25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dekedda Bosaso oo la ballaarinayo.

Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa mudooyinkii ugu danbeysey ka wadey dekedda magaalada Bossaso mashaariic lagu balaarinayo oo qayb ka ah dadaalka dowladda Puntland ugu jirto sidii loo horumarin lahaa shaqada dekedda.

Agaasimaha guud ee wasarada Dekaddaha Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan oo maanta 14 October,2012 warbaahinta kula hadlayay xarunta Dekadda  Bossaso ayaa ka war bixiyay qorshaha lagu balaarinayo dekada,wuxuna sheegay in la bur buriyay xarunta Necfish ee ku taalay dhabarka danbe ee dekada laguna daray Dekedda.

“Run ahaantii dhulkaan cusub ee lagu diray dekada ayaa waxa uu ka kooban yahay 120 miter iyo 113 ,waxaana dhul loogu tallo galay in la dhigo qalabka dekada la keenayo amase laga dhoofinayo qaarkood waxaa laga dhigayaa wadooyin laami ah iyo goobo wax lagu kaydiyo”.

Dhanka kale agaasimaha ayaa sheegay qarashka ku  baxaya dhismaha goobtani cusub uu yahay mid ka yimi dowlada iyo shacabka reer Puntland balse aysan jirin hayada ama urur ka caawiyay dhaqaalaha lagu dhisayo.

Dekdda Bossaso ayuu tilmaamey agaasimuhu inay tahay haatan mid mashquulkeedu badanyahay maadaama lagu jiro xligii Xajka oo xoolo badan la dhoofinayo.

Ugu danbayntii Agaasimaha guud ee wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka BaddaPuntland ayaa ku tilmaamay dhisada Dekedda inay tahay mid wax wayn ka badali doonta dhanka horumarinta dhaqaalaha dalka.

Isha: Radio Garowe

R/W Saacid oo loo qabtay in 2 maalin lagu horkeeno Baarlamanka.

Kulankii maanta Baarlamanka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay barlamanka ku jeex jeexeen Arimo badan oo ay ku jirtay Codsi Ra’iisul Wasaaraha loo jeediyay.

Kulan ay maanta  ay ku yeesheen Barlamanka xaruntooda Magaalada Muqdisho waxaa ay  uga hadleen Arimo dhowr ah waxaana ka mid ahaa Codsi ay u jeediyeen madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya  kaas oo ah in uu  Maalmood Gudahood baarlamaanka ku Hor keeno  R/wasaaraha Cusub ee uu dhawaan Magacaabay.

Proff Jawaari oo ah Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya  oo ka hor hadlayay Baarlamanka ayaa sheegay in ay ka dalbanayaan M/weynaha in uu barlamaanka horkeeno Cabdi faarax shirdoon si Cod loogu qaado iyadoona la arkayay Xildhibaanada qaar oo uu ka dhex taaagnaa  Khilaaf la xiriira qaabka loo Marayo Ansixinta R/wasaaraha iyo waxa uu dastuurku ka qabo.

Baarlamanka ayaa sheegay inay Awood u leeyihiin in mudo kooban Ra’iisul Wasaaraha uu ku horyimaado baarlamanka.

Robinho: Hadii aysan Milan ku guuleysan Italian Serie A ha la iigu waco ‘Waalanoow’

Robinho ayaa afkiisa furtay iyadoo Milan ay guul darro kasoo gaartay kulankii Derby De Mondalino, wuxuuna ku hadaaqay in kooxdiisu hadiis aysan is dhigana y ku guuleysan karto Scudatto.

Rossoneri ayaa fadhisa booska 11aad ka dib todobo kulan ay ciyaartay Serie A waxayna guul darro 1-0 ah dhowaan kasoo gaartay 10 ciyaaryahan oo Inter Milan ah.

“Waxaad iigu yeeri kartaa Waalanoow, laakiin fakir ahaanteyda waxaan u maleynayaa in Milan ay ku guuleysan karto Scudatto,” ayuu Robinho u sheegay La Gazzetta dello Sport.

Milan ayaa ku dhibatooneysay guul darrooyin iyadoo hada ayba qarka u saaran yihiin inay iska ceyriyaan tababarahooda Allegri.

Gary Cahill: Waxaan noqon karaa John Terry-ga cusub ee Engaland.

Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka England Gary Cahill ayaa rumeysan inuu bedeli karo booska uu xulkiisa ka baneeyey ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee John Terry.

Daafaca halbowlaha dhexe ayaa ku bilowday kulankii uu xulkiisa ka hortegay xulka San Marino tan iyo markii uu Terry ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa Three Lions.

Cahill oo 26 jir ah ayaa in badan  Terry kala soo ciyaaray Chelsea.

Difaaca kooxda Blues ayaana yiri: “Had iyo jeer wuxuu I dhiiri gelin jiray waxaana rajeynayaa inuu wax fiican ii rajeynaayo.”

Kulankii ay Jimcada 5-0 England kaga talaabsatay San Marino ayuu Cahill soo bandhigay awoodiisa daafac.

 

Weyne Rooney oo noqonaaya kabtan ku xigeenka xulka Ingiriiska (Aqriso)

Tababaraha Ingiriiska Roy Hodgson ayaa daaha ka qaaday in weeraryahanka Manchester United Weyne Rooney uu Kabtanimada Xulka England kala wareegi doono Steven Gerrard qadka dhexe ee Liverpool marka iska siibo kobihiisa uu ku ciyaaro kubada cagta heerka caalami.

Iyadoo uu Gerrard ganaax ku maqnaa, 26 jirkaan ayaa kabtan u ahaa xulka Hodgson markiisii ugu horeysay  wuxuuna ku hugaamiyey inay guul 5-0 ah ka gaaraan xulka San Marino isreeb-reebka koobka aduunka ee 2014ka. Wuxuuna Rooneyn ciyaartii Wembley dhaliyey laba gool.

Wuxuuna tababaraha xulka England maanka ku hayaa inuu Weyne u dhiibo kabtanimada marka uu Gerrard ka fariisto xulka, inkastoo uu xulka ku jiro qabiirka qadka dhexe ee Chelsea James Frank Lampard.

Mar la weydiiyey hadii uu Rooney noqonaayo kabtaka mustaqbalka England, Hodgson ayaa ku jawaabay: “Haa. Waa wax uu aad ugu fiican yahay waana wax uu doonayo inuu sameeyo. Wuxuu ugu ciyaaray xulka si aan la maleyn Karin waana wax noo fiican inaga.”

 

 

Xavi: Lionel Messi waa ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa taariikhda Kubada cagta.

Xidiga kooxda Barcelona Xavi ayaa ka hadlay is bar dhig lagu sameeyo macalinka haatan ee Barca Tito Vilanova iyo ninkii isaga ka horeeyey ee Pep Guardiola. Wuxuuna qirtay inuu faqri u dhexeeyo.

32 jirkaan ayaana sidoo kale amaan kala dul dhacay ninka ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi, wuxuuna xidiga Argentina ku sheegay ciyaaryahankii abid ugu wanaagsanaa kubada cagta. Halka uu sheegay inuu ka wanaagsan yahay Cristiano Ronaldo.

“Pep iyo Tito, waxaa u dhexeeya farqi xoogaa ah taatik ahaan, inta badan waa isku mid. Guardiola wuxuu inta badan awooda saaraa ku celcelinta Paraatikada, halka uu Vilanova uu waxoogaa aado xaga orodka,” ayuu yiri xidiga heerka caalami ee dalka Spain mar uu wareysi siinaayey Radio Catalunya.

Xavi ayaa sidoo kale qorshihiisa amaanta huwiyey Lionel Messi wuxuuna 25 jirkaan ku sheegay xidigii ugu wanaagsanaa taariikhda kubada cagta.

“Marka lagu jiro qolka lebiska, Leo Messi laga yaabee inuu ka mid yahay dadka ugu xasilan. Waa qof aan caadi aheyn. Aniga ahaan waa ii NO’ 1, waa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa abid, wuuna ka yaabiyey dadka oo idil. Aad ayuu u wanaagsan yahay, wuxuuna ciyaarta muhim u yahay in ka badan  inta uu muhim u yahay Cristiano.

 

Man City oo u sheegtay Balotelli inuusan aheyn heerkii ay doonayeen (Warbixin)

Mario Balotelli ayey u sheegtay kooxdiisa Manchester City inuusan aheyn heerkii ay ka donayeen.

Xidiga u dhashay dalka Italy oo ay waayadaan yareyd saameyn tiisa Garoonka ayaa lasoo werinayaa in loo sheegay inay heysato dhibaato dhanka maskaxda ah.

Sunday Mirror Sport ayaa laga soo xigtay isbuucii tegay in City ay diyaar u tahay inay beec geyso weeraryahankeeda ay laba sano ka hor kusoo iibsatay 24ta milyan ee ginni.

Mid ka mid ah madaxda City ayaa laga soo xigtay: “Waxaan u maleynayaa inay muhim tahay inuu sameeyo tusaale fiican.

“Waxaan u maleynayaa, inaan ognahay qofka aan ka hadalno kaasoo dadku ay arkaan inuusan qaab ahaan kasoo bixin qiimihiisii.”

“Xog iyo Gorfeyn”: Maxamed Dheere oo la kulmay R/W Saacid + Loolanka guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysay in guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, uu wado qorshe uu dib ugu soo laabanayo jagadaas.

Maxamed Dheere ayaa xalay kullan qaatay dhowr saacadood magaalada Muqdisho kula yeeshay ra’iisul wasaaraha la magaacabay ee Somalia Cabdulqadir Farax Shirdoon “Saacid”.

Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu ka faa’iideysanayo saaxiibtinimo hore oo ka dhaxeysay isaga iyo Saacid, xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, si uu xilkan u helo.

Illaa iyo hadda ma cadda nooca go’aan ee uu Mr. Saacid siiyay saaxiibkiisa waayo waayo ee Maxamed Dheere, oo isaga iyo beesha uu kasoo jeedo ee Warsangeli Abagaal ay dadaal xoogan ugu jiraan inay gacanta ku dhagaan maamulka gobolka Banaadir, oo muddo ku dhow 5 sano gacantooda ka maqneyd, tan iyo markii maxamed Dheere laga qaaday.

Sida aan xogta ku heyno kadib markii beesha Warsangali oo waysay gacan ku haynta muddada dheer ee ukeed qaabka dhaxalka Boqortooyo ee dekadda Muqdisho oo Beesha Absuge Waceysle ay hadda maareeye ka tahay, ayaa waxay doonayaan inay u weecdaan Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale dadaalkan dhinac kale ka wada ganacsade Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa musharaxiintii ku tanaasualy wareegii labaad ee doorashshada isaga oo taageeraya Xasan Sheikh.

Cosoble ayaa ballan qaad ka heystay Xasan Sheikh, laakiin ma caddeyn nooca jagada la siin lahaa, waxaana iminka uu orod ugu jiraa in qof isaga uu wato laga dhigo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ganacsade Cosoble ayaa sidoo kale arrintaas kala hadlay ra’iisul wasaaraha la magacaabay ee Somalia, oo habeen hore uu la kulmay.

Cosoble ayaan isaga sharci ahaan qaban karin jagada guddoomiyaha baarlamanka Somalia, sababtoo ah waa xildhiban ka tirsan baarlamanka, sidaa darteedna waxa uu u doonayaa aqoon yahan ay ehel dhow yihiin inuu booskaas u galo.

Sharciga cusub ee Somalia ayaa u diidaya xildhibaanada inay laba jago isku qabtaan, waana taas sababta iminka uu cadaadis u saaran yahay Tarsan, si uu labada jago mid u doorto maadaama uu sidoo kale yahay xildhibaan.

Sida wararka sheegayaan Tarsan ayaa dooran doona inuu sii ahaado xildhibaan, maadaama ay caddahay in weji cusub loo doonayo guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Beesha Mataan Cabdulle, oo ah beesha koowaad ee deegaan lagu tiriyo magaalada Muqdisho, ayaa iyana sidoo kale orod ugu jirta sidii ay u heli lahayd xilkaas, oo inta badan ayada la siin jiray taariikh ahaan.

Aqoon yahanno badan oo beesha ka tirsan kana tagay qurbaha iyo gudaha dalka ayaa cadaadis saaraya madaxweynaha sidii uu xilkaas ugu magacaabi lahaa.

Waxaa horey u jirtay ballan qaad uu Xasan Sheikh u fidiyay beel weynta Wacbuudhan Abgaal, oo beesha Mataan ay u tahay laf dhabar, inuu siin doono jagadaas, markii uu tartanka doorashada galayay, hase yeeshee lama yaqaan inXasan Sheikh uu oofin doono ballan qaadkaas iyo in kale.

Manchester United oo dooneysa inay Vidic ka iibiso Anzhi Makhachkala.

Manchester United ayaa dooneysa in si la yaab leh ay kabtankooda Nemanja Vidic lacag sare uga iibiso kooxda aadka u xiiseyneysa ee Anzhi Makhachkala, sida ay ogaatay shabakada Goal.com.

Kooxda Old Trafford ayaa aragta inay 30 jirkaan ku lumen karto 41 milyan oo euro oo ay ku dooneyso kooxda ka dhisan dalka Ruushka, daafaca reer Serbia ayey hareeyeen dhaawacyo is daba joog ah ka dib markii uu garoomada ka maqnaa 12 bilood hadana uu qaliin ku maqan yahay.

Anzhi, ayaa dooneysa inay soo aruursato ciyaaryahano magic ku leh kubada cagta iyadoo ay kooxdaani heysato lacago fara badan oo ay suuqa geliyaan. Vidic ayaana laga yabaa inuu mushaar fara badan ugu baqoolo Dalka Ruushka.

 

Del Piero: Waxaan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro Ronaldo.

Halyeygii hore ee kooxda Juventus hadana u ciyaara kooxda Sydney FC Alessandro Del Piero ayaa ka dhawaajiyey inuu jeclaan lahaa inuu mar uun la ciyaaro halyeeyga dalka Brazil Ronaldo inta lagu jiray xirfadiisa ciyaareed.

37 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore soo afjaray 19 sano oo uu ku sugnaa Turin, wuxuuna sidoo kale daaha ka qaaday mar wax laga weydiiyey ciyaaryahanka uu u xiisay inuu ka hor yimaado inuu jeclaan lahaa ninkii Ballon d’Or ku guuleystay 1996dii.

“Hada dhamaantood ma ahan. Mana ka shalaynaayo. Mar walba oo guul darro ah. Sida Finaladii Champions League taasoo si qaldan wax u dheceen. Ama Koobkii Qaramada Yurub ee 2000. waxaanse u xiisay ninkii 1996dii ku guuleystay Ballon D’Or.” Ayuu Alex u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Waxaan ka hor imid 20 sano oo kubada cagta ah. Wax la yaab leh ayey noqon laheyd inay mar kale dhacdo inaan la ciyaaro Ronaldo.”

 

Ciidamo Kenyan dheeraad ah oo ku sii jeeda Kismaayo. + Tiradooda.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Tiro Ciidamada Dalka Kenya oo wata Gaadiidka dagaalka in ay ku soo jeedaan Magaala Xeebeedka Gobolka Jubada hoose ee Kismaayo.

Goob joogayaal ku sugan degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasey inta u dhaxeysa illaa Sagaal Boqol iyo Kun Askeri in ay wataan Gaadiidka Dagaalka oo Taangiyo ay ka mid yihiin.

Ciidamadan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo gudbeen Degmada Afmadow iyagoona ku soo jeeda Magaalada Kismaayo si ay halkaa ugu biiraan Ciidamadii Kiinyaanka ee hore ugu sugnaa gudaha Magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa lagu sheegey in ay xoojin u yihiin Ciidamadii Kiinyaanka ee hore ugu sugnaa Magaalada kismaayo. Militariga Dawladda Kenya oo dabayaaqadii sanadkii hore soo galay Ciiddaa Soomaaliya ayaa muddo hal Sano kaddib waxaa dhawaan u suurta gashay in ay soo gaaraan gudaha Magaalada Kismaayo iyagoo kaashanaya Ciidamada dawladda iyo kuwa Raas kaanbooni.

Baarlamanka Soomaaliya oo Kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Baarlamanka Soomaaliyeed ayaa maanta la filayaa in kulan ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho waxaana looga hadli doonaa arimo badan.

Ajandaha Shirka ay Baarlamanka yeelanayaan ayaa waxaa lagu gorfayn doonaa qodobo ay kamid tahay Xeer hoosaadka.

Shirka ay Isugu Imaanayaan Baarlamanka ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco saacadaha soo socda Xarunta Golaha Shacabka”Sidaasna waxaa inoo xaqiijiyay Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka.

Sidoo kale  Muhiimada shirka ayaa waxaa qaybka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada ayaa hortagi doonaa baarlamanka si ay codka kalsoonida ugu helaan Baarlamanka.

Ra’iisul Wasaarahaa Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa olale uu ku soo dhisayo xukumadiisa waxaa uu ka wadaa Muqdisho iyadoo xog lahalayna ay sheegayso in Xukuumadiisa ay ku badnaan doonaan Xubno ku cusub Masraxa Siyaasada Soomaaliya.

Daawo Video-gan: Ma sameyn lahayd wixii uu sameeyay Taksi wadahan?

Weli waxaa adduunka jooga dad daacadnimadu ay ku weyn tahay. Waxaa laga yaabaa dad badan inay durbaba oran lahaayeen waa doqon, marka aad eegto wixii uu sameeyay Adam Woldemariam, oo ah taksi wade ka shaqeysta magaalada Las Vegas, ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.

Adam oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Ethiopia ayaa bishii tagtay waxa uu gaarigiisa ka helay boors uu kaga tagay qof uu soo qaaday.

Hase yeeshee markii uu furay boorsada, waxa uu arkay wax uusan weligiis fileyn inuu mar qura noloshiisa arki doono. Waa lacag kaash ah oo dhan 221,510 (laba boqol labaatan iyo kow kun shan boqol iyo toban) dollar.

Waxa uu ka yaabiyay dad badan markii uu qaaday lacagtaasi uuna u geeyo qolada shirkadda taksiga, si loo siiyo qofkii lahaa, waxaana markaa kadib ninkii lahaa lacagta uu abaal marin ahaan u siiyay laba kun oo Dollar, oo ah kaliya boqolkiiba hal, lacagta.

Halkan ka daawo dhacdadaas.

Haddaba Ma sameyn lahayd wixii uu sameeyay Taksi wadahan?

K/Afrika: Qiso xanuun badan oo ku dhacday wiil iyo adeerkiis Somali ah.

Qisadan oo ah mid dhab ayey waxay ku dhacday Mucaaqashiin Soomaaliyeed oo ku kala nool Wadama Kenya iyo South Afrika waxeyna ka mid tahay qisooyinka tusaalaha u ah labada qofood ee is jecel misana is waaya.

Axmed Cabdi Kariin Khaliif (Axmed Saadaq ) oo ku nool magaalada Cape Town ee dalka K/Afrika waa wiilka ay qisada ku dhacday,isagoo la soo xiririray Saxafada ayaa waxa uu ugu sheekeyay qisada ku dhacday iyo dhibaatada kasoo gaartay oo saameysay noloshiisa,
“Waxaan ka mid ah dhalinta Soomaaliyeed ee ku nool South Afrika mudo dhowr sano ah waxaa jirtay gabar aan qaraabo nahay ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo markaan halkaan imid xiriir jeceyl ina dhex maray mudda ka badan labo sano,aniga iyo Sacdiyo Cumar Giirmaalle  waxaan ahen lamaane is jecel kana dhaxeeyo inagoo ahen lamaamo daqiiqad walba xiriira ugu dambeyntii waxaan galnay ballan ku saabsan guurkeena iyo waqtiga kama dambeysta ee uu dhici lahaa.
“Muddo laba sano kadib markii aan go,aansanay guurkeena aniga iyo qofta aan Dunada ugu jeclaa ayaa waxaa meesha soo galay xaasid jecel oo aan ka fogeyn ehelkayga kaasoo ahaa adeerkayga oo ku sugan magaalada ay ku nooshahay Sacdiyo Cumar Giiraalle oo ah noloshayda aan ifka ugu jeclaa oo iga doorsaday lacag  kadib markii ay wadahadaleen walaalkiisa ka weyn oo ku noolaa dalka Mareykanka kana dhaadhiciyay in uu u dooonayo gabar reerka ah kadibne uu yimid ninkii noloshayda jari lahaa marna ahaa adeerkayga Yusuf Khaliif,muddo maalmo kadib doontay  kadibne aqalgal deg deg ah sameeyay isagoo dhaqaalo iigu faanaayo,
Qisidan ku dhacay Axmed Saadaq oo ah wiilka dhalinyarada ee sawirkiisa meesha idinkaga muuqda ayaa ah qisooyinka ka dhaca dunida iyadoo Soomaalida inta badan isticmaasho hanti balse aan fiiriin jeceylka iyo qiimaha uu leeyahay.
Ugu dambeyntii Axmed Cabdi Kariin Khaliif ayaa waxa uu waydiisanayaa dhamaan aqristaasha duco iyo talo celin si uu noloshiisa dambe dhib u gaarin, waxaadna kala xiriiri kartaan ciwaankiisa oo ah ([email protected])

Daawo Video: Qolka ugu yar uguna qaalisan caalamka oo 280,000 oo dollar lagu qiimeeyay.

Ka fifikir halka aad joogtaba. Imisa ayaa ka bixin lahayd gurigaaga, noocuu doono ha ahaadee, guri dhan ama apartment. Kaba soo qaad adoo joogaa USA ama Europe, waxaad ugu badnaan qiyaaseysaa 80,000 illaa 150,000 oo dollar , ayada oo ay ku xiran tahay hadba magaalada aad joogto.

Balse aqrsite ka waran haddii  280,000 (Laba boqol sideedtan kun oo dollar). lagu iibinayo hal appartment, Haba ahaatee ma xumee, ka waran haddiiba cabirka guriga dhan uu yahay 8×10 foot.

Haddaba apartment yar oo ku yaalla London ayaa lagu iibinayaa lacagtaas..

Bal daawo Video-gan oo arag inta uu la eg yahay adaa yaabi doonee. 

Nin la sugayoow Adna yaad Sugi! (Warqad furan oo ku socota Xasan.)

Warqad Furan oo ku Socota Madaxweynaha jamhuuriyada  Soomaaliya

Waxaan doonayaa inaan halkan Farriin ugu gudbiyo Hoggaamiyaha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaan leeyahay Mudane marka ugu horreysa waxaad oggaata inay  dadka  oo dhan kaa sugayaan waxaad u ballan qaaddey ee aay kugu doorteen, waana mid ay xaq kuugu leeyihiin oo aysan kaa martiyeen.“Nin xilqaadey eed qaad” xigmadii Soomaaliyeedna waxay ku fareysaa“Nin lagu seexdoow ha seexan, Xilbaad siddaa ha seexan”intaas ka dib waxaan Madaxweynaha  habeenkii la doortey tiriyey maanso dardaaran iyo guubaabo isugu jirta oo aan Madaxweynaha kula hadlay  “Maansadii Hambalyo” waxaa ka mid ahaa tuducyadan:

  • Hoggaamiye heedheh
  • Haddii Baarlamaanku
  • Codkooda hibaysan
  • Habsami kugu doortay
  • Hantidii qarankoo dh
  • Hormuudka u taagan
  • Haddaad tahay maanta
  • Hayaanka bilaabmay
  • Horseedka la gaaray 
  • Hagaaji dhankaaga
  • Hannaanka dalkaaga
  • Halbeeg hadalkaaga
  • Hubsiimana raaci 
  • Ha diidin wanaagga
  • Ha qaadin tallaabo
  • Hadhow lagu eedo
  • Halkay hadda joogto!
  • Horey u dhaqaaji
  • Ka haabso ujeedka
  • Habkuu qarankeenu
  • Hirkaa iyo caadka
  • Hubaal ku tegaayo
  • Hilaadi dhankeeda.

Waxaan mar kale iyada oo qoraal ah leeyahay  Mudane Madaxweyne  isbedelku yaanu noqon keliya, nin xilka ka degay iyo mid  loo doortey, ee waxaa loo baahan yahay in isbedelku dhinac walba ka muuqdo, Ammaanka  Dalka, Horumarka, iyo Hirgelinta wixii ka dhinaa Dowladdii ku meelgaadhka ahayd.

Talaabada ugu horreysa madaxweyne waa inaad maamulka gaadhsiiso Gobollada dalka oo dhan, Maamulku kuwa uu ka jiro iyo kuwa aan weli maamul loo samayn ee hadda gacanta cadowga ka baxay.

Waxaa ka dhacay kenya shir  loogu sameey  maamul ku meel gaadh ah  Magaalada Kismaayo, Shirkaasi waa mid ay soo Abaabuleen labada dowladdood ee deriska ah, Kenya iyo Itoobiya, sidoo kalena waxaa la soo wadaa maamul goboleed ay  soo sameeyaan labadaa Dowladdood Soomaaliyana aysan wax awood iyo talo ah ku lahayn, mana jirto ergo iyo cid wakiil uga ah Soomaaliya,taasi waxay  u muuqataa inaysan Kismaayo ka mid ahayn Soomaaliya, sida ay ka dhawaajiyeen Ciidamada qabsadey, iyo maamulka hadda la magacaabey oo sheegay inaysan waxba taladeeda ku lahayn Dowladda Soomaaliya, balse caddeeyey in loo daba fadhiisanayo arrintaas  Kenya taasi waxay wax dhimaale iyo weliba meel ka dhac weyn u tahay Dowladda Soomaaliya oo maanta aan ahayn ku meelgaadh dalka oo dhana Masuuliyadi ka saarantahay.

Madaxweyne dantaada dugsi lagama fadhiisto, Minankaagana marti lagama noqdee waa in aad talaabo sharciyeysan  aad ka qaadato arrintan ku aadan maamul u samaynta J.Hoose ,  J.dhexe, Gedo , Sh. Hoose, Sh,Dhexe , Hiiraan, Galguduud,Banaadir, Bay iyo Bakool, Sidoo kale maamulada ka jira Gobolada dhexe ee muranku ka taaganyahay Maamulka Ximin iyo xeeb iyo Galmudug waa in Dowladdu wax ka tidhaahdaa , Ergo iyo guddi dhexdhexaadana loo diraa.

Dowladdaha Kenya iyo Uganda ayaa safarkii madaxweynaha waxay muujiyeen, arrin Soomaalidu ka biyo diidey, Kenya oo markii horreba Caleema Saarka madaxweynaha ka maqnayd, ayaan muujin Astaanta Soomaaliya Calanka markuu Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud la kulmayey  Madaxweynaha Kenya, taasi  waxay ka turjumaysaa cadaawada iyo nacabka ku jira Kenya iyo sida cad e ay uga soo horjeedo Hoggaanka Dowladda Cusub, waa in Madaxweynaha iyo Dowladda Soomaaliyeedna ku abaalmariyeen sidaas oo kale, waxaan sidaa u leeyahay marka madaxi dalkeena imanayso laguma aamini  hal calan ee waxaa ilaa waddooyinka  lagu taxaa Calamada waddankaas, sidee bay suuragal u tahay in Calanka Soomaaliya laga waayo Xafiisyadii lagu qaabiley madaxweynaha? Yaase masuuliyadeeda leh? Ma tahay meel ka dhac iyo arrin quudhsi ku jiro mise?

Uganda ayaa iyaduna raacday isla dariiqii Kenya oo aan Madaxweynihii ay marti soortey Calankiisa iyo Sumadiisa , Madaxweynuhu jeebka kuma qaadanayo, Calanka Soomaaliya  inkastoo ay mudantahay, In shaqaalaha iyo qaybta Anshaxa iyo hannaanka Madaxweynuhu iyagu ka hormaraan wixii ka khaldan goobaha Saaxafaddana ay saxaan oo ay haddii ay arkaan u sheegaan Madaxda kale in la keeno Sumada iyo Astaanta dalka  balse may dhicin taasi waxaanan leeyahay Madaxweyne  adiga iyo Xafiiskaaguba ku baraaruga waxaad meteshaan Dalkii oodhan, Codkaagu waa codka Soomaaliya , Muuqaalkaaguna waa muuqaalkii Soomaaliya, tallaabo kasto oo aad qaaddaana waxay ka turjumaysaa Soomaaliya , Sidaa awgeed waa in hubsiimadu badnaataa, Isla Maansadii Hambalyo ee aan Madaxweyna kula hadlayey waxaa ku jiray erayadan oo ka turjumayey Calanka iyo sida laga yeelayo ama Madaxweynaha uu ka mudan yahay:

Halyeey calankeena

Habaaska ka dhawr

Hoos yaanu u ciirin

Cirkaa sida heego

Ha fuulo buluugle

Arrintani waxay ka turjumaysaa  dadbaa Calanka Soomaaliyeed u yaqaana, Maro ama Calal balse maaha Calanka Soomaaliyeed waa Suurradii,Sumadii , Sawricii iyo Sifadii umadda Soomaaliyeed wuxuu mudan yahay milgeeyn iyo ilaalin, Calankan rag baa u dhintay uu ka mid ahaa, , G/Sare Xalane  ayaa wuxuu ka qeyb galay Dagaalkii dhex maray 1964 Dowladdii Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Aadan Cabdule Cusmaan iyo Xabashida  waxaa dhacday in Halyeey Xalane  dagaal ka dhacay deegaanka Wajaale oo amxaaradu soo weerartay oo ka mid ahaa ciidankii halkaas ka dagaallamayey  Waxaa lay sheegay in Halyeey xalane  sidey Calanka Soomaaliya  ka dibna isagoo calanka Gacanta ku haysta dhaawac soo gaadhay oo aanu dhigin  ilaa sidii xabad loola dhacayey isagoo calanka kor u haya oo diidey inuu dhulka taabto Calankaasi halkaasna uu ku geeriyooday, isagoo calankiisa ka dhawray in cadow dhinaca dhulka u dhigo,waana  tan sababtay inuu loogu magacdaro  dugsiga tababarka ciidanka qalabka sida,taariikhdana uu baal dahaba ka galo, inagana inooga tago deris  aan wax ku baran karno.

Wuxuu yidhi Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc: isagoo la hadlaya Calanka iyo dhacdadii NFD ay ku wareejisay Dowladdii Cabdirashiid Cali Sharma arke ee uu Ra’iisalwasaaraha u ahaa, Maxamed Xaaji  Ibraahin Cigaal  wuxuu yidhi abwaanku:

Calanyahow walhanayaa, adaan kuu waramayaaye;

Wadnahaygi baa lala bixiyo, wiiqi-bawdada’e;

 Mid wasaaraddiisii gabtoo, weeranbaad-tahaye;

 Laguu-waa wakiil sida jamaal, waabsha gaalada’e;

 Wadankaad ku dheeraanlahayd, waa la-iibsadaye;

 Raggii adiga waax kuu-lahaa, waa-la-weecsadaye;

 nfd wareegeedanu, waa-horuu-dhacaye;

 Waqooyi iyo koonfuriba, waw-wada-dhammaayeene;

 Heeladiyo wiglada maalintii, lagugu waalaayay;

 Waatay walaandeynayeen, ee waddacayeenne;

 Goortii walaal-garabgaliyo, wehelba loo-waayay;

 Haadkiyo waraabuhu ka-dhereg, walaqtankoodiiye 

Maanta waxaa heerkii NFD taagan  qadiyadida Jubbooyinka  oo ay gacanta kula jirto Cadowgii Shalay  qaatey dhulkeena ,  Haddaba mudane madaxweyne ha noqon, mid la eedo oo umaddu  inkaarto, ee noqo mid  ammaan iyo mahadinba muteysta ,  taladii dalku gacanta illaahay bay ku jirtaa , shacabkuse adiguu kuu wakiishay  cidaad sugeyse ma ogi, waxaan ku odhan lahaa, “nin la sugayoow adna yaad sugi

Qoraalkayga waxaan ku soo afjarayaa haddaan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan sugeynaa isbedelkii lagu baaqey, iyo waxay dowladda Cusubi ka hirgeliso balanqaadyadeedii,  ninbaa marti u soo hoyatey markaasay weydiiyey war  magacaa ninkii wuxuu ugu jawaabey  “Looge” oo macnaheedu yahay  marka marti timaad inuu muuneeyo , oo u xoola qalo, neefna u loogo, waxay  martidii markay magaca maqleen ugu jawaabtay, “Loogoow Laguu minan fadhiye” haddaba Dowladdan Cusub waxaa looga minan fadhiyaa, inay  fuliso waxii loo igmaday, inay dardar geliso dhamaan  hawlaha dowladda looga fadhiyo, waqtigeedana ay ka faa’iidaysato.waxaan ku soo gunaanadayaa tixdan yar:

Gadhwadeenka Soomaalidoow, gunud ujeedkayga

Geyigeena Soomaaliyeed, godob ha gaadhsiinin

Ka gilgilo gufaacada xumaha, gocorku doonaayo

Ka gilgilo gumeysigu dhibkuu, inala goobaayo,

Haka gaabsan gobonimadu waa lagama guuraane

Haka gaabsan ruux ganacsade, guraya raadkeeda

Haka gaabsan ceebtaa gudiyo , gaadhay dibadeena

Haka gaabsan guulaamada kacaysa, geeskeena

Gabashaduna waa ceeb ha noqon giirle baqanaaya

Codku waa garnayliyo dabee, sida gantaal yeedhi

Godobtaada ruuxa qabana, gaar isaga leexi

Goolaaftankiyo beenta uu cadow la geeraaray

Gurmad yeelo iyo geesiyaal, talada gooynaaya

Gacan yeelo ruuxii gef gala, lagu garaacaayo

Garba yeelo guutooyin aan, cidi garaafaynin

Go’aan yeelo talo lagu guntoo, dhaliya goolkeena.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan tan Caasimada Online.

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE (Q.3aad)

Qeybti 3-aad, halkan ka aqriso qeybihii hore Qeybti 1-aad,  Qeybti 2-aad.

Sannad Dugsiyeedkaas markii Dugsigii la xiray, waxaa la bilaabay Sanadkaas Mahrajaan oo ah ciyaaro iskuuladu ka qeyb qaadanayaan oo lagu muujinaayo wax qabadka kacaanka 21 oktoobar.

Ostan markii ugu horeeysay wuxuu ka qeyb noqday qeybta ciyaaraha oo lagu qaadanaayey Dugsiga Hoose/Dhexe ee Hodan se markii la is xulaayey waa laga reebay, se haddana wuxuu ka qeyb noqday koox yar yar oo loo xulay Sawiradda oo loo yaqaanay ( looxaatul khalfiyah) oo macnaheedu yahay Qeybta Gadaale ee sawiradda, wuxuuna Tababarkaas ku qaatay Dugsiga Dhexe ee Raage Ugaas oo ku yaalay Xaafadda Xamar Jab jab.

Maalin kasta waxay buugaag waaweyn ku dhejin jireen waraaqo midab leh ayagoo isticmaalaaya koolo laga sameeyey bur la qasay.

Markay Buugaagtii dhameeyeen ayaa loo wareejiyey Isbartiibada Istaadyo Koonis oo Mahrejaanka lagu qabanaayey, ruux kastana waxaa la siiyey buug iyo meel uu fadhiisto oo u gaar ah.Buugaagta marka calanhayaha dusha saaran uu kuu sheego bogga la furaayo ayaa hal mar lawada furayaa markaas ayaa waxaa ka soo baxaaya sawirka Madaxweynaha ama golaha sare ama Beero Cagaaran ama warshado qiiq ka baxaayo ama Asakar gaardineysa ama hooyooyin Durbaan tumaaya oo madaxda soo dhaweynaaya iwm.

Looxaatul khalfiyah waxay ku fiicnaayeen kooxaha ciyaaraya oo dhan wey fiirsan jireen iyo muusika loo tumaayo , waxay aad u jeclaayeen ciyaarta seylici oo aheyd ciyaar aad dadka u soo jiidata oo arday isku wada dhar xiran oo hal mar ciyaarta isla helaaya. Kooxaha Ardeyda ah ee ciyaaraaya waxaa laga siman uniform iyo kabo isku mid ah, se looxaatul khalfiyah waxaa laga siman min hal shaati oo kaliyah maadama ayagu fadhiyaan oo aysan surwaal iyo kabo u baahneyn.

Ostan sanad dugsiyeedkii markii uu furmay Shaatigiisii oo cadaa ayuu intuu gacmo gaab ka dhigtay sacfaraan jaalle ah ku shaqlay ayuu ka dhigtay mid uu iskuulka ku aado , kaas oo maalin kasta oo jimco ah hooyadiis sacfaraan kale ugu maydhi jiray kadib uu feereysan jiray sidaasna uu iskuulka ku tagi jiray asagoo sanadkkas surwaal kaaki ah loo iibshay oo uu toobal caaradii ka reystay.

Fasalkiisii wuxuu noqday 7C isla ardeydii ay ka soo wada gudbeen 6C ayey isku fasal ahaayeen iyo qaar kale oo cusub oo lagu soo daray.
Sanadkaas sidaan horayba ku soo sheegnay Maryan waxay ku noqotay Fasalkii 6aad oo ah isla safkii danbe ee markii hore ku dhiganeysay laakiin fasal cusub ee fasalka 6 A oo geeska ugu jira.

Ostan fasalkiisu wuxuu markaan u dhaw yahay fiishada ama ( office) ka soo horjeedka meesha subaxdii Calanka lagu salaamo ,waana 7 C.
Maryan waxay isku galaas noqdeen Ostan saaxiibkiis ooy isku xaafad yihiin oo la yiraa Mohamed, laakiin ostan uma sheegin in uu Maryan jecel yahay se saaxiibtinimadiisii ayuu sii adkeeyey si uu ula socdo xaalka maryan ama uu u soo raadsho saaxiibkiis waqtiga fusxada ama ( break time) ka lagu jiro,asagoo iska dhigaaya in uu mohamed booqanaayo ayuu haddana arrinkiisu ahaa bal mar uun Maryan soo jeedaali , mar uun indhaha ka soo buuxso tii aad jecleyd.

Ostan fasalkiisa cusub gabdho kalama saaxiibin lamana fara ka ciyaarin se tuu jeclaa fasal kale ayey fadhisaa oo kiisa ka danbeeya.
Ostan sidii caadadiisa aheyd kama uusan suulin in uu maqrib kasta markuu banooniga ka yimaado uu qabeysto asagoo maskaxda ku haya in uu u boqoolo ama u gudo aan dhahee Gurigii Maryan ee xaafadda hodan si uu hortiisa labo ama seddex jeer u hor maro haddiiba nasiibkiisu habeenkaas maryan tuso.

Maryan oo aheyd baxdoow mar kasta fasalkeeda ka dhex muuqata ayaa ardey badan caashaqeen ooy jecel yihiin la sheekeysigeeda haba ka mid ahaado ostan saaxiibkiis mohamed oo markasta asaguna afka ku haya maryan.

Akhristoow saan horayba kuugu sheegay maryan ma ahan gabar dheer oo jalaqsan se way gaaban tahay, se waji qurxoon iyo dhabano curdin ah iyo midab casaan ah ayey dadka ku soo jiidataa, ma buurna mana caateysna ee waa dhex dhexaad si fiican u labisata, waxay kaloo leedahay qosol soo jiidasho leh, waa taas meesha Ostan laga raacay maba u haysto gabar ifka ka qurux badan baa adduunka dushiisa ku nool,
Sidoo kale Ostan wuxuu Maryan ka qooraansadaa Habeenka jimcaha oo ay caadi u tahay in ayada iyo wallaasheed ay isku soo raacaan Shaneemo Soomaaliya .

Habeenkaas oo Ostan ku qasban yahay Filim kasta oo ka socda in uu Camiro shaneemo Soomaaliya si uu indhaha uga soo qaado tii uu jeclaa.

Sannad dugsiyeedkii termkiisii dhexe ayaa la galay, fasalka waxaa dhigta Ardey xagga da’da Ostan iyo Saaxiibadiis ka waaweyn oo ayagu waxbarashada aad u daneeya kuna xisaabtama darajada 100 laga keeno.

Ardeydaas qaar bay Ostan isku fasal yihiin qaar kalena waxay dhigtaan fasalo kale, waxaa kaloo fasalka Ostan dhigata gabar fasalka 7 ku dhacday oo markaan aad u dadaal badan oo tartan wiilashaas kula jirta.

Gabadhaas oo canab la daho maryan ayey isku xaafad yihiin walo guryahoodu aysan isku dhaweyn,Ostan gabadhaas wallalkeed ayuu yaqanaa oo asaguna ay Ostan isku Dugsi quraan ahaayeen waagii uu daganaa Kuwaarto.

Markii Natiijadii imtixaanka la soo celiyey ayuu Ostan wuxuu maqlay ayadoo ardeydii waaweyneyd ay isku bandhigayaan ninba inta uu keenay iyo dadka fasalka ka horreya, waxaa hadalkoodii ka mid ahaa hebel waa laga tagay xataa gabadhii baa ka hor martay.

Ostan oo asagoon tartan ku jirin ayaa haddana fasalka 10 ka ugu horeeya ayuu ku jira oo haystaa 390 se asaxaabta kale waxay ka shaxayaan ilaa 450 .

Qiso la yaab leh oo Ostan ku dhacday waa fursad uu Maryan ku hanan karay se ka fakatay, waxaa dhacday maalin goor galab ah ayaa Jardiino ku taal lambar afar Agibka hoteel Naaso hablood agteeda oo loo aqoon jiray saabiyo rooso ,ooy Ardeydu wax ku Akhristaan ayaa waxaa isla socday Ostan iyo saaxiibkiis oo isku fasal ahaayeen Xuseen, kadib ayey si lama filaan ah ula kulmeyn wiil ay Maryan isku fasal yihiin oo reer Waqooyi ah kuwaan u naqaanay ( Qaldaan) oo Maryan laga celcelinaayo oo rabo in uu dilo.

Ostan afkaa taagmay asagii oo isku haaya aleelahe maanta yaan hortaada lagu dilin jaceylkaaga se aan dhaqso ficil sameynin, ayaa waxaa kala ceshay wiil ay Maryan isku xaafad ahaayeen oo walaalkeedna saaxiib ahaayeen oo la dhihi jiray Abukar oo ayadii gacanta qabtay oo waday .
Maalintaas Ostan fursad uu isku xoreeya ayaa soo martay kamase faa,ideysan se wuxuu Ostan hubay in aysan dhici laheyn in Maryan hortiisa loogu gacan qaado.

Akhristoow ugu danbeyntii waxaa la soo gaaray xiritaankii Dugsiga halkaas oo Ostan mar kale fasalkii 7 ka gudbay, maryanna ay ayaduna fasalkii 6 ka gudubtay.

Ostan waxaa kaloo uu rajo ka leeyahay in uu Maryan mar uun gaarsiiyo warqad Jaceyl uu u qoray, Buug dhan ayuu Ostan siduu maalinba warqad uga goynaayey uu ku idleeyey, wuxuu waraaqihiisa Cinwaan uga dhigi jiray ( caweyska dhalinyaradda ee Jubba ) !!!.

Maalintii danbe wuxuu sawiray nin iyo gabadh isku dhagan oo aad u qurux badan , markaas buu jaceylkiisii iyo dhibaatada uu qabo Maryan u muujiyey, se sida kuwii hore oo kale kuma guuleysan in uu u dhiibo Maryan ooy Akhrisato.

Laakiin wuxuu ku Guuleystay in uu warqadaan xifdiyo oo aysan marna ka lumin in badan ayuuna haayey oo bilooyin faro badan ah.

la soco qeybta 4 aad ee sheekada jaceylkii dugsiga dhexe Insha Allah.

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.

[email protected]

Xoolo dhaqato lagu dilay Galgaduud.

Labo ruux oo shacab xoola dhaqata ah ayaa maanta waxaa kooxo hubaysan ay ku dileen degmada Gelinsoor ee gobolka galgaduud.

Dilka labada ruux ayaa waxaa fuliyay shan qof oo ku hubaysnaa bistoolada iyo qoryo marka ay dilka fuliyaana goobta ka baxsaday ,waxaana xaalada kacsanaan ay ka jirtaa gudaha degmada.

Goobaha ganacsiga ee degmada Gelinsoor ayaa wada xeran  waxaana ay dadka ay ka baqayaan in dilkaan uu saamayn dhinacooda ku yeesho maadama laysku dilayo anooyin qabiil.

Degmada Galinsoor waa mid kamid ah degmooyinka gobolka Galgaduud ee ay ku soo noq noqdeen dagaalo beeleedka waxaana inta ay socdeen dagaaladaas naftooda ku waayay dad badan oo ay ku jiraan kuwa maanta la dilay.

Muxuu Eebbe SW Tukaha uga dhigay Macallimka dadka? (Mucjisada Qur’aanka Kariimka ah)

Sida aynu lasoconna ama ogsoonnahay tukuhu wuxuu kamid yahay baalleyda Ilaahay abuuray, waana shimbir inta badan caan ku ah luuqad waluba iyo dal kasta. Shimbirkani waa shimbira uu Ilaahay u doortay inuu noqdo macallimka dadka, si uu u bara habka ugu wanaagsan ee bini aadamigu u asturi kara maydkiisa. Quraanka uu Nebi Muxammad (NNKH) inoo keenay 1400 sano kahor ayaa inoo sheegay in sunnada mayd asturka uu asalkii hore ina baray tukaha, taasoo ka dhignayd inuu Ilaahay ina barayay markuu inooga qisoonayay xaadisadaasi in shimbirkani yahay shimbir macallim ah oo dadka wax aad muhiim ugu ah baray. Haddii Quraanku aanu jiri lahayn, dadyoowga kalee aanan Islaamka ahayn ayaan jahligaasi la wadaagi lahayn, maadaama aanay jirin diin kaloo xustay sha’niga shimbirkaasi marka laga reebo ta Islaamka.Sida aynu ogsoonnahay jariimadii ugu horreysay ee dil bini aadam ee koonkani ka dhaca wuxuu ahaa dilkii loo geystay Haabiil wiilkii Aadam, ee uu ugeystay walaalkiis Qaabiil ina Aadam. Qisadaasi waa caan, Rabbi baana Quraankiisa inooga qisooday, culimada mufasiriintuna si wanaagsan bay inoogu bayaaniyeen macaanida aayadahaasi ka hadlaya dilkii Qaabiil uu diley walaalkiis Haabiil.Sababta dilkaasi wuxuu ahaa Shaydaan oo markaasi cadaw xasad ah ku ahaa Aadam iyo durriyadiisa, maadaama uu Aadam sabab u ahaa in Ibliis la fogeeya, lacnadda Allana dushiisa la saara.Dilka markuu dhacay kadib, oo Qaabiil uu diley walaalkiis Haabiil, baa Ilaahay usoo saaray tuke aasaya meydka tuke kale, markaasuu Qaabiil inta shallaayay yiri ”Hoogayeey!! miyaan ka caajisay inaan  u astura meydka walaalkey sida uu tukaasi u asturaya meydka walaalkiis”?

Aayadahan kamidka ah suuradda Al Maa’ida buu Ilaahay inoogu qisooday dhacdadaasi.

{ وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِن أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الآخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللَّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ (27) لَئِن بَسَطتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقْتُلَنِي مَا أَنَاْ بِبَاسِطٍ يَدِيَ إِلَيْكَ لِأَقْتُلَكَ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ (28) إِنِّي أُرِيدُ أَن تَبُوءَ بِإِثـْـمِي وَإِثـْـمِكَ فَتَكُونَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ وَذَلِكَ جَزَاء الظَّالِمِينَ (29) فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَه فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ (30) فَبَعَثَ اللَّهُ غُرَابًا يَبْحَثُ فِي الأَرْضِ لِيُرِيَهُ كَيْفَ يُوَارِي سَوْءَةَ أَخِيهِ قَالَ يَا وَيْلَتَى أَعَجَزْتُ أَنْ أَكُونَ مِثْلَ هَذَا الْغُرَابِ فَأُوَارِيَ سَوْءَةَ أَخِي فَأَصْبَحَ مِنَ النَّادِمِينَ (31).

Alle wuxuu leeyahay


”Ku aqri korkooda (uga warran) warkii labadii wiil ee Aadam si dhab ah, markay saddaqeysteen saddaqa, oo laga aqbalay midkood (Haabiil), kii kalena (Qaabiil) aanan laga aqbalin, oo uu yiri (Qaabil) waan ku dili, oo kii kalena (Haabiil) uu yiri (jawaab ahaan) wuxuunbuu Alle ka aqbalaa kuwa dhowrsada. Haddaad usoo fidiso gacantaada xaggayga si aad ii disho, anigu ma usoo fidinaya gacantayda xaggaada si aan kuu dila, (maxaa yeelay) waxaan anu ka cabsan Ilaahay, ee Rabbiga caalamiinta. Oo waxaan anugu doonayaa inaad la noqoto dambigeyga iyo kaakuga, oo aad noqoto naarta ehelkeeda, taasuna waa abaalmarinta daalimiinta. Markaasay u qurxisay naftiisa (Qaabiil) inuu dila walaalkiis (Haabiil), wuuna diley, wuxuuna kamid noqday kuwa khasaaray. Wuxuu Alle tusiyey (Qaabiil) tukeqodaya dhulka si uu utusiyo siduu u asturo meydka walaalkiis, wuxuuna yiri hoogayeey miyaan ka caajisay inaan noqdo sida tukahaan oo kale, oo aan asturo meydka walaalkay, wuxuuna noqday mid shallaaya”. (Al Maa’idah: 27-31).
Waxaa haddaba is weydiin mudan muxuu Eebbe ugu doortay tukaha inuu noqdo macallimkii ugu horeeyay ee bara bini aadamka qaabka uu meydkiisa u aasan lahaa? Muxuuse Ilaahay xayawaan kale ama shimbir kale uga dhigi waayay macalimkii bari lahaa insaanku sunnadaasi?Ugu horreyn daraasaadka casriga iyo culimada ku takhasustay baalleyda (inta duusha) waxay iktishaafeen noolaha ama shimbirka loo yaqaan tukaha inuu yahay shimbirka ugu caqliga badan shimbiraha oo dhami. Waxay culimada casrigu ay kusheegeen daraasaddii ay uga hadleen shimbirkan tukaha inuu yahay midka ugu caqliga badan uguna dhagarta badan shimbiraha, waxay kaloona intaasi raaciyeen, inuu yahay shimbirka keliya ee astura meydkiisa, iyadoo arrintaasu dhawaan uun lagu ogaaday dabagal iyo baaritaan lagu sameeyay noolahan duula. Laakiin Quraanka ayaa inoo sheegay 1400 sano kahor in tukuhu aasa meydkiisa, halka ay iyagu dhawaan uun ku ogaadeen daraasaad iyo baaritaano ay dhici karta dhibaatooyin badan inay kala kulmeen, tiiyoo aanan la yaraysan karin dhaqaalihii arrinkaasi uga baxay.Daraasaddu waxay xustay in tukuhu leeyahay maxkamad kala xukmisa dembiyada ka dhex dhacda, iyadoo maalinta tuke kamid ah tukayaashaasi la xukminaya ay isu yimaadaan tukayaal badan oo isaga kala yimid meelo kala duwan si ay uga qeyb qaataan daawashada maxkamaddaasi. Waxay kaloo intaasi ku dartay daraasaddani in marka tuke dembiila ah la xukminaya in aanu meeshaasi marka ka qaylinin iyadoo tukayaasha kaloo dhami ay qaylinayaan, wuxuuna tukaha eedeysanaha ahi yara kala bixiyaa labadiisa baalal oo hoos usii deeyaa, isagoo muujinaya inuu ictiraafsan yahay dembigiisa. Daraasaddu waxay intaasi ku dartay haddii tuke uu dilo tuka kale inay tukayaasha oo dhammi isugu tegaan tukihii falka dilka ah sameeyay, oo miinqaarkooda (qudka dhuuban) ay la wada dhacaan isagoo haba yaraatee wax iska caabin ah aanan sameyn, badalka uu ictiraafsan yahay dembigiisa darteed, sidaas ayayna ku wadayaan sida ay madaxa uga kubinayaan jeer uu dhinta, dabeetana midka ugu xoogga badan tukayaasha ayaa qaadaya oo ku aasaya meel aanay dadba ujeedin, isagoo sharfaya meydka, waa sida ay xustay daraasadani.

Cadaaladdu waa sheyga ay umaduhu ku kala horumaraan, waxaadna taasi ka garan kartaa sida Quraanku ugu amaanay Alle arrinka cadaalladda ah. Sidoo kale waxaa tusaale mug weyn arrinkaasi u ah xaalka dunida maanta, waddamada ku horu maray inay dadkooda caddaalad u sameeyaan, waa meelaha ugu amniga badan uguna nolasha fiican, marka la eega noolasha adduunyada. Roobab baa ka da’a, nacfigooduna waa joogta.

Haddii ay caddaaladdu dadka kala horumarisa, Quraanku wuxuu inoo sheegay in tuku arrin muhiim ah cilmigeeda uu uga hor maray bini aadamka, taasoo ah asturka meydka, taasoo tukaha uu insaanku uga dheereeyay. Sidaas oo kale, daraasaddu waxay xustay heerka caddaaladda tukaha iyo halka ay gaarsiisan tahay, jaanibka kalena waxay daraasaddu xustay in tukuhu wax dheeryahay baalleyda kale iyo xayawaannada kale (sida bini aadamka cadaallada fala uu wax u dheeryahay kan aan falin oo kale). Taasoo ayideysa in Quraanku xaq yahay, xagga Rabbina uu ka yimid.

Dhawaan ayay reer galbeedku oo immika ku talax tegey culuumta casriga ay wax ka ogaadeen noolaha tukaha, iyadoo horey wax macluumaat ah noolashiisa looga haynin, laakiin Qur’aanka uu Muxammad (NNKH) inoo keenay xilli noolahani tukaha ah cid macluumaat ka keeni kartaa aanay jirin (1400 sano kahor) baa Ilaahay uu inoogu warramay in tukuhu yahay noole sha’ni weyn leh, wax badanna ka duwan shimbiraha iyo xayawaannada kale. Sidaa daraaddeed buu Ilaahay ugu doortay inuu bara bini aadanka habka loo astura meytidooda, maadaama uu isagu ahaa noolaha keliya ee aasi jirey meydkiisa.

Tani waxay caddeyneysaa sha’niga Quraanka iyo weynidiisa, iyo inuu yahay mid mucjisa ah oo ka warramay wax ay adag tahay in laga warrama, xilli weliba ay dhici karin waxan oo kale in qof uu ka warramaya, laakiin Allihii abuuray xilliyada kala duwan, iyo dhammaan makhluuqaadka oo dhan ayaa qaddaray in Quraanku uu noqdo mucjisada waarta oo wax hore iyo wax dambeba ka warranta.

Waxaa is weydiin mudan haddii Muxammad (NNKH) uu Quraankani kala yimid meel aan Alle agtiisa ahayn, sidee buu uga warramay arrinka tukaha iyo inuu yahay noole wax badan dheer noolayaasha kale? Mise isagaa daraasad arrintaasi ku sameeyay oo wax badan ka ogaaday? Laakiin ma jirin xilligaasi qalabka loo adeegsada daraasaadkan iyo culuumta casriga.

Waa daliil waafi ah oo ku wajahan inta uu shakigu kaga jira in Quraanku aanu ahayn hadalkii Ilaah.

WD: Mohammed Dahir Abdi
Email: [email protected]
_________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka, lama daabacan kara idan la’aan.
_________________________________________________________

Jowhar oo saaka loo jiheystay iyo wararkii ugu dambeeyay weerarka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Amisom ayaa saakay mar kale u dhaqaaqay degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Guutadii koowaad ee Ciidamada saakay dhanka Jowhar qabtay ayaa waxaa ay ka talabeen deegaanka  Qalimow iyagoo ku soo dhow dhow deegaanada Boorow iyo Garsaale ee duleedka degmada Jowhar.

Ciidamada ayaa qaabka lugta ku baxay saakay maadama roobaab ay biyo dhigeen waddooyinka laga galo degmada jowhar .

Taliyaha Ciidamada dowlada Cornel Sanay oo aan wax ka waydiinay inay la wareegayaan Jowhar iyo in kale ayaa ka gaabsaday oo waxaa uu sheegay inay tahay howl gal Militeri.

Dad arkay Saakay Ciidamada Amisom iyo dowlada ayaa warbaahinta u xaqiijay  jiritaanka weerarkan, wallow ay dhaci karto in ciidamada ay dib u soo laabtaan sababo Roobab wadooyinka biyo dhigay dhulkana uu yahay dhoobey oo ma gali karaan gawaari.

Xiisad cabsi ayaa ka tagaan Jowhar maanta laakiin waxaa Shaqaynaya goobaha ganacsiga .