28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

XOG: Sambaloolshe oo guddoomiyaha gobolka BANAADIR loo magacaabayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Arbaca baahisay warar ay heshay oo ku saabsan in taliyihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo hey’adda sirdoonka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe loo magacaabi rabo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Idaacadda ayaa sheegtay in go’aankan  lagu gaaray kulan dhexmaray madaxweynaha iyo xisbigiisa PDP, waxaana kulankaas lagu sheegay in loo baahan yaha in la qanciyo Sambloolshe.

DALSAN oo soo xigatay ilo wareedyo ay ku kalsoon tahay ayaa u sheegay in guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqaMuqdisho, Jeneraal Xasan Xuseen Muungaab in xilka laga qaado maadama uu ay isku dhacsan yihiin madaxweynaha.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in xilalka guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho in la kala qaadacayo, oo duqa Muqdisho waxaa loo magacaabi doonaa nin magaciisa lagu soo koobay Jimcaale oo ay qaraabo yihiin xildhibaan Cumar Finish.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma ahan markii ugu horeysay oo uu isku dayo in uu kala qaado xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, balse arrintaas waa socon weysay.

Si kastaba, dhawaan mar uu hadlay, agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugida, Cabdullaahi Sambaloolshe waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu qabto xil kasta oo loo dhiibo.

Ilaa hadda warkan cid xaqiijisay ma jirto, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda ama guddoomiyaha gobalka Banaadir ee Muungaab.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo madaxweynaha aaney isku xisbi ahayn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka Axmed Madoobe oo shirka SADE ee GARBAHAAREY u hanjabay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka digay xiisad colaadeed oo ka dhalata shir uu sheegay inay qabanqaabadiisa ka socoto degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Hoggaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in gobolka Gedo uu ka socdo qabanqaabada shir la doonayo in lagu carqaladeeyo shirweynaha dib u heshisiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo.

Fartaag ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarrey mid sharci darro ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin ‘dano gaar ah’.

Wuxuu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay shir ay taageertay dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Shirka Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid u furan cid kasta oo ka soo jeedda deegaannada Jubbaland oo qabta cabashooyin ka dhan ah maamulka Jubba.

Wuxuu xusay inaan gobollada Jubbooyinka looga baahnayn colaad hor leh, ee loo baahan yahay in loo istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Hadalka Fartaag ayaa ku soo aadaya iyadoo maalinta Jimcaha magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo uu ka furmaayo shir looga hadlaayo aayaha gobalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Rabshado ka dhacay dekadda XAMAR iyo arrin xun ay sameeyeen DFS iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Dekadda Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamada  Boolis-ka Dowlada Federaalka Somalia iyo Shaqaalaha Sharikadda Al-bairak oo is baheysanaayo ay maanta rasaas ooda uga qaadeen Muruq Maalka Dekadda.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen ilaa Seddax ruux oo ka mid ahaa dadkaasi Xamaalatada.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in goobta lagu arkaayay Laba ruux oo dhaawac ahaa kuwaasi oo ay haleeshay rasaasta ay furayeen Booliska iyo shaqaalaha shirkada Turkiga, waxaana la tilmaamayaa in mid kamid ah dhalinyaradii dhaawaca ahaa ay xirteen Ciidamada, gaar ahaan kuwa Boolis-ka ee rasaasta ridaayay.

Sidoo kale, rasaasta Muwaadiniinta waxyeeleysay, ayaa waxaa ridaayay mid ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Turkiga ee ka Tirsan shirkada Al-bairak oo ay ishu qabatay isagoo Bastoolad ridaayay.

Rasaasta iyo dhaawaca ayaa ka danbeysay kadib markii halkaasi uu Rabshado kooban uu ku dhex maray Muruqmaalka iyo Ciidamada Booliska, waxaana halkaasi ka dhacay rabshado muddo kooban socday.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Sharikadda Al-bairak ee Turkiga lagu wareejiyay Maamulka Dekadda Muqdisho, waxaana hadda socda Mooshin ka dhan ah Shirkadaasi oo ay wadaan Golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Villa Somalia oo mashquulsan & kullamo xasaasi ah oo uu wado C/Weli

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, ayaa goor dhow inoo xaqiijiyay in Villa Somalia uu xiligaani ka socdo kullamo aan caadi aheyn kaasi oo uu wado Ra’isul wasaaraha dalka C/Weli sheikh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Ilo-wareedka ayaa xaqiijinaaya in Ra’isul wasaaraha uu kullamo la qaadanaayo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DFS kuwaasi oo la tilmaamay inay yihiin kuwa isaga taageersan, xilli khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu meel sare marayo.

Kullanka ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo ka hortagida mooshino ka dhan ah C/weli Sheekh oo maalmahaani ka socday Villa Somalia iyo xil ka qaadis la sheegay in lagu sameynaayo Taliyaha Ciidamada Boliska.

Sidoo kale, kullanka ayaa waxa uu u dhaxeeya inkabadan 30 xildhibaan iyo Ra’isul wasaaraha, waxaana la filayaa inay go’aan uga gaaraan Mooshinada kusoo fool-leh C/weli Sheekh Axmed oo iminkadaanba looga yeeray Baarlamaanka.

Lama Oga waxa kasoo bixi doono kullanka Mas’uuliyiintaasi ee ka socda Villa Somalia, balse waxaa la rumeysan yahay inuusan ka soo bixi doonin natiijo sahlan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xiisad dagaal oo ka taagan Gaalkacyo iyo Puntland oo ciidamo soo dhoobtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka goor dhow lagu daadiyay inta badan Magaalada, gaar ahaan Dhanka Waqooyi.

Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in Ciidamadaasi ay wataan gaadiidka Dagaalka kuwooda gaashaaman, waxa ayna Farisimo ka sameysteen Waqooyiga Magaalada, oo ay Puntland maamusho.

Saraakiisha Laamaha ammaanka ayaa la tilmaamayaa in iyaga iyo gaadiid Ciidan ay si gaar ah u gaafwareegayaan wadooyinka Magaaladaasi, kuwaas oo la sheegay in ay ka hortagayaan Weeraro Ciidamada Maamulka Galmudug ay ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen.

Dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Ciidamada Maamulka Puntland, ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmahaani uu soo ifbaxaayay Khilaaf xoogan oo u dhexeeyo Maamulada Puntland iyo Galmudug oo wada daga Gobolka mudug, kaasi oo salka ku haayo Xanimaad Maamulka Puntland uu saaray Garoon Diyaaradeed ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo Galmudug ay Gacanta ku hayso.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal dhex mara Puntland iyo Galmudug, waxaana weli arrintaani aan ka hadal Saraakiisha Ciidanka labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kala iibsiga Maxaabiista oo si xowli ah uga socdo Muqdisho, Waa imisa halki?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Nuur Afweyne oo kamid ahaa Maxaabiistii ku xirneyd Xabsiga dhexe ee Dowlada Federaalka ee Xamar, ayaa inoo xaqiijiyay in Xabsiga uu ka socdo ganacsi lagu kala iibsanaayo maxaabiista u xiran danbiyada.

Waxa uu sheegay in isaga uu xirnaa muddo Sanad ah, islamarkaana lagu soo daayay lacag dhan $800 dollar-ka mareykanka ah.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’Meesha xabsi kuma yaallo ee waxaa ku yaalla dukaan ganacsi oo lagu kala iibsanaayo Maxaabiista, aniga waxa ay igu wargaliyeen inaysan isii deyn doonin haddii aan bixin lacag dhan $1,000 wan u sheegay inaan heysan lacag, waxa ay igu dhaheen waligaa ayaa xirnaan doontaa, dadaal dheer kadib waxa ay iga qaateen 800 oo dollar’’

Waxa uu intaa kusii daray Maxamed Nuur Afweyne ‘’Anagoo dhan 17-ruux ayaa nalaga qaatay lacag la sheegay in nalagu deyn doono, waa nasiib daro in dadka leyska soo xiro laguna siideeyo lacag, dadku maahan xoolo ee waa bani’aadam’’

Sidoo kale, Maxamed Nuur Afweyne waxa uu meesha ka saaray inay jirto cadaalad iyo xisaabtan, waxa uuna Tilmaamay in muwaadinka ay ka wanaagsan tahay lacagta.

Dhanka kale, waxa uu Dowlada Federaalka Somalia ugu baaqay inay wax ka bedesho musuq-maasuqa ay wadaan Taliyayaasha Xabsiyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muxuu yahay shirka u furmaya SADE?!

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo waxaa maalinta Jimcaha ka furmaya shir looga hadlaayo aayaha goblka Gedo iyo beelaha dega ee Sade iyo shirka Kismaayo ka socda ee dib u heshiisiinta.

Magaalada waxaa tan iyo toddobaadkii hore ee la soo dhaafay ku qulqulaayay wafuud caalami ah kuwaasoo ka mid ah ka qeybgalayaasha shirka sida ay lee yihiin wariyaasha shirka ku sugan.

Siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano iyo dad u badan qurba-joog ayaa gaaray magaalada Garbahaarey, si ay uga qeyb galaan shirweynahan, waxaana ka mid ah General Cali Madoobe, Dr. Cabdi Shire Warsame, Ganacsade, C/laahi Amko, iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood ka qeyb galaya shirkan.

Shirka ayaa horey loo iclaamiyay, waxaana lagu waday in uu ka qeybgalo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, balse waxaa la lee yahay waa uu ka baaqan doonaa, maadama uu safar dibedda uu ku maqan yahay.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goobta shirka ammaankeeda sugaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in shirka uu ka qeybgali doono Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Waa shirkii 3-aad ee dib u heshiisiin ah oo ka dhaca gobalada dalka, waxaa ka horeeyay shirarka Baydhabo iyo Kismaayo.

Dadka wax odorosa ayaa leh shirarkan waxaa dabada ka riixaya waddamada dariska sida Itoobiya iyo Kenya iyo urur gobaleed IGAD, halka dowladda ay ka tahay goobjoog.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FAARAX C/Qaadir oo wada dadaallo uu ku yareynayo diidmada laga muujiyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Garsoorka ee Xukuumada Somaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa wuxuu bilaabay dadaalo uu ku yareynaayo culeyska ay Xukuumadu kala kulmeyso dhinaca Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxaa isniintii loo qaybiyay mooshin ka dhan ah shirkadda laga lee yahay Turkiga ee Axadii lagu wareejiyay Maamulka Dekeda Magaalada Muqdisho, markii ay heshiis wada gaareen Xukuumada.

Wasiir Faarax oo la aaminsan yahay in uu yahay masuulka ugu awooda badan Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu wadaa olole uu ku joojinaayo tallaabada uu Baarlamaanku ku doonaayo, in laga noqdo heshiiska shirkadda Albairak amaba in heshiiskaasi la horkeeno Baarlmaanka.

Waxaa la arkaayay Wasiirka oo khadka teleefanada kula xiriiraaya Xildhibaanada Baarlamaanka, ee dusha ka xiireysa mooshinka laga keenay shirkadda Albairak, iyadoona uu ku qancinaayo in ay ka tanaasulaan.

Wasiirka, ayaa Xildhibaanada aan ku mowqifka ahayn u qabanaaya waqti ay ku kulmaan, si ay uga wada xaajoodaan arrimaha ku aadan Albairak, waxayna tani ku soo aadeysaa, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku jooggo Mareykanka.

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan (Sandheere) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee mooshinka ka keentay shirkadda Albairak, ayaa wuxuu cod kore ku sheegay in Xukuumada ay ka doonayaan in heshiiska Albairak ay horkeento Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka Somaliya, ayaa Isniintii u yeeray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, bal si wax looga weydiiyo heshiiska ay Xukuumadiisu la gaartay shirkadda reer Turki.

Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa waxaa la hadalhayaa in uu isagu dhabarka ka riixaaya arrinta ku aadan, in shirkadda Albairak lagu wareejiyo Maamulka Dekeda Magaalada Muqdisho.

Isha: Dhacdo

KISMAAYO:- ODAYAASHII ka hor-yimid AXMED Madoobe, Maxaa qabsaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aadan Cusmaan oo kamid ah Odayaasha Kismaayo, ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu Ciidamadiisa ku amray inay Magaalada ka saaran Odayaasha aan taageersaneyn shirka Kismaayo.

Aadan Cusmaan, waxa uu tilmaamay in Xaalada Odayaasha ay tahay mid adag, islamarkaana ay dareemayaan dhibaatooyin lid ku ah ammaankooda oo kusoo fool-leh.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yiri “Adeerow anaga Kismaayo waxan ku joognaa argagax iyo cabsi, ninkii Axmed Madoobe ahaa waxa uu Ciidankiisa ku amray in nalaga saaro Kismaayo maadama aan ka baxnay Shirka Kismaayo”

Waxa uu intaa ku daray in habeen waliba ay ku hoydaan Masjidyada iyo goobo aysan deegaan ku aheyn, waxa uuna taasi ku tilmaamay mid aysan muteysan, balse uu Axmed Madoobe baxshay amarkaasi.

Aadan Cusmaan waxa uu yiri ‘’Waxaa nasiib daro noo ah in Magaalada Kismaayo uu naga saaro Axmed Madoobe oo aan deegaanka ku dhalan, waayo waxa uu nagu xukminayaa inaan qaadano amarkiisa’’

Haddalka Aadan Cusmaan, ayaa waxa uu imaanayaa xili hoolka uu shirka Kismaayo ka socdo ay faarujiyeen Odayaasha qaar, waxa ayna arrintaasi ka danbeysay ka gadaal markii la shaaciyay in Mucaaradka Axmed Madoobe uu shir uga furmaayo Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gabar SOOMAALI 16 jir ah oo LONDON ay ku qabsatay arrin ay ku weysay in…

0

London (Caasimada Online) – Ardayad Soomaali ayaa laga joojiyey inay sii wadato Wacbarashadda heerkeeda A-levels mid ka mid ah Dugisyadda Dowladda ee ku yaalla Waqooyiga caasimadda dalka Britain ee London.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska London Evening Standard waxa gabadhaasi oo 16-jir ah looga joojiyey waxbarashadda sababo la xiriira iyadoo inta badan xirato Niqaabka, isla markaana ay diiday inay Indha-shareer la’aan fasalka dhigato.

Gabadhan oo 16-jir ah ayaa waxay wax ka barataa Dugsiga u gaarka ah Hablaha ee lagu magacaabo Camden School for Girls.

Gabadha ayaa la sheegay inay go’aansatay inay niqaab xirato bishan markii ay Dugsiga ku soo laabato, si ay ugu bilaabanto waxbarashadda Fasalka Lixaad.

gabarLaakiin, Maamulka Dugsiga Camden School for Girls waxay diideen inay gabadha bilawdo waxbarashadda Heerka A, haddii ay ku adkeysato inay xiranayso Niqaabka.

Gabar la dhalatay gabadha Dugsiga laga joojiyey ayaa sheegtay in go’aanka Dugsiga uu aad u dhaawacay Familkeeda, waxayna xustay inay Walaasheeda doonayso inay xirato Niqaabka sababo iyada u gaar ah iyo inay xaadir ku ahaato Dugsiga.

Duqa magaalladda London, Boris Johnson waxa Niqaabka lagu xirto gudaha Dugsiyadda inay kulligeed qalad tahay, iyadoo tiro ka mid ah Dugsiyadda Sare ee London carruurta yaryar sida 11-jirro lagu khasbo inay xirtaan Indha-shareer.

Dhinaca kale, boqolaal arday oo ay ku jiraan in ka badan 500 oo qof oo si Online u saxiixay U-codeynta taageeradda loo hayo gabadha Soomaalida ee ku adkaysatay inaysan iska dhigi doonin Niqaabka.

Xigasho: London Evening Standard

Beelo ka tirsan Absame oo kalsoonida kala noqday Axmed Madoobe, Sabab?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Beesha Jidwaaq – Absame oo ka kooban garaaddo, salaadiin, odayaal, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo haween ayaa maalintii Axadda waxay kulan ku qabatay hoteel ku yaalla magaalada Nairobi.

Wada-tashi dheer iyo shirar dhowr ah kaddib, beeesha ayaa iclaamisay inay kalsoonida kala noqotay maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo u aaneyneysa sababaha soo socda:

1) Kaddib markii ay beesha Jidwaaq u aragtay in maqaamkii siyaasadeed ee ay ku lahayd Jubbaland in ay ka dhex muuqan guud ahaan iyo gaar ahaan intaba.

2) Dadaalka iyo taageerada intaa la eg kaddib maamulka Jubaland beesha Jidwaaq wuxuu ugu abaalguday in laga mamnuuco wax kasta oo awood qaybsi ah oo ay xaq ugu ku lahayd deegaanka ballaaran ee Jubbaland.

3) Kaddib markii lagu guul darreystay isku day badan oo loo soo bandhigay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo maamulkiisa inay garowsho ka bixin waayeen dhammaan cabashooyinka ay beesha ka tabaneyso maamuulka Jubbaland.

4) Kaddib markii ay beeshu kala kulantay maamulka Jubbaland dulmi iyo xadgudubyo aan la soo koobi karin, ayna xaqiiqsatay taageerada Jubbaland inay ugu geeriyoodeen dad ka badan 100 rag ah oo ciidamada qalabka sida ah, kuna curyaameen in ka badan 200 oo dhallinyaro ah oo ilaa iyo maanta aan daryeel caafimaad iyo mid dhaqaale intaba maamulka ku haysan.

5) Beesha waxay go’aansatay inay taageeradii, kalsoonidii, xiriirka iyo wada shaqeyntii ay horay ula lahayd maamulka Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inay si buuxda ugala laabatay hiil iyo hoo intaba, taas oo mas’uuliyaddeedu dhabarka saaranaya hoggaanka maamulka Jubbaland.

6) Salaadiinta dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo beesha qaybaheeda kala duwan waxa ay go’aan ku gaareen in ay taageerada iyo kalsoonidii kala laabtaan maamulka Jubbaland oo aysan naf dambe iyo maal dambe kuwaynin, maadaama awood ahaan aysan ka mid ahayn si loo badbaadiyo nafta iyo maalka iyo mustaqbalka beesha guud ahaan.

7) Dhammaan beesha caalamka, sida Qaramada Midoobay, AU, IGAD, AMISOM, dowladdaha deriska sida Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo dhammaan dowladaha reer Galbeedka sida Maraykanka iyo Reer Yurub iyo kuwa kale ee danaynaya arrimaha Soomaaliya in ay hoo iyo hiilba la garab istaagaan ummadda Soomaliyeed si looga badbaadiyo daynaystayaal iyo shakhsiyaad danahooda ku xalisan.

Waxaan u sheegaynaa inay ka fiirsadaan, ayna xaqiijiyaan dabagal dheeraadna ku sameeyaan sida ay wax u socdaan, khaasatan awood qaybsiga iyo marxaladda siyaasadeed ee arrimaha Jubbaland.

Shirka jaraa’idka ee ka dhacay magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi waxaa ka hadlay:

1. Cabdiraxmaan Maxamed Nuur (Elle) – Afhayeenka beesha Jidwaaq-Absame ee Nairobi -Kenya Mobile: +254-722-483-183
2.Suldaan Maxamed Iimaan- Suldaanka beesha matala Nairobi-Kenya
3. Marwo Aamina Cabdullahi Hussein Iyo rag iyo dumar kale oo badan.

Halkan ka daawo kullanka

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee ciidamada oo la magacaabay

0

Akhriso Wareegtada lagu magcaabay guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo guddoomiyha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Ku G/Sarre Liibaan Cali Yarow
Ku G/le Xasan Cali Nuur
OG:Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida.
OG:Taliska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
OG:Taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.
OG:Taliska ciidamamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.
OG: Taliska Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed.
OG: Wasiirka Amniga Qaranka.
OG: Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Destuurka.
OG:Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
OG: Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeeddo:- Faah-faahin Xeer madaxweyne.

Madaxda iyo saraakiisha ay sida tooska ah ugu socoto warqaddani iyo oggeynsiintaba, waxaa lagu wargelinayaa sida ku cad lifaaqa oo ah xeer madaxweyne Lam. 56 iyo xeer madaxweyne Lam. 57 ee soo baxay 21/09/2014, oo lagu dallacsiiyey min hal darajo, laguna kala magcaabay sarakiisha soo socota xilalka ku hor qoran waxeyna kala yihiin.

1.G/sare Liibaan Cali Yarow oo loo gamacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
2. G/le Xasan Cali Nuur (Shuute) oo loo magcaabay guddoomiyaha maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Shaqo Wacan

Maxamed Sheekh Xasan.
Wasiirka Gaashaandhigga

Taariikhda guddoomiyaha cusub

Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, G/sarre liibaan Cali Yarow, ayaa muddooyinkii la soo ahaa guddoomiyaha maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidammada Qalabka Sida, haddaba waa sidee heerka Khibrad iyo aqoon ee guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Ciidammada Qalabka Sida.

Guddoomiye Liibaan Cali Yarow, ayaa ka tirsan saraakiisha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu soo maray heerar kala duwan sida, isaga oo ka soo baxay Jaamacadda (Universal Of Africa, Kalliyadda Sharciga iy Qaanuunka). Waddanka Suudaan.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay tababarro kala duwan sida isaga oo ka soo baxay machad Al-Mushaa 2009-2010-kii, ee dalka Suudaan, halkaas oo uu ku soo qaatay tababar Garsoore.

1.Sannadkii 2003-2009, waxa uu soo noqdey macallin Iskuul.

2.Garsoore Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida sannadkii 2010-2011-kii.

3.Guddoomiyaha Maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ayuu soo qabtay hadana waa guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidammada.

Waa nin Shahaada Master Degree ka soo diyaariyey Jaamacadda (Naayif Al-Carabiya Lilculuum Al-Amniya, Sacuudiga Riyaadh, 2003.

C/WELI oo go’aan ka gaaray wasiirada ku xiran XASAN (Maxaa dhici doona?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa isku shaandheyn looga gol lee yahay in la kala sifeeyo ku sameyn doono golaha wasiirada xukuumaddiisa, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Waxaa isku shaandheynta ay dhici doontaa marka uu Cabdi Weli dib ugu soo laabto dalka, oo uu soo geba gebeeyo safarkiisa.

Sida xubno isaga ku dhow ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa arrintan ay qeyb ka tahay muranka ku saleysan awoodda dowladda ee u dhaxeeya Cabdi Weli iyo madaxweyne Xasan Sheekh, oo u muuqda mid kasii daraya.

Ujeedada ugu weyn ee isku-shaandheynta ayaa ah tallaabo uu Cabdi Weli kaga hortagayo mooshinka ay diyaarinayaan Damu-Jadiid ee la doonayo in xilka looga xayuubiyo.

Isku-shaadheynta, ayaa waxa ay inta badan saameyn doonto wasiirada ku xiran madaxweyne Xasan Sheekh, oo kasoo horjeestay ra’iisul wasaaraha, kuwaasi oo iminka ku howlan tallaabo ay cadaadiska ugu sii badinayaan ra’iisul wasaaraha.

Sida wararka sheegayaan, wasiirada ku xiran madaxweynaha ayaa doonaya inay is-wada casilaan marka mooshinka ka dhanka ah Cabdi Weli uu si rasmi ah u gaaro baarlamanka, si cadaadiska loogu badiyo Cabdi Weli. Mooshinka ayaa si xooggan diyaarintiisa iminka looga wadaa hoteelada Muqdisho iyo Villa Somalia.

Arrinta murugada leh ayaa waxa ay tahay in khilaafkan hadda uu muuqdo mid faraha ka baxay, islamarkaana dalalka deriska iyo beesha caalamka ee dowladdan maamula aysan weli qaadeyn tallaabooyin ay xal ku helayan.

Khilaafka labada dhinac ayaa xoogeystay markii uu Cabdi Weli xilka ka qaaday taliyihii nabad-sugidda qaranka Cabdullaahi Sambaloolshe, oo ku dhowaa madaxweynaha, uguna aadanaa abti.

Madaxweynaha ayaa isna hadda wdaa aarguadasho ah inuu xilkaka qaado taliyaha booliiska Soomaaliyeed General Maxamed, oo aad ugu dhow Cabdi Weli, waxaana shaqadii dowladda federaalka ay isugu soo biyo shubatay “Nin iska dhicis”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Xasan oo raba inuu xilka ka qaado taliyaha booliska Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa damacsan inuu xil ka qaadis ku sameeyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha imaanshihiisa ay la kawsan doonto xil ka qaadista, iyadoona ay taasi ka danbeysay kadib xifaaltan Siyaasadeed oo ka dhex curtay Madaxweynaha iyo Ra’wasaaraha Dalka C/Weli Sheekh Axmed, kadib markii xilka laga qaaday taliyaha nabad-sugidda Cabdullahi Sambaloolshe.

Waxaa sidoo kale jira sababo kale oo loo cuskanayo xil ka qaadista Taliyaha Booliska DF waxaa ka mid ah:

1- Dowladaha Midowga Yurub iyo Mareykanka oo Mudo Labo Bilood ah diiday inay bixiyaan Mushaarka Ciidanka Booliska, kadib markii Dowladda Canada ay u gudbisay in Ninkaasi dalkeeda looga haysto Dacwado ka dhan ah Bini’aadanimada.

2- Waxaa hoos u dhacay Wadashaqeynta Booliska Soomaaliya dhexdiisa ah iyo mida Caalamka intii uu Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xilka qabtay July, 2014.

3- Canada, EU & USA oo Cadaadis ku saaraya DFS inay xilka ka qaado Jen. Maxamed Sheekh Xasan, una soo gudbiso dalka Canada si Maxkamad halkaasi looga soo taago, maadaamu halkaasi ka yahay “Wanted”.

4- Ciidanka Booliska oo ka cabanaya Maamul Xumada Jen. Maxamed Sheekh Xasan.

5- RW C/wali Sheekh Axmed waxa uu Bishii lasoo dhaafay Xilka ka qaaday C/llaahi Sanbaloolshe oo ka socday dhanka madaxweynaha, si aad ahna u diidanaa Go’aankaasi, waxaana taasi bedelkeeda uu Xasan Sheekh Xilka isna ka qaadayaa Taliyaha Booliska oo dhanka RW C/wali ka yimid.

Arrinta xil ka qaadista Taliyaha ayaa la Tilmaamayaa in Madaxweyne Xassan uu kala tashanaayo Wasiirka Amniga Khaliif Ereg, Xildhibaanno iyo Saraakiil Ciidan si Xilka looga qaado Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Maxa’ed Sheekh Xasan, loona helo Shaqsigii lagu bedeli lahaa.

Sidoo kale, warar hoose ayaa Tibaaxayo in Arrinta xilka looga qaadayo Taliyaha ay gadaal ka riixayaan Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Faarax C/qaadir iyo Xubno kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Dam-Jadiid ee xiligaani dalka ka arimiyo.

Dhanka kale, Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Faarax C/qaadir iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Goodax, ayaa la sheegayaa in madaxweyne Xassan ay u gudbiyeen Liiska Shaqsiyaadka lagu bedelayo Taliyaha Booliska, inkasta oo aan weli la garanen..

Xil ka qaadista ayaa la filayaa inay dhici doonto goorta uu Madaxweyne Xassa Sheekh dalka dib ugu soo laabto, iyadoona xiligaani ay Madaxtooyada ka socdaan dadaaladii Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Maxamd Sheekh Xasan xilka looga qaadi lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Aqriso warqaddii uu QEYBDIID u diray DF iyo beesha caalamka ee PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidan aan shalay daabacnay, madaxweynaha Gal-Mudug Cabdi-Qeybdiid, ayaa dacwo ka dhan ah maamul goboleedka Puntland u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka, isaga oo ku eedeeyey inay xayiraad duulimaad kusoo rogeen isaga.

Haddaba waxaa Caasimada Online u suurta gashay inay hesho warqaddii rasmiga ahayd ee Qeybdiid uu diray, oo cinwaan looga dhigay: Daan-daansi Colaadeed iyo cunqabateyn uu wado maamulka Puntland.

Waxaan jecleysannay inaan idin la wadaagno warqaddaas, oo ka kooban saddex bog, sidaad u aqrisataan erayada rasmiga ah ee Qeybdiidiyo iyo sida xaaladdu tahay.

gal1gal2gal3

Nabadoon kashifay xaqiiqda deegaano Mudug ah oo ay sheegatay PUNTLAND

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xili uu meel xun gaarsiisan yahay Khilaafka dhul ee u dhexeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Ugaas Axmed Wali oo ka mid ah Nabadoonada Daga Deegaanada Puntland.

Ugaas Axmed Wali waxa uu sheegay inuu arrin khaldan u arko hadalkii maalinimadii shalay kasoo yeeray Maamulka Puntland, wuxuuna ku tilmaamay inay ceeb ku tahay in Puntland ay Sheegato Gobolka Mudug oo Idil.

Ugaas Axmed Wali ayaa Tilmaamay in isaga shaqsi ahaan uu degan yahay Deegaanada Puntland, balse uu aad uga soo horjeedo waxa loogu yeero gardarada ama faragalinta.

Wuxuu sheegay in Gobolka Mudug uu yahay Shan Degmo Labo iyo Laban loo kala dagan yahay,halka uu Xusay in Magaalo Madaxda oo ah Gaalkacyana lawada dagan yahay.

‘’Waa nasiib daro in Puntland ay faragalin ku sameyso deegaano aan khuseyn, waayo Taariikh ahaan iyo dhul ahaanba Puntland shaqo aysan ku laheyn Deegaanada Galmudug’’

Dhanka kale Ugaaska ayaa waxa uu ka digay dagaal Dhiig badan uu ku daato oo dhexmara Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Haddalka Ugaaska ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo maalinimadii shalay ay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Maamul ay Warbaahinta isku mariyeen Hadalo Kul kulul oo sababi kara dagaal dhex mara labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

Xog: Xilka gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo la kala qaadayo + Siyaasi lagu qancinayo iyo xaalka Muungaab

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Damujadiid ayaa qorsheenaya inay gudoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabaan Cabdullaahi Sanbaloolshe oo dhowaan golaha Wasiiradu ka qaadeen xilka agaasimihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Kooxda Damujadiid ayaa dooneysa inay kala qaado Duqa magaalada Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu haatan isku hayo Muungaab.

Xasan Sheekh iyo Kooxda Damujadiid ayaa u balan qaaday Cabdullaahi Sanbaloolshe inay siiyaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo weliba la hoos keenayo dhamaan laamaha amniga Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damujadiid ayaa kala shaki uu soo kala dhex galay ayaga iyo Muungaab, ayaga oo tuhun ka qaba safarada badan oo Gudoomiyaha iyoDuqa Gobolka Banaadir uu ku booqanayo Dalal badan oo ka tirsan caalamka.

Kooxda gaarka ah ee Xuuraanka u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay heleen in Muungaab doonayo inuu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan Tartanka madaxtinimada Dalka ee sanadka 2016-ka, sidaa daraadeedna Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damujadiid bilaabeen raadinta mas’uulkii ay siin lahaayeen Duqa Magaalada Muqdisho, halka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir-na ay siinayaan Cabdullaahi Sanbaloolshe

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa shacabka Muqdisho ku sheegeen inuu ahaa nin hawlgaladiisa intii uu joogay Hayadda Nabadsugida isugu jireen qeybo wanaagsan iyo qeybo xun.

Wasiirka Amniga Ereg iyo Sanbaloolshe ayaa shacabka Muqdisho sheegayaan hawlihii hubka dhigista aan qorshaha loo sameyn ee soo boodada ahaa oo ay Muqdisho ka sameeyeen ay soo kordhyeen amaan uu dareemayo shacabka.

Magaaladda Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu hoos u dhacay hubkii lagu kala gadan jiray agagaaraha Daarta Zobe. Sidoo kale waxaa aad hoos ugu dhacay xabadihii micna la’aanta ee maliishiyaadka iyo ciidamada Dawladdu ka dhex ridi jireen Magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa qeybihiisa xun lagu sheegay inuu ahaa nin aad u dabeecad qalafsan aan la shaqeyn jirin Golaha wasiirada iyo Wasaaradda amniga, sidoo kale Sanbaloolshe wuxuu ahaa nin aan ilaalin sharciga iyo xuquuqul insaanka, wuxuu si toos ah ugu xirnaa kaliya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Garsoorka Faarax Cabdulqadir.

Ujeedka Magacaabida Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu caburiyo Saxaafadda xorta ah iyo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta aaminsan fikir ka duwan kan kooxda Damu Jadiid oo uu Hogaankooda Xasan Sheekh uu dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu mar labaad xilka qabto marka la gaaro sanadka 2016-ka. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damujadiid ayaa haatan diyaargarow adag ugu jirta sidii xukunka dalka u qabsan lahaayeen isbedelka la filayo sanadka 2016-da.

Ku dhawaaqida Xasan Sheekh ee ah inuu yahay Musharax Madaxweyne sanadka 2016-ka ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Damujadiid Bilaabeen inay la wareegaan Jagooyinka Muhiimka ah ee Amniga iyo ilaha dhaqaalaha Dalka iyaga oo isticmaalaya company-yo ka diiwaan gashan dalka Turkiga, Dalka Turkey ayaa ah mid kalsooni ka abuurtay shacabka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Axmed Daaci oo si cajiib ah uga hadlay xarigiisa iyo qorshe socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), ayaa waxa uu ka hadlay tallaabadii xabsiga looga soo sii daayay, ka dib muddo 35 maalmood ah oo uu u xirnaa Dowladda Federalka ee Somaliy.

Axmed Xasan Cadow waxaa la xiray 15-kii bishii hore ee August, ka gadaal markii Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu soo jeediyay, waxayna ka dambeysay dagaal adag oo uu kala horyimid Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Axmed Daaci waxa uu shalay Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay xaflad lagu soo dhaweynaayay sii deysmadiisii, isagoona ka sheegay in weligiis uu ahaa nin nabadda ka shaqeeya, hadda ka dibna uu ka shaqayn doono.

“Xaqiiqdeedu aniga waxay ahayd weligey inaan nabad ku dadaalo intii karaankayga ah, laakiin shaatiga haddii lagula gashto, nabad laguma dadaali karo. Laakiin intii shaatiga nalala heysan oo naloo daayay inaan cadiifad ku badalno, nabadaa ka shaqayn jirnay managa suurtowdo.” ayuu yiri Axmed Xasan Cadow.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Maamulkii Tarsan, waxa kaloo uu yiri “Aniga sidaad iga rajeyneysiin dadka Soomaaliyeedow, dadka Muqdishoow iyo dadka reer Wadajirow waa halkaasi.”

Isagoo dib u jaleecaayay xabsigii uu soo maray toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxa si kaftan leh u sheegay in xabsiga loo dhisay in lagu xiro ragga, isla-markaana uu ka mid yahay uun kuwii loogu talla galay.

“Xabsiyada aad arkeysiin ari, geel iyo lo’ looma dhisin waxa loo dhisay rag, raggaana ka mid nahay. Waxaan kaloo idin sheegeynaa waxaaba la xiraa nin aan weligiis dad xiran, aniga nin wax soo maray oo wax xiri jiray, ayaanba ahay.”

Axmed Xasan Cadow wuxuu mahadcelin u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwoodii ka qayb qaatay sidii xabsiga looga soo fasixi lahaa.

Halkan ka dhageyso Axmed Daaci

Isha: Dhacdo.com

Xog-warran: 5 jahwareer oo ku xeeran magacaabista Tuuryare ee N/Sugidda

0

Kaddib markii golaha wasiirada ka xayuubiyeen xilka Taliyihii hore ee Nabadsugida 07-dii bishan. Madaxweynaha dowladda federaalka waxay ku qaadatay mudo dhowr todobaad ah inuu aqbalo, taasoo dad badan ay u muuqatay bilowga is qabqabsi siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

Walaacu waxaa sii kordhiyay kadib Madaxweynaha markii uu ka dhega adaygay inuu aqbalo xilka qaadista Sanbalooshe, dhiniciisa Ra’iisal wasaaraha wuxuu tallaabooyin lagula xiiriiraayo hay´adaha dowladda, sida Xeer ilaalinta, Bankiga dhexe iyo dalalka caawiya Nabadsugidda si ay u joojiyaan la shaqaynta Sanbaloolshe taasoo u muuqatay mid hirgashay, dalalka iyo hay’adaha shisheeye waxayba codsadeen in aan lagu degdegin markale magacaabista Taliye cusub.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka soo noqday safarkii Baydhaba ayaa Madaxweynaha kula taliyay inuu aqbalo xilka qaadista Saaxiibkiis, taasoo uu Madaxweynaha kaga jawaabay inuu guddoomiyo shir aan caadi ahayn oo loo qabtay golaha wasiirada kaasoo lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Nabadsugida Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare.

Haddaba maxaa ka dhalan kara magacaabista Tuuryare

1- Saamaynta Madaxweynaha waxaa hor taala caqabad adag oo ku dhisan nidaamka Awood qaybsiga beelaha ah, maadaama Tuuryare ay jufo hoose wada yihiin Xasan Sheekh.

2- Saamaynta Ra’iisul Waraare Abdweli wuxuu u arkaa in afgambi siyaasadeed loo gaystay madaama loo dabamareeyay hay’addihii fulinta oo uu isaga hoggaaminaayay, waxayna u badan tahay inaanu aqbalin magacaabistaan cusub ama uu xilka ka qaado Tuuryare.

3- Col. Tuuryare inkastoo oo uu ka soo shaqeeyay nabadsugida hadana malaha aqoonta Lagu maamuli karo hay,adda Nabadsugidda, mana laha xiriir shaqo meel ka baxsan Xamar, hay´daha ajnabiga iyo dalalka taageera Nabadsugidda iyaga warkoodaba daa.

4- Hay´addaha iyo dalalka taageera nabadsugidda kuma qanacsana sida wax loo maamulay, waxayna horey uga digeen in Lagu degdego magacaabista Taliye cusub, waxaana dhici karta inay joojiyaan taageerada ay siiyaan nabadsugidda oo la’aantood waxba la qaban karin.

5- Saamaynta Sanbaloolshe oo isu diyaarinaayo inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isagoo rajaynaayo in la hoos keeno Nabadsugidda Gobolka Banaadir, taasoo ka dhigaysa inuu si dadban u maamulo Taliye Tuuryare.

Dhamaan qodobadaasi waa kuwo caqabad ku keeni karta siyaasadda dowladda iyo wada shaqey dhex marta Madaxweynaha iyo Ra´iisul Wasaaraha, oo suuragal ka dhigi karta in Baarlamaanka soo faragaliyo khilaafka ku saleysan magacaabista Taliyaha Nabadsugida, waxaase la dhowrayaa soo laabashada Ra´iisul Wasaaraha oo dibada ugu maqan howlo shaqo.

XOG: Maxaadan ogeyn oo ka dhacay madaxtooyada magaalada Kismaayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Maamulka KMG Jubba, ayaa inoo xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Maamulkaasi uu Habeenimadii xalay halkaasi ku qabtay Kullan xasaasi ahaa.

Ilo-wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Kullanka uu ahaa mid u dhexeeyay Axmed Madoobe iyo Odayaal ka tirsan Beesha Sade oo taageersan Maamulka KMG Jubba.

Kullanka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid looga hadlaayay Xaalada kacsan ee Axmed Madoobe kala dhaxeysa Col. Barre Hiiraale, waxaana Odayaashaasi uu Axmed Madoobe ka codsaday inay u safraan Magaalada Muqdisho islamarkaana ay si gaar ah Barre ugala soo hadlaan rabitaankiisa Khaska ah.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu Odayaashaasi Beesha Sade ee isaga taageersan u ballan qaaday inuu ka bixin doono lacagaha safarka iyo waxyaabaha ku baxaayo inta ay joogan Muqdisho, isagoona sheegay inuu gudoon siin-doono dhaqaale adag waa haddii ay kusoo guuleystaan xal u helida Arrimaha kala dhexeeye Barre.

Odayaasha ayaa la sheegayaa in xiligaani ay ku howlan yihiin safar Muqdisho si ay Barre kala hadlaan waxyaabaha gaarka ah ee uu ka tabanaayo Axmed Madoobe.

Lama Oga sida uu Barre Hiiraale Odayaashaasi uga Ogolaan doono fariimaha kaga imaanaya Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]