25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Beckham oo diirada u saaran kooxda Faransiisa ah ee Manoco.

David Beckham ayaa qarka u saaran inuu wadahadal la bilaabo kooxda ka dhisanFaransiiska AS Monaco, iyadoo la rajeynayo in wadahadal la isla meel dhio ka dib sabtida Finalka MLS Cup.

37-jirkaan ayaa la ogyahay inay u furan tahay inuu ka tago Mareynkanka, iyo kooxdiisa Los Angeles Galaxy.

Agaasimaga fulinta kooxda Manoco Tor-Kristian Karlsen ayaa u sheegay BBC Sport: “Waan ku farax sanahay kooxda aan hada heysano.

“Laakiin waxaa jira fursad aan ku heleyno ciyaaryahan Beckham, waan ku faraxsanaan laheyn hadii aan gacanta ku dhigno.”

Kabtankii hore ee xulka England ayaa sidoo kale laga baadi goobayaa Ruushka iyo Brazil halka uu isna doonayo inuu go’aan qaato sanada soo aadan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Nemanja Vidic oo kusoo laabtay tababarka buuxa ee Man Utd.

Nemanja Vidic ayaa kusoo laabtay tababarka buuxa ee Manchester United waxaana laga yaabaa inuu kulankiisii ugu horeeyey ciyaaro laba isbuuc ka dib.

Kabtanka United ayaa garoomada ka maqnaa ilaa dhamaadkii September ka dib markii qaliin looga sameeyey jilibka kaasoo uu xilli ciyaareedkii hore wax badan ku maqnaa.

Vidic ayaa qibrad ahaan dhibaato ku qabin dhaawacaan wuxuuna bilaabay tababarka kooxda koowaad ee United xilli dhaqaatiirta kooxda lagu amaanay horumarkooda.

31-jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa la rajeynaayey inuu soo laabto goor dambe oo bisha November ah, laakiin tababare Sir Alex Ferguson ayaa daaha ka qaaday inuusan garoomada kusoo laaban doonin ilaa sanadka cusub.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Falastiiniyiinta + Video.

Golaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa u codeeyay inuu u damaanad qado dadka reer Falastiin maqaamka “Dal aan xubin ahayn oo goobjooge ka ah QM” (non-member observer state status). Haddaan arrintan xooga jilcino, waxa loo aqoonsaday waa “Dal, balse aan xubin ka ahayn QM, oo  goobjooge un ka ah”, Tusaale sida Vatican-ka.

Madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabas ayaa u sheegay golaha in codka uu ahaa “fursaddaii ugu dambeysay ee lagu bad baadinayo xalka laba dal oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israel”.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobe Ron Prosor ayaa sheegay in tallaabadaas aysan hore usii qadeyn nabadda, balse ay gadaal u celin doonto.

Golaha ayaa qaraarka ku ansixiyay cod ah 138-9, ayada oo 41 dal ay ka aamuseen. Kuwa mucaaraday waxaa ku jira Mareykanka iyo Israel, balse diidmadooda waxba ma hor istaagin.

Waxaa xusid mudan in haddii codka uu qaadi lahaa golaha ammaanka, Mareykanka uu awood u yeelan lahaa adeegsida codka Veto-ga, hase yeeshee, Golaha Guud kama shaqeeyo cod veto.

Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Ramallah, ee daanta Galbeed, ayaga oo faraxsan.

“65 sano ka hor maanta oo kale, Golaha Guud ee QM, ayaa soo saaray qaraarka 181, kaasi oo dhulkii taraiikhiga ahaa ee reer Falastiin u kala qeybiyay laba dal, kaasina waxa uu noqday Warqadii Dhalashada Israel” ayuu yiri Madaxweyne Cabbas.

“Haddana maanta Golaha Guud, waxa uu soo saaray waqraddii dhalashada Falastiin”.

Mareykanka iyo Israel waxa ay ku doodayaan in Dal ay yeeshaan Falastiin lagu raadiyo oo kaliya wada hadal lala galo Israel.

Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa codka ku tilmaamtay “Mid nasiib darro ah, oo aan wax ku ool ahayn”, ayada oo sheegeysa inuu caqabad ku noqon doono waddada nabadda.

Tallaabadan ayaa u ogolaan doonto Falastiiniyiinta inay ka qeyb galaan doodaha Qaramada Midoobe, ayna horey usii qaadaan fursadaha ay ugu biiri karaan hay’adaha Qaramada Midoobe, sida Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Ka dhiibo fikirkaaga sida ay arrintan kuula muuqato.

Sidoo kale daawo Video sida jawigu ahaa markii ay ansixintu dhacday

Kaka oo mar kale Janaayo lala xiriirinaayo AC Milan.

Wakiilka Kaka ayaa mar kale soo nooleeyey inuu xidigaani kusoo laabto AC Milan ka dib markii keydka uu ka galay RealMadrid, halka uu qirtay inuu xidigaani doonayo inuu sii joogayo Yurub.

SaxaafadaSpainayaa soo jeedineysay inuu Kaka biha Janaayo ka tegaayo Real ka dib markii lagu soo dari waayey kooxdii Los Blancos ee Copa del Rey.

Kooxaha saxiixiisa ugu cadcad waa Corinthians ama kooxda MLS ciyaarta ee New York Red Bulls.

“Waan ogahay inuu Kaka doonayo inuu sii joogo Yurub,” ayuu yiri walkiilkiisa Bosco Leite.

“Waxaa macquul ah inuu mustaqbalka maskaxdiisa bedelo, laakiin hada maahan. Corinthians xittaa weligeed nalama soo xiriirin.”

Ma jiraan qorsheyaal badan oo Yurub uga furan Kaka, sidaas dartedMilanayaa isku diyaarin karta inay xidigaan lasoo wareegaan xilli uu San Siro ka tegay 2009kii.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Golaha Wasiirada oo balan qaaday dhismaha Xabsiga Weyn ee Xamar.

Xukuumada Soomaaliya ee ka kaboon Toban wasiir ayaa hada si rasmi ah u balanqaadaysa Arimo badan oo aysan waxba ka qawan xukuumadihii la horeeyay.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukumada Soomaaliya C/laahi Cilmooge Xersi ayaa waxuu sheegay in golaha wasiirada Soomaaliya ay isku raaceyn in la tayeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar  iyo Maxkamadaha Dowlada Soomaaliya.

C/laahi Cilmooge Xersi Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in la tayeyn doono Xabsiga dhexe ee oo ay haatan ku jiraan dad badan oo ku xiran dambiyo kala duwan.

Waxaa kale oo wasiirka  uu sheegay in golaha wasiirada ay isku raaceen in wax badan la badalaa tayada maxkamadaha dalka Soomaaliya,isagoo xusay in loo baahan yahay in shaqi kastaa oo Soomaali ah uu helaa meel uu dacwadiida u gudbiyo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wasiirka Warfaafinta  ayaa hadalkiisa in taas ku daray in Golaha wasiirada kaga golleeyihiin Arintani sidii ay u heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed caadalad gaar ahaan kuwa ku jira xabsiga dhexe ee Xamar.

Maamulo KMG ah oo loo sameynayo gobollada dalka (Wareysi C/Kariim).

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegay in dowladdu ay gacanta ku hayso hanaankii ay maamul dadku raali ka yihiin ugu sameyn lahayd gobalda dalka, ka horna ay gobalada dowladdu ka taliso ay u sameyn doonto maamullo ku meel gaar ah.

Wasiirka ayaa intii uu joogay Baladweyne waxa uu la kulmay masuuliyiinta gobalka iyo ciidamada AMISOM, waxa uuna kala hadlay amaanka gobalka iyo sidii looga hortagi lahaa dilalka qosheysan ee loo geysto dadka rayidka ah iyo waxgaradka gobalka.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa markii uu ka soo laabtay safarkiisii Baladweyne waxa uu VOA siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, waxaana ugu horeyn uu ka jawaabay ujeedada socdaalka uu Baladwene ku tagay.

Wareysiga oo ku bilaabanaya jawaabta wasiirka halkan hoose ka dhagayso. Wareysiga Wasiirka Arrimaha Gudaha

Messi, Iniesta iyo Ronaldo oo isugu soo haray Fifa Ballon d’Or.

Fifa iyo majalada France Football  ayaa xaqiijiyey inay Lionel MessiAndres Iniesta iyo Cristiano Ronaldo isugu soo hareen sedaxda ciyaaryahan ee ugu dambeyn u sharaxan Fifa Ballon d’Or 2012.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa 82 gool shabaqa soo taabsiiyey ilaa Janaayo, wuxuuna u baahan yahay keliya sedax gool si uu u barbareeyo Gerd Muller oo 85 gool ku hugaaminay ciyaaryahanka ugu goolasha badan hal sano koox iyo xulba.

Messi ayaa Barcelona ka caawiyey inay hantaan Copa del Rey 2011-12, halka uu sidoo kale xulkiisa Arsentina u sahlay inay usoo baxaan isreebreebka koobka aduunka ee 2014.

Ronaldo ayaa door fure ah u ciyaaray kooxdiisa Real Madrid markii ay sanadii hore hanatay La Liga halka uu 46 gool dhaliyey, isagoo sidoo kale xulkiisa Portugal gaarsiiyey afar dhamaadka Euro 2012.

Iniesta, ayaa dhanka kale, xulkiisa Spain ka caawiyey inay difaacdaan horyaalka Yurub Euro 2012, isagoo sidoo kale Copa del Rey la qaaday Barcelona.

Messi ayaa Ballon d’Or si xariir ah ugu guuleysanaayey ilaa 2009kii, Cristiano Ronaldo ayaana qaaday 2008, laakiin wuxuu kaalimaha labaad ku dhameystay 2009 iyo 2011, halka uu Iniesta isna kaalinta labaad galay 2010kii.

Vicente del Bosque, Pep Guardiola iyo Jose Mourinho ayaa iyaguna isugu soo haray abaal marinta tababaraha sanadka.

Radamel Falcao, Neymar iyo Miroslav Stoch ayaa iyaguna u sharaxan abaal marinta goolka ugu qurxoon Puskas.

Marta, Abby Wambach iyo Alex Morgan ayaana ah gabdhaha u sharaxan abaal marinta sanadka Women’s Player of the Year award.

Bruno Bini, Norio Sasaki iyo  Pia  Sundhage ay u sharaxan yihiin Coach of the Year for women’s football award.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan 

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Axmed Daaci “DF Ciidan hala timaado, ciidamadeyda ma shaqaynayaan”.

Axmed Xasan Cadoow Axmed Daaci Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee Dowladda Soomaaliya oo maant warbahinta shir ugu qabtay xarunta Degmada Wadajir ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidankiisa ay ku guuleesteen inay qaadaan isbaarooyin yaalay Degmadaasi.

Wuxuu sheegay in maanta laga bilaabo ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Wadajir aysan jirin lacag ay ka qaadayaan gaadiidka isticmaala guud ahaan Degmadaasi.

Ciidamada ayuu sheegay inay ku sugan yihiin goobaha ay yaaleen isbaarooyinka islamarkaana aysan jirin lacago ay gaadidka ka qaadayaan.

Dowladda Somaaliya ayuu sheegay in muddo isbuuc kadib looga baahan yahay inay ciidan keensato goobaha laga qaaday isbarooyinka si ammaanka goobahaasi Dowladda Soomaaliya ay uxaqiijiso.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kawada howlgalo isbaarooyin qaadis ah taasi oo ammaanka Degmooyinka Gobalka Banaadir looga fulinayo amarka Madaxweynaha Dowladda Soomaliya.

Qarax ka dhacay Marka mar kale.

Wararka degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose laga helayo ayaa sheegaya in qarax qasaaro gaystay uu ka dhacay degmadaas oo ciidanka dowlada iyo Amisom ay taageeraan.

Qaraxaani oo ahaa Bambada Nuuca Gacanta laga Tuuray ayaa Waxaa lala Eegtay Saldhiga Ciidamada Dowlada ay kuleyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu waxyeelo kasoo gaaray Ciidamo ku jiray saldhiga oo qaarkood dhaawac uu soo gaaray.

Axmed Macalin Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Dagmada Marka oo Qaraxa kadib la hadlay ayaa Warbaahinta u Sheegay inay ku daba jogaan Kooxihii Qaraxaasi ka dambeyey oo uu Sheegay Gudoomiyuhu inay Isaga baxsaden Goobta baaritaanana hada ay Socdaan sida uu Sheegay Gudoomiyaha Dagmada Marka.

Ma Jirto cid sheegatay Masuuliyada qaraxa waxaana uu yimid xili maanta uu socdo howlgal lagu qaadayo Isbaarooyinka yaala Shabeelaha hoose

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Liverpool ayaa isha ku heysa inay dib ula soo saxiixato Thomas Ince., kaasoo haatan u ciyaara Blackpool, waxaa lagula soo wareegi karaa 6 milyan oo ginni. Reds ayaa 20-jirkan 18 bilood ka hor 250 kun uga iibisay Blackpool (Daily Mirror)

Tababaraha kooxda Crystal Palace Ian Holloway ayaa ku canantay dhigiisa kooxda Arsenal Arsene Wenger  hadalkii ahaa inay xiiseynayaa 20-jirka England u dhashay Wilfried Zaha (The Sun)

Madaxweynaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaa sheegay inaysan kooxdiisu dooneyn inay Janaayo dib ula soo saxiixato 22-jirka weerarka uga ciyaara Manchester City Mario Balotelli (Gazzetta dello Sport)

Wesley Sneijder ayaa sheegay inuusan ogeyn inuu sii joogayo kooxdiisa Inter Milan iyo in kale, 28-jirkaan ayaa lala xiriirinayaa Manchester United, Schalke iyo kooxda Ruushka ee Anzhi (Metro)

Malaga ayaa sheegtay inay qandaraas la gelayaan 20-jirka Isco inkastoo ay xiiseynayaan Manchester United iyo Manchester City (Talksport)

Manchester United ayaa lasoo wareegi karta 24-jirka qadka dhexe ee dalka Germany Mesut Ozil, kaasoo lasoo werinaayo inuu ka fikirayo mustaqbalkiisa Real Madrid ka dib markii uu booskiisa u waayey Luka Modric (The Sun)

Tababaraha cusub ee QPR Harry Redknapp ayaa ka fikiraaya inuu Janaayo lasoo wareego 28-jirka weerarka uga ciyaara Aston Villa Darren Bent (Daily Mirror )

Chelsea ayaa lala xiriirinaya inay lasoo wareegto 28-jirka weerarka uga ciyaara Bayern Munich Mario Gomez iyadoo uu milkiile Roman Abramovich isha ku haayo inuu Janaayo kooxda u dhiso tababare Rafa Benitez (Caught Offside)

Benitez ayaa sidoo kale isha ku haya inuu kooxda keeno 22-jirka weerarka ka ciyaara ee u dhashay dalka Jarmalka Andre Schurrle, ciyaaryahanka Bayer Leverkusen ayaa sidoo kale diirada u saarnaa macalinkii hore ee kooxda laga raacdeeyey Roberto Di Matteo (Daily Mirror)

Daafaca dambedka midig ee reer Brazil Wallace, oo 18-jir ah, ayaa cadeeyey inuu Fluminense kaga soo dhaqaaqi doono Chelsea ugu dambeyn bisha Janaayo marka uu suuqu furmo (Skysports.com)

Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa dafiray wararka xanta ah ee sheegaya inuu iibinaayo Jermain Defoe kaasoo lala xiriirinaayey inuu Harry Redknapp kula midoobayo QPR (Metro )

29-jirka qadka dhexe uga ciyaara AS Rome Daniele De Rossi ayaa iska indha tiri doona xiisaha ay u qabaan Manchester City iyo Chelsea isagoo ku biiri doona midkood Paris St-Germain ama Real Madrid (Talksport)

Manchester United ayaa iska ku heysa da’yarka qadka dhexe uga ciyaara Chelsea Conor Hunte. 16-jirkaan ayaa weli la gaarin da’dii uu heshiis rasmi ah ugu saxiixi lahaa kooxda Stamford Bridge wuxuuna sidoo kale soo jiitay Manchester City iyo Liverpool (Daily Mail)

 

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Gen. Dhego Badan oo ku qamaamay Ciidamada DF ee SH.Hoose.

Saraakiil uu hogaaminayo Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaiya Dhaga badan ayaa gaaray degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose oo Xiisad ay ka taagan tahay.

Ujeedka Ciidamadan ay u gaareen degmada Marka ayaa waxaa ay tahay sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen Howlgalo amaanka lagu sugayo iyo qaadida isbaarooyin yaala Inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo Marka.

Shabakada Caasimada oo goordhow la xiriirtay Afhayeenka Ciidamada Xooga dalka Jen. Gacma-duule ayaa sheegay inay ku howlan yihiin qaadista isbaarooyin ay dhigteen sida uu hadalka u dhigay kooxo maleeshiyaad ah waxaana uu tilmaamay inay maanta iyo shalay ay qaadeen dhowr isbaaro oo gobolka Shabeelaha hoose kamid ah.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa waxaa uu intaa raaciyay inaysan ogaalan doonin isbaarooyin dambe lagu arko Gobolkaas oo dhan.

Howlagalkan qaadista Isbaarooyinka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Madaxwaynaha Soomaaliya uu sheegay inuusan aqbali doonin isbaarooyinka yaala Muqdisho iyo Gobolada dalka si deg deg ahna lagu qaado.

Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada dalka iyo Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Arintan

Manchester United oo Chelsea ka dooneysa xidig 16 jir ah.

Da’yarka kooxda Chelsea qadka dhexe uga ciyaara Conor Hunte ayaa waxaa doonaya Manchester United, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

16-jirkaan ayaan weli qandaraas xirfadeed u saxiixin kooxda Stamford Bridge, wuxuuna sidoo kale soo jiitay kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Si kastaba, United ayaa talaabo u qaadeysa inay dalab ay kula soo saxiixaneyso u dirto ciyaaryahankaan ka tirsan Under-17-ka xulka England.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Mourinho: Inter Milan waa dhaqdhaqaaqa wadnaheya.

Jose Mourinho ayaa qirtay inuu weli gacaltooyo badan u haayo Inter Milan, inkastoo uu kooxda uga soo dhaqaaqay Real Madrid laba sano ka hor.

Tababrihii hore ee Chelsea ayaa los Blancos ku hugaamiyey La Liga iyo Copa del Rey tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay Nerazzurri, laakiin wuxuu sheegay inaysan weli qalibiisa ka go’in guushii Champions League ee uu kula raaxeystay kooxda Talyaaniga.

Mourinho ayaa sidoo kale sheegay inay murgucisay inuu kazoo tegay Inter markii ay ku guuleysatay Horyalka Yurub, laakiin wuxuu cadeeyey inuu xalku ahaa inuu usoo dhaqaaqo Bernabeu.

“RealMadrid ayaa isoo dalbatay markii sedaxaad,” ayuu 49-jirkaani u sheegay TV-ga fadhigiisu yahay dalka Portuguese ee TVI.

“Asxaabteyda ayaa ii sheegay inay halkaasi had iyo joor yaalaan wax aan raadinaayey hadii aan aado Madrid. Waan kazoo tegay Inter sabatoo ah hadii aan guul ku garo Madrid, ka dib waxaan sameynayaa taariikh, si kastaba qalbigeygu wuxuu weli yaalaa Nerazzurro.

“Qofna ima siin wax la mid ah wixii ka dhacay Inter. Waan ooyey hal mar ka badan markii aan kasoo tegay.
“Waan dabaal degaa hadii ay Inter guul gaarto sidoo kale waan xanuunsadaa markii ay guul darro soo gaarto.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Roberto Mancini: Mario Balotelli iib kama ahan Man City.

Roberto Mancini ayaa qirtay inaysan Manchester City Janaayo iibineyn weeraryahankooda Mario Balotelli ka dib markii uu ciyaaryahanka reer Talyaani la yaab ka dhigay kulankii ay xalay wajaheenWigan.

Mancini ayaa kalsooni kazoo gashay dhanka Balotelli ka dib markii uu dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey ee xilli ciyaareedkaan Premier League daqiiqadii 69aad.

Markii tababaraha la weeydiiyey inuu bisha soo aadan Balotelli u ogolaanayo inuu kooxda ka tago wuxuu ku jawaabay: “Maya taasi run ma ahan. Waa goolkiisii ugu horeeyey ee xilli ciyaareedkaan waxaan rajeynayaa inuu kor isku qaadi karo ka dib ciyaartaan.

“Waan ku fikireynay inaan Mario iibino laakiin hada waxaan aragnaa inuu ka dardar badan yahay Aguero.

“Waxan heysanaa afar weeraryahan oo heer sare ah laakiin mar mar waxaa nagu adkaata in goolal aan dhalino sidii xilli ciyaareedkii hore. Waxaan rajeynayaa inaan ku fiicnaano gool dhalinta. Xilli ciyaareedka aad ayuu u dheer yahay, hadii ay kooxuhu inta badan ka ciyaarayan Champions League bisha Febraayo taas wax walba ayey bedeli kartaa.

“Waxaan kala horeynta ku xignaa United laakiin sidoo kale waxaan filayaa inay Chelsea u dagaalami karto horyaalka.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu. 

Rafael Benitez: Chelsea way ku guuleysan kartaa EPL.

Taageerayaasha Chelsea ayaa mar kale ay sii hurineysaa inaysan awalba ku qanacsaneyn Rafael Benitez ka dib markii uu kulankiisii labaad barbaro goolal la’aan ah la galay Fulham.

Taageerayaasha ayaa mar kale Boorar kusoo xardhaday ‘Waxaan dooneyaa Chelsea-deenii oo soo laabata’ [we want our Chelsea back], xilli kooxda heysata Horyaalka Yurub aysan lix kulan guul gaarin, waxayna todobo dhibcood ka dambeysaa hugaamiyeyaasha Manchester United.

Ninka aadka loo hadal haayo Fernando Torres ayaana weli ku socda wadadiisa uusan goolasha ku dhalineyn ka dib markii uu gool la’aan ahaa Toban saacadood iyo 49 daqiiqo.

Benitez  ayaa yiri ciyaarta ka dib “Qof walba oo halkaan jooga wuu niyad jabay. Wey nagu adkeyd Fulham, kuwaasoo si adag u shaqeeyey, laakiin kulamadaan waaa inaan guuleysanaa. Ciyaarta waynu xakameynay laakiin weli waa inaan goolal dhalinaa.”

Waa markii ugu horeysay oo aysan Chelsea laba kulan oo isku xigta oo garoonkooda ah goolal ku dhalin tan iyo September 2007dii. Benitez ayaana noqonaaya tababarihii labaad ee ka hoos shaqeeya Roman Abramovich ee ku guul dareysta inuu guul gaaro labadiisa kulan ee furintaanka ah.Kankale waa Avram Grant.

Laakiin Benitez ayaa qaba inay Chelsea Horyaalka kula tartami karto United iyo Manchester City, kuwaasoo mar kale isku taagaya inay ku guuleysataan.

“Maxaanan u sameyn Karin?” ayuu yiri: “Weli waqti badan ayaa dhiman. Waa inaan kor isku qaadnaa. Markaas fursad ayaan u heli doonaa.

“Xasuuso xilli ciyaareedkii hore markaas oo City hugaanka looga qabtay si fudud ka dib waxay u baahdeen inay guuleystaan ilaa kulankoodii ugu dambeeyey. Waxaan heysnaa waqti dheer oo ka harsan tartanka.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Chelsea oo isha ku heysa bedelka Super Frank Lampard.

Chelsea ayaa isha ku heysa xidig u dhashay dalka Brazil kaasoo lagu magacaabo Bernard, sida uu qoray Wargeyska The Sun.

20-jirkaan, ayaa lagu niinaasaa Oscar-ka cusub, waxaana kooxdiisa Atletico Mineiro sidoo kale ku qiimeysaaa aduun lacageed dhan 6 milyan oo ginni.

Bernard, oo isbuucii lasoo dhaafay xulkiisaBrazilu ciyaaray ayaa waxaa kula taliyey inuuChelseaku biro ciyaaryahankii hore ee Blues Deco, kaasoo ay isku koox u ciyaaraan.

Waxaa laga yaabaa inuu noqdo bedelka Halyeeyga Chelsea Super Frank Lampard oo ay da’du ka daba timid qandaraaska kooxduna uu ka dhacayo bisha Janaayo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Mezut Ozil oo mar kale diirada u saaran Manchester United.

Mezut Ozil ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Radar-ka Manchester United ka dib markii lasoo sheegay inuu kubad sameeyahaani ka fikiraayo mustaqbalkiisa Real Madrid, sida uu qoray wargeyska The Sun.

24-jirkaan heerka caalami ee dalka Germany ayaa Real laba sano ka hor uga soo biiray Werder Bremen.

Laakiin wuxuu ka baxay dooqa koowaad ee tababare Jose Mourinho marka loo fiirsho inuu booska kula tartamo Luka Modric, waxaana lasoo sheegayaa inay xidigaan kusii badaneyso inuusan kooxda ku faraxsaneyn.

Tababaraha United Alex Ferguson ayaa isha ku haaya horumar walba oo uu xidigaani sameynayo kamana gamban doono inuu u suuq galo hadii ay Madrid iibineyso.

Fergie ayaa doonaya inuu bedelo ninka kooxda ku gaamuray Paul Scholes, oo 38 jir ah, kaasoo u muuqda inuu ciyaaraha ka fariisan doono markiisii labaad dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Hadii ay Real iibineyso Ozil, kooxda ka dhisanSpainayaa ku bixin doonta laba u jibaar lacagtii ay kaga soo gadatay Bremen waxayna aheyd 12 milyan oo ginni.

Laakiin United ayaa lacagtaasi jeebka ugu jirtaa markii horaan laga afduubtay Eden Hazard iyo Lucas Moura.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Liiska tababareyaasha caalamka ugu mushaarka badan.

Liiska tababareyaasha ugu mushaarka badan caalamka waxaa hugaanka u haya Jose Mourinho, Sir Alex Ferguson ayaana ku jira kaalinta afaraad halka tababaraha xulka England Roy Hodgson uu isna ku jiro kaalinta 30aad.

Tababaraha Arsenal Wenger ayaa galay kaalinta 5aad halka macainka kooxda qaniga ah Anzhi Guus Hiddink uu isna ku xigo.

Liiska Tababareyaasha caalamka ugu mushaarka badan waa sidaan:

1. Jose Mourinho – RealMadrid (£12.3m)

2. Carlo Ancelotti – Paris St. Germain (£10.9m)

3. Marcelo Lippi –Guangzhou(£8.7m)

4. Sir Alex Ferguson –ManchesterUnited (£7.6m)

5. Arsene Wenger – Arsenal (£7.5m, pictured right)

6. Guus Hiddink – Anzhi (£6.7m)

7. Fabio Capello –Russia(£6.3m)

8. Tito Vilanova –Barcelona(£5.6m)

9. Jose Camacho –China(£4.8m)

10. Roberto Mancini –ManchesterCity(£4.8m)

11. Frank Rijkaard –Saudi Arabia(£4.3m)

12. Jupp Heynckes – Bayern Munich (£4.2m)

13. Andre Villas-Boas – Tottenham (£3.6m)

14. Harry Redknapp – QPR (£3.2m)

15. Jorge Jesus – Benfica (£3.2m)

16. David Moyes – Everton (£2.9m)

17. Manuel Pellegrini –Malaga(£2.9m)

18. Paulo Autuori –Qatar(£2.9m)

19. AbelBraga– Fluminense (2.8m)

20. Luciano Spaletti – Zenit (£2.7m)

21. Antonio Conte – Juventus (£2.4m)

22. Cesare Prandelli –Italy(£2.4m)

23. Vanderlei Luxemburgo – Gremio (£2.4m)

24. Muricy Ramalho –Santos(£2.4m)

25. Tite – Corinthians (£2.4m)

26. Ottmar Hitzfeld –Switzerland(£2.1m)

27. Joachim Low –Germany(£2m)

28. Marcelo Bielsa – AthleticBilbao(£2m)

29. Martin O’Neill –Sunderland(£2m)

30. Roy Hodgson –England(£2m)

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

 

Arsenal iyo Manchester United oo isku heysa Mario Gotze.

Arsenal iyo Manchester United ayaa dheguhu u taagan yihiin ka dib markii ay kooxda Jarmalka Borussia Dortmund ay daaha ka qaaday inay 20-jirka qadka dhexe uga ciyaara Mario Gotze qandaraaskiisa lagu burburin karo 30 milyan oo ginni, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Xidigaan ayaa si aad ay xilli ciyareedkaan uga dhex muuqday Champions League, wuxuu qandaraasku qarka u saarnaa inuu dhaco July dalabyo u yimid ayeyna diiday kooxda heysata Horyaalka Bundesliga intii lagu jiray April.

Gotze ayaa kooxdiisa haatan kula jira heshiis waqti dheer ah, wuxuuna diirada u saaran yahay kooxda Arsenal, xidigaan kazoo baxay akadeemigaDortmund. Xidiga heerka caalami ee dalkaGermanyayaa sidoo kale bartilmaadeed u ah kooxaha ugu tunka weyn Yurub, marka lagu daro Real Madrid.

Laakiin Gotze oo bishii March kooxdiisa heshiis u saxiixay uu kula joogayo ilaa 2016ka. Ayaa Dortmund ka caawiyey inay ku guuleysato Horyaalka Bundesliga labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Wasiirka Arimaha gudaha “Ahlusuna iyo Raaskambooni waa inay ku biiraan Dowlada hadii kale…..”

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/Kiriin Xuseen guuleed ayaa sheegay in la midaynayo Ciidamada dowlada iyo kuwa kale ee maamulada dalka ka jira .

Mr. Cabdi ayaa sheegay inaysan jiri doonin waqtiyada soo aadan Ciidamo aan dowlada ahayn oo dalka dhinac ka jooga.

Isagoo Kusugan Magalaada Baledweyne ayuu sheegay in la midaynayo Ciidamada Raaskambooni iyo Ahlusuna waljameeca oo dowlada taageera laakiin aan ahayn Ciidan dowladeed.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa carabka ku dhuftay inay soocdaan wadahadalo ku aadan Sidii Ciidanka Ahlusuna iyo Raaskambooni ay ugu soo biiri lahaayeen ciidanka dowlada.

Sidoo kale waxaa uu  hadalkiisa intaa ku daray Wasiirka inay doonayaan in Muqdisho iyo Gobolada dalka lagu arki doona dhawaan Ciidamo xeran dareeska ciidanka maadama la qalabaynayo Ciidanka Xooga dalka.