25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Ku dhowaad 100 Xildhibaan oo qeylo dhaan ka soo saaray ‘dhul boobka’ Xamar ka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ku howlan wax ay ugu yeereen “boobka iyo iibinta” Dhulalka Danta Guud.

“Annagoo ah xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah waxaan halkaan ku soo gudbineynaa in loo istaago Ilaalinta Hantida Danta Guud iyo u digidda dadka u fududeeya Villa Somalia boobka Dhulka Danta Guud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xildhibaanadaas.

Xildhibaanada ayaa sheegay in shuruucda dalka ee iibka dhulka ay ku waajibinayaan Xukuumadda markii dhulka laga saarayo Diiwaanka Dhulka Danta Guud in ay xaqiijiso 8-daan qodob:

  1. Caddeyn soo bandhigidda in laga maarmay dhulkaan iyo sababata.
  2. In la Naadiyo laguna qoro faafinta rasmiga ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaadaan.
  3. Xaqiijinta u sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa,
  4. Dammaanad qaadista xuquugda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta,
  5. Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan,
  6. Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida,
  7. Xadeynta dhulka uu qof ama shirkado yeelan karaan,
  8. Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda aysan soo saarin Siyaasadaha uu Dastuurka faray, isla-markaana aan la marin qodobada sare ku xusan oo sharuucda dalka ay waajibinayaan, hantidana lagu xaraashay qaabka sharci darro ah, lacagta ka soo xarootana ay dhamaanteed gashay jeebka Madaxweynaha oo aan lagu shubin Qasnada Dowladda.

“Madaxwaynaha oo ka soo jeeda bahda waxbarashada ayaa xaraashay dhukii u badka Soomaaliyeed wax ku baranayeen, Sida Jaamacada Umada, Schoolka Ilays iyo kuwo kale oo badan, waana ka xishoon waayey masiirka dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

 

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay safarka Xasan Sheekh ee Addis Ababa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay safar uu galabta madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ku gaaray dalka Itoobiya, kaas oo ay dadweynuhu siyaabo kala duwan uga hadleen.

Villa Soomaaliya oo goor sii horreysay ka warbixisay ujeedada safarka madaxweynaha ayaa sheegtay in magaalada Addis Ababa uu u tegay wada-hadalka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, si loo sii amba qaado heshiiskii labada dowladdood ee Ankara.

“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tegay Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay?

Aamina Maxamed “Madaxweynow waji malihid ninkii aa shalay na dhaheysay waa cadaw Soomaaliyed baad galabta u tagesaa koley wax kasta waan kaa filan Karnaaye bal islaali”.

Cabdirisaaq Xaashi “Xassanow meel laguu raaco lama yaqaan ee adeer Bahashaan adaa xariga hayee halkaa doonto u jiid”.

Siyaad Maxamed Dool ““Itoobiya waa cadow Argagixisada ka daran” MW Xassan Sheikh ayaa horey u yiri”.

Cabdiweli Daacad ” Madaxweynuhu isagu waa meeqo qof aniga waan yaaabaye!? Shalay isagaa nalahaa itoobiya waa cadaw,maantana isla isaga ina dhihi doona waa walaal”

Cawil Xaashi “Socdaal diblumaasiyadeed ? Ma socdaal shaqo mise diblumaasiyadeed ? Waxaa muuqata in lagu farbaranaayo mareegtii Villa Somalia”.

Ayuub Cabdi “Tagitaanka Ethiopia madaxweyne kuuga raacsani”

Kuulow Yuusuf ” Kii shalay oo Itoobiya maxaad usoo qori wayseen? Fulay xantiisa ma moogo walee”.

WAR cusub oo kasoo kordhay kiiska labadii wiil ee dilay Hooyadood + Video

0

Burco (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska maamulka Somaliland ayaa faah-faahin dheeraad ah maanta ka bixiyay dhacdo argagax leh oo ka dhacday deegaanka Habeedley ee hoostaga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kadib markii laba wiil oo kamid ahaa dadka deegaanka lasoo wariyay inay dileen hooyadood.

Marxuumadda oo da’ ahayd ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil, waxaana dilka loo adeegsaday mindi dhowr meel looga dhuftay, sida uu shaaciyay booliska.

Sarkaal u hadlay booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay xiran yihiin labada eedeysane, ayna baaristooda ku ogaadeen in 7 toorey lagu dhuftay hooyada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta uu dilku ka dhacay ay kaliya ku sugnaayeen labada wiil iyo hooyadood.

“Kiiskan markii aan baaritaanka u galnay oo aan dadkii goobjoogga ahaa wax ka qornay wuxuu arrintaasu booliska usoo xiray laba ay dhashay islaantaasi marxuumadda ah ee la oran jiray Aamino Yuusuf Ismaaciil” ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay booliska Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadkii mayray waxay noo sheegeen in todoba toorey ay ku dhaceen, waxaa kaloo naloo cadeeyay in cid kale aanay goobta joogin”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in kiiskan ay ku wareejin doonaan maxkamadda, si eedeysanayaasha loo horgeeyo sharciga, kadibna tallaabo looga qaado.

Dhacdadan xanuunka badan ayaa dhalisay falcelin xooggan, waxaana aad looga hadal-hayaa warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada Internet-ka.

Madaxweyne Xasan oo ka dagay Addis Ababa + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay magaalada Kampala ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo uu wada-hadallo xasaasi ah ku yeelan doono magaalada caasimad ah ee Addis Ababa.

Vill Soomaaliya oo goor sii horeysay qoraal soo saartay ayaa sheegtay in ujeedka ugu wayn uu yahay sii amba qaadida wada-hadallada labada dowladood, si loo dhameystiro heshiiska Ankara.

“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in labada dowladood ay kala saxiixdaan heshiis cusub oo ku aadan badda, maadaama horay Soomaaliya u ogolaatay in Itoobiya siiso marin biyood, iyada oo toos ugala macaamileyso dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan arrinta ciidamada Itoobiya iyo ka qayb galka howlgalka AUSSOM ee sanadkan cusub ka billowday gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay booqashada la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro Addis Ababa, maadaama ay kusoo aaday xilli xasaasi ah, horayna madaxweynaha uu mowqif adag uga qaatay arrinta Itoobiya.

Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Horay waxaa Addis Abaa u booqday wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo taliyaha NISA, kuwaas oo wada-hadallo lasoo yeeshay dowladda federaalka Itoobiya.

Somalia, Masar iyo Eritrea oo tallaabo culus qaaday + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriira dadaallada saddex geesoodka ah ee ay wadaan, kadib kulan ay maanta magaalada Qaahir ku yeesheen saddexda wasiir arrimo dibadeed ee dalalkan.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka saddexda wasiir ayaa looga hadlay tillaabooyinka fulineed ee loo cuskaday awaamiirtii saddexda hoggaamiye ee ka soo baxay shirkii Asmara, si kor loogu qaado ammaanka Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka gobolka, iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka xeerarka iyo xeerarka sharciga caalamiga ah, iyo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka.

Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa sidoo kale isla soo qaaday amniga Soomaaliya, gaar ahan iskaashiga ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan dadaallada nabad ilaalinta iyo nabadeynta Soomaaliya, iyo ka qeybgalka Masar ee taageerada Midowga Afrika iyo Hawlgalka Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Saddexda wasiir ayaa sidoo kale ka arrinsaday arrimo ay kamid yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan ciribtirka argagixisada, in la gaarsiiyo gacan ku haynta guud ahaan dhulkeeda, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa awoodda dowladda ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.

Waxaa kale oo ay kulankooda kusoo qadeen isbedellada ka socda gobolka, gaar ahaan xaaladda Suudaan iyo saamaynta gobolka, iskaashiga dalalka ku teedsan badda cas, xaaladda Soomaaliya iyo sii wadida xiriirka diblomaasiyadeed ee saddexda dal.

Dhinaca kale dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxa ay si weyn u taageereen musharraxa Masar oo tartamaa xilka Agaasimaha Guud ee UNESCO, Dr. Khaled Al-Anani.

Ugu dambeyn waxaa la isku afgartay in kor loo qaado isku xirka iyo hagaajinta u diyaar garowga wareegga labaad ee shir madaxeedka saddex geesoodka ah ee Masar, Eritera iyo Soomaaliya, xilli dhawaan lagu heshiin doono saddexda dal.

Si kastaba, tallaabadan ay maanta qaadeen Soomaaliya, Masar iyo Itoobiya ayaa kusoo aadeyso, iyada oo galabta la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh uu gaaro Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doonto ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kuwaas oo la xiriira dhammeystirka heshiiska Ankara, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

Ciidamada DF iyo kuwa AUSSOM oo fashiliyay qaraxyo culus + Sawirro

0

Marka (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo oo ay maanta si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM oo isku fidiyay deegaanno badan oo dhaca gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu fashiliyay weerar gaadmo ah iyo qaraxyo culus oo ay soo maleegeen xubnaha kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska AUSSOM.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgal amni xaqiijin ah ka fuliyeen inta u dhexeysa deegaannada KM 50 iyo Ceeljaalle, ayna soo saareen miinooyin ay dhigeen Al-Shabaab.

“Ciidanka UPDF ee Hawlgalka AUSSOM, oo ay wehliyeen SNAForce, ayaa sugay amniga waddada muhiimka ah ee u dhaxeysa KM 50 iyo Ceeljaalle ee Shabeellaha Hoose, iyagoo siibay walxo qarxa, ka hortagay weerarro gaadmo ah isla markaasna meesha ka saaray halis ka imaaneysay kooxda Al-Shabaab.  Roondadan wadajirka ah ayaa xaaiijisay in dadka & badeecooyinka ay si nabad ah u kala gooshi karaan dhabbahan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Taliska AUSSOM ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka qaraxyada uu ahaa in lagu beegsado kolonyadood, balse ay ka hortageen, kadibna ay qarxiyeen.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay ka go’an tahay inay sii wadaan howlgalladooda, iyaga oo kaashanaya ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Kooxaha miino baarista ayaa qaraxyo ka nadiifiyay deegaanno walxaha qarxa la galiyay iyagoo si nabad ah u qarxiyay qaraxyo lala bartilmaameedsan rabay kolonyada AUSSOM, dadka deegaanka iyo dadaallada banii’aadannimada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “AUSSOM UPDF iyo SNAF waxaa ka go’an xaqiijinta amniga waddooyinka muhiimka ah, iyo ilaalinta bulshooyinka si Soomaaliya ay u hesho nabad & amni”.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo badanaa weeraro kasoo abaabula gobolkan, waxayna beesadaan ciidanka iyo goobaha muhiimka ah.

Villa Somalia oo shaaca ka qaaday ujeedka safarka Madaxweynaha ee Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay safar uu maanta madaxweyne Xasan Sheekh ku aaday dalka Uganda iyo mid kale oo uu galabta ugu ambabaxayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Villa Soomaaliya oo shaacisay ujeedooyinka safarada madaxweynaha ayaa sheegtay in Kampala uu uga qayl-galayo lo Shir-madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP), isla markaana looga hadlayo aalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Sidoo kale Villa Soomaaliya ayaa xaqiijisay in madaxweynuhu galabta usii gudbi doono magaalada Addis Ababa, uuna halkaasi wada-hadallo kula yeelan doono ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, si loo sii amba qaado wada-hadallada labada dowladdood.

“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay socdaal diblomaasiyadeed

Muqdisho, Soomaaliya – 11ka Janaayo, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda si uu uga qeybgalo Shir-madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP). Madasha ayaa isu keenaysa hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wadahadlaan maalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Inta uu shirku socdo, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Kenya, Dr. William Samoei Ruto. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Socdaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah safarro ballaaran oo uu ku marayo gobolka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin guul leh oo uu dhawaan ku tagay dalalka Ereteriya iyo Jabuuti. Intii uu ku sugnaa dalalkan, Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga adag ee kala dhaxeeya dalalka deriska ah iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda, horumarka, iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xooggan uga shaqeynaysa xoojinta iskaashiga goboleed ee lagu gaarayo barwaaqada. Dadaalladan ayaa la jaanqaadaya aragtida Soomaaliya ee ku saleysan midnimo, iskaashi, iyo horumar waara oo loogu daneynayo dalalka gobolka oo dhan.

DHAMAAD

PUNTLAND oo soo riday diyaarado Drones ah, kadib markii..

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo weli ciidamada difaaca Puntland ay ka wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaas oo lagu beegsanayo fariisimaha maleeshiyada kooxda Daacish.

Inta uu socday howlgalkan waxaa lagu burburiyey ugu yaraan sideed talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad , sida ay sheegtay Puntland oo qoraal soo saartay.

“Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada PMPF.

Sidoo kale waxaa lasoo riday diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Sawirrada diyaaradan oo la baahiyay ayaa waxa ay noocooda Puntland ku sheegtay inay yihiin kuwa wax basaasa, ayna kooxda u adeegsaneysay ciidamada howlgalka wada.

Waxaa kale oo howlgalkan lagu soo furtay , hub iyo saanad ay goobahaas uga carareen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo haatan weeraro kala kulmayo ciidamada.

Xaaladda ayaa weli kascsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobaha ay howlgallada ka socdaan ee aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad.

Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisad ah ee ku suga aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka dhoofay Muqdisho, kana degay dalka…

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa dalka Uganda u tegay ka qayb-galka Shir Madaxeedka ka Beeraleyda Afrika (The Comprehensive Africa Agricultural Development Programme _CAADP).

Shirkan oo ay ka qayb-geli doonaan madax ka socota gobolka ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo madaxweynaha, si uu uga hadlo fursadaha ka jira Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha safarkiisa Kampala kadib uu u gudbi doono magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas uu wada-hadallo kula yeelan doono ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Xogta ayaa ku warrameysa in ujeedka ugu wayn uu yahay sii amba qaadida wada-hadallada labada dowladood, si loo dhameystiro heshiiskii Ankara.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in labada dowladood ay kala saxiixdaan heshiis cusub oo ku aadan badda, maadaama horay Soomaaliya u ogolaatay in Itoobiya siiso marin biyood, iyada oo toos ugala macaamileyso dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan arrinta ciidamada Itoobiya iyo ka qayb galka howlgalka AUSSOM ee sanadkan cusub ka billowday gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay booqashada la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro Addis Ababa, maadaama ay kusoo aaday xilli xasaasi ah, horayna madaxweynaha uu mowqif adag uga qaatay arrinta Itoobiya.

Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Horay waxaa Addis Abaa u booqday wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo taliyaha NISA, kuwaas oo wada-hadallo lasoo yeeshay dowladda federaalka Itoobiya.

 

DF oo war yaableh kasoo saartay dagaalka PUNTLAND ee Daacish

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Xoosh oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si la yaableh uga hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Cali Xoosh ayaa si weyn u dhaliilay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni isaga oo si cad u sheegay in ku fashilmay hoggaaminta maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dagaalka Puntland ee argagixisada laga daahay, isla markaana uu muddo dheer indhaha ka qabsanayay Saciid Deni, taasina ay sababtay in awood dhulka bari ku yeelato kooxda Daacish.

“Waa mas’uuliyad dusha ka saaran hoggaanka Puntland, maaddaama ay awoodi waayeen in ay si dhab ah u wajahaan dhibaatada amni ee ka jirta gobolka,” ayuu yiri wasiir Xoosh.

Dhanka kale, wuxuu farriin u diray shacabka Puntland oo uu ugu baaqay inay muujiyaan baraarug, ayna fahmaan jihada uu hadda ku socdo maamulka Puntland, oo u muuqata sida uu sheegay mid ka leexatay tiirarkii iyo tubtii aasaaska ahayd ee maamulka lagu dhisay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali karin in Puntland loo xanibo dano shaqsi ah iyo siyaasad khaldan oo bulshada kala qaybinaysa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Puntland ay wajaheyso dagaal culus oo ay ku qaaday Daacish oo ku xoogan qaybo badan oo kamid ah buuraha gobolka Bari.

Dowladda dhexe iyo Puntland ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf xoogan oo siyaasadeed, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac.

Xamas oo sameyneysa soo rogaal-celin weyn – Wargeyska Jerusalem Post oo sir kashifay

Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa sameyneysa soo rogaal celin weyn, iyadoo ciidan cusub soo xero-gelineysa, sida laga soo xigtay warbixin uu baahiyay taleefishinka Channel 12 ee Israel, taas oo uu sidoo kale xaqiijiyay wargeyska The Jerusalem Post.

Sida ay sheegtay Channel 12, Xamas iyo xoogagga kale ee Ururka Islamic Jihad ayaa tiradooda hadda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000-23,000 dagaalyahan. Tiradan cusub ayaa imaneysa ayada oo dhowaan tirada dagaal-yahanada lagu sheegay 12,000.

Tiradan cusub ayaa sidoo kale su’aal gelineysa sheegashadii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo ciidamada difaaca Israel (IDF) oo sheegtay in inta u dhaxaysa 17,000-20,000 dagaalyahan oo Xamas iyo Islamaic Jihad ah ah lagu dilay dagaalka.

15-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaa jiray farqi dhowr kun ah oo u dhexeeyay tirakoobka IDF iyo Netanyahu, taas oo keentay shaki ku saabsan saxnimada qiyaasaha.

Bishii Juun, IDF waxay intaas ku dartay in inta u dhaxaysa 14,000-16,000 dagaalyahan oo Xamas ah lagu dhaawacay dagaalka.

Xisaabo aan is-qabanayn

Bishii Oktoobar 2023, IDF waxay sheegtay in guud ahaan ciidamada Xamas ay gaarayeen 25,000, laakiin tirakoobyada hadda la soo bandhigay ayaa u muuqda kuwo aad uga duwan – Haddii aanay Xamas ciidan cusub ku beddelin kuwii hore.

Xogta qaar waxay tilmaamayaan in, inkasta oo IDF markii hore ay ku qiyaastay 25,000, tirada dagaalyahannada Xamas ka hor dagaalka ay gaari karto 30,000 illaa 40,000. Warbixin uu The Jerusalem Post helay ayaa tilmaamay in tirada 40,000 ay u badan tahay inay sax tahay.

Haddii xogtan sax tahay, waxay muujineysaa in inta badan dagaalyahannada Xamas ay weli joogaan, laakiin sidoo kale ay kooxda ku kordhisay dagaalyahanno cusub oo aad u badan.

Dib u soo kabashada Xamas

Bishii Juun, warbixinnadii ugu horreeyay ayaa sheegay in Xamas ay dib ugu soo kabaneyso awooddeeda kadib markii ciidamada IDF ay ka baxeen waqooyiga Gaza bilihii Janaayo iyo Febraayo, iyo sidoo kale magaalada Khan Yunis 7-dii April.

Haddii xogta Channel 12 sax tahay, waxay muujineysaa in 9,000 dagaalyahan oo Xamas ah ay u kala qaybsan yihiin waqooyiga iyo koonfurta Gaza, halka Islamic Jihad ay haystaan 4,000 dagaalyahan, iyo 7,000-10,000 dagaalyahan kale oo si aan rasmi ahayn loo abaabulay ay ku faafsan yihiin gudaha Gaza.

Si kastaba ha ahaatee, tirakoobyadani waxay ka hor imaanayaan warbixinnada ciidamada Israel ee dhowaan la siiyay warbaahinta, kuwaas oo tilmaamay in waqooyiga Gaza inta badan laga xoreeyay dagaalyahannada.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay The Jerusalem Post in tirada guud ee dagaalyahannada Xamas ay weli tahay mid aan caddeyn, taasi oo ka dhigan in Israel aysan ogeyn goorta uu dagaalku dhammaan karo ama laga adkaan karo Xamas.

XOG: Madaxweyne XASAN oo kusii jeeda Addis Ababa + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu kusii jeedo magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu isku mari doono dalalka Uganda iyo Itoobiya, isla markaana safarkiisa uu qaadan doono hal maalin.

Sida aan xogta ku helnay madaxweynuhu wuxuu casuumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay wada-hadallo xasaasi ah ku yeelan doonaan magaalada caasimad ah ee Addis Ababa.

Xogta ayaa sidoo kale  ku warrameysa in ujeedka ugu wayn uu yahay sii amba qaadida wada-hadallada labada dowladood, si loo dhameystiro heshiiska Ankara.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in labada dowladood ay kala saxiixdaan heshiis cusub oo ku aadan badda, maadaama horay Soomaaliya u ogolaatay in Itoobiya siiso marin biyood, iyada oo toos ugala macaamileyso dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan arrinta ciidamada Itoobiya iyo ka qayb galka howlgalka AUSSOM ee sanadkan cusub ka billowday gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay booqashada la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro Addis Ababa, maadaama ay kusoo aaday xilli xasaasi ah, horayna madaxweynaha uu mowqif adag uga qaatay arrinta Itoobiya.

Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Horay waxaa Addis Abaa u booqday wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo taliyaha NISA, kuwaas oo wada-hadallo lasoo yeeshay dowladda federaalka Itoobiya.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay kulan la sheegay in uu la yeeshay Xasan Sheekh

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya inuu si qarsoodi ah ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu ku sugnaa booqasho dhowaan uu ku tagay Jabuuti.

Hirsi ayaa ku tilmaamay eedahan kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo ku adkeystay in xisbigiisu ka go’an tahay hoggaamin hufan oo cad.

“Ma jirto kulan aan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh intii aan ku sugnaa Jabuuti,” ayuu yiri. “Haddii ay jiri lahayd wax wadaxaajood ah, waxay noqon lahaayeen kuwo waafaqsan siyaasadda xisbiga oo si furan loo qaban lahaa. Xisbigayagu uma shaqeeyo hab qarsoodi ah.”

Wararka ku saabsan kulankan qarsoodiga ah ayaa caro ka dhaliyay caasimadda Somaliland, iyadoo dad mudaharaadayay ay ku eedeeyeen Xirsi inuu wiiqay dadaalka Somaliland ee madaxbannaanida.

Dhaleeceeyayaashu waxay sidoo kale dhaliileen safarkiisa Jabuuti, waddan ay Somaliland xiriir adag kala kulantay sanadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in Xirsi uu ka baxay xuduudaha doorarkiisa guddoomiye xisbi, iyagoo ku tilmaamay safarkiisa mid ah “diblomaasiyadeed oo aan sharci ahayn,” oo sida caadiga ah u taalla Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Ma ahan shaqadiisa inuu u dhaqmo sida diblomaasi,” ayuu yiri qof mudaharaadayay.

Xirsi ayaa door muhiim ah ka ciyaaray furitaanka wada-xaajoodkii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya xilligii uu ka tirsanaa maamulkii Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

Wada-hadalladan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo muranka dheer ee ka taagan madax-bannaanida Somaliland ay ku dhawaaqday.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan toban sano oo wadaxaajood aan guul lahayn kaddib, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa wada-hadalladan u arka kuwo aan faa’iido lahayn.

Dhaleeceeyayaasha waxay ku doodaan in wada-xaajoodkani aysan wax horumar ah ka keenin arrinta, waxaana loo arkaa mid mashquulinaya siyaasadda gudaha ee Somaliland.

Xog: Axmed Madoobe oo diyaariyey qorshe uu Gedo ku qabsanayo iyo DF oo niyad jabtay

0

Garbahaarey (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan ayaa qorsheynaya in awood ciidan ay kula wareegaan gobolka Gedo degmooyinka ay ka joogaan maamullada taabacsan dowladda federaalka.

Qorshaha Jubbaland ay dib ugu qabsaneyso gobolka Gedo ayaa gabagabo ku sii dhow, sida ay ilo wareedyo kale duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaana socda qorshe ay Jubbaland ku qoraneyso ciidamo u dagaalama.

Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jeneraal Cabdullahi Fartaag, balse seddax toddoobaad kadib, wuxuu shalay Baardheere diyaarad ka raacay isagoo aan wadin wax natiijo ah.

Degmooyinka Garbahaarey, Baardheere, Beledxaawo iyo Buurdhuubo ayaa ku jira gacanta dowladda federaalka, Axmed Madoobe ayaa qorsheynaya in awood ciidan uu kula wareego degmooyinkaas.

Howlgalka xoogiisa waxaa laga abaabulayaa degmada Doolow oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ay joogaan, waxayna halkaas ku diyaariyeen ciidan ay qalabeyntiisa ka qeyb qaadatay Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jira qorshe si hoose ciidan beeleed looga qorayo degmooyin ay ugu horeyso Garbahaarey, waxaana qorshahaas dejiyey Axmed Madoobe, halka ciidankii dowladda federaalka ku jebiyey Raaskambooni ay ku diyaarsan yihiin Kismaayo iyo degmooyin kale.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa gabagaba ku dhow qorshaha uu dejiyey Axmed Madoobe ee gobolka Gedo uu dib ugu qabsanayo, halka dowladda federaalka ay niyad jabtay markii looga adkaaday dagaaladii Raaskambooni, Kulbiyow iyo Doolow.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay qorsheyneyso in gobolka Gedo ay ku qabato doorasho lagu soo dhisayo maamul cusub oo Jubbaland yeelayo, kaas oo aqoonsi ka heli doona dowladda, iskuna balaari doona dhulka uu hadda xukumo ee laga qaadi waayey Axmed Madoobe.

Qorshaha dowladda waxaa ka dhiman ciidan, mana jiro ciidan ay dowladda federaalka ilaa hadda geysay Gedo, si loo meel-mariyo ajendaha ay wadato, halka Axmed Madoobe uu diyaarinayo awood ciidan oo gobolka Gedo uu ku qabsanayo.

 

Booliska oo soo qabtay koox dambiyo culus ka gaysatay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta guud ee gobolka Banaadir ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo guuleystay oo ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay eedeysanayaashii ugu badnaa oo gaarayaa illaa 23 qof, kuwaas oo loo haysto dambiyo culus.

Sawirrada kooxdan lasoo qabtay oo lasoo bandhigay ayaa waxaa loo haystaa dil, dhaawac, dhac, iyo kufsi sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska.

“Hay’addaha amiga Gobalka Banaadir iyo shacabka caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo ku kacay falal iskuugu jira dil, dhaawac, dhac dadweyne iyo  ka ganacsi maandooriye” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha ay xiran yihiin, laguna hayo baaris, iyada oo la geyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Sidoo kale ciidamada booliska ayaa farriin culus u diray shacabka, waxayna ka codsadeen in laga gacan siiyo amniga oo muhiim u ah qof weliba.

“Muwaadin hadii aad la kulanto falal amniga lidi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed amma ku soo hagaaji [email protected]” aaa lasii raaciyay.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo keenay in laga nasto qaraxyadii horay uga dhici jiray Muqdisho.

Turkiga oo Faransiiska ku bah-dilay Suuriya una diiday…

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan, ayaa Jimcadii si cad u sheegay in ciidamada Faransiiska aanay wax door ah ku yeelan karin arrimaha Suuriya, isagoo hoosta ka xariiqay in Ankara ay kaliya wadahadal la leedahay Mareykanka.

Tani waxay timid iyadoo Mareykanku isku dayayo inuu ka hortago weerar milatari oo ay Turkigu ku qaado dagaalyahanada Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Suuriya.

Fidan ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu iska indhatiray walaacyada amni ee Turkiga, isagoo ugu baaqay Paris inay dib u celiso jihaadiyiinta Faransiiska ah ee ku jira xabsiyada Suuriya.

Dalal badan oo caalami ah ayaa isku dayaya inay ka dhaadhiciyaan Turkey, oo ah xubin ka tirsan NATO, inuu ka fogaado kordhinta weerarada ka dhanka ah xoogagga SDF. Kooxdan oo ay hogaamiyaan Kurdish-ka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay taageeridda Mareykanka si looga adkaado kooxda Daacish sanadkii 2019.

Inkastoo reer Galbeedka ay SDF u arkaan koox muhiim ah oo ka hortagaysa soo laabashada jihaadiyiinta, Turkigu wuxuu u arkaa inay khatar ku tahay amnigiisa qaranka sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladda Turkiga.

Mar wax laga weydiiyay suurta-galnimada in ciidamo Mareykan ah iyo Faransiis ah la geeyo waqooyiga Suuriya si loo yareeyo xiisadda, Fidan ayaa si cad u sheegay in Faransiisku aanay wax door ah ku lahayn.

“Mareykanku waa dalka kaliya ee aan ka wadahadalno arrimaha Suuriya,” ayuu ku yiri wariyeyaasha isaga oo jooga Istanbul.

“Waddamada isku dayaya inay danahooda ka fuliyaan Suuriya iyagoo isku qarinaya Mareykanka, si dhab ah uma tixgelinno.”

Fidan ayaa sidoo kale ku adkaystay in Turkigu uusan aqbali karin halista kooxaha Kurdish-ka.

“Waxaan sheegay marar badan: ma aqbalayno in khatar noocan ah nagu sii jirto. Haddii aan cid kale tallaabo qaadin, annaga ayaa qaadi doona,” ayuu yiri.

Toddobaadkan, Fidan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inay weerar milatari ku qaadi doonaan Suuriya si ay uga hortagaan kooxda SDF.

Khalaafka Faransiiska iyo Turkiga ee maxaabiista jihaadiyiinta ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa warbaahinta u sheegay inuu la hadlay Fidan, isagoo u sheegay in Turkiga iyo Faransiiska ay wadaagaan ujeeddo ah “in Suuriya ay noqoto dal xasilloon, madax-bannaan, oo mideysan.”

Si kastaba ha ahaatee, Fidan ayaa Faransiiska ugu baaqay inay mas’uuliyad ka qaataan muwaadiniintooda jihaadiyiinta ah.

“Waxa Faransiiska looga baahan yahay waa inay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda, ku xiraan xabsiyada dalkooda, oo maxkamad ku soo taagaan,” ayuu yiri.

Wuxuu ku eedeeyay Faransiiska inay ku qaldan yihiin ku tiirsanaanta kooxaha Kurdish-ka, sida YPG, oo ah laf-dhabarta SDF, si ay u hayaan maxaabiista jihaadiyiinta ah.

“Waxay ku qaldan yihiin inay taageero ka helaan koox argagixiso ah iyagoo u adeegsanaya sidii xabsiyo dibadda ah.”

Fidan ayaa ku adkaystay in Turkiga uu doonayo keliya inuu xasillooni ka sameeyo Suuriya, balse reer Galbeedka ay danahooda ka hormariyaan walaacyada Turkiga.

“Mar walba waxay soo bandhigaan waxyaabaha iyaga danahooda u ah, mana qaadaan wax tallaabo ah oo ku saabsan walaacyadeena,” ayuu yiri.

Barrot ayaa dhinaciisa sheegay in jihaadiyiinta ajnabiga ah “lagu sii hayo halka ay dambiyada ka galeen,” oo ay hoos joogaan ilaalinta Kurdish-ka.

Wuxuu intaas ku daray in Faransiisku isku dayi doono inuu dib u soo celiyo carruurta muwaadiniintooda ee ku lug yeeshay dagaalyahannada jihaadiyiinta ah.

Bishii hore, Fidan ayaa ku dhaleeceeyay reer Galbeedka inay taageero siinayaan SDF kaliya si ay uga hortagaan in jihaadiyiintooda u dhashay aysan dib ugu soo noqon dalalkooda, taas oo uu ku tilmaamay siyaasad ku saleysan dano gaar ah.

Sanbaloolshe oo maanta soo afjaray halis weyn oo ka jirtay Hiiraan iyo DF oo la wareegtay gobolkaas

0

Beledweyne (Caasimada Online) –Ciidamada NISA iyo Booliska Soomaaliya ayaa maanta bilaabay howlgal culus oo ka dhan ah Isbaarooyinkii yaallay gobolka Hiiraan, gaar ahaan inta ka dhaxeysa Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo Beledweyne ku sugan ayaa amray howlgalkaan, waxaana lagu guuleystay in wadada laamiga ah laga sifeeyo kooxihii isbaarooyinka dhigtay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii maanta.

Ciidamada ayaa ka soo kala dhaqaaqay Beledweyne iyo Matabaan, waxaana cagta la mariyey isbaarooyinkii yaallay dhowr tuulo oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinkaas, sidoo kale dhanka Maxaas ayaa loo fidiyey howlgalka, halkaas oo dhowr isbaaro lagu burburiyey.

Taliyaha Booliska degmada Matabaan Dhamme Cabdifitaax Fooneeye ayaa Caasimada Online u sheegay inay maanta ku guuleysteen qaadista Isbaarooyin yaalay deegaanada Dhisaqa, Bacda, Beergadiid iyo Laancaad oo kawada tirsan gobolka Hiiraan, kadib amar kasoo baxay Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Nabad-sugidda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Agaasimaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo geed-fadhi u ah howlgalkaan iyo hagaajinta siyaasadda gobolka Hiiraan ayaa Beledweyne ku sugan muddo ku dhow 10 cisho, wuxuuna maanta la hadlay bulshada magaaladaas, isagoo ugu bishaareeyey in la qaaday dhamaan isbaarooyinkii yaallay inta ka dhaxeysa Beledweyne, Maxaas ilaa Matabaan.

Sanbaloolshe ayaa dadkiisa mar kale u sheegay in masuuliyada amniga gobolka Hiiraan ay la wareegtay dowladda federaalka, isla markaana ay ka go’antahay in isbaaro dambe aan la dhigan gudaha magaalada Beledweyne iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan, halkaas dadka safarka ah lagu dhici jiray.

Gobolka Hiiraan oo intiisa badan laga saaray Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka go’ay maamulkii uu ka tirsanaa ee HirShabeelle, weliba si aan cadeyn, taasi oo xaalad hubanti la’aan ah gelisay xaaladda gobolkaas.

Maamul la’aanta dhacday iyo kala-dambeyntii oo meesha ka baxday ayaa sababtay in qof kasta uu qori qaato, dadka qaar ayaa iskood difaac uga xirtay Al-Shabaab, halka maleeshiyaad badana ay fursad u heleen inay dhigtaan isbaarooyin oo dadka dhacaan.

Madaxweynayaashii kala dambeeyey ee HirShabeelle oo Cali Guudlaawe oo ugu dambeeyo ayaa ku guul-dareystay inay xaliyaan tabashada maamul ee ka jirta Hiiraan, taas oo xoogeeda ay qabto beesha Xawaadle oo ah beesha ugu awoodda badan gobolkaas Hiiraan.

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa u muuqda nin wax ka yar 10 maalmood ku xaliyey, caqabado ka taagnaa Hiiraan oo sanado badan ay xali weysnaayeen madaxdii kala dambeysay ee maamulka HirShabeelle, xaaladda Hiiraan oo weli hubanti la’aan ku jirta ayaa hadda si ku meel gaar ah loo hoos keenay dowladda federaalka.

Mareykanka oo $95 Milyan oo deeq Militeri ah ka jaraya Masar, una wareejinaya dal kale

Washington (Caasimada Online) –Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in lacag dhan 95 Milyan oo deeq Military ah oo la siiyo Masar ay qorsheyneyso inay ka jarato oo lasiiyo dal kale.

Warbixintaan waxay sheegeysaa in Mareykanku deeqdaas Militeri u wareeji doona dalka Lubnaan, sababo lala xiriira walaacyada laga qabo diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Qaahira.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qorshahaan Isniintii toddobaadkaan la wadaagtay Aqalka Congres-ka Mareykanka.

Washington waxay sheegtay in Ciidamada Lubnaan ay yihiin saaxiibka muhiimka ah ee ilaali doona heshiiskii Lubnaan iyo Israa’iil ay dhowaan galeen ee dagaalka lagu joojiyey iyo inay ka hor tegi doonaan in ammaanka Israa’iil ay Xisbullah qalqal-geliso.

Bishii September ayaa la sheegay in qorshahaan uu diiday Aqalka Congres-ga Mareykanka, kadib markii uu u gudbiyey maamulka waqtigiisu sii dhamaanayo ee Joe Biden, waxaana si cad u diiday xildhibaano badan.

Dowladda Mareykanka ayaa go’aanka ay deeqdaan maaliyadeed uga jaraneyso Masar ku sheegtay walaaca xuquuqda aadanaha ee ka jira gudaha Masar, iyadoo la tilmaamay in kumanaan qof ay Qaahira ugu xiran yihiin arrimo la xiriira siyaasadda.

Maamulka Joe Biden ayaa bartamihii sanadkii hore dowladda Masar ka dalbaday in xabsiyada laga siidaayo dadka u xiran arrimaha siyaasadda, iyadoo aan la farogeli doonin dhaqaalaha militeri ee Mareykanku siiyo Masar.

Xubnaha soo diyaariyey warbixinta deeqda militeri ee Masar la siiyo loogu wareejinayo Lubnaan waxay ku doodayaan in dhaqaalahaas qaar loo weeci karo dhanka Suuriya hadii loo baahdo, maadaama is bedel maamul oo weyn uu ka dhacay.

“Lubnaan waa saaxiibka dhanka amniga ee Washington ay dooratay,” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay u gudbisay Aqalka Congress-ka.

Sidoo kale, Mareykanku wuxuu hoosta ka xariiqayaa inay muhiim tahay in isbedelka Suuriyaha la xaqiijiyo in kooxda Xisbullah ee Shiicada Iran taageerto aysan carqaladeyn, ilaalinta ajendahaas ayaa u baahan dhaqaale badan.

Baasaboorka Soomaaliya oo horumaray – Imisa dal ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan horumar ka sameeyay qiimeynta caalamiga ah ee Henley Passport Index, isagoo galay kaalinta 102-aad ee 2025. Qiimeyntan ayaa muwaadiniinta Soomaalida u oggolaanaysa inay fiiso la’aan ku tagaan 35 dal oo kala duwan.

Sanadihii la soo dhaafay, qiimeynta baasaboorka Soomaaliya wax weyn iskama beddelin. Sanadkii 2015, waxa uu ku jiray kaalinta 108-aad. Inkasta oo horumarka sanadkan uu yahay mid la bogaadin karo, haddana booska Soomaaliya wuxuu aad uga hooseeyaa waddamada qaar, sida Imaaraadka Carabta, oo 10 sano gudahood kor ugu kacay 32 boos, haatana ku jira kaalinta 10-aad, waxaana fiiso la’aan lagu tagi karaa 185 dal.

Henley Passport Index waa qiimeyn caalami ah oo lagu cabbiro awoodda baasaboorrada 199 waddan iyada oo lagu saleynayo tirada dalalka lagu tagi karo fiiso la’aan.

Booska Soomaaliya wuxuu muujinayaa caqabadaha weli ka jira xornimada safarka muwaadiniinta, gaar ahaan marka loo eego waddamada sida Singapore, oo ku jirta kaalinta koowaad, halkaas oo baasaboorkeeda loogu oggolyahay in fiiso la’aan lagu tago 195 dal.

Inkastoo ay jiraan dadaallo dowladda Soomaaliya ku bixisay hagaajinta xiriirka caalamiga ah iyo casriyeynta nidaamka bixinta baasaboorrada, haddana dadaalladaasi weli ma keenin natiijooyin muuqda oo ku saabsan xornimada safarka.

Xannibaadaha safarka ayaa si gaar ah u saameeya fursadaha waxbarasho, shaqo, iyo is-dhex-galka caalamiga ah ee muwaadiniinta Soomaalida.  

Warbixinta Henley Passport Index ee 2025 waxay iftiimisay dhibaatada ku saabsan sinaan la’aanta safarka caalamiga ah, iyadoo waddamada Afrika ay si gaar ah ugu dhibban yihiin xannibaadaha fiisaha.

Booska Soomaaliya wuxuu tusaale u yahay xaaladda guud ee qaaradda Afrika, halkaas oo heerarka diidmada fiisaha ay aad ugu sarreeyaan marka la barbar dhigo dalalka kale. Daraasaado ayaa muujinaya in dadka Afrika ee codsada fiisaha Schengen ay laba jeer u badan tahay in dalabkooda la diido marka loo eego dadka dalalka kale.

Professor Mehari Taddele Maru, oo ka tirsan Xarunta Siyaasadda Socdaalka, ayaa sheegay in diidmada fiisaha dadka Afrika ay sabab u yihiin arrimo badan. “Heerarka sare ee diidmada fiisaha ee Afrikaanku waxay ka tarjumayaan dhaqaale daciif ah iyo siyaasado takoor ah oo sii adkaynaya sinaan la’aanta dhaq-dhaqaaqa caalamiga ah,” ayuu yiri.

Waddamada sida Komoros, Guinea-Bissau, iyo Ghana ayaa la kulma heerar diidmo oo ka badan 47%, taas oo muwaadiniinta Afrika ka dhigaysa kuwa ugu hooseeya dhinaca xornimada safarka, una diidaysa helitaanka fursadaha waxbarasho, shaqo, iyo ganacsi ee caalamiga ah.

Goormee Axmed Madoobe furi doona xujada safarada ee hor-taalla kadib markii DF ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 27-kii bishii November ee sanadkii dhamaaday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay waaran lagu soo qabanayo hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Ninkan ayey dowladda ku eedeysay u adeegida dowladda shisheeye iyo inuu ka horyimid dastuurka dalka iyo guud ahaan dowladnimada Soomaaliya. Durba waxaa soo baxay dareen ah inay arrintani socdaal ahaan u saameyn doonto Axmed Madoobe.

Mudaddaas illaa maanta Axmed Madoobe kama bixin magaalada Kismaayo. Illaa xilligaas dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya waxay sheegayaan in uusan Axmed Madoobe u dhoofi karin dibadda.

Axmed Madoobe ayaa inta badan aadi jirey waddamada Kenya iyo Imaaraadka, balse meelna uma dhaqaaqin tan iyo markii uu dib isku doortay, dowladda federaalkuna ay soo saartay waaranka.

Iyadoo Axmed Madoobe uu ku adkaaday dagaalkii milatari ee kaga yimid dhanka dowladda federaalak ah, sidoo kalena la furfuri waayey xarkihiisa Imaaraadka iyo Kenya, haddana arrinta socdaalku waa su’aal weli hortaalla Axmed.

Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegaya inuu ku jiro qorshe safar, laakiin dhanka dowladda federaalka oo la hadalnay waxay ku goodiyeen in uusan ka bixi karin magaalada Kismaayo.

Haddii uu Kismaayo ka tago, iyadoo xiisaddan taagan tahay ma cadda inuu xaalka sidiisa ugu soo laaban doono, waana mid kale oo walaac leh ayey leeyihiin qaar ka tirsan dadka isha ku haya arrintaan.

In ciidankiisa la kala fur-furi karo ayuu ogaaday Axmed Madoobe intii uu ku jiray dagaalkan. Mowduuca socdaalka waa xujo furis uga baahan asbuucyada soo aadan, haddii kale waxaa dhab noqon doonta sheegashada dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inuu waarankooda u xayiran yahay Axmed Madoobe.