25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Warbixin: Booqashada Wasiirka Arrimaha gudaha ee Beledweyne.

Wafdi caalami ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha Gudaha iyo amniga qaranka ayaa ka dagay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Cabdikariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha ayaa markii uu ka dagay magaalada Baladweyne waxaa si heersare ah usoo dhaweeyay maamulka Gobolka Hiiraan.

Wasiirka wa safarkiisii ugu horeeyay ee uu kaga dhaqaaqo magaalada Baladweyne,waxaana la sheegayaa in halkaasi ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti.

Wasaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ka socda kulan ay qaadanayaan wafdiga wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti.

Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadlayaan waxaana warar hoose oo aan helayno ay sheegayaan in la wada hadlayo arimaha dhanka amaanka ee gobolka.

Magaalada Beledweyne shalay ilaa xalay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay gudoomiyihii Odayaasha dhaqanka ee magaalada Baladweyne iyadoo habeenimadii xalay lagu dilay ilaa labo ruux oo guryahooda lagala baxay.

Waxii kusoo kordhay safarka wasiirka arimaha kala soco caasimada.ocm

Dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatuma oo socda.

War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Somailand iyo Qaatumo uu maanta ka qarxay gobolka  Sool.

Sida warka aynu ku helayno Dagaalkani ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Khaatumo State ay weerar ku qaadeen Degmada Xudun oo ka tirsan Gobalka Sool.

Wararka ayaa sheegayaa in dagaalka uu yahay mid xoogan islamarkaana uu jiro khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha maamulka Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa usheegay Warbaahinta Muqdisho in weerarkaasi ay qaadeen dhankooda.

sababta ka dambeysa weerarkaasi uu  sheegay inuu yahay in maamulka Soomaaliland ay doonayeen inay ay doorashooyinka golaha deegaanka ay ka bilaabaan Degmada Xudun ee Gobalka Sool.

Si dhab ah looma ogaan karo haatab khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi ayaa hadana wararku waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

Diyaarad Saanad Militeri waday oo ka dagtay magaalada Kismaayo.

Wararka Magaalada Kismaayo laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan  in Diyaarad saanad hub waday ay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Marka diyaaradan ay soo caga dhiganaysay Kismaayo ayaa waxaa la joojiyay dhaq dhaqaaqii ka jiray  magaalada waxaana hakad ku yimid isusocodkii dadka iyo gawaarida.

Saraakiil Dowlada Soomaaliya ka tirsan oo aan la xiriirnay waxna ka waydiinay hubkan diyaarada ay ka soo dajisay Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay inay qayb ka yihiin imaanshaha saanada Militeri qorshaha dowlada iyo Amisom.

Diyaarada Hubkan waday ayaa waxaa ay ka soo duushay Garoonka diyaaradaha Nairobi waxaana lagu tuhmayaa inay iska leedahay dowlada Kenya.

Waxaa uu Sarkaalka Sheegay In Saanadii ciidamada ay haysteen ay go’day sidaa daraadeedna loo keenay hubkaan.

Cannavaro: Pirlo ama Iniesta ayaa u qalma Ballon d’Or.

Daaficii hore ee Real Madrid Fabio Cannavaro ayaa sheegay in xidiga qadka dhexe ee xulalka Spain iyo Talyaaniga Andres Iniesta iyo Andrea Pirlo aan wax badan loo tixgelin inay u qalmaan abaal marinta Ballon d’Or.

Ciyaaryahanka sedaxda jeer ku guuleystay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ugu cadcad abaal marintaan, balse Cannavaro ayaa qaba inaysan labadaani qaban wax ay ku hantaan abaal marinta.

“Ma u maleynaayo inay u dhexeyso Messi iyo Ronaldo – waxaan u dooran lahaa Pirlo ama Iniesta,” ayuu yiri ciyaaryahankii hore ee xulka Talyaanigu.

” Iniesta wax la yaab leh ayuu ka sameeyey Spain wuxuu la qaaday labadii koob ee Yurub ee ugu dambeysay.
”Pirlo hada, keliya Scudetto kulama guuleysan Juventus balse Finalkii Euro 2012 ayuu gaarsiiyeyItaly.”

Xidiga Barcelona Lionel Messi ayaa sedax gool u jira inuu jebiyo Rikoorka gool dhalinta hal sano ee qura uu dhigay Gerd Muller.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Doorasho ka dhaceysa Somaliland.

Iyadoo deegaanada Somaliland ay maanta ka dhacayso doorashada Golaha deegaanka ayaa waxaa soo baxaysa in dad badan codkooda si xoog ah loo adeegsanayo.

Maamulka Qaatumo oo hurguf ay kala dhaxayso Somaliland ayaa sheegay in dad ku nool Sool,Sanaag iyo Cayn laga qayb gelinayo doorashada Somaliland.

Mid kamid ah masuuliyiinta Maamulka Qaatuma ayaa warbaahinta Muqdisho  u sheegay in dadka ku dhaqan deegaanadooda laga qayb gelinayo doorashada Golaha deegaanka Somaliland ee Maanta dhacaysa.

Qaatuma ayaa ka soo horjeesatay waxaana ay xabsiga u dhigtay dad badan  oo ka soo jeeda Qaatumo kuwaas oo olale ka dhex waday deeganada ay ka taliyaan Maamulka qaatuma dadkana u sheegayay inay codkooda dhiibtaan.

Dhanka kale goobaha cod bixinta ee Maamulka Somaliland ayaa saakay loo dareeray .

Nistelrooy: RVP horyaalka ayuu ku hugaamin doonaa Man Utd.

Ruud van Nistelrooy ayaa daaha ka qaaday inuu Robin van Persie Horyalka Ingiriiska xilli ciyaareedkaan dib ugu soo celin doono masraxa riyada old Trafford.

Persie ayaa hugaamin doona weererkaManchesterUnited caawa marka ay wajahdo West Ham.

Ka dib markii uu xirfadiisa ka bilowday kooxda Old Trafford halyeeygii United Van Nistelrooy ayaa u arka ninka ay isku wadanka yihiin inuu wax ka bedeli karo hanashada Horyaalka.

RVN ayaa yiri: “Iyadoo uu waqtigaan kor u socdo, Robin wax ayuu ka bedeli karaa Horyaalka.

“Hadii uu qaab ciyaareedkaan sii wato sanadkaan markaas waxaan arki karaa United oo qaadeysa horyaal kale.”

RVP ayaa xilli ciyaareedkaan intii uu bilowday United u dhaliyey 11 gool 17 kulan oo uu garoonka u galay iyadoo Red Devils ay hugaamineyso Horyaalka.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Walcott iyo Sagna oo laga saaray ciyaartoyda Arsenal ee 2013ka.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Arsenal Theo Walcott iyo Bacary Sagna ayaan lagu soo darin ciyaartoyda rasmiga ah ee kooxdu ku shir tegi doonto 2013, xidigahaan ayaa ah kuwo waayadaan si joogta ah kooxda ugu ciyarayey balse hadii aysan heshiisyo saxiixin waxaa laga yaabaa inay ka huleelaan Emirates.

Wallcott qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England waxaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo midkood kooxaha Gunners Premier League kula xafiiltama Manchester City iyo Liverpool, waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu la hadlo kooxo ajnabi ah ka hor inta uusan si xor ah ku bixin dhamaadka xilli ciyaareedka.

23-jiraan ayaa waayo la yaab leh sanadkaan ka muujiyey Arsenal – wuxuu dhaliyey sagaal gool halka uu afar kale caawiye ka ahaa 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Daafaca dambeedka midig Sagna, mustaqbalkiisa ayaa sidoo kale shaki ku jiraa, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa waxaa horay u xiiseynayey Inter Milan, halka sidoo kale la arko hurumarka aan kala joogsiga laheyn ee uu sameynayo da’yarka Carl Jenkinson kaasoo amaan kala kulmay Arsene Wenger bilowgii sanadkaan.

Sagna ayaa lugta ka jabay dhamaadki sanadii lasoo dhaafay, wuxuuna saftay lix kulan ka dib markii uu dhowaan kooxda kusoo laabtay.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Faroole: Puntland anagaa iska leh!

Nin Ganacsade ahaa baa Todobaatameeyadii gatay baabuurka loo yaqaan SABAAX, oo  markaa suuqa baabuurta iyo baladkaba ku cusbaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu gaarigii Sabaaxa ahaa ku raray Ari loo waday Magaalada Burco, markuu marayo jiiqjiiqda Hiiraan ayuu gaarigii gaddoomay, markaa ayaa waxaa u yimid Boolis, si ay u diwaangaliyaan dhacdada, markii dhawr su’aalood la weydiiyey oo uu malaha qoonsaday ayuu damcay inuu u sheego Booliska in Gaariga gaddoomay, Ariga saran iyo waxa dhan uu isagu leeyahay, wuxuuna yiti: “QOR, SABAAX ARI SIDA, OO BURCO U SIDA, ANAA GATAY, ANAANA GADDISTAY!

In badan baa laga digay fidnada Faroole, ayaandarrada baase ah inaan laga digtoonaan, kaba sii darane, sida wax u dheceen waaba loo heellanaa, ha noqoto deegaanka uu ka taliyo ama dawladdii Shariife, maalintii uu xilka qabtay ilaa maanatadan tacaddi iyo xadgudub unbuu ku soo kordhiyey deegaankaa, Soomaalina sadbursi qayaxan iyo afduub qabiil ayaa ula yimid.

Laga yaabee in Faroole matalo aragti guud oo ay la wadaagaan dad deegaanka ah, haddana, suuragal ma ahan in falalka qaar aysan helin qof diidmo ka keena, haddii aysan ahayn, laabta ka jecli iyo luggooyadu ha socota! Sidan waxaan u leeyahay inta kol ee Faroole xerataraar sameeyey cidna hooy iyo yac midna dhihin, in loo naseexeeyana marag looma haayo.

Xaajadu ugub ma ahan, marka laga eego dhanka cod la’aanta iyo caburka aan la aqoon waxa sababay, haddii aysan ahayn cudurkii aan dawadiisa lahayn ee QABIILKA. C/laayihi Yuusuf baa Xamar Xabashi keensaday, dabcan Madaxweyne wuu ahaa, haddana, uma dhaqmin sida magacu keenayo maamuuskeeda lama imaan, wuxuu dhigay waa loo wada joogay, waxaanse la helin cod dheer ama hoose oo lagu yiri: C/laahi cidaan shisheeye Soomaali ha ku kala gayn!

Sida sooyaal yaqaanku sheegaan taariikhdu mar qura ma dhacdo ee waa soo laalaabataaye, micnaha dhawr kol ayey dhacdaa iyadoo isla sidii ah ama aan wax weyn ka duwanayn tii hore, waxaan uga jeedaa, sidii aan loo oran C/laahi Yuusuf waxa aad ku socotaa waa qalad xigaalada iyo walaaltinimada dhaawacaya, xaajo ugub ahna horseedaya, ayaan Faroolana lo oran sida aad wax ku waddaa dadka ayey kala dilaysaa.

Haddii C/laahi Yuusuf markii laga guulaystay dib ugu soo jabhadeeyey Garoowe, maanta waxaan joognaa in mudane Faroole uusna diyaar u hayan inuuba doorasho qabto, haddi xasuuso doorasho wa midda keentay isagee, oo u sahashay inuu xukunka qabtee, inuu sannad ku darsaday ka sokow, hadda ayuu rabaa shan kale oo hor leh.

Faroole hadduu kala dhantaalay Punland, oo maanta uun ah magac iyo qalfoof kali ah, maxaa yeelay deegaankaa waxaa ka dhisan maamullada kala ah: KHATUMO STATE, ALL SSC STATE, ALL CAYSRLAND, MAAMUKA GALBEEDKA GAALKACYO IQB, maanta wuxuu marayaa inuu malaha dhawrkii magaalo ee ku harayna uu sii kala googooyo, illeen sida uu wax u wado keeni mayso wada noolaashee, aan ka ahayn dagaal iyo dirir hor leh, ayna dhanka kale ka jiraan Somaliland, oo iyana dhinac ka sheeganaya maamullada gobolladaa.

Burburkan waxaa sababay, aad garatide, bal ila eeg magacyadan hoos qoran, dhammaan waxay xilal ka hayaan maamulka uu Faroole hoggaansho, waana wada Qoyskiisa, waxayna kala yihiin:

  1. 1.  Cumar C/raxmaan Faroole
  2. 2.  Sucaad C/raxmaan Faroole
  3. 3.  Maxamed C/raxmaan Faroole
  4. 4.  Cismaan C/raxmaan Faroole
  5. 5.  Qadar C/raxmaan Faroole
  6. 6.  Aamino Abiib, oo ah xaaska mudane Faroole

Haddaba, ma idin la tahay nin qayskiisa ka dhammaan waayey inuu dad kale u maqan yahay ama wax u qabanayo? Warcelinta aqristaha baan u daynayaa. 

Gacan ku gambashada Gaas!

Waxaa la yiri: “God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide!” Gaas intuu xilka Wasiirka 1-aad hayey, wuxuu si bareer ah ula saftay Faroole, isagoo marar badan ku taageeray mawqafiyo qallafsan oo Faroole ka qaatay geeddi socodka nabadda, waa marka Gen.  Cabdikarim Yusuf “Dhagabadan” oo Gaas ku yiri: “Ma waxaad tahay kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra’isal wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!

Adduunyadu wa meertee, ninkuu shalay qalad iyo qallafsanan ugu qiilinayey, ee aan marna laga heyn qodobkaa Soomaali uma qalmo, maanta isaga ayuu ku keenkeenay, socdaal uu ku joogay deegannada Bari, ayaa Gaas laga daldabaday inuu si degdeg isaga boxo deegannada, ka dib markii Mudane Faroole ka shakiyey hammiga siyaadeed ee ku jira Gaas.

Hadduu is adkeeyey, ee uu ka dhaga furtaystay farriimaha uga imaanayey maamulka Faroole, waxaa si toos ah looga yeeray Saldhigga Booliska, si toos ah oo aan sarbeeb iyo silloonaan ku jirin loogu yiri: ISAGA BAX deegaankan, amarkaana waxaa baxshay Faroole, is adkayn ka dib, dantu waxay kalliftay inuu isaga huleelo, isagoo guryan iyo gunuunac ku yiri: meesha cabbirin baaxad leh baa ka jirta! Oo haddaa yaan ogayan oo uu u sheegayaa? Malaha isaga ayaa iminka ogaaday!

Maanta waxay maraysaa in dad ka soo horjeeday kordhisada uu damacsan yahay Faroole, oo ku muduharaaday safar uu ku tagay qaar ka mid ah deegannadaa in Xabbad iyo rasaas loogu jawaabo, dhaawac iyo dhimashana ka dhalatay, oo kaalay maxaa Maxamed Siyaasad Barre looga soo horjeestay oo Jabhado iyo dagaallo loogu kiciyey, haddii sidiisii oo kale ama ka xunba loo dhaqmayo? Anigu ma garan.

Farooloow haddii lagu nacay, ma dad ayaad ku qasbaysaa inay ku oggolaadaan? Maxamed Siyaad Barre oo kaa awood iyo itaal badan ayaa dibadda la dhigay, ee armay ku habboon tahay inaad tixgaaliso xeerarka yaal iyo inaad xushmadda lagaa mudan yahay la maagin, Wallee, haddii kale meel xun baa kuu dambayn doonta, waayahana aan ka war sugno.

W/Q: Bashiir M. Xersi

[email protected]

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Tahniyad Dhalasho: Cabdi Salaan Maxamuud iyo Deeqo Maxamed.

0

Jaamac    Cali    Naasir

Zamzam  Yuusauf  Nuur

Ardo     Maxamed     Cali

Faa’iso     Ibraahin    Isxaaq

Deeqo      Ibraahin    Isxaaq

C/fitaax    Ibraahin   Isxaaq

Ayaan      Aadan       Cali

Aamino   Maxamuud  Garweyne

Fartuun    Cali     Cabdi

waxay hambalyo iyo bogaadin ay leeyihiin C/salaan Maxamuud Axmed iyo Deeqo Maxamed Xasan, oo ay 25kii bishan November 2012-ka uu Wiil ugu dhashay magaalada Seattle Washington ee Dalka Maraykanka, wiilkaas waxaa loo bixiyay, Ilyaas C/salaan Maxamuud. Soo barbaar ayay leeyihiin, noqo kii dalkiisa, dadkiisa iyo Diintiisaba anfaca. Aamiin.

Hambalyo Dhalasho.

Hooyo   Suldaano         Muxumad    Abuubakar

                Ikraam           C/laahi          Axmed

                Ilhaan             C/laahi          Axmed

                Fardowso      Aamin           Xasan

                Ayaan             Aadan           Cilmi

                Fartuun          Cali  Cabdi iyo Seygeeda

                Axmed           Yuusuf

                Raxmo           Yuusuf

                Maxamed      Yuusuf

Cali Cilmi iyo dhammaan qoysaska, Reer Maxamud Axmed Iyo Reer Maxamed Xasan, waxay hambalyo iyo bogaadin ay leeyihiin C/salaan Maxamuud Axmed iyo Deeqo Maxamed Xasan, oo ay 25kii bishan November 2012-ka uu Wiil ugu dhashay magaalada Seattle Washington ee Dalka Maraykanka, wiilkaas waxaa loogu wanqalay Ilyaas C/salaan Maxamuud. Soo barbaar ayay leeyihiin, noqo kii dalkiisa, dadkiisa iyo Diintiisaba anfaca. Aamiin.

Anzhi oo sheegtay inaysan dooneyn Wesley Sneijder.

Anzhi ayaa albaabka ka xiratay Wesley Sneijder waxayna sheegtay inuusan ku jirin liiska ay Janaayo ka xiiseynayaan suuqa kala iibsiga.

Kooxda Ruushka ayaa soo bandhigtay bartamihii xagaaga dalab ay ku dooneysay inay ku dhaqaajiso 28-jirkaan qadka dhex, kaasoo lo sheegay inuusan Inter Milan u ciyaari doonin inta uu aqbalayo inuu dhimo mushaarkiisa, inta badan PSG, Manchester City iyo Manchester United ayaa qorshaha ku darsaday.

“Waxaa jiray wadahadalo badan oo ku aadan Sneijder, laakiin waxaan damaano qaadi karaa inuusan ka mid aheyn liiska ciyaartoyda aan xiiseyneyno,” ayuu Agaasimaha guud ee Anzhi Ayvaz Kaziakhmedov u sheegay FC Inter News.it.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Tobankii saxiix ee abid ugu fiicnaa Barclays Premier League.

20 sano ayaa laga joogaa markii ay Manchester United lasoo saxiixatay Eric Cantona, aan dibu milicsano Tobankii saxiix ee abid ugu fiicnaa Premier League.

Waxaa macquul ah inaan meesha ka saarno saxiixyo waa weyn oo aadan qiyaasi Karin, sababtoo ah waa kuwa aad loo garanaayo magacyadooda, sida Roy Keane, Rio Ferdinand iyo Wayne Rooney oo ay lasooo saxiixatay Manchester United tusaale ahaan.

Hadaba waxaan sidoo kale kusoo qaadaneynaa qeyb yar oo ah waxa uu qabtay ciyaaryahanku inagoo u bixinay Ma Ogtahay.

ERIC CANTONA

  • Kulamo: 156
  • Goolal: 70

Leeds ayuu kaga biiray Manchester United £1.2m 1992dii.

Waxaa la rumeysan yahay inuu Eric Cantona ahaa mid wax ka bedelay taariikhda Manchester United, waxaana xidigaan kooxda keenay tababare Sir Alex Ferguson

Cantona ayaa xirfadiisa kusoo bandhigay kooxdii markaas soo qaaday horyaalka championship-ka ee Leeds 1992dii, waana markii horyaalka Ingiriiska laga bedelay magaciisii hore ee Division One. Si kastaba xidigaan wuxuu ahaa mid laga jecel yahay masraxa riyada.

Ma Ogtahay? Contana ayaa 26 gool ka dhaliyey 29 koox oo uu ka hor yimid wayihiisii Leeds wuxuuna ku guul darreystay inuu shabaqa kasoo taabto Bolton, Leicester iyo Manchester United.

DENNIS BERGKAMP

  • Kulamo: 315
  • Goolal: 87

Inter Milan ayuu kaga biiray Arsenal £7.5m 1995tii.

Dad badan ayaa laga yaabaa inaysan xasuusan inuu kooxda kusoo biiray inta uusan sutida u qaban tababare Arsene Wenger. Macalinkii Inter kala soo saxiixday wuxuu ahaa Bruce Rioch. Bergkamp oo looga fadhiyo inuu goolal wax tar leh dhaliyo wuxuu ku darsaday goosmooyinka garbaha. Wuxuuna isku muujiyey waqti uu ka hoos ciyaarayey George Graham.

Ma ogtahay? Bergkamp ayaa cawiyey 95 gool oo Barclays Premier League ah, waana in ka badan inta uu caawiyey ciyaaryahan kale oo Arsenal ah.

THIERRY HENRY

  • Kulamo: 258
  • Gool: 175

Juventus ayuu kaga biiray Arsenal £11m 1999kii.

Hadii la dhahayo ciyaaryahan ayaa ku dhow Cantona marka loo fiirsho saxiixyada tayada leh ee EPL waa Thierry Henry.

Markii uu  Arsene Wenger kala soo wareegy Juventus wuxuu ahaa mid ka ciyaara garabka bidix laakiin wuxuu halyeey u noqday kooxda London.

Ma ogtahay? Henry ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican marka celcelis ahaan loo fiirsho gool dhalinta ciyaaryahanada kale wuxuu dhaliyey 30 gool oo Premier League ah (121.8 daqiiqo ee kasta)

FRANK LAMPARD

  • Kulamo: 529
  • Goolal: 153

West Ham ayuu kaga biiray Chelsea £11m 2001dii.

Frank Lampard ayaa loo arkaayey xidig aysan tayadiisu dhamaan waana gool dhaliyaha sedaxaad ee ugu sareeya Chelsea, wuxuu ka dambeeyaa Bobby Tambling iyo Kerry Dixon.

Waxaa la sugaa kubado awood ku riix ah ama goolal caijiib ah, iyo inuu yahay halyeey Blues ah.

Ma Ogtahay? Lampard ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta isku xiga in ka badan 10 Horyaal oo EPL ah (Sagaal gool oo isku xigta ayuu dhaliyey intii u dhexeysay 2003-04  ilaa 2011-12)

CRISTIANO RONALDO

  • Kulamo: 196
  • Goolal: 84

Aynu mar kale ku laabano Manchester United iyo Cristiano Ronaldo kaasoo hada kaalinta labaad kaga jira ciyaaryahanka ugu fiican caalamka isagoo ka dambeeya Lionel Messi.

Xidiga Real Madrid ayaa waayo aan la hilmaami Karin kusoo qaatay Man United makii ugu horeysay ee uu yimid Old Trafford waxaa la dhihi jiray waa Thierry Henry yaraa.

Waxaana lagu xasuustaa inuu 42 gool oo horyaalka ah dhaliyey 2007-08, Ronaldo ayaa looga yaqanaa Masraxa Riyada sida halyeey Eric Cantona.

Ma Ogtahay? Ronaldo ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta ugu badan ee keliya 20 koox xili ciyaareed EPL ah (31 gool ayuuna ka dhaliyey 2007-08)

ALAN SHEARER

  • Kulamo: 441
  • Goolal: 260

Southampton ayuu kaga biiray Blackburn Rovers (£3.3m, 1992) wuxuuna ka aaday Newcastle United £15m 1996.

Qof walba ayaa u maleynaayey inuu Alan Shearer ku biirayo Manchester United markii uu ka tegay Southampton laakiin wuxuu u huleelay Blackburn xilli ay uga mahad celinayeen awooda ninka kooxda iska lahaa Jack Walker, kasoo dhisay kooxdii ku guuleysatay Horyaalka.

Rovers ayaa heysan weysay ciyaaryahanka wuxuuna si Rikoor ah 3.3 milyan oo ginni kula soo saxiixday Kenny Dalglish 1992dii, waana ka dib markii ay ku guuleysteen Premier League.

Ma Ogtahay? Shearer waa gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda Horyaalka Ingiriiska wuxuuna leeyahay 260 gool.

RUUD VAN NISTELROOY

  • Kulamo: 150
  • Goolal: 95

PSV Eindhoven ayuu kaga biiray Manchester United £19m 2001dii.

Ruud van Nistelrooy ayaa ahaa mid la yaab ka dhigay waayihiisii Red Devils wuxuuna dhaiyey goolal badan halka uu kuwo kale qasaariyey.

Sir Alex Ferguson ayaase iska diray 2006dii laakiin wuxuu ahaa weeraryahan ay adag tahay in la celiyo awood ahaan iyo maskax ahaan.

Ma ogtahay? van Nistelrooy ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta isku xigta ee kulamo EPL ah (10 gool ayuu dhaliyey intii u dhexeysay March iyo August 2003dii)

XABI ALONSO

  • Kulamo: 143
  • Goolal: 14

Real Sociedad ayuu kaga soo biiray Liverpool £10.7m 2004tii.

Xabi Alonso ayaa door muhim ah ka ciyaaray kooxdii Liverpool ee hanatay Champions League xilligii uu hayey Rafa Benitez 2005tii.

Waa xidiga ay inta badan ka murgaan taageerayaasha Liverpool ka dib markii uu 2009kii kaga biiray Real Madrid, waxayna u arkayeen xidig fure u ahaa inuu waqti badan lasii ciyaaro Steven Gerrard.

Ma Ogtahay? Alonso ayaa heystay celcelis ahaan baasas dhan 61.2 kulan walba oo Liverpool uu u ciyaaray, keliya Cesc Febregas ayaa ka fiican kaasoo heysta 62.3 baas kulan walba oo uu Gunners u ciyaaray Alonso ayaa shan sano ka ciyaaray Horyaalka England.

DIDIER DROGBA

  • Kulamo: 226
  • Goolal: 100

Marseille ayuu kaga biiray Chelsea £24m 2004tii.

Didier Drogba Waa ciyaaryahan kale oo aan bedelkiisa si fudud lagu heli doonin marka la eego Chelsea. Awoodiisa iyo maskax ahaan oo uu istaago booska ku haboon gool dhalinta Waxay u muuqataa mid aan sahal lagu heli doonin. Waxaana asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin kula  kajami jireen inuu nasiib u leeyahay inuu goolal ka dhaliyo Arsenal.

Ma Ogtahay? Drogba ayaa noqday ciyaryahankii ugu horeeyey ee African ah oo 100 gool ka dhaliya Horyaalka Ingiriiska.

PETR CECH

  • Kulamo: 268
  • Badbaadooyinka uu sameeyey: 132

 

Rennes ayuu kaga biiray Chelsea £7m 2004tii.

Petr Cech Waa halyeey goolka u qabta Blues mana ahan mid ay taageerayaasheedu iloobi karaan ka dib wixii uu sanadii hore ka sameeyey Munich.

Ma Ogtahay? Goolhaye yaashii soo ciyaaray EPL 20kii sano ee lasoo dhaafay, Petr Cech ayaa ugu fiican wuxuuna badbaadiyey 132 darbo oo toos ah 268 kulan.

Sideed u aragtaa Tobankaan ciyaaryahan ee aan soo qaadanay yaad kusoo dari laheyd? Inoo sheeg fikirkaaga adigoo ku qoraya qeybta Comment-ga.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Benitez: Ma garanaayo hadii uu Torres noqon doono sidiisii hore.

Rafa Benitez ayaa qirtay inuusan ogeyn hadii uu Fernando Torres uu noqon doono sidii uu waayo ahaan jiray.

Torres ayaa 91 ku dhaliyey 142 kulan oo uu u ciyaaray Liverpool ka dib markii uu Benitez 2007dii kala soo wareegay Atletico Madrid.

Waxaa Chelsea loga iibiyey 50 milyan oo ginni bishii Janaayo ee sanadii hore balse 19 gool ayuu ku dhaliyey 88 kulan.

Tababaraha cusub ee Blues ayaa yiri: “Ma ahan wax ciyaaryahankii waqtigaas, sababtoo ah wuxuu u ciyaarayey si heer sare ah waagiiLiverpool.

“Laakiin waxaan u maleynayaa inuu dib usoo laaban karo. Goortee? Ma garanaayo. Waxay ku xiran tahay sida ay asxaabtiisa kooxdu u caawiyaan.

“Waan hubaa inuu kor isku qaadayo laakiin waa inay kooxdu caawisaa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

France oo ku dhowaaqday tallaabo farxad gelisay Muslimiinta adduunka.

France ayaa ka farxisay muslimiinta adduunka, kadib markii ay qaaday tallaabo xaqiijin karta helitaanka dal madax banaan oo ay yeeshaan walaalaha muslimka ah ee Falastiin.

Xukuumadda Paris waxa ay xaqiijisay inay u codeyn doonto dhinaca Falastiin, marka Qarmada Midoobe ay dhammaadka toddobaadkan cod u qaado Heerka Falastiin ee QM.

Wasiirka arrimaha dibedda France Laurent Fabius, ayaa sheegay in dalkiisa uu muddo fog taageerayay damaca ay Falastiin ku dooneyso inay dal ku noqoto ayada oo aan wax walaac ah ka qabin.

Falastiinyiinta ayaa weydiisanaya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe inuu is-beddel ku sameeyo heerkooda joogitaan, oo iminka ah kaliya Kormeere joogto ah “Permanent Observer”, loona beddelo Dal Kormeera ah, balse aan xubin ka ahayn QM “Non-member Observer State”.

Israel iyo Mareykanka, ayaa kasoo horjeeda tallaabadan oo cod loo qaadi doono dabayaaqada toddobaadkan.

Waxa ay ka walaacsan yihiin in Falastiiniyiintu ay isku dayayaan inay si rasmi ah dal u noqdaan, ayaga oo maraya Qaramada Midoobe, intii ay ku raadin lahaayeen wada xaajood, sida ku dhigan heshiiskii Oslo ee 1993-kii, oo lagu dhisay Maamulka Falastiiniyiinta “Palestinian Authority”

Washington, waxa ay ka digtay in tani ay waxyeeleyn doonto intii ay ka caawin lahayd wada xaajoodyada mustaqbalka.

Manchester United oo xiiseyneysa xidiga PSV Kevin Strootman.

Manchester United ayaa dalab u dirtay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda PSV Kevin Strootman, sida laga soo xigtay wakiilka ciyaaryahanka.

Ciyaarayahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa lala xiriirinaayey inuu lacag badan ugu dhaqaaqo Old Trafford xilli uu Sir Alex Ferguson u arko inuu isaga dhiso qorshihiisa qadka dhexe, waxayna wararku soo jeedinayaan in heshiisku uu dhici karo bisha Janaayo.

22-jirkaan wakiilkiisa Chiel Dekker ayaa xaqiijiyey inay kooxda Premier League xiiseyneyso xidigaan wuxuuna daaha ka qaaday inay laf ahaantiisa diiradu u saaran tahay inuu u dhaqaaqoEngland.

Dekker ayaa u sheegay talkSPORT: “Dhamaan kooxaha ugu wa weyn Yurub way la socdaan xaalka Kevin, laakiin inuu u dhaaqaaqo England ayaa ah mudnaantiisa koowaad wuxuuna aqbali karaa inuu u dhaqaaqo Manchester United iyo kooxo kale oo Yurub ah oo lasoo xiriiray.”

Strootman ayaa 20-kulan saftay xilli ciyaareedkaan wuxuuna dhaliyey lix gool xilli uu sedax kale caawiye ka ahaa.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Benitez oo diiday inuu raali geliyo taageerayaasha Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea Rafael Benitez ayaa diiday inuu raali geliyo taageerayaashaChelsea ka dib hadaladiisii uu ku dhaleeceyn jiray intii uu macalinka u ahaaLiverpool.

Ninka reer Spain ayaa soo dhoweyn ka waayey taageerayaasha Chelsea kulankiisii ugu horeeyey ee uu wajahay Manchester City, taas bedelkeedana waxay wateen Boorar ay ku dhaleeceynayaan isaga ayna ku taageerayaan tababarihii xilka laga qaaday Roberto Di Matteo.

Hadalka uu sheegay isagoo hugaaminaya Liverpool, Benitez inuusan marna ka shaqeyn dooninStamfordBridge, waana midda aan weli ka go’in maskaxda tageerayaashaChelsea.

“Dhibaatada ayaa ah inaanan ka qoomameyn Karin wixii aan sameeyey ama aanan dhihin,” ayuu Rafa u sheegay saxaafada.

“Ma hubin karno xaqiiiqdii. Waan tusi doonaa inaan sameyn karo waxa ugu fiican.”

Chelseaayaa kooxda ay xafiiltamaan ee Fulham kulan ka tirsan Premier League axada Garoonkeeda ku qaabili doonta.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Kooxo hubaysan oo dad shacab ah ku dilay Beledweyne.

Xaalada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saakay kacsan kadib markii saacadihii la soo dhaafay dilal ay ka dhaceen.

Habeenkii Xalay kooxo hubaysan oo aan la garanaynin ayaa waxaa ay magaalada Beledweyne ku dileen Sadax qof oo shacabka deegaanka ah.

Sida dadka halkaas jooga ay ku soo waramayaan kooxahan dilka gaystay ayaa gurigooda kala soo baxay Sadax ruux ee shacabka kadibna risaas ayay kula dhaceen bartamha magaalada.

Dilka dadkan aya awaxaa uu ka dhacay xaafada Nuur xawaad oo kamid ah xaafadaha magaalada Baledweyne.

Lama sheegi karo Masuuliyada dilka dadkan cida ka dambaysay laakiin waxaa loo malaynayaa inay salka ku hayso Anooyin qabiil kadib markii maaalintuu shalay la dilay gudoomiyihii odayaasha dhaqanka.

Mahiga oo raali geliyey Somaliland!

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo ku sugan Hargeisa, ayaa sheegay inuu raali galin ka bixinayo qoraal uu sheegay inuu si khaldan uga soo baxay xafiiskiisa  oo ay ka biyo diideen masuuliyiinta Soomaalil and.

Qoraalka sida qaldan uga soo baxay xafiiiska Mahiga oo soo gaaray Soomaaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliland ay tahay maamul goboleed ka tirsan wadanka Soomaaliya.

Mahiga oo Hargeysa kula kulmay madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliland, ayaa sheegay inuu qaatay masuuliyadda dhanbaalka maadaama uu magasciisu ku  saxiinaa.

Mahiga ayaa dhinaca kale ka hadlay doorashooyinka dawladaha hoose ee maanta barri ah la filayo inay ka dhacdo  gobolada iyo degmooyinka Soomaaliland, oo uu sheegayo inuu rajeynayo inay si guul ah ku dhmmaadaan.

Lazio oo ku ciyaareysa Funaand ay ku qoran tahay ‘No Racism’

Lazio ayaa caawa kulanka ay wajaheyso Udinese ku ciyaari doonta funaanado looga soo horjeedo cunsuriyada, sida ay xaqiijisay kooxda ka dhisan Talyaanigu.

Taageere Tottenham ah oo lagu magacaabo Ashley Mills ayaa isbuucii lasoo dhaafay nafsadiisa ku waayey ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo dhex maray tageerayaasha labada koox xilli ay ciyaarayeen kulan Europa League ah.

Funaanada ayaa waxaa ku qoran sida lagu xaqiijiyey Akoonka ay kooxdu ku leedahay Twitter-ka ‘NO RACISM’ ‘Cunsuriyada maya’

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Habmaamuuska Madaxtooyada maxaa ka hallaysan?! (Warbixin iyo Sawirro)

Soo dhawaynta iyo qaabillaada mas’uuliyiinta iyo marti sharafta kaaga timaadda waddamada dibaddu waa arrin muhiim ah oo aad ku kasban kartid saaxiibtimada dalalkaas, korna ugu qaadi kartid sumcadda dalkaaga iyo dadkaaga. Hadba heerka saaxiibtinimada iyo xidhiidhka aad waddankaas la leedahay gaadhsiisantahay ayay ku xidhantahay hawlaha soo dhaweynta iyo heerka sarreynta lagu qaabilo wafuudda ku soo booqata.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana waxa jira arrimo iska caadi ah oo masuul kasta oo magac dawladdeed kuugu yimaaddaa kaa filan karo. Arrimahaas waxaan ka xusi karnaa calanka waddanka uu ka socdo waftigaasi oo ka muuqda goobaha lagu qaabilayo. Taasi waa xushmayn iyo qadarin la siinayo martisharafta.

Dhanka kale marka ay astaanta calanku ka maqan tahay goobta lagu qaabilayo waftigaasi,  waxay ka dhigantahay bahdil iyo xaqiraad aad ku samaynaysid masuulkaas ku soo booqday, waxaanay mararka qaarkood dhalisaa in uu khalkhal iyo madmadow diblomaasiyadeed soo kala dhexgalo labadaas waddan.

Waxaa xusid mudan oo arrintan tusaale fiican innoogu noqon karta dhacdadii uu sida bahdillaada ah ugu qaabilay wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Israa’iil safiirka Turkiga u fadhiya dalkooda xilli hadda laba sano ku dhawaad ka soo wareegtay.

Safiirka Turkiga Md. Ahmet Oguz Celikkol oo uu wasiir xigeenka arrimaha dibadda Israa’iil Daniel Alayon ugu yeedhay xafiiskiisa, ayaa qaabkii uu u qaabilay noqotay mid si aad ah uga cadhaysiisay wadanka Turkiga.

Goobtii qaabillaad oo ahayd qol aad u yar, ayaa waxaa la soo dhigay calanka Israa’iil oo keliya iyadoo isla markaana safiirka lagu fadhiisiyay kursi ka gaaban midka ay wasiirka iyo madaxda kale ee Yuhuuddu ku fadhiyeen. Arrintan oo saxaafaddu aad uga faallootay xilligaas ayaa xidhiidhka labadaas dal wax weyn u dhintay.

Haddaba waxaa yaab iyo amakaag lahayd in magaalada Muqdisho oo ay dhawaan yimaaddeen wufuud ka kala socotay labada dal ee Iiraan iyo Turkiga oo aan ku tilmaami karno saaxiibada ugu dhaw ee Soomaalidu xilligan leedahay in aan haba yaraatee goobihii lagu qaabilayay aanu ka muuqan calanka dalalkoodu. Sawiro ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo qaybiyay saxaafadda, ayaa qaabilaaddii uu madaxweynuhu ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran Md. Cali Akbar Saalexi uu ka muuqday calanka Soomaaliya oo keli ahi.

Sidoo kale kulankii uu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud madaxtooyada ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Md. Ahmet Davutoglu, waxaa isna goobta ka muuqday calanka Soomaaliya oo keliya iyadoo shirkii Jaraa’id ee ay wadajirka u qabneenna labada calanba meesha ay ka maqnaayeen

Labadan waddan oo horseed u ah saaxiibada tirada yar ee Soomaalidu leedahay, ayaa runtii dadaal weyn ugu jira sidii ay shacabka Soomaaliyeed ugu fidin lahaayeen taageero wax-ku-ool ah si ay uga gudbaan marxaladdan adag ee dalku ku jiro.

Inkastoo ay hubanti tahay in madaxweynaha iyo saraakiisha xafiiskiisu ay qadarin iyo abaalba u hayaan wufuuddan oo aanay ujeeddadoodu ahayn in ay wax u dhimaan sumcadda marti sharafta soo booqatay, haddana waa nasiib darro innoo muujinaysa aqoon yarida dhinaca habmaamuuska iyo baratakoolka diblomaasiyadeed ee lagu qaabilo wufuudda ka haysta kaadiriinta Damul Jadiid ee madaxtooyada ka hawl gasha. Waxaan shaki lahayn in dhacdani sumcadxumo iyo sharaf dhac u soo jiidayaso madaxweyanaha iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed iyadoo islamarkaana fadeexad iyo wajigabax ku ah siiba madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Waxaa lagamamaarmaan ah in shaqaalaha mataxtooyadu ay ilaaliyaan magaca iyo sumcadda ummadda Soomaaliyeed kana digtoonaadaan falalka noocan oo kale ah.

Khaliil C/raxmaan X.Xasan
WardheerNews, London
E-Mail:[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

R/W Saacid oo la shiray wafti Yurub ah.

 Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya uqaabilsan.

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia Michel Carves Deurso iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa markii uu soo dhamaday si wadajir ah saxaafada warbixin uga siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn saxaafada la hadlay kaasi oo sheegay in waxyaabaha ay kawada hadleen safiirka ay kamid yihiin sidii la isaga kaashan lahaa dhanka ammaanka dhaqaalaha.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Michel Carves Deurso ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu maanta la qaatay wasiirada cusub ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Michel Carves  Wuxuu sheegay in intii uu socday kulanka la isku soo hadal qaaday arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sidii Dowladda Soomaaliya looga gacan siin lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho iyo dhanka dhaqaalaha.