28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

‘’Axmed Madoobe waxa uu howshiisa ka dhigtay nin jecleysi & qabiilkiisa’’…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garaad Saalax Axmed oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu kasoo cararay Magaalada Kismaayo sababo la xiriira Amni la’aan iyo qaad qaadka Qabyaalada.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Siyaasiyiin kale ay kasoo carareen Magaalada Kismaayo kadib markii shaqada Axmed Madoobe ay kusoo biyo shubatay qancinta Reerkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’Aniga iyo dhowr waxgarad oo wax kasoo dhisay Maamulka KMG Jubba ayaa waxan Axmed Madoobe ku khilaafnay qaabka uu wax u wado, waayo waxa uu howsha oo idil ka dhigay jufo-jufo iyo nin garabeysi, ilaa hadda waxa uu garan waayay inuu Odayaasha soo doortay la kulmo’’

Garaad Saalax Axmed waxa uu sheegay in waxbadan uu ka bartay Axmed Madoobe, balse ay wakhti siin-doonaan si uu u garwaaqsado qaladaadkiisa, waxa uuna uga digay inuu kusii fogaado nin jecleysiga, sida uu Garaad Saalax Axmed hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Nadiifo C/llahi waxa ay kamid tahay Waxgaradkii soo xulay Axmed Madoobe waxa ay iyana ku eedeysay Axmed Madoobe inuu yahay ruux aan kala garaneynin wanaaga iyo xumaanta, iyadoona ay tusaale usoo qaadatay qaab dhaqameedkiisa xiliyada uu qaabilaayo madaxda Maamulka ama Odayaashii soo doortay.

Waxa ay tilmaantay in Axmed Madoobe uu dayacay  kalsoonidii Odayaasha iyo hablaha ka shaqeynaayay soo bixitaankiisa, waxa ayna sheegtay in Sokeeye iyo xigaalba uu ka dhigtay reerkiisa.

Iyada oo arrintaasi ka hadleysay ayaa waxa ay tiri ‘’Wey adagtahay in lala shaqeeyo ruux ay ku ween tahay jufadiisa, waayo waxa uu wakhti u la yahay Siyaasiyiinta iyo waxgaradkii isaga soo doortay, haddii Axmed Madoobe uu kasoo laaban waayo arrinkaasi ma filaayo in Jubba ay ka bixi doonto dhibaato iyo reer reer ku duulay.

Haddalka Nadiifo iyo Garaad Saalax Axmed, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ay Odayaashii ku jiray shirka Kismaayo badi ay u kala carareen, shirka ka furmaayo Gobolka Gedo, kaasi oo looga soo horjeedo Maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qorshaha Cabdi Iley iyo siyaasaddiisa

0

Ma ogtahay in aad is hubsataa iney haboontahay. Ma ogtahay, Ciyaar aanad khibrad u lahayn, qawaaniinteeda aanad korka ka wada xafidsaneyn in aanad badin kareynin. Ciyaartaasi ha ahaato: Kubadda  Cagta, Kubadda Koleyga, Feedhka ama Orodadaba. Waxaa iyana la mid ah Qawaaniinta Ciyaarta Siyaasadda oo la hubo in aaney marnaba guuli kugu raaceynin Ficillo ku saleysan: Laablakac, Quudareyn iyo Deg-deg. Mase ogtahay in aaney xisaabta Siyaasadda ku jirin, In nin aan kuu furi doonin uu kuu raro.

Sida aad ka dha-dhansan kartaan Cutubka u horeeya Maqaalkani waa mid Siyaasadeysan, kuna wajahan oo ku kooban Garaadka Siyaasiyan u bisil ee garankaraya Nuxurka iyo ujeedada Qoraalkani xambaarsanyahay.

Nicmooyinka ilaahey inoogu deeqay waxaa ka mid ah: Maskaxda iyo Caqliga.

Waa labo isku mid ah, hadana kala mid ah. Maskaxdu waa wax la arki karayo, lana taaban karo. Caqligase lama arki karo lamana taaban karo.

Maskaxda Xayawaankuba wuu leeyahay. Caqliguse waa ka,hadeynu nahay Basharka aynu Xayawaanka kaga duwannahay ee ilaahay inagu maneystey.

Ilaah baa dheeqda bixiyee, sida ilaahey Bani Adam kiisa u kala fadiley ee uu ugu kala badiyey wax kasta sida Cimriga, Caafimaadka, Arsaaqadda, Awlaadda iyo Darajada, Ayuu Caqligana ugu kala badiyey.

Ilaahey Basharkiisa qaarkood wuxuu ku maneystey, Caqli badan. Kuwana wuxuu siiyey Caqli meel dhexaad ah. Kuwo kalena wuxuu siiyey Cqli yar.

  1. Basharka ilaahey Caqli badan ugu deeqo.
    waxaa lagu gartaa oo astaamo u ah Sifooyinkan:

Waa qofka curiya amaba keena Fikrado ama xeelado lagaga hortagi karo Mushkilado ama dacdooyin dhibaatooyin xambaarsan oo uu saadaalin karo. Waa qofka ku mashquula waqtigiisana ku lumiya Danihiisa, Danaha dadkiisa, Danaha Dalkiisa iyo Aaraa’da Cusub ama Curinta iyo Hirgalinta Fikrado Cusub oon horey loo arag iyagoo kale (New Ideas & Inventions) ee loogu dhawaan karo, loogana faa’ideysan karo dhinaca Horumarka Bulshada ee dhankastaba ah.

Kuwaasoo ay kamid yihiin kunase koobneyn:

  • Aasaaska ciidamo aan horey u jirin, sida Liyuu Booliska oo aynu wada ognahay in ay ku dhismeen fikir ka soo maaxdey Maskaxda Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.Dhismaha Liyuu Booliska waxaa laga dhaxley in maanta Deegaanka Soomaalidu uu noqdo ka ugu ammaanka wanaagsan Dalka Itoobiya guud ahaan.

    Iyadoo ka dib soo afjariddii dhaq-dhaqaaqyadii Nabadiidka, ay markii ugu horeysey suuragal tahay in aad nabadgalyo iyo wel-wel la’aan aad ku seexato kuna soo toosto meel kasta ood kaga nooshahay Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaad nabadgalyo iyo ammaan ku mari kartaa meel kasta oo Deegaanka ka mid ah, Miyi iyo Magaalaba.

  • Tababaridda iyo dhiiri galinta Kadir Dhalinyaro ah oo xirfad u lah iney la wareegaan hogaanka heer Deegaan, Gobol iyo Qabaleeba. Taasoo aan dhici jirin wixii ka horeeyey Hogaaminta Madaxweyne CMC
  • Horumarinta iyo baahinta Hay’adaha iyo laamaha Waxbarasho ee kala duwan oo la gaadhsiiyey dhammaan Gobolada, Degmooyinka iyo Qabaleeyada uu ka koobanyahay Deegaanka Soomalida Itoobiya.Hirgalinta Jaamacadaha kala duwan ee ka howlgaley Gobolada Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Iyo hirgalinta Jaamacadda weyn ee Jigjiga oo ay ka faa’ideystaan ardey ka timaada dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka uu Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka koobanyahay iyo waliba ardey ka timaada, Maamuladda aynu jaarka nahay sida Maamul goboleedtyada kale ee ka jira Dalkeena Itoobiya.

    waxaa iyana ka faa’ideystey Fikirka Jaamacadda Jigjiga Ardey ka kala timid:
    Somaliland, Puntland, Galmudug, Jubaland iyo meelo kale oo kawada tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ee aynu walaalaha nahay. Waana fikir cusub oo la curtey Madaxweyne CMC.

  • Iyada oonan halkan mid-mid ugu soo wada koobi Karin Fikradaha caafimaadka qaba ee faa’iidada leh ee ka soo maaxdey Maskaxda Madaweyne Cabdi Iley, waxaa ka mid ah:Hirgalinta barnaamijka Xoolo dhaqato Beeraleyda, tayeynta iyo daryeelka xoolaha Deegaankeena iyo hirgalinta siyaasadaha Suuqgeynta Xoolaha nool, Hilibkooda iyo Caanahoodaba oo ah fikrad cusub.

    Horumarinta dhinacyada Biyaha oo uu Madaxweynuhu ahmiyad gaar ah siiyey.

    Horumarinta dhinacyada Jidadka, Korontada, Kaabayaasha Dhaqaalaha.
    Horumarinta iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka.

    Horumarinta iyo tayeynta aqoonta iyo xirfadaha Shaqaalaha Dowladda iyo wacyigalinta Bulshada ee ku aadan ka qaybqaadashada Barnaamijyada horumarineed ee uu Madaxweyne Cabdi Iley ka hirgalinayo Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

  • Arrimaha ugu muhiimsan ee ka midka ah Siyaasadaha iyo Fikradaha Cusub ee ka soo maaxdey Maskaxda Madaxweyne Cabdi Maxamuud waxaa ka mid ah:Hirgalinta iyo aasaaska Xafiisyada: Qorbojoogta iyo Maalgashiga.

    Fikirkan oo ah mid aad loogu diirsadey oo ay si wada jir ah u soo dhoweeyeen Bulshada u dhalatey Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Qurbaha ku nool iyo kuwooda la dhashay ee iyana Dalka gudihiisa ku nool.

    Waa Siyaasad iyo Fikir cusub oo uu Madaxweyne CMC hirgaliyey kuna dhiiri galiyey Qurbojoogta Deegaanka u dhalatay in ay markii ugu horeysay u soo hiloobaan in ay dib ugu soo laabtaan Dhulkoodii Hooyo .

    Waa Fikir horseeday in ay la xidhiidhaan kuna dhiiradaan in ay maalgashi ku sameystaan iyaga oo ogaadey xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay Deegaanka ay u dhasheen oo ay Been iyo Cabsigalin aan sal iyo raad toona lahayn ay ka faafin jireen kuwa nabad diidka ahi.

    Nabadiidka oo aan jeclayn wadada nabadgalyada iyo horumarka ee uu cagta saarey Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Cabdi Iley.

Waxaa kale oo wax aad loogu diirsaday noqdey Fikirka caafimaadka qaba ee ka soo maaxdey Maskaxda Madaxweyne CMC ee ah la xisaabtanka Mas’uuliyiinta kala duwan ee Deegaanka Bulshada horteeda iyadoo Bulshada kale ee Qurbojoogta ah ee u dhashay Deegaankuna ay ka Daawadaan Telefishanka ESTV  ee lagu hirgaliyey Fikirka Madaxweyne Cabdi Iley.

Cabdi Iley waa Hogaamiye Dawga yaqaan, Dawga mara, Dawgana Bulshada tusa.

Waa Hogaamiye si geesinimo leh ugu istaaga una yidhaahda weedha uu damco.

Isla markaana waa Hogaamiye si geesinimo leh ugu fadhiista una dhageysta weedha lala damco.

2.   Basharka ilaahey Caqli Dhex-dhexaad ah ugu deeqo.
Waxaa lagu gartaa oo astaamo u ah sifooyinkan:

  • Waa qofka ku mashquula waqtigiisana ku lumiya waxyaabaha iyo dhacdooyinka, amaba mushkiladaha markaa taagan.
  • Waa qofka wax ku qaata dhacdooyinka u markaa arko, kana faaideysta khaladaadkiisa.
  • Waa qofka aan qof kale danihiisa seejin Karin.
  • Waa qofka kala garta ruuxa u roon ee dantiisa ka shaqeynaya iyo ruuxa u daran ee lugooyadiisa ka sheqeynaya.
  • Waa qofka abaalka gala hadii loo galana guda.
  1. Basharka ilaahey Caqli Yar ugu deeqo.
    Waxaa lagu gartaa oo astaamo u ah sifooyinkan:
  • Waa qofka aan caqli badan laheyn kuna mashquula waqtigiisana ku lumiya Dadka kale. Waa ka aan waxbaba curin Karin danihiisana ku halleeya cid kale.
  • Waa qofka aan ka dhamaanin wax ka sheega Bulshada uu markaa la noolyahay. Hadey yihiin Mas’uuliyiin iyo hadey yihiin bulshada inteeda kaleba. waa kuwa la dhex yuurura Bulsha Been abuurka iyo Dacaayadaha raqiiska ah.Nin aan naaneys laheyni waa Ri aan geeso laheyn.

    Caqli yari awgeed, waa kuwa u haysta cay iyo dacaayad markey Madaxweyne Cabdi Iley ugu yeedhaan madaxwene Cabdi iley.

     

  • Waa kuwa aan kala garan mas’uuliyadda Maamulka deegaanka iyo Mas’uuliyadda Hogaanka Dowladda Federaalka ah. “Who does what?
    Oo macnaheedy yahay, Shaqada iyo Mas;uuliyada sida loo kala leeyhay, heer Federaal iyo heer Deegaan.Waa kuwa ficil iyaga wax tar u leh ka quudareeya meel aaney ka heli Karin.
    Waa kuwa quudareeya amaba rajeeya wax aan macquulba aheyn iyagase aan ilaahey galinin Caqli ay ku gartaan ama ku dareemaan.

    Waa kuwa hafra Dowladda dhexe, Caqli yariduna u geysey in ay aaminaan wax aan Mas’uuliyadda Dowladda dhexe aheyn in ay ka quudareeyaan oo ay isaga daba noq-noqdaan Adis-Ababa.

    Waa kuwa igagoo laga dhigey wax aaney u qalmin, hadana kala garan la’a halka dantoodu ku jirto iyo halka ay ku fashilmi karaan oo dhaxalsiinkarta in ay Noloshaba kaga dhacaan.

  • Waa kuwa iyagoon qawaaniinteeda baran, laab la kac iyo aqoon la’aani marba meel ka tuureyso, oo sidii odey dhaqameedyadii aan Siyaasadda ehelka u aheyn marba meel aan dantoodu oolin waxna looga qaban Karin dacwad iyo calaacal la hor taagan.Waxa qudha ee ay ka dhaxlaani ay tahay quudhsi marka la arko garaadkooda siyaasadeed heerka uu isku taagey ee uu dhaafi kari waayey.

    Iyadoo la wada ogyahay dadaalka iyo waqtiga badan ee uu Madaexweyne Cabdi Maxamuud galiyey sidii uu kor ugu soo qaadi lahaa aqoontooda qawaaniinta Siyaasadda, iyo Dastuurka dalka iyo Deegaanka iyo sida ay Mas’uuliyadaha u kala leeyihiin Dowladda Dhexe iyo Dowladda Deegaanku.

    Waa kuwa marka Geel loo heeso iyagu Goroyo u heesaya. Waa Kuwa soo joogsada inta laga waayey, maanta soo jiifsada laga heley.

    Qasiirku inuu basiir yahay caad igama saarna.
    Waa kuwa wax badso aan Caqli wadani wax la’aanta dhaxalsiisey.

  • Balaayo daan la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto ma laha.Waa kuwa la moodey noqonse waayey.

    Waa kuwa shaqo oo dhan ku koobey wax ka sheega iyo dacaayadaha Madaxweynahooda Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo hurinta colaado dhex mara Bulshada walaalaha ah ee nabadda ugu wada nool Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Wax yaabaha been abuurka ah ee hadda lagu bartay ee ay Bulshada la dhex joogaan ee ay maalin walba soo qoraan waxaa ka mid ah:

    Cabdi Iley baa hebel xidhaqy. Cabdi iley baa hebel weeraray. Cabdi iley baa reer fulaan xasuuqay iyo Cabdi Iley baa Dhiiganaga cabbey.

    Xurmadle odayaasha deegaanka ka mid ahaa aseenan halkan hadda magaciisa ka sheegeynin ayaa alla ha u naxariistee waxay kuwo wax ma garato ah oo ka mid ah kuwa ilaahey Caqliga ku yereeyey, mar walba ku eedeyn jireen oy odhan jireen:

    Odey fulaanbaa dhiiganaga cabba.
    Markaasaa odegii wuxuu yidhi:

    War laga soo bilaabo maalinkii hogaanka beesha la ii caleemo saarey illaa maalinkaa maanta ah waxey ila daba joogaan,” Dhiiganagii buu cabbeye” Dhiigoodu mid dhammaadaba miyuusan aheyn.

    Hadda kuwo siyaasiyiin isku sheeganaya aseen anigu u aqaano Nirgaha Jigjiga oo ilaahey Caqliga ku yareeyey, iyo kuwo kale oo iyaguna meelahaa (xigmad ma qoraane) wax ku malmaluuqa ayaa waxay meelahaa ku daabacaan: Madaxweyne Cabdi Iley iyo General Cabdiraxmaan Laba go’le ayaa dhiigana cabba.

    hadaba waxaan leeyahay waa kuwii odeygu sheegay oo kale eh, Dhiigoodu hadii intaa la cabbayey, mid dhammaadaba miyuusan aheyn.

    Waxyaabaha ay soo malmaluuqeen ee ay bulshada nabadda iyo Ciidankoodaba jecel ay isleeyhiin waad ku kicin kartaan oo waad ku kala dili kartaan Bulshada iyo Ciidankooda, waxaa ka mid ah:

    General Cabdiraxmaan Laba Go’le ayaa odayaal la shireen. Oo odayaashii buu aflagadeeyey oo wuxuu ku yidhi hadeydaan dhaleyn waa in la idiin dhalaa.

    Ogaada Bulshoy arintaasi waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn.
    Waa hadal Caalamka carabta caan ka ah oo horey loo wada maqlay.

    Waa hadalkii ama erayadii sababta u ahaa dagaalka sokeeye ee ka taagan Dalka Suuriya.

    Odey ka mid ah odayada magaalada Xalab ee Suuriya ayaa hadalkaa waxaa ku yidhi Hogaamiyihii Ciidamadii ku sugnaa magaalada Xalab.

    Ninka eedeyntan beenta ah doonaya inuu ku xumeeyo General Cabdiraxmaan Laba Go’le si uu ugu beerlaxowsado, colaadna uga dhex beero bulshada Deegaanka ee nabadda jecel, hubaal waa nin Qisadan oo Af carabiya akhriyey.

    Caqligaase ku yare waa inuu ogaadaa hadduu balaayo huriyo in aaney jirin cid isaga uga futo xumi.

Ninbaa waxaa laga hayaa:

Maalinbaan aad u ooyey. Waxaase iiga darraa, maalintaan u ooyey Maalintii hore ee aan aadka u ooyey.
Waxaan saadaalinayaa niman maanta aad u ooyaya oo maalin kale oo soo socota Maanta u ooyi doona.

Canaan ka yaab reer ma doojo. Waa kuwan aan waxba curin kareynin. Tallaabo siyaasadeedna aan qaadi kareynin, hadey qaadaana guuldaro iyo fashil uun kala kulma.

Khilaaf kasta oo yimaada, laguma xalin karo isla aragtidii aad qabtey markii uu khilaafku yimid. Ninka ilaahey Caqli ku filan siiyeybaa odhaahdaa fahmaya.

Madaxweyne Cabdi Iley wuxuu ku guuleystey qorshihiisii siyaasadeed ee uu kaga hortagayey Daankana ku qabanayey balaayada ay Deegaanka u saadaalinayaan kuwan Caqligu ku yaryahay ee miciinka moodey kuwo aan haba yaraatee waxba uga qaban Karin arrimo u khaas ah Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaanan guul u rajeynayaa Shirka 8aad ee XDSHSI oo dhowaan ka furmi doona Xarunta Gobolka Nogob ee Fiiq.

Barta Qawaaniinta Siyaasadda, si aydaan isaga taagin siyaasadda dhanka khaldan, markaad aragtaan Madaxweyne CMC oo ka taagan dhanka saxa ah.

Wabillaahi Towfiiq
W/Q: Abduljabar Sh. Dahir
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

May u booyaan afkaarta wax dhiseysa

0

Anigoo aan in mudo ah wax qorin xagga maqaalada lagu daabaco baraha internet-ka, ayaa waxaan dhowr cisho ka hor la kulmay hees cusub oo sabeyneysa YouTube-ka looguna magac daray (GOBOLAYSI DIIDA) Heestan waxaa miraheeda iska leh nin magaciisa aan ka dhex maqlay heesta xayeysiiskeeda hore oo lagu magacaabo Cabdifataax Cabdi Wagad, waxaa laxankeeda leh Cabdi Shire Jaamac (Jooqle) iyo Xusseen Shire Ciyaar Jecel, isla iyaga iyo fanaaniin kale oo dumar iyo ragba leh baa ku luqeynaya, kooxduna waa Qeylo Dhaan.

Heestan waxaa miraheeda ka mida (daris iyo walaal iyo dan wadaag ayaanu nahay, waxey nagu dagayaan oo nagu dagayaan anaga nagu dagayaan. Waa qabiil daahsoon iyo colaad daah la saaree goboleysi diida).

Waxaa heesta hal ku dhag u ah erayga (goboleysi diida) oo sida aan u fahmay ay ula jeedaan nidaamka federal-ka ay Soomaaliya qaadatay. Heesta waa hees macaan oo laga dhadhan karo wadaniyad, qiiro iyo dareen xamaasadeysan.

Waa xuruuf iyo odhaah wanaagsan, loolase jeedo ama ay ku qarsoon yihiin wax khaldan.
Federal ku WAA wax la iska badeli karo maalintii loo baahdo, waxaa muhiim ah in wadankan nabad iyo kala danbeyn helo, 20 sano kadib in weli taagnaado “wax baan diidnay” waa arin aan wadaniyadda meel ka soo gelin.

Dagaalkii dhex maray Cali Bin Abi Dhalib (Alle raali haka noqdee) iyo Mucaawiye oo isna saxaabi ahaa, ayaa lagu heshiiyey in dagaalka saxaabada dhexdeeda la joojiyo guddina loo saaro xal kama danbeys ah ku dhameeya oo 2da dhinac ka kala socda.
Arinkaa waxaa ka carooday dhalinyaro ka mid aheyd ciidankii sayid Cali (Alle raali haka noqdee) kuwaa soo waagii danbe loo baxshay ama loogu yeeri jiray (Khawaarij) ayaa waxey ku yiraahdeen Cali, Caliyow ma adigoo Kitaabka Alle arkaya ayaad ogolaatay in bini aadan loo xukun tago, markaasaa Cali ku yiri sidaa moodeen arinku maaha ee is dajiya, waxey yiraahdeen maya لأحكم الاللة oo macnaheedu yahay (ma jiro xukun aan kan Alle aheyn), Cali wuxuu ugu jawaabay لا واللة هى كلمة الحق يراد بها باطل maya wallaahi waa odhaah saxa oo loola jeedo wax qaldan, waxey aheyd odhaah cajiib ah oo caan baxday, hadalkaa danbe ee sayid Cali Alle raali haka noqdee.

Haatan kooxda Qeylo Dhaan 20 sanno kadib, wixii bur bur ahaa, dagaalo sokeeye, argagixiso, qarax iyo miino, burcad badeed iyo tahriib waxey weli u baahi qabaan wax la diido, erayada macaan ee heesta iyo macanaha qiirada leh waa
كلمة الحق يراد بها باطل, odhaah wanaagsan oo meel qaldan la dhigayo.

Akhristow waxaa hubaal ah 20 sano kadib markaan federal ku heshiinay in xalkii soo dhawaaday oo maanta Soomaaliyi dhaanto 10 sano ka hor saan aheyn.

Kadib dagaalkii Badar ee Qureesh looga adkaaday ayaa Carabi waxey isku dhaarsadeen in la is adkeeyo oo aan la niyad jabin waxaana la mamnuucay in la booyo oo loo baroorto raggii wax ku oolka ahaa ee Qureysh laga dilay. Haddaba maalin maalmaha ka mida ayaa odey waayeel ah waxa uu maqlay guri laga booyayo (barooranayo), odeygii baa yiri “war ii soo hubiya ma boohintii baa la fasaxay” kadib markii loo soo hubiyey baa waxaa loo Sheegay boohintii inaan la fasixin ee qofka barooranayaa ay tahay haweeney uu ka lumay Owr “rati” ay laheyd.

Odeygii oo qaadan waayey in rati ama owr loo baroorto iyadoo ay dhul hoostii ku jiraan (qabri) raggii wax ku oolka ahaa ee carbeed baa gabyey oo wuxuu yiri أتبكي ان يضل بعيرا ، ويمنعها من النوم السهود، الا تبكي لفلان وفلان. Oo macnaheedu yahay (ma waxey u booyeysaa owr ka lumay, Oo hurdadii u diiday soo jeedna ku riday. Aalla mey u boydo hebel iyo hebel.

Haatan kooxda Qeylo Dhaan ma waxey u booyayaan bur bur iyo dhibaato in lagu sii jiro iyo afkaar wax dumineysa, Alla mey u booyaan afkaarta wax dhiseysa ee aan ma dhaleyska aheyn ama horumar ka leh.

Maasadii Max’ed Ibraahim Warsame Hadraawi waxey aheyd (Wuxuu yiri miro daray duuduub ha lagu liqo, waxaa aanu kuba darin, in la yiri halaga dayo dixri inuu ku hoos jiro). Haddaba akhristow miyaanu kuula muuqan in Kooxda Qeylo Dhaan ay miro daray duuduub nagu liqsiineyso, maadaama aanan maqal dhowr iyo 20-kii sanno dumi mooyee daa aanan la maqal.

W/Q: SAID ABDI HIRSI
Los Angels, California.
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

‘’XASAN waxa uu dunida u gudbinayaa arrimo aan jirin’’ Sidaa waxaa yiri…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo ayaa ku eedeeyay dowladda fedaraalka Soomaaliya in ay ku xad gubeyso heshiiska u yaalla labada dhinac iyo in ay ka war wareegeyso in ay soo fadhiisato miiska wadahadalka si loo kala baxo.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaayay munaasabad ay ku qallin jabinayeen 793 arday oo dhameestay waxbarashadda koobaad ee Jaamacadda Hargeysa ayaa naqdiyay khudbad uu ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud shirkii guud ee golaha ammaanka Qarmada Midoobay ee New York.

Siilaanyo ayaa ku celceliyay in madax banaaninada Somaliland ay tahay mid muqadas ah oo biyo kama dhibcaan ah isla markaana aaney diyaar u ahayn in la soo celiyo midnimadii Soomaaliweyn.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa in ay iska deyso wararka iyo riyada beenta ah ee caalamku u sheegeyso taasoo ah in markale la soo celinaayo midnimada Soomaaliya.

“Waxay dowladda Soomaaliya u muuqaataa in ay jabineyso heshiiska noo yaalla iyo in ay ka warwareegeyso in ay soo fadhiisato miiska wadahadalka, yaaney la isku daalin in la soo celiyo arrin horey u fashilantay” ayuu yiri Siilaanyo.

‘’Xassan Sheekh waxa uu dunidda u gudbinaya warar khaldan iyo midnimo aan jirin’’ ayuu yiri Siilaanyo.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay miis la fadhiisteen DF, balse aysan u muuqan kuwa daneynaaya Siyaasadaha Maamulka Somaliland, sidaa Awgeedna ay xiligaani kasoo horjeedan Midowga labada dhigac ee Dowlada iyo Gobolka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay Siilaanyo in Maamulkiisa uu horay usoo tijaabiyay midnimada, balse aysan noqon rajadii ay ka lahaayen, haddana aysan u jajabneyn midnimo dambe oo Somali weyn isugu imaada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay ka waraaqsadaan horrumarka iyo nabad galyada ka jirta Somaliland isla markaana ay ku caawiyaan siddii ay horrumar u gaari lahaayeen.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa tilmaamay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay dhiig u hurto cid kasta oo ku soo xad gudubta dhulkeeda, badeeda iyo cirkeeda isla markaana aaney diyaar u ahayn in Soomaaliya markale dib ula midowdo sida uu yiri.

“Waxaanu ku baaqeenaa si aanu ukala baxno, in ay soo fadhiistaan miiska wadahadalka” ayuu yiri Siilaanyo.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli dhowr jeer ay dib u dhaceen wadahadallada u socda dowladda fedaraalka iyo Somaliland oo hadda mudda qaatay waqtigii lagu ballamay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Lacag miiska u saaran madaxda DF oo loolan ka dhex dhalisay Xasan & C/weli iyo safar u bixitaankiisa la isku haysto

0

Riyadh (Caasimada Online) – Socdaal ay dowladda Sucuudiga qorsheysay inay madaxda dowladda Soomaaliya ku tagaan dalkaas, ayaa is qab-qabsi ka dhex abuuray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli, sida ay xubno ku dhow Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Labada mas’uul, ayaa midba goonidiis u doonayey inuu u baxo dalka Sacuudiga, oo madaxda dalkaas ay ku casuumtay madaxda Soomaalida. Loolanka ayaa ku saleysan lacagta la filayo in dowladda Sucuudiga ugu deeqdo Soomaaliya, oo Xasan iyo Cabdi Weli ay labadaba doonayaan inay gacanta ku dhigaan.

Sacuudiga, ayaa ah dalka kaliya ee inta badan lacag kaash ah ama caddaan gacanta u galiya madaxda Soomaalida, taasi oo ay si fudud ku qaadaan karaan, ayada oo aanay cidna kula xisaabtamin ama ogaan, halka dalalka Yurubta ay lacagta ku bixiyaan barnaamijyo, oo aanay toos u siin madaxda Soomaalida.

Sida la xusuusto, lacagta Sacuudiga waa tii isku dirta madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geedi, kadib markii Geedi uu diiday inuu Cabdllahi Yuusuf wax ka siiyo 5 milyan oo dollar oo kaash ahayd oo uu Sucuudiga kasoo qaatay.

Si kastaba, loolanka safarka ayaa waxaa ay u muuqataa in iminka uu ku guuleystay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wararka sheegayaan in socdaalka u bixi doono, sidoo kalena uu soo xajin doono.

Waxaa iminka dalk Sacuudiga ku sgan wasiirka dastuurka iyo garsoorka Faarax C/Qaadir, oo Sacuudiga ka dhaadhiciyey in madaxweynaha iman doono Sacuudiga.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir C/casiis Bin C/llaahi Bin C/casiis waxa uu magaalladda Jidda kula kulmay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee dalka Somalia, Faarax C/qaadir Mohamed.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga “SPA” oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Wasiirka u gudbiyey Dowladda Sacuudiga Farriin Qoraal oo uu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud u diray Boqorka dalka Sacuudiga, Cabdalla Bin C/casiis Al-sacuud.

Inkasta oo Cabdi Weli, uu saaxiib dhow la yahay dalalka deriska iyo UN-ka, waxaa muuqata in dhinaca Carabta uu madaxweyne Xasan xiriir dhow la lee yahay, taasi oo ay ugu wacan tahay Faarax C/Qaadir oo Carabta ku xirnaa inta uusan siyaasadda kusoo biirn.

Lacagta Caddaanka ah ee Sacuudiga laga soo qaadi doono ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho loolaanka siyaasadeed ee labada hoggaamiye, ayada kooxda Xasan ay awood u yeelan doonto inay bixiyaan lacag badan, oo aan ka iman qasnadda dowladda.

Dhaqanka madaxda Soomaalida, ayaa weli ah mid sidii lagu yaqaan aan iska beddelin, kuna saleysayn lacag kala boob iyo is qab-qabsi.

Caasimada Online

Xafiiska muqdisho

[email protected]

‘’Madaxda DF aad ayay u jilicsan yihiin, sooma dhicin doonaan badda Somalia”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii xoogeysaneyso Khilaafka DFS iyo Kenya ee ka dhashay Biyaha Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Admiral Khaliif Idiris Cismaan oo xiligaani ku sugan magaalada Baladweyne.

Admiral Khaliif, waxa uu sheegay in Kenya ay aqoon u leedahay Jiljileeca Siyaasiyiinta Soomaalida, sidaa darteedna ay ku doodeyso in Biyaha qeybta muranka uu ka taagan yahay ay iyadu ku xalaaleysato, waxa uuna sheegay in Dowlada Kenya ay si sharci darro ah ku boobayso badda Soomaaliya.

Waxa uu Admiral Khaliif xusay in shacabka Soomaaliyeed xiligaani looga baahan yahay inay muujiyaan wadaniyad iyo dhul jacel iyadoo laga dagaalamayo in xuduudaha Soomaaliya ay si qalad ah ugu xad gudbaan dowladaha dariska ah.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’DFS siyaasad iyo Khibrad ayaa lala dheelayaa ma u maleynaayo inay iska cabin karto doodaha kaga imaankara Dowlada Kenya, sidaa awgeed waxan ku talin lahaa in arrintaani ay u taallo shacabka soomaaliyeed’’

Sidoo kale, Admiral Khaliif waxa uu Dowlada Federaalka ah ee Somalia uu ugu baaqay inay ka toosto hurdada ay ku jirto, waxa uuna ku guubaabiyay inay arrintaasi ay u adeegsato Khubaro ku xeel-dheer Arrimaha Badda Somalia.

Dhanka kale, waxa uu walaac ka muujiyay qaabka ay Dowlada Kenya ay u diyaarineyso dacwadaha ay ku xalaaleysan laheyd Biyaha Somalia iyo sida ay DFS u muujineyso jiifka iyo jilicsanaanta.

Haddalka Admiral Khaliif, ayaa waxa uu imaanayaa xili Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay qoraal dacad ah u gudbisay maxkamada cadaalada caalamiga ee ICJ taas oo ay ku eedeysay Kenya in ay ku soo xad gudbeyso badda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: C/WELIi oo Xasan ugu goodiyay in uu weyn doono wasiirada Dam-Jadiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare C/weli uu gaaray heerkii ugu sareeyay.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in kullamo shalay ilaa xalay ka dhacay Villa Somalia una dhexeeyay Madaxweyne Xassan, Ra’isulwasaare C/weli xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Xildhibaanada DFS uu kusoo idlaaya Isfahan waa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay ku kala kaceen kulankaasi, iyadoona Ra’isulwasaare C/weli uu Xassan sheikh ugu wacad furtay inuu weyn doono garbihiisa Siyaasadeed oo uu ula jeeday Wasiirada Dam-jadiid.

Ra’isulwasaare C/weli ayaa waxa uu wadaa qorshihii ugu danbeeyay oo uu ku sameynaayo isku shaan-dhey, iyadoona ay arintaasi gadaal ka riixayaan xubno isaga taageersan kana tirsan DF.

Sidoo kale, Xasan Sheekh oo aad uga cabsi qaba in isku shaan-dheynta ay ku baxaan Wasiirada Dam-jadiid, ayaa waxa uu durbadiiba bilaabay inuu arrintaasi kala tashto Wasiiro iyo xildhibaano garbihiisa ah.

Lama Oga halka uu noqon doono biyo dhaca hadalka Ra’isulwasaare C/weli oo wacad ku maray inuu isku shaandheyn ku saari doono Wasiirada xasan taageersan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faarax C/qaadir oo boqorka Sacuudiga gudoonsiiyay warqad ka timid XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka Somalia Faarax C/qaadir ayaa waxa uu la kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir C/casiis Bin C/llaahi Bin C/casiis.

Wasiir Faarax ayaa la soo warinayaa in halkaasi uu u baqoolay, iyadoona uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga gudoonsiiyay Warqad qoraal ah oo uu u dhiibay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Warqada ayaa waxaa la sheegayaa inay ku qorneyd Codsi uu Xassan sheikh ku codsanaayo in Dalka Sacuudiga ay ka qeybqaadato Gargaarka, Siyaasada iyo dhanka doorashada la filaayo in 2016 ay ka dhacdo Somalia.

Sidoo kale, Faaraxa C/qaadir waxa uu Magaalada Jida kullan adag kula qaatay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Dowlada Dalka Sacuudiga, isagoona u sharaxay qaabka ay DFS u dooneyso inay u dhacdo doorashada soo socta iyo kaalinta Sacuudiga kaga aadan.

Dhanka kale, xogta kullanka Labada wasiir ayaa waxaa inoo xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Somalia ay ku leedahay Dalka Sacuudiga, waxa ayna sheegen in kullanka uu ugu weynaa kaalmo dhanka Bani’aadanimo.

Faah-Faahin dheer lagama sii bixin nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalka uu Madaxweynuhu u diray Boqorka dalka Sacuudiga, inkastoo la hadal-hayo inuu qoraalku xambaarsan tahay sidii ay Dowladda Sacuudiga u kordhin lahayd Dhaqaalaha la siinayo Dowladda Federalka si loogu xusul duubto doorashada dhici doonto.

Dhinaca kale, warar ku dhowdhow Madaxtooyadda ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo inuu Madaxweynuhu u ambabaxo dalka Sacuudiga, si uu u soo guto Waajibaadka Xajka ee sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

BF oo soo dhaweeyay raalli-galinta uu Cabdi Weli ka bixiyey arrintii muranka..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kana mid ah guddiyada baarlamaanka ayaa sheegay in uu soo dhaweenaayo hadal uu shaley sheegay ra’iisal wasaaraha xukuumadda kaasoo in iyadoo baarlamaanka loo gudbin heshiiska lala galay shirkadda lagu wareejiyay dekedda weyn ee Muqdisho ay howsha iska billowday.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale, guddiyada uu la kulmay ra’iisal wasaaraha in aysan go’aan kalogood qaadan karin maadama loo baahan yahay in go’aanka ugu dambeeya uu qaato baarlamaanka oo dhan.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu saxan yahay maadama uu lee yahjay annigoo dalka ka maqan ayaa la saxiixay heshiiska shirkadda Al-Beyrak loogu wareejiyay dekedda Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in hadalka ra’iisal wasaaraha uu muujinaayo wadashaqeen la’aan ka dhex jirta xukuumadda.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka guddiga ammaanka iyo fedaraalka ee  baarlamaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo xildhibannada baarlamaanka ay ka soo horjeesteen heshiiska xukuumadda ay la gashay shirkadda Turkiga laga lee yahay ee lagu wareejiyay dekedda weyn ee Muqdisho.

Lama hubo in hadalka ra’iisal wasaaraha ay ku qancsi doonaan xildhibaannada baarlamaanka iyo in ra’iisal wasaaraha loo yeeri doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Diyaarad dagaal oo maanta lagu arkay magaalada GAALKACYO (Faah-faahin)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas saakay lagu arkay diyaarad dagaal oo aan la ogeyn cidda iska leh.

Wariyaal ku sugan magaalada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay arkeen ilaa afar diyaarad oo dul hoganaya labada dhinac ee magaalada mana cadda u jeedka ay u tageen magaalada Gaalkacyo.

Wariyaasha warkan noo sheegay ayaa leh, diyaaradaha lagu arkay magaalada Gaalkacyo waxay cabsi ku abuureen dadka rayidka ee ku dhaqan magaalada, waxaana ay qalqal ku keeneen magaalada oo dhan.

Ilaa hadda ma cadda cidda iska leh iyo wax yaabaha ay damacsan yihiin diyaaradaha lagu arkay saakay magaalada Gaalkacyo.

Diyaaradaha saakay lagu arkay magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aaday iyadoo xiisad ay kaa taagan tahay magaaladaas taasoo daba socotay markii labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay xayiraad saareen garoomada diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan diyaaradaha lagu arkay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Kullankii Xasan Sheekh iyo Damu Jadiid oo lix qodob lagu go’aamiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxtooyada uu ka dhacay Kullan xasaasi ahaa oo u dhexeeyay Madaxweyne Xasan iyo Xubnaha Dam-Jadiid ugu jira Dowlada Federaalka Somalia.

Warkan ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in kulanka uu ahaa mid lagu lafa-guraayay qaabka ugu haboon uguna macquulsan ee lagu sii xoojin karo Mooshinka Ra’isul wasaare C/weli ee iminka miiska saaran.

Mooshinka ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Wasiiro iyo Siyaasiyiin ay kamid yihiin C/kariin Guuleed, Faarax C/qaadir, Xalane, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dam-Jadiid.

Inta uu Kullanka socday Xassan Sheekh iyo Mas’uuliyiintaasi ayaa isla meel dhigay Qodobada soo socda:-
1 – In muddo 10-20-maalin gudaheeda lagu soo afjaro Mooshinka Ra’isulwasaare C/weli.
2 – In Mooshinka uu banaanka ka joogi doono Xasan Sheekh, maadama ay dhaceyso xukuumadiisa.
3 – Haddii lagu guuleysto Mooshinka in la xaal-marin doono shaqsiyaadka loo xil saaray Mooshinka.
4 – In la kulmiyo Xildhibaanada iyo Wasiirada, islamarkaana Fulinta Mooshinka laga iibiyo, toddobaad gudihiis..
5 – In shacabka iyo Xisbiyada Mucaaradka ah laga dhaadhacsiiyo in dalka uu kusoo wajahan yahay Doorasho, C/weli Sheekh-na uusan u qalmin xilka intaan kasii badan.
6 – In dhaqdhaqaaqyada xafiiska Ra’isul wasaaraha la xadido, islamarkaana lagu dhex beero xubno ka tirsan Dam-Jadiid ka hor inta aan Mooshin lagu ridin.

Sidoo kale, inta uu kullanka socday, ayaa waxaa leysla meel dhigay in la kala qaad-qaado Xildhibaanada Beelaha soomaaliyeed, islamarkaana lagu qiimeeyo tiradooda.

Waxaa kamid ah Xildhibaanada sida gaarka ah ay u xuseen Xildhibaanada Beelaha Kablalax in ay kala shaqeyn doonaan Mooshinka, waxaana Ballan looga sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ballan qaaday inuu ka dhigi doono R/wasaare.

Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxaa laga yaabaa xataa Xildhibaanada Beesha Sade oo uu ka dhaashay in Laaba kamid ah oo kaliya ay cod siiyaan.

Dhinaca kale Ra’isuwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaa hubaal ah in Xildhibaanada Beesha Hawiye ay siin doonin wax cod ah marka la horgeeyo Baarlamaanka federaalka halka weli ay kala qeybsan yihiin Xildhibaanada Direed, balse laga yaabo ugu dambeynta inay noqdaan dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xaaladda ayaa u muuqata mid si aad ah ugu xun ra’iisul wasaaraha, ayna u badan tahay in laga adkaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog cusub: Xagee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo MUUNGAAB iska arkeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Mungaab iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa ka dhex aloolsan khilaaf horseedi doona in Muungaab uu xilkiisa waayo, ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay.

Muungaab oo ah nin dhalinyaro ah oo saaxada siyaasada ka soo galay dhanka ciidamada ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay ama ugu yaraan ku xiran yahay dawladii hore ee KMG ahayd hogaankeeda, taasoo dadka u yaqaaneen “Aala Sheekh”.

Ilo wareedka ayaa xusay in halka madaxweynaha iyo Muungaab iska arkeen ay tahay ololayaal siyaasadeed oo la sheegay in Mungaab uu gaarkiisa u wato kuna doonayo inuu kaga qeybgalo doorashada madaxtinimada 2016, taasoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qudhiisu uu u sharaxan yahay.

Ololaha Mungaab ayaa dhowaan bannaanka yimid kadib markii uu hadallo ka jeediyey safaro uu ku tagay wadamada Sweden iyo Turkiga, sida laga soo xigtay ilo wareedka Caasimada Online.

La taliyaasha Villa Soomaaliya ayaa ku qanciyey madaxweynaha inuu isbedel ku sameeyo maamulka Gobolka Banaadir ee hadda jira ugana faa’ideysto deminta ololaha doorasho ee uu Muungaab hadda bilaabay, kaasoo loo arkay inuu caqabad weyn ku noqon karo ololaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada 2016 oo dabcan u baahan in qofkii Muqdisho maamulkeeda haya uu gacan ka geysto, maadaama ay tahay xarunta dalka doorashadana ka dhacayso.

Kulan toddobaadkan ka dhacay hoyga Imaamka Guud ee Mudulood uuna ka qeybgalay C/laahi Sanbaloolshe ayaa nuxurkiisa lagu sheegay in Imaamka lagu qancinayey inuusan ka hor imaan xil ka xayuubinta ku iman karta Muungaab, maadaama Sanbaloolshe oo reer Hiiraan ah loo dhiibi doono xilka Muqdisho, taasoo beelaha Muqdisho qaarkood ay ka caroon karaan.

Si kastaba, ka hor imaadka beelaha ay ka hor iman karaan isbedelada dawladu wado ayaa ah kuwo ka yar intii hore, waxaana taaso loo sababeynayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaanahan ku tumanayey xuquuqda beeshiisa, ayaguna ay ka aamusnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

QEYBDIID oo shaaciyey sir ku saabsan qorshe ay PUNTLAND damacsan tahay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa sheegay in Sababaha uu Maamulka Puntland Colaadda uga hurinayo Gobolka Mudug uu yahay qorshe ah sidii uu u fashilmi lahaa Shirka Cadaado.

“Puntland waxay u abuurayso Xaaladda Dagaal si uu u baaqdo Shirka Cadaado ee Maamulka loogu samaynayo Galgaduud iyo Mudug, sababta aan taasi u leeyahay ayaa ah waxay xirtay Garoonka si gaar ah loo leeyahay iyadoo ku andacoonaysa in Wafdi Federaalka ka tiran uu imaanayo Gaalkacyo,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Wuxuu sheegay in Garoonka C/llaahi Yuusf uu yahay mid Qaranka uu leeyahay, islamarkaana uu diiday Maamulka Garoowe in Garoonka uu noqdo mid u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhanka kale tilmaamay in Maamulkiisa xayiraadda ka qaaday Garoonkaasi markii Codsi uga yimid DFS.

“Puntland waxay islahaysiisay Garoonka C/llaahu Yuusuf oo Qaranka uu leeyahay, iyadoo ku andacoonaysaa wax aan jirin oo ah in Wafdigayga uu la socday Xubno kamid ah Dowladda Federaalka, oo uu C/wali Gaas sheegayo inuu xariirka u jaray,” ayuu raaciyay C/qeybdiid.

Dhan kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay Dowladda Dhexe inay Wafdi Xaqiiqo raadis ah u dirto Gaalkacyo, si ay u baaraan dhanka Colaadda iyo Daandaansiga wado.

Madaxweyne Cabdiqeybdiid wuxuu ka codsaday Bulshada Calaamka iyo Dowladda Soomaaliya inay soo diraan Wafdi kala saara, Yaa Garoonada Xaq u leh, yaa awood u leh inay joojiyan Safarada Diyaaradaha?

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Xog: Axmed Madobe oo duulaan ku ah shirka beesha Sade ee gobolka Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe uu wado qorsho dagaal ka dhan ah shirka ka furmaayo Gobolka Gedo.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Ujeedka dagaalka uu yahay mid looga soo horjeedo shirka halkaasi ka furmaayo.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in ku dhawaad 8 gaadiidka nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha ay diyaar garoow ugu jiraan duulaan ay ku qaadan Gobolka Gedo, waxaana la soo warinayaa in Dagaalkaasi ay hogaamin doonaan Saraakiil kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Qorshaha Weerarka ayaa kusoo beegmaya xili maalmo ka hor uu Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba Gen. Fartaag ku goodiyay inay talaabo adag qaadi doonaan waa hadii shirkaasi la joojin waayay.

Fartaag waxa uu shirkaasi Gedo ku tilmaamay mid aan caafimaadka Jubba ku jirin, wuxuuna cadeeyay in mowqifkooda uu yahay dagaal lagu joojinaayo shirka.

Si kastaba, wararka qaar ayaa sheegaya in Fartaag uu afka un shirkaas ka mucaaradsan yahay, balse si hoose uu uga mid yahay dadka wax ka wada, mana cadda cidda uu Axmed Madoobe adeegsan doono, haddii ay caddaato in Faartaag uusan colaad ku hogaamin doonin tolkiisa.

Lama shaacin weli goorta uu duulaanka dhacaayo, balse warar hoose ayaa tilmaamaya inuu noqon doono mid lala kawsado shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: R/W C/WELI oo u tagaya Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka C/Weli Sheekh Axmed, ayaa xaqiijiyay in Raiisul wasaaraha maalmaha soo socda uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ujeedka socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi uu uga qeyb geli doono wada-hadal u furmaya DFS iyo Maamulka Puntland oo mudooyinkaani isku khilaafsanaa Siyaasado hoose.

Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa iminka ku howlan diyaarinta madashii lagu qaban lahaa shirka labada dhinac oo furmi doono horaanta bisha soo socota ee Octobobar.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare C/weli ayaa horay u shaaciyay inuu gaari doono Magaalada Garoowe, isagoo hadalkaas ka sheegay xili uu ka hadlaayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu qabtay Landon todobaadkii lasoo dhaafay.

Socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu sidoo kale xal ugu raadin doono Colaadaha xiligaani ka dhex aloolsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo saan-saantiisa laga dareemaayo Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ee uu Madaxweynaha ka yahay C/weli Gaas, ayaa horay u shaaciyay inay jartay xiriirkii kala dhexeeyay Dowladda federalka Somalia, waana tan keentay in Ra’isulwasaare C/weli iyo Wafdi uu Hogaaminaayo gaaran Magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Geedi oo socdaal ku maraya Yurub, gaar ahaan Sweden iyo Finland

0

Wefdiga uu hogaaminayey Rasal wasaarihii hore ee Somalia Prof Cali Maxamed Geedi ayaa la kulmay Wasiirka Is-kaashiga Caalamiga ee wadanka Finland mudane Pekka Haavisto, ahna Ergeyga qaabilsan Arrimaha Barriga Africa ee dowlada Finland.

Prof Geedi ayaa sharaxay xaalada guud ee wadanka Soomaaliya, gaar ahaan xaalada amaanka ee dalka uu ku sugan yahay. Waxyaabaha kale ee wefdiga iyo wasiirka ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa sidii loo taageeri Lahaa In dadka soomaaliyeed ee aqoonta leh lagu dhiirageliyo Ka qaby qaadashada dibu dhiska wadanka.

Prof Geedi ayaa wada fikir ah in uu dhagaysto Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee reer Finland iyo Sweden.

Dalada jaaliyadaha Puntland ee reer Finland ayaa sanadkasta casuuma madaxda sharafta ku leh bulshada dhexdeeda Soomaaliyeed sida Rasal wasaarayaasha Taageersan in Soomaaliya si nabad looga dhaliyo midnimi iyo caddaalad

ge1ge2ge3ge4.

DF SOOMAALIYA oo is ammaantay !!!

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda fedaraalka, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh Maxammuud ay tusaale fiican u tahay horrumarka dalka.

Isagoo ka hadlaayay barnaamijka hiigsiga cusub ee New Deal oo shaley ka furmay magaalada Muqdisho ayuu sheegay dowladda fedaraalka ee imminka jirtay in ay qabatay wax yaabo badan oo aad ammaan u leh.

Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda fedaraalka, Ridwaan Xirsi Maxamed
Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda fedaraalka, Ridwaan Xirsi Maxamed

Wuxuu sheegay intii ay jireen dowladihii kumeel gaarka iyo wixii ka horeeyay shirarkii hore ee dhacaayay in badi ay gacanta ku hayeen dowlado ama hey’addo shisheeye kuwaasoo maslaxadooda ka eeganayay halkaas balse maanta shir kasta iyo cidda wada ay tahay dowladda ayuu yiri.

Wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dowladda maanta jirta ay muujisay in ay hoggaan u noqon karto dalka isla markaana marka sannadka uu yahay 2016-ka ay doorasho xor ah ay ka dhici karaan gobalada dalka oo dhan.

Wuuxu tusaale u soo qaatay in madaxweynaha, baarlamaanka iyo dhammaan hey’adda dowladda lagu doortay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka laga doonayo in ay ka soo baxaan qodobbada Soomaaliya ay hor dhigayso shirka la qorshaynayo in bisha November ee sannadkan uu ka furmo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Ugu dambeen, dhammaan ergooyinka ku sugnaa shirka New Deal ee ka socda Muqdisho ayuu ka codsaday in ay taageeraan dowladda fedaraalka si ay u gaarto qorshaha ay lee dahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wada-hadal loo furayo Puntland & Gal- Mudug (Yaa wada qorshahan cusub?)

0

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumada Somaliya Saciid Jaamac Maxamed (Qoorsheel), ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Wasaaradiisa ay wada hadalsiineyso Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Maamuladaan, ayaa waxay isku hayaan isticmaalka iyo Maamulka Garoonka Magaalada Galkacyo, taasoo dhalisay in maalmihii la soo dhaafay uu xayiraado ku yimaado duulimaadyadii caadiga ahaa, ee ka jiray Garoonka Galkacyo.

Wasiirka, ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradiisa ay ku shaqo lee dahay murunka ka dhashay Garoonka Galkacyo, isla-markaana ay diyaar u tahay in ay isku soo dhaweyso labada dhinac.

Wasiirka waxa uu labada Maamulba ugu baaqay in Guddiyo u soo dirsadaan Magaalada Muqdisho, si ay ugu matalaan wada hadalada oo uu ugu baaqay inay yeeshaan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Isagoo Saxaafada kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku celceliyay inaanay wax faa’iido haba yaaatee lahayn in la wada dagaalamo, haddii dagaalada sokeeye ay dadku ka daalleen.

Sidoo kale waxa uu labada dhinacba uu ugu baaqay inay joojiyaan waxyaabaha sababi kara in la wada dagaalamo, iyadoona uu midba midka kale uu ugu baaqay in nabadda uu ka shaqeeyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Galkacyo, ayaa sheegay in Galmudug ay dooneyso in si siman loo wada isticmaalo Garoonka Magaalada Galkacyo, maadaama uu ku sheegay mid ka dhaxeeya dadka degga Koonfurta iyo Waqooyiga Galkacyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland C/weli Xersi Cabdulle, ayaa sheegay inaanay Puntland wax gorgortan ah ka geli doonin Maamulka Garoonka Galkacyo, iyadoo uu ku sheegay mid uun qayb ka ah Garoomada Garoowe iyo Boosaaso, oo si buuxdo ay Puntland kaga arrimiso.

Isha: Dhacdo.com

QARAX khasaaro geystay oo ka dhacay BELED-XAAWO + Faah-Faahin buuxda

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Faah-Faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax xoogan oo galabnimadii shalay ka dhacay goob lagu qaxweeyo oo ku taalla Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan islamarkaana dhawaqiisa laga maqlaayay Degmada waxaana loo badinayaa inuu ahaa mid lagu sii diyaariyay Goobta.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku nafwaayay ilaa iyo Seddex ruux oo la sheegay inay kamid ahaayen dadka Goobta ku caweynaayay, halka Laba kalane uu kasoo gaaray dhaawac culus

Qaraxa ka dib, ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Saldhiga Dhexe ee Degmada Beled Xaawo, waxaana soconaayo dadaalo lagu baadi goobaayo dembiile-yaashii qaraxa geystay.

Qaraxa ayaa waxaa ka hadlay Cismaan Koofi oo ah Taliyaha Booliska ee Degmada Beled Xaawo, waxa uuna xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid weyn balse uu yaraa Khasaaraha uu geystay.

Dhanka kale, waxa uu Cismaan Koofi xaqiijyay inay weli ku daba jooggaan kuwii dhibaatada ka geystay Beled Xaawo, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Ujeedka xildhibaano & ganacsato caan ah oo shalay Garbahaarey tagay

0

Garbahaareey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay shalay gaareen wafdi isugu jirta xildhibaanno iyo ganacsato kuwaasoo ka qeybgalaya shirka halkaas ka dhacaya.

Afhayeenka shirka Garbahaareey Cabdi Shire Jaamac (Cayaar Jecel)oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga yimid magaalada uu hor kacaayo xildhibaan Cabdinaasir Maxamed Garjeex iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda iyo ganacsato caan ah.

Wuxuu sheegay in wafdiga ka yimid Muqdisho ay qeyb ka yihiin ka qeyb galayaasha shirka ka dhacay Garbahaareey isagoona intaas ku daray in si weyn loo soo dhaweeyay wafdiga.

Mar la weydiiyay wax yaabaha dib u dhigay shirka oo lagu waday in uu furmo 20ka bishan, wuxuu tilmaamay in arrimo farsamo ay jiraan iyo xaaladdo abaaro oo gobalka meelo badan ka taagan kuwaasoo aan suurgalineynin in shirka uu qabsoomo.

Wuxuu sheegay oo kale in diyaaradaha keeni lahaa ergada qaar ay dib u dhaceen marka sidaas uu shirka dib ugu dhacay.

Si kastaba, maamulka Axmed Madoobe ayaa horrey uga digay dadka ku howlan shirka Garbahaareey in ay ka laabtaan go’aankooda oo wax shir la dhaho aanu lagu qaban karin magaaladaas.

Ma cadda sida shirka Garbahaareey uu ku dhici karo iyadoo uu jirro hanjabaad ka timid madaxweyne ku xigeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba Fartaag oo qudhiisa ka soo jeeda gobalka Gedo.

Dad badan ayaa aaminsan in shirka Garbahaareey uu culeys ku noqon doono shirka dib u heshiisiinta ee immanka ka socda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]