28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Shirka Cadaado oo mucaarad hor leh la kulmay (Sidee ayey wax u socdaan)

0

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Kaddib markii uu qaadacay maamulka Puntland shirka lagu dhisaayo maamul u sameenta gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa soo baxaya dhinacyo kale oo diiddan shirkaas waxaana ka mid ah Ahlu Sunnada gobalada dhexe.

Magaalada Dhuusamarreeb waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen waxgarad, siyaasiyiin, odayaal, haween iyo dhallinyaro waxaana ay si cad ah uga soo horjeesteen in shirka lagu dhisaayo maamulka gobalada dhexe lagu qabto magaalada Cadaado.

Dhammaan dadka ka soo qeybgalay kulanka waxay cambaareeyeen dowladda fedaraalka iyo beesha caalamka oo ay ku eedeeyeen in aysan rabin maamul lagu mideesan yahay oo loo dhiso gobalada dhexe.

Waxay sheegeen dowladda in ay ku qaldan tahay iyadoo gogol la dhigay Dhuusamarreeb in la dhaho shirka waxa uu ka dhacaya Cadaado.

“Ma dooneyno in shir kale oo caqabad ku ah Dhuusamarreeb lagu qabto Cadaado” ayey ku dhawaaqayeen haween iyo dhallinyaro ka hadlay kulanka.

Ururka Ahlu Sunna ayaa ka soo horjeeda shirka ka dhacaya Cadaado ee la rabo in lagu dhiso maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Dhuusamarreeb

[email protected]

Xog: Dooni sida hub culus oo Marka ka dhaqaajisay kuna sii Jeeda Hobyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya Magaalada Marka ee gobolka shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in Dooni sida Hub nooca culus oo kasoo dhaqaajisay Marka ay ku wajahan tahay Degmadda Hobyo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Doonida ay sido Hub casri ah, iyadoona ay warar hoose tibaaxayaan in Hubkaasi ay bixiyeen xubno ku beel ah Qeybdiid, islamarkaana looga deeqay Maamulka Galmudug ee uu Hogaanka u haayo Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

Bixinta Hubka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili dhawaan uu Maamulka Puntland uu xayiraad saaray garoon diyaaradeed oo Gal-Mududg ay ku leedahay koonfurta Gaalkacyo, taasi oo xiisad ka dhex oogtay labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid), ayaa maanta sheegay inuu ka laabtay go’aankii uu isna ku xayiray garoonka diyaaradaha waqooyiga Gaalkacyo, ayada oo ay u muuqato in Qeybdiid uu weli nabad wax ku raadinayo..

Beelaha Habar-Gidir iyo Majeerteen, ayaa ciidamo soo dhoobay Gaalkacyo, ayada oo laga cabsi qabo inay meel xun gaarto xiisaddii maamulka Puntland uu abuuray ee Gal-Mudug ay ku qeexday “daan-daansiga”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shirkadaha gaarka ah ee Muqdisho oo DFS ay ku amartay laba arrin oo adag

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa amar culus dul dhigtay ilaalada shirkadaha gaarka loo lee yahay ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka, Maxamed Cismaan Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkadaha gaarka ay qasab ku tahay ilaalada u shaqeeya aaney u muuqaal ekaan  ciidamada dowladda ama labiskooda ay qaataan.

Wuxuu sheegay oo kale in ilaalada shirkadaha loo oggol yahay kaliya qoriga AK47 isla markaana hub kale aaney qaadan karin.

“Ilaalada u shaqeeya shirkadaha gaarka loo lee yahay waxaa qasab ku ah  in ay qaataan astaan gooni ah oo aan u ekeen kuwa ciidamada qaranka, waana loo oggol yahay kaliya AK47” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Afhayeenka wasaaradda amniga wuxuu sheegay oo kale in ay wadaan qorshe lagu diiwaangalinaayo ilaalada shirkadaha gaarka isla markaana faraha laga qaadayo si loo ogaado dhaqdhaqaaqooda.

“Waxaan rabnaa in budad lagu ilaaliyo shirkadaha iyo suuqyada musataqbalka dhow si looga maarmo hub” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan meel marisay sharciga xakameynta hubka sharci-darrada waxaana sharcigaas uu horyaallaa baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa sababay in Abdi Qeybdiid uu ka laabto xiritaanka garoonka Gaalkacyo?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka hadlay sababaha ay uga laabteen go’aankii ay ku xayireen garoonka diyaaradaha ee weyn Gaalkacyo ee ku yaalla dhinaca Puntland.

Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in wax yaabaha sababta u ah go’aanka in ay ka laabtaan uu la xiriiro markii uu warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo beesha caalamka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintan ay soo billaabatay markii Muqdisho lagu saxiixay heshiis lagu dhisaayo maamul u sameenta gobalada dhexe iyagoo markaas ka cabsanaya dowladda fedaraalka maadama ay lee yihiin waxaa ku jirra Cabdiqeybdiid, isla markaana diyaaradaha ay ka deggi karaan garoonkaas oo ay fasax yihiin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in markasta uu maamulkiisa diyaar la yahay siddii nabad ay ugu noolaan lahaayeen shacabka ku dhaqan labada maamul.

Wuxuu sheegay oo kale in Puntland u jeedkooda uu yahay siddii ay u fashilin lahayd dhismaha maamulka loo dhisaayo gobalada dhexe isagoona intaas ku daray in uu la yaaba yahay in in madaxweyne aqoon leh in uu maanta doonayo in wax ku raadiyo qori caaradii sida uu yiri.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Puntland in ay oggolaato in labada maamul ay ka faa’ideestaan garoomada diyaaradaha ee Gaalkacyo ku yaalla.

Uguu dambeen wuxuu sheegay in tanaasulka ay muujiyeen in uu la xiriiro siddii uu qabsoomi lahaa shirka maamulka loogu sameenaayo gobalada Mudug iyo Galgaduud kaasoo dhawaan ka furmi doono magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya iyadoo ay socdaan dedaalo lagu qaboojinaayo xiisaadda ka aloosan Puntland iyo Galmudug, waxaana dedaaladaas qeyb ka ah dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Khilaafka labada maamul ayaa soo billowday markii lagu dhawaaqay in maamul gobaleed loo sameenaayo gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

PUNTLAND oo u jawaabtay QEYBDIID !!

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay hadalka uu maanta sheegay madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kaasoo ahaa in ay ka laabteen go’aankii ay ku xayireen garoonka diyaaradaha ee weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa VOA-da u sheegay in Puntland aaney jirin wax garoon ah oo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo in ay xayireen.

Wuxuu sheegay in Puntland aaney ka gorgortami karin garoonka diyaaradaha ee waqooyiga Gaalkacyo ku yaalla iska markaana garoonkaas uu ku yaallo dhinaca Puntland.

Wuxuu sheegay Garoonka Gaalkacyo in uu la mid yahay kan ku yaalla Boosaaso iyo Garoowe oo ay maamusho dowladdaPuntland sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan eedeen uga timid madaxweynaha Galmudug taasoo ah in Puntland ay colaad ka abuureyso dadka ku dhaqan Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Galmudug aanu habooneen in loo jawaabo maadama Gaalkacyo ilaa Cadaado uu ka sheegayay dagaal isagoona intaas ku daray in marnaba Puntland aaney rabin in in colaad ka abuurto beelaha walaalaha ee deggan Gaalkacyo.

Wuxuu kaloo beeniyay wasiirka warfaafinta in aysan jirin wax garoon ah oo ay u diideen diyaaradaha in ay ka soo deggaaan Gaalkacyo isla markaana howlaha u yaalla aaney ahayn balse madaxweynaha Galmudug uu doonayo in uu colaad ka abuuro Gaalkacyo sida uu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in waxbo aanu u oggoleen Galmudug marka ay timaado sida loo maamulaayo garoonka diyaaradaha ee ku yaalla dhinaca Waqooyiga isla markaana maamulkiisa 100% uu hoos immaanayo maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Xildhibaan soo bandhigay arrin ay isku haystaan xukuumadda iyo BF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka guddiga ammaanka iyo fedaraalka baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in uu jirro is-maandhaaf aad u weyn kaasoo ka dhex jirra baarlamaanka iyo xukuumadda fedaraalka.

Mar uu ka hadlaayay is-maandhaafkaas iyo halka uu salka ku hayo, wuxuu tilmaamay in uu la xiriiro qaabka loo sameenaayo maamul u sameenta gobalada dalka.

Xildhibaanka ayaa daaha ka qaaday in hirgalinta nidaamka fedaraalka ay ku hor gudban yihiin caqabado waaweyn oo sabab u tahay xukuumadda sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda ay rabto in marka hore ay dhisto maamul kor laga keenay ee dadka deeganka lagala tashan halka xildhibaannadooda ay ku doodayaan halaga billaabo meel hoose.

“Inta badan hirgallinta nidaamka fedaraalka waxaa ku hor gudban caqabado waaweyn waa in wax kasta oo la dhisaayo hoos laga billaabo halka xukuumadda ay rabto in ay kor ka keento” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in xukuumadda ay ku waalatay nidaamka fedaraalka ee dalka taasoo uu yiri waxay dib u dhac ku keeneysa hiigsiga 2016-ka oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso siddii ay maamul u sameenta gobalada dalka ay hirgalin lahayd.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kulan albaabada ay u xiran yihiin oo ka socda Villa Somalia (Yuu u dhaxeeya?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu kusoo waramaayo Mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowlada oo ku sugan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Xassan Sheekh oo maanta dalka dib ugu soo laabtay uu Madaxtooyada ku qaabilaayo Xubno ka kala tirsan BF iyo Wasiiro dhowr ah.

Mudanaha ayaa sheegay in shirka uu yahay mid albaabada uu u xiran yahay, islamarkaana looga arrinsanaayo Khilaafyo Xassan Sheekh kala dhexeeya Ra’isulwasaaraha Dalka.

Mudanaha ma uusan bixin faah-faahino dheeri ah, balse waxa uu inoo xaqiijiyay in Kullanka uu yahay mid looga tashanaayo Mooshino ka yaalla Ra’isulwasaare C/weli Xassan.

Waxaa weli socda kullanka, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay, inkastoo shirka uu yahay mid aan loo Ogoleyn Saxaafada.

Dhanka kale, Kullanka ayaa ka danbeeyay kadib markii Madaxweynaha DF xasan sheikh uu shaaciyay inuu jiro Khilaaf kala dhaxeeya Ra’isulwasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qeybdiid oo shir ku qabtay Gaalkacyo, shacaiyeyna war ka farxiyey Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu goor dhaw Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Shirkiisa ku shaaciyay in xiligaani iyo wixii ka danbeeya Galmudug ay fasaxday Xanibaadii ay ku soo rogtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in sababta uu u fasaxa ay tahay Codsiyo qoraal ah oo kaga imaaday dhanka Madaxda Dowlada Federaalka Somalia, waxa uuna Tilmaamay inuu diyaar u yahay wax waliba oo ay DFS xal u aragto.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay jabisay Amarkii Galmudug ee ahaa in Garoonka uu xiran yahay islamarkaana Galmudug ay garawsatay in Garoonka Xanimaada laga qaado.

Dhanka kale, shirka Jaraa’id ee Cabdi Qeybdiid, ayaa kusoo beegmaya xili la shaaciyay inuu Hub kasoo daabulay Magaalada Cadaado, islamarkaana uu kasoo degsaday Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cabdi QEYBDIID oo hub farabadan ka rartay magaalada Cadaado (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in hub farabadan oo laga daadgureeyay Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb la geeyay Galmudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hubkaasi uu ahaa mid u socday Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale ‘’Qeybdiid’’, iyadoona Ujeedka hubka lagu sheegay mid Qeybdiid uu isaga caabinaayo Maamulka Puntland oo uu kala dhexeeyo Khilaaf adag.

Hubka laga qaaday Magaalada Cadaado ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu u badnaa kuwa Fud-fudud iyo kuwa culus.

Dhanka kale, Hub dajintaani ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo inta badan laga barakacaayo Magaalada Gaalkacyo, mana cada sida ay ka yeeli doonaan Maamulka Puntland Colaadaha cusub ee kaga imaanaya dhanka Galmudug.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka digtay in Labada Maamul ay isku adeegsadaan dagaal uu dhiig ku daato, iyadoona ku talisay  in Khilaafka lagu  dhameeyo Wadahadal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada:@live.com

C/Weli Gaas oo ku wajahan Gaalkacyo iyo xog cusub oo laga helaayo xiisada

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku wajahan yahay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Tegi taanka madaxweynaha Puntland ee Gaalkacyo ayaa la xiriirta xiisadda ka dhalatay xayiraad lagu soo rogay garoomada diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Wariyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu kula kulmi doono Gaalkacyo dhiggiisa Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Magaalada Gaalkacyo waxaa shaley gaaray wasiiro iyo saraakiil ciidan oo hordhac u ahaa socdaalka madaxweynaha Puntland uu ku tagayo Gaalkacyo.

Sidoo kale, waxaa magaalada Gaalkacyo la filayaa in ay gaaraan xubno wasiiro iyo xildhibaanno ah oo ka socda dowladda fedaraalka kuwaasoo uu soo diray ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo shaley ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka u dhexeeya labada maamul isl markaana la fasaxo adeegyada duulimaadyada ee garoomada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, cabsi aad u ballaaran ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goobaha ku dhow garoomada diyaaradaha ee magaaladaas maadama laga cabsi qabo in la weerarro diyaaradaha ku soo dagaya halkaas.
Dadkii sugnaa dadkaas ayaa isaga qaxay goobahaas waxaana ay aadeen meelo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

Habar-Gidir & Majeerteen oo ciidankii ugu badnaa geeyey Gaalkacyo + Qax

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo wato gawaarida dagaalka kana baxay Guriceel, Cadaado, Dhuusamareeb, Bandiiradley, Gelinsoor iyo Ceelgaras ayaa gaaray Koofurta Galkacyo halka dhinaca kalena ay Ciidan lixaadleh buux dhaafiyeen Waqooyiga Galkacyo kuwaas oo ka yimid Bosaaso, Qardho, Burtinle iyo Garowe.

Maleeshiyaadka Majeerteen iyo Habargidir ayaa laga cabsi qabaa inay isku dhacaan, kuna kala baxaan gacan ku heynta Magaaladda Galkacyo oo hore loogu wada deganaa heshiis ay kala saxiixdeen Jeneral Caydiid iyo Korneyl Cabdullahi Yusuf allaha u naxariistee labadooda.

Berimageydada ku nool Koofurta iyo Waqooyiga Galkacyo ayaa bilaabay inay ka qaxaan labada dhinac, waxaana arrintaan ka dhalatay kadib markii uu fashil ku dhamaaday kulan lagu ballansanaa inay shalay {Sabti 27 Sept 2014} isku hor fariistaan ergo kala metelaya Galmudug iyo Puntland.

Beesha Habargidir ee maamulka Galmudug waxay si rasmiya u joojiyeen isu socodka gaadiidkii Dekadda Boosaaso ka soo daabuli jiray alaabaha ee wadada gobolada dhexe isticmaali jiray, sidoo kalena waxay xireen Garoonka weyn ee Galkacyo.

Sida muuqata bulshada Puntland waxay wajahayaan colaad siyaasadeed taas oo aan la sii saadaalin karin waxay ku dhamaan doonto.
Waxaa jira kumanaan u dhashay qabiilada Majeerteen iyo Habargidir kuwaas oo aad uga soo horjeedo in dagaal sokeeye laga rido gobolka Mudug, hase yeeshee siyaasiyiinta labada dhinac waxaa ka muuqda qabweyni.

Hadii dagaal ka dhaco Mudug, oo Habargidir iyo Majeerteen fooda isdaraan waxaa hubaala inuu dagaalka ku ekaan doonin gobolkaas balse aargoosiga wuxuu noqon doonaa goob kasta iyo gobolka kasta.

Arrimaha ugu calool xumada badan colaadaha nuucaana waxaa laga tilmaami karaa in qof aan dimbi gelin loo dili doono wuxuu ka dhashay qabiil hebel.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo dagaalka ee Majeerteen iyo Habargidir inta badan caruurtooda waxay u dirteen dibadda ama ugu nool yihiin, waxaana muhiim ah inay bulshada labada beelood ee ku nool gudaha Mudug ka tashadaan aayahooda.

Si kastaba ha ahaatee, Mudug waxay labaatan sano kadib wajaheeysaa dagaal sokeeye kaas oo aan la sii saadaalin karin wuxuu ku dhamaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

FARTAAG oo la sheegay inuu si sir ah dhaqaale ugu bixinaayo shirka GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya mid kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Gedo, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba Gen. Fartaag uu xiligaani dhaqaale ku bixinaayo shirka ka furmaya Gedo ee looga soo horjeedo kan ka socda Kismaayo.

Mas’uulkaasi oo magaciisa kusoo gaabshay C/llahi, ayaa waxa uu Cadeeyay in fakirka qabsoomida shirka Gedo uu leeyahay Fartaag, waxa uuna Tilmaamay in shirka dadaalkiisa uu bilowday xiligii ay kala irdhooben Fartaag iyo Axmed Madoobe, islamarkaana fartaag uu ku sugnaa Magaalada Gedo.

Waxa uu sidoo kale, Mas’uulkaasi xaqiijiyay in dhaqaalaha shirka ku baxaayo %30 uu bixinaayo Gen.Fartaag oo uu ku sheegay inuusan aheyn ruux weli ku qanacsan Axmed Madoobe, balse ay dantu ku qasbeeso.

Dhanka kale, Waxa uu mas’uulkaasi Fartaag ku eedeeyay inuu hanjabaado u diro Odayaasha iyo Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa shirka, hadana uu dhaqaalo ku bixiyo qabsoomida shirka, taasi uu ku sheegay mid aan wanaageeda wadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland oo muujisay in aysan DFS ka maarmin (Wafti ay u dirtay MUQDISHO)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Garoowe tiro ka badan 20 Agaasime waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradaha maamulka Puntland, kuwaas oo lagu wado inay maanta uga qeyb galaan Muqdisho shir ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada waftiga Puntland u tageen Muqdisho ayaa salka ku haysa ka qeyb galida kulan dabo socda shirarkii hore ee DF ka qabatay Barnaamijka ” New Deal”, oo ay horey uga qeyb galee wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Gaas.

Xubnaha Muqdisho yimid waxaa ka mid ah Agaasimaha Mashaariicda Madaxtooyada, Agaasimaha Tacliinta sarre Wasaarada Waxbarashada, Agaasimo waaxeedka Faaf reebka Warfaafinta, iyo Xubno kale oo tiradoodu ka badan tahay 20 qof oo inta badan xilal Agaasimo waaxeed ka haya Wasaaradaha iyo Madaxtooyada Dowlada Puntland.

Socdaalka waftiga ayaa imaanaya xilli aysan wali wada hadalo rasmiya ka yeelan Puntland iyo Dowlada Federalka Somaliya go,aankii kasoo baxay Xukuumada Madaxweyne Gaas 20-kii bishii horre Augsto 2014 iyo Mowqifkii uu ku shaaciyey Madaxweyne Gaas 31 July 2014 inuu jaray wada shaqeyntii iyo xiriirkii Xukuumadiisu la lahayd Villa Somalia.

Waa arrin yaabkeeda leh, in Puntland ay marna sheegto inay xiriirka u jartay dowladda federaalka, marna ay ka qeyb gasho shirarka iyo tababarada ay qabaneyso, waxaase ay u muuqataa mid muujineysa sida aysan Puntland uga maarmin DF.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Puntland u tagto Muqdisho shirar ay soo qaban qaabisay DF Somalia tan iyo markii la doortey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Beesha Xawaadle oo dacwad ka gudbisay DF & ra’iisul wasaare C/Weli

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ka tirsan Beesha Xawaadle, ayaa sheegaya in Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beeshasi kasoo jeeda ay warqado dacwo ah u gudbiyeen Dowlada Ethiopia.

Xogta ayaa sheegeysa in warqadahaasi ay ahaayen kuwa ku qornaa dacwado ka dhan ah Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed, waxaana la Tilmaamayaa inay ku qornaayen qodobo ay kamid ahaayen:-

1 – In Ra’isulwasaaraha dalka uu duudsaday kaalinta Beesha ay ku dhex laheyd beelaha Hawiye.

2 – In caqabad uu ku yahay jiritaanka Beesha.

3 – In xili waliba uu saaxiib u noqday inuu laado ama is hortaago danaha Beesha.

4 – I n si kam ah uu xilka uga qaaday Sambaloolshe oo ahaa Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida.

5 – In beeshu ay dowlada Ethiopia ka codsaneyso in laga dulqaado culeyska ka heysta dhanka Ra’isulwasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Warqadaani ayaa ka danbeysay xil ka qaadista Aggaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, waxa ayna Beeshu ku adkeysaneysaa in DFS ay dayacday kaalinta Beesha.

Warqadaani ayaa waxaa la gudbiyay sida ay xogtu sheegeyso Shan maalin kahor, mana jirto wax Jawaab ah oo kasoo baxay ilaa iyo hadda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Buurya-qab Kay ayaa Soomaali xukuma

0

Waxaan la wadaagi lahaa Somalida jawaabaha ka bixinaya qoraalkii uu qoray  Nicholas Kay  Thursday  September 25, 2014  oo uu kaga hadlayay arimaha Somalia iyo sida loo unki karo dowlad Somalida ku dhan tahay,waxaan dhihi lahaa ugu horeeyn Nicholas Kay waxaa uu ka soo jeedaa kuwii Somalida gumeeysiga kula kacay 1892 ilaa 1960,burburiyay dhanwalba dhaqanka ,dhaqaalaha iyo shacuubtii deganeeyn geeska Afrika qaasatan Somalida,awoowayaashiisa waxaa aay nooga tagageen oo eey noo sameeyeen Jamhurida Dimoqoraadiga Somaliya waxeeyna  manta u socdaan in aay ku bedelaan Jamhuuriyada Federaalka Somalyai,madaxada ugu sareeysa ee gumeeysiga cusub ee Somaliya waxaa u shaqeeya ciidamada AMISOM oo ka kooban dalalka Uganda,Brundi,Ethiopia iyo kuwa faro badan oo cadaan ah sida qormadiisa Nicholas Kay aay ku cadahay: People are often surprised to hear that every day the UN has about 1,300 staff working across Somalia, of whom at least 200 are international staff working in Mogadishu. We are here to help and here to stay for as long as we are needed. And we are not alone: among others the European Union, Inter-Governmental Authority on Development, League of Arab States, Organisation of Islamic Conference, UK, China, Turkey, UAE, US, and Ethiopia are more and more present on the ground.

Xassan Shekh  oo ah hogaansamaha  hirgelinta ujeedka Nacholas Kay uu u joogo dalka Somali ayaan ka badin Karin dhaqaale ururusi iyo u adeega gumeeysiga cusub,shaqada Nicholas Kay waxaa mudneeyn in aay ku koobnaato, oo kalya taageerida iyo dhiiragelinta nabada iyo gargaarka umada abaaraha ku habsatay  balse manta xuduudaasi waa uu ka gudbay oo si barer ah ayuu siyaasada dalka ugu lug leeyahay,waxaad arkeeysaa  asaga oo marwalba tagaya gobolada shirarka ka socda sida Bay,Puntlan iyo Kismaanyo,waxaa uu ka mid yahay Nicholas Kay raga jaangooya siyaasada fuliyana hadafka ah in dalka laga dhigo ilaa iyo 6-7 dowlad goboleed oo calamo u gooni ha leh , dowlado  baarlaamaan iyo gole wasirro iyo madaxweeyne leh,dowlad goboleed walbana marjaceedu noqdo dastuur aay iyada sameeysatay,waa QEEYBI OO XUKUN aragtidii gumeeysiga ku soo caanomaalay qarnigii hore welina dabada ka hayo qarnigaan cusub.

Nicholas Kay ujeedka ugu weeyn uu dalka u joogaa iyo mika loogu soo magacaabay in uu UN ka u matalo Somalia waxaa aay tahay:

  • In uu abuuro Somalida cusub oo magaceeda la dhaho Jamhuuriyada Federaalka Somaliya oo aanan awood weeyn laheeyn balse marwalbaa dowlada yer ay awooda kula qabsato dowlada dhexe sida Puntland,
  • Dahqaalaha dalka Somalia in dowladaha yar-yari noqdaan kuwa leh awooda qeeybsiga ugu weeyn,awoodna u yeeshaan in aay xirri dhaw iyo mid dheer la galaan cida aay doonaan.
  • Somaliya awoodii ay laheeyn ee xaga  gobka geeska Afrika oo laga dhigo kuwo loo taliyo,taladana wax laga weeydiiyo dowladaha yar-yar sida Puntland.
  • In la abuuro dowlado yar-ayar oo aanan isdhexmari Karin ,ganacsigana uu noqo mid canshuurtiisa aay noqoto ilaa seddex jibaar,tusaale: Puntland waxaa aay qorsheeyneeysaa in aay qudaarta ka soo gadato Ethiopia iyda diidan in aay dowlad goboleeka deriska la ah sida Maamulka G.Dhexe haddiiba loo sameeyo ama Hiiraan ama Sh/ Hoose iwm
  • Gumeysiga waxaa uu abuurayaa in uu qeeyraadka dalka aayan dowlad dhexe awood ku yeelan cidii uu doonane la heshiiyo.
  • Dowlad Goboleedwalba waxaa la siiyay xeeb iyo bad si aanan dagaal u imaan,waa mida keentahay in sh/hoose lagu daro Koonfur Galbeed ,sida oo kale G.Gado waxaa bad looga dhigay Kismaanyo,.

Xasan Sheekh waxaa uu u  adeegaa Nicholas Kay,Nicholas Kay waxuu xukumaa  AMISOM  ( Ugaanda,Burundi,Ethiopia Siralion ) ciidan ahaan,sida oo kale waxaa u adeega Nicholas Kay ciidamo USA,Yurub iyo caalamka intiisa aaminsan ujedka kala qeeybinta Somaliya iyo dhisida Somalida cusun ,Jamhuuriya Federaalka Somalia.Hassan maaha Hogaamiye balse waa Hogaansame.

W/Q: Dr. Ali.A. Hirabe       

[email protected]    

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xamar oo loogu diyaar garoobayo sidii loo cirib tiri lahaa geed Yahuudi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Dalka oo taagero ka helaysa Hay’ad lagu magacaabo Siisal waxa ay tababar u furtay Xubno matalayay Maamuladda Gobollada Banaadir , Shabellaha Hoose iyo Hiiran.

Waxaa aqoon kororsigan lagu baranayay ka hortagga faafitanka Geed Yahuudka , ama caligaroobka sida badi dadku u yaqaaniin , kaas oo la sheegay in wax soo saarka dalka uu ku leeyahay saamayn aan wanaagsanayn .

Waxaa furay tababarkaas wasiir ku xigeenka wasaaradda Howlaha guud iyo Dib u dhiska dalka , Maxamed Ismaaciil Shuriye oo ka hadlay sida uu ula falgalo Geedyahuudka abaaraha ku soo noqnoqda Dalkan.

Andrew oo ka socday Hay’adda Secil ayaa sheegay in muhiim ay tahay in loowada istaago cirib tirka geedkan oo uu yrii waa mid faafid badan .

“Labaatan sano oo dagaal ah kadib Somalia waxaa ka beermay meelaha qaar geedo aad u waawayn oo geedkan cali garoobka uu ugu horeeyo sida aan ku aragnay mar horre dalalka Ethopia , India , South iyo Kenya Africa , balse waxa ay Somalia u baahan tahay ayaa ah in dadka iyo degaanka loo micna sheego in suulinta geed yahuudku ay u wanaagsan tahay wax soosarka dalka .

Waxa ayna arintan dhaba qaadisteedu ay qaadanaysa , Howl culus , Qayraad badan iyo shaqaalo badan si loo hortago faafinta geed yahuudka , waxaana bilownay maanta sidii dadkan aan ugu sheegi lahayn durba faafitaanka geedkan iyo saamaynta uu degaanka ku leeyahy .

Hadda hadaad eegto degmooyinka Muqdisho sida shangani , waxaad arkaysa saamaynta uu ku yeeshay geedkan , oo faafayay 20-kii sano ee la soo dhaafay”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

AXMED MADOOBE oo $50,000 bixiyey

0

Kismayo(Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lacag dhan $50,000 wuxuu ugu deeqay in wax looga qabto abaarta ka jirta deegaannada Jubbaland ee uu maamulkiisa ka arrimiyo.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in deeqda lacagta uu ugu talagalay in si horudhac ah biyo iyo raashin loogu iibiyo dadka ay abaartu saameysay, isagoo xusay in abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ay ka jirta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay inay sameeyeen guddi qaabilsan wax ka qabashada abaarta, oo ka kooban wasiirro iyo ganacsato, kaas oo la doonayo inuu si deg-deg ah ula tacaalo xaaladda abaarta ee gobolka.

Wuxuu u jeediyay hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya inay gargaar deg-deg ah la soo gaaraan dhibbaneyaasha abaarta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Xasan Sheikh oo xaaqiijiyey kana hadlay Khilaafka isaga Cabdi Weli

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo galabta u waramaayay Laanta Af-Soomaaliya ee VOA, ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro Khilaaf kala dhaxeeyo Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in Khilaafka uu yahay mid ku imaaday kala aragti duwanaansha u dhexeeya isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda C/weli Sheekh Axmed Maxamed,balse ma uusan sheegin waxa khilaafkaas sababay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu warkaani Galabta ku sheegay inuu Khilaafka uu ahaa mid maalmahaani taagnaa, waxaana uu sheegay in aysan macquul ahayn Xukuumadda iyo dowladnimada dhexdeeda in mar walba dadku ay isku aragti noqdaan, isagoo xusay in isaga iyo ra’iisul wasaaruhu ay is khilaafsan yihiin, mar walibana uu Khilaafku imaanayo.

Nuqul kamid ah haddalka uu bixiyay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa “Dadku isku ra’yi maaha shalay waa la kala ra’yi duwanaa, maanta waa la kala ra’yi duwan yahay haddii uu alle idmo berina waa lasii kala duwanaan karaa oo wax micno ah kuma fadhiso, aniga gaar ahaan ma u arko wax caqabad ah oo sii wayn oo welwel iyo cabsi ah inay jiraan’’

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’ Siyaasadu badi dadku kuma midoobaan, waana  kala duwanahay waxaa laga yaaba in anagoo kala duwan wada socono oo wada shaqeyno insha allah kala duwanaanshahaas waxaan ku dhammaynaynaa dhaqanka Soomaaliyeed iyo xeerarka dalkeennu maanta uu lee yahay intii suurtogal ah inaan isticmaalno” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhinaca kale, haddalka Madaxweynaha ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmo ka hor uu munaasabad ka dhacday dalka Britain laguna soo dhaweynaayay uu beeniyay inuu jiro wax khilaaf ah oo kala dhexeeya Madaxweynaha Dalka, balse taasi waxa ay ka danbeysay kadib markii dadkii joogay Munaasabada ay culeyska ku saareen  Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed inuu cadeeyo wararka sheegaya in Xassan Sheekh uu kala dhexeeyo Khilaaf.

Waxaan la ogeyn halka uu ku dambayn doono khilaafka soo shaac baxay ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Halkan ka dhageyso wareysiga Xasan Sheekh

Caasimada Onlin

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DAAWO Video: Sida ay u kala sarreyso dabaqadda NOLOSHA ee MUQDISHO !!!

0

Magaalada Muqdisho waxaa gabi ahaan ku yimid isbadal nuuc walbo leh hadii ay ahaan laheyd dhanka nolosha, Ganacsiga iyo dhismaha Magaalada oo si xoogan u soconaya tan iyo sanadihii u dmabeeyay.

Muuqaalkani waxuu ku tusinayaa in Muqdisho ay ka jirto Nolol aad ka nixi doonto oo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo aysan la mid aheyn noloshooda dadyoowga kale ee ku nool Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

DFS oo war ka soo saartay xiisadda ka dhex aloolsan Puntland iyo Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo fasaxo dhammaan adeegyada duullimaadyada diyaaradaha ee labada garoon ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay inay dowladdu sameysay guddi heer wasiirro ah oo loo xil-saaray xallinta khilaafka u dhaxeeya labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Magaalada Muqdisho ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxaa ku soo badanayya dhismooyinka iyo ganacsiga noocyadiisa kala duwan maadama ammaanka caasimada uu soo yara roonaanayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiriir la sameeyey madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha khilaafka, isagoo ku dhiirrigeliyey in si nabad ah loo soo afjaro muranka ka dhashay xayiraadda duulimaadyada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo soo dhoweeyey ifafaalaha isfahanka ee labada dhinac ee ku aaddan joojinta xiisadda iyo aqbalidda wadahadal lagu soo afjarao khilaafka ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob:

1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed;
2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee degaankaasi;
3. In dhakhso la bilaabo wadahadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada;
4. Xukuumadda Federaalka waxay ballanqaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac;
5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]