Aabe Maxamed Cabdi,
Hooyo Xaliimo Sacdiyo Xaaji Xasan Ceynte
Ayeeyo Abshiro Cismaan Mahdi
Faaduma Cadar Maxamed Cabdi
C/raxman Maxamed Cabdi & xaaskiisa Leyla Xasan Dhicisow
Maxmed Xaji xusen Raage iyo xaaskiisa Raxma Maxamed Cabdi
Saciid Bashiir iyo xaaskiisa Seynab Maxamed ismaaciil
Haboon C/qaadir Qoorleex
Ridwan Maxamed Cabdi Yusuf
Maxamed Cabdi Xasan Maxamed cabdi C/raxmn Yuusuf Xasan C/qaadir Yuusuf Xasan C/rizaaq Yusuf Xasan C/xakiin Yuusuf Xasan Faaduma Yuusuf Xasan Farxiyo Saciid warsame fardowsa ilwad maxmed botan Ayaan Royal Nuur diirshe Fartuun xasan ikraam cabdulle xasan facuma carabiya dhaman dadkaan waxey hamplyo udirayaaaaan C/nuur Maxamed Suber & Ifraax C/naasir C/llahi oo gabar ugu dhalatay dalka marekanka gabadhaas oo lobixiyey ANISA C/nuur so bar abar ayan lenahay noqo tiii diinteeda & dadkeeda & dalkeeda Aaaamiiin
Tahniyad dhalasho oo farxad leh
Dadka S/Land oo laga reebayo erayo xun oo ay ku hadlaan (Aqri)
Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka socda ololaha looga soo horjeedo aflagaadeynta Diinteena iyo Suubanaheena CW, iyadoo dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa sanadihii u danbeeyay laga wacyi gelinayay waxyaabaha xun xun ee Diinta waxyeeleynaya.
Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebida Somaliland oo dadaal u galay sidii looga joojin lahaa dadka caadeystay waxyaabaha xun xun ee lagu aflagaadeynayo Diinteena ayaa shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen waxay ugu hadleen dhalinyaro weli dhaqankaasi ku danbeeya, iyagoo ku baaqay in laga hortago oo caddaalada la horkeeno qofkii lagu arko isagoo ku dhaqmaya waxyaabahaas.
Guddigan oo si mudadawacnimo ugu howlgala deegaanada Somaliland ayaa waxay dadka faraan wanaaga, waxayna ka reebaan xumaan sida aflagaadeynta Diinta, Suubanaheena iyo Allihii na abuuray oo dad badan afkooda ku waxyeeleeya.
Maxkamadda Hargeysa ayaa dhowr jeer oo hore xukuno ku riday dad lagu soo qabqabtay howlgalo si wada jir ah u fuliyeen Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebida iyo ciidamada Booliska.
Magaalada Hargeysa oo ka mid ah goobaha ugu badan ee guddigan ka howlgala, gaar ahaan goobaha Qaadka, Makhaayadaha iyo Majlisyada lagu qayilo ay dadka ugu qabtaan muxaadarooyin diini ah oo lagu wacyi gelinayo isla markaana lagu dabar goynayo wixii dhibaato iyo meel ku dhac ku ah Diinta.
VIDEO: Haddii aad maqli jirtay JIN iska tumka bal daawo & dood ka taagan
Caasimada Online: Barnaamijka Kulanka Xamdi oo lagu soo qaatay Qodob muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed kaas oo ka hadlayay Arimo Xasaasi ah oo ay u baahan tahay Bulshada Soomaaliyeed in ay wax ka ogaadaan.
Hadaba garaacista Mingiska ama Dabeebka Jiniga qofba siduu u yaqaano ma yahay arinkaasi mid sharciga Islaamku uu qabo mise banaan tahay in arinkaasi la sameeyo, Culimo Soomaaliyeed iyo Dhaqaatiir ayaa ka jawaabaya arimahaasi ee nala daawo Video-gani.
HALKAAN KA DAAWO:
Wada hadalladii Addis-Ababa oo meel xasaasi ah maraya iyo xubno J/Land ah oo la soo jeediyey in xilka laga qaado
Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Ethiopia, waxaa lagu wadaa caawa ama berri in la soo gabagabeeyo shir muddo seddax cisho oo xiriir ah uga socda magaalada Addis Ababa, wafdi ka kala socda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.
Wariyaha oo la hadlay ilo ku dhow shirka, waxa ay u sheegeen inta badan in qoddobada shirka looga hadlay in lagu heshiiyay, balse ilaa hadda aan xal laga gaarin labo qoddob oo muhiim loo arkay.
Qoddobada ilaa hadda waqtiga badan qaatay ayaa kala ah:
1-In dowladda lagu soo wareejiyo inta dhimman maamulka Jubblanad oo uu ku jirro xubnaha maamulka iyo sida ay loo soo xuli doono.
2-In go’aan kama dambees ah laga gaaro magaca rasmiga ee loo bixinaayo maamulka loo dhisaayo seddaxda gobalk ee kala: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Waxaa jirra warar sheegaya in la soo jeediyay in la saxiixo qoddobada lagu heshiiyay, dibna loo dhigo labadan qoddob ee ilaa hadda la isku mari la’yahay.
Sidoo kale, wafdiga dowladda waxa ay maamulka Axmed Madoobe ka codsadeen in madaxweyne ku-xigeenka Jubbland laga bedeli Cabdilaahi Ismaacil Fartaag loona dhiibo qof kale oo ka soo jeeda beelaha degga seddax gobal.
Tani waxaa lagu macneeyey gor gortan DF ay ku dooneyso inay saameyn ballaaran ku yeelato maamulka Axmed Madoobe, ayada oo rumeysan in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkaba ay isku dhinac yihiin aysan marnaba wasiiro ay ku yeelato saameyn yeelan karin.
Si kastaba, waxaa jirta biseel ka muuqda labada dhinac iyo tanaasul, waxaana laga yabaa in caawa ugu dambeesay uu soo baxo heshiis rasmi ah.
Waxaa shirka ku sugan xubno ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar iyo danjiraha gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.
Haddii uu dhammaado wadahadalka, waxaa labada wafdi ay u ambabixi doonaan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia.
Shirka saxaafadda looma oggola, waxaana inta badan uu yahay mid alaabada uu xiran yahay.
Wixii warkan ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
DEG DEG: Qarax ka dhacay Baydhaba
Baydhabo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow qarax weyn laga maqlay xaafad ku taalla magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.
Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Shabakadda Caasimada Online, qaraxa oo ka dhacay halka lagu magacaabo Shaleemo Shantaraale ee magaalada Baydhabo, waxaana lala eegtay guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda magaalada Baydhabo.
Qaraxa oo ahaa mid gacanta laga tuuray, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ilaalada guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda Baaydhabo.
Qaraxa marka uu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamo boolis ah, kuwaasoo goobta baaritaan ka sameeyay.
Ma ahan qarixii ugu horeeyay ee lagu weeraro mas’uul ka tirsan maamulka magaalada Baydhabo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Baydhabo
Dhageyso: Xubnaha Jubaland ee wada hadallada oo hadlay iyo arrimo muhim ah oo ay shaaca ka qaadeen
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wada hadalladii dowladda Somalia iyo kooxda Axmed Madoobe ayaa weli ka socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayada oo ay weli jiraan caqabado xooggan oo diidan in heshiis la gaaro.
Qodobka illaa iyo hadda sida aadka ha loogu kala fog yahay ayaa ah in magaca Jubaland la beddelo.
Dowladda Somalia, ayaa ku doodeysa in maadaama maamulkan ka dhaxeeyo Jubbooyinka iyo Gedo aysan suurta gal ahayn in loogu magac darro Jubaland, taasina ay meesha ka saareyso Gedo.
Dhinaca Axmed Madoobe ayaa ayagana ku adkeysanaya in magaca Jubaland aysan ka tanaasuleyn, taasina waxa ay keentay in dowladda ay dib ula laabatay qodobadii ay horey u ogolaatay, maadama ay sheegeen in dhinaca Axmed Madoobe aysan diyaar u ahayn inay sameeyaan wax tanaasul ah.
Qodobada la sheegay in DF ay dib uga laabatay waxaa ka mid ah aqoonsiga Jubaland.
Cabdinaasir Guure Faarax (Jeer) oo ah la taliyaha Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah ay u gudbiyeen in aysan ahayn maamul doonaya gooni isu tag, balse ay doonayaan in ay dowladda federaalka ay ka mid noqdaan.
La taliyaha madaxweyne ku -xigeenka Jubbaland Cabdinaasir Guure Faarax (Jeer) ayaa waxaa uu sheegey in madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh inuu aqbaley maamulka Jubbaland inuu madaxweyno ka noqdo Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) halka uu madaxweyne ku-xigeena uu yahay Fartaag,nmaamulkuna labmagac bixii doono Jubbaland.
Jeer ayaa ku eedeeyey xubnaha dowladda u matalaya wada hadallada inay ka baxeen qodobo horey uu madaxweyne Xasan u ogolaaday sida uu sheegay, ayna ku jiraan xildhibaano uu ugu yeeray kuwo fidno wadayaal ah.
Wareysiga ayuu Jeer ku faah faahinayaa halka ay wada hadallada marayaan.
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]
DF oo QM ka codsatay in xayiraadda laga qaado mid ka mid ah gacansatada ugu caansan uguna taajirsan Somalia
Muqdisho(Caasimada online) Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa oo ay yeelan jireen maalin waliba oo Khamiis ah ayaa waxay ay maanta diirada ku saareen Ganacsade Axmad Nuur Jimcaale oo xayirad ay kusoo rogtay QM , iygoona codsi ku adan in xayiraadaas laga qqado u diray QM.
Gaba gabadii kulanka golaha wasiirada waxaa ka soo baxay warsaxafadeed ku qotomay kulankooda maanta.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan
Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyagoo uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xariira amniga, falkii shalay lagu dhaawacay haweeney u dhalatay dalka Sweden iyo codsi ay u jeediyeen golaha ammaanka ee Q/midoobay oo la xariira in dib loogu celiyo xorriyadiisa dhaqdhaqaaq ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.
Ugu horeyntiina, Golaha Wasiirada waxay warbixin dheer ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana uu golaha uga waramay xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, isaga oo sheegay in kooxo shalay fal toogasho ah u geystay gabar u dhalatay dalka Sweden iyo labo muwaadin Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in laamaha amnigu ay si deg deg ah ugu howlgaleen baarista dhacdadan ayna gacanta ku hayaan dad lagu tuhmayo inay ku lugleeyihiin, welina ay ku daba jiraan kuwo kale oo ka tirsan abaabulayaasha falkan.
“Runtii waxay aheyd nasiib daro qof dalka u yimid inuu ka qeyb qaato horumarinta shacabka in la dhibaateeyo, waxaana wadnaa baaris adag oo la xariira cida falkaasi ka dambeysay si talaabo adag looga qaado” ayuu yiri Wasiirka oo warbixin siinayay Golaha Wasiirada.
Gabagabadii kulanka, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, wuxuuna xusay in Golaha Wasiiradu ay kulankooda diirada ku saareen xaaladda amniga dalka.
Sidoo kale, kulanka golaha ayaa lagu dhegeystay warbixin la xariirta qorshaha Boliiska Soomaaliyeed ee afarta sano ee soo socota 2013-2017, waxaana qorshahan oo aad u ballaaran soo bandhigay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana qorshahan ku jira in la horumariyo tayada, tirada iyo tababarada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u fududaato sugida amniga dalka.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Golaha Wasiiradu ay aad u dhegeysteen warbixin ay soo bandhigeen guddi loo xil saaray inay soo baaraan eedaha sheegaya in ganacsade Axmad Nuur Jimcaale uu ku lug leeyahay falal argagixiso. Taasoo sababtay in golaha ammaanku ay xayiraan dhaqdhaqaaqiisa.
Guddigan oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee dawladda Federaalka, khabiiro amni, iyo xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ayaa in muddo ah waday baarista xogta la xariirta eedaha loo jeediyay ganacsade Axmad Nuur Jimcaale. Isaga oo tilmaamay in Howlwadeenada baarayay eedahan ay la xariireen dhamaan cid kasta oo ay xog ka heli kareen, ayna safaro ku tageen dalal dibadda ah. Sidoo kalena ay wareysteen qeybaha bulshada, gaar ahaana Culimo, odayaal, ganacsato, iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge ayaa ugu dambeyntii sheegay in golaha Wasiirada dood dheer kadib, ay go’aamiyeen in Mudane Axmad Nuur Jimcaale laga qaado xayiraada, loona soo celiyo xorriyadiisa shaqsiyadeed.
“Dawladda Soomaaliyeed waxay beesha caalamka ugu baaqeysaa inay ku tixgeliso go’aankan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo dhanka kale xusay in go’aakan ay u gudbin doonaan si deg deg ah golaha ammaanka ee Q/midoobay, wuxuuna dhanka kale xusay in go’aankani qeyb ka yahay dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo in dawladda Soomaaliyeed ay taageerto illaalinta xaquuqda, sharafta iyo hantida Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhageyso hadalka Wasiirka Warfaafinta .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Sawirro: Madaxweyne Xasan oo arrin Farxad leh ka sameeyay Muqdisho iyo guul usoo hoyatay shacabka Xamar
Xasan Shekh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladiisa ay ku faraxsan tahay dhismaha Dugsigaan cusub ee Degmada Wadajir laga sameeyay,isaga oo tilmaam ka bixiyay in dad badan oo Soomaali ah ay ka faa’iideesan doonaan tababarka.
Mohamet Salah Anadif, Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ahna madaxa AMISOM ayaa halkaasi ka sheegay in AMISOM iyo Denmarka ay iska kaashadeen furitaanka dugsigaan dhalin badan oo Soomaaliyeedna ay ka faa’iideesan doonaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa hore waxay u sheegtay inay wax ka qaban doonto goobaha wax barashada dalka iyadoona shaaca ka qaaday inay horumarin ku sameyn doonto nidaamka waxbarasho ee dalka.
Daawo Sawirrada: sida Kismaayo looga farxay wixii ay iska diiday Puntland
Kismaayo (Caasimada Online) – Markabkii raashiinka gar gaar siday oo ay Puntland iska diiday, ayaa ku xirtay dekedda Kismaayo, halkaasi oo gawaarida xamuulka ah looga daabulay raashiinkii saarnaa, islamarkaana lagu billaabay qeybin.
Meel ku dhow dekedda magaalada Kismaayo, ayaa waxaa isugu soo baxay dad weyne aad u tira badan oo gebigood doonaya inay wax ka helaan gar gaarkaasi ay walaalaha Turkigu ay ku caawinayaan umadda Soomaaliyeed.
Waxa ay siteen calanka dalka Turkiga iyo kan hay’adda bisha cas ee Turkiga, waxaana ay shegeeen inay aad ugu faraxsan yihiin gar gaarka lasoo gaarsiiyey, islamarkaana aysan sida Puntland oo kale maranaba diidi doonin.
Daawo Sawirrada
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]
VIDEO: Arrin Mucjiso ah oo caalamka ka yaabisay oo ka dhacday Japan
Caasimada Online: Wadanka Jabaan ayaa waxaa ka dhacay arin Mucjiso ah oo ka yaabisay Malaayiin qof oo u dhalatay Wadankaasi taas oo ah Mucjiso dhanka alle ka timid.
Mucjisadaan marka aad aragto waxaa dareemeysaa in allaah uua woodo wax kasta waana arin u baahan in lagu cibro qaato ee nala daawo adaa argagixi doono.
HALKAAN KA DAAWO:
Waa kuma Danjire Axmed Cabdi Salaan, Muxuu soo kordhin doonaa?
Danjiraha Cusub ee Dowladda Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa, Axmed C/salam Xaji Aadan ayaa warqadihii aqoonsiga laga guddoomay, waxaase su’aashu ay tahay, muxuu kusoo kordhin karaa Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya?
Madaxweynaha Itoobiya iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa daris-wanaaga labada wadan.
Dadka u kuur gala Siyaasada Soomaaliya ayaan wali saadaalin karin doorka Axmed C/salaam uu ka qaadan doono xal u helidda shakiga iyo khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Axmed ayaa saaxiib weyn la ah wadanka Itoobiya, waxaana la sheegaa in uu gacan saar la lahaa Hogaamiyihii geeriyooday Meles Zanawi, waxaana Axmed C/salaam lagu xasuustaa xalkii uu ka gaaray dhibaatadii Allaha u naxariistee C/llahi Yusuf oo uu ku guuleystay inuu uga dheereeyo Itoobiya, kadibna uu ka saaro Shaashada Siyaasadda Soomaaliya, ilaa markii dambe ay IGAD ku qasabtay Col. C/llahi Yuusuf inuu ka baxo Soomaaliya oo uu dego waddanka Yaman.
Col. C/llahi Yusuf ayaa markii uu dhiman rabay ku dardaarmay in Soomaalidu ay iska ilaaliso Itoobiya, oo uu ku sheegay inay isaga badeen dhibaato iyo ciil ku dambeeyay inuu musaafuris ugu noolaado wadanka dibadiisa.
Col. C/llahi Yusuf ayaa si cod dheer ugu sheegay buugiisa in Itoobiya ay mas’uul ka tahay burburka daba-dheeraaday ee Soomaaliya ay ku jirto hada, wuxuuna Col. C/llahi Yusuf u muuqday nin hilmaamay inuu isagu ahaa ninkii ugu horeeyay ee u galay Itoobiya kadibna uga soo duulay Soomaaliya gudaha Itoobiya, maadaama uusan isagu qiran qaladkiisii cafisna uusan ku warsan umadda Soomaaliyeed buugiisa uu qoray.
Su’aasha hada isweydiinta mudan waxay tahay, Axmed C/salaam ma wuxuu noqon doonaa muwaadin Soomaali ah oo Itoobiya ka dhaadhiciya in danta labada wadan ay ku jirto inay heshiiyaan kuna wada noolaadaan nabad iyo darisnimo wanaagsan. Mise wuxuu noqon doonaa saaxiib Itoobiya oo danta Itoobiya uga dhex fuliya dowladda Soomaaliya?…Waqtiga ayaa sheegi doona.
Xigasho: Keydmedia.net
DHAGEYSO: Addis-Ababa wada-hadal ayaa ka socda, Kismaayo-na waxaa loo qorsheynayaa dagaal (Maxaa cusub?)
Kismaayo (Caasimda Online) – Iyadoo Magaalaada Adis Ababa uu kulan uu wada hadal uga socdo Maamulka Axmed Madoobe iyo Dowlada Soomaaliya, ayaa arintaas waxaa ka hadlay Saraakiisha Ciidamada Maamulka dhawaan Kismaayo looga itaalka roonaaday ee Barre Aadan Shire Hiiraale, oo sheegay inay qorsheynayaan dagaal shardiyeysan.
Xiish Maxamed Axmed oo ah Xoghayaha gaarka ah ee Barre Hiiraale, ayaa sheegay in mamulka Axmed ay dani ugu jirto inay aqbalan qorshaha dowlada ee gobolada Jubbooyinka, islamarkaana wada hadallada Addis-Ababa ay yihiin fursadoodii ugu dambeysay.
Wuxuu sheegay hadii ay dhacdo inay ka dhaga adeegan u hogaansanka dowlada Soomaaliya ay tilaabo cad ka qaadi doonaan isagoo shaaciyay inay weerar ku qaadi doonaan Kismaayo isla-markaana ay ka saari doonaan Maamulka iminka ka arimiya .
Xiish, ayaa isagoo hadalkiia sii wata wuxuu carabka u adkeeyay in si loo joojiyo dhiig mar kale ku data Kismaayo ay haboon tahay in Maamulka Axmed madoobe ay ka dambeeyaan dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay Matasho dhamaan Soomaalida .
Kismaayo waxaa imina ka arimiyo Maamul uu majaraha u hayo Axmed Madoobe, Kaas o sheegtay inuu hogaan u yahay guud ahaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo inkastoo dowlada Soomaaliya ay ku tilmaamtay mid aan sharci aheyn.
Iminka waxaa Dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Adis ababa ku shirsan Mas’uuliyiin ka kala socota Maamulka Kismaayo iyo dowlada Soomaaliya , Kuwaas oo xal u raadinaya arinta Muranka badan dhalisay ee ku aadan Hogaaminta Jubbooyinka iyo Gedo.
Halkan ka dhageyso Xiish
Wareysi-Xoghaya-Barre-hiiraale-Xiish-Maxamed-Axmed
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Laba qodob oo laga cabsi qabo in ay dartood u bur buraan wada hadallada DF iyo Axmed Madoobe (Faah-Faahin)
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wada hadalladii u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo kooxda Axmed Madoobe ee ka socday Addis-Ababa, ayaa mar kale saaka dib u furmay, ayada oo xalay lagu kala tagay kadib dood dheer iyo dhowr qodob oo la isku dhaafi waayey.
Qodobada la isku hayo waa ilaa saddex qodob waxaase ugu weyn laba qodob, halka kan saddexaad oo ah qaabka loo xuliyo golaha wasiirada uusan ahayn mid sidaas usii dhib badan.
Labada qodob ee dhibka ka taagan yahay ayaa ah:-
1 – In magaca Jubaland la baa bi’iyo laguna beddelo magaca maamulka Jubbooyinka iyo Gedo
2 – Iyo in maamaulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo loo gacan geliyo dowladda Somalia.
Kooxda Axmed Madoobe waxa ay ku adkeysaneysaa inaysan marnaba beddeleyn magaca Jubaland, halka arrinta dekedda Kismaayo iyo garoonkana ay sheegeen inay diyaar u yihiin in dhaqaalaha kasoo xarooda dowladda ay qeybteeda ka siiyaan, balse aysan u wada gacan gelin karin maamulka.
Labada qodob ayaa ahaa shardiga ay dowladda horey u raacisay markii ay tanaasul sameysay shalay ayna aqbashay qodobka ah:-
In dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay qaabkii lagu doortay Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa iyo maamulka Jubbland uu ka dhexeeyo seddaxda gobal ee kala ah: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, islamarkaana ay aqbashay jiritaankiisa.
Qodobada kale ee la isku raacay ee aanu muranka ka taagneyn ayaa waxaa ka mid ah qarameynta maleeshiyada Axmed Madoobe iyo dhammaan ciidanka kale ee jooga gobolka.
Labada qodob ee hadda sida aadka ah la isugu hayo, ayaa laga cabsi qabaa inay hormuud u noqdaan in wada hadallada ay bur buraan, waxaana sugeynaa waxa kasoo baxa oo aan idinla soo socod siin doono Insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]
Xog iyo Gorfeyn: Haddii Sheikh Xasan Dahir la sii daayo, maxaa dhici doona?
Sadaashu Mareebano sadkuna waa halkiisii,samaha iyo xumaantuba way is hareera socdaan,Siyaasiyiinta siyaasada Somaaliya udhuun daloola fikir ahaan way ku kala duwanyihiin xaalada Sheekh xasan lakiin waxay isku waa faqeen arimo badan sidan 2+2=4 Hadii Labo lagu daro waxay la mid tahay afar way cadahay,Haduu Gabalku dhaco in ay habeenimo tahay way cadahay,Haduu roob yimaado in dhulka uu qoyaan noqonayo way cadahay, Hadii la- adimo in salaada la dukanayo way cadahay,Hadii aad dhimato in aduunka aad ka dhamaatay way cadahay,Asalaamu calaykum waxaa ku xigo waa Wacalaykuma salaam,way cadahay.
Tusaalooyinkaan iyo kuwa lamidka ahba waxay qolooyinkaan usoo qaateen cinwankeena kore ee ah Sadaasha hadii Sheekh xasan la sii daayo maxaa dhacaayo???? Way cadahay
Dadka udhuun daloola arimaha Somaaliya lana socoday isbadalka somaaliya si hoosane ula socdo xaaladda Somaaliya,Aqoon Durugsana uleh Sheekha Xasan, Waxay yiraahdeen hadii sheekha lasiidaayo waxaa dhacayo arrimahan hoose
1-In xasiloonida yar ee hada jirto in ay si toos ah u bur-burayso
2-in Qolada Sheekh xasan uu ka dhashay ay dadka ku dili doonaan iyagoo shaar Diimeed huwan, taargad-kooduna waxa uu noqon doonaa intii taageersan Dowlada iyagoo toos ubeegsan doono Qolada uu ka dhashay Madaxweyne xasan .
3-Madaxweyne xasana Qoladiisuna waxay ku howl geli doontaa Shaar Dowladeed iyagoo bar tilmaamaysan doono Qolada shiikha iyo inta taageersan Sheekha
4-waxaa dhici karto in si sahal ah loo galo dagaal ahli ah kaas oo oo ummado badan jalaafan karo
5- in beesha caalamku ay kal soonida Dowlada kala noqdaan maadaama Sheekh xasan uu ku jiro liiska dadka ay calaamku baadi goobka ugu jiraan
Qolooyinka kale ee iyagu siyaasada Somaaliya geeska kale ka eego waxay qabaan fikir kale.
1- Dowladu ma sii daynayso maxaa yeelay hadii ay sii dayso way ujeedaa xasan in uu yahay nin aan ku qancaynin gurigaada iska seexo halkaas nabad ku joog oo waxay leeyhiin Sheekh xasan waxaa uu lee yahay Waa Dagaalamaa Ideey ,Dadka aan Dilee ideey,Dam- Dam ayaan ahee ideey,
Madax weynahana waxa uu leeyahay Duqiyoow Dukee Ducayso, Dad waa dhamaadee Dadkaada dhinac karaac.
2- Sababta labaad aan loo sii dayn doonin waxay leeyihiin hadii lasii daayo waxay la mid tahay Madaxweyne xasan in uu isaga istoogtay oo bistoolad uu madaxa isaga toogtay maxaa yeelay dowladiisa ayaa halkaas ku dhacayso oo cid kale oo sharciga la hor keeni doono ayaan jiri doonin taana waxay la micno tahay Dowlad majirto. Xasan iyo xukunkiisuna uu halkaas ku soo gabo gaboobayo.
3 – Sheekh xasan Milatari ahaan hadda xaalkiisu waa hooseeyaa inta Taageertana qof walbo hada lafihiisa ayuu la baqaa sababtoo ah dhaqaalo yari iyo maanta caalamka ayaa arimaha somaaliya indhaha ku hayo, Tujaartii taageeri jirtay mid walbo waa la taraakin-gareeyaa maanta xitaa dhaq dhaqaaqooda ayaa laga warhayaa, xitaa safaradooda ayaa lala socdaa oo sheekh xasan dhaqaalo iyo milatariba xagaasi waa uu ka liitaa, Meelihii uu hubka ka heli jirayna sida Dowladii Eratareeyana waxaa culees saaray caalamka.
4 – Madax weynuhu haduu deeyo waxaa cadaanayso, koow in Hawiye Dowladnimo uusan rabin labo in Madaxweynuhu ay lug ulaabantahay xantii lagu xamanaayayna ee ahayd in uu ku jiro urur Diimeed ayaa cadaanayso , sidaas ayayna caalamku ku kala tagi doonaan,Madaxweynuhu haduu sheekhu sii daayo isagaa baxar kujira.
5 – Dowladaha Deriska aynu nahay oo dhan Sheekh xasan lama soo marsiin Karo taana waa arin dhibteeda leh oo aan la dhayalsan Karin.
6 – Go’ aanka kama danbeesta ah waxaa leh Amisom, Dowladu waa Dowlad ku dhisan taageerida AMisom,qubaradaani waxay leeyihiin hadii nabad Muqdisho ay noqoto howshii amisom ujoogtay xamar way dhamaanaysaa marka ma doonayaan in mashruucaan uu ka dhamaado marka sii deeynta sheekha dan bay u arkaan way hubaan sheekha hadii lasii daayo in uu maalinka xigo xamar Dagaal noqonayo iyagana howshooda ay micno uyeelanayso , waxaa laga yabaa xitaa inay hubka fud-fudud siiyaan Amisom sheekha si uu u bilaabo dagaalada ee mashruuca muqdisho uu unoqdo Faanoole fari kama qodna.
CIIDANka AMISOM
Qubaradani waxay yiraahdeen ciidan ahaan lama dhayalsan karo xag walbo maxa yeelay waa ciidan loojistikada ka dhisan waxaana ka taageero Ciidamada Naato oo xagaasi kama cabsi qabaan , Cilmiladana kama baqaanoo waa qolo kuleylka u adkaysankarto, waana ciidamo diyaarsan xag walbo caalamkuna taageerayo , ilaa ula jeedkii lookeenay lagaaro, ulajeedkuna ma sahlano in laga faalooda cid hada sahal ugaran karto ma jirto marka laga reebo kheyraadka Dalkeena laga rabo iyo goobta dhulkeenu uu maabka Dunida uu kaga yaalo intaa iyo wax ku dhow dhow baan qiyaasi karnaa lakiin arintu way ka sii fogtahay
Madax weyne Hasan
Waa nin Dal & Dad baaba san ayaa loo dhiibay, isagoo siyaasada ku cusub , la taliyaalkiisuna ay liitaan, Saxiibkiisa iyo cadowgiisana aan weli kala garan, culeesyo dhaqaale & mid milatari wuu jiraa, laakiin guul waxa uu ka gaaray siyaasada Arrimaha Dibadda.
Waxay leeyihiin laba talaabo haduu qaado waa guulaysanayaa Siideynta Sheekh xasan,haduu talaabooyinkaan uusan samaynin uu iska sii daayo Sheekh xasan alaha unaxriisto waa ku daayay isagaa god isku tuuray. Hadii ay talada ku soo dhamaato in aad sii dasyo sheekh xasan waxay leeyihiin waxaan siinaynaa Labadaan Tallo ee uu dib uga faaiidi doono in uu sameeyo Madaxweynaha.
Tallada koowaad Ragii ka qaybqaatay dagaaladii sokeeye oo dhan ee joogo Goobaha ay Dowlada gacanta ku hayso in sida u dhaqsiyaha badan loo soo taago Maxkamad cadaalad ah, kuwa jooga Gobolada aysan Dowladu maamulina waa in ay liis ahaan Maxkada ugu soo gudbisaa iyagoo ka maqan, xukuna lagu ridaa, kuwa Qurbaha joogana ay Dowladaha ay la joogaan u soo gudbisaa liiskooda kana codsataa in Dalka dib loogu soo celiyo maadaama Dowlada Somaaliya la aqoonsanyahay.
Tan labaad Sheekh xasan sii dayntiisa iyo waxa ay kula heshiiyaanba hal qodob ayaa muhiim ah in uusan dagaal iclaamin Karin kana qayb qaadan Karin ee cajalad halaga duubo caalamka oo dhana marqaati ha ka noqdaan,oo si toos oo Live TV Qaran halooga sii daayo.
Arinkan waxay Tusaale uga soo qaateen wadanka CHAD arinkii kadhacday ee dhexmartay Hussein Habri & Kukunie wadeey oo markii danbe Hussein habri heshiis lagay Dowladii kukuuni-wadeey Kadibna TV5 ee Faransiiska arinku qayb ka qaatay taas ayaana maanta marqaati ku ah oo maxkamad caalami ah ayuu ku sugayaa Marqaati waxaa ku ah cajaladii laga duubay.
Sheekh xasan marqaati halooga dhigo TV Qaranka ,ummadda Somaaliyeed & Beesha Caalamka, waa hadii uu yeelo in uu yeelayo loo malaynmaayo sababtoo ah waxa uu damac sanyahay waa uu ogayahay,haduu yeelo taasna waxay noqonaysaa heshiiska lagu sii daayo haduu ka baxana in lagu maxkamadeeyo, Taageerayaashiisuna ay ku qancaan waloow aysan qancaynin sida qubaradu ay sheegeen ilaa uu ka noqdo madax weyne maqan-cayaan.
Saadaashu waxay tahay Mugdi & Mashruucyo badan oo is dhinac yaalo Sheekhu inta uu noolyahay waxay u badan tahay in uu Dagaal ku dhameesto ama in uu xabsi kujiro, ama in uu noqdo ugu danbeenta Madaxweyne oo ah Daawada sheekhu ku caafimaadi karo, Lakiin qubaradu waxay yiraahdeen taageerayaashiisu 56% marabaan Dowlad, nidaam iyo kala danbeen maxaa yeelaya 2004 Dowlad bay heleen ee uu hogaaminaayo Dr Cabdi qaasim wayna diideen sababahaasina weli way taaganyihiin haduu sheekhu madaxweyne noqdo la arki doonee sida xaal noqdo.
W/Q: Mohamed Adkeeste
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online
Fadeexad ka dhalatay weerarkii lagu qaaday haweeneydii Swedish-ka
Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ayaa saacado kadib waxay gudaha u galeen Xarunta Jaamacada Somalia, halkaasi oo aheyd meeshii ay kasoo baxday Haweeneydii Swedan u dhalatay ee la weeraray oo dhaawac fudud soo gaaray.
Haweeneydan ayaa la ogaaday in soo galisteeda Muqdisho aysan jirin cid ka tirsan Dowladda oo ka war heysay hadeyn ahaan laheyd waaxda socdaalka ama hay’addaha amniga, taasoo lagu ogaaday baaritaankii ciidamada nabadsugida sameeyeen.
Sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxa Shaqaalaha Shaqada ee Jaamacada Somalia C/laahi Maxamuud Maxamed, in ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay xarunta jaamacadda soo galeen isla markaana kaxeysteen Sedaxda Mas’uul ee ugu sareysay Jaamacadda.
Wuxuu sheegay Cabdullaahi in la geeyay xarunta danbi baarista ee CID halkaasi oo mudo Shan saacadood ah ay u xernaayeen ciidamada Nabadsugida, wuxuuna intaa raaciyay in su’aallo laga weydiiyay waxa ay aheyd haweeneydan, cidda mas’uulka ka aheyd iyo ujeedada ay u socotay.
C/laahi Maxamuud Maxamed ayaa sheegay inay u sheegeen Hay’adda CID-da, inaysan iyagu Magaalada Muqdisho keenin haweeneydaan, sidoo kalana aysan iyagu masuul ka ahayn ammaankeeda, balse ay keeneen niman kaloo Soomaali ah, ayna ku soo xireen Jaamacadooda, kadib markii ay jecleysatay inay Siminaar ka bixiso muddo laba cisho ah.
Mas’uulkan ayaa sheegay in markii wax danbi ah lagu waayay Shan saacadood kadib lasii daayay.
Arintan ayaa muujineyso in Dowladda Somalia aysan waax war ah u haynin dadka ajaaniibta ah ee soo galaya gudaha dalka Somalia, gaar ahaan xarunta caasimada ee Muqdisho oo Dowladda xarunteedu tahay, waxayna fadeexad ku tahay hay’addaha socdaalka iyo kuwa amniga.
Horay ayaa Dowladda waxaa loogu eedeeyay inaysan waxba kala socon Ajaaniib kusoo qulquleysa magaalada Muqdisho isla markaana aysan ka war qabin howlaha ay ka wadaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Isha: Warfaafiye.com
DHAGEYSO: Saacid oo ballan qaaday in 1 arrin aysan marnaba dhici doonin
Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli ay jiraan culeyso dowlada Soomaaliya kaga imaanaya qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka sida Puntland Ahlu Sunna iyo waliba maamulka Axmed Madoobe, ayay Xukuumada Soomaaliya waxay mar kale ku celisay inaysan xabad wax ku dooneyn balse ay xal wax ku raadineyso.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid” Ra’isul wasaaraha Umadda Soomaaliyeed , ayaa sheegay inuu ballan qaadayo in marnaba aysan dhici doonin xoog wax ku muquuniyaan, isaga oo sheegay in xabad wax lagu xaliyo ay ka wanaagsan tahay in la wada hadlo isagoo sheegay in siyaasada dowlada aysan qeyb ka aheyn dagaal in wax lagu raadiyo.
Wuxuu sheegay Wasiirka koowaad ee xukuumadda in marka uu dhaco khilaaf uusan aheyn in la dagaalamo oo xabad la isku qaato balse danta ay ku jirtaa in lawada fariisto oo si siyaasad ah loo xaliyo cabasho waliba uu qabo qofka doonaya in laga qeybgaliyo talada dalka
Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan aheyn mid Militari isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo xal iyo wada hadal wax ku dooneyso isagoo sheegay in qof waliba oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay in laga qeyb galiyo Siyaasada dalka.
Ra’isul wasaare Saacid” ayaa sheegay inay iyaga mas’uuliyad ka saaran yahay hogaaminta dalka waxaana uu shaaciyay in hogaan wanaagsan ay ku hagayan bulshada , waxaana uu tilmaamay inay muhiim tahay in qof waliba uu ogaado inuu xalka dalka uu qeyb ka yahay isla-markaana uu xilgaar ah isi saaro.
Dhageyso Ra’iisul Wasaaraha
Halkaan ka dhageyso Ra’isul wasaare Saacid
Dhawaan Maamulka Puntland ayaa sheegay iny go’aan cad ka qaatay dowlada Soomaaliya kadib markii sida madaxda maamulkaasi ay sheegeen ay dowladu wax ka badashay Dastuurka dalka, Sidoo kale Mas’uuliyiin u hadlay maamulka Ahlu Sunna waljamaaca ayaa sheegay inay dowlada Soomaaliya kaga baxday hesshiis ay wada qaateen .
Dhanka kale waxaa jira Siyaaasiyiin qaswadayaal ah oo Mooshin ka dhan ah dowlada Somalia ka wada Kenya iyadoo arimahaasi oo dhan ay jiraan hadana dowlada Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku dadaalaysa inay is badal ku hogaamiso dalka .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Kenya oo laga caawinayo qorshaha ay ka damacsan tahay Soomaali…
Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Belgium ayaa sheegtay inay ka taageerayso dowlada Kenya sidii dib dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan dalkaasi, sida uusheegay wasiir arimaha dibada ee dalka Belgium
Wuxuu sheegay in dowlada Belgium ay qabaneyso shirk u saabsan arimaha Soomaaliya kaasi oo ka dhacaya caasimada dalkaasi, kaasi oo looga hadli doono arimo badan oo ku sabsan dalka Soomaaliya, sida dib u Celinta qaxootiga Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay inay dhankoda dhanka nabada ay ka taageerayaan dalka Soomaaliya, ayna soo dhaweynayaan hadalka dowlada Belgium.
“Ka wadan ahaan, waxaan u baahanahay saaxiibo naga caawiya sidii aan u awoodi laheyn dib u celinta qaxootiga oo ku jira xerrooyinka qaxootiga”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya.
Dalka Kenya waxaa ku sugan qaxootiga ugu badan adduunka.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Arrin aad u xun oo ku sii kordheysa Somaliland & mas’uuliyiin la sheegay…
Faragalinta odeyaasha dhaqanka iyo maqnaanshaha fulinta sharciga ayaa wiiqaya dacwad soo joojinta kiisaska sii kordhaya ee kufsiga gobolka Somaliland.
In kabadan 180 haween iyo carruur Somaliland ku nool ayaa la kufsaday intii u dhaxaysay bishii January ilaa 18-kii August, sida ku cad diiwaan-galin ay sameysay Xarunta Baahi-Koob, oo ah xafiis ay yimaadaan dhibanayaasha kufsiga oo ku dhex yaal Isbitaalka Guud ee Hargaysa. Xarunta ayaa la talisa dhibanayaasha, waxa ayna ku sameeysaa baaritaan caafimaad, waxa ayna kiisaskooda u gudbisaa bilayska iyo garsoorka.
“Bil kasta iyo sannad walba xadgudubyada kufsigu way sii kordhayaan,” ayuu yiri madaxa barnaamijyada Baahi-Koob Cabduqaadir Axmed Maxamed. Waxa uu sheegay in 30% xaaladahaas lasoo wariyay loo fuliyay si wadareed, iyada oo 55% dhibanayaasha ay da’doodu ka yartahay 15 sano.
Xaruntan oo dhidibada loo aasay 2009-kii, ayaa waxa caqab ku ah dhaqaale la’aan, iyada oo ka howlgasha hal xarun. Yoolalka ugu waaweynee ay xaruntu hiigsanayso waxaa ku hor gudban caqabado dhowr ah, sida faragalin dhaqanka ah, dabacsanaanta sharciga ee ku aaddan dambi kusoo oogista kufsadayaasha lasoo eedeeyay iyo bulshada oo aan aqoon u laheyn soo warinta kufsiga waqtiga uu dhacay, ayuu sheegay Maxamed.
Waxaa intaa dheer, shaqaalaha caafimaadka ee xarunta Baahi-Koob ma haystaan qalab ama tababar ku filan oo ku aaddan sida si sax ah loogu ururiyo caddeyn jismiyeed oo loo isticmaali karo maxkamadda. Afar meelood meel kiisaska ay gacanta ku dhigto Baahi-Koob waxa ay ku dhammaadaan caddeyn la’aan marka maxkamadda loo gudbiyo, ayuu yiri Maxamed.
Wax ka yar 20% kiisaska ay Baahi-Koob maamulka ammaanka u gudbiso ayaa la xukumaa maxaa yeelay odeyaasha dhaqanka ayaa la wareega kiisaska xitaa iyada oo dhagaysiga maxkamadda uu socdo, ayuu yiri.
Waxaa jira seddex hab oo garbo siman oo lagu xaliyo khilaafaadyada ka dhaca Somaliland — mid waxa uu ku salaysanyahay caado dhaqameed waxaana majaraha u haya odeyaal dhaqan, midna waxa uu ku salaysanyahay shareecada, halka kan kalena uu ku qotomo xeerka ciqaabta Somaliland — taa oo dambiilayaasha u oggolaanaysa in ay qaataan xukunka iyaga maslaxaddu ugu jirto.
Inkata oo xeerka ciqaabta uu dhigayo in 15 sano lagu xukumo kufsiga, haddana majirto maxkamad abid xukun intaa la eg ku ridday kufsade la xukumay, ayuu yiri Maxamed.
“Waxa dhacda in xadhig hal sanno ah lagu xukumo, kadibna uu qofku markiiba iibsado,” ayuu yiri.
Si walba oo ay ahaataba, Maxamed waxa uu soo dhoweeyay xukun 10 sano ah oo 4-tii August ay Maxakamadda Gobolka Maroodi Jeex ay ku ridday 20 kamida 21 nin oo lagu helay kufsi wadareed ay u geeysteen labo haween ah oo Hargaysa ka dhacay July 2012-kii. Eedaysanaha soo haray ayaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.
“Kani wuxuu ahaa xukunkii ugu wanaagsanaa ee dawladdu ku rido koox kufsi-wadareed geysta, sidoo kalena waa kii ugu adkaa ee kiisaska kufsiga guud ahaan lagu qaado,” ayuu yiri. Si walba oo ay ahaataba, xukuumaddu waa in ay ka shaqaysaa samaynta iyo fulinta nidaam cadaaladeed kali ah, ayuu yiri, isaga oo hoosta ka xariiqay in waqtigan aannu jirin sharci odeyaasha dhaqanka iyo dadka kale ka mamnuucaya in ay fara galiyaan kiisaska caynkan oo kale ah.
Guur kufsi ah
Kiisaska ay diiwaan-galisay xarunta Baahi-Koob aad bay uga yaryihiin tirada guud ee kufsiga ah ee ka dhacay Somaliland 2013-kii, sida uu sheegayo Axmed Yuusuf Xuseen, oo ah madaxa Dalladda Xuquuqda Aadanaha Horn ee fadhigeedu yahay Hargaysa.
“Sababtoo ah waxay ku kooban tahay Hargeysa, weliba dhibaneyaasha oggolaada inay kiiskooda gudbiyaan,” ayuu yiri Xuseen “Kufsigu weligii heerkan ma gaadhin, wuxuuna Somaliland ka noqday mushkilada ugu wayn ee xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadnaaha.”
Majiro qof xaqiijin kara kufsiyada kale ee ka dhacaya Hargaysa ama qaybaha kale ee Somaliland, ayuu yiri. “Waxaanu ku baaqaynaa in si degdeg ah xal loogu helo dhibaatadan,” ayuu yiri Xuseen.
“Marka kooxo dhalinyaro ama rag ahi kufsi kula kacaan gabadh keliya, waxa dhacda in ay dhinacyada dhib-geysteyaashu qaybsadaan lacag xaal ah oo ay qoyska dhibanaha siiyaan,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in xitaa qaar kamid ah dhibanayaasha lagu khasbo in ay guursadaan kuwii kufsaday taa oo qeyb ka ah in maxkamadda laga dhex saaro qoysaska iyada oo ay mukhalasiin ka yihiin odeyaasha dhaqanka.
Badi lacagta xaalka ee kufsiga lagu kala qaataa kama badna 5 milyan oo Somaliland shillin ah [$760), ayuu yiri Xuseen.
“Sida aanu ka warqabno, cida sifahan la isugu guuriyo waxa dhaca furniin degdeg ah muddo aan lix biloodba ka badnayn,” ayuu yiri. “Sababtoo ah niyad-jabka ay gabadhu ka dhaxasho gefka loo geystay.”
Wali, waxaa jira calaamado muujinaya horumar laga gaaray dacwad soo joojinta kiisaska kufsiga, sida uu sheegayo Xuseen Jaamac Guuleed, oo lataliye sharci iyo mid farsamo ka ah xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland.
In ka badan 134 qof oo lagu soo oogay 67 kiis oo kufsi ah ayaa la xukumay intii u dhaxaysay May 2012-kii ilaa May 2013-ka, ayuu Guuleed sheegay. Tiradani waxa ay ka dhigantahay koror 30% ah marka loo eego xukunnadii dhacay sanadkii hore.
“Waxa muuqata in horumar laga sameeyay barnaamijka ku saabsan wax-ka-qabashada arrintan,” ayuu yiri.
Horumarka ayaa waxa uu ku yimid dadaal iskaashi ah oo dhex maray xafiiska xeer-ilaalinta iyo Barnaamijnka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) oo looga golleeyahay horumarinta hannaanka caddaaladda Somaliland, ayuu yiri.
Qawaaniin adag ayaa jira kuwaa oo loo adeegsan karo in lagu xukumo kiisaska kufsiga, ayuu yiri Guuleed. “Sharci fulin la’aani way jirtaa, laakiin xukun fulin la’aani ma jirto,” ayuu yiri.
“Haddii kiisas kufsigu soo gaadhaan xafiiska Xeer-ilaalinta, way adagtahay in lagula baxo hab dhaqan,” ayuu yiri, isaga oo qiray in faragalinta maraaxisha hore ay wali caqabado ku yihiin keenidda dambiilayaasha kufsiga ee caddaaladda.
Ceel Cadde iyo Sheekh Roobka!!!
Wadaad xume kitaab gaabloow ah , oo aan diinta wax ka aqoon laakiin cimaamad tusbax dheer oo madow iyo khamiis dufan badan xiran ayaa bartamaha 1980ka wuxuu noo keenay dacwad uu ka waday Sheekh Buuni ku ahaa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ,oo markaas soo dagay Magaalo markaas tuulo ahayd oo laga xukumay Garbahaareey , waa ceel caddee , wadaad xumahaas wuxuu noo ahaa nin aan laga daba hadlin oo kacaanka iyo afkaartiisa daacad u ah , waxaana laga jeclaa xarumaha dawlada bacdamaa uu wax waliba oo ay askartu doonayaan uu xaashiyo wax ku qoranaayeen u rogo asuu ku sheegay kitaab.
Waxaan ahaa askari darajadiisu hoosayso, gaardiska waxaa ii dheeraa dugsi quraankii aan ka qalin jabiyay dhawr sano ka hor intaan galin ciidanka qalabka sida ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya , waxaan ka mid noqday dadkii lagu bilaabay qorista iyo akhrinta Farta Soomaaliga , Ololihii la dagaalanka wax qoris la’aanta ayaan kororsaday Qorista iyo akhrinta Afkeenna , laakiin maysan jirin buugaag badan oo lagu qoray afkeena sidoo kale hal joornaal oo ay askartu dadka ku haasaawin jireena nama soo gaari jirin dhaqaale iyo waxay noqotaba.
Markii Sheekh Xassan Daahir Xabsiga la dhigay waxaan ka mid ahaa askartii ilaalada ka ahayd xabsiga uu ku xirnaa Sheekha, la sheekaysigiisa waxaa ka faa iiday micnaha qaybo badan oo Qur’aanka ah iyo dalacsiin la’aan dhanka askarinimo , waxaan bilaabay oo aan ilaa haattan wadaa inaan tukado Salaadaha 5 ta ah hadba siday igu qabato, taliyahagii Mad Yuusuf oo markaas ahaa Kacaan ay seeftiisu banaanka tahay ayaa damcay inuu gudaha i dhigo bacdamaa ay waysadaydu badatay , laakiin waxaa arintaas been yiri ku dhaqankeenna xun ee qabiilka , caradii uu ii qabay ayuu Mad Yuusuf igu qoray badal uu hor kacayay oo Tiyeegloow loo waday.
Muddo aan dheerayn markuu Mad Yuusuf ka ruqsaystay Ciidanka Xoogga ayaa la ii badalay Garbahaareey, bil Ramadaan bartankeed ayaan ka mid noqday unug loo diray Ceel Cadde soona xira Sheekha uu kasoo war sheekooday Wadaad xumaha waddanka laga jeclaa maalintaas , goor casar liiq ah ayaan gaarnay Tuuladii , aniga iyo Muxyadiin Yalaxoow ma ahane Ragga aan la socday waxay dhuuqayeen Sigaar la oran jiray Galayr oo lagu samayn jiray warshadda kaliya ee aan ku bur birin gacan soomaali , 1993 dii ayay UNISOM gantaaladdii ay la dhaceen ku bas beeshay.
Taliye unugeedkii na watay ayaa Amar nagu siiyay aniga Iyo Muxyadiin bacdamaa aan tukano inaan warka sheekhaas u kuur galno anagoo xiran dhar shacab , intaanan sheekha dacwaddu ka timid aanan aadin ayaan dhex marnay tuulada oo dadkeedu iskaba yaraa, waxaan u kuur galnay arinta , la yaabka ugu wayn wuxuu ahaa markay dadkaan la kulanay isku raaceen siduu sheekhaan tuuladaa u yimidba in roobkiiba la waayay , oo sheekhu ma roobka ayuu maamulaa , mayee waa bidci sacuudiga laga soo diray , halkaas markay marayso ayaa maankayga waxaa qalow kusoo yiri Sheekh Xassan Daahir oo aan uga imid xabsiga dhexe ee Muqdisho.
3 kamid ah 4 kitaab oo aan ku arkay qolkuu ku xirnaa ayaan xasuustay magacoodii , Saxiixul Bukhaari , Fiqi Sunnah , Fadxul Majiid iyo mid aan iloobay, waxaana looga yaqiinay xabsiga Kitaabada Suciidiga, Ragga Hanti wadaagga cilmiga ku dhisan aaminay waxay u arkayeen halis ay tahay in laga hortago , goor casar gaab ah ayaan u tagnay wadaadkii kitaab gaablooga ahaa , wuu nasoo dhaweeyay wuxuuna isku dayay inuu na marti sooro , laakiin Muxyadiin ayaa yiri sheekh waan soomanahay , markaasuu yiri Musaafur baad tihiine iska afura , waxaan iri sanadkoo dhan sidaan ayaa shaqa noo aha markaa mar aan daganahay ma jirtee bal noo waran.
Intuu hareeraha iska eegay sidii foodleey mid kale xanteeda maagan hadalkiina hoos u dhigay ayuu yiri waxaa tuulada soo dagay wadaad bidci ah oo sucuudiga lacag laga soo siiyay , Muxyadiin ayaa yiri , ma Sucuudiguu ka yimid , wuxuu yiri haa oo asagaaba ii sheegay , ninkaas hadaan tuulada laga qaban si deg deg ah fidnaa ka dilaacaysa , maxaa ka mid ah ayuu yiri Muxyadiin , wadaadkii ayaa yiri , horta siduu u yimid roob ma imaan , dumarkiina gabdho unbay dhalayaan , dadkana wuxuu ku wacdiyaa , siyaarada qabuuraha waa xaaraan awliyada in la baryo waa shirki iyo shuqul shaydaan.
Amar xagga Muxyadiin ah ayaan arinta u kaadinay oo wuxuu ku taliyay in baaristeeda la badiyo , waxaan fiidkii u tagtay dhowr nin oo aan magacyadooda ka xasuusto , Rafle (Matooraka ninka u shida Tuulada ) , Xassan (ama Xuseen) Gacameey , iyo nin aan magaciisa iloobay oo nalagu yiri wuxuu la dhashay Sheekh Aadan Sheekh C/llaahi , wadaadkii Tafsiirka ka marin jiray Reediyoow Muqdisho Allaha u naxariisto sheekh Aadan. Markaan xoogaa la joognay ayaa waxaan bilownay si doqoni ma garatay ah inaan uga waraysano sheekhan laga cabanayo , waxay noo sheegeen war kii Wadaad xumaha ka duwan , laakiin mataan la ah oo ah inaysan ku farxin imaan shihiisa Ceel Cadde , waxay u badiyeen inuu ninkaan yahay Kacaan diid ayna tahay in Gudaha la dhigo.
Galabkii danbe ayaan u nimid nin oday ah oo la yiraahdo Sheekh Ibraahim kana mid ahaa wax-garadka degmada ceel cadde laga xurmeeyo , waraysiganagii ayaan u dhignay sidaan doonaynay , Sheekh Ibraahim wuxuu na siiyay war kuwii horaba ka duwan , waxaan ka xusuustaa erayadiisii Sheekh Xassan Dheere wuxuu yimid gurigiisii wuxuuna ka yimid Galgaduud iyo guri colaadeed, Ceel Cadana nasiib ayay leedahay haduuba ka doortay inta kale dhulka oo maanta uu degaan u doortay cilmi iyo caqli aysan aduun ku bixin ayaa u yimid.
Muxyadiin Yalaxoow oo ka mid ahaa raggii lagu aas aasay ciidanka nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa wuxuu diyaariyay warbixin dhinacyadii aan la kulanay oo dhan midkoodna ka tagin wuxuuna kusoo gunaaday galab aan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Boqortooyada Ingiriiska kusoo dhagaysanay Guriga uu markaas ka daganaa Sheekh Xassan Dheere Tuulada Ceel Cadde , Laama yeeri guduudan guri ka samaysan ayaan hoos galabeedkiisa kusoo cabnay shaah baraad oo aan ku dhagaysanay warkii galabtaas raadiyuhu siidaayay.
W/Q: F Hiirane
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online
Qodobo horudhac ah oo ka soo baxay wada hadalladii Addis-Ababa iyo kuwo weli la isku mari la’ yahay (Warbixin)
Addis Ababa (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in wafdiga dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ay gaareen dhowr qoddob oo mihiim.
Ilo ku dhow halka uu shirka ka socdo oo la hadlay goordhow Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in dhowr qoddobo lagu heshiiyay balse labo qoddobo oo muhiim loo arkay ilaa hadda aan xal loo helin.
Maxay yihiin qoddobada ilaa hadda lagu heshiiyay?
Sida ay inoo sheegeen ilaha aan warkan ka soo xiganay qoddobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:
1- In dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay qaabkii lagu doortay Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa iyo maamulka Jubbland uu ka dhexeeyo seddaxda gobal ee kala ah: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
2-In Maamulka Jubbland uu aqoonsan yahay dowladda isla markaana uu ku wareejin doono garoonka iyo dekedda Kismaayo
3- In maleeshiyaadka ku sugan seddaxdan gobal la qalabeeyo laguna daro ciidamada dowladda dhexe.
Waxaa jirra qoddobo la isku maan dhaafsan yahay kuwaasoo ay ka mid yihiin:
1-In magac cusub loo sameeyo maamulka seddaxda gobal loo dhisay, lagana beddelo Jubaland.
2-Sida loo magacaabayo golaha wasiirada ee uu yeelanyo maamulka iyo doorka ay dowladda ku lee dahay.
Si kastaba, waxaa jirra warar sheegaya in xubnaha dowladda u matalaya shirka ay soo bandhigeen in ay inta badan xoogga ay iyaga yeeshaan magacaabista golaha wasiirada iyo dhammeestirka maamulka inta hadda ka dhimman.
Waxaa kaloo xubnaha dowladda ay soo jeediyeen in la badello maamulka Jubbland loona bedello maamulka Jubbooyinka iyo Gedo.
In laga guuro magaca Jubaland loona guuro maamulka Jubooyinka iyo Gedo.
Labadan qodob waxaa diidan wafdiga maamulka Jubaland, waxayna soo jeediyeen in magacaabista golaha wasiirada loo daayo madaxweynaha maamulka Sheekh Axmed Madoobe.Wuxuu kaloo wafdiga Jubaland diiday in magaca Jubaland laga guuro oo loo guuro maamulka Jubooyinka iyo Gedo.
Dhinacyada shiraya waxaa ku wehliya kulankooda diplomaasiyiin ka socda waddamada gobalka sida Kenya iyo Ethipoa, IGAD,Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale, waxaa caawan kulan casho sharraf ah labada wafdi Hotelka Sharaton ee magaalada Addis-Ababa ugu sameeyay madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, kulankaas waxaa sida uu sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ka dhex muuqday wajiyo cusub.
Wariyaha ayaa sidoo kale sheegaya in marka loo eego kulanka meesha ka socda in uu u egyahay in dowladda ay aqoonsatay maamulka Axmed Madoobe.
Ma cadda sida ay wax ku dhammaan doonaan, shirka ilaa berri waa uu sii socon doonaa balse inta badan caawa ayaa laga yabaa in la dhammeeyo qoddobada haray.
Caasimada Online
Xafiika Wararka Nairobi