28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

FANNAAN caan ah oo loo magacabaay in uu noqdo afhayeenka SHIRKA SADE

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaareey ee caasimada u ah gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacay shir hordhac ah oo ay yeesheen gudiyadii dhawaan magaaladaasi soo gaaray ee u socday shirka Midnimo-1 kaasi oo looga tashanayo xaaladaha guud ee Gedo iyo Jubbooyinka ee beesha Sade.

Kulankani ayaa waxaa la isku raacay in Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar-jecel), kabiirka Kooxda Qeylodhaan uu noqonayo wixii iminka ka dambeeyay Afhayeenka shirka wada tashiga ee magaalada Garbahaarey ka furmaya.

Afhayeen Cabdi Shire Jaamac oo kadib markii loo magacaabay hadlay ayaa sheegay inuu geedkasta iyo goobkasta u tagayo xalka Soomaalida.
Dhinaca kale waxaa shirkan lagu magacaabay guddiyadii kala duwanaa ee ka shaqeyn lahaa shirka iyo waxa looga hadlayo, iyaddoona dhinaca kale maalinta axada ah ee soo socota uu shirka qeybihii ugu ballaarnaa guda geli doono, kadib marka ay halkaasi soo gaaraan xubno kale oo la sugayo inay kusoo biiraan.

Shirka Garbahaareey ayaa waxaa ka hor yimid maamulka Ahmed Madoobe kuwaasi oo iyagana shir kale oo iminka iska dhamaaday isaga oo aan wax natiijo ah kasoo bixin ku lahaa Kismaayo. Waxaana u hadlay maamulka Axmed Madoobe labada nin ee kala ah Fartaag iyo Cabdirashiid Janan kuwaasi oo shirkaasi diiday.

Balse dhamaan shacabka Gedo deggan ayaa isku raacay shirka Garbahaareey inuu yahay mid dan u ah shacabka gobolkaasi deggan iyo xitaa nabad laga helo Kismaayo. Waxaana Sidoo kale shirkaasi taageero u muujisay dowlada Soomaaliya oo bilowday inay warbaahinteeda tabiyaan wararka shirka Garbahaareey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@livecom

DAD BAAN AQOON DOWLADNIMADA !!

0

Waxeey aheyd goor barqo ah,markii uu iigu yimi goob shaaha lagu cabo nin saaxiibkeey ah oo ka mid ah dadka Dowlad ku noolka ah,oo ay cadho aad u xoogani wajigiisa ka muuqato waxa uuna igu yiri,”Waxa ay I leeyihiin dowladda ayaad mucaarad ku tahay”hadal kuma aanan celin bal in uu nafiso iyo in kale,balse isaga oo aan weli salka kursiga la helin buu intuu hareeraha iska eegay hadana igu yiri,” Oo Kaalay qofkii ay dangaara iyo dan guudba isku qabataan qof ama koox ka mid ah shaqaalaha Dowladda ma mucaarad baa.”!!

Meesha oo saxmad badneyd darteed warkiisa dad badani ma aaney maqal balse nin oday ah oo naga ag dhawaa si guudna ula socday hadalada saaxiibkeey uu ka gubanayo ayaa la soo booday, “War Adeeroow kuwa sidaa ku leh miyaadan ogeyn in aaneey badankooduba dowladnimada aqoon,amaba ay u heystaan in ay dowladdu iyaga oo kaliya tahay, oo qofkii wax ka sheega ama dhaliila labiskooda ay ku calaamadeynayaan in uu dowladda mucaarad ku yahay/”.

Anigu waan hadli kari waayay,waayoo anigoo aad la yaaban hadalka saaxibkeey ayaan markale la sii fajacay hadalka ka soo yeedhay ninka odayga ah oo malaha ay sheekadaan oo kale horay ugu soo dhacday balse kaga dawoobay hadalka uu iminka ku dawee is leeyahay inanka ila hadlayay, waxaanse soo baraarugay oo isha ku xaday Saaxiibkeey oo mindhaa inta uu aamusnaanteyda dhibsaday aad ugu riyaaqaya jawaabta uu Odaygu ka bixiyay hadalkiisa, waxa ayna iila muuqdeen laba ruux oo waqtiyo kala duwan dhibanayaal u noqday shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda oo aan aqoon fiican u laheyn Macnaha dowladnimada.

Xaqiiqdii waxa ay aheyd sheeko saacado badan ku soo noq noqtay maskaxdeyda, xataa markii aan gurigeyga tagay waxa ay xasuusteydu dib u soo aqrisay dhacdooyin dhowr ah oo ay waqtiyo kala duwan iiga sheekeeyn jireen dad kale oo ay dhacdadaan oo kale qabsatay,balse aanan rog rogin sida kuwa maanta aan la kulmay oo kale,waxaase ii soo baxday in ay jiraan tira kaloo aad u badan oo dhibanayaal u ah ama ay nacsiiyeen dowladnimada Madax hoose oo ay aad u liidato fahamkooda dowladeed, maadaama iyaga oo aan waligood nidaam dowladeed arag waayadaan danbana aan helin aqoon kororsi ka turjumaya macnaha dowladnimada ay qaarkood beylah ku heleen Xilal Wasaaradeed,Darajooyin Ciidan,mid ganacsi iyo Masuuliyado kale oo aaney aqoon iyo waaya aragnimo toona u laheyn.

Balse mudadaanba waxaan u soo joognay dhaqan ah in qofku marka uu dowladda ka tirsan yahayna in uu difaaco marka uusan ka mid aheyna uu wax ka sheeg sheego, sida hadda kaaga muuqaneysa shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda oo hadii aad damacdo in aad fikirkaaga ku tilmaantid dhaliilaha ay leedahay dowladda, ama waxyaabo adiga ku quseeya oo ay dowladdu gacanta ku heyso si loogu baraarugo loona saxo qaladaadkaas muuqda,durbadiiba si weyn kuugu caroonaya, lagana yaabo in aad adigu ka mid tahay dadkii u soo joogay hab dhaqankooda xiliyadii Dowladaha KMG ah ay shaqeynayeen.
Laakiin sheekadaasi waxa ay I soo xasuusisay, Bilihii June,July iyo August, ee 2014-ka, waxa ay ahaayeen bilihii mar kale dib boorka looga jafay si loo baal rog rogo Xeerkii Saxaafadda ee 2006-dii dowladii KMG aheyd ee Embaghti lagu soo dhisay ka soo unkamay, ,waxaa durbaba shukaanta gaariga ku soo booday shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda, oo u arkaya in ay Xeerka Saxaafadda ka xigaan Suxufiyiinta kale ee madaxa banaan, amaba sida dadka qaar u fahmeen laga yaabo in ay u xuurteysan yihiin dano gaar ah oo iyaga u qarsoon.
Sida aan ka soo xigtay Qore: Abdulkadir Mohamud (Jangali ] oo isna sida ku xusan qoraalkiisa ka soo min guuriyay , Md,Cali-Mattan Xaashi oo horrantii todobaatanaadkii ku soo qori jirey jariidaddi Xidigta Octoobar maqaalo tixana ah oo cinwankoodu ahaa “Dad baan aqoone dowladnimo waa maxay?”. Cali-Mattan oo ka mid ahaa 25tii Sargaal ee xukunka kala wareegi jiray dowladdii rayidka ahayd 21kii Octobar 1969 ayagoo ku eedeyey mus-maasuq iyo caddaalad darro ay dowladdu kula dhaqantay shacabkeeda, ayuu (Cali-Mattan) durbadiiba dareemay in rag ka-mid ah Golihii Sare ee Kacaanka ay bilaabeen xumaantii ay ka dhiidhiyeen. Waxaana qoraaldiisii ka xasuustaa erayadaan: “Ubaxa iyo Celeemaha qoyan shacabka Soomaalidu noogu ruxi meyn xiddigaha garbeheena ku taxan iyo aragga wajiyadeena toonna ee isbadal dhab ah oo caddaalad iyo horumar ku dhisan ayey naga sugayeen.”

Hadaba,dareenkii iyo sababtii ku xambaartay Todobaatameeyadii { Cali-Mataan Xaashi }in Wargeyskii dalka ka soo bixi jiray ee Xidigta Oktoobar uu ku daabaco Qormooyin taxane ah oo ka hadlaya dowladnimada.waa tan Anna Maanta igu riixeysa in aan qoro warbixino la mid ah kuwaa oo is daba yaala, si mug lehna uga hadlaya ama u taabanaya fasirka dowladnimo iyo waajibaadka Muwaadin kasta lagu leeyahay iyo midka uu ku leeyahay dowladda labadaba, taasoo aan hubo in ay xiligaan in badan oo ka mid ah bulshadeenu aad ugu baahan tahay si loo helo mustaqbalka dhaw Umad wax ka taqaana macna ahaan Dowladnimada oo ku wada dhaqanta.

=DHAMAAD=

Qalikii:- Abdukadir Dulyar
[email protected]
Muqdisho/Soomaaliya.//=

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Muxuu JAWAARI ka yiri codsigii XASAN ee ku aadanaa mooshinka Cabdi Weli?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hor inta uusan u dhoofin Mareykanka kala hadlay Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Cismaan Jawaari mooshin uu doonayo in xilka looga qaaday R/W Cabdi Weli, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Cabdi Weli.

Wararka ayaa sheegaya in Jawaari uu ka cududaartey in mooshinkaan ka dhan ah Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh uu hormuud ka noqdo madaama beesha caalamka oo tageerta dowlada aysan raali ka aheyn xil-ka qaadis lagu sameeyo waqtigaan Wasiirka Koowaad.

Si kastaba, Jawaari waxa uu madaxweynaha u sheegay haddii xildhibaannada baarlamanka ay keenaan mooshin uusan hor-istaagi karin, sharci ahaan.

Madaxweynaha Dowlada Federaalku Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hor inta uusan u dhoofin wadanka Mareykanka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka uu kala hadley sidii mooshin xilka looga qaadayo Ra’isal wasaare Cabdiweli Shiikh loo horgeyn lahaa golaha wakiilada, sida ay Caasimada Online ogaatay.

Xildhibaanada Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah kala balamey iney mooshinkaan keenaan ayaa gaaraya 75 xubnood kuwaasoo la filayo iney kalfadhigaan keenaan qoraal ka dhan ah Ra’isal wasaaraha.

Lama oga sababta keentay in Madaxweynaha Dowlada Federaalku waqtigaan soo jeediyo in Ra’isal wasaare Cabdiweli Shiikh xilka laga qaado, balse ila wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa tibaaxaya in go’aankani uu salka ku hayo khilaaf in muddo ah soo jiitamayey kaasoo sii xoogeystey markii xil-ka qaadista lagu sameeyey dhowaan taliyihii hore ee Ciidamada Nabad Sugida Sanba-looshe.

Madaxweynaha ayaa ogolaaday xil-ka qaadista Sanbaloolshe balse taas bedelkeeda wuxuu bilaabay inuu mooshin ka dhan ah Ra’isal wasaaraha olole uga galo dhinaca xildhibanaada kuwaasoo dhowaan uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay.

Barlamaanka Federaalka ayaa horey mooshin ka dhan ah Ra’isal wasaare Saacid xilka uga xayuubiyey kadib khilaaf muddo soo jiitamayey ee u dhexeeyey isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Wararka ku xeeran xil-ka qadista la damacsan yahay in lagu sameeyo Ra’isal wasaare Cabdiweli Shiikh ayaa waxaa in muddo ah riixayey koox diimeedka lagu magacaabo Damul-jadiid kuwaasoo si aad ah ugu dhow Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh.

Kooxdaan ayaa raadineysa labada sano ee ka dhiman xilka Madaxweynaha Somalia Ra’isal wasaare siyaasad ahaan la jaan qaadi kara kaasoo aan laheyn damac siyaasadeed oo dhaafsiisan doorashada la filayo iney dhacdo 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamulka Galmudug oo ka dhabeeyay hanjabaaddii uu u jeediyey Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 12:00 ee Maanta ee lasoo dhaafay aysan wax diyaarad ah kasoo dagi karin Garoonka Diyaaradaha C/llaahi Yusuf Axmed ee Magaaladda Gaalkacyo.

Warkaani ayaa waxaa shaaciyay Maxamed Xuseen Tahliilo oo ah Xubin firfircoon oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxa uuna Tilmaamay in Magaaladda Gaalkacyo ay noqon doonto meel ka caagan Duulimaadyadda gudaha iyo dibada.

Waxa uu ku war-geliyey shirkadaha diyaaradaha in diyaaraddii halkaasi ka degta ay mas’uul ka tahay cawaaqibka ay la kulanto. Warkaasi ayaa keenay in qaar ka mid ah shirkadaha diyaaaradaha ay baqaan, oo aysan halkaas ka degin.

Haddalka kasoo baxay Maamulka, ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii uu sii xoogeystay Khilaaf Siyaasadeedka adag ee xiligaani ka dhex taagan Maamulada Puntland iyo Galmudug kaasi oo la rumeysan yahay inuu bilowday ka gadaal markii dhawaan Diyaaradaha ka diwaan gishan Puntland loo diiday iney cago dhigtaan Garoonka Macmal ah oo ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid , ayaa sheegay in Seddexdii maalin oo ay u qabteen ay dhamaatay, sidaa darteedna ay gaareen go’aan iska difaacid ah, isagoona dhibaatada ka dhalata uu sheegay inay Mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dowlada Federaalka Somalia iyo Ururka IGAD, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Maamulka Galmudug ayaan shaacin qaabka ay Magaalada Gaalkacyo ay uga dhigayaan meel Duulimaadyada ka caagan, balse waxaa la xusuustaa iney Madaafiic ku weerari jireen Garoonka Diyaaradaha.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in Maamulka Puntland ay Jawaab ka bixiyaan haddii Maamulka Galmudug ay Garoonka u adeegsadaan Madaafiic taasina waxaa ay horseedi kartaa dagaal dhex mara labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Soomaali ka tirsanaa Dacish oo la dilay (Sawirka, Magaca iyo Halkuu ka yimid)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Canada, ayaa sheegtay in duqeymo adag oo lala eegtay Kooxda xagjirka ah ee Daacish uu ku geeriyooday Muwaadin Somalia-Canadian ah balse asalkiisa kasoo jeeda Somalia.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in xiligaani ay wado baaritaano lagu xaqiijinaayo Geerida Jihaadistahaasi oo lagu magacaabi jiray Mohamoud Mohamed Mohamoud.

mohamud-1Sidoo kale, Wargeyska The National Post ayaa qoray in Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kanada ay si adag ugu howlantahay baadritaanka Jihaadiistahaasi oo markii ugu danbeysay kamid ahaa Kolinyo gaadiid dagaal oo ay wateen Hoggaan ka tirsan Daacish, iyadoona duqeynta lala eegtay xili ay marayeen Waqooyiga dalka Syria.

Jihaadiiste Mohamoud Mohamed Mohamoud ayaa la sheegay inuu labo bilood ka hor ku biiray Kooxda Daacish, isagoo Waalidkiisa Telefoonka kula soo xiriiray markii uu gaaray gudaha dalka Syria.

The National Post waxa kaloo uu qoray inuu Mohamoud Mohamed noqday Muwaadinkii ugu horreeyey oo Kanadiyaan ah oo la sheego in la dilay tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu bilowday Hawlgalka Caalamiga ee ka dhanka ah Kooxda Daacish.

Jason Tamming oo ah Afhayeenka Wasaaradda ammaanka Bulshadda iyo Gurmadka ee dalka Kanada, ayaa waxa uu Tilmaamay in ku dhawaad Boqol iyo Sodon ruux u dhashay Canada ay horay ugu biireen Kooxda Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dagaal dhimasho badan dhaliyey oo ka dhacay Gaalkacyo (Yuu dhex maray?)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Lix ruux ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay , waxaana la sheegay dagaalka inuu u dhaxeeyey koox burcad ah oo dhawaan lacag madax furasho ah ka qaatay wariye muddo saddex sanno ah ay afduub ahaan u haysteen kaas oo lugu magacaabo,Micheal Scott.

Wararka aanu ka helayno koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegaya in saddex ka mida koox burcad ah oo ku dagaallantay koonfurta Gaalkacyo iyo 3 qof shacaba ay ku dhinteen dagaalka.

Kooxdan burcaddaa oo ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo ayaa isku maan-dhaafay sida ay u kala helayaan saamiga lacageed ee qof walba ku soo aadday.

Wararka ayaa qaarkood waxaa ay sheegayaan in kooxda burcaddaa ay ka dhinteen labada dhinacba laba qof, inkastoo warar kalana ay sheegayaan in sadex qof ay ka dhinteen.

Iska hor-imaadan hubaysan ayaa ka danbeeyay kaddib markii dhawaan koox burcad ah oo ka soo jeeda Galmudug ay madax furasho lacageed ay ka qaateen saxafi u dhashay dalka Maraykanka, kaasoo muddo lagu haystay deegaanka Galmudug.

Wariyihii Jarmalka ahaa ee haystay dhalasha dalka Mareykanka, Michael Scott Moore oo dhawaan ay sii daayeen kooxo burcadbaeedda ah ayaa markii ugu horreysay la shaaciyay in laga bixiyay lacag madax-furasho ah oo gaaraysa 1.6 Milyan oo doollarka Marekanka ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa xaqiijiyay in dowladda Jarmalka ay bixisay lacagtan si loo daayo wariye halka Mareykanka uu diiday inuu ka bixiyo lacag madax-furasho ah, maadaama aysan siyaasaddiisu ku jirin inay bixiyaan lacago madaxfurasho ah.

Sawsan Chebli oo ah afhayeenad u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalaka ayaa sheegtay in Michael Scott oo 45 jir ah ay sii dayntiisa gacan ka geysteen saraakiil Mareykan iyo Jarmal ah oo ku sugan Bariga Afrika, aadna loogu daalay wadahadallada lagu sii daynayay.

1.6 Milyan oo doollarka ayaa la sheegay inay sabab u noqotay dagaal dhex mara kooxda wariyaha haysatay,waxaana dhacdadaan si weyn looga hadal haya koonfurta Gaalkacyo.

Isha: RBC

Daawo barnaamijka WARGELIN SHOW

0

Barnaamijka Wargelin Show, waa barnaamij toddobaadle ah oo aad u xiisa badan, kaasi oo mar walba looga hadlo waxyaabaha muhiimka ee Soomaalida quseeya. Toddbaadkan waxaa barnaamijka uu ku saabsan yahay socdaal uu so saaraha barnaamijka Abdisalaam Aato ku tagay magaalada Cardiff ee gobolka Wales ee dalka UK, hakaasi oo uu Soomaali kula kulmay.

Halkan ka daawo Wargelin Show

Beesha Muungaab oo si adag uga soo horjeesatay qorshaha Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya guux siyaasadeed oo ku aadan in guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jeneraal Xasan Xuseen Muungaab xilka laga qaadayo iyadoona lagu badalaayo taliyihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshaha wata ayaa sidoo kale doonaya in uu kala qaado xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Haddaba markii uu warkaas soo baxay, waxaa ka soo horjeestay beesha uu ka dhashay Muungaab, waxaana ay lee yihiin madaxweynaha haddii uu meel mariyo qorshahaas waxa uu baalmaray dastuurka dalka.

Beesha Muungaab oo ka soo horjeesatay qorshaha Madaxweynaha
Beesha Muungaab oo ka soo horjeesatay qorshaha Madaxweynaha

Cabdullaahi Xasan (Cabdullaahi Dheere), waa odayaasha arrintaas ka hadlay, wuxuuna sheegay haddii ay sax noqoto arrintaas in madaxweynaha uu jabiyay nidaamka fedaraalka taasoo ah buu yiri in qof kasta deeganka uu ka soo jeedo uu xil ka qaban karo.

“Sambalooshe waa in laga dhigo guddoomiyaha gobalka Hiiraan ee ma ahan in laga dhigo guddoomiyaha gobalka Banaadir, waayo nidaamka awood qeybsiga ee 4.5 ayaa saas qeexaya, mwaxaa looga dhigi waayay guddoomiyaha gobalka waqooyi galbeed ama Puntland, haddii dowladda ay dalka ka taliso, wax soconaya ma ahan arrintan” ayuu yiri Cabdullaahi Dheere.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in guddoomiye Muungaab aanu wax qalad sameen tan iyo markii xafiiska uu la wareegay isla markaana howlihiisa uu si quman u qabtay sida uu yiri.

Ilaa hadda ma cadda warkan sida uu xaqiiqo u yahay, balse waxaa uu noqday warka ugu badan ee laga hadal hayo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Magacyada qaar ka mid ah wasiirada la filayo in Cabdi Weli uu xilka ka qaado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kusoo kordhay qorshaha uu Ra’isul wasaaraha Dalka C/Weli Sheekh Axmed uu isku shaandheynta ugu sameynayo Golaha Wasiiradda.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu Golaha ku bedeli doono wajiyo Cusub kuwaasi oo aan looga baran Siyaasadaha Dalka, sida ay xogtu sheegtay

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cabdi Weli uu doonayo in illaa 10 wasiir oo hadda haaya xilalka uu ka qaado, islamarkaana uu keeno Wasiiro Cusub, si meesha looga saaro Siyaasadaha ku xeen-daaban Ururo diimeedka oo kusii kordhaaya Xukuumada, xili ay fooda nagu soo heyso doorashada 2016.

Wasiirada la saadalinaayo inay xilalkooda waayi doonaan ayaa waxaa kamid ah:-

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Barre
  2. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
  3. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
  4. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
  5. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
  6. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
  7. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
  8. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow

Sidoo kale, Wasiirada la saadalinaayo inay xilkooda weyn doonaan, ayaa waxaa kamid ah Wasiirada haweenka oo uu aad u dhaliilsan yahay Ra’iisul wasaaraha Dalka Howlaheeda.

Dhanka kale, Hoteelada iyo Xarumaha DF sida Villa Somalia, ayaa waxaa laga dareemayaa Siyaasado kacsan, waxaana muuqaneysa in Isku shandheyntaani ay ka walaacsan yihiin Golaha Wasiirada, wallow warar hoose ay sheegayaan in arrintaani ay ka danbeysay kadib markii uu sii laba kac-leeyay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha SADE oo u jawaab kulul siisay Axmed Madoobe kadib hanajabaadii…

0

Garbahaareey (Caasimada Online) – Mid ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka Garbahaareey ayaa ka jawaabay hadak ka soo baxay maamulka kumeel gaarka ee Jubba oo ku aadan in la joojiyo shirka ka dhacaya magaaladaas.

Wuxuu  sheegay in madaxweyne ku xigeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba uu ku qaldan yahay in hanjabaad u jeediyo dadka ka soo qeybalaya shirka, wuxuuna sheegay in uu aad ugu qaldan yahay hadalladaas isla markaana aanu shirka joojin karin.

Wuxuu sheegay in shirkan ay lee yihiib beelaha ka soo jeeda gobalka Gedo, wuxuuna wacad ku maray in shirka la qabanaayo.

Hadlakan sarkaalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley magaalada Kismaayo uu shir jaraa’id ku qabtay hoggaamiye ku xigeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag.

Sarkaal u hadlay maamulka Jubba ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarrey mid sharci darro ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin ‘dano gaar ah’.

Wuxuu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay shir ay taageertay dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Shirka Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid u furan cid kasta oo ka soo jeedda deegaannada Jubbaland oo qabta cabashooyin ka dhan ah maamulka Jubba.

Ma cadda sida u xaalka noqon karo marka uu Jimcaha berri ka furmo shirka Garbahaareey.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Beesha Mudullood iyo C/Weli oo kulan xasaasi yeeshay (Maxay ka hadleen?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley kulan ku yeeshay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda beesha Mudulood iyo ra’iisal wasaaraha xukuumadda fedaraalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay gurriga Islow Maxammuud oo ah ninka haya maqaamka beesha mudoolood oo ku yaalla degmada Cabdicasiis , ayaa looga hadlay wadashaqeen dhexmarta beesha iyo xukuumadda iyo tabashooyin ay u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.

Islowga ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay dhigtay beesha isla markaana lagu casuumay ra’iisal wasaaraha oo isla shaley ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay waddamada Ingiriiska iyo Norway.

Wuxuu sheegay oo kale odayga beesha Mudulood in ra’iisal wasaaraha maadama uu daalnaa aaney wax badan loo sheegin laakin uu jiri doono kulan kale oo arrimo badan lagu soo bandhiggi doono.

Islow ayaa dhinaca kale sheegay in ra’iisal wasaaraha uu aqbalay in uu ka soo qeybgalo gogasha labaad ee arrimaha badan looga arrinsan doono si loo dhammeeyo madmadowga soo dhexgalay ra’iisal wasaaraha iyo beesha Mudulood.

Waa markii ugu horeysay oo ra’iisal wasaaraha uu kulan la yeesho beesha Mudulood tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Beesha Mudulood ayaa horrey ra’iisal wasaaraha ugu eedeesay in uu mas’uul ka ahaa xad gudubyo lagula dhaqaaqay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda oo la weerarray guryahooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: DFS oo Muungaab la damacsan 2 arrin oo adag (Sidee wax u socdaan?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorsho cusub oo uu xil dhimis ugu sameynaayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweyne Xassan uu xil dhiminstaasi kumaagay laba arrin oo ah, Mungaab oo ku mashquulay Arrimaha dibada oo aan isaga loogu tallo galin, safaro dalka ka baxsan iyo weliba diyaar garoow uu ugu jiro doorashada 2016 la filaayo inay ka dhacdo Somalia, waxa ayna taasi sababtay in Mungaab uu inta badan dhaqaalaha keyd ku shubo, sida ay xogtu sheegeyso

Madaxweyne Xassan ayaan xiligaani ku qanacsaneyn qaabka uu howsha u wado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mungaab, waxa ayna arrintaasi ka danbeysay kadib markii Xassan sheikh uu gaaray cabashooyin ka imaaday dhanka Guddoomiyayaasha Degmooyinka oo iyagu aan la siin wax mushaar ku filan tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu wadaa qorsho cusub oo uu xil ugu magacaabi doono Aggaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sambaloolshe, kaasi oo la filaayo in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka ama Duqa Magaalada, waxa ayna dhici doontaa magacaabidiisa kadib soo laabashada Madaxweyne Xassan oo hadda ka maqan dalka.

Dhanka kale, waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu bedelo qaar ka tirsan Madaxda Gobolka Banaadir, wallow aysan jirin cid si gaar ah u garaneysa kuwa xilka laga qaadayo, balse waxaa hubaal ah in arrintaasi ay dhawaan dhaci doonto

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SARKAAL sare oo lagu dilay GAROOWE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in habeenimadii xalay halkaasi lagu dilay Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Wadooyinka ee Maamul Goboleedka Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Sargaalkaasi lagu magacaabi jiray C/rashiid Bulxan Boqor Cismaan, waxaana dilka Sargaalka fuliyay Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka fud-fudud.

Dilka Sargaalka ayaa la Tilmaamayaa inuu ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Hotel Towfiiq oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Garoowe, iyadoona dilka kadib ay halkaasi ka baxsadeen Maleeshiyaadka dilka geystay.

Dhanka kale, sida caadaduba aheyd dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland, waxa ayna halkaasi ku qabqabteen dad lagu tuhmaayo dilkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dal European ah oo shaaca ka qaaday heshiis dhex maraya DF & Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Norway ayaa daboolka ka qaaday in xiliyada nagu soo beegan wada heshiisiin ay dhex dhigi doonto Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaalilad oo ku kala aragti duwan Siyaasadaha dalka ka taagan.

Hadalkaani ayaa waxaa sheegay Wakiilka gaar ah ee dowladda Norway uqaabilsan dalka Soomaaliya, Mr Jens Mjaugel, waxa uuna Tilmaamay in Norway ay aad u daneyneyso wada hadal xiligaani dhex marta DF iyo Maamulka Somaliland.

Wakiilka ayaa waxa uu si gaar ah carabka ugu dhuftay in Ahmiyada ugu weyn ay tahay inay xal ka gaaraan hadalada ka baxsan xeen-daabka Siyaasada oo ay labada dhinac Warbaahinta isku mariyaan.

Sidoo kale, Mr Jens Mjaugel waxa uu ballan qaaday in Dowladda Norway ay ka qeybqaadaneyso sii socoshada wada hadalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Mr Jens Mjaugel Waxyabaha uu kala hadlay Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka mid ahaa in dowlada Norway ay ka qeybqadaneyso sii socoshada wada hadalkii ka dhexeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, dhameystirka wadahadalada iyo xal ka gaarida dagaalka afka ah oo ay labada dhinac hawada isu marinayaan.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa soo dhaweeyay hadalka wakiilka Norway, waxa ayna ballan qaaden inay dhankooda ka adkeyn doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ergada shirka KISMAAYO oo la qasbay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah saraakiisha ku dhowdhow Barre Hiiraale ayaa sheegay in ergooyinka ka qeybgalaya shirka Kismaayo ay badi yihiin kuwa la soo qasbay.

Cabdi Shire Warsame waa afhayeenka Barre Hiiraale, wuxuu warbaahinta u sheegay in shirka Kismaayo ay xoog ku heestaan maamulka Axmed Madoobe, dadka ka soo qeybgalana ay yihiin kuwa la soo qasbay sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ergooyinka ka qeybgalaya shirka lagu dhahay haddii aadan ka soo qeybgalin caawa ayaan la idiin soo dhacayaa.

Wuxuu bulshadda caalamka iyo dowladda fedaraalka ugu baaqay in ay arrintaas baaraan si shirka uusan carqalad ugu immaan.

Cabdi Shire oo hadda ku sugan Garbahaareey waxa uu ku celceliyay in shirka Garbahaareey ka furmaya maalinta Jimcaha uu yahay mid la doonayo in looga arrinsado xaaladda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hadalka sarkaalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaadkii labaad uu magaalada Kismaayo ka socdo shir dib u heshiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare waa nin ceynkee ah (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, G/sarre liibaan Cali Yarow, ayaa muddooyinkii la soo  dhaafay ahaa guddoomiyaha maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidammada Qalabka Sida, haddaba waa sidee heerka Khibrad iyo aqoon ee guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Ciidammada Qalabka Sida.

Guddoomiye Liibaan Cali Yarow, ayaa ka tirsan saraakiisha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu soo maray heerar kala duwan sida, isaga oo ka soo baxay Jaamacadda (Universal Of Africa, Kalliyadda Sharciga iy Qaanuunka). Waddanka Suudaan.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay tababarro kala duwan sida isaga oo ka soo baxay machad Al-Mushaa 2009-2010-kii, ee dalka Suudaan, halkaas oo uu ku soo qaatay tababar Garsoore.

1.Sannadkii 2003-2009, waxa uu soo noqdey macallin Iskuul.

2.Garsoore Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida sannadkii 2010-2011-kii.

3.Guddoomiyaha Maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ayuu soo qabtay hadana waa guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidammada.

Waa nin Shahaada Master Degree ka soo diyaariyey Jaamacadda (Naayif Al-Carabiya  Lilculuum Al-Amniya, Sacuudiga Riyaadh, 2003.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ganacsatooy su’aallahan JAWAAB ma u heli kartaan? W/Q: Bashiir Cali Xuseen

0

Haddii aad aragto dal horumar la taaban karo gaaray, oo ilbaxnimo iyo quruxina ay ka muuqato ogow in ay ganacsatadiisu, si qiiro waddaniyadeed leh dhexda ugu xirateen hantidoodana ku horumariyeen, haddiise aad la kulanto dal burburay oo colaad iyo abaar dartood la kabsan waayay, si sahal ah u garo in ay ganacsatadiisu ku tumatay oo dhulkaba ay ka soo qaadi waayeen, illeyn sidaas bey macaash kelinimo oo aan xalaal aheyn ku hantiyaane!.

Abbaarta ujeeddadeydu waxa weeye:- Sidiisaba dal, waxaa lagu horumariyaa canshuur bixin iyo kabidda dhaqaalaha dalka, si ammaanka, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha waddooyinka, korontada iyo biya siinta magaalada loo hirgeliyo, su’aashuse waxey tahay:- ganacsatooy idinku ma tihiin kuwo intaa aan soo sheegay dhismahooda ka qeyb qaata oo diyaar u ah in ay canshuuraha bixiyaan mise waa maya oo iftiinka in aad wax cuntaan mugdiga ayaad ka jeceshihiin?.

Seddexdii meesin xoolaad ee uu dalku lahaa iyo guud ahaan ugaadhiiba waad wada dhoofsateen idinka oo aan u aaba yeelin dheddigga iyo laboodkoodaba, waxaadna ku soo beddelateen sandareerto aan u qalmin xoolaha aad ajnabiga u sadaqeyseen. Intaa haddii aad u bareerteen baahanihii xoolaha lahaa ee maciishadda aad ku qaaliyeyseen rubaca hilibka ahna gadan kari waayay dib ma u soo eegteen, mise warba u ma heysaan oo macaluusha iyo meydkiisa ayaad ku qanacdaan?.

Waddooyinka laamiyada ah ee bulshada oo dhan idiin kala dhaxeeya in aad jeex jeexdaan oo aad tubbooyin bililiqada ah dhex dhigtaan ama aad fiilooyinka isgaarsiinta dhex marisaan, idinka oo aan burburkii aad sameyseen aan dib u kabeynin, waddada dhaxdeedana aad ka dhigtaan baallayaal iyo fiilooyin isku wada tixan oo fool xumo miiran ah, taa miyey idin la qurux badanaatay, mise dalkaba macaashkiisa mooyee dhismaha quruxdiisa waxba ku ma lihidin?.

Mooska, canbaha, babbaayga, liinta iyo waxa la midka ah intaba waad wada dhoofisaan weliba si aan sharciga waafaqsaneyn, kii lahaa beerta laga soo guray amaba shaqaalaha ka ahaana wuu caga cad yahay, wuu feera qaawan yahay oo kaneeco ayaa dhameysay ugu danbeystana cudurka duumada amaba mallaariyada ayuu u dhimanayaa daawo la’aan darteed, adiguna dhiiggiisa ayaad ka faa’iiddaa, haddaba ganacsadow ceeshka aad halka ka soo hesho ee aad carruurtaada u gudbiso sow qaaxo ka qaadi maayaan maxaa kuu diiday inaad xalaasha bulshada la wadaagto oo aad sakada waajibka ah iyo canshuurta dalkaba dib isaga soo celiso?.

Haddii aad hantidii uu qaranku lahaa wada dhoofiseen, taa beddelkeeda maxaad ku soo beddesheen oo aad dalka soo geliseen?:- Ma daawoo dhacday, daroogo iyo qaadkii ingiriiska laga mamnuucay oo kaliya, mise bulshada waxtar kale oo qarsoon ayaad dadka iyo dalkaba u heysaan?.

Jeeb iyo dhaqaale buuran hadduu eebbe idiin siiyay, waxey aheyd in aad wax isku darsataan oo aad warshado yar yar iyo goobo laga shaqeysto aad dhallinyarada u abuurtaan, waxaadse moodda in aad dhankaasi ka wada il duufteen oo aad malaayiyiin doollar ku wada abuurteen hoteello casri ah oo aanay jirin cid awood u heysa seexashadooda. Ma caddaanka yar ee sir doonka ah kaliya baa loo dhisay mise xildhibaannada baarlamaanka iyo amisom madaxdooda in ay ka cunteeyaan, haddii ay sidaa tahay ilaa goorma ayuu mashruucaasi sii socon doonaa?. Diyaasbaradu wey ka daashay lacago hoteello lagu bixiyo dalkuna wuu nabadoobay ee haddii uu qof waliba gurigiisa u soo laabto ganacsatooy hoteelladiinnu maxey ku danbeyn doonaan, ma bakhaarro ayaad u rogi doontaan?.

Ugu danbeyntii, maxaa idiin diidaya?, inaad dalkiinna iyo dadkiinna u hiillisaan, idinka oo waddaniyadda iyo islaannimadaba dugsanaya.

Maxaa idiin diidaya?, inaad xor ahaataan oo aad ka maarantaan maleeshiyada hubeysan ee aad qarashka faraha badan ku bixineysaan?.

Maxaa idiin diidaya?, inaad canshuurta iska bixisaan dowladnimadana aamintaan, adinka oo qarankiinna farxad murug la’aaneed kula dhex nool?.

W/Q: Bashiir Cali Xuseen

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

MADOOBE oo si cad u diiday SHIRKA !!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan waxbo ka quseen shirka ka socda magaalada Baydhabo.

Isagoo u warramayay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho, ayuu sheegay in shirka Baydhabo uu fowdo yahay lagana lee yahay dano gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in wax seddax maamul la dhaho aanu jirin ee maamulka shacabka ay doorteen uu yahay maamulkiisa oo ka arrimiya gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose,Jubbooyinka iyo Gedo.

“Dowladda hadal ayey meesha ku heysaa laakin shacabka Baydhabo wax la taaban karo ayey hayaan marka maamulka saxda ah waa loo jeedaa” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Waxaa la weydiiyay sida uu ku oran karo waa shir fowdo ah mar haddii guddoomiyihii baarlamaanka iyo ra’iisak wasaaraha ay fureen shirka Baydhabo.

Wuxuu tilmaamay in shirka Baydhabo uu yahay mid qandaraas ay ku soo qaateen wasiiro iyo dad kale oo ka yimid magaalada Muqdisho.

Madoobe Nuunow ayaa weli ku adkeesanaya in uu yahay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“DF sida ay u soo daysay Axmed Daaci ha u soo deyso C/Maalik” Waxaa yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo maanta ka hadlaayay tabbabar loo soo gabagabeeyay qaar ka mid suxufiyiinta ka howgalla Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay xorriyadooda in ay dib u siio mulkiilaha Idaacadda maxalliga ee Shabeelle iyo labo wariye kale oo dowladda ay xirtay.

Hadalkan ayuu u sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow oo goobjoog ka ahaa kulanka.

Xildhibaan Dalxa ayaa yiri “Waan ognahay in la soo daayo raggii ku lug lahaa wixii ka dhacay xaafadda Madiino oo ninkii ugu weynaa ayaa la sii daayay, dowladda sida ay u sii deysay Axmed Daaci waa in ay u sii deyso Cabdi Maalik iyo Maxammuud Carab” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in saxaafadda Soomaaliya ay doorweyn ka qaadatay dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay in ay joojiso caburinta ay ku heyso saxaafadda madaxa banaan.

Dhinaca kale, Wasiir Mustaf Dhuxulow ayaa isna goobta ka sheegay in dowladda aaney damaanad qaadi karin ilaalinta ammaanka suxufiyiinta Muqdisho isagoona yiri awood uma lihin.

Wuxuu kalooo wasiirka beeniyay in dowladda ay dooneyso in ay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Hadalladan ayaa ku soo aadaya iyadoo muddo labo bil ka badan ay dowladda u xiran yihiin seddax wariye oo uu ku jirro mulkiilaha Idaacadda Shabeelle isla markaana labada Idaacad ee Shabeelle iyo SKY ay weli xiran yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Galmudug oo ku dhowaaqday arrin dib usoo celin karta colaadihii hore (Aqri)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaa maanta oo Arbaca ah shir jaraa’id ku qabtay xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil, oo k amid ah xildhibaannada baarlamaanka maamulka

Galmudug, wuxuuna ka hadlay hadal uu sheegay madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale Qeybsiid kaasoo ahaa in muddo seddax cisho xayiraada looga qaado garoon diyaaradeed oo dhawaan Galmudug ay ka sameesay koonfurta Gaalkacyo.

Xildhibaanka ayaa ku goodiyay haddii aaney muddada uu qabtay madaxweynaha Galmudug in looga qaado xayiraadda in magaalada Gaalkacyo gabi ahaan ay noqon doonto goob ka caaggan diyaaradaha sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas ku daray in la joojin doono wax yaabaha Boosaaso looga qaado gobalada dhexe, sida cuntada iyo alaabaha kale, oo cuna qabateyn ay saari doonaan.

“Haddii garoonka Galmudug la xiray, kan Puntland-na ma sii furnaan doono, waadna arki doontaan” ayuu yiri

Xildhibaanka ayaa sidoo kale, in hadalkiisa uusan ahayn dagaal cusub in uu abuuro balse uu la yaaban yahay gar-darrada maamulka Puntland oo diyaaradaha ka mamnuucay in ay ku dagaan garoonka laga dhisay dhinaca Galmudug.

Khilaafka labada maamul ayaa cirka galay, kaddib markii Puntland ay ka hor timid maamul gobaleed loo sameeyo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Puntland ayaa ku andacooneysa in Gaalkacyo ay ka mid tahay deegannada ay ka arrimiso sidaas darteedna aan laga dhisi karin wax maamul ah, sidoo kale Puntland ayaa leh waxaan garoonka diyaaradaha ee dhinaca koonfurta laga furay u mamnuucnay markii aan ogaanay in diyaarado hub sida ay ka soo dageen garoonka si qalqal looga abuuro deegannada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]