28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Ereg, Sanbalooshe & Maxamed oo loo magcaabay xilal aan hawlo la socon

Tala xumo hor leh, oo kaalay isbedalka lagu sameeyay hay’adaha amniga dalka ma waxaa looga dan lahaa in la sii murijyo xaalada amni xumo ee dalka ka jirto misa in wax la hgaajiyo??

Waxaa la magacaabay wasiir Amni oo cusub, taliya Boolis oo cusub, waxaa xilki nabad sugida laga xayuubiyay Genral Bashir Jamac, waxaana xilkiisi loo dhiibay Sanbalooshe, waxaasa cajiib ah in saxaafada iyo guud ahaan Soomaalida aynan weli ku baraarugin xilalkan la magcaabay in aynan la socon wax hawl ah, waayo isla qaraarkan lagu eryay madaxdi hay’adaha amniga, looguna magcaabay madax cusub xilalkoodu waxaa garab socdo Qaraar kale oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed oo isaga ah in maamulada Booliska iyo nabad sugida gobalka Banaadir si toos ah loo hoos-geeyay maamulka duqa Muqadisho ama gudoomiyaha Gobalka banaadir Mudane Gen-Muungaab.

Waa ka daran oo dibi dhal, madaxda dalka Soomaaliya xagee maamulkooda ka jiray oo aan ahayn gobalka Banaadir weyne iyo magaalada Muqadisho maahine, marka laga reebo gobalka Hiiraan oo aan isaga naf ahaantiisa si toos ah uunan maamulkeeda u hoos imaan DFS.

Wasiirka amniga, taliyaha guud ee Booliska iyo taliyaha guud ee Nabada Sugida ee la magcaabay xagee la rabaa in ay maamulaan kol haddii maamulki xagga amniga ee gobalka Banaadir uu hoos imaanayo maamulka Gobalka Banaadir oo iyada aad moodo in uu ku jiro wanaag, in la soo dhaweeyane ay mudan tahay, laakin su’aasha taagan waxay tahay, ma jiraa qorsha ay DFS ay u sameysay hay’adaha amniga guud ee dalka iyo kan gobalka si looga kore isku dhacyo maamul oo haddana mar kale sabab u noqdo sii murjinta xaalada amni ee awalba deyra laga joogay.

Isbedalka lagu sameeyay maamulada hay’aydaha Aminga ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan gobalka Banaadir iyo ka hadalka isbedalka cusub oo ka dhashay weerarki naxariis darrada iyo dad layska ahaa ee lagu qaaday guriga looga arrimiyo Ummadda Soomaaliyeed magic ahaan oo kaliya . isbedalkan waxad moodaa in uunan ku imaan qorsha quman iyo rabitaan hore oo ka yimid madaxda dalka, sidoo kale wuxuu u muuqdaa mid looga tilaabayo mixnadan iyo in Soomaalida la hilmaansiiyo weydiisashada iscasilaada madaxda dalka oo beryahaanba si aad ah isu soo taraysay keddib marki ay hawla badan oo qabashadooda laga sugaayay ku fashimeen. Tan xigta su’aasha ugu horeyso ee laysla dhaxmarayo waa, muxuu isbedalkan cusub ee dhanka amniga ah ku soo kordhin karaa xaalada Amni xumo ee ka jirto dalka guud ahaan iyo gaar ahaan gobalki horay loo dhihi jiray Banaadir weyne.. jawaabta su’aashan waxaan u deyneynaa zamanka iyo hadba madaxda sare ee dalka sida ay ula yimaadaan wada shaqeyn ay fadhi u tahay isku duubnaasho iyo ka fogaashada khilaaf shakhsiyeedka in mudda ahba ka dhax jiray madaxda dalka oo ah anigaa iri iyo anigaa iri iyo aniga teyda waa in ay ku socotaa dhamaan inta kale.

Digniin ama fariin ku socoto gudoomiyaha Gobalka Banaadir, mudane Muungaab.

Mudane hawsha laguu igmaday ma ahan mid sahlan, waana hawshi DFS ay in muuda ahba la daaala dhaceysay hagaajinteeda, laguna eedeynayay in ay ku fashilmeen, sidaas darteed waxaan kuugu wargelineynaa haddii ay kaa maqan tahay in aan hawshan lagu hoos gelin iyada oo aan la soo garab dhigin ama la soo raacin dhaqaalaha ay DFS ku qaadan jirtay hawlaha nabad sugida ee gobalka ama aanan dib loogu noqon nisbada maamulka gobalka Banaadir kaa soo gaarto dhaqaalaha xoogan ee ka soo xerooda canshuur ahaan gobalka Banaadir. Haddii ay dhacdo in aad hawshan aqbasho iyada oo aan dhaqaala la socon waxay la macna tahay adiga oo dowr ka qaatay sii murjinta xaalada Amni ee gobalka Banaadir ka jirto,midda kale DFS waa in aad ku wargelisaa in ay la timaado qaabki iyo qorshihi aad ku wada shaqeyn lahaydeen idinka iyo hay’adaha amniga guud ee dalka oo uu ku jiro wasiirka cusub ee amniga si looga karo sii murjinta xaalada amni ee awalba meel hoose gaartay iyo isku dhacyo dib u dhigo wixi ka suurtageli lahaa in ay la timaado DFS ee tira badan iyo tayo yar.9 july 2014.

W/Q: Abdallah Moallim Mahamud.
[email protected]

Doon u kireesneed ganacsato Somali ah oo ku degtay xeebaha YEMEN

Sana’a (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha dalka Yemen ayaa sheegaya in dooni siday ganacsiyo badan ay ku degtay halkaas.

Doontan oo la sheegay in ay ka soo sharaacatay xeebta Dubai ee dalka Isku taga imaaraadka carabta ayaa la sheegay in ay ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee gobalka Bari sidda ay sheegeen saraakiil u hadlay maamulka Puntland.

Waxay siday doonta degtay gaadid fara badan, shidaal iyo badeecado kale, waxaana lagu soo warramayaa in dhammaan ay baab’een oo ay badda ku darsameen.

Wasiir u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin khasaaraha soo gaaray ganacsatada ay u kireesneed doonta ku degtay xeebaha magaalada Sana’a ee dalka Yemen.

Ma ahan markii ugu horreeysay oo dooni u kireesneed ganacsato Soomaali ah ay ku degto xeebaha bad weynta Hindiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Is-marin waa ka taagan KISMAAYO iyo WASIIRO ka socda DFS oo dalab uusan aqbali karin hor dhigay A/MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ku sugan wafdi ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Wafdiga oo gaaray magaalada shaley galinkii dambe ayaa la sheegay in ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in wafdiga gaaray magaalada Kismaayo ay u sheegeen maamulka KMG ah ee Jubba in la billaabo siddii dowladda dhexe loogu soo wareejin lahaa maamulka iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ilaa hadda xal laga helin qoddobkan balse waxaa la sheegay in ay isaga soo dhawaadeen xiriir dhex mara dowladda dhexe iyo maamulka KMG ah ee Jubba isla markaana la mataaneeyo Bangiga dhexe ee dowladda iyo kan Kismaayo oo hadda uu maamulo maamulka Axmed Madoobe.

Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay in uu kulmi doono madax ka socota ganactada gobalka Jubbada Hoose iyo rugta ganacsiga gobalka Jubbada Hoose.

Wafdiga wasiirka ayaa muddo seddax cisho ku sugnaan doona magaalada Kismayao waxaana u dhimman kulamo kale oo ay lee yihiin hoggaamiyaha maamulka Jubba iyo golaha fulinta maamulkaas sidda ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Kismaayo.

Si kastaba, waxaa muuqata ismari waa u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe kaasoo daba socda heshiis labada dhinac ay sannadkii horre ku gaareen Addis Ababa, waxaana heshiiskaas qoddobada ku jiray ka mid ah in muddo lix bil Kaddib maamulka KMG ah ee Jubba ay wareejiyaan garoonka iyo dekedda Kismaayo balse arrintaas waa la diidday.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku adkeesanaya in uusan wareejin doonin maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo oo dhaqaalo badan uu ka soo xaroodo, waxaana ay ku andacoonayaan in aaney dhaqaale ka helin dowladda dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

WARBIXIN: Dagaal beeelaha Xawaadle & Dir ku dhex maray duleedka B/weyn

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay dhimashi iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyaad oo kasoo kala jeeda qabaa’ilada Dir iyo Xawaadle waxaana la sheegaya inuu salka ku hayo lahaanshaha dhul daaqsimeed.

Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa waxaa la dhigay ku dhawaad 17 ruux oo qabay dhaawacyo kala duwan iyadoo halkaasi lagu baxnaaninayo, sida maamulka isbitaalka ay sheegeen.

Agaasimaha isbitaalka magaalada Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif  ayaa sheegay in shan kamid ah dadkaasi ay qabaan dhaawacyo halis ah, isagoo cadeeyay in lagu sameeyay qaliin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 11 kale ay qabaan dhaawacyo aan weyneyn ayna ku dadaalayaan caafimaadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib marki mid kamid ah maleeshiyaadka dagaalamaya ay dulaan ku qaaday maleeshiyada oo horay dagaal uu ku dhexmaray deegaankaasi.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa inaysan wali ka hadlin dagaalada kasoo cusboonaaday duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa wali jirta xiisad iyo saansaan colaadeed oo ka taagan duleedka magaalada Beledweyne iyadoo laga baqayo in markale uu dagaal ka dhaco deegaanadii maanta lagu dagaalamay.

Caasimada Online

Xafiiska Hiiraan

[email protected]

Maamulka Shabeelle State iyo QM oo kulan xasaasi ah ku yeeshay MARKA

Marka (Caasimada Online) – Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa Arbacadii kulan saacado badan qaatay ku yeeshay saraakiil ka socda QM iyo madaxda maamulka Shabeelle State oo halkaas xarun ku leh.

Wasiirka maaliyadda Shabeelle State Cali Nuur Maxamed oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in saraakiisha ka socda hey’addaha QM ay kala hadleen siddii gargaar lala soo gaari lahaa dadka ku dhibaateesan qeybo ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in saraakiisha ay la kulmeen ay ka kala socdeen hey’addaha WFP. WHO. UNICHEF, OCHA, iyo kuwa kale.

Mar uu ka hadlaayay cidda ay la kulmeen wuxuu sheegay in ay la kulmeen saraakiisha ka socday QM madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Cismaan Mardaadi iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda maamulkaas iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Marka.

Wuxuu intaas hadalkiisa ku daray in ay ku rajo weyn yihiin gobalka in ay saldhigyo ka sameestaan hey’addaha QM si dib loogu soo celiyo adeeggii ay siin jireen dadka ku nool Shabeellaha Hoose oo kal horre isaga baxay halkaas.

Maamulka Shabeelle State oo weli aan helin aqoonsi dhinaca dowladda ayaa markii ugu horreeyay kulamo la qaatay wafdi ballaaran oo ka socda hey’addaha Qaramada Midoobay.

Gobalka Shabeellaha Hoose oo ah gobal hodan oo ay ku yaalaan beero waaweyn oo ay ka baxaan noocyada kala duwan ee khudaarta ayaa haddana dadkii lagu soo warramayaa in ay yihiin kuwa sabool ah oo u baahan gargaar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: FEYSAL CALI WARAABE oo aan waxba ula harin maamulka PUNTLAND

Minneapolis (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe, ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey waxauu si aad ah ugu weeraray maamul goboleedka Puntland.

Wareysiga Feysal Cali Waraabe ee TV-ga AFRO, oo uu kaga hadlay xaaladda Somalia, isaga oo jooga magaalada Minneapolis ee Mareykanka, waxa uu ku sheegay in dhibka Somalia ka taagan uu yahay Puntland, haddii kuwaas Somalia laga qabtana ay nabad iyo horumar gaareyso.

Halkan ka daawo wareysiga oo dhan

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

[email protected]    

Dooni ganacsi oo ku degtay Sh/Dhexe

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ku soo caarisay dooni ganacsi oo ka timid magaalada Muqdisho.

Doonta ayaa la sheegay in ay ku soo caarisay meel 120km u jirta waqooyi-bari magaalada Muqdisho oo u dhexeysa Warsheekh iyo Cadalle.

Doonta ayaa la sheegay in ay ku timid cilad mana cadda xamuulka saaraan tankiisu, sidoo kale ma cadda xaalada ay ku sugan yihiin shaqaalihii la socday doonta soo caarisay.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen dooni ay ka buuxaan badeecado oo soo caarisay balse ma caddeen karaan waxa ka dhacay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobalka Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Dagaal ka socda duleedka Beledweyn

Beledweyne(Caasimada Online)- Wararka aan iminka ka helayno duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal qabaa’ileed.

Dagaalkaasi ayaa lasheegayaa inuu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo wada daga deegaanka dagaalka uu ka dhacayo, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Deegaanka Deefoow ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacayo iminka dagaalkaasi oo mid u dhanka qabaa’ilka ku saleysan.

Sida uu sheegayo wariyaha Caasimada Online ee gobolka Hiiraan dagaalka ayaa inta la og yahay wuxuu geystay qasaaro dhimasho ah oo gaareysa shan ruux oo dhinacyada dagaalamaya ah.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii labada maleeshiyo ay isku qabteen dhul daaqsimeed, sida la sheegay.

Ma jiro wax war ah ookasoo baxay dhanka maamulka gobolka Hiiraan oo ay kaga hadlayaan dagaalka saaka ka bilowday duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

La soco waxii kusoo kordha Insha Allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawacyo dagaal oo Xamar la keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la ogyahay 20 ruux ayaa ku dhintay dagaal saakay waaberigii ka qarxay deegan u dhow magaalada Beledweyne ee xurunta gobalka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka socda deeganka Deefow ee u dhow magaalada Beledweyne ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu daweeyo maadama la waayay dhakhaatiir lafaha qaabilsan siddaas waxaa sheegay agaasimaha Isbitaalka weyn ee magaalada Baladweyn.

Dagaalladan ayaa daba socda dilal iyo deeganno dhawaan la gubay kuwaasoo aaney jirin cid wax ka qabatay.

Xabada waa ay istaagtay balse waxaa laga dareemayaa deeganka Deefow dhiilo colaadeed siddaas waxaa ku soo warramay dadka deeganka.

Odayaadha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Maamulka gobalka Hiiraan ayaan ilaa hadda ka hadlin dagaalka waaberigii saakay ka dhacay deeganka Deefow ee gobalka Hiiraan.

Si kastana, dagaalalda oo ah kuwa soo laal-laabtay ayaa la sheegay in maamulkii hore ee gobalak iyo wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo dhowr jeer isku dayay in la damiyo ayaa u muuqata in dedaalkooda uu guul darreestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

XOG: TAABIT oo xilkii Villa Soomaaliya ku waayey warqaddii GUULLED (ARAG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa muujineysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shaqadii ka eryey agaasimihii guud ee madaxtooyada Taabit Cabdi.

Xubno ku dhow madaxtooyada, ayaa Caasimada Online u sheegay in Taabit xilka looga qaaday sababo la xiriira inuu warbaahinta siiyey warqaddii Cabdikariin Guuleed loogu magacaabay xilka la-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online, oo warqaddaasi sirta ahayd soo bandhigtay, waxa ay xaqiijin kartaa inaysan ka helin Taabit Cabdi, balse ay soo gaarsiiyeen xubno kale oo ku sugan Villa Somalia.

Xil ka qaadista Taabit, ayaa sida la sheegay waxaa amray Faarax Cabdulqaadir, oo ka carrooday sirta isaga iyo madaxweynaha ka fakatay.

Magacaabista Guuleed, ayaa ahayd mid sir ah, oo la doonayey in shacabka laga qariyo maadaama fikrad xun ay ka haystaan Guuleed.

Taabit, ayaa xilkaasi hayey wax ka yar un sanad, kadib markii uu beddelay Kamaal Guutaale, oo isna xilka laga qaaday, kadib markii ay bateen ashtakooyinka ka dhanka ah.

Taabita Cabdi, ayaa qaba gabar ay dhashay madaxweyne Xasan Sheekh walaashiis.

Halkan hoose ka arag warqaddii ay faafisay Caasimada Online

magacaabis guuleed

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]   

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey & dadkii watay oo gacanta lagu dhigay

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee ahlu sunna ayaa gacanta ku dhigay gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo la damacsanaa in qarax looga geysto degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha amaanka ee degmada Guriceel ayaa sheegay in gaarigaasi ay saarnaayeen waxyabo baaruud ah oo loo maleynayo in la doonayay in qaraxyo lagu geysto.

Ma jiro masuul ka tirsan dhanka maamulka degmada Guriceel oo arimahaasi ka hadlay, laakiin waxay sheegeen inay sharaxaad saxaafada ka siin doonaan markii baaritaanka uu soo dhamaado.

Dhanka kale wararka la helayo aya sheegay in gaarigaasi ay saarnaayeen dhalinyaro, sidoo kalana magaalada laga qabtay dad kale oo looga shakiyay inay gaariga xiriir la leeyihiin oo ay hagayeen.

Tirada dhalinyarada la qabtay ayaa lagu sheegay inay gaareyso ku dhawaad 5 ruux kuwaasi oo qaarkood saarnaa gariga la qabtay.

Gaarigaasi ayaa laga qabtay koontaroolka laga galo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana la ogeyn cidda loo qorsheynayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Galgaduud

[email protected]

Yaa maamula Villa SOMALIA?: Xaqiiqda waxa madaxtooyada dalka ka socda

Waa laba nin oo siyaasadda dalka meel xun ka riday. Cabdikariim Xuseen Guleed oo amnigii dalka la degay iyo Faarax Cabdulqaadir Faarax “Sakiin” oo cadaaladii dalka qar ka tuuray welina ku magaacaban Wasiirka Madaxtooyada iyo Waasiirka Cadaaladda asaga oo weli ka arrimiya Madaxtooyada uu rabo hadeer inuu bedelo Agaasimaha Guud ee ku meel gaarka ah Thabit Cabdi oo runti hawl wacan qabtay. Waxaa qorshihiisu yahay in uu booska keensado nin qurbo jog Mareeykan ka yimid oo Cali Balcad lagu magacaabo oo uu Faarax u maamulan karo siduu doono, taas oo keeni doonta in talada dalka hogaankeeda maalin cad la wareego. Nasib daro waxaa halkaas ku lumay Cadaaladdii iyo Nabadgelyadii la sugaayey.

Faarax iyo Cabdikariim xoolo ku filan way heleen marka la xisaabo lacagaha Emirates, Qatar Fund, FPEN, SIMAD iyo shirkadaha dhismaha iyo qalabeynta ay gaar u leeyahiin iyo Daaraha dheer dheer oo ay Xamar ka dhisanayaan. Markani waa inay booska baneyaan si loo helo dad dalka jecel oo wax u qabta. Waxaa cadaatay haddii aan Soomaali nahay marka horeba inaan dad xun nahay oo xaasid ah oo aan is jecleyn oo is quursada waxna aan isku ogoleyn ama isu cafin.

Waxaa dalkeena ku habsaday madax aan masuuliyad iyo wadaniyad lahayn oo xoolo uruursi iyo nin jecleysi ku shaqeeyso iyo balaayada ugu tunka wayn ee Qabyaaladda la yiraahdo. Dawladii ugu dambeysay ee KMG ahayd Nin Shariif Xasan”Sakiin” la yiraahdo oo isna ka ag dhowaa Madaxweynahii xiligaas Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa dalka bohol ku riday oo musuq maasuq lamabarka dunida ugu dambeeya gaarsiiyey Soomaaliya inay noqoto.

Tan hadda jirtana nin la yiraah Faarax Cabdilqaadir “Sakiin” ayaa gobolaysi qabiil iyo cadaalad darro dalka geliyey iyo inuu mar walba jecel in asaga laga amar qaato dhanka Agaasinka madaxtooyada. Wuxuu Baarlamaanka ku tilmaamay furahooda inay lacag tahay. Baarlamaanku way ku saxsan yahay xilligaan inay afti ka keenaan ninka oo yiraahdo Faarax Cabdulqaadir oo la shaqeyaa hay’ado sir ah oo dalal aan deris la nahay iyo kuwo carbeed laga leeyahay.

Waxaa ayaan daro ah in markii Xasan Sheikh loo dooratay Madaxweyne Soomaaliyeed in dadku ku taamayeen in dawlad wanaagsan la helay. Nasiib darro labada nin ee kor ku magacaaban ayaa bohol tii hore ka daran dalka geliyey . Cadaalad daro iyo Amnigii oo faraha ka baxay. Maleesho beeleed boliis iyo ciidan laga dhigay oo weligood wax xalaal ah aan cunin iyo madax aan aqoon lahayn oo xoolo uruursi u joogo inay xawilaadaha wax ay dhaceen dibedda ugu dirsadaan ama Ganacsato xaraan ku noolayaal ah wax ku darsadaan. Cadaaladdii oo lagu riday god dheer. Guddi cadaalad oo aan lala tashan, sharciyo la horgeeyo barlamaanka ayada oo gudiyadii cadaaladda ka manaqishoon iyo xeerka Federaalka oo lamarin habaabiyo ayada oo aan wasaaraddii ku shaqada lahayd lagala tashan.

Wasaaradda Cadaaladda waxay ku daadashay in dadkii masaakinta aha ee Xamar nolosha uu soo doontay IDP’s (Internally Displaced People) in la kala eryo oo ay qaar Xamar Gaajo iyo macluul ugu dhimanayaan. Xoolaha yaboohda ah oo dalalka Saxiibada Somaaliya siiyeen oo masakiinta loogu tala galayna in Ganacsato suuqo ku iibiso ayada oo dad masakiin ahi macluul ugu dhimanayaan. Waxuu ku yiri Wasiirka cadaaladda dadkii dalka u soo gurmaday inay masakiinta cawimaan halkan wax masakiin ma joogto ee ee waa dad mashaqeysteyaal ah.

Arrimaha Federaalka. Wuxuu Ethiopia ku saxiixay heshiis Jubaland la yiraah oo aan afti loo qaadin oo aan dadka Gobolada deggan lagala tashan. Wuxuu taageeray heeshiis 3 Gobol la yiraahdo oo aan laga fiirsan inay goboladaas is raaci karaan. Wuxuu ku masquul sanyahay in Hiiraan iyo Shabeelad Dhexe laysku daro iyo in Mudug iyo Galgaduud laysku daro si maamul goboleedyo loo helo oo u dhigma Puntland iyo Somaliland. Taas oo dalka ka sameynayso 6 Land oo qabiil ku salaysan oo aan weligood heshiinin si wadamada deriska ah garwadeen ugu noqdaan siyaasadda dalka sabtoo ah Soomalidu ayaga ayaan is jecleyn dhexdooda oo Allah Subxaana Wa Tacaala ku maneystay dhul qani ah iyo dad aan tiro badneyn. Waxaan filaynaa in isku shaandheynta golaha Wasiiradda lagu soo darin kol ka dhow Cabdikariim iyo Faarax oo aan wax sumcad ah ku dhex lahayn Umadda ay metalaan.

W/Q: Jaamac Maxamed Nuur ED PHD
Springfield, Massachusetts

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Hadalkii Xasan ee kadib weerarkii Villa Soomaaliya oo su’aalo dhaliyey iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Durbaba waxaa soo baxaaya dhaliilo xoogan oo loo jeedinaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, qaabka uu kaga hadlay weerarkii lagu galay Madaxtooyada.

Siyaasiga Maxamuud Abshir Faarax, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay khudbada Madaxweynaha, wuxuu u hadlay buu yiri nin aan xanuun gaarin oo kale.

Maxamuud Abshir, ayaa Madaxweynaha Somaliya ku dhaliilay dhoola cadaynta iyo qosolka ay kaga baratay bulshada, wuxuuna intaa ku daray inaan la joogin xilli uu qosol Madaxweynuhu kaga fal celin karo, weerarkii Madaxtooyada.

Sidoo kale wuxuu sheegay ugu yaraan in Madaxweynaha looga baahnaa in uu isaga aamuso dhacdadaan, haddii kalana ay ahayd in uu si adag kaga hadlo.

Shabakadaha ay ku wada xiriirto bulshada, ayaa waxaad ku arkeysaa sida ay bulshada ugu cuntami la’dahay khudbada Madaxweynaha Somaliya, saacado kadib weerarkii Madaxtooyada.

Bulshadu waxay khudbada Madaxweynuhu u fasiraneysaa mid aan macno badan ku fadhin, haddii aanu dareen xasaasi ah ka muujin weerarka markii labaad lagu galay Madaxtooyada Muqdisho.

Weerarkaan, ayaa ahaa mid si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay walaac xoogan ka muujisay bulshada reer Muqdisho.

Halkan ka daawo Khudbada Madaxweynaha

Isha: Dhacdo.com

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan Baarlamanka Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu dhex dilay gurigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saaka laga helayo Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaa lagu dilay Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa Kaas oo lagu Magacaabi jiray Cumar Yuusuf Bagadi .

Dilka Xildhibaanka ayaa waxaa geestay rag bastoolado ku hubeysan oo Guriga ugu Galay kuna soo dhex dilay ka dibna waa ay baxsadeen Ragii Dilka Fuliyay Xaafadiisa oo ku taalaa agagaarka Aargada.

Dad ehelkiisa ah oo aanu la hadalnay ayaa waxaa ay Xaqiijiyeen Geerida Marxuumka waxaana lagu soo waramayaa Hada in Gurigiisa ay Gaareen Ciidamada amaanka Degmada wada jir kuwaas oo Nawaaxiga Xaafadaas Xiray Baaritaano ayayna Halkaa ka wadaan.

Waxaa socota Qaban qaabada Aas loo sameynayo Marxuumka Xildhibaano hore ayaana Gaaray Guriga Marxuumka .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Video: Xeebta liido iyo isbeddel cusub

0

Tv-ga Caalamiga ah ee Aljazeera ayaa muuqaal cusub ka soo duubay Xeebta Liido oo kumanaan Shacab ah ay u damaashaad tagaan malaha Fasaxa iyo Jimcaha, waxaana muuqalakani ku arkeysaa arin aad loogu farxo.

Muuqaalkani ayaa ah mid aad ka arki doonto isbadal weyn oo ku yimid Xeebta Liido iyo sida ay u helayaan Shacabka reer Muqdisho adeegyo aan nuucooda horay loo arag taasoo farxad gelineyso kumanaan shacab ah in ay u dalxiis tagaan Xeebta Liidono ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

 

Madoobe Nuunow oo laga yaabo in uu ku biiro maamulka Shabeelle State

Marka (Caasimada Online)-Maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in uu wadahadal u socdo madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed.

Wasiirka maaliyadda maamulka Shabeelle State Cali Nuur ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in uu wadahadal u socdo maamulka koonfur galbeed ee lixda gobal isagoona intaas ku daray in labada maamul laga yaabo in ay isku biiraan.

“Madaxweynaha maamulka Shabeelle State ayaa wadahadal kula jirra madaxweynaha lixda gobal ee koonfur galbeed, marka meel fiican ayey wax noo marayaan” ayuu yiri Cali Nuur.

Wasiirka maaliyada maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka hadleen aqoonsiga dowladda dhexe ay siisay maamulka seddaxda gobal iyo mideenta labada maamul ee koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay in labada madaxweyne ay ka soo horjeesteen midnimada labada maamul iyo aqoonsiga maamulka seddaxda gobal.

Cali Nuur wasiirka maaliyadda maamulka Shabeelle State ayaa carabka ku adkeeyay in labada maamul ee Shabeelle State iyo kan maamulka lixda gobal laga yaabo in ay midoobaan oo ay hal maamul sameestaan maadama meelaha ay ka arrimiyaan ay daris yihiin.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma aqoonsanna labadan maamul oo ka kala dhisan magaalooyinka Marka iyo Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: XASAN Sheekh, Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo wada-hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxay xalay, ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo hoggaamiyaha jabhadda Raaskambooni.

Sida ilo-xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, Xasan ayaa Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe kala hadlay shir shalay ay Kismaayo ku yeesheen xubno labadda Maamul ka tirsan, waxaana uu ka digay Xasan Sheekh in ummadda Soomaalida ee kala irdhowday halkii la isku soo dhoweyn lahaa in qabiil la isugu habar wacdo, taasi oo ah waxa ay iminka ku mashquulsan yihiin.

Xubno ku dhow Villa Soomaaliya, ayaa sheegay in madaxweynaha uu uga digay labadaas hoggaamiye in ficilladood ay horseedi karaan dhiilo cusub iyo xaaladd shaki sii kala gelineysa ummadda Soomaaliyeed oo hadda ka soo kabaneysaa suntii qabyaaladda.
Madaxweynaha ayaa u sheegay inaysan dhib ahayn in la is xulufeysto oo dan gaar ah laga wada shaqeeyo, hase yeeshee in qabyaalad iyo colaadinta beelo kale loo shiro ay tahay nasiib darro cusub.

Sida ay wararku sheegayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Weli Gaas oo isna dhankiisa hadlay, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in hadafkiisu aanu aheyn inuu qabiil wax ku raadiyo, haddii se ay la gasho qabiil inuu u wajahayo in wax lagu wanaajiyo ee uusan ka shaqeyneyn maanta in Soomaali ay qabiil wax isugu geysato, ama arrin uu talo ku leeyahay in cid kale oo Soomaali ah lagu dhibaateeyo.

Axmed Madoobe, ayaa isna isku difaacay in Puntland ay u wacdeen kaliya inay khibrad maamul ka helaan, ayna iska indha tiri Karin xaqiiqda ah in Puntland ay garab istaagtay, balse aysan jirin wax qabyaalad isku raadsanaya.

Si kastaba, Cabdi Weli Gaas iyo madaxweynaha Xasan Sheekh, ayaa la sheegay inay is-fahmeen, uuna madaxweynaha u arko Gaas inuu yahay nin ka qabyaalad yar Faroole.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: BFS oo qarka u saaran BUR-BUR

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, ayaa billaabay inay isaga baxaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaga oo naftooda u baqaya.

Maamlmo ka hor, ayaa xildhibaan lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay Muqdisho, xilli xukuumadda Cabdi Weli ay ku fashilantay inay qabsato howsheedii. Sidoo kale albaabka hore ee xarunta baarlamanka, ayaa waxaa ka dhacay qarax.

Haddaba ayaga oo naftooda u baqaya, ayaa xildhibaannada waxay badankood fasaxyo weydiisteen guddoomiye Jawaari, ayada oo mid walba uu sameysanayo cudur daar gooni ah.

Qaar ayaa ku andacoonaya inay booqanayaan reerahooda, oo jooga qurbaha, qaarna waxa ay sheeganayaan xannuunyo been ah, si ay dibedda isugu soo daweeyaan, halka qaarna ay cudur daar ka dhiganayaan inay soo cimreysanayaan.

Xafiiska Jawaari, ayaa malamihii ugu dambeeyey aad mashquul u ahaa, ayada oo la sheegay in guddoomiyaha uu qaati ka taagan yahay codsiyo iska soo daba dhacaya.

Haddii ay sii socdaan ka bixitaanka xildhibaannada BF ee Muqdisho, waxa ay keeni doontaa in baarlamanku kulmi waayo, sidaana ku bur buro.

Tan iyo markii ra’iisul wasaare loo magacaabay Cabdi Weli, waxaa dalka Soomaaliya uu galay xaalad halis ah. Ammaankii Muqdisho, ayaa faraaha ka baxay, waxaana gobollada qaar ka curtay dagaal beeleedyo uu ra’iisul wasaare naftiisa ku lug lee yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada Barre Hiiraale oo weerar ku qaaday kuwa Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiisha Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay inay dileen askar ka tirsan maamulka KMG ee Jubba kadib markii ay xoog ku qaadeen isbaaro taalay duleedka magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Barre Aadan Shire Hiiraale C/rashiid Macalin ayaa sheegay inay qaadeen jidgooyo uu sheegay inay u taalay ciidamada maamulka Jubba halkaasina ay ku baacsadeen ciidamada maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka oo la hadlay Mid kamid ah Idaacada Muqdisho ayaa sheegay in isbaaradaasi ciidamada ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee ku sufra wadadaasi, sida uu hadalka u sheegay.

“Waxaan qaadnay isbaaro taalay duleedka Kismaayo halkaasoo ciidamada Axmed Madoobe dadka ay ku dhibaateyn jireen, waxaana jirta askar aan halkaas ku dilnay”ayuu yiri Afhayeen C/rashiid.

Dhanka kale afhayeenka ayaa ka dalbaday taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya inay jawaab cad ka bixiyay ama ay kasoo saaraan mowqifka ay ka qabaan ciidamada Kenya eek u sugan Jubbooyinka.

Wuxuu ku sheegay inay ka dalbanayaan labo arin oo kale ah inay cadeeyaan inay iyaga hoostagaan, haddii ay hoostagaana ay ka jawaabaan dhibaatooyinka ciidamada Kenya ay ka geysanayaan Jubbooyinka, ama inay ku fasaxaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay iska dhicinayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

DF Somalia oo lagu eedeeyay in ay ka gaabisay daminta dagaalka Sh/hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay awood u lee dahay in ay damiso dagaallada soo noqnoqday ee ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose haddii xaqiiqda laga hadlo.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya aaney daacad ka ahayn in la soo afjaro colaadda ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose.

Maxamed Xasan Fiqi madaxweyne ku-xigeenka maamulka Koonfur galbeed ayaa tilmaamay  haddii dowladda Soomaaliya ay dhab ka tahay daminta collaadda ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose in ay ku xallin karto muddo 48-saac balse dhab kama ahan ayuu yiri.

“Dagaalka Shabeellaha Hoose wuxuu qaatay muddo labo sanno, dowladdana dhab kama ahan in ay soo afjarto oo haddii ay dhab ka tahay muddo 48-saac ayey ku xallin kartaa” ayuu yiri Maxamed Xasan Fiqi.

Dagaalka gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu noqday mid soo noqnoqda oo waxaa ku lug yeeshay qabaa’ilo kale sidda ay lee yihiin xeel dheerayaasha siyaasadda.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay soo afjarida colaadda ka aloosan gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana hadda billowday siddii loo damin lahaa dagaallada ka qarxay beelaha Habar-gidir iyo Biyo-Maal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]