28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

XOG: Beesha Sade oo C/llaahi Goodax Barre iyo DF Soomaaliya ku dheggan!!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ku dhow dhow Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre, ayaa sheegay in Odayaal ka tirsan Beesha Sade ay ku dheggan yihiin wasiirka.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in wasiirka  lagu heysto Heshiiskii uu Barre Hiiraale la galay Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe, kaasi oo ay Odayaasha ku sheegen inuu ahaa mid shirqool, islamarkaana fulintiisa loo xil saaray Goodax, balse hadda u muuqda mid fashilmay.

Odayaasha ayaa ku doodaya in Dowlada Federaalka, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Col. Barre Hiiraale la damacsanaa burburinta Awoodihiisa Siyaasadeed, waxaana la tilmaamayaa in iminka ay Wasiirka ka codsadeen in loo soo celsho Ciidamada iyo Hubka Barre ee galay gacanta Axmed Madoobe.

Odayaasha ayaa si joogta ah ugu qulqulaayo Xafiiska Wasiirka waxa uuna Ujeedkoodu yahay in Barre Hiiraale dib loogu soo celsho awoodihiisa.

Sidoo kale, aqoonyahaan ka soo jeeda Beesha Sade oo lagu magacaabo Xasan Cabdulle, ayaa sheegay in Ujeedka Wasiir Goodax iyo Faarax C/qaadir loogu diray Kismaayo uu ahaa in awooda laga qaado Barre Hiiraale, ayada oo ballanqaadyo been ah loo sameeyey, waxa uuna aqoonyahaanka sheegay in Beeshu aysan marnaba raali ka ahaan doonin in talo iyo Siyaasad ahaanba la hoos geeyo Axmed Madoobe.

Xasan ayaa waxa uu DFS ugu baaqay inay ka waantowdo waxa uu ugu yeeray shirqool loo maleegay Barre Hiiraale.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri “Waa arrin taariikhi noqon doonto in Barre lagu cadaadiyo hoos geynta Axmed Madoobe, waxaan sugeynay in labaduba arrintooda xal laga gaaro, balse waxaa inoo soo baxday in DF ay isku jabineyso labada Mas’uul”

Haddalka Odayaasha iyo Aqoonyahaanka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu Barre Hiiraale diiday inuu ka qeybqaato shirka Kismaayo, kana baxay heshiiskii uu la galay Axmed Madoobe..

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: DF oo ka laabatay dacwadii ay u gudbisay ICJ ee BADDA SOOMAALIYA!!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka laabatay dacwad ay ka gudbisay dowladda Kenya oo ku aadan muranka xagga badda ee labada waddan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen in laga laabto dacwadda loo gudbiyay maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICJ isla markaana wax kasta oo ku aadan muranka labada dal lagu xalliyo qaab kale.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo la weydiiyay arrintaas ayaa ka gaabsaday balse wuxuu caddeeyay ka hor inta aanu dacwad ka gudbin Kenya in kulamo hoose ay u socdeen khuburo ka socda Kenya iyo Soomaaliya kuwaasoo muddo lix bil muranka badda ka hadlay balse wax natiijo ah aaney ka soo bixin.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu sheegay in wax dagaal ah aanu ka dhexeynin labada waddan balse Soomaaliya ay xaq u lee dahay in ay ilaalsato biyaheeda.

Xasan Sheekh Maxammuud ayaa horey u sheegay Kenya in ay xad gudbub ku sameesay badda Soomaaliya isla markaana ay keensatay shirkad ajnebi ah.

Si kataba, madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kulan gaar ah oo ay uga hadlayaan muranka badda ay ku yeesheen magaalada New York marka uu dhammaado shirka loo dhan yahay ee golaha ammaanka QM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Faarax C/qaadir oo diiday 2 arrin oo uu Col. Barre Hiiraale ka codsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Saraakiil ku dhow-dhow Col. Barre Hiiraale, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Dowlada Federaalka Somalia Faarax C/qaadir uu ku gacan seeray inuu Col. Barre uu ku cadaadiyo inuu ka qeybgalo shirka Kismaayo iyo inuu ka talo qaato Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madooe.

Wararku waxa ay Tilmaamayan in Barre Hiiraale iyo Faarax C/qaadir ay isku fahmi waayen arrintaasi, waxa uuna Barre ka dalbaday Faarax iyo Dowlada Federaalka Somalia in Ciidamadiisa looga soo saaro Xarunta laga dajiyay Magaalada Kismaayo.

Col. Barre ayaa la Tilmaamayaa inuu ku doodayo in marnaba uusan diyaar u aheyn in loo shirqoolo Axmed Madoobe waxa uuna ku nuux-nuuxsanayaa inuu Ciidamadiisa kala soo baxaayo Kismaayo, islamarkaana uu dib ugu celin doono Deegaanka laga soo kaxeeyay ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Faarax C/qaadir oo ka duulaya codsiyo kaga imaaday dhanka Saraakiisha Ethiopia ka jooga Xarunta Xalane iyo Villa Somalia ayaa waxa uu Barre u gudbiyay laba Arrin oo kala ah:

1-Inuu Ciidamadiisa iyo wixii saanad  Militeri ee uu haayo si rasmi ah ugu wareejiyo Hoggaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.

2-In Mab’da ahaan iyo Siyaasad ahaanba uu ka talo qaato Hoggaanka sare ee Maamulka Jubba, sida la tashiyada, ciidamada, maamul wanaaga IWM.

Dhanka kale, Col. Barre Hiiraale ayaa waxa uu ka biyo diiday inuu aqbalo qodobadaasi iyo kuwa u dhowba, waxa uuna ku wargaliyay Faarax C/qaadir iyo DFS in gabi ahaanba uu ka laabtay Heshiiska, islamarkaana uusan diyaar u aheyn inuu fakir la wadaago Maamulka Jubba.

Arrinta Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale ayaa xiligaani mareysa meel adag, waxaana laga deyrinayaa in mar kale xal Siyaasadeed laga gaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa kaa qarsoon oo ka jira dekedda Muqdisho (Sir xasaasi ah oo yaab leh)

0

Dekedda Magaalada Muqdisho waxaa ka jira mid ka mid ah dhiig miirashooyinka laga argagaxo ee ka jira dalka Soomaaliya. Musuqmaasuqyada ka jira Muqdisho oo Masuuliyiinta DF Soomaaliya maamusho ma ahan kuwo halkaan lagu soo koobi karayo. Muqdisho waxaa jooga Xildhibaano, Wasiiro iyo shaqaale Dawladda Federaalka oo usoo shaqo tagay iyo kuwo reer Muqdisho ah-ba oo boob ku haya magaalada, inta ku lugta leh boobka hantida Muqdisho iyo wax is daba marinta iyo dhiigmiirshada xoogsatada ma ahan kuwo doonaya inuu isbedel yimaado.

Marka aan intaa uga gudubno Musuqmaasuqa guud, dhaca baahsan iyo cadaalad darada heysata shacabka Muqdisho manta waxaan halkaan kusoo bandhigeynaa waxyaabaha qarsoon ee Dhiigmiirashada ah ee ka jira Muruqmaalka Dekedda Muqdisho:-

• Muruqmaalka Lagu sheegayo 5-ta Kun ee Magac ahaanta uga diiwaan gashan Dekedda Muqdisho ma ahan kuwo jira oo ah Xamaaliga saxda ah, 5-taan kun waxaa iska leh shaqsiyaad caan ah uu midba tiro leeyahay ayna haboon tahay in magacyadooda lasoo bandhigo, Dadka iska leh oo dhiigmiirta Xamaaliga Dekedda Muqdisho waxaa kamid ah Maareeyayaashii hore ee Dekedda Muqdisho, kuwo hadda jooga, odoyaal dhaqameed caan ah oo aadan ka filaneyn, Agaasimayaal Guud oo Dawladda u shaqeeya, Maamulka kuwo Dhiigmiirta Muruqmaalka dhabta ah, Ganacsato Caan ah oo Malaayiin Doolar heysta, Xubno kasoo mid noqday Golayaashii wasiiradda dalka. Dadkaan caanka ah oo Muqdisho laga yaqaano oo iska leh muruqmaalka lagu sheego 5-ta kun qof kuma jiro mid muruqmaal dhab ah oo xoogiisa ku Xamaasha!

• Dadkaan iska leh 5-ta kun waxaa u shaqeeya oo ay kala bar ka qaataan wixii ay xoogsadaan tiro ka yar 400 qof oo ah xamaaliga joogtada uga shaqeeya Dekedda Muqdisho, Xamaaligaan Joogtada ah wuxuu u shaqeeya dadka iska leh 5000 qof oo uusan ku jirin mid xamaali ah. Afarta boqol oo Xamaaliga joogtada ah waxay markasta leeyihiin kala bar (50%) wixii ay shaqeeyaan, kala barka kale (50%) waxaa iska leh dadka iska leh 5-ta kun oo qofood, Lacagtaan kala barka ah ee laga reebanayo xoogsatada muqdisho hadba waxaa qaata qeyb ka mid ah dadka iska leh 5-ta kun oo qofood!

• Qaadashada dhididka Xoogsatada Dekedda Muqdisho waxaa maamula kuwo isku sheega Masuuliyiinta Xoogsatada Dekedda Muqdisho. Kooxdaan maamusha dhiigmiirashada dhididka xoogsatada Muqdisho waxay 5-ta kun u qeybiyeen qaab wareeg ah (Shift) oo markiiba ay shaqeynayso tiro qiyaastii ah 400 qof , Qaabkaan wareega ah waxaa looga dhigay si lacagta laga jarayo Xoogsatada dhabta ah u gaarto dadkii lahaa boosaskaan 5-ta kun oo qofood ah oo tiro ahaanta u jira!

• Ayaandarada jirtaahi waxaa ay tahay dadka lasoo banaan bixinayey Maalmihii lasoo dhaafay waa 400 oo qof oo ahayd xoogsatada dhabta ah, oo ay gadaal kasoo riixayeen dhoogmiiratadii lahayd boosaska xoogsatada iyo kooxdii maamuli jirtay qaabkaan lagu sheegi karo adoonsiga ee ka jiray Dekeda Muqdisho.

• Shirkada lagu wareejiyey Dekeda Muqdisho oo laga leeyahay Dalka Turkey waxaa ay u yeertay Xoogsatada dhabta ah ee ka hawl gala Dekedda Muqdisho, Wareegii ama shift-gii ay doonaan haba shaqeeyaane, waxaa soo xaadiray oo kaliya tiro ku dhow 400 qof, kuwaa oo ah xoogsatada dhabta ah, Masuuliyiinta Al-Bayrak waxay u sheegeen Xoogsatada in ay gebi ahaan qaadan doonaan lacagtii ay heli jireen bishii mid aad uga badan, sida ay u kala shaqeynayaan iyo hadba inta loo baahan yahayna maamul loo sameynayo. Xoogsatadii ilaahey xaqoodii soo bixiyey oo laga reebay kuwii la qeybsan jiray dhididkooda waxaa isugu yeeray Kooxdii horey u maamuli jirtay Dhiigmiirashada Xoogsatada iyo qaar kamid ah kuwii iska lahaa 5-ta kun oo boos, Kuwaas oo ah Kuwii cunayey dhididka sanooyin badan oo lasoo dhaafay, Masuuliyiintii dhiigmiirashada Xoogsatada dhabta ah waxay u sheegeen “haddii Company-ga Turkey-ga ee Al Bayrak la wareego Dekedda in dhamaan shaqada laga saari doono shaqada oo Dekedda Muqdisho ka shaqeyn doonaan oo kaliya Turkey”.

Su’aasha is weydiinta mudan waxaa ay tahay maxaa Xildhibaanada ku mashquuliyey kaliya company-yada dhisaya dalka oo horumarinaya Dekedda iyo Garoonka Muqdisho oo aysan weligood uga hadlin Xoogsatada Dekedda Muqdisho oo la dhiig miiranayo?.

Sidoo kale Barnaamijka la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqaday ma noqon doonaa mid banaanka soo dhiga Musuqmaasuqyada ka jira Wasaaraddaha DF Soomaaliya?, Musuqmaasuqa ka jira Tirada saxda ah ee Ciidamada Booliiska, Milateriga Mushaarkooda iyo Saadkooda?, Musuqmaasuqa ka jira Shaqaalaha dawladda aan jirin ama aan shaqeyn ee lagu lunsado hantida Dalka? Musuqmaasuqa ka jira qorista shaqaalaha dawladda? Musuqmaasuqa ka jira Bank-ga DF Soomaaliya? Musuqmaasuqa iyo Lunsashada ka jirta sameynta Baasaboor Soomaaliga?, Leysinka Baabuurta?, Book-ga Baabuurta?, Taargada Baabuurta?, Lacagaha Diiwaangelinta Wasaaradaha? iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online

Xog: R/wasaare Cabdiweli oo Puntland ku taageersan xayiraadda GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in C/Wali Sheekh Axmed uu Hoos wax kala wado Maamulka Puntland, sidoo kalena uu raali ka yahay Xirnaanshaha Garoonka Galmudug.

Xubno kamid ah Shaqaalaha Xafiiska RW C/wali Sheekh Axmed oo Magacooda codsaday inaan la baahin, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha go’aansaday inuu ka aamuso Xiisadaha ka dhex taagan Galmudug iyo Puntland ee ku qotanta Xirnaashaha Garoomada Labada dhinac ee Gaalkacyo.

Ujeedka uu RW C/wali uga aamusay Daandaansiga Puntland ay tahay sidii loo baajin lahaa Shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe oo dhawaan ka furmaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo Maamulka Puntland kasoo horjeedo, maadaama qeybo kamid ah Mudug ku jiro.

Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka oo kasoo jeeda Gobolka Mudug, ayaa dhankiisa sheegay in daandaantisa Puntland ay ku hayso Maamulka Galmudug uu yahay “Gardarro Garab og”, oo Taageero buuxda ka haysata Ra’iisul Wasaaraha DFS C/Wali Sheekh Axmed.

Xildhibaanka ayaa tusaale usoo qaatay in RW C/Wali Sheekh Axmed la safan yahay Puntland in Beelaha Leelkase iyo Carab Saalax uu ka saaray Bishii July Beelaha Maamulka loogu samaynayo Magaalada Cadaado, waxaan uu u sheegay inaysan kasoo bixi karin Maamulka Garoowe.

Iyadoo taasi ka duulaysa, Puntland ayaa billowday inay Cunaqabatayso Shacabka Mudug, gaar ahaan kuwa Galmudug oo uu Maamulka Garoowe ka xiray Garoonki Diyaaradaha ee ay dhawaan ka samaynsteen Koonfurta Gaalkacyo, taasina u aragtay Galmudug ‘daandaansi’.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale Ciidamo wata Hub Culus iyo Gaadiid Dagaal oo badan Maalmihii lasoo dhaafay soo dhoobtay Xadka ay la wadaagto Galmudug, waxaana Ciidamadaasi ugu hanjabeen Diyaaradihii tagi jiray Garoonka Galmudug inay soo ridayaan haddii ay halkaasi kusoo degaan.

RW C/Wali Sheekh Axmed, ayaa Puntland ku taageeray inay caburiso Shacabka Galmudug, sidoo kalena ay bur buriso Shirka Maamul u samaynta Galgaduud iyo Mudug, waxaana tallaabadan ay noqotay mid si aad ah u hadal hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

RW C/wali Sheekh Axmed, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu Qas iyo Khilaaf ka dhex abuuray Xubnaha Gudiga Maamul u samaynta Gobolada Dhexe si uusan u qabsoomi Shirka Cadaado, oo haddii uu hergelo Caqabad ku noqon doona Puntland.

Isha: KON

Dhageyso: Gen. QEYBDIID: Ciidamada Gal-Mudug waxay amar ku qabaan in…

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-gobolledka Galmudug,Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo saxaafadda la hadaly xilli uu galinkii danbe ee shalay soo gaaray Gaalkacyo, waxaa uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah diyaaradii soo caga dhigata garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Cabdi Qaybdiid ayaa digniin u diyaray diyaaradaha ka soo dagaya garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf, waxaa uu si gaar ah ugu digay diyaarada xilliga horeee shalay timid soo qaaday qaad.

“Waxaan u digayna diyaarada xilliga hore soo caga dhigata garoonka Cabdullaahi Yuusuf,annaga wan xirnay garoonka ma ka soo dagi karan, saakay si qalad ah bay uga soo daggeen hadday dhacdo berri ciidanku waxay amar ku qabaan waajibkooda inay gutaan,”ayuu yiri madaxweynaha Galmudug oo shalay galab la hadlay taageerayaashiisa.

Cabdiqaybdiid ayaa hadalkiisa u dhigay in la jebiyay Go’aankii ay shalay ka soo sareen Garoonka gaalkacyo oo ahaa in aysan wax diyarad ah ka soo degi dooni.

“Waxan la socona Saakay in si sharci dara ah oo qar iska tuurnimo ah ay uga degtay Diyaradda qaadka ee Blue Band, balse hadday soo laabato ciidamada waxay qabaan amar buuxa” ayuu yiri Qaybdiid

Halkan ka dhageyso Qeybdiid

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Ciidamada SOMALILAND oo u jiheystay Dhahar iyo Boosaaso & PUNTLAND oo laba dhinac ay colaad kaga furan tahay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Guutooyin ka tirsan Ciidanka Somaliland ayaa u dhaqaaqay degaanka Dhahar, waxayna saraakiil ka tirsan Somaliland ay sheegeen inayy weerar ku yihiin Magaalo Xeebeedka Bosaaso oo ay ku taal dekada laga helo dhaqaalaha ugu badan ee Puntland ku maareeyso maamulka.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa sheegay in weerarka cusub yahay wax ay ugu yiireen mid lagu wiiqayo awooda dhaqaale iyo gaashaandhig ee Puntland State, inkasta oo hadalkooda u muuqd un hanjabaad kaliya..

Maamulka Somaliland ayaa la rumeeysan yahay inay ka faa-iideysanayaan Colaada cusub ee ka dhex aloosan Habargidir iyo Majeerteen ama hadii shaar loo geliyo Puntland iyo Galmudug.

Ciidanka Galmudug ayaa rasaas ku furay Garoonka Galkacyo oo ku yaal Koofurta, balse ay maamulkiisa gacanta ku hayaan Puntland, waxaana shalay ka degtay hal diyaarad oo qaad waday, taas oo sida la sheegay aan ka warqabin xayiraada.

Maamulka Galmudug ayaa joojiyay guud ahaan Gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Wadada dheer ee isku xirta gobolada dhexe iyo Waqooyiga Galkacyo, kuwaas oo Dekadda Bosaaso ka soo qaadi jiray Alaabo, iyagoo dhinaca kalena Xoolaha, sida Ariga iyo Lo-da geyn jiray Dekadda Bosaaso.

Beesha Leelkase oo ka mida beelaha ugu awooda badan gobolka Mudug ayaa door weyn ka ciyaareyso sidii loo dhisi lahaa maamul gobollada dhexe u gaar ah.

Habargidir iyo Majeerteen waxaa sanadkii 1993 dhexmaray dagaal loogu magacdaray Nus qiyaamo.

Heshiis dhexmaray Jeneral Caydiid iyo Korneyl Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa lagu dhameeyay colaadaas lagu riiqmay, waxaana muuqata nabad ku wada noolaanshahii bulshada Mudug ee labaatan sano ka badan socotay ay hadda mugdi ku jirto, kadib markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu doortay inuu xayiraad saaro Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Ciidamo ka tagay GAROOWE oo gaaray Gaalkacyo & Qeybdiid oo iclaamiyey…

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xiisadda ka dhex oogan Puntland iyo Gal-Mudug, ayaa u muuqata mid kasii dareyso, aayada oo Puntland ay ciidamo dirtay, Cabdi Qeybdiidna uu hanjabay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa xiisad dagaal, oo ka dhalatay go’aanka ay Puntland ku xayirtay garoonkii Gal-Mudug iyo hadalkii Gal-Mudug ee hogaamiyey inuu xirmo garoonkii Cabdullahi Yuusuf.

Wararka soo gaaraya Caasimada Online ayaa sheegaya inay xalay ciidamo ka baxeen magalada Garoowe, kuwaasi oo xoojinaya ciidamo kale oo heegaan laga galiyay waqooyiga Gaalkacyo.

Wasiiro ay ka mid yihiin Amniga, waxbarashada iyo duulista hawada ee Puntland ayaa gaaray galinkii danbe ee shalay magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo kulamo is-dabo joog ah la qaadanayay mamulka Mudug, kan degmada iyo Odayaasha dhaqanka, si ay heegan u geliyaan.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Qaybdiid ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadi doonaan diyaarad danbe oo kasoo degata garoonka Cabdilaahi Yuusuf.

Hadalkan ayuu u jeediyay dadwayne shalay kusoo dhaweeyay magalada Gaalkacyo oo socod dhulka ah kaga soo galay dhanka Cadaado, wuxuna sheegay inay amreen inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Amarkiisa ayaa fuliyey, waxaana garoonka shalay kasoo degay kaliya hal diyaarad oo qaad waday, oo aan ka war-hayn amarkiisa, mana la filayo inay maanta wax diyaarad ah kasoo degaan.

Ma jirto xal laga gaaray ilaa iyo hadda xiisada laga dareemayo magalada, hase yeeshee waxay u muuqataa labada dhinac inay ka war sugayaan waxa dhici kara maanta.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

XASAN SHEEKH oo si kulul uga hadlay boobka Kenya ee badda SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay Idaacada BBC-da ayaa waxa uu mar kale si kulul uga hadlay Arrimaha la xiriira baddaa Somalia iyo boobka Kenya.

Madaxweyne Xassan waxa uu ka hadlay Dacwad ay DF ka gudbisay Dowlada Kenya taasi oo laxiriirta Fara galin qaawan oo Biyaha Soomaaliya ay kusameesay, waxa uuna Tilmaamay in Arrintaasi ka hadalkeeda looga fadhiyo Beesha Caalamka oo nuqul kamid ah warqadaha Dacwada ah loo gudbiyay.

Waxa uu Tilmaamay Madaxweynaha inay Muda dheer ay wada xaajood layeesheen Kenya balse ay ku gacan-seyreen.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu Farta ku goday in Kenya ay ka dhaga adeegtay in ay faraha kala baxdo Bada Soomaaliya ayna Dacwad Caalami kagudbiyeen, wallow aysan Jawaab ka helin.

‘’Arrintaani weynaga horeysay inta aan xilka heynana wey dhacday, dhowr jeer ayaan ka wada hadalnay anagoo ah Time ka kooban Somalia iyo Kenya, markii danbe waxan aragnay in wada-xaajoodka miro dhalkiisa uu aad u gaabinaayo farqiga noo dhexeeyana uu aad u ballaaran yahay, qaabka xalka lagu raadin karo waxa uu noqday in Maxkamada Caalamiga arrintaani loo gudbiyo, weli waxaa noo furan inaan Kenya kawada hadalno Biyaha uu muranka ka taagan yahay. Somalia iyadana xuquuqdeeda ayey daba joogta oo ay raadineysaa cidna wax uma dhibeyno’’

Dhanka kale, madaxweynaha kuma uusan sii fogaan ka hadalka Biyaha Somalia ee uu muranka hareereyay, waxa ayna noqoneysaa markii labaad oo Madaxweynah Xasan Sheikh uu cadeeyo dacwada Dowlada Kenya ay ka gudbiyeen waxa dhalisay Maadaama ay soo fara galiyeen Biyaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

MADOOBE oo taageeray shirka SADE

0

Baydhabo (Caasimada Online)- Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lixda gobol, Madoobe Nuunow Max’ed, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa ka war bixiyay sida uu u arko shirarka ka kala socda Baydhabo, Kismaanyo iyo Garbahaaray isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay sida uu u socdo shirka ka socda magalaada Garbahaaray ee gobolka Gado.

Madoobe Nuunow,  ayaa tilmaamay inuu si weyn uga soo horjeedo maamulada kale ee ka jira gobolada koonfurta galbeed ee Soomaaliya sida Gedo, Jubada hoose, J, dhexe , Shabeelaha hoose, Bay iyo Bakool oo uu sheegay  in maamulka goboladaasi uu horay u jiray, waxuuna xusay in aysan marnaba gorgortan ka galaynin maamulka lixda gobol.

Madoobe Nuunow, ayaa sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay shirarka kale ee haatan la soo abaabulay isla markaasina loogaga arrinsanayo maamul u samaynta goboladaasi, waxuuna sidoo kale xusay in ay ka war hayaan in maamul ku meel gaar ah oo uu waqtigiisu sii dhamaanayo uu ka jiro goobaha qaar.

Madaxwaynaha maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya, Madoobe Nuunow Max’ed, ayaa sheegay inuu wado qorshayaal uu xiriiro kale duwan kula sameynayo dadka ku dhaqan gobolada maamulkiisa sheeganayo

Nuunow ayaa sidoo kale tilmaamay in shirka maamul u samaynta saddexda gobol ee ka socda magalaada Baydhabo uu yahay mid ay diidan yihiin isla markaasina lagu doonayo in lagu dumiyo maamulka lixda gobol ee uu isagu sheegay inuu madax wayne u yahay, waxuuna si wayn u soo dhaweeyay shirka kale ee wada tashiga uu ku tilmaamay ee ka socda Garbahaaray gobolka Gedo, isagoo xusay in shirkaasi uu yahay mid wada tashi ah oo ay beesha dagtaa halkaasi ka yeelanayso aayaheeda danbe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Gaas, Wasiiro & Saraakiil war kasoo saaray xiisadda Gaalkacyo (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir deg deg ah la yeeshay Golaha Wasiirada Puntland iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa looga arrinsanaayay arrima dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xaalada Amaan ee Magaalada Gaalkacyo.

Kullanka oo socday Saacado badan ayaa waxaa sida la sheegay uu Madaxweyne Gaas kala hadlay Wasiirada iyo Saraakiisha amaanka qaabka loo wajihi karo xaalada amaan ee magaalada Gaalkacyo oo dadka Gaalkacyo ay ka cabsi qabaan dagaal ka dhasha khilaafka Garoomada diyaaradeed ee Jira.

Inta uu Kullanka socday ayaa waxa ay Puntland mar kale ku celisay inaysan jiin cid is hortagtay Garoonka ay sheegtay in Galmudug laga hor-istaagay.

Sidoo kale, Kullanka ayaa waxaa ka soo baxay War Murtiyeed qodabaysan oo dhamantood diiradda ay ku sareen arrinta Gaalkacyo iyo hadalka galmudug horay uga soo yeeray.

Qodobada laga soo saaray ayaa waxaa kamid ah Dowladd Puntland oo baaqyo u diraysa Beesha Calamka iyo Dadka Gobalka wada dega waxa uuna u qornaa sida tan:-

 

WAR-MURTIYEED-26-9-2014_001 WAR-MURTIYEED-26-9-2014_002

DAAWO SAWIRADDA:-

wasiiro 2 wasiiro 3 wasiiro 4 wasiiro

Qeybdiid oo shir jaraa’id oo xasaasi ku qabtay Cadaado (Muxuu uga hadlay?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado Ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa waxa uu uga hadlay Dadajinta Maamul u sameynta Gobolada Dhexe Ee Dalka Somalia.

Qeybdiid, waxa uu Tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in Dowlada Federaalka Somalia, ay dadajiso dhismaha Maamulka, waxa uuna ku baaqay in sida ugu dhaqsaha Badan maamulkaas loo dhiso Gogoshiisana loo Dhigo Cadaado.

Sidoo kale, Cabdi Xasan cawaale Qaybdiid waxa uu Shirkiisa Jaraa’id kusoo hadal qaaday Colaadaha maalmahaani ka dhex taagan Galmudug iyo Puntland, waxa uuna Maamulka Puntland uu ugu baaqay inay qaatan wada-hadal dhexmara.

Waxa uu sheegay inay suuragal tahay inay sii daba dheeraato Xiisada ka taagan Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Isagoo Baaq nabadeed u diray Madaxweynaha Maamulka Puntland oo uu leeyahya wada hadal waa in lagu xaliyaa Xiisada Gaalkacyo ka taagan.

Dhanka kale, Madaxweyne Cabdi qaybdiid ayaa waxa uu Dowladda Federaalka Somalia ku eedeeyay Aamusnaanshaha ay ka aamusan tahay Xiisadaha taagan, waxa uuna sheegay in Warqado qoraal ah oo uu u diray DFS aysan weli kasoo jawaabin, taasina ay tahay mas’uuliyadari

Qeybdiis Waxa uu mar kale DF ugu baaqay inay soo faragaliso Xaalada cakiran Ee Gaalkacyo ka taagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasiirada DFS oo MUQDISHO ka wada dhaqan xumo iyo arrimo naxdin badan

0

Muddooyinkaan dambe, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo batay falalka anshaxa ka baxsan, ee ay ka geysanayaan Masuuliyiinta Xukuumada Somaliya qaarkood, waxaana adkaatay in la helo cid si toos ah tooshka ugu ifisa.

Wasiirada, ayaa intoodu badan ka wada siman inay saxibo la noqdaan hablaha madaxa kor u soo qaaday, iyagoona waqtiga ugu badan kula qaata goobo gaar ah oo markaasi ay wada qorsheysteen, inay isugu yimaadaan amaba ay ku wada caweeyaan.

Indhahaagu waxay qabanayaan Wasiir gaarigiisa aysan rasaastu karin ku wata gabar dhalinyaro ah, oo laguugu sheegaayo inay saxibo yihiin, waxaadna ku arkeysaa hoteelada iyo maqaaxiyadaha Magaalada Muqdisho ee la horumariyay.

Sidoo kale waxaad arkeysaa dadka caadiga ah ee hoteelada degan amaba maqaaxiyadaha ka cunteynaaya, oo kuu tilmaamaaya in ninkii halkaa fadhiyay amaba maraayay uu yahay Wasiir hebel, gabadhihii la socotayna ay ahayd mid ay saxib wadaag yihiin.

Waxaad sheeko iyo xan ahaanba aad ku maqleysaa in Wasiiradu ay hablaha ku indho darandaarinayaan jeebabkooda qoyan, isla-markaana ay kaga faa’iideysanayaan baahiyaha ay qaarkood qabaan.

Dhegahaagu waxay maqlayaan in Wasiir hebel uu gabar dhalinyaro ah ka bixiyo qarashaadka ay Jaamacadda ku dhigato, laakiin aynaan ahayn wax uu ugu asxaan falaayo, ha yeeshee uu gabarnimadeeda kaga faa’iideysanaayo.

Waxyaabaha ku cajab gelinaaya, ayaa waxaa laga xusi karaa in Wasiir ka tirsan Xukuumada uu gabar qurbo joogto ah uu keeno Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay yihiin laba qof oo saxibo ah, xilli aynaan waxba kala socon afadiisii.

Arrinta kale ee ku fajac gelineysa, ayaa waxay tahay marka aad sheedda ka qaado Wasiir la xaragoonaaya gabar uu laba laab dhali karo, taasoo ay muuqaneyso inaanay xaaskiisu ahayn, balse ay ku midoobeen wada socoshada aan banaanayn.

Tani Wasiirada oo kaliya ku gaar maaha ee waxaad kaloo arkeysaa Xildhibaano, Agaasmiye-yaasha Hay’adaha Dowladda iyo Saraakiisha Ciidanka qaarkood, oo hoteelada iyo maqaaxiyadaha ay ku wehlinayaan hablaha yar yar, oo middiba ay midda kale ka dhicin.

Waxaad ku arkeysaa Magaalada Muqdisho Masuul Dowladeed oo gaarigiisa gaarka ah ku wata gabar aanu xaaskiisa ahayn, markaad u kuur gashana aad ogaaneyso inay yihiin waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Boy Friend & Girl Friend).

Dadka degan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka dheregsan yihiin in Masuuliyiintii Dowladda qaarkood ay noqdeen, kuwo curyaaminaaya mustaqbalka hablaha soo kacaaya, isla-markaana uu badan yahay fusqiga ay ka wadaan Caasimada.

Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaan lahayn hay’ad gaar ah oo la socoto marxaladaha masuuliyiinteeda, waana taa midda keentay in Masuuliyeenteedii lagu dayan lahaa ay bulshadu u horkacdo, waxyaabaha ka dhanka ah Shareecada Alle.

Haddii aynaan Masuuliyiintu waxba ka bedelin dhibaatada ka dhanka ah hablaha Somaliyeed, ayaa waxay Warbaahinta madaxa banaan (Xorta ah) ku dhiiran doontaa, inay soo bandhigto muuqaalo muujinaaya anshax xumida ay furaha kula jiraan.

Isha: dhacdo.com

MAS’UUL sare oo HIIRAAN la toogtay !!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa waxa ay xaafada howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ku toogteen guddoomiyihii deegaannka Buq-goosaar ee Gobolka Hiiraan.

Dilka ayaa waxaa geystay Laba ruux oo la sheegay inay ku hubeysnaayen hubka fud-fudud,iyagoona dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Dilka ayaa waxaa xaqiijiyay Max’ed Ibraahim Cabdullaahi oo ah Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan, waxa uuna sheegay in dilka uu ahaa mid ay geysteen Rag bastoolado ku hubeysnaa, balse ay goobta ka baxsadeen.

‘’Allaha u naxariistee kooxo hubeysnaa oo ka koobnaa Laba ruux, ayaa dilay Aadan Max’ed Aadan oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Buq-goosaar, dilka waxa uu ku dhacay si kam ah, waayo raga dilka geystay waxaa loo maleynaayay rag aan wax damacsaneyn laakin nasiib daro waxaa qornaa geerida Guddoomiyaha’’

Waxa uu sheegay in Rag dilka geystay ay  markiiba goobta isaga baxsadeen,waxa uuna Tilmaamay in ciidamo ay u direen goobta uu dilka ka dhacay, hayeeshee aan gacanta lagu dhigin.

Dhanka kale, Max’ed Ibraahim Cabdullaahi waxa uu sheegay in Ciidammada ay ku raad joogaan rag dilka ka danbeeyay, marka gacannta lagu dhigana ay horgeyn doonaa cadaallada.

Waxaan la Ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysay dilka marxuumka, mana jirto cid sheegatay dilka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faah-Faahino kasoo baxaaya dagaalkii dhex maray Puntland iyo Somaliland

0

Dhahar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deeganka Dhahar oo ku yaalla gobalka Sanaag Berri ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Inta la ogyahay afar askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badan waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Dagaalka ayaa yimid markii wasiir ka tirasan maamulka Puntland uu booqday deeganka Dhahar oo ay isku heestaan maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana la sheegay in wasiirka iyo ciidamada la socday ay la kulmeen iska hor imaad xooggan.

Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deeganka Dhahar Berri balse, sarkaal u hadlay maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Cali Saleebaan ayaa sheegay in kooxdii magaalada soo weerartay in ay dib u celiyeen.

Xaaladda deeganka lagua dagaallamay ayaa saakay oo Jimco deggan, balse labada ciidan ayaa ku sugan meelo isku muuqda waxaana xilli kasta la filayaa in dagaal uu dib uga qarxo deeganka sida ay lee yihiin deeganka.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay weli ka cabsanayaan dagaal hor leh oo ka dhacay deeganka Dhahar Berri ee gobalka Sanaag.

Gobalada Sanaag, Sool iyo Ceyn waxaa ku muransan maamulada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo oo laga saaray deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Puntland oo ka Jawaabtay go’aankii ka soo yeeray maamulka Galmudug State

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay Maamulka Galmudug uu ku goodiyay inay hakin doonaan howlaha ka socda garoonka Gaalkacyo, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Puntland C/weli Xirsi Cabdulle (Indha-guran).

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay  in Galmudug aysan awood u laheyn inay hakiso Shaqada Garoonka Diyaradaha Gaalkacyo.

Indha-guran oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sidoo kale iska fogeeyay in Puntland ay hakisay Garoonka diyaradaha Galmudug ay  horay u sheegtay in laga xayiray iyo weliba in aysan jirin wararka sheegaya in Shirkadaha Diyaradaha laga joojiyay Garoonkaas Cusub ee Galmudug in ay ka degaan.

Waxa uu Tilmaamay wasiirka in Maamulka Galmudug ay si kale u dhigeyso Arrimaha Garoomada, waxa uuna Carabka ku dhuftay in uusan jirin diidmo loo diiday Maamulka Galmudug iyo Cabdiqaybdiidba inay ka soo degan garoonka Cabdullahi Yusuf, waxa uuna Arrinkaasi Mr Indha-guran ku sheegay mid aan xaqiiq aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Indha-guran oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’Haddalka Galmudug waa mid daan-daansi ah waayo Puntland kama hadasho meel aysan xukumin ama deegaano aan hoos imaan, anagu waxan xukunaa dhulkeena xita qaybo Mudug ka tirsan Puntland ma xukunto shaqana kuma lahan” ayuu yiri indha Guran

Haddalka Wasiir Indha-guran, ayaa imaanaya iyadoo maalinimadii shalay Maamulka Galmudug uu shaaciyay in Garoonka Gaalkacyo ay ka caaganaan doonto duulimaadyada.

Dhanka kale, Puntland ayaa ku howlan sidii ay xal uga gaari laheyd xirnaanshaha Garoomadeeda Macmalka, waxaana la tilmaamayaa in Maamulka Puntland ay gudiyo u xil saarayaan xal ka gaarista garoomada xiran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Gaadiid dagaal iyo maleeshiyo ka baxay G/Dhexe oo gaaray Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Duleedka gobolka, Mudug gaar ahaan Koonfurta Magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in ay halkaas gaareen gaadiid dagaal iyo maleeshiyo ka tagay gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah, ayaa Caasimada Onlline u sheegay in baabuurta dagaal ee halkaas gaaray ay dhan yihiin illaa iyo 31, oo ay saran yihiin maleeshiyo tira badan.

Arrintan ayaa waxa ay imaneysaa ayada oo ay jirto xiisad dagaal oo ka dhex oogan Gal-Mudug iyo Puntland, kadib maamulka Garoowe, uu xayiraad saaray garoon diyaaradeed oo maamulka Gal-Mududg uu sameystay.

Gadiidkaan Dagaal ayaa la sheegay in ay ka tageen Dhuusamreeb, Guriceel, Xaradhere iyo Cadaado ee gobollada dhexe ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan iyo gaadiidka loogu tala galay inay gacan siiyaan Ga-Mudug, haddii ay isku dhacaan ayaga iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Qeybdiid oo ka degay magaalo kale & garoomadi Gaalkacyo oo xirmay

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”uu ka dagay Garoonka Degmada Cadaado kadib markii Garoomadii Magaalada Gaalkacyo ay Xirmeen Amaro ka soo kala baxay Labada Maamul.

Wafdiga uu Hogaaminayo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Ka dagida Cabdi Qeybdiid Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa imaaneeysa xili Labada Garoon ee kuyaala Gaalkacyo oo ay kala Arimiyaan Puntland iyo Galmudug lagu Xiray Amaro Maamulada kasoo baxay, waxaana Xanimaadaas ay saameeyn ku yeelatay Dadka Shacabkaa ee Gobolka Mudug kunool.

Shalay ilaa Maanta Garoonka Gaalkacyo ayaa waxaa ku xaniman Xujeey doonayay in ay Garoonka ka dhoofaan oo gaaraya 270 Ruux.

qayb1qayb2qayb3qayb4qayb5qayb6qayb7

Xaqiiqda Gobollada Dhexe iyo sida loo kala dego + Diidmada Puntland (Xog)

0

Hishiiskii taariikhiga ahaa oo 30/07/2014 kadhacay Aqalka Madaxtooyada Jamuuryadda Fadaraalka Somalia kaasoo nuxurkiisu iyo hadafkiisu ahaa in maamul loo wadajiro laguna mideysan yahay laga sameeyo ama loo sameeyo bulshaweynta degta Gobolada dhexe ee bartamaha dalka Somalia waa guul  usoo hoytay bulshaweynta kunool Gobolada dhexe. Hishiiskaas dhaxal-galkaa waxaa saxiixay madaxda sare ee dowladda fadaraalka Somalia, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Maxda sare ee Ahlusunnah waljamaaca ee gobolada dhexe. Waxaa kaloo hishiiskaas goobjoog ka ahaa: Mr. Nickolas Kay oo ka wakiil ah QM, EU, AU, IGAD, iwm. Hishiiskaas himiladiisu tahay in lagu taabagaliyo(Central State of Somalia-ama dowladda bartamaha dalka Jamuuryadda Somalia) waamid waafaqsan nidaamka siyaasadeed ee dalka Somalia hadda kusocdo. Sida ay cadeysay dowladda Fadaraalku, hal maamul u sameynta gobolada dhexe waamid loomarayo wado nabadeed iyo iskaashi amuurtaas lagala yeesho bulshaweynta gobolada dhexe iyo madaxdooda waxayna ballan qaadeen in kooxaha saluugsan hishiiska lagaaray la qancin doono. Goobjoogka beesha Caalamka ee hishiiska lagaaray baa muujineysa muhiimadda ay leedahay in gobolada dhexe laga hirgaliyo maamul dowladeed oo ay ku mideysan yihiin bulshaweynta degta gobolada dhexe, si gobolada dhexe ee dalka Somalia loo gaarsiiyo horumar iyo ammaan buuxa islamarkaasna laga suuliyo fowdada kajirta sida burcad badeedka, seeflaboodnimada, iwm. Gobolada dhexe waxay dhacaan dhul istiraajig ah islamarkaasna muhiim u ah waxsoosaarka dalka Somalia.

Muxuu ka koobanyahay gobolka Mudug ?
 
Gobolka Mudug wuxuu ka kooban yahay :
Shan degmo oo kala ah: Gaalkacyo, Hobyo, Xarardheere, Galdogob iyo Jariiban. Dowladda Galmudug waxay xukuntaa oo ka talisaa afarta degmo oo hore marka laga reebo degmada Jariiban oo ay gacanta ku hayso maamul beeleedka Puntland. Sidaas awgeed, gobolka Mudug wuxuu hoos yimaadaa oo ka talisa dowladda Galmudug 99% dhul ahaan iyo shacab ahaanba. Beesha Majeerteen ee Cumar Maxamuud waxay Mudug ka degtaa wax ka yar 1% taasna waa xaqiiqda kajirta gobolka Mudug.
Buuqa iyo diidmada kasoo yeertay in maamul loo sameeyo Mudug iyo Galgaduud maamul beeleedka Puntland
 
Waxay ahayd arrin sharci daro ah oo ka dulboodsan nidaamka hannaanka dowladnimo ee dalka Somalia in maamul beeleedka Puntland ay muran iyo colaad ku goodin ka keenaan maamul dowladeed u sameynta gobolada dhexe oo ay dowladda fadaraalku ku dhawaaqday. Maamul beeleedka Puntland waxay arrintaas daraadeed xiriirka u jareen dowladda fadaraalkaa, waxayna ku goodiyeen dagaal haddii lagu dhaqaaqo in maamul dowladeed loo sameeyo Mudug iyo Galgaduud. Maamul beeleedka Puntland waxay ku doodayaan in ay iyagu ka taliyaan inta badan gobolka Mudug taasoo ah been cad iyo qar iska tuurnimo waali ah. Su’aasho waxaa weeye: haddii maamul beeleedka Puntland isku dayaan in ay ishortaag ku sameeyaan maamul loo sameeyo Mudug iyo Galgaduud- iyadu ma jireysaa soow xaalku ma noqon doono Hoogto Waa Halkeedii !!  Odoyga lagu magaacaabo C/Casiis Xaarin oo kasoo jeeda waqooyiga Gaalkacyo  baa ku goodiyay dagaal iyo balaayo dhacda mar uu wareysi siiyaySaxaafadda maamul beeleedka Puntland.  Oday Xaariin waxaan leeyahay: Xaajadu waxay ku roontahay nabad iyo walaaltinimo ee dulmiga aad wadid jooji adeer, dagaal iyo iscadaaweysi waa lasoo arkay cawaaqibkeeda ! Sidoo kale ninka lagu magacaabo Gaagaab oo asna kasoo jeeda waqooyiga Gaalkacyo baa ka sheekeeyay wax khiyaali ah oo ku saabsan nidaamka fadaraaliisimka wuxuuna hadalkiisu u badnaa isku dir iyo ayidaad go’aankii uu qaatay maamul beeleedka Puntland  oo ku aadanaa dowladda fadaraalka iyo maamul u sameynta gobolada dhexe.
Maamul beeleedka Puntland waa caqabadda nabad iyo horumar ka islaaxa Somalia
 
Maamul beeleedka Puntland waamid asagu isla quman ( self righteous) waxayna isku maaweeliyaan in ay dalka Somalia burburin karaan haddii aysan iyagu katalin, iyagoo dabcan u kaashanaya arrintaas cadowyo shisheeye sidii dhacday 2004-2009 kolkaasoo ay bartamaha iyo Koonfurta dalka Somalia kusoo hoggaamiyeen 70.000 kun oo ciidamo Xabashi ah iyo maleeshiyo reer Puntland ah kuwaasoo xasuug ba’an ka geystay bartamaha iyo Koonfurta dalka Somalia siiba magaalada Mogadishu. Waxaa la diiwaan galiyay in ciidamadii Xabashidu iyo maleeshiyadii reer Puntland ee dabadhilifka u ahayd ay xiligaas xasuuqeen dad kabadan 50.000 kun oo iskugu jiray caruur, haween, waayeel, waxgarad iwm. Waxay kaloo boobeen lacago iyo hanti lagu qiimeeyay $100 billion, hantida maguurtadaa oo ay burburiyeen waxaa lagu qiimeeyay $500 billion. Gaboodfalkii iyo saqiiro gowricii kadhacay bartamaha iyo Koonfurta Somalia 2004-2009 waxaa si toos ah oga masuul ah reer Puntland oo ku gabanayay magac dowlad kumeel gaar ah oo Soomaliyeed balse waxay u bedeleen aargoosayo qabiil oo qaawan. Waxaa caado u ah reer Puntland in aysan marna garwaaqsan
Waxay kaloo Puntland ku duushay oo si gardaraa oo ka baxsan nidaamka dowladda fadaraalkaa dhulka Jubbooyinka siiba magaalada Kismayo iyagoo kaashanaya ciidamada cadowga Kenya iyo kuwa maleeshiyada Ahmed Madoobe oo dabadhilifka u ah Kenya iyo Xabashida, waxaana halkaas kadhacay xasuuq iyo barakicin loo geystay beelaha asal ahaan dega dhulka Jubooyinka sida Gaaljecel, Cowramaleh, iwm. Maamul beeleedka Puntland waamid ku sifoobey sedbursi doon, dabadhilifnimo shisheeye iyo majaxaabin danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed. Siyaasiyiinta reer Puntland iyo shacabkooduba waa kuwa aan marna garwaaqsan jariibooyinka, gaboodfalka iyo dulmiga ay had iyo goor u geystaan dadyowga ay cadowga u arkaan ee dalka Somalia. Maamul beeleedka Puntland waxay gooni u sameysteen calan qabiil waxayna kaligood dhuuqaan dhaqaalaha ballaaran oo kasoo xarooda dekedda Boosaaso iyo canshuuraha xoogleh oo ay qaadaan. Sidaas ooy tahay reer Puntland waxay qaataan oo ku gorgortamaan 50% dhaqaalaha iyo canshuurta kasoo baxda dekedda Muqdisho iwm. Waxay kaloo gacanta ku hayaan xilalka ugu muhiimsan dowladda fadaraalka Somalia dockasta.
Gunaanadkii
 
Maamul u sameynta gobolada dhexe waa lagamamaaraan waana inla taabagaliyaa sida ugu dhaqsa badan iyadoo magaalada madaxda laga dhigayo magaalo xeebeedka Hobyo oo ku taal meel stratiigic ah islamarkaasna hodan ah dockastoo laga fiiriyo. Diidmada iyo xasadnimada ay muujiyeen maamulka Puntland oo ku aadan in maamul loo wadajiro laga sameeyo gobolada dhexe waa in laga socdaa islamarkaasna tilaabo adag laga qaadaa dulmigooda sharci darada iyo daandaansiga ku salaysan. Samankan lajoogo waa wax aad u adag in hishiis wadareed lagaaro laakiin waa in dadka waxgaradkaa ee gobolada dhexe ay garwadeen ka noqdaan maamul u sameynta gobolada dhexe iyadoo dowladda fadaraalka looga baahan yahay oo kaliyah in ay gudato waajibaadka dastuuriga ah oo arrintaas oga aadan.
Waa muuqata in madaxda sare ee dowladda fadaraalkaa aysan isku maan iyo hadaf ahayn maamul ka sameynta dalka Somalia. Metelan R/W dowladda fadaraalkaa  uma muuqdo shaqsi daacad ka ah hawlaha uu u hayo qaranka Soomaaliyeed waxaana lagu eedeeyay in uu u xusulduubayo dano gaara ahaaneed oo straatijiyad qabiil iyo qabyaalad salka ku haysa, taasoo haddii ay run tahay aan loo duqaadan karin. Maamulo ku sheegga kajira Kismayo iyo maamulka saddexda gobol ee Bay iyo Bakool oo dowadda fadaraalku aqoonsatay waa sharci daro iyo dulmi qaran mana la aqbali karo, sidaasna nabad iyo cadaalad ogama hirgalayso dalka Somalia. Waxaa loo baahan yahay in dalka Somalia lagu soo celiyo gacanta ummadda Soomaaliyeed lagana xoroobo shisheeyaha dowladda fadaraalku ku tiirsan tahay.
Waxaa kaloo soo ifbaxday in maamul beeleedka Puntland ay doonayaan in ay dagaal lagalaan dowladda Galmudug si ay u fashiliyaan hadafka iyo himilada maamul u sameynta Gobolada dhexe oo hadda mareysa meel gabo gabo ah. Laakiin qorshaha, damaca iyo beenta maamul beeleedka Puntland ma guuleysan doono, dowladda Galmudug iyo shacabkeeduna waxay diyaar u yihiin in ay iska dhiciyaan oo ka hortagaan dulmiga fulaynimadaa oo daandaansiga iyo Soomaali isku dirkaa oo ay dhaqan ka dhigteen maamul beeleedka Puntland. Hadafka dhalanteedkaa ee maamul beeleedka Puntland wuxuu salka ku hayaa in aan (maamul, deked iyo garoon diyaaradeed iyo waliba mashaariic horumarineed oo dhan) aan laga hirgalin dhammaan deegaanada Galmudug iyo Gobolada dhexe si ay kaligood u noolaadaan oo u hodmaan !! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Wax rag kaa galay,waa wax rako kaa gallay). Wallee rag waa isku maqan yahay ee aanu ogaano halka xaajada gobolada dhexe ay cago dhigato !!
WQ: Khayre Elayow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Video: Arrin yaab badan oo lagu arkay Masjidka Xaramka ee Makka (Daawo)

0

Arin lala yaabay ayaa kusoo korortay Masjidka barakeysan ee xaramka “Kacbada”, oo ah kooxo Tuugo ah oo dadka usoo Cimro iyo Xaj tegay Xaramka ay kula kacaan inay ka xadaan alaabaha yaryar sida boorsooyinka lacagta, Taleefanada iyo wixii gacan qabasho ah xiliyada ay daalan yihiin ee ay hurdayaan.

Kaamirooyinka CCTV ayaa qabtay dhalinyaro dadka daalan baaraneyso masjidka xaramka dhexdiisa, iyagoo ka qaadanaya alaabaha ag yaal, sidoo kale waxay kaamirooyinkaasi sahleen in lala socda dhaqdhaqaaqa masjidka dhexdiisa, durbadiina ciidamada Booliska ay u fudadahay inay qabtaan dadka falalkaasi foosha xun ee alle ka furashada ku kacaya.

Arintan lala yaabay ayaa waxay noqotay masiibo ku habsatay kooxaha falkaasi foosha xun kula kaca dadka daalan ee cibaada ugu yimid dalal fog fog iyagoo ka faa’iideysanaya burcada daalka dadka ay xadayaan maadaama maalintii dhan cibaadeysanayo, ama dawaafka kacbada ku daalay, kadibna meeshii uu doono qofkaasi ku hurda masjidka dhexdiisa.

DAAWO MUUQAAL KA MID AH ARINTAN