27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

DEG DEG: Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo geeriyooday.

Waxaa Goordhow magalada Muqdisho ku geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamad Cumar Xabeeb Maxamad dheere.

Marxuum Maxamad Dheere ayaa waxaa uu ahaa mudooyinkan dambe mid ku xanuusanayay magaalada Muqdisho.

Allaha Unaxariistee Maxamad Dheere ayaa waxaa uu ku dhintay Cisbitaalka Xalane ee Muqdisho ku yaala.

Geerida Marxuum Maxamad dheere ayaa waxaa Shabakada Caasimada u sheegay Cabdi Fitaax Cumar Shaawey.

Maxamad Cumar xabeeb Waxaa uu horay sidoo kale usoo noqday Gudoomiyihii Maamulkii Gobolka Shabeelaha dhexe.

 

10 ciyaaryahan oo Janaayo ka tegaaya kooxahooda EPL.

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Toban ciyaaryahan oo ay macquul tahay inay Janaayo ka tagaan kooxahooda Barclays Premier League.

Iyadoo koox walba ay isku diyaarineyso inay haatan soo jiidasho ku sameyso ciyaaryahanka ay bartilmaameedka ka dhiganeyso Janaayo, maadaama uu suuqu furan yahay hal bil oo keliya.

Taas bedeleeda waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ciyaartoyda ay macquulka tahay inay ka tagaan kooxahooda bisha Janaayo.

Aan ku bilowno.

1: Edin Dzeko: Man City ayuu ka socdaa waxaana lala xiriirinayaa Arsenal

26 jirkaan ayaa ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkaan kusoo bilowday sedax kulan oo Premier League, laakiin waa maareeyaha goolasha Man City,  isagoo kooxda ka caawiyey guulo ay u baahneyd.

Roberto Mancini ayaan siday aheyd u icticmaalin weeraryahankii hore ee Wolfsburg, isagoo inta badan ka doorta weeraryahanada dalka Argentina Sergio Aguero iyo Carlos Tevez.

Wenger oo maaro u weysan musiibada ku habsatay Olivier Giroud oo aan kusoo bixin sidii laga filaayey ayey macquul tahay inuu Dzeko u dhaqaajiyo Gunners maadaama uu ganacsi fiican kooxdiisa kala dhexeeyo Sky Blue. Waxaana lasoo jeedinayaa inuu saxiixiisa doonayo bisha Janaayo.

2: Marouane Chamakh: Arsenal ayuu ka tegayaa isagoo ku laabanaya kooxdiisii hore Bordeaux

Wargeyska kasoo baxa dalka Faransiiska Le Figaro ayaa werinaaya in weeraryahanka Arsenal Marouane Chamakh ay u furan tahay inuu ku laabto Horyaalka Ligue 1 dalka France ka dib markii uu la qabsan waayey Gunners.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco ayaa lasoo sheegayaa inuu xiiseynayo inuu kulaabto kooxdiisii hore ee Bordeaux, marka uu Janaayo suuqa kala iibsigu furmo.

3: Marouane Fellaini: Everton ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa Chelsea

24 jirkaan dalka Belgium Marouane Fellaini ayaa si wanaagsan ku bilowday xilli ciyaareedkaan, wuxuuna kooxda lagu niinaaso Toffees ka caawiyey bilow wanaagsan oo horyaalka ah xilli ay ku jiraan kaalinta afaraad waxayna guul darro tirsadaan keliya hal kulan 11 ciyaar.

Tababare David Moyes ayaa lumin kara wiil uu soo barbaarshay hadii ay Chelsea miiska soo saarto aduun dhan 30 milyan oo ginni, ciyaaryahankii hore ee Standard Liege ayaana Chelsea ula muuqda bedelka Stamford Bridge ee Super Frank Lampard kaasoo ay da’du ka daba timid.

4: Darren Bent: Aston Villa ayuu ka socdaa waxaana lala xiirinayaa Liverpool

Liverpool ayaa lasoo werinayaa inay Janaayo dalab u direyso weeraryahanka Aston Villa Darren Bent, kaasoo waayadaan deris la noqday kursiga keydka.

Liverpool ayaa isha ku heysa inay xidigaan reer England isaga dhisaan weerarkooda habacsan, oo uu waayadaan kali ku ahaa Luis Suarez. Xilli uu Fabio Borini dhaawac kaga maqan yahay kooxda.

Bent waa ciyaaryahan si fiican u yaqaan Horyaalka Ingiriiska wuxuuna usoo ciyaaray Charlton Athletic, Tottenham, Sunderland iyo Aston Villa, waana 28 jir ku wanaagsan weerarka.

5: Adel Taarabt: QPR ayuu ka dhaqaaqayaa waxaana u baahan Arsenal

Arsenal ayaa waqti dheer lala xiriirinaayey ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco Adel Taarabt. Waxaana uu hada mar kale kusoo laabtay qorshohooda suuqa ay kaga soo kaluumeysanayaan Janaayo. Arsene Wenger ayaa sheegay inuu isha la raacayo weeraryahanka QPR, kaasoo xagaagii ku guul darreystay inuu Loftus Road uga biiro kooxda White Hart Lane.

6: Ryan Shawcross: Stoke City ayuu ka socdaa wuxuuna dib ugu laabanayaa Man United

Daafaca ku dhashay Chester ayaa lix sano la joogay Man United laakiin wuxuu ku guul darreystay inuu waayo wanaagsan ku qaato, isagoo 2008dii hal milyan kula biiray Stoke City.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa haatan u arka daafac ku wanaagsan inuu mar kale kusoo laabto Old Trafford . Red Devils ayaana dooneysa inay dib ula soo saxiixato 25 jirkaan.

7: Emmanuel Adebayor: Tottenham wuxuuna ku wajahan yahay Celta Vigo

Wargeyska kasoo baxa dalka Portugal ee Fichajes ayaa sheegaya in kooxda ka dhisan La Liga  ee Celta Vigo ay dooneyso saxiixa weeraryahanka Tottenham Emmanuel Adebayor.

28 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkaan keliya kusoo bilowday hal kulan oo Premier League ah, inkastoo uu ku wanaagsan yahay gool dhalinta, ayna taasi ku cadahay intii uu amaahda kula joogay kooxdaan. Tababare Andre Villas-Boas ayey u muuqataa inuu ka door biday Jermain Defoe.

8: Frank Lampard: Chelsea ayuu ka tegayaa wuxuuna u socdaa kooxda Shiinaha ee Guizhou Renhe

Ninka iska leh Guizhou Renhe ayaa sheegay inay Frank Lampard isku afgarteen inuu usoo dhaqaaqo Janaayo. Saxaafada Shiinaha ayaana sheegayey in xidiga Chelsea uu raaci doono wadadii ay mareen asxaabtiisii hore Didier Drogba oo u dhaqaaqay China iyo Nicolas Anelka oo isna ka ciyaara Horyaalkaas.

9: Nani: Man United  ayuu ka tegayaa wuxuu u socdaa Juventus

Wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee CalcioMercato, ayaa sheegaya in tababare Antonio Conte, oo ganaax kasoo laabanaya December, ay diiradu u saaran tahay ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Man United Nani.

Nani ayaan si fiican xilli ciyaareedkaan uga dhex muuqan United waxaana lala xiriirinaayey kooxo dhowr ah, Juventus ayaase xidigaan baacsaneysay 18kii bilood ee lasoo dhaafay.

10: Marko Marin: Chelsea ayuu ka huleelayaa wuxuuna u socdaa kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach

Marko Marin ayaa loo qiimeynayaa inuu ka tago Stamford Bridge. 7 milyan ayuu ugu soo dhaqaaqay kooxda ka dhisan galbeedka London balse da’yarka reer Germany saameyn kuma yeelan Blues.

23 jirkaan garabka ka ciyaara xitta hal daqiiqo ma ciyaarin kubada cagta Premier League-ga, waxaana lasoo sheegayaa in tababare Roberto Di Matteo inuu xidigii hore ee Werder Bremen xariga qoorta u suri doono.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Magacyada R/Wasaareyaashii Somalia soo maray (1965-2012) + Xiliyadooda.

1)- 29/02/1956-01/07/1960,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka ahaay Md.C/laahi Ciise Maxamuud. Waqtigaas dalka ma uusan qaadan xurnimadiisa.

2)- 01/07/1960-12/07/1960,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka ahaay Md.Maxamed Xaaji Ibraahim
Cigaal.

3)- 12/07/1960-14/06/1964,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka ahaay Md.C/rashiid Cali Sharmaarke.

4)- 14/06/1964-27/09/1964,Waxaa dalka ra’isal wasaare ku meel gaar ah ka noqday Md.C/risaaq
Xaaji Xuseen.

5)- 27/09/1964-15/07/1967,Waxaa dalka raisal wasaare ka noqday Md.C/risaaq xaaji Xuseen.

6)- 15/07/1967-21/10/1969,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Md.Maxamed Xaaji ibraahim
Cigaal,waane markii labaad uu qabto jagadaas.

JAMHUURIYADDA DIMUQARAADIGA SOOMAALIYA.

Waa markii eey ciidamadda Milatari ay la wareegeen tala dalka.

7)- 21/10/1969-1/11/1969,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Md.Maxamed xaaji Ibraahim
Cigaal.

8)- 1/11/1969-1/03/1970,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Maxamed Faarax salaad kana
tirsanaa ciidamadda.

9)- 1/03/1970-1/02/1987,Dalku ma uusan lahayn ra’isal wasaare.

10)- 1/02/1987-3/09/1990,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday S/Guuto.Maxamed Cali
Samatar.
11)- 3/09/1990-24/01/1991,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Maxamed Xawaadle Madar.

WAQTIGII DAGAALKA SOKEEYE.

12)- 24/01/1991-1/05/1993,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Cumar carte Qaalib.

13)- 1/05/1993-8/10/2000, dalku ma uusan yeelan ra’isal wasaare.

WAQTIGII DAWALADDA KU MEEL GAARKA.

14)- 8/10/2000-28/10/2001,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Prof.Cali Khaliif Galaydh.

15)- 28/10/2001-12/11/2001,Waxaa dalka ra’isal wasaare ku meel gaar ah ka noqday
Md.Cismaan Jaamac Cali.

16)-12/11/2001-8/12/2003,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Md.Xasan Abshir Faarax.

17)-8/12/2003-3/11/2004,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Md.Maxamed Cabdi Yuusuf.

WAQTIGII DAWLADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA.

18)- 3/11/2004-29/10/2007,Waxaa dalka ra’iisal wasaare ka noqday Prof.Cali Maxamed Geedi.

19)- 29/10/2007-24/11/2007,Waxaa dalka ra’isal ku meel gaar ah ka noqday Md.Salim Caliyow.

20)- 24/11/2007-14/02/2009,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Md.Nuur Xasan Xuseen.

21)- 14/02/2009-21/09/2010,Waxaa dalka ra’sal wasaare ka noqday Cumar C/rashiid Cali.

22)- 24/09/2010-31/10/2010,Waxaa dalka ra’isal wasaare ku meel gaar ah ka noqday
Md.C/waaxid Cilmi goonjeex.

23)- 31/10/2010-19/06/2011,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Md.Maxamed C/laahi
Farmaajo.

24)- 19/06/2011-28/06/2011,Waxaa dalka ra’isal wasaare ku meel gaar ah ka noqday
Prof.C/weli Maxamed Cali Gaas.

25)- 28/06/2011-20/08/2012,Waxaa dalka ra’isal wasaare ka noqday Prof.C/weli Maxamed
Cali Gaas.

26)- 10/06/2012 —Ilaa Hadda, waxaa dalka ra’iisul wasaare ka ah Cabdulqadir Farax Shirdoon.

Qoraalkan kooban ee ka hadlaayo masuuliyiintii dalka soo martay soona qabatay jagada ra’isal wasaaraha tan iyo marka laga soo bilaabo inta aanan qaadan xuriyad buuxda ilaa iyo dawladdii federaalka ku meel gaarka ahayd.

Waxaa diyaarisay Caasimadda online.

Arsenal, Chelsea iyo Liverpool oo sugaya go’aanka Huntelaar.

Weeraryahanka kooxda Schalke Klaas-Jan Huntelaar ayaa go’aansan doona hadii uu u dhaqaaqayo Barclays Premier league kooxaha ka ciyaara. Sida uu qoray wargeyska The Sun.

Waxaa lagu qiimeeyaa 7 milyan oo ginni weeraryahanka xulka Holland, oo 29 jir ah, qandaraaskiisu wuxuu dhawacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan waxaana doonaya Arsenal, Chelsea iyo Liverpool.

Wakiilka Huntelaar, Arnold Oosterveer ayaa yiri: “Klaas wax go’aan ah ma gaarin.

“Wuxuu dalabyo ka helay England, Italy iyo Spain.. waxaa sidoo kale macquul ah inuu sii joogo Germany.

“Wuxuu doonayaa inuu mastaqbalkiisa go’aan ka gaaro deyrta.

“45 maalmood ee soo aadan wuxuu doonayaa inuu ogaado qorshihiisa xiga wuxuuna go’aan ka gaari doona kubadiisa cagta mana ku saleysna wax lacag ah.”

Weeraryahankii hore ee Ajax, Real Madrid iyo AC Milan ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 48 gool u dhaliyey Schalke 47 kulan oo uu garoonka u galay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Fernando Torres: Waan necbahay in la iigu yeero ‘El Nino’

Fernando Torres ayaa daaha ka qaaday inuu necbaa in loogu yeero niinaastiisa ‘El Nino’ wuxuuna sheegay inuu xitta ciyaaryahanada ay isku kooxda yihiin cayn jiray xilli uu ka welwelsanaa inay tageerayaashu bartaan magaciisa.

Weeraryahanka Chelsea, ayaa mid wax soo saar badan ka noqday Barclays Premier League markii uu Atletico Madrid uga soo biiray Liverpool, wuxuuna sheegay inuusan qofna rabin inuu la hadlo sababtoo ah wuxuu ka shaki qabay qatarta ka iman karta.

Isagoo la hadlaayey website-ka rasmiga ah ee Chelsea Torres ayaa yiri: “Ma sahlan inaad timaad meel kugu cusub aadna kasoo baxdo booskaada. Waxaad dareemi kartaa inuusan qof ku jecleysan ama waxaad u baahan kartaa saaxiibo cusub, ma ahan mid sahlan mana ka helo waxyaabahaas oo kale. Ma ahan mid fudud, sidaas darteed waxaad u baahan tahay inaad ciyaaryahanada iska difaacdo adigoo kaligaa ah.

“Waxay aheyd wax aan bartay markii aan 16 jirka ahaa ee aan kusoo biirayey qolka lebiska ee Atletico, qofna ma dooneyn inuu ila hadlo sababtoo ah way kuu hanjabayaan. Waxay iigu wici jireen “El Nino” sabatoo ah qofna ma aqoon magaceyga. Ma aanan jecleyn mana ahan wax la jeclaado, laakiin qolalka lebiska ayaa ahaa kuwo isku qasan iyadoo ciyaaryahanadu ay ka imaanayeen caalamka  daafihiisa, waxayna leeyihiin hab dhaqano kala duwan.

“Waxaan ahaa 19 jir kabtan u ah  Atletico, waxaan kooxda u wada ciyaareynay Demetrio Albertini oo kusoo guuleystay sedax Champions Leagues, iyo Sergi Barjuan oo nooga soo biiray Barcelona isaguna wax walba wuu soo qaaday, waxayna ahaayeen 32 jir iyo 33 jir.

“Kuray yar oo kabtan ah ayaan ahaa, sidaas darteed ma aheyn kabtan dhab ah, hada yaraanteydii ayaan wax uga soo bartay. Waan xirnaa caalamada kabtanka balse waxay ahaayeen hugaamiyeyaasha kooxda wax badan ayaana kasoo bartay.

“Waan xasuustaa markii aan imid Liverpool, Pepe Reina [Gool hayaha Liverpool] ayaa wax walba iga caawiyey wax walbana waa ii fududeeyey. Markii aan kabtanka u ahaa Atletico Madrid waxaan isku deyi jiray inaan qof walba caawiyo. Taasi waa aasaaska kubada cagta, waxaad u baahan tahay inaad sameyso dareen waxaadna isku deyeysaa inaad sameyso Group saaxiibo ah. Ma ahan mid sahlan mana dhacdo inta badan laakiin waa inaad isku daydaa.”

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Man City oo ka fikireysa inay Janaayo lasoo wareegto Suarez.

Manchester City ayaa ka fikireysa inay Janaayo lasoo wareegto weeraryahanka xulka Uruguay iyo kooxda Liverpool Luis Suarez. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Roberto Mancini ayaa sidii uu u baahnaa uga caana maalin weeraryahanka reer Italy Mario Balotelli, wuxuuna ku fashilmay in si fiican uu ugu xisaabtamo kulamada Barclays Premier League.

Suarez ayaa hugaamiye xilli ciyaareedkaan u ahaa Liverpool, wuxuuna u dhaliyey 11 gool, laakiin waayihiisa aan la iska indha tiri Karin ka dib, tababare Mancini ayaa jeclaan lahaa inuu weeraryahankaan keeno Etihad Stadium.

Hadiiba uu Suarez ka tegaayo Anfield, waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 50 milyan oo ginni.

Liverpool ayaana ceshatay 25 jirkaan iyadoo ay xagaaga indhaha ku hayeen Paris St Germain iyo Juventus. Iyadoo uu haatan qandaraaskiisu dhacayo 2017ka.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Gerrard: Goolkii Ibrahimovic waa kii ugu fiicnaa ee aan abid arko.

Zlatan Ibrahimovic ayaa habeenkii arbacada laba cad ka dhigay xulka isagoo ka dhaliyey afar gool, oo uu ku jiro mid ka mid ah goolashii ugu quruxda badnaa ee taariikhda laga dhaliyo kubada cagta.

Weeraryahanka xulka Sweden ayaa noqday ciyaaryahakii ugu horeeyey ee afar gool oo isku makaan ah ka dhaliya xulka la niinaaso Three Lions, wuxuuna sidoo kale soo afjaray rikoorkii guul darro la’aanta ee tababare Roy Hodgson.

Goolkii ugu dambeeyey ayaa ahaa mid cajiib ah iyadoo uu 35 mitir laba lugootooy ugu dhaliyey Ibra, taasoo uu kabtanka xulka England Steven Gerrard ku tilmaamay goolkii ugu quruxda badnaa ee uu ebid arko.

Gerro, oo xalay u saftay xulkiisa kulankiisii 100aad ayaa yiri: “Wuxuu ahaa goolkii ugu quxroonaa ee aan abid arko. Uma maleynaayo inaan arki karo gool la mid ah.

“Wuxuu kubada ka laaday fogaan dheer iyadoo cabir lix cag ah ku jirta hawada — keliya ciyaaryahano kooban ayaa sidaas sameyn kara. Wuxuu ahaa gool heer sarre ah oo ka yimid ciyaaryahan heer sare ah. Ma ahan inuu qof walba dhaliyo balse maskaxdeyda ayuu ku weynaaday.”

Sawirada Goolkii uu Zlatan Ibrahimovic ka dhaliyey England.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka farxiyay Shacabka Kismaayo.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay u dirayaan gudi warbixin ka keena dhuxasha faraha badan ee taala halkaas.

Arinta mamnuucista dhuxasha ayaa waxaa ay keentay isqab isqabsi wayn oo muda soo jiitamayay balse hada uu marayo meel fiican ayna u badan tahay in madaxwaynaha uu u fasaxayo dhuxusha dadkii lahaa inay iibgaystaan waxii ka dambeeyana ay mamnuuc tahay.

Madaxwaynaha oo ka hadlay dhuxusha faraha badan ee Taala Kismaayo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ugu badnaan xal u helayso dhuxusha dad badan ay juhdi geliyeen sida uu hadalka u dhigay ayna doonayaan inay ka macaashaan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in markaan xal buuxa la heli doono qof walbana dhuxushiisii taala dakada Kismaayo la siin doona marka ay halkaas garaan gudi Muqdisho ka baxaya oo soo indha indhaynaya dhuxusha dakada taala laakiin waxaa uu ka digay madaxwaynaha in dadka ay jaraan dhirta.

Waxaa uu ka hadlay Madaxwaynaha ahmiyada wayn ay leedahay dhirta waxaana uu cadeeyay inuu ka xumaaday dhir jarida ka socota Soomaaliya.

hadalka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka ka ganacsada dhuxusha ee Kismaayo ku nool oo dhuxushooda ay ku xayirantahay Dakada Kismaayo.

Ciidamada Kenya oo Soomaali badan ku xir xiray magaalada Nairobi.

Wararka Saakay ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay howlgal balaraan  ay ka wadaan Xaafada dadka Soomaalida ay dagaan ee Islii.

Howlgalka ayaa wariyaal ku sugan Nairobi waxaa ay soo warinayaan in guryaha dadka Soomaalida ay daganyihiin ay ciidamada galayaan iyagoo ka baadi goobaya waxyaabo qarxa iyo hub .

Dad badan ayay xir xireen Saakay oo kaliya Ciidamada kuwaa oo ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen qaraxyo xalay lagu qaaday goob u dhow garoonka Diyaaradaha Ciidamada Cirka dowlada Kenya.

Qaraxyadan oo bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan  ku dhintay hal qof  kaas oo looga shakinayo inuu ka ahaa qofkii qaraxa fuliyay , dhalashadiisana ay tahay Kenya.

50 Dhalinyaro Soomaaliya iyo kenya ayay howlgalkaan ku xireen ciidamada Kenya.

FAALLO: Xoriyada Haweenka Reer Galbeedka! (Xanuuno Iyo Dhalanteed)

Haweeneyda waa laf dhabarta bulsho walbo, waa macalinka hoyga uu ka soo askumo mujtamac walbo oo dunidaan ku nool Hawyneydu waxay soo saartaa nooc walbo oo ka mid ah bulsho walboo jirto,waa baraha asaasiga ee ruux walbo.

Haweyneydo waa baarka sare ee shucuub walba oo meel dagan.

Haweyneydu waxay u baahantay tixgalin iyo qadarin dhankastabo leh,

DIINTEENA ISLAAMKA: Hooyada waxay ku leedahay qadarin sare oo aad ayeyna u tahay qof la xushmeeyo.

Hadabo waxaan ku eegeynaa qormadeenaan qaab nololeedka haweyneyda reer galbeedka ee mar walibo naloo sheego sida ay xor u tahay ayna tahay haween sharfan ilaa xad ilaa aan aad ugu hanqaltaagnay sidaan u gaari lahayn nolasha ay ku noolyihiin haweenkaas.

Waxaan eegi doonaa dhowr dhinac oo ku saabsan nolasha Haweyneyda:

QARAACITAANKA HAWEENKA!

Had iyo jeeraale waxaan maqalnaa ayadoo gabdhaha loogu yeerayo xoriyad in ay helaan ururo aad u tira badan ay ku hal qabsadeen u doodida xoriyada haweenka, islamarkaan ay ragga la mid yihiin nolasha qeebaheeda kala duwana ay ka siman yihiin,isla markaan aad u amaana xadaarada galbeedka taalo iyo sharafta ay haweyda leedahay marka ay ku nooshahay dalalka reer galbeedka,iyo in ay ka xorowdo tiirarka diinta suuban ee islaamka,ayakoo isla markaa ku hadaaqayo in islamka haweyneyda dulmiyey xaqeediina garab marsiiyey, carabta ayaa waxay ku maah maahdaa رمتني بدائها وانسلت waxay ugu soo tuurtay cudurkeedi weyna iga siibatay ama iga carartay,marka arintu waxaa weeyaan reer galbeedka cudurkoodi ayey nagu soo tuureen ee ahaa in ay haweyneyda gafsiiyeen xaqeedi ka dibna wey naga baxsadeen ama iclaamkoodi ayaa naga dheereeyey.

Lakiinse marka aan eegno nolasha ay kuwada noolyihiin qoyska reer galbeedka ahiye waan la soconaa waxa ka dhex jiro ee nolol adeega ah iyo furiinka badan ee hareysey wada noolaasho xumo u dhaxeyso labada lamaane iyo is eedeenta ka dhex jirto qoyska dhexdiisa,khiyaanada ay isku isticmaalaan,arintaa soo ugu danbeynta sababto in ninku qaraaco haweyneyda qaraacitaan aad u daran kaa soo mararka qaar gaaro dil haweyneyda meydkeeda laga helo meelaha qashin qubyada ah,ama uu arinkooda ku dhamaado furiin.

Qaraacitaankaasna ma ahan mid ay u jeedadiisa tahay mid haweyneyda lagu edbinayo mararka laga dareemo madax adeeg ama amardiido xaga ninkeeda ah kadib marka in mudo ah loo nasteexeeyo wax la tuso lana sasabo ayadoo la marayo wadooyin kala duwan.

Diinteena xaniifka ah waxay cadeyneysaa in haweyneyda marka amar diido laga dareemo naseexadana ay diido wax walbana ku dagi weydo,looga haajiro ama lagu cidleeyo sariirta,intaas hadii wax looga waayo in markaas la qaraaco qaraacitaan aan weyneyn ayadoona wajigana laga qaraacaynin lafna laga jabineynin,dhiigna aan laga keeneynin,laakiin waxaa loo qaraacayaa siduu sheegay saxaabiga CABDULLAHI BIN CABBAAS (RC) :waxaa lagu qaraacayaa cadeyga (rumay) iyo wixii la mid ah sida safaleetiga iyo camaamada,lagumana qaraacayo ul iyo suun. waana midaas wadaduu nagu toosiyey nabigeena sharafta leh MUXAMAD (scw).

lakiinsa qaraaca ay isticmaalaan reer galbeedka aan diinta islaamka ee sharafta leh haysanin waa arin qatarteeda weyntahay ragga badankiisna ay isticmaalaan qaraacitaankaas oo gaara heer haweyneyda ay dhimanto.

TUSAALOOYIN

Mareekanka warbixin laga diyaariyey sanadii 1987 waxay tilmaameysaa in 79% ragga ay xaasaskooda qaraacaan gaar ahaan marka ay guursadaan,ayakoo u arko marka ay haweyneyda guursadaan wax ay ayaka leeyihiin oo hantidooda kamid ah sidey doonaana ula dhaqmo.

warbixin ay soo saartay hayad mareekan ah ayaa ayadana waxay sheegeysaa in 17% dadka la geliyo qolalka gargaarka dagdaga ah ee isbitaalada aya yihiin haween uu dhib ka soo gaaray qaraacitaan ragadooda ah ama asxaabtooda, ayadoo 83% ay horey is bitaalka ugu galeen ugu yaraan si looga daaweeyo waxyeelooyin ka soo gaaray QARAACITAAN,sidoo kale 1360 diiwaan oo isbitaalka haweenka yaalo wuxuu u badan waxayaalaha ku qoran dhibaatooyin haweeinka ka soo gaaray qaraacitaan ay ka la kulmeen ragooda.

Dhibaatooyinka loo geysto haweyneyda reer galbeedka ah amaba ku nool wadamada la sheego in ay haweyneydu tahay mid xor ah waxaa ka mid ah in indhaha la ga madoobeeyo ama ayadoo dhan la jabjabsho heer ay gaarto in ay socodka xataa gabto oo isbitaalka ama meelaha dadka naafada ah lagu xanaaneeyo ay kuu biirto,ayadoo badanaa meelaha dadka naafada ah la galiyo ay u badan yihiin haweenka waxyeelo ay ka soo gaarto dhibaato ay kala kulmeen ragooda,xataa mararka qaarkooda waxay la kulmaan in la gubo oo dab iyo baasiin la qabadsiiyo ayadoo nool, ama midiyo iyo wax yaalo sakiimo ah loo isticmaalo ayakoo jirkooda la jarkaro.

wuxuu leeyahay aqoonyahan reer galbeed ah:waxaan ku qiyaaseynaa haweenka guryahooda ku dhibaateysan ee aan isbitaalada aadeynin ilaa 6 kun oo haween.

XORIYADDA HAWEENKA OO AY AAD UGA BADBADIYEEN!

Ayadoo ay jirto in ay xoriyada haweenka ay aad uga badbadiyeen oo ah in ay siiyeen xaquuq aad u badan iyo xoriyaad waxaad arkeysaan in ay tahay afka baarkiisa iyo dulmi loo geysano haweeneyda miskiinta ah ee gurigeedi laga bixiyey ayadoo la buuq raaciyey waxayaalaha dhlanteedka ah ee ay buugaagta ka aqrisay,bartamaha qaarada yurub dal ku yaalo oo ku faano in uu yahay dal aad u hormaray haweenkana aya siiyeen xaquuq aad u badan waa dalka JARMALKA,waxaad arkeysaa dhibka heysta haweyneyda iyo waxa ay la kulmeyso ee nolol adeega ah ayadoo qabaneyso shaqooyin aad u adadag oo raga qaarkood xataa aysan qaban karin ayadoo ay ku qasabtay shaqadaas in ay qabato shaqo la,aan iyo deymo fara badan oo lagu yeeshay,ayadoo ay dhacayso in ay isticmaasho waxyaalaha maanka dooriyo si ay isku hilmaamsiiso dhibka ay kala kulmeyso shaqadaa.

Gudaha dalka France dhibaatoouinka loo geysto haweenka wuxuu gaaraya heer aan qiyaas la hayn ilaa dowlada ay sameyso hay,ado ka hortago dhibaateenta haweenka,tiradoodana aan xisaab lahayn,waxay leedahay haweeney ka mid ah kuwa ka howl galo hey,adahaas loo sameyey caawinaada haweenka:”xattaa xayawaanka ayaa ka darajo weyn dumarka maxaa yeelay hadduu qof wadada ku qaraaco Ey wuxuu helayaa qof kalo oo la dagaalo kuna wargaliyo hey adaha u dooda xuquuqda xayawaanka,lakinse hadduu nin ku qaraaco haweyntiisa jidka ama wadada ma arkeysid qof u dhaqaaqayo”ilaa ay arinta iska noqotay arin iska caadi ah oo garsoorayaashi iyo madaxdi ay qaraacaan haweenkooda.

Dhibaatada ay ku nooshahay haweyneyda reer galbeedka ihiye waa midaan la soo koobi karin waaxayna leedahay dhacdooyin iyo qisooyin naxdin leh oo meel kasto yaalo waxna laga qaban karin ayadoo xaladooda ay tahay xaaladii ay ku sugnaayeen carabta xiligii jaahiliga kana sii daran oo ayaka ay u tahay xoriyad iyo waxaan la heli karin. dhibaatooyin loo geysto hawyneyda ku nool dalka ingiriiska,waxay gaareysaa kala bar haweenka in ay dhibanayaal yihiin 77% ay la kulmaan dhibaatooyin iskugu jiro Qaraac,kufsi iyo afduub.

Sidaa oo ay tahay xoriyada jiista ah ee reer galbeedka waxay ugu yeerayaan in ay hayaan xoriyad,nabad galyo,nolol wanaagsan,xuquuq insaan,lakin ma dhib kaas ka weyn ayaa jiro oo qof bani aadam ah loo geysto kaba sii darean ayadoo looo geystay qofkii bulsha ugu jilicsanaa waxaad moodaa in ay la hadlayaan dad waalwaalan,oo aan caqli lahayn.

Xoriyada reer galbeedka ay ugu yeerayaan Haweenka waa mid noocaa ah mid dhamaan doontana ma ahan,sidaa oy tahay waxaa u sii dheer haweyneyda oo intaas oo dhib la kuilmeyso ma awooda in ay gudbiso dhibaatadeeda maxaa yeelay wuxuu ugu hanjabayaa ninka hadii ay wax war ah ka gudbiso in uu si kadaran u qaraaci doono amaba uu furi doono,sidaa darteed waa in dhibkeeda qarsataa si ay u wenin ninkeeda ama uusan uga raacin haweeney kalo…… allaaa dhin iyo qaxar badanaaaaaaa ilaahaybaa mahad iska leh na siiyey nicmada islaamka haweyneydana aad u karaameeyey iska daa in ay ayada dhib la kulantee waajib uga dhigay ragga in ay ayada u shaqeeyaan guriga ay joogto ma darajo intaas ka weyn ayaa jirto.

Waxaad arkeysaa ninka reer galbeedka ahi in uu ka doorbidaayo naag in uu guursado in uu sxb la noqdo ama waxa ay ugu yeeraan GRILFREND IYO BOYFRIEND sababtoo ah marka uu naagta sxb layahay wax biil ahkama rabto baql asagaa biil ka rabo naagta miskiin hadii kale wuu iska burinayaa …………….ilahaybaa ku mahadsan nagu hanuuniyey iimaanka iyo wadada toosan.

Mohamed Hassan Biikole

[email protected]

Manchester Utd oo iska qafiifisay qaamihii qoorta u surnaa!

Manchester United ayaa iska yareysay deymihii lagu lahaa, kadib markii milkiilayaasha kooxda ay bixiyeen lacag dhan 62.6 milyan oo gani.

Waxaa hadda kooxda ku hartay deyn dhan 359.7 Milyan oo gani, taasi oo macnaheedu yahay in kooxdu ay bixisay 17 boqolkiiba deymihii lagu lahaa.

Sidoo kale kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in daqligeedu uu kordhay 3.4%, oo uu gaaray 76.3 Milyan oo Gani, saddexdi bil ee tagtay.

Hase yeeshee daqliga kooxda kasoo gala dhinaca baahinta kulamadeeda ayaa hoos u dhacay 37.4 boqolkiiba oo noqday kaliya 13.7 Milyan oo gani, sababo la xiriira waqtiyeynta kulmada kooxda.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Sudan oo geeriyooday

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Sudan ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday magaalada khartoum ee dalkaas habeenkii xalay.

Geerida Prof. Mahdi Abuukar Maxamuud waxaa inoo xaqiijiyay dad eheladiisa uu kula noolaa dalkaas Mudo tan iyo xiligii Safiiirka uu ugu ahaa Soomaaliya dalkaas.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa la sheegayaa inuu u dhintay xanuuno in badan hayay kaas oo ahaa Wadnaha ugu dambayna waa kii xalay uu geeriyooday.

Mudo sadax Isbuuc ayaa waxaa uu  ku jiray guri  halkaas oo xaalkiisa caafimaad lagula dabiibayay.

Allaha Unaxariistee Prof. Mahdi Abuukar Maxamuud  ayaa waxaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii dalka soo maray,waxaana sido kale xilka Safiirnimo uu ka soo qabtay dalka Iraan.

Ibra oo u dhameeyey England iyo France oo dubatay Italy.

Netherlands iyo Germany ayaa isla dhaafi waayey barbaro goolal la’aan ah, ciyaar ka dhacday Amsterdam ArenA — ee magaalada madaxda Holland.

Ciyaarta oo inta badan aheyd mid isku dheeli tiran ma muuqan wax fursado ah oo labada xul ay goolal isaga dhalinm kareen.

Xulka Sweden iyo Kabtankooda Zlatan Ibrahimovic ayaa cagta mariyey xulka England oo marti ugu ahaa garoonka dhowaan daaha la qaaday ee Friends Arena — ee dhaca magaalada Solna.

Zlatan Ibrahimovic ayaa daqiiqadii 20aad goolka u furay xulka martida loo ahaa, ka hor inta uusan Danny Welbeck Three Lions u barbareyn daqiiqadii 35aad.

Daafaca Tottenham Steven Caulker ayaana hugaanka u dhiibay xulkiisa England laba daqiiqo ka dib, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Kabtanka xulka Ingiriiska Steven Gerrard  oo caawa xulka u safanayey kulankiisii 100aad ayaa daqiiqadii 75aad lagu bedelay Tom Huddlestone.

Kabtanka xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa isla ekeeyey ciyaarta daqiiqadii 78aad, Zlatan  ayaana sedaxleydiisa ka dhameystirtay England lix daqiiqo ka dib. iyadoo uu mar kale shabaqooda ku laabtay Zlatan Ibrahimovic daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Italy ayaa guul darro 2-1 ah kasoo gaartay xulka France, oo marti ugu ahaa Stadio Ennio Tardini — ee magaalada Parma.

Gool ma gefe Stephan El Shaarawy ayaa hugaanka u dhiibay xulka Talyaaniga daqiiqadii 35aad, ka hor inta uusan laba daqiiqo ka dib France u barbareyn Mathieu Valbuena. Sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore.

Weeraryahanka kooxda Lyon Bafetimbi Gomis ayaa hugaanka u dhiibay xulkii 2006dii laga qaaday koobka aduunka daqiiqadii 67aad. Iyadoo Faransiisku ay guul ka gaareen xulka ay inta badan ku xafiitamaan kubada cagta.

Ciyaaraha kale Gabon ayaa gurigeeda barbaro 2-2 ah ku celisay xulka Portugal, Turkey ayaa barbaro kula heshiiyey Denmark oo marti u aheyd, Romania  ayaa 2-1 ugu awood sheegatay Belgium-ka oo marti u ahaa, halka Hungary  ay guul darro 2-0 ah kala kulantay Norway.

Natiijooyinkii kulamadii saaxiibtinimo ee caawa dhacay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

David Navarro: Fariin raali geli ah ayaan u diray Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka kooxda Levante David Navarro ayaa daaha ka qaaday inuu fariin raali gelin ah u diray weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo, ka dib markii uu isha ka dhaawacay intii ay socotay ciyaar u dhaxeysay labada koox axadii lasoo dhaafay.

Daafaca ayaa isha korkeeda ka dhaawacay kabtanka xulka Portugal xilli ay ku hardamaayeen kubad madax ah intii lagu jiray qeybtii hore ee ciyaarta ee u dhexeysay labada koox, taasoo keentay in weeraryahankii hore ee Manchester United loogu yeeri waayo xulkiisa ka dib dhaawacan.

Ronaldo ayaan awoodeyn inuu isha furo taasoo keentay in markii uu gool dhaliyey qeybta hore, ka dib la bedelo. Navarro ayaana go’aansaday inuu raali gelin siiyo xidiga heerka caalami ee dalka Portugal ka dib ciyaarta.

“Waan arkay runtii inaan dhaawac kuu geystay, waan kaa raali gelinayaa,” ayaa ku qornaa Fariinta sida laga soo xigtay Intereconomia.

Waxaa la rumeysan yahay inuusan weli Ronaldo kasoo jawaabin raali gelinta la siiyey.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Scolari: Neymar wuu ka fiicanaan karaa Messi iyo Ronaldo.

Luiz Felipe Scolari ayaa rumeysan inuu Neymar ka fiicaan karo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Xidigaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay yihiin haatan kuwa caalamka ugu wanaagsan laakiin tababarihii hore ee xulalka Brazil iyo Portugal ayaa sheegay in weeraryahanka Santos uu xitta ka fiicaan karo xidigaha ka xamaasha La Liga.

“Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar waa sedaxda ciyaryahan ee caalamka ugu fiican,” ayuu Scolari u sheegay saxaafada.

“Neymay wuu gaari karaa wuuna ka sara mari karaa [Ronaldo iyo Messi] sanadaha soo aadan.wuxuu ku fiican yahay Barcelona, sababtoo ah waa ciyaaryahan heer sare ah wuxuuna leeyahay tayo fiican. Hada wuxuu ka ciyaaraaBrazilwuuna ku faraxsan yahay.”

Scolari, oo Brazil ku hugaamiyey koobkii aduunka 2002dii ayaana sheegay inuu ilaa iyo haatan ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubada cagta soo mara u arko halyeeygii Selecao Pele: “Aniga ahaan Pele ayaa weli ii ah ciyaarayahankii ugu fiicnaa caalamka sanadana wuu sii ahaan doona.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ruushka oo 2-2 la galay USA iyo Argetina oo mari weysay Saudi.

Russia ayaa barbaro 2-2 ah la galay xulka Mareykanka, ciyaar ka dhacday  Stadion Kuban’ — ee magaalada Krasnodar.

Fedor Smolov ayaa sagaal daqiiqo goolasha u daah furay xulka Ruushka, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Michael Bradley, ayaase xulka martida ahaa u keenay goolka barbaraha daqiiqadii 76aad, inta uusan garoose Rizzoli‎ goolku laad u dhigin Ruushka kaasoo markii dambe uu gool u sarifay Roman Shirokov. Waxaana daqiiqadii u dambeysay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta USA goolka barbaraha u dhaliyey Diskerud.

Saudi Arabia ayaa barbaro goolal la’aan ah ay ku wada heshiiyeen xulka Argentina, ciyaar ka dhacday King Fahd International Stadium —  ee magaalada Riyadh, iyadoo xulka martida loo ahaa uu muujiyey geesinimo.

Weeraryahanka xulka Sucuudiga Al-Sahlawi. Ayaa u ekaa inuu gool laad xor ah shabaqa ku hubsaday laakiin garsoore Ali Abdulnabi‎ ayaa u sheegay inuu seeriga ka hor maray.

Weeraryahanka kooxda Wigan Di Santo ayaana xulkiisa ka qasaariyey fursad gool loo fishay, ka hor inta uusan Sergio Aguero isna gool qasaarin.

Tunisia  ayaa guul darro 2-1 ah iyagoo ku ciyaaraya gurigooda kala kulmay xulka Switzerland.

Natiijooyinkii ay kusoo dhamaadeen Ciyaaraha Saaxiibtinimo waa sidaan.

 

 

 

 

Sneijder iyo Coutinho oo tababarka Inter kusoo laabtay.

Wesley Sneijder iyo Philippe Coutinho ayaa kusoo laabtay tababarka Inter Milan iyadoo la nasinaayo kulanka arbacada soo aadan si loo ilaaliyo inay si buuxda usoo kabsadaan.

Labada ciyaaryahan ayaa qeyb ka ahaa tababarkii kooxda ee Appiano Gentile, iyadoo ay Nerazzurri isku diyaarineyso kulanka Serie A ay ka hortegeyso Cagliari.

Kubad qaabeeyaha reer Hollland ayaa keliya ciyaaray shan kulan oo Horyaalka ah xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu ka dhaawacmay muruqa dhamaadkii bishii September.

Dhanka kale, Coutinho, ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Inter 1-0 ku suul daartay Partizan Belgrade, 20 jirkaan ayaana sedax gool u dhaliyey Nerazzurri 12 kulan oo uu garoonka u galay xilli ciyaareedkaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Turkiga oo dib u dhisaya Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo maanta khudbad ka hor jeediyey xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho xili ay ku kulansanaayeen Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in Dolwadda Turkigu ay dib u dhis xoogan ku sameyneyso dhismaha golaha Shacabka.

Ahmet Davutoglu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey xarunta golaha shacabka wuxuu uga hadlay doorka dib u dhiska dalkeenna ay walaalaha Turkigu ku leeyihiin waxaana uu u tilmaamay in mashaariicda dib u dhis ee ay Walaalaha Turkigu ka sameynayaan Muqdisho ay ugu horeyso xarunta golaha shacabka.

“waxaan Muqdisho usoo dirnay Injineeradeenna si ay usoo qiimeeyaan waxa aynu ka qaban karno xarunta golaha shacabka inagoo ka jawaabeynay codsiga gudoomiyaha Baarlamaanka waxeyna noo sheegeen in xaruntan aysan ku filneyn dayactir oo ay dhulka dhigayaan kadibna ay ka hirgelinayaan dhisme casri ah,waxaanna rajeynaynaa inaan ku guuleysano”ayuu ku yiri Ahmet Davutoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga khudbaddii uu ka hor jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa dhanka kale tilmaamay in Dowladda Turkigu aysan ka daaleyn taageerada shacabka iyo Dowladda walaalahooda ah ee Soomaaliya ilaa inta ay Dowladda Soomaaliyeed cagaheeda isugu taageyso waxaana uu u soo gudbiyey xildhibaannada Baarlamaanka,madaxda sare ee dalka iyo shacbiga Soomaaliyeed salaan uu ka siday madaxda sare ee dalka Turkiga sida Madaxweyne Cabdala Guul iyo Ra’isulwasaare Recep Tayib Erdogan.

Dalka Turkiga ayaa kaalinta hore uga jira dowladaha Caalamka ee taageerrada ballaaran siiya Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ayadoo walaalaha Turkigana lagu xasuusto gudmadkii ay Soomaaliya u sameeyeen xiligii Abaaraha,deeqaha waxbarasho ee ay siiyeen Ubadkeenna, marti gelinta shirar aayaha Soomaaliya  quseeyey iyo dad badan ay Argigixisadu si xun ugu dhaawaceen gudaha dalka oo dalkooda ay deeq caafimaad u geeyeen.

Isha: Radio Muqdisho

Arsenal, Tottenham iyo Liverpool oo isku heysta Luiz Adriano.

Arsenal, Tottenham iyo Liverpool ayaa ka fikiraya inay Janaayo soo dhaqaajiyaan weeraryahanka Shakhtar Donetsk iyo xulka Brazil Luiz Adriano. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Wakiilo ka socda kooxahaan ayaa daawaday 25 jirkaan intii ay socotay ciyaartii Champions League –ga Chelseaiyo Shakhtar  ee ku dhaamatay 3-2 da isbuucii lasoo dhaafay.

Spurs,  Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiiseynayey  labada ciyaaryahan ee kooxda reer Russia Willian iyo Fernandinho , laakiin heshiiska Adriano ayaa noqon kara midka laga wada xaajoodo.

Weeraryahanka orodka badan ayaa 45 gool dhaliyey xilli uuu 107 kulan u saftay kooxda Ruushka, waxaana loo qiimeeyaa kubad dhaliye halis ah.

Arsenal ayaa dalab u dirtay Adriano intii lagu jiray xagaaga laakiin helitaankoodii Olivier Giroud ayey isaga dhaafeen wiilkaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Gullit: Torres wuxuu u muuqdaa inay kaga dhamaatay Chelsea.

Xidigii hore ee kooxda Chelsea Ruud Gullit ayaa ugu baaqay Fernando Torres inay soo idlaatay xirfadiisii ciyaareed ee gegeda Stamford Bridge, ka dib markii uu weeraryahanka reer Spain ku guul darreystay inuu goolal u dhaliyo Blues, isagoo xilli ciyaareedkaan shabaqa soo taabtay afar jeer.

28 jirkaan ayaa dhib ka heystay afaafka goolka inkastoo uu kusoo bilowday kulan walba oo Premier League ah ee xilli ciyaareedkaan kooxda Roberto Di Matteo. Sida ay ogaatay shabakada Goal.com kooxda ayaa wadahadalo la furtay ninka ay u aragto bedelkiisa ee weerarka uga ciyaara Atletico Madrid Radamel Falcao.

“Chelsea waxay dooneysaa inay Torres fursad siiso. Miyuusan helin fursad? Ma garanaayo,” ayuu ninka reer Holland u sheegay saxaafada.

“Wixii uu sameeyey sanadihii tegay intii uu u ciyaarayey Liverpool iyo Atletico Madrid ma aheyn wax caadi ah. Mana sameyn karo wax la mid ah. Ma garanaayo sababta, ma aqaan wax aan ku tilmaamo. Waa wax aan la fahmi Karin.

“Laakiin hadii uusan awoodin inuu goolal dhaliyo markaas Chelsea waxay u baahan tahay inay sameyso wax kale.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.