen labo diyaarad waxaana ku jiray ciidamo qaas ah oo kumaan doos ah balse si dhab ah looma oga tiradooda, waxay kulamo kula qaateen garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna.

Wafdiga Maraykanka ayaa socdaalkooda ku sheegay in uu la xiriiro dhismaha garoonka diyaaradaha Dhuusamarreeb iyo in ay wadahadal dhex-dhigaan Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ayaa laga soo xigtay in wafdiga Maraykanka ay sheegeen in ay dib ugu soo laaban doonaan Dhuusamarreeb isla markaana ay u muuqdaan kuwa doonaya in ay galaangal ugu yeeshaan gobalka.

Dowladda Maraykanka ayaa dooneysa in ay fashiliso qorshaha Iran ee ku aadan sahminta macdanta Yuuraniyomka oo la sheegay in ay ka buuxaan inta u dhexeyso Dhuusamarreeb iyo Ceelbuur.

Wafdiga Maraykanka ee tagay Dhuusamarreeb ayaa u muuqda mid doonaya in uu ogaado wax yaabaha u tageen gobalka saraakiisha ka socda safaaradda Iran ee Muqdisho.

Sidoo kale wafdiga Maraykanka socdaalkooda dowladda Soomaaliya lama socoto, waxaana ay u muuqdeen kuwa qarsoodi gobalka ku yimid.

Maraykanka ayaa 40 sanno ka hor isna sahan ku sameeyay goobo mucayan ah oo ku yaalla gobalka Galgaduud, waxaana goobahaas lagu arkay raadad uu ka tagay.

Haddii Maraykanka uu wado is-hortaaga uu ku sameenaayo qorshaha Iran ee ku aadan damaca uu ka lee yahay gobalka ee ku aadan macdanta Yuuraaniyoomka waxaa laga yaaba in uu billowdo dagaal ku dhexmara Soomaaliya labadaas awoodood iyagoona adeegsanaya dhaqaale iyo hub xooggan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Dhuusamarreeb

[email protected]

Gen. GALAAL oo shaaciyey shirqool uu Shariif Sakiin qeyb ka yahay oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada dowladda ahna khabiir aad u yaqaana arrimaha ciidamada ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay doorka IGAD ee Soomaaliya iyo ciida ka mas’uul ahayd in ciidamada safka hore ay soo galaab Soomaaliya.

Galaal oo u warramay Idaacad ku taalla Muqdisho ayaa ugu horreyn ka hadlay howgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo rajada ah in Soomaaliya ay hesho ciidamo cudud leh oo ku filnaadaan mustaqbalka dhow nabadeenta dalka.

Wuxuu sheegay inta ciidamo ajnebi ah ay ku sugan yihiin dalka in aan marnaba la fili doonin ciidamo xoog badan oo ay hesho Soomaaliya.

“Hilib Haad loo waray oo cid kasta ayuu beelah u yahay, waana siddaas Soomaaliya” ayuu yiri Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Wuxuu sheegay in AMISOM ay dooneyso uun in dalkan ay iska joogto oo ay dhaqaale ka aruursadaan.

IGAD dhab ma ka tahay arrimaha Soomaaliya?

Mar uu ka hadlaayay doorka IGAD ee Soomaaliya, wuxuu sheegay IGAD in ay lugooneyso Soomaaliya haddiiba lagala tashanaayo ciidamo xooggan oo la sameeyo wuxuuna sheegay in marnaba aan la sugi doonin ciidamo cudud leh.

Wuxuu tilmaamay marka sidda sharciga laga hadlaayo in ay qalad tahay waddamada safka hore in ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in arrintaas ay ka dambeeyeen rag uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Kenya iyada xoog ayeeba ku soo gashay oo maba jirto cid u faxday, waxaana la arkay iyadoo ku sugan Kismaayo halka Itoobiya ay oggolaadeen baarlamaankii hore gaar ahaan Shariif Sakiin” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney diyaar u ahayn in uu dalka ka baxo dhibaaatada uu ku jiray 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Tallo ma siiyay DF Somalia?

Waxaa la weydiiyay maadama uu ka mid yahay dadka qabiirka ku ah arrimaha ciidamada in uu dowladdihii hore iyo tan maanta jirta in uu tallooyin ku aadan hagaajinta ciidamada uu siiyay.

Wuxuu sheegay in dowladda hadda jirta uu dhowr mar xiriir la sameeyay balse albaabada laga xirtay xittaa haddii uu taleefon ka wacay taleefonka laga qaban waayay ama uu waayay cid ka qabata.

Ugu dambeyn Maxamed Nuur Galaal ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aan la rabin nabad ka islaaxda taasna waxay dhibeysaa ayuu yiri waddamada dariska ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidamo tiro badan oo Soomaaliya loo soo wado iyo qorshahooda oo ah in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka baaran degaya in ay kordhiyaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Korneel Cali Aadan Xumad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan ay dalka immaan doonaan ciidamo hor leh oo ka socda howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wuxuu sheegay oo kale ciidamada AMISOM in ay ka immaan doonaan dalka Jabuuti kuwaasoo doonaya in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada AMISOM ay dalka u joogaan siddii ay u caarin lahaayeen Soomaaliya isagoona intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada Midowga Afrika.

Si kastaba, waxaa sheegis mudan doorka AMISOM ee Soomaaliya ma yahay mid siddii la rabay u socda mise waa jugjug meeshaada joog?

Dad badan oo odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in kaalinta AMISOM ee Soomaaliya uu yahay mid gaabis ah isla markaana aan dhab ka ahayn in Soomaaliya ay ka dhalato nabad.

In ka badan 20kun oo askari oo aad u qalabeesan ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaasoo ka socda waddamada Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Siraliyoon.

Ciidamadan waxay u wehli kumanaan kale oo ciidamo Soomaali ah kuwaasoo iyagan ku sugan qeybo ka mid ah dalka.

Ciidanka AMISOM oo ku sugan Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Baladweyne, iyo qeybo ka mid ah gobalada Shabeellooyinka iyo Galgaduud ayaa weli nabadeen la’ xaafad kaliye oo ku taalla Muqdisho.

Waxaa la lee yahay ciidanka AMISOM waxay doonayaan uun in ay dhaqaale ka aruursadaan Soomaaliya marka uu dhamaado howgaladooda ay dib ugu laabtaan waddankooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

YUUSUF GARAAD oo xil ay ka muuqato hanyari siyaasadeed ka aqbalay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Tifaftirihii hore ee laanta Af-soomaaliga ee BBc-da Yuusuf Garaad Cumar, ayaa xil ka helay aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia, ayada oo madaxweyne Xasan uu dhowaan xilkaasi shaacin doono.

Yuusuf Garaad Cumar oo xilka Madaxweynenimada Somalia u tartamay ayaa quud dareeyn dheer kadib wuxuu Madaxweyne Xasan ka aqbalay in loo magacaabo Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada, sida ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Yuusuf Garaad Cumar, oo horey u sheegay inuu dhowr mar wasiir weydiistay madaxweynaha Somalia, qudhiisana uu tartmaya madaxweynenimo, ayaa waxa uu xilkan ka dhigayaa mid muujinaya in hamigiisii siyaadeed uu hoos u dhacay.

Xilka madaxa warfaafinta ee Villa Somalia, ayaa ah mid magac u yaal ah, oo aan shaqo badan lahayn, maadaama uusan raacsaneyn afhayeenka madaxtooyada.

Waxaa macquul ah in Taageerayaasha Yusuf Garaad ay aad uga caroodaan hanyaridiisa siyaasadeed, laakiin Caasimada Online waxay xaqiijineysaa inuu aqbalay xilka madaxa warfaafinta madaxtooyada.

Yuusuf Garaad, ayaa muddo mucaarad ku ahaa madaxweynaha, isaga oo faallooyin iyo hadallo dadba si aad ah ugu weerari jiray Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Xasan oo xil kii hore ka dhaqaale badan u magacaabaya C/karin Guuleed

Muqdisho(Caasimada Online) – Xilli C/kariin Xuseen Guuleed uu ku fashilmay in uu hogaanka u qabto Maamulka lagu wado in loo dhiso Gobolada Dhexe, ayaa waxay taasi keentay inay dib isugu laabtaan saaxiibadiis hogaanka u haaya Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa La taliyahiisa dhinaca Siyaasaada u magacaabay C/kariin Xuseen Guuleed, daba-yaaqadii bishii June, inkastoo uu xilkaasi u muuqdo mid aanu dhaqaalo badan ka soo galeen C/kariin.

Guuleed oo hadda booqasho ku joogga dalka Turkiga, ayaa waxa uu u jooggaa qiimeen uu ku sameynaayo Safaarada Soomaalidu ku lee dahay, iyadoo uu dersaayo dhaqaalaha ka soo xarooda iyo inta uu le’eg yahay.

Sida uu qorshuhu yahay, haddii C/kariin uu garowsado in dhaqaalo ku haboon ka soo xaroodo Safaarada, ayaa waxaa markaasi loo magacaabi doonaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Turkiga.

Ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo, ayaa ssheegay in Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka uu markaan xusul-duub ugu jiro in loo magacaabo Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

Ragga ku dhow dhow Wasiirkii Amniga ee is casilay, ayaa kuu sheegaaya in uu xaqiiqsaday in dhaqaalo u khalma aanu ka helayn, in uu sii ahaado La Taliyaha Madaxweynaha Somaliya ee Siyaasada.

Guuleed oo ka baxay albaabka Siyaasada Soomaaliya, markii uu is casilay 24-kii bishii May, ayaa waxaad mooddaa inuu xilligaan Siyaasada ka soo gelaayo daaqada.

Isha: Dhacdo.com

Sanad kadib heshiiskii dhexmaray DF iyo Somaliland (Maxaa u qabsoomay?)

Hargeysa (Caasimada Online) – Hal sanno ayaa laga joogaa markii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay heshiis ku gaareen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Labada dhinac ayaa ugu yaraan shan jeer kulmay tan iyo markii uu billowday xiriirkooda, waxaana ay ku kulmeen Britain, Dubai iyo Turkiga oo seddax jeer martigalisay kulamadaas.

Wax yaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa bishii July sannadkii hore in heshiis laga gaaro maamulka hawada Soomaaliya oo hadda laga maamulo magaalada Nairobi.

Waxaa kaloo ay ku heshiisyeen in la sameeyo qariirad lagu socod siin karo wadahallada u dhexeeya labada dhinac

Iyo sidda laga yeelayo mowqifyada ay kala taagan yihiin labada dhinac.

Waxaa heshiisyadaas dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirkii hore ee ammaanka Cabdikariin Xuseen Guuleed halka dhinaca Somaliland uu u saxiixay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Cabdullaahu Cumar.

Haddaba maxaa u qabsoomay muddadaas labada dhinac?

Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulankii ugu dambeeyay u matalayay Somaliland ayaa sheegay in heshiisyadii lakala gaaray ay ka socon la’yihiin dowladda Soomaaliya oo ku eedeeyay in ay wado qorshayaal gaar ah.

som4

Dhinaca dowladda Soomaaliya waa la waayay cid ka jawaabta eedeenta uga timid maamulka Somaliland.

Si kastaba, dadka indho-indheeya arrimahan ayaa sheegaya in labada dhinac aaney daacad ka ahayn in laga heshiiyo qoddobada lagu raacay.

Waxaana ay lee yihiin waa labo sabab mida hore waa in wadahadallada aaney ka iman Soomaalida halka mida kale ay tahay in labada dhinac uusan ka muuqan biseel siyaasadeed oo ay ku hadlaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Qorshah isku dirka beelaha ee C/Weli & Xasan Sheikh (Xildhibaan sir hadlay)

Muqdisho(Caasimada Online) – Gudiga arimaha gudaha iyo maamul u sameynta baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilo u jeediyay madaxda dalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Cabdi Welli.

Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah xubnaha gudigaasi oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in aqoonsiga dowlada Soomaaliya ee maamulka koofur galbeed uu yahay mid iska horkeenaya ummada Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhankood aysan ku qanacsaneyn aqoonsiga dowlada Soomaaliya iyo gudiga farsamada ee dhawaan dowlada Soomaaliya ay u xilsaartan arimaha gobolada koofur galbeed Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan isku dirka shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay sii kordheen shirarka kala duwan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

“Waxaan hadda ay la cararayaan gudiga, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waa dhib Soomaali kow u ah, waxaan la yaabanahay ayaa ah nin masuul ah oo ummadii uu masuulka ka ahaa isku diraya, waana hubnaa in dadka uu isku dirayaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha”ayuu yiri.

Dhanka kale Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in sharci daro ay tahay dhismaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya oo siyaasiyiintooda aysan ku qanacsaneyn sida ay wax u socdaan.

“Sharci daro ayaa lagu dhisayaa maamulka koofur galbeed, sharci daradaasi waxay iska kooneysaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda, sharciga wuxuu dhigayaa in labo gobol iyo waxii ka badan inay israaci karaan”.

Maalintii shalay waxgaradka beelaha Hawiye ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga soo horjeesteen aqoonsiga dowlada Soomaaliya iyo magacaabidii gudiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Meydadka Somali laga helay NAIROBI

Nairobo(Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in meydadka seddex ruux oo Soomaali ah laga helay goob lagu keydiyo meydadka oo ku taala magaaladaasi.

Meydadka dadka Soomaalida oo laga helay xarunta dambi baarista dalka kenya ee CID ayaa waxaa kamid ah ruux magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdi kaasi oo laga kaxeeyay dukaan uu ku lahaa xaafada Islii ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dadka kale ee Soomaalida ah ee meydkooda la helay in iyagana laga dilanayay hanti ganacsi oo ay ku lahaayeen goobo kala duwan oo ku taala dalka Kenya.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo kamid ah baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in meydadkaasi jirkooda uu ka muuqday in ceeji lagu dilay oo aan loo adeegsan wax rasaas ah, sida uu sheegay.

Wuxuuna sheegay in dilkooda uu salka ku hayo hanti ay leeyihiin oo la dhacayay, isagoo sheegay in hantidaasi ay u taalay bangiyo kala duwan oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ka dalbaday dowlada Kenya inay sameyso baaritaano lagu xaqiijinayo dadkii ka dambeeyay falkaasi loo geystay dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kenya
[email protected]

Fedaraalka waa xoog & fadarro sidaas waxaa yiri xildhibaan magacweyn leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa eedeen culus u jeediyay dowladda Soomaaliya isagoona ku tilmaamay mid dalka u horseeday dhibaato iyo kala qob-qob xagga qabaa’ilka ah.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in ay billowday dalka in ay ka hirgaliyo qaab qabaa’il iyo fitno hor leh oo la rabo in dad gaar ah la faquuqo oo loo diiddo in ay dhistaan waxa ay rabaan.

Xildhibaan Dalxa ayaa xusay in dowladda halkii laga rabay in ay dalka ku hoggaamiso nidaam sharci ay billowday in ay bara-taarto qabiilo goono kuwaasoo raba in ay maamul ka dhistaan deeganno aaney deggin.

“Fedaraalka waa xoog, waa fitno waana mid la rabo in lagu xoogo dad dhulkiisa” ayuu yiri Prof Dalxa.

Mar uu ka hadlaayay doorka dowladda ee ku aadan hirgalinta nidaamka fedaraalka, wuxuu tilmaamay in qaabka ay wax u socdaan lagu naas nuujinaayo uun qabaa’ilo gaar ah kuwaasoo la rabo in maamulo loogu sameeyo.

Wuxuu dowladda ku eedeeyay in mas’uul ka tahay maamulada is-garab ordaya ee la dhisaayo kuwaasoo muran badan dhaliyay.

Xildhibaankan ayaa sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose kuwaasoo ay ku lug lee yihiin qabaa’ilo ka soo duulay deeganno ka tirsan gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dil iyo Dhaawac ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo(Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen suuqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sida uu sheegayo wariyaha Caasimada Online ee Gaalkacyo dilka ayaa ka dhacay bartamaha suuqa magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Galmudug, iyadoo kooxaha dilka iyo dhaawaca geystay ay goobta ka baxsadeen.

Kooxaha ayaa la sheegay inay goobtiisa ganacsi ku dileen ruux ganacsade ahaa oo ku sugnaa suuqa, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen labo haween ah ooku sugnaa suuqa.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in dilka ka dib ay gaareen suuqa dhanka maamulka Galmudug, waxaana la sheegayaa inay baaritaano ka sameeyeen goobta dilka uu ka dhacay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka yaraaday dilalkii ka dhici jiray,kadib markii maamulada magaalada ka ariminaya ay sameeyeen ciidamo isku dhaf ah.

Ma jirto cid sheegata dilalka qaar ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee mamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

 

Xaaska Baasto oo Muqdisho la keenay

Muqdisho(Caasimada Online) – Iyadoo maalintii Jimcaha gelinkii dambe  qarax ismiidamin ah uu ka dhacay magaalada Kismaayo eegobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay dadkii dhaawacyada daran uu kasoo gaaray qaraxaasi.

Ku dhawaad afar ruux oo ahaa dadkii ugu darnaa ee dhaawacyada ay kasoo gaareen qaraxaasi ayaa waxaa maanta lasoo keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Abuukar  Macalin oo kamid ah ehelada dadka maanta la keenay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen kuwo qaba dhaawacyo daran oo wax looga qaban waayay magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Kismaayo ay kaga soo tageen seddex ruux oo qabay dhaawacyo kale oo culus, sabab la xiriirta dadkaasi eheladooda uu awoodi waayay dhaqaalaha ku baxaya diyaarada.

“Waxaan keenay afar ruux oo dhaawac ah oo aad u daran waxaana ku jirta xaaska Iftin Xasan, halkaan ayaan keenay aad ayay u darnaayeen sidaas ayaan u keenay, waxaan la kulanay agaasimaha isbitaalka wuxuuna sheegay inuu wax noo qabanayo”.sidaas ayuu yiri ABuukar Macalin.

Iftiin Xasan Baasto ayaa kamid ah masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubba kaasi oo ka dhisan deegaanada gobolada Jubbooyinka, waxaana la ogeyn sababta gurigiisa ismiidaamin looga geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Xasan Sh oo gudoomiye cusub u magacaabaya Sh/Dhexe si uu BEESHA ugu badan gobolka u qanciyo (Kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa lagu warramayaa inuu is-beddel weyn ku sameyn doono maamulka gobolka Sh/dhexe, uuna xilka ka qaado Cabdi Jiinow.

Tallaabada Xasan Sheekh, ayaa ka dambeysay kadib markii cabasho xooggan ay ka timid dadka gobolka kuwaasi, oo boob iyo dilal ku eedeeyey guddoomiye Jiinow.

Warar aan ka helnay Villa Somalia, ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu doonayo inuu xilkaas iminka u magacaabo siyaasi lagu magacaabo Axmed Mayre Makaraan ‘’Axmed Faal’’.

Ninkan ayaa horey u ahaa guddoomiye degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, oo ah mid ka mid ah degmooyinka ugu nabad-galyada badan ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Tallaabada Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale ah mid lagu qancinayo beesha deegaan ahaan ugu badan gobolka ee Wacbuudhan Abgaal.
Axmed Mayre Makaraan ‘’Axmed Faal’’, waxa uu kasoo jeeda beesha Maxamed Muuse ee Wacbuudhan Abgaal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: SHABELLE STATE oo jawaab adag ka bixiyey go’aankii Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeeen u hadlay maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in aysan aqoonsan doonin guddiga farsamada maamulka Koonfur Galbeed ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu magacaabay.

Waxa uu sheegay Afhayeenka inuusan waxba ka galin maamulka Shabeelle State maamulada isbar-baayaca ee ka dhisan Baydhabo, iyo qaska uu dalka ka wado ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Waxa uu qeexa in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaalada cakiran ee Koonfurta Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xariiqay in maamulada ka dhisan magaalada Baydhab ee gobalka Bay ay sii kala fogeeneyso dowladda.

Wuxuu sheegay in maaamulka Shabelle State uu yahay midka saxda ah ee ka jira gobalka Shabeellaha Hoose.

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Beelaha Hawiye oo maanta Muqdisho ku shiray soo saaray go’aan muhiim ah

Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasi ay ku yeeshay masuuliyiin kala duwan oo matalaya beesha Hawiye kuwaasi oo ka hor imaanaday go’aano ay horay u qaadatay dowlada Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano, wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo waxgaradka beeshaasi kuwaasi oo dhamaantood isku mowqif wada ah.

Ujeedada ugu weyn ee kulankooda ayaa ah inay kasoo horjeedaan aqoonsiga dowlada Soomaaliya ee maamulka koofur galbeed iyo gudigii dhawaan dowlada ay u xilsaartay arimaha maamul u sameynta koofur galbeed.

Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulankaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen dhamaantood in dowlada Soomaaliya ay u gaftay dastuurka u degsan dowlada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac Xuseen, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowlada Xasan Sheikh Maxamuud ay ku fashilantay arimaha maamul goboleedyada Soomaaliya.

“Sharciga baarlamaanka waa la garabmay, dastuurka waa loo gafay waana la hareer maray”ayuu yiri xildhibaan Cabdulaahi Jaamac Xuseen.

Odayaasha goobta ka hadlay ayaa sidoo kale dhaliilo kala duwan u jeediyay masuuliyiinta ugu sareysa dalka, iyagoo ku eedeynaya hareer marida dastuurka u yaala dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Muqdisho oo isbedel weyn laga dareemayo xilliyada habeenki (Daawo)

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ee Muqdisho oo laga soo duubay muuqaal Xili habeen ah kaas oo si weyn ku soo jiidanayo kaas oo laga soo qaaday Bartamaha Farasmagaalaha Magaalada oo isbadal xoogan uu ka jiro.

Muuqaalkani hadii aa daawato waxaa isleedahay Muqdisho goormee bay sidaan isku badashay Iftiinka magaalada iyo sida ay tahayba haatan, waxaana hubaal ah in magaalada ay isweyn muuqeeda isku badalay ee nala daawo Muuqaalkaan Cusub.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

QADAR oo go’aan geesinimo qaadatay oo ku saabsan waddanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qadar ayaa shaacisay in ay dhawaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay dib uga furan doonto safaaradooda.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskii ku qaabilay sii hayaha safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya, waxaana ay ka hadleen calaaqaadka iyo xiriirka labada waddan.

Sii hayaha xilka safiirka Qadar ee Soomaaliya ayaa sheegay in Qadar ay ka go’an tahay siddii ay u sii wadi lahayd kaalmada ay siiso dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo dhiirgalinta maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna ammaanay dowladda Qadar oo uu sheegay in ay ka mid tahay dowladdaha mar kasta caawiya Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay in wasaaradiisa ay soo dhaweyneyso go’aanka geesinimada ee ah in ay dib uga furato Muqdisho safaaradooda.

Waxaa soo badanaya waddamada daneenaya in dib loo soo celiyo calaaqaadka ay lee yihiin Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho ku yaalla safaarado ku leh in ka badan 30 dowladood oo ay ku jiraan Turkiga iyo UK, waxaa kaloo sheegis mudan in Maraykanka uu sheegay in uu dib u furan doono safaaradoodii Soomaaliya.

Dadka odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in wax yaabaha lagu qiimeeyo dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay in ay horrumar weyn ka sameesay dhinaca dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]