28.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Dhageyso: Biyo-Maal: Waxaa dhibaato nagu haya siyaasi Hawiye, waxaana ku dacweynay beeshiisa gaarka oo ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Ismaaciil oo kamid ah waxgaradka ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mar kale ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay in siyaasiyiinta Hawiye ay ka wadaan gobalkaasi, inkasta oo beelaha Hawiye-na ay sheegayaan in Biyo-Maal ay gobolka dhibaato ka wadaan.

Wuxuu sheegay in guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar in uu kaalin ku leeyahay wax uu ugu yeeray dhibaatada lagu hayo beesha Biyomaal ee gobalka, isla markaana mar labaad ay uga dacwoonayaan waxgaradka beesha uu kasoo jeedo oo ah beesha Murusade..

Jacfar ayaa ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee maamulka Shabeelle State, oo ah maamulka iminka gacanta ku haya inta badan gobolka Sh/Hoose.

Halkan ka dhageyso dacwada beesha Biyo-Maal

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

Isu-ekaanshaha kooxaha dhiiga cusub (Dowladda Federaalka) iyo dhaqanka cusub (Puntland) (Warbixin xiiso leh)

FG. Ereyga dhaqanka cusub ee aad ku arki doontaan qoraalkan waa magac aan u bixiyay kooxda is-bedeldoonka Puntland ama badbaado-qaran, iyadoo sababtuna tahay markii aan arkay in ay dalka keeneen dhaqamo ku cusub Siyaasadda Soomaalida.

MATAANAHA GALGADUUD

Tan & markii la bartay labada hoggaamiye ee Soomaaliya waqtigan ugu saameynta badan iyo ururadooda dhiigga cusub & dhaqanka cusub, waxay dad dabani aad ula yaabeen sida ay isu shabbahaan marka ay noqoto arrimaha siyaasadda, shaqada & bulshada. Waxaa sidoo kale dadka u soo jiitay xiriirka hoose ee labadan urur ka dhaxeeya oo maalinba maalinta ka dambeysa si tartiib-tartiib ah u soo xoogeysanaya.

Anigoo ka mid ah dadka aadka ugu fiirsaday qaababka ay u shaqeeyaan labadan hoggaamiye oo aad mooddo in ay mataano yihiin ayay arrintaasi igu dhalisay in aan dadka la wadaago waxyaabaha aan ka arkay oo isugu key ekeysiiyay.

Labada kooxood ee dhiigga cusub & dhaqanka cusub sidaad magacyadooda ka dareemeysaan waa ururo isu magac eg kuna cusub saaxadda siyaasadda Soomaalida, waxayna soo muuqdeen waqtiyo aad isugu dhow. Ururadan waxay leeyihiin saaxiibbo qarsoon iyo kuwo muuqda,dhammaantood xagga da’da waa isu dhow yihiin. Labadan urur waxaa hoggaamiya u ah labo Madaxweyne oo sida la sheego dhashay sanidihii 50-meeyadii, kuna dhashay sida la sheego gobolka GALGUDUUD.

Labadan hoggaamiye soomaalidu hore uma aqoon, sidoo kale ma aheyn siyaasiyiin shaqo dowladeed ama mid xisbi siyaasadeed hore u soo qabtay. Madaxweyne Xasan & kooxdiisa waxay soo shaac-baxeen wixii ka dambeeyay doorashadii Dowladda Federaalka, halka Madaxweyne GAAS iyo kooxdiisa la maqlay waqtigii uu raisal-wasaaraha ka noqday Soomaaliya. Markii ay labadan hoggaamiye talada la wareegeen waxay la yimaadeen fikrado cajiib ahaa oo dadka kusoo jiidanayeen waxaa ka mid ahaa lixdii Tiir ee ay kooxda Madaxweyne Xasan la timid & Nidaamka isbedel-doonka oo kooxda Gaas la timid, labadaa fikradoodna taageerayaal faro badan ayay ku kasbadeen, laakiin soo jiidasho uun bay ku koobneyd.

Sidaan soo sheegay labadan urur ma aha siyaasiyiin, laakiin waxaa ku jira rag aqoonyahanno ah, shaqooyinka ugu badan ee ay soo qabteen waaa Macalinimo iyo sidoo kale iyagoo hey’ado NGO-yo ah iska lahaa ama madax kasoo noqday. Intii ay howlahooda shaqo wadeen waxay abuurteen saaxiibo si dadban ugu soo xirmay iyagoo qaar kamid ah dadkaas jaamacado dibedda ah waxbarasho ugu diray. Ardaydaas in badan oo ka mid ah waa kuwa xilalka ka haya xukuumadaha ay kala matalaan, ha ugu badnaadeen kuwa dhiigga cusub.

Hab dhaqanka labadan kooxood waxaa ka mid ah qofka ay isku kooxda yihiin wey ka jecel yihiin kan ay shaqadu isu keento. Waxaad hore u soo aragteen Madaxweyne Xasan oo shakhsiyaad Dhiigga-cusub ka tirsan oo aan xilal dowladeed heyn oo safarada dibedda & gudahaba ku wehelinaya, isagoo ka tagaya wasiiradii howlahaa shaqada u lahaa. Sidoo kale Madaxweyne Gaas safaradiisa gudaha & dibedda waxaa kala qeyb galayay shakhsiyaad aan dowladda Puntland ku jirin laakiin saaxiibo dhow la ahaa. Dadkaasi magacyo gooni ah ayay wataan marka ay shirarka kala qeyb galayaan sida la ii sheegay soomaaliduse ma yaqaanaan magacyadooda & farsamooyinka ay ku socdaan.

Siyaasadahooda waxay xoogga ku saaraan sidii ay dhaqaale u heli lahaayeen, iyagoo aad ugu dadaala inta ay xafiisyada sarsare joogaan sidii ay dhaqaale faro badan u sameyn lahaayeen. Inta badan dalka waxay ku casumaan shirkado ama ururo ajanabi ah oo aan la aqoon halka ay ka diiwaan gashan yihiin, shirkadahaas ama ajaaniibtaas marka ay dalka soo booqdaan waxaad arkeysaa kooxahan oo wasiiro u badan oo garoomada ku sii yaacaya, iyagoo kala jiidanaya shakhsiyaadkaas, hadba dhinac-na ula ordaya. Sidoo kale waxaad ku arkeysaa shirkadahan Aqalada Madaxtooyada ee labada maamul.

Labadan kooxood waxay markii ay talada qabteen isku dayeen in ay tirtiraan raadadkii ay ka tageen labadii Madaxweyne ee talada iyaga kaga horreeyay kuwaas oo kala ahaa Sh. Shariif Sh. Axmed & C/raxmaan Max’ed Faroole. Inkastoo raadadka qaar aan la tirtiri karin haddana waxay banaanka dhigeen shakhsi walba oo ay is lahaayeen wuxuu lasoo shaqeeyay Hoggaamiyaashaas, xitaa haddii ay shaah maalin soo wada cabeen iyaga waa u qoran yahay. Markii ay wax dhaqaajin waayaan waxay dib ugu yeertaan wasiiradaas. Ma eegaan waxqabadka qofka, wadani-nimadiisa iwm, waxay ku badalaan saaxiibadood & kuwo iyaga xagga afkaarta aad ugu dhow. Uguma imaneysid iyagoo xafiisyadooda fadhiya inta badana waa mashquulsan yihiin oo mobilo ayay dhagta ku hayaan xitaa marka ay shirarka ku jiraan.

Waxay laaleen wixii howlo mashaariic ah oo markaa taagnaa oo u baahnaa in la sii dhameystiro, iyagoo ku badalay kuwo ay iyagu keensadeen, waxay wax ka badaleen DASTUURKII DALKA. Waxay si doqon-magarato ah ugu ciyaareen nidaamkii dowladeed ee lagu soo doortay iyagoo ka booday in ay dhisaan maxkamadihii sarsare, waxayna xiriir hoose la yeesheen madaxda sarsare ee baarlamaanadooda si aan howlaha ay wataan loogu khashkhashaadin, kuma dhaqmaan dastuuradooda, waxay jeebabka ku wataan mid iyaga u gooni ah. Waa niman aad u af-gaaban, hadal macaan, ujeedkoodana aan la garan, mar walba oo ay hadlaana waxaa hadaladooda ka dhadhansaneysaa arrimo la xiriira dhaqaale.

Marka laga soo tago kooxaha ay saaxiibada dhow la yihiin, wax xiriir ah bulshada inteeda kale lama laha. Isuma arkaan madax dowladeed waxay u dhaqmaan sidii guddoomiyaal gobol ama mid degmo, waxaad arkeysaa iyagoo Magaalo magaalooyinka Soomaaliya ka mid ah ka doorbida dalka intiisa kale.

Markii ay xafiisyada la wareegeen waxay ka bilaabeen safaro is xig-xigay ilaa markii dambe ay safardaasi xarga-goosteen, dhaqaale faro badan oo ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha meelaha ay xukumaana wuxuu ku baxaa safaradan tirada badan.

Safaradooda malaha ujeeddo rasmi ah aan ka aheyn booqasho & dhaqaale sameyn, waxayna ku lumiyaan waqti aad u faro badan oo howlo badan oo loo xilsaaray ku qaban kareen. Waxay safaradaasi dhaliyaan kala-shaki, xanaaq & cuqdado ku abuurma beelaha dhexdooda, siyaasiyiinta & shacabkaba, waa kooxo aad u jecel xafladaha, soo dhaweynta & in ubaxyo qoorta loo suro. Sidoo kale waxay ka helaan Dalxiiska (dal-barasho), waxaad arkeysaa iyaga oo meelaha bilicda leh sawiro isaga qaadaya, iyagoo ama dabaalanaya ama leyrta macaan ee xeebta ka soo dhaceysa isu dhigaya.

Labadan kooxood kuma fiicna arrimaha amniga, dagaalo ay qaadaan ama dhulal ay xoreeyaan loogama fadhiyo haddiiba mid ciidankooda ka mid ah lasoo sheego in uu geeriyooday ama dhaawacmay inta ay safarada & dalxiiska ku jiraan ayuu shil-gaari wax ku noqdaa. Markii ay talada la wareegeen isqabqabsi hoose & awood kala jiidasho ayaa laga dareemayay xukuumadahooda, laakiin marwalba waxay isku dayaan in ay qariyaan oo aan la ogaan.

Qofkii ay maalin is-khilaafaan ma hilmaamaan. Sidoo kale xagga abaalka kuma fiicna oo dadkii soo barbaariyay, usoo ololeeyay, gacan qabtay oo qeybaha kala duwan ee bulshada ka koobnaa qaarkoodna dibada & gudahaba waqti & kharash ku bixinayay taageeradooda markii ay talada ku fariisteen albaabada ayay ka xirteen. Kuwo badan oo kuwaa ka mid ah waddamadii ay ka yimaadeen ayay dib ugu noqdeen, kuwo wasiiradooda ugu tunka weyn inta ay diyaaradaha saaran yihiin ayaa ka badan inta ay xafiisyada fadhiyaan. Markaad u fiirsato qaabka ay dadka ula hadlaan ee canaanta u badan waxay u egyihiin Macalimiin shaqadoodii macalinimada ku jira dadka intiisa kalena waa u arday ay wax barayaan.

Talo ma siin kartid haddaadan iyaga ka tirsaneyn, in aad dhaliishidna warkeedaba daa oo waxaa suurto-gal in aad khatar ku gasho. Waa qaab la mid qaababkii dagaal-oogayaashii Soomaaliya soomaray (umaraa-al-xarb) laakiin casriyeysan.

Waxay aad u yaqaanaan qaabka loola dagaalamo kooxaha kale ee dhaqaale doonka ah ama u arkayaan in ay booska dhaqaalaha ku ciriirin karaan. kooxahani waxay aaminsan yihiin in dhaqaalaha la heli karaa uusan iyaga & saaxiibadood ka badneyn. Kooxda dhiiga cusub waxay amartay in Bangiga dhexe oo ah halka dhaqaalahoodu ku soo xaroodo uusan shakhsi aan qalinkooda ku shaqeyneyn kasoo muuqan, halka kooxda dhaqanka cusub ay usii caga-jugleysay masuuliyiinta kale ee maamulka kula jiray iyagoo amray in ay soo diiwaan geliyaan hantidooda gaarka ah. Shakhsi dibedda ka yimid cidna hantidiisa gaarka ah ma sheegi kartee hadafku wuxuu ahaa in la baqdin-geliyo si ay maqaaxidu iyaga keliya ugu furnaato.

Dadka siyaasadda odorosa waxay hab-dhaqankan ku tilmaameen mid labadan kooxood waddada ugu sii baneynaya in ay muddo badan dalka kasii taliyaan, waxaana u saamaxaya ayay leeyihiin dhaqaalaha faraha badan ee ay hadda sameeyeen ama sameyn doonaan waqtiyada soo socda & sida ay isugu xiran yihiin. Sidaan soo sheegyna lama garan karo shakhsiga kale ee isla kooxahooda ka tirsan oo iyaga badali doona mustaqbalka dhow, maadaama qaar iyaga ka mid ah aysan weli shaashadaha ka soo muuqan. Siyaasadda noocan ah ee ku taxaluqda in dalka dhaqaale lagu maamulo waxaa la sheegaa in ay ka soo waarideen waddamo carabta ka tirsan, siyaasaddooda farsameysanna sidaad ku fahantaa waa adagtahay, haddaadan hadda usii tabaabusheysanna hadhow in aad kala wareegtaa waa adag tahay.

La soco qeybaha kale ee Walaalaha Galguduud & halka ay xukuumadahooda ku furi doonaan.

W/Q: Farah M Warsame
Melbourne Australia
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

GACAN ku dhiiglayaasha ay ITOOBIYA soo tababartay oo dad badan dilay

Gaarisa (Caasimada Online) – Jabhadda Wadaniga Xoraynta Dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya xooga Soomali kaga haysato ee ONLF ayaa bayaan ka soo saartay falal danbeyeedka ay Itoobita ka fuliso ee ka dhanka ah Saraakiisha Soomaliyeed ee Siyaasaddeeda Soomaaliya ku wajahan dhaliilsan iyo Dadka ka soo cara’ray gumaadka sidan ayuu u qoran yahay Bayaanku:

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa Bayaan Saxaafadeed kasoo saaray falal dambiyeedkii ugu dambeeyay ee mujrimiin ay Itobiya soo tababartay ka fuliyeen magaalada Gaarisa. War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan;

Nabad-sugidda Itobiya ayaa todobaadkii ugu dambeeyay ee bishii June iyo bilowgii bishan July waxay ku dileen magaalada Gaarisa saddex qof oo Soomaali Kenyaan ah, iyagoo dhaawac halis ah gaadhsiiyay mid kale. Qofkii ugu dambeeyay dilalka Alaaha u naxariistee Asad Yusuf ayay 9kii Bishan July 2014 ku toogteen dukaankiisa amin habeenima ah. Assad Yusuf wuxuu ahaa muwaadin Kenya ah, oo sababta ay u dileena ay tahay un inuu caawin jiray dadka qaxootiga ah ee ka yimid Ogadenya. Alaha u naxariistee wuxuu ahaa ganacsade xaas balaadhan ifka kaga tagay. Todobaad ka hor ayay nin dhalinyara ah isla sababtaa u dileen, laba todobaad kahorna waxay dileen nin iyagoo mid kalena dhaawacey.

Gacan-ku-dhiiglehii gaystay falkan Cabdiraxaan Haajir oo ka tirsanaa maxaysatada Liyu-booliska (Hawaarin) ee Itobiya maalgaliso una tababartay laynta shacabka ayaa markii la qabtay u qirtay booliska inuu isaga ka dambeeyay labadii dil ee midkan ka horeeyay. Waxaa kaloo uu qirtay dambiilahan in isaga iyo koox dilalkaa fulisa oo ka kooban 19 iyo gargaare-yashooda ay sirdoonka Itobiya tababareen ka dibna la’isugu keeney Adisababa oy kasoo galeen magaalada Moyale. Wuxuu intaa raaciyay in qaar kale oo dilalkaa fuliya loo kala diray Somaliya iyo dalalka dariska ah say u laayaan mucaaradka xukuumadda, oy ka mid yihiin saraakiisha Somaliya iyo shaqsiyaadka ku kacsan dawladda Itobiya.

Xukuumadda Itobiya markay qaadatay siyaasad ku dhisan cadaadis, khaarijin iyo xasuuq inay kula kacdo dadweynaha Somaliyeed ee Ogadenya, ayay dadweynaha usoo carareen dalalka dariska ah. Qaxooti badan oo Ogadenya ka yimid ayaa magangalyo ku jooga dalka Kenya maadaama ay tahay Kenya dal ixtiraama Qaanuunka Afrika iyo midka Dawliga ah ee Qaxootiga oo siiyay dadka ku dhibaateysan Badhtamaha iyo Geeska Afrika magangalyo.

Laga bilaabo 2009, waxay xukuumadda Itobiya go’aansatay inay ka fuliso afduub iyo dilal dalka Kenya, ilaa hadana talaabooyinkii ay ka qaaday dawladda Kenya si loo ilaaliyo nabadgalyada dadka qaxootiga ahee magangalyada ku jooga dalkeeda ma ahayn talaabooyin joojyay dambiyadii Itobiya.

Markay Itobiya ka quusatay inay ku joojiso falalkeeda waxashnimada ah dadka Somalida Ogadenya ee magangalyada u imanaya Kenya ayay Itobiya go’aansatay hadda inay ciqaabto Somalida Kenya ee taageeraya dadka walaalahooda ah ee Itobiya ay ka soo qaxisay dalkoodii, say uga abuurto qas iyo xasiloonidarro Gobolada Waqooyi Bari ee Kenya.

Maamulka Itobiya wuxuu hadda kusii dhiiranayaa inuu ku tunto qaanuunka Dawliga ah iyo midka Xuquuqda Aadanaha, marka ay faldambiyeedkooda xadka ka soo gudbiyeen oy kusoo xadgudbeen dadka nabadgalyada u yimid Kenya ee kasoo cararay falalka bahanimada ah ee Itobiya ka socda. Siyaasadda Itobiya ay qaadatay waa inay qas iyo xasiloonidarro ka abuurto Geeska Afrika. Taasoo haddaan laga hortagin keeni doonta arin khatar ku ah guud ahaan danaha Geeska Afrika.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay ugu baaqaysaa haya’adda UNHCR iyo Xukuumadda Kenya inay xil iska saaraan siday u badbaadin lahaayeen dadka qaxootiga ah ee soo magangalay.

Waxaa soo saaray JWXO (Issued By ONLF).

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

DAGAAL beeleed mar kale ka qarxay…

Deefoow (Caasimada Online) – Deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan, ayaa saaka mar kale waxaa ka qarxay dagaalo xoogaan oo u la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka, ayaa bilowday saaka aroornimadii, Iyadoo uu weli si kulul uga soconayo deegaanka Deefoow, iyo deegaano aan ka dheereyn oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalkan, ayaa dhex maraya beelo walaalo ah oo gobolka wada dega, iyadoo aaney jirin cid ilaa iyo hadda soo kala dhexgashay.

Sidoo kale ma muuqaneyso waanwaan iyo abaabul lagu doonayo in lagu damiyo dagaalka iminka soconayo.

Deegaankan, ayaa beryihii dambe waxaa kusoo noq noqonayey dagaal beeleedyada dhex maraya beelaha dirirtu ka dhex aloosan tahay.

Gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, ayaa ka mida gobolo dhowr ah oo ay ka jiraan colaad salka ku heyso dirir beeleedyo.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

OBAMA oo qaabilay CCC Sharma’arke + Dhageyso wareysi uu bixiyey kadib…

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona dalka Mareykanka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, xaflad ka dhacday aqalka cad, Isniintii.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale uu Obama waradaha aqoonsi kaga guddoomay safiirada dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Cabo Verde, Sri Lanka, Armenia iyo Guinea.

obama sharmarkeCumar waa safiirkii ugu horreeyey oo Soomaaliya ay usoo dirto Mareykanka, in ka badan 20 sano.

“Imaanshaha safiir Sharma’arke ee Washington, waxa ay ka tarjumeysaa horumarkii ugu dambeeyey ee laga gaaray horey u dhaqaajinta xiriirka Mareykanka iyo Somalia” ayay tiri Jen Psaki oo ah afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.

“Waxaan dharareynaa la shaqeynta safiir Shama’arke iyo dowladda federaalka Somalia, si xasilooni iyo ammaan loogu soo dabbaalo Somalia”.

Cumar Cabdirashiid, ayaa kadib idaacadda VOA-da siiyey wareysi ku saabsan wixii uu kala kulmay

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

 

BF ma is-hortaagi doonaa in Xasan Sh uu gacanta ka bixiyo badda SOMALIA?

Soomaaliya waxay leedahay mid kamid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, kuna dhereran Badweynta Hindiya iyo Badda Cas (ama gacanka cadmeed), baddaas baaxadda weyn waxaa dhex jiifa khayraad aad u farabadan. Laga soo bilaabo 1991 markii ay burburtay Dawladdii Soomaaliya waxaa khayraadkaas guranayey shirkado iyo dalal shisheeye oo aysan jirin cid weli kula xisaabtantay.

Waxaa in badan oo warbaahinta ah qortay in sidoo kale halkaas lagu duugan sunta halista ah iyo qashinka haraaga wershedaha oo halis ku ah caafimaadka shacabka Soomaaliyeed.

Marka Soomaaliya ay ka dhalato dawlad u adeegta danta shacabkeda waxaa markaas dhici karta in wixii badda Soomaaliya ku xad guddbayey in ka badan 20 sano in sharciga lagula xisaabtamo.

Shirkadahaas/dalalkaas xadgudubka geystey waxay fahamsan yihiin in qaanuun ahaan Soomaaliya ay gar heli karto inta uu jiro xeerka Law no. 37 oo dhigaya : in laga soo bilaabo 1972 ay Soomaaliya leedahay 200 mayl-badeed oo dhul-badeed ah (ama Territorial Waters).

Waxay doonayaan in la yiraahdo Soomaaliya waxay leedahay EEZ oo 200nm ah, halkii ay ka ahayd 200nm oo Territorial Waters ah (cilmiga halkaas ku jiraa waxaa weeye markaad aqbashid 200nm oo EEZ waxaad si toos ah markaas badda Territorial waters ugu soo koobeysaa 12nm).

Waxaa kale oo dhacday in dawladdii KMG ahayd ee ay garwadeenka ka ahaayeen Sheikh Shariif Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ay hashiis la gashay Kenya kaas oo Kenya muran ku gelinaysey badda Soomaaliya, damaceeduna ahaa in ay cabbirato baaxad weyn oo badda Soomaaliya si ay shidaal uga sahamisato heshiisna kula gashay shirkado shidaalka sahamiya. Laakiin waxaa arrintaas si geesinimo leh isu hortaagey baarlamaankii KMG ahaa oo heshiiskaas ka dhigay “waxba kama jiraan”.

Waxaa markale shacabka Soomaaliyeed fajaciso ku noqotay in madaxweynaha hadda ee Dawladda Federaalka Xasan Maxamuud uu bilowgii bisha Ramadaanka qoraal u gudbiyey Qaramada Midoobey, qoraalkaas oo aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya, waxaa ku cad in uu si qayaxan uga hor imanayo xeerka Law no 37, islamarkaasna ku cadaynayo haddii cid muran kaqabto cabirka badda Soomaaliya in uu diyaar u yahay wada xaajood uu ka galo. (Miyeysan taasi ahayn wixii Kenya tu taameysey – madaxweyne ogol dhul-badeedkiisa in uu wada xaajood ka galo.)

Waxaa shacabka Soomaaliyeed ay hadda u dhega taagayaan go’aanka arrintaas uu ka qaato baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga filayaa in ay noqdaan halyeyo u dhigma baarlamaankii 2009 ee la mari waayey markii dharaar cad la isku deyey in badda Soomaaliya muran la geliyo.

Hoos ka akhri warqadii madaxweynaha DFS u gudbiyey UN.

Faafintii: Somalitalk.com

Muwaadin Soomaali ah oo muddo 16-sanno si sharci darro ugu xiran ITALIA

Roma (Caasimada Online)-Xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku xiran wiil Soomaaliyeed kaasoo si sharci darro ah loo xiray.

Wiilkan oo lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan ayaa la sheegay in loo maleegay shir qool ah in uu dilay gabar suxufiyad oo u dhalatay dalka Talyaaniga taasoo lagu toogtay magaalada Muqdisho Kaddib markii ay soo duubtay filim muujinaya sun lagu daadiyay xeebaha Soomaaliya.

Galleria Alba waxay ahayd gabar suxufiyad ah oo ka shaqeen jirtay Talafishanka RAI, rag hubeysan ayaa ku toogtay magaalada Muqdisho xilli ay ku jirtay howsheeda Kaddib markii ay soo duubtay Filim muujinaya sun lagu daadiyay xeebaha Soomaaliya.

Haddaba Xaashi Cumar oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in si xaq darro ah loo soo xiray isla markaana uusan ka dambeyn dilka gabadhaas wariyaha ah.

Wuxuu sheegay in Talyaaniga uu galay sannadkii 1999-kii isla markii uu galeyna loo maleegay shir qool deetana la xiray.

Wuxuu sheegay in muddo 16 sanno uu xabsi ku jiray welina ay u harsan tahay muddo afar sanno ah sidda uu hadalka u dhigay isagoona codsaday in gacan la geesto sii deyntiisa maadama uu sharci darro ku xiran yahay.

Wuxuu sheegay in la sii deyn karo haddii ay u dacwooto dowladda fedaraalka Soomaaliya maadama safiir uu u joogo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in xaaladiisa caafimaad ay u xun tahay maadama uu muddo dheer xabsi uu ku jirro si sharci darrana loo heesto.

Mar la weydiiyay in ay jiraan cid isku dayday in la soo daayo, wuxuu tilmaamay in muddadaas dheer uu xirnaa aaney jirin cid u doodday in la sii daayo muwaadinkan Soomaaliga ah.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay burburkii dalka, waxaa jirta dad Soomaali ah oo meelo badan oo caamka ku dhibaateesan kuwaasoo aan heesan dowlad u doodda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Yaa Muqdisho uga xog ogaalsan Kay?

Muungaab “Muqdisho Waa Nabad”

27–dii February ee Sannadkaan waxaa loo Magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) Magacaabistaas ayaa waxaa Masuulka u dheereyd Owood Dheer oo la siiyey ka dib markii la hoos geeyey Ciidamada Nabad Nabadsugida, iyo Kuwa Booliiska ee Gobolka Banaadir, Awooddaas hore uma haysan Duqii ka horeeyey ee Mudane Tarsan, waxaana la loogu yeeraa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqisho ahna taliyaha Ciidamada Gobolka Banaadir, ahna Jeneraal ka tirsan Ciidanka Milatariga ugu Dambeyntiina ah Dadka Deegaanka Xamar iyo Xamar daye waxaana Tarsan uu ku Calaacaley “ Hadii aan heli lahaa Awooda Muungaab maanta la siiyey waxaa Hubaal ah in aan wax badan ka qaban lahaa Amaanka Magaalada Muqdisho”.

Magaabista Muun Gaab dad badan baa soo dhaweeyey ka dib markii ay u soo joogeen sida uu u Maamulayey Maxkamadii Ciidamada Qalabka sida, mar aan la kulmey Hooyo Soomaalieed maalmo ka dib markii la Magacaabey ayaa waxay tiri “Sow Muungaab ma aha ninka loo Magacaabey Gobolka Banaadir haadaan nabad heleynaa, welee qof Dhaaxaa Qoorta waa ka goyn doonaa” Sidoo kale odey ayaa ka Hadley sida uu u arko Magacaabista Muungaab wuxuuna yiri “Wax badan ayaan sugeyney in Gobolka Banaadir loo magacaabo nin ad adag islamarkaana la siiyo Awood Dheeraad ah “ waxaa uu sii raaciyey odeygii hadalkiisa “ Xasan Shiikh markaan ayuu Shiishka la heley meeshii la rabey, waa nin aan dhihi karo waxay Magaaabistiisa ku soo beegantey Xili loo baahnaa”

“Aniga waan ka soo horjeedey Magacaabista Muungaab waayo u melynmaayo nin kaga haboonaa Gobolka tarsan in uu soo mari doono waxaa uu ahaa ka sokow Waxqabadkiisa nin Hadalkiisu Qiiro geliyo dadka intiisa badan Afkiisa kasooni ku abuuran kara, sidaa darteed Awodaha badan ee la siiyey Muungaab hadii la siin lahaa Tarsan waxaan hubaa in Xaalku sidaan ka duwanaan lahaa” waxaa uu sii daba dhigey “ hadii Awoodahaas ninkii hore loo diidey la siiyey mudana Cusub waxay ahayd in Carada lagula dul dhacay Qaar ka mid ah Madaxdii Hayadaha Amaanka lagula Dul Dhaco isaga Laftigiisa Maadaama Dhibaatada lagu eryey mdaxdaas aaney ka dhicin Soomaaliya guud ahaan ee ay ka dhacdey Magaalada Muqdisho oo uu Masuliyadeeda Dhinaca amaanka dusha loo saarey”

Bal aan dib u Qooraansano wxii ka dhacay Magaalada Muqdisho intii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muun Gaab Soomaalidu waxay tiraahdaa “ Madax meel ka sarreysa oo la salaaxo ma jirto” Haddii min laba jeer la weerarey Xaruntii Madaxtooyada iyo tii Baarlamaanka oo ah meelihii looga taliyey Soomaaliya, Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo kala bar mareysana la diley ku dhawaad 4O qof oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan Xildhibaan , Ciidamada Nabadgelyo Wadooyinka, kuwa Dowladda hoose, Haween iyo Caruur. Waxaan ka sii daran mar uu ka hadlayey mid ka mid Telefishinada dalka Mudane Muungaab wuxuu sheegey in uu Amrey in Gudoomiye kasta ee Degmooyinka Gobollka Banaadir uu dego meesha ugu halisan Degmadiisa waxaana Cadaadtey in qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Degoomiyinka ay Jiifaan Hotelo si aad ah Amaankooda loo ilaaliyo .

AFartii Bilood ee uu Hayey Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Waxqabadkii muuqdey ee la tilmaami karo waxay ahayd markii uu Maalin Cad burburiyey Goob la dhigan jirey Tagaasida agagaarka Km4, Burburintaas oo ay si weyn ay u soo dhaweeyeen qaar kamid ah Bulshada Muqdisho inkastoo ay jireen dadka qabay in lagu deg degey Burburintaa oo laga hordhacay waayo wax waliba waxaa ka horeeya Amaanka Magaalada , isagoo dhowr jeer ku Celceliyey in ay wax walba ka horeyn doonaan Amaanka, hase yeeshee Dadka qaar baa qaba in Gudoomiyaha Gobolka uusan waxba ku soo kordhin Xaalada nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho , waxaana taas ka sii daran markii uu gabi ahaanba badelay Gudoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir taasoo dad badan u macneeyeen in aysan Maamul ku imaan ee uu ku fogeynayey Raadkii uu ka tagey Maamulkii isaga ka horeeyey .

Mid ka mid aha waxyaabaha ee lagu dhaliilo ayaa waxay tahay Kormeerada uu ku tago qaybo ka mid Degmooyina Gobolka Banadir Xiliyada habeenkii Sida isgoysyada Mihiimka ah isagoo wata Gawaarida Teknikada iyo Askar fara badan, Kaamerooyinkana waxay si toos ah Qabanayaan Tirada Hubka iyo Ciidanka uu wato ayaa hadana waxaa uu meel Fagaare ah ka sheegaa in Xamar nabad tahay, waxaa isweydiin mudan sida ay tahay nabadda uu sheegayo mar hadii ay ku hareereysan yihiin Gawaari Tekniko ah iyo Ciidamo fara badan sow Xaaladu uma eka Faanoole Fari kama Qodna.

dhacdo kale waxay ahayd markii Muun Gaab uu ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu Damaashaad ku geeyey Xeebta liido uu qado ka siiyey ka dibna waxaa uu Afka ku Balaariyaa in Xamar Cade uu nabad yahay, dad badan waxay isweydiiyeen Cida loo sheegeyo in Xamar Nabad yahay iyadoo la ogyahay in ninka ugu Xog Ogaalsan Magaalada Muqdisho uu yahay Nicholes Kay marka laga hadlayo Amaan, Siyaasad iyo Nabadgelyo. Guntii iyo Gabagabadii Soomalidu waxay Tiraahdaa “ Xareed waa la Doogtaa markay kuu Da’ayo “Anna waxaa leeyahay “ Bunna waxaa la Dubtaa markay Nabadda Tahay “. .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawirro: Maxaa looga hadlay kullankii hay’adaha Turkiga & DF ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay hey’adda gargaarka Caalamiga u qaabilsan dowladda Turkiga ee TIKA, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda ay hey’addaasi ka fuliso Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Shahaado sharaf guddoon siiyey hey’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Turkiga oo adeegyo kala duwan oo isugu jira Caafmaad iyo horumarin ka fulisay gudaha dalka kaddib kulan uu Muqdisho kula yeeshay mas’uuliyiinta sarre hey’addaasi, iyadoo kulankaasi looga hadlay sida ay ku xoojin lahaayeen howlaha gurmad ee ay ka wadaan dalka, ugana dadaalka iyo horumarka ay hey’adda Laanqeyrta Cas ee dalka walaalaha Turkiga ka wadaan Soomaaliya, gaar caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaailiya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, waxa uu u sheegay in u jeedada shahaaddo guddoonsiinta hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ay tahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay aqoonsan yihiin waxqabadka ballaaran ee ay hey’addaasi ka waddo dalkeenna Soomaaliya.

Hey’adda Laanqeyrta Cas ee waddan Turkiga ayaa ka mid ah hey’adaha badan ee ka socda dalkaasi, kuna sugan dalkeenna Soomaaliya si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo hey’adaha dowladda Turkiga ee Soomaaliya ku suganna ay yihiin hey’ado fulinaya gurmadka dowladdaasi ay Soomaaliya u fidisay tan iyo 19 August markii uu Soomaaliya yimid Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

tika 1tika 2tika 3tika 4tika 5tika 6tika 7

Arag sawir muujinaya fadeexadda iyo ceebta haysta ra’iisul wasaare C/Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed cajiib ah ka sammeeyey qaladkii uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli taliyaha booliiska Soomalita ugu magacaabay General Maxamed, oo ah nin loo haysto dambiyo dagaal iyo tacaddiyo ka dhan ah bani aadannimada.

Ninkan ayaa waxa uu Wanted ka yahay dalka Canada, oo uu kasoo baxsaday, kadib markii ay dacweeyeen dad uu waagii kacaanka hantidooda boobay, islamarkaana jir dil u geystay, sida ay Caasimada Online horey u daabacaday.

Sawir gacmeedka Amiin Caamir hoos ka arag

13_JULY_2014 copy

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Faarax Sh C/Qaadir oo sharaxay sababta wax looga badalaayo dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in dowladda aaney wax faragalin ku sameyn doonin guddiga madaxa banaan ee dib u geesta dastuurka kuwaasoo dhawaan la magacaabay.

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlayey kulan looga arrinsaday dastuurka oo lugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay  in guddi ka kooban 5 xubnood oo madax bannaan loo magacaabay dib u eegista dastuurka.

Wasiirka arrimaha guddaha iyo federaalka, Cabdullahi Goodax Barre oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyey magacaabista guddiga madaxa bannaan.

Guddoomiyaha baarlammaanka federalka ah ee Soomaaliya, Prof.  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeedba ay ku kalsoon yihiin guddiga, lagana rajeynayo wax qabad ku dhisan caddaalad.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Faarax C/Qaadir oo wada qorshe Hawiyeen ah oo dantiisu tahay 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Garsoorka dalka Somalia Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu soo waramayaa in uu wado qorshe uu rabo in uu lasoo shirtago Sanadka 2016-ka markaas oo lagu wado inay dhacdo doorashada Madaxtinamada dalka Somalia.

Faarax Sheekh C/qaadir oo u dhashay beesha Shiikhaal Ow-Xasan oo degta dhulka Somali Galbeed Ethiopia ayaa sanadihii dambe saamiga la wadaago qabiilada loogu yeero .5 ama barka.

Wasiirka garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa kursigaas ka hellay saamiga ama qeybta beelaha barka ama beesha 5-aad.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa wado olole uu ku doonayo in Beeshiisa Sheekhaal Ow-Xasan uu kusoo daro beesha Sheekhaal oo uu qeybta ama saamiga uu la qaato beesha Shiikhaal ee Hawiye, islamarkasna isaga uu noqdo nin kasoo jeedo beelaha Hawiye.

Ujeedka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir uu u sameenaayo arrintaan ayaa lagu sheegay inay tahay inuu u hanqal taagayo in uu u tartamo oo uu noqdo musharaxa Madaxweyne-nimo ee doorasha sanadka 2016-ka iyadoo beelaha loogu yeero barka ama beesha shanaad ay dastuuradii hore iyo Dastuurka kumeel gaarka ee haatan lagu shaqeeyo uu ka mamnuucaayo in qof kasoo jeedo beelahaas uu isku soo taago xilka madaxtinimada Somalia.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu sheegay inuu yahay musharaxa kooxda Dammu Jaddiid ee doorashada soo aadan iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu horey u sheegay in uu dib isugu soo taagi doonin oo uusan u tartami doonin xilka madaxtinimada dalka Somalia doorashada soo socota ee la qorsheenaayo inay dhacdo sanadka 2016, sidaas tarteed uu Faarax Sheekh C/qaadir uu yahay qofka u matali doonno Xisbiga Talada haayo doorashadaas.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa bilaabay goor hore shirar badan oo beesha Shiikhaal Ow-Xasan ay ku yeesheen goobo kala duwan oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa si looga dhaadhiciyo beesha Shiikhaal Loobage iyo Shiikhaal Qudub oo haatan wax la qeybsada beesha Hawiye inay ogolaadaan in beesha SHIIKHAAL OW-XASAN lagu soo daro oo laga mid dhigo beelweynta shiikhaaleed.

Ilo wareedyo ku dhow Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegaya in Wasiirka uu kulamo la qaatay xildhibaanada beelaha Shiikhaal Loobage iyo Shiikhaal Qudub ee ku jiro Baarlamaanka inay arrintaan gacan ka siiyaan islamarkaasna laga dhaadhiciyo Odayaasha Dhaqanka beelahaas inay ogolaadan oo ay ansixiyaan Shiikhaal Ow- Xasan.

Qorshahaan uu wado Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la sheegay inay ku baxayso lacago badan waxaana qorshahaas hogaan u ah nin la dhashay Wasiirka Faarax Sheekh C/qaadir.

Si kastaba Faarax Sheekh C/qaadir ayaa door weyn ku leh Xilligaan Siyaasadda Dalka Somalia tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Madaxweynaha Somalia ku guulaystay sanadkii 2012.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Cabdi Shire Warsame: Nabada Jubba waxa hortaagan waa R/W CABDI WELI, kana daran Axmed Madoobe

Dr, Abdi Shire Warsame, oo ka mid ah hoggaaminta golaha nabada iyo midnimada gobollada Jubba ee uu madaxda u yahay Col, Barre Aden Shire ” Hiiraale” ayaa socdaal baryahan socdaal uu ku marayey wadamada Yurub kusoo gaaray dalka Netherlands, kadibna warbixin ka siiyey halka ay wadahadaladii gobolladaasi marayaan.

Dr, Abdi Shire Warsame oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey warbaahinta mataanaha ah ee ka dhisan Netherlands SOMNEWS TV iyo Kismaayo24.com, kuwaasi oo kula kulmay magaalada The Hague oo uu shir u yimid. isagoona ugu horeyn ku tilmaamay socdaalkiisa xog is-dhaafsi ay la yeelanayaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobollada Jubba.

” Waxaan socdaal dheer kusoo maray dalalka UK, Germany iyo Holland oo aan hadda joogo, waxaana u imid sidii aan dadka gobollada Jubba jooga uga tashan laheyn xaalada gobolladaasi ka jirta, waxaana kasoo baxay halkaasi wax-wada qabsi buuxa. Dalal kale oo Yurub ahna waan usiii gudbi doonaa” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay wadahadalkii laga dhexwaday iyaga iyo maamulka Ahmed Madoobe oo uu sheegay inuu mar hore wadahadalkaasi hakad galay kadib markii sida uu sheegay Ahmed Madoobe ka leexday hishiiskii lagu gaaray magaalada Adis Ababa, isagoona intaasi raaciyey in dib u hishiisiin la gaaro iska dhaafi xaalkii gobolladaasi ay arrinta sii cakirtay.

” Markii xukuumaddii Dr, Saacid Farax Garaad khilaaf la geliyey ayaa waxaa dhacday in Ahmed Madoobe waxa uu doono iska sameysto oo uu maamul aan loo dhameyn isaga dhawaaqdo. Taasina waxay dhalisay inay arrinkii gobolladaasi Jubba sii cakirantay” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.
Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed ayuu ku sheegay shaqsi rabay inay xal laga gaaro Jubba balse waxaa uu qaaday wadooyin qaldan oo xaalkii sii fogeeyey kadib markii uu socdaal ku tahay Kismaayo, socdaalkaasi oo uu dhinac ka mid ah kuwii is hayey taageero siinayey, halka kuwii kale geeska gelinayey. Taasina ma ahan wixii laga sugayey ee waxaa la doonayey in wadahadal uu dhexgdhigo garabyada is haya, ayuu yiri Abdi Shire Warsame.

Dhinaca kale Dr, Abdi Shire Warsame waxaa uu wareysigan uu siiyey SOMNEWS TV iyo KISMAAYO24.COM uga hadlay ciidankii dhawaan Ahmed Madoobe ka soo goostay ee uu hoggaaminayey Farxaan Daahir Shidane kadibna kusoo biiray garabka Barre Hiiraale iyo waxa ka jira, isagoona sheegay inay ciidankaasi jiraan, sidoo kalana ay wadada kusoo jiraan kuwa hor leh oo doonaya inay qeyb ka noqdaan isbadel in lagu sameeyo waxa ka jira maanta Kismaayo.

” Ciidankaasi waa jiraan oo waxay kasoo goosteen Ahmed Madoobe iyo waxa lagu hayo Kismaayo, waana run inay u yimaadeen ciidanka Goobweyn jooga, sidoo kalana waxaan idin sheegayaa inay jiraan kuwa intaasi ka badan oo baryaha soo socda halkaasi isaga soo tegi doona. Maadaama wax aan loo dulqaadan karin ka jiraan Kismaayo” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.

Ahmed Madoobe ayuu sheegay inuu u aqoonsan yahay inuu yahay hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba, oo aysan u aqoonsaneyn wax la yiraahdo ” Madaxweynaha maamulka Jubba” cidii ugu yeertana ay u aqoonsan doonaan inay yihiin nabad-diid iyo danbiilayaal. Waxaana uu intaasi raaciyey in dagaal xabad ah aysan kala dhexeen Ahmed Madoobe balse ay kala dhexeyso is faham la’aan ka dhex taagan hirgelinta hishiiskii Adis-Ababa.

” Ahmed Madoobe waxaa ugu weyn ee inaga dhexeeya waa hirgelinta hishiiskii uu isagu ku noqday hoggaamiyaha KMG ee Jubba oo uu waddo qaldan qaadsiiyey, annagana aan leenahay wadadii saxda aheyd kusoo celi. Mas’uuliyada arrintaasi ka dhalatana waxaa qaadi doonta dowlada Soomaaliya”

Dhinaca kale mucaaradkii la safka ahaan jiray, hadase ku biiray Ahmed Madoobe sida uu u arko iyo inay dhaawac u keeneyso arrintaasi ayuu waxaa uu sheegay in Cabdi Baaleey iyo Xasan Baasto iyaga oo qura ku biireen Axmed Madoobe balse waxaa ku dhacday ayaandaro kadib markii ay ciidankooda jooga Goobweyn diideen inay hishiiska ay la galeen Ahmed Madoobe qaataan, taasi ayaana annaga guul inoo ah ee laba nin oo iska tagay dhib naguma heyso. Balse Suldaan Abdiqadir Luga-dheere oo madaxweyne kuxigeenka labaad ka ah maamulka Jubba ayuu sheegay inuusan markii horeba ku jirin mucaaradkooda.
” Raga ku biiray Ahmed Madoobe ujeedka laga lahaa waa in ay ciidankooda jooga Goobweyn soo xareeyaan balse taasi waa ku guuldareysteen, oo waxba kuma soo kordhin karaan Kismaayo maamulka jooga, annagana waxba nagalama tegin, waana inoo guul taasi sida aan u aragno” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.

Dowlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan dib u hishiisiinta iyo nabad kusoo dabaalida gobollada Jubba.

” Dowlada ayaa hor taagan higelinta hishiiskii Adis Ababa, maxaa yeelay waxaa ay aheyd in Ahmed Madoobe garoonka iyo dekada la gala wareego lix bilood gudaheed, dowlada lama wareegin. Shir dib u hishiisiin inay qabato oo aysan cidina ka bartin, maxaa yeelay waa dowladeenii, mana ahan in Ahmed Madoobe kaliya awood la siiyo ” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame oo intaasi kusii daray.

” Ra’iisul wasaaraha Kismaayo ayuu tegay waxaana uu awood dheeri ah iyo garabba siiyey Ahmed Madoobe, waxaana ay taasi muujineysaa in dib loogu celinayo Soomaaliya sheekadii qabiilada ee aheyd Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle. Mana fiicna in dib loogu noqdo dagaaladii 1991, waxaana looga gudbi karaa waa in shirweyne guud la qabto ee ma ahan in jilibyo gaar ah la hishiisiiyo” ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame.

Dowlada Itoobiya ayuu wareysigan ugu baaqay inay ka dhameeyso meel marinta hishiiskii lagu soo saxiixay dalkeeda ee Adis Ababa, isagoona sheegay inay dowladaasi dadaal badan u gashay xalinta arrintaasi balse looga baahan yahay inay go’aankeedaasi ku dhaganaato. Waa sida uu hadalka u dhigay Dr, Abdi Shire Warsamee.

Ugu danbeyntii wareysigan uu Abdi Shire Warsame uu siiyey K24 iyo Somnews TV ayuu ugu baaqay shacabka kasoo jeeda gobollada Jubba inay ka shaqeeyaan dib u hishiisiintooda iyo nabad ku wada noolaansho aan dibada looga keenin. Taasi oo lagu gaari karo ayuu yiri wax-wada-qabsi iyo dhammaadka dagaaladii qabiilka.

Halkan hoose ka daawo  wareysiga

Waxaa wareysigan u qaaday labada warbaahin Sayid Ali Caseyr.
Camarada: Abdiweli Ibrahim Garyare
Farsamada : Maxamed Shabka .
Xarunta : The Hague, Netherlands.

Xog: 500 oo bistoolo oo lagu qeybiyey Muqdisho iyo dad miisaan culus oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, shaqaalaha wasaaradaha, shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo guud ahaan hawlwadeenada xafiisyada dawladda, ayaa waxaa loo qeybiyey bistoolado si ay ammaankooda u a adkeeyeen, naftoodana ugu difaacaan.

Sarkaal sare oo nabad sugida ka tirsan, diideyna inaan xigano ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay la bixiyey 500 bistoolo oo la siiyey xildhibaanada iyo shaqaalaha dawladda badankood.

Taliyihi hore ee nabadsugida qaranka Jeneraal Bashir Goobe ayaa bixiyey amarka lagu bixiyey bistooladahaas oo laga keenay dalka Suudaan, ka hor inta aan la casilin. Bistooladaha ayaa muddo yiilay xarunta nabadsugida Qaranka.

Sarkaalk xogtan na siiyey ayaa intaa raaciyey in bistooladaha qeybintooda shalay laga dareemay magaalada Muqdisho .

Qiimaha bistooladaha magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhac laga dareemay, waxaana qimaheeda uu horey u ahaa 2,000 dollar, halka iminka uu marayo 1,200 oo dollar.

lama cadeyn karo in hoos u dhacan la xiriiro bistoolaha la qeybiyey iyo in kale, inkastoo ay dad qaarkii ay sidaas u macneeyeen.
Go’aanka uu taliyihi hore ku qeybiyey bistooladaha ayaan la ogeyn inuu yahay go’aan ay dawladda ka warqabto iyo inuu yahay mid isaga u gaar ahaa, ka hor inta aan shaqada laga ceyrin.

Tan iyo bilawgii bishi Ramadan ayaa ku dhawaad 70 qof oo isugu jira xildhibaano, shaqaale dawladeed iyo dad rayid ah lagu dilay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Murankii Xasan Sh. uu badda SOMALIA geliyey oo meel sare gaaray iyo xil…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa u gudbiyay QM warqad June 30 2014, taasi oo la xiriirta badda Soomaaliya iyo in dib u eegis lagu sameeeyo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law 37 ee xadaynaya badda Soomaaliya guud ahaanteed kaas oo la meelmariyay sanadkii 1972.

Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa, ayaa sheegay in talaabadan loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu go’aan ka qaato.

Waxaa Xildhibaanada ay sidoo kale sheegeen in Xadeyn iyo murun uusan Cidna kala dhaxeyn Badda Soomaaliya Iyagoona tilmaamay in aan loo baahneyn in Kenya loo xadeeyo Badda Soomaaliya sida ay hadalka u yireen.

Xildhibaan, Saleymaan Maxamed Ibraahin, oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ahaa ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay waxuuna sheegay in Madxada Dowladda Soomaaliya aysan kala qey qeybin karin Dalka Soomaaliya, Badda Soomaaliyana ay wada leeyihiin Shacabka Soomaalyeed.

“Dalka Soomaaliya waxaa leh Shacabka Soomaaliyeed, Badda Soomaaliya looma xadeyn karo Kenya, waa wax laga xumaado maadaama Badda Soomaaliya ay tahay Hantida Shacabka Soomaaliyeed” sidaasi ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko”, oo isna ka mid ahaa Mudaneyaasha Baarlamaanka KMG ahaa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in arintan ay tahay mid lagu dulminayo islamarkaana lagu baneesanayo looguna talagalay Kheyraadka Badeed ee Soomaaliya iyo dhaqaalaha in lagu xaalufiyo.

Waxuu kale oo sheegay Xildhibaan Cali Seeko in amuurtan ay u taalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isagoona tilmaamay in dhabar jab ay ku noqoneyso iyo Qiyaano Qaran hadii aysan ka hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Warqado Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu yiri dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u taahy in ay wadahadal kala furto arrimaha badda cid kasta oo muran galisa zonka ama xadka badda Soomaaliya si dib u eegis loogu sameeyo zone ama xad badeedka Soomaaliya ay leedahay.

Halkan ka arag warbixinta iyo warqadda uu qoray Xasan Sheekh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XASAN Cadaaladda ayuu ka fogaaday!!

“Haddii aanu aamusno waa noo aamus baas iyo dib u dhac . Haddii aanu hadalnana waa af salax-ku-dheg” Faarax Seefeey waxuu dhahay Adduunyo uur lahaan arkaa Umulisaanse loo arkeyn ,Xassan Sheekh waxa uu na baday ayaa ka xun waxa uu Somali u horseeday, runtii islama dhihin Xassan Sheekh ayaa 23 sanno la soo dhaafay Somali marna aanan ka bixin,waxaase leeysweeydiiyaa maxuu dhaxalsiiyay umadii 23 sanno la gumaadayay,waxaad moodaa in uu ogolaaday dulinimada Puntland ka dhax jirta iyo sida umada Somali ugu bahdilan tahay.

Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto ,taariikhda Cumar C/rashiid keeni karta in uu Somali u noqdo Safiir USA u fadhiya Somali ayaa iga degi weeyday,war ninka ma Somalibaa ?? mise waa kii asaga oo Aabihii lagu sharfayo laga dhigay r/waasaare markii danbene noqday ragii dhisay Jubbnaland iyada oo la ogyahay in uu ahaa shaqsiyaadkii diidanaa midnimada iyo Somalinimada ogolaa in dalka lakala goo gooyo Sorry Xassan Sheekh waxeey u muuqataa in uu ogolaaday mooryaanta Majeerteen in aay la daadihiyaan dowladnimada ka dib markii uu adkeeysan waayay dacaayada raqiiska ah ee aay ugu baxsheen Culusow iiwm

Haddii aad Cumar C/rashiid ka dhigtay Safiir USA Somalia u matala maxaa diiday in aad Prof Cali Geedi aad asagana ka dhigto Safiirka Qaramada Midoobay ee Somalia,sida oo kale Faroole in aad umada ugu dhigtaa Safiirka Ingriska ama Yurub sabbabta oo ah waxeey ahaayeen ragii diidanaa dowlada federaalka ogolaane Jubbland Somalida waxeey dhahdaa : Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.Puntland ninka hada xukumo waa kan diidan Somalinimada iyo midnimada,hadaba maxaa ka jiro Puntland aqiiqdii Somalinimada miyaa la ogol yahay,dastuurka Puntland maxuu u ogol yahay Somaliada la dgen Puntland maxeeyse isku ogol yihiin dhexdooda ???

Dastuurka Puntland waxaa uu qorayaa kuna dhaarteen kuwa ilka u haya qodobadaan soo socda:

Qodobka 4aad 

DADKA 

1. Dadka Dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland.

 2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland. 

Ka akhri halkanhttp://www.biyokulule.com/dastuurkapuntlandpart1.htm

Jinsiyada Somalinimada waa aay diideen waxeeyna la baxeen Jinsida  Puntlandis Ninka Majeerteenka ah waa Punntlandis sida ku cad dastuurka Puntland waxii ka soo hara oo ku nool dhulkaa waa Qaxooti sidaana waxeey u sameeyeen ID card, shacabka ka yimid koonfur sida Bay, Bakool, Hiiraan koonfur oo idil waxaa aay qaadanaayaan ID card ka duwan midka dadka Puntland degeni loogu talo galay waxaa laga tagay jinsiyada Somalnimada, waxaa la aaday jinsiyad lagu sheegay  Puntlandis, waxaay dadka ka yimid koonfur baxshaan canshuur ka badan midka aay bashaan qabiilada degen Puntland waxeena qeeyb ka yihiin dadkaasi kuwa qeeyb-libaax ah ka qaatay horumarka dib u dhiska gobolada Punland ,waxeey ku dhaleen caruur aad u faro badan marna aanan loo ogoleeyn in aay aadaan skoolaadka gobolada Puntland,iyada oo la og yahay in intaasi aay jirto ayeey hadana siyaasada Puntland iyo masiirkooda waxba ku laheeyn ,xataa waayay in la siiyo Wasiirka barakacayaasha Puntland, sow lama dhihi karo Puntland waxeey u baahan tahay isbedel iyo cadaalo salkeeda yahay in la wada noolaado ninwalba uu helo xaqiisa, waxa aad umadaa dhulkiina ku soo qaxday kula dhaqantaan ayaa xaq ah in aad kala kulantaan in idinkana leeydunku dhaqo, kuwiina jooga gobolada koonfur ee Somalia.

Waxaan ku wargelinayaa siyaasiyiinta indheergaradka, Aqonyahanka reer koonfureed waa in aad u istaagtaan in aad waxa ka qabataan dulmiga iyo xaqdarada shacabka reer koonfur qaabka loola dhaqmayo Puntland iyada oo la ogyahay in Wasiir Ogaadeen ah iyo Mid Mareexaan uu C/weli ku daray wasiirada iyaga oo la ogyahay in Isimadooda aayan awood ku laheeyn dhulkaa, xildhibaananan aayan ku laheeyn xukumada Punland,mar la weeydiiday C/weli waxuu ku fasiray arimahaa in aay yihiin sabbabta loogu soo daray wasiiradaa  mid isirwadaag ,dib aan ugu noqono taariikhda iyo haddii la yeeli lahaa talooyinka in aanan la wada noolaadeen. waxaan soo xusuustay  Jimcaale dhagataag iyo Farax Seefeey oo labaduba ahaa reer Muqdisho sida aay siyaasda ugu faaloon jireen iyo damaca SYL kuwa ku abtirsada balse awooda dalka rabay in aay maroorsadaan.

Jimcaale Dhagataag waxaa uu ahaa abwaan aad u taageera SYL ka ( Leegada ) waxaana uu ku guubabin jiray in dadka aay galaan dagaalka si gumeeysiga leeysaga kiciyo,halka Faarax Seefeey uu ahaa abwaan aragtidiisa aad u fog tahay waxaa uu taageersanaa xisbigii Lego dei Giovani Somalo ( liberale ),waxaa uu umada ku guubaan jiray xornimo dabadeed in aanan leeysku xadgudbin cadaaladana aay noqoto mida umada hogaamisa,waa xiligii daaqiliyada ee 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya,dalka waxaa ka socday dhismo xaga wadooyinka Infrastructure,qandaarsyada waxaa qaadan jiray oo lagu naaxin jiray rag gaar ah, Xaaji Baraakooo ahaa nin xoolihiisa aay ku dhamaadeen SYL mardanbese ogaaday in SYL xubnaha ku jiraa in aay leeyihiin hadaf ka duwan midka SYL ayuu isaga baxay halkaas ayuu aasaasay xisbigii Lego dei Giovani Somalo ( liberale ) .

Talyaaniga ayuu u dhoofay Xaaji Baraako asaga oo raadinaya qandaraas dhismaha wadada G.Bay ilaa Muqdisho oo aheeyd ku dhawaad 250km oo markii danbe la siiyay Xaaji Ibraahim Uunlaaye, waxuu Xaajiga ku arkay Talyaaniga niman aqoontooda eey aad u liidato oo Geeljirayaal ahaa kana yimidJariiban si loo baro xirfada Karaaninimo si marka Talyaaniga uu umada gaarsiiyo 1960 xornimada aay karaani ugu noqdaan xafiisyada dowlada u fadhiistaan,goortii uu dib ugu soo noqday dalka Xaajiga ayuu Faarax Seefeey uga sheekeeyay waxii uu Roma ku soo arkay, Xasan Maxamed Shuuriye iyo Xaaji Buraake Allah u naxariistee ayaa meel kasta ka naadsheen in waxii reer Xamar aaanan aheeyn aay mudan tahay , in ay‘visa’ ku soo galaan Xamar, ‘visa’ na ku joogaan Xamar, Faarax Seefey oo xaqiiqdaa ogaaday ayaa sugaan faro badan ku cabiray somalida waxa ku soo socda xornimda 1960 ka dib.Xiligaa dadkii oo dhan afkii yeera ba, yiri: “Liberaalaan ahay, manta waxii ka danbeeya,Soomaalidii reer Leego ahaydna, arrintaan aad ayeey ugu xumaadeen dhacdada Roma iyo cadaaladarada somalida ku soo socoto,Sidaas darteed Jimcaale Dhegataag oo walaakiis ahaa, ayay naf bideen SYL ka in uu cabsi-geliyo Faarax Seefeey, Mar dambana uusan lug geyn Xarunta Xisbiga Liiberaalaha,Jimcaale Dhagataag ayaa waxaa uu dhahay:;

Tillaabadaada waan tirshee mug Tangayika waa tagee,taas uu Faarx Seefeey ugu jawaabay:Tiftifku tuugadoow yaqaan, Tixsina meel bugtoow tumaa
Ee waxaan tolmeeyn ( Somalinimada ) waxaanaan tereeyn, ninkii ku toosiyeey u taal, Anna tillaabadaada waa tirshee, mug tuugo waa idiin talee.Waxaa la maraya Tuugadii Faarax sheegay.

Waxeey mareeysaa  xiligaan in  ninki Jubbaland wax ka sameeyay laga dhigo Safiir iyda oo la og yahay taariikhda mugdiga ah ee uu ku leeyahay Somalida dhexdeeda  Haddii furuq la arkaa..waraabow fara ka leef noqdaa waa xigmadii Faarax Seefeey alow haddii uu noolaan lahaa xiligaan waxbuu ka dhihi lahaa aragti ahaan.Lax dhukani col iyo abaarba moog waxa quman in taariikhda  aanan laga been sheegin. 

W/Q: Dr. Ali.A.Hirabe       

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Reer Khaatumo: DF nooma aysan hiilin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ka gaabisay ka hadlida dagaallada ku soo noq-noqday magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed oo ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka muuqato mas’uuliyad darro iyo karti xumo sidda uu hadalka u dhigay maadama aaney weli ka hadlin gar-darrada maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in dowladda looga baahnaa in ay la timaado mas’uuliyad iyo in ay ka hadasho duulaanka qaawan ee maamulka Somaliland ku heyso deegannada uu ku arrimiyo maamulka Khaatumo State.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka muuqata mas’uuliyad darro iyo karti xumo iyo aaneyba ogeyn in ay mas’uul ka tahay shacabka, marka waxaan leenahay arrintaas waa dhaliil ay lee dahay ee ha iska badasho” ayuu yiri xildhibaanku.

Wuxuu kaloo sheegay xildhibaanku in maamulka Puntland uusan sheegan karin deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo State.

Wuxuu sheegay oo kale in dadka ku nool deegannada maamulka Khaatumo ay ahaayeen kuwii ka dhiidhiyay gumeestihii heestay Soomaaliya sannadkii 1951-dii.

Si kastaba, hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii shaley dagaallo ay ka dhaceen deeganno ku yaalla Taleex.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhul Badeedka SOMALIA waa 750 KM

Waxaa jira in wadamada ay kor u kacday awoodooda dhaqaale oo u badan kuwa reer Yurub ay had iyo jeer horor ku yihiin kheyraadka dabeeciga ah ee addunka oo ay doonayaan si toosa iyo si dadbanba iney u dhacaan, gaar ahaan wadamada saboolka ah oo soo koraya. Wadamada reer Yurub horay waxey ugu guuleysteen in wadamo fara badan ay dhaceen macdantii dalkooda ku jirtey iyo waxyaabo badan oo kale oo qiimo leh oo dalalkaas ay hodan ku ahaayeen xiligii ay gumeysanayeen. Waxaa laga soo gudbey xilgaas, waxaana loo soo gudbey xilgii aqoon wax lagu xadi lahaa oo madax aan waxba kala fahamsaneyn lagu xadi lahaa sharciyo caalamiya oo cilmiyeysan, kuwaas oo dhaxalka dalalkaas ka dhiga mid xaquuqdooda loo wada siman yahay lahaanshihiisa.

Wadamada horay u maray sharciyada iyo shirarka caalamiga ah oo ay soo abaabulayaan waa kuwo ay ka soo fiirsadeen, dantoodana ay ku soo jaangooyeen, haddana si aan loo maleyn karin oo la cilmiyeyey looga soo fekerey naqshadeyntiisa iyo u qurxinta wadamada loo maleegayo hagar daamooyinka. Wadamadaas awooda weyn waxey heshiis ku yihiin in qaab kasta oo loo mari karo in loo maro sidii loo dhici lahaa dhaqaalaha ku duugan wadamo badan oo aan lahayn awooda ay kula soo bixi karaan, maxaa yeelay aqoonta iyo qalabka loo adeegsanayo sahanka, gadiidka, iyo soo saarida iyaga ayaa iska leh, mana jirto cid awood aqooneed isaga hubin karta baaristooda iyo qarsoodiga ay u daldalanayaan kheyraadka qarsoon ee ku hoos jira badda hoosteeda.

1958 ayey bilaabeen wadamadaas horarka ku ah kheyraadka wadamada soo koraya iney maleegaan shirar caalamiya oo ay ujeedooyinkoodu ku soo koobeen iney ku saleysan tahay dadaalo ay ugu jiraan samatobixinta lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafaadka ka taagan kaluumeysiga iyo qoditaanka shidaalka laga soo saarayo baddaha dhexdooda. Natiijooyinka shirarkaas ma uusan noqon mid loo dhan yahay, waxaana dadaaladooda dhantaalay xilgaas oo uu Dagaalka Qabow dhaliyey xasarado xamaasadahoodu ay aad u sareyeen. Shirarkaas waxey xoog u bilowdeen mar kale 1973,wuxuuna soo gabagaboobey Disember 10, 1982, halkaas oo laga soo saaray qawaaniinta lagu dhaqayo xuduudaha wadamada ku yaala badda, waxaana xeerkaas lagu dhaqayo xuduudaha badaha uu noqday howlgal Nofember 16, 1994. Waxey qorayaan xeerarkaas in wadan walba oo xeeb badeed leh in biyaha badda uu ku leeyahay 22 km oo keliya, waxaa xiga dhul badeed 22 km oo uusan lahyn wadankaas, laakiin ay weli awoodiisa wadankaas hoos imaneyso, waxaa xiga dhul badeed marka laga soo bilaabo xeebta ilaa balaciisu uu noqonayo 370 km, kaas oo noqonaya dhul badeed ay dowladaas sharaf ahaan loogu maamuusay iney u leedahay xaq u ogolaanaya in kheyraadka ku hoos jira badda ay ka faa’ideysato,wixii gaadiida ee dul maraya ama hoos marayana aysan wax shaqo ah ku lahayn. Ogolaashahaas waa mid ku saleysan hab maamus lagu sharafay wadankaas xaq ahaan, laakiin uusan lahayn dhul badeedkaas. Waxaa jira dhul badeed marka laga soo bilaabo xeebta ilaa dhererkiisu gaarayo 750 km oo lagu qiyaasay inta dhulka wadankaas uu badda hoosteeda ka soo gelayo. Waxaa si cad xeerarkaas loogu qeexay in wixii ka badan 22 km dhul badeedka wadamada xeebaha leh in aysan wadamadaas milkiyadooda lahayn oo uu dhulalkaas ka mid noqonayo  dhul badeedka Caalamka, sidaasna uusan dalna dal kale ka xigin.

Somaliya waxey ku leedahay dhul badeed dheer xeebaha ku yaala galbeedka badweynta Hindiya, mana jirto wadan ku yaala xeebaha bariga badweynta Hindiya oo dhul badeedkoodu isi soo gaari karo oo Soomaaliya ay kala dhexeyso muran ku saabsan dhul badeed. Dhulka Soomaaliya oo ka kacaya xeebaha waa mid badda dhexdiisa ku soconaya ilaa 750 km, markaas kadib ayaa waxaa bilaabanaya salka bada oo uu ku soo dhamaaday dhulkii soo gelayey, sidaasna lagu gaarayo salxada salka siman ee badda, waana halkaas meesha ay sida rasmiga ah ay badweyntu uga bilaaban karto. Sidaas daradeed ayaa loo baahan yahay in la xaqiiqsanaado in dhulka Soomaaliyeed ee badda dhexgelaya uu si kala sareysa uu marba marka ka dambeeya hoos ugu dhacayo ilaa uu ka gaaro badda salkeeda siman oo uu ku dhamaanayo xuduudiisu. Soomaaliya waxey lahaansho ay u madaxbanaan tahay ku leedahay dhul badeed gaaraya 750 km. Dowladii ay hogaamineysey xukuumada milateriga waxey Soomaaliya horay ugu saxiixday dhul badeedkeedu inuu yahay 370 km(200 nmi), waxey kaloo u qaadatay 370km ee xiga dhulkaas inuu yahay dhul ay kheyraadkeeda iyada ku keli noqonaya oo uusan ka mid noqoneyn dhul badeedka caalamka, waxaana arrintaas ka taagneyd muran aan si wada jira wax go’aana aan looga gaarin ilaa ay ka burburtay dowladii milateriga. Markii Dagaalka Qabow uu dhamaaday, Soomaaliyana ay noqotay dowlad la’aan ayaa heshiisyadii dib loo bedeley oo sida ay doonayeen ay heshiis ku gaareen. Wadamada aan saxiixin heshiiskaas waxaa ka mida wadanka Mareykanka oo diidey inuu aqbalo heshiiskaas, sidaasna ay uga horyimadeen mar haddii aysan jirin wadan kale oo ay isku heystaan dhul badeed oo keeni karta in la soo gaabiyo lahaanshaha Dhul badeedkooda. Wadamada reer Yurub waxey soo dacayeeyeen wadamada ay horay u soo gumeysan jireen oo Soomaaliya ay ka mid tahay,waxeyna ku qanciyeen dhaqaale ay ugu abaalmarinayaan saxiixida heshiiskaas, sidaasna waxaa ku saxiixay 165 wadan oo intooda badan aysan lahayn dhul badeed, waxaana diidey oo kale wadamo ay ka mid yihiin Eriteriya iyo Israil, wuxuuna heshiiskaas sidaas ku noqday mid caalamiya oo xeerarkiisu ay noqdeen kuwo caalamiya. Xeerarkan dhaqan gelintooda ma jirto cid qasab ugu xilsaaran, laakiin waxey noqonayaan kuwo qiil ahaan loogu soo daliishado marka ay wadamada awooda badan damcaan adeegsigooda ama ay timaado murano ka dhaca dhinaca xuduudaha badda, kuwaas oo dal walba u ogolaaneysa iney dhul badeedkaas ka baxsan 22 km iney kor marto, hoos marto, iyo iney wixii kheyraada oo ay awoodaan iney farsmo kula baxaan.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu UNka u qoray qoraal taariikhdu marka ay ahayd Juun 30, 2014, qoraalkaas oo ujeedadiisu ay tahay in mowqifka Soomaaliya ay ka taagneyd 1973 dhul badeedka Soomaliya uu ku sameeyey isbedel, wuxuuna ogolaaday in Soomaaliya aysan lahayn dhul badeed oo ay ka tanaasushey, taasna bedelkeeda uu qaatay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in lagu xushmeeyo dhulbadeedka baaxadiisu gaareyso 370 km in kheyraadka ku hoos jira ay mudnaanta kowaad ku leedahay ka faa’ideysigeeda, wixii intaas ka soo hareyna ay caalamka intiisa kale ula siman tahay. Taas xataa waxey meesha ka saartay 22 km oo dal kasta oo leh xeeb badeed inuu dhul badeed balacaas leh u lahaan karo. Qoraalka nuucaas faraya macnahiisu waxey tahay inuu madaxweynaha aqbalay inuu ka tanaasuley qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed oo uu ku daray dhulalka caalamka oo aysan cidna cid kale ka lahayn. Waxaa arrintaas ka dhalan kara in uusan wadanka Soomaaliya u madaxbanaaneyn inuu maamusho kheyradka badda, inuusan awoodin ilaalinta badda oo cid walba kaa soo geli karto, inuusan xal ka keeni karin wasaqeynta badda oo sunteedu ku soo dhamaaneyso waxyeeleynta dadka degan berriga, iyo inuusan talo badan ku lahayn ganacsiga baaxada weyn ee ka dhexjira badahiisa. Taas waxey ka loo suurto gelineysaa inuu qiil uu u helo cadawga oo uu keensado maraakiib dagaal meel wadanka dhinaca badda ka jirta 22 km, isaga oo ku doodaya inuu dagaalka ka soo qaadayo dhul badeedka caalamka, taasna waxey u muuqata mid difaaca qaranka gelineysa halis, dalkana u horseedeysa inuu u nuglaado oo si rukuucsan ay madaxdiisu ugu adeegto danaha shisheeyaha. Sida ku cad qoraalka madaxweynaha uu uga tanaasuley dhul badeedka ay Soomaaliya leedahay, wuxuu intaas raaciyey isaga oo ula jeeda dalka Kenya in haddii ay jirto wadan aan wadaagno bad oo dood ka qaba sida dhul badeedka Soomaaliya ay ugu wareejiyeen inuu noqdo dhul badeed caalamiya inuu diyaar u yahay inuu tanaasul kale ka galo wixii ay tabanayaan, taas oo looga jeedo inuu damacsan yahay in dhul badeedka ay Kenya daneyneyso oo soo jira xuduuda Soomaalida in lahaanshihiisa lagu wareejiyo.

Xisbiga Dadka wuxuu qoraalkaas madaxweynaha u arkaa inuu yahay qiyaamo qaran, loona baahan yahay in lagala xisaabtamo oo baarlamaanku uu ka weydiiyo arrintaas inuu ka bixiyo warbixin dheeraada oo uu shacabka iyo baarlamaanka ka siinayo saxiixa uu UNka ugu gudbiyey dhul badeedka Soomaaliya. Qoraalka uu gudbiyey madaxweynuhu waa mid saxiixiisa lagu meelmarinayo ogolaanshaha heshiiskaas, kaas oo macnahiisu uu yahay in madaxweynuhu uu  qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ugu ogolaaday Kenya qaabka fursad ahaan loogu saxiixayo sidii loogu hibeyn lahaa iyo weliba inuu u fasaxayo shisheeyaha sida dadban u doonaya iney ku xalaaleystaan hanashada kheyraadka badda Soomaaliyeed oo ah dhaxal ma guurto ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed. Inkasto shirqoolo fara badan ay shisheeyuhu u maleegayaan dalka Soomaaliya oo la doonayo dhan walba in laga cakiriyo sida dhanka nabadgelyada oo la doonayo markasta in laga curiyo amaandari qorsheysan, federaalnimo u abaabulan hurinta xasaradooyinka qabiilka iyo xuduud beenaadyo u dhexeeya beelaha, iyo cadaaladdarro lagu duudsiinayo wadaniyiinta xaqooda wadaninimo iyo hantidooda ay sida gaarka ah u leeyihiin, haddana shacabka Soomaaliyeed marna ma aqbalayaan xukunka shisheeyaha uu ku fulsanayo adeegsiga madaxda uu dhintay damiirkooda dadnimo iyo karti xumadooda gabtay in dalka ay madaxbanaani buuxda ku hogaamiyaan.

Shacabka Soomaaliyeed waa ineysan marna yeelin hagardaamada ay wadaan madaxda sare ee dowladda oo dantooda shaqsiga ah ay ku soo uruurtay dhismo dowlad ku shaqeynaysa danahooda gaarka ah, kuwaas oo maanka ku haya iney wax walba ka doorbidaan difaaca naftooda iyo danahooda oo ay go’aansadeen iney isku wareejiyaan hawlwadeeno u adeegaya difaacooda, danna aanan ka lahayn u adeegida danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo sida muuqata horay shacabka Soomaaliyeed uga soo galay dembiyo kala duwan, sidaas daradeedna lagu soo xushay damiir xumadooda liidata. Cid walba oo ka mida madaxda sare ee dowladda waxey ku dadaaleysaa iney abuurato garabkeeda u fulinaya danahooda shaqsiyadeed iyo qorshooyinka la isaga daba wareejinayo rayiga dadweynaha, kaas oo lagu maleegayo qorshooyin been abuura oo la doonayo in shacabka lagu ma’aweeliyo inta laga meelmarinayo danahooda qarsoon oo shisheeyuhu ay caynka u dhuujiyeen.

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Video: Maxaa xasuuqa Yahuudda ay ka wado Gaza loogu aadiyey Ramadan?

Gaza (Caasimada Online) – Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa aad u si laba kacleynaya xasuuqa ay Yahuudu ku heyso Muslimiinta Falsatiin waxaana xasuuqa ay ka ku dishay muslimiin kor u dhaafay boqolaal waxaana ay dhaawacday kumanaan kale

Hadaba maxay tahay ujeedada ay sanad walba Yuhuuda ugu soo aadiyaan xasuuqooda bisha Ramadaan ama wakhtiyada ciida ?waa arin iska cad oo waxay si xun u dhaawacayaan mashaacirta Muslimiinta.

markaad eegto warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa ka jira wadamada Islaamka qaarkood waxaad moodaa in ay eeda saarayaan Muslimiinta ama Mujaahidiinta Xamaas.

Shacabka Falastiin waa shacab waayey cid u gurmata waxaana ay sidoo kale waayeen in dawooyin iyo dhaqaatiir ku caawisay  waxa loogu yeero jaamacada carabta iyo dowlada Masar oo uu qabsaday Jen cabdifitaax Zizi waxaa ay umada ku qaldayaan in ay xuduuda furayaan si dhaawaca loo daweeyey.

Jen Zizi iyo ciidankiisa waxaa ay ku dileen raabica cadawiya iyo maydaaan Taxriir Muslimiin aad u badan iyaga oo awood ciidan oo xaddhaaf ah u adeegsanayey Muslimiinta Masar balse hal qori kuma fiiqi karaan Yahuuda xauuqeysa shacabka Muslinka ah ee Falastiin.

Muslimiinta meel walba ay joogaan waa u duceynayaan shacabka ku dhaqan Gaza ee uu xasuuqu ku socdo waxaana alle u weydiineynaa in uu guusha siiyo. Mujaahidiinta Xamaas iyo xarakada Al-Jihaad iyo shacabka Gaza oo isku duuban ayaa difaacaya shacabka rayidka ah ee aan hubka heysan halka xukaamta carabta ay kursigooda waardiye ugu jiraan.

W/Q: A/Cawale, halgan.net