28.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Xog: Wiil uu dhalay Axmed Diiriye Cali oo shalay magaalada Muqdisho lagu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu dhaawacay Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay dhaawaciisa geysteen ilaa laba nin oo bistoolado ku hubeysneyd.

Ninkaan, ayaa waxaa lagu weeraray Isgoyska Cali Kamiin, xilli la sheegay in uu ku sii jeeday hoygiisa, waxaana dhowr xabadood looga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa.

Isagoo dhaawac culus qaba, ayaa waxaa lagula cararay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la soo sheegayaa in xaaladiisu tahay mid adag.

Waxaa soo baxaaya in uu ka tirsanaa Taliska Minishiibiyadaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, isla-markaana uu ka hawlgeli jiray Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Laakiin nin ay ehelo yihiin, ayaa waxa uu beeniyay in uu ka tirsanaa Dowladda, isagoo taasi bedelkeedana sheegay inuu ka shaqeeyo shirkad nadaafada ka shaqeysa, oo Xarunteedu tahay Bakaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mooshinkii Xasan Sheekh oo dib usoo cusboonaaday iyo fursad dahabi oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Olole siyaasadeed ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar qura xalay kasoo cusboonaaday magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli madaxweynaha shalay ay u ahayd maalin aad u xun.

Xildhibaanno badan oo kasoo horjeeda madaxweynaha, ayaa xalay ku shirayay magaalada Muqdisho, kadib warbixintii guddiga cuna-qabateynta QM u qaabilsan Somalia iyo Eritrea ee shalay, oo shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu isku dayayey lunsashada hanti qaran. Halkan ka arag.

Xildhibaanada shirayay ee mucaaradsan Xasan Sheekh, ayaa is-weydiinaya sida ay uga faa’ideysan karaan eedeymaha loo soo jeediyey madaxweynaha, oo ay u arkaan fursad ay mar kale xilkiisa qal qal ku gelin karaan.

Waxaa sidoo kale ku jira qaar doonaya inay mar kale madaxweynaha ka helaan lacag badan, oo uu isaga aamusiyo, sidii dhacday dhowr bil ka hor markii ay dalbadeen inuu xilka iska casilo.

Xildhibaannada ku shiraya hoteelada Muqdisho, ayaa qaarkood u sheegay Caasimada Online in markan ay haystaan fursad wanaagsan, maadaama ay ololahooda taageero uga heli karaan beesha caalamaka.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xubno ku dhow iyo xildhibaanno taageersan ku qaabilaya Villa Somalia, asaga oo kala tashanaya xaaladda cusub ee soo korartay.

Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in warbixinta UN Monitoring Group ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn, ayna qeyb ka tahay olole ay dalalka deriska ah iyo qabaa’ilo gaar ah asaga ku hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog cusub: Xasan iyo Saacid waa ay is og yihiin + Cabdiweli oo jah-wareersan

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa shalay werisay in aliyihii ciidamada booliiska ee xilka laga qaaday Gen Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid), uu diiday in uu xilka ku wareejiyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliiska uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Diidamada Gen. Saacid, ayaa lagu warramayaa inuu u cuskanayo dastuurka Soomaaliya, sidaa darted uu sheegay inaysan sharci ahayn tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaare Saacid.

Dastuurka Somalia, ayaa qaba in madaxweynaha uu lee yahay magacaabista taliyayaasha ciidamada, hase yeeshee waxaa taas ka tillaabsaday ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo General Saacid ay is og yihiin, uuna la qabo diidmada ah inuusan xilka wareejin.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha oo iska ilaalinaya inuu si cad uga hortago Cabdi Weli, uuna abuuro khilaaf cusub uu Saacid u sheegay inuu diido wareejinta xilka, una ballan qaaday in isaga uusan xilka ka qaadi doonin.

Arrintan cusub, ayaa jah-wareer ku abuurtay ra’iisul wasaaraha, oo ninkii ina-adeerkiis ahaa ee uu xilka u magacaabay weli xilka la wareegi la’ yahay.

Cabdi Weli, ayaa kadib weerarkii labaad ee Villa Somalia, waxa uu xilka ka qaaday taliyayaasha nabad sugidda iyo ciidamada booliiska, waxaana uu Saacid ku beddelay Geen. Maxamed Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa bilihii u dambeeyey waxaa cadaadis xooggan ku hayey dalalka deriska iyo Nicholas Kay, kuwaasi oo ka maroojiyey awoodiisa una gacan geliyey ra’iisul wasaaraha, oo ayaga ku xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheekh, Cabdi Weli iyo Jawaari oo xalay madaxtooyada kula shiray…

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya ayaa xalay lakulmay masuuliyiin kala mataleysay maamuladii lixda iyo seddexda gobol ee koofur galbeed Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay odayasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo haweenka kasoo jeeda deegaanada koofur galbeed Soomaliya.

Kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dalka, gudoomiyaha baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha Soomaliya, gudoomiyaha gobolka Banaadir, xubno matalayay labada gole iyo masuuliyiin ka soconaya labada dhinac ee koofur galbeed.

Madaxweynaha dalka ayaa ka horjeediyay masuuliyiintii lakulmiyay in tani ay qeyb ka tahay dhismaha dowladnimada wuxuuna ugu baaqay dhinacyada kala duwan inay ku kalsoonaadaan madaxda ku jira gudiga farsamada ee soo dhisaya maamul loo dhan yahay.

Wuxuu sheegay Xasan Sheikh in dowladiisa ay taageersan tahay gudiga farsamada oo ay la shaqeynayaan, laakiin wuxuu kula dardaarmay inay soo dhisaan maamul ay taageersan yihiin shacabka kasoo jeeda koofur galbeed Soomaaliya.

Arinta sameynta gudiga xalay lagu dhawaaqay ayaa qeyb ka ah hishiiskii lagu gaaray in lagu aqoonsado maamulka koofur galbeed Soomaaliya ee seddexda gobol.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo: Cirifka ugu danbeeya aduunka oo god weyn lagu arkay & yaab taagan

0

Siberia (Caasimada Online) – Baarayaal heer caalami ah ayaa doonaya in ay ogaadaan sababta ka dambaysa god weyn oo lagu arkay cirifka Waqooyi ee caalamka ee gobolka Siberia dalka Ruushka

Godkan oo uu arkay duuliye dayuurad helikobtar ah oo dul maraysay ayaa sawir laga soo qaaday waxaa lagu qiyaasay in uu ballaciisu gaaraya boqol mitir iyadoo aan la ogeyn halka guntiisa ay gaarsiisan tahay.

Wararka waxa ay sheegayaan in godkan oo laga arkay deegaan lagu magacaabo Yamal oo micneheedu yahay “Dhamaadka Dhulka” ayaa ka mid ah meelaha gaaska laga soo saaro.

Cilmi baarayaal ayaa la sheegay in ay Khamiista u baqooli doonaan godkaas si loo ogaado sababta godkaas uu halkaas uga qodmay.

TV Zvezda oo ay wasaarada gaashaandhiga Ruushka maamulo ayaa laga soo xigty in qofka soo qaaay sawirka godka uu aaminsan yahay in qarax gunta hoose ka dhacay uu sabab u yahay godkaas la yaabka leh oo aan noociisa oo kale hore loogu arag halkaas.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Dhageyso Azhari: Cabdiweli dastuurka ayuu ka tallaabsaday, waana ku saxan yahay GENERAL SAACID diidmadiisa

Garoowe (CaasimadaOnline) – Wasiirkii hore ee Jaaliyadaha Dibadda, Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari) ayaa ka hadlay xilka qaadistii dhawaan uu ku sameeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudana Cabdiwali Sh Axmed taliyihii Ciidamada Booliiska Soomaaliya Mudane Jeneraal Cabdihakiim Daahir Siciid “Saacid”.

Wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayaa ugu horey waxaa la weydiiyey sida uu u arko xilkaqaadista Jenaraal Saacid lagu suubiyey waxaana uu ku jawaabay.

“Habka xilka looga qaaday taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Saacid, horta sharciga ciidamada iyo sharciga shaqaalaha waxa ay qeexayaan qaab loo maro xil u dhiibida iyo xil ka qaadida qofka waxaa soo jeedinaya wasiirka ay shaqadaas qaabilsan tahay hey’adaas sida wasiirka amniga oo qaabilsan wasiirka amniga oo qaabilsan dhanka amniga marka uu soo jeedinayana waxa la keenayaa golaha wasiirada in ay ogalaadaan iyo in ay diidaan labaduba waa ay u banaan tahay”

Mudane Azhari oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.

“Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu danbeytii leh xaq u leh in waraaq tixraac leh uu ku ogolaado ama ku diido xil u dhiibis ama xil ka qaadista qeynuunkana sidaas ayuu dhigayaa”

Mudane Azhari oo ka jawaabaya suaal ku saabsan xilwareejinta uu diiday taliyahii Booliiska Jenaraal Saacid ee xilka ka qaaday Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed waxa uu yiri.

“Sida igu maqaalo ah Jananku ma diidin xil wareejinta ee waxa uu taagan yahay sida xilka la iigu magacaabay xilka ha la iiga qaado oo ah in golaha wasiirada ay soo ansixiyaan kadibna madaxweynaha dikreeto uu ku soo saaro micnaha waxa uu yiri dekrooto ayaa xilka la iigu dhiibay dikreetaa xilka la iiga qaadi karaa”ayuu yiri

Mudane Azhari ayaa sidoo kale idaacada ka cadeeyey in uu ku raacsan yahay oo uu Jenaraal Saacid uu ku saxan yahay.

“Anigu hadii la fulinaya sharuucda oo la dhawraya qofka wadaniga xaquuqdiisa waxa ay ila tahay in Janaku uu ku saxan yahay oo lasoo maro habkii xilaka loogu dhiibay mahan waan ku magacaabay waana kaa qaaday ma ahan hab dowladeed oo dhaqan fiican”.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Xog laga helay kullankii SIILAANYO iyo Hailamariam Deselign + Daawo Video

Addis Ababa (Caasimada Online) – War-saxaafedeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailamariam Deselign ay yeesheen kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka, kulanka ayaa looga hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga ay lee yihiin.

Waxaa kaloo la sheegay in ay ka hadleen arrimaha Soomaaliya iyo xiritaanka xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Markii kulanka uu soo dhammaaday ayaa madaxweyne Siilaanyo wuxuu la hadlay saxaafadda wuxuuna u sheegay in lagu guuleystay dhammaan qoddobaadii looga hadlay kulanka.

Dowladda Itoobiya ayaa xiriir qoto dheer la leh maamulka Somaliland waxaana ka dhaxeeya xiriir soo wadashaqeyn.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo dhammaaday kulankiisa ayaa la sheegay in uu u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

XOG: Maxaa loo hakiyay kulamada BF Soomaaliya ee Muqdisho (Arrin cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyay markii tiro ka labo jeer la weerarray xarunta baarlamaanka Soomaaliya,waxaa hakad uu ku yimid kulamada baarlamaanka taasoo uusan faah-faahin ka bixinta guddoonku.

Haddaba maxaa socda oo loo joojiyay kal fadhiyada BF?

Cismaan Cilmi Boqore waa xildhibaan muddo ka badan 14-sanno ku soo jiray xeendaabka baarlamaanka isagoo sidoo kale soo noday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Waa oday waayo arag ah oo wax badan u soo joogay oo saaban baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Boqore ayaa la weydiiyay sababta ay u hakadeen kulamadii baarlamaanka, wuxuu sheegay in ay jiraan arrimo badan oo dad weynaha aanu ogsooneyn taasoo sabab u ah in kulamadii baarlamaanka ay baaqdaan.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay kala jabeyn oo qolo ay mucaarad ku tahay xukuumadda iyo madaxweynaha iyo qole kale oo aan arrintaas ku lug lahayn rabtana in kulamada baarlamaanka uu iska hadkado kuwaasoo aan ka soo qeybgalin fadhiyada baarlamaanka.

Wuxuu sheegay oo kale in uu jirro khilaaf ka aloosan madaxda dowladda kaasoo sabab u noqday in ay baaqdaan kulamada baarlamaanka.

Wuxuu sheegay baarlamaanka maanta dhisan ay yihiin kuwii ugu ayaanka darnaa ee soo maray dalka tan intii uu baarlamaanka ka mid ahaa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay noqdeen calooshood u shaqeystayaal aan ka fikirin mustaqbalka iyo dawga tooshan ee dalka.

Xildhibaanka ayaa odorosay sidda uu baarlamaanka u shaqeenaayo in aan lagu gaari karin doorasho xor ah oo ka dhacda dalka sannadka marka uu yahay 2016-ka, maadama sharciyo badan oo la rabay in ay meel mariyaan sannadkan uu dib u dhac ku yimid.

Isku soo duub waxaa muuqata in uu jirro dhaliilo badan oo loo soo jeedinaayo xubnaha baarlamaanka oo ah golaha sharci dajinta kuwaasoo matala shacabka Soomaaliyeed ee dhibka iyo qaxarka ku soo jiray 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Baaritaan ay QM ku sameysay XASAN oo arrimo naxdin leh shaaca ka qaaday

New York (Caasimada Online) – Guddiga dusha kala socda u hogaansanaanta xannibaadaha ay QM saartay Somalia, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh, Fowsiya Yuusuf iyo shirkad Mareykan ah ku eedeeyey shirqool hantida Soomaaliya ee dibedaha ku xayiran, si shaqsi ahaaneed loogu weecinayo.

Warbixin cusub oo kasoo baxday kooxda UN Monitoring Group, oo 8 qof ka kooban, ayaa arrintan shaaca uga qaaday natiijadii kasoo baxday baaritaan ay sammeysay oo loo gudubay golaha ammaanka ee QM.

UN Monitoring Group waxa ay sheegtay in xogta ay soo uruurisay illaa iyo hadda ay muujineyso in hanti qaran la doonayey in loo adeegsado si shaqsi ah.

Waxa ay kooxdan sheegtay in shirqoolka ay ku lug lee yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, Shirkadda Mareykanka ee Shulman Rogers iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo laba qof oo kale oo ay sheegtay inay u kala dab qaadayeen Shulman iyo dowladda Somalia.

Dhammaan dhinacyada lagu eedeeyey warbixinta waa ay beeniyeen, waxaana ay sheegeen in ninka madaxda ka ah Monitoring Group ee Jarat Chopra uu warbixinno been ah faafinayo.

Tuhunnada qaar ayaa ah in arrintan ay tahay dagaal qabyaaladeed oo lagu hayo Xasan Sheekh, maadaama dhammaan raga Soomaalida ah ee la shaqeeya UN Monitoring Group ay yihiin reer Puntland.

Fowsiya Yuusuf, oo iminka ah xildhibaan, waxa ay sheegtay inaysan marnaba wax faa’ido ah ka raadin Shulman Rogers, islamarkaana aysan cadaadin madaxii hore ee Bankiga Somalia, oo arrimaha qaar laga xigtay.

“Shaqadeyda wasiir arrime dibadeed waxa ay ahayd inaan magaca Somalia wanaajiyo, ee ma ahayn inaan dhaawco” ayay tiri Fowsiya.

Sidoo kale Shulman Rogers, ayaa si xooggan u beenisay eedeymaha, waxaana ay sheegtay in shaqadii ay u qabatay Somalia ay ahayd mid loogu daneenayo dadweynaha Soomaaliyeed.

Jeremy Schulman oo ka tirsan Shulman Rogers, ayaa ku eedeeyey Jarat Chopra inuu isku haleeyo ilo-wareedyo aan la aamini karin, oo beel gaar ah oo Soomaaliyeed u dhashay.

Warbixinta cusub ee UN Monitoring Group waxa kale oo ay sheegtay inay jiraan qandaraasyo dhowr oo qarsoodi ah, oo hantida shacabka ay ku dhacayaan dad ku xiran madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa qorshuhu ahaa in marka hantida ka xayiran Somalia lagu soo qaado magaca Somalia, qeybo ka mid ah loo weeciyo bankiyo shaqsiyeed” ayay tiri warbixinta.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee Somalia, Yusur Abraar oo bishii October ee 2013 is-casishay, ayaa sheegtay inay xilka ka tageyso, kadib markii lagu qasbay inay saxiixdo qandaraas lala galay Shulman Rogers, oo musuq maasuq ahaa.

Monitoring Group, ayaa iminka sheegeysa inay dib u raacday qaar ka mid ah eedeymihii Yusur, ayna ogaatay shirqoolo dhowr ah oo la qorsheeyey, si loogu soo furto hantida ka xayiran Somalia.

Mid ka mid ah waxaayabaha shakiga geliyey, ayay Monitoring Group ku sheegtay heshiis 5% hantida Somalia ka xayiran lagu siinayo shirkadda Shulman Rogers, marka ay soo furato, taasi oo dheeri ku ah heshiiska lacageed ee lala galay, iyo 6% oo ay u qaadan lahayd qarashaad aan la shaacin.

“Abraar waxa ay dareentay in qarashaadka aan la shaacin laga yaabo inuu ahaa heshiis ay min 2% oo ka mid ah 6% u qaadan lahaayeen Fowsiya Yuusf, Muuse Xaaji Maxamed Ganjab iyo Cabdi Casiis Xasan Giyaajo Camalo” ayay tiri Monitoring Group.

Si kastaba, qanadaraaska Shulman Rogers iyo dowladda Somalia, oo ay eegtay wakaaladda wararka ee Reuters meelna ugama qorna qodob ay Shulman ku qaadaneyso 6%, taasi oo warbixinta Chopra mugdi gelineysa.

Monitoring Group, waxa ay sheegtay in Camalo oo ah Somali-American iyo Muuse Ganjab ay la taliyayaal u ahaayeen dowladda Somalia, ayna u dhaxeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shulman Rogers.

Si kastaba, Camalo waxa uu sheegay inuusan wax xiriir ah la lahayn dowladda Somalia, islamarkaana uusan la-taliye u ahayn, hase yeeshee Muuse Ganjab, wax jawaab ah waa uu diiday.

Sida warbixinta ay leedahay, Yusur Abraar ayaa qodobka heshiis ee 6% kala hadashay madaxweyne Xasan Sheekh, una sheegtay inay ka walaacsan tahay.

“Madaxweynaha wuxuu Yusur u sheegay in Fowsiya, Ganjab iyo Camalo, ay si aad ah u shaqeeyeen ayna xaq u lee yihiin in 6% laga siiyo lacagta” ayay tiri warbixinta.

“Abraar waxa ay madaxweynaha ka codsatay inuu arrintan ka fiirsado, hase yeeshee waa uu u mahad celiyey, waxaana uu ka codsaday inay usii waddo aqrinta qandaraaska” ayay tiri warbixinta.

Abraar waa ay diiday inay saxiixdo qandaraaska, waana ay is-casishay, ugu dambeyntii.

Haddii waxaayabaha kasoo baxay baaritaanka ay run noqdaan, waxa ay caad ku dabooli doonaan madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay cabsi gelin doonaan dalalka deeqda bixiya oo ballaayiin dollar u ballan qaaday Somalia.

W/D: Axmed Cali Sheekh
Tifaftiraha Caasimada Online
Caasimada Online
Xafiiska Washington DC

Xog: Xasan Sheikh oo Ethiopia, Kenya iyo KAY uga ashtakoon doona OBAMA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in bisha August uu booqdo magaalada Washington DC, ayada oo lafilayo inuu la kulmo madaxweyne Obama.

Xog muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa muujineysa in kullanka uu yahay mid muhiim ah, lana filayo in looga hadlo arrimo badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo qorshaha Mareykanka eek u wajahan Soomaaliya.

Xuno ku dhow madaxweynaha oo aan dooneyn in lasoo xigto, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Xasan uu Obama kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin faro-gelinta ay Ethiopia, Kenya iyo xafiiska UNSOM ku hayaan siyaasadda Somalia.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inuu si gaar ah uga astakoon doono UNSOM, oo ah kuwa ku qasabaya meel marinta danaha Kenya iyo Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa la sheegay in iminka cadaadis xooggan ay ku hayaan dhinacyadaas, oo ay doonayaan in danahooda ay ka fushtaan Soomaaliya, ayaga oo awooddiisa dastuuri u gacan geliyey ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo ayaga u shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la kullanka Obama u arko fursad weyn, oo Mareykanka kaga codsan karo inuu siyaasad cad u dejiyo Soomaaliya, uuna ka caawiyo inay cagaheeda dib ugu istaagto.

Waxaa sidoo kale lagu warramay inuu codsan doono in Obama uu Midowga Africa ku cadaadiyo in ciidamad Kenya laga saaro Soomaaliya.

Biihii dhowaa, ayaa talada dalka Soomaaliya waxaa xoogeeda la wareegay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo gacan saar xooggan la yeeshay Ethiopia, Kenya iyo UNSOM, kuwaasi oo fowdo ka wada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: XAMAS oo lasoo baxay DRONES iyo ISRAEL oo yaab iyo naxdin joogta

Gaza (Caasimada Online) – Yahuudda Israel ee gummaadaya shacabka reer Falastiin, ayaa illaa iyo hadda, kadib markii wax aysan marnaba fileyn ay soo baxeen.

Markii ugu horeysay ayaa garabka milatari ururka Xamaas (Cizudiin Al-Qasaam ) waxaa uu diyaarad kuwa wax basaasa ee AIC u dirtay deegaanada ay xooga ku heystaan ciidanka Yahuuda.

Diyaarada ay direen garabka Cizudiin Al-Qasaam ayaa waxay muuqaalo iyo masawiro ka soo qaadeen goobo muhiim ah iyo kuwa xasaasi ah waxayna soo bandhigeen qaar ka mid ah masawirada waxaana ay ku guuleysteen in ay sadex mar soo basaasaan magaalada Talaabiib .

Tv Al-jazeera ayaa soo gudbiyey guusha diyaaradaha wax basaasa ee Ururka Xamaas iyo gantaalada casriga ah oo ay sameysteen Mujaahidiin Falastiin

Hoos ka Daawo Tv Al-Jazeera oo soo bandhigay Diyaarada Xamaas

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

“Maxaa isku soo beegey magacaabista Cumar C/rashiid & qoraalka Xasan uu u gudbiyey QM ee badda Somalia” (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dhawaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud 30-kii June ee Sannadkaan 2014 uu Qaramada Midoobey u Gudbiyey Qoraal uu ku dalbanayo in laga wada hadli karo Badda Soomaalida (gaar ahaan Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya) ayaa warar aan hellney waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu Bisha soo socota ee Agoosto uu ku Wajahan yahay dalka Mareykanka.

Wararka ka imaanya Dalka Mareykana waxay sheegayaan in Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi ay wadaan Abaabulka Mudaaharaada looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Shiikh ka dib markii uu soo if baxay Qoraalka loo Gudbiyey Qaramada Midobey ee badda soomaaliya.

Muumin Giriig oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo u waramayey Idaacada SKY ee Magaalada Mudisho ayaa u soo jeediyey Shacabka Soomaalieyed in ay ka dhiidhiyaan Qoraalka Madaxweyanaha ee uu u direy Qaramada Midoobey ee la doonayo in qayb ka mid Bada Soomaaliya la qaato waxaa uu sii raaciyey “ Maxaa isku soo beegey in Qoraalkaan loo Gudbiyey Qaramada Midoobey iyo Magacaabista Safiirka Mareykanka ee Cumar Cabdrashiid oo uu sheegey in uu ahaa Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee Muran geliyey Badda Soomaaliya

“ Waa yaabee Maxaa mar waliba soo celceliya in Muran la geliyo Badda Soomaaliya sow tii mar hore Baarlamaanka Soomaaliya uu Go’aan Cad ka gaarey” ayuu yiri Muumin Gariig oo ugu Baaqey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya In ay is hortaagin Damaca Waalan ee la doonayo in lagu boobo Khayraadka ka buuxa Badda Soomaalliya sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey bahda Warbaahinta in ay Bulshada u iftiimiyaan Raga Doonaya in ay Bada Soomaaliya u Gacan geliyaan Dowlado Shisheeye.

Halkan ka akhri warqadii madaxweynaha DFS u gudbiyey UN.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail [email protected]

E-Mail [email protected]

R/W Cabdi Weli oo kulan deg deg ah la qaatay golaha wasiirada, kadib marki…

Muqdishio(Caasimada Online )- Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si kulul kaga hadashay dagaalada ka dhacaya deegaano hoostaga degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeyo labo maleeshiyaad oo halkaasi wada daga.

Arinta ayaa ka dambeeyay kadib markii uu si deg deg ah ula kulmay gudiyada amniga iyo siyaasada ee wasiirada xukuumada Soomaaliya, wuxuuna ku cambaareeyay dagaalka ka dhacaya duleedka magaalada Beledweyne.

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale kasoo baxay in wafdi ka socda dowlada Soomaaliya loo diro deegaanada ay dagaalada ka dhaceen si xal buuxa looga gaaro dagaalada ka dhacaya gobolkaasi.

“Waxaa runtii dhammaanteen aad noo damaqday inaan maqalno dagaalka dhiiggu ku daatay ee dhex maray beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka Hiiraan. Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda iyo Amniga Qaranka waxaanan isku raacnay inaan wafdi heer wasiirro ah u dirno deegaanka si ay u fududeeyaan wada-hadalka iyo nabadeeynta.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna ku sugan Hiiraan inay dhab uga fekeraan dhibaatada ay leedahay in la door bido in dagaal lagu xalliyo khilaafka. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineeynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneeyn.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay inay joojiyaan colaada ka soo cusboonaatay deegaanka hoostaga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Cabdul Qaadir Aroma oo geeriyooday

London (Caasimada Online) – Waxaa xalay fiidkii ku geeriyooday Magaalada London naxariistii Janno ALLAHA ka waraabiyee Qoraagii caanka ahaa C/qaadir Cusmaan “C/qaadir Aroma” oo ka mid ah qorayaasha caanka ah ee Soomaaliya, kaddib xanuun muddo dheer hayey.

C/qaadir Aroma ayaa ka mid ahaa qorayaasha naadirka ah ee si qota dheer oo aan leex-leexad laheyn uga hadlay sababihii keenay Qaran jabkii Soomaaliya ku dhacay, waxaana qoraagi uu ka tegay kutub caan ah oo ay ka mid ahaayeen; Sababihii burburka Soomaaliya, Tiirka Colaada,Hadimadii Gumeysiga, Sooyaalka Taariikhda & Taangiga Tigreega.

Allaha u naxariisto C/qaadir Aroma
Allaha u naxariisto C/qaadir Aroma

C/qaadir ALLAHA u naxasiitee waxaa uu ahaa qoraaga keliya ee Soomaaliyeed ee u bareeray isaga oo Muqdisho aan ka bixin xilligii dagaaladii ugu qaraaraa ay ka soconayeen inuu buugaag ka qoro tacadiyadii & gumaadkii ay Gobolada Koofureed ka geysteen ciidamadii Itoobiya intii u dhexeysay dabayaaqadii 2006-2009 waxaana xilligaasi ay ku beegneyd markii uu soo saaray buugiisii (Taangiga Tigreega).

C/qaadir waxa uu ahaa qoraagii ugu horreeyey ee billowgii dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay horraantii 1991-kii ka digay, isaga oo sheekooyin siyaasadeed taxane ah ku soo bandhigi jiray Wargeyskii Shabelle Press, waxaana sheekooyinkaasi ka mid ahaa Salaamullaahi Calal Xujaaj, Dhagax kariye & beesha 10-kun leey.

ALLAHA u naxariistee, C/qaadir waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ummadda Soomaaliyeed kaga tegay dhaxal taariikheed oo uu isagu goob joog u ahaa, waxaana dadka aqoonta u lahaa ay ku tilmaamaan inuu ahaa geesi aan marnaba runta la gamban, shaqsi aan aqoon nin jecleysi & eex; inuu ahaa Waddani dalkiisa & dadkiisa jecel, Farshaxan, Mufikir, Naaxiye, Abwaan, Qoraa, & Macallin intaba, isaga oo dhammaan qoraaladiisa marka aad eegto aad ka dhadhansaneyso inuu soo bandhigay bushigii Soomaaliya ku dhacay ee asaageed ka reebay.

Marxuumka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu aaso magaalada London.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

XOG: Muxuu Alan Cole u sheegay P/L?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo aqalka Madaxtooyada Puntland ku qaabilay 14 July, 2014  xiriiriyaha Barnamaajika la dagaalanka dambiyada ka dhaca badaha Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya Mr. Alan Cole iyo ku-xigeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya haweenayda lagu magacaabo Francesco ayaa kawada hadley dhibatooyinka dhowaan soo food saarey xabsiga cusub ee ku yaal caasimada Garoowe.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka socota labad dhinac ayaa diirada lagu saarey sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka dhowaan soo foodsaarey xabsiga cusub ee Garoowe kuwaas dhowaan Caasimada Online ay qaybo kamid ah shaacisay. Halkaan ka akhriso

Madaxda ka socotey hay’ada UNODC ayaa dowlada Puntland kala hadashey in sababta ugu weyn ee hakadka galisay habsami u socodka shaqada xabsiga ay tahay kadib markii xukuumada Gaas ka gaabisay bixinta kharashaad dhinaceeda laga sugayey.

Heshiiska u dhexeeyey labada dhinac ayaa dhigayey in xukuumadda Puntland bixiso kharashyaadka la xiriira shidaalka matoorada korontadada dhaliya 80%, Mushaharka ciidamada asluubta iyo kharashka dayactirka xabsiga, halka hay’ada UNODC oo wakiil ka ah wadamada bixiyey kharashka lagu dhisey xabsigaan ahaayeen kharashka ku baxa caafimaadka maxaabiista, tababarkooda,  boqolkiiba 20% kharashka shidaalka matoorada iyo dhamaan mashaariicda lagu kordhinayo dhismaha Xabsiga.

Wararka ay Caasimada Online ka heshay kulankaan ayaa sheegaya sidoo kale in madaxweynaha Puntland uusan waxbadan ka ogeyn kharashka ku baxa xabsigaan in la baxshey iyo in kale, isaga oo xusey inuu amar xilli hore ku siiyey wasaarada maaliyada, balse aysan bixin.

Lama oga sababta wasaarada maaliyada uga gaabisay bixinta kharashka xabsiga xili hay’ada UNODC qiimeyneyso sida dowladda Puntland muhiimad weyn u siineyso heshiisyada caalamiga ah.

Dhinaca kale wakiilka Qaramada Midoobey ee hay’adda UNODC ayaa la kulmey wasiirka aminga Puntland iyada oo wararku sheegayaan inuu kala hadlayey halka uu marayo baaritaanka ninkii diley labada sarkaal ee ka tirsanaa hay’adda UNODC kuwaasoo lagu toogtey garoonka diyaaradaha Gaalkacayo.

Dowladda Puntland ayaan wax qoraal ah ama warsaxafdeed ah kasoo saarin halka uu maro baarista gacan-ku dhiiglahaan xili beesha caalamka iyo hay’adaha QM isha ku hayaan sida loo xaliyo dilkaan kaasoo waxbadan u dhimey sumcadii Puntland ku laheynd caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Dhageyso: Sharmarke oo ka warbixiyay waxyaabihii uu kala hadlay OBAMA

Washington DC (Caasimada Online) – Idaacadda VOA-da ayaa wareysi gaar ah la yeelatay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u soo magacowday magaalada Wanshiton ee dalka Maraykanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Danjiraha cusub ayaa ka warbixiyay qaabiladii shaley uu ku qaabilay aqalka cad madaxweyne Obama oo ka guddoomay waraaqadihiisa safiirnimo, wuxuu sheegay in madaxweyne Obama uu kala hadlay arrimo badan oo ku saabsan calaaqaadka labada dowladood.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in hab maamuus aad u weyn loogu soo dhaweyay aqalka cad ee looga arrimiyo dalka markii uu la kulmaayay madaxweyne Obama.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xusay in isaga iyo afar safiir oo kale oo la rabay in la kulmaan madaxweyne Obama laga qaaday hotel ay daganaayeen iyadoo la waardiyeenaayo loona soo diray baabuur galbisa oo ay lee dahay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Wuxuu sheegay markii ay tageen aqalka cad in mid mid ay ula kulmeen madaxweyne Obama isla markaana ay kala hadleen arrimo dhowr ah.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha uu sida gaarka ay ku soo qaateen kulanka isaga iyo Obama in ay ka mid ahayd in uu ku yiri madaxweyne Obana “Waad u jeedaa sidda degdega ah ee loo oggolaaday magacaabistaada, annaga waxaan u baahanahay in aan xoojino xiriirka Soomaaliya”

Wuxuu sheegay in uu isagana kaga mahad celiyay sidda looga aqbalay safiirnimadiisa iyo qaabka loogu soo dhaweeyay aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Washington Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqdo safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya u soo magacowdo Maraykanka 23-sanno Kaddib, isagoona ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka Maraykanka iyo Soomaaliya.

Mar la weydiiyay halka uu ku shaqeyn doono maadama wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya uu dhawaan sheegay in la iibiyay dhismihii safaaradda ee Wanshinton, wuxuu sheegay in bal hadda qorsha koowaad uu ahaa siddii warqadaha safiirnimo looga oggolaan lahaa balse toddobaadkan ay billaabi lahaayeen siddii loo heli lahaa dhismo ay ku shaqeyso safaaradda iyo shaqaale ka howgalla.

Wareysiga hoos ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dib uga qarxay beelaha Xawaadle iyo DIR

Baladweyne (Caasimada Online) –  Inta la ogyahay 12-ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo dib uga qarxay deeganka Deefow oo qiyaastii 40km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo uu u dhexeeyo maleeshiyo beeleedyo ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhul daaqsiimeed la isku heesto sidda ay lee yihiin wax garadka labada dhinac.

In kastoo hadda xabad socon haddana waxaa la lee yahay labada dhinac waxaa ay dirsadeen gurmad hub iyo dad waxaana xilli kasta la filan karaa dagaal maadama aaney jirin cid ku howlan daminta dagaalka ka qarxay deeganka Deefow.

Wax-garadka gobalka Hiiraan iyo ciidamada AMISOM ayaa ugu baaqay labada maleeshiyo beeleed in ay joojiyaan dagaalka isla markaana ay wadahadlaan.

Maamulka gobalka Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayday in ay dhex dhexaadin ka dhex sameeso labada qabiil eek u dagaallamaya deefow oo ah deegan ay ku yaalaan beero badan balse waa ay ku guul darreesteen.

Dhinaca kale, agaasimaha Isbitaalka Baladweyne Dr. Axmed Khaliif ayaa saxaafadda u sheegay in isbitaalkooda la keenay 20 qof oo dhaawacyo qaba balse lix ka mid oo xaaladooda ay darneed loo qaaday magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dhaawacyada hadda ku jirra isbitaalka ay ku filan yihiin daweyntooda balse ay ka cabsi qabaan haddii dagaallada ay sii socdaan in tirada dhaawacyada ay sii bataan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda dhexe iyo maamulka gobalka Hiiraan oo ku aadan dagaalka dib uga duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne

War farxad leh: Arrintii XASAN Sheekh ee badda SOOMAALIYA oo gaartay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Shakiga laga qabo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si garasho la’aan ah muran u geliyey badda Soomaaliya, ayaa gaaray xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka hadlay warqad dhowaan uu madaxweynaha Soomaaliya u qoray Qaramada Madoobe oo looga hadlayo arrinta Badda Soomaaliya. Halkan ka arag

Waxa uu sheegay inay warqaddaasi arkeen, balse baarlamaanka uu weli ka taagan yahay go’aankii uu ka taagnaa xiligii KMG ahaa, oo marnaba aysan aqbali doonin in wada hadal laga galo badda Soomaaliya, ama muran la geliyo.

Madaxweynaha ayuu sheegay inuu ku kacay qalad qaran, isla markaana aysan muhiim ahayn in sida Kenya ay rabto loo hadlo, oo lasoo qaad qaado badda Soomaaliya.

Hadalka Xildhibaanka, ayaa ah mid ka farxinaya shacabka Soomaaliyeed, una xaqiijinaya inaysan ka jiifin isku dayada muranka lagu gelinayo dhul-badeedka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Gaarane

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Video: Arrin yaab badan oo RUSSIA ka dhacday iyo meel lagu dabaasho oo…

0

Wadanka Ruushka ayaa waxa ka dhacay arrin yaab leh oo ay aad uga ar gagaxeyn Shacabka Wadankaasi kadib markii goob lagu dabaasha ay mar qura ay kusoo habsadeen dhagxaan baraf ah.

Dhacadani ayaa ah mid xagg alle ka timid ayadoo ah roob sida dhagax oo kale mar qura is qabsaday halka shacabkii goobta ku dabaalanayay uu kala cararay ee nalad aawo qadarta alle iyo sida ay wax u dhaceyn.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Xildhibaano ka digay in Xasan uu wada hadal ka furo xadeynta badda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dib loo soo furo xadeynta badda Soomaaliya taasoo horrey buuq badan uga dhashay.

Xildhibannada arrintaas ka digay waxaa ka mid ah, Cabdinaasir Gaarane, Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Cabdullaahi Jaamac waxaana dhammaantood ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin warqad la sheegay in uu qoray madaxweynaha oo loo gudbiyay QM taasoo lagu codsaday in wadahadal laga furi badda Soomaaliya.

Seddaxda xildhibaan ayaa ka mideesnaa in arrintaas ay ka dhalan karto cawaaqib xun iyo in Kenya loo gacan galiyo qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane ayaa ku doodday in ay qalad tahay madaxweynaha dalka in uu isaga qoro warqad gorgortan loola galaayo dowladda Kenya badda Soomaaliya, waxaana uu ballan qaaday in baarlamaanka uusan oggolaan doonin arrintaas oo uu ka dhiidhin doono.

Xildhibaan Dalxa ayaa isna xusay in baarlamaanka uusan oggolaan doonin in dib loo nooleeyo arrimaha badda Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaan Cabdullaahi Jaamac ayaa isna xusay in xilligan aan loo baahneen in laga hadlo arrimaha badda Soomaaliya isagoona yiri “Soomaaliya ma lahan awood ay ku difaacan karto baddeeda marka Kenya waa dal u dhisan hey’diisa leh khubaro marka arrintan dhibaato kale ayey hor seedi kartaa”.

Si kastaba, waxaa soo badana dhaliilaha loo jeedinaayo madaxweynaha oo ku aadan inuu dhawaan warqad u qoray golaha ammaanka QM taasoo uu ku caddeenaayo in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay wadahadal lagala galo xadeynta badda.

Ma cadda wax yaabaha ku kalifay in uu madaxweynaha qoro warqadan balse dad badan ayaa aaminsan in ay jiraan culeys dowladda ka saaran arrimahaas oo ay wadaan waddamada dariska sidda Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]