25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Golaha Wasiirada oo maanta lagu dhowaaqayo + Magacyada qaar.

Maanta ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu ku soo dhawaaqo golahiisa Wasiirada ee mudo looga fadhiyay inuu shaaciyo.

Wararka Saakay laga helayo aqalka madaxtooyada ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada maanta duhurkii saacada soomaaliya lagu dhawaaqi doono.

Wasiirada oo ka yaraan doona Tiradii hore ayaa waxaa hadal wayn ay ku reebtay goorta Ra’iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqayo iyadoo Saxaafada dibada iyo Soomaaliyana ay ka jahwareren.

Maalmo badan oo la filayay in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo ayaa dib u dhac uu ku yimid waxaana taas lagu micneeyay in Ra’iisul Wasaaraha la tashiyo uu samaynayo.

Sida Wararka Madaxtooyada aynu ku helayno Tobon Wasiir oo labo haween ay yihiin ayaa lagu dhawaaqi doonaa,waxaana warar kale ay sheegaayaan in markii ugu horaysay Wasiirka Arimaha dibada ay noqon doonto qof haween ah.

Magacyada qaar ka mid ah dadka loo maleeyo inay wasiiro noqdaan.

1 – Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Isaaq ah, Habar Yoonis.

2- Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed Hawiye, Habargidir, Sacad

3 – Wasiirka Gaashaandhita Gen. Muuse Xasan Cabdulle, Daarood, Ogaadeen.

4 – Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, Deegaanka, Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha Cabdi Risaaq Maxamed, Hawiye Xawaadle

5 – Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare Faarax Sheikh Cabdulqaadir, Beesha Shanaad, Reer Aw-Xasan.

6 – Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta Cawil Xuseen, Daarood Majeerteen.

FG: Magacyadan waxaan ku helnay xog, waxaana macquul in qaar ka mid ah wax ay iska beddelaan.

Maxaa xalay ka dhacay Muqdisho?

Qarax dad shacab ah ay wax ka soo gaareen ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ka dib markii kooxo hubaysan oo aan la garanaynin ay bam tuureen.

Bamkaan ayaa waxaa ay kula beegsadeen kooxahan halka looyaan  Macmacaanka oo Ciidamo dowlada ka tirsan ay halkaas marayeen laguna weeraray bamka.

Dad shacab ah ayaa inta badan waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxa oo habeenkii xalay dhacay,waxaana ku dhintay labo ruux halka dhaawaca uu yahay shan kale oo shacab ah.

Qaraxa ka dib waxaa baxsaday kooxihii qaraxa ka dambeeyay balse aan la qaban markii ay ciidanka dowlada ay howlgal kooban  sameeyeen.

Ma jirto Askari dowlada oo waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxa,waxaana dadka dhaawacmay la dhigay Cisbitaalada Muqdisho.

Arag Sawir gacmeed cajiib ah: Xilal doonka Kooxda Damul Jadiid.

Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa sawir cajiib ah ka sameeyay xubnaha kooxda madaxweyne Xasan Sheikh ee Damul Jadiid iyo sida ay u doonayaan xilalka dowladda cusub.

Mr. Caamir ayaa sawirkiisa kaga turjumay wararka maalmahanba socda ee ah in xubnaha kooxdaasi ay u badnaan doonaan golaha wasiirada cusub ee Somalia.

Waxaa sawirka uu ku muujiyay xubnaha kooxda Damul Jadiid oo kasoo dagaya diyaarad, kuna qul qulaya Villa Somalia, ayaga oo xil doon ah.

Arag  Sawirka.

Daawo: Sirta & sababta ka danbeysa surgoynta Suxufiyiinta (Xog warran)

Markii ugu horeysay ayaa saxafiiyinta jooga dalka Koonfur Africa ayaa waxa ay soo bandhigeen sirta iyo surgooyada ka danbeysa suxufiyiinta la xabad siibayo maalin walba iyadoo muuqaalkani oo aad kaga bogan doonto Codad horey loo duubay oo loogu hanjabayo saxafiyiinta ku shaqeynaya dagaaladii sokeeyey ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
C/risaaq Yusuf Cabdala oo ah wariye kasoo barakacay Magaalada Muqdisho ayaa waraysigiisa ku sheegay ragga ka danbeeya dilalka Saxafiyinta isagoo lasoo baxay qoraalo iyo warqado cadaynaya in ay yihiin dilaayasha saxaafiyiinta Soomaaliya.
Hadaba Waraysigani muuqaalka ah ayaa waxaa sidoo kale ku daawan doontaa dadka dilaayaasha ah sawiradooda iyo iyagoo dhaaranaya, sidoo kale waxaa ku daawan doontaa qaarkood oo ku faanaya in ay dileen saxafiyiin caan ahaa oo uu ka mid ahaa Muqtaar Hiraabe iyo Saciid Tahliin Axmed iyo saxafigii da’da ahaa ee Abkey.
HADABA DAAWASHO WACAN MUUQAALKANI XIISAHA LEH.

C/risaaq Indho Jaceyl.
Cape Town, South Africa.

QAYLA DHAAN: Waa ayo dadka ‘AF-SOOMAALIGA’ ku hadla?

Dalka Soomaaliya oo tan iyo burburkii kusoo baxay dal bilaa walaal, bilaa saaxiib ah ayay taasi keentay inay dunidu nagu nacayso erayga dal fashilmay ( A failed state) oo taxa ama liiska lasoo saaro aan sanadkiiba safka hore ka cariirsanno balse mida calool xumada lihi intaa oo dhan maahee waa dadkii Soomaaliyeed oo iyagoo aan nasteex caalami ah lahayn iyagii is necbaystay.

Waxaan doonayaa inaan maqaalkan ku yara eego arin aan kolleey anigu aad u karhay oo kusoo noqnoqata warbaahinta Soomaalida iyo maxfallada la iskugu yimaaddo oo ah ‘’Inta Af-Soomaaliga ku hadasha’’ Dadka Af-Soomaaliga ku hadla’’ IWM.

Su’aasha maankayga wareerisay ayaa waxay noqotay ‘’Yay yihiin dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee haatan soo baxay?’’ Maxayse tahay ujeedka laga leeyahay in la adeegsado tibixdan cusub? ”Yaa hindisay oraahdan?” Maxay u dhimi kartaa ama u tari kartaa Soomaalinimada?’’ Maxayse usoo kordhin kartaa kan u ololeynaya inuu arintan hirgelsho?’’ IWM.

Horta su’aalahaasi hawada ayay ku callaqnaanayaan oo waqtiga ayaa ka jawaabi doonee aan woxoogaa iftiimino dhanka naxwaha waloow aanan maahir ku ahayn oo ay badan yihiin dad iga badiya oo aan raalligelinayo hadii aan wax khaldo.

Muxuu yahay horta farqiga u dhexeeya 1) Soomaali, 2) Soomaaliya iyo 3) Soomaaliyeed? Hadii aan ku bilaabo kan hore Soomaali waa qof kasta oo ku abtirsada abnaqa Soomaaliyeed (Soomaalida waa qoowmiyad qura) waana eray magac ah (noun) waxaana loo adeegsan karaa wax kasta oo Soomaali la xiriira, Soomaali ah, ama ay Soomaaliyi leedahay, tusaale ahaan ’’Nin Soomaali ah, gabar Soomaali ah, waxaan ahay Soomaali’’ IWM. Magacani maaha mid la macmalay ee waa mid muddo soo jiray.

FIIRO GAAR AH: Magacan ’’Soomaali’’ u gaar maaha dad gobol gaar ah degan marka ay timaaddo shanta Soomaalida loo qaybshay iyo 15-ka lagusii dhuftay haatan (5 x 15 = waa 75-ta aan nahay), lkn wuxuu u taagan yahay qof kasta oo Soomaali ah meelkasta oo uu ku dhaqan yahay min Jabuuti ilaa Gaarisa, min Jigjiga ilaa Xamar Jajab. Soomaalidu waxay la mid tahay Oromada, Canfarta, Tigreega, Amxaarada IWM oo waa qabiil qura meeshii ay doontaba ha joogtee.

Midka labaad ee ’’Soomaaliya’’ waa magac u taagan jamhuuriyad Soomaaliya la yiraahdo oo leh degaan, dad, calan iyo diin la yaqaano waana magac (Noun) ah loo qaato dalkaasi iyo intii xukunkiisa hoos timaadda.

Mida sedexaad wuxuu noqonayaa ’’Soomaaliyeed’’ oo ah tilmaan (Adjective) isna maadaama uu sife yahay wuxuu isna metelayaa qof kasta oo Soomaali ku abtirsada adigu ama calan kale lahoow ama dal kale iska yeel yeel dalnimadaadu kuma burayso inaad iskugu yeerto ’’Qof Soomaaliyeed’’.

Hadii aan sii iftiimiyo umadaha Carabta oo anaga marka naloo eego aad iyo aad nooga badan  dad ahaan, degaan ahaanna nooga ballaaran ma adeegsadaan eraygan aan fahmi la’nahay oo kale oo ma yiraahdaan ’’Dadka Af-Carabiga ku hadla’’ .

Tusaale ahaan hadii uu Sucuudigu tilmaamayo dal kale oo Carab ah wuxuu yiraahdaa ’’Jamhuuriyadda fulaan ee ’Carbeed’ ee aanu dhiiga ku walaalownay’’ muxuu u dhihi waayay dalkaas Carabiga ku hadla sababtu waxay tahay hadii sidaa la yiraahdo waxaa sii kala fogaanaya Carabtii oo waxaa soo baxaysa inaysan jirin wax ’’CARABNIMO’’ la yiraahdo balse ay dadka luuqaddu isu keentay sida Senegal iyo Faransiiska tusaale ahaan.

Xisaabtana ku darso waxaa jirta Carab la Carabeeyay laakiin maba jiraan intaan ogahay dad la Soomaaliyeeyay ama degello intay Soomaaliyi qabsatay sidaa luuqadeenna ku qaatay, midna haku khaldamin Soomaalidu lahjado badan bay leedahay laakiin kala af maaha, waxaa jira Af-Soomaali iyo lahjado ka tafiirmay, tusaale ahaan ilama saxna in la yiraahdo Soomaaligu wuxuu u kala baxaa ’Maay iyo maxaad tiri’’ maadaama uu Maaygu afguri yahay ee uusan luuqad gaar ah ahayn taa ka hadalkeeda aan u daayo maalin kale oo uu roob da’ayo.

Waxaan idin siinayaa tusaale kale, dadka ay inkaartu ka qabsatay qaabka loo maareeyay caalamkan cadaalad darrada u abaabulan waxaa ka mid ah dalka Kuuriya oo markii ay midowgii Soofiyeeti iyo Maraykanku ka qabsadeen boqortooyadii Japan oo dagaalkii 2-aad ku jabtay iyagoo si danohooda waafaqsan u qaybiyeen 2 qaybood iyagoo tixraac ka dhigta 38-aad (38th parallel) oo ay xuduud beenaad uga dhigeen dad walaalo ah oo kala qaybiyeen.

Ilaa maantadan la joogo Kuuriya waa laba dal oo looga dhaqmo labada hannaan ee hanti-wadaagga iyo hanti-goosiga balse waa dad isku mid ah sidaa daraadeed qofku waa Kuuriyaan ama koofur ha joogo ama woqooyiye (Ogoow eray ’’Kuuriyaan’’ wuxuu la mid yahay ’’Soomaaliyeed’’) mana isu adeegsadaan ’’Dadka Kuuriyaanka ku hadla’’ waanad ogtahay in Kuuriyi ay maanta laba dal ka kooban tahay.

Dadkayga waxaa lagu xantaa inaysan aqriska badan jeclayn sidaa darteed yaanan badinin hadalkee, waxaan soo jeedin lahaa in laga digtoonaado adeegsiga eraygan, weliba inta badan Soomaalidu waxay eedaysaa webabka oo ay ku tilmaamaan kuwa wax kasta qora, laakiin eraygan madasha ugu wayn ee laga maqlaa waa hillinada ama kanaallada Soomaaliyeede ha iska daayeen maadaama aysan wax dan ihi ugu jirin umad kala irdhoowday in loo adeegsado ’Eray bixin ibtilaysan’’ oo gumeysi u dood ah.

Waxaan sidoo kale eraygaa ka waaninayaa dadka bulshada ka dhex muuqda sida weriyayaasha, fanaaniinta, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo cid kasta oo kale oo meelaha la iskugu yimaado ka tiraahda: ’’Waxaan salaamayaa dadka Af-Soomaaliga ku hadla’’ ama ’Waxaan u dhexeeyaa inta Af-Soomaaliga ku hadasha’’. Waa cajiib maxaad u dhaxaysaa waabad qaybinaysaaye.?!

Waxaan qabaa majiraan ’Dad Af-Soomaali ku hadla’ ee waxaa jira ’Dad Soomaaliyeed’ oo ay ka dhexeeyaan wax ka badan luuqade yaan la fududaanin oon la faafifin wax hadhoow keeni kara fashil kama dambeeysa ah.

Wabillaahi Toowfiiq..

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: [email protected]

Gothenburg, Sweden

 

 

Sii hayaha Safaarada Somalia ee Suuriya oo wax lala yaabo sameeyay.

Sii hayaha Safaaradda Soomaalida ee Suuriya oo laga cabanayo!

Safaaradda Soomaalidu ku leedahay dalka Suuriya ayaa la soo baxday dhaqan aad looga yabay, ee ay kula kacday Soomaalida deggan dalka Suuriya, oo maraya marxalad adag, ka dib markii ay ka billowdeen dagaallo sokeeye sannadkii la soo dhaafay walina ay socdan.

Mudane lagu magacaabo Bashiir Ibraahim Xaaji Cismaan, oo ah Sii Hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya, sanadkii 2010 bishii todobaad, ayaa markii uu yimid dalka Suuriya wuxuu billaabay inuu shaqada ka cayriyo shaqaalihii ka tirsanaa Safaaradda, oo ka soo shaqaynayey mudadi dheereed ee burburka lagu jiray.

Dadka uu shaqada ka raacdeeyey waxaa ka mid ah Maxamuud Muuse Tareey, Maxamed Xasan Tareey iyo Gabar Suuriyaan ah oo ka shaqaynaysay Safaaradda Soomaaliya in ka badan 26 sano oo lagu magacaabo Umu Maxamed.

Shaqaalaha horay Safaaradda uga shaqayn jiray waxaa ka mid ah Dr: C/raxmaan C/qaadir Sheekh Maxamuud, lana shaqayn jiray Safiirkii hore ee ku geeriyooday wadankaa. Ka dib markii uu dacwad ku furay mudanaha kor ku xusan iyo Maxamed Cumar C/maalik, oo Jaaliyadda Soomaaliyeed u qaabilsasna Warfaafinta, isagoo ku eedeeyey inay qayb ka yihiin kooxo Soomaalida ka soo Tahriibiya Wadanka Lubnan, soona mariya Suuriya una sii gudbiya Dalka Turkiga, si ay u sii galaan Yurub, kuna qasba tahriibayaasha in ay hub ka soo qaadaan Lubnaan soona geliyaan dalka Suuriya oo hadda dagaal ka socdo waa siduu warka u dhigay mudane Bashiir.

Maxamed Cumar C/maalik wuxuu iminka u xayiran yahay warqadda been abuurka ka ah ee uu qoray Mudane Bashiir, isagoo xaq u leh inuu ka dhoofo wadanka Suuriyo, uuna hadda haysto dal ku gal waddanka Maraykanka, waqti yarna u harsan yahay oo ay ka dhici rabto visaha( visuhu waxuu ka dhacayaa 08/11/2012).

Markuu C/qaadir ogaaday ayuu Dawladda Soomaaliya ku wargaliyey, loona soo qoray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya Warqad, oo ay ku caddahay in aysan waxba ka jirin warka uu ku doodayo Mudane Bashiir.

Waxaa kale oo naxariis darada mudane bashiir ka mid ah inuu dad Soomaaliyeed u tarxiiley Soomaaliya sida warqadaha ku cad.
Dhanka kale, mudane Bashiir isaga qudhiisa ayaaba reerkiisa u Tahriibayey dalka Sweden isla sanadkan guduhiisa, soona marsiiyey isla jidka ay soo maraan Soomaalidu ee ah Turky, Giriigga, Talyaaniga.

Dhibkan oo kale ma ahan markii u horreeyey ee ka dhaca Safaarad Soomaaliyeed, waxayse noqotay dhacdooyin soo laalaabta, kana dhacay dalalka Masar, Libya, China, Talyaaniga IQB.

Intaa waxaa sii dheer in ay jiraan Safiiro dadka Soomaaliyeed ka ganacsada, oo ka qaato madax furasho si ay xabsiyada uga soo daayaan, Sida uu ku caan baxay mudane C/xakiim Cali Yaasiin, oo hadda danjire ka ah dalka Tanzania, horana uga soo ahaa dalka Libya, Bashiir Ibraahim Xaaji Cismaan ee ah Sii hayaha Safaaradda Soomaldia ee Suuriya iyo Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

Sidoo kale, safaaradaha Soomaalidu waxay gataan deeqaha waxbarasho ee loogu deeqo Ardada Soomaaliyeed.

Chelsea oo heshay magaca taageerihii sameeyey astaanta daanyeerka kulankii Man Utd.

Taageerihii kaasoo muuqday Stamford Bridge isagoo sameynaya falal cunsuri ah oo uu ula jeeday weeraryahanka Manchester United Danny Welbeck ayaa la helay magaciisa, ninkaa ayaa smeynaayey astaanta daanyeerka xilli uu hortiisa taagnaa Danny waxaana lagu magacaabaa Gavin Kirkham.

Taageerahaan ayaa sameeyey astaanta daanyeerka xilli ay kaamirooyinku qabanayeen kulankii 5-4 ku dhamaaday ee dhacay garoonka Chelsea.

Kirkham, waa 28 jir, waxaana lagu sawiray xilligaas isagoo sameynaya astaanta daanyeerka uu ula jeeday inuu ku faquuqo Welbeck wuuna ka yimid halka la yiraa Matthew Harding Stand. Wuxuuna diirada u saran yahay Booliska  iyo kooxda oo baaraya.

Kirkham, oo markii uu ciyaarta daawanaayey ka yimid magaalada Letchworth Garden  ee Hertfordshire, wuxuu fadhiyey booskii lagu dhaawacay Steward kulankii horyaalka ee 3-2 guul darro ah ay Blues kasoo gaartay Man Utd kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha garoonka Chelsea.

Arag sawiradiisa hoose isagoo sameynaya astaanta daanyeerka.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Corinthians oo Chelsea u sheegtay inuusan iib aheyn xidiga diirada u saaran Paulinho.

Chelsea ayaa loo sheegay inay maskaxeeda ka saarto inay lasoo saxiixato xidiga qadka dhexe ee heerka caalami ee dalka Brazil Paulinho.

Roberto Di Matteo ayaa rajeynaayey inuu 24 jirkaan burburiyaha ah keeno Stamford Bridge si uu tartan ula galo xidigihiisa dooqa koowaad Obi Mikel iyo Ramires.

Laakiin xidiga lixda kulan ee caalamiga ah u saftay xulkiisa ayaa dhowaan heshiis cusub qalinka ugu duugay Corinthians, waxaana madaxweynaha kooxda Mario Gobbi Filho uu qirtay inuusan beec aheyn xidigoodu marka uu Janaayo suuqu furmo.

“Qandaraaska ayaan u cusbooneysiinay taasna ayaana xooga saarnay,” ayuu Filho u sheegay CalcioMercatoNews.com.

“Hada waa xiligii ku haboonaa in Paulinho la iib geeyo. Umase muuqato inaan taas dareen siineyno, waa in su’aashaas meesha laga saaraa.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Messi oo 2 maalin seegay tababarka Barca xilli ay fooda u saran tahay inuu Aabe noqdo.

Xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ka maqnaa tababarkii jimcada ee kooxdiisa iyadoo gababdha uu saxiibka la yahay Antonella Roccuzzo la ogyahay in cusbiltaalka la dhigay si ay u umusho wiilkooda loogu magac daray Thiago.

Roccuzzo ayaa horaantii subaxdii jimcada loo qaaday Hospital USP Dexeu, xidiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaana kula biiray iyadoo uu cisbitaalku ku dhow yahay garoonka Barcelona ee Comp Nou ka dib markii ay kooxdu u ogolaatay inuu tababarka ka maqnaado.

Tababaraha Barcelona Tito Vilanova ayaa ka dhawaajiyey In Messi loo ogolaan doono inuu ka maqnaado kulanka sabtida ee Primera Division ay ku wajahayaan Celta Vigo hadii uu ka hor kulanka aabe noqdo.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Liverpool oo dooneysa inay Janaayo 8 milyan kula soo wareegto Theo Walcott.

Liverpool ayaa dooneysa inay qiimo 8 milyan oo ginni ah Arsenal Janaayo ugala soo wareegto Theo Walcott, xidiga reer Englan waxa uu qadnaraaskiisa Arsenal dhacayaa inta lagu jiro xagaaga waxayna Gunners isku deyeysaa inay la saxiixato qandaraas cusub inta aan la gaarin ciida Kirishtanka.

23 jirkaan ayaa laga war qabaa inuu diiday shan sano oo qandaraas ah oo uu isbuucii ku qaadanayo mushaar gaaraya 75 kun oo ginni, wuxuuna shardi ku xiray inuu ka ciyaaro doorka weerarka iyo sidoo kale inuu helo boos joogto ah.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaana diyaar u ah inuu shuruudahaas ku dalbado. Wuxuuna doonayaa inuu Walcott soo xero gelsho Janaayo wuxuuna dalabyadiisa diri doonaa inta uusan Janaayo suuqu furmin, sida uu qorayo wargeyska Daily Mail.

Rodgers, ayaa ka wel-wel qaba weeraryahan la’aanta Reds ka dib markii uu West Ham amaah ku siiyey Andy Carroll iyadoo uu Fabio Borini ka jabay lugta hoosteeda. Liverpool ayaana gacmaha Swansea uga baxday Capital One Cup.

Wuxuu doonayaa inuu lasoo saxiixdo laba weeraryahan oo uu ku jiro Walcott si ay gool dhalinta ula wadaagaan Luis Suarez. Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaana khamiistii qirtay inay door bidi karaa inay iska iibiyaan Walcott hadii lagu guul darreyso in qandaraas cusub laga saxiixo.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

AC Milan oo laga yaabo inay dib usoo ceshato Alessandro Nesta.

Waxaa jira warar xan ah oo lala yaabay kuwaas oo sheegaya in Alessandro Nesta uu bisha Janaayo kusoo laaban karo Milan inta uu xiran yahay horyaalka MLS-ka Mareykanka.

Halyeeyga daafaca ah ayaa ka tegay kooxda intii lagu jiray xagaaga ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisu wuxuuna bog cusub oo noloshiisa ciyaareed ah ka furtay kooxda ka dhisan Mareykanka ee Montreal Impact.

Sida laga soo xigtay wargeyska Sport Mediaset, madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa Nesta ku qalqaalinaya inuu kusoo laabto San Siro markaasoo uu sedax bilood kooxda la joogi doono inta uu xiran yahay Horyaalka MLS.

Tani ma ahan markii ugu horeysay sidoo kale waxaa sameeyey David Beckham kaasoo inta uu xirnaa Horyaalka Mareykanku kasoo tegay LA Galaxy una ciyaaray Milan, halka si la mid ah Thierry Henry uu kasoo dhaqaaqay isla kooxda Mareykanka ka dhisan ee NY Red Bulls uuna ku biiray Arsenal.

Si kastaba, isbuucyo ayaa laga joogaa markii uu Nesta wareysi ku sheegay inuusan qorsheyneyn in inta uu MLS xiran yahay uu ku laabto Serie A.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Madaxda DF, Saraakiisha Kenya iyo Raaskambooni oo shir xasaasi ah oo uu ugu soconayo Kismaayo.

Wafdi Caalami ah oo kasocday dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay gaaren magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose kuwaa oo u kur galaya xaalada amaan iyo mida nolaleed ee magaladaas.

Xubnaha Wafdigan waxaa kamid ahaa Wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab ciise,Taliyaha Ciidamada  Xooga dalka Geneal Diini iyo madax kale.

Safarkan Wafdiga dowlada ay ku gaareen Kismaayo ayaa waxaa ku wehlinayay Wariyaal u shaqeeya Warbaahinta Soomaaliya Sida Shabakada Caasimada kuwaa oo diyaarad ka raacay Muqdisho.

Waxaa soconayaya shir loo dhanyahay oo warbixin loogaa dhagaysanayo Saraakiisha horay u joogay Kismaayo waxaaana kulanka ka hadlay Gudoomiyaha Raaskambooni Axmad Madoobe oo ka sheekeeyay sida ay kismaayo ku soo gaareen iyo Xaaladeeda.

Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise oo hadlay ayaa isagana waxaa uu sheegay in maamul loo dhanyahay loo samayn doono Kismaayo.

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Genaral Diini oo isagana meesha ka hadlay ayaa u mahad celiyay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee qabsaday kismaayo,waxaana dhanka kale uu sheegay in dagaalka halkiisii ay ka sii wadi doonaan ayna kordhin doonan ciidamada dowlada ee jubooyinka jooga.

Madaxweynaha UEFA Michel Platini: Andrea Pirlo wuu ku guuleysan karaa Ballon d’Or.

Madaxweynaha UEFA Michel Platini ayaa kalsooni ku qaba in geesiga Juventus iyo Italy Andrea Pirlo uu ku guuleysan karo abaal marinta Ballon d’Or.

Halyeeyga qadka dhexe ayaa ka mid ah sedax ciyaaryahan oo Talyaani ah oo ku jira liiska 23ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marintaan waana Gianluigi Buffon iyo Mario Balotelli.

“Pirlo wuxuu u ciyaaray si fiican waxaana filayaa inuu ku guuleysan karo Ballon d’Or, balse sidoo kale waxaa jira xidigo kale oo u sharaxan ugana cad cad,” ayuu Platini u sheegay Radio 2 uu ku yaala dalka Italy.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Milan oo neef kasoo fuqday ka dib markii ay tababarka kusoo laabteen sedax ciyaaryahan.

Robinho, Mattia De Sciglio iyo Kevin-Prince Boateng ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Milan, laakiin Luca Antonini ayaaa weli la tacaalaya inuu kasoo laabto dhaawac uu ka qabo bowdada.

Sedaxda ciyaaryahan ayaa dhaawacyo uga maqnaa kulamadii ugu dambeeyey ee Milan, balse waxay u shaqeynayaa si adag iyagoo kooxda kala qeyb qaadanaya tababarka maalinlaha ah.

Taasi macnaheeda ahaa ah inay diyaar u noqonayaan kulanka isbuuc dhamaadka ay Milan wajaheyso Chievo, gaar ahaan waxaa kulankaan si aad ah loogu maleynayaa inuu ciyaaro Boateng.

Si kastaba, Antonini ayaan diyaar noqon doonin ka dib dhaawiciisa cajirka bidix ah.

Website-ka rasmiga ah ee Milan ayaa lagu xaqiijiyey in Antonini uu mari doono tijaabooyin dheeraad ah 15ka maalmood ee soo aadan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Maxaad kala socotaa saameynta iyo dhibka sarifka lacagaha qalaad uu ku hayo dhaqaalaha Somalia?

Sida aynu wada ognahay Soomaalliya waa wadan dhibaata badani ay ka taagneed oo 21 sanadood dil, dhac iyo boob lagu soo jiray, laakiin hada waxaa moodaa ifafaalaha rajada dowlada cusub iney muuqdaan ilaaheyna waxaan uga baryeynaa in towfiiqda waafajiyo.

Hadii aan usii daadago gunta maqaalka waxey tahay xagee dowladu wax kabilowdaa? Ileen maanta dhaqaale ahaan, dhisma ahaan, aqoon ahaan iyo technology ahaanba wadanka aad ayuu uliitaa inkasto ay is dhaamaan oo ay waxbarashada roontahay marka kuwa kale loo bar bardhigo.

Meelaha uu wadanka  aad uga liita waxaa kamid ah in doollarka mareekanka ($) wax lagu kala iibsado iyadoo aanu ognahay in wadanka Soomaalliya lacagtiisu tahay shilin (sh.so) waliba intaa kaliya maahane in doolarka isticmaalkiisu uu badanyahay oo maanta wax waliba dollar lagu kala iibsado sida in wadanka lacagtiisu ay tahay doolar oo kale dadkana aay aad ula dhacsanyihiin maadaama uu doolarka ka fuduyahay lacagta shilin Soomaalliga ,laakin wali dadkeena kuma baraarugsana saameyn intee la’eg ayuu doolarka kuleeyay wadankeena.

Sidaan hada ognahay waqtigan hada lajoogo doolarka waa uu qiima dhacay marka loo barbardhigo lacata shilin Soomaalliga marka maxaa sabab u ah?

Marka laga hadlaayo dhaqaalaha waxaa jira wax loo yaqaan demand & supply of money (baahida lacagta loo qabo iyo inta laheli karo) marka waqtigan hada lajoogo dollar supply (lacagta doolarka laheli karo) ayaa aaad ugu badan wadanka markaa waxey dhalisay demand of shilin (baahida shilling soomaliga) loo qabo in ay aad u badato iyadana laakin dowlada lacag meysan soo daabicin sidaa darteeda waxaa dhacday  in doolarka uu qiima dhaco maadaama lacatii lagu sarifi lahaa ay aad ugu yartahay wadanka. Waayo sidaan ognahay  doolar xad dhaaf ayaa soo gala wadanka sida lacagaha deeqaha, burcad badeeda, iyo mushaaraadkaa labixiyo intaba waa wada doolar, dowlada 20 sana kahor ayaa ugu dambeesay lacag lala bar bar dhigi karo lacagta shisheeye ee wadanka taallo oo la daabaco oo intaa ka dambeeyay wax sidaa u tira badan lama dabicin sidaa darted ayey lacagtii doolarka aheyd ku qiima dhacday tan shilin somaligana qaali ku noqotay.

Dollar ka markuu dhacay yuu saameeyay? 

Dabcan wuxuu saameeyay bulshaweynta ku dhaqan wadankeena hooyo Soomaalliya, waayo dhibaatada ina heysata ayaa waxeytahay lacag aan lacagteena aheyn ayaan isticmaalnaa oo maanta waxaaba la dhihi karaa in lacagteena dhabta ah ay noqotay “dollar”- ka, taana waxaa daliil u ah in ganacsiga wadanka gudihiisa ah wax lagu kala iibsado dollar-ka dhan waliba ha ahaateee, marka ay noqoto xaga mushaar bixinta xitaa lacagta dollar-ka ayaan isticmaalnaa, sidaa darteed marba hadii hoos u dhaca dollar ka uu saameeyn ku leeyahay nolosha wadanka waxey ka dhigantahay in dollar lacagteena ugu weyntahay ee maanta dalka laga isticmaalo.

Sida caadiga ah ayaa waxeytahay in wadan waliba lacag gaar ah uu leeyahay oo lacag aan lacagtiisa aheyn wadnka gudihiisa waxba looga iibsan karin oo ay sharci daro ay tahay qofkana uu ku muteysan karo xarig illaa in uu jiro heshiis laba dowladood iyo in kabadan ay saxiixdeen iney wax ku kala iibsan karaan mooyee, sida kale waa sharci daro marka si loola socdo loona kontoroolo is badalada ku imaan kara lacagta wadanka waa in laga joojiyaa isticmaalka bulashada ay isticmaaleyso lacagaha qalaad wax lagu kala iibsanaayoo, sitoos ahna loowada isticmaalo lacagta shilin somaaliga ah.

Exchange rate (heerka sarifka)

Marka ay noqoto in la qeexo “exchange rate” ayaa waxaa lagu qeexaa inuu yahay heer ka sarifka u dhaxeeya laba lacagood oo kala wadan ah. Wadan walibana waxaa uu xooga saraa sida uu ku xasilin lahaa lacagtiisa ama ay mid xasiloon ahaato si wadanka dhaqaalihiisa loo kobciyo, si bulshadana nolol fiican u hesho. Qiima dhaca dollarka wuxuu sababay in shilin somaliga uu qiima yeesho waxeyna aheyd in ay noqoto mid lagu farxo maadama lacagtii wadanka ay qaali noqotay laakin nasiib darro waxey noqotay mid gaajo iyo sicir barar cusub umada u horseeday waayo magaca ayey ka tahay lacagteena laakiin marka nolosha dhabta ah loo laabto lacagteena waa mida saameyn ku yeelata dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo maciishada umada Soomaalliyeed taasina waa lacagta dollar ka ee maahan shilin Soomaalliga. Meelaha uu sarifka saameyn karo ayaa waxaa kamid ah foreign direct investment (maalgalinta shisheeye ee tooska ah), exports and imports (soodhoofin iyo siidhoofin)foreign labors (shaqaalaha dibada) iyo life expenses (maciishada) iyo kuwa kaloo lamid ah halkaan lagu soo koobi karin, oo aan kaga hadli doono qoraaladayda soo socda.

Mahadsanidiin.
Lasoco qeybta labaad iyo todobaadka dambe insha allah
Qore: Liiban Mohamed Mursal (Moha Gaas).
Melaka, Malaysia.
Graduate of Banking & Finance.
Fadlan waxii talo iyo tusaale ah waxaad kusoo hagaajin kartaa:
[email protected]

QM oo arrin la yaab leh ugu baaqday Suxufiyiinta Soomaalida.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mahiga ayaa arrin la yaab leh ugu baaqay wariyaasha Soomaalida oo ah inay is hubeeyaan.

Mahiga oo la hadlay Warbaahinta gudaha iyo dibada ayaa waxaa uu sheegay in Mudooyinkii ugu dambeeyay uu maqlayay dilka Wariyaasha loogu gaysto Muqdisho uuna xaadir u ahaa sida uu hadalka u dhigay in Wariyihii 18 aad sanadkaan lagu dilo Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay ee soomaaliya in Soomaaliya kaalinta koowaad ugu jirto Wariyaasha la dilay marka loo fiiriyo Sanadkaan wariyaasha Caalamka lagu dilay.

Mahiga ayaa ugu baaqay Saaxafada Soomaaliya inay Is hubeeyaan oo ay ka taxadaaraan naftooda kana hortagan kooxaha dhiiga dadka banaysanaya sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu yimid maalmo yar ka dib markii Sadax wariye Soomaaliya lagu dilay halka Labo Muqdisho lag bartilmaameedsaday.

XOG: Magacyada qaar ka mid ah Wasiirada cusub iyo Beelahooda.

Caasimada Online ayaa waxaa u suurta gashay inay hesho liiska horudhaca ah ee qaar ka mid ah wasiirada cusub ee lagu wado inuu ku dhowaaqo ra’iisul wasaare Saacid.

Sida maalmahanba hadal heyntu ahayd waxaa golaha wasirada ay ka koobnaan doonaan illaa 9 wasiir oo kaliya, inkasta oo weli ay socdaan wada hadallo madaxdu ay ka lee yihiin tirada oo ay suurta gal tahay in is-beddel uu dhaco.

Si kastaba dadka aan magacyadooda helnay oo wasiiro noqon doona waxaa ka mid ah:-

1 – Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Isaaq ah, Habar Yoonis.

2- Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed Hawiye, Habargidir, Sacad

3 – Wasiirka Gaashaandhita Gen. Muuse Xasan Cabdulle, Daarood, Ogaadeen.

4 – Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, Deegaanka, Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha Cabdi Risaaq Maxamed, Hawiye Xawaadle

5 – Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare Faarax Sheikh Cabdulqaadir, Beesha Shanaad, Reer Aw-Xasan.

6 – Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta Cawil Xuseen, Daarood Majeerteen.

FG: Liiskan waa mid horu dhac, waxaana suurta gal ah inay wax iska beddelaan, maadaama ay weli wada hadallo u socdaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

QM oo soo fara gelisay maamul u sameynta magaalada Kismaayo.

Arrinta maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa weli waxa ay tahay kubbad dhex taal diilinta dhexe ee garoonka, ayada oo dhinacyo badan ay arrintaas ku lug yeelanayaan.

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qaramada Midoobe ay soo fara gelisay arrintaas, gaar ahaan xafiiskeeda qaabilsna Somalia ee UNPOS ee uu madaxda ka yahay Augustine Mahiga.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in maanta oo Jimce ah, ay magaalada Kismaayo caga dhigan doonto diyaarad ay saaran yihiin wafti ka socda QM, oo ay suurta gal tahay inuu ku jiro Augustine Mahiga.

Waxaa diyaaraddaasi ay ka bixi doontaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waftiga QM ayaa la kulmi doona saraakiisha Kenya ee halkaasi jooga iyo madaxda dadka deegaankaa, si looga hadlo maamul u sameynta Kismaayo.

Waxaa jira warar sheegaya in Mahiga uu walaac ka qabo in halkaas laga dhiso maamul ay Dowladda Ethiopia u arki karto inay qatar kala kulmeyso.

Shalay oo khamiis ahayd ayaa magaalada Kismaayo waxaa laga sameeyay howl gal ballaaran oo lagu xiray dad gaaraya ilaa 400 oo qof, isgaarsiinta magaaladana hawada ayaa laga saaray, si loogu diyaar garoobo waftiga ka socda QM, ammaankana loo sugo.

Haweeney shaqadeeda laga ceyriyay sababtoo ah way qurux badan tahay.

Haweeney degan gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in shaqadeedii laga ceyriyay, sababtoo ah ragga ay u shaqeyneysay ayaa ka cowday inay aad u qurux badan tahay, islamarkaana ay u labisato hab dareen kicis ah.

Lauren Odes oo 29 jir ah ayaa sheegtay in dadkii shaqada siisay oo ah Yahuuda Orthodox ay u sheegeen inay aad u qurux badan tahay sidaa darteedna aysan u shaqeyn karin.

“Ma ahan in naloo xukmiyo cabirka naasaheena iyo qaab dhismeedka jirkeena” ayay tiri Odes.

Qareenka Odes oo ah Gloria Allred ayaa sheegtay inay dacwad ku saabsan takoorka dhinaca diinta iyo jinsiyadda ay ka diiwaan gelisay magaalada New York.

Odes waxa ay sheegtay inay aaminsan tahay in qaabka ay u labisato aanay waxba u dhimi karin qof kale, in sidaas shaqada looga ceyriyana ay tahay wax aan la aqbali karin.

W/Q: C/Qani Sheikh Xasan Atnteno

Tell: 8713478

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 5-aad)

Qeybti 5-aad. Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad 4-aad

Taydoonta ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ”Waan gam’i waayey ee kaalay i weheli?” I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!

Adiga oo sidaas u fekeraya ayaa albaabkii oo indhahaaga ku beegan la furay, waxaana ka soo baxday Siraad oo u eg ilmo hurdo ka soo seleshay. Dirac aad khafiif u ah oo aan waxba uga hoosayn ayey ku dhex jirtaa, albaabka ay ka soo baxdayna iftiinka ka daaran ayey ku beegan tahay, sidaa darteed in ay wax gashan tahay lama moodo. Tin iyo cidhib jidhkeeda dhuuban ee qurxooni diraca ayuu ka dhex arkaa. Maba ay leexleexan ee toos ayey kuu soo abbaartay, adiga oo si waalli ah tusbaxa u rogrogaya ayeyna iskaa soo dul taagtay. Waxaad kala garan wayday soo bixisteeda in aad weli ku fekeraysid iyo in ay dhab tahay.

”Sheekh, khayr Alle ha ku siiyee waan gam’i la ahay ee Qur’aan igu akhri”, ayey kugu tidhi. Qur’aanku ku qabay oo Ilaahay inkaar kugu rid! Iyada oo qaawan ayey doob saqdhexe cidla fadhiya leh dahay ”Qur’aan igu akhri”! ayaad ku fekertay, afkase waxaad ka tidhi: ”Bal waxa Alle iga haleelsiiyo ayaan kugu akhriyi ee soo fadhiiso. Sidee laguu hayaa?” “Dhiiggayga ayaad mooddaa in la karinayo. Waan qubaystay, dharna beerqariyahaas aad aragtid baan iskaga reebay, welina waan holcayaa.”

Dhiiggaaga la kari oo dhulka Alle kuu goo! Dhiig la kariyey sow waxa annagaba na haya ma aha.

Markiiba salligii yaraa ayey dacal kaga fadhiisatay. Kuguma soo jeeddo kaamana sii jeeddo ee dhinac ayey u fadhidaa. Aad baad isugu dhow dihiin oo gacanta aad tusbaxa ku haysid haddii aadan soo laabi lahayn waa ay gaadhi lahayd. Diraca waa ay iska sidataa ee waxba uma qarsoona. Aayad kursi ayaad si waalan degdeg carrabka ula dhacday iyadana hoosta ka daawatay. Haddana salligii yaraa ee aan awelba fadhiga idiinku wada fillayn ayey isku legeddey, waxaanad aragtay naasaheeda sida yaabka leh u sii ruxmaya. Markii ay sii jiifsanaysey waxay sii lahayd: ”Halkan ayaaba neecaw macaane in aan barkin soo qaato ayaa fiicnayd.”

Waxan ku hor yaal ma iyadii baa? Ma run baa mise waa riyo? Xubnaheedii oo dhami waa kuwan sidii hoobaan bisil hortaada daadsan. Filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdin, labadaba leh. Imika afka waad iska dhaqdhaqaajinaysaa ee waxii aad akhriyaysay mar hore ayey kaa murgeen. Carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.

Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay. Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay. Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen. Markaas baad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.

“Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!” ayey tidhi. “Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad afka ka tidhi, uurkana waxaad ka lahayd: adigana jidhkaagu macaanaa, waa la garanayaa in uu barakaysan yahay……….LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).