28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xasan Sheikh oo Sambalooshe xilka ka qaaday, si uu awooddiisa u soo ceshto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu dambeen xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Golaha Wasiirada ee Somaliya, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Sanbaloolshe 7-dii bishaan, taa oo dhalisay is qab qabsi xagga Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.

Hadaba Digreeto uu maanta soo saaray Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa xilka looga qaaday Sanbaloolshe, iyadoo Madaxweynuhu uu Digreetadu u cuskaday qodobo Dastuuri ah.

Digreetada, ayaa sidaan u qorneyd

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markii uu arkay qodobada 90aad iyo 139 aad ee Dartuurka J.F.S, markii arkay xeer Lr yahay 14 ee soo baxay15 Febraayo 1970 kii kuna saabsanaa dhisamaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka, markii uu tixgeliyey go’aankii golaha wasiirada 18/09/2014, markii uu tixgeliyey qodobka 7aad ee sharciga Lr. 1 ee 3-dii Febraayo 1965 kuna saabsanaa nidaamka xukuumadda.

Laga bilaabo maanta oo ay Taariiqdu tahay 20/09/2014 Madaxweynaha wuxuu xilka Agaasimaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka ka qaaday Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

Sanbaloolshe, ayaa waxa uu xalay dib xoriyadiisa u siiyay Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Maamulkii Tarsan, ka dib markii 15-kii bishaan uu dagaal kala horyimid Xoogaga Nabad Suggida, xabsigana loo taxaabay.

Xil ka qaadista madaxweynaha uu ku sammeeyey Sambaloolshe, ayaa loo arkaa inay tahay tallaabo uu kusoo ceshanayo awooddiisa, maadaama xil ka qaadista iyo magacaabista taliyayaasha ciidamada ay tahay awoodda madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha la weydiistay inuu aqbalo un xil ka qaadistii Sambaloolshe, balse uu ka door biday inuu iaga xil qaadista sammeeyo, si aysan ugu ekaan in ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo la wareegaya wooddiisa.

Caasimada Onlin

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xiisada u dhaxeysa Xasan & C/Weli oo keentay in C/W uu bixiyo amar yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogeysanaaya khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Somalia, iyadoo saamayn weyn ay ku yeelatay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somalia, kuwaasoo la kala saftay masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda.

Xilli ku dhawaad 100 oo  ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay hoteelada Magaalada Muqdisho ku karkarinayaan mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Somalia Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu culeys ka soo fuulay dhinaca Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu la kulmay tiro ka mid ah Wasiirada lala xiriiriyo Ra’iisal Wasaaraha, taasoo keentay in Ra’iisal Wasaaruhu uu ka boodo, isla-markaana uu hakad geliyo shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiistii dhici lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu siyaabooyin kala gedisan ula kulmay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg iyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed.

Wasiiradaan oo qayb ka ah xubnihii soo eedeeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kana dambeysay in shaqada laga eryo, ayaa wuxuu Madaxweynuhu ku eedeeyay in wax aanu ogayn ay ku dhaqaaqeen, isla-markaana uu ka xun yahay inay gacan bidixeeyaan

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa ku waramaya in Wasiiradu ay cudurdaar ka bixiyeen wixii dhacay, isla-markaana ay Madaxweynaha Somaliya kala tashan doonaan doorkooda ku aadan Golaha Wasiirada, kolka ay noqoto wax go’aaminta.

Ra’iisal Wasaaraha oo hakiyay shirkii Golaha Wasiirada

Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo booqasho ku jooggo Magaalada London, ayaa dorraad waxa uu la soo xiriiray Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta anshax dhowrista, wuxuuna ku wargeliyay inaanay kulmi karin Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada oo  isu soo diyaariyay inay ka qaybgalaan fadhigoodii Khamiislaha ahaa, ayaa waxaa loo sheegay inaanu wax kulan ah jirin, isla-markaana ay fasax yihiin, dibna ula midoobaan qoysaskooda ilaa Sabtida.

Sida caadada ahba Golaha Wasiiradu waxay ku kulmaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, waana taa midda keentay in ay dib u celiso qaybta anshax dhowrista, xilli ay isu soo duba rido kal fadhiyada Golaha Wasiirada.

Arrinta xiisaha leh, ayaa waxay tahay in wax kasta oo ka dhaca  Madaxtooyada Somaliya, ay xogtoodu si buuxdo u helaan xafiisyada
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxaana kuu muuqaneyso in macluumaadka ay u helaan qaab hoos isu waran ah.

Xurgufta u dhaxeyso Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa xilligaan si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay dadka qaar hadalhayaan, waxna iska weydiinayaan khilaafaadka soo noq noqday ee ku aadan, in Madaxweyne kasta ay is qabtaan Ra’iisal Wasaarihiisa.

Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ra’iisal Wasaaruhu uu soo gaba gabeen doona socdaalka uu ku jooggo Boqortooyada Britain, dibna uu ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho si uu kaga hortaggo hujuumka kaga imaanaaya garabka Madaxweynaha.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu heysto dhaqaalo in ku filan ah, haddii ay noqoto mooshin laga geeyo Baarlamaanka, si lacagtaasi uu ugu adeegsado Xildhibaanada difaaceysa.

Ugu dambeen khilaafka Madaxda waxa uu cirka isu shareeray, markii xilka laga xayuubiyay Sanbaloolshe, ayna soo baxeen warar sheegaaya in Ra’iisal Wasaaruhu uu shaqada ka eryi doono Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), xillil xanaasad lagu soo eedeeyay.

Isha: Dhacdo.com

AXMED DAACI oo shuruudo adag lagu sii daayey kadib muddo uu u xirnaa DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci” ayaa lasii daayay xiligii danbe ee Jimcihii (19-09-2014), kadib mudo 35 cisho ah oo uu ku xernaa xabsiga Godka Jilacow.

Sida ay ku waramayaan illo muhiim ah, waxay sheegayaan in Axmed Daaci, sii deysmadiisa ay ka danbeysay wada hadalo mudooyinkii danbe u socday madaxda Dowladda, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Mudullood, oo Madaxweynaha cadaadis ku haayay sidii loo sii deyn lahaa Axmed Daaci.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxda Dowladda ay aqbaleen, codsiga waxgaradka, hase ahaatee shuruudo lagu xeray sii deysmadiisa, taasoo uu Axmed Daaci aqbalay, sidaasina uu ku helay xorriyadiisa.

Shuruudaha ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin, inuusan wax dhaqdhaqaaq ah ka sameyn karin Muqdisho, inuusan noqon qof ku hubeysan hub fara badan, loona ogolaaday wax uu naftiisa ku ilaaliyo oo aan ka badneyn sedax ilaa afar askari iyo in uusan mucaaradnimo u muujin dowladda.

Axmed Daaci ayaa 15-kii bishii Agoosto, la xeray, kadib maarkii ciidamada Nabadsugida iyo kuwa AMISOM ay howlgal qorsheysan ku qaadeen xili saq dhexe ah, oo maliishiyada Axmed Daaci hubka looga dhigay, waxaana howlgalkaasi ka dhashay dagaal culus oo maliishiyada Axmed Daaci kaga hortageen ciidamadii weerarka kusoo qaaday ee Nabadsugida iyo AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mas’uul sare oo DFS ka tirsan oo goor dhow dhaawac culus loogu geystay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Maareeyaha Garoonka Muqdisho Cali Madoobe usan dhiman.

Maxamed Qoorsheel Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Siciid ayaa tilmaamay in Cali Madoobe uu yahay dhaawac, islamarkaana ay Dhakhaatiirta Caafimaadka ku dadaalayaan sidii uu ku heli lahaa Caafimaad.

Wasiir Maxamed Qoorsheel waxa uu sidoo kale, Cadeeyay in Cali Madoobe uusan dhiman oo uu xiligaani nool yahay, balse ay dhinteen qaar kamid ah ilaaladiisa, oo xilliga gaariga la rasaaseenaayay la socday baabuurka.

Dhanka kale, Cali Madoobe oo ahaa Maareeyaha Garoonka Muqdisho ayaa waxaa hada xaaladiisa caafimaad lagu dabiibaayo Isbitaalka Xalane ee Amisom.

Inkastoo Wasiir Qoorsheel uusan si dhab ah faah-faahin uga bixin dhaawaca culus ee soo gaaray maareeyaha Garoonka Muqdisho, ayaa warar lagu kalsoon yahay, waxa ay xaqiijinayaan in dhaawaca Cali Madoobe uu yahay mid aad u culus.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdishio

[email protected]

Video: SHEEKH UMAL oo jawaab culus ka bixiyey buug uu qoray nin Somali ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa si kulul u naqdiyay buug uu qoray Qoraa Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil, buugaasi oo lagu magacaabo Xadka Riddada Maxaa Ka Run?, oo la macno ah (Xukunka Qofkii Diinta Ka Baxa Maxaa Ka Run ah), wuxuuna Sheekh Umul uu riddiyay buugga qoraaga qoray.

Sheekh Maxamed umul ayaa Buugaani ku tilmaamay inuu xambaarsan yahay Gaalnimo cad oo weliba Malab la dhex geliyay, isagoo ugu digay halista uu leeyahay buugaani.

Buuggaani ayuu sidoo kale sheegay in dhamaan qodobada ku qoran dhamaantood ay yihiin kuwo xambaarsan Gaalnimo cad iyo qaladaad fara badan oo Shareecadda Islaamka uu ka galay.

Qodobada uu ka carooday Sheekh Umul ayaa waxaa ka mid ah Qodob uu qoraagu buuga uu ku haystaa Culumada iyo Muslimiinta “Maxaa u leedihiin Diinteena kaliya ayaa xaq ah, Maxaa ugu faraxdaan markuu qof gaal ah Islaamo, maxaase ugu naxdaan qof Muslim ah markuu aado diinta diimaha kale ileen diin sax ah buu aadayee, qofka diinta Islaamka wuu ka bixi karaa, murtadna lama dhihi karo, lamana dili karo”qodobadaasi iyo qodobo kele oo alle ka furasho ah.

Qoraaga Buugga ayaa sidoo kale wuxuu meel ka dhac uu u geystay Nabi Muxamed CSW isagoo isweydiiyay in Nabi Muxamed bililiqo ku nool uu ahaa.

Kitaabkaan ayuu sheegay Sheekh Umul in uu ku saleysan yahay dhowr arrimood oo ugu horeyso in lagu xumeeyo Diinta, Gudbinta afkaarta Mushrikiinta Diinta baratay iyo qodobo kale oo loo dul qaadan karin in la aqristo lana iibsado buuggaani.

HALKAN KA DAAWO FARIINTA SHEEKH UMUL

Miriqshaalleynta iibka badda SOMALIA

0

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuudow, kuma hayso baahi aad u iibisid badda Soomaaliyeed ee ummaddan la il daran faqriga, jahliga, tala xumada, iyo qabyaaladda, ha ka ridin isha kaliya ee hadda uun u soo bikaacatay.

Baddan ay Kenya hunguriyeyneyso, waa tii ay Somalia uga bixi laheyd qarniyaal saboolnimo iyo dib u harsanaan ah!

Somalia waa dal nasiib ku leh meelo badan, haddana ku nasiib daran meelo muhiim ah: Tirada Soomaalida dalka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 7 ilaa 8 malyan.

Dadka intaa la e’g, waxay haystaan dhul iyo bad aad u weyn oo leh khayraad badan oo ay Soomaalidu kala soo bixi karto nolol aad u fiican, haddii ay la timaado biseyl, aqoon, dal jaceyl iyo hufnaan.

Soomaalidu, horta waa ka dhimatay dal jaceyl iyo hufnaan. Waxaa jirta in Ingiriisku, qiyaastii 50-70 sano ka hor, Somalia ka jaray dhul weyn oo uu ugu deeqay dawladaha Krishtaanka ahee Somalia deriska la ah oo kala ah Itoobiya iyo Kenya.

Soomaalidu waa dad firfircoon oo qab weyn. Waa dad lagu tilmaamo dagaal yahanno geesiyaal ah oo taa kaga soocan, inta badan, shucuubta adduunka. Waase Muslin, haddana madax adag oo isla weyni ku asteysan. Soomaalidu waxay iskala weyn tahay oo ay si bareer iyo badawnimo ah u yastaa Ummadaha adduunka dhammaantood, gaar ahaan: Carabta, Afrikaanka madow, iyo ninka cad ee Yurubiyaanka ah, kaas oo ay u arkaan ( waa Yurubiyaanka ee) najaas iyo wax rag lagu tilmaami karin.

Yasidda ninka cad ee gaalka ah waxay, qeyb ahaan, ka dab qaadanayaa diinta Islamka (INNAMAL MUSHRIKUUNA NAJASUN … ). Waxaase intaa u sii dheer oo fekerkaas sii xoojinaaya dhaqanka, badawnimada iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdulle Xasan oo tilmaamaaya Ingiriiskii la dagaallamaayay: waa kii gabayadiisa ku soo daray ereyadan: — gaalka xaylka leh , — doora-weynaha, iwm.

Qoraaga weyn oo Ingiriiska ah, Ioan Lewis, oo looga dambeeyo aqoonta uu Soomaalida u leeyahay, wuxuu Soomaalida ka qoray: in ay bareer iyo caadyaal u yasaan dhammaan dadyowga kalee dunida. Eeg buuggiisa “Understanding Somalia and Somaliland”, bogga 25-aad.
Dunidan waxaa waqtigan ugu xoog badan, ugu awood badan, uguna hormarsan Yurub iyo Ameerika oo ay hadda soo raaceen, China iyo India. Intaba kuma jiro dal Muslin ah. Kuma jiro dal madow.

Sideedaba, waa adag tahay in Soomaali la jeclaadaa. Faqiir caga cad oo haddana qab weyn, dagaal badan, aan cidina ka haybeysan. shar kama-tiire ( ama biime) iska ah, dhexdoodana aan laheyn talo iyo muwaafaqo iyo iskaashi. Aan danahooda gaarka xataa ka heshiin karin. Bal adigu si’ dheh! Waa dadka aaminsan in ay Mareykanka ka adkaadeen oo ay soo eryeen 1993-kii (BLACK HAWK DOWN). Dagaalkaas Soomaalidu waa ay muujisay in ay dagaal yaqaannaan, geesiyaalna yihiin. Laakiin waxay kaloo muujiyen inay hawtul-hamag yihiin oo aanay dunida qiyaas fiican ka haysan.

Mareykanna, intaas buu fahmay oo gogoshiisa ka soo laabtay. Halis weyn baan is-gelinnay. Ka warran Mareykanku haddii uusan naga roonaadeen oo uu Muqdishaba ciidda la simi lahaa.

Geesinnimo aan marinkeedii helin baan ku faaneynaa. Mana ogin halista aan galnay.

Nasiib darrooyinka Soomaalida waxaa kaloo ka mid ah: ma aha dad ay ku fog tahay waxa la yiraa ‘waddaniyadd’. Ma aha dad nidaam iyo qaanuun jecel. Reer guuraanimada ayaa uga jirta dhuuxa iyo lafaha. Waa dad ay qabyaaladi dilootay oo qiime beelay!

Asbaabahaas iyo qaar kale oo jira awgood, Maanta badda Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa in Kenya lagu wareejiyo.

A. Ma jiro saaxiib ay Somalia isku halleyn karto. Kenya waxaa la jira, oo Somaliana indho iyo ta-taliyeba u ah, Norway. Badda waxaa u sii jiidaaya xagga Kenya, waa Norway. Shirkadaha shgiddaalka bara ee Norway baa haddatan ku hawlan inay shidaal ka qodaan badda Soomaaliyeed, iyagoo heshiis la saxiixday Kenya. Dawlada Federaalka ee Somalia riwaayad rakhiis ah bay ino dhigeysaa:

Waxay naga dhaadhicineysaa oo ay leedahay: Kenya waxaan ku dacweynay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ) oo ku taal magaalada Hague. Shirkadda Norway laga leeyahay (Somalia accuses Norwegian oil explorer DNO of destabilising country )

B. Somalia, wixii ka dambeeyay burburkii, lagu ma baran madax hufan oo waddani ah.

Mar sii horreysay waxaan qoray: “Dawladda federaalku waxay qorsheyneysaa in ay badda Soomaaliyeed ay ku wareejiso Kenya. Arrinka waxaa wax ka wada Norway. Dawladdu hadda waxay iila egtahay inay dooneyso in ay cash ka dhigato oo ay caddeysato, wax alle wixii u gadmi kara. Waxay ku taameysaa, baan isleeyahay: jeebka buuxso inta aad kursiga ku fadhidid.

Dawladdan laba sano ka yar baa u harsan. Hawshu waa ka gaarsis. Waa sababta Kenya loogu furay dacwadas badda la xiriirta ee Maxkamadda ICJ ah. Waa xeelad ay dawladdu la timid, markii ay weysay hab kale oo ay badda ku iibiso. Legdan bay galeysaa oo looga adkaanayo.

Waa la legdayaa, xoogaa lacag ahna waa la siinayaa. Waa xeelad cusub oo lagu xadi karo hantida dadweynaha. Kenya iyo Noraway mar sii horreysay ayaa laga riday baddan. Barlamaankii ku meel gaarka ahaa ee dawladdii Shariif Axmed ayaa dhaliyay guushaas taariikhda gashay. Hawshii ay qabteen baa hadda loo qayilay sidii loo fashilin lahaa. Doolarkaas ayaa u daran dawladdan ee waddan iyo mustaqbal, waxba kama gelin. Waa ra’yigeyga! Adiguna kaaga ka hadal.”

Maqaalkaas waxaa soo qoray website-yo aan labaatan ka tareyn. Dawladda Frderaalka waa ay ka xanaaqday. Isla maalintii xigtay maaha, ee saacado gudahood bay maqaal jawaab iyo inkirmaad ah soo dhigaty Hiiraan.com.

Avv. Dr. Cabdulqaadir “Tallman”

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

ASKARIGA IYO NOLOSHA MUQDISHO!!

0

Mudane & Marwooyin

Magacaygu waa Dahabo Yusuf, waxaan ahay sargaalad katirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Waxaan ku noolahay Magaalo madaxda Muqdisho. Da’deydu waa 42 jir, waxaan koriyaa 3 caruurah oo agoon ah, waxaan deganahay 1 qol oo kiro ah. Mushaar keygu waa $130 bishii. Qarashkeyguna waa:

Mushaar                              $130
Qarash
Kirada guriga  50
Koronto  30
Biyo  30
Raashin 300
Iskuulka caruurta   30
Dhar   30
Caafimaad   30
Wadar                                  $500
Deyn                                  (350)

Mud & Mar: Magaceygu waa Raage Ugaas 32 jir XDS kana howlgala  magaalo madaxda dalka.

Anigu waxaan 2 sano kujiray furinta, waaku soo dhaawacmay, hadda waxaan waardiye u ahay nin “Xildhibaan” ah. Wuxuu isiiyaa $100 bishiiba. Dhar waxaa ii ah Tuutahaygii aan furinta kala imid. Waxaa hoy ii ah daarada guriga aan ku waardiyeeyo Xildhibaanka oo aan isku cid nahay. Halkaasaa anagoo 4 askari ah ku cunteynaa habeenkiina aan seexanaa ganjeelka dhinaciisa. Gurigu waa weyn yahay laakiin inaan galno nalooma ogola bal hal qol oo nalaga siiyo daaye.

$100 jaad baan ku cunaa si aan isku ilowsiiyo fikirka badan iyo marxaladda adag ee nolosha iyo inaanan xusuus ugalin waxyaabaha aan tabanayo ee madaxeyga ka guuxaya.

Waarid key inaan caawiyaan jeclaan lahaa, reer iyo nolol baan rabaa iyo inaan  cisi iyo sharaf bulshada kula noolaado. Isbaaro majecli laakiin anaga (askarta) ayaaba isbaaro na hortaalaa.

ONLF horrey baan ugu hanweynaa 30 guuradii kadibna waa ku kalsoonaaday

0

Qormadeena Duljoogso ee todobaadkan waxaynu ku eegaynaa cinwaanka sare oo ah mid micno wayn xambaarsan isla markaasna ka tirjumaya dareenka dhabta ah ee xiligan ka soo ifbaxaya guud ahaan umada Soomaaliyeed, sida lala wada socda umada Soomaaliyeed 5 meelood ayay gumaystayaashii reer Yurub u qaybiyeen waxaana xoroobay 3 ka mid ah oo ay labo noqdeen Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya halka ay Jabuutina goonideeda dawlada garab adag oo walaalkeed ah ku tiirsan ay noqotay.

Waxaa wali qaybsigii gumaystayaasha ku maqan Ogaadeenya& NFD waloow aysan umada Soomaliyeed raadinta labada maqan ka hawlyaraysanin hadana Alle ma qadarin in lagu guulaysto soo celinta gabanimada Ogaadeenya & NFD khaladaad loo sababsanayana way dheceen, hadaba iyadoon himiladii la gaadhin waxaa dumay qarankii ay labada gumaysiga ku hadhay ku hiranayeen Jabuutina ay ku tiirsanayd waxaana guud ahaan umada Soomaaliyeed ku habsatay dhibaato culus oo si weyn u saamaysay.

Dhibatada Soomaali oo dhan saamaysay waxay inteeda ugu badani ka dhalatay burburkii dawladii dhexe ee Soomaliya ku yimid wuxuuna burburkaasi si weyn u waxyeelleeyay jiritaanka jinsiga Soomaaliga ah waxaana ka dhashay khataro ilaa haatan maaro loo la,yahay, mudada ay dawladii dhexe ee Soomaaliya burbursantahay oo 24 sano ku siman waxaa la soo maray marxalado kala duwan waxaana marba marka dambaysa soo baxayay isku day la doonayo in umada Soomaliyeed lagu daba qabto waxaase barbar socday gacmo aan daacad ahayn oo dadaal walba markuu midho dhal ku dhawaado bawd faruurayay.

Intii uu qaska xoogani Soomaaliya ka jiray waxaa isna socday halgan marba marka ka dabaysa cudud & awoodi u kordhaysay oo lagu baadi goobayo gobanimada dalka & dadka Ogaadeenya halgankaas oo ah mid qori isu dhiib ah waxaa gadhwadeen manta u ah Ururka ONLF oo dambaskii halganadii ka horeeyay ka dhashay.

Ururka ONLF wuxuu qaatay mas’uuliyada shacabka Soomaalida Ogaadeenya wuxuuna ku guulaystay in ay iyagu dhexdooda is badbaadiyaan inkasta oo ay mararka qaarkood dhacaan colaado uu gumaysigu shacabka ka dhex huriyo hadana waxaa hubaal ah hadii uusan Ururka ONLF arintaas u istaagin in uu isku dhaca shacabka Soomalida Ogaadeenya intaas ka badan lahaa.

Sida lagawada dharagsanyahay Ururka ONLF wuxuu la dagaalamayaa dawlad guun ah isla markaasna umada Soomaaliyeed guud ahaan cadaawad u haysa doonaysana in ay sii murgiso xaaldaha kacaa kufka ah ee Soomaali dib loogu yabyabayo, Ethiopia lafteedu ma tabar badna hoosta ayayna ka gubanaysaa balse xaalkedu waa cadawgaaga dhuux Sagaaro ugu subko & cimri dherersi dhibaatda Soomaaliya ayayana ka faa’iidaysanaysaa.

Marar badan ayaa shacabka Ogaadeenya gudaha Soomaliya & Jabuutiba lagu waxyelleeyay gumaysiga arxanka darana loo gacan galiyay iyadoo ay fulinayaan qaar ka mid ah madaxda Soomalida oo danaha Ethiopia fulinaya, qorshaha gumaysigu waxaa weeye in Ururka ONLF xanaaqo kana jawaabo talaabooyinka guracan ee Siyaasiyiinta Soomalidu ku dhaqaaqayaan.
Ururka ONLF oo ujeedo durugsan leh kana duulaya barnaamij siyaasi ah oo xidido fog u aasanyihiin wuxuu muujiyay dulqaad wuxuuna meel mariyay in shacbka Ogaadeenya ay iyaguna Samir weheshedaan shirqoolada gumaysigana aysan ku dagmin, dhanka kale Ururka ONLF mawqif cad ayuu iska taagay arimaha Soomaliya wuxuuna marwalba soo bandhigaya talooyin ay ka muuqdaan wadaniyad & lexejeclada ay midanimada umada Soomaliyeed ka qabaan, sidaas daraadeed maanta shacabka Soomaaliyeed waxay garwaaqsadeen in Ururka ONLF ay Soomalinimadu ku dheertahay.
Waxaa iyana Shacabka Soomaaliyeed u cadaatay in Ururka ONLF uu Ethiopia quusiyay kagana adkaaday dhinacyada siyaasadeed, ciidanka & bulshadaba, hadaba odhaahda maanta ee shacabka Soomaaliyeed waxay u badantahay waan u hanweynaa horayna u ogaa in Ururka ONLF rajada Umada Soomaaliyeed yahay haddana si dhab ah ayaan ugu kalsoonaaday kadib 30 sano oo ay ku halgamayeen duruufo aad u qalqalafsan isla markaasna meeshii ay garab & taageero ka heli lahaayeen uu cadowgu u dhex fadhiistay.

Isku soo wada duuboo Ururka ONLF oo 30 jirsaday ayaa sanadkan si kama dambays ah cududiisa u soo bandhigay isla markaasna taageerada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed hantay wuxuuna muujiyay rajo dhab ah & hididiilo, qabkii umada Soomaaliyeed ayuu Ururka ONLF soo celiyay wuxuuna badbaadiyay damiirkii da,yarta Soomaaliyeed gaar ahaan filka qurbaha oo ay dhalinyarada ONLF taageertaa hogaanka u qabteen.

W/Q: Maxamed Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawirro: Rubuc dhallinyaradda Italia ka mida waa xashiish-cabayaal (Daraaso)

0

Malta (Caasimada Online) – Daraasaad sannadeedka Waaxda La-dagaalanka Daroogadda ee Talyaaniga ayaa soo bandhigtay inay aad u kordhayso tiradda Dhallinyarradda Talyaaniga ee da’da Tobaneeyo jirka (Teenagers).

Afartii dhallinyarro mid ka mid ah waxa uu igu yaraan hal mar isticmaalay daroogo sannadkii la soo dhaafay. Daraasaadda waxaa lagu xusay in la wareystay 31,661 arday oo da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 19 jir, waxaana la ogaaday in 23.46% inay Xashiish isticmaaleen sannadkii hore.

Tiradda ayaa muujinayso inay 2% sare u kacday tan iyo sannadkii 2013-kii, xilligaasi oo ay tiraddu ahayd 21.56%. Wargeyska La Stampa ee ka soo baxa Talyaaniga ayaa xusay in tiro aad u tar o oArday ah laga helay inay isticmnaaleen Daroogadda khatar ah ee Koka’iin (1.58% marka la barbar dhigo sannadkii 2013-kii oo ahayd 2.05%).

Sidoo kale, Daroogadda Herowiin (Herin) waxay hoos uga dhacday 0.21% halkii ay horey ka ahayd 0.36%. Daroogadda Xashiishka (Cannabis) oo aad looga isticmaalo guud ahaan dalka Talyaaniga waxaa la ogaaday inay sii kordhayaan.

Xogta Warbixinta ayaa lagu sheegay in 17 magaallo aad looga isticmaalo Xashiishka, iyadoo 10.96% korodhay isticmaalka Xashiiska. Inkastoo ay Talyaaniga sharci-darro tahay isticmaalka Xashiishka, waxaa aad u sii kordhayo isticmaalka Marjuwaanaha.

Warbixinta waxaa lagu soo qaatay dadka u dhinta isticmaalka Daroogadda, waxaana la sheegay in tiradda dhimashadda Daroogistayaasha ee sannadkii hore ahayd 344 dhimasho, marka loo qiyaaso sannadkii 1999-kii, oo ay 1,000 qof u geeriyoodeen Daroogadda.

Bilowgii bishan, Milliteriga Talyaaniga waxay sheegeen inay qorshaynayaan sidii loo saari laaha daawo laga farsameeyey daroogadda khatarta ah ee Marjiwaanaha.

Waxayna soo-saarista Daawada daroogadda laga farsameeyey laga bilaabay Wershad ay Ciiddanka Talyaaniga ku leeyihiin magaalladda Florence.

Malta malta 9 malta 8 malta 5 malta 6 malta 7 malta 4 malta 3 malta 2 malta 1

Caasimada Online

Xafiiska Malta

[email protected]

AFEEY oo SOMALIA uga hiiliyay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Kenya dano gaar ah ay ka leedahay dhismaha maamulka Jubba, isaga oo xusay in sheegashadaas ay tahay mid aan sal laheyn, ayna ka dambeeyaan dad aan doonaynin nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Afey oo wareysi ku saabsan shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega Gedo iyo Jubbooyinka uga warramayay wargeyska The Standard  ee ka soo baxa magaalada Nairobi, ayaa sheegay in dhismaha maamulka Jubba uu ka mid yahay maamullada waafaqsan arrimaha federaalka ee ay dowladda Soomaaliya ka hirgelinayso gobollada dalka.

Danjirahay ayaa sheegay in dadka ku nool gobolladaas ay doonayaan in ay dhistaan maamul, isla markaana Urur goboleedka IGAD uu ku hambalyaynayo in dadku ay qaataan nabadda iyo in ay xoojiyaan maamulka.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sidoo kale sheegay in IGAD, ay ka qeyb qaadatay in ay hubka ka dhigaan ciidankii uu watay Col.Barre Aadan Shire (Hiiraale), isla markaana ay ku qanciyaan in ay ka qeyb galaan shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka, si looga hortago in markale la daadiyo dhiigga shacabka aan waxba galabsan.

Wakiilka ayaa xusay in dhismaha maamulka Jubba, uu tusaale u noqon doono maamul loo dhiso gobollada kale ee loo soo jeediyay in ay samaystaan maamul ay ku midaysan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: MUQDISHO iyo muuqaal cusub

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.

Muqdisho maanta bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan wax weyn ayaa iska badal dhanka Horumarka, ganacsigana magaalada waxaa lagu arkayaa isbadal dhinacyo badan leh ee nala daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay & Muuqaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Xog: R/Wasaare Cabdi Weli Sheekh oo ay Britain ku heysato arrin xasaasi ah

0

Britain (Caasimada Online )- Warar lagu kalsoon yahay oo laga helaayo dhanka Wufuuda Dowlada Federaalka Somalia ee Ingriiska xiligaani Jooga, ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed uu Madaxda Dalka Britain gaar ahaan Xoghayaha Arrimaha dibada Dalkaasi kala hadlay Arinta Safaarada Somalia ee Britain oo xiligaani ah Safiir la’aan, kadib markii halkaasi laga soo ceyriyay Safiirkii ku magacawnaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha Somalia lagu wargaliyay in Dowlada Britain aysan xiligaani aqbali doonin Safiir loo soo magacaabo Safaarada oo gaf ama sharaf dhac u geysta Madaxda Britain.

Xoghayaha Arrimaha Dibada, ayaa la Tilmaamayaa inuu ku dooday in Dowladiisu ay garab istaagto Dalka Somalia, balse awaal looga dhigo gaf laga gala Siyaasada dalka, waxaana la sheegayaa inuu Tusaale usoo qaatay Safiirkii hore ee Somalia, xiligaana ah Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sambaloolshe.

Ra’isulwasaaraha dalka C/weli sheikh Axmed ayaa isaguna dhankiisa ka dalbaday Xoghayaha in Dowladiisu Britain raali ka noqoto Falkii uu ku kacay C/llahi Sambaloolshe kaasi oo ahaa inuu si aan habooneyn u adeegsaday diblumaasiyada.
Dhanka kale, Ra’isulwasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa u ballan qaaday Britain in DFS ay ka fiirsan doonto Safiirka ay usoo magacaabi doonto Dalka Britain.

Caasimada Online
Xafiiska Britain
[email protected]

Col. Barre Hiiraale oo lagu yiri “Xilligii qabqable-nimada waa dhammaatay”

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Axmed Madoobe ayaa ka hadlay qaadacada uu Barre Hiiraale ku sameeyay shirka ka socdo Kismaayo, waxaana ay sheegeen in Barre Hiiraale maqnaanshiyahiisa shirka dib u heshiisiinta aanu wax saameen ah ku yeelan doonin.

Wasiirka warfaafinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Ibraahim Baajuuni oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan beelaha deggan Jubbooyinka iyo Gedo oo gaaraya 38-in dhammaan ay ku sugan yihiin shirka oo ay ka soo qeybgaleen.

Wuxuu sheegay in Barre Hiiraale uu yahay shaqsi isla markaana wax saameen ah aanu ku yeelan doonin shirka ka qeybgalkiisa.

Ibraahim Baajuuni ayaa carabka ku adkeeyay in weli uu fursad heesto Barre Hiiraale si uu uga soo qeybgalo shirka Kismaayo haddii kale aan loo hakin doonin.

Wuxuu sheegay in xilligii qabqabnimada ay dhammaatay oo Barre Hiiraale loo baahan yahay in uu qaato nabad oo dadkiisa uu raaco haddii kale laga tashan doono sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka wasiirka warfaafinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Barre Hiiraale uu qaaday shirka dib u heshiisiinta ee maalintii 4-aad ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Hoolka shirka Kismaayo ka socda oo la faarujinayo & Shir kasoo horjeeda oo..

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo Dagmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo qabanqaabada shir la sheegay in looga soo horjeedo kan ka socda Magaalada Kismaayo.

Shirkaani ayaa la sheegayaa in 20 ka bishan uu ka furmi doono dagmada Garbahaarey, iyadoona lasoo warinaayo in halkaasi ay kusii qulqulayaan Wufuud isugu jirto Siyaasiyiin,ganacsato iyo waxgarad ka gadooday shirka xiligaani ka socda Magaalada Kismaayo oo uu Hoggaaminaayo Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe.

Aqoonyahaan Maxamed Aadan Cali oo kamid ah dhalinyarada kasoo Jeeda Goboldaasi islamarkaan Shirkan wax ka wada ayaa sheegay in looga soo horjeedo shirka ka furmay Magalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ee looga hadlayo aayaha jubbooyinka.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in shirka uu u dhici doono sidii loogu tallo galay, waxa uuna Carabka ku dhuftay inay kasoo qeybgali doonaan Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo gadooday Shirka hadda ka socda Kismaayo.
Dhanka kale, Qabsoomida Shirkan ayuu sheegay mas’uulkan in uu ahaa qorshe horey loodajiyey oo ujedkisu ahaa ku sixida khaladadka kasoo baxa Shirka Kismaayo.

Shirka ka furmay Magalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ee looga hadlayo dib u heshiisiinta dadka daga Goboldaaasi ayaa waxaa daah furay Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana jira warar is Khilaafsan oo sheegaya in inta badan ay ka baxeen Beelihii degnaa Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Somalia oo warar khuseeya Khaatumo si caajiba uga shanqarisay

0

London (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo isaga iyo wafdii uu hoggaaminaayo ay ku sugan yihiin magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la weydiiyay bal sida uu hada uu arko duulaanka ciidamada Somaliland ay ku qaadeen maamulka Khaatumo oo doonaya in Soomaaliya ay mid ahaato.

Wuxuu sheegay in dadka deganna Sool, Ceyn iyo Sanaag oo uu ka dhisan yahay maamulka Khaatumo in xiriir fiican uu kala dhexeeyo dowladda oo ay xittaa xildhibaano ku lee yihiin baarlamaanka.

Ra’iisal wasaaraha oo u warramaya Idaacadda Dowladda ayaa sheegay in cid kasta oo maamul dhisaneysa in ay soo dhaweenayaan xaqna u lee yihiin dadka deggan gobaladaas in ay maamul sameestaan balse wuxuu yiri waxaa looga baahan yahay in ay waxooda iyaga xal ka gaaraan.

Waxaa la weydiiyay xiriirka Somaliland iyo dowladda fedaraalka, wuxuu tilmaamay in weli wadahadallada labada dhinac ay socdaan isla markaana Soomaalida meel kasta oo ay joogaan aanu kala maarmin balse laga warsugaayo natiijada ka soo baxda wadahadallada.

Ra’iisal wasaaraha mar la weydiiyay doorka saxaafadda Soomaaliya, wuxuu sheegay in saxaafadda Soomaaliya ay gaartay meel sare loona baahan yahay in aan la caburin oo aan lagu dhibin shaqadooda sida uu yiri.

Wuxuu sheegay xilliyadii hore in gaari cod baahiye uu ku rakiban yahay lala aadi jiray goballada balse maanta isagoo ku sugan London adduunka dhan hal mar codkiisa laga daawaan karo ama laga dhageesanaayo.

Waa markii ugu horreysay oo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu ka hadlo dagaallada ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool halkaasoo ciidamada Somaliland ay ka qabsadeen maamulka Khaatumo ee uu madaxweynaha u yahay Cali Khaliif Galeyr.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Colonel Barre Hiiraale oo ku wajahan Garbahareey & xog laga helay ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in korneel Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) uu ku wajahan yahay Magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo, halkaasoo 20-ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah uu ka furmaayo shirweyne looga hadlaayo aayaha gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkan oo ay qaban qaabidiisa lahaayeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa looga hadli doonaa shirka ka furmay Kismaayo iyo saamiga ay ku lahaan karaan beelaha deggan gobalka Gedo maamulka Jubba.

Barre Hiiraale oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta ama berri uu gaaro Garbahaareey si uu uga mid noqdo shirka halkaas ka dhacayay sida ay lee yihiin ilo xog ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online.

Sida qorshaha uu ahaa shirkan ayaa la qaban lahaa ka hor shirka Kismaayo oo horrey loo iclaamiyay 1-da bisha soo socota balse 16-kii bishii hore uu  waxaa ka socota qaban qaabada shir dib u heshiisiin oo ay yeelanayaan beesha Sade, waxaana lagu wadaa shirkaas in uu ka qeybgalo Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).

Qaban qaabayaasha shirka ayaa sheegaya in shirkan horey loogu dhawaaqay si ay uga soo qeybgalaan odayaasha, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalka Gedo ee ku sugan Nairobi, Itoobiya, Xamar iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

Ma cadda wax yaabaha keenay shirkan xilli shir kale oo dib u heshiisiin oo uu furay madaxweynaha uu ka socdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beesha Ilka Xanaf oo diiday qorshe ay wataan Xasan Sh & Faarax C/Qaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday guddoomiyaha maxkamadda qaranka, Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf in uu xilka ka tago, waxaa arrintaas si weyn uga hadashay beesha Dir ee uu ka soo jeeda Ilka Xanaf gaar ahaan beesha Isaaq.

Suldaan Ceyduruus Suldaan Saalax Suldaan Ibraahim oo ka mid ahaa salaadiintii wax ka soo xulay baarlamaanka Soomaaliya isla markaan ay isku qabiil yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, ayaa tilmaamay in madaxweynaha iyo wasiirka garsoonka Faarax Sheekh Cabduqaadir ay wadaan qorshayaal ay ku faragalinayaan hey’adda garsoorka oo ah kuwa madax banaan.

Wuxuu ka codsaday madaxweynaha in uu ka laabto go’aanka uu Ceydiid Ilka Xanaf uu uga codsaday in uu ku soo wareejiyo warqadda istiqaaladiisa si loo magacaabo ruux badala.

Suldaanka ayaa tilmaamay in abukaate Ceydiid Ilka Xanaf uu yahay qof da’ ah oo aqoon iyo xirfad u leh hey’adda garsoorka dalkana wax badan u soo qabtay isagoona intaas ku daray in uu xilka hayo uu ku matalaayo beesha uu u dhashay oo haddaba ay shan ama lix kursi ay uga maqan tahay dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Suldaanka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in markii meesha laga saaray xeer ilaaliyihii qaranka in madaxweynaha uu u soo jeestay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalkaas taasna wuu ku tilmaamay mid ayaan darro ah.

Beesha uu ka soo jeedo Ilka Xanaf oo ka soo horjeestay qorshe ay wataan Xasan Sh & Faarax C/Qaadir
Beesha uu ka soo jeedo Ilka Xanaf oo ka soo horjeestay qorshe ay wataan Xasan Sh & Faarax C/Qaadir

“Ninkaas weyn ee 100-sanno jirra shaqadiisa haloo daayo, teeda kale Garsoorka halaga daayo faragallinta” ayuu yiri Suldaanka Ceyduruus.

Wuuxu intaas ku daray in guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka iyo beeshiisa ay marar badan is hortaageen mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo lagu doonayay in xilka looga qaado sida uu hadalka u dhigay.

Haddii warkan uu xaqiiqo noqdo waxaa muuqata in xisbiga madaxweynaha ee Dam-Jadiid oo ay ka tirsan yihiin madaxweynaha iyo wasiirka garsoorka ay doonayaan in ay la wareegaan hey’adda garsoorka dalka.

Waxaa sheegis mudan in guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Cabdiraxmaan Tuur-yare iyo xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka labadaba ay ka tirsan kooxda Dam-Jadiid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Prof. Abdi Samatar oo qeexay ujeedka Kenya ka leedahay Badda Soomaaliya

0

Minneapolis (Caasimada Online ) – Prof Cabdi iimaaciil Samatar oo si weyn uga hadla arrimaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka fog ee Xukuumadda Kenya ay leedahay Muranka ay ka furtay Biyaha Sharciga ah ee Soomaaliya.

Prof.ka ayaa sheegay in Keenya oo muddo dheer ku hamiyaysey sidii ay ula wareegi lahayd Biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in hadda uun Indhaha ay ku kala furtay Dacwaddii Soomaaliya u gudbisey Maxkamadda Sare ee Caalamka.

Kenya ayaa waxa ay wadataa qorshe ay ku doonayso in qaybo ka mid ah Biyaha Soomaaliya ay la wareegto iyadoo ka faa’ideysanaysa kala daadsanaanta iyo burburkii Soomaaliya ka dhacay.Samatar ayaa intaa ku daray in Madaxda Soomaalida ee haatan jirta ay yihiin waa siduu hadalka u dhigaye kuwo aan aqoon buuxda u lahayn arrintan keliyana ay yihiin kuwo ku mashquulsan sidii ay Kursiga ugu fariisan lahaayeen hase yeeshee Xukuumadda Kenya ay tahay Xukuumad jirta wax badana kala socota Xeeka Badaha Adduunka.

Ujeedka Dhabta ah ee Keenya ka leedahay Biyahas ayuu sheegay Cabdi ismaaciil in halkaas laga helayo Kheyraad fara badan oo dabiici ah oo uu Kalluunka ka mid yahay iyo Macadanaha kala duwan.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Kenya ay ogaatay haddii Dacwadda Somaaliya ay gaarto Maxkamadda Caalamiga in Kenya ay u soo harayso Dhul Biyood aad u kooban sidaa darteedna ay doonayso ama ay isku taxlujinayso sii arrinta Biayaha loogu dhamayn lahaa Xeer Jajab Soomaaliyana looga dhaadhicin lahaa in si Walaalnima ah arrintaas lagu saxiixo taasoo haddii Soomaaliya Saxiixaas laga helo uusan dib dambe u soo laaban doonin Dhul Biyoodka Soomaaliya sharci ahaanta ay u leedahay.

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

[email protected]

Ciidanka Amisom oo laga mamnuucay degmo Muqdisho ka mid ah, Sabab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmadda Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir, Yaasiin Nuur Ciise ayaa sheegay inaysan oggolaan doonin inay Gaadiidka AMISOM isticmaalaan Waddooyinka Degmadiisa, gaar ahaan Waddada Florence ee isku xirta Villa Somalia ilaa Garoonka Ciyaaraha ee Mogadishu Stadium.

Guddoomiyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Weriyayaasha ugu waramay Dibadbax ay dadka Deegaanka kaga cabanayeen gaari ay leeyihiin AMISOM oo duhurnimaddii maanta wiil yar ku jiiray Isgoyska Florence ee Degmadda Warta Nabadda.

“Gaadiidka AMISOM waa ka mamnuuc inay soo maraan Waddadan isku xirta Madaxtooyadda iyo Mogadishu Stadium ilaa ay war cad ka bixiyaan, isla markaana magdhow ka bixiyaan wiilka yar ee ay dileen ” ayuu sii raaciyey Guddoomiyaha, oo xusay inuu Maamulkiisa ka xun yahay falkaasi.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inuu gaarigu wiilka ku jiiray daadega Isgoyska Florence, meel ku dhow Dugsigii Sare ee 15-ka May, isagoo xusay inuu gaariga AMISOM xawli ku socday, una istaagin wiilka ay jiireen.

Dhinaca kale, Ilaaladda Madaxtooyadda ayaa iyagana rasaas kor u ridayey, si ay u kala cayriyaan boqolaal dibadbax oo ka cabanayey AMISOM.
Xaalladda ayaa haatan deggan, waxaana dibadbaxayaasha lagu qanciyey in wax laga qaban doono shilkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Garabka Barre Hiiraale oo beeniyay…

0

Kismaayo (Caasimada Online)-Kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamadii Barre Hiiraale uu la wareegayo maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxaa arrintaas gaashanka u daruuray garabka Barre Hiiraale.

Cabdirashiid Macallin Gaas oo ka tirsan golaha nabadda iyo midnimada Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamada Barre Hiiraale ee dhawaan laga keenay deeganka Goofgaduud in ay deggan yihiin goob gaar ah oo magaalada ku taalla wuxuuna intaas ku daray in aysan jirin ciidan lala wareegay ama ku biiray maamulka Axmed Madoobe.

“Wax xiriir ah lama lihim maamulka Kismaayo, annagu waxaan dagganahay goob gaar ah oo gaadid aan lee nahay ayaan ku adeeganaa umana baxno magaalada mana jirto ciidan lala wareegay” ayuu yiri Cabdirashiid Gaas.

Wuxuu sheegay oo kale in mowqifkooda uu cad yahay ee ku aadan shirka Kismaayo isagoona yiri annagu ma rabno shir ay wataan maamulka Kismaayo.

Hadalka Cabdirashiid Gaas ayaa immaanaya iyadoo magaalada Kismaayo la isla dhexmaraayo warar sheegaya ciidamadii Barre Hiiraale ee magaalada lagu soo xareeyay in uu la wareegayo maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]