28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

MUUNGAAB oo safar ka ah MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaarayo Xarunta Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” uu maalmaha soo socdo ku wajahan yahay Dalka Talyaaniga.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhigiisa Gobolka Roma uu ka helay Casuumaad, iyadoona la sheegay in halkaasi uu kulamo khuseeya Gobolka Banaadir kula qaadan doono Madaxda Gobolka Roma.

Mungaab ayaa la filayaa in gudaha Asbuucaani uu halkaasi u safri doono, waxa ayna Casuumaadaasi ka danbeysay ka gadaal markii uu Mungaab Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Gobolka ku qaabilay Danjiraha Dalka Talyaaniga u fadhiya Somalia Farbizio Marcelli oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan tan dowladda Hoose.

Lama Oga goorta rasmiga ah oo uu Guddoomiyaha ka anbabixi doono Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in safarkiisa uu kamid noqon doono Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Gobollada dhexe oo wajahaya XAALAD siyaasadeed halisa & beelo carreysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay mudooyinkaani kac-saneyd Siyaasadaha ka taagan goboladda dhexe, ayaa waxaa iminka lasoo warinayaa in halkaasi ay ka taagan tahay xiisado dagaal oo salka ku haayo Awood qeybsi.

Kulan ay Magaalada Muqdisho isugu yimaadeen odoyaal iyo siyaasiyiin ka tirsan beel ka tirsan beelaha Somaliyeed ee wax ka dega gobollada dhexe ayaa waxa ay kaga soo hor jeesteen habka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay u martay maamul u sameynta goboladda dhexe ee dalka.

Kullanka oo ahaa mid Wakhti badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha DFS ay ka damacsan tahay Goboladda dhexe, waxa ayna Beeshaasi gaashaanka ku dhufatay inay ka qeybqaadan doonaan dhibaatooyinka ka taagan goboladda dhexe waa haddii ay DFS xasuusan weyso xuquuqdooda.

Kasoo qeyb galayaasha kulanka ayaa dowladda federaalka waxa ay ka codsadeen in dib u eegis ay ku sameyso habka uu ku socdo shirka lagu mideynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale, Beeshaasi, ayaa waxa ay wacad ku martay haddii ay DFS duudsato xuquuqdooda ay muujin doonaan awoodahooda, waxa ayna Dowlada ugu baaqeen inay xal ka gaarto Arrimaha goboladda dhexe.

Sidoo kale, Caaqil Cabdullaahi Cali oo ka mid aha masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa ku tilmaamay qaabka ay dowladda Federaalka Soomaaliya wax u wado mid aan lagala tashan.

Odayaasha ka soo jeeda beeshan ee ka cabanaya cadaalad darrada ayaa qeyb ka ah maamullada gobolada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Horey ayaa waxaa dhismaha maamulka gobollada dhexe u diiday beelo badan oo ka mid ah kuwa degan gobolka, xilii ay dowladda federaalka isku dayeyso inay qasabto hir-gelinta maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SOOMAALIDA ZAMBIA oo lagu kacay!!

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xafiiska Waaxda Socdaalka Zambia ku leeyihiin Gobalka Ndola, waxay soo masaafuriyeen 10 Muwaadin oo Somali ah, kuwaasi oo la sheegay inay si sharci-darro ku soo galeen dalkaasi.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska Times of Zambia ee ka soo baxa caasimadda dalka Zambia ee Lusaka waxay Saraakiisha Waxada Socdaalka gacanta ku dhigeen 9 Somali oo si tahriib ah ku soo galay Zambia, waxaana loo gudbiyey Xeradda Qaxootiga ee Mehaba oo ay ku jiraan boqolaal Qaxooti ka kala yimid dalalka Somalia, Sudan, Ethiopia, South Sudan iyo Tanzania.

Dhinaca kale, Wargeyska Times of Zambia ee ka soo baxa caasimadda dalka Zambia ee Lusaka waxay Saraakiisha Waaxda Socdaalka bilaabeen hawlgal lagu soo qabanayo Shisheeyaha Sharci-darradda ku jooga dalkaasi, oo ay Soomaalida ku jiraan..

Hawlgalka ugu weyn ayaa waxa uu ka dhacay Bartamaha magaalladda Livingstone, halkaasi oo lagu soo qabtay 20 qof oo u dhalatay dalka Tanzania.

Badankooda ayaa la sheegay inay wateen Dukumentiyadda Safarka oo la been abuuray. Tallaabooyinka ayaa waxaay dhaliyeey in Soomaali badan ay soo food saarto xaalad cabsi iyo kala carar ah.

Xigasho: Times of Zambia

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Beesha Wacaysle oo Muqdisho ka soo saartay go’aanno ka kooban 6 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahanno, Culuma’udiin, Dhallinyarro iyo Haween ka tirsan Beesha Wacaysle ayaa waxay maanta magaalladda Muqdisho ku yeesheen Shir ballaaran oo ay kaga hadleen qorshaha Dowladda ee Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee Somalia.

Kulankaasi waxaa ka hadlay Cabdullaahi Cali Taakow, Ciise Siyaad Hiraabe, Cabdi Suudi Hiraabe (Suusac), Muxumed Taranbi, Nabadoon Shucayb Jimcaale, C/llaahi Geeddi Shadoor iyo Ciise Macallim Maxamuud, waxayna sheegeen inay Beesha Wacaysle ka soo horjeedo Maamul-u-samayntaasi.

Afhayeenka Beesha Wacaysle, Cumar Cali Shaambi ayaa gebagebaddii Kulankaasi ka akhriyey War-murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi, waxaana ka mid ah qoddobaddan:-

  1. Beesha Wacaysle waxay soo dhaweynayaan dadaalka Shacabka Sooomaaliyeed ugu jiraan dib-u-soo-nooleynta Dowladnimadda, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in la tixgeliyo rabitaanka Ummadda.
  2. In Maamul-u-samaynta Dowladda ee Goballadda Dhexe meel ka dhac ku yahay Beesha Wacaysle, kana horimaanayo Dastuurka Qabyadda, gaar ahaan qoddobka 49-aad, farqadiisa Lixaad, kaasi oo qeexaya in 2 ilaa 3 Gobal samaysan karaan Maamul-gobaleed.
  3. Beesha Wacaysle waxay ka xun tahay go’aanka qaldan ee Dowladda, iyadoo aysan Beesha xubin ka ahayn Guddiga Saxiixayaasha.
  4. Beesha Wacaysle, waxay cambaaraynayaan go’aanka Guddiga Saxiixayaasha .
    Inaan Beesha Wacaysle ka war-haynin, lagalana tashanin Mamaul-u-samayntaasi
    · Waxay Beesha Wacaysle ku talinaysaa inaan colaad iyo dhibaato laga dhex abuurin Walaalaha wada deggan Goballadda Dhexe.
  5. Odayaasha Dhaqanka iyo dhamaan qeybaha Bulshadda ee Beesha Wacaysle waxay go’aansadeen inay la midoobaan Goballadda kale ee deriska ee ay wadaagaan dhaqanka, dhalashadda.
  6. Dowladda Federalka iyo Xafiiska UNSOM iyo cidda ay khuseyso waxaan u sheegaynaa inaysan Beesha Wacaysle ka mid ahayn Guddiga Saxiixayaasha Mamaul-u-samaynta Goballadda Dhexe,

Qoraalka waxaa si gaar ah loogu xusay inay Beesha Wacaysle oo deegaan degtaa dhulka xeebleyda ee Bariga Gobalka Galgaduud iyo Degmadda Xarar-dheere ee Gobalka Mudug waxay si wadajir ah gaashaanka ugu dhufteen qorshaha Dowladda ee lagu doonayo in Maamul loogu sameeyo Goballadda Dhexe ee Somalia.

wac1wac2

Dhageyso: PUNTLAND oo arrin xasaasi ku eedeysay Qeybdiid & xiisad taagan

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdiqeybdiid kaasoo ahaa in Puntland ay xayiraad ku soo rogtay garoomo ay maamusho oo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo.

Cabdinaasir Badal Khalaf oo warfaafinta u qaabilsan gobalka Mudug ayaa sheegay in Puntland aaney u diidin madaxweynaha Galmuudg, Cabdi Qeybdiid in uu ka soo dago garoonka diyaaradaha Gaalkacyo balse ay ka war heleen in halkaas ay ka soo dageen diyaarado hub sida oo ka soo duulay garoomada Baladoogle iyo Lambar 50.

Wuxuu sheegay in hubkaas lagala soo cararay magaalada Muqdisho isla markaana la rabo in colaad hor leh lagaliyo shacabka ku dhaqan goballada dhexe sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan u hadlay maamulka Puntland ayaa ku celceliyay in la mamnuucay guud ahaan diyaarad aaney ogeyn maamulkooda in ay soo fadhiisato garoomada Gaalkacyo isla markaana Puntland ay gacanta ku heyso guud ahaan gobalka Mudug oo dhan sida uu yiri.

Mar la weydiiyay sida uu ku caddeen karo in hub sharci-darro ah laga dajiyay koonfurta Gaalkacyo wuxuu tilmaamay in ay hayaan caddeemo oo xitaa la weydiin karo AMISOM iyo xildhibaannada Puntland ee baarlamaanka ka tirsan kuwaasoo ogaaday markii garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay maamulaan AMISOM laga soo qaadi waayay hubkaas in laga soo daad gureeyay garoomada Lambar 50 iyo Baladoogle.

Hadalkan sarkaalkan u hadlay Puntland ayaa jawaab u ah hadal uu xaley sheegay madaxweynaha Galmudug kaasoo ahaa in Puntland ay xayiraad ku soo rogtay garoomka ay maamusho maamulkiisa oo ay ku jirro mid dhawaan laga dhisay koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, Qeybdiid waxa uu sheegay in haddii arrinta aan xal looga gaarin muddo saddex cisho ah gudahood inuu tallaabo cawaaqib leh qaadi doono.

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Warark Muqdisho

[email protected]

Sir ku saabsan khayraadka Somalia iyo boobka lagu hayo‏ (Video muhiim ah)

0

Columbus (Caasimada Online ) – Dalka Soomaaliya waxaa allaah uu ku maneystay kheyraad tira badan oo nooc walba leh, oo ka dhigi kara mid ka mid ah kuwa ugu hodansan dunida, haddii laga faa’iideysto.

Si kastaba, kheyraadkaasi ayaa waxaa had iyo goor lagu hayaa boob aysan inta badan bulshada Soomaalida ka war-hayn.

Cabdi Salaam Xaaji Ismaaciil, oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa wareysi uu siiyey TV ku yaalla gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxa uu shaaca kaga qaaday sir ku saabsan boobka lagu hayo kheyraadka Soomaaliya.

Halkan ka daawo wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

R/W Cabdi Weli oo BF oo looga yeeray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha shacabka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ugu yeeray in maalmo kooban gudahooda uu kusoo gaaro Magaalada Muqdisho

Ra’isul wasaaraha, ayaa la sheegayaa in Su’aalo laga weydiin doono Arrimaha Xukuumadiisa iyo Heshiiska Xukuumada ay lagashay Shirkad laga leeyahy Dalka Turkiga.

Gudoomiya Ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, ayaa daboolka ka qaaday in Ra’isulwasaaraha Dalka ay u baahan yihiin Golaha shacabka, waxa uuna Tilmaamay in la dhaliilsan yahay qaabka uu u dhacay heshiiska Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga ee lagu Wareejiyay Maamulida Dekadda Muqdisho.

Go’aankaani uu maanta shaaciyay Gudoomiya Ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, ayaa waxa uu imaanayaa xili Gudoomiyaha Gudiga  Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow uu sheegay inaysan ku qancin qaabka loo kala wareejiyay Dekada.

Dhanka kale, Maalinimadii Shalay ayey aheyd markii Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga lagu Wareejiyay Maamulida Dekadda Muqdisho’iyadoona Arrintaasi ay Muran keentay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

PUNTLAND oo u jawaabtay QEYBDIID !!

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaradda Duulista hawadda iyo garoomadda maamul goboleedka Puntland, ayaa ka jawaatay eed dhanka Galmudug uga timo oo salka ku haysa is hortaag lagu sameeyay garoon diyaaradeed oo sanadkii hore la halkaas hirgaliyay.

Wasiirka wasaradaasi Xasan Cade oo waraysi siiyay Caasimada Online, ayaa sheegay inaysan Puntland diidin garoon diyaaradeed oo laga hirgaliyay Gaalkacyo, balse arrinta la isku hayo ay tahay masaafada ay isku jiri karaan garoonkii horay magalada uga jiray iyo kan Galmudug ay dhisatay.

Xasan Cade ayaa tilmaamay in la siyaasadeeday arrintan, balse aysan wax saamayn ah ku lahayn siyaasada dalka, islamarkasna loo baahan yahay in laga fekero marka garoon diyaaradeed la dhisayo saamaynta uu yeelan karo.

Xasan Cadde
Xasan Cadde

Madaxwaynaha Galmudug oo la hadlay shalay BBC ayaa sheegay Puntland inay caburin iyo cadaadis ku hayso Shacabkooda, ayna arrintaasi u dulqaadan doonin, wuxuna ku eedeeyay Puntland inay iska maamulanayso garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo ka mid ah garoomadda Dowladda.

Qeybdiid ayaa sheegay in Puntland ay diyaaradhii ka degi lahaa garoonkiisa ugu hanjabtay inay shatiga garoonkooda kala noqonayaan, taasi oo diyaradaha ku qasabtay inay qaadacaan garoonka Gal-Mudug, si ay u dhowrtaan suuqa iyo macaamiisha ay ku lee yihiin garoonka Cabdullahi Yuusuf.

Qaybdiid waxa uu ku goodiyay haddii aan waxba laga qaban warqada dacwad ah ee uu ka gudbiyay Puntland uu tilaabo qaadi doono, wixii ka dhashana uu mas’uul ka yahay Gaas.

”Si looga hortago dhibaato colaadeed oo ka dhacda degaamadaas waxaan ka codsaneynaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Bulsahd Caalamka in garoonka Qaran ee ku yaala magalada Gaalkacyo arrinkiisa wax looga abto mudo saddex bari laga bilaabo 21 September 2014 ilaa 24-ka, arintaasi cawaaqib xumadii ka dhalatana masuuliyadeeda, waxaa qaadaya hoggaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas” ayuu yiri Qeybdid.

Ma jirta cid kasoo jawaabtay warqadan uu Cawaale u diray DF.QM,IGAD iyo Midowga Yurub hase yeeshee waxay kusoo aadaysaa xili uu xun yahay xiriirka Puntland iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SAWIRRO: Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka duulay Adan Cade

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka ka dhoofay, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka.

Madaxweynuhu wuxuu ka qeyb gelayaa shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ee New York,  halkaasi oo uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay iyo howlaha hadda hor yaalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogo magaalada New York wuxuu kulammo gooni gooni ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda caalamka ee, iyaguna shirkaa ka qeyb gelaya.

Madaxweynaha waxaa sii sagootiyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Ridwaan Xersi, Wasiirro iyo Taliyayaasha Ciidanka.

Xas1 xas2 xasa3 xasan sh

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Mooshin la horeeyey BF SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay Wadaan Mooshin ka dhan ah Sharikadda Turkiga ah ee lagu wareejiyay Maamulka Dekadda Muqdisho.

Gudoomiyaha Gudiga  Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow oo la hadlay warbaahinta Maxaliga ah, ayaa sheegay in gudiga uu aad u dhaliilsan yahay qaabka ay u dhacday kala wareejinta Dekadda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow, ayaa sheegay in wado qaldan loo maray wareejintaasi, waxa uuna ku tilmaamay mid Sharcidaro ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in qaabkii loo maray Shirkadii Shalay lagu wareejiyay Dekadda Magaalada Muqdisho ay tahay mid aan la koontaroolin islamarkaana u muuqaneyso in lala baal-maraayo sharciga,waxaana uu xusay in Shirkadda Turkiga laga leeyay ee Shalay la Wareegtay Maamulka Dekadda ay ka horeeyeen Shirkado kale.

Gudoomiyaha Gudiga  Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka, sidoo kale waxa uu Eedeen ujeediyay Maareeyaha Dekadda Magaalada Muqdisho, iyadoona uu sheegay in Maareeyahay uu diiday in Gudiga Arrimaha Gaadiida Baarlamaanka Soomaaliya ay la Xisaabtamaan oo ay wax ka weydiiyaan Arrimaha Dekadda Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Aabi Aadam oo isna ka mid ah Baarlamaanka, ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo uu kamid yahay Cusmaan Dhuubow, oo ah Gudoomiyaha Gudiga Gaadiidka Baarlamaanka inay wadaan Mooshin ay ku Diidanyihiin in Sharikaddaas ay ka shaqeyso Dekadda Muqdisho.

“Waxaan la yaabnay sida deg-dega ah ee ay Go’aanka ugu gaartay in shaqaale intaas la eg ay shaqada ka joojiso, Hadda ayaa dadkii dalka shaqo la’aan heysataa, hadii intaas ay shaqo la’aan Noqdaan waxaa halis gelaya Nolosha qoysaskooda, sidoo kale waxaa ay Noqon karaan intaas oo shaqo la’aan noqda kuwo Halis geliya Amaanka” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Aabi.

Haddalka Gudoomiyaha Gudiga  Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalinimadii shalay Wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda iyo Maamulka Dekadda ay wadajir ugu wareejiyeen Shirkad laga leeyhaay Dalka Turkiga,waxaana Durba soo baxay Diidmo arrintaasi ku aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Maxaa kala heysta Dam-Jadiid iyo Ra’isul Wasaare C/Weli Sheikh Axmed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareed lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Dam-Jadiid, ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed uu damacsan yahay inuu xil ka qaadis ku sameeyo dhowr Mas’uul oo ka tirsan DF.

Ilo wareedka ayaa sidoo kale, sheegaya in Khilaaf hoose uu xiligaani ka dhex taagan yahay Ra’isulwasaaraha Dalka iyo Wasiiro ka tirsan Dam-Jadiid oo uu  kamid yahay Faarax C/qaadir, taasi oo ka danbeysay kadib markii Kooxdaasi ay isku dayeen inay cadaadin iyo la xisaabtan ay saaraan RW Cabdi weli, taasina ay ku gacan-seyreen.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa la Tilmaamayaa inuu sii xoogeystay goortii uu Ra’isulwasaaraha xilka ka qaaday Aggaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/lahi Sambaloolshe, waxa ayna taasi sii laba jibaartay xurgufta ka dhex taagneyd Xassan iyo C/weli.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isulwasaare C/weli uu Xassan sheikh ku wargaliyay inuu kala qaado nin jecleysiga iyo Qaranka.

Madaxtooyada ayaa waxaa laga dareemayaa xusul duub ay Dam-Jadiid ugu jiraan cunaqabateyn ay ku sameeyaan Ra’isulwasaaraha, iyadoona dhanka kale, taasi ay kasoo horjeedan Xildhibaano iyo wasiiro taageero u hayo C/weli Sheekh Axmed.

Khilaafyada ku xeen-daaban Siyaasada DF, gaar ahaan tan Dam-Jadiid, ayaa xiligaani joogto ka noqotay Villa Somalia, xilli heer gabo gabo ay mareyso Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Wasiir Beyle oo dad badan ka yaabiyay kadib markuu sameeyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo lagu garto wax yaabo gaar ah oo ku nool adduunyada ayaa haddana awood u yeesha in ay qabtaan howlo kale, dadkaas ayaa waxaa ka mid ah madaxweynayaasha, wariyaasha, fannaaniinta iyo qeybaha kala duwan bulshadda.

Dadkaas waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo sameeyay heeso badan oo wadani ah.

Heesahaas waxaa ka mid ah Ceelasha Biya, waa hees uu ku cabiraayay markii dad badan oo barakacayaal ah ay u qaxeen deeganka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wuxuu sheegay in heestaas uu uga hadlay dhibka la soo daristay dadkii halkaas ku barakacay.

Waxaa kaloo heesaha uu sameeyay ka mid ah, Soomaaliya waa Mashruuc, wuxuu heestan uga hadlay sida caalamku u doonayaan in ay ka faa’ideestaan wax yaabaha uu alle ku maneestay.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya waxaa kaloo uu sameeyay heesta Calanka oo uu uga hadlaayay qiimaha calanka Soomaaliya uu ku fadhiyo iyo isagoo ka hoggaaminaayay Bangiga Africa development oo shir ka dhacay magaalada Liperfield ee dalka Gabon oo ay ku sugnaayeen 53-wasiii uu ka waayay wasiir matalaya calanka Soomaaliya oo goobta surnaa.

Wasiirka ayaa sheegay markii uu ka hadlaayay goobta isagoo ka mid ah Bangiga African Development  in uu aad u qiirooday.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in heesaha wadaniga ah ee uu sameeyay in ay soo baxeen markii hore sannadkii 2006-dii balse uu marwalba jeclaa heesaha Soomaalida.

Mar la weydiiyay Muqdisho markii uu ku soo laabtay iyo wax yaabaha uu dareemay, wuxuu sheegay in Muqdisho ay ugu dambeesay 1987-dii xilligaas oo Muqdisho ay ahayd magaalo aad u qurux badan balse markii uu yimid magaalo ay dagaallo burburiyeen.

Wasiirka ayaa sameeyay heesta Muqdisho oo uga hadlaayay maqaamkii ay lahayd Muqdisho iyo sida ay meesha uga baxday.
Wasiirka ay

Ugu dambeen waxaa su’aalo weydiiyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, agaasimaha Idaacadda Kulmiye,

Abwaan Guure iyo Wariye Cumar Nuur Xabeen Teacher.

Halkan hoose ka dhageyso Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo Wasiirka lagu wareystay

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Barre Hiiraale oo dib u laabanaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Saraakiisha la shaqeysa Col. Barre Hiiraale, ayaa inoo xaqiijiyay in Barre uu damacsan yahay inuu dib ugu laabto Deegaanka  Goobweyn oo ay ku sugnaayen isaga Ciidamadiisa.

Sargaalka ayaa tilmaamay in Barre uu aaminsan yahay in Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka ay u cadaadinayaan Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe, hase yeeshee uu dib ula laabtay go’aanadii ahaa inuu Axmed Madoobe la midoobayo.

Sarkaalka waxa uu yiri “Barre Hiiraale waxaa har iyo habeen lagu cadaadinayaa inuu hoos tago ama uu u jilicsanaado Axmed Madoobe, isagana arrintaasi ayuu  kasoo horjeeda, hadda waxa uu leeyahay waan ka laabtay go’aankii heshiiska ahaa, wuxuuna jecleestay inuu dib ugu laabto Goobweyn”.

Sidoo kale, Sargaalka ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Barre uu xiligaani diyaar u yahay inuu dib ugu laabto Kismaayo, islamarkaana halkaasi kasii wado Dagaaladii iyo Colaadihii kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, taasi oo dhibaato badan u keeni karta Bulshada ku nool deegaanada Jubbooyinka, oo iyagu ehel u noqday Colaado aan dhamaad laheyn

Haddalkaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo dhawaan uu Col. Barre Hiiraale ku gacan-seyray go’aano kasoo baxay DFS iyo Maamulka KMG Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Gen. Qeybdiid oo ka hadlay xannibaadda ay kusoo rogtay Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay shalay qortay Caasimada Online, maamulka Puntland ayaa u diiday madaxweynaha Gal-Mudug, General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid inuu kasoo dego garoon ku yaallo magaalada Gaalkacyo.

Qeybdiid, oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in warqad cabasho ah ay u direen Madaxda dowladda federaalka iyo bulshada caalamka, taas oo ay kaga cabanayaan xayiraad uu sheegay in dowlad goboleedka Puntland ku soo rogtay garoon dhawaan laga furay Koofurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Cabdi Qeybdiid, waxa uu sheegay in ay ka codsadeen dowladda in ay jawaab ka siiso xayiraadaasi muddo sadax cisho ah ah saaran, uuna ugu xaniban yahay magaalada Muqdisho.

Sida Qeybdiid hadalkau dhigay, Puntland ma hor-istaagin mana hor-istaagi karto in garoonka Gal-Mudug ay kasoo degaan diyaarado, balse waxa uu sheegay inay diyaaradihii ka dagi lahaa garoonka cusub ee Koonfurta Gaalkacyo ugu hajnabeen inay shatiga kala noqonayaan, oo aysan kadoo dagi karin garoonka Cabdullahi Yuusuf, sidaa darteed buu yiri Qeybdiid “Diyaaradahii ayaa ayaga oo daneynaya suuqa iyo macaamiisha ay ku lee yihiin dhinaca Puntland ay qaateen amarka Puntland”

Jen. Qeybdiid ayaa sheegay hadii ay wax jawaab ah aaney helin in shacabka Galmudug ay qaadan doonaan go’aan ah in ayan aqbalin in labo garoon oo hal magaalo kuwada yaalla mid uu shaqeeyo midna uu xirnaado.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cabdi Qeybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

MUQDISHO oo qarax ku waabariisatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la Ogyahay Laba ruux ayaa ku dhawacantay Qaraxa Xoogan oo Saaka ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Agagaarka Isbitaalka Xoogga.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid ka dhashay Miino lagu xiray mid kamid ah Baalayaasha cad-ceeda ku shaqeeya ee  dhawaan lagu xiray wadadaasi.

Goobjooge, ayaa inoo xaqiijiyay in xiliga qaraxa uu dhacaayay ay wadadaasi aheyd mid zamad badan, islamarkaana ay isticmaalayeen gaadiidka shacabka iyo dad caadi ah.

Ma aha Qaraxii ugu horeeyay oo lagu xiro Baala-yaasha Cad-ceeda ee halkaasi ku yaalla, mana jirto cid weli ka hadashay Qaraxaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

AXMED Madoobe oo tallaabo yaab leh ka qaaday odayaashii ka baxay shirka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Xuseen oo kamid ah Odayaasha Jubbooyinka, ayaa inoo xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu faray Ciidamadiisa inay soo Uruuriyaan Odayaasha ka baxay shirkii Kismaayo ka socday.

Waxa uu sheegay in dhowr Odayaal ay xiligaani u xiran yihiin Axmed Madoobe kuwaasi oo uu sheegay in lagu eedeeyay ka bixitaanka ay shirka isaga baxeen.

‘’Adeerow Axmed Madoobe waxa uu faro kulul ku hayaa Odayaashii ka baxay shirka, waxa uu Ciidamadiisa ku amray inay xaafadaha iyo goobaha lagu qaxweeyo kasoo Uruuriyaan Odayaasha shirka kabaxay, aniga ayaa kamid ahaa waxaa leygu garaacay qoray caaradiisa, waxaana leygu amray inaan kala doorto dil iyo xabsi, waxaa nalagu hayaa arrin aan diin iyo dadnimaba aan u wanaagsaneyn, waayo anaga ayaa xor u ah ka qeybgalka shirka maahan in nalagu qasbo’’ Sidaa waxaa yiri Axmed Xuseen.

Axmed Xuseen ayaa intaa hadalkiisa raaciyay ‘’Socon-meyso isoo raac ama wan ku dilaa, taasi waxaa Jawaabteeda laga sugaa Axmed Madoobe’’
Haddalka Axmed Xuseen, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo dhawaan ay shirka Kismaayo isaga baxeen tiro badan oo Odayaal ah kuwaasi oo tilmaamay inaysan ku qancin qaabka uu shirka ku furmay.

Axmed Xuseen waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in Maleeshiyada Axmed Madoobe aysan ka aadi karin goobaha lagu cibaadeysto cabsi ay ka qabaan in la dilo awgeed.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xog: Xiriirka Xasan Sheekh iyo Beesha Xawaadle oo meel xun gaaray, Sabab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in xiriirka Madaxweyne Xassan iyo Beesha Xawaadle uu gaaray meel xun kadib markii siyaasad qar ka tuur ah lala dheelay aggaasimihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe.

Odayaasha Beesha Xawaadle, ayaa la soo warinayaa inay muddo Seddex maalin ay ku laa-laabanayaan Xarunta Madaxtooyada Somalia, iyagoona la sheegay inay ka duulayaan go’aanka xil ka qaadista Aggaasimaha Nabadsugida ee kasoo baxday Madaxweyne Xasan.

Sida xubno ku dhow madaxweynaha ay u sheegeen CaasimadaOnline, Kullamo dhex maray Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, waxaana la soo sheegayaa in Odayaasha ay aad uga caroodeen xilka laga qaaday Sambaloolshe.

Sambaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in xil ka qaadistiisa ay ugu wacneyd khilaafka ka dhex oogan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaae Cabdi Weli.

Dhinaca kale, waxaa sidoo kale jira khilaaf kale oo ku saabsan dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, oo ay Xasan Sheekh iyo Beesha Xawaadle isku maan-dhaafsan yihiin qaabka loo wajahayo.

Si kastaba, Warar kale xog kale ayaa ayaa sheegaysa in Xasan Sheekh uu damacsan yahay inuu C/llahi Sambaloolshe uu ku qanciyo Xil kale oo ka duwan xilalka khuseeya ammaanka, waxaana hada socda dadaalka xilkaasi loogu dhiibi lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland oo u diiday Qaybdiid inuu ka soo dago Gaalkacyo iyo xiisad taagan

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Diyaarad ka soo qaadi lahayd magaalada Muqdisho madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa amar lugu siiyey inaysan soo caga dhigan karin magaalada Gaalkacyo.

Ilo xog-ogaal ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) uu ka baaqsaday diyaarad uu ka soo raaci lahaa Muqdisho oo uu ka soo dagi lahaa garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Puntland ayaa sheegay in Cabdi Qaybdiid lagu amray inusan ka soo dagin Gaalkacyo taas oo la sheegay inay ka danbaysay kaddib markii Jen. Qaybdiid uu isku dayay in Qaramada Midoobay ay u ogolaato inuu ka dago garoon macmal ah oo dhawaan Galmudug ay ka dhistay koonfurta Gaalkacyo iyo xiriir dhex maray Gaas iyo Jen. Qaybdiid.

“Waxaan idin xaqiijin kara Jen. Qaybdiid inuu isku dayay in Qaramada Midoobay uu ka dhamaysto in loo sharciyeeyo garoon macmal ah oo ku yaal koonfurta Gaalkacyo arrintaasna QM ay ka diidday, kaddibna uu isku dayay in madaxweynaha Puntland, Gaas uu ku qanciyo in loo fasaxo in diyaaradaha ka diiwaan gashan Puntland inay garoonkaas macmalkaa ka dajiyaan balse madaxweyne Gaas arintaas waxuu ku gacan sayray” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Puntland.

Mas’uulkan ka tirsan Puntland oo ka hadlay sababta ka danbaysay in madaxweynaha Galmudug uu ka soo dagi waayo Gaalkacyo, waxuu sheegay in ujeedka uu Qaybdiid u dalbaday inuu garoonkaas macmalkaa ka dago ay tahay in loo sharciyeeyo.

Sarkaalkan ayaa hadalka intaas ku daray in Jen. Qaybdiid uu ku hanjabay inuusan shaqayn doonin garoonka C/laahi Yuusuf haddaan loo ogolaan inuu ka dago garoonka uu isagu samaystay ee macmalkaa.

Xiriirro kala duwan oo aynu la samaynay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in arintan aysan warar dhamaystiran ka hayn balse magaalada Muqdisho oo uu hadda ku sugan yahay Gen. Qaybdiid si weyn looga hadal hayo.

Arrintan waxaa ay ku soo aadaysa xilli muddooyinkii danbe uu jiray khilaf u dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug kaas oo salka ku haya dhismaha maamulka la sheegay Mudug iyo Galgaduud inay noqon doonan.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay jawaab uga bixiyey hadal ay Puntland ka carootay oo ka yeeray madaxweynaha Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@livecom

Daawo: Gabdho guursaday rag ajnabi ah oo aflgaadeeyey kuwa Soomaalida

0

Muuqaalka maanta aan idiin soo gudbinayno waa mid cajiib ah oo hadii aa daawato aad la yaabi doonto gabdho soomaali ah oo ku faanaya in ay ka fiican yihiin ragga ajinabiga ragga soomaalida ah.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in ay gabdhahani sheegayaan in Ragga Ajinabiga ah ay kaga wanaagsan yihiin la nolaanshaha Ragga Soomaaliyeed ama in ay guursadaan yaas oo ay ku saleynayaa arimo badan ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

DF oo war kasoo saartay wada-hadalkii Puntland iyo 30-kii cisho ee loo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan wadahadal daah-furan la bilaabi doonto Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Mudane Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in wadahadaladii la filayey inay dhowaan dhex-maraan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uu dib-u-dhac ku yimi sababo farsamo awgeed.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaka ee Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo arrinta wadahadalada Puntland ka hadlayey waxa uu yiri:

“Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran”.

Maamulka Puntland ayaa horey dowladda federaalka Soomaaliya ugu qabtay muddo 30 cisho ah in wada-hadal lagu furay, haddii aysanna dhicinna ay Puntland aayaheeda ka tashan doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]