24.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Marchisio oo sheegay inuu doonayo inuu xirafadiisa ciyaareed ku dhameysto Juventus.

Claudio Marchisio ayaa si cad u sheegay inuusan dooneyn inuu goorna ka tago Juventus, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu noqdo mid xasuus ku reeba kooxda

26 jirkaan ayaa kasoo baxay Akadeemiga Juve wuxuuna fure u yahay kooxda heysata Horyaalka Serie A tan iyo markii uu ku laabtay Turin ka dib markii hal sano 2008-09 amaah kula soo joogay kooxda Empoli.

“Waxaan dareemayaa inaan aad u da’yarahay waxaan qamdaraas kula jiraa Juventus. Rajadeydu waa inaan qanradaas kale oo shan sano ah la galo Juve marka uu iga dhaco 2016, aana gaarsiiyo ilaa 2021,” ayuu Marchisio u sheegay wargeyska Tuttosport.

“Waxay dadku ila barbar dhigaan Steven Gerrard waxaana jeclaan lahaa inaan xirfadeyda u hibeeyo keliya hal koox.”

Di Matteo oo sheegay in mustaqbalka Lampard uu weli yaalo Chelsea.

Roberto Di Matteo ayaa qiray in Lamprad uu weli mustaqbal ku leeyahay kooxda Chelsea, inkastoo loo tix gelinaayo in ciyaaryahanka qadka dhexe uu ka tago Stamford Bridge.

Kulankii sabtii lasoo dhaafay ay Chelsea 2-1 uga badisay Arsenal ciyaar ka tirsaneyd Barclays Premier League ayaa ahaa guushii sedaxaad ee uu Lampard ka maqan yahay Line-up ka kooxda heysata Champions League, iyadoo Ramires iyo John Obi Mikel loo doortay inay buuxiyaan booska qadka dhexe.

Lamprad ayaa loo qiray inuu dhaawac ahaa kulankii Talaadadii hore ee Carling Cup-ka ay ku garaaceen Wolves, laakiin waxaa 34 jirkaan laga waayey kooxdii booqatay Emirates Stadium kaasoo ku jira sanadii ugu dambeysay ee qandaraaskiisa.

Frank ayaa looga gacan haatinayaa Los Angeles Galaxy, iyadoo loot ix gelinaayo saxiix weyn oo Major League Soccer ah.

Waxaa la filayaa inuu kusoo laabto kulanka caawa ee Champions League ay Blues la ciyaareyso FC Nordsjaelland wuxuuna sheegay Di Matteo habeenkii Isniinta: “Mustaqbalkiisu waa mid ku awood badan kooxda. Waana ciyaaryahan muhim inoo ah.

“Waa la sheekeystaa, haa, wuxuuna ka mid yahay ciyaarayahada baasaska xoogan ee kooxda. Waxaan jeclahay SYSTEM-ka isbedelka. Waxay kooxdu lumineysaa taageerayaal badan hadii uusan ka mid aheyn, markii uu kooxda ka mid yahay wuxuu noo saacidaa si wanaagsan.”

Mourinho oo sheegay inuu ku laabanyo EPL, isagoona dhararay inuu wajaho Sir Alex.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan dharareyn inuu qabto shaqada kooxda Manchester United ka hor inta uusan ku laaban dalka Ingiriiska.

Ninka hugaamiya Real ma uusan sireysan sida uu ugu hamuun qabo inuu ku laabto horyaalka ugu xiisaha badan caalamka Barclays Premier League.

Waxaana looga gacan haatinayaa inuu sutida u qabto kooxaha sida Manchester United, Manchester City iyo Chelsea.

Mourinho ayaa ku celceliyey in badan inuu doonayo inuu Ferguson ugu dambeyn ka badalo shaqada Old Trafford.

Ferguson ayaa la ogsoon yahay inuu idiyaar u yahay inuu shaqadiisa sii wato ilaa dhamaadka xiili ciyaareedka soo aadan – waxayna bixitaankiisa alabaabka u furi doontaa Mourinho.

Laakiin macalinkii hore ee Chelsea ayaa si daacadnimo ku dheehahan tahay u sheegay inuu diyaar u yahay inuu mar kale sugo Ferguson, taasoo ugu dambeyn uu kula biiri doono Red Devils.

Jose ayaa u sheegay talefeshinka CNN: “Waa wadada saxda ah ee markii aan macalin ahaa, Sababtoo ah waxaan ku fikiraayey inay kubada cagtu lumisay wax badan marka uu shaqadaan joojiyo tababarenimaduna ma lahan yaraan ama weyni.

“Aniga ahaan, waa macalinkeyga. Waxaan ugu wacaa macalin waa macalinka macalimiinta waxaana ku rajo weynahay inuu macalin sii ahaado marka aan ku laabto England.”

Roberto Di Matteo oo kooxdiisa uga digay in guul darro kasoo gaarto kulanka Nordsjaelland.

Roberto Di Matteo ayaa uga digay kooxdiisa Chelsea inay iska ilaaliyaan guul darro kasoo gaarta marka ay booqdaan kooxda Danmark ka dhisan ee Nordsjaelland.

Blues ayaa u baahan guul ka dib markii ay kulankoodii furitaanka barbaro 2-2 ah la galeen Juventus.

Hadii ay kooxda RDM guul darro soo gaarto ayaana loo macneyn karaa in kooxda heysata koobka loo tartamaayo aysan si dhib yar uga soo bixi Karin wareega Group-yada.

Di Matteo ayaa yiri: “Waa inaan ogaana in kulankaani uu yahay kulanka muhimka inoo ah ee Group-ka.

“Rikoorkeena aan ka maqanahay gurigeena koobabka Yurub wuxuu ahaa mid wanaagsan sanadii lasoo dhaafay.

“Waa mid muhim ah inaan mar kale guul ku bilaabano. Waan ogahay inaan bilaabaneyno inagoo ah kooxda koobka looga cabsanaayo waxaana safan doonaa koox adag.”

Dhan kale Gool hayaha kooxda Chelsea Petr Cech ayaa ka hadlay waxa uu ka filaayo kulankaan.

“Waxaan dooneynaa inaan guul gaarno ciyaar waliba sababtoo ah midaasi waa wadada aan koobab ku qaadi karno.

“Waan ognahay inuu noqonaayo kulan taariikhi ah kulanka Nordsjaelland.

“Waxay doonayaan inay iska muujiyaan ciyaaraha Champions League ee gurigooda si ay xooganaan koobka ugu tartamaan.

“Ma ahan inaan u qaadano koox fudud sababtoo ah way adkaan kartaa inaad guul ku gaarto gariga Danish-ka.”

Maxaad ka ogtahay 9-ka caqabad ee hortaagan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia.

W/Q: Ifrah Mohamud Wehliye

Sida aad la socotaan maalin walba waxaa taagan, aadna loo hadal hayaa arrinta magacaabista Ra’iisul Wasraaha cusub ee Somalia, taasi oo welina aan muuqan in madaxweynuhu soo wado.

Haddaba Caasimada Online, ayaa isku dayday inay wax ka ogaato caqabadaha hortaagnaa arrintaas, malamihii ina dhaafay.

Waxaan ogaanay inay jiraan cadaadisyo aad u tira badan oo saaran Madaxweynaha, mana soo koobi karno cadaadisyadaas, laakiin waxaan ka soo qaadanaynaa dhowr qodob oo muhim ah oo kala ah:

1) Mahiga iyo Beesha Caalamka oo leh dooni mayno Farmaajo
2) Maamulka Somaliland oo leh doonimayno siyaasiyiinta waqooyi.
3) Faroole oo leh doonimayno qof aan Majeerteen ahayn.
4) Ethiopia oo leh doonimayno qof Ogaaden ah.
5) Odayaasha Hawiye oo leh doonimayno Majeerteen.
6) Kooxda Dam Jadiid oo leh qof aan annaga ahayn yeeli mayno.
7) Shacabka Muqdisho qaarkii oo leh qof aan Farmaajo ahayn dooni mayno
8) La taliyeyasha madaxweynaha oo leh qof aan daacad ahayn iyo qof aan caano madaadshe ahayn dooni mayno maadaama ay bateen Isku dhacyada madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahaiisa.
9) Qaar ka mid ah dadkii codadka siiyay oo weli gor gortan ku jira, rabana in ayaga ama qof ay wataan laga dhigo Ra’iisul Wasaare, oo ay ka mid yihii Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Cabdi Weli Cali Gaas.

Haddaba la arki doonee goorta madaxweynaha uu intan cadaadis ah ka gudbo, soona magacaabo Ra’iisul Wasaare, inkasta oo ay dhowdahay iminka waqtigii uu go’aan gaari lahaa.

Tababar tababar dhaafay: Daawo habka caalamiga iyo cajiibka ah ee loo tababaro Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Dowladda Somalia ayaa tababar culus ku qaadanaya xero milatari oo ay Ciidamada Amisom  ku lee yihiin galbeedka magaalada Muqdisho. Tababarkan ayaa xaqiiqdii ah mid aad cajiib u ah, oo aad moodo inuu la mid yahay tababarka ay qaateen ciidamada dalalka horumaray. Haddaba Daawo Sawirrada.

 

Bandow daaran Beledwayne iyo Masuul wayn oo ku wajahan

Warar lagu kalsoonyahay oo Shabakada Caasimada ay ka helayso Aqalka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha uu maanta safar uu ku jiro.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay booqashadiisii ugu horaysay ku tagay magaalada Baydhabo ayaa maanta la filayaa inuu booqdo dadkii Fataahadaha ay ku dhufteen ee ku  nool magaalada Beledweyne.

Madaxda Dowlada ee Gobolka Hiiran ayaa sidoo kale xaqiijiyay Socdaalka madaxwayanaha iyadoo Magaalada Bandow la saaray maanta.

Axmad Cismaan Inji oo ah Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Gobolka hiiraan ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan maanta Soo dhawaynta madaxwaynaha.

Kadib Beledwayne Xasan Sheekh waxaa laga yaabaa inuu safarkiisa ku sii dabaqo Garoowe halkaas oo uu kul kulmayo Faroole si uu maalinta beri uu ugu dhawaaqo Ra’iisul Wasaarihiisa.

Dad loo xiray nabadoon la dilay.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa soo qabtay kooxihii dilay Nabadoon caanka ahaa Magaalada Beledwayne.

Maxamuud Diiriye Maxamed oo kamid ah masuuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ee dowlada howlgal ay sameeyeen ay kusoo qab qabteen dad kala duwan.

Masuulkaan ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo qabteen labo qof oo hada lagu haayo baaritaano ku aadan arimaha dilka loo geestay nabadoonka.

waxa sidoo kale uu sheegay in xilliga dilka uu dhacayay Nabadoonka uu ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeen isbitaalka Magaalada Beladweyne halkaasina kooxaha hubaysani ay ku toogteen durbana waxaa meesha gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Nabadoon Barre Guuleed Xalane ayaa wuxuu kamid ahaa dadkii sida weyn ugu qeylo dhaaminayay in loo gargaaro dadkii uu saameeyay wabiga Shabeele fatahaadii uu ka gaystay Magaalada Beladweyne.

Ogow wax badan oodan ogeyn !!!

Ma ogtahay aqristow

In Celcelis ahaan ay raggu ku hadlaan 2000 oo eray maalinkasta halka haweenku ay 7000 oo eray kuga hadlaan.

In Celcelis ahaan qofku uu qoslo 13jeer maalin kasta

In Masaaridii hore ay ku seexan jiraan barkimo dhagax ka sameysan.

In U.K Mobeylada iyo dadka ay mobeyladu badanyihiin.

In Inaysan suurta gal aheyn in aad isdisho adiga oo neefta isku celinayo.

In Aadan leefi Karin suxulkaaga.

In Indhahaagu ay yihiin sidii ay hooyada kugu dhashay oo aysan waxba ku siyaadin waxna ka nusqaamin

In Cocacola ay tahay shirkada ugu sokor isticmaalka badan caalamka.

In Galuusyada shaararka raggu ay ku yaalaan dhanka midig halka kuwa haweenku ay ku yaalaan dhinac bidix

In Adolf Hitler ay hooyadii iska soo ridi laheyd hadii uusan dhaqtarkeedu la talin laheyn

In Wadanka Peru uusan laheyn Musqulaha dadweynaha

In xanjo oo la ruugo xiliga aad basal jarjareyso ay joojiso ilmada.

In Canada ay tahay eray Hindi ah oo macnihiisu yahay xaafadii weyneyd

In ay suurtagal aheyn in aad hindhisto indhahaaga oo furan.

In magaca los angles oo buuxa uu yahay El Pueblo de Nuestra Senora La Reina de Los Angeles de Porciuncula.

Falcon Media

Axmednuur Cabdullai Cali
ahmednur@journalist.com

Xog iyo Warbixin buuxda oo laga diyaariyay khasaarihii fatahaada webiga Shabelle ee Beledweyn.

Xoghaya samafalka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey tirakoob ay ka sameeyeen khasaaraha ka dhashay daadadka roobab iyo fatahaado uu sameeyey Wabiga Shabelle ee dhexmara magaalada Beledweyne labo maalin ka hor.

Xoghaya samafalka gobolka Hiiraan ee arimaha binu,aadanimada C/laahi Cabdi Ceeymoy oo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Dibada Asiga oo jooga Magalada Qaahira ayaa sheegay in daadadka iyo fahahaadaha ka dhacay Beled weyne ay illaa hadda la diiwaan geliyay iney ku dhinteen 32 ruux oo u badan caruur iyo dad waayeel ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay diiwaan geliyeen fatahadaas Iney ku bakhtiyeen xoolo u badan ari oo gaaraya 2600 -3000 oo neef, kuwaasoo raqdooda la arkay iyagoo dul sabeynaya daadadka magaalada ku soo rogmaday, wuxuuna xusay in Bakhtigaas uu keeni karo khatar caafimaad. Sidoo kale guri kasta oo aay biyo galeen waxaa ka dumay Musqulahii waxaa lagu arkaa bulaacadaha wasakhdoodii biyaha dushooda waxaa sidoo kale ka dhalatay malaariye.

“Intaan hubno oo la tiriyey qoysas kor u dhaafaya 12000 kun oo u badan haween, caruur iyo dad waayeel ah oo jilicsan ayaa ku barakacay daadadkaas, kuwaasoo daadsan banaanka magaalada ka dib markii qaarna ay guryaha ugu galeen biyo joogoodu ka sareeyo 1.20-mitir, qaar kalena biyuhu ay cagta mariyeen guryohoodii” ayuu intaa ku daray C/laahi Cabdi Ceeymoy .

Sidoo kale, Xoghaya samafalka Gobolka Hiiraan C/laahi Cabdi Ceeymoy ayaa sheegay in dadkaas barakacay aysan heysan hooy ay ka galaan kuleeyka maalintii iyo qabowga Habeenkii ayna heystaan duruufo nololeed oo aad adag, Waxaan ka codsaneeynaa Heyadaha samafalka kuwa lokalka ah iyo kuwa aan aheeynba in dadkaa waxii la tari kara la tara wuxuuna xusay in maamulkiisu uusan awood u laheyn gurmad uu dadkaas u sameeyo Sida aay horay ugu shanqariyeen Gudoomiya kuxigeenada Kala ah Mudane Muxumed Garabeey,Mudene Cadaawe iyo ,Mudane Axmed inji oo hada ah ku simaha Golka hase ahaatee ay ugu baaqayaan heyadaha samafalka iney gargaar la soo gaaraan.

Xoghaya Samafalka gobolka Hiiraan Mudane Ceeymooy waxaa uu intaa ku daray in uu khubaro reer Masar aay balan qaadeen Ineey tagi Doonaan Gobolka aayna qiimeeyn ku soo sameeyn doonaan Qasaaraha Ka dhashay Fatahaada Wabiga Waqti dhaw hadii uu alle idmo Waxaa kal uu sheegay Xoghaya Samafalka gobolka Hiiraan Mudane Ceeymooy in dad badan oo kheeyka jecel oo reer Masar ah aay gaarsiin doonaan goor dhaw magaalada b/weeyne daawooyin iyo dhaqaatiir caawisa dadka tabaaleeysan ee daadsan Burjada Ciinta ilaah Ceel jaale iyo jante kuundishe .

Wariye Madax banaan
Abdullahi Abdi Subeir

Dhageyso khudbaddii Madaxweyne Xasan uu ka jeediyay Baydhaba.

Madaxweynaha Somalia Prof. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo uu ka jeediyay Khudbad aad u qiimo badneyd, oo uu dhinacyo badan taabaneysay, waxaana uu kaga hadlay arriimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo waxyaabaha socda.

Halkaan Ka Dhagayso Khudbadda

Dowladda Somalia oo war culus ka soo saartay Ammaanka Muqdisho.

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Ayaa maanta sheegtay in la xaqiijiyay Amaanka Magaalada Muqdisho 24kii saac ee la soo dhaafayna ay ciidamaa Amaankuna ka hortageen falal Amaanka dhan ka ah Amaanka dalka.

Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta saxaafadda shirjaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka iyo guud ahaanba Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay 24kii saac ee lasoo dhaafay ay magaalada ka sameeyeen howlgallo lagusoo qabqabtay dad iyo hub.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay in magaalada hada laga hirgeliyey qorshe ay hay’adaha ammaanka ugu talagaleen in lagu xaqiijiyo amniga Caasimadda taasina ay tahay guul laga gaaray kooxaha cadawga ku ah nabadda ee shacabka dhibaateeynaya oo dhiigooda baneystay.

Ugu dambeyntii waxa uu Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg waxa uu shacbiga ku nool gobolka Banaadir ka codsaday iney hay’adaha ammaanka ku gacan siiyaan shaqadooda si cadawga looga adkaado.

Magalada Muqdisho ee Caasimadda ayaa beryihii ugu dambeeyey waxaa si weyn looga dareemayey howlgallo ay sameynayaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo howlgalladaasina lagusoo qabtay Maleeshiyaad tirabadan oo ka tirsanaa Al-Qaeda waxaana ay arintaasi durbaba keentay in magaalada laga dareemo isbedel dhanka amniga ah.

Isha: RM

Wararki ugu dambeeyay Kismaayo & Ciidamada huuwanta oo ka baxay.

Kismaayo Caawa waxaa la xaqiijiy inay Isaga Wada baxeen Ciidamada Huwanta ee maanta galay  Mudo sanad ay damacsanayeen la wareegideeda.

Ciidamada ayaa maanta waxaa ay magaalada ka dageen dhowr xaafadooda,Sida Saldhigii Degmada,Xabsiga,Airporka,Bangiga iyo meelo kale kuwaas oo ay caawa aysan joogin.

Cutubyadii ugu dambeeyay ayaa caawa goordhow ka baxay Kismaayo kadib markii ay heleen amar ah inay Magaalada Dibada ugu soo baxaan.

Dadka reer Kismaayo ayaa caawa Shabakada Caasimada u sheegay Inaysan la joogin ciidamada dowlada ayna  ku seexanayaan Maamul la’aantii ka jirtay magaalada.

Warar kale ayaa sheegaya in ka baxida Kismaayo Dowlada ay tahay iyagoo markii horaba maanta fasax la’aan ay ku galeen ayna dib u soo celiyeen Wasaarada gaashaandhiga dowlada iyo Amisom.

Halka Warar kale sidoo kale ay sheegayaan inay ka baqeen in magaalada lagu soo weeraro laguna soo qaado weeraro bambaano.

Afhayeenka Ururka Raaskambooni ayaa sheegay isagana caawa in magaalada beri ay ku laaban doonaan.

Daawo Socdaalkii Madaxwaynaha uu ku tagay Baydhaba.

Madaxwaynaha soomaaliya ayaa maanta Booqashadiisii ugu horaysay waxaa uu maanta ku tagay Baydhabo waxaana uu kala kulmay Soo dhawayn wanagaasan.

Daawo Muuqaalada madaxwaynaha Booqashadii uu ku tagay Baydhabo

Haweeneey ninkeeda kajartay xubinta Taranka kadib markii ay kashakisay.

Gabar u dhalatay wadanka Yeman jirtana da’da 20-aad,ayaa ninkeeda dishay kadib markii ay kajartay xubin muhiim ah oo jirkiisa kamid ahayd. Gabadhaan ayaa sida ay sheegtay ninkeeda uga shakisay inuu xiriir kale lalahaa dumar kale.

 

Gabadhaan ayaa waxay ku nooshahay magaalo lagu magacaabo(Al-jowf)oo 200km dhanka bari kaxigta casimada wadankaas ee Sanca,dadka dagan magaaladaan ayaa booliska kusoo war geliyay ineey heleen meydka wiil dhalinyaro ah oo ay ku taalo 7dhaawac oo tooreey ah,kadib baaris dheer waxaa la ogaaday in wiilka dhintay magaciisa uu yahay (Maxamed) kana tirsan dadka deegaanka.

Wiilkan lasoo helay meydkiisa ayaa waxaa jirkiisa ku yiil dhaawacyo tooreey oo kaga yyil xaabadka qoorta iyo meelo kale,sidokale waxaa ka maqnaay xubinta taranka oo ay gabadhan kajartay,gabadhaan oo ay booliska suaalo weydiiyeen ayaa qiratay ineey iyada dishay islamarkaasna uu ahaa saygeeda,gabadhaan ayaa ku dooday inuu lashukaansanyay hawenkale,islamarkaasna uu xiriir hoose lalahaa.

Faldanbiyeed wanaagsan:

Xaafada Al-jowf waa xaafad ku taala dhanka bari ee sanca,waa xaafad uusan kashaqeynin nidaamka doowladeed ee kajira Yeman,waana xaafad ay maamulaan odoyaasha qabiilka,,sidokale xafadaan waxaa jooga dagalyahano katirsan Al-qaacida iyo xuutiyiinta.

Talada waxaa gooya odoyaasha qabiilka,waxaana hadii baarista hada socota ay dhamaato laguna soo ogaado in wiilkan ay dishay xaaskiisa uu xiriir lalahaa dumarkale waxaa gabadhan lagu abaal marin doonaa ineey samaysay wax fiican xaqna ay ulahayd ineey sidaa sameyso.

Ciidanka Dowladda oo dhacay Deeq dad Dhibaataysan loo qaybinayay.

Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose ee Dowlada Soomaaliya  ayaa maanta dhacay Sahay gar gaar oo loo waday dad dhibaataysan oo ku nool deegaanka Carbiska ee Duleedka Muqdisho.

Sahaydaan Gar gaar oo ka koobnayd Boorish iyo Saliid ayaa loogu tala galay dad daruufo adag ay ku haysato Deegaankaas kuwaas oo ay tiradooda gaarayso 300 ruux.

Labo gaari ayaa la sheegay inay ahayd Cunada  la dhacay iyadoo dadka loo  kala qaybinayo aya waxaa goobta soo gaaray Ciidanka Dowlada oo sida dadka ay sheegeen u adeegayaan Gudoomiyaha Sh/hoose Cabduqaadir Maxamad Nuur Siidii ayna ka qateen deeqdii dadka loogu tala galay.

Dadkaan oo caraysan ayaa xiliga oo kulul waxaa ay dibad baxyo ay ka dhigayaan Wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye.

Horay ayay Ciidamada Dowlada waxaa ay dadkaan uga dhaceen Ari ay la hayeen dad ganacsata ah.

 

 

Qarax Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaalada Beledweyne

Kolonyo ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa maanta qarax waxaa lagula eegtay Magaalada Beledwayne ee xarunta Hiiran.

Qaraxa ayaa waxaa uu Ciidamada Ku qabsaday iyagoo ku sii jeeday Deegaanka Ceelgaal waxaana uu ka soo tagay deegaanka Buurta Qowleed ee Beledwayne ka tirsan.

Gawaarida ay Wateen  Mid kamid ah Ciidamada itoobiya ayuu qaraxa aafeeyay iyadoo nooca uu qaraxa ahaa la sheegay Miinada Dhulka lagu aaso.

Risaas ayay hawada u fureen Ciidanka waxaana u soo gurmaday Ciidamo kale oo ka yimid deegaanka Buurta Qowleed.

Cid sheegatay Ma jirto Masuuliyada qaraxa maanta lagula eegtay Duleedka Beledwayne Ciidamada Itoobiya kaas oo aan la ogayn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

 

Madaxwaynaha oo tagay Baydhaba lana Kulmay Saraakiisha Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminaye ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay dadweyne badan iyo sidoo kale maamulka Gobalka Baay ee Dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kulamo la qaatay Madaxda maamulka Dowladda ee Magaalada Baydhabo halkaasi oo uu kala hadlay arimaha ammaanka iyo arimaha kale ee Gobalka.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu kormeeray xarumo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.

Guddoomiyaha Maamulka Baydhabo Saabir Colaad oo ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya si wanaagsan loogu soo dhaweeyay garoonka.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inay la socdeen xildhibaano kasoo jeeda Gobalka Baay iyo sidoo kale xildhibaano kale isaga oo kormeeray dhowr xarumood.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana ammaanka iska kaashaday ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethopia ee halkaasi ku sugan.

Warar ayaa sheegaya In Madaxwaynaha uu safarkiisa sii wadi doono kuna tagi doona Beledwayne halka warar kalana ay sheegayaan inuu ku soo noqon doono Muqdisho.

Madaxwaynaha oo u duulay Baydhaba.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Safarkii ugu horayay waxaa uu ku aaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha ayaa goordhow ay diyaar ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Safarka Madaxwaynaha waxaa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya waxaana la filayaa in Saacadaha Soo aadan uu ka dago Baydhabo halkaas oo maanta la dhigay Ciidamada Itoobiya iyo Dowlada.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu hakiyay safaadii kale ee uu ku tagi lahaa Garoowe iyo Beledwayne kadib baydhabo waxaa uu ku soo noqon doonaa Muqdisho.

Sida la filayo Madaxwaynaha ayaa markii uu tago Baydhabo waxaa uu kulamo la qaadan Doonaa Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo Itoobiya,Sidoo kale Odayaasha deegaankana waa uu la shiri doonaa.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxwaynaha uu ku baxo tan iyo Markii la doortay.

Deg Deg:- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo geeriyooday.

Allaha u Naxaristee  Waxaa xalay Dalka Norway  ku Geeriyooday Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ka mid ahaa Abwaaniinta Waa Weyn ee Soomaaliyeed.

Abwaanka Gaariye ayaa Maalmihii ugu danbeeyay waxa uu ku xanuunsanyay Dalka Norway, oo uu xalay ugu danbeyntii ku Geeriyooday.

Maxamed Xaashi Dhamac ayaa wuxuu ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed kuwooda ugu Magaca dheer , waxaana Abwaankaan lagu xasuustaa Mudo badan oo uu ku soo dhex jiray fanka Soomaaliyeed.

Wuxuna sidoo kale xiliyadii burburka uu ka mid ahaa Abwaaniintii  ee ku sugneed Gudaha Dalka isagpp Deganaa Magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Maamulka Somaliland.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhama Gaariye ayaa sameeyay Riwaayado iyo Heeso fara badan, waxaana Hubaal ah in Dadka Soomaalida ee Fanka xiiseeyo ay Tebi doonaan.