28.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Video: Kooxda ISIS ee Ciraaq oo bur-burisay qabrigii Nebi Yuunas عليه السلام

Mosul (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ama ISIS ee dalka Ciraaq, ayaa bur burisay qabrigii uu ku aasnaa allaha u naxariistee Nabiyullahi Yuunas Calayhi Salaam ee magaalada Mosul ee dalka Ciraq.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay Daacish sidaas u sameysay, hase yeeshee waxa ay Youtube-ka ku baahiyeen video-ga bur burinta qabriga, oo ay la dhaceen budad waa weyn.

Halkan hoose ka daawo video-ga


Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada Online

Faarax C/Qaadir, GOODAX iyo JAWAARI oo si wada jir ah isugu raacay in dib…

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre iyo Guddoomiye Jawaari, ayaa si wada jir ah u taageeray daallada dib u eegis loogu sameynayo dastuurka Somalia.

Kulan wada tashi ah oo ay soo wada qaban qaabiyeen Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa looga hadlay dib-u-eegida Dastuurka KMG ah ee Dalka, waxaana kulankaas ka soo qayb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista Daastuurka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimayaal ka kala socday Wasaaradaha,

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka mudane Farax Sheikh Cabdulqaadir oo ka hadlay xafladii furitaanka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la dadejiyo dib u eegis dhamaystiran oo lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. “Waxaa dib-u-eegista Dastuurka loo xil saaray Gudiga madax banaan oo ka kooban Shan xubnood Wasaaraduna waxay lagarab taagan tahay taageero nooc kasta ah” ayuu yiri Wasiirku oo dhanka kale xusay in magaacabista gudigaan ay ka heleen taageero buuxda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha isla markaan dhaqaale ahaan iyo niyad ahaaba u taageeraan dhamaystirka Dastuurka Dalka, waxaana wasaaradu cadaynaysaa in aysan wax faro galin ah ku samaynayn howsha loo xilsaaray Guddiga Dastuurka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare ayaa dhankiisa bogaadiyey howsha u bilaabatay Gudiga iyo sida baarlamaanka Soomaaliya u ansixiyey si ay u guda galaan waajibaadka shaqo, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in looga baahan yahay wasaarada Cadaaladda iyo dastuurku in ay qaadato kaalinteeda loona fududeeyo gudiga wixii sharciyad ah oo ay u baahan yihiin, shaqaale xirfadlayaal ah oo la shaqeeya iyo dhamaan wixii u sahli kara in shaqadooda ay si wanaagsan u gutaan.

Xiritaankii xaflada ayaa waxaa hadal kooban oo ay ku dheehan tahay guubaabo iyo khibrad ka jeediyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo runtii qayb weyn ka soo qaatay hirgalinta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

“ Dastuurka Dalku wuxuu soo maray maraaxil kala duwan, maantana waxaa furnay xaflada lagu daahfuray sidii dastuurka dalka looga saari lahaa KMG, waxaana wasaaradu u xilsaartay shaqadaas Aqoonyahano Soomaaliyeed oo shacab iyo dowladba aan kalsooni ku qabno, waxaan gudiga ka rajaynaynaa in ay si caddaladi ku jirto u gutaan shaqaadooda. shacabka Soomaaliyeed waxay ka dhursugayaan sidii dalka loogu samayn lahaa Dastuur dhamaystiran, waxaan ilaahay subxaana watacaala uga baryeeynaa inuu idinla garab galo shaqada weyn ee laydin xilsaaray, waxaan balan qaadaynaa in Baarlamaanku idinla garab istaagayo wixi taageero ah oo aad u baan tihiin” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanku.

Kulankaan oo ahaa mid afur ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha JFS, Gudoomiyaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudiga Hoosaadka Siyaasada ee Golaha Wasiirada, ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa in lagu dhiiri galiyo gudiga madaxa baanaan ee dib u eegista dastuurka, loona muujiyo in qaybaha kala duwan ee dowladu ka kooban tahay ay garab taagan yihiin howshan culus ee loo igmaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka cusub xaaladda MUQDISHO?

Muqdisho(Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ay caadi ka noqdeen dilalka ayaa waxaa maanta ka dhacay dilal loo geystay masuuliyiin dowlada ka tirsan.

Dilka koowaad ayaa saaka ka dhacay xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in lagu dilay shaqaale ka tirsan wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya.

Kooxaha dilka ka geystay degmada Wadajir ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, waxaana kadib baaritaano halkaasi ka sameeyay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa askari maanta ku dilay suuqa bakaaraha gaar ahaan agagaarka Cabdalle Shideeye halkaasi oo la sheegay inuu ku sugnaa askariga dilka loo geystay.

Waxaana goobta sida caadiga aheyd isaga baxsaday dadka ka dambeeyay dilka askarigaasi ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in dhaawac uu soo gaaray masuul ka tirsan maamulka gobolka.

Masuulkaasi oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Kaanti ayaa la sheegay in qaraxa loogu xeray garigiisa, waxaana soo gaaray dhaawac daran, waxaana dhaawaciisa loosoo qaaday magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF Somaia oo la siiyey tallo muhiim ah oo ku saabsan ammaanka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabaas Maxammuud Caddow oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada dowladda ayaa tallooyin muhiim ah siiyay dowladda Soomaaliya taasoo ku aadan sugida ammaanka Muqdisho.

Korneelka oo ku xeel dheer arrimaha ciidamada ayaa sheegay haddii dowladda u baahan tahay sugida ammaanka in ay sameyso isku xir dhinaca bulshadda ah oo kasbato shacabka.

Wuxuu sheegay korneel in isbadal lagu sameeyo ammaanka aanu waxbo soo kordhineynin ee loo baahan yahay in dowladda ay kasbato shacabka siddaas ayaana ammaan lagu helayaa ayuu sheegay.

Korneelka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka ay niyad jabsan yihiin sidda ay wax u wado dowladda oo ku aadan ammaan darida ka sii dareyso ee dalka.

Hadalka Korneel Cabaas ayaa yimid ayadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday tallaabo ammaanka wax looga badalaayo Kaddib markii weerarro xiriir ah ay ka dhaceen magaalada waxaana ugu dambeeyay kii ka dhacay xarunta madaxtooyada toddobaadkii horre.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa culeys xagga ammaanka ah waxaana dad badan ay lee yihiin waa ay adkaan doontaa sidda looga guuleyso tallaabadaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Sawirro: MASHRUUCA GARASBINTOW

Deegaanka Garasbintow oo hoos yimaada degmad Balcad ee gobolka Shabellada Dhexe ayaa waxaa la dhagax dhigay dhismo loogu talagay dugsi Hoose/ Dhexe iyo MCH, iyadoo mashruucan oo ay iska kaashanayaan hirgelintiisa dadka deegaanka Balcad iyo ururka Somali Asal Foundation.

Mashruucan ayaa ah mashruucii ugu horeyey ee dhanka waxbarasha aas aasiga iyo caafimaadka laga hirgeliyo iyadoo dadka ku dhaqan deegaanka Garasbintow ay si aad ah u soo dhaweeyeeen.

Waxaana ka soo qeyb galay dhagax dhiga mashruuca mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala yimid caasimada Muqdisho iyo Gobolka Shabelada Dhexe, waxaana ka mid ahaa: Xildhiban Omar Ali Nor “Omar Furdug” Gudomiyaha Degmada Balcad Mohamed Mohamud Saney Takey, Gudoomiyaha Degmada Shibis Abdifatah Yanyo Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Heliwa Abshir Kaaran Gudoomiye ku xigeenka demada Daynile Ahmed Adeerow iyo marti sharaf kale oo fara badan oo dalka iyo dibada uga yimid taageerida mashruuca waxay dhamaantood ku dhiirageliyeen in laga wada faa’iideysto horumarka iminka u bilowday deegaanka Garasbintow iyagoo balan qaaday in ay isgarab taagayaan mashruuca in uu guuleysto si hadafka mustaqbalka u hirgalo.

Mas’uuliyiintii ka hadashay dhagax dhiga Waxay u soo jeediyeen ururka Somali Asal Foundation in uu ku sii baahiyo adeega ay u hayaan bulshada deegaanada kale oo baahiyo fara badan u qabaan dhanka caafimaadka iyo waxbarashada si loo yareeyo caruurta iyo hooyooyinka caafimaad xumida ugu rafaada deegaanada ku xeeran degmada Balcad ee gobolka Shabelada Dhexe iyo aqoon la’aanta sababta in dhalinyarada ay mustaqbal xumo wajahaan.

Madaxa ururka Eng. Mohamed Sharif Mohamed ayaa wuxuu amaanay bulshada degmada Balcad sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaadanayaan mashruucaan iyo mashruucyo kale isagoo ugu baaqay in bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada ku kala nool in ay ka wada qeyb qaataan mashaariicda umadda wax loogu qabanayo.

dhismahaan ayaa la filayaa in uu soo dhamaado dabayaaqada September 2014.

Garas (1)Garas (10)Garas (11)Garas (12)Garas (2)Garas (3)Garas (4)Garas (5)Garas (6)Garas (7)Garas (8)Garas (9)

Feysal Cali Waraabe oo af lagaadeeyay dadka Soomaaliyeed kuna tilmaamay…

Washington DC (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka Somaliland, Injineer Feysal Cali Waraabe ayaa weerar aflagaado ah ku qaaday dadka Soomaaliyeed isagoona ku tilmaamay meyd oo kale.

Isagoo u warramayay VOA-da ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay la mid yihiin meyd oo kale isla markaana Somaliland laga doonayo in ay ka tashadaan oo ay wax la qeybsadaan asaagood.

“Soomaaliya waa meyd oo kale marka meyd in la kor fadhiyo ma ahan oo waa in aan wax la qeybsano asaageyn” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo ah nin inta badan ku hadla waxa afkiisa soo qabto.

Sido kale guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ayaa ka hadlay wadahadallada u socda dowladda fedaraalka iyo maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in wadahalladaas uu burburay oo wuxuu noqday mid socon waayay ayuu yiri.

Wuxuu sabab uga dhigay markii dowladda Turkiga ay la wareegtay martigalinta shirarka u dhexeeya labada dhinac wuxuuna intaas ku daray in Turkiga uu ka duway waddadii horrey ay ku socdeen wadahadallada oo dhexda ayuu ku galay ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in shirkaas Somaliland aaney waxbo ka soo faa’idi doonin marka laga reebo in uu dhibaato u horseedo mooyee sidda uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha laga faa’iday shirarka u socda Somaliland iyo dowladda Soomaaliya wuxuu sheegay labo qoddob in ay yihiin waa mida horre in Somaliland ay tahay dal madax banaan iyo in labada dhibac deeqaha loo siiyo si madax banaan oo aan la is hoos keenin.

Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in beelaha ay ka soo kala jeedaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay ku heshiiyeen in ay baabi’aan Somaliland balse arrintaas xag alle kama dhicin oo Somaliland waa dal madax banaan ayuu yiri.

Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ay u baahan yihiin in loo dhigo gogol nabad maadama dowladda ay ku dhisan tahay 4.5 isagoona kula dardaarmay in ay u turaan shacabkooda dhibaatada ku soo jiray 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Hoos ka dhageyso Feysal Cali Waraabe

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Maxaa la gudboon DF & ciidamadeeda haddii ay beesha caalamka diidday in..

Beesha Caalamka ayaa si joogta ah u diideysay Tobankii Sano ee la soo dhaafay baaqyo badan oo ka imaanayey Siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan Madaxda Dowladda Federaalka,Baaqyadaasi ayaa lagu dalbanayey tayenta qeybaha kala duwan ee ciidamada Soomaalida sida Militiriga,Booliska iyo kuwa Badda laakiin nasiib daro, Waxa ay noqdeen baaqyadaasi kuwa aan dheg jalaq loo siinin arimo badan oo jira dartood.

Ka dib markii la dhisay Dowladda Federaalka mudda haatan laga joogo ku dhawaad toban Sano, Sidoo kalena ay dalka soo galeen ciidamo ka socda Midowga Africa, kuwaas oo ay dhaqaalahooda bixiso Beesha Caalamka,Ayaa waxa ay Madaxda Dowladda Federaalka waqti badan ku dhumiyeen sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Beesha Caalamka in la tayeeyo,Islamarkaana la qalabeeyo ciidamada Soomaalida, Si looga maarmo ku tiirsanaanta ciidmada Shisheeye.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yaaban caga-jiidka haysta Beesha Caalamka ee ku aadan dhismaha ciidamo Soomaali ah oo xoogan oo la wareega amaanka dalka,Waxa ayna dadkani is weydiinayaan waxa Soomaaliya ka duway dalalka Ciraaq iyo Afganistaan, kuwaas oo loo dhisay ciidamo gaarayo Boqolaal Kun halka Soomaaliyana loo la’yahay 20 Kun oo askari.

Waxyaabaha cajiibka ah ee lagu arkay Beesha Caalamku,Waxaa ka mid ah in askari Africa ah oo xasharaadka iyo cayayaanka cuni jiray la siiyo $ 1000 halka askarigii Soomaaliga ee wadanka iska lahaana loo la’yahay $ 200.Waxaa Iyadana wax lala yaabo ah in Maalin kasta lagu baaqo kordhinta tirada ciidamada AMISOM halka ay ahayd in la kordhiyo tirada qeybaha kala duwan ee ciidamada Soomaalida si ay ugu danbeyn ula wareegaan amaanka dalka.

Caga-jiidka Beesha Caalamka ka haysta dhismaha ciidamada Soomaalida, Ayaa loo aaneynayaa cadaadis ka imaanayo dalalka Dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya oo kale,Kuwaas oo aan dooneynin in ay arkaan mar kale ciidamo Soomaali ah oo xoogan maadaama uu dalka Soomaaliya kala dhaxeeyo muran xagga dhulka ah,Waana sababta keeneysa in ay Beesha Caalamka ka war-wareegto dalabka dadka Soomaalida Iyagoo tixgelineyso codsiga Dowladaha Dariska ah.

Inkasta oo ay dadaaleen Madaxda Soomaalida sidii ay ugu qancin lahaayeen Beesha Caalamka, in la dhiso ciidamo Soomaali ah oo xoogan hadana waxa aan aaminsanahay in aysan la imaanin Madaxda Soomaalida farsamadii iyo go’aamadii loo baahnaa ee lagula xisaabtami lahaa Dunida, Waayo haddii ay Jiri lahayd Madax karti iyo geesinimo leh, Waxaan hubaa in mar hore la kala bixi lahaa.

Maadaama Beesha Caalamku ay dhaqaalo badan ku bixiso ciidamada AMISOM, Waxa ay ahayd in ay sidoo kalena dhaqaalo badan ku bixiso ciidamada Soomaalida laakiin nasiib daro taasi ma dhicin, Bal waxaa dhacay cagsigeeda waayo marka aad isu fiiriso ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida, Waxaa kuu soo baxayso kala duwanaan dhinac walba ah haday ahaan lahayd xagga mushaarka,xagga saadka iyo xagga qalabka.Lugooyo iga dheh

Waxtar-xumidooda waxaa ka daran lugooyada iyo hagardaamada ay ku hayaan Dowladda Dhexe, tusaale ahaan halkii ay xoojin lahaayeen Dowladda Dhexe, Waxa ay doorbideen in ay kobciyaan sidoo kalena ay buunbuuniyaan Maamul Beeleedyada sida Somaliland,Puntland,Jubaland,Galmudug iyo kuwa la midka ah.Xagee lagu arkay dal Dowladdiisii oo joogta inta la dabamara oo lala xariirayo Maamul Beeleedyo sida Somaliland iyo Puntland oo kale ?!

Ugu danbeynii,Waxaan leeyahay Jileeca iyo karti-xumida haysata Madaxda Soomaalida ayaa keentay in Beesha Caalamku ay ku cayaarto dadka Soomaaliyeed ,Sidoo kalena ay noqdaan ciidamada Soomaalida kuwa liita oo la isaga dhigo xabbadda kulul ee ka imaaneysa Xoogagga Islaamiyiinta.Sidee lagu aqbali karaa in ay cunaan Wiilashii qiimaha badan ee Soomaaliyeed hanbada ka soo harta ciidamada Africanka sida Uganda iyo Brundin oo kale ?

Hadaba haddii ay Beesha Caalamku diiday tayenta iyo qalabeynta ciidamada Soomaalida,Hadaba maxaa la gudboon Madaxda Dowladda Federaalka iyo ciidamadeeda ?

Anigu waxa ay ila tahay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay in ay go’aan rasmi ah ka qaataan howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (amisom) mar haddaan diyaar loo ahayn xoojinta Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo tayenta ciidmada Soomaalida Iyadoo loo daneynayo Shacabka Soomaaliyeed ee daalan.

Marka aad u fiirsato howlgalka AMISOM ee Todobo Sano jirka ah, Waxaa kuu soo baxaysa in meesha loo yimid sidii looga hortagi lahaa oo kaliya in ay Kooxaha Islaamiyiintu qabsadaan Soomaaliya tusaale ahaan, haddii la rabo in la dhiso qaran Soomaaliyeed oo isku filan maxaa loo diidan yahay in si fiican loo qalabeeyo ciidamada Soomaalida ? mise Waxaa la fulinayaa balamadii laga qaaday Itoobiya iyo Kenya ?

Haddii la doonayo in ay Soomaaliya degto maxaa loo xoojin la’yahay awoodda Dowladda Dhexe,Sidoo kalena looga dhaafi la’yahay faragelinta ay ku hayaan IGAD iyo Dowladaha Dariska sida Itoobiya iyo Kenya oo kale ? Haddii ay Beesha Caalamku dowladimo la rabto Soomaaliya,Maxaa cunaqabateynta hubka loogu hayaa Dowladda ? Dowladda aan hub iibsan Karin oo aan qalabeyn Karin ciidamadeeda ma dowladbaa ?

Labo Sano ka hor Madaxweynaheena (Xasan Sheekh) waxa uu ahaa nin firfircoon oo kalsoonida badan lagu qabo Maantana waakaas habadka noqday oo uusan waxba ahayn,Waxaana sidaas u galay waa Shirqoolada Dowladaha Dariska iyo lugooyada Beesha Caalamka.Aaway balanqaadayadii Beesha Caalamka ee uu ugu horeeyo Newdeal-kii (Olddeal).

Ugu danbeyn, Waxa aan leeyahay haddii aysan Beesha Caalamka diyaar u ahayn dhisidda iyo tayenta ciidamo Soomaali ah oo xooggan iyo waliba dhismaha Hay’ado dowladeed oo xoogan, Waa in aysan Umadda Soomaaliyeed gelinin dagaal aan wax faa’iido ah ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed tusaale ahaan muxuu ku dhimanayaa askariga Soomaaliga ah haddaanan la xaqiijineyn dhismaha qaran Soomaaliyeed oo mideysneyn ?

Hadaanan la xoojineynin awoodda Dowladda Dhexe,Maxay tahay waxa aan ka faa’iideyno dagaalka u dhaxeeya reer Gablbeedka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ? Haddaanan laga dhabeyneynin balanqaadyada loo sameeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed,Waa maxay waxa naloo sheegayo ? Yaase diyaar u ah in uu naftiisa ku waayo waxa loo yaqaano Xarbu-Wakaalah ? Mise waxa ay noo qaateen dad wada muqayiliin ah oo aan waxba fahmeynin ?

Mar haddii aysan Beesha Caalamku diyaar u ahayn xaqiijinta danaha Umadda Soomaaliyeed Iyagoo fulinayo codsiga Dowladaha Dariska ah sida Itoobiya oo kale, Hadaba waxa aan u soo jeedinayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo ciidamadeeda talooyinkan soo socda:-

1-In uu Madaxweynaha is casilo Xafiiskiisana ku wareejiyo Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay Mr.Kay

2-In ay kala tagaan ciidamada Soomaalida mar haddaan meesha loo joogin dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo xooggan.

3-In Calanka Soomaaliga laga fujiyo dhamaan dhismayaasha Dowladda lana sura calanka UN-ka iyo kan Midowga Africa.

4-In la isaga dhex baxo AMISOM iyo Kooxaha Islaamiyiinta inta uu Caalamka ka garwaaqsanayo danaha Umadda Soomaaliyeed

5-In aanan la aqbalin in Wiilasha Soomaaliyeed xabbadda la isaga dhigo mar haddaan meesha loo joogin dhismaha dowlad Soomaaliyeed.

6-In lala shaqeeyo oo kaliya Beesha Caalamka marka ay garwaaqsadaan ogolaadaana fulinta dalabyada dadka Soomaaliyeed

W/Q:Cabdulahi Ibrahim
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

IS-MOOD-SIIS: WARBIXIN ku saabsan siyaasadda laba-wajiilenimo ee C/WELI

Ma sahlana in qofku iska dhaadhiciyo waxyaabo aan suura gal ahayn. Mar mar ayey naftu is tusisaa waxan maqcuul ahayn. Markaas ayey kugu tiraahdaa sidaas ayaa sax ah. Laakiin sidaad saxda u malaynaysaa ma ahan saxdii. Waa khalad aad is mood siisay inuu sax yahay. Mararka qaarkood waxaa dhacda in qof gaabani oo aad u gaaban weli uu isu qaato inuu aad u dheer yahay oo naftiisa sidaas u sheego. Weliba kaaga sii darane uu rumaysto waxay naftiisu u sheegta. Oouu dhab u aamino inuu dheer yahay….
Sidoo kale dadka isu qaata inay hal door u yihiin ummad meel degan oo cid walba leh ayaa iyaguna la yaabkooda leh. Waxaa kaloo aad u sii yaab badan inaad naftaada ku maaweeliso inaadsi gooni ah aad dadka oo dhan ka caqli badan tahay, qof kastana aad si gaar wax ugu sheegi karto, una qancin karto… Adigoo weliba sii aaminsan inaad tahay caqliloow aan cidina la caqli ahayn oo maskax furan.

Xaqiiqadu waa ka fog tahay waxad adigu is-mood-siiso ama aad u malayso, waa dhacda dhabta ah ee waa waaqiciga ah. Ha noqon mid dadka been u sheego oo iska dhig nin iyaga la jira; Balse ujeedadiiso tahay inuu wax khiyaameeyo amaba dad si kale wax ugu sheego. Ma ahan markaad Kismaayo tagto inaad dadku siday wax u jecel yihiin aad ugu sheegto, ma ahan inaad si khiyaamaysan u dhagarto dhoohanayaasha aan si dhabta ah wax u fahmi Karin…. Ma ahan in aad ninka duurka jira isagana aad si ka duwan kuwa magaalada jooga aad wax ugu sheegto… ma ahan inaad dadka kala shaxaado oo aad madaxa isu wada geliso….mana ahan inaad u malayso inaanay dadkoo dhami waxba garan Karin .. Dhoohanayaa u qaadato.

Is-koobaha oo aad gadaal iska mariso kama dhigna in madaxaagu uu timo leeyahay!!
Is-koobaha oo aad gadaal iska mariso kama dhigna in madaxaagu uu timo leeyahay!!

Ma ahan inaad Teleefoon kula hadasho Puntland oo aad ku rajo geliso waan idin soo booqanayaa , haddana aad dhinaca kale ka tiraahdo shayaadiintaas ayaa u tegi kara .. mana ahan kuwa mingiska iyo boorahnaha tumaa ee saarka waalidu hayo inaanay mararka qaarkood wax dareemi kari…. 

Soo degey Soo degeey, Saarkii duleedoow soo degay…. Soo deg soo deg .. Soo deg. 

Ma ahan in calaqadku u yeeri Karin Yoose iyo maame. Hadabba ha is mood siin hana u malayn in aan cayaarkasta lagu dheeli Karin maba lagula cayaari karin…..

Sidii kale waxaan lahaa .. Haaheey… 

Ma ahan inaad u durbaan tunto dhoobada daara, ka dibna tiraahdo waa mida ugu fiican waxa meesha jooga. Ma ahan inaad majaha iyo madaxa isu surto oo beentaadu bara dheeraato tii Been Hawaas iyo Ibnu Waas.

Ha Is-Mood-siin ama ha u malayn inaanay dadku waxba ogayn kolkaad booqato hoos ha u hadlin waxaa jira kuwa maqla wax walba oo aad sheegto. Kaba siid aran magaalada Marka waxaa ku duugan Aw Cismaan….. Wixii hoos loo sheego waa la maqlaa , ha abuurin cadaawad dad u dhaxaysa … Laashainka Axmadey Cabdi Gaashaan oo reer Shabeelada hoose ah wuxuu ku heesay
Ilee Ilee … Ilee .. Ilee… Ilee.. Ilee
Waa la kala leexiyaa Liin iyo Caano….
Meel Libaax soo galay Lo’ ma joogaysee ..
Diiq Maxaas yii.. Kuu kuu kuu .
Doora aas tiri Kaa.. kaa .

Ma ahan inaad u malayso amaba is mood siiso in Shabeeladda Hose ka tirsanaan jirtay gobolkii Jubbada Sare ama Alto Juba… ma la oran karo qaylada Xaad iyo Axmed Diirye waa sax …. Laakiin waxaa la oran karaa waxaa sax in Shabeelada Hoose ka tirsanaa Gobolkii la oran jirey Banaadir… Alto Juba wuxuu ahaa Gedo, Bay iyo Bakool.. taaso ka dhigaysa Baardheere inay ahayd Alto Juba.
Ha is mood siin in adigoo xiiran oo aan xabad tin ah lahayn haddana ha u malayn inaad timo leedahay. Bal isku eeg muraayada .. dabadeedna si fiin isu eeg. Way kuu muuqataa inaad tima leedahay markaa xaaqinka intaa gadaal iska mariso u malayso inaad tima leedahay. Aan ku af meero qormadaydan aan ugu magic daray Is mood sii gabay aan ka soo dheegtay Abwaanka Maxamuud Cabdulaahi Sangub..

Dib u soco Horuu u soco.
Horay iyo Dib u soco
Daran doori Jaan qaad
Maxaa daal la kororsaday

W/Q: Abdishakuur Mire Aden
qoraa buuga Kobocii Islaamiyiinta ahna wasiir hore ee Puntland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

KENYA OO KA AARGUDATAY BRITAIN !!

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa soo saartay digniin ay u direyso Muwaadiniinteeda, iyadoo ku wargelisay in ay ka digtoonaadaan inay taransit kusii maraan garoonka caalamiga ah ee Heathrow oo ku yaalla magaalada London ee dalka ingiriiska

Kenya ayaa sheegtay inay suurogal tahay in ay ka dhacaan falal argagaxiso oo ururka Al-Qaacida ka geysato garoonkaasi.

Xogyahaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Karanja Kibicho ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya inay suurogal tahay in weerarro argagaxiso lala beegsdo groonka diyaaradaha Heathrow.

“Warbixino ay bixiyeen saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay inay dagaalyahannada Al-Qaacida Yemen iyo Suuriya isku dayayaan inay sameeyaan bambooyin awood u leh in lagu soo rido diyaaradaha, waxayna muujinayaan in dalka Britain uu noqon karo dalka ay saameynta ugu weyn ku yeelan karaan weerarradaas,” ayuu yiri Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibada Kenya Kibicho.

“Inagoo saldhig ka dhiganayna warbixinta waxaan ku wargelinaynaa muwaaindiinta Kenya inaysan u safrin magaalada London, halkaasoo ay macquul tahay in weerarradan argagaxisada lala beegsado.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Kenya wuxuu kula taliyay muwaadiniinta Kenya in ay isticmaalaan marino marka ay u socdaalayaan Mareykanka, sida dalalka Itoobiya, Imaaraadka, Netherlads, iyo kuwo kale, halka ay Taransit ku ahaan lahaayeen London.

Hadalka Kenya, ayaa u muuqda mid ay kaga aarsaneyso Britain, oo horey usoo saartay digniino ka dhan ah Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

TARZAN OO QABRIGIISI QOTAY (AQRI)

Maahmaahdi ahayd  AF DABOOLAN DAHAB WAAYE waxay xambaarsan tahay xikmad aad u qoto dheer oo ka tarjumeysa dhaqanka qofka afkiisu furan yahay oon ogeyn ama aysan u qiyaasneyn hadallada ka soo fulaya heerka ay gaarsiin karaan noloshiisa ama damaca uu ka leyahay mustaqbalkiisa.

Guddoomiye Tarzan waxaa la moodaa nin aan soo marin waxa lagu magacaabo formal education, wuxuuna ka mid yahay dadka mooda haddii ay bartaan af-ingiriis heerka spoken language inay caalim yihiin.  Waxyaabaha uu ku kacaayo ama falalka gurracan uu wado Tarzan waxaa eedeeda iska leh Madaxweyne Sheikh Shariif oo soo aruursaday “ comrades” aan loo aaba yeelin lagana  fiirsan dadnimadooda.  Tarzan hadduu aqoon lahaan lahaa wuxuu garan lahaa in dowladuhu ay leeyihin asraar aan loo baahneyn inay faafiyaan dadka xilalka ka qabta …dowladda Mareynakna waxay qabtaa sharci ah in waxyaabaha aan kor ku sheegan aan la soo bannaan bixi karin illaa ka soo wareegto 50 sano, waana talo ay isku waafaqeen culumada taariikhda.

Nasiib darrada na heysata waxay tahay waxa uu damacsan yahay iyo siyaabaha uu ku fikiraayo isagoo aaminsan inuu yahay ZACIIM u qalma inuu dalka hogaamiyo isagoon aqoon lahayn.  Sheikh Shariif dadki uu qashin-qubka ka soo qaaday sida Tarzan  iyo qaar kaloo badan ayaa manta isu heysta inay dalkaan hogaami karaan, waayoo waxay heleen fursad ay xoogaa lacaga ku aruursadaan oo ay hoteelo seexdaan.

Tarzan wuxuu gaaray manta heer uu eedeeyo una gefo magaalada Muqdisho,  waa meeshi soo dhaweysay ow ku soo barbaaray, siisayna nolol aysan helin kuwi isaga la midka ahaa, ayuu manta wixi ka dhacay magaaladana ay iyadu sababta leedahay, cid sheega kartaana aysan jirin, sida asagu sharciyeeyay. Wuxuu horey ugu hadli jiray waa illawyay, doodihii dhex maray isaga iyo dad badan  oo reer Puntland ah ee ku saabsaneyd martabada iyo maqaamka Muqdihso..illawsha dhawaa umul miyaa!!!  Wuxuu aflagaado u geystay qofki isaga magacaabay oo gaarsiiyay meel uusan weligii ku riyoon nin uneducated orfano ahaa.  Qof kasta oo siyaasadda soo gala meel ayaa loo nisbeyaa. Tarzan dhinacuu naga xigaa!!!.  Ma wuxuu damc ka haayaa inuu mar kale Xamar ku soo laabta ama jago ka qabto?

Gefafka uu ka gelaayo Xamar dadka qaar waxay ku macneeyeen inuu ula jeedo jufo gaar ah, isagoo ku raadsanaya in Soomaalida inteeda kale oggolaato inuu Zaciim yahay.

Meel ka mida waddamada Yurub Ayaan kula kulmay nin macallin ka ah dugsi oo markaan wareystay ii sheegay inay xataa ardadiisu leeyihiin adiga Somalida waa ka geddisan tahay, waadna ka fiican tahay!!!

Markaasaan ku iri cay kuu dhiman oo lagu cay lahaa ma jirto..markaasuu yiri sey ku dhici kartaa?  Markaasaan iri lafahaaga ayaa la caayay iyo isirkaaga, adna aad ammaan u qaadatay !!  Tarzan waxaa la yiri adiga dadka Xamar sheeganaya oo kale ma ihid waana ka duwan tahay,,,si uu arrintaas u rumeeyo wuxu eedeyn iyo aflagaado kala kordhacay Muqdihsu iyo dadka deggan si loo arko inuu yahay nin dadka oo dhan u dhexeeya..

Ogaw Tarzanow waxa aad ku hadleyso waxaa jooga dad akhri kara inta aadan dhihin, markaad dhehdana akhri kara between lines oo waxa aad ulajeedo kala soo bixi kara fal dhaqankaaga..isqabo intey goori goortahay, u maleyn maayo in weligaa Soomaaliya wax ka naqan doonto marka la qiyaaso tallaabooyinka aad qaadeyso. Wal cilmu cindallaah!!!

Axmad Calasow

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Video: Baarlamanka Soomaaliya oo si aad ah u beeniyey facebook & Twitter

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu si rasmi ah u ogeysiinaya Dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan,si gaar ahna bahda Warbaahinta in aanay Baarlamaanka Soomaaliya iticmaalin bogagga laga sameeyey baraha Facebook iyo Twitter ee magaca Baarlamaanka looga been sheegay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Buux ayaa yiri ” waxaan doonayaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego iney been abuur yihiin bogagga lagu sameeyey magaca Baarlamaanka ee ku jira Facebook iyo Twitter inaanay Baarlamaanku laheyn ee ay yihiin kuwa been abuur ah oo magaca Golaha Shacabka looga been sheegayo”

Waxaan sidoo kale ku wargelinayaa umadda Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaliya uu leeyahay hal bog oo si rasmi ah afkiisa uga hadla islamarkaana ay ku jiraan shuruucda iyo howlihii kale ee Baarlamaanku qabtay waana www.parliament.gov.so ,wax kale oo bog ah mas’uul kama nihin.

Ugu dambeyntii waxa uu uga digay kooxaha caadeystay iney ka been sheegaan magaca Baarlamaanka ee bogagga ku sameysta iney ka digtoonaadaan falalkaas oo ay Alle uga baqaan.

Muuqaalka Xoghayaha Guud Hoos Ka Daawo:-

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR !!!!!

Waxaa lagu jiraa bil barakaysan, oo umadda Muslinka ahe, Alla bari iyo Eebbe tuug ku jiraan, haddana, waxaa hareeraheenna ka socda waxyaabo ka gedisan arrinta laynagu waajibiyey, ee ah inaan bilahan xurmaynno, af iyo addinna dhawrno.

Umadda Soomaaliyeed ayaa waxay mareysaa xaalkii la yidhi; ”Nin buka boqol u talisay” Murtida maahmaahdan ayaa ah, ka dib burburkii umadda Soomaaliyeed ku habsatey guud ahaan, waxaa laga dhaxlay, nin hoggaan xumo baahsani waddanka darafka ka daraf saamayso.

Ma doonayo inaan idiin kaga sheekeeyo waxaad ogtihiin, ee waxaan doonayaa inaan idinla wadaago, waxaynu ka gudbi weynnay, caqabada iyo qabbirka labada lugood laynooga dhuuxiyey, ee aynu ka dirgan la’anahay. Qofka waxaa hoggaamisa Maskaxda oo ah fuliyaha dareenka iyo curinta arrin walba oo ku dhalata nafteena, iyadoo mar walba u xilsaarta xubintaa shaqada iska leh inay, Fuliso ama ay ka hawlgasho, dhaqaaq, dhawaq, dhihid, dhadhansi, dheehasho, dhugasho, dhawris iyo dheelitirba.

Haddaba Umadda Soomaaliyeed markii uu haleelay cudurkan dhimirka ee “Wareerka iyo Walaahowga” Wuxuu kaga dhacay Maskaxda oo ah “Hoggaanka“ Hoggaankii ayaa wuxuu farriin iyo amar qaldan siinayaa, xubnihii jidhka, bog iyo beer iyo badanba, isagoo lugaha doonaya inay wax arkaan, gacmuhuna wax maqlaan, indhuhu wax socodsiiyaan, dheguhuna wax dhadhanshaan, waa mid aan suuragelayn, suuragalnimadeedana aan la sugaynin, “Laf jabtay iyo maan tegay midna sidoodii ma noqdo”markaad wareysato qof xanuunka dhimirku ku dhacay, wuxuu kuu sheegayaa inuu qaladka iyo gefka ka dhacaya ogyahay, balse, uusan lahayn damiir ka xakameeya oo ceebsada ama dhibsada falka qalafsan ee uu falayo.

Dalku wuxuu soo marey muddooyin ku dhaw 25 sano sano, “Rubuc qarni” tiih iyo iska daba wareeg, waxaa lagu dhawaaqay muddo hadda laga joogo sanad iyo sideed bilood, in dalku ka baxay ku meelgaadhnimadii iyo hannaan xumadii qabyada ahayd ee dowladaha shisheeye iyo Qaramada Midoobey jaraha u hayeen, waxaa is bedelay, wax muuqda oo dalka gudihiisa ayaa xubnihii dibadda lagu xuli jirey lagu xulay, dowladdii dibadda laga keeni jirey lagu dhidbay, goggaana lagu doortey dalka guduhiisa, dalku wuxuu markaa ka baxay marxalad adag oo dagaal iyo dabinno badan leh, umaddu waa bogaadisay iyagoo haddana og, darka duulka tuba  ee ku horan xafiisyada iyo hay’adaha dowladdu inay yihiin, dhagarqabayaashii shalay, hoggaamiye diimeedkii shalay, qabqablahii shalay, askarigii shalay, qaswadihii shalay iyo qarandumiskii shalay, dhammaan waa la yaqaana, balse, arrintu waxay noqotey “Waraabihii yidhi;  Aamin halay baxsho, ee markii loo baxshay yidhi bal tijaabona halayga qaaddo oo halay jirabo, waxaa loo dhiibey Hal iyo Nirigteedii, labadii midna Afkuu ka goostey midna Cadhada ayuu ka goostey” haddii la yidhi isu soo godolna waxaa ka hadhay, Murtida caanbaxdayee ah ”Maxay ku nuugtaa am ka nuugta

Dadku muxuu filayey? Dowladduse maxay ballanqaaddey?

Dadku wuxuu filayey; 

  1. in hoggaan dhiirran oo lagu nasto la helo, nabad iyo wadajirkoodii soo celiya, nidaam iyo kala dambayni timaado,
  2. In Cadaalad iyo sinnaana la helo.
  3. In Ubadku waxbarasho u dareerto, dhallintuna shaqiyo xoogsi u dareerto,
  4. In dumarku nabad ku daanshoodaan, duqaydiyo dareen la’aan ku joogaan,
  5. in diiftii laga reysto, in dalka laysu furo dibna looga heshiiyo, dakanadii iyo daannooyinkii dagaallada sokeeye.

Haddaba waa aan is weydiinnee; dadku ma helay wuxuu sugayey? Aqristoow adigaan kuu daayey jawaabta!

Dowladdu waxay ballan qaaddey;

  1. inay guud ahaan dalka gacanta ku dhigayso, kooxaha Argagixisada ee nolol iyo nabaddiidka ha la dagaallamayso.
  2. in dhammaan heer gobol ilaa degmo, maamulka lagu baahinayo
  3. in la dhisayo laamaha dowladda oo dhan.
  4. In la dabooli doono intii karaana Adeegga Bulshada iyo baahidooda.
  5. in laga kaaftoomayo ciidamada shisheeye lana heli doono, ciidan nabadgelyo iyo mid xoog  oo ku filnaanada ilaalinta iyo ammaanka dalka guud ahaa.
  6.  In dadka oo dhan la tirakoobayo, lana diiwaan gelinayo
  7. in Xisbiyo siyaasadeed la furo, dadkuna codkooda dhiibtaan 2016ka, Haddaba ma fulisay wax ka mida ballanqaadkeedii dowladdu? Adigaan kuu dhaafay Jaalkayoow jawaabteeda.

Haddii xaalku sidan yahay ninna wax sugayo nina la sugayo ninka la sugayaa uusan ninka sugaya inuu sugayo ogeyn, “Waa Kudka guur oo Qanjo u guur” waxaa had iyo gooraale dadku is weydiinayaan maxaa isbedelay mase jiraa isbedel siyaasadeed iyo nidaam oo ku yimid dalka? Maya, inay ka darto oo ciin daaqdo maahine waxba isma bedelin,  dad badan ayaa i odhan doona filashada wanaaji oo rajada hagaaji “Umaba jeedee, maxaan hagaajiyaa ama wanaajiyaa?”

Haddaba bal ila eeg, waxaa dalka ka jira xasillooni darro siyaasadeed iyo baaxaadeg weyn, waxaa is casilay, Wasiirkii Amniga, muddo  laba bilood ku aaddan ayaa waxaa la soo magacaabay nin shalay loo bedelay inuu gudan waayey xilkiisa, Taliyihii hore ee nabadsugidda, “Ma cid ku dhaantaa la waayey mise geeddigaa dib u socod ah?” sahanxumo waa ku sababsataaye, waxaa taliye Nabadsugid laga xayuubiyey xilka, isagoo lagu eedeynayo xilgudasho xumo iyo aqoondarro dhinaca Amniga ah, waxaa loo magacaabay nin Qurbajoog ah oo isaguna aan lahayn xirfadda shaqo ee loo dhiibay, haddana, dalka xog ogaal u ahayn, waxaa intaasba ka sii daran in Taliyaha Booliiska ayaa waxaa loo dhiibay nin ka tirsanaa ciidankii CID Soomaaliya oo dalalkii uu dibadda ugu qaxay ka soo cararey ka dib markii faldambiyeedyo dagaal iyo dambiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha lagu eedeeyey xiligii uu ahaa Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ee dowladdii Rajiimka, ka darroo dibi dhal, waxaa Ergayga Soomaali u metela, Dalka Mareykanka loo magacaabay Cumar Cabdirashiid, Cali Sharma ‘arke, oo ahaa Ra’iisalwasaarihii hore ee dowladdii Shariif oo is casiley isagoo lagu eedeeyey, Musuqmaasuq iyo iibsashada Badda Soomaaliya, iyo wax isdaba marin, shaqo gudasho la’aan, haddan waxaa la yidhi lagaama maarmo, ma waxaa laga baranayaa, Sooyaalkiisa madoow mise tolow waxaanaan Ogeyn ayaa jir? Bal adba!

Waxaa laynoo sheegay oo warbaahintu soo gudbisay dadka wax dila kuwa wax qarxiya  kuwa hubka gudbiya iyo kuwa hawlaha argagixisa fuliyaaba inay dhammaantood la shaqeeyaan dowladda iyo laamaheeda kala duwan weliba kuwa  ugu muhiimsan.

Waxaa halkaa kaaga muuqata iney guud ahaan rajadii iyo filashadii dadweynaha qaarkiis, noqotey ”Hal bacaad ku lis” oo aysan jirin haba yaraatee wax yididiilo ah, hummaag madoow iyo gudcur la gudayo maahine.

Isbedelkii laga sugayey, “Jamhuuriyadda Beelaha Soomaliyeed” wuxuu noqdey arrimahaan ka soo faalloonay iyo kuwa kale, Dalka dagaalladii weli waa ka socdaan, Siyaasad ahaana hadda ayaa la sii kala fogaadey oo intii shalay, xeedhada gacanta kula wada jirtey maanta nin weliba buul ayuu waabtey wuxuuna gacan saar la yeeshay dowladdaha deriska, Beel walba waxaa u duuban Nabaddoon siyaasadeed ”Madaxweyne Maamul beeleed” wuxuu la shiraa oo la shawraa habeen iyo maalin wakiil iyo wakaaladna u yahay dowladaha deriska ah, ma dan gaara ayuu ka qabaa? mayee dantooda ayuu fuliyaa? Bal adba?

Dadweynuhu waa kooxo, sidii Adhi dammaankii Sucuudiga loo dhoofin jirey u kala xareysan una dabaabo xidhan dad aan dantooda wadin dana kala lahayn, dad aan la dareemayn xanuunkooda, kana damqanayn diiftooda, waxay dhammaantood noqdeen, “Ma liibanayaal lagu liibaano!”

Haddaba  miyaanu arrinku ahayn oo noqonayn kuna soo noqnonayn mar walba, KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR, rajadii shacabka iyo inta samaha jecel ayaa waxay ku laalantay Xiddigga Dagaar oo iyada oo Weyne waa Ilaahe ka soo dejiyo maahine aysan muuqan marxalad looga gudbi karo dhibaatada taagan. Quusta iyo hammi dunka waxaa keenya wacyiga adagee yaalla ee aan ilaa hadda lahayn habkii iyo hannaankii loo maarayn lahaa.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Afhayeenka gobolka oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee ammaanka Khaliif Axmed Irig ayaa u magacaabay Maxamed Cismaan Yuusuf oo horrey u ahaa afhayeenkii maamulka gobalka Banaadir afhayeenka cusub ee wasaaradda.

Afhayeenka cusub ee wasaaradda ammaanka ayaa xusay in wasaaraddooda ay la immaan doonto dedaalo lagu adkeenayo ammaanka caasimada isagoona ku tilmaamay wasiirka cusub qof wax badan ka yaqaana arrimaha ammaanka oo la soo shaqeeyay maamulkii hore ee gobalka Banaadir.

Wuxuu sheegay in wasaaradda ammaanka maalmaha soo socda ay la immaan doonto qorshayaal cusub oo la doonayo in lagu adkeeyo ammaanka magaalada Muqdisho oo hadda u muuqdo mid fashilka ku yimid.

Afhayeenka cusub ee wasaaradda ammaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamahan ammaanka si looga hortago wax kasta oo keeni kara ammaan darrida caasimada.

Si kastaba, wasiirka cusub ee ammaanka Khaiif Axmed Irig ayaa shaley oo Sabti ahayd la wareegay xilka, mana cadda wax yaabaha uu ku soo kordhin doono ammaanka Muqdosho oo hadda u muuqda mid faraha ka si baxaya.i

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

Dowlada Canada oo dooneysa in lasoo xiro taliyaha cusub ee boliiska Somalia oo loo haysto xadgudubyo bani aadam

Ottawa (Caasimada Online) – Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo uu Todobaadkii hore Magacaabay Raisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh ayaa ah Dagaal ooge ay raadineyso Dowladda Canada iyo Booliska Dalkaasi.

Dowladda Canada ayaa raadineyso Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo Dalka Canada looga yaqaan Magaca Maxamed Xasan Faarax waxaana Generaal Maxamed Sheekh Xasan lagu heystaa Danbiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

“The New Somali Police Force Commissioner is a Somalian war criminal wanted by government of canada and Toronto-area police (…) he is wanted by the government of Canada for violating human rights under the Crimes Against Humanity and the War Crimes Act.”

Taliyaha_Cusub_ee_booliska_Soomaaliya_keydmedia_Online-620x330

General Maxamed iyo nin lala raadinayo
General Maxamed iyo nin lala raadinayo

Taliye-Mohamed-HassanJen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa Dalka Canada iskaga soo baxay kadib markii Qoysas uu Xiligii Kacaanka si xun u galay ay ku dacweeyeen Dalka Canada, waxaana lagu heystaa in uu ku xadgubay Xuquuqda Aadanaha, amrayna in la dilo Dad Rayid ah. Qoysaskaan ayaa Caddeyn badan hordhigay Maxkamadda.

Sidoo kale wuxuu Iibin jiray oo uu Lacag ku badalan jiray Dadkii “Kacaan Diidka” loo yaqiinay oo ku xirnaa Xabsiyadda, wuxuuna xiri jiray Ganacsatada diida Lacagta baadda.

Generaalka ayaa xiligii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre ahaan jiray Madaxa Dambi baarista Gobolka Banaadir. Dambiyadda lagu heysto Jen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa waxaa kamid ah Kufsi, dhac iyo Dilal.

Waa astaan kale oo muujineysaa fashilka siyaasadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo nin horey u gummaaday shacabkii Muqdisho dib ugu soo celiyey iminka, sababta oo ah dowladda oo ka talisa kaliya Muqdisho.

Amarka xariga General Maxamed ayaa lsoo saaray bishii July ee sanaddii 2011, hase yeeshee illaa iyo waqtigaas waa uu dhuumanayey General oo wuxuu isku qarinayey magaalada Nairobi, sidu shaacisay warbaahinta Canada ee Sun News Network.

Halkan ka arag baadigoobka dowladda Canada ee Jenaral Maxamed

Caasimada Online

Xafiiska Toronto

[email protected]

Daawo Video: Wiil Dhalinyaro ah oo la ilmeeyay arin aad looga naxo oo ah…

0

Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah Aradaya Soomaaliyeed ee wax ku barato Wadanka Turkiga ayaa ka sheekeeyay arin dad badani ka ilmeysiisay oo uu ka sheekeynayo waana arin aad looga naxo.

Aqristoow Muuqaalkani waa mid aan hubo in qof walba oo daawada uu ilmeyn doono waana arin inta badan dadka soomaaliyeed ay niyada ku hayaan in ay ka hadlaan ee nala daawada.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya oo dar daaran uga tagay dadka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xaflad lagu sagootinaayay safiirkii hore ee dowladda Turkiga u joogay Soomaaliya, Kamaalu diin Toraam.

Xafladda oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu ammaanay doorkii uu safiirka ka qaatay arrimaha Soomaaliya tan iyo markii loo soo magacaabay sannadkii 2011-ka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa goobta ka sheegay in Turkiga uu lafdhabar u ahaa horrumarka dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in danjirihii horre ee Turkiga uu qabtay arrimo badan oo la mahdin karo oo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Kamaalu-diin Toram ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay muddada uu ka shaqeenaayay Soomaaliya isagoona sheegay in booqashadii uu ku yimid Muqdisho ra’iisal wasaaraha Turkiga ay sabab u noqotay in hoggaamiyaasha caalamka ay ku dhiiradaan in ay soo booqdaan caasimada Soomaaliya oo ka mid ahayd meelaha ugu khatarta badan caalamka.

Wuxuu kaloo sheegay Kamaamul-diin in haddii xittaa waqtigiisa ay dhammaatay in uu sii ahaan doono qof ka shaqeeya hormarka Soomaaliya, isagoona ballan qaaday marka uu ku laabto Ankara in uu noqon doono safiir Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga oo si weyn galaangal ugu yeelatay arrimaha Soomaaliya sannadkii 2011-ka ayaa door weyn ka qaadatay badbaadinta kumanaan qof oo abaaro ay ku dhufteen kuwaasoo ka soo hayaamay koonfurta iyo bartamaha dalka, tii oo ay jirto in dalka ay ka hirgaliyeen mashaariic fara badan.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: FAARAX Cabduqaadir iyo Ceydiid Ilka-Xanaf oo ay ka tafatay, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya khilaaf cusub oo ka dhex hol cay wasiirka caddaaladda xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub?

Khilaafka ayaa billowday markii baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen guddiga addeega garsoorka, balse arrintaas waxaa sharci darro ku tilmaamay guddoomiyaha maxkamadda sarre ee dalka, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay faraglin lagu sameeyay dastuurka dalka sidda uu hadalka u dhigay.

Isagoo u warramayay VOA-da ayaa la weydiiyay wax yaabaha ay isku khilaafeen ama ay isku raaceen wasiirka caddaaladda, wuxuu sheegay in wax yaabaha la isku heesto ay ka mid yihiin faragalinta hey’addaha garsoorka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa tilmaamay in golaha wasiiradda ay soo magacaabi karaan seddax xubnood oo ka tirsan golaha addeegga garsoorka lixda kalena ay soo magacaabi karto maxkamadda sare.

Wuxuu kaloo sheegay in wasiirka caddaalada iyo arrimaha fedaraalka uusan shaqo ku lahayn guddiga adeegga garsoorka isagoona intaas ku daray in guddigan oo horrey u dhisnaa uu ka madax bannaan yahay golaha wasiiradda.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan wasaaradda cadaallada iyo arrimaha fedaraaalka xukuumadda ay baarlamaanka hor geysay golaha adeegga garsoorka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]