27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

DEG DEG: Wafdi Dowladaha Turkiga iyo Iran ah oo Muqdisho soo gaaray.

Magaalada Muqdisho waxaa goordhow  soo gaaray Wafdi ka socda dowladaha Iraan Iyo Turkiga kuwaa oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ee Wafdiga ka socda dowladaha Turkiga iyo Iraan ayaa waxaa kala hoggaaminayay wasiirada arrimaha dibada dalalka Turkiga iyo Iraan.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Turkiga Daa’uud Oglo iyo xubnihii la socday ay garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Sidoo kale wafdiga ka socday dowladda Iraan oo uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi Murasheer Mutaki ayaa waxaa soo dhoweyntooda ka qeyb xubno ka tirsan dowladda.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayay goordhow la shirayaan madaxdaan maadama ay loo galbiyay hoyga Madaxtooyada

Chelsea oo Janaayo dalab u direysa Alessandro Matri.

Chelsea ayaa lasoo werinayaa inay ku dhow dahay inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka kooxda Juventus Alessandro Matri, sida uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee TuttoMercato.

Roberto Di Matteo ayaa isha la raacaayey 28 jirkaan heerka caalami ee dalka Talyaaniga wuxuuna doonayaa inuu isaga dhiso dhanka weerarka taasoo kali u ah Fernando Torres.

Wargeyska ayaa rumeysan in kooxda ka dhisan Galbeedka London ay xidigaan ku dalban doonto aduun dhan 8 milyan oo euro, weeraryahankii hore ee Cagliari ayaa sanadii lasoo dhaafay ku dhameystay ninka ugu goolasha badan kooxdiisa.

Juventus ayaanse inta badan sanadkaan isticmaalin Matri, iyadoo booska weerarka looga door bidaayey midkood Fabio Quagliarella ama Mirko Vucinic, taas ayaana kusii riixeysa inuu ka dhaqaaqoTurin, xilli ay horay u baacsaneysay AC Milan.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ahlusuna oo dalbatay in Wasiir ku xigeen la siiyo hadii kalana…

Ururka Ahlusuna ee ayaa ka dalbaday Xukuumada Soomaaliya in laga siiyo jagooyin ah xilka Wasiir ku xigeen waxaana ay dhanka kale ka hadleen codka Baarlamanka ay ku ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Gudoomiyaha labada Gole ee Ahlusuna Waljameeca Sheekh Ibraahim Xasan Guraaye oo lahadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan Golaha wasiirada ee maalintii shalay la ansixiyay kana sugayaan howl adag oo u baahan in gunta dhiisha laysaga dhigo.

Marka laga yimaado soo dhawaynta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Shirdoon waxaa jira baaq uu u dirayo xukuumada qaban qaabada ku jirta.

Waxaa uu Masuulkaan codsaday in Ahlusuna laga siiyo Golaha Wasiirada Wasiiro ku xigeen maadama ay ku heshiyeen taas xukuumadii tan ka horaysa waana balan aan la galnay ayuu yiro dowladihii hore.

Dhanica kale waxaa uu sheegay Sheekh Ibraahim Xasan Guraaye in dhawaan kulan wayn ay ku yeelan doonaan masuuliyiinta Ahlusuna oo dhan gobolada dhexe ee dalka kaas oo uu sheegay in isku shaan dheyn lagu samayn doono Xilalka Xubnaha Ahlusuna.

Wasiirka gaashaandhiga Cusub oo ka hadlay qorshihiisa Amaanka dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho iyo waxa kaga qorshaysan.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Difaaca dalka ayaa ka dhawaajiyay inuu ku dadaali doono sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen nabadgalyo oo aysan ka baqan amani daro marnaba.

Fiqi Wuxuu shaaca ka qaaday in qof waliba oo muwaadin ah ammaankiisa lasugayo isaga oo tilmaamay in nolosha shacabka Soomaaliyeed ay wax badan ka badali doonaan Xukuumada cusub ee dalka Soomaaliya.

Waxaa  kale oo uu sheegay in shaqada utaalo aysan aheyn shaqo yar balse ay doonayaan garab galka shacabka Soomaaliyeed si looga gun gaaro howlaha badan ee horyaala Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Difaaca dalka ayaa waxaa uu horay ugu soo shaqeeyay Xukuumadii Maxamad Cabdulaahi Farmaajo oo uu Wasiirka gaashaandhiga uu ka soo noqday.

Daawo Video: Dhacdo yaab badan.

Laba gacal oo xiriir uu ka dhaxeeyo, ayaa u muuqda sida lamaanaha kale ee caadiga ah, hase yeeshee labaduba waxa ay soo mareen jinsi kale.

Pretty Katie Hill, oo 18 jir ah ayaa 15-kii sano ee ugu horeysay nolosheeda waxa ay ahayd Luke, wiilka korneyl ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka.

Wiilka ay hadda saaxiibka la tahay ee Arin Andrews oo 16 jir ah, ayaa isna waxa uu ahaan jiray gabar magaceeda la yiraahdo Emerald.

Labada waxa ay dhib kasoo mareen xaaladda jinsigooda markii ay caruurta ahaayeen oo la aflagaadeyn jiray.

Katie waxa ay mar walba dareemi jirtay inay tahay gabar la saara jir wiil, halka Arin uu dareemi jiray wiil la saaray jir gabdheed..

Waxa ay ku kulmeen magaalada Tulsa, ee gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, markii ay u tageen qaliin jinsi beddel ah, kadibna deg deg ay isu jeclaadeen.

Katie oo marka hore wiil ahaan jirtay ayaa yeelatay naaso iyo dareen gabdheed, markii ay sii kortay.

Arin ayaa isna sheegay inuu ogaa inuu yahay Wiil, islamarkaana markii lagu dhex daro gabdhaha Iskuulka uu dhibsan jiray.

Halkan ka daawo dhacdadan la yaabka leh.

R/W: Saacid oo ka hadlay sababta Fowziya uu u doortay iyo 10 wasiir.

Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay go’aanka ay xildhibaannada ku taageereen dowladiisa oo uu sheegay in tirada sabab uu u yareeyay ay tahay sidii ay isbeddel deg deg ah u keeni lahayd.

Raiisul Wasaare Saacid, waxa uu sheegay in markii uu eegay duruufta Soomaaliya iyo dhaqaalaha dalku heysto ay qasab ku noqotay dowlad kooban.

Waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uu xukuumaddiisa ugu soo daray, Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeedda Somaliland.

Raiisul Wasaaruhu waxa uu yiri “aniga ma qabo in Fawsiya ay ku jirtay kala go’a, oo ay olole gaar ah gashay waxaan arkay dastuurka xisbigeeda”

Waxa uu sheegay in sabab uu uga shakiyo aanay jirin Fawsiya iyo dadka kale ee ka tirsanaa jabhaddii SNM.

Raiisul Wasaaruhu waxa kale oo uu ka hadlay maamul u sameynta magaalada Kismaayo oo uu sheegay in ay dowladdu ka soo saartay qoraal siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka, kaasi oo ah in ay ku taageeraan dadka degaanka inay maamul sameystaan.

Website Af-Somali ah oo dad badani garanayaan oo la ogaaday inay lee yihiin Milatariga Mareykanka.

Shabakad Geeska Africa ka howl gasha, oo muddo ka badan 10 bilood shaqeyneysay ayaa iminka la ogaaday inay lee yihiin Milatariga Mareykanka.

www.sabahionline.com, ayaa ah mashruuc ay iska kaashanayaan Milatariga Mareykanka iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayada oo ujeedkuna uu yahay bay yiraahdeen “in lagu naqdiyo si xun wax u sheega (propaganda) ee website-yada Islaamiyiinta Somalia, ayada oo la yaboohayo akhbaar saxan, miisaan leh, islamarkaana dabooleysa horumarka gobolka”.

Sabahionline, oo horey ay Caasimada Online uga soo xigatay qormooyin badan, ayaa ku baxeysa luuqadaha Somali, English, Sawahali iyo Carabi.

“Internetka waa goob weyn, waxaana ka mid nahay dhowr website oo halkaas jooga. Bogeyna waxa uu ujeedkiisu yahay inuu bixiyo cod dhex dhexaad ah oo ka duwan websiteiyada wata rabshadaha xag jirka ah” Waxaa sidaas bayaan ku yiri taliska dhexe ee Mareykanka ee Africa oo fadhigiisu yahay magaalada Stuttgart ee dalka Germany.

Cinwaanadii ugu dambeeyay ee uu wax ka qoray boggaas waxaa ka mid ahaa “Soomaalida oo iska diiday baaqii Alzwahiri ee rabsho”

Website-kan oo la billaabay bishii February ee sanadkan ayaa si tartiib tartiib ah usoo jiidanaya aqristayaal. Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Sabahi ay cel celis ahaan soo booqdaan maalinkii 4 kun oo qof, ayada oo la aqriyo 10 kun oo qormo maalinkii.

Tiradaas waa mid aad u yar marka loo eego website-yada caanka ah ee Soomaalida sida Caasimada Online, Hiiraan Online, Waaga Cusub iyo kuwo kale.

Website-ka ayaa si cad ugu sheega cidda iska leh qeybta “About us” “Nagu saabsan”, hase yeeshee aqristayaal badan halkaasi ma eegaan, kamana war hayaan.

Milatariga ayaa sheegay inay jiraan 9 qorayaal oo ka howl gal bogga, oo jooga dalalka Kenya, Tanzania, Djibouti iyo Somalia.

Maxaad xaqiiqo ah oo aad ka ogtahay Cudurka Alzheimer (Dhimir Beelid)?

Cudurka Alzheimer waa nooca ugu badan ee caqli suulidda. Caqli suuliddu waxay dhacdaa iyada oo ka dhalata isbeddellada ku yimaada maskaxda ee saameeya awoodda qofku in uu ku fekero oo wax xusuusto.

Waxay noqon kartaa mid aad u daran oo saameysa hawlo maalmeedka.

Cudurka Alzheimer maahan qayb caadi ah ee gabow. Qofna ma yaqaanno waxa sababa Cudurka Alzheimer, laakiin cilmi baaris fara badan ayaa la sameeyey. Waxaa laga yaabaa in aad halis badan ugu jirto in uu kugu dhaco cudurkan haddii uu jiray xubin qoyskaaga ka mid ah oo cudurka qabay.

Calaamadaha

Calaamaduhu waxay u billowdaan si tartiib-tartiib ah wayna kala duwanaan doonaan ama way ka sii dari doonaan. Qofna ma xakamayn karo calaamadaha. Daaweyntu way caawin kartaa, laakiin ma bogsiiso cudurka.

Calaamadaha waxaa ku jiri kara:

• Xusuus waayid, gaar ahaanna ku saabsan dhacdooyinkii dhawaa
• Jahwareer ku saabsan waqtiga iyo goobta
• Kala garasho liidata
• Dhibaato dhinaca barashada macluumaad cusub
• Isbeddello ku yimaada awoodda in la sameeyo waxyaabaha sida baabuur wadidda, lacag isticmaalidda, daawo qaadashada, cunto karinta, lebbisashada, iyo qubeyska

Daryeelkaaga

Ma jiro baaritaan la isaga sameynayo Cudurka Alzheimer. Takhtarku wuxu:
• Isticmaali doonaa baarid si uu u kala sooco sababaha kale ee xusuus waayidda iyo jahawareerka
• Eegi doonaa qaabka xusuus waayidda iyo wacyi gelinta qofka ee isbeddelka
• La imaan doonaa taxane daawooyin iyo macluumaad uu kala yimid qoyska
• Sameyn doonaa imtixaan jir ahaaneed
• Hubin doonaa xaaladda maskaxeed ee qofka asagoo weydiinaya su’aalo xusuus iyo kuwo fekerba.

Ma jirto daawo loogu talogalay Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer), mana tago. Daawooyinku waxaa laga yaabaa iney caawino ka geystaan calaamado xoogaa ama dib u dhigaan horukaca cudurka. Daawooyinka kale waxay daaweyn karaa dhibaatooyinka hurdada, diiqada, ama niyadkaca.

Jir dhis, nafaqo wanaagsan, iyo hawlaha bulshada ayaa sidoo kale muhiim ah.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Wasiirada cusub oo maanta ku dhaaran doona kitaabka qur’aanka.

Wasiirada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax shirdoon Saacid ayaa waxaa gacanta loo geli doonaa  Kitaabka Quraanka maadaama shalay ay ansixiyeen Baarlamanka Soomaaliya.

Sida qorshaha yahay Wasiirada Cusub ee xukuumada Soomaaliya ayaa maanta hortagaya Xarunta Golaha shacabka halkaas oo lagu dhaarin doono.

Gudoomiyaha Baarlamanka Proff.Maxamad Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maanta marka ay saacada tahay 9:00 Wasiirada iyo Baarlamanka laga doonayo inay soo xaadiraan.

Jawaari ayaa shalay sheegay in Wasiirada Cusub ee codka kalsoonida ka helay Baarlamanka inay maalinta beri la dhaarin doono oo maantaba ku beegan.

Wasiiradan  oo ah Toban ayaa noqday kuwii ugu yaraa ee lagu arko xukuumadiihii dalka soo maray waxaana ay maanta gacanta gelin doonaan kitaabka kariimka ah iyagoo ku dhaaran doona inay noqon doonaan kuwa xilkooda ka soo dhalaala oo Musuq maasuqna ka fog.

Daawo Sawirrada: Kullankii maanta lagu ansixiyay Golaha Wasiirada.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta Ansixiyay Golaha Wasiirada ee uu soo xushay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xukuumadda cusub ee ka kooban tobanka wasiir. Haddaba halkan ka daawo sawirrada kullankii lagu ansixiyay wasiirada.

Beeraleydii Gobolka Sh/Hoose oo qaati ka taagan Ciidamada DF.

Qaar kamid ah shacabka kunool Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay ka cabanayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maxamed Sheekh Xuseen oo kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanka Warmaxan oo lasoo xiriiray Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameeyeen fal ay ku dhibaateeyeen dad beeraleey ah.Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameeyeen inay weerar ku qaadeen dad beeraleey ah halkaasina ay ka geesteen dhaawac loo geestay dadka beeraleyda ah.

Maxamed Sheekh Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in arintani ay ka dhacday inta udhaxeysa Warmaxan Iyo Wanlaweyne ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayna sameeyeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Waxgaradkaan ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya inay wax ka qabtaan dhibaatada ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku hayaan shacabka Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhibaatooyin kala duwan ka geesta Gobalka Shabeelaha Hoose iyadoo maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose aysan jirin cid ka hadashay arintani.

DEG DEG: Baarlamanka Somalia oo ansixiyay Golaha Wasiirada.

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Aqalka baarlamaanka ayaa waxa ku sugnaa 225 mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka, 219 Mudane ayaa codkooda siiyay xukuumadda cusub ee Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, 3 Mudane ayaa diiday, halka 3 ay ka aamustay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hor yimid baarlamaanka oo la hadlay, iyadoo ay goob joog ahaayeen Raiisul Wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubnaha cusub ee golihiisa wasiiradda.

Ansixinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa lagu waday inay dhacdo maalintii Sabtida, oo dib u dhac uu ku yimid.

Golaha wasiirada cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa ah kuwii ugu tirada yaraa, waxaana ay ka kooban yihiin toban wasiir oo laba ka mid ah ay yihiin haween.

Saddexda Mas’uul ee ugu saraysa Soomaaliya oo shir uu uga socdo xarunta golaha Shacabka

Kulan albaabada u xiranyahay ayaa waxaa uu Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ugu soconayaa  Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.

Goordhow ayaa lasoo Warinayaa in Madaxwayne  Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon  ay gaareen Xarunta Golaha Shacabka waxaana ay la shirayaan Proff.Jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamanka.

Sadaxda Masuul ee dalka ugu saraysa ayaa kaligood waxaa ay ku shirayaan Xarunta Golaha Shacabka waxaana  ay  kulankooda ugu hadleen sida wararka aynu ku helayn in la ansixiyo Golaha Wasiirada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Shirdoon.

Saxaafada oo kulanka kaqayb gali lahayd ayaa banaanka loo saaray waxaana la filayaa in la ansixiyo golaha Wasiirada

Xog iyo Gorfeyn: Kismaayo ma la qabtay mise waa la qabsaday?‏

Sida aan lawada socono Arbacadii lasoo dhaafay oo taariikhdu ku beegneyd 7/11/2012 ayaa magaalada Kismaayo waxaa gaaray wafdi katagay magaalada Muqdisho kana koobnaa 7 xubnood oo ahaa gudi Dowlada federaalka Soomaaliya u xilsaartay samaynta maamulka Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo, sidokle wafdigaan waxyaabaha ay usocdeen waxaa kamid ahaa arinta dhuxusha ku xayiran dekeda Kismaayo.

Hadabo wafdigaas iyo qaar kamid ah saxaafada Muqdisho, ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa lagu wargaliyay ineeysan gudaha ugali Karin magaalada laguna war galiyay inaan la damaanad qaadi Karin amaankooda.

Farriintaasi waxaa wafdiga u sheegay sarkaal ciidamada Kenyan ee garoonka ka masuulka ah hogaamiya, kaasoo sheegay in isaga lagu soo wargeliyey in “wafdiga ka yimid Muqdisho uu la kulmi karo masuuliyiinta joogta Kismaayo haddii ay la socdaan [wafdiga] dad ka socda Urur Goboleedka IGAD”.

Hadaba celinta wafdigaas laga soo celiyay Kismaayo waxaa kadhashay muran badan iyo dood Dowlada dhaxdeeda ah, iyadoo gudoomiyaha Baarlamaanka uu uyeeray madaxweynaha iyo RW si ay uga jawaabaan sababta wafdigaas loo soo celiyay, sidokale qaar katirsan baarlamaanka kana soo jeeda Gobolada Jubooyinka ayaa kahadlay arinta Kismaayo waxa ayna Dowlada Kenya ku eedeeyen ineey iyada masuul katahay arintaas islamarkaasna ay qas kawado Soomaaliya.

Xiisada Kismaayo ayaa labadii todobaad ugu danbeysay ahayd (Xarig lama sitaan) waayo meel waxaa kasocday muranka waxa laga yeelayo dhuxul aad ufarabadan oo daadsaneyd dekada Kismaayo, inkastoo QM Iyo Dowladaba ay kasoo saareen qaraaro hadana mafulin, oo waxaa lasoo mwarinayaa in dowlada Kenya iyo Shiikh Axmed Madoobe in ay dhagaha ka fureysteen, Meelkalena waxaa lagu karinayay sidii maamul logu sameyn lahaa Gobolada Jubooyinka.

Sida loo sahmiyo xaalada Kismaayo Dowlada Soomaaliyana umuujiso saameynteeda ku aadan Gobolada Jubooyinka waxay markii ugu horeesay udireen wafdi saraakiil ciidan ah oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, gudigaas ayaa sifiican loo soo dhoweeyay loona soo sagootiyay, balse xaalku waxa uu xumaaday markii markale loo diray gudi maamul usamayn ah oo uu madaxweynaha magacaabay halkaasina ay kala soo kulmeen wajigabax.

Axmed Madoobe ayaa wafdigan ugu danbeeyay sicad ugu sheegay in aaneey diyaar u ahayn ineey lakulmaan.

Dabcan go’aankan lagu soo eryay gudigaas ma ahayn mid gaar u ahaa madaxda Raaskambooni ee waa mid la ogayd lana wadaagtay Dowlada Kenya oo awalba shaki weyn laga qabay howlgalkeeda Milatari ee ay kawaday gudaha Soomaaliya.

Hada lama joogo maalmihii Kumeel gaarka ee waxaan dooranay Dowlad awood siyaasadeed leh lana xisaabtami karta dariskeeda iyo caalamka, siyaasada kasocoto Kismaayo-na ma ahan mid sahlan oo laga war wareegi karayo sidaa daraadeed waxaa madaxdeena loga fadhiyaa jawaabta ay kabixin lahaayeen su’aasha ah(Kismaayo ma laqabtay mise waa la qabsaday)?.

W/Q: Farxaan Xasan Gaabane

Oslo, Norway

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Arsenal oo Janaayo lasoo saxiixaneysa Alvaro Morata.

Arsene Wenger ayaa mar kale u jiheysan doona inuu lasoo wareego xidiga da’yarka ah ee weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid Alvaro Morata. Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Tababaraha Arsenal Wenger ayaa ku daalay inuu lasoo saxiixdo da’yarkaan isagoo doonayey inuu si amaah ah uga soo qaato Akadeemiga kooxda Real horaantii sanadkaan, mar kale ayuuna u jeestay sababtoo ah ciyaaryahanku weli boos joogta ah kama heysto Bernabeu.

Morata, oo hadda 20 jir ah, ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey ee Real dhamaadkii isbuuca markii ay Los Blancos 2-1 ugu awood sheegatay Levante, laakiin Wegner ayaa weli heysta fursad uu kula soo saxiixdo xidigaan bisha Janaayo iyadoo ciyaaryahanku uu labo sano usoo dul qaatay booska keydka ah ee Madrid.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Man Utd oo markii todobaad wakiilo u dirtay James Rodriguez.

Manchester United ayaa axada saraakiil daawata u diri doona markii Todobaad ee xilli ciyaareedkaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara FC Porto James Rodriguez.

United ayaa wakiilo usoo arkeen 21 jirkaan reer Colombia, xilli uu gool ka dhaliyey Academica de Coimbra. Porto ayaana daaha ka qaaday inaysan dooneyn inay iibiyaan waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karaa 24 milyan oo ginni.

Waxaan la rumeysan yahay inay isha ugu hayaan bedelka ciyaaryahanka reer Portugal ee garabka ka ciyaara Nani oo ku socda wadadii uu kaga tegi lahaa Old Trafford ka dib markii uu hakad geliyey wadahadalo uu qandaraaska ugu kordhin lahaa kooxda.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Daawo Sawirradii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa hadba maalinba maalinta ka dambaysa waxaa ay kasoo kabanaysaa bur burkii horay ugu soo gaaray dagaalada xoogaana ee ka dhacay.

Marka aad ku dhex soconayso waxaad dib u soo xasuusataa waayo waayo,dadkana waxaa ay ku kala mashquuleen ganacsigooda maalin laha.

Waxaa jira meelo Hoteelo xilyada galbihii oo kale loo nasi tago,Amaankana waa uu fiicanyahay habeen iyo Maalina dadka waa ay wada socdaan.

dad badan oo u barakacay duleedka Muqdisho iyo Gobolada Dalka ayaa dib ugu soo noqday Muqdisho.

waa Isgoyska Sanca,qof waliba tiisaa haysata
Waa goobta qaadka laga iibiyo ee Sanca

Halkaani waa siisiHalkaan waa Hotel lafweyn
Isgoyska Fagax
Hotel Kaah
Hotel Ramadaan

Giroud: Rajo ayaan ka qabaa inaan dhaliyo 15 gool oo EPL ah.

Weeraryahanka kooxda Arsenal Olivier Giroud ayaa qirtay inuu hada gudaayo 12 milyan oo ginni oo ah lacagtii ay kula soo wareegtay Arsenal wuxuuna rajo ka qabaa inuu Barclays Premier League ka dhaliyo 15 gool.

Giroud, oo 26 jir ah, ayaa Gunners uga soo biiray kooxda Faransiiska ka dhisan ee Montpellier, wuxuuna laba mar shabaqa soo taabtay kulankii barbaraha 3-3 ah ay Arsenal la dhaafi weysay Fulham isagoo dhaliyey goolkiisii lixaad ee tartamada oo dhan,

“Waxaan kusoo bilowdaa kulamada inta badan iyadoo aanan qabin wax shaki ah waxaana dareemayaa inaan fiicanahay,” ayuu yiri Giroud.

“Waan ku farxi lahaa hadii aan xilli ciyaareedkaan dhaliyo goolal u dhexeeya 12 ilaa 15 gool oo horyaalka ah.”

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Santos oo aan weli ka harin xidiga Milan Robinho.

Tababaraha kooxda Santos Muricy Ramalho ayaa daaha ka qaaday in kooxdiisu wadahadal kula jirto weeraryahanka kooxda Milan Robinho.

28 jirkaan ayaa dhibaatooyin dhaawac ah la tacaalaayey inta badan taasoo keentay inuu keliya hal kulan oo horyaalka ah kusoo bilowdo, tababaraha Peixe ayaana qirtay in kooxda ka dhisan Brazil ay dib ula soo saxiixaneyso weeraryahanka.

“Waa socdaan wadahadaladii aan la laheyn Robinho,” ayuu u sheegay saxaafada Brazil.

“Isaga uma ahan waqti fiican, taasna waa mid inaga noo wanaagsan.

“Fursado badan ma uusan ka helin kooxda Massimiliano Allegri, sidaas darteed rajo fiican ayaan ka leenahay.”

Robinho ayaa Milan 18 milyan oo euro uga soo qaadatay Manchester City, 91 kulan ayuuna u saftay Diavolo, isagoo u dhaliyey 25 gool.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Tito Vilanova: Alexis Sanchez kuma biiri doono Juventus.

Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa qaboojiyey wararka xanta ah ee sheegaya inuu Alexis Sanchez bisha Janaayo u dhaqaaqi karo kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Juventus.

Wararka ayaa soo jeedinaayey inay macquul tahay heshiis u dhexeeya kooxda Antonio Conte iyo Barcelona oo ku aadan weeraryahanka reer Chile, laakiin 44 jirkaan ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas wuxuuna sheegay inuu rajo ka qabo inuu waqti dheer lasii shaqeeyo ciyaaryahankii hore ee Udinese.

“Waa wiil wanaagsan wuxuuna weli kooxda kula jiraa qandaraas waqti dheer ah,” ayuu u sheegay ESPN Espana.

“Waxaan rajo ka qabaa inuu waqti dheer halkaan kasii ciyaaro.”

Sanchez ayaa 2011kii Blaugrana kula biiray aduun lacageed gaaraya 26 milyan oo euro, wuxuuna u saftay 56 kulan isagoo u dhaliyey 16 gool.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.