25.1 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Israel oo ciidamadeeda kala baxeysa Gaza xilli Xamaas ay sameysay soo rogaal-celin

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa ansixisay qorshayaal ay ciidamadeeda kaga saarayso Marinka Gaza, kadib markii horumar laga sameeyay wadahadallada maxaabiis is-dhaafsiga ee lala yeeshay Xamas, waxaaa sidaas weriyey warbaahinta Isarel.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in militarigu uu oggolaaday qorshayaal dhowr ah oo ciidamada si degdeg ah looga saarayo Gaza, taas oo jawaab u ah horumarka laga sameeyay wadahadallada.

Waxaa la darsay dhowr ikhtiyaar, oo ay ku jiraan in ciidamada laga soo saaro marinka Netzarim, kaas oo Gaza u kala qaybiya laba qaybood.

Inkastoo ay ka dhiseen kaabayaal ballaaran iyo saldhigyo ciidan gobolka, militariga ayaa sheegay in ay “daabuli” karaan ciidamada, iyagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiis kasta oo ay gaaraan dowladda iyo ururka iska-caabinta reer Falastiin, oo ay ku jirto in ciidamada si degdeg ah looga saaro Gaza.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa horay u shaaciyay in wafdi uu hoggaaminayo madaxa hay’adda sirdoonka Mossad David Barnea iyo Ronen Bar, oo ah madaxa hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet, ay u safri doonaan Qatar si ay u sii wadaan wada-hadallada.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka hor inta aan lagu dhawaaqin qorshaha la kulmay Steve Witkoff — oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale sheegay, in 90% faahfaahinta heshiiska maxaabiis is-dhaafsiga ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamas la soo gaba-gabeeyay, isagoo soo xiganaya ilo siyaasadeed.

Arrintan ayaa imaneysa ayada Xamas ay Gaza ka sameysay soo rogaal celin weyn, sida dhowaan laga soo xigtay warbixin uu baahiyay taleefishinka Channel 12 ee Israel, taas oo uu sidoo kale xaqiijiyay wargeyska The Jerusalem Post.

Sida ay sheegtay Channel 12, Xamas iyo xoogagga kale ee Ururka Islamic Jihad ayaa tiradooda hadda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000-23,000 dagaalyahan. Tiradan cusub ayaa imaneysa ayada oo dhowaan tirada dagaal-yahanada lagu sheegay 12,000.

Tiradan cusub ayaa sidoo kale su’aal gelineysa sheegashadii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo ciidamada difaaca Israel (IDF) oo sheegtay in inta u dhaxaysa 17,000-20,000 dagaalyahan oo Xamas iyo Islamaic Jihad ah ah lagu dilay dagaalka.

AUSSOM oo ka hadashay tallaabadii u dambeysay ee Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa war kasoo saaray horumarka laga gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna taliska soo dhaweeyay isku soo dhawaanshaha Muqdisho iyo Addis Ababa oo heshiis gaaray.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AUSSOM, Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay isbeddalka ku yimid xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood ee dariska ayaa bogaadiyay in ugu dambeyn ay soo afjareen khilaafkii muddada u dhexeeyay.

Mohamed El-Amine ayaa shaaca ka qaaday  in tani ay xaqiijineeyso in lasii wado ka miro dhalinta qodobadii labada dal ay ku heshiiyeen, kadib shirkii ka dhacay magaalada Ankara.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, horumarinta isdhexgalka dhaqaale, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu danjiruhu xusay in howlgalka AUSSOM ay ka go’an tahay in uu taageero dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka, si waafaqsan rabitaanka dadka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee nabad iyo barwaaqo Afrika ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin kahor dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in xiriirkoodii ay dib u soo celiyaan, si meesha looga saaro xiisaddii ka dhalatay heshiiskii bedda ee uu horraantii sanadkii hore Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya ayaa iyaduna haatan qorsheneysa inay ka mid noqota howlgalka cusub ee AUSSOM oo sanadkan 2025, si rasmi ah uga bilowday gudaha Soomaaliya.

Xogta qarax culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya maanta lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kiyonga oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, xilli ay socdaal ku jireen ciidamada Kenya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleeyay mid kamid kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo baaxad leh.

Ugu yaraan illaa 5 askari ayaa lasoo wariyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro burbur soo gaaray baabuurka uu qaraxu haleelay.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.

Askari ka timid Kuuriyada Waqooyi oo nolol lagu qabtay ayagoo u dagaalamaya dalka…

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Sabtidii sheegay in laba askari oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi ay ku qabteen gobolka Kursk ee Ruushka. Waa markii ugu horreysay oo Ukraine ay shaaciso qabashada askarta Kuuriyada Waqooyi oo nool tan iyo markii ay galeen dagaalka dayrtii hore.

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa galay dagaalka dhanka Ruushka bishii October, sida laga soo xigtay Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka, kuwaas oo markii hore tiradooda ku qiyaasay 10,000 ama ka badan.

Qoraal uu soo dhigay X, Zelenskiy wuxuu ku sheegay in askarta la keenay Kyiv ayna la hadlayaan Adeegga Amniga Ukraine (SBU), oo ah hay’adda sirdoonka gudaha ee dalkaas.

“Si la mid ah dhammaan maxaabiista dagaalka, labadan askari ee Kuuriyada Waqooyi waxay helayaan gargaarka caafimaad ee lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Zelenskiy. Waxa uu sheegay in saxafiyiinta la siin doono fursad ay kula hadlaan.

Kyiv ayaa sheegtay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay ka dagaalamayaan gobolka Kursk, halkaasi oo Ukraine ay duulaan ku qaaday bishii August. Kyiv ayaa sheegtay in ay wali gacanta ku hayso dhul gaaraya dhowr boqol oo kiilo mitir oo isku wareeg ah oo halkaas ah.

Pyongyang ayaa sidoo kale Ruushka siinaysay tiro madaafiic ah, sida ay sheegeen Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka.

Ruushka ma xaqiijin mana beenin joogitaanka ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee Kursk, mana jirto wax falcelin ah oo ka yimid Moscow iyo Pyongyang oo ku saabsan warbixintii ugu dambeysay.

Ukraine ayaa horay u sheegtay in ay dagaalka ku qabsatay askar ka tirsan Kuuriyada Waqooyi, balse ay si xun u dhaawacmeen wax yar kadibna ay dhinteen.

Zelenskiy ayaa muuqaal ku sheegay in askarta ay qabteen ciidamada gaarka ah ee Ukraine.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa soo bandhigay muuqaal laga soo duubay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo ay ku sheegeen in ay muujinayaan qeyb ka mid ah howlgalka.

Muuqaalka ayaa muujiyey shan nin oo xiran dharka cowska u eg oo ku sugan meel kayn ah, in kasta oo tafaasiisha kale ay adkeyd in la qiimeeyo.

Muuqaal ay soo bandhigeen sirdoonka SBU ayaa u muuqday mid muujinaya labada nin ee la qabtay.

Dhaqtar lagu wareystay muuqaalka SBU, oo aan magaciisa la sheegin, wajigiisana la qariyey, ayaa sheegay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac ka soo gaaray wajiga, isla markaana uu daweyn doono dhakhtarka ilkaha, halka askariga kale uu dhaawac ka soo gaaray lugta hoose.

SBU waxa ay sheegtay in askarta Kuuriyada Waqooyi loo gudbiyay Kyiv si su’aalo loo weydiiyo, sababta oo ah ma aysan ku hadli karin afka Ukraine, Ruushka iyo Ingriiska, islamarkaana su’aalo weydiintooda lagu sameynayo luqadda Kuuriya iyadoo ay gacan ka geysaneyso hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ee NIS.

Reuters + VOA

Tirada dhimashada dabkii Los Angeles oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay

Los Angeles  (Caasimada Online) – Kooxaha dab-damiska ayaa si dar dar leh Axaddii shalay ilaa xalay u sii waday la dagaalanka dab xoog leh oo muddo lix maalin oo xiriir ah ka socda qeybo ka mid ah magaalada Los Angeles, gobolka California ee dalkaan Mareykanka.

Dab-damiska ayaa xoogga saaraya laba dab oo waaweyn oo ka ololaya galbeedka iyo bariga, ka hor inta aysan billaaban dabeylo laga cabsi qabo in ay uga sii daraan ololka dabka hadda socda.

Dabka oo maanta oo Isniin ah galay maalinti todobaad, ayuu guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom wuxuu sheegay in dhamashada ay korortay, isla-markaana ay gaartay ugu yaraan illaa 24 qof.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kumannaan guri ay basbeeleen, halka 100,000 oo qof ay barakaceen.

Xaafadaha uu dabka baab’iyay ayaa waxaa ku jiray kuwo ay ku yaalleen guryo ay daganaayeen dad hodon ahaa. Saraakiishu waxay sheegeen in ilaa 12,000 oo guri ay gubteen.

Diyaaradaha iyo gaadiidka dab damiska ayaa ka qeybgalaya halganka loogu jiro in dabkani la damiyo. Saraakiisha ayaa ka digay in dhammaan shacabka ku nool Los Angeles iyo hareeraheeda oo lagu qiyaaso ku dhawaad 10 milyan ay suuragal tahay in lagu amro in ay guryahooda ka baxaan.

Guddoomiyaha California, Newsom ayaa u sheegay telefishanka NBC News in dabkan uu u muuqdo masiibo dabiici ah tii ugu xumeyd ee soo marto taariikhda Mareykanka, marka loo fiiriyo khasaaraha hantiyeed.

Hey’adda gaarka loo leeyahay ee saadaasha hawada ee AccuWeather ayaa ku qiyaastay khasaaraha hantiyeed ee uu dabkani muddo todobaad ah Los Angeles u geystay, lacag dhan $135 ilaa $150 bilyan oo dollar.

DF oo xog xasaasi ah ka bixisay kulankii Xasan iyo Abiy Ahmed iyo qorshaha xiga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyay in xiriirkoodii ay dib u soo celiyaan, iyadoo dhinaca kalena Masar ay Qaahira ka sheegtay in aysan oggolaan doonin in saldhig militari uu badda ka sameysto dal aan xad la lahayn Badda Cas oo ay kala jeedo Itoobiya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee galabta ka soo laabtey Addis Ababa, wuxuuna ka warbixiyey waxyaabihii looga wadahadlay kulamadii dhexmaray Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Wasiirka oo wareysi siiyey VOA ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey sida uu ku yimid safarkii Soomaalida ka yaabiyey ee Xasan Sheekh uu ku tegay dalka Itoobiya iyo kulamadii dhacay.

Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ethiopia ay dhextaalo taariikh dheer oo dhib badan, “Balse 10-kii sano ee u dambeeyey xiriirku waa fiicnaa, laakiin bishii 1-aad ee 2024 ayey wax badan is bedeleen, markii Itoobiya ay heshiis qaldan la gashay Somaliland,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiirka ayaa sheegay in ugu dambeyntii isku soo dhowaansho cusub bilowday markii Madaxweynaha Turkiga uu Xasan iyo Abiy isugu geeyey Ankara, halkaas oo lagu gaaray heshiis ilaa hadda la turxaan bixinayo.

“Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy waxay Ankara ku saxiixdeen baaq soo gabagabeeyey khilaaf soo jiray muddo sanad ah, wixii intaas ka dambeeyey waxaa bilowday dhismaha kalsoonidii labada dal,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in safarka Xasan Sheekh uu ku yimid casuumad uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u soo dhiibay wasiirkiisa gaashaandhigga oo Muqdisho timid, taas oo Madaxweynuhu aqbalay.

“Labada masuul mudadii ay wada joogeen Addis waxaa laga hadlay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka, isla markaana loo abuuri lahaa deris wanaag, iyadoo lagu balansan yahay in mar kale la isugu tago Ankara bisha soo socota ee Febraayo, si loo sii anbaqaado heshiiska labada dal,” ayuu hadalkiisa ku soo daray wasiir Cali Balcad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirka dambe ee Ankara loo tegayo looga hadli doono arrimaha gancsiga labada dal iyo dekedaha, “arrimahaas waxaa loo daayey shirka farsamada ee Ankara ka dhacay, laakiin kulankaan aan Addis Ababa ku yeelanay wuxuu xoogga saarayey sidii loo wanaaji lahaa xiriirka labada dal,” ayuu yiri Cali Balcad.

Markii la weydiiyey wasiirka halka laga bilaabayo dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia wuxuu sheegay in Safiirka Soomaaliya ee jooga Addis Ababa uu dib u bilaabayo shaqadiisii joogsatay, halka ayagana ay soo dirsa doonaan safiir u joogi doona Muqdisho.

“Sidoo kale waxay soo dirsa doonaan labadii Qunsul ee u kala joogay Muqdisho iyo Garowe, kuwaas oo hoos imaa doona safaaradda Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulankaan aan looga wadahadlin arrimaha ciidamada iyo in Itoobiya ay ka qeyb geleyso howlgalka cusub ee AUSSOM, balse Soomaaliya ay diri doonto wafdi tegi doona Itoobiya, si looga wadahadlo arrimaha howlgalkaas.

“15-ka bishaan waxaa Addis Ababa tegi doona wafdi lamid ah kii aan u dirnay Masar oo kala soo hadlay doorka Masar ay ku yeelaneyso howlgalka, marka arrimahaas weli wadahadal ayaa ka furan, laakiin caqabadihii Itoobiya ka hor taagnaa inay ka qeyb gasho howlgalkan waa laga soo gudbay,” ayuu yiri Cali Balcad wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.

Cosoble oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe: Waxaad haysaa wadaddii…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa si weyn u weeraray madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo haatan is-hayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Cosoble ayaa Axmed Madoobe ku sifeeyay hoggaamiye dhabaha haysta wadaddii ay horey ugu tageen Maxamed Siyaad Barre iyo Bashaar Al-Asad oo sanado badan isku dhajinayay xukunka Suuriya, geystayna gabood-falo badano.

“Axmadow diktatoorka wuxuu arkaa oo keliya wiilasha daacadda u ah ee dhahaya annagaa ku difaaceyna iyo annagaa hortaa dhimaneyna, markaasuu is mahadiyaa oo kursiga sii jecleystaa, dabadeedna akhirka la dilaa ama dirqi ku fakadaa oo raadiyaa cid magan-gelisa,” ayuu yiri Cosoble.

Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay Axmed Madoobe inuu banneeyo hoggaanka maamulka Jubbaland, si xaalad middaan uga daran uu isku dhiibi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalka Cosoble oo dhameystiran ayaa u dhignaa;

Keligii taliye kasta ayadoo la leeyahay waxba laguuma raacanayo ee iska tag ayuu xukunka isku dhejiyaa, dadkiisa iyo degaankiisana u horsedaa burbur, dhimasho, hoog iyo halaag eysan ka soo waaqsan karin. Waxaa waddadaa maray M Siyad Barre, Sadam Xusen, Qadafi, Bishar Al Asad iyo kuwo kale oo badan.

Axmadow diktatoorka wuxuu arkaa oo keliya wiilasha daacadda u ah ee dhahaya annagaa ku difaaceyna iyo annagaa hortaa dhimaneyna, markaasuu is mahadiyaa oo kursiga sii jecleystaa, dabadeedna akhirka la dilaa ama dirqi ku fakadaa oo raadiyaa cid magan gelisa.

Marka laga yimaado indha caddeyska raqiiska ah ee Soomaalida, Axmadow ogow inaadan reer Soomaali ah is heyn oo aad ka hor timid dowlad maanta fadhida Golaha Amaanka.

13 sano kugu filan kaana badan, dadka iyo degaanka aad qoriga ku heysato adiga ma lihid, sooma aadan iibsan, dhaxalna kumaadan helin,haddana waxaad muujisay ineysan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya wax qiime ah agtaada ka laheyn, kana door bideyso inaad kursi aadan laheyn xoog ku sii fadhido.

Waan hubaa qaar badan oo ka mid ah kuwa ku leh ha yeelin iyo ha is dhiibin iney qoraalkan ka soo fal celin doonaan ayagoo weliba caytamaya, yeelkadoode waxaan ku leeyahay Axmadow armey maanta talo kula gudboon tahay.

NISA oo lacag badan dul-dhigtay madaxa nin dad badan ku laayey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa baahisay sawirka  Yuusuf Maxamed Xuseen oo si weyn ay ugu raad-joogto, kaas oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa qofkii ninkaas xog ka keena loogu balan-qaaday in la sii doono abaalmarin lacageed oo gaareysa soddon kun oo doolar ($30,000).

Ninkaan ayaa caan ku ah magaca Jeeri-Carab, wuxuuna ka tirsan yahay xafiiska qaraxyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka NISA.

“Horjoogahaan wuxuu Khawaarijta masuul uga ahaa qaraxyada, sahminta goobaha bartilmaameedka ah iyo weerarada is-miidaaminta ah ee ay Khawaarijtu ka fulin jireen gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Jeeri-Carab ayaa ka soo qeyb qaatay weerarro argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyadii ka dhacay Villa Rosa, Aqalka Dowladda Hoose, Pearl Beach, SYL Hotel, Beach View iyo weeraradii ka dhacay maqaayadaha Sayidka, Jawi Coffee, Blue Sky, Top Coffee iyo School Polizio.

“Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay inta badan dhagar-qabeyaashii la shaqeynayay Jeeri-Carab, gaadiidkii ay adeegsan jireen iyo xubno ka mid ah qoyskiisa ayaa weli si dhaw ula socda dhaq-dhaqaaqa horjoogahan, isagoo maalmihii ugu dambeeyay ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ugu dambeyntii NISA ayaa lacag badan dul-dhigtay madaxa sarkaalkaas halista ah ee weerarrada badan ka geystay Muqdisho, waxaana lasoo bandhigay lambarro uu kala xiriiri karo NISA qofkii hela xogta ninkaas.

“Muwaadin haddii aad heyso xogta dhagar-qabahan la wadaag Hay’adaha amniga, sidoo kalana ku guuleyso abaalmarin lacageed oo gaareysa Soddon kun oo doolar ($30,000) Waxaad la soo xiriiri kartaa lambarada hoos ku xusan: 199 ama +252770747474 ama +252620545454,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay hey’adda NISA.

DF oo war kasoo saartay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo Xasan iyo Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay sawir hadal-hayn badan dhaliyay oo si weyn ugu baahay baraha bulshada, kaasi oo ku wada jiraan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sawirkan ayaa imanaya ku dhowaad hal sano oo cadowtinimo xooggan u dhaxeysay labada dal, ka gadaal markii Itoobiya ay Somaliland la saxiixatay is-afgarad dhabaha u xaaraya damaceeda badda.

Sawirka ayaa muujinaya labada masuul oo gacmaha is-haysta, aadna u qoslaya, taas oo ka turjumeysa heer qanacsanaan iyo saaxiibtinimo ee labada dowladood kadib muddo uu mugdi ku gadaamna xiriirkooda diblumaasiyadeed, taas oo dad badan siyaabo kala duwan uga fal-celiyaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tan lagu gaaray dadaalkii iyo dagaal diblumaasiyadeedkii uu hoggaaminayey madaxweynuhu, taas oo dhashay in Soomaaliya aan la dhayalsan, sida uu sheegay.

“Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka;

Dad ayaa xalay la yaabanaa sida maxaxweynaha loo soo dhoweeyey, qaarna waxayba ku tilmaameen in aan abid Madaxweyne Soomaaliyeed sidaas oo kale Loo soo dhowayn.

Dagaalka siyaasadeed iyo kan ciidanba waxaa Loo galaa in nabad loo siman yahay lagu gaaro, ma Jiro dagaal dhammaad la’aan ah ama aan xambaarsanayn hadaf la xaqiijinayo.

Dadaalkii iyo dagaal diblomaasiyadeed ee uu madaxweynuhu hogaaminayey mudada sanadka aheyd waxaa lagu gaaray in Soomaaliya aan la dhayalsan, sidii loola dhaqmi jirey iyo xadgudubyadii lagu samayn jirey wax weyn iska bedelaan.

Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa midda la xaqiijiyey.

Soomaaliya iyo Masar oo ka shiray dhaqan-gelinta qodobo xasaasi ah + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan xasaasi ah Qaahira ku dhex-maray wasiirka srrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Masar H.E. Dr. Badr Abdel Atty.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.

Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.

Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladoodiyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka.

Sidoo kale waxay labada wasiir ka wada-hadleen dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex-maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.

Ugu dambeyntiina, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxa uuna xaqiijiyay inay dowladdiisa xoogga saareyso dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.

Horey madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka dhinacyada, iyadoo la isla gartay dhismaha guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

Xogta wada-hadallada Xasan Sheekh iyo Abiy uga socda Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi oo uu gaaray shalay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta leh wada-hadallo dheeri ah oo ay uga arrinsanayaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dowladood si wafaqsan hirgalinta heshiiskii Ankara.

Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa sidoo kale booqan doona goobaha taariikhiga ah ee Itoobiya.

Xasan iyo Abiy oo shalay yeeshay wejiga koowaad ee wada-hadallada ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.

Labada masuul ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal, kadib muddo sanad ah oo lumay xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa.

Sawirro: Dadweyne careysan oo isugu soo baxay Kismaayo, dalbadeyna inuu is-casilo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta isugu soo baxay boqlaal dadweyne ah oo dhigay dibad-bax ay uga soo horjeedaan dowladda federaalka ah oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo Jubbaland.

Shacabka ayaa ka cabanayay go’aannada dowladda, gaar ahaan tallaabooyinka ugu dambeeyay ee ay qaaday, sida xayiraadda la saaray magaalada Kismaayo oo saameyn xoogan ku yeelatay dadka deegaanka, sida ay u sheegeen warbaahinta.

Sidoo kale waxa ay dibad-baxayaash ku qaylinayeen erayo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu isku wadi waayay dalka.

Mid kamid ah dibad-baxayaasha oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu is-casilo, una turo dadka iyo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh waa fashilmay arrintii loo dhiibayne, kama soo bixin, Soomaali waa isku sii diray dowladdii ayuu baabi’iyay ee ha’is casilo” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dibad-baxaan oo ay soo abaabushay Jubbaland ayaa daba socda go’aankii golaha wasiirada maamulkaas oo Khamiistii ku dhowaaqay in Jubbaland ay madax banaan oo gooni ah ula macaamileyso dalalka caalamka.

Wararkii ugu dambeeyay ee dabka xooggan ee Los Angeles

0

Los Angeles (Caasimada Online) – Shaqaalaha dab-damiska gobolka California iyo kuwa dowladda federaalka Mareykanka ayaa wali la halgalamaya daminta dabki ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Los Angeles ee gobolka Califronia.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha, in ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in dabkani ay ku dhinteen, iyadoo laga digay in tirada ay intaasi ka badan karto.

Lix dab oo isku mar ah ayaa baabi’iyay xaafado ka tirsan degmada Los Angeles tan iyo Talaadadii, wuxuuna dabku burburiyay ama waxyeeleeyay 10,000 oo guri. Waxyeellada ayaa la filayaa in ay korodho marka ay xaaladdu degto oo ay dab-demiyeyaashu sameeyaan qiimeyn guri ka guri ah.

Habeenimadii Jimcaha, wargeyska Los Angeles Times ayaa sheegay in Dabka Palisades ee ka kacay cirifka galbeed ee magaalada uu u weecday jiho cusub, taasi oo keentay in uu soo baxo amar ka bixitaan ah oo quseeya inta badan xaafadda Brentwood iyo San Fernando Valley.

“Dabka Palisades ayaa olol horleh ka helay qaybta bari waxaana uu u wareegayaa waqooyi-bari,” ayuu Kabtanka Waaxda Dabka ee Los Angeles Erik Scott u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee KTLA, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray website-ka LA Times.

Ka hor ololka cusub, dab-demiyeyaasha ayaa soo sheegay horumar laga gaaray bakhtiinta Dabka Palisades iyo Dabka Eaton ee buuro-hoosaadyada bari ee magaalada.

Kadib markii uu maalmo socday, inkastoo ay dadaal u galeen boqolaal dab-damis ah oo dabka hawada iyo dhulkaba ka deminayay, dabka Palisades ayaa la xakameeyey 8%, halka dabka Eaton isna la xakameeyay 3%.

Si kastaba ha ahaatee, labada dab ee waaweyn ayaa marka la isku daro waxa ay gubeen 35,000 acres (14,100 hektar), ama 54 mayl oo laba jibaaran.

Iyada oo kumannaan qof ay hoy la’aan noqdeen, qiiquna uu sii kordhayo, saraakiisha Mareykanku waxa ay ku dhawaaqeen xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Ilaa 153,000 oo qof ayuu quseeyaa amarka daad-gureynta, iyadoo 166,800 kalena ay helayaan digniino daad-gureynta, waxaana bandow lagu soo rogay dhammaan aagagga daadgureynta, ayuu yiri Sheriff-ka Koyntiga Los Angeles, Robert Luna.

Todobo gobol oo deris la ah California, dowladda federaalka iyo Kanada ayaa gargaar ula cararay California, iyagoo xoojinaya kooxaha hawada ka tuuraya biyaha dabka lagu bakhtiinayo iyo kooxaha dab demiska ee buuraha ololaya, iyo kuwa dhulka oo ku howlan deminta dabka.

Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay qaadeen XASAN iyo ABIY?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ka fal-celiyay wada-hadalladii gelinkii dambe ee Sabtidii shalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, kuwaas oo laga soo saaray go’aanno xasaasi ah, sida lagu caddeeyay war-murtiyeedka.

Bayaan ay soo saareen labada hoggaamiye ayaa waxaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Labada masuul ayaa iska xog-wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxayna wada-hadallo wax ku ool ah ka yeesheen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal.”

Haddaba sidee looga fal-celiyay?:-

Cabdi Faras “Ethiopia waa argagixiso waana cadawgeena 1-aad, marka bariiska laga rabana waa walaalaheen oo naftood hurayaal ah”

Yuusuf Xasan “Xasan Sheekh Dal-xoreeye heshiis dheel dheel ku yimid ma ahan waxa uu ku yimid geesinimo iyo siyaasad caqli ku dhisan”.

Cabdixaafid Xirsi ayaa isna su’aal ka keenay “Madaxweyne aaway cadawgii Ethiopia aad horay noogu sheegtay?”.

Cumar Khaalid “Hirgelinta heshiiskii Ankara. Maxaa dan ah oo ugu jirta Soomaaliya? madaxwaynaha ha cadeeyo waxa uu ku badashay, Baarlamankana ha horkeeno”.

Cabdiraxiin Maxamed “Waa noocee danaha laga wada-hadlay iima muuqato in dan Soomaali ay mesha taallo”.

DF oo qaaday tallaabo farxad-gelisay reer Beledweyne + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhowaan si toos ah ula wareegtay amniga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay oo farxad-gelisay shacabka ku magaaladaasi.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan Guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta fuliyay howlgal waddo furis ah oo ay ka sameeyeen Beledweyne.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxaa lagu furay waddooyin halbowle ah oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha oo muddooyinkii lasoo dhaafay xirnaa, sababo amni dartood.

Waddooyinkan ayaa qaar kamid ah waxaa horay loogu xiray doorashadii xildhibaanada fedaraalka, halka qeyb kale loo xiray taxadar dhinaca amniga ah.

Ujeedka ugu weyn ee haatan loo furay jidadkan ayaa ah si ganacsiga iyo isu socodka magaalada uu sidiisa hore ugu soo laabto, shacabkana ay helaan waddooyin waa wayn.

“Iyadoo la fulinayo balan qaadka madaxda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta ciidamada Xoogga Dalka waxa ay bilaabeen in ay furaan waddooyinka dhexmara xaafadaha magaalada oo muddooyinkii dambe u xirnaa shaqaaqooyin ka dhacay magaalada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.

Beledweyne ayaa haatan isku diyaarineyso isbeddal, kadib markii dhowaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya uu wada-hadal la galay waxgaradka Hiiraan, kadibna la’isku afgartay in meesha laga saaro khilaafka iyo ciidamada Macawiisleyda ee muddada joogay halkaasi.

Si kastaba, khilaafka reer Hiiraan ayaa ka dhashay tabasho ay ka qabaan dhismaha maamulka HirShabelle, iyada oo la filayo in haatan laga wada-hadlo, si xlooga gaaro.

Goorta lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Somalia oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya ee uu haatan wado dalka Turkiga oo soo diray markab sameynaya baarista.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in sahminta shidaalka lasoo gabagabeeyo bisha April ee sanadkaan 2025, si loo ogaado goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo.

Cabdulqaadir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda ay soconayaan dadallo badan, loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maraakiibta howlgalka wada ay abaari doonaan aagga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

“Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gabagabeyno, waxaana qorshaha yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaqaada bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee la qodaayo shidaalka” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyuhu.

Dhinaca kale marka ay soo dhamaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Badda Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.

MASAR oo shaacisay arrin aysan aqbali doonin in ay Soomaaliya u ogolaato Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty ayaa Sabtidii sheegay in amniga Badda Cas uu ku xiran yahay oo kaliya dalalka xeebaha la leh, isagoo si cad u diiday joogitaan militari ama ciidan badeed oo ay ku yeeshaan dalalka aan xeebaha ku lahayn.

Hadalkaas ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Qaahira, kaas oo uu qabtay kaddib kulan saddex geesood ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo kan Eritrea, Osman Saleh Mohammed, sida uu soo tabiyay telefishinka Al-Qahera.

Abdelatty ayaa intaas ku daray in kulanka lagu falanqeeyay qorshaha lagu qabanayo shirar wasiirro oo kale oo ka dhaca Muqdisho iyo Asmara, iyo sidoo kale diyaarinta shir madaxeed labaad oo madaxweyneyaash ah, kadib shirkii ugu horreeyay ee bishii October 2024 lagu qabtay Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo awoodda dowladda si ay maamulkeeda ugu fidiso dalka oo dhan, loo xoojiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, lagana hortago tallaabooyin hal dhinac ah oo khatar gelinaya midnimada dalka.

Abdelatty ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar ay qayb ka noqon doonto howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaddib markii Muqdisho iyo Midowga Afrika ay ansixiyeen. Si kastaba ha ahaatee, ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, kaas oo la filayo inuu bilowdo horraanta 2025.

“Amniga Badda Cas waa arrin ku xiran oo keliya rabitaanka iyo wada shaqeynta dalalka xeebaha la wadaaga. Waxaa gabi ahaanba aan la aqbali karin in dalal kale ay ku yeeshaan joogitaan militari ama mid ciidan badeed meel aysan danaha ku lahayn,” ayuu Abdelatty ku yiri shir jaraa’idka.

Hadalka wasiirka arriimaha dibedda Masar ayaa loo arkaa in uu si toos ah ugu socdo Itoobiya, oo dooneysa in ay saldhig ciidan badeed ku yeelato xeebta Badda Cas, sida ku cad is-afgaradkii ay la gashay maamulka Somaliland, ee ay diiday Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dooneysa in ay hesho dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan badeed iyo dekad. Heshiiska ay Soomaaliya la gashay ee Ankara ayaa dhigaya in ay ka wada-hadlaan sidii loo siin lahaa marin badeed. Balse dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in kaliya ay ogolaan doonto marin badeed la xiriira ganacsi, ama dekad, oo aanay marnaba aqbali doonin saldhig ciidan badeed.

Bishii Agoosto 2024, Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo iyo qalab ka socda Masar ay soo gaareen Muqdisho si ay isugu diyaariyaan ku biiritaanka howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Warkan waxa si rasmi ah u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.

Ciidamada cusub ayaa la filayaa inay beddelaan hawlgalkii ku-meel-gaarka ahaa ee ATMIS bishan, iyadoo loo diyaarinayo inay sii wadaan howlaha nabad-ilaalinta iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Xogta horjoogayaal Shabaab ah oo lagu hor dilay xaasaskooda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada oo si gaar ah ah uga dhacay agagaarka magaalada Budbud iyo deegaannada ku xeeran ayaa waxaa lagu qaaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Mid kamid ah saraakiisha Macawiisleyda ee horkacaysay howlgalka, laguna magacaabo Cabdi Saneey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in weerarkan ay qaadeen, kadib markii ay xog ku heleen in deegaannadaasi ay dhuumaaleysi ku yimaadeen horjoogayaal sar sare oo ka yimid dhinaca hore ee jiidda, kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus.

“Waxaan weerarnay Budbud iyo deegaanada hoos yimaada dadka shacabka ah ayaan xog ku helnay waana ku shaqo tegnay niman Amiiro ah oo meelaha dagaalka ka socda ka yimid oo nasiino soo doontay oo jooga xaafadahooda qaar kamid ah ayaa la arkay iyo maleeshiyaad kale oo difaac u ah, waana laga taqalusay” ayuu yiri Cabdi Saneey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad 10 xubnood oo uu isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad la socday, isaga oo sheegay inay ugu tageen guryahoooda.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in aanay waxyeelo gaarsiin xaasaska iyo carruurta xubnaha Al-Shabaab ee ay weerarka kula beegsadeen aagga deegaanada Budbud.

“Khasaaraha gaaray aad ayuu u badan yahay, laakin hadda inta aan xaqiijin karo waa 8 iyo 9 meelahaas ayay u dhexeeyaan” ayuu mar kale yiri sarkaalka u hadlay Macawiisleyda.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xaasaskooda iyo ilmahooda waa nabad gelinay, waa dad birimageedo ah, waana dad kamid ah kuwa uu qaranka uu shaqeyn doono oo masaakiin ah”

Xaaladda ayaa weli kacan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegeen ciidamada huwanta.

Jeneraalka ay Imaaraadka taageeraan oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaalka Sudan

Khartuum (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Sudan, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada uu hoggaamiyo ee Dacmu Sariic ay gacantooda ka baxday magaalada caasimadda u ah gobolka Al-Jazira ee Wad Madani.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka milatariga iyo kooxaha hubeysan ee la xulufoobay ay gudaha u galeen magaalada kaddib in ka badan hal sano oo kooxda Dacmu Sariic ama RSF ay maamulaysay.

Kooxda RSF ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay si xooggan taageero uga hesho Imaaraadka Carabta. Si kastaba, Abu Dhabi ayaa horey u beenisay dhammaan eedeymaha sheegaya inay hub siiyeen ciidamada RSF.

Mas’uuliyiinta dowladda ee daacad u ah ciidanka milatariga ayaa soo dhaweeyay dib-u-qabsashada magaalada, halka hogaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Daglo, uu ballan qaaday inuu magaalada dib ugu soo celin doono gacanta RSF.

“Maanta waxaan luminay wareeg ka mid ah dagaalka, balse ma lumin dagaalka oo dhan,” ayuu yiri Daglo isagoo kula hadlay ciidankiisa khudbad maqal ah oo uu jeediyay Sabtidii fiidkii, isagoo ballan qaaday “guul” ay gaari doonaan.

Dagaalka u dhaxeeya ciidanka Sudan iyo RSF

Dagaalka u dhexeeya ciidanka Sudan iyo RSF ama Dacmu Sariic ayaa billowday bishii April 2023, taas oo horseeday qaxii ugu ba’naa ee caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale macaluul laga soo sheegay gobollo ka mid ah dalka.

RSF ayaa gacanta ku dhigtay Wad Madani bishii Diseembar ee isla sanadkaas, iyadoo dadka ku nool magaalada ay ka barakaceen tobanaan kun oo ka mid ah, oo u cararay caasimadda Khartoum ee ku taalla waqooyiga.

Sabtidii hore, ciidamada Sudan ayaa warbixin ku sheegay in ay “u hambalyeynayaan shacabka Sudan” kadib markii “ciidamada qaranka ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani subaxnimadii”.

Muuqaal ay milatarigu soo dhigeen baraha bulshada ayaa muujinayay dagaalyahanno ku sugan galbeedka Buundada Hantoub oo ku taal waqooyiga magaalada, kaddib markii ilo wareedyo milatari ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in ay “weerar ku qaadeen magaalada dhinaceeda bari.”

Afhayeenka dowladda ee daacadda u ah ciidanka, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Khalid al-Aiser, ayaa sheegay in ciidanku ay “xoreeyeen” magaalada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sudan ayaa sidoo kale ku tilmaantay dhacdadan “guul weyn oo maanta la gaaray”, iyagoo sheegay in ciidanka milatarigu ay dib ugu laabteen gacanta ku haynta Wad Madani.

Dib-u-qabsashada Wad Madani

Inkasta oo ciidanka Sudan aysan wali ku dhawaaqin si buuxda inay magaalada qabsadeen, haddana waxay sheegeen inay xoreeyeen maxaabiis ay RSF ku heysteen magaalada, isla markaana ay hadda ku hawlan yihiin “nadiifinta kooxda fallaagada ah ee ku haray gudaha magaalada.”

Si madax bannaan looma xaqiijin karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, maadaama xayiraad dhanka isgaarsiinta ah ay muddo bilooyin ah saameysay deegaanka.

Wad Madani waa magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla isgoyska waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobollo badan. Waa magaalo u dhow caasimadda Khartoum, taas oo ka dhigtay guusha Al-Jazira inay noqoto mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ciidanka milatariga tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen magaalada mataanaha ah ee Omdurman ku dhawaad sanad ka hor.

Goob-jooge ku sugan bartamaha Wad Madani, oo magaciisa qariyay sababo amni awgeed, ayaa u sheegay AFP: “Ciidanka iyo dagaalyahannada la xulufoobay ayaa ku faafay waddooyinka magaalada oo dhan.”

Xasan iyo Abiy oo war cusub soo saaray – Xaaladda Somalia iyo Ethiopia oo waji cusub yeelatay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saaray kulamadii galabta dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, kadib safar uu Xasan Sheekh galabta ku tegay magaalada Addis Ababa.

Ugu horeyn bayaanka ayaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Labada masuul ayaa iska xog-wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxayna wada-hadallo wax ku ool ah ka yeesheen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

“Hogaamiyayaasha ayaa xaqiijiyay in xasiloonida gobolka ay u baahan tahay iskaashi adag oo dhex mara labada dal oo ku dhisan is-aaminaad, kalsooni iyo ixtiraam,” ayaa lagu yiri bayaankaan goordhow ka soo baxay wadahadaladii Addis Ababa.

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.

Sidoo kale, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal.

“Hogaamiyayaasha ayaa hoosta ka xariiqay khatarta halista ah ee khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka ka jira, waxayna isku raaceen in ay faraan hay’adaha amniga ee kala duwan in ay xoojiyaan iskaashiga horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Madaxdu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga iyo barwaaqada la wadaago iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan,” ayaa lagu yiri bayaanka Xasan iyo Abiy.

Ugu dambeyntii, waxay Xasan iyo Abiy sheegeen inay go’an tahay xaqiijinta Baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal. “Waxa kale oo ay isla garteen in la dardargeliyo wada xaajoodyada farsamo ee ku cad bayaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka laga soo saaray kulankii Xasan iyo Abiy ay ku yeesheen Addis Ababa.