28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

XOG: FAARAX Cabduqaadir iyo Ceydiid Ilka-Xanaf oo ay ka tafatay, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya khilaaf cusub oo ka dhex hol cay wasiirka caddaaladda xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub?

Khilaafka ayaa billowday markii baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen guddiga addeega garsoorka, balse arrintaas waxaa sharci darro ku tilmaamay guddoomiyaha maxkamadda sarre ee dalka, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay faraglin lagu sameeyay dastuurka dalka sidda uu hadalka u dhigay.

Isagoo u warramayay VOA-da ayaa la weydiiyay wax yaabaha ay isku khilaafeen ama ay isku raaceen wasiirka caddaaladda, wuxuu sheegay in wax yaabaha la isku heesto ay ka mid yihiin faragalinta hey’addaha garsoorka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa tilmaamay in golaha wasiiradda ay soo magacaabi karaan seddax xubnood oo ka tirsan golaha addeegga garsoorka lixda kalena ay soo magacaabi karto maxkamadda sare.

Wuxuu kaloo sheegay in wasiirka caddaalada iyo arrimaha fedaraalka uusan shaqo ku lahayn guddiga adeegga garsoorka isagoona intaas ku daray in guddigan oo horrey u dhisnaa uu ka madax bannaan yahay golaha wasiiradda.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan wasaaradda cadaallada iyo arrimaha fedaraaalka xukuumadda ay baarlamaanka hor geysay golaha adeegga garsoorka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Document sir ah: Heshiis lagu dhacayo kheyraadka badda oo ay saxiixeen DF Somalia, Puntland, Jubba & Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay Document caddeeynaya heshiis halis ah, oo uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli gar wadeyn ka yahay, kaasi oo ay kala saxiixdeen Puntland, Galmudug, Dowladda Somalia iyo Jubaland, kaas oo lagu qeybsaday dhaqaalahii Badda Somalia?

Heshiiska ay galeen dhinacyadan, ayaa waxa ay dhaqaalaha badda Soomaaliya u kaala heleyaan sidan soo socota.

1 – Dowladda federaalka – 30%
2 – Puntland – 30%
3 – Galmudug – 20%
4 – Jubaland – 20%

Baaritaan muddo socday, Ayaan ku ogaanay in koox qawleysato ah oo ka kooban Dowladda Federaalka, maamulada Puntland, Maamulka Raaskambooni ee Jubba iyo maamulka Galmudug ee Qeybdiid, ay heshiis ku saxiideen Addis-Ababa, ayaga oo isla gartay in ay si wadar ah u dhacaan Kheyraadka Soomaaliya.

Heshiiskan oo ay si wada jir ah u saxiixeen shaqsiyaadka hoos ku qoran ayaa wuxuu halis weyn gelinayaa Mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo uu dalka galayo xilli dhammaan shatiyadiisa Shidaalka iyo Kalluumeysiga ah shaqsiyaadkan doonayaan in ay ku iibiyaan suuq madow.

Shaqsiyaadkan heshiiskan halista ah ku lug leh ayaa waxaa ay kala yihiin:

1. C/Casiis Xasan Maxamed, wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka.
2. C/Raxmaan Jaamac Kulmiye, Wasiiru-dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland.
3. Maxamed Aadan Jaamac, Wasiirka Kalluumeysiga, beeraha iyo xoolaha ee Jubba.
4. Maxamed Jaamac, Wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo dekedaha ee Garabka ee Galmudug.

Heshiiskan halista badan wata ayaa wuxuu dhigayaa in dhammaan dakhliga ka soo xarooda ay qeybsadaan kooxdan qawleysatada ah ee heshiiska halista ah ku gaaray Addis Ababa.

Si loo meel mariyo heshiiskan halis ah iyo mugdi gelinta mustaqbalka Soomaaliya, kooxdan waxay ku heshiiyeen in ay dhisaan xafiis hawshaasi ay ku fududeeyaan oo ay ugu magacdareen Wakaaladda Kalluumeysiga ee Dowllada Federaalka Soomaaliya, kaas oo ingiriis ahaan noqonaya (Federal Somalia Fishing Authority – FSFA).

Heshiiskan halista badan wata ayaa wuxuu sidoo kale saameynayaa Xadduudda Badda Soomaaliya sida ka muuqada Heshiiskan qeybtiisa ugu koreyso, waxaana mar kale muuqaneysa in ay kooxo qarsoon oo xiriir la leh dowladdo cadow ku ah Soomaaliya ay doonayaan in ay halis geliyaan qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Heshiiskan halista ah ayaa waxaa si wada jir ah uga dambeeya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas, Xubno Damjadiid ah iyo Axmed Madoobe oo ah Madaxa xarakada Raskambooni ee Maamulka Jubba iyo Xubno ka tirsan Maamulka Qeybdiid.

Sheekada yaabka leh ayaa ah in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uusanba ka war-hayn waxa dalka ka socda, waxaana howshan wada ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in dowladda Somalia, oo dalka oo idil mas’uul ka ah ay ogolaatay inay maamullo yar si isku mid ah wax ula qeybsato.

Waxaa sidoo kale tani ay ka dhigeysaa in dhammaan dadka kale ee Soomaalida ee koonfurta dega aysan waxba ku lahayn kheyraadkii baddooda, oo koox burcad ah ay dhaceyso.

Halkan hoose ka arag heshiiska

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jaamacad ku taalla Muqdisho oo soo iibsatay meydad Kenyan ah, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa heshiis la gashay Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, iyagoona loo oggolaaday in la siiyo meydad ay ku bartaan ardayda jaamacadda ee barta caafimaadka gaar ahaan qalliinka.

Dr. Cismaan Barre waa madaxa qeybta caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya, wuxuu BBC-da u sheegay in loo oggolaaday in la siiyo shan meyd oo ay ku tababbartaan ardayda wax ka barta Jaamacadooda maadama loo baahan yahay in si tijaabo ay ugu bartaan jirka qofka.

“Dhaqankeena Islaamka ayaa noo diidday in qof meyd ah la dhigo meel iyadoo siddaas ay jirto ayaa waxaa noo suura gashay in aan heshiis la galno Jaamacadda Kenyatta taasoo na soo siisay shan meyd oo ay ku tababbartaan ardaday Jaamacadda” ayuu yiri Dr. Cismaan Barre.

Wuxuu sheegay oo kale in muddo sannad ah ay ku qaadatay siddii ayu u heli lahaayeen meydad lagu tababarto isagoona intaas ku daray in waddamo ay ka mid tahay Nigeria xitta ay tageen balse ay soo waayeen.

Dr. Cismaan Barre ayaa ugu dambeyn sheegay in meydadka shanta ah ee ay ka soo qaateen Jaamacadda Kenyatta in laga dajin doono magaalada Muqdisho lana geyn doono Jaamacadda Soomaaliya si ay Practical ugu sameeyaan qalliin ardayda Jaamacadda.

Waa markii ugu horreysay oo Jaamacad ku taalla Muqdisho ay heshiis la gasho Jaamacadda Kenyatta oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn bariga Afrika si loo siiyo meydad ay ku tababbartaan ardayda baraneysa qalliinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

DIL nooc cusub oo ka dhacay XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa haweenay ku dilay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa, kadib markii ay ugu tageen goob ay qudaar ku iibin jirtya.

Haweenayda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shamso Warsame waxaana la sheegayaa inay qudaarta ay ku iibin jirtay Xaafada Suuqa Xoolaha qeybta Yaaqshiid.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in markii ay haweenayda ugu tageen goobteeda ganacsiga ay ku dileen goobta ayna la dhaceen rasaas iyagoo ku hubeysnaa bastoolado.

Wararka aan helayno oo ay noo sheegeen ehelkeeda ayaa sheegaya in haweenayda ay aheyd qof da’ah oo ifka kaga tagtay ku dhawaad 8 caruur ah.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, iyadoo ciidamada dowlada aysan u suurto gelin inay gacanta kusoo dhigeen dhagar qabayaashaasi.

Qaar kamid ah ehelka haweenaydaan la dilay ayaa inoo xaqiijiyay dilka loo geystay Shamso Warsame oo qudaar iibin jirtay. Waa markii ugu horeysay oo dil noocaan ah uu Muqdisho ka dhaco, oo haweenka qudaarta iibiya la beegsado

Dhanka kale askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qarax ay ku baa ba’een maleeshiyada Raaskamboni oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Qarax xoogan, oo nooca dhulka lagu aaso ee laga hago aalada remote control-ka, ayaa lala eegtay gaari gaashaaman, oo ay wateen maleeshiyada Raaskambooni ee Kismaayo ku sugan.

Inta la xaqiijiyay 4 askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka shan kale ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Ciidanka ku dhaawacmay weerarkan miino, ayaa lagu dabiibayaa Isbitaaladda ku yaal magaaladda Kismaayo, oo iminka fariisin u ah maamulka KMG ee Jubba.

Ilaa hadda ma jirto, cid si rasmi ah u sheegatay, inay iyadu weerarkaa ka dambeysay, tiro shacab oo aan la shaacinna weerarka dhaawacyo ayaa kasoo gaarey, inkastoo dhaawacyadoodu ay iska fudud yihiin.

Shalay ayay aheyd, markii sarkaal ka tirsanaa Raaskambooniyiinta, lagu dilay magaaladda Kismaayo, kadib markii loogu tegey hoygiisa oo ku yaal bartamaha magaaladda.

Amniga Kismaayo, ayaa u muuqanaya mid faraha kasii baxaya, mana jiraan ilaa hadda hadalo ka imaanaya dhanka maamulka KMG ee Jubba ee magaalada haysta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Yuusuf Indha-Cade oo VILLA SOMALIA isu diyaarinaya kadib markii ay DFS…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya Col. Axmed Maxamed Af-caddeey ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” uu u xusul duubayo sidii uu u hoggaamin lahaa ururka Madaxtooyada Somalia oo la filayo in hadda la gaarsiiyo ilaa Hal Guuto.

Taliyaha Xoogga dalka Somalia Jen. Dahir Indha Qarshe ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Madaxtooyada, waxaana si KMG ah loogu magacaabay Kuxigeenkiisa oo lagu magacaabo Gaashaanle Duraan. Waxaa sidoo kale xil ka qaadis lagu sameeyay Madaxii Keydka hubka Madaxtooyada Col. Garabeey, waxaana lagu badalay sarkaal la yiraahdo Col. Cosobow.

Waxaa jira qorshe ku aadan sidii Taliyaha Madaxtooyada loogu magacaabi lahaa Sarkaal heysta darajada Jeneraalnimo, isla markaana ciidamada Madaxtooyada loo gaarsiin lahaa Hal Guuto, taasoo ku kaliftay Taliyaha Xoogga dalka inuu bilaabo wadatashiyo ku aadan Jeneraalkii loo magacaabi lahaa Madaxtooyada.

Yuusuf Indha Cadde ayaa ka mid ah dadka u ololeynayo in xilkaasi loo magacaabo, waxaa kaloo jira Saraakiil kale oo haysta darajada Jeneraalnimo oo loolaankaasi ku jiro.

Indha-Cadde, ayaa rajo-weyn ka qaba xilkan, waxaana la sheegayaa in sidoo kale dowladda ay ka fakareyso dhankeeda arrintan, lagana yaabo inay aqbasho dalabka Indha-Cadde.

Isbadaladan lagu sameeyay Hoggaanka taliska madaxtooyada ayaa ka danbeysay weerarkii Madaxtooyada lagu qaaday Hebeenimadii Tallaadada, lana xoojiyo ciidamada ilaalada aqalka Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“DFS maxay ka ogtahay heshiiska ka dhacay Garoowe ee PUNTLAND iyo…?”

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaq C/raxmaan Cali oo loo yaqaan (Malaaq Buur-fuule), kana mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Bay, oo saxaafadda la hadlay wuxuu dhaliilay siyaasadda Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u cambaareeyey shir Magaalada Garowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland ay ku yeesheen wafdi uu horkacayey safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Fabrizio Marcelli & Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, wuxuuna sheegay Malaaq Buur-fuule in Talyaanigu isaga oo ka faa’ideysanaya tabadarridda dowladda dhexe, & xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay inuu la yimid hab dhaqan fashil ku ah hannaan dowladeedka Soomaaliya.

“ Talyaanigu wuxu heshiis aaney dowladda dhexe waxba ka ogeyn uu la galay maamul ay sameysteen beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, isaga oo aan ku wargelin dowladda dhexe, waxaan weydiin lahaa Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Dr. Beyle waxa uu kala socdo heshiiska Garowe ay ku kala saxiideen Safiirka Talyaaniga & Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas.? Dowladdu waxaad moodaa in aysan arrimahaasi ku baraarugsaneyn waxaana ku kalsoonahay inuu hoosta ka riixayo R/wasaare C/weli. Waxaa kale oo la yaab ah, una baahan yahay in lays weydiiyo sababta Baarlamaanka Soomaaliya uga hadli la’ yahay heshiiskaasi.? Baarlamaanku wuxuu shaqo ka dhigtay mooshin, wasiir shaqadiisii haysta iney yiraahdaan baarlamaanka ha hor yimaado, shirkad hebel oo ka shaqeyneysa dib u habeynta garoonka dayuuradaha shaqada ha joojiso; aniga waxaan u arkaa baarlamaanka xubnaha ku jira intooda badan in ay yihiin dad soo shaqa tegay ” Ayuu yiri Malaaq Buur-fuule.

Malaaq wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday in siyaasadda Talyaanigu kula dhaqmayo Soomaaliya ay tahay siyaasad wejiyo badan, oo marna uu isaga dhigayo xabiib, haddana uu la soo baxayo dhaqankii uu caanka ku ahaa ee (Qowda maqashii, waxna ha u qaban); intaasina wuxuu sii raaciyey in Talyaaniga mar kasta oo uu arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo inuu fiirsanayo danihiisa gaarka ah ee marnaba uusan daacad ka aheyn in Soomaaliya ay xasisho.

“Talyaanigu waa markii 2-aad ayuu ku celinayaa qaladka ah in beel ka mid ah beelaha Soomaalida inuu naas-nuujin gaar ah u sameeyo; markii hore waxey aheyd wuxuu siiyey taleefishin, markii uu arkay in dowladdu ay ka aamustay, wuxuu ku celiyey inuu heshiisyo kala la sii galo Puntland; annagu kama xumin haddii wax loo qabanayo shacabka walaalaheen ah ee ku dhaqan Puntland, waxaase shardi ah in dowladda dhexe la soo maro. Maxey tahay sababta gargaarka Talyaanigu bixinayo u noqon waayey mid dowladda soo mara.? Muxuu se Talyaanigu ugu kala eexanayaa Gobolada Soomaaliya.? Hadhow ma waxey dhihi doonaan Soomaaliya ayaa mucaawimo siinay.? ” Ayuu yiri Malaaqa, wuxuuna intaasi ku daray in Talyaaniga uu dib u soo celiyey kala qeybintii uu Soomaaliya ku hayey, isaga oo mar kale arrintaasi sii ambaqaadayana waxa uu yiri:

“Dowladda Talyaaniga hadda ka jirta ma ogolaan laheyd in Madaxweyne dal dibedda ka socda inta uu yimaado Talyaaniga inuu Gobolka Napoli shir kula galo Guddoomiyaha Gobolkaasi. Talyaaniga isaga oo ka faa’ideysanaya”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SHACABKA XAMAR oo qaati ka taagan arrin dhibtay oo weli aan xal loo hayn

Shacabka reer Muqdisho ayaa ka cabanaya musuq-maasuq baahsan oo ka jira saldhigyada bilayska iyo maxkamadaha, iyagoo sheeganaya in kiisaskooda aan xal loo helin muddo bilo dhan inkasta oo ay bixiyaan laaluushka ay dalbadaan mas’uuliyiintu.

Iyadoo joogta dibedda maxkamadda gobolka Benaadir 25-kii June, ayay Safiya Sheekh Cabdi, oo ah hooyo 35-jir ah oo leh toddobo carruur ah kuna nool degmada Yaqshid, waxay sheegtay inay daba joogto dacwad dhul oo ay January ka gaysay nin sheegtay inuu leeyahay dhul ay aabaheed ka dhaxashay.

Waxay sheegtay inuu ninku si sharci darro ah ku haystay booskeeda dhulka ah oo ah 300 oo mitir oo isku wareeg ah taniyo markii uu dagaalka sokeeye bilowday 1991-kii.

“Markii aan aniga iyo ninka sheeganaya inuu leeyahay dhulkeyga tagnay maxkamadda, waxay maxkamaddu aragtay inuusan haysan wax muujinaya lahaansho iyo inay waraaqahayga dhulku yihiin kuwii saxda ahaa,” ayay tidhi. “Intii ay amri lahayd in dhulkeeygii la igu soo wareejiyo, waxay maxkamaddu ku fashilantay inay caddaalad sameeyso waxaanan awoodi waayay inaan dhulkeeygii dib u helo.”

Safiya ayaa sheegtay inay qiyaastii $2,000 ku bixisay laaluush ay siisay mas’uuliyiin sare ee maxkamadeed taniyo markii uu kiisku bilowday waxayna hadda iska joojisay inay kiiska dabagasho kadib markii ay mas’uuliyiintii codsadeen lacag dheeraad ah.

“Mar walba oo aad saxiix uga baahato qof ka shaqeeya maxkamadda, qofkaasi wuxuu ku odhanayaa, ‘Anigaa hawsha kuu qabanaya ee ila heshii oo ii sheeg lacagta aad i siinayso,'” ayay tidhi. “Dayn aan asxaab ka soo qaatay ayay ahayd $2,000 oo aan ku bixiyay kiiskan waanan u sheegay dhammaan mas’uuliyiintii maxkamadda inaanan awoodin inaan baxsho lacag dheeraad ah.”

Safiya waxay sheegtay inay waraaq u qortay guddiga khilaafaadka dhulalka, kaas oo uu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab bishii May, waxayna ka sugeeysaa jawaab.

Saalax Muuse, oo ah 28-jir dukaan cuntada jumlada ah lagu gado ku leh degmada Xamar Weyne, ayaa sidoo kale raadsanaya hab kale ee uu caddaalad ku helo ka dib markuu sheegay inay bilaysku ku amreen inuu laaluush siiyo si ay uga hawlgalaan dacwadiisa.

Muuse ayaa sheegay inuu dacwad ka geeyay mid ka mida macaamiishiisa oo uu ku lahaa $500 muddo sannad ka badan.

“Waxaan is idhi dacwadaada u gee sharciga si aad lacagtaada u hesho, laakiin waxaan dareemay inuu sharcigu ku xidhan yahay lacag waayo markii aan tagay saldhigga bilayska ee Xamar Weyne waxaa la igu yidhi waa inaad bixisaa $20 oo ah waraaqda codsiga dacwada,” ayuu yiri Muuse. “Waxaa ka dib la igu yidhi waxaad $50 siisaa saddexda askari oo soo xidhaysay ninkii aan dacweeyay iyo inaan saddex goor maalintii raashin u keeno dacweeysanaha intii uu ku jiro xabsiga ama aan bixiyo lacag [dheeraad] ah taa baddalkeed.”

“Waan ka soo cararay oo waxaan go’aansaday inaan raadsado qaraabada ninka aan ka cabanayo si ay lacagteeyda iiga qaadaan maadaama uu sharcigii dadka u kala gar qaadi lahaa noqday mid lacag ku saleeysan,” ayuu yidhi.

Saalax ayaa ugu baaqay Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka inay wax ka qabato musuq-maasuqan baahsan ee hareeyay saldhigyada bilayska iyo maxkamadaha.

Maxamed Cumar, oo ah 54-jir, ayaa sheegay in uu gurigiisii shanta qol ahaa ee ku yaallay Dharkeeynlay oo loo xukumay qof kale sababta oo ah wuxuu awoodi waayay inuu bixiyo $500 oo laaluush ah oo uu ku yidhi bixi mas’uulkii dacwadda hayay markii uu dacwada xareeyay May 2013-kii si uu garta isaga ugu xukumo.

Markii uu diiday inuu bixiyo lacagta, waxaa lagu yidhi sug xukunka, kaas oo uu helay April 2014-kii.

Cumar ayaa sheegay inuu carruurtiisa ula cararay Kenya intii uu socday dagaalkii sokeeye uuna halkaas qaxootinimo ku joogay illaa iyo 2013-kii, ayna soo noqdeen markii la sameeyay dawladda rasmiga ah ee ku timid doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan caddaalad ka sugayay maxkamadda gobolka Banaadir muddo sannad ku dhow is aan booskeeyga dhulka ah ugu helo qaab caddaalad ah anigoon bixin wax lacag ah, laakiin taasi waa ay suurtoobi wayday,” ayuu yidhi. “Gurigeeygii waxaa lagu wareejiyay qofkii aan isdacweeyneeynay anigoo arkaya. Qofkani wuxuu watay waraaqo been ah wuxuuna aqalkeeyga si sharci darro ah u haystay taniyo 1992-kii markii aan ka cararay [Soomaaliya].”

Dhibaatooyinka haysta ka sokow, Cumar wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo dib-u-habeeynta garsoorka Soomaaliya ka dib markii uu baarlamaanku ansixiyay sameeynta Komishanka Adeegga Garsoorka.

Waraysi uu la yeeshay raadiyaha dawladda ee Radio Muqdisho 4-tii July, ayuu Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ku sheegay in sameeynta komishanku tahay tallaabadii ugu horreeysay ee dib-u-hagaajinta hannaanka garsoorka iyo hubinta in Soomaalidu ay helaan nidaam garsoor oo la isku hallayn karo ahna mid loo siman yahay.

Hadafka ugu weyn ee loo hagaajinayo nidaamka waa in la sameeyo jawi horumarinaya caddaalad, oo ay ka mid tahay in la shaqaaleeysiiyo dad leh aqoon iyo anshax, in la dhiso tayadooda, iyo in la hubiyo inay shaqadooda u qabsan karaan si aan cabsi ku jirin, ayuu yidhi

Afhayeenka gobolka Benaadir Axmed Cusmaan Muxiyaddiin Showqi ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo eedeeymaha musuq-maasuqa iyo laalushka, laakiin wuxuu yidhi waa inay muwaadiniintu cabashooyinkooda hor keenaan guddiga khilaafaadka dhulalka oo la sameeyay May.

“[Guddigu] wuxuu xalliyay kiisas badan oo ay xallin waayeen maxkamadaha iyo nidaamka garsoorka,” ayuu yiri. “Waxaan ku dhiirrinaynaa in qof walba oo ka cabanaya caddaalad darro uu la xidhiidho guddiga, anagana maamul ahaan uma dulqaadaneeyno inuu qofna qof kale dhulkiisa ku qaato sharci darro.”

Isha: Sabahi Online

Warar kusoo kordhay kiiska dowladda Kenya iyo SOOMAALIDA waddankaas

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool magaalooyinka dalka Kenya ayaaa racfaan ka qaadanaysa go’aan ay soo saartay maxkamadda sare ee Kenya oo ku khasbaya in ay isugu tagaan xeryaha qaxootiga, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo soo xiganaysa shakhsiyaad Soomaali ah.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa go’aanka soo saaratay 30-kii June ee sannadkan, kaas oo ay ka soo horjeedaan dadka Soomaalida ah.

Guddoomiyaha Soomaalida ku nool xaafadda ay Soomaalidu aadka u deggantahay ee Eastleigh, Xuseen Maxamed Xaaji ( Xuseen Aaar) ayaa tilmaamay in go’aan kaasi yahay mid gabood-fal ku ah Soomaalida, ayna ka qaadanayaan racfaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hay’adda Qarammada Midoobey u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa horay u wada go’aan saday in aan khasab lugu rarin qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Ciidammada amniga Kenya hawl-gallo ay sameeyeen ayay ku qabteen kumannaan qof oo Soomaali ah, kuwaas oo qaarkood loo masaafuriyey dalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dilalka aargoosiga ah ee Beledweyne

Beledweyne(Caasimada Online)-Wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay wiil dhalin yaro ah oo ku sugnaa bartamaha magaalada Beledweyne.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Fataax Shigshigow ayaa wuxuu ku sugnaa xiligii la dilayay Xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne halkaasi oo ay ayeeyadiis ay ku nooleyd.

Wararka ayaa sheegaya  in sababta dilka ka dambeysay ay tahay in wiil horay uu toorey ugu dhiftay Shigshigow uu ka dambeeyay dilka wiilka dhalinyarada kaasi oo ka aarsanayay.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Saciid Axmed ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen.

“ Shigshigow ayeeyadiis ayuu kasoo laabtay, laakiin ninkaan dilaya horay ayuu toorey ugu dhiftay Shigshigow, sidaas ayuuna aargoosi ahaan ugu dilay isagoo cabsan”.sidaasi ayuu yiri Mr Saciid.

Ciidamo badan oo tirsan maamulka degmada Beledweyne ayaa la sheegay in markii dambe ay gacanta ku dhigeen shaqsigii dilka ka dambeeyay.

“Waa la qabtay ninka dilka geystay sababtoo ah moobeyl ka lumay ayuu usoo laabtay kadibna ciidamada oo ku mashquulsanaa meydka wiilka la dilay ayaa qabtay”sidaasi ayuu yiri Mr Saciid Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hiiraan

[email protected]

 

Maamulka Ximin iyo Xeeb oo xaalad deg deg ah ku dhowaaqay, Sabab?

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in maamulkaas uu heegan galiyay ciidamada iyadoona laga cabsi qabo khalkhal xagga ammaanka in ay ka dhacaan deegannada hoosta maamlkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay ammaanka deegannada ay ka arrimiyaan isku dayda in ay khalkhal galiso.

Wuxuu sheegay oo kale in dhawaan Cadaado uu ku furmi doono shirweyne looga hadlaayo dhismaha dowlad gobaleed ay dhistaan gobalada dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ogyihiin shakhsiyaad doonaya in ay khalkhal galiyaan ammaanka deegannada hoosta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Ugu dambeyn madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa amar siiyay ciidamada in ay ka hortagaan falalka ammaanka khalkhalka lagu galinaayo.

Si kastaba waxaa tan iyo markii ay soo baxeyn xaaladda degdega ee lagu soo rogay deegannada uu maamulo Ximin iyo Xeeb la arkayay ciidamo badan oo lagu daadiyay magaalada xarunta u ah maamulkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo loo magacaabay safiirka Somalia ee USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacowday inuu noqdo danjiraha Somalia ee dalka Mareykanka, iyadoo Mareykanku uu soo dhaweeyay magacaabiddiisa.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisanaya dalka Mareykanka ayaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu magaalada Washington kula kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, halka maalinta Isniinta ah ee soo socotana uu la kulmi doono madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Kulanka madaxweynaha Mareykanka iyo danjiraha Somalia ee Mareykanka ayaa ka dhici doona Aqalka Cad, iyadoo kulanka ay kala qaybgeli doonto xaaskiisa.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay danjire rasmi ah u magacowdo dalka Mareyanka muddo laga joogo 25-sano, waxayna kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay dhankeeda sheegtay inay danjire rasmi ah u soo magacaabi doonto Soomaaliya.

Dajiraha Mareykanku u soo magacaabayo Somalia ayaa wuxuu ka howlgeli doonaan Muqdisho, iyadoo tallabooyinka ay Mareykanka iyo Soomaliya isku dhaafsanayaan danjirayaasha ay muujinayso in xiriirka u dhexeeya labada dal uu sii adkaanayo, iyadoo la xusuusto in Mareykanka uu ahaa dowladdii ugu horreysay oo dowladda federaalka Somalia u aqoosanta dowlad buuxda.

Inkstoo dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin weli magacaabidda danjiraha cusub ee u fariisan doona Mareykanka, Cumar C/rashiid ayaa haddana HOL waxaa u xaqiijiyay warkan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli la filayo in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga qaybgalo dalka Mareykanka bisha soo socota ee Ogoosto shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhici doona magaalada Washington.

Mareykanka oo dhawaan shaaciyay inay ciidammo kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka gacan siiyaan soo celinta ammaanka iyo kala-dambeynta.

Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo noqday ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, isagoo xilka uga dagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii dowladdii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa.

Xigasho: HOL

DF oo sheegtay in hantida Somalida u taal caalamka ay qarka u saaran tahay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ammuuraha dibedda iyo dhiirigalinta maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney dhaqaale u heynin dayactirka safaarado badan oo Soomaalida ugu yaalla waddamada caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay dadka Soomaalida gaar ahaan kuwa hantida heesta ka codsaday in la badbaadiyo hantidaas qaran haddii kala laga iibin doono duul kale sidda uu hadalka u dhigay.

Wasiirka oo ka hadlaayay xaaladda ay ku sugan yihiin safaaradaha Soomaalida ay ku lee yihiin caalamka ayaa sheegay in qaarkood la iibiyay markii loo dul qaadan waayay burburkooda qaar kalena ay noqdeen kuwa bahalaha ay ku hoydaan.

“Waxaan tagay Faransiiska oo dhismooyin waaweyn aan ku lee nahay , waxaana mid ka mid ah uu ku yaallaa Paris oo waa burbursan yahay oo shimbiraha ayaa hoyda’” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aaney heysan dhaqaale ku filan oo ay ku daboosho dhismooyinka safaaraddaha burbursan.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in safaaradaha ku yaalla Washington DC, iyo New York ay qarka u saaran yihiin in la iibiyo.

Sidoo kale waxaa burbursan ayuu yiri dhismooyinka safaaradda Soomaalida ee Talyaaniga.

“Dadka Soomaalida ee hantida heesta waxaan ka codsaneynaa in gacan ka geestaan dhismaha qarankaas burbursan waayo waa hanta qof kasta uu lee yahay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aanka golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ay ku gaareen in baasaboorka Diplomaasiga la hoos keeno wasaaradda arrimaha dibedda.

Wuxuu kaloo dadka aan loogu talgalin baasaboorkaas ee heesta ka codsaday in ay soo gudbiyaan oo ay ku soo wareejiyaan wasaaradda isla markaana ay qaataan baasaboorka caaddiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: XASAN iyo Cabdi Weli oo 1-1 kala maraya (KHILAAF cusub oo soo baxay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jirro is-maan dhaaf ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kaasoo soo shaac baxay markii dhawaan ra’iisal wasaaraha uu xilalkii ka eryay taliyihii ciidanka booliska iyo agaasimihii hey’adda nabad sugida isla markaana uu magacaabay taliyaal cusub.

Arrintan ayaa u muuqatay tallaabo looga jawaabayo weerarkii 8-dii bishan lagu qaaday xarunta looga arrimiyo dalka ee Villa Somalia.

Haddaba halkee ay wax iska qaban la’yihiin?

Markii uu dhacay weerarkii madaxtooyada waxaa isla subixi xigtay xafiiska ra’iisal wasaaraha ka soo baxday wareegto ay ku qoran tahay in shaqada laga eryay taliyihii ciidanka booliska iyo aggaasimihii hey’adda sirdoonka isla markaana la magacaabay taliyaal cusub iyo wasiirka ammaanka oo muddo labo bil xilkiisa uu banaanaa Kaddib markii wasiirkii horre uu isku casilay weerarkii 24-kii bishii May lagu qaaday xarunta baarlamaanka.

Markii uu intaas ra’iisal wasaaraha magacaabay, waxaa isla maalintaas dhacday in uu madaxweynaha magacaabay agaasimaha hey’adda nabad sugida oo wuxuu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe, oo ahaa safiirkii Soomaaliya ee UK, sidoo kale Sambaloolshe wuxuu wasiir ka soo noqday dowladihii KMG ee dalka soo maray.

Magacaabistan dambe ee Sambaloolshe ma ahayn mid uu la socday ra’iisal wasaaraha oo waxaa magacaabay madaxweynaha, mana cadda in uu madaxweynaha go’aanka kaligiis qaatay ama uu la socday wasiirka koowaad, hase yeeshee waxaa warbaahinta loo sheegay inuu Cabdi Weli magacaabay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu wato taliyaha cusub ee booliiska oo ay isku reer yihiin, halka madaxweynahana uu ka wato Sanbalooshe, oo abti ugu aadan, sidaasna ay 1-1 ku kala yihiin.

Haddaba xeel dheerayaasha siyaasadda waxay lee yihiin waxaa muuqata is-maandhaaf ka dhexeeya labada nin haddiiba ay siddaas wax u dhaceen.

Ra’iisal wasaaraha tallaabada uu qaaday ee uu shaqada uga eryay taliyaasha booliska iyo sirdoonka waa mid uu ku degdegtay awoodiisana ma ahayn.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ma ahan wax ugub ku ah is-qabqabsiga madaxda oo waxaaba xilkiisa siddaas horrey ugu waayay ra’iisal wasaarihii hore ee Saacid.

Waxaa kaloo sheegis mudan in cayaarta ka socota Villa Somalia ay dusha kala socdaan golaha sharci dajinta oo ah baarlamaanka.

Soomaaliya oo ku soo jirtay 23-sanno colaado ayaa weli waxaa heesata caqabado waaweyn oo ah xagga ammaanka iyadoona uu jirro khilaaf xagga qabiilka ah oo ku aadan sidda lagu dhaqan galinaayo nidaamka fedaraalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

IS-BEDDEL weyn oo madaxtooyada ka dhacay iyo xil qaadis lagu sameeyey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyayha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ayaa waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ururka Madaxtooyada Somaliya Korneyl Axmed Maxamed Afcadey.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, ayaa si ku meel gaar (KMG) ah Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada ugu magacaabay Ku Xigeenkii Korneyl Afcadey oo lagu magacaabo Gaashaanle Duraan.

Sidoo kale waxa uu Taliyuhu xil ka qaadis ku sameeyay Korneel Garabeey, oo ahaa ninka haayay keydka hubka Madaxtooyada, waxaana lagu bedelay Sarkaal la yiraahdo Korneyl Cosobow.

Korneyl Axmed Maxamed Afcadey
Korneyl Axmed Maxamed Afcadey

Ciidanka Xooga Dalka ee ka hawlgala Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa lagu sheegay Urur ka kooban 500 oo askari, balse waxaa la rabaa in laga dhigo Guuto oo la gaarsiiyo ilaa 1500 oo askari.

Waxaa soconaayo qorsho ku aadan in Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada laga dhigo nin heysta Darajada Ciidanimo ee Sareeye Guuto (General), wuxuuna General Indha-qarshe wadaa xulashada Janankii qaban lahaa Madaxtooyada.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), uu xusul duub ugu jiro in laga dhigo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkii habeenimada Talaadadii lagu qaaday Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxa uu dhaliyay in isbedelo badan oo xagga ammaanka ah, ay sameeyaan Madaxda Dowladdu.

Isha: Dhacdo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

Xildhibaano weli aan ku qanacsaneyn xukuumadda C/Weli kadib is-bedelkii

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in isbadalka lagu sameeyay hey’addaha dowladda aanu waxbo soo kordhin doonin isagoona sabab uga dhigay in dadka la isku badalay ay ka mid ahaayeen kuwa horrey u fashilmay.

Xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneen sidda ay wax u socdaan isagoona ku tilmaamay isbadalka dhacay jug-jug meeshada joog.

Xildhibaan Dalxa ayaa xusay in laamaha ammaanka dowladda ay dhammaan fashil yihiin haddii isbadal la sameenaayo laga soo billaabo gunta hoose.

Isagoo sii hadlaayay ayuu sheegay in dowladda ay u muuqato mid ku guul darreesatay sugida ammaanka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa xusay in dowladda looga fadhiyo in ay ka jawaabto falalka ammaan darrida ee ka dhaca dalka kuwaasoo ay ka mid yihiin dilalka loo geesto xildhibaannada baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Hadalka xildhibaan Dalxa ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay sameesay isbadal xagga ammaanka ah Kaddib markii weerarro xiriir ah ay ka dhaceyn xarumaha dowladda sidda baarlamaanka iyo madaxtooyada dalka looga arrimiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Hey’addaha DF oo lagu eedeeyay in ku xad gudbeen sharciga dalka u yaal

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf ayaa ka dhawaajiyay in hey’addaha dowladda sidda fulinta oo ah golaha wasiiradda, sharci dajinta oo ah baarlamaanka iyo garsoorka ay ku dhaqaaqeen tallaabo sharciga dalka jabinaya.

Ceydiid Ilka Xanaf ayaa tilmaamay in seddaxdaas hey’addood uusan ka dhexeynin wax xiriir ah taasna ay khatar ku tahay nidaamka dalka.

Wuxuu sheegay in hey’addaha dowladda looga baahan yahay in aysan dalka burbur u horseedin waayo ayuu yiri dalkan sharci ayuu lee yahay marka mid cusub looma baahno” ayuu yiri abukaate Ilka Xanaf.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in uusan dooneynin in uu khalkhal siyaasadeed uu horseed ka noqdo balse uu doonayo in sharciga dalka la ilaaliyo sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa ku soo aadaya ayadoo ay soo baxayso dhaliilo ku aadan hey’addaha dowladda oo ku aadan sharciga dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Weerarkii Villa SOMALIA iyo xujooyinka siyaasadeed ee DFS ee aadan ogeyn

Faalo ku Saabsan Weerarkii Labaad ee Villa Soomaaliya

Markaan si fiican ugu kuurgalay wararka ka imaanaaya madaxtooyada wadanka, waxaa isoo baxay, in labo jiho laga soo weeraray xarunta; ayna suurta gashay kuwii soo weeraray meesha inay soo galaan madaxtooyada qaybta baabuurta la dhigto ee dhanka xafiiska wasiirka koowaad; laakiin intaas ma dhaafin; kuwii weerarka soo qaaday waa la dilay ama waa isqarxiyeen; laakiin mixnadda waxay socotay amin dhan saacad ama labo saacadood; marka waxaa jiri kara dhimasho iyo dhawac xagga askarta iyo Dowladda ah, laakiin arintaan amintaan lagama warqabo.

Cashar. Qofka waa inuu haystaa sabab uu dhinto, oo markaas uu Ilaahay la hortagi karo, haddii kale, si dhab ah ma u dagaalamaayo, dhimashada waa ka war wareegaa.

Marka Dowladda uu Xassan Sheekh madaxda ka yahay waxay dagaal kula jirtaa qolo mabda’ caalami ah aaminsan, walow uu saxsanayn, oo waxay wadaan ay shareeco ahayn, caddayteedana meeshaan aan ka soo buuxiyay, wajibuug, sida ayagoo dilaaya dad shacab ah oo sooman, gubaaya hanti dadwayne ayadoon dadliil cad loo hayn, bacidna sheeganaaya, gantaalo lagu garaacay Xamar, Cali Jabal oo sheegtay, haddana waxay haystaan rabaan inay ku doodaan Ilaahay agtiisa.

Marka su’aasha waxay tahay Dowladda Xassan Sheekh ma haysataa waxay ku doodo hadhooti marka Ilaahay hortiisa la isgeeyo. Jawaabta waa maya?

Sababtana waa tan; qodobka caalamig ah ay ku doodi karto waa shuurada, yaan dadka la khasbin, oo ha loo daayo inay aayahooda ka tashadaan, siday qabto aayadda 38aad ee suuratu Shuuraa, talada waxay dhex taalaa, ay aayadda leedahay, bulshada dhexdeeda, cid gaar ah ma leh, sida Shebaab iwm; sidaad darteed, Shebaab cidna uma magacaabi karto Galgaduud, kamana burin karto, siday ku samaysay Sheekh Yusuf Kabokutukade, Kabokutukadena arintaan ma leh asagana, oo dad uma magacaabi karo Hargaysa, kamana burin karo, ee arintaas waxay u taala dadka ku dhaqan Galagduud, ama Hargaysa, ee uma taalo Shebaab ama Axmed Godane iyo inta la jirta; Hargaysana waa sidaas, iyo magaalooyinka kale ay Soomaalida dagto, bal adduunk oo dhan, u fiirso, waxaan gacanta ku haynaa mabda’a caalami ah.

Rag inuu kala adkaado, Nabiga NNKHA Ilaahay waa ka magan gali jiray, qalabatu rijaal, marka qodobkaas uu cuksan karaa; xujo uu ka dhigan karaa; dadkana waa lagu kicin karaa; waa aragnay dadka libaaxyo ay noqonaaayaan sidii ka dhacday Baydhabo; laakiin taas ma dhicin wuxuu taageeray Shariif Xassan kooxdiisa oo taageero shacab aan haysan, waa laga teegeero badan yahay, siday caddeeyeen sawiradii iyo fiidiyowyaashii la soo galiyay shabakadaha ee ku saabsanaa mudaaharaadyadii ka dhacay Baydhabo Jannay, sanadkaan bilowgiisa ilaa mar dhow.

Beeshuu asaga uu ka dhashayna xuquuqdeeda waa inkiray, xuquuqdii ay ku lahayd gobolka shabeelaha hoose, caddaalo wax haloogu qaybiyo waa yiri, laakiin meeshay raacaayaan lama waydiin, oo Jasiira xittaa wuxuu raaciyay Baydhabo.
Arinta Shabeelaha hoose shuurada aa lagu xalin karaa; waxaa la dhihi karaa qolo walba ha raacdo cidday rabto, ka tashada aayihiina; waxaa dhici lahayd in qoloba dhinac raacdo, gobolkana noqdo sida Mudug oo kale, meel xittaa magaalooyinka sida Galkacyo u kala qaybsanyihiin. Khasab ma jiro. Beel walba marka waa iska qanci lahayd. Caddaalo aa dadka deeqda.

Wasiirka koowaadna ma dhaamo Madaxwaynaha, sababtoo ah heshiis dhinac diidanyahay oo haddana beel ka mid ah beelaha wadanka ugu xoogga badan ( kow ah ama labo ah, ama saddex ah) diidantahay uu si dag dag ah uga ansixiyay golaha wasiirada, walbahaarkoodiina dhagaha jalaq uma siin, bacdina wadanka waa ka dhooftay, bacdina wuxuu dhahay Afrika waa taageertay heshiiskii, beesha caalamkana waa ku taageertay, oo ma dhihin war heshiiska dad badan oo gar leh aa diidan ee arinta hala xaliyo. Dadaa ciil la jiifa.

Marka asagana qodobkii shuurada ama in dadka loo daayo inay aayahooda ka tashadaan gadaal uu iskaga tuuray; waxay labadoodaba muujiyeen inay dan ka lahayn rabitaanka qaybo ka mid ah shicibka.

Maxay marka dadka ku kicin karaan? oy ku dhihi karaan u dhinta, ileen cadow raba inuu dhinto aa dagaal lugala jiraaye?
Ma ku yaabee marka in maalin cad xildhibaan la dhilo, meel ay saxmad ka jirto, oon la soo qaban, askar la dilo, oo inta badan la soo qaban, ayadoo loo wada jeedo?

Shicibka inuu aamusana ma aha mid meesha ku jirta, waayo dhibka ayaguu ku socdaa, waa inay ka mudaaharadaan waxay rabin, ama ayaga iyo ilmahooda aa kharashaadka bixinaaya, hadda iyo mar dambe labadaba.

W/Q: Samatalis Xayle
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ereg, Sanbalooshe & Maxamed oo loo magcaabay xilal aan hawlo la socon

Tala xumo hor leh, oo kaalay isbedalka lagu sameeyay hay’adaha amniga dalka ma waxaa looga dan lahaa in la sii murijyo xaalada amni xumo ee dalka ka jirto misa in wax la hgaajiyo??

Waxaa la magacaabay wasiir Amni oo cusub, taliya Boolis oo cusub, waxaa xilki nabad sugida laga xayuubiyay Genral Bashir Jamac, waxaana xilkiisi loo dhiibay Sanbalooshe, waxaasa cajiib ah in saxaafada iyo guud ahaan Soomaalida aynan weli ku baraarugin xilalkan la magcaabay in aynan la socon wax hawl ah, waayo isla qaraarkan lagu eryay madaxdi hay’adaha amniga, looguna magcaabay madax cusub xilalkoodu waxaa garab socdo Qaraar kale oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed oo isaga ah in maamulada Booliska iyo nabad sugida gobalka Banaadir si toos ah loo hoos-geeyay maamulka duqa Muqadisho ama gudoomiyaha Gobalka banaadir Mudane Gen-Muungaab.

Waa ka daran oo dibi dhal, madaxda dalka Soomaaliya xagee maamulkooda ka jiray oo aan ahayn gobalka Banaadir weyne iyo magaalada Muqadisho maahine, marka laga reebo gobalka Hiiraan oo aan isaga naf ahaantiisa si toos ah uunan maamulkeeda u hoos imaan DFS.

Wasiirka amniga, taliyaha guud ee Booliska iyo taliyaha guud ee Nabada Sugida ee la magcaabay xagee la rabaa in ay maamulaan kol haddii maamulki xagga amniga ee gobalka Banaadir uu hoos imaanayo maamulka Gobalka Banaadir oo iyada aad moodo in uu ku jiro wanaag, in la soo dhaweeyane ay mudan tahay, laakin su’aasha taagan waxay tahay, ma jiraa qorsha ay DFS ay u sameysay hay’adaha amniga guud ee dalka iyo kan gobalka si looga kore isku dhacyo maamul oo haddana mar kale sabab u noqdo sii murjinta xaalada amni ee awalba deyra laga joogay.

Isbedalka lagu sameeyay maamulada hay’aydaha Aminga ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan gobalka Banaadir iyo ka hadalka isbedalka cusub oo ka dhashay weerarki naxariis darrada iyo dad layska ahaa ee lagu qaaday guriga looga arrimiyo Ummadda Soomaaliyeed magic ahaan oo kaliya . isbedalkan waxad moodaa in uunan ku imaan qorsha quman iyo rabitaan hore oo ka yimid madaxda dalka, sidoo kale wuxuu u muuqdaa mid looga tilaabayo mixnadan iyo in Soomaalida la hilmaansiiyo weydiisashada iscasilaada madaxda dalka oo beryahaanba si aad ah isu soo taraysay keddib marki ay hawla badan oo qabashadooda laga sugaayay ku fashimeen. Tan xigta su’aasha ugu horeyso ee laysla dhaxmarayo waa, muxuu isbedalkan cusub ee dhanka amniga ah ku soo kordhin karaa xaalada Amni xumo ee ka jirto dalka guud ahaan iyo gaar ahaan gobalki horay loo dhihi jiray Banaadir weyne.. jawaabta su’aashan waxaan u deyneynaa zamanka iyo hadba madaxda sare ee dalka sida ay ula yimaadaan wada shaqeyn ay fadhi u tahay isku duubnaasho iyo ka fogaashada khilaaf shakhsiyeedka in mudda ahba ka dhax jiray madaxda dalka oo ah anigaa iri iyo anigaa iri iyo aniga teyda waa in ay ku socotaa dhamaan inta kale.

Digniin ama fariin ku socoto gudoomiyaha Gobalka Banaadir, mudane Muungaab.

Mudane hawsha laguu igmaday ma ahan mid sahlan, waana hawshi DFS ay in muuda ahba la daaala dhaceysay hagaajinteeda, laguna eedeynayay in ay ku fashilmeen, sidaas darteed waxaan kuugu wargelineynaa haddii ay kaa maqan tahay in aan hawshan lagu hoos gelin iyada oo aan la soo garab dhigin ama la soo raacin dhaqaalaha ay DFS ku qaadan jirtay hawlaha nabad sugida ee gobalka ama aanan dib loogu noqon nisbada maamulka gobalka Banaadir kaa soo gaarto dhaqaalaha xoogan ee ka soo xerooda canshuur ahaan gobalka Banaadir. Haddii ay dhacdo in aad hawshan aqbasho iyada oo aan dhaqaala la socon waxay la macna tahay adiga oo dowr ka qaatay sii murjinta xaalada Amni ee gobalka Banaadir ka jirto,midda kale DFS waa in aad ku wargelisaa in ay la timaado qaabki iyo qorshihi aad ku wada shaqeyn lahaydeen idinka iyo hay’adaha amniga guud ee dalka oo uu ku jiro wasiirka cusub ee amniga si looga karo sii murjinta xaalada amni ee awalba meel hoose gaartay iyo isku dhacyo dib u dhigo wixi ka suurtageli lahaa in ay la timaado DFS ee tira badan iyo tayo yar.9 july 2014.

W/Q: Abdallah Moallim Mahamud.
[email protected]

Doon u kireesneed ganacsato Somali ah oo ku degtay xeebaha YEMEN

Sana’a (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha dalka Yemen ayaa sheegaya in dooni siday ganacsiyo badan ay ku degtay halkaas.

Doontan oo la sheegay in ay ka soo sharaacatay xeebta Dubai ee dalka Isku taga imaaraadka carabta ayaa la sheegay in ay ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee gobalka Bari sidda ay sheegeen saraakiil u hadlay maamulka Puntland.

Waxay siday doonta degtay gaadid fara badan, shidaal iyo badeecado kale, waxaana lagu soo warramayaa in dhammaan ay baab’een oo ay badda ku darsameen.

Wasiir u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin khasaaraha soo gaaray ganacsatada ay u kireesneed doonta ku degtay xeebaha magaalada Sana’a ee dalka Yemen.

Ma ahan markii ugu horreeysay oo dooni u kireesneed ganacsato Soomaali ah ay ku degto xeebaha bad weynta Hindiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]