27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Go’aankii madaxweyne Xasan oo loogu banaanbaxay Muqdisho.

Banaanbaxaan oo ay dhigeen gudiga gaadiidleyda  gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhamaan dadka dhigayay banaanbaxa ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin soo dhaweynta hadalkii madaxweynaha iyo sida maamulada degmooyinka u fuliyen.

Waxay ku dhawaaqeen ‘Dooni meyno isbaaro,yaan lasoo celin isbaaro” iyo erayo kale oo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin qaadista isbaarada.

Masuuliyiinta ka hadashay goobta banaanbaxa uu ka dhacay ayaa waxay ka codsadeen masuuliyiinta dowlada inay dhameystiraan isbaarooyinka yaala degmooyinka kale ee gobolada dalka Soomaaliya.

Waa banaanbaxii ugu weynaa oo ay dhigaan gudiga gaadiidleyda gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho,kaasi oo lagu soo dhaweynayo qaadista isbaarooyibkii yiilay magaalada Muqdisho.

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsiga ciyaartoydu hada waa uu xiran yahay, laakiin ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan kala soco wararkii ugu dambeeyey ee wargeysyadaEnglandka qoreen suuqa kala iibsiga.

Xanta tooska ah ee la isla dhex maraayo.

Raheem Sterling ayaa ka careysiiyey tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ka dib markii uu 17-jirkaani ka gaabsaday inuu qandaraas cusub kooxdiisa Reds u saxiixo (Daily Mirror )

Manchester City ayaa si dhow xidigaan isha ugu heysa xilli laga wada xaajoonayo qandaraaskiisa (Daily Mail)

Arsenal ayaa jeclan laheyd inay Janaayo lasoo sxiixato 30-jirka goolka u qabta Liverpool Pepe Reina oo ay ku doonayaan 10 milyan oo ginni (The Sun)

Tababaraha Everton David Moyes ayaa qirtay inuu soo dhaweynaayo fursad uu mar kale kula soo saxiixdo 30-jirka daafaca uga ciyaara Man City Joleon Lescott, wuxuuna doonayaa inuu amah ku radsado (Daily Telegraph )

24-jirka daafaca kaga ciyara Torino Angelo Ogbonna,  ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu Turin uga biiro Manchester United inkastoo ay kooxda Old Trafford aaad u baadi goobeysay (Talksport)

Manchester United ayaa lasoo werinayaa inay talaabo kale u qaaday 18-jirka daafaca uga ciyaara Anderlecht Dennis Praet,  kaasoo sideed kulan xilli ciyareedkaan kusoo bilowday (Metro)

Weeraryahanka kooxda Tottenham Jermain Defoe ayaa sheegay inuu White Hart Line kusoo dhoweyn lahaa kabtankii hore ee xulka England David Beckham, 37-jirkan ayaa wadahadalo la bilaabay Manoco (Evening Standard)

Tababaraha Tottenham Hotspur Andre Villas-Boas ayaa sheegay inuusan qorsheyneyn inuu lasoo saxiixdo kabtankii hore ee xulka England David Beckham (SkySports )

Manchester United ayaa Janaayo dalab u direysa xidiga kooxda Shakhtar Donetsk Willian, wuxuuna doonayaa inuu ku garaaco Tottenham iyo Chelsea oo xidigaan si aad ah loola xiriirinaayey (Caught Offside)

Robert Lewandowski ayaa diirada u saaran Manchester United. Saaxiibada xidiga reer Polandayaa u sheegay inuu isaga tago Borussia Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Qandaraaskiisa Dortmund wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo aadabn, United ayaana rajo ka qabta inay ku hesho lacag ka yar 12 kii milyan oo ay xilli ciyaareedkii hore kula soo wareegeen saaxiibkiisa Shinji Kagawa (Daily Mail)

Wararka xanta ah ee aan tooska aheyn.

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay Wayne Rooney inuu kusoo laabto waayihiisii gool dhalinta 27-jirkaan ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa sagaal sano oo uu Old Trafford joogay (Daily Mail)

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa u sheegay ciyaartoyda Liverpool inay goolal u dhaliyaan kooxda ka dib markii ay 18 jeer shabaqa soo tabteen 14 kulan, in ka badan kala bar goolashaas waxa dhaliyey Luis Suarez (Liverpool Echo)

Manchester City ayaan qorsheyneyn inay lasoo saxiixato ciyaaryahan ka tirsan Barcelona inkatoo ay dhowaan isku dubaridihii Barca Ferran Soriano iyo agaasimhihoodii kubada cagta Txiki Begiristain madax uga dhigeen kooxda Etihad Stadium (Marca)

Hadii aad jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee suuqa la isla dhex maraayo naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Deco: Scolari wuu soo celin doonaa Brazil-tii caalamka.

Deco ayaa tababare Luiz Felipe Scolari ugu hambalyeey inuu noqday macalinka xulka Brazil wuxuuna u rajeeyey tababarihii hore ee Palmeiras  inuu wax wanaagsan ka sameeyo xulka KoonfurAmerica.

64-jirkaan ayaa jagadaan loo magacaabay markii xilkaan laga diray Mano Menezes xilli uu xulka Selecao marti gelinaayo koobka aduunka markiisii labaad, waxayna markaan macalin ka dhigteen ninkii usoo qaaday koobkii aduunka ee 2002dii lagu qabtay Japan iyo South Korea.

Brazil ayaan aheyn xulkii aduunka ka yaabinyey waayo, laakiin ciyaaryahanka qadka dhexee ee Fluminense, oo Scolari kala soo shaqeeyey Portugal iyo Chelsea ayaan la dhacsan siyaasada macalinkaan.

“Waxaan nahay saxiibo isku dhow, Waxaan u maleynayaa inuu Felipao ku fiican yahay kubada cagta Brazil wuxuuna iga soo caawiyey xirfadeyda,” ayuu ciyaaryahankii hore ee Barcelona u sheegay ESPN Brasil.

“Sanado badan ayaan soo wada shaqeynay, sidaas darteed waa qof aanan ilaawi Karin.

“Waan rumeysanahay fikrada ah inuu dib usoo celin karo taageerayaashii Selecao, waana qof yaqaana sida loo sameeyo shaqadaas. Inuu xidigo da’yar xulka kusoo daro ayaa ah inuu soo celiyo xulkiiBrazil.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

 

Man City oo isha ku heysa xaalada qasan ee Sterling.

Manchester City ayaa si dhow isha ugu heysa xaalada qandaraaska ciyaaryahanka Liverpool Raheem Sterling iyadoo uu xidigaan tababare Brendan Rodgers ugu baaqay inuu qandaraas cusub kooxda u saxiixo.

Rajada Rodgers ayaa ah inuu si heysto ciyaaryahankan oo 18 jir noqonaya maanta, wuxuuna ka carooday inuusan xidgaani kooxda ka qabalin inuu qandaraas cusub la galo.

Wargeyska Sportsmail ayaa ogaaday inay Sky Blue ciyaaryahankaan si dhow isha ugu heyso ayna ka fikireyso inay dalab u dirto bisha Janaayo hadii aan la xalin dhibaatada qandaraaskiisa.

Xidigaan ayaa kulan la qaatay agaasimaha maareynta Liverpool Ian Ayre kaasoo ahaa kiulankii labaad, waxaana laga yaabaa in wax uun la isla meel dhigo bilowga isbuucaan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Ferguson: Rooney waa inuu goolal badan dhaliyaa.

Xilli uu la socdo xaalka Lewandowski, tababare Ferguson ayaa u sheegay Weyne Rooney inuu u baahan yahay inuu dib ugu soo laabto gool dhalintisii.

Xidiga heerka caalami ee dalka England ayaa sedax gool dhaliyey 14 kulan oo uu u ciyaaray United, halka mid ka mid ah goolashaas Rigoore aheyd.

Sir Alex Ferguson ayaana Wayne Rooney u carabaabay inuu gool dhalintiisii dib u soo celsho ka dib markii uu noqday mid ka mid ah weeraryahanadii sida xun ku bilowday.

Inuu 14 kulan sedax gool ku dhaliyo marka lagu daro goolku laad, waa marxaladiisii bilow ugu xumeyd sagaalkii sano ee uu joogay Old Trafford,

Xilli ciyaareekii lasoo dhaafay Rooney, waqtigaan oo kale wuxuu lahaa 12 gool, tirade uu haatan Red Devils u dhaliyey Robin van Persie xilli ciyaareekiisii ugu horeeyey. Laakiin Weyne wuxuu caawiye ka ahaa lix gool oo Premier League ah sanadkaan.

“Waan ku farax sanahay inuu ciyaarta qeyb ka yahay wuxuuna ka qeyb qaadan karaa guusha kooxda, laakiin sida muuqata waa inuu dhaliyaa goolal intaan ka badan,” ayuu yiri tababaraha United.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

SAF oo ay ka go’an tahay inuu Man Utd keeno Lewandowski.

Weeraryahan Robert Lewandowski ayaa mar kale diirada u saaran Manchester United. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Xidiga reer Poland ayey saaxiibadiis kula taliyeen inuu ka tago Borussia Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Ka dib markii laga diiday dalabyo xilli ciyaareekii hore uga yimid United, kooxda Jarmalka ayaa aqbaleysa inay lumiso hugaamiyahooda.

Heshiiska uu kula jiro Dortmund wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo aadan, United ayaana rajo ka qabta inuu qimaha xidigaan ka yaraado 12 milyan oo ginni oo ay horay ugu soo qaateen saaxiibkiis Shinji Kagawa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Sir Alex Ferguson ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu 24-jirkaan Lewandowski weerarka Red Devils kula lamaaniyo Robin van Persie, iyadoo uu Wayne Rooney ka caawnayo booska quudiyaha taasoo uu doonayo inuu ku abuuro weerarka ugu xooga badan Premier League.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

 

LA Galaxy oo aan dooneyn Lampard xilli ay Kaka rabto.

Rajadii aheyd inuu Frank Lampard kooxda LA Galaxy ayaa u muuqata mid burburtay, kooxda ciyaarta Major League Super ayaa waxay aragtaa David Beckham oo berri ciyaaraya kulankiisii ugu dambeeyey ee Galaxy marka ay Houston Finalka MLS Cup Final ku qaabilaan Los Angeles.

Galaxy ayaa dooneysay inay kabtankii hore ee England bedel uga dhigto xidiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Super Frank Lampard. Iyadoo uu qandaraaska Stamford Bridgeee 35-jirkaan dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Laakiin ninkii lix sano ka hor Mareynkanka usoo dhaqaajiyey Beckham ayaa sheegay inay Lampard ka door bidayaan Kaka sababtoo ah wuxuu ku maneeyey xidig kooxda taariikhda u geli kara shacbiyada uu ku leeyahay Los Angeles awgeed.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Man Utd oo Janaayo dalab u direysa kubad sameeye Willian.

Sir Alex Ferguson ayaa lasoo werinayaa inuu doonayo inuu lasoo wareego kubad qaabeeyaha kooxda Shakhtar Donetsk Willian wuxuuna diyaar u yahay inuu saxiixiisa ku dagaalamo 24-jirkaan reer Brazil, sida uu qoray wargeyska Caught Offside.

Kooxaha ka dhisan London Chelsea iyo  Tottenham ayaa bilihii lasoo dhaafay si aad ah loola xiriirinaayey xidigii hore ee Corinthians, Blues ayaa saxiixiisa hami kale ka galay markii uu Laba gool kaga dhaliyey Stamford Bridge, Man United ayaana hada dooneysa inay saxiixiisa kaga adkaato ayna dalab u dirto bisha Janaayo.

Fergusonayaa doonaya inuu kooxdiisa qadka dhexe ka adkeeyo gaar ahaan booska kubad sameeyaha oo ay ka liidato Red Devels maadaama ay inta badan ku tiirsan tahay kubada garbaha ka yimaada,

United ayaa xilli ciyaareedkii hore Gacmaha PSG ku weysay xidigii qaaliga ahaa Lucas Moura, Tababare SAF ayaana doonaya inuu bedelkiisa u qaato Willian kaasoo uu doonayo inuu keeno Premier League ka dib markii uu horumar ka sameeyey Ukraine.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Dhismaha Jubbaland State oo soo dhowaaday + 5 Guddi oo la dhisay + Tirada ergooyinka oo la shaaciyay.

Shan guddi oo diyaarin doona furitaanka shiweynaha dhismaha maamul goboleedka Jubbaland State, ayaa la aas aasay, ayada oo dhismaha maamulka uu soo dhowaanayo.

Mas’uuliyiin ku howlan dhismaha maamulka, ayaa u sheegay Caasimada Online in shanta guddi ee la sameeyay ay kala yihiin:- Guddiga Amniga, Guddiga Doorashada, Guddiga Xulitaanka, Guddiga Farsama iyo Maaliyadda iyo Guddiga ka Warqabka.

Guddi kasta waxa uu ka kooban yahay 11 xubnood, waana dadka hormuudka u noqon doona aas aaska maamul goboleedka Jubbaland State.

Sida Caasimada Online ay ka heshay ilo ka tirsan guddiga cusub, waxaa shirweynaha oo ka dhici doona Kismaayo, lagu casuumi doonaa 485 ergo oo ka kala imanaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Ergada ka qeyb galeysa shirka ee 485-ka ah, ayaa saddexda gobol waxa ay uga kala iman doonaan sidan:- Jubbada Hoose 185, Gedo 165 iyo Jubbada Dhexe 135.

Markaa kadib ayaa ergadu waxa ay ka doodi doontaa xeerka Jubbaland State, kaasi oo ah sharciga aas aasi doona maamul goboleedka Jubbaland State.

Waxaa la aas aasi doonaa baarlamanka Jubbaland, kaasi oo kadib dooran doona madaxweynaha maamulka. Sida ay ku warrameen ilo jooga magaalada Kismaayo, hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe), ayaa ah qofka ugu cad cad inuu noqdo madaxweynaha.

Marka la sameeyo Jubbaland State, waxa uu ku biiri doonaan maamul goboleedyada horey u jiray sida Puntland iyo Galmudug, kadibna waxa ay qeyb ka noqon doonaan Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

Kiiskii Dahabshiil iyo Waagacusub oo go’aan laga gaaray + Documents.

Maxkamadda magaalada Breda ee dalka Holland, ayaa go’aan ka gaartay kiis dhowanaahan u socday maamulayaasha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil iyo Waagacusub Dahir Abdulle Alasow.

Kiiskan, ayaa billowday 19-kii bishan, kadib markii Dahabshiil ay dacwad ku furtay Waagacusub Media iyo Sunatimes.com, ayada oo ku eedeeysay in lagu faafiyay warar iyo warbixino dhaawacay Shirkadda Dahabshiil, islamarkaana hoos u dhigay macaamiisheedii.

Haddaba 29-kii bishan, ayay maxkamadda go’aan ka gaartay kiiska Cabdirashiid Dahabshiil iyo Waagacusub, ayada oo laashay dhammaan dacwadii Dahabshiil kusoo oogtay Dahir Alasow, sida ku cad document kasoo baxay maxkamadda oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online.

Ka sokow laalista kiiska, ayaa sidoo kale Maxkamadda Magaalada Breda waxa ay markii labaad lacag fara badan ku ganaaxday Shirkadda Dahabshiil, sababo la xiriira waqtigii ay ka lumisay qareenada Dahir Alasow iyo xeerbeegtida.

Dahabshiil waxay Maxkamadda ku xukuntay inay bixiso lacagta xeerbeegtida iyo tan Lawyer-ka halkii ay ka sugeeysay in Maxkamada xukunto Dahir Alasow.

Cadadda rasmiga ah ee lacagta lagu ganaaxay Dahabshiil oo aad ka arki kartaan documents aan hoos ku lifaaqnay, ayaa ah 117,650 (Boqol toban iyo toddoba kun lix boqol iyo konton, Euro).

“Dahir Alasow wuxuu ku andacoonayaa in qoraaladiisa yihiin kuwa sax ah, sidaas darteed waxay Maxkamadda laashay dhamaan dacwadii Dahabshiil ku oogtahay Wariyaha madaxbanaan ee Mr Alasow” ayaa lagu yiri go’aan kasoo baxay maxkamadda.

Go’aanka Maxkamada soo saartay ayaa ka dhigan guuldaradii labaad ee Shirkadda Dahabshiil ka qabsata dacwadaha ay ku oogtay Dahir Alasow.

Kiiskii hore ee Dahabshiil ku guul darreysatay ee ka dhanka ahaa Dahir Alasow oo dhacay labadii august ee 201, waxaa kaga khasaartay lacag ka badan afar Milyan oo Euro halka dacwadaan cusub lacagta uga baxday ay kor u dhaaftay hal Milyan oo Pound, marka la eego qareenada qaaliga ah oo ay qabsatay.

“Maamulka Dahabshiil, waxaa la gudboon inay xaqiiqsadaan in Madax banaanida Saxaafaddu tahay lama taabtaan” ayuu yiri Dahir Alasow.

Dhinaca kale ururka uu matalayay Dahir Alasow ee Associated Somali Journalsts waxay Hambalyo iyo Mahadcelin u direen Qareenadda u doodayay madaxbanaanida Saxaafadda kuwaas oo kala ah, Margriet Koedoder iyo Frouke Hekker.

Associated Somali Journalists ASOJ, waxay sidoo kale hambalyo gaar ah u direen dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan Wariyeyaashii ka qeyb qaatay kiiska Maxkamadda sida Halbeegnews.net ,Qurbejoog.com, Galmudugnews.com, Khaatuma.com iyo Boocame.com.

“Guusha laga gaaray Dahabshiil maaha mid Dahir Alasow uu gaaray ee waa guul u soo hoyatay dhamaan Saxaafadda Madaxabanaan ee dunida, waxaana muhiima in Xorriyada loo dagaalamo si dhiig miiratada arxanka daran loo tuso in lacagtooda uu sharciga ka sareeyo” ayaa lagu yiri bayaanka ASOJ.

Inta badan Somalida ku nool Magaalada Breda ee Gobolka Brabant ayaa Mashxarad iyo dabaaldeg isugu soo baxay markii ay Warbaahinta ka arkeen in Maxkamada Ganaaxday Shirkadda Dahabshiil halka Kiiskii hore ee 8 Febaury2010 ay Jaaliyada ka aamuseen.

Dabaaldega Somalida Breda sameeysay ayaa sawir ka bixinaya shacbiyada sii kordheysa ee Dahir Alasow taas oo laga dareemay maalintii Maxkamada furantay oo taageerayaashiisa buux dhaafiyeen hoolka dacwada ka socotay.

Waxaa laga yaabaa in Maamulka Dahabshiil wax badan kala socon sumcad xumida ay kala kulmi karaan labada guuldaro ee Maxkamad ku taal Yurub ku laashay dacwadooda. Halkan Click sii oo arag warqadaha go’aankii Maxamadda

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
Minneapolis, Minnesota
www.facebook.com/alaxmed

Daawo Video: Iya Traore oo ka yaabiyey Messi iyo Ronaldo.

Hadii markii kubad laga sheekeyo ay maskaxdaada kusoo dhacayaan magacyada Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo taasi hada wixii ka dambeeya waxaad ogaataa inay riski kugu tahay.

Ciyaaryahan wadooyinka ku ciyaara oo lagu magacaabo Iya Traore ayaa wuxuu sameeyey ciyaar ka yaabisay caalamka.

Iya Traore waa xidig wadooyinka ku ciyaara oo tayo leh wuxuuna samaayey wax mar qura ay dadka caalamka ee kubada xiiseeya la yaabeen.

Halkaan ka daawo la yaabka uu dhigay Iya Traore.

Halkaan Ka daawo Ronaldo iyo qaabka uu u mooleysto kubada.


Halkaan ka daawo Messi oo isna Moolada kubada ku fashilmaya.

Makula tahay ninkaani hadii uu kusoo biiro kubada cagta inuu meel saari karo Messi iyo Ronaldo?

Shariif Xasan oo wada qorshe maamul Goboleed ka kooban 6 gobol.

Gudomiyihi hore ee Barlamanka Somalia  Shariif  Xasan Sh Adan ayaa waxaa uu mudoyinka danbe laba jibaray dadaal uu ku doonayo in  Gobolada Konfureed ee Somalia  samaystaan hal Maamul Goboleed.

Shariif  Xasan oo qorshaaan in mudo ah soo waday ayaa waxaa uu  caqabaado badan kala kulmay  Sh.Adaan Madoobe oo asagana mar horay u soo noqday Gudomiyaha Baralamanka Somalia islamarkana donayay in uu Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State Madaxweyne  u ka noqdo.
Warar  laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa waxaa tibaxayaan in ugu danbeyn labadaas masuul ay is afgarteen  islamarkana ay xaliyeen  khilaafki hortagna dhisida Maamul Goboleedka  Konfur Galbeed State.
Shariif Xasan  Sh Adan oo  ah  hada Musharaxa rasmiga ah ee Xilka Madaxweynaha  Dowlad Goboledka Konfur Galbeed State ayaa waxaa uu wada dagaal siyaasadeed uu ku bur burinayo maamulka Jubbaland State waxuuna arinkaasi la kaashanaya  qaar ka mid ah Masuuliyinta beelaha  daga Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba Qurbajoogta ka soo jeeda deeganadaasi.
Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State ayaa waxaa la shegay in uu ka kooban yahay  6 gobol oo kala ah  Bay, Bakool, Sh.Hoose, Jubbada hoose  , Jubbad dhexe iyo Gedo ayadoo dadka Goboladaasi dagana aysan la dhacsanayn Qorsha  Maamul usameynta 6 da Gobol ee uu wado Shariif Xasan.
Shariif  Xasan ayaa waxaa  dhawaan lagu wada in uu boqasho ku taago Magaloyinka  Baydhabo ,Marka, iyo Luuq halkaas oo uu ku qaban doono shirar lagu dhiri galinaayo dhismaha Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Somalia, waxaana uu taageero ka raadin doonaa dadka dagan Goboladaasi si ay u garab istagaan Howlaha u wado .
Ma cada sida u ku hergali karo  Maamulkaan ka kooban 6da gobol xili dadka daga  Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ay ku heshiyeen in ay Maamul sameystan isla markana  ay guda galeen oo ay Dasturkiba  qorteen Shirweynihi lagu soodooran laha Madaxweynahana dhawan la filaayo in uu ka furmo kismaayo.

Carabta iyo Quruxda: Afarley toban ah oo ay gabdhaha ka eegaan!

Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-

– Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.
– Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
– Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
– Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.
– Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.
– Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.
Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.
– Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.
– Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.
– Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.

Sidoo kale Aqri: Soomaalida iyo Quruxda: Gabadhii laga helo 26 sifo lama sii daayo.

W/D: Sabriye Macallin Muuse

Madaxweynaha oo ku laabtay Xamar.

Goordhow Waxaa garoonka Aadan Cadde kasoo dagay madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wafdiga uu madaxweynha Soomaaliya horkacaayay ayaa waxaa kamid ahaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashandhiga Cabdi Xakiin Maxamuud Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soodhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cabdi Faaarx Shirdoon Saacid.

Madaxwaynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Vila Soomaaliya waxaana uu baajiyay manta safar uu ku tagi lahaaKenya.

Madaxwaynaha ayaa todobaadkan waxaa uu ku maqnaa dalalka dariska ah ee Jabuuti iyo Itoobiya kuwaas uu kala hadlay in wax lawada qabsado.

Arsenal Arsene: Barcelona sidaan ma ahaateen Messi la’aantiis.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa rumeysan inaysan Barcelona waxba ahaateen hadii aysan heysan Lionel Messi.

Weeraryahanka xulka Argentina, ayaa sedax gool u jira inuu jebiyo Rikoorka gool dhalinta hal sano ee kubada cagta, wuxuuna xilli ciyaared cajii ah la qaadanayaa Barcelona oo ugu sareysa La Liga.

Laakiin Wenger ayaa sheegay in xidigaan la’aantiis ay kooxda ka dhisan Catalan noqon laheyd koox iska meel dhexaad ah.

Isagoo la hadlaayey TV-ga saldhigiisu yahay Faransiiska Bein Sport, Wenger ayaa yiri: “Sida muuqata wuxuu ku guuleystay wax kata oo uu heer ku gaari karo, wuxuuna ku garaacay ciyaartoyda oo dhan. Miyuu la mid yahay ciyaaryahan kale?

“Waxaan aamin sanahay inBarcelonaay isaga ku tiirsan tahay, kubada inta badan wey heystaan, sidaas darteed kubada waxay ka siin karaan meel fiican. Sidaas darteed lama mid ahan ciyaarayahan kale.

“Laakiin, aan ku celiyo, sidaaan miyey Barcelona ahaan laheyd Messi la’aantiis? Hubaashii maya, waxay iska ahaan lahaayeen koox meel dhexaad ah.!

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsigu hada waa xiran yahay laakiin ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan ka aqriso wararkii ugu dambeeyey ee Wargeysyada England ka qoreen.

Xanta toos ka ah ee suuqa la isla dhex maraayo.

Chelsea ayaa 28-jirka weerarka uga ciyaara Fernando Torres waxay siisay hal bil inuu kusoo laabto sidiisii hore, waxayna qorsheynayaan inay dalab u diraan 24-jirka weerarka uga ciyaara Metalist Kharkiv iyo xulka Brazil Taison hadii uusan bishaas isku muujin (Daily Mirror)

West Ham ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka garabka uga ciyaraAjax Miralem Sulejmani, oo 23 jir ah, ka dib markii uu xilli ciyaareedkaan kooxda boos ka waayey (Daily Mail)

Roma ayaa si kedis ah dalab ugu direysa 25-jirka daafaca midig uga ciyaara Newcastle Danny Simpson (Talksport)

Wakiilka 20-jirka qadka dhexe uga ciyaara Atletico Mineiro Bernard ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya inuu xidigaani wadahadal kula jiro Chelsea (Globo Esporto)

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa ku qalqaalinaya 17-jirka garabka ka ciyaara Raheem Sterling inuu kooxda qandaraas cusub u saxiixo, iyadoo Chelsea iyo Manchester City ay diyaar u yihiin inay lasoo wareegaan xidiga heerka caalami ee dalka England (Guardian)

Tababaraha kooxda QPR Harry Redknapp ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo weeraryahanka kooxda Marseille Loic Remy, balse 25-jirkaan ayaa xiiseynaya keliya koox ciyaareysa Champions League (Daily Mail)

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa isha ku haaya daafaca lagu qiimeeyo 3.5 milyan ee dalka Holland Stefan de Vrij, 20-jirkaan ayaa sidoo kale u ciyaara kooxda Feyenoord (The Sun)

Liverpool  aya sidoo kale indhaha la raaceysa ciyaaryahankii hore ee kooxda Leeds garabka uga ciyaari jiray Max Gradel, wuxuuna hada u ciyaara kooxda Faransiika ah eeSaint-Etienne, si la mid ah waxay doonayaan weeraryahanka kooxda Benfica Nolito (Daily Express)

Harry Redknapp ayaa Liverpool ka doonaya Joe Cole si uu QPR uga samata bixiyo dhibaatada ay dhex mushaaxeyso (Independent)

Luka Modric ayaa u sheegay xidiga kooxda Tottenham Gareth Bale inuu kula biro Real Madrid wuxuuna sheegay inay ku guuleysan karaan Champions League (The Sun)

Arsenal ayaa dooneysa inay dib amah ugu soo ceshato Thierry Henry bisha Janaayo, ayna lasoo saxiixato Wilfried Zaha iyo weeraryahanka kooxda Schalke Klass Jan Huntelaar (Daily Mail)

Xanta aan toos ka aheyn ee suuqa la isla dhex maraayo.

Tababaraha 49-jirka ah ee hugaamiya Real Madrid Jose Mourinho ayaa isha ku haaya inuu sutida u qabto Man City hadii shaqadaas laga raacdeeyo Roberto Mancini, xitta hadii uu tababarihii hore ee Chelsea afar sano oo heshiis ah ay kaga harsan tahay kooxda ka dhisan Spain (The Sun)

Kabtanka 31-jirka ah ee hugaamiya kooxda Manchester United Nemanja Vidic ayaa kusoo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa wuxuuna la qaadanayaa ciyaartoyda koowaad ee kooxda ka dib markii isbuucyo ka hor qaliin lagu sameeyey (Daily Mirror)

Hadii aad jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee suuqa la isla dhex maraayo naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Kooxo hubaysan oo goordhow dil ka gaystay Kismaayo.

Ciidamada Huwanta ee jooga Magaalada Kismaayo ayaa howlgal kawada duhurnimada maanta Xaafada Shaqaaalaha oo goordhow dil uu ka dhacay.

Kooxo hubaysan ayaa goordhow waxaa ay ku dileen Xaafada shaqaalaha qof shacab ah oo ka tirsan dadka deegaanka.

Ma jirto Cid sheegatay ama ka dambaysay masuuliyada Weerarka dilka ruuxaan shacabka ahaa.

Howlgal ayay ciidamada dowlado kasmaynayaan haatan xaafada uu dilka ka dhacay mana jirto cid loo soo qabtay dilkaas iyadoo xaalada amaanka Kismaayo ay faraha kasii baxayso.

 

 

Pep Guardiola oo noqonaaya tababaraha xiga ee Man City.

Pep Guardiola ayaa heshiis is af-garad ah la gaaray kooxda Manchester City, sida uu daaha ka qaaday wakiilka Fifa, waxaana sidaas qoray Wargeyska Daily Mirror.

Tababaraha Spanish ka ah ayaa ka tegay Barcelona intii lagu jiray xagaaga wuxuuna sheegay inuu sanad nasiino ah ka qaadanayo kubada cagta.

Kooxda heysta horyaalka Premier League ayaa horaan bishii October agaasimaha kubada cagta ka dhigatay agaasimihii hore ee Barca Txiki Begiristain, halka uu shaqadaan la wadaagayo ninkii ay horay Catalans uga soo wada shaqeeyeen Ferran Soriano.

Hada ayuu wakiilka Fifa Francois Gallardo u sheegay Radio ku yaala Spain inay Man City horaan Pep ka dhigatay bedelka Roberto Mancini.

“Guardiola wuxuu noqonayaa tababaraha xiga ee Manchester City,” ayuu daaha ka qaaday wakiilku.

“Dhib ma lahan hadii Milan iyo kooxo kale ay dalabyo usoo direen.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

CR7 oo la dhacsan inuu ka mid yahay musharixiinta Ballon d’Or.

Weeraryahanaka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo doorto liiskakama dambeysta ah ee abaal marinta Ballon d’Or.

Kabtanka xulka Portugalayaa waxaa liiskaan ku wehliya xidigaha kooxda Barcelona Andres Iniesta iyo Lionel Messi oo kasoo laabtay xilli ciyaareed cajiib ah, halka uu Cristiano 46 dhaliyey xilli uu saftay 38 kulan oo horyaalka ah wuxuuna Real Madrid ka caawiyey Inay ku guuleysato La Liga.

Ronaldo ayaa rajeynaya in wixii uu sameeyey xilli ciyaareedkii hore ay uga filnaato inuu raga la xafiiltama abaal marintaan uga guuleysto markii ugu dambeysay ee uu qaaday waa 2008dii.

“Aniga ahaan farxad ayey ii tahay inaan ka mid noqdo musharixiinta Ballon d’Or iyo Fifa’s World 11, aad ayaana ula dhacsanahay,” ayuu u sheegay website-ka kooxdiisa los Blancos’.

“Waa laba abaal marin oo aad u fiican waxaana rajeynayaa inaad ka mid noqoto musharixiinta waa inaan markii hore shaqo adag soo qabtay iyo taageerada asxaabta aan isku kooxda nahay, Real Madrid iyo asxabteydaPortugal.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Modric oo Gareth Bale u sheegay inuu kusoo biiro Real Madrid.

Luka Modric ayaa u sheegay Gareth Bale inuu kula biiro Real Madrid — isagoo sheegay inay si wadajir ah ugu ciyaari karaan kooxdan.

Ciyaaryahaankii hore ee qadka dhexe Spurs ayaa ka tegayWhite Hart Lanebilowgii xilli ciyaareedkaan wuxuuna 33 milyan oo ginni kula biiray kooxda ka dhisan caasimada Spain.

27-jirkaan ayaa rajo ka qaba inuu xidiga Tottenham Bale uu waayo badan la ciyaari karo isaga iyo Cristiano Ronaldo wuxuuna taasi ku macneeyey inay noqdaan qad dhexe oo aan la joojin karin.

“Waan wada hadli jirnay waan ogahay inuu doonayo inuu ka ciyaaro Champions League xilli ciyaareed walba rajadiisu waa inuu ku guuleystaa Champions League,” ayuu yiri Modric.

“Madrid waxay u noqon laheyd koox weyn oo uu riyadiisa ku gaaro.

“Halkaan waxaan wada ciyaarnaa Ronaldo qaabka uu kubada ula ordo ee kalsoonida leh iyo sida ay daafacyadu uga daba maraan waa sida Gareth oo kale.

”Inaad labadooda hal koox kuwada heysto waxay noqon laheyd wax aan la joojin karin.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.