25.1 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Shabaab oo xalay Muqdisho ka sameysay arrin yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Muqdisho ku xirtay miinooyin been abuur ah, taas oo jug culus laheyd.

Jugta miinooyinkan oo markii hore loo maleeyay qaraxyo xoog leh ayaa waxa uu booliska sheegay in kooxda ka laheyd argagax gelinta bulshada ku nool caasimada, oo waayihii dambe ka nastay qaraxyada kooxda.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska.

Miinadan ayaa lagu dhejiyay xarun ganacsi oo ku taalla degmada Daarusalaam, “Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Miinooyinkaas ayuu booliska sheegay in la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan.

Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas, sida uu sheegay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina taliska booliska ayaa ugu baaqay shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal-galinayo bulshada Soomaaliyeed.

DF oo shaacisay arrin weli hortaagan in Itoobiya ka mid noqoto howlgalka AUSSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii Itoobiya loogu dari lahaa qoondada ciidamada ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Balcad ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u qoondeysay ciidamo ka qayb qaata howlgalka, ayna aqoonsatay dalalka la filayo inay ciidamo ku biiriyaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu caddeeyay in ka qaybgalka Itoobiya uu weli yahay mid aan la hubin, iyadoo dowladda ay ku howlan tahay xallinta arrimaha la xiriira qeybinta ciidamada.

“Caqabadda ugu weyn ee hortaagan ka mid noqoshada Itoobiya ee AUSSOM waxay la xiriirtay heshiiskii MoU-ga. Arrintaas waa la xalliyay. Caqabadda hadda jirtaa waxay tahay in inta badan qoondada ciidamada horey loo qoondeeyay, ayna yar tahay waxa ka haray in la qeybiyo. Waxaan si firfircoon ugu shaqeyneynaa sidii xal loo heli lahaa,” ayuu yiri Balcad.

Kadib kulan dhowaan ka dhacay Addis Ababa oo dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, labada dal ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed ee buuxa kaas oo ay waxyeello gaarsiisay heshiiskii MoU-ga ee Somaliland.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ku adkaysaneysay in ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalineed ee mustaqbalka uu ku xiran yahay in ay ka laabato heshiiskeedii MoU-ga ee Somaliland.

Heshiiskaas oo la saxiixay Janaayo 2024, ayaa u oggolaaday Itoobiya inay marin bad oo dhanka Badda Cas ah ka hesho Somaliland, taas oo Soomaaliya u aragto faragalin lagu hayo midnimadeeda dhuleed.

In kasta oo ay sidaas tahay, haddana Soomaaliya ayaa dhawaan jilcisay mowqifkeeda, iyadoo aqoonsatay doorka Itoobiya ee howlgallada nabad ilaalinta ee hoos yimaada Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Wafdi ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda u safraan Itoobiya si ay uga hadlaan faahfaahinta farsamo ee la xiriirta ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka. Tani waxaa ka mid ah xaqiijinta tirada ciidamada iyo hubinta in ka qaybgalka Itoobiya uu waafaqsan yahay danaha qaran ee Soomaaliya iyo madaxbanaanideeda.

Balcad ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhawaan soo magacaabi doonto safiirkeeda Soomaaliya, halka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya uu bilaabi doono waajibaadkiisa rasmiga ah.

Shirka saddex geesoodka Asmara oo lagu qabanayo Muqdisho – Maxaa isbedelay?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelin doonta kulanka labaad ee fulinta heshiisyadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka Asmara.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar oo Axaddii kulan ku yeeshay Qaahira, ayaa arrintaan isla gaaray, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Kulankaas ayaa u daarnaa sidii ay dib u eegis ugu sameyn lahaayeen fulinta qodobadii ay madaxda saddexda dal ku heshiiyeen intii lagu guda jiray shirkii Asmara ee dhacay 10-kii October 2024.

Kulanka Qaahira ayaa waxaa marti-galiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyadoo uu ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibeadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Ereteriya, Cusmaan Saalax Maxamed.

Wasiirrada ayaa markaas si gaar ah uga wada-hadlay amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo weliba taageeridda mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyey in kulanka labaad ee saddex geesoodka uu ka dhici doono Muqdisho, inkastoo taariikh rasmi ah aan weli la shaacin.

Wasiirradu waxay isku raaceen in ay sii xoojiyaan isku-dubaridka dadaallada lagu xaqiijinayo heshiisyadii Asmara.

Shirka Asmara oo lagu saxiixay bilowgii khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradkii Somaliland, ayaa diiradda saarayey xoojinta amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka iyo in la taageero mabaadi’da aan faragelin gudaha dalalka kale.

Waxaa la filayaa in shirka Muqdisho uu si qoto dheer u faaqidi doono hirgelinta heshiisyada iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda gobolka.

Madaxweyne CIRRO oo magacaabay masuuliyiin cusub + Magacyada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa magacaabay masuuliyiin cusub, kuwaas oo ah agaasimeyaal guud.

Masuuliyiintan oo gaaraya illaa 10 agaasime ayaa waxaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ee Somaliland oo loogu magacaabay Maxamed Cali Maxamuud Shabeel.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu Maxamed Cabdiraxmaan Xasan Rooble u magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland

Hoos ka aqriso liiska magacyada masuuliyiinta la magacaabay;

1. Maxamed Cali Maxamuud Shabeel, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland.

2. Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Cumar (Ilkacase), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland.

3. Maxamed Cabdiraxmaan Xasan Rooble, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

4. Liibaan Maxamuud Diiriye Waaberi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Somaliland.

5. Aadan Cabdillaahi Cabdalle Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha ee Somaliland.

6. Saleebaan Ibraahin Maxamuud Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland.

7. Cali Cige Maxamuud Dubad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Somaliland.

8. Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Somaliland.

9. Eng Maxamuud Xuseen Aadan Jabaake, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland.

10. Maxamed Siciiid Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Somaliland.

Xisbiga AKP oo ka hadlay in Erdogan uu tartami doono mar afaraad iyo in haddii kale

Ankara (Caasimada Online) – Afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa Isniintii sheegay in u gogol xaarista in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu markii afaraad u tartamo xilka madaxweynenimada ay “ku jirto ajandahooda”, isagoo intaa ku daray in arrinta muhiimka ahi ay tahay in shacabku ay doonayaan.

Erdogan, oo ah hoggaamiyaha ugu muddada dheer dalka Turkiga casriga ah, ayaa xilka hayay in ka badan labaatan sano, isagoo marka hore ahaa ra’iisul wasaare ka dibna madaxweyne.

Sida uu qabo xadka muddo xileedka madaxweynenimada ee Turkiga, wuxuu ku jiraa muddo xileedkiisii ugu dambeeyay haddii aan wax ka bedel lagu sameyn dastuurka ama baarlamaanku ku dhawaaqin doorasho waqigeeda ka soo hormarta.

Markii ugu horreysay waxaa madaxweyne loo doortay 2014-kii iyadoo la marayo nidaam baarlamaani ah, waxaana dib loo doortay 2018-kii iyo 2023-kii ka dib markii wax ka bedel dastuuri ah ay sameeyeen xisbigiisa talada haya ee AKP iyo xulafadooda MHP, si dalka looga dhigo mid ku dhaqma nidaam madaxweyne.

Marka wax laga weydiiyay hadal dhex maray fanaan iyo Erdogan dhammaadkii toddobaadka kaasoo Erdogan uu kaga jawaabay su’aal ku saabsan inuu u tartamo muddo xileed cusub isagoo leh: “Diyaar ayaan u ahayd haddii aad u tahay”, afhayeenka AKP Omer Celik ayaa sheegay in AKP ay ku faraxsan tahay in arrintaas la soo hadal qaaday.

“Annaga oo ah kuwa la safan Madaxweynaha, waa ajandaheena,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara. “Waxaan ka arki doonnaa qaacidada. Siyaasadda, hal sano waa waqti aad u gaaban, hal maalin waa mid aad u dheer. Waxa muhiimka ah waa in shacabkeennu ay doonayaan,” ayuu raaciyay.

“Marka aan eegno dhacdooyinka naga xeeran, waxaa muuqata fursad kasta sida ay muhiim u tahay aqoonta iyo rabitaanka siyaasadeed ee madaxweynaheennu uu u leeyahay dalkeenna,” ayuu raaciyay.

Bishii November, hoggaamiyaha MHP Devlet Bahceli ayaa soo jeediyay fikradda ah in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka si loogu oggolaado madaxweynaha inuu mar kale u tartamo doorashada la filayo inay dhacdo 2028.

Wax ka beddelka dastuurka waxaa loo gudbin karaa afti haddii 360 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka oo ka kooban 600 kursi ay taageeraan. Doorasho waqtigeeda ka soo hormarta waxay sidoo kale u baahan tahay taageerada 360 xildhibaan.

AKP iyo xulafadeeda waxay haystaan 321 kursi.

Muxuu A/Madobe ka yiri dagaalka ka socda Puntland?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii u horreysay ka hadlay dagaalka ka socda maamulka Puntland ee u dhaxeeyay kooxda Daacish iyo maamulka.

Madoobe ayaa si weyn u bogaadiyay howl-galada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Puntland, isagoo adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka.

“Dagaalka argagixisada waa in midnimo loo wajaho, si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sidoo kale wuxuu ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howl-galka lagu cirib-tirayo kooxda oo ayadu sanadihii dambe culeys amni ku haysay maamulkam

Waxa kale oo uu tilmaamay in howl-galkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayntiina wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay ku garab istaagan maamulla Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howl-galkan.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.

Xuutiyiinta Yemen oo gantaalo ku weeraray ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – Milatariga Israel ayaa Talaadada maanta ah sheegay inay dhowr jeer isku dayeen inay soo ridaan gantaal laga soo riday Yemen kaasi oo dhawaqa digniinta ka yeeray bartamaha dalka.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa yimid wax ka yar maalin ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen inay gantaal ku rideen Tel Aviv, kaasi oo ciidamada Israel ay sheegeen inay dhex ka qabteen.

“Ka dib markii digniinta lagu dhawaaqay meelo badan oo ku yaalla bartamaha Israel, waxaa la sameeyay dhowr isku day oo lagu qabanayo gantaal laga soo riday Yemen,” ayuu militarigu ku yiri bayaan uu soo saaray abaare 3:30 subaxnimo (0130 GMT).

“Gantaalka waxay u badan tahay in la qabtay,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in aan la soo sheegin wax dhaawac ah ama burbur ah.

Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay weerarkii subaxii Talaadada, iyagoo sheegay inay rideen “gantaal xawaare sare leh” oo ku socda “magaalada Jaffa ee la haysto”, taasi oo ula jeedaan xarunta ganacsiga Israel ee Tel Aviv.

Gantaal ridista ayaa timid ka dib weerarkii habeenka Isniinta kaasi oo la sheegay in lagu qabtay gantaal kale oo laga soo riday Yemen “ka hor inta uusan soo gelin dhulka Israel”, sida uu sheegay militariga.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku socda isla gobolkaas.

Waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda ilaa “inta laga joojinayo gardarrada loo geysanayo Falastiiniyiinta”.

Tan iyo markii uu dagaalka Gaza billaawday October 2023, Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ugu ridayey Israel taasi oo ay ku sheegeen inay tahay midnimo ay u muujinayaan Falastiiniyiinta.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haysa qaybo ka mid ah Yemen, Israel-na waxay dhowr jeer duqeysay bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee gudaha dalka oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

Xogta weerar caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo jug oo xoog leh ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana la helayaa faahfaahin hordhac ah, sida ay wax u dhaceen.

Sida ay ilo wareedyo dhanka amniga ah u sheegeen Caasimada Online, jugta la maqlay waa weerar kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Daarusalaam.

Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen saldhig ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee Boolis-Militeri ay ku leeyihiin degmada Daarusalaam.

Weerarkaas wuxuu si gaar ah uga dhacay saldhig ku yaalla jidka Jaayga ah ee Daarusalaam ka aada dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha, kooxda geysatay waxaa la sheegay inay jidkaas ku yimaadeen.

Mootooyin nooca FEKON-ta ah ayaa la sheegay inay wateen xubnaha weerarka geystay, ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jirto faahfaahin weli ka soo baxday dowladda.

Kooxda weerarka fulisay ayaa naloo sheegay inay ridayeen Sabanno, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas toos ah.

Is-rasaaseyn dhowr daqiiqo socotay ayaa goor dambe joogsatay, waxaana la sheegay in dhica degmada Deyniile ay u baxsadeen raggii weerarkaas geystay oo la aaminsan yahay inay Shabaab yihiin.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Sawirro: Ciidamada Puntland oo maanta Daacish badan ku dilay buuraha Calmiskaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada ay guulo ka gaareen dagaal maanta ay ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Dagaalkaas ayaa maanta ka dhacay buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay kooxda ka qabsadeen dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen buuraha Calmiskaad, kadib dagaal toos ah oo maanta dhexmaray labada dhinac.

Wasiir Caydiid waxaa uu sheegay in deegaanka Bali-dhidin ee maanta dagaalku ka dhacay uu ahaa halkii ay ku xoogganaayeen kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin.

Puntland ma sheegin khasaaraha inta uu la’eg yahay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Bali-dhidin ee gobolkaas.

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay sawirrada meydadka xubno ajaanib ah oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas oo ciidamada Puntland ay dagaalka ku dileen.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ay ku qaadeen buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Daacish.

Sawirro: DF oo Aadan Cadde ka soo dejisay rag ku lumay xeebta Muqdisho oo laga helay Shiinaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, raggaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya.

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintaan ka soo badbaadiyay badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayey ku jireen badda, iyadoo Doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey muwaadiniintaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii galabta laga soo dejiyey Muqdisho.

Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay Doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha Badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Seddax maalmood ka hor 10-kii bishaan Janaayo 2025 ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, maanta 13-ka Janaayo laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxaa laga yeelaya qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa kadib heshiiskii Addis

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Kadib isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiskii Addis Ababa ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sanad kadib waxaa soo laabatay saaxiibtinimadii labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa oo horey dowladda federaalka u amartay in la xiro.

Sidoo kale qunsuliyadda Garoowe, oo xilligii ay sida weyn isku hayeen Soomaaliya iyo Itoobiya uu saameeyay khilaafka ayaa iyaduna si toos ah loo hoos geeyay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan wixii ka dambeeya ay qunsuliyadahan si toos ah u hoostagi doonaan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, halka horey ugu madax-banaanayeen howlahooda.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda, Danjire Cali Balcad oo wareysi siiyay VOA ayaa arrintaan xaqiijiyay, isagoo sheegay in labada dal ay sidoo kale isku afgarteen in Itoobiya qunsulo cusub usoo magacowdo Hargeysa iyo Garoowe.

Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu Garoowe ka sagootiyay qunsulkii Itoobiya u fadhiyay magaaladaasi, kadib markii looga yeeray dalkiisa, loona sheegay inuu soo idlaaday waajibkiisi shaqo.

Inkasta oo aysan Itoobiya u hoggaamsamin amarkii hore ee dowladda Soomaaliya ku xirtay labada qunsuliyadood, ayaa haatan waxay Addis Ababa muujineysa dabacsanaan, xilli ay dhinacyada isku soo dhawaanayaan kadib sanad uu khilaaf xooggan ka dhex aloosna.

Xogta dagaal culus oo maanta ka dhacay Puntland – Yuu u dhaxeeya?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa maanta markale ka dhacay gudaha maamulka Puntland, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo ururka Daacish.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkan ay ku dileen in ka badan 20 qof oo ka tirsan maleeshiyadda Daacish.

Dagaalkan ayaa ka dhacay togga Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira degmada Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna billowday abaare sideedii subaxnimo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Puntland, Afhayeenka ciidamada Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu ku bilowday qarax, hoobiyaal iyo diyaarado Drones ah oo lala beegsaday ciidamadda Puntland.

Afhayeenka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu dilay oo kor u dhaafay 20 ay ku jiraan ajaanib, halka afar kamid ah ay ahaayeen caddaan iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhankayaga waxaa nooga dhintay laba askari, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaarigooda qarax lala eegtay,” ayuu yiri afhayeenka oo xaqiijiyay khasaaraha soo gaaray dhankooda.

Waxa uu intaas ku daray in Daacish ay adeegsadeen diyaarado yaryar oo drone ah, oo walxo qarxa ay kusoo xireen, kuwaas oo uu sheegay in la soo riday.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay la wareegeen fadhiisinkii kooxda Daacish. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.

Arrin ka cusub himilada SACUUDIGA ee Nukliyeerka

0

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan ayaa sheegay in boqortooyada ay qorsheyneyso in ay lacag ka sameyso dhammaan macdanaha kala duwan oo ay ku jirto iibinta uranium-ka.

“Waan bacramin doonnaa, waana iibin doonnaa, waxaana samayn doonnaa ‘doolshada huruudka ah,” ayuu Amiir Cabdulcasiis ka sheegay shir ka dhacay Dhahran, isagoo tixraacaya budada laga sameeyo macdantaas oo loo isticmaalo in lagu diyaariyo shidaalka uranium-ka ee warshadaha Nukliyeerka.

Maadadan ayaa u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo inkasta oo ay khatar yar oo shucaac ah leedahay.

Sacuudi Carabiya waxay leedahay barnaamij Nukliyeer oo soo koraya oo ay doonayso inay ballaariso si ay ugu dambayn ugu darto hodminta uranium-ka, taas oo ah arrin xasaasi ah marka loo eego doorka ay ku leedahay hubka Nukliyeerka.

Riyadh ayaa sheegtay inay doonayso inay isticmaasho tamarta Nukliyeerka si ay u kala duwdo tamarta ay isticmaasho.

Lama oga halka ay ku dhammaan doonaan himilooyinka Nukliyeerka ee Sacuudiga, maadaama Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan uu sheegay 2018 in boqortooyadu ay samayn doonto hub Nukliyeer haddii Iran oo ay gobolka ku xafiiltamaan ay sidaas samayso.

Imaaraadka Carabta, oo ay ka wada tirsan yihiin Khaliijk,a ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee Carab ah ee yeesha warshad tamarta Nukliyeerka ah. Imaaraadku wuxuu ballan-qaaday inuusan bacramin doonin uranium-ka, oo uusan dib u farsamayn doonin shidaalka la isticmaalay.

Boqortooyada ayaa sheegtay sannadkii hore inay qorsheyneyso inay meesha ka saarto kormeerka fudud ee ay hay’adda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ku hayso xarumaha Nukliyeerka, ayna u wareegto kormeer caadi ah dabayaaqada 2024-ka.

Riyadh weli ma shidin warshadeedii ugu horreysay ee Nukliyeerka, taas oo qasbeysa in barnaamijkeeda la kormeero iyadoo la raacayo hab-raaca SQP, oo ah heshiis ay la gashay Wakaaladda Tamarta Atomiga ee Caalamiga ah (IAEA) oo dalalka aan sidaa u horumarsanayn ka reebaya waajibaadyo badan oo warbixin iyo kormeer ah.

Markabkii ay $10-ka milyan ka dalbadeen burcad badeeda oo la sii dayey kadib markii…

Boosaaso (Caasimada Online) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay Isniinta maanta ah in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, kaas oo lagu afduubtay meel ka baxsan xeebta Soomaaliya bishii November, la sii daayay isaga iyo 18 shaqaale ah oo saarnaa.

Safaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in shaqaalaha la soo badbaadiyay Isniintaka dib “dadaallo aan kala go’ lahayn oo ay samaysay dowladda Shiinaha.”

“Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo khatar galiyay badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah, waxayna sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadahooda ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Markabka iyo shaqaalihiisa ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November waxaana lala aaday degmada Xaafuun ee dowlad-goboleedka Puntland, oo ah dhul ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya.

Burcad-badeedda afduubatay markabka ayaa markii dambe dalbaday madax-furasho dhan $10 milyan.

Lama oga in lacagta la bixiyay iyo in kale.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in “dowladda Shiinaha ay wadashaqeyn iyo iskaashi dhow kala lahayd” mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul-goboleedka Puntland dadaallada lagu soo bad-baadinayay markabka iyo shaqaalihiisa.

Afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar laga diiwaan geliyay xeebaha Soomaaliya.

Dhacdooyinka, si kastaba ha ahaatee, si aad ah ayay hoos ugu dhaceen tan iyo markaas, taas oo inta badan ay sabab u aheyd joogitaanka ciidamada badda ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee biyaha caalamiga ah.

AP + VOA

Dowlada oo ku dhowaaqday hannaanka loo marayo xubinimada guddiga qaran ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hannaanka loo marayo kamid noqoshada Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in gursaddan ay tahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta iyo horumarinta tacliinta sare ee dalka.

Shuruudaha xubinnimada ayaa waxaa kamid ah soo gudbinta dukumentiyo rasmi ah, oo ay ku jiraan CV, shahaadooyin tacliimeed, warqad codsi shaqo iyo cilmibaarisyo hore.

Xubnaha cusub ayaa lagu dooran doonaa hannaan waafaqsan sharciga tacliinta sare, gaar ahaan qodobka 12-aad iyo faqradihiisa kala duwan oo qeexaya habraaca xulashada.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in codsiyada la xareyn karo illaa 30-ka Janaayo 2025, iyadoo ay wasaaraddu sheegtay in loo baahan yahay xubno leh aqoon, waayo-aragnimo, iyo karti sare si ay ugu adeegaan hormarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Waajibaadka guddigan ayaa waxaa kamid ah; dejinta siyaasadaha qaran ee tacliinta sare oo la jaanqaadi kara ujeeddooyinka guud ee qaranka, ka talabixinta horumarinta tacliinta sare iyo ku xirideeda baahida suuqa.

“Guddigan waxaa lagu soo xulan doonaa hanaan waafaqsan sharciga tacliinta sare, qodobka 12-aad, faqradihiisa 2-aad, 3-aad, 4-aad iyo 5-aad. Waxaana codsiyada lagu hagaajinayaa guddi hawleedka u xilsaaran arrinkan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Soomaaliya oo amar siisay safiirkeeda Itoobiya kadib kulankii Xasan iyo Abiy

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadashay isbeddalka ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib wada-hadalladii ka dhacay Addis Ababa ayaa soo saartay amar ku socda safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.

Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda, Cali Balcad oo boggaadiyay guulaha laga gaaray wada-hadalladii ugu dambeeyay ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya la farayo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa inuu xoogga saarayo arrimaha Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Cali Balcad ayaa sheegay in markii hore ay Soomaaliya ay diiradda saareysay oo kaliya Midowga Afrika balse ay kla shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood.

“Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa oo xoogga saari jiray arrimaha Midowga Afrika awal waxa u xooggiisa saarayay AU-da oo wax badan kama qabaneyn arrinta Itoobiya balse hadda kaddib waxa uu xoojinayaa arrimaha Itoobiya” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxay soo dirsan doonaan labadii Qunsul ee u kala joogay Muqdisho iyo Garowe, kuwaas oo hoos imaa doona safaaradda Muqdisho,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan dadaallada, gaar ahaan yoolka ah sidii la isugu dheeli-tiri lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya maadaama horay loo kala qaybiyay Dowladaha iyo sida ay ciidamadooda uga qaybgali karaan.

Itoobiya ayaa haatan dadaal xoogleh gelineyso, sidii ay ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howlgalka cusub, waana sababta ugu wayn ee soo dadajisay heshiiska.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay khilaaf diblumaasiyadeed oo dhex yaalay muddo sanad ah, waxaana Xasan Sheekh iyo Abiy ay ugu dambeyn soo afjareen xiisadda.

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo iclaamiyay dagaal ay ku qabsanayaan…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo hadal ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood ayaa hanjabaad culus u diray Somaliland oo uu weli kala dhexeeyo dagaal ku aadan gacanta ku heynta Sool iyo Sanaag.

Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoobayaan dagaal horleh, si ay u qabsadaan deegaannada weli ka maqan gacantooda, isaga oo wacad ku maray inay adeegsan doonaan awood ciidan, si ay u qabsadaan deegaannadaasi.

Hoggaamiyaha SSC ayaa si gaar ah u carab baabay magaalada Ceerigaabo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Somaliland, isaga oo ku goodiyay inay ka saari doonaan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray bulshada SSC-Khaatumo oo uu ku booriyay inay u dyaar garoobaan dagaalkaan, isaga oo ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halganka socda.

“Waxaa halkan uga sheegaya Reer SSC meel ay joogaanba in loo diyaar-garoobo sidii aynu ugu guuri lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag inta gacanteenna ka maqan si aynu u dhammaystirno halgankii aan u galnay dhulkeenna iyo masiirkeenna” ayuu yiri Firdhiye.

Dhinaca kale waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland in ay dhibaato ku hayaan bulshada dadka deegaanka, gaar ahaan dadka kasoo jeeda SSC, ayna ka hortagi doonaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan labada dhinac ay ku dagaalameen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, inkastoo dib loo durjiyay SSC.

Somaliland oo ku dhowaaqday qorshe xiisad abuuri kara oo la xiriira hawada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in waddo  qorshe ay dib ugu soo ceshanayso maamulka hawada, arrintaas oo ah horumar xasaasi ah oo kordhin kara xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya.

Hawada saree e Soomaaliya, oo ay haatan maamusho dawladda Soomaaliya, ayaa hore ugu hoos jirtay kormeer caalami ah ka hor inta aan la wareejin dhowr sano ka hor.

Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Garoomada ee Somaliland, ayaa xaqiijiyay in dib u soo celinta maamulka hawadu ay mudnaanta koowaad u leedahay xukuumadda.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo ay jirto muran daba dheeraaday oo kala dhexeeya Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, kaasi oo socday muddo sanado ah.

“Waxaa muran nagala dhexeeyaa Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, hadafkayaguna waa inaan dib u soo celino gacan ku haynta buuxda ee hawadeena,” ayuu yiri Wasiir Fu’aad.

“Waxaan qaadeynaa tallaabooyin sharci ah si aan dib ugu soo ceshano gacan ku haynta,” ayuu Fu’aad sharaxay. “Waxaan qorshaynaynaa inaan raadinno taageero sharci oo caalami ah si ay noogu caawiso howshan.”

Khilaafka hawada ayaa waxaa sii kordhiyay heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya u ogolaaday inay hesho marin badeed, beddelkeedana ay aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland.

Soomaaliya, oo u aragta Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda, ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiska, iyadoo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Khilaafku wuxuu hore u sababay dhowr dhacdo oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin diidmadii Soomaaliya ee duullimaadyo badan oo ku socday Somaliland, gaar ahaan duullimaadyadii Ethiopian Airlines oo siday saraakiil sar-sare.

Maamulka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u celiyay diyaarad Ethiopian Airlines ah iyo diyaarad xamuul ah, oo labaduba oo isku dayay inay ka degaan Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Khilaafka hawada ayaa sidoo kale sababay walaac dhinaca ammaanka ah. Horraantii 2024, mas’uuliyiinta duulista hawada caalamiga ah ayaa soo wariyay dhacdooyin sababi karay isku dhac diyaaradeed, sida kiis dhowaan dhacay oo u dhexeeyay diyaarad Qatar Airways ah iyo Ethiopian Airlines.

Tilmaamaha is-khilaafsan ee kontoroolka taraafikada hawada (ATC), gaar ahaan kuwa ka imanaya kontoroolayaasha aan la fasixin, ayaa sare u qaaday digniinta ku saabsan badqabka duullimaadyada ku safraya hawada Soomaaliya.

“Arrinta tilmaamaha is-khilaafsan ee ATC waxay noqonaysaa khatar amni oo halis ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ururka Duulista Hawada Caalamiga ah (ICAO). “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda si loo hubiyo badqabka duullimaadyada caalamiga ah.”

Soomaaliya ayaa ka jawaabtay khilaafka sii kordhaya iyadoo hirgelisay nidaamyo isgaarsiineed oo cusub si ay si hufan ugu maamusho taraafikada hawada.

Nidaam cusub oo telefoonka satellite-ka ah oo ay adeegsadaan kontoroolayaasha taraafikada hawada ee Soomaaliyeed ayaa ujeedkiisu yahay in wax laga qabto walaacyada ammaanka iyadoo la hagaajinayo isgaarsiinta diyaaradaha ku duulaya hawada lagu muransan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa dhaleeceysay dadaalladan, iyadoo ku eedaysay Soomaaliya inay nidaamkan u isticmaalayso si ay u sii wiiqdo maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale ku eedaysay Soomaaliya inay si xun u maamushay in ka badan $60 milyan oo dollar oo loogu talagalay maareynta taraafikada hawada iyo horumarinta garoomada diyaaradaha.

Hay’adda Duulista Hawada ee Somaliland ayaa ku andacootay in Soomaaliya ay ku guuldarraysatay inay ixtiraamto heshiisyada la xiriira kaabayaasha garoomada diyaaradaha, taasoo horseedday carqaladeyn ku timaada taraafikada hawada iyo dib u dhac weyn oo ku yimid horumarinta waaxda duulista hawada ee Somaliland.

Marka laga soo tago dib u soo ceshiga gacan ku haynta hawada, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso ballaarinta iyo casriyeynta garoomada diyaaradaha ee muhiimka ah ee dalka oo dhan.

Dib u habayn ayaa loo qorsheeyay garoomada diyaaradaha ee Burco iyo Boorama, halka garoonka casriga ah ee Berbera si buuxda loo hawlgelin doono si loo xoojiyo isku xirnaanta Somaliland, sida ay sheegtay xukuumadda.

Israel oo ciidamadeeda kala baxeysa Gaza xilli Xamaas ay sameysay soo rogaal-celin

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa ansixisay qorshayaal ay ciidamadeeda kaga saarayso Marinka Gaza, kadib markii horumar laga sameeyay wadahadallada maxaabiis is-dhaafsiga ee lala yeeshay Xamas, waxaaa sidaas weriyey warbaahinta Isarel.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in militarigu uu oggolaaday qorshayaal dhowr ah oo ciidamada si degdeg ah looga saarayo Gaza, taas oo jawaab u ah horumarka laga sameeyay wadahadallada.

Waxaa la darsay dhowr ikhtiyaar, oo ay ku jiraan in ciidamada laga soo saaro marinka Netzarim, kaas oo Gaza u kala qaybiya laba qaybood.

Inkastoo ay ka dhiseen kaabayaal ballaaran iyo saldhigyo ciidan gobolka, militariga ayaa sheegay in ay “daabuli” karaan ciidamada, iyagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiis kasta oo ay gaaraan dowladda iyo ururka iska-caabinta reer Falastiin, oo ay ku jirto in ciidamada si degdeg ah looga saaro Gaza.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa horay u shaaciyay in wafdi uu hoggaaminayo madaxa hay’adda sirdoonka Mossad David Barnea iyo Ronen Bar, oo ah madaxa hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet, ay u safri doonaan Qatar si ay u sii wadaan wada-hadallada.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka hor inta aan lagu dhawaaqin qorshaha la kulmay Steve Witkoff — oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale sheegay, in 90% faahfaahinta heshiiska maxaabiis is-dhaafsiga ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamas la soo gaba-gabeeyay, isagoo soo xiganaya ilo siyaasadeed.

Arrintan ayaa imaneysa ayada Xamas ay Gaza ka sameysay soo rogaal celin weyn, sida dhowaan laga soo xigtay warbixin uu baahiyay taleefishinka Channel 12 ee Israel, taas oo uu sidoo kale xaqiijiyay wargeyska The Jerusalem Post.

Sida ay sheegtay Channel 12, Xamas iyo xoogagga kale ee Ururka Islamic Jihad ayaa tiradooda hadda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000-23,000 dagaalyahan. Tiradan cusub ayaa imaneysa ayada oo dhowaan tirada dagaal-yahanada lagu sheegay 12,000.

Tiradan cusub ayaa sidoo kale su’aal gelineysa sheegashadii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo ciidamada difaaca Israel (IDF) oo sheegtay in inta u dhaxaysa 17,000-20,000 dagaalyahan oo Xamas iyo Islamaic Jihad ah ah lagu dilay dagaalka.

AUSSOM oo ka hadashay tallaabadii u dambeysay ee Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa war kasoo saaray horumarka laga gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna taliska soo dhaweeyay isku soo dhawaanshaha Muqdisho iyo Addis Ababa oo heshiis gaaray.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AUSSOM, Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay isbeddalka ku yimid xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood ee dariska ayaa bogaadiyay in ugu dambeyn ay soo afjareen khilaafkii muddada u dhexeeyay.

Mohamed El-Amine ayaa shaaca ka qaaday  in tani ay xaqiijineeyso in lasii wado ka miro dhalinta qodobadii labada dal ay ku heshiiyeen, kadib shirkii ka dhacay magaalada Ankara.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, horumarinta isdhexgalka dhaqaale, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu danjiruhu xusay in howlgalka AUSSOM ay ka go’an tahay in uu taageero dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka, si waafaqsan rabitaanka dadka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee nabad iyo barwaaqo Afrika ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin kahor dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in xiriirkoodii ay dib u soo celiyaan, si meesha looga saaro xiisaddii ka dhalatay heshiiskii bedda ee uu horraantii sanadkii hore Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya ayaa iyaduna haatan qorsheneysa inay ka mid noqota howlgalka cusub ee AUSSOM oo sanadkan 2025, si rasmi ah uga bilowday gudaha Soomaaliya.