28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Beesha Sade oo shir weyn qabaneysa beri + Cabdi Weli & Barre Hiiraale oo…

0

Garbahaareey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo waxaa maalinta berri ah ka furmi doona shirweyne looga hadlaayo maamul rasmi ah loo sameeyo gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Maxamed Aadan Cali, waa mid ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka, wuxuu warbaahinta u sheegay in shirka Garbahaareey ka furmaya uu yahay mid horrey loo qorsheeyay oo la rabay in ay yeeshaan beelaha deggan gobalkaas si ay iyagoo mideesan ay uga qeybgalaan shirka Kismaayo oo lagu waday in uu furmo 1-da bisha soo socota balse laga soo hormariyay.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka uu ka soo qeybgali doono ra’iisal wasaaraha xukuumadda oo hadda ku sugan dalka Turkigaas isla markaana soo gabagabeeyay safaro uu ku tagay waddamada Ingiriiska iyo Norway.

Maxamed Aadan Cali, waxaa kaloo wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu furo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka 16-kii bishan, balse wuxuu caddeeyay in wax kasta oo qalad ah oo dhaca in looga baahan yahay in ay saxdo dowladda oo markii hore sameesay.

Dhinaca kale, warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in shirka Garbahaareey ka dhacaya uu ka qeybgali doono Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo qaaday shirka Kismaayo ka furmay.

Ma cadda sidda dowladda Soomaaliya ay xal uga heli doono shirarka is barbar socda ee madaxda dowladda ka furayaan gobalada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dekedda MUQDISHO oo lala wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta Maamulkeeda loogu wareejiyay shirkadda Albairak, oo ah shirkad laga lee yahay dalka Turkiga.

Munaasabada waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka kala socdo Dowladaha Somaliya iyo Turkiga, iyadoo shirkadaan ay Dekeda ka hirgelin doonto dhismooyinka casri lagu sheegay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Badda ee Xukuumada Somaliya Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) oo munaasabada ka hadlay, ayaa waxa uu kaga dhawaaqay in Dowladd Somaliya ay Maamulka Dekeda ku wareejisay shirkadda laga lee yahay Turkiga.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in shirkadaan ay gacanta ku hayn doonto Dekeda Magaalada Muqdisho mustaqbalka dhow, isla-markaana ay ka hirgelin doonto dhismooyinka casri ah.

Wuxuu kaloo sheegay in dhaqaalaha ka soo xaroodo Dekeda ay 55% lee dahay Dowladda Somaliya, halka 45% ay qaadaneyso shirkadda laga lee yahay dalka Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

Masuuliyiintii ka socotay Turkiga waxay soo dhaweysay heshiiska ay Dowladda Somaliya ugu soo wareejineyso Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Heshiiskaan kuma cadda mudada uu qaadan doono, marka laga soo taggo sida loo kala qaybsanaayo dhaqaalaha iyo in Dekeda lagu horumarinaayo waqti gaaban.

Isha: Dhacdo.com

Wasiir miisaan culus oo sheegay in xal laga gaaray khilaafkii Xasan iyo C/WELI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in la dhammeeyay khilaaf uu ku sheegay in uu yaraa oo ka dhex dhashay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kaasoo salka ku hayay xil ka qaadista agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugida.

Hadalkan ayuu wasiirka labaad ee xukuumadda uu ka sheegay kulan degdeg ah oo golaha wasiiradda oo uu ka qeybgalay madaxweynaha oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ridwaan Xirsi ayaa carabka ku adkeeyay in madaxweynaha uu oggolaaday xil ka qaadista ay golaha wasiiradda ku sameeyeen Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe isagoona intaas ku daray in madaxweynaha uu ka waaqsaday xilka laga qaaday saaxibkiis.

Wuxuu kaloo sheegay in warbaahinta ay siyaabo qaldan u dhigeen xil ka qaadista lagu sameeyay Sambaloolshe sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaarahja ayaa horey u beeniyay mid kasta in uu jirro khilaaf ka dhexeeya labadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Golaha wasiirada DF oo taliye cusub u magacaabay nabadsugida (Qalad kale)

0

Muqdisho(Caasimada Online)  – Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa magacaabay taliyaha cusub ee hayada nabad sugida qaranka Soomaaliya, kadib markii xilka laga qaaday taliyihii hore.

Taliyaha cusub ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Korneyl C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo ah gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida, kadib kulan ay golaha wasiirada maanta ay yeesheen.

Taliyaha ayaa waxaa codka siiyay golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo horay xilka kaga qaaday taliyihii hore C/llaahi Sambaloolshe oo muddo bilooyin ah xilkaasi hayay.

Wasiirka ku xigeenka warfaafinta Cabdullahi Colaad Rooble, wuxuu sheegay inuu u hambalyeeynayo taliyaha cusub ee hayada sirdoonka qaranka Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan uu xilkaasi la wareego.

“Waxaa xusid mudan in magacii Agaasimaha Hay’adda meesha laga saaray oo lagu beddelay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, magacaasi ayaana loogu yeeri doonaa. Goluhu waxa uu u rajaynayaa taliyaha cusub in uu shaqadiisa u guto si hufan oo daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto” ayuu yiri Rooble.

Taliyihii hore oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xil ka qaadistiisii ay ku deg degeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, islamarkaana uu kusoo aaday xilli xiriirka siyaasadeed ee madaxda dalka uusan wanaagsaneyn.

Kulanka lagu magacaabay taliyaha cusub ee hay’adda nabad sugida ayaa waxaa goob joog ahaa wasiirka Diinta iyo Awqaafta ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Ridwaan Xersi Maxamed.

Magacaabista taliyaha cusub ee Nabad sugida ayaa kusoo aaday iyadoo dalka uu wali ka maqan yahay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Welli Sheikh Axmed Maxamed.

Si kastaba, waxaa is-weydiin mudan shraciyadda ay golaha wasiirada ku magacaabi karaan taliye ciidan, ayada oo dastuurka dalka uu si cad u qeexayo in taliyayaasha ciidamada uu magacaabi karo kaliya madaxweynaha. Waxaa mar kale muuqata in dastuurka dalka lagu tumanayo, islamarkaana Xasan Sheekh uu raali ka yahay.

Caasimada Online
Muqdisho-Somalia
[email protected]

Yaa ka dambeeyay in muran la galiyo badda dalka Somalia? (Aqriso magaca)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka hadlay muranka badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna sheegay in arrintaas uu sabab u ahaa ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay soo billaabatay markii ay xukuumadii kumeel gaarka ee Cumar Cabdirashiid ay heshiis la gashay dowladda Kenya oo ku aadan arrimaha badda.

Xildhibaanka ayaa caddeeyay in baarlamaanka xilligaas jiray uu gaashanka u daruuray arrinta ay wadatay xukuumadda.

Wuxuu tilmaamay in xildhibaannada baarlamaanka ay marwalba diyaar la yihiin siddii ay u difaaci lahaayeen badda Soomaaliya.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan dowladda fedaraalka ay warqad dacwad ah u gudbisay QM iyo maxkamadda caalamiga ee dambiyada taasoo ay ku muujineyso in aan muran lagalin karin badda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shaley ka hadlaayay furitaanka kalfadhigga shannaad ee golaha baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay warqad cabasho ka ah Kenya u gudbisay QM iyo maxkamadda ICG taas lagu sheegayo in Kenya ay soo kireesatay shirkad ajnebi ah oo howlo shidaal baaris ka wada xeebaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Sambaloolshe oo ka hadlay xil qaadistiisa, arrin yaab lehna shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Sambaloolshe, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilka qaadistii lagu sammeeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay si rasmi ah xilka uga qaaday Sambaloolshe, kadib muddo khilaaf uu ka taagnaa arrintaas.

Sambaloolshe ayaa sidoo kale ka jawaabay eedeymaha uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli u cuskaday xil ka qaadistiisa, oo ay ka mid ahayd xariga xildhibaan Shiiraar.

Sambaloolshe waxa uu si cad u sheegay inuu aaminsan yahay inuu dhexda ka galay siyaasado is-diidan iyo khilaaf madaxda dalka u dhaxeeya, sidaa darteedna uu xilka ku waayey.

Waxa kale oo uu sheegay inuu la yaabay sababta isku beegtay xil ka qaadistiisa iyo dilkii dagaal-ooge Axmed Godane, taasi oo shaki isaga gelisay.

Halkan ka daawo wareysigiisa


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CALI KHALIIF oo lagu dhaggan yahay !!!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn kuwaasoo dhaliilay qaabka loo xulay wasiiradda cusub ee maamulka Khaatumo State oo dhawaan uu ku dhawaaqay Cali Khaliif Galeyr.

Cabdullaahi Sheekh Cabdi oo ka mid ah odayaasha aas-aasay maamulka Khaatumo ayaa sheegay in ay si aad uga xumaadeen markii madaxweynaha maamulkaas Cali Khaliif Galeyr uu beeshooda ku soo darin xubnaha wasiiradda.

Wuxuu sheegay oo kale in Cali Khaliif Galeyr uu baal maray sharciga lagu dhisay maamulka Khaatumo oo ka dhisan gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Wuxuu ku baaqay shir degdeg ah oo ay yeesheen beelaha deggan seddaxdaas gobal si loo arrinsado aayaha gobaladaas loogana soo horjeedo wasiiradda uu magaacabay Cali Khaliif.

Cabdullaahi Laangare ayaa sheegay in ay qaadacayaan xubnaha wasiiradda ee uu magacaabay Cali Khaliif Galeyr kuwaasoo uu yiri saamigii ay ku lahaayeen in loo diiday sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, maamulka Cali Khaliif Galeyr oo culeys xooggan uu heysto maadama dhulkii uu ka arriminaayay laga qixiyay oo ay banaan joog yihiin ayaa la kulmaya dhaleeceen kale oo uga timid dadkii uu mas’uulka ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Tarsan oo ka shanqariyay arrin walaac leh oo ay DF iska indha sarcaadineyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mohamud Ahmed Nur Tarsan, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inuu aad uga walwalsan yahay xiligaani damaca Dowlada Kenya ee ku aadan Badda Somalia.

Tarsan oo qoraal uu arrintaasi uga hadlaayay soo saaray, ayaa waxa uu sheegay inay u muuqato in Dowlada Federaalka Somalia, ay muujineyso habacsanaan ku aadan bad-baadinta Biyaha Somalia, waxa uuna Tilmaamay in Dowlada Kenya ay ka diyaar garowday in lagu qabsado Biyaha.

Tarsan oo arrintaasi ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri ‘’Waxaan maqalnay in Kenya ay u xulatey Biyaha Somalia khabiiro ku xeeldheer shuruucda badda oo caalami ah si ay u metelaan arinta ku saabsan khilaafka badda ee kala dhexeeya Somalia. Arintaas ayada ah Somalia ma ka diyaargarowdey oo ma xulatey khabiiro, haddii ay dhacdo in Somalia ay weyso Khabiir u dooda dhaliisheeda DFS ayay usoo hoyaneysaa’’

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’Qof kasta waa garan karaa in Somalia ay xaqleedahay, laakin maxkamadu kuma hadlayso oo waxay dhegeysani dadka meesha ka doodaya. Horey ayey Somaalidu ugu maahmaahdey ” Qof hadal badan dhaxalkaa waa ku dhaafiyaa” ama sida loo dhahay. Marka arintaan inta aan maxkamada caalamiga aan la geynin ma laga fekeray waxa ka soo bixikara ayada oo la tixgelinhayo xaaladda uu qarankeenu ku suganyahay. Waxaa kale oon ogsoonahay in go’aanka maxkamadu uu yahay kama dambays. Waxaan codsan lahaa hadii ay jiraan khubaro Somaaliyeed oo arintaan aqoon u leh in ay wax ka sheegaan si ay ummadu u fahamto waxa dabka saaran’’

Haddalka Tarsan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay Dowlada Kenya sheegtay inay ku dhaqaaqi doonto u doodida xuquuqda Badda, gaar ahaan qeybta lagu heysto.

Dhanka kale, Kenya ayaa ka baaran dageysa in Beesha Caalamku ay u xagliyaan Somalia, waxa ayna taasi sababteedu noqoneysa Dowlada Somalia oo u muuqaneyso inay Kenya kula gashay Badda heshiis balse ay is ilowsiineyso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Shidaalka Somalia & shirqoolka Kenya (Daawo Xog-waryesi xaaasi ah)

0

London (Caasimada Online) – Eng. Rashiid Qaasim oo ku takhasusay arrimaha shidaalka/Batroolka oo waraysi siiyey Telefishanka Somali Channel ayaa ka hadlay taariikhda bartoolka Soomaaliya iyo arrimo badan oo la xiriira.

Waxa kale oo uu ka hadlay badda muranka la geliyey cidda masuulka ka ah iyo ugu dambayn cawaaqibka ka iman kara dacwadda badda ee ay Soomaaliya u gudbisey Hague.

Halkan ka daawo wareysiga

Xaqiiqooyinka weli kaa qarsoon sanad kaddib weerarkii West Gate ee Nairobi

0

Inkasta oo hal sano ay ka soo wareegtay markii weerarka argagixiso lagu qaaday Suuqa Westgate kaasoo galaaftay nolosha 67 qof muwaadiniinta ku nool daafaha Kenyana baday xalaad argagax ah, ayaa haddana wali waxa taagan su’aalo muhiim ah, iyada oo in badan oo kuwii badbaaday ahna ayan noloshoodu ku soo naqan xaaladdii caadiga aheeyd.

Rachel Wambui Muraya, oo ah 30-jir timaha qurxisa oo ka shaqeeyn jirtay suuqa, ayaa leh waxan si buuxda u xasuustaa dhacdooyinkii arrin ku bilaabay Sabti xasilloon 21-kii September, 2013-kii, sida iyada oo aan wax wakhti ah ka soo wareegin.

Muraya, ayaa waxaa haleelay bam-gacmeed intii uu socday weerarka iyada oo u cararaysa goobta la dhigto baabuurta oo ku taal dabaqa labaad ee suuqa.

“Waxan ku dhacay goobta baabuurta la dhigto, waxan kor u qaaday madaxa markaas baan waxan arkay bam-gacmeed ku soo dhacay meel hortayda ah kaasoo markiiba qarxay. Xanuun badan ayaan dareemay kadib markii firirku haleelay lugteeyda bidix,” ayay tiri. “Taa waxa ii xigay oo aan xasuustaa waa anoo ka soo toosay sariir isbitaal anoo ka dhaawacan lugta bidix, taasoo markii dambe ay noqotay in la jaro.”

“Maalmahaan, waxa ii xiran lug sanaaci ah oo ma xirto kabihii taakada dheeraa,” ayay tiri.

“Waan iska daayay in aan si joogto ah u aado suuqyada cabsi darteed iyada oo dhawaq walba oo agteeyda ka yeera igu celiyo xusuustii xumeeyd ee maalintaa. Tan iyo markaa ma dareemo in aan ammaan ahay mana jiro wax dadaal ah oo ay xukuumaddu ka sameeyso sidii aan u dareemi lahaa ammaan sida ka badan oo uu ammaankeennu sugan yahay,” ayay tiri.

Arjun Kholi, oo ah qaban-qaabiyaha bandhigga, ayaa sheegay in uu rajaynayo in bandhiggu siin doono dadka badbaaday qaab ay dadka kale kula wadaagaan khibraddoodii isla markaana uga tallaabsadaan cabsida ay qabaan, laakiin sidoo kalena in uu dhammaan Kenyanka siiyo fursad ay si wadajir ah u xusuustaan duruustii laga bartay maalintaa.

“Ma aynaan haysan meel khaas ah halkaa oo dadku tagi karaan isagana fududeeyn karaan wixii ay soo mareen waxanan rajaynaynaa in badhiggani uu dadka badbaaday siin doono madal ay uga sheekeeyn karaan sheekooyinkooda dadkana kula wadaagi karaan khibradahooda,” ayuu yiri.

“Haddaannu nahay muwaadiniinta Kenya, waa in aynaan oggolaan in afar maalmood oo ah go’doomin laga dhex sameeyay caasimaddeenna qaranka, in ay iska gudubto iyada oo aan si macna leh looga wadahadal,” ayuu Kholi ku yiri hadal uu soo saaray.

Baaqyo ammaanka lagu sii xoojinayo

Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Ilaalada Khaaska ah ee Ammaanka ee Kenya Isaac Andabwa ayaa sheegay in casharro muhiim ah laga bartay weerarkii suuqa Westgate.

“Markii hore marna kuma aynaan fakarin in weerar caynkaa ah lagu qaadi karo meel illaa iyo heerkaas muhiim ah, laakiin waxan ku waabariisannay in meel walba oo Kenya ah ay halis ku jirto sidaa darteed waxan marwlaba ku tababarnaa kuna adkeeynaa ilaaladaas in ay feejignaadaan oo ayan marna arrimaha fududeeysan,” ayuu sheegay.

Haddii ay hubeeysnaan lahaayeen ilaalada khaaska ah ee fadhiyay suuqa oo xiriirka iyo isla jaan-qaadka ka dhexeeya ilaalada ammaanka khaaska ah iyo bilayskana uu intaa ka wanaagsanaan lahaa intii uu socday weerarka taasi waxay gacan ka geeysan laheeyd in la badbaadiyo nolosha dad kale oo intaa ka badan, ayuu sheegay.

“Haddii ilaalada ammaanka khaaska ah ay xirnaan lahaayeen jaakadaha ayan karin rasaasta isla markaana ay hubeeysanaan lahaayeen waxay noqon lahaayeen safka ugu horreeya ee difaaca, laakiin ma hubeeysneeyn sidaa darteed waxba islama heeyn,” ayuu yiri. “Waxan ku baaqnay in dhammaan shirkadaha ammaanka ee Kenya ay shaqaalahooda u soo gadaan jaakadaha ayan karin rasaasta waxan sidoo kalena hadda ka dhex ololeeynaynaa dawladda in ay ansixiso sharci oggolaanaya in la hubeeyo qaar ka mida ilaalada ammaanka [khaaska ah],” ayuu yiri.

Intaa waxa dheer, Andabwa waxa uu sheegayaa in ururka shaqaaluhu kala shaqeeynayo bilayska sidii loo bili lahaa iskaashiga si markaa loo helo jawaab “ka degdeg badan kana qorsheeysan” haddiiba uu dhaco weerar.

Si taa la mida, Michael Mbugua, oo maamula Suuqa Maasai ee Ongata Rongai, oo ku yaal duleedka Nairobi, ayaa weerarka kadib waxa uu sheegay, in dhammaan shaqaalaha suuqyadu ay xoojiyeen ammaanka goobahooda sifo loo sugo ammaanka dadweynaha.

“Si la mida dhammaan suuqyada kale, [go’doominitii Westgate] waxay na bartay casharro. Waxan ku khasbanaanay in aan rakibno kamaradaha ammaanka iyo qalab kale oo isgaarsiineed iyada oo aan sidoo kale biloownay in aan baaritaan wanaagsan ku sameeyno dhammaan dadka galaya iyo kuwa kasoo baxaya dhismaheenna,” ayuu yiri. “Tani waxay naga caawisay in aan hagaajinno ammaanka oo aan siinno macaamiisheenna kalsooni ay ku soo booqan karaan suuqeenna.”

Laakiin Mary Mwenda, oo ah 32-jir ku nool Nairobi, waxay sheegtay in ay wali shaki ka qabto in ciidamada ammaanka Kenya iyo ilaalada khaaska ah ee suuqyadu ay qaadeen tallaabooyinka waafiga ah ee looga baahan yahay in si nool looga jawaabo weerarrada kale.

“Inkasta oo ay xukuumaddu si joogto ah u ballan-qaddo in ay jiraan ciidamo ammaan oo muuqda iyo kuwo qarsoon, haddana kama dukaameeysto suuqyada maalmaha fasaxa toddobaadka sababtoo ah saxmadda dadka dukaameeysanaya,” ayay tiri.

“Waxa suuragal ah in argagixisadu mar kale ay qaab kale oo weerar rasaaseeyn ah isaga soo qaaddo marka ay saxmaddu is qabsato dadkuna ay is dhigtaan,” ayay raacisay.

Mwenda waxay sheegtay in loo baahan yahay in goobaha caamka ah la geeyo bilays aad u badan sifo kor loogu qaado kalsoonida dadweynaha isla markaana loo cabsi-galiyo argagixisida iman karta. “Taa ka sokoow, waxa loo baahan yahay qaab layli ammaan ah sida in la daadgureeyo dadka isla markaana si cad loo calaamadiyo goobaha sida degdegga ah looga baxo,” ayay tiri.

Su’aalo aan laga jawaabin

Abdiwahab Sheikh Abdisamad, oo Jaamacadda Kenyatta ka dhiga ammaanka iyo daraasaadka istaraatiijiga ah, ayaa sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate, aan wali su’aalo badan jawaab loo helin iyada oo goobaha caamka ahna ay wali baylahsan yihiin.

“Ma jirto waxa aan ku muujin karno ama ku xaqiijin karno in aan cashar ka barannay weerarka. Dalku wali halis ayuu ku jiraa xagjiriintuna wali waxay awood u leeyihiin in ay u soo qaadaan weerar kale oo foolxun sida kii ay ka sameeyeen Westgate waliba si fudud iyo gabasho yar,” ayuu sheegay.

Waxa uu sheegay in ay adag tahay in dhacdadaas cashar laga barto sababtoo ah ma jirin wax su’aala ah oo la iska waydiiyay dhacdadii maalintaa.

Maalmo kadib weerarka, ayuu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu ballan-qaaday in uu dhisi doono komishin xaqiiqo raadin ah oo soo baara weerarka iyo sidii ay uga jawaabeen ciidamada ammaanka, si kastaba ha ahaatee, komishankaa waligii lama dhisin.

“Baaritaan lagu sameeyo weerarka waxa uu dalka ka caawin karay in uu jawaabo u helo wixii dhacay iyo sidoo kale talooyin ku aaddan sidii horay loogu socon lahaa. Taasi waxa ay gacan ka geeysan kartay in la helo qaababkii loola tacaamuli lahaa halisaha soo aaddan,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in hay’adaha ammaanku ayan wax isbaddal ah ku sameeyn sidii ay uga jawaabi lahaayeen weerar caynkaa oo kale ah.

Mercy Mwai, oo ah 36-jir, ilaalo ammaan ka ah Suuqa Thika Road ee Nairobi, ayaa ku eedeeysay madaxweynaha in uunan ka soo bixin ballankiisii uu u sameeyay Kenyaanka iyo in uu dhiso komishankii xaqiiqo raadinta oo baari lahaa weerarka.

“Waxan ka naxay in aan wax tallaabo ah la qaadin taasina waxa ay dadweynaha gayaysiinaysaa in ay is waydiiyaan bal in madaxweynuhu helay xog xasaasi ah oo uunan dooneeyn in uu la wadaago dadweynaha ama uu difaacayo ciidamadii ammaanka ee kharribay gabi ahaanba howlgalkii badbaadada,” ayuu yiri.

Shaqada komishanka waxay ahaan laheeyd muhiim sababtoo ah waxay iftiimin laheeyd khaladkii ammaan ee keenay weerarka lagu hoobtay iyo sidii ay uga jawaabeen ciidamada ammaanku isla markaana lagu saxo wixii khaldamay.

Faith Mbaya, oo ah 25-jir maamule iib ka ah Nairobi, ayaa arrinka gaarsiisay in sannad kadib weerarkii ayan Kenyanku la socon dhab ahaan tirada argagixisadii weerarka soo qaadday.

“Xukuumaddu waxay noo sheegtay in ay dishay afar argagixiso iyo in maydkoodii loo dhiibay Xafiiska Baarista Dambiyada si loogu sameeyo baaritaan daqiiq ah iyo taxliilin, laakiin ku dhawaad sannad kadib marna maynaan arag maydkii mana aynaan maqal natiijadii ka soo baxday,” ayay ku cabatay.

Xukuumaddu sidoo kale marna sharraxaad kama bixin sababta loo burburiyay suuqa. “Maxay u bambeeyeen dhismaha iyo maxaanan argagixisada looga takhallusin si suuqa casriga ah uga badbaado burburka? Waxay aheeyd dharbaaxo ku dhacday dhaqaalaha keentayna in ay shaqado waayaan Kenyankii halkaa ka shaqeeyn jiray,” ayay tiri.

Isha: Sabahi Online

FAALLO: CABDI ILEY AMA IILKA GALEY

0

Cabdi iley ama iilka galey, waa erayo miisaan weyn leh oo dareen ku saleysan. Waa erayo ku beermay shucuur wadaninimo. Waa erayo ka soo go’aya uurka, kal iyo laab kasta oo caafimaad qabta, ama uu ku taamayo muwaadin walba oo u dhashay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Soomaalidu meel kasta oo ay ka soo jeedo, ama DDSI ha u dhashaan, ama meelaha kaleba ha u dhasheene, waxay wada arkeysaa oo aan maanta ninna ka qarsooneyn horumarka baaxadda leh ee uu Deegaankiisa u horseeday Madaxweyne Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar. Horumarkaasoo shucuubta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u dhashay DDSI ay aad ugu diirsadeen, hadday wadanka gudihiisa ku noolyihiin iyo haday Qobojoog yihiinba.

Waxyaabaha DDSI ku cusub ee ay labadii Soomaali ah ee isu timaadaaba hadal hayso, ee aadka loogu bogey laguna bogaadiyey, Madaxweyne CMC, waxaa ka mid ah, sida uu indhaha shacabka hortooda ula xisaabtamo Mas’uuliyiinta kale ee uu talada Dalka Hogaamiyaha ugu yahay.

Waxaa inbadan la arkaa, isagoo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Shacabka hortooda kula xisaabyamaya Mas’uuliyiinta xilalka kala duwan ka haya Xafiisyada Dowladda. Kuwaasoo isugu jira Mas’uuliyiinta Xafiisyada heer Deegaan iyo heer Gobolba.

Waxyaabaha uu caanka ku yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud ee aadka luugu bogaadiyo aadna u soo jiita quluubta Muwaadiniinta Dowlad Deegaanka Somaalida Itoobiya, waxaa ka mid ah sida cilmiyeysan ee uu ugu dadaalo, ka midho dhalinta Qorshayaasha Miisaaniyadeed ee sanad walba loo qoondeeyo Mashaariicda horumarineed ee dhankastaba ah ee laga hirgalinayo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxay Shacabka DDSI joobjoog u noqdaan, iyagoo idhahooda ku arkaya, dhagahoodana ku maqlaya, Madaxweyne Cabdi Iley oo Mas’uul kasta oo Shacabka Xil u haya weydiinaya:

Qorshayaashii uu Mas’uulka ka ahaa, ka midho dhalintooda iyo Mashaariicdii uu u xilsaarnaa hirgalintooda, waxa uga qabsoomay. Waxa aan uga qabsoomin. Sababaha ay u qabsoomi waayeen. Iyo waxa markaa xal ah ee lagu suura galin karo ka midho dhalinta qorshayaasha ama lagu gaadhi karo meesha la hiigsanayo.

In badan waxaynu aragnaa, qiimeyn iyo laxisaabtankaa faraha badan ee aynu markhaatiga ka nahay kadib, in uu Madaxweynuhu isku dayo in uu xal ama dawo u helo dhaliilaha iyo habacsanaanta kasoo ifbaxa Masu’uuliyiinta qaarkood oo markaa ku guuldareysta ka midho dhalinta qorshayaal sanadeedka xafiisyada ay u xil saaranyihiin ama gudasho li’da waajibaadka saaran ee ay shacabku u hayaan.

Fashilka ku yimaada Mas’uuliyiinta Xafiisyada qaarkood, waxay Madaxweyne CMC ku kaliftaa in uu qaato go’aamo ad-adag iyo talaabooyin uu markaa kaga hortagayo wax dib u dhac ah oo ku yimaada qorshayaasha horumarineed ka midho dhalintooda, amaba keeni kara Miisaaniyadaha Maaliyedeed ee loo qoondeeyey Mashaariicda horumarka oo aan sidii loogu talagalay loo adeegsan ama aan laba adeegsan oo dib loogu celiyo Miisaaniyad sanadeedka kale ee ku xiga,  sidii dhici jirtey Maamuladii kan ka horeeyey.

Dowladihii ka horeeyey ta manta ka arimisa Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa dhagaha Shacabka marba ku soo dhici jirey, warar lagu dhaliilayo Dowladahaa oo ay ku sigan jireen ama loogu hanjabi jirey, in Maamulka dib loogu celin doono gacanta Dowladda Dhexe ee Federaalka Itoobiya.

Hadaba si uu Madaxweyne CMC uga hortago fashil loo maaro waayo amaba soo noq-noqda, kaasoo wax yeeli kara habsami u socodka jiritaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, haday tahay xag Nabadgalyo, Bulsho, Dhaqaale ama horumarka dhankastaba ah ayaa waxa uu qaatay go’aamo adag oo aad wada ogtihiin oo uu Mas’uuliyiinta qaarkood kaga nasiyey Adeegii iyo Xilalkii ay Shacabka u hayeen.

“Baadida nin baa kula dey-dayi daalna kaa badane, aseen doonaheyn daa’in inaad heshaaye, dadkuna idin moodi duul wada dhashoon wax u dahsooneyne.”

Talaabadaa wadanigu ku diirsaday ee uu qaaday Madaxweyne Cabdi Iley ee uu ku badbaadineyey Dadkiisa iyo horumarka Dalkiisaba ayey ka xumaadeen koox yar oo ay ka mid yihiin kuwo ka soo jeeda qowmiyado kale oo dabada ka riixaya kuwo u dhashay DDSI oo isugu jira Mas’uuliyiin xilal kala duwan ka hayey Dowlad Deegaanka iyo kuwo aan wax xil ah waqtigan la joogo aan ka haynin Dowlad Deegaanka.

Waxay durbadiiba bilaabeen inay adeegsadaan ficilooyin guracan oo ay ka mid yihiin in ay si khaldan u turjumaan tallaabooyinka uu Madaxweyne Cadi Maxamuud kaga hortagayo Fashilkooda iyo Xil gudosho li’idooda.

Waxay isla markiiba sameysteen shabakada degaanka.com oo ay ka baahiyaan been abuur iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku jaha wareerinayaan Shacabka Deegaanka iyo Qurbojoogtaba.

Waxa aynu lawada soconaa oon cidna ka dahsooneyn heerka uu marayey dhan kasta oo laga eegaba Deegaanku iyo halka uu manta taaganyahay intuu Hogaanka hayey Mudane, Cabdi Maxamuud.

Waxaa kale oynu ognahay Xidhiidhka ka dhaxeeyey Qurbojoogta Deegaanka u dhalatay iyo Deegaankoodu halkuu shalay taagnaa, wixii ka horeeyey Dowladda maata ka arimisa DDSI.

Aniga oo soo koobaya waxay kooxdani iyagoo adeegsanaya shabakadan degaanka.com ay shacabka dibadda iyo gudahaba ku afuufeen been abuur aan sal iyo raad toona lahayn. Waxyaabaha ay faafinayeen oo isugu jirey Been, Dacaayad, Cay iyo Habaarba waxaa ka mid ah:

  • Dowladda dhexaa nala socota oo bari baanu shir qabaneynaa aanu Cabdi iley Xilka kaga xayuubineyno.
  • Wafdi baa la sugayaa goobjoog noqonaya oo saadanbe imanaya, markaasaanu Cabdi Iley Xilka ka qaadeynaa.
  • Cabdi iley baa shirkii hortaaganoo, saakuunbaa adis-ababa looga yeedhay oo lagu xidhi doonaa.
  • Generaal hebal baa na hortaagane, biyo umaanaan kabaneen.
  • Kuwii markii hore dhabarka naga taabtey baa loo hanjabey, oo baqay.

Been abuurkaa iyo kuwo kale oonan halkan ku soo koobi kareynin ayey Shacabka koxdan Majaajileystayaasha ah een Caqliga iyo Siyaasada toona ka bisleyni ku afuufayaan Shacabka dibad iyo gudahaba iyagoo adeegsanaya shabakadan degaanka.com

Kooxdan Shacabku u heysteen Siyaasiyiinta use dhurtay Majaajiliistayaasha ayaa waxay raganimo moodeen oy Siyaasadoodii oo dhami kusoo uruurtey inay ka war sheekoodaan, dacaayadeeyaana Madaxweynahooda. Taasi waxay dhalisay in laga maadsado marka ay la joogaan Hogaanka Dowladda Dhexe ee Itoobita.

Ninkaad kabo ka tolaneyso, kabihiisaa la eegaa. Waxaa u cadaatay Siyaasiyiintii waaweyneyd ee Itoobiya in Kooxdani aaney Siyaasad waxba ka ogeyn laakiinse ay ku sifoobayaan majaajiliistayaal, marka la eego hab dhaqankooda amaba biseylka garaadkooda siyaasadeed, oo marar badan oo la weydiiyey dacaayadaha ay ka baafinayaan Madaxweynahooda, waxa ay hada ka hor ay u soo sheegi waayeen.

Waxaa aad loogu qoslaa marka ay ku jawaabaan: Waan ka baqeynay.

Marka la weydiiyo, maxaad hadaba uga baqi weydeen: ayey ku jawaabaan, Soo idinku nugumeydaan odhan ha ka baqina. Markaasaa la iswada eegaa, oo Mas’uuliyiinta qaarkood, yidhaahdaan: These are Comedians oo macnaheedu yahay war kuwani waa Majaajiliistayaal, ee Madaxweyne Cabdi Xaal ha laga siiyo.

Siyaasiyiin badan oo ruug cadaa ah, ayaa waxaa laga hayaa: Waxaa wax laga yaq-yaqsoodo ah shabakada degaanka.com oo ay Kooxdan Majaajiliistayaasha ahi adeegsadaan oo aan war kale iyo aduunyo kale oo ay wax ka qoraani aaney jirin. Waxa ay qoraani waa Been abuur iyo dacaayado raqiis ah: Madaxweyne Cabdi iley baa baxsanaya. CMC baa waashay. CMC baa xilka laga qaadayaa. CMC———CMC——-iyo CMC!!!!!!!!!!!!!! U fiirsada Mowduuc aan Cabdi Iley ahayn ma qoraan.

Waxyaabaha ay ku fashilmeen Majaajiliistayaashu iyo shabakadooda degaanka.com waxaa ka mid ah soo xaditaanka ay soo xadeen Sawir Gacmeedyo uu Xuquuqdooda leeyahay Farshaxanka Soomaaliyeed ee amiin Caamir.

Xatooyada Sawir Gacmeedyadaasi waxay soo dedejisey qanac laga qanco Koodan oo dadka qaarkii ay ku baraarugeen oy ogaadeen in waxii ay war iyo sawir iyo been abuur ay ku afuufayeen inay la mid ahaayeen beentan ay ka sameynayaan Sawir Gacmeedyadan.

Waa kuwan Sawiradii asalka ahaa ee hoos ka daawo:

(Sawiradani waa kuwa soo dedejiyey in laga quusto oo wax danbe oy qoraan laga rumeysan deegaanka.com, xatooyo lagugu cadeeyo waa fadeexad.

Falkan ay ku kaceen, oon anigu aaminsanahay in aaney fahamsaneyn, waa fal ka caagan saxaafadda.

Degaanka.com iyo Majaaliliistayaasha is leh waxay jaahil ka yihiin Xuquuqda lahaansha qoraalada iyo sawirada. Waa shabakadii ugu horeysay ee xadda, dadkana been uga sheegta wax keydka ku jira iyo been laga daba tagi karo)

Sawirgacmeedyadani waa kuwo uu Farshaxanku ku sifeynayo marxalado kala duwan oo ku saabsan Siyaasadaha ka jira Dalka aynu Walaalaha nahay ee Soomaaliya.

il1il2il3

Dad yar oo ay fooftan habaabiyeen markii hore, ayaa hadda yaqiinsadey waxa ay yihiin iyo iney ku sifoobeen Majaaliliistayaal.

Bulshada u dhalatey Deegaanka Soomaalida Itoobiya, qaybaheeda kala duwan ee Dalka gudihiisa iyo Qurbahaba ku nool ee markhaatiga ka ah Dadaalka wadaninimo iyo horumarka dhan kastaba ah ee uu Deegaanka u horseeday Madaxweyne Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar.

Bulshadu markey xasuustaan Dhabaatadii, Nabadgalyo xumadii iyo dib u dhicii iyo rafaadkii iyo horumarla’aantii soo martey.

Bulshadu markay yaqiinsadeen haday (ilaaheyba ma tusee) Cabdi iley waayaanba iney iilka wada galayaan.

Bulshadu markey arkeen, maqleen, dareemeen Beenta, Tuugada, Dacaayadda, Habaarka iyo Basaasidda ay Kooxdan iyo degaanka.com isu bahaysteen,  aakhirkiina iyaga u soo jiidey in lagu tilmaamo Majaajiliistayaal, ayaa hadda ka aad arimaha Deegaankooda ka wareysataaba uu hadal kuugu soo koobayaa:

War shib iga dheh,  Dhado roob noqonweydaye.

Cabdi Iley  Ama  Iilka Galey.

Wabillaahi Towfiiq

W/Q: Abduljabar Sh. Dahir
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

KENYA oo garyaqaanno CAALAMI ah u qabsatay kiiska badda (SOMALIA-NA?)

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Kenya Githu Muigai, ayaa isku habeeyey koox qareenno caalami ah oo qaabilsan badda, si ay uga difaacaan dacwadda ay dowladda Somalia u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladdda, taasi oo looga hortagayo boobka Kenya ee badda Somalia.

Dowladda Somalia, ayaa 28-kii bishii August waxa ay maxkamadda International Court of Justice ee magaalada Hague u gudbisay dacwad ku saabsan in go’aan laga gaaro qaabka ay u dhigmeyso caalamadda xadka badda ee labada dal.

Somalia ayaa dooneysa, in calaamadda noqoto mid ku teedsan xadka dhulka oo toos ah ama xagal 90-aad, halka Kenya ay dooneyso in loo soo qaloociyo dhinaca Somalia, ama xagal 0.45-aad, taasi oo ay ku heli karto dhul badeed kheyraad uu ka buuxo.

Prof. Muigai, ayaa sheegay in qareenada Kenya ay isugu jiraan kuwa caalami ah iyo kuwa dalkaas u dhashay, si looga difaaco kiiska, kadib markii baarlamanka Somalia uu diiday heshiis ay horey u galeen Kenya iyo koox ay ka mid ah ahaayeen Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, Ibbi iyo Shariif Xasan, oo badda Somalia lagu iibsaday.

“Kullan horudhac ah oo arrintan ku saabsan ayaa maxkamadda ICJ waxa ay yeelaneysaa dhammaadka toddobaadkan, waana u diyaar garoobeynaa” ayuu yiri Muigai.

Kenya ayaa lumin doonta 7 block oo ay horey heshiisyadooda u bixisay, si shidaal looga baaro, haddii sida la filayo kiiska looga adkaado.

Muigai ayaa sheegay in inta kiiska uu socdo ay sidoo kale dowladda Somalia la gali doonaan wada-hadallo diblomaasiyadeed.

“Annaga waxaan door bideynaa in wada-hadal lagu dhammeeyo arrnta” ayuu yiri Muigai.

Illaa iyo hadda ma cadda qorshaha dowladda Somalia, iyo garyaqaanadda ay kiiska u adeegsan doonto.

Go’aan kasta oo ay gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxa uu noqon doonaa mid kama dambeys ah, oo aan abid dib loogu laaban.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

SOMALIA oo kaalinta 9-aad ka gashay dalalka ugu halista badan dunida (Liis)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daraasaad uu sameeyey Wargeys ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa lagu soo bandhigay magaalooyinka iyo waddama ugu ugu khatarta badan Caalamka, wxayna qiimeyntooda noqotay oo ay u kala horreeyaan sidatan:

  1. Afganistan
  2. Mount Everest
  3. Honduras
  4. Iraq
  5. Egypt
  6. India
  7. Mali
  8. Detroit, USA
  9. Somalia
  10. North Korea
  11. Syria
  12. Antarctica
  13. Caracas, Venezuela
  14. Myanmar (Burma)
  15. Ilha De Queimada Grande
  16. Central African Republic
  17. Guatemala
  18. Danakil Desert, Eritrea
  19. Nigeria
  20. Georgia

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dambigii Shalay (Dhacdo xannuun leh)

0

Wuxuu la qiireysnaa Gafka walaalkiis lagula kacay oo sababteeda Godka Aakhiro loogu galbiyay. Inkastoo uusan taag iyo tabar kale oo gafkaas looga gilgisho lahayn, wuxuu ku qancay inuu Laamiga soo dhex istaago oo codkiisa ku muujiyo carada uu qabo. (GAAL GAAL DOONI MEYNO), Ereyada ay isaga iyo ilmo eynigiisa ah ku qaylinayeen ayeey ahaayeen.

Aad baan ugu riyaaqay runtii, markaan ogaaday inay Ilmuhu ka caroodeen Wiil iyaga la ciyaarayay oo ay gaaari jiirsiiyeen dabadeedna ka gudbeen iyagoon geesna u eegin Gafuur waynta Gaalada ah ee geygiiina u jooga garab-siinta dowladeena sida ay sheegtaan.

Waxay tani imanaysaa iyadoo dadku gocanayaan dhibaato ka horeysay oo Gafuur wayntu geysatay. Kufsigii Gabdhaha ayaa galab hore ahayd oo walina qalbigeena ka guuxaysa!!

Nin geeskeyga taagnaa ayaa yiri “War Ilmahan maxaa helay ooy la banaanbaxayaan?”. Mid kalaa jawaab ku bixiyay “Wiil baa laga dilay oo AMISOMTU dardartay”. Ku seddexaad oo hadalkiisu aniga dhadhan gaara ii yeeshay ayaa yiri “Iyaga lagama diline innagoo dhan baa la inaga dilay”. Annigoo intaaba warkan dhageysanayay ayaan dhawaaqan dambe u madax ruxay oon u muujiyay ninkii yiri inaan ku qancay qaabkuu u fikiray.

Caruurta dibad-baxaysa marka laga reebo, boqolaal dad ah ayaa wadada ka daawanaya sidii inaanay arrintaasu iyaga tu u taala ahayn. Annigaa ka mid ah kuwa daawashada ku sintay. Intii aan halkaas taagnaa Su’aalo badan bey niyadeydu i waydiineysay “Maxaadan uga mid ahayn Ilmahan?. Arrintu miyaaney ku quseyn? Dunida kale sow tii Dibadbaxyada dulmiga looga hortagay, maxaa Soomaalida damiirkii tiray? IQKB”.

Si hose ayeey su’aalihii iga dhex guuxayay midood usoo baxsatay oo carrabkeyga usoo dhaaftay. Waxaan cod gaaban ku iri “Fiicnaan lahaydaa inuu Dibadbuxu xoogeysto oo daan-daansiga Gaalka lasoo dabar jaro”. Nin saaxiibkey ah oo ila taagan ayaa yiri “Malaha Soomaalidaanan aqoon u lahayn ninyahow? Dan mideysa oo ay u dibad-baxaan ama ka dibad-baxaan ma laha. AMISOM-ta la diidayo kuwo u duuban ayaa ilmahan oo dhan hadda kala didin doona ee adigu dhowr”.

Durbaba waa kan Askari daf-daf leh oo qori deegta surtay. Rasaas ayuu dhinacyada u seyray. Ilmihiina labo meel isku sheegta ayaa la waayay. Wuxuu soo qabtay Askarigii waalnaa wiil yar oo kuwii careysnaa ku jira. Qorigii uu sitay ayuu Madaxa uga garaacay isagoo Ul uga dhigaya. Dhiig buuna ka daadshay. Markaasna intuu Laamiga soo dhex jiifiyay ayuu sidii nin dhul ku dul bood-boodaya wiilkii madaxiisa illaa minjihiisa cagta mariyay. Ciil iyo caloolyow badanaa!!

Waa tabtii ay AMISOM-ta la diidayo sameyn lahayd hadii ay maanta timaado halkaas ay dadku taaganyihiin. Iyaduse tallaabtaas uma baahna oo kuweey soo taba-baratay ayaa danaheeda u duuban.

Wiilka yar waxa ku dhacaya waan ka gilgishay. Damiirkeyguna iima ogolaan inaan sii daawado. Hase ahaatee labo ayaa ila gudboonaatay. Inaan Inankaas u duubto oo Askarigaas la dagaalo, dabadeedna uu Rasaas igu dilo, Dunidan Soomaalinimadii lagu duleysanayana aan sidaa isku deyno. Nasiib daro taas ma haleelin oo naftaa igu dirqisay inay iskasii doogsato ileen iyadu geeri diid bey taqaane.

Mar kaleey ila gudboonaatay inaan Dulqaato, deganaanna wax ku doono, oo caanaha daata, dabadood baa la qabtaaye aan haduu Daa’in yiraahdo, Naftana la ii daayo, daanada wiilka gaartay, diiwaangkayga galiyo una duubto xaqiisa illaa uu askariga doqonkaa, damibguu falay maanta, dacartiisa cantuugo. Tan dambaan u haray, mase garanayo doorka ay iman doonto.

W/Q: Mohamed Abdullahi 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Document xasaasi ah:- Somaliland iyo Puntland oo codsaday inay federaalka Ethiopia ka mid noqdaan iyo ujeedka

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mid ka mid ah Wargeysyada wax ku qora afka Amxaariga ayaa toddobaadkan qoray qorshe ku aadan Somaliland iyo Puntland in ay codsadeen in ay ka mid noqdaan Itoobiya.

Somaliland iyo Puntland waxay ku dhaqaaqeen wax allaale iyo wixii u  usuurtogalin kara in ay ku biiraan ama ay la midoobaan Dowladda Federaalka Itoobiya, Iyagoo  waraaqaha ay arintan ku dalbanayaan noqolo ka mid ah u qaybiyey dowladaha: USA, UK iyo EU.

Arintan oo aad u adag, ahna arrin xasaasdiyad badan, ayay diideen ilaha xogtani aanu ka soo xiganey in ay wax faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan.

Labadan maamul goboleed ayaa aaminsan an aanay xaqiiq ahaan hadaba ka mid ahayn wadankoodii hooyo ee Soomaaliya oo ay hadaba ka madaxbanaanyihiin dhan kasta oo laga eegaba.

Somaliland iyagu marhoraabay cadeysteen oo ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale iyagoon wali helin wax aqoonsi ah.

Puntland ayaduna haddaad moodaa inay ku dul wareegeyso arin taa la mid ah oo ah in ay ku dhawaaqaan in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Damacan guracan ee Somaliland iyo Puntland ayaa lagu soo waramayaa in uu mudoba soo jiitamayey.

Codsigan Somaliland iyo Puntland ee ka midnoqoshada Shucuubta Dowlada Federaalka Itoopiya ayaa bilowday intii uu noolaa Hogaamiyihii ka danbeeyey hirgalinta Dowlada Federaalka Itoobiya ee ku salaysan Shucuub ama qowmiyado isu tagey.

Hogaamiyahan ayaa Shucuubta Itoobiya dhexdooda looga yaqaaney: Wiilkii Wadanka, oo loola jeeday Wiil u kacay sidii uu dhibaatada uga saari lahaa Dadkiisa iyo Dalkiisa una gaadhsiin lahaa horumar balaadhan oo dhankastaba ah.

Ilo diblomaasiyadeed oo aan dooneynin in la magacaabo, ayaa sheegaya in arintani tahay arin aad u xasaasi ah. Dhanka kalena Itoobiya lafteeda uu damac kale hayo., Kaasoo ah in Itoobiya ay isku fidiso gaadhana meel allaale iyo meeshii ay ka heli karto Bad.

Diblomaasigan ayaa u digey Dowlada Itoobiya, kulana taliyey in ay arintaa ka fogaadaan. Haddiise ay ka maarmi waayaan, in ay arintan ogolaansho uga helaan Dhammaan Shucuubta kala duwan ee ku dhaqan Dalkan Itoobiya iyo Baarlamaanka Federaalka, iyadoo aan marna la saadaalin Karin khatarta ka dhalan karta arintan xasaasiga ah.

Puntland iyo Somaliland ayaa intan ay dadaalka ugu jireen in ay ku biiraan oo ay ka midnoqdaan Dalka Itoobiya, waxay xubno muhiim ah oo ka socda Dowladaha Puntland iyo Somaliland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano isaga daba noq-noqonayeen magaalada Adis-Ababa oo ah Xarunta Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Waxay labadan maamul ee is barbar yaacayey mid waliba dhankeeda ku beerlaxawsanayeen Hogaanka sare ee Dowladda Itoobiya, in ay shuruud la’aan siinayaan Dakadaha kala ah Barbera iyo Boosaaso kuwaasoo ku kala yaala labadan Maamul ee hoos gableynaya Dowladda Itoobiya. Iyo iney dhankooda (waa labada maamul ee Puntland iyo Somaliland) ay diyaar u yihiin in ay ka qaybqaataan dhismaha dariiqyo dhaadheer oo laami ah oo markaa isku xidhaya Dakadaha ay labada maamul ugu baaqayaan Itoobiya in ayba yeelato iyo dhul weynaha Dowladda Itoobiya.

Diblomaasi aan magaciisa la shaacinin ayaa noo sheegay in uu ku yidhi hogaanka sare ee Itoobiya gaar ahaan kuwa ugu cad-cad siyaasad ahaan ee Tigreyga: Hadii bad raadintu ay idinka dhab tahay, miyaaney idiinka habooneyn in Eritrea oo Dhaqan ahaan iyo Dhiig ahaanba idiinka dhow Maamuladan Soomaalida oo hadana Dal mid ah aad wada ahaan jirteen, ineydun dadaal fara badan galisaan sideydun u soo celin lahaydeen xidhiidhkii idinka dhaxeeyey, si markaa ay idiinku fududaato in aydun isticmaashaan Dakada halkaa ku taala ee Casab.

Diblomaasiga oo talada uu Tigreyga siinayey sii wata ayaa wuxuu u sheegay in ay tahay arin aad iyo aad u adag oo dhibaato farabadani ka iman karto sida looga dhaadhiciyo Shacabweynaha Soomaaliyeed, in labadan maamul (Somaliland & Puntland) oo ka tirsan Soomaaliya ay la midooban Dalka ay jaarka yihiin, cadaawad horena ka dhaxeysay ee Itoobiya.

Diblomaasigu wuxuu ku soo gabagabeeyey talada uu siiyey Dowladda Itoobiya in Fikirkan ay dabada ka riixayaan Somaliland iyo Puntland uu halis ku yahay Nidaamka Federaalka ee hadda ka jira Dalka Itoobiya.

Horey ayey Dowladda Itoobiya heshiis qarsoodiya waxay ula gashay Dowladda yar ee ay jaarka yihiin ee Jabuuti. Heshiiskan ayaa ku saabsan dhul biyood ka tirsan Itoobiya oo lagu wareejiyey Jabuuti,. Iyo Koronto lagasoo qaado gudaha Dalka Itoobiya lana soo galiyo Dalka Jabuuti.

Sidoo kale Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF ayaa shuruud la’aan iyo canshuur la’aan waxay siiyeen Dowladda Jabuuti tiro aad u fara badan oo dhul beereed ah, Iyadoo isla markaana aad loogu soo dhaweeyo Muwaadiniinta reer Jabuuti Dalka Itoobiya in ay maalgashadaan.

Mudane Dina Mufti oo ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa la weydiiyey halista ka iman karta Heshiiskan oo aan laga ansixinin Baarlamaanka Itoobiya lagana qariyey.

Dina Mufti waxa uu ku macneeyey heshiiskan mid dhaxal gal ah, oo marka labada dal ee Itoobiya iyo Jabuuti ay wadaagaan Biyaha iyo Korontada, ay taasi horseed u noqonkarto in ay labada dal midnimana aakhirka si howl yar u wadaagaan.

Dhanka kale Diblomaasi wax laga weydiiyey suurowga Somaliland iyo Puntland oo ay Itoobiya sidan Jabuuti oo kale ula macaamisho, una soo dhaweyso Muwaadiniintooda, ayaa arintaa ku tilmaamay riyo maalmeed aan dhici Karin.

Diblomaasi kale oo arintan Somaliland iyo Puntland ay ku doonayaan in ay kula midoobaan Itoobiya wax laga weydiiyey, ayaa waxa u farta ku fiiqay Qodobka 39aad ee Dastuurka Federaalka Itoobiya, Faqradiisa 1aad, kaas oo cadeynaya in Shucuubta ku midowdey Dastuurka Federaalka Itoobiye ay xaq u leeyihiin in ay ismaamulaan, markey rabaanna ay go’i karaan.

Qodobkan Dastuuriga ah ayuu Diblomaasigu ku tilmaamay mid ay ku deg-degeen Xisbiga talada Itoobiya haya ee EPRDF, Wuxuuna sheegay in aanay EPRDF si wanaagsan u fikirin markay qodobkan ku dareen Dastuurka.

Diblomaasigan ayaa kula taliyey Dowladda Itoobiya in ay gacmahooda dib ugala laabtaan Somaliland iyo Puntland iyo hammigooda bad raadiska ah, kuna ekaadaan Wadankooda.

Waxaa la xasuusiyey Dowladda Itoobiya in colaadihii u dhexeeyey iyaga iyo Soomaaliya la seexiyey oo ay nabanyihiin, laakiinse aan la xalinin, Waxaana suurta kal ah in Colaadahaa la seexiyey ee nabani ay waqti kasta soo toosi karaan oo ay bib u soo noolaan karaan.

Diblomaasigani wuxuu taladiisii kusoo gaba-gabeeyey oo uu yidhi: Xooga ugu weyni waa Fikirka, ma aha mid Ciidan. Wax awood ciidan lagu gaadhana waxaa ka fa’iido badan waxa fikirka lagu keeno.

Fikirka ah in Somaliland iyo Puntland ay la midoobaan Itoobiyana waa Fikir waqtigiisii ka horeeya oo kaadsiinyo mudan.

Hadaba Somaliland mey qarsan jirin Fikirkeeda in ay rabto in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, oo horaa Hargeysa looga yidhi: In aanu Soomaaliya kasii mid ahaano, waxaa noo dhaanta anagoo Itoobiya la midowna.

Arinta Soomaalida badankeeda ku cusub ayaa ah Puntland oo iyana Fikirkan qarsaneysay, in kasta oo laga dareemi karayey hab dhaqnka Puntland ee mar-marsiiyo doonka ah sanadahan u danbeeyey.

Haddaba akhriste halkan hoose ka eego warka aan kor ku soo sheegnay halka aan kasoo xiganay

http://www.goolgule.com/puntland-and-somaliland-to-be-part-of-ethiopia

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis-Ababa

[email protected]

Xasan Sh. oo BF ka hor sheegay hadal yaab leh “Wixii ka dambeeya 2016-ka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay kal fadhigga 5-aad ee golaha baarlamaanka ayaa sheegay in marka la gaaro sannadka 2016-ka aanu jiri doonin wax muddo kororsi ah oo ay madaxda dowladda ama xildhibannada loo sameeyo isagoona qeexay in xilligaas ay dalka ka dhici doonto doorasho rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sannad ka hor arrinta ku saabsan hiigsiga 2016-ka oo ay uu ku dhaawaaqay in weli sideedii ay tahay isla markaana la meel marin doono.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka hadlay muranka badda ee Kenya, wuxuuna sheegay in maxkamadda caalamiga ee ICG ay u sheegeen in aan muran lagalin Karin badda Soomaaliya waxaana arrintaas baarlamaanka looga baahan yahay ayuu yiri in ay u huuliyaan dowladiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa baarlamaanka uga tacsiyeeyay xildhibaannada geeriyooday muddadii ay fasaxa ku maqnaayeen xildhibaannada.

Wuxuu ku tilmaamay xildhibaannada la dilay ‘shuhaddo’ u adeegayay dadkooda iyo dalkooda.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ku ammaanay baarlamaanka dedaalka uu muujiyay muddadii labada sanood ee uu jiray.

Wuxuu ballanqaaday inay dowladdu dhawri doonto xasaanadda mudaneyaasha, maadaama ay dadka iyo dalkaba u hayaan shaqo qaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Qarax galaaftay nolosha dad badan oo Kismaayo ka dhacay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah oo ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Qarax halkaasi ka dhacay ay ku dhamaadeen dad farabadan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu galaaftay geerida ugu yaraan 5 Qof oo Rayid ah.

Qarax ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Via Afmdow ee Kismaayo, waxaana lasoo sheegayaa inuu ahaa Miino lagu aasay Wado Mashquul badan oo ku taalla Xaafadda Dalcadda oo kamid ah Calanleey, iyadoona miinadaasi lala eegtay Kolonyo Gaadiid military ah oo ay la socdeen Ciidanka Burundi ee kamidka ah AMISOM.

Dhanka kale, Qaraxa ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Magaalada Kismaayo uu ka socdo shir la sheegay in lagu heshiisiinaayo beelaha halkaasi dega.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog kasoo korartay shirka KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maalintii 6-aad ka socda shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Cabdi Baaleey Xasan waa guddoomiyaha shirkaas, wuxuu u warramay warfidiyeen isagoona sheegay in shirka Kismaayo uu meel fiican marayo isla markaana lagudagalay siddii la isku soo hor fadhiisin lahaa beelaha deggan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay maalintii shaley in ay is hor fadhiisteen beelaha Jareer Weyne iyo Cowrmali iyagoona si cad isaga codsaday in ay cafiyaan, waxaana meesha ka dhacday ayuu yiri in gabdho la is dhaafsaday.

Cabdi Baaleey wuxuu kaloo sheegay maanta oo Sabti ah in ay kulmeen beelaha Harti iyo Gaaljacel iyagoona iska codsaday in ay is cafiyaan maadama ay gobalka wada dagaan.

Maalin berri ah waxaa kulmaya ayuu yiri Shiiqaal iyo Biyo Maal, sidaas ayuuna shirka ku soconaya ayuu yiri guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Dhinaca kale, Cabdi Baaleey wuxuu ka hadlay in maanta ay kulan gaar ah yeesheen guddigooda iyo beesha Sade loogana hadlay siddii beesha bal ay door iga qaadan lahayd shirka ka socda Baydhabo.

Mar la weydiiyay xaalka Barre Hiiraale oo aqbalay in uu la heshiiyo maamulka Axmed Madoobe wuxuu tilmaamay in weli fursad ay u furan tahay saaxibkood oo aan fikirkiisa iyo tallaadiisa laga maarmin

Ugu dambeen wuxuu sheegay in shirarka ka socda Kismaayo marka uu soo dhammaado in laga sameen doono war-murtiyeed kaasoo loo gudbinaayo Beesha caalamka, IGAD iyo dowladda Soomaaliya si loo dhiso maamul loo dhan yahay ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Jawaari oo runta u sheegay Xasan Sh. kaddib markii ay dhacday arrin uu ka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta ka hadlaayay kal fadhigga shannaad ee golaha baarlamaanka, ayaa ku celceliyay in guddoonka baarlamaanka uusam mar dambe aqbali doonin in xasaanadda laga qaado xildhibaan ka tirsan baarlaamnka.

Jawaari ayaa hadalkan ka hor jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta furay kulanka baarlamaanka halkaasna khudbad dheer ka jeediyay oo ku aadan wax yaabaha ay qabatay dowladiisa iyo qorshaha ay lee dahay ka hor 2016-ka.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ayaa goobta ka sheegay intii fasaxa ay ku maqnaayeen xildhibannada in ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen gurriga mid ka mid ah xildhibaannada halka mid kalena ay xireen oo ay ka qaadeen xasaannada “Taasna ma yeeleyno” ayuu yiri.

Jawaari ayaa hadalkan markii uu sheegayay ay ka muuqatay sida uu uga xun yahay tallaabadii uu ku dhaqaaqay agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe kaasoo weerarray xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan.

Jawaari ayaa madaxweynaha si cad ah ugu sheegay in looga baahan yahay hey’adda ammaanka in ay ilaaliyaan xasaanadda uu lee yahay xildhibaanka haddii kale sharciga uu qabanaayo qofkasta oo xil haya.

Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha baarlamaanka uu si cad ah uga hadlo tallaabadii uu qaaday taliyihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka.

Dhinaca kale, guddoomiye Jawaari ayaa fariin u diray xildhibannada maqan wuxuuna u sheegay in wixii hadda ka dambeeya lala xisaabtami doono xildhibaankii ka maqnaada fadhiyadda baarlamaanka maadama shaqooyin adag ay horyaallaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Xasan Sheekh oo taliye caan ah u magacabaya agaasimaha nabad sugida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka iyo Sirdoonka uu u magacaabayaa C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Tuuryare, ayaa hadda ah Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida, iyadoo uu horey kaga soo shaqeeyay Hay’adda Nabad Suggida, ka hor inta aanu noqon Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada.

Tuuryare, ayaa sidoo kale ah shaqo xiriir wanaagsan la leh Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, wuxuuna ku heyb yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaacabida Tuuryare waxay imaneysaa markii maanta uu Madaxweynuhu aqbalay xil ka qaadistii Golaha Wasiiradu ay ku sameeyeen Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), isaga oo dib xilka uga qaaday Sambaloolshe.

Saacadaha soo socdo, ayaa waxaa lagu wadaa in Warbaahinta si rasmi ah loogu bayaaniyo magacaabida Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Ka hor inta aan la magacaabin Tuuryare, ayaa waxaa sidoo kale la hadalhaayay in jegadaasi loo magacaabi doono Fahad Yaasiin oo si weyn ugu dhow Madaxweynaha, kuna heyb ah Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]