28.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Video: Tarsan oo la shiray reer P/land

Minneapolis (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Banadir iyo Duqii hore ee Muqdisho Maxamuud Tarzan oo xiligan socdaal ku maraya dalka Maraykanka ayaa kulan uu la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada Puntland kaga hadlay xaalada Muqdisho.

Tarzan iyo Jaaliyadda Puntland ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ka wadahadlay xalka Soomaaliya iyo waliba warbixino uu ka bixiyey xaalada ka jirta magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo Barnaamijkan oo dhameystiran

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanada BF oo kasoo horjeestay go’aankii Cabdi Weli ku magacaabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjestay guddi uu dhawaan magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Guddigan ayaa loo magacaabay inay ka soo shaqeeyan dhismaha maamulka uu muranka ka tagan yahay ee koonfur galbeed, kaasoo noqonaya saddex gobol, balse xildhibaannada ayaa sheegay inay sharci darro tahay magacaabida guddiga.

Xildhibaannada waxaa kalo ay sheegen madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya, madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka inay jabiyeen dastuurkii dalka u yaallay, sida qodobka 49-aad ee dastuurka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Geesay oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa xilli uu la hadlayey warbaahinta gudaha waxaa uu sheegay in madaxda dowladda ay isku raacen sharci darro, ayna tallaabi ka qaadi doonaan ra’iisul wasaaraha.

“Guddi siddeed iyo tobon ah oo loo dhisay saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, kaas oo an waafaqsaneyn sharucda iyo dhaqanka wadanka, madaxda ay arrinta ka soo baxday, aadbaan ugu xunahay inay ku talabsadan waxuusan dastuurku ogleyn qodobkiisa 49-aad” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Geesay .

Waxaa kalo uu sheegay xildhibaan,Maxamed Cabdullaahi Geesay in wax laga xumaado ay tahay tallaabada ay madaxda qaaten,waxuuna inta ku daray in la marayo xilligii bulshada la nabaden lahaa balse aysan wanagsaneyn wax dhibaato u keenaya oo aysan oglen in la sameeyo.

Xildhibaanka ayaa si aad ah ugu dhaliilay madaxda dowladda inay go’anka guddiga lugu dhisay uu yahay mid kala fogeynaya dadka degga gobollada la doonayo in loo sameeyo maamul.

Halkan hoose ka dhageyso xildhibaanka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Xasan Sheekh oo lagu qasbay in uu ka tanaasulo awoodiisa DASTUURI

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cadaadis dheer kadib u sheegay taliyihii hore ee Ciidanka Booliska General C/Xakiin Daahir Saciid (Saacid), inuu xilka wareejiyo.

Madaxweynaha, oo u muuqda nin ka tanaasulaya awoodiis dastuur ee magacaabista taliyayaasha ciidamada, ayaa waxaa la hadlay Nicholas Kay oo u sheegay inuusan ka hor iman ra’iisul wasaaraha.

General Saacid, ayaa horey uga biyo diiday in uu xilka ku wareejiyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, oo la magacaabay 9-kii bishaan, isaga oo sheegay in ra’iisul wasaaraha uusan sharci u lahayn inuu xilka ka qaado.

Shir gaar ah oo ay Villa Somalia ku yeesheen Madaxweynaha, Wasiirka Amniga Qaranka, Taliyaha cusub ee Booliska, Taliyaha Booliska ee Amisom iyo General Saacid, ayuu Madaxweynuhu kaga dalbaday in maanta uu xilka wareejiyo Saacid.

Xasan Sheekh wuxuu maalmahaan dambe uu ka aamusnaa khilaafka ka dhashay arrintan, ayada oo wararka qaar ay sheegayeen inuu si hoose ugu lug lee yahay arrintan.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, oo ay isku beel yihiin Cabdi Weli, ayaa ah nin WANTED ka ah dalka Canada, oo dambiyo dagaal looga haysto, sida aan horey u shaacinay. Halkan ka arag

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kooxdii DASTUURKA oo lacag dalbatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Komishanka Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegidda Dhaqan-galinta Dasturuka Caasha Geelle Diiriye ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaailya in ay maal-galiso, oo ay lacag ku bixiso hannaanka dib loogu eegayo dastuurka.

Kulan ay saamileeyda ku yeesheen Muqdisho kana soo qaybgalene xubno ka tirsan komishanka, mas’uuliyiin xukuumadeed iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah, ayay Caasha ugu baaqday xukuumadda in ay hubiso sidii wakhigii loogu talagalay loogu dhammeeyn lahaa dib-u-eegidda dastuurka oo ay ku bixiso taageero maaliyadeed.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir ayaa sidoo kale sheegay in ay xukuumaddu ilaalin doonto ballan-qaadkeedii ahaa in ay go’aanka kama dambaysta ah ee dib-u-eegidda dastuurka u dayso dadka Soomaaliyeed, taa soo ah dadaal lagu doonayo hubinta in hannaanku noqdo mid ay Soomaali hoggaanka u hayso isla markaana leedahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XASAN SHEEKH OO U JAWAABAY QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyey warbixin lagu sheegay in uu ku lug leeyahay lunsashada malaayiin dollar oo dowladda u taalliilay dibadda, taas oo uu qoray guddiga Qarammada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereterea ee lagu magacaabo Monitoring group.  Halkan ka arag warbiixnta. 

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo aan ka soo xigannay wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga ayaa lagu beeniyay warbixinta uu qoray guddiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in warbixintu ay tahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

Guddiga ayaa dhawaan soo saaray warbixin uu ku sheegay in uu hayo macluumaad muujinaya in goor sii horreysey ay madaxweynaha Soomaaliya, Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aden oo ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo qaabbilsan arrimaha sharciyadu ay lunsadeen dhaqaale ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiyo oo hore u beenisay eedeyntaa ayaa sheegtay in ay dacwad ku soo oogi doonto xubno ka tirsan guddiga qoray warbixinta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxda DF Somalia oo maanta isugu tagay Villa SOMALIA, si ay halkaasi u…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaflad sagootin ah u sameeysay safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay dalka Soomaaliya Kamaalu-diin Toram.

Xafladda oo ka dhacday Villa Somalia ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo xubno ka tirsan labada golle ee xukuumadda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay dowladda Turkiga gaar ahaan safiirkii horre oo uu sheegay in uu door weyn ka qaatay wanaajinta xirirka labada waddan.

Wuxuu sheegay in marnaba aaney hilmi doonin doorkii uu lahaa safiirka gaar ahaan afartii sanno ee uu joogay dalka.

Guddoomiyaah golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu danjirihii hore ee Turkiga ee Soomaaliya uu kaalin muhiim ah ka qaata calaaqaadka labada waddan wuxuuna ugu baaqay Ambassador Kamaal in noqdo nin sii wada xiriirka Soomaaliya.

Wuxuu ku ammaanay in uu door ku lahaa dib u dhiska iyo hormarka dalka ay ka wadeen Turkiga maadama uu ahaa ninkii wakiilka uga ahaa dolwadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud ayaa sheegay in maalintii uu immaanayay Muqdisho safiirkii hore ee Turkiga iyo maanta ay kala duwan tahay, wuxuu sheegay in uu ka tagayo Soomaaliya iyagoo dhisay waddooyin, isbitaalo iyo goobo kale oo muhiim ah.

“Ambsdor Kaani maalintii uu Xamar yimid iyo maanta uu ka tageyaa aad iyo aadbeey u kala duwantahay waxan jecelahay inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaago inta ay qabteen walaalaha Turkiga, waxaa ka badan mashaariicda kale ee u qorsheysan iney ka fuliyaan dalkeena, siyaasadda Turkiga ee Soomaaliyana ma qarsoona, madaxweynaha iyo R/wasaaraha Turkigu aad ayeey u muujiyaan iney u hadlaan Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyneaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale ammaanay dowlada Turkiga gaar ahaan ra’iisal wasaare Ordogan oo booqashadii uu ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka tusay caalamka in Soomaaliya ay tahay waddan ammaan ah oo latagi karo.

Ra’iisal wasaaraha Turkiga ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreysay ee Afrikan aan ahayn ee yimaado Muqdisho in ka badan 20-sanno, waxaana Turkiga uu caalamka tusay in Soomaaliya aan ahayn dal guul-darreestay.

Turkiga ayaa Muqdisho ka dhisay Iskuulo, Isbitaalo, Jaamacado iyo Ceelal waxaana ganactada Turkiga ay billaabeen in ay maalgashtaan Soomaaliya.

Turkiga ayaa leh Soomaaliya waa dal leh mustaqbal wanaagsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somalia oo shidaal laga baarayo kadib heshiis ay DFS la gashay shirkadda…

Dubai (Caasimada Online) – Wasaaradda shidaalka iyo macdanta ee dowladda federaalka Somalia, ayaa heshiis cusub oo shidaal la gashay shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta.

Shirkadda ay dowladda heshiiska la gashay waxaa lugu magacaaba Mubadala, waxaana la sheegay inay ku wanagsan-tahay sahminta shidalka iyo hubiinta goobaha shidaalka uu ku jiro.

Heshiiska cusub waxaa uu u dhacay hab saddex geesod ah, waxaana la sheegay in ay isku af-garteen dowladaha Imaaradka Carabta, Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Mubadala in shirkadda ay qayb ka qaadato sidii loo sahmin lahaa goobaha shidaalka ee Soomaaliya iyo in ay ka qayb qaadato qorshaha qodista haddii shidaal laga helo Soomaaliya.

Daa’uud Maxamed Cumar oo ah wasiirka xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan macdanta iyo shidaalka ayaa dhankiisa sheegay in wadaagga xogaha ku saabsan shidaalka iyo macdanta Soomaaliya ay qayb ka yihiin heshiiska la kala saxiixday.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in shirkadda Mubadala ay qayb weyn ka qaadan doonto awood siinta iyo horumarinta waxqabadka shaqaalaha wasaaradda iyo horumarinta wax ka ogaanshaha macdanta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan shirkadda Mubadala oo lugu magacaabo Musabbeh Al-Kaabi, ayaa sheegay in heshiiskaan muhiimka ah uu qayb ka cayaari doono naqshadeynta xog is dhaafsi ku saabsan qaabkii magaalada Abu Dhabi ay ku maalgalisay waaxda shidaalka oo ay ku gaartay halka ay maanta joogto.

Al-Kaabi, ayaa inta ku daray shirkadda shidaalka ee Mubadala ay billaabi doonto xiriir qoto dheer oo ay la yeelaneyso wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhulka Soomaaliya ayaa la aamin-san yahay inuu hodan ku yahay shidaalka iyo macdanta, inkasto dalka uu yahay midka dunidda ugu hooseya dhinaca dhaqaalaha, maadaama ay la hareen colaado iyo xasilooni dari.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

Xog: Muxuu salka ku hayaa welwelka ka dhashay xadaynta badda Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dhawaan waxaa soo baxday warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu warqad u qoray golaha ammaanka QM taasoo uu ku faah-faahinaayo in dowladiisa ay diyaar u tahay in lagala hadlo xadeynta badda Soomaaliya.

Haddaba arrintaas waxay dhalisay muran aad u weyn taasoo la xiriirrta in markale la soo celiyay in badda Soomaaliya lagu gorgortamo halka ay ku egtahay.

Xildhibaanno iyo dad aqoonyahano ayaa ka hadlay arrintaas iyagoona ka digay in Soomaaliya oo weli ah dal itaal daran dowladda ka jirtana awood u lahayn in ay iska difaacdo horarka lagu yahay badda Soomaaliya.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Maxamad Ibraahim Mucalimmu ayaa waxa uu arrintaas waraystay Admiral Faarax Cumar ( Faarax Qare) oo ah madaxa hay’adda cilmi baarista baddaha Soomaliyeed.

Wuxuu sheegay in waxa la isku heesto ay tahay wadahadallada laga furaayo xadeynta badda ee aan ahayn in laga hadlo badda Soomaaliya iyo halka ay ku egtahay.

Wuxuu sheegay in badda Soomaaliya halka ay ku egtahay uu cad yahay isla markaana uu muran ka dhalan karin sidda uu hadalka u dhigay.

Isku soo duub waxaa markale soo labo kacleeyay arrinta ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya taaso kal horre ay ku fadeexoobeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladihii KMG ah ee dalka soo maray, kuwaasoo sumcad xumo ay ku dhacday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sirtii ugu weyneyd dunida: Abu-Bakar Al-Baghdadi waxaa tababar Mossad & CIA (Qorshe Israel darteed loo dejiyey)

London (Caasimada Online) – Sir xasaasi ah oo soo shaac baxday, ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha kooxda ISIS ee Ciraq iyo Syria Abu Bakar Al-Baghdadi, ay tababar siisay hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, oo caawimaad ka heleysa saraakiil British iyo American ah.

Xogtan, ayaa waxaa shaaca ka qaaday jaajuuskii horey uga goostay hay’adda nabad sugidda qaranka Mareykanka (NSA) ee Edward Snowden.

Sida uu daabacay wargeyska Gulf Daily News, Snowden ayaa sheegay in Mareykanka, UK iyo Israel ay hindiseen qorshe ay ku ilaalinayaan jiritaanka Yahuudda oo ay ugu magac dareen “the hornet’s nest”.

Qorshaha ayaa ah in dhammaan kooxaha argagixisada ee dunida hal meel la iusgu geeyo, laguna mashquuliyo dagaal aad uga fog Israel.

Documents-ka uu sii daayey Snowden, ayaa sheegeya in kooxda ISIS loo aas aasay in lagu bad baadiyo Yahuudda, si cadowga Israel loogu mashquuliyo dagaallo kale.

Snowden waxa kale oo uu shaaciyey in hoggaamiyaha ISIS Al-Baghdadi uu sanad dhan tababar xooggan ku qaadanayey xerooyin ay maamusho Mossad, halkaasi oo si wanaagsan diinta islaamka iyo hab hadalka soo jiidashada leh loogu barayey.

Shaac ka qaadistan uu sammeeyey Snowden, oo dalka Ruushka magan galyo ka haysta, waa tii ugu weeneyd ee dunida islaamka tuseysa wax badan oo ka qarsanaa.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Xasan Sheikh oo safiir u magacaabaya Gaandi (Qancinta beelaha Kablalax)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabi doona Prof. Maxamed Cabdi Gaandi inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiisan doona dalka Canada, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online.

Sida xubno ku dhow Villa Somalia ay u sheegeen Caasimada Online, Xasan Sheekh ayaa shaaciyey in la xoojin doonno xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka, sidaa darteedna uu magacaabi doono safiiro badan.

Magacaaabista Gaandi, ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo maalmaha soo socda.

Maxamed Cabdi Gaandi
Maxamed Cabdi Gaandi

Magacaabista Gaandi waxaa ay ku soo aadaysa xilli maalmo ka hor uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya muddo 23-sanno kaddib safiirka rasmiga ah ee Soomaaliya u fadhisan doonna dalka Marekanka, kaaso loo magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Tallaabadan, ayaa qeyb ka ah qorshe Xasan Sheekh uu ku qancinayo beelaha Daarood, waxaana sida la sheegay cadaadis ku haya Ethiopia, Kenya iyo xafiiska UNSOM ee Somalia, ee uu hor-boodo Nicholas Kay, oo xiriir dhow la leh beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen.

Madaxweynaha oo horey labadan beel ugu xalaaleeyey maamulka Jubbooyinka, ayaa sidoo kale la sheegay inuu xilal kale siin doono, inkasta oo aan la shaacin waxa ay yihiin.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo la sheegay in loo magacaabi doonno safiirka Soomaaliya ee dalka Canada, waxaa uu horay usoo noqday wasiirkii gaashandhigga Soomaaliya 2009 ilaa Noofember, 2010, xilligii madaxweyne Shariif iyo xukuumaddii Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Fadeexad ka jirta Xamar: 32 siyaasi oo DF ka dalbaday xabsi, 1 sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – 32 ka mida Gudoomiye ku xigeenadii degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeeysay Dowladda Somalia weydiistay inay Xabsiga dhexe u gudbiyaan, si ay uga baxaan Xabsi guri ay ku jiraan.

Gudoomiye ku xigeenada oo Wareeysi dheer siiyey idaacadda Dalsan ee Muqdisho, waxay sheegeen inay naftooda halis ku jirto ,iyadoo taasina ay sababtay inay cabsi darteed guryahooda ka bixi waayeen.

Gudoomiye ku xigeenada oo tibaaxay inaysan Madaxda Dowladda Somalia uga jawaabin codsiyo ay u dirteen, waxay dhinaca kale codsadeen in dhamaantood loo gudbiyo Xabsiga dhexe ee Dowladda, maadama uu guryahooda uga amaan fiican yahay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab oo kheeyrul Masuulnimo ku dhiiraday, ayaa wuxuu xilalka hal maalin ka eryay boqol ka mida shaqaalaha gobolka Banaadir, hase yeeshee garasho xumadiisa dadkaas uu shaqada ka eryay marna kama fikirin ammaankooda Tani waa fadeexadii ugu cusleed ee madaxda dowladda iyo Gudoomiye Muungaab ruxda xafiisyadooda.

Halkan ka dhageyso hadallada guddoomiye ku xiggeenada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Amisom oo dagaal beeleedyada ka jira SOMALIA go’aan yaab leh ka qaadatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Amisom, ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka taagan goboladda Hiiraan iyo Sh/Hoose, iyo doorkada uga aadan xoogaga nabad ilaalinta ee African-ka ah.

Afhayeen ciidamadda midowga Afrika ee Amisom, Cali Aadan Xumud oo saxaafadda kula hadlay gudaha xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho, ayaa shaaciyey go’aanka Amisom ee ku wajahan dagaal beeleedyada.

Col. Xumud ayaa sheegay inaaney waxba ka qaban karin dagaaladda qabaa’ilka qaar dhex maraya, balse ay sii wadayaan dadaalada ay isugu dayayaan inay nabad ku kala dhex dhigaan beelaha diriraya.

“Amisom, waxba kama qaban karto dagaal beeleed” ayuu si cad u yiri, isaga oo sheegay in taasi ay tahay howsha dowladda Somalia.
Wuxuu dowladda Soomaaliya, ugu baaqay inay dagaalada kala dhex gasho oo iyadu qaboojiso, xalna u hesho, maadaama uu sheegay aaney muuqaneyn cid kale oo awood u leh arrintaas.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Amisom, Col. Cali Aadan Xumud, ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal beeleedyo faraha looga gubtay ay dalka ka dhaceen maalmihii dhowaa, welina gulufyo colaadeed ay bidhaamayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Barre: Xasan Sheekh waxa uu sammeeyey arrin gef ku ah qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrin fool xun ku tilmaamay isticmaalka, tallaabadii madaxweyne Xasan Sheekh uu qaaday ee ka dhanka ahayd badda Somalia.

Xildhibaanka, ayaa soo hadal qaaday warqaddii uu madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay Qaramada Madoobe ee ka dhanka ahayd badda Somalia, islamarkaana abuureysay muranka ay Kenya dooneys.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay fiican tahay in xil la iska saaro hantida iyo xuduudaha dalka bad iyo bariba, inta dalka uu ka helayo baarlamaanka awood u leh inuu wax diido iyo inuu wax ogalaado.

Waxaa kaloo uu intaas ku daray hadalkiisa in madaxweynaha uu sameeyay arrin gef ah isla markaana uusan xaq u lahayn in wada hadal aan la ogeyn uu la galo Shisheeye kuna saabsan Badda Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso wareysiga:

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muungaab oo afhayeenkii saddexaad ee gobalka Banaadir magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Jeneraal Xasan Xuseen Muungaab ayaa magacaabay afhayeenkii 3-aad ee yeesho maamulkiisa tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seko ) oo horrey u soo noqday xildhibaan baarlamaan ayaa loo magacaabay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, waana qofkii seddaxaad oo loo magacaabo xilkaas tan iyo markii Muungaab uu noqday duqa Muqdisho.

Ma cadda wax yaabaha uu salka ku hayo isbadalka degdega ee afheeynka gobalka Banaadir, balse waxaa la lee yahay waxaa jirra culeys la soo darsay labadii afhayeen ee horre.

Muungaab oo xilalka maamulka gobalka Banaadir ku taxay dhallinyaro u badan kuwa wax soo baartay kana soo baxay Jaamacado ayaa hadda maamulkiisa ay ka soo muuqdeen odayaal iyo shaqsiyaad horrey siyaasadda ku soo jiray.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa ballan qaaday in uu la immaan doono isbadal iyo horrumar ka badalan maamulkii ka horeeyay balse waxaa jirra dad badan oo saluugsan maamulka gobalka Banaadir.

Arrimaha ilaa hadda maamulka uusan waxbo ka qaban waxaa ka mid ah ammaan darrida ka taagan caasimada.

Si kastaba, la arki doonaa wax yaabaha uu soo kordhiyo afhayeenka cusub ee maamulka gobalka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Beesha SADE oo la doonayo in lagu biiriyo Puntland (Qorshe cusub)

Garoowe (Caasimada Online) – Ergooyin kasoo jeeda beesha Mareexaan oo ka kala yimid gobollada Gedo iyo Gal-Gaduud, ayaa dhowaanahan ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo ay kula shirayeen odayaasha Puntland.

Waxyaabaha lagala hadlay geba-gebadii kullamadaas, waxaa ka mid ah in beesha Mareexaan ay kusoo biirto maamulka Puntland, oo ay xubin ka noqoto, sida ay codsadeen odayaasha Puntland.

Warbixin ku saabsan arrintaas hoos ka daawo

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Sawirro: Xildhibaannada Hawiye oo ka hor-yimid go’aankii Villa Somalia ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Muqdisho ka dhacay kulan ay yeesheen guddi xildhibaanada Hawiye kuwaa oo ka dhiidhiyay go’aan xalay kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya kaas oo lagu magacaabay gudi soodhameestira maamulka lagu muransanyahay ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in gudigii lagu dhawaaqay ee loogu tala galay in uu soo dhameestiro maamulka Koofur Galbeed ee ka kooban sedaxda gobal uu ahaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka u yaalla ayna yihiin sharci daro.

Xildhibaan Cumar Finish oo kamid ah gudiga xildhibaanda Hawiye ee maanta kulanka yeeshay ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in aysan aqbali doonin gudiga 18-ka xubnood ka kooban oo uu sheegay in uu yahay mid loogu tala galay in mugdi lagu sii geliyo siyaasada cakiran ee Soomaaliya, waxa uuna gabi ahaan sharci daro ku tilmaamay Maamulka Koonfur Galbeed ay aqoonsadeen Madaxda Dowlada.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay Xildhibaanad Naciima Maxamed Gacal oo iyana kulanka ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in ay wax lala yaabo tahay in deegaan maamul ay u dhisteen dadka degaahi laga dul dhiso maamul kale oo aysan raalli ka aheyn oo lagu khasbayo.

“Inagu hadii aan nahay gudiga xildhibaanada Hawiye waxa aan aad u diidanahay gudiga loo sameeyay in ay soo dhameestiraan maamulka Koofur Galbeed. Maamulka Koofur Galbeed markii hore ayuuba qalad ahaa, maadaama deegaanno aan shaqo ku laheyn lagu daray”, Xildhibaan Naciima ayaa sidaa tiri.

Xildhibaana kale oo badan ayaa iyana goobta ka hadlay waxaana kamid ahaa , Xildhibaan Cabdullahi Jaamac Xuseen oo sheegay, “Laba qaldani wax saxan masameyso. Maamulka Juba oo qalad ah ayaa markii hore jiray hadana waxaa lakeenay maamulka Koofur Galbeed oo isna qalad kale ah”.

Maamulka Koofur Galbeed oo la sheegay in ay gadaal ka riixayaan masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, waxaana dad badan ay isku raaceen in yagleelidiisu ay tahay dhibaata hor-leh oo soo wajahday Soomaalida, maadaama beelaha dega gobalka Shabeelada hoose oo sameestay maamul ay hoos tagaan oo lagu magacaabo Shabeella State lagu dirqinayo maamul aysan raalli ka aheyn.

xil 1xil 2xil 3xil 4

Isha: Allbanaadir

Fowziyo Yuusuf Xaaji oo ka jawaabtay sirtii musq-maasuq oo ay kashiftay QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedd Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa gaashanka u daruurtay warbixin si hor dhac ay u soo saareen guddiga cunaqabteenta hubka ee saaran Soomaaliya UN Monitoring Group taasoo madax badan oo ka tirsan dowlasdda oo ay ku hiryo ay lunsadeen lacago badan oo Soomaaliya u tiilay dibedda.

Shir jaraa’id oo ay ku qabtay Muqdisho ayey marwo Fowziyo sheegtay in warbixinta la soo saartay ay tahay mid been abuur ah oo sal iyo baar toona lahayn.

Waxay sheegtay arrinta ku saabsan in ay bangi ku furi rabtay Dubai uu lahaa go’aankaas ra’iisal wasaarihii hore ee

Cabdifaarax Saacid Shirdoon iyadoona sheegtay in ay heyso caddeemo muujinaya arrintaas iyo saaxiixa Saacid.

Waxay sheegtay oo kale in guddoomiyihii hore ee baanka dhexe Yusra Abraar ay iyadu mas’uul ka hayd in loo dhiibo xilkaas si ay ula dagaallanto musuq-maasuqa hareeyay hey’addaha dowladda, waxay sheegtay in Yusra ay been u sheegtay caalamka oo ay tiri Soomaaliya yaan la caawin oo waa meel musuq-maasuq ay dilootay.

Xildhibaan Fowziyo ayaa tilmaamtay in arrintaas ay muujineyso sidda cadow loogu yahay Soomaalida oo aan la rabin in ay madaxa kor u qaado.

“Soomaaliya qofka wanaag la rabo ama xabad ama si kale ayaa loo dilaa” ayey tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Waxaa la weydiiyay in madaxweynaha oo kula jirra warbixinta eedeenta in ay kala hadashay waxay sheegtay in madaxweynaha uu la socdo arrinta isla markaana uu diyaar u yahay in uu iska difaaco.

Waxay kaloo sheegtay in aanu uga hari doonin kooxda UN Monitoring Group oo markii labaad been ka sheegtay iyadoo tilmaamtay in ay tegi doonto New York oo ay qabsan doonto qareeno arrintaas ka difaaca.

Ugu dambeyn waxay sheegtay in marnaba aaney ka tanaasuli doonin siddii ay u difaaci lahayd sharrafka Soomaaliyeed sidda ay hadalka u dhigtay.

Hadalka wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan warbixin lagu qoray wakaaladda wararka Reuters lagu sheegay in madaxweynaha iyo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in ay lunsadeen lacago badan oo Soomaaliya u tiilay caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska  Muqdisho

[email protected]

Spain oo malaayin dollar siineysa DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay maanta oo Khamiis ah in dowladda Spain ay la laabatay lacag gaareysa 3-Milyan oo dollar taasoo horrey loo siiyay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo dhiirigalinta maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacag Soomaaliya la siiyay sannadkii 2010-kii Kaddib markii Soomaaliya ay la daahday siddii ay u qaadan lahayd lacagtaas.

Wuxuu sheegay in lacagtaas laga helay uun hal Milyan taasoo lagu maalgaliyay caafimaadka Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in ay hadda doonayaan in ay dib u cusbooneesiiyaan siddii ay u heli lahaayeen lacagta ay siiyo dowladd Spain.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Kaddib markii uu ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay dalka Spain halkaasoo uu kula soo kulmay madax ka tirsan dowladda Spain.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in halkaasoo kula soo kulmay madax ka tirsan naadiga kubadda cagta ee RealMadrid kuwaasoo u ballan qaaday in ay Soomaaliya u tababbarri doonaan cayaartooy, wuxuuna ku tilmaamay arrinkaas mid muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale ballaaran ka heshay beesha caalamka balse waxaa marar badan su’aalo laga keenay sidda loo maareeyo dhaqaalahaas iyo waxyaabaha lagu bixiyox

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho(Caasimada Online)-Wararka aan ka helayno Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhaw Isbitaalka Masaarida ee ku yaala Degmadaasi, ayaa waxa ay sheegayaan in goordhaweyd halkaasi uu ka dhacay Qarax lagu xiray gaari Kaarib ah oo uu saarnaa Sarkaal Dowladda ka tirsan.

Gaarigaan ayaa marayay Isbitaalka Masaarida hortiisa, waxaana wararka ay sheegayaan in la qarxiyay xilli uu socday gaariga, iyadoo ay saarnaayeen Sarkaal la sheegay inuu gashnaa Tuutaha ciidanka Milateriga, halka ninkii darawalka ahaana uu dhaawac soo gaaray.

Waxaa geeriyooday Sarkaalka gaariga saarnaa oo markii uu gaariga qarxay durba goobta ku nafbaxay, iyadoo ninkii darawalka ahaa ee gaariga waday isaga oo dhaawac ah goobta laga qaaday.

Ilaa hada nooma aysan suuragelin inaan helno magaca Sarkaalkaasi gaariga lagu qarxiyay iyo qeybta uu ka qaabilsan yahay ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho, ayaa maalmahan waxaa kusoo badanaya qaraxyada noocaan ah ee gaadiidka lagu xiro, waxaana tan iyo Ramadaanka markii uu biloowday qaraxyada noocaan ah lagu dilay dad badan oo Dowladda la shaqeynaye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]