28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo ay yeelanayaan Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Baladweyne ( Caasimada Online) – Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay dibadbax lagu taageerayo qorshe la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dibadbaxa oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada bulshada rayidka ah ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeyb-galay boqollaal qof oo isugu jiray dhallinyaro, haween, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Xaaji Xasan Kulmiye Waasuge oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay inay taageerayaan qorshaha maamul u sameynta labada gobol, oo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaji Xasan ayaa uga digay dowladda inay gobolka u soo magacowdo shakhsiyaad aanan ku imaan rabitaanka dadweynaha gobolka.

Wuxuu u jeediyay dowladda inay shacabka ku dhaqan gobollada maamulka loo sameynayo u madax-banneyso inay ka tashadaan aayahooda, isagoo dhinaca kale muujiyay inay oggol yihiin in maamul loo dhan yahay loo sameeyo labada gobol.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamul u hanjabay DF Somalia & IGAD

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa shir degdeg ah ku yeeshay xubnaha wasiiradda maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed iyagoona si qoto dheer uga hadlay shirarka ka socda magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Wasiirka, Leesto ayaa warbaahinta u sheegay in kulankooda looga hadlay siddii ay dib ugu fiirsan lahaayeen dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo urur gobaleedka IGAD, wuxuuna arrin laga xumaado ku tilmaamay in madxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud uu booqdo Kismaayo isla markaana uu furo shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha aaney iska warqabin isla markaana mid kasta uu muujinaayo siddii uu meel marin lahaa danihiisa.

Leesto ayaa tilmaamay in ay aad ula yaabeen markii madaxweynaha uu ka qeybgalay shirka Kismaayo halka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha ay iyana fureen shirka Baydhabo.

Labada shir ayuu sheegay in ay muujinayaan sida ay dowladda u diiddan tahay maamulkooda lixda gobal.

Wuxuu ku celceliyay haddii dowladda aaney ka laaban taageerada ay siineyso labada shir in ay xiriirka u jari doonaan dowladda Soomaaliya iyo ururka IGAD.

Ugu dambeen wuxuu tilmaamay dowladda iyo IGAD in ay dib u soo abaabulayaan dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka 20kii sanno ee la soo dhaafay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

R/W Cabdiweli oo shaaciyey sababaha xilka looga qaaday SAMBALOOLSHE

0

London (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay xil ka qaadista golaha wasiiradda xukuumadda ay ku sameeyeen agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka dalka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu ra’iisal wasaare Cabdi Sheekh Axmed wuxuu tilmaamay Sambaloolshe in xilka looga qaaday markii uu ku dhaqmay wax uu ku sheegay mas’uuliyad darro iyo ku xad gudub uu geestay xildhibaanno iyo wasiiro oo gurigooda uu weerarray.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa xarunta BBC ee NBH maanta uga waramay BBC, iyadoo uu hogaaminayay wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa xarunta BBC ee NBH maanta uga waramay BBC, iyadoo uu hogaaminayay wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in dhaqanka uu ku kacay Sambalooshe in aysa muujineynin mid horrumar iyo nabad lagu gaari karo oo shaqadii hey’adda nabad sugida ceebeysa sida uu yiri.

Waa markii ugu horeysay oo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu si cad ah u sheego taliyihii hey’adda nabad sugida in xilka loo qaaday dhaqan aan fiicneen oo uu la soo baxay.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ilaa hadda aan ku qancin xil ka qaadista safiirkii hore ee Soomalida ee dalka UK, waana labo nin oo isku dhow.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

Shirkii Baydhaba oo loo joojiyay kan ka socda Kismaayo (Sidee wax u jiraan?)

0

Baydhabo (Caasimada Online)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shirkii Baydhabo ka socday uu hakad ku yimid kaddib markii ergooyinka ka qeybgalaya ay ka soo horjeesteen shirka kale ee ka furmay Kismaayo.

Wariyaha Idaacadda Risaale uga soo warrama Baydhabo ayaa sheegay in ergooyinka shirka Baydhabo ka socday ay ka soo horjeesteen shirka Kismaayo iyagoona sheegay inta uu shirkaas socdo in uusan jirin wax shir ah oo ka dhacaya Baydhabo.

Mar la weydiiyay xilliga uu shirka dhacaayo, waxa uu sheegay in ilaa hadda aan la ogeyn xilliga uu dib u furmaayo shirka Baydhabo.

Ma cadda wax yaabaha keenay in shirka Baydhabo uu hakad ku yimaado, waxaana shaley Baydhabo ka soo tagay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari oo maalmahan halkaas ku sugnaa.

Waxaa kaloo magaalada ku sugan xildhibaanno iyo wasiiro u tagay magaalada siddii loom eel marin lahaa mamaulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Faah-faahinta warkan kala soco Caasimada Online

Xog: Faarax C/qaadir oo wada arrin uu ka indha xirnaa Madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir uu Madaxweyne Xassan Sheekh u iftiimiyay dhaqaale badan uu kasoo xaroon kara Dekada Magaalada Muqdisho.

Faarax C/qaadir ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u bidhaamiyay inay muhiim tahay in Dekada lagu wareejiyo Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga, islamarkaana Dekada laga nadiifiyo gabi ahaan shaqaalaha hadda ku magacaaban si meesha ay ula wareegto shirkadaasi.

Sidoo kale, Wasiir Faarax ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Xassan Sheekh uu kula taliyay in hoosta laga xariiqo rabitaanka Shirkada Turkiga ee xiligaani ku howlan la wareegida Dekada, taasi oo ah in gabi ahaan shaqada laga fadhiisin doono shaqaalaha, islamarkaana laga howlgaliyo shaqaale ay wadato DF oo aan sidaa usii tiro badneyn.

Faarax ayaa la sheegayaa in xikmada hadalkiisa uu ahaa mid ku siman dhaqaalaha uga soo xaroon kara dhanka shirkada la wareegeyso Dekada, balse uusan eegin khasaaraha ka dhalankara, maadaama ay halkaasi ku tiirsan yihiin inkabadan  5,530 xubnood oo muruq maal u badan, kuwaa oo Dekeda uga kala yimaada qaybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho, halkaa oo ay ka dabaraan nolol maalmeedka qoysaskooda, waxaana suuragal ahaan karta in dadkaasi haddii ay dhacdo in laga ceyriyo shaqada ay kasoo jeestaan dhanka Kooxaha ku lug leh Ammaan darida iyagoo ay u muuqaneyso dhabarjabka kaga imaanaya dhanka Dowlada.

Madaxweyne Xassan oo ka duulaayo hadalka iyo Sirta dhaqaale oo ay wadaageen Wasiirka Dastuurka, ayaa waxa uu sheegay in shirkad laga lee yahay dalka Turkiga ay la wareegeyso guud ahaan hawlaha Dekeda Magaalada Muqdisho, iyadoona maalgelin ku samayn doonto.

Madaxweynuhu ma uusan sheegin magaca Shirkadda lagu wareejinaayo shaqada Dekeda Muqdisho, si ay u horumariso Dekeda oo ku taal Degmada Xamar Jajab.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya magaca shirkadda ay Dowladda Somaliya ku wareejisay Maamulka Dekeda Magaalada Muqdisho, balse wararka ugu buuran waxay sheegayaan in shirkadaasi lagu magacaabo Al khayrat.

Mas’uuliyiin ka socday Turkiga oo la kulmay Madaxda Somalida ee Dekeda, ayaa waxay u sheegeen inaanay doonayn Shaqaalaha faraha badan leh ee ka hawlgala Dekeda, isla-markaana ay doonayaan oo kaliya 350 xubnood, waana tan keentay in Madaxweyne Xassan iyo Faarax C/qaadir ka eegaan heshiiskaasi dhanka dhaqaalaha.

Dhanka kale, Xassan iyo Faarax ayaa isla gartay in la boobsiiyo Arrimaha Dekada islamarkaana la meel-mariyo Go’aanka ay shirkadaasi ku joojineyso shaqaalaha badan.

Xassan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dalka ayaa waxaa badi lagu xantaa inuu u nugul yahay Amarada kasoo baxa Xafiiska Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana Tusaale u noqonaaya dhacdooyinkii dalka ka dhacay Labadii sanno oo ay Xilka heyso Dowlada Dam-Jadiid oo gabi ahaan kasoo maaxeysay Maskaxda Faarax C/qaadir, iyadoona uu fulinteedu lahaa Madaxweyne Xassan.

Xassan iyo Faarax ayaa waxa ay iminka Amar ku bixiyeen in Dekada lagu wareejiyo shirkadaasi, islamarkaana la socodsiiyo Codsiyada Shirkada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh & C/Weli oo isla gartay hal arrin oo jah-wareer uu ka taagnaa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa inta uusan u safrin dalka Britain waxa ay Madaxweyne Xasan Sheekh isla meel dhigeen in arrinta Khilaafka keentay ee Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida la soo afjaro.

Wararku waxa ay sheegayan in kullan Xassan iyo C/weli ku dhex maray Villa Somalia Taariikhdu markii ay aheyd September 12, 2014 xili habeen ah, ay isla meel dhigeen in xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida ay u dhacday si sharci ah, kadib markii looga qaaday gacan-taag, balse uu RW C/weli Madaxweynaha ku qanciyay in arrinta halkaasi lagu joojiyo.

R/wasaare C/weli ayaa waxa uu Xassan Sheekh ku qanciyay in Aggaasimaha uu iska sii wato howshiisa, islamarkaana aan lasii qaad-qaadin wararka la xiriira C/llahi Sambaloolshe oo ah Aggaasimaha Sirdoonka Qaranka.

R/wasaare C/weli ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan ka codsaday inta uu kulankooda socday in Golaha wasiirada uu kala hadlo Arrintaasi, islamarkaana aysan faraha lasii galin Arrimaha Sambaloolshe si meesha looga saaro xil ka qaadista.

Sidoo kale, Warar aan la hubin, ayaa sheegaya in kullan gaar ah uu Ra’isulwasaaraha la qaatay Aggaasimaha ka hor inta uusan u dhoofin Britain, waxaana la sheegayaa inay isla meel dhigeen inuu sii wato howshiisa kana  fogaado Arimaha keenay in xilka laga qaado oo ay kamid tahay dhaqanka iyo diblumaasiyada oo qaab kale loo adeegsado.

Dhanka kale, waxaa hadda lagu wadaa in Aggaasimaha Nabadsugida uu sii ahaan doono Sambaloolshe oo si ku talagal ah xilka looga qaaday hayeeshee iminkana si siyaasadeysan howshiisa uu usii gudan doono.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Maxaa xalay ka dhacay Villa SOMALIA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay uu halkaasi ka dhacay Kullan khaas ahaa oo u dhexeeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia.

Kullanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu lafa guraayay Arrimo dhowr ah oo kasoo horjeeda Ra’isulwasaaraha Dowlada C/weli Sheekh oo xiligaani ka maqan dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in kullanka oo muddo qaatay looga arrinsanaayay sidii loo soo afjari lahaa Mooshino laga diyaarinaayo R/wasaaraha Dalka oo xiligaani aysan isku fiicneyn Madaxweyne Xassan.

Kullanka ayaa waxaa la sheegayaa inay  goobjoog ka ahaayen ku dhawaad 23-Xildhibaan oo Mab’da ahaan kasoo horjeeda C/weli Sheekh, waxa ayna ka arinsanayeen sidii loo soo gabagabeyn lahaa Mooshinka mudada qaatay.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhabarka ka riixayaa mooshinka laga diyaarinaayo Ra’isulwasaaraha Xukuumada, xilli loo arkay in uu caqabad ku yahay saxibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo in uu xil ka qaadista ku bilaabay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xilligaan ku hawlan yihiin diyaarinta mooshinka ka dhanka ah Ra’iisal Wasaaraha, ka dib markii uu mugdi soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha.

Dhanka kale, Kullanka ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxa uu noqonayaa kii Seddexaad oo dhex mara Mas’uuliyiintaasi tan iyo markii uu Ra’isulwasaaraha uu u safray Dalka Britain September 15, 2014 halkaasi oo uu uga qeybgalaayo shir looga hadlaayo Arrimaha Ciidamada.

Dhanka kale, Mugdigaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo uu Ra’isulwasaaraha shaaciyay inuusan jirin Khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne Xassan, balse laga yaab inuu dhaco is fahan’waa ku xeen-daaban Howlaha Dowlada hor yaal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Hub ay xadeen saraakiisha Amisom oo lageeyay hoyga saraakil ka tirsanaa DF

0

Kampala (Caasimada Online) – Askari Ugandhese ah oo Bakhaar-haye hub ka ahaa AMISOM ayaa ku eedeeyey Labo ka mid ah Saraakiisha Hoose ee Ciiddanka inay siiyeen lacag dhan 200-dollar, si uu Bakhaarka uga bixiyo 1,000 xabbo oo rasaas ah oo uu geeyey mid ka mid ah hoyga ay Saraakiishaasi ka degganaayeen Somalia.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Joseph Mukasa oo 27-jir ah ayaa eedeymahaasi ku soo bandhigay Kulan ay Maxkamadda Guud e Milliteriga Uganda ku yeelatay Degaanka Makindye, oo uu guddoominayey Sarreeye Gaas Levy Karyhanga.

“Madaxdayda waxay I siiyeen 200-dollar, si aan 1,000 xabbo oo rasaas ah u geeyo hoygooda” ayuu yiri Askarigaas oo ku markhaati furay Labadaa Sarkaal oo lagu kala magacaabo Dhamme Bosko Mawanga iyo Labo Xiddigle David Eloki Ewagu.

Waxaana uu intaasi ku daray inay kharajkaasi laaluushka siiyeen bishii February ee sannadkan, xilligaas oo ay ka wada tirsanaayeen Hawlgalka AMISOM.

Dhamme Bosko Mawanga waxa uu Taliye Koox ka ahaa Guutadda 3-aad ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ahaa AMISOM, halka Labo Xiddigle David Eloki Ewagu ka ahaa Taliye ka ahaa Ciiddanka Difaaca Cirka ee Kooxda 13-aad ee Ciiddanka Uganda ee ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM.

Askariga markhaatiga ahaa waxa uu sheegay inay Labada Sarkaal ku amreen inuu kiish ku qaado rasaasta oo uu geeyo hoyga ay ka degganaayeen Xeradda Ciiddanka ku lahaayeen Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray inay ugu hanjabeen haddii uu sheego inay tallaabo ka qaadi odonaan.

Joseph Mukasa waxa uu Fadhigii Maxkamadda ka hor caddeeyey in Sarkaalka lagu magacaabo Dhamme Bosko Mawanga u yeeray, kadibna uu siiyey lacag dhan 200-dollar.

“Dhamme Bosko Mawanga waxa uu igu yeeray inaan gurigiisa ugu imaado, wuxuuna I siiyey 200-dollar. Waxaana uu ii sheegay haddii aan qof kale u sheego inaan rasaas siiyey inaan keligey la kulmi doono dhibaato, maadaama aysan jirin qoraal ay labada Sarkaal saxiixeen” ayuu ku calaacalay Bakhaar-hayahaasi.

Wargeyska the New Vision oo Dhacdadan baahiyey, ayaa ugu dambayn tilmaamay inay dacwadda Maxkamadda weli socoto, oo uu Garsooruhu amray in mar kale dib loo dhegeysto Kiiskaasi.

Ma aha markii ugu horreysay oo Saraakiil ka tirsan ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM lagu soo oogo xatooyo qalab ciiddan, waxaana jira Saraakiil Sarsare oo iyagu lagu helay inay iibsadeen shidaalkii ciiddanka AMISOM oo la soo taagay Maxkamadda Milliteriga Uganda.

Xigasho the New Vision

Caasimada Online

Xafiiska Kampala

[email protected]

XASAN SHEEKH ma hoggamiyaa mise waa hogaansame? (Xog iyo Gorfeyn)

0

Qofki runta aanan ku dhaqmin Been ayaa u qarsoon, waxaan aad ugu xumahay in Xasan Shiikh Muqdisho kaga tago Odayaashii iyo Siyaasiyiintii ka soo jeeday Jubba, halka uu u hogaansamay Jabhadii Raaskambooni.

Waxaan aad ugu xumahay in Maamulka Puntland lagu casuumo Siyaasad aysan shaqo ku laheyn balse ay ka tahay mida ku shideeysa dabka Gobolada Jubbooyinka iyada oo ku raadineeyso isirwadaag aanan jirin.

Taariikhda ayey galeeysaa waxa Xasan ku kalifay in uu u hogaansamo Axmed Madoobe oo aan ognahay in uu ka yimid Walwaal iyo Wardheer halka dadkii degenaa gobolka laga dhigay kuwa Qaxooti ku ah Muqdisho iyo gobolada kale ee Dalka.

Waxaan isweeydiiyad Axmed Madoobe ma Damjadiid ayuu noqday, xaqiiqdii waa sidaa, sow lama dhihi karo Damjadiid ayaa ku shiraaya Kismaanyo?

Shacabka Soomaali aad ayuu u soo dhaweeynayaa soo celinta nabada Muqdisho, aad ayaan ugu faraxsanahay, balse waxaan aad ugu xunahay sida ay siyaasada u socoto oo ah mid horseedi doonta xasiloonidari, sabbabta oo ah haddii nabad lagashaqeeynaayo waxaa qumaneeyd in shacuubta degani Jubbooyinka ay qeyb ka ahaadaan dib u heshiisiinta hada laga bilaabay Kismaayo.

Maxey dhali doontaa Bay? Welise ma fool-diin ayeey ku jirtaa?  

Fool-diinka (inta aan la dhalin ayaa waxaa yimaada xanun marna taga marna xanuuniya qofka) – Waa qaska ka socda Bay.

Nunow waa uu diiday in uu ku biiro Damja-diid, waa uu diiday in uu Jeebabka buuxsado, reer Bay waa ay diideen Damja-diid hadafka guracan ee: Weybi oo xukun.

Xaqiiqdii waxaa ay dowlada diidan tahay rabitaanka shacabka iyada oo aay doorbiday in ay gacanta ku rimiso dhismaha Saddex Gobol, halka indhaha laga qabsanaayo in Lixda Gobol ay tahay xal abuurikara midnimada Soomaaliya iyo wadajirka.

Waxaan aad u taageerayaa sida shacabka Bay ugu soo banaanbaxeen kuna diideen in qowmiyada Digil & Mirfle lagu kala qeybiyo Jubba iyo Koonfur galbeed, waxaan aad ugu dhiiragelinaayaa in ay maalin iyo habeen wadaan mudaaharaadka caalamkana u soo bandhigaan in dowlada federaalka dhagaha ka fureeysatay shacabka degan dhulkaa.

waxaan aad u jeclahay in aad darbiyada Gobolka Bay ku qortaan ninwalba oo caado-qaate ah magaciisa  si umada aay u arkaan taarikhda mugdiga ah oo aay rabaan in aay u horseedaan Digil & Mirifle, Jawaari waxaa quman in uu garawsado shacabka rabitaankooda haddii kale waxuu gali doonaa liiska mugdiga.

W/Q Dr. Cali A. Hirabe
Dr. Hiraabe waxaa kala xiriiri kartaa: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Maxaa ka cusub mooshinka C/Weli ka dhanka ah ee MUQDISHO ka socda?

0

Xilli lagu wado in Sabtida soo socoto uu furmo fadhigii 5-aad ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaayo diyaarinta mooshinkii ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 17-kii bishii Janaayo ee sanadkaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ka gadaal markii 2-dii bishii December uu Baarlamaanku kalsoonida kala laabtay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xilligaan ku hawlan yihiin diyaarinta mooshinka ka dhanka ah Ra’iisal Wasaaraha, ka dib markii uu mugdi soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu dhabarka ka riixayaa mooshinka laga diyaarinaayo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, xilli loo arkay in uu caqabad ku yahay saxibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo in uu xil ka qaadista ku bilaabay.

Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soconaayo shirar gaar gaar ah oo ay ku yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoo markaasi ka arrinsanaaya mooshinka cusub ee lagu wado, inay u gudbiyaan Guddoonka Baarlamaanka Somaliya.

Sidoo kale waxaa soo badanaaya mashquulka xoogga badan leh ee ka jira Bankiga Dhexe ee Somaliya, kaa oo aad arkeyso in lacagaha looga qaadanaayo waraaqaha ay ku saxiixan yihiin masuuliyiinta ku dhow dhow Madaxweynaha. Waxaana lacagahaan lagu iibsanayaa Xildhibaanada ku sugan Caasimada, si ay u taageeraan rabitaanka garabka Madaxweynaha.

Mooshinka laga diyaarinaayo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa qayb ka noqon doono eedeymaha ah, in Xukuumaduusi ay tahay mid tiro badan, oo aan wax qabad badan lahayn, inaanay horu-socod muuqdo samayn mudadii ay jirtay iyo inaanay dhisin kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya, ayaa sheegay in dhaqaalihii lagu ridi lahaa Ra’iisal Wasaaraha, ay durbaba gacanta ku dhigeen ragga ku dhow dhow Madaxweynaha ee ka tirsan Xukuumada C/weli.

Sarkaalkaan, ayaa tilmaamay in dalalka Kuwait iyo Qatar ay ka jawaabeen codsi kaga yimid xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha, oo ahaa in laga gacan-siiyo sidii daaqada looga saari lahaa Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee joogga Magaalada Muqdisho, ayaa u yeeraaya saxibadooda kale ee ku sugan Magaalada Nairobi iyo dalalka kale ee dibadda, si ay u yimaadaan Magaalada Muqdisho, qaybna uga noqdaan tallaabada xafiiska looga eryaayo Ra’iisal Wasaaraha.

Marka laga soo taggo Xildhibaanada u gurbinaysa garabka Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa dhanka kale jira tiro Xildhibaano ah oo taageersan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya. Iyadoo uu xalay beeniyay in uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha Somaliya, mar uu la kulmay Somalida England.

Kolka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxay hadana Madaxtooyada Somaliya kuu xaqiijineysaa in xurgufi ay ka dhex tolan tahay Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed.

Iyadoo ay shaqo adag xilligaan hortaal Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa dhinaca kale kuu muuqaneyso inaanay si sax ah ugu adeeggin ummadaan dhiban, iyagoo hadba la safta garabyada Dowladda ee is haaya, dhinacii dhaqaalo bata.

Arrinta la xiriirta in shaqada laga eryo hogaanka Xukuumada, ayaa waxay sababi kareysaa in aynaan dalku ka dhicin wax doorasho ah sanadka 2016-ka, waxaana markaasi loo baahan doonaa in muddo laba sano ah uu xilka ku darsado Madaxweynaha. Wuxuuna horey Xafiiska Madaxweynuhu u diyaariyay qorshe uu muddo laba sano ah uu xilka isugu cabeynaayo.

Haddii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku guuleystaan ridada Ra’iisal Wasaare C/weli, ayaa waxa uu noqonayaa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo shaqada laga eryo, wax ka yar muddo hal sano ah.

Si kastaba ha-ahaatee lama garanaayo waxa ay dunidu kaga jawaabi doonto khilaafka Madaxda Dowladda, ee sababa in xilka laga xayuubiyo Wasiirada 1-aad ee Xukuumadaha Somaliya yeelato.

Isha: Dhacdo.com

DFS oo si aan looga baran u beenisay war laga faafiyay oo xasaasi ah (Aqri)

0

Nairobi (Caasimada Online)-Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambassador Mohamed Ali Ameriko ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska the Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inaysan Dowladda Federalka marnaba qaadicin Shirarka looga xaajoonayo hakadka ku yimid dadaalka dib loogu soo celinayo ugu yaraan 500,000 oo Qaxooti Somali ku sugan Xeryaha Qaxootiga ee W/bari Kenya.

Ambassador Mohamed Ali Amerika oo haatan booqasho ku jooga dalka Kanada, ayaa sheegay in dib-u-dhaca wada hadalladaasi u sabab tahay iyadoo jihadda laga beddelay nidaamkii uu Shirka saddex-geesoodka ee Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR u socday.

Danjiraha waxa kaloo uu tilmaamay inay dowladda Federalka dalbatay in Shirarka Wada-xaajoodka lagu qabto magaalladda Muqdisho, inkastoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya walaac ka muujisay xaalladda ammaanka Muqdisho.

Dhinaca kale, Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambassador Mohamed Ali Ameriko waxa uu xusay in ay Dowladda Federalka iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan arrimaha Qaxootiga “UNHCR” walaac xooggan ka qabaan ammaan-xumidda ay Qaxootiga soo laabanayo kala kulmi karaan deegaanadooda.

Ku-simaha Madaxa Waaxda Arrimaha Qaxootiga Kenya, Haaruun Komen ayaa isagana sheegay in sababao dhinaca maaliyadda u hakadeen qorshaha dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida.

Waxa uu intaasi ku daray inay qorsheynayaan inay Qaxootiga Somalia ee iskooda ku soo laabanayo waddo nabadeed uga dhigtaan Deegaannadda Amuma, Mandheera, Liboya iyo Wajeer oo ay kaga sii gudbi karaan xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Xigasho: The Star

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Maamulka Jubba oo sheegay haddal aysan ku qancin Beelaha qaar (Aqriso)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii shaley magaalada Kismaayo uu ka furmay shir dib u heshiisiin oo loo qabanaayo beelaha deggan Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa shirkaas qaadacay korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo ka mid ah dhinacyadii ku dagallamay Kismaayo.

Haddaba maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa leh cid ka maqan shirka ma lahan oo waa loo dhan yahay.

Wasiirka warfaafinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Ibraahim Baajuuni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid ay u dhan yihiin dhammaan beelaha ku nool Jubbooyinka iyo Gedo iyo xittaa dhinacyada ku dagaallamay Kismaayo.

Mar la weydiiyay in shirka ay ka maqan yihiin garabka Barre Hiiraale, wuxuu tilmaamay in Barre Hiraale uu yahay shaqsi balse beeshiisa iyo dhinacyadii la jiray ay ku sugan yihiin shirka oo ay ka soo qeybgaleen sida uu yiri.

Wasiirka waxaa uu tilmaamay in shirkan oo maalintii labaad uun socda in laga soo qeybgaliyo Barre Hiiraale oo horey u oggolaaday in uu ka qeybgalo shirka Baaydhabo.

Hadalka wasiirka warfaafinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa ku soo aadaya iyadoo weli dhinac ka mid ah kooxihii ku dagaallamay magaalada Kismaayo ay qaadaceen shirka Kismaayo ka socda.

Ma cadda in Barre Hiiraale uu dib ugu biiri doono shirka Kismaayo iyo in uu ku adkeesan doono mowqifkiisa ku aadan in uu qaadacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Jawaari oo ka warbixiyay sababta uu ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca dib ugu soo laabtay guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaasoo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo oo maalintii 3-aad uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta beelaha deggan gobalada koonfur galbeed.

Jawaari oo u tagay Baydhabo in uu goobjoog ka noqdo shirka halkaas ka socda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka loogu soo dhaweeyay magaalada intii uu ku sugnaa.

Ka hor inta uusan ka soo duulin garoonka diyaaradaha waxaa uu salaan sharraf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ciidamada dowladda Soomaalida sida uu soo sheegay wariye ka tirsan caasimada Online.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa carabka ku adkeeyay in shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo uu qeyb ka yahay siddii xal loogu heli lahaa gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Jawaari ayaa rajo fiican ka muujiyay in shirka Baydhabo ay ka soo bixi doonaan natiijo lagu farxo oo mideeneysa dadka deggan dadka ku dhaqan seddaxda gobal ee koonfur galbeed, isagoona intaas ku daray in la mideen doono labada maamul ee magaalada ka dhisan.

Ugu dambeen guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusay in uu magaalada Muqdisho u yimid siddii uu uga qeybgali lahaa fadhigga shannaad ee golaha baarlamaanka oo 20-ka bishan furmi doona.

Si kastaba, maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa weli ku adkeesanaya in ay yihiin maamul sharci ah oo ka dhisan lix gobal oo kala ah, Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wufuudda caalamiga ah iyo DF oo laga saarayao Madaxtooyada KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo-xog-Ogaal ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada Kismaayo, gaar ahaan kuwa khuseeya Xafiiska Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa inoo xaqiijiyay in Wufuudii ka kala soctay Beesha Caalamka iyo kuwa Dowlada Federaalka Somalia Boorsooyinkooda laga saarayo Xarunta Madaxtooyada Kismaayo.

Ilo wareedka ayaa xaqiijinaaya in arrintaasi ay ka danbeysay kadib markii Wufuudaasi aysan xalay gamcin hurdada, iyadoona la maqlaayay gurxanka Hubka culculus oo ku dhaceysay daafaha Madaxtooyada.

Waxaa la soo warinayaa in Arrintaasi ay keentay walaac islamarkaana wufuudii ka kala soctay Dowlada Federaalka, UNSOM, Wakiilo ka kala socday EU,Italy,Ethiopia,Jaamacada Carabta,AU iyo qaar kale ay goor dhow Alaabahooda u rarteen Garoonka Kismaayo oo la Tilmaamay inay ka amaanbadan tahay Madaxtooyada.

Wafdiga oo halkaasi u jooga ka qeybqaadashada bilowga Shirka ayaa waxaa Saakay lagu amray inay u wareegaan Garoonka oo gacanta ugu jira Ciidamada AMISOM, islamarkaana leysu haleyn karo Ammaankeeda.

Arrintaani ayaa ka danbeysay kadib markii Habeenimadii xalaya la maqlaayay Dhawaqa Rasaas iyo Madaafiic oo ku dhaceysay Nawaaxiga Madaxtooyada Maamulka KMG ah ee Jubba oo ku taalada Magaalada kismaayo.

Dhanka kale, Maamulka KMG Jubba ayaa iyaguna walaac ka muujinaaya Arrintaasi xili uu bilow yahay Shirka Dib u heshiisiinta, waxa ayna ka cabsi qabaan in howshu ay intaa kasii adkaato.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Somalida Kampala oo kala cararkii ugu darnaa uu heysato (Maxaa cusub?)

0

Kampala (Caasimada Online)-Sida lagu soo daabacay Wargeyska The New Vision ee ka soo baxa Magaalladda Kampala,ayaa waxaa lagu qoray in Ciidamada Ammaanka Dalka Ugaanda, gaar ahaan kuwa Caasimada ay gacanta ku dhigeen Gaari nooca raaxada ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Wargeyska ayaa qoray in Ciidamadu ay ku guuleysteen qabashada gaarigaasi xili ay ku howlanaayeen Howlgalo ay ku xaqiijinayeen Ammaanka Dalkaasi.

Sidoo kale, Qoraalka Wargeyska ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in gaari noociisu yahay (Toyota Noah) oo lahaa Taariko Nambar laga leeyahay dalka South Sudan lagu qabtay Xaafadda Mengo Kisenyi ee magaalladda Kampala.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Boliska qabteen nin Somali lagu tuhunsan yahay inuu lahaa gaariga, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Aadan Garaar.

Boliska ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan  25-qof oo Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen waxyaabo qarxa oo Boliska sheegeen inay ka soo helaan Xaafad ay Soomaalida ka deggan tahay magaalladda Kampala.

Dhanka kale, Soomaalida ku nool Magaalada Kampala ayaa iyagu xiligaani ku jira kala carar salka ku haaya Tuhunada Argagixisnimo ee kaga imaanaya dhanka Sirdoonka Ugandha, iyadoona dadka loo qabtay gaariga ay yihiin Soomaali.

Caasimada Online

Xafiiska Kampala

[email protected]

Col. Barre Hiiraale: Shirka Kismaayo ka socda waxaan ku diidanahay hal arrin

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha nabadda iyo midnimada Jubbooyinka, Barre Aadan Shire ayaa faah-faahiyay sababta uu ku qaadacay shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka oo maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda VOA-da ayuu sheegay in shirka ka furmay Kismaayo uusan ahayn kii loo sheegay in uu ka qeybgalaayo, wuxuuna sababta ku sheegay in lagu wargaliyay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka 1-da bisha October.

Barre Hiiraale waxa uu tilmaamay in guddiga wasiiradda ee loo xil saaray qabashada shirkan ay ku wargaliyeen isaga iyo golaha uu madaxda yahay billowga bisha soo socota isagoona intaas ku daray in maalin iyadoo uu ka dhimman yahay shirka maanta ka furan yahay loogu yeeray madaxtooyada oo madaxweynaha uu ku yiri waxaan rabnaa in aad tagto Kismaayo oo aad ka qeybgasho shirka.

Wuxuu u sheegay madaxweynaha in shirka furmay uusan ahayn kii lagu ballamay isla markaana uusan ahayn shir ay garwadeen ka tahay dowladda oo waxaa wata ayuu yiri maamulka Axmed Madoobe.

Barre Hiiraale ayaa la weydiiyay mar haddiiba uu oggolaaday in uu qaato nabadda wax yaabaha uu ku diiddan yahay shirka ka furmay Kismaayo, wuxuu tilmaamay in shirka Kismaayo uu yahay mid gaar u ah maamulka Axmed Madoobe iyagana dhaqaalaha iyo ergada ka qeybgaleysa ay soo xuleen.

Mar uu ka hadlaayay shirka uu doonayo in uu ka qeybgalo, wuxuu tilmamaay in ay rabeen isaga iyo maamulkiisa shir ay garwadeen ka tahay dowladda oo dhaqaalaha iyo soo xulista ergada ay lee dahay si caddaalad ahna loo maamulo shirka.

Wasiirkii hore ee gaashandhigga Soomaaliya, ayaa ku celceliyay in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta balse dadka taageerada u ah ee ku sugan, Gedo, Kismaayo, Muqdisho iyo waddamada qurbaha lagu wargaliyay in la qabanaayo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka 1-da bisha October ka horse iyagu ay yeeshaan shirar iyo kulamo ay uga hadlayaan wax yaabaha la tagi lahaayeen shirka Kismaayo.

Ugu dambeen, Barre Hiiraale ayaa sheegay in dowladda ay ka sugayaan bal in markooda ay shir u qabato si la mid ah kan maanta ka dhacay Kismaayo oo uu ku tilmaamay mid loo qabtay maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Cabdiweli oo si rasmi ah uga hadlay khilaafka isaga iyo Xasan laga sheegay

0

Britain (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Somalia C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo arrimo shaqo u jooga Dalka Britain, ayaa daboolka ka qaaday Arrimo la xiriira Khilaafka la sheegay inuu kala dhexeeyo Madaxweyne Xassan.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ka hadlaayay arintaasi ayaa sheegay inay tahay mid been abuur ah oo aan sal iyo baar ku laheyn Siyaasada dhabta ah ee ka taagan Madaxtooyada iyo xafiisyada labada Mas’uul.

Waxa uu sheegay inuu si adag u beeninaayo warar lagu qoray baraha Website-yada, kaasi oo ahaa inuu khilaaf ka dhex tagan yahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’isul wasaaraha ayaa hadalkaani sheegay xili uu ka hadlaayay kulan uu la qaatay Jaliyada Soomaalida ee dalka Britain, waxa uuna tilmaamay in wararka noocaasi ah ay yihiin kuwa been abuur ah oo ay baahiyeen websiteyada.

Sidoo kale, R/w C/wali Sheekh oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu sheegay in xiligaani la joogo uu  hanaanka Dowladnimo dalka Soomaaliya yahay mid si wanaagsan u socda, Shacabka Soomaaliyeed ee dibada ku sugana ay iska daayaan aqrinta wararka lagu qoro Websiteyada Been abuurka ah.

Dhanka kale, waxa uu Carabka ku dhuftay in xili waliba ay suuragal tahay inay dhacaan Siyaasado keeni kara kala feker duwanaansho, maadaama dadka aysan isku maan aheyn, balse ay muhiim tahay hadafka mar waliba laga wada duulaayo uu yahay muujinta wanaaga dalka iyo dadka.

Caasimada Online

Xafiiska Britain

[email protected]

Garabka Barre oo wax laga xumaaday ku qeexay arrinta uu sameeyey Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha nabadda iyo midnimada ee Jubbooyinka oo uu hoggaamiyo Barre Aadan Shire ayaa eedeen u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii shaley furay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo ka socda magaalada Kismaayo.

Cabdi Shire oo xubin ka ah guddigaas ayaa warbaahinta u sheegay in marka loo eego shirka Kismaayo ka socda ay ku kala aragti duwan yihiin madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha isagoona intaas ku daray in madaxweynaha wuxuu shaley sameeyay ay ahayd wax aad looga xumaado.

Wuxuu kaloo sheegay in ka hor inta uusan furmin shirka in ay tageen xafiiska ra’iisal wasaaraha oo ay ku dhaheen ma shirbaa furmaya 16-ka bishan waxaa naloogu jawaabay ayuu yiri waxbo ma maqlin.

Wuxuu sheegay in wasiiradda arrimaha gudaha, garsoorka iyo maaliyadda, Cabdullaahi Goodax Barre, Xuseen Cabdi Xalane iyo Faarax Sheekh Cabduqaadir ay arrinta iyaga wateen oo aaney la socod siin ra’iisal wasaaraha.

Wuxuu tilmaamay in arrinta madaxweynaha uun loo sheegay, waa dhib weyn oo qaranka Soomaaliya soo wajahay ayuu yiri.

Ugu dambeen wuxuu cod dheer ku sheegay in qaadaceen ka qeybgalka shirka ka furmay Kismaayo balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay doonayaan nabad ka dhalata Soomaaliya.

Hadalka Cabdi Shire oo ka mid ah garabka Barre Hiiraale ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Kismaayo uu maalintii 2-aad ka socdo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo uu furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Arag sawirrada sida madaxweynaha loogu soo dhaweeyay KISMAAYO

0

 

712111385413

 

Muqdisho (Caasimada Online)- Madxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shaley daah  furay shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirkan uu billow u yahay xallinta khilaafaadka ka dhex jirra dadka deggan Jubbooyinka.

Wuxuu “Maanta waxaa halkaan ka furmay shir dib u heshiisiin, dib u heshiisiintu waxay ku timaadaa dadka oo quluubtooda la isku xiro. Wado dheer ayaa la soo maray, waxaa lagu soo jiray howlo dhib-badan, waxaase mahad ilaahey ah inaan maanta halkaan nimid. Sidaad ogtihiin maamul oo dhan waxuu ku soo dhamaadaa talada dadka meesha ay ka go’do, sidaan waxay ku suurowday in maamul jiro, intaan iyo in ka sii qurux badanna waan rajeyneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo tabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, maamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso”

“Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday dadka degan gobollada Jubbooyinka inay isku dulqaataan “Wax kasta oo bilaawmaa boqoliikaba boqol sax kuma bilaawdaan ee waa in la isku dulqaataa, waa inaan dhadhansanaa wax noo qabsoomay, xoogeena iyo xoolaheenna aan iskugu geyno sidii wax badan noogu qabsoomi lahaayeen”

Shirka shaley ka furmay Kismaayo waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socdey beesha caalamka. Shirkan oo ay hormood ka tahay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka una matalayaan 13 xubnood oo isugu jira saraakiisha sarsare ee Wasaarada iyo Gudiga dib-u-heshiisiinta qaran. Xubnaha wasaaradda ka socda waxa uu waajibkoodu yahay in ay hubiyaan habsami u socodka shirwaynaha iyo in uu noqdo mid loo dhan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

1

Maxaad kala socotaa sirta ku duugan furitaanka Xasan ee Shirka Kismaayo?

0

Shirka lagu balansanaa in loo qabto Kooxihii isku khilaafsanaa Maamulka KMG ah ee Juba oo ay gar wadeenka ka aheyd xukuumada Soomaaliya xubno kamid ah, xubnahaas oo uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha Abdullahi Godax Bare si hordhac ahna heshiis loogu gaaray, heshiiskaas oo qodobadiisu kamid ahaayeen in shir dib u heshiisiin iyo dhamaysir Maamul loo qabto Kooxda Ahmed Madoobe hogaamiyo oo fadhigoodu yahay Kismaayo iyo Kooxda Col Bare Aden Shire “ Col Bare Hiiraale” oo fadhigoodu ahaa Tuulada Goobweyn, kooxdaan oo diidaneyd MKG Juba ee uu Hogaamiyo Ahmed Madoobe.

Heshiiskaas oo ahaa heshiiskii Col Bare Hiiraale loogu soo waday Magaalada Muqdisho, Ciidamadii uu hogaaminayay lagu geeyay Magaalada Kismaayo, Heshiiskaa ayaa qodobadiisu qorayeen in labada ciidan amniga magaalada ka wada qeyb qaataan inta shirka laga qabanayo iyo waqtiga ka horeeya.

Heshiiskaan ay garwadeenka ka aheyd Xukkumada ayaa la sheegayaa inuu kusoo aaday xili Raisul wasaare Abdiweli uu u anbabaxay shir looga hadlayo Amaanka Soomaaliya iyo sidii dib loogu dhisi lahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, shirkaas oo ka dhacaya dalka Britain (UK), Warar laga helay dad ku dhow xafiiska Raisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegaya in RW Abdiweli faray wasiirka arimaha gudaha in shirka dib loo dhiga ilaa 1-da October 2014 si Raisul wasaaraha iyo Wasiiradda kale ee shaqada ku maqan ugu suuragasho inay goob jog ahaadaan xiliga shirku u furmayo labada Kooxood. Wasiirka Arimaha Gudaha Abdullahi Godax Bare ayaa la sheegayaa inuu ku wargeliyey Labada kooxood-ba dib u dhaca shirka iyo xiliga loo qabtay in shirku furmo oo ah 1-da October 2014.

Kooxda Ahmed Madoobe oo aan daneyneynin dib u heshiisiin loo sameeyo iyaga iyo Kooxda Col Barre, aadna u doonaysa in Raisul wasaaraha DF Soomaaliya laga dhigo Hussein Abdi Halane oo haatan ah wasiirka Maaliyada xukuumada Abdiweli oo ka faaiideysanaysa Khilaafka xargaha goostay ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay lasoo xiriireen Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Wasiirka Maaliyadda Hussein Abdi Halane iyaga oo ka codsaday Madaxweynaha inuu Kismaayo yimaado uuna u furo shirka Dib u heshiisiinta ay sida gaarka ah u wataan kooxda Ahmed Madoobe.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo sida la sheegay xaaladu ku xun tahay, dareemayana in awoodii iyo Maamulkii DF Soomaaliya uu gacanta u galay Raisul Wasaare Abdiweli iyo Xukuumadiisa, kana rajo dhigay inuu lasii shaqeeyo Raisul wasaare Abdiweli, haatana doonaya inuu rido RW Abdiweli kuna bedelo Siyaasiga Hussein Abdi Halane si uu garab siyaasadeed uga helo xildhibaanada Beesha Kablalax ee wata MKG ah ee Juba iyo Puntland ayaa si lama filaan ah u aqbalay qorshaha Kooxda Ahmad Madoobe sidaa daraadeedna uu Madaxweyne Hassan Sheikh u tagay Kismaayo, una furay shir labadii kooxood oo loo qaban lahaa midkood goob jog-ba ahayn.

Col Bare Hiiraale oo hogaaminaya koox kamid ah labada kooxood oo shirka dib u heshiisiinta loo qaban lahaa ayaa 15/09/2014 sheegay in Wasiirka Arimaha Gudaha Abdullahi Godax Bare kusoo wargeliyey in shirka dib loo dhigay oo uu qabsoomi doono 1-da bisha October 2014, warkaan oo uusan beenin Wasiirka Arimaha gudaha Abdullahi Godax Bare.

Isku soo wada duube hadii aysan xukuumadda Soomaaliya ee uu gudoomiyo RW Abdiweli ka hadlin shirka qabyada ah oo ay furatay Koox kamid ah labadii kooxood oo isku khilaafsanaa MKG ah ee Juba ayaa arinta ka dhigaysa in heshiiskii ay goobjooga ka ahaayeen IGAD, UNSOM oo ay garwadeenka-na ka ahayd Xukuumadda RW Abdiweli ee uu Shir gudoominayeen xubnihii Golaha Wasiirada ee kala ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Abdullahi Godax Bare, Wasiirka Dastuurka Garsoorka iyo Cadaalada Md. Farah Abdulkadir iyo Wasiirka Maaliyada Dr Hussein Abdi Halane inuu gebi ahaanba ahaa mid lagu qiyaamayey Koocda Col Bare Hiiraale, Ujeedka laga lahaana uu ahaa kaliya uu ahaa in Col Bare Hiiraale laga soo bixiyo Tuulada Goobweyn oo dacalka ku haysa Kismaayo lana keeno Magaalada Muqdisho iyo in Ciidanka Col Bare Hiiraale la geeyo Kismaayo hubkana laga dhigo . Aimaha Noocaan oo kale ah iyo is jiid jiidka Madaxda Dawladda iyo indha ka laabashada beesha caalamka ayaa shacabka Soomaaliyeed gelinaya niyad jab iyo sida aan dawladnimada Soomaaliya loogu dooneyn inay caga dhigato.