25.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

AUSSOM oo SOOMAALIYA u xaqiijisay hal arrin oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka taliska howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay taageeradooda dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku jirto ee dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Maxamed El-amine Souef oo maanta la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa caddeeyay taageeradooda buuxda ee dagaalka.

Labada masuul ayaa intii kulanka socday waxay uga wada-hadleen arrimaha howl-galka cusub ee Midowga Afrika, kaasi oo horraantii sanadkan si rasmi ah uga bilowday gudaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika iyo howlgalka cusub ee taageerridda iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS.

Intii uu socday kulanka, danjire Souef ayaa tilmaamay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed ciribtirka kooxaha argagixisada ee ugu horreyso Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu Midowga Afrika uga mahad-celiyey taageerrada naf-hurnimada leh ee uu la garab joogo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uuna caddeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta ah ee isku soo bahaystay in dalkeena ay nabadda u diidaan.

Daawo: Muxuu Xasan ka sheegay shirka uu maanta ka furay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha 7-aad ee garsoorka dalka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka cutubka 9-aad ee dastuurka ay aas-aas u tahay helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay guulaha la taaban karo ee sanadihii la soo dhaafay laga gaaray horumarinta garsoorka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

1- Shaqaaleysiinta howl-wadeenno cusub oo loo maray hannaan tartan furan oo cadaalad ah iyo 2- Hirgelinta nidaamka elektarooniga ah ee dacwadaha, kaas oo si joogto ah loo horumarinayo si loo dedejiyo habsami u socodka adeegyada garsoorka.

“Dowladdu waxa ay si weyn uga shaqeynaysaa in cutubka ku saabsan garsoorka uu noqdo mid [sida ugu wanaagsan] u qaabeeya arrimaha garsoorka, iyada oo la hubinayo in dastuurku uu saldhig u noqdo garsoor casri ah oo dabooli kara baahida caddaaladda ee bulshada,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa waxa kale uu adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda dhammeystirka dhismaha nidaam garsoor oo casri ah, hufan oo ay saldhig u tahay shareecadda Islaamka.

Ugu dambeyntiina wuxuu soo bandhigay tallaabooyinka lagu xaqiijinayo oo ay ka mid tahay dhismaha maxkamadda dastuuriga ah, sare u qaadidda miisaaniyadda hay’adaha garsoorka iyo baahinta adeegga garsoorka dalka.

Maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya oo loo digay – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli sii kordhaya khataraha ka imaanaya kooxaha burcad-badeeda, kadib markii ay kordheen weerarada ay ku qaadaan maraakiibta shisheeye, sida ay maanta shaca ka qaaday hay’adda caalamiga ah ee badaha.

Hay’adda oo warbixin sanadkeed soo saartay ayaa digniin u jeedisay maraakiibta, waxayna ku boorisay howlwadeennada inay sameeyeen feejignaan xilliyada ay isaga kala gooshayaan xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed.

Warbixin sanadeed kasoo baxday Xafiiska Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee Badaha Caalamiga ah (IMB) ayaa lagu sheegay in weli ay jirto khatarta burcad-badeedda, loona baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo looga hortagayo kooxdaasi.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegtay in siddeed weerar oo budhcad-badeed ah ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, kuwaas oo lagu afduubtay labo markab oo kalluumeysi iyo markab xamuul ah

“Maamulayaasha iyo hawl-wadeennada maraakiibta waxaa si adag loogu dhiirri-gelinayaa inay si adag u feejignaadaan, una hoggaansamaan dhammaan talooyinka hab-dhaqannada maamulka ugu wanaagsan inta ay uga sii gudbayaan Gacanka Guinea iyo biyaha Bariga Afrika,” ayuu yiri Michael Howlett oo ah agaasimaha IMB.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay in burcad-badeedda Soomaalida ay ku beegsan karaan maraakiibta meel xeebaha Soomaaliya u jirta 1,000 mayl-badeed, iyagoo isticmaalaya doonyaha dheereeya.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo dhowaan burcad-badeed laga sii daayay markab kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qafaashay xeebaha deegaanada Puntland.

Xogta heshiis cusub oo maanta ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Sacuudiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta heshiis cusub oo muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho, kadib kulan dhex-maray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad.

Labad mas’uul ayaan kulankooda diirradda ku saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee ay si gaar ah Dowladda Soomaaliya mudnaan u siinayso.

Sidoo kale kulankan oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, madaxda Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, Safiirada laba Dal ee Soomaaliya iyo Saudi Arabia ayaa waxaa lagu saxiixay heshiis is afgrad ah oo dowladda Sucuudigu ay ku maalgalinayo qodista Ceelal Biyoodyo iyo horumarinayo Reer Miiga.

Wasiir Biixi oo faah-faahiyay shirka ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay abuuridda fursado dhaqaale oo lagu maalgalinayo bulshada Soomaaliyeed, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wax-soosaarka.

“Talaabooyinka horumarineed ee lagu maalgalinayo ilaha dhaqaalaha ayaa ah natiijo ka dhalatay hannaankii deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay ku maamushay waddadii saxnayd” ayuu yiri wasiirku.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, waxaanaay ka wada hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha la maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac ayaa xoogga saaray sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa, arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga, maadaama uu sanduuqani kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda, sidoo kalena uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.

Al-Shabaab oo hab yaableh qarax ku gelin rabay Muqdisho iyo Booliska oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka hortegay weerar qaraxyo ah oo ay doonayeen in Al-Shabaab ay ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska.

Qaraxyada ayaa laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah, balse inta uuna soo gelin gudaha caasimada ayaa waxaa ciidanka ay ku qabteen agagaarka degmada Afgooye.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxafaadeedka.

Al-Shabaab ayaa si farsameysan oo yaableh qaraxan kusoo gelin rabtay magaalada Muqdisho, waxayna gaariga kusoo xireen sameecado si aan loo fahmin, balse waxaa ugu dambeyn ku fahmay booliska oo saaka fashiliyay, kadibna burburiyay qaraxyada.

“Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaarigaa gacanta Boliiska ku jira”.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli sidaan oo kale habeen hore ciidamada ammaanka ay u fashiliyeen isku day Al-Shabaab doonayeen inay weerar uga gaystaan gudaha degmada Daarusalaam, halkaas oo laga maqlay qaraxyo ay dheemish ku sheegtay dowladda dhexe.

Dagaal culus oo ka dhex-qarxay Al-Shabaab iyo Khasaaraha

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Baay oo hoostaga Koonfur Galbeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldhuun-Adeegow oo qiyaastii 42-km waqooyi galbeed ka xiga magaalada Baydhaba.

Sida uu shaaciyay Telefishinka Koonfur Galbeed dagaalka ayaa salka ku hayay muran dhaqaalaha ay Al shabaab ka qaadaan dadka shacabka ah ee loo yaqaano Zakawaat.

Xubnaha dagaalamay ayaa waxaa soo kala dhex-galay isfaham-waa xoogan, kaas oo keenay inay wada dagaalamaan maleeshiyaadka kooxda dhexdeeda.

Inta la xaqiijiyay illaa afartameeyo ka tirsan Khawaarijta ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, waxaana ku jiro rag amiiro ah oo magac ku lahaa deegaanka Ceeldhuun-Adeegow ee gobolka Baay.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in weli ay xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana dhinacyada dagaalamay ay abaabul ka wadaan aagga deegaanka Ceeldhuun-Adeegow.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maleeshiyaadkeeda ku dhex-maray gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.

Wasiir Fiqi oo si adag ugu jawaabay Shariif iyo CC: Cudur siyaasadeed baa ku dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jawaabay xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee eedeymaha u jeediyay dowladda dhexe.

Fiqi ayaa si gaar ah uga falceliyay shirkii jaraa’iid ee ay shalay wada qabteen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo weerar culus ku qaaday Madaxweynaha, iyaga oo ka horyimid heshiis uu lasoo galay Itoobiya iyo arrinta doorashada.

Wasiirka ayaa xasuusiyay in saddexda ninba ay ka tirsan yihiin baarlamaanka, isla markaana waxa ay diidaan, gaar ahaan arrinta doorashada ay meel-mariyeen labada gole, balse ay muuqdaan kuwa leh dano kale oo siyaasadeed oo haddana deg-degaya.

“Baarlamaanka ay saddexdaan oday ka tirsan yihiin ayaa ansixiyey doorashada ay ka cabanayaan.. Guddiga doorashada madaxa banaanna maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashada ayay inoo sheegeen.! Malaha ayadaa laga hordhacayaa.! Sanado ka hor waxay madaxweynihii hore ku eedayn jireen doorasho diid, haddana madaxweynahan waxay ku eedaynayaan doorasho qof iyo cod ayuu qabanayaa (doorasho Doon)” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale weerar jawaab celin siiyay xubnaha mucaaradka, isaga oo tilmaamay in aysan kala garaneyn waxa ay rabaan iyo waxa ay diidaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Markay halkaas joogto “tiiha siyaasadda” ayaa muuqata oo ah cudur siyaasadeed oo ay qofka isaga qaldanto waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay! Shalay iyo maanta! Maslaxadiisa iyo dhibkiisa!” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyn wuxuu ku celiyay in dalka uu aadan doorasho toos ah, loona baahan yahay in loo diyaar garoobo, kadibna boorka laga jafo xisbiyada iyo ururada siyaasadda,

Saameynta Trump ku yeeshay heshiiska ay Soomaaliya bad ugu ogolaatay Itoobiya

0

11-kii December 2024, dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska “Baaqa Ankara” la gashay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Rai’isal Wasaare Abiy Axmed kadib wadahadallo uu martigeliyay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiskaas qodobadiisa, labada hoggaamiye waxay isku raaceen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, midnimada, gobonimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda. Labada dhinac ayaa sidoo kale oggolaaday inay dhameystiraan “heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba dan u ah iyadoo la marayo heshiisyo laba geesood ah, oo ay ku jiraan qandaraasyo, kireysiyo, iyo habab la mid ah, kuwaas oo u oggolaan doona Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin la isku halleyn karo, ammaan ah, oo waara oo ay ku tagto kuna soo noqoto badda, iyadoo hoos imaanaysa awoodda madaxa-banaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Go’aanka Soomaaliya ay Itoobiya ugu ogolaato isticmaalka dekedda ayaa u muuqda mid ka dhashay doorashadii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu mar labaad kusoo baxay. Waxa sidoo kale, ay ka walaacsanayd in maamulka cusub ee soo socda uu aqoonsan karo madaxbanaanida Somaliland, oo ah maamul goboleed iskiis isku magacaabay oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya.

Somaliland ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Itoobiya 1-dii Janaayo 2024 kaas oo ballanqaaday in dekedo ganacsi iyo mid milateri ay ku siin doonto Itoobiya oo ku yaalla xeebaheeda iyadoo beddelkeeda Itoobiya ay ballanqaaday inay aqoonsan doonto gooni-isu-taagga iyo madaxbanaanideeda.

Soomaaliya ayaa u muuqata inay isku dayeyso inay ka hortagto go’aan kasta oo maamulka cusub ee Mareykanka uu ku aqoonsanayo madaxbanaanida Somaliland.

Soo jeedinta aqoonsiga Somaliland ayaa taageero weyn ka haysata taageerayaal iyo la-taliyayaal badan oo ku dhow Trump.

Qeyb ka mid ah mashruuca Project 2025, oo cinwaankeedu yahay “Mandate for Leadership: The Conservative Promise,” oo ay diyaariyeen dhowr urur oo muxaafid ah oo ay hoggaaminayso Hay’adda Heritage Foundation si ay u noqoto jaantuska maamulka Trump, lana faafiyey April 2023, ayaa ku baaqeysa in Mareykanku “uu aqoonsado qaranimada Somaliland si looga hortago hoos u dhaca doorkaMareykanka ee Jabuuti.”

Dhowr qof oo ku lug lahaa qorista iyo horumarinta warbixinta ayaa horey loogu magacaabay jagooyin maamulka soo socda, oo ay ku jiraan Stephen Miller (Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad) iyo John Ratcliffe (Agaasimaha CIA).

Aqoonsiga Somaliland waxaa sidoo kale riixayey la-taliyayaal sare oo arrimaha dibadda ah oo ka soo shaqeeyay maamulkii hore ee Trump. J. Peter Pham, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee gobolka Sahel iyo gobolka Harooyinka Waaweyn, ayaa sheegay in Somaliland ay “muujisay soo jiidashadeeda iyadoo ah waddan la shaqeyn kara Mareykanka iyo dalal kale.”

Tibor Nagy, oo ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika, ayaa sheegay in maamulka labaad uu yeelan doono “u damqasho badan oo ah Somaliland,” sababtoo ah “Somaliland way isku taagtay, aad bayna u taageersan tahay reer Galbeedka, aad bayna u taageertaa suuqa xorta ah, waxayna daryeeshaa ammaanka dhulkeeda, waxayna qabataa doorashooyin joogto ah.”

Sida laga soo xigtay Nagy, fikradda ah in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya waa “khuraafaad” iyo “macno darro sababo kala duwan dartood.”

Wuxuu intaas ku daray in “laga yaabo, haddii maamul cusub uu ku guuleysto doorashooyinkeena madaxtinimada ee soo socda, riyada Somaliland ee ah inay noqoto xubin si buuxda loo aqoonsan yahay oo ka tirsan beesha caalamka ay rumoobi doonto.”

Michael Rubin, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa 3-dii Janaayo 2024 daabacay maqaal cinwaankiisu yahay, “Mareykanku Waa inuu Taageeraa Madaxbanaanida Somaliland,” isagoo si cad ugu baaqaya aqoonsi.

Laakiin hadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa u muuqda inuu gaaray hadafkiisii isagoo aan u baahnayn inuu aqoonsado Somaliland ama halis geliyo iska horimaad uu la galo Soomaaliya, taasoo taageero militari ka heshay Masar iyo Eritraa. Labadan dal ayaa iyaguna khilaaf kala dhexeeya dowladda Itoobiya, waxayna ballanqaadeen inay taageeri doonaan Soomaaliya haddii khilaafka uu isu beddelo dagaal.

Hoggaamiyaha Itoobiya uma badna inuu soo dhoweyn doono faragelin aan habbooneyn oo ka timaadda dadka Mareykanka ee aragtiyaha qaar rumaysan, taasoo carqaladeyn karta qorshihiisa, xasilooni darrana ka dhalin karta gobolka.

Waxaa la gudboon in madaxda Mareykanka ay iska indhatiraan ololaha taageerayaasha Somaliland ayna ka fogaadaan Geeska Afrika.

W/Q: Daniel Volman

Daniel Volman waa agaasimaha Mashruuca Cilmi-baarista Amniga Afrika ee ku yaalla Washington, DC (www.africansecurity.org). Waxa uu khabiir ku yahay siyaasadda millatariga Mareykanka ee Afrika iyo arrimaha amniga ee qaaradda Afrika.

Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qarxiyay SH/DHEXE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Doonka Buurfuule, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka

Ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, halka uu ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kamid ah, kuwaas oo la socday baabuurka ay miinada haleeshay.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ayaa deg-deg loo soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo maamulka HirShabelle ee ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee shacabka lala beegsaday.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa waddooyinka galiya maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsaday ciidamada, balse waxaa khasaare uu kasoo gaaraa rayidka.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo deegaanada qaar weli kaga sugan gobolkaasi oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Blinken oo xog yaab leh oo lagu farxo ka bixiyey awoodda Xamas kadib 14 bil dagaal ah

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa khudbad sagootin ah oo uu jeediyay ku sheegay in Xamaas ay awood u yeelatay inay qorato dagaalyahanno cusub oo ku dhow tirada ay Israa’iil ku dishay duqeymaha ba’an ee ay ku hayso Marinka Gaza.

Hadallada Blinken ee Talaadadii uu ka jeediyay Golaha Atlantic ee Washington DC ayaa daaha ka qaadaya qiimeyn dhif iyo naadir ah oo sirdoonka Mareykanku ku sameeyay awoodda Xamaas, taasi oo u muuqata inay carqaladayn karta sheegashada Israa’iil ee ah “guul buuxda iyo ciribtirka Xamaas” kadib xabbad-joojin suuragal ah,

Iyadoo Israa’iil ay ku guulaysatay inay beegsato hoggaanka sare ee Xamaas ee Gaza, Lubnaan iyo Iiraan, Blinken ayaa sheegay in kooxdu ay wali awood ku leedahay Marinka Gaza ayna carqaladayn karto qorshayaasha maamulka dagaalka kadib ee gobolka.

Khudbadda Blinken ayaa timid xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin xil-haynta maamulka Biden. Khudbaddu waxay ahayd mid aan caadi ahayn oo toos ah, waxaana ku jiray dhaleecayn ku wajahan xulafada Mareykanka.

“Israa’iiliyiintu waa inay ka tanaasulaan khuraafaadka ah inay si sharci-darro ah dhul ula wareegi karaan iyadoo aan wax cawaaqib ah ama khasaare ah soo gaarin dimoqraadiyadda Israa’iil,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu intaas ku daray in Israa’iil ay ballaarineyso deegaamaynta ayna qarameynayso dhul “si ka dhaqso badan waqti kasta tobankii sano ee la soo dhaafay” iyo in “weerarada rabshadaha wata ee ay kuwa xag-jirka ah ku hayaan dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay gaareen heerkii ugu sarreeyay”.

Blinken wuxuu daaha ka rogay qorshayaashiisa ku aaddan maamulka Gaza ee dagaalka kadib, laakiin waxaa hareeyay sheegashadiisa ah inuu qorshayaashaas u gacan gelin doono maamulka madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.

‘Blinken-ka Dhiigyacabka ah’

Kooxda ku-meel-gaarka ah ee madaxweynihii hore ayaa dhawaanahan wax hadal ah ka soo saarin aragtidooda ku aaddan Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto. Si kastaba ha ahaatee, ninka Trump u xushay safiirka Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa horey u sheegay in “aysan jirin wax la yiraahdo deegaamayn”.

Blinken wuxuu sheegay in Israa’iil “ay qasab tahay inay aqbasho mideynta Gaza iyo Daanta Galbeed ee hoos timaada hoggaanka Maamulka Falastiin ee la cusboonaysiiyay” ayna “waajib tahay inay qaadato waddo waqtiyeysan oo shuruudo ku xiran oo ku wajahan dhisidda dowlad madaxbannaan oo Falastiiniyiin ah”.

Wuxuu intaa ku daray in maamulka Biden uu doonayo in maamulka Falastiiniyiinta ay ku casuunto “saaxiibada caalamiga ah inay gacan ka geystaan aasaaska iyo maamul ku-meel-gaar ah” ee gobolka burburay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgalka amniga ee ku-meel-gaarka ah uu ka koobnaan doono ciidamo ka socda “wadamada wadaagga ah” iyo shaqaale Falastiiniyiin ah oo la hubiyay.

Blinken wuxuu bilo badan ku bixiyay ka shaqaynta qorshaha maamulka Gaza ee dagaalka kadib. Khudbaddiisa ayaa timid xilli maamulka Biden uu hadda hareeyay madaxweynihii hore, kaasi oo ku soo laabashadiisa Aqalka Cad ay u muuqato inay soo dedejisay wada-hadallada xabbad-joojinta.

Khudbadda Blinken waxaa sidoo kale carqaladeeyay qof qaylinayey kaasoo ku qayliyay ku dhawaad daqiiqad, isagoo ku tilmaamay “Blinken-ka dhiigyacabka ah, xoghayaha xasuuqa”.

Qabyo-qoraalka heshiiska xabbad-joojinta ee si weyn loo faafinayo, kaasoo sarkaal sare oo reer Galbeed ah uu sheegay in la isku raaci karo Jimcaha, ayaa u muuqda mid ku dhawaad la mid ah kuwii la soo bandhigay xagaagii iyo dayrtii 2024-kii.

Israa’iil ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in heshiisku uu u oggolaado inay dib u bilowdo dagaalka marka ay doonto, halka Xamaas ay sheegtay inay sii dayn doonto la haystayaasha kaliya haddii si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

Warbaahinta Israa’iil ee Haaretz ayaa Talaadadii sheegtay in ergeyga soo socda ee madaxweynihii hore ee Bariga Dhexe, Steven Witkoff, uu Netanyahu ku cadaadiyay heshiiska, isagoo xafiiskiisa ugu tagay Sabtidii si uu ugu raaco soo jeedinta, taasoo ahayd tii uu horey u diiday.

Warbaahinta Israa’iil iyo ilo ku dhow wadahadallada ayaa u sheegay AFP in wajiga koowaad ee heshiiska lagu sii dayn doono 33 la hayste oo Israa’iiliyiin ah. Dhanka kale, laba ilo Falastiiniyiin ah oo ku dhow Xamaas ayaa sheegay in Israa’iil ay sii deyn doonto ilaa 1,000 maxbuus oo Falastiiniyiin ah beddelkeeda.

Sarkaal ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa u sheegay AFP in “dhowr boqol oo argagixiso ah la sii deyn doono” iyadoo qayb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale Talaadadii sheegtay in heshiiska la soo jeediyay uu Israa’iil u oggolaanayo inay sii haysato aagga xuduudka ee gudaha Gaza inta lagu jiro fulinta wajiga koowaad.

Xamaas waxay sheegtay inay rajaynayso “heshiis cad oo dhammaystiran”, iyadoo intaa ku dartay inay la tashiyo la yeelatay kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ayna u sheegtay “horumarka la sameeyay”.

R/W Xamza oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan dagaalka PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta Tiyaatartka Qaranka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday Daacish.

Xamza ayaa si weyn u taageeray howlgallada ka socda gobolka Bari, isaga oo ku bogaadiyay ciidamada Puntland u dhaqaaqay buuraha ay ku jiraan xubnaha Daacish.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay garab taagan tahay Puntland, isla-markaana taageero nooc waliba ay diyaar ula tahay.

“Dowladda Federaalka waxa ay si buuxda u garab taagan tahay ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira cadowga Daacish, waxaanan ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka cadowga” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Shalay dowladda dhexe oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa Puntland iyo shacabkeeda ku boggaadisay dagaalka ay u jiheysteen, si ay isaga xoreeyaan kooxaha argagixisada.

“Dowladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda dhexe.

Puntland ayaa howlgalkan oo ka socda gobolka Bari ugu magaca ndartay Hilaac, waxaana ujeedka uu yahay in dhulka buuraha looga saaro maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Xog: DF Soomaaliya oo ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada dalka Sudan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in dowladda Suudaan ay ku garab siiso dib u dhiska ciidankii qaranka, sida ilo diblomaasiyadeed ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Garab istaagga Soomaaliya ay u balan-qaaday Suudaan waxaa fulintiisa ka qeyb qaadanaya Turkiga, waxaana ciidamada Suudaan lagu tababari doonaa Muqdisho.

Soomaaliya oo kaashaneysa Turkiga ayaa Suudaan ka balan qaaday in ay ku garab-siineyso dhismaha ciidankooda qaranka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheysay in duleedka Muqdisho saldhig militeri laga siiyo Suudaan, halkaas oo lagu dhisi doono ciidamadii burburay ee dalkaas.

Tababarka Ciidamada Suudaan waxaa ka qeyb qaadan doona Turkiga, sidoo kale waxaa jira qorshe saraakiil militeri oo Soomaali ah loogu dirayo dalka Suudaan, sida ay sheegeyso xogtaan.

Ciidamada Suudaan oo dagaal kula jira jabhad kasoo hor jeeda dowladda ayaa sidoo kale wajahaya burbur xoog leh, saraakiil iyo ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa hadda loo diyaarinayaa in loo diro Suudaan, si ciidamada dowladda ay uga gacan siiyaan dagaalka kooxda ka soo horjeeda dowladnimada.

Turkiga oo Soomaaliya ay u tahay Albaabka uu ka soo galay qaaradda Afrika ayaa aad u daneeya in Suudaan ay dib u soo kabato oo noqoto dowlad xoog leh, wuxuu diyaar u yahay inuu ku caawiyo gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo doorkeeda dhismaha ciidamada Suudaan qaadaneysa ayaa ugu horeyn balan-qaaday saldhigii lagu dhisi lahaa ciidamada Suudaan, waxaana xiga talaabooyin militeri oo Soomaaliya iyo Turkiga iska kaasha doonaan.

Cabdi Ismaaciil oo Xasan ku eedeeyey inuu Abiy u saxiixay isla heshiiskii Muuse Biixi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ahaa siyaasiyiin maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay heshiiskii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay ku galeen magaalada Ankara, isagoo sheegay in uu lamid yahay kii Muuse Biixi uu saxiixay.

Senatorka ayaa sheegay in Xasan uu qorsheynayo in xukunka uu xoog ku sii joogo, taasina ay ku qasbeyso in dowlad goboleedyada uu dagaal ku qaado, badana iibsado, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wuxuu sheegay in heshiiskii Muuse Biixi iyo kan Xasan Sheekh uu hadda saxiixay ay isku mid yihiin, isagoo ka digay in mustaqbalka umadda Soomaaliyeed la iibsado.

“Heshiiska Xasan uu Ankara kusoo galay waxba ugama duwana kii Abiy uu la galay Muuse Biixi, badda Soomaaliyeed halis ayay ku jirtaa, danta gaarka ah ee Xasan Sheekh iyo danta Abiy Axmed ayaa walaaloobay,” ayuu yiri Prof. Cabdi Samatar.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hadii umadda Soomaaliyeed ay aqbalaan waxa Xasan Sheekh wado ay ku halaagmi doonaan, “Dhulkaan waa hadiyad Allena siiyey, difaacda, cid kale yeysan idinkugu talin dhulkiina,” ayuu yiri.

Goobta uu Senator Cabdi Ismaaciil Samatar hadalkaan ka sheegay waxaa sidoo kale ka hadlay Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo Xasan Sheekh ku dhaliilay sida uu u maareeyey xiisadii Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Itoobiya haddii ay bad ganacsi rabto maxay uga raadsan waysay Jabuuti, Eritrea ama Suudaan, maxay Somalia uga soo doonatay? Xaqiiqda ayaa ah in Itoobiya aysan bad ganacsi rabin, laakiin ay rabto bad ay qaadato mugdi badan ayaana ku jira waxa lagu soo heshiiyay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Sheekh Shariif.

“Madaxweyne Xasan wuxuu caasimadda Ethiopia u tagay in uu soo raaligaliyo Abiy Axmed, muu raaligaliyo walaalihiisa ay talada kala dhaxeyso? sax ma ahan in la raali galiyo wadan nagu soo duulay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay isla goobtaas.

Sawirro: Sacuudi Carabiya oo maanta Muqdisho u soo dirtay masuul ay casuumtay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐌𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝 oo casuumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Maamulaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, kulamadaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo uu weyhliyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xildhibaan Cabdullhi Bidhaan Warsame ayaa intii lagu sugnaa qeybta soo dhaweynta ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Dalka iyo qorshayaasha kulamada soo socda ay siiyeen Suldaan Al-Marshad iyo wafdiga la socday.

Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maamulaha Guud aqbalaadda casuumaddii uu u fidayay.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyo Suldaan Al-Marshad iyo kooxda la socota oo booqasho taariikhi ah noogu yimid, inta lagu guda jiro imaatinkiisa Soomaaliya waxa aan wada yeelan doonaa shirar muhiim ah.”

“Waxa aan isla meel dhigi doonaa fursadda maalgalineed ee hadda ka jira Soomaaliya, si aan sare ugu qaadno dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga waxa uu ka mid yahay hey’adaha sida gaarka ah ula shaqeeya Dowladda sidoo kalena waxa uu qeyb weyn kulahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha ee horseeday in Dowladda Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

Daawo: SHARIIF oo shaki weyn ka muujiyay heshiiska Xasan iyo Abiy, dalbadeyna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka.

Ugu horreyn Sheekh Shariif oo madasha ka hadlay ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa, gaar ahaan siyaasadda uu xilligan ku wajahayo arrimaha dibadda.

“Waxa hadda dhacay aad iyo aad ayaa looga fiican yahay, waxaad arkeysaa 10 heshiis oo lala galay 10 dowladood oo iska soo horjeedo heshiisyada qaar waxa ay dhacayaan hal maalin, waxay ka dhacayaan laba caasimadood oo iska soo horjeedo” auu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday heshiiskii dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa heshiis aan la fileyn, maadaama ay jirtay xiisad xoogan oo u dhexeysay Muqdisho iyo Addis Ababa, welina aan xal laga gaarin.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Itoobiya in ay rabto bad ay qaadato, horayna arrintaasi ay u shaaciyeen mas’uuliyiinta sar sare ee dalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Habka loo maray heshiiskan waa khaldan tahay culeysna waxa ay ku tahay Soomaalida, nabad-na ma ku imaaneyso” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu raaciya “Itoobiya haddii ay bad ganacsi rabto maxay uga raadsan waysay Jabuuti, Eritrea ama Suudaan, maxay Somalia uga soo doonatay? Xaqiiqda ayaa ah in Itoobiya aysan bad ganacsi rabin laakiin ay rabto bad ay qaadato mugdi badan ayaana ku jiro waxa lagu soo heshiiyay”.

Hoos ka daawo:-

DF oo war culus kasoo saartay dagaalka ka socda Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalka culus ee ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaas oo haatan ku socdo si dardarleh.

Ugu horreyn dowladda dhexe ayaa boggaadisay guulaha ay ciidamada Puntland ka gaareen dagaalkaas, kadib markii jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale boggaadisay doorka shacabka Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka daraawiishta ee howlgallada ka wada buuraha Bari.

“Khawaarijta Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyesyay askarta ku dhimatay dagaalkaasi, iyada oo sidoo kale kuwa dagaalamaya u rajeysay inay guul ka gaaraan argagixisada.

“Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi u diraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dalka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay in shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ay ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha Khawaarijta ah.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Nin isku dhex dilay masjid ku yaalla Muqdisho iyo sababta ka dambeysa + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii nin watay toorey uu isku dhexe mindiyeeyay masaajid ku yaal agagaarka isgoyska Korontada.

Dhacdada oo ka dhacday Masjid lagu magacaabo Macallin Nuur ayaa argagax ku noqotay jamaacada masjidka iyo dadka deegaanka, taas oo dhacday xilli la geli rabay salaaddii duhur.

Ninka oo la sheegay in ka xanuunsanaa dhimirka ayaa isku soo xiray mid kamid musqulaha masjidka, kadibna wuxuu is geliyay mindi uu watay, waxaana sidaas soo gaaray dhaawac halis ah, sida uu sheegay qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo gacanta ku dhigay ninkaasi, kadibna geeyay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

“Xilli uu adinka salaadda duhur soo dhow yahay ayaa waxaa aragnay dhiig fara badan oo kasoo baxaya musqusha masjidka, mucjiso wayn ayay nala noqotay nin kaligiis musqul isku soo xiraayo, kadibna toorey is gelinaayo” ayuu yiri odey kamida jamaacada masjidka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mindida isaga ayaa watay booliska oo meesha yimid ayaana ka qaaday, kadibna isaga oo xaalad halis ah ku jiro ayaa la geeyay isbitaal”.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa kusoo badana Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii nin watay mindi uu xaaskiisa ku gowracay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Dekedda Muqdisho oo markii ugu horeysay yeelatay ‘khad toos ah’ burburkii kadib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda magaalada Muqdisho ayaa yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxaa maalintii shalay aheyd dekedda Muqdisho si toos ugu soo xirtay markab u rarnaa ganacsato Soomaali ah oo kasoo shiraacday xeebaha dalka Shiinaha.

Maraakiibta ku soo xirata dekedda Muqdisho ayaa soo mari jirtay dekadaha dalalka mandiqadda ka hor inta aysan imaan xeebaha Soomaaliya.

Khadka tooska ah ee ay haatan kadib maraakiibta ganacsi ku imanayaan dekedda Muqdisho ayaa ka dhigan guul weyn oo Soomaaliya gaartay, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cusmaan Daalo.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay khadka tooska ah, oo ay hormuud u tahay shirkadda Lamu Shipping Limited ayaa sheegay in ay tahay tallaabadani mid ku dayasho mudan

Sidoo kale wuxuu xusay in arrintaan looga baaqsanayo dhibaatadii ay ku qabi jireen ganacsatada Soomaaliyeed oo badeecadahooda sugi jiray muddo dheer, maadaama ay kusoo hakan jireen dekado kale.

Waa markii ugu horreysay burburkii kadib markab ganacsi oo kasoo shiraacda xeebaha dalka Shiinaha uu toos ugu soo xirto marsada Xamar, isagoo markii hore soo mari jiray dekedo ku yaalla bariga Afrika iyo dalalka Carbeed.

Kooxda Daacish oo gacanta looga dhigay diyaaradihi ugu badnaa oo Drone (Sawirro)

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa tacanta kusoo dhigay illaa sagaal diyaaradood oo nooca loo yaqaan Drone-ta.

Diyaaradahan ayaa isugu jira kuwa wax basaasa iyo kuwo ay qaraxyo ku rakiban yihiin una diyaara inay is qarxiyaan, kuwaas oo lahaayeen kooxda Daacish.

Qabashada diyaaradahaan ayaa suurta-gashay kadib dagaal culus oo dhex-maray kooxda Daacish iyo ciidanka maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ciidanka la wareegeen goobo ay kooxda kasoo duuli jirtay.

Gobolka bari waxaa haatan si xowli ah uga socda howl-galka Hilaac ee ciribtirka kooxda argagixisada ee Daacish oo ku dhuumalaysta buuralayda fog ee Calmiskaad.

Maalintii shalay ayey aheyd markii halkaas lagu khaarajiyay in ka badan 20 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ay ku jireen 4 ajaanib ah sida uu sheegay taliska howl-galka ee Puntland.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada.

Balse kadib kooxda Daacish ayaa weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaaday qayb kamid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha deegaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.

Mas’uulkii ugu horreeyay ee DF oo ka hadlay dagaalka ka socda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Puntland ee u dhexeeya ciidamada ammaanka maamulkaasi iyo kooxda Daacish.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee xil ka haya dowladda dhexe ee si toos ah uga hadlay dagaalkaasi, isaga oo Puntland ku taageeray ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale boggaadiyay guulaha waa wayn ee laga gaaray dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, maadaama ciidamada Puntland ay ka saareen dhowr saldhig oo muhiim ah.

“Hambalyo iyo bogaadin Geesiyaasha Daraawiishta Puntland oo Buuraha ku baacsanaya Khawaarijta Daacish.Waxaa garabkiina taaqan Qarankiinna iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Khawaarijtu tahay cadow kusoo duulay dalka, loona baahan yahay in loo midoobo, si dalka looga xoreeyo.

“Khawaarijtu, waa Cadaw si siman halis ugu ah Dadka Soomaaliyeed ciribtirkoodana waa in loo midoobaa” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddo dheer madaxda sare dowladda ay ka aamusan yihiin dagaalka Puntland, sabab la xiriira khilaafka siyaasiga ah ee kala dhexeeya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.