27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Ahlu-Sunna oo war kasoo saartay wada-hallada Axmed Madoobe iyo DF

Muqdisho (Caasimada online) Ururka ahlu Sunna waljamaaca , ayaa dhaliil waxay ka miijiyeen kulanka la isku mari la’yahay wali ee ka soconaya magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ee u dhexeeya Maamulka Axmed Madoobe iyo dowlada Soomaaaliya, iyagoona si cad uga soo horjeestay kulamadaas.

Mas’uul ka tirsan ururka Ahlu Sunna oo lagu magacabo Sheekh Mursan Sheekh Isxaaq “Geesa Dheere” aya sheegay inuu cambaareynayo wada hadalka Dowlada iyo Maamulka uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam,isagoona ku dhaliilay in arin danaha Soomaaliya ku saabsan loogu soo wada heshiiyo dalka Dibadiisa .

Wuxuu sheegay in Maamulka Axmed Madoobe inay dhibaato ku hayaan shacabka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana uu dowlada Soomaaliya ku tilmaamay inay ku qaldoontay inay gor gortan lagasho Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa isagoo sheegay inay xitaa wali ay muujinayaan inay ka caga jiidayaan wada hadalka sida uu sheegay.

Ururka ahlu Sunna ayuu sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin in maamulka Axmed madoobe inuu ka howlgalo Gobolka Gedo , isagoo sheegay intaasi ay tahay mid ka go’an ururka isla markana Axmed Madoobe aanu shaqo u laheyn Gedo .

Dowlada Soomaaliya ayaa waxay wada hadal kula jirtaa Maamulka Axmed Madoobe, kaasi oo la doonayo in la isugu soo dhaweeyo labada dhinac

Caasimada online

 Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Warbixin: Shirkii Addis-Ababa oo lasoo fara-geliyey iyo DF oo la cadaadinayo

Addis Ababa (Caasimada Online) Kulamo xasaasi ah ayaa xalay waxa ay dhaceen hotel ku yaalla magaalada Addis-Ababa, xili wadda hadallada DF iyo Jubaland ay gebo gebo ku dhow yihiin, waxaana kulamadaas looga hadlay sidii qodobada dhiman la isugu afgaran lahaa.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Ethiopia, ayaa soo sheegaya in kulanka uu qabtay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Dr.Tedros Adhanom oo ah nin kaliye ee shirkan doonayay in uu dhaco, ayada oo hadda Ethiopia ay si toos ah usoo fara gelisay wada hadallada.

Shirka wafdiga dowladda waxaa hoggaaminayay wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Cabduqaadir, sidoo kale waxaa ku wehliyay danjirayaasha Soomaaliya u fadhiyay Addis Ababa iyo London Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo Cabdulaahi Sambaloolshe iyo xubno xidlhibaanno oo ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo. Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa sidoo kale wada hadallada ku biiray shalay.

Wararka ayaa sheegaya in sababta Guuleed u tagay shirka ay tahay xoojinta waftiga dowladda oo u muuqday kuwa sameynayey tanaasul badan.

Dhinaca Axmed Madoobe waxaa madasha u fadhiyay rag uu ku ka mid yahay ku-xigeenkiisa Cabdulaahi Sheekh Ismaacil, ra’iisalwasaarihii hore Cumar Cabdi Rashiid iyo Prof Gaandhi oo horrey u soo noqday wasiirka difaaca Somalia.

Inta badan kulankii xaley waxaa diirada lagu saaray sida iyo xilliga lagu dhawaaqayo qoddobada heshiiska oo inta badan la isku raacay iyo dhameystirka kuwa harsan.

Sidoo kale wararka aan la heleyno Addis Ababa waxa ay sheegayaan  in marka lagu dhawaaqo shirka in dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka hor inta aysan ku qaban shirka Jubbooyinka iyo Gedo, ay ku casuumi doontaa Axmed Madoobe oo madax u ah mid ka mid garabyada isku haya Kismaayo.

Heshiiska ilaa hadda lama saxiixin xaley oo dhan waxaa laga arrinsanayay in la saxiixo dabadeedna saxaafadda si rasmi ah loogu bandhiggo, marka qodobada harsan la isku afgarto.

Waxaa jira warar sheegaya in cadaadis xooggan la saarayo dowladda Somalia, oo inta badan ah tan diidan qodobada harsan ee shirka geba gebadiisa ay u xayiran yihiin, ayada oo cadaadiskaasna uu ka imanayo beesha caalamka.

Dowladda Ethiopia ayaa la rumeysan yahay inay ku ra’yi tahay Kenya marka ay timaado arrinta Jubaland, waxaana muuqata in labadoodaba ay beesha caalamka taageero ka helayaan.

Waxaa tani caddeyn u ah in inta badan ay dowladda Somalia ay tahay tan ka tanaasushay dhowr qodob, haddana weli lagu qasabayo inay sii sameyso tanaasul dheeri ah, oo ay ka mid yihiin inaan la beddelin magaca Jubaland, arrinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo madaxweyne ku xigeenka Jubaland.

Qodobada ilaa hadda heshiiska laga gaaray ayaa waxaa ka mid ah

1 – Dowladda oo si buuxda u aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe

2 – Dowladda ay ergo ku yeelato dhammeestirka maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

3 – In Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiin beelaha dega gobollada Jubaland

Wixii warar ah ee nagu soo kordha, akhristayaasheena naga suga yaan la fogaan in shaa allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Magalada Muqdisho oo ay ka socdaan kulamo looga hadlayo Shirka Ethiopia iyo DF Somalia oo Khamaar ciyaareysa

Muqdisho (Caasomada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa tan iyo xaley markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda iyo mid ka mid ah garabyada isku haya Kismaayo oo Axmed Madoobe ay ku heshiiyeen dhowr qodob oo ka mid ah kuwii la isku hayey,waxaa billowday kulamo ay lee yihiin beelaha kele ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sida ay in oo sheegeen xubno ka mid ah dadkii ka qaybgalay kulamadii xaley, waxaa inta badan looga hadlay haddii dowladda Soomaaliya ay aqoonsato maamulka Axmed Madoobe, in ay joojin doonaan xiriirka kala dhexeeyo dowladda.

Waxaa kaloo ay sheegeen in xildhibaannada iyo wasiiradda ay ku lee yihiin dowladda fedaraalka ay kala soo bixi doonaan isla markaana ay ku dhawaaqi doonaan dagaal ka dhan dowladda.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo wax-garadka ka soo jeeda beelaha ka maqan shirka Addis Ababa ayaa wax nasiib daro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay heshiis la gasho koox maleeshiyaad oo xoog ku qabsaday magaalada Kismaayo isla markaana halkaas xasuuq ka geestay sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale wasiiradda iyo xildhibaannada ka soo horjeeda maamulka Axmed Madoobe ayaa xaley lagu arkayay xarunta Villa Somalia, waxaana ay sheegeen ay gabi ahaan ka soo horjeedaan qoddobada ka soo baxay shirkii Addis Ababa.

Dowladda ilaa hadda kama hadlin heshiiska la sheegay in uu ku dhexmaray iyada iyo maamulka Axmed Madoobe, balse waxaa hubanti ah in dowladda oo horrey u dhaliilsaneed maamulka Axmed Madoobe in ay hadda aqoonsatay.

Waxaa kaloo jirra warar sheegaya in dowladda ay ciyaareyso labo daran mid dooro,  Taasoo ah in ay la heshiiso maamulka Axmed Madoobe si halkaas uu ugu guul dareesto madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo dhawaan mar uu Axmed Maxamed Islaam booqasho uu ku tagay Garoowe loo sheegay in la siinayo 300 oo ciidamo ah.

Si kastaba, magaalada Kismaayo waxaa maalintii afaraad ka socota qaybinta markab gargaar oo laga lee yahay Turkiga kaasoo ka yimid Muqdisho.

Puntland horrey ayey u diidday in markabkaas gargaarka uu ku soo xirto dekedda Boosaaso waxaana ay ku tilmaamtay mid looga gun leeyahay jahwareer siyaasadeed sida ay hadalka u dhigeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XASAN Daahir oo ka faa’iideysanaya arrin ay u ogolaatay DF Somalia “XOG”

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys fasax u siisay inuu xabsiga ugu yeeran karo qof kasta oo uu doono uuna la kulmi karo, inta arrintiisa xal laga gaarayo, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida dad xog ogaal ah ay u xaqiijiyen Caasimada Online, Xasan Daahir waxaa loo ogolaaday in maalin kasta uu la kulmo karo illaa afar qof, ayada oo Sheekha soo qoranayo magcyada dadka uu doonayo, kadibna Dowladda ay u gudbineyso ehelkiisa si ay ugu keenaan.

Arrinta Dowladda ay u ogolaatay, ayaa Xasan Daahir waxa uu kaga faa’ideystay inuu la kumo dad badan toddobaadkii tagay, kuwaasi oo isugu jiray culimaa’udiin caan ah, ganacsato iyo xubno ka mid ah beeshiisa.

Waxa uu dhammaan dadkaasi kala hadlay oo uu ka talo weydiistay sida uu ka yeeli lahaa shuruudaha ay ku xirtay dowladda Somalia iyo waxax xaalkiisu ku dambeyn doono, inkatsa oo ay dowladda u sheegtay in la cafin doono.

Sida qaar ka mid ah dadkii la kulmay Xasan Daahir Aweys ay u sheegeen Caasimada Online, waxa ay dhammaantood kula taliyeen inuu aqbalo shuruudaha dowladda, balse uu hal arrin weli ku taamayo.

Waxa uu doonayaa inuu fuliyo shuruudaha balse ay noqdaan wax u dhaxeeya isaga iyo dowladda Somalia, oo aanu dooneyn inay noqdaan kuwa shaacsan, sida dowladda codsatay oo ah inuu qabto shir jaraa’id.

Wada tashiyada Xasan Daahir uu sameenayo ayaa weli sii socda, waxaana lagu wadaa in toddobaadkan ama kan xiga ay mar kale kullan saddex geesood ah isugu yimaadaan isaga, dowladda Somalia iyo beeshiisa.

Dhinaca kale dowladda Somalia ayaa Xasan Daahir u ogolaatay dad ehelkiisa ah inay ugu adeegaan gudaha xabsiga nabad sugidda, si aanu ula macaamilin ciidamada xabsiga ilaalinaya, waxaana loo ogolaaday illaa 3 qof oo adeegayaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Shibli oo iclaamiyey inay jirto arrin qatar ah oo u baahan iska difaac

Nairobi (Caasimada Online) – Sh.Maxamuud Maxamed Shibli oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa ka jeediyey khubadii Jimce ee maanata  Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi  isagoo Sheekhu uu sii waday mowduucii uu horay uga hadlay Jimcihii hore oo ahayd waajibka ka saaran Culimada diinta Islaamka in ay ka difaacaan kuwa beenaalayaasha ah  ee iyagu shaqadoodu tahay in ay bedelaan nusuusta Quraanka iyo Sunadda Nabigeena Mohamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

Sheekh. Shibli ayaa waxaa uu ka sheekeeyey kuwa ku dhacay xadgudubka diineed  oo ay ugu horeeyaan kuwa bulshada Islaamka gaalnimada ku xukumay,iyo kuwa umadii bidcaysiiyey oo ay culimada islaamku ay cadeeyeen in ay ka leexdeen Jidkii Ahlusunaha ayna la galeen dagaal xujo ah ka dibna ay kaga adkaadeen.

Sheekh Shibli ayaa waxaa uu xusay in musiibada umada Islaamka lagu gaalaysiiyey ay ka soo bilaabatay markii  ducaadii iyo culimadii dalka Masar la xir xiray laguna ciqaabay xabsiyada dalkaas ka dibna ay bilaabeen in ay dadka ku xukumaan gaalnimo iyagoo ku eedeeyey in ay u gargaari waayeen sidaasna ay fikriga uu ugu soo faafay dalalka islaamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Sheekh Shibli ayaa ku celceliyey  in culimada Islaamka ay diinta u istaagaan oo ay xaqa  cadeeyaan waxaan uu sheegay diinta islaamka  uu ku socdo duulaan dibada ah iyo mid gudaha ah loona baahan yahay in kuwa beenaalayaasha ah laga difaaco loogana difaaco xujo siddii ay sameeyeen culimadii hore ee Islaamka.

Sheekh Shibli ayaa sheegay in culimadii hore ee Islaamka marka aad akhriso  Kitaabadii ay qoreen aad ku arkeysid iyagoo kuwa diinta ka been sheegay leh kaas iska jira waa beenlow.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Is-beddel ku yimid guurkii iyo qurbo-joogta oo jahwareer keenay

Guurka Muqdisho ayaa si xawli ah ku socda.

Raga Soomaaliyeed ee qurba ka yimid ayaa lacag badan ku kharash garaynaya meherka iyo kharashaadka kale ee arooska iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda amaanka ee Muqidsho si ay u guursadaan.

Raggan guur doonka ah ayaa kumanaan doolar ku kharsh garaynaya si ay u guursadaan. Qaarkood ayaa kumanaan doolar ku bixinaya xafladaha arooska ee ka dhacaya hoteelada dhawaanta la dhisay ee maalinta iyo habeenkaba furan.

Faysal Cumar, oo 35-jir ah ayaa 15 sano ku noolaa Ingiriiska isaga oo taksiile ah, laakiinse Muqdisho ayuu ku soo noqday July, wuxuuna guurkiisa oo dhacay 5-tii August ku kharsh gareeyay $20,000 oo doolar.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan wadankayga oo nabad ah ku guursado, iyada oo aan loo fiirinaynin lacagta iga baxday,” ayuu yiri. “Habeenkii aan guursanayay, waxaan dareemay in xafladu ay ka dhacayso London sababta oo ah gabi ahaanba aad ayaan ugu faraxsanaa hoteelka uu ka dhacay iyo sida ay martisharaftii uga qayb qaadatay guurkayga farxada lahaa.”

“Galab walba, ilaa todobaadkii guurka, xaasayga iyo aniguba waxaan aadnaa Xeebta Liido si ayaa ugu raaxaysano wada joogeenna,” ayuu yiri Cumar. “Ma rumayn karo in Muqdisho ay noqotay meel loo soo dalxiiso.”

Farxaan Cabdi oo ah 29-jir wuxuu uu ku noolaa London mudo 13 sano ah isaga oo kalkaaliye caafimaad ka ahaa Isbitaalka Royal London. Bishan ayuu ku soo noqday Muqdisho.

“Waxaan qorshaynayaa in xaflada guurkaygu ka dhaco hoolka wayn ee Hoteelka Safaari ee Muqdisho,” ayuu sheegayi. “Waxaan qorshaynayaa in ay yimaadan 300 oo marti sharaf si aan aniga iyo saaxiibaday ilaa habeenkii oo dhan u damaashaadno.”

“Waan dareensanahay in qarashka bixi kara ay aad u badan tahay oo $6,000 oo dollar ayaa iga baxayso xaflada kali ee habeenkaas, laakin lacagta waxa ka muhiimsan gabadha an aroosayo in aan ilaaliyo farxaddeeda,” ayuu yidhi.

Cabdi ayaa sheegay in kharashka guud uu gaadhi doono ilaa $16,000. “Lacag intaas ka badan haddii an awoodo waan ku bixin laha arooskeyga oo tani waxay aheyd farxad an sugayay mudda badan, waxana alle ka baryaya in guurkan uu ii barakeyo,” ayuu yidhi.

Ragga qurba joogta ah oo badalay habka la isu guursado

Ragga dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ee qurabaha ku noolaa ayay u sahlan tahay in ay gabdh ay guursadaan helaan markii loo fiiriyo kuwa aan iyagu Soomaaliya ka tagin. Qurba joogta ayaa loo arkaa in ay hodan yihiin sidaas darteedna ay si dhakhso ah gabdh ku heli karaan kuwaan oo qoysaskoodu kor u qaadi karaan qaddarka meherka.

Tan ayaa dhalisay tartan aad u wayn oo ka dhaxeeya raga guur-doonka ah ee Muqdisho, ayuu sheegay Liibaan Farax oo 27-jir ah oo ka shaqeeya dukaan qalabka korantada lagu iibiyo oo ku yaal Suuqa Bakaaaraha, isaga oo intaas ku daray in qurba joogta lacagta badan ee ay ku kharsh garaynayaan aroosyada ay ka xanaajisay ragii halkan sii joogay.

“Dhallinyarada qurbaha ka yimid arooskooda aad ayuu saameeyn xooggan noogu yeeshay oo marka haweenka ay maqlaan gabar ayaa lagu aroosay $20,000, gabar walba waxa ay ku leedahay qurba joog ayan rabaa,” ayuu yiri. “Waxaan ku khasbanaanay in aan gabdhaha u sheegno in aan dibada ka nimid in kasta oo anaan waligeen dalka ka bixin.”

Waa wax la fahmi karo in haweenka guur-doonka ah ay raadiyaan rag lacag leh si ay waxa ay doonayso u hesho biil fiicanna u hesho, ayay tiri Canab Yaasiin oo 25-jir ah, dagenna degmada Xamar Wayne oo maamulka iyo ganacsigana ka baratay Jaamacada SIMAD.

Ragga guur-doonka ah ee Soomaaliyeed ee dibadda ka imaanaya ayaa loo arkaa in ay yihiin rag munaasib ah oo nolasha lala qaybsan karo sababta oo ah sida ay uga dhab tahay guurka iyo awooddooda dhinaca lacagta, ayay tidhi. Dhanka kalese, marka aad eegto qaabka ay ragga maxalliga ah ee guur-doonka ahi ay wax ku doonayaan ayaa waxad arkaysaa in uu nuxurku ka maqan yahay.

“Waxan kala jeedaa nin walba oo Muqdisho ku nool waxa uu doonayaa in gabadha uu rabo kaftan iyo sheeko uu ku helo,” ayay tidhi.

Canab waxa ayaa rumaysan in haweenka guurkooda ku xira meherka culus uu yaraanayo furriinkooda.

“Wax cusub ma ahan in dumarka xoola badan laga baxsho,” ayay tidhi, iyada oo intaas ku dartay in shardiga guur ee ku saleeysan lacagta badan uu ragga ku dhiirri-galiyo in ay xaliyaan khilaafyada gadaal ka iman kara.

“Waa waxa haweenay kasta ay xaqa u leedahay in ay doorato,” ayay tidhi. “Waa alxamdulilahi haddii laga reystay raga aanan waxba haysan ee dumarka sida fudud ku hela ka bacdina sida fudud ku fura.”

Isha: Sabahi Online

Miino lagu qarxiyay agagaarka hoyga uu Faroole ka degan yahay Garowe

Garowe (Caasimada Online) – Miino nooca lagu farsameeyo Somalia ee lagu qarxiyo Taleefanka Mobile-ka ayaa gelinkii danbe ee Jimcihii (23-08-2013) waxaa lasoo dhigay agagaarka guriga Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ee Garoowe, taasoo ay fashiliyeen ciidamada amaanka Garoowe.

Dadka deegaanka ayaa ciidamada amaanka ku wargeliyeen in Miino la dhigay agagaarka guriga Faroole, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo Boolis ah oo isku gadaamay xaafada 1-da Agoosto, iyadoo kadibna ciidamadu qarxiyeen miinadaasi.

Howlgall mudo saacado qaatay ayey ciidamada Booliska ka fuliyeen xaafada lasoo dhigay, iyadoo howlgalkaasi aysan jirin cid lagu soo qabtay.

Taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa ka warbixiyay Miinadaasi lagu aasay xaafada uu degan yahay Faroole isagoo sheegay in kooxaha soo dhigay qorshahoodu ahaa iney ku waxyeeleeyaan dadka shacabka.

Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyey dadka deegaanka oo wax qatar ah ku tilmaamay in awood loo yeeshay in miino lagu aaso agagaarka hoyga Faroole.

Isha: Warfaafiye.com

Daawo Video: Haweenka Sweden oo sameeyay arrin caalamka ka yaabisay

Caasimada Online: Warbaahinta Caalamka ayaa si aad ah uga faaloonaya Haweenka Wadanka Sweden u dhashay oo qaadanaya Hijaabka balse anan aheyn Muslimka.

Tv-ga waxuu soo xiganaa muuqaalo muujinaya Haween fara badan oo hijaaban oo aad moodo in ay yihiin Muslim balse anan aheyn Muslim taas oo keentay in Warbaahinta ay hadal hayaan arin kani ku cusub Caalamka.

HALKAAN KA DAAWO:

Warbixin: Sh/Dhexe oo wali arin DF ay diiday ay ka jirto

Muqdisho (Caasimada online) Gaariga wuxuu ahaa nuuca loo yaqaano Hoomay waxaan ka mid ahaa ilaa iyo 25-ruux oo safar u sii ahaa magaalada Jowhar oo qiyaastii 90-km-dhinaca waqooyi ka jirta Muqdisho.

Qofwalba oo gaariga saran waxaa laga qaaday lacag gaaraysa 150 oo shilin Soomaali ah oo taasi oo ah lagacta lagu raaco gawaariada aada magaalada Jowhar.

Inta uusan dhaqaaqin gaariaga darawalka oo aan dhinaciisa fadhiyay ayaa iidhiibtay lacag gaaraysa 500 oo kun oo shilin Soomaali ah, oo uu sheegay inay tahay mid loogu talagalay in lagu bixiyo isbaarooyinka yaala wada u dhaxaysa Muqdisho iyo Jowhar.

Wax yar markii uu dhaqaaqay gaariga inta uusan dhaafin isgoyska Fagax ee Muqdisho, ayaa waxaa gaariga hor istaagay nin wata dharka ciidamada ilaalada wadooyinka ee looyaqaano (Taraafikada) wuuna uu sheegay in gaariga laga rabo inuu biyo lacag gaaraysa 50-kun oo shilin Soomaali ah.

Muran soo kala dhexgalay darawalka iyo ninkii ka dib wuxuu darawalku sheegay inuusan bixinayn lacagta,ka dibna wuxuu diray teleefan wuxuuna diray ninuu ii sheegay inuu la dhashay ninka ciidan ah, markii laga qabtay teleefanka, wuxuu yiri, war niyahow waxaa I heesta midkii kula dhashay ee kaalay naga qabo, inyar ka dib waxaa yimid ninkii la wacay, xaalkuna wuxuu isku badalay adiga miyaa iyo waa aniga ee siidaa sxb.

Markaa ka dibna darawalkii ayari.

“Waa intaas day dowladanimadii aaway askarigii wadan la keenaba isbaaro ayuu dhiganayaa”

Halkii ayaa laga sii socday, Lacagtii la soo qaaday ee loogu talagay in lagu bixiyo isbaarooyinka, ayaa darawalkii uu bilaabay inuu bixiyo, iyadoo la siinayo ciidamo meel fadhiya iyo kuwa jidka soo istaaga intaba, waxaana markasta la bixinayay lacag u dhaxaya 10-ilaa iyo 100-kun oo shilin Soomaali ah.

Markii aan dhaafnay controlka Balcad ayaan waydiiyay Daralka inta lacag ah ee ka baxday Muqdisho ilaa iyo Balcad, wuxuuna iigu jawaabay waxaan biyay 240-kun walina waxaa ii dhimin isbaarooyin badan oo yaala Jowhar ilaa halkaan.

Waan sii sosonaya, wax yar ka dibna jidgooyo ayaan aragnaa lacag ayaana la bixiyaa, ilaa markii danbe aan ka gaarnay controlka laga galo magaalada Jowhar halkaan waxaa jooga ciidamo waxay qaadayaan qaadayaan lacag dhan 130-kun, laakiin maamulka gobalka wuxuu ogyahay in halkaan lagu qaado 100-kun oo kaliya, markii gaariga aansaarnaalacagta laga qaadayna waxaa loo jaray warqad cadaynaysa in laga qaaday 100-kun, oo aysan ku cadayn 30-dheeraad ah.

Markaan Jowhar ayaa lagalay, Abuukar Gacamay oo ah Darawalka gaariga ayaan kala sheekeestay inta isbaaro ee la soo maray iyo inta ay la’egtay lacagta laga soo qaaday.

waxa uuna ii sheegay in isbaarooyinka ay gaarayeen ilaa 12 isbaaro, waxa uu tilmaamay in laga qaaday lacag gaareysa 600,000 sh. so. , isagoona xusay in lacagta ugu badan looga qaado Balcad iyo Jowhar Kontorolka laga galayo.

Afhayeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciro ayaan wax ka waydiiyay waxa maamulkooda uu kala socdo isbaarooyinkaan, wuxuuna sheegay inay ogyihiin oo kaliya labo meel oo lacagaha lagu qaado oo yaala balcad iyo Jowhar oo shar ah laakiin wax kale uusan maamulkooda ogayn, isagoona sheegay in ay xooga saari doonaan sidii loo cirib tiri lahaa isbaarooyinkaasi.

Daa’uud wuxuu sidoo kale sheegay in cabasho ku aadan arintaan ay ka soo gaartay shacabka laakiin maamul ahaan ay doonayaan inay wax ka qabtaan.

Caasimada online

Xafiiska Muqidsho

[email protected]

W/Q Maxamed Kaafi

Dhageyso: C/qaadir Cumar Maxamuud oo maanta dil lagu xukumay

Muqdisho (Caasimada online) C/qaadir Cumar Maxamuud Dhoore, ayaa maanta waxay maxkamada gobolka Banaadir waxay ku riday xukun dil ah kadib markii sida la sheegay ay ku cadaatay inuu hore u dilay Marxuun Cali Maxamuud Xasan.

Xaashi Cilmi Nuur, Gudoomiyaha  maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay xukunkaas dilka ah kadib markii eedeysane C/qaadir Cumar lagu cadeeyay inuu fal dil ah u geystay Cali Maxamuud .

Wuxuu sheegtay in dilka uusan ahayn mid maanta kaliya ku eg balse wuxuu sheegay inuu hore usoo socday walina uu soconayo , isla markaana la dilay qof waliba oo dil geysta lagana abaal marin dooni wixii uu dhib geysto.

Halkkaan ka dhageyso Xukunka Maxkamadda gobolka Banaadir

Dhinaca kale Maxkamada ayaa maanta waxay xukuno kala duwan oo ay ku jiraan kuwo  Xukun Sanado ah ay ku jiraan waxay ku riday eedeysanayaal dambiyo kala gadisan lagu eedeeyay.

Eedeysanayaashan oo gaarayay ilaa sagaal qof ayaa lagu kala xukumay Xukuno isugu jiray 5 ilaa 30 sano ka gadaal markii lagu kala eedeeyay dambiyo ay ka mid ahaayeen dhac iyo sidoo kale wax is daba marin.

Nin la sheegay inuu ka mid ahaa eedeysanayaasha maanta maxkamada laso taagay ayaa la sii daayay ka gadaal markii lagu waayay wax dambi ah .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa maanta ka cusub Galgaduud ?

Guriceel (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyno dagaal xoogan ayaa maanta wuxuu ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmada Guriceel ee gobolka galgaduud ,kaas oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay.

Dhaawaca laba ruux ayaa la xaqiijiyaya ilaa iminka inkastoo dadka deegaanku ay sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ay kasii badan yihiin walow aan si dhab ah loo sheegin khasaaraha dagaalka.

Dagaalka aya sida la sheegay wuxuu u dheexeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo wada dega gobolka , waxaana sida la sheegay dagaalkaas uu ka dambeeyay ka gadaal markii la isku qabsaday Geedo Dhuxusha  laga sameeyo.

Oday dhgaqameydyo iyo sidoo kale Xubno uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amaanka ee degmada Guriceel ayaa ku baxay halka uu dagaalku ka dhacay waxaana soconaya dadaal lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac.

Inta badan degaanada gobolada dalka gaar ahaan dhanka miyiga waxaa la isku qabsadaa dhul daaxsi meed ama geedo dhuxusha laga saaro kuwaas oo qilaaf koodu uu sababamo gacan ka hadal.

Caasimada online

Xafiiska Guriceel

[email protected]

 

 

Daawo Sida uu u dhacay Aaskii Sheekh Cali Axmed Ashkir (Qotte)

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxaa la gaarsiiyay meydka allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Ashkir (Qotte) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka.

Meydka shiikha oo ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo keentay diyaarad gaar ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha looga qaaday kolonyo gaadiid ah, waxaana marka hore la geeyey masjidka Xamsa ee magaalada Kismaayo halkaasi oo salaaddii jimcaha kadib lagula tukatay salaaddii jinaasadda oo ay Boqolaal dad ah ka qeyb galeen.

Waxaa Sheekha lagu aasay Qabuuraha Baar Caleen ee magaalada Kismaayo iyada oo ay aaska ka qeybgaleen culumo iyo dad weyne aad u badan waxa ka hadlay Sheekh Axmed Dhicis oo kamid ah culimada magaalada Kismaayo oo dadka ka codsaday in ay cafiyaan una duceeyaan Marxuumka oo ahaa sheekh Culumta Diinta baray dad badan.

Waxaa ka hadlay Sheekh Ahmed Siiro oo ah wiil uu dhalay Sheekha dhintay waxa uuna xusay Siiro in aabihii ahaa qof wanaag jecel diintana Faafin jiray isaga oo ka mid ahaa Culumada u sitaagtay Faafinta diinta xili Soomaalidu aysan aad u fahmin Raacashada Culuumta Diinigaa marka laga tago Dugsiyada Qur’anka.

Sheekh Xasan Cali oo isna ah Wadaad uu dhalay Sheekha kana raacay Meydka aabihii dalka Maraykanka ayaa Taariikhda Aabihii koobay oo xusayna in aabihii uu xili hore isaga oo nool codsaday in dalkii lagu celiyo lakin waqtiga oo qornaa dartiis uu sii xanuunsaday markaa kadibna uu yiri “Hadii aan dhinto yaan la igu aasin Maraykan ee dalkaykii iyo Kismayo ha la i geeyo” Anagana wan fulinay balantii aabeheen.

Sheekha waxa uu dhalay Rag Culumo iyo aqoonyahno isugu jira oo ay ka mid yihiin.

Sheekh Maxamed Diini Sheekh Cali oo ah wiil dhalinyaraa oo siweyn loo yaqan diintana ku faafiya Caalamka waliba habka Casrigaa ee iminka jira.

Sheekh Axmed Siiro oo Soomaaliya laga yaqaan gaar ahaan Jubbooyinka,

Sheekh Xasan Sheekh Cali ,

Aqoonyahan C/rashiid Sheekh Cali,

Ganacsade C/risaaq Sh/Cali iyo dadkale oo Rag iyo Dumar isugu jira waxana sheekhu Fooda sii galinayay Cimri ahaan 70 sano.

Allaha U naxariisto Sheekh Cali Axmed Ashkir (Qotte) Eheladana samir alaha ka siiyo.

DAAWO  VIDOI IYO SAWIRO 


set

P1010785

2

3

4

5

6

7

8

9

10.

11

 

 

Shirkii Addis Ababa oo dhowr qodob lagu heshiiyey (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ugu socda heshiis laga gaaray qodobo dhowr ah

Shirka oo soo gaaray ilaa goordhow oo hadda ah, ayaan loo kala kicin, waxaana jirra qoddobo la isku mari waayay balse dib loo dhigay sida ay lee yihiin illo ku dhowdhow goobta shirka uu ka socd.

Waxaa la isla gartay in ka badan shan qoddobo kuwaasoo kala ah:

1 – Dowladda oo si buuxda u aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe

2 – Dowladda ay ergo ku yeelato dhammeestirka maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

3 – In Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiin beelaha dega gobollada Jubaland

Si kastaba, qoddobadan ma ahan kuwa si rasmi ah loo shaaciyay, balse waa kuwa aan ka helnay saraakiil ku dhowdhow halka shirka uu ka socdo.

Shirka, waxaa ka qaybagalay oo kale, wakiilo ka socday Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Africa, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo diblumaasiyiin kale oo caalami ah.

Waxaa goordhow lagu wadaa in la soo saaro war-murtiyeed uu ku qoran qoddobada lagu heshiiyay, balse hadda dhammaan wafdiyada waxa ay aadeen casho, waxaana marka ay soo laabteen ay qalinka ku duugi doonaan heshiiska, haddii aysan maskaxdooda gadaal iska soo beddelin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

DEG DEG AH: Xildhibaan xule caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisto waxaa caawa degmadda Dharkeynley ee magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah odayaashii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Amiin Cali Muumin, waxaa dilay kooxo hubeysan oo watay bastoolada kuwaasoo toogtay isagoo ka yimid goob lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku taalla xaafadda Asallaam.

Waxaa la sheegay in xilligaas uu watay baabuur,waxaana isagoo dhaawac ah loo qaaday Isbitaalka Madiina halkaasoo uu ku dhintay.

Amiin sidoo kale wuxuu ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Olombikada degmadda Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ahaa nin aad looga yaqaano degmadda, gaar ahaan wuxuu ka mid ahaa ragga ugu cad-cad ee Sports-ka.

Ma jirto koox sheegatay dilka Amiin, Aamiin wuxuu ifka kaga tagay afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabdhood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

WAR CUSUB oo ka soo kordhay shirkii Addis Ababa (WARBIXIN)

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa waxaa maalintii seddaxaad ka socda shir ay lee yihiin wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ayaa soo sheegaya in shirka uu sii adkaaday, waxaana laga yaabaa in ay lagu kala boodo sida marka ay wax u socdaan iyo qoddobada meesha yaalla la eego.

Tan iyo xaley waxaa yaabaha la isku mari la’aa waxaa ka mid ahaa in la badelo magaca maamulka Jubbland, waxaana Axmed Madoobe loo soo jeediyay in maamulkaas loo bixiyo maamulka Seddax gobal ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Sidoo kale, wax yaabaha la isku mari la’yahay waxaa kaloo ka mid ah in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka Axmed Madoobe inta ka dhimman iyo sida loo soo xulaayo.

Wafdiga DF Somalia waxaa ay soo jeediyeen in Axmed Madoobe uu madaxweyne guud u noqdo seddaxda gobal balse labada gobal ee  Jubbada Dhexe iyo Gedo loo sameeyo guddoomiye u gaar ah, arrintaas Axmed Madoobe iyo wafdigiisa waa ay u cuntami weysay.

Sidoo kale, waxaa la lee yahay waxaa jirra in Axmed Madoobe loo sheegay in madaxweyne aan la dhihi doonin oo loogu yeeri doono Barasaaf ama guddoomiye maamul.

Dowladda Soomaaliya waxaa kaloo la sheegay in ay aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe balse waxaa muranka uu ka taagan yahay in dowladda ay soo dhisi dooni doonto guddiga fulinta iyo kan sharciga.

Labada qodob midka dambe waa sahlanyahay  oo magacu macna badan ma sameeynayo, madaxweyne iyo governor kii loogu yeedho mar hadii  awoodiisa sharciyadeed ee maamul ay qeexantahay,balse arinta dhibka leh waxaa weeye maamul goboleed baan idiin aqoonsanay golihiina fulinta iyo kan baarlamaanka anagaa idinla magacaabeena,arintaas waa meel ka dhac iyo waxba matihiin.

Arinta la sugayo in bari dhinac u dhacdo waa dowrka dowladu ay ku yeelanayso dhameystirka qeybaha ka dhiman maamul goboleedka.

Si kastaba, Axmed Madoobe wuxuu ku adkeestay in aan la badelin Gen: Cabdilaahi Ismaacil Fartaag oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland.

Haddii qoddobadan la isku afgarto waxaa hubanti ah in labada dhinac ay ku dhawaaqi doonaan heshiis buuxa taasoo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono halka uu shirka ka socda.

Dhinaca kale, waxaa warar ku dhowdhow oo aan ka helay halka shirka uu ka socdo, waxaa laga yabaa caawa ama berri in uu shirka ku biiro wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ma cadda wax yaabaha keenay in wasiirka arrimaha gudaha loogu baahdo in uu ku biiro shirka ka socda magaalada Addis Ababa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

Dhageyso: Ethiopia oo la mid noqotay Somalia, shaacana laga qaaday in….

Addis-Ababa (VOA) – Ethiopia ayaa la mid noqotay Somalia, islamarkaana shaaca laga qaaday inay tahay dalkii labaad ee ku yaalla Geeska Africa oo laga helay cudur dabeysha,.

Cudurka dabaysha ee ka dilaacay wadamada Geeska Afrika ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu ku baahay qeybo ka mid ah wadanka Ethiopia.

Ilmo yar oo 18 bilood jir ah oo ku nool degaanka Wadheer ee dalka Ethiopia ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee lagu arko xanuunka dabeysha tan iyo sanadkii 2008-dii.

Warbixin aarrintaas ku saabsan oo ay diyaarisay VOA halkan hoose ka dhageyso.

Madaxweynaha oo loo diray digniin ku wajahan wada-hadallada Jubaland

Mudane Madaxweyne fadlan ka joog wada hadalada Jubbaland

Mudane Madaxweyne, Xasan Shiikh Moxamuud,

Waxaa xilweyn kaa saaranyahay ilaalinta qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia maadaama Somalia tahay dal xor ah oo madaxbanaan. Haddii aad heshiis la gashid Axmed Madoobe iyo milliishiyaadka uu maamulo ee ka soo duulay kuna wada dhashay Itoobiya iyo Kenya ogow inaad qaranimadii Somalia ka tanaasushay. Waxaad ilaa maanta ka dhaadhicin la’adahay Beesha Caalamka in Kismaayo iyo Gobollada Jubooyinku ay ka tirsanyihiin Somalia oo ah dal xor ah, kuwa ku soo duulay ee qabsadayna ay yihiin Somalida Kenya iyo Somalida Itoobiya oo aan u dhalan Somalia.

Waa inaad Beesha Caalamka ka dhaadhicisaa in lagu soo duulay Somalia, ummadaadana u diyaarisaa sidii loo xorrayn lahaa Kismaayo iyo Jubooyinka haddii beesha caalamku ku fashilanto inay Kismaayo iyo Jubooyinka ka saarto Ciidamada Kenya, Milliishiyada Reer Kenya iyo Milliishiyada Reer Itoobiya.

Marnaba halla fadhiisan, halla hadlin hana aqoonsan Axmed Madoobe iyo Kooxdiisha ka soo duulay Kenya iyo Itoobiya ee cadawga Somalia dabada ka riixayo si loo kala dhantaalo qaranimada Somalia iyo wadajirka Dalkeeda. Ha ka gelin taariikhda baal madow. Haddii aad aqoonsato Axmed Madoobe ogow in Somalia dal ahaan kala burburayso oo aanay jiridoonin qaranimadeedu lana kala boobayo, ogow inay wadaninmadu dhimanayso, ogow inaad adigu ka mas’uul noqondoonto taariikhdaas xun.

Shacabka Somalia waa inuu fadhiga ka kacaa oo ka dhiidhiyaa dalkiisa la kala boobayo, qaranimadiisa la burburinayo, wadaninimadiisana loo gefayo. Waa inaad ku qasabtaan Madaxweyne Xasan Shiikh Moxamuud inaanu kala dhantaalin qaranimada Somalia oo u sadqayn Kismaayo iyo Jubbooyinka dad aan u dhalan Somalia inay gacanta ku dhigaan gobolladii ugu qiimaha badnaa uguna qanisaan Somalia, mustaqbalkana ka barakiciyaan dadka Jamhuuriyadda Somalia ee u dhashay gobolladaas. Waa inaad shacabyahow ku qasabtaan madaxweyne Xasan Sh. Moxamuud inuu deg deg u joojiyo wadahadalada uu la leeyahay Axmed Madoobe. Ogaadaa shacab ayaa badbaadiyaa dalkiisa iyo qaranimadiisa. Kuwa dibeda jooga iyo kuwa gudaha joogaba waa inay fadhiga ka kacaan kana dhaadhiciyaa adduunka in waxa Jubbooyinka ka socda lagu burburinayo qaranimada Somalia laguna kala dhantaalao wadajirka dhulkeeda. Maanta Somalua waxaa ay maraysaa meeshii ay ku burburilahayd ama ku badbaadilahayd.

Saxaafadda Somalia waa inay u kala cadyihiin siyaasadda iyo wadaninimada, waa inay wax kasta ka hormarisaa wadaninimada oo u sarajoigsataa wax ka badbaadinta qaranka iyo dhulka Somalia, waa inay tooshka ku ifisaa qaran-dumisyada shisheeyaha la safan ee u ordaya in la burburiyo Somalia. Saxaafaddu waa inay hormood u noqotaa xilligan adag ee lagu badbaadinayo qaranimada iyo dhulka Somalia.

W/Q: Ibrahim Hassan Moxamed
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Somalida waxaa la dilaa maalin kasta, balse ka waran dhacdadan

Eey ku nool New Zealand ayaa bad-baadiyay Nolosha Bisad, ka dib markuu Dhiig ugu tabaruco.

Arrintani waxay meesha ka saartay Aragtiyo la qabay oo ahayd inuu jiro Qilaaf u dhexeeya Noocyada Xayawaanka, waxanaa arrin Dhif ah ay noqotay in Dhiig la isaga kala shubo Noocyo kala duwan oo Xayawaan ah.

Rory waa Bisad cuntay Sun lagu daray Jiirar, waxaana Ninka leh Bisadaas oo Kim Idwardoz la yiraa uu Bisadiisa u daabulay Goob Xaywaanka lagu daweeyo oo ku taala Maaalada Twaranga ee Jaziiradda Waqooyi.

eyXaaladda Bisaddu aad bay u darnayd, waxaana ay u baahatay Dhiig deg deg ah, balse Dhaqtarka Xoolaha ee Kay Hiller la yiraa waa uu heli Waqti ku filan si Sheybaar loogu diro Nooca Dhiiga Bisadda.Waxaa markaa ka dib la go’aamiyay in la isticmaalo Dhiig laga qaaday Eey.

Dhaqaatiirta ayaa sheegya in arrintan laga yaabo inay Dadku u arkaan mid laga bad-badiyay, balse sida dhabta ah lagu guuleeystay daweeynta Bisadda iyo in Nolosheeda la badbaadiyo.

Bal is-weydi Annagana haddii aan nahay Somalia, dhiga insaanka oo uu ilaahay karaameeyay ayaan daadineenaa ,reer yurub xawayaanka ayay dhiiga ukalaqadayaan, bal samey is bar bar dhig, kadibna maxaa kuusoo baxaya?

W/D:  Xasan Al-basri

SAWIRRO: Fowsiya iyo socdaalkeeda laba ka mid ah dalalka caalamka

Ra,iisul wasaaraha ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso  ayaa gaaray magaalada Shangahai ee caasimada dhaqaalaha dalka shiinaha.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan waxaa  garoonka diyaaradaha ee Shangahia ku soo dhaweeyay madax sar sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda Shiinaha iyo Danjiraha Soomaaliya ee dhulweynaha Shiinaha Amb Yuusuf Dheeg.

Wafdiga ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa mudo todobaad ah ku sugnaan doona dalka shiinaha waxeyna la kulmi doonta maalmaha Axada iyo Isniinta Madax sar sare oo ka tirsan dalka shiinaha sida Raisul wasaare ku xigeenka, Madaxwaynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibeda ee shiinaha.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa kala hadli doonta madaxda shiinaha sidii ay uga qeyb gali lahaayeen dib u dhiska soomaaliya iyo sidii ay u soo celin lahaayeen mashaariicdii horumarinta oo ay ka wadeen Soomaaliya burburkii ka hor.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka,wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud,guriyaynta iyo tamarta diplomaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda soomaaliya iyo xubno ka mid shaqaalaha xafiiska raisul wasaareku xigeenka.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa madaxda Shiinaha u gudbin doonta dhanbaal ay ka wado madaxwaynaha Soomaaliya oo ku saabsan sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay wax wada qeybsi iyo iskaashi dhex maralabada dal,waxaa kale oo ay raisul wasaare ku xigeenku booqan doonta shirkado gacansi iyo qaab dhismeedka magaalooyinka waaweyn ee dalka shiinaha si Soomaaliya ay fikrad uga qaadato.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku sii hakatay dalka magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar waxana ay halkaasi kula kulantay madax sar sare oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibeda dalkaasi oo ay kala hadashay sidii ay dowlada Qatar u laba laabi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya,

Madaxda Qatar ayaa raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ku amaanay horumarnka ay xukuumada Soomaaliya gaartay mudadii koobnayd oo ay jirtay.010203040506070809010

Sh. Mustafa oo booqday Qatar iyo talo cajiib ah oo siinayo Somalida (Aqri)

Sheekh Mustafa iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Qatar

Waxaa markii uhoraysay booqasho ku yimid wadanka Qatar daaciga weyn ee Soomaaliyeed Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil.

Sheekha oo aad loogu soo dhaweeyey magaalada caasimada ah ee Doxa ayaa wuxuu jeediyey muxaadarooyin isdaba jog ah oo ay isugu soo baxeen tiradii ubadneyd ee ebed isugu soo baxdo kulamada jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Qadar.

Sheekh Adam Sheekh Xasan oo muddo dheer ka ahaa imam iyo khadiib magaalada Doxa ayaa ku tilmaamay kulankan kii ugu ballaarnaa ee ay yeelato jaaliyadda Soomaaliyeed “30 sano iyo kabadan ayaan wadankan joogay. Weligay ma arag tiro intaan la’eg oo isu timaado. Taas waxay kutusinaysaa ixtiraamka weyn ee loo hayo sheekh Mustafa, iyo sida ilaah uu u barakeeyay juhuudiisa dacwada islaamka uu ugu adeegayo” .

Canaawiinta muxaadarooyinka ayaa ahaa kuwa dowr weyn kaciyaaray isu imaatinkan weyn, iyada oo Sheekhu uu u doortay kulankan oo socday mudo shan maalin ah, mawduucyo muhiim u ah jiritaanka bulshooyinka caalamka, iyo gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee burburka ku jiray 30kii sano ee ugu danbaysay. Muxaadaraadka ayaa waxay qaadaa dhigeen waxyaabaha khilaafka dhaliyo iyo sida loo soo afjaro.

Hadaladii cajiibka ahaa ee sheekhu meesha kasoo jeediyey ayaa waxaa kamid ah “Haddii aadan dadka Allah dartiis isaga cafinkarin, caafimaadkaada dartiis isaga cafi waayo waxaa la’ogaaday qofka dadka cafiya inuu kacaafimaad badanyahay kan aan cafinin”

Goor uu sheekhu kahadlayey fiqiga laxariiro dib uheshiisiinta dadka wuxuu yiri “ Waxaa jirta run ay xaaraam tahay inaad sheekhto oo aad naarta kugalaysid iyo been aad janada kugalaysid”.

Isu soo baxaas balaaran waxaa kamuuqday dhamaan shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, xarakaatka islaamiga ah, gobolada, iyo siyaasadaha kala gadisan ee wadanka kajira.

Waxaa xusid mudan in ay kumanaan kale kala socdeen muxaadarooyinkaas skpe iyo qalabka warbaahinta ee kala duwan.

Waxyaabaha xiisaha goonida ah uyeelay kulankan ayaa waxaa kamid ahaa inay goobtii muxaadaradu ka socotay ay ku soo islaameen 5 qof oo kasoo jeeda wadanka Uganda kadib markii qaar kamid ah jaaliyadda ay kubooriyeen inay diinta galaan, ilaah fadligiisna ay suuragashay in hoolkii muxaadaradu ka socotay shahaadada loogu qabtay 5taas qof .

Sida lawada ogsoonyahay, wadama Carabta kama mid ah meelaha ay culimada Soomaaliyed socdaallada diinta lagu faafinayo ku tagaan, ayadoo lagu tuhmaya inay joogaan meel diin wanaagsan haseyeeshe jaalidaha wadamada carabta waxay kamid yihiin dadka diinta u ooman oo aan helin waxbarashada ay rabaan.

Gabgabadii waxay ka soo qayb galayaashu muujiyeen sida ay ugu riyaaqeen kulan diimeedkan, iyadoo ay codsadeen in la badiyo kulamada noocan oo kala ah.

Waxaa xusid mudan in gudiga dacwada ee jaaliyadda soomaaliyeed ee Qatar ay wadaan dadaal ay ku doonayaan inay keenaan culima kale oo Soomaaliyeed si ay muxaadaraad uga jeediyaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar ku dhaqan oo lagu qiyaaso 4000 afar kun oo qof.

W/Q: Adam Abdi Abuzuhri, Qatar