25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Arrintii ka dhacday Raaskambooni oo lugaha la gashay Xasan iyo Xamza

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Fartaag ayaa soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Raaskambooni oo jab xooggan uu kasoo gaaray ciidamadii ay dowladda ku daabushay deegaankaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay bixiyeen amarkii ay dib ugu baxeen ciidamada, ayna ku wargeliyeen in aysan dagaalami karin, taas oo keentay in Jubbaland ay si buuxda ula wareegto magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

“Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa amray inay ciidamada dowladda iskaaga baxaan Raaskambooni, amarna uma haysan inay dagaalamaan ” ayuu yiri Fartaag oo la hadlayay odayaasha degmada Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu eedeeyn kulul u jeediyay Axmed Madoobe oo uu tilmaamay in mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa Jubbaland inuusan wax dagaal a ku qaadin Al-Shabaab, gaar ahaan inuu ka xoreeyo degmada Jamaame.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sidoo kale farriin u diray waxgaradka Gedo wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, ayna xor u noqdaan codkoda.

Fartaaq ayaa hadda jooga Garbahaarey halkaas oo uu ka wado qorshe iyo abaabul ka dhan ah Jubbaland, iyada oo ujeedka uu yahay in maamulka Axmed Madoobe la saaro gobolka.

Warar ka soo baxaya sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday wasiirkii batroolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shalay sameeyay isku-shaandheyn galaafatay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadk Dabiiciga ah Cabdirisaaq Cumar isaga oo lagu badalay Daahir Shire Maxamed.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta xilka looga qaadey Cabdirisaaq. Qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu xilkiisaku waayay “tabashadda iyo is-maan-dhaafka reer Hiiraan”.

“Xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka HirShabelle caasimad looga dhigo Bouloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya.

“Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda,” ayuu shaaca ka qaadey.

Balse, macluumaad kale oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin ayaa sheegaya in Cabdirisaaq iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay isku qabteen lacag.

Sidda ay wararkan sheegayaan, lacagtan ayaa kasoo xarootay saxiixa heshiiska shidaalka Turkiga. Balse illaa haatan si dhab ah looma caddeyn karo cadadka saxda ah wallow warar ay gaarsiinayan inta u dhaxeysa $9 milyan illaa $10 milyan.

“Dhamaan isku-dayadii la doonayay in lagu xaliyo is-maan-dhaafka ayaa kusoo dhamaadey in xilka laga qaado wasiirka, waana go’aan ka yimid madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayay sheegeen xubnaha laga soo xigtay xogtan.

Dhanka kale, warar kale ayaa soo jeedinaya in Wasiirka iyo Madaxwayne Xasan Sheekh ay isku-khilaafeen cidda hogaamineyda Hay’adda Batroolka Soomaaliya kaasoo Villa Soomaaliya u rabtey shaqsi ka awood badan Wasaarada Batroolka.

Sikastaba, is-maan-dhaafka durba kasoo dhex-muuqdey galka shidaalka Soomaaliya wuxuu xaqiijinayaa cabsidii horey loo qabay oo ahayd in mashruucan uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed kahor inta aanan si dhameystiran loo guda gelin.

Xigasho: Garowe Online

Maxay ka dhigan tahay taageerada Faransiiska ee damaca badda ee Itoobiya?

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan in ay hesho marin badeed iyadoo ku heleysa hab wada xaajood ah oo ixtiraamaya shuruucda caalamiga ah iyo dalalka deriska ahba.

Macron ayaa hadlay Sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. 

Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Erdogan. 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Faransiiska taageerada ay ka geysaneyso dib u habeynta xarunta qaranka iyo dayactirkeeda.

Maxay ka dhigantahay taageerada Macron ee damaca badda Itoobiya?

Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey oo ka faallooda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaan wax ka waydiinay booqashada madaxweynaha faransiiska Macron iyo waxa ay ka dhigantahay.

“Waxaa is badalay si guud xiriirka caalamiga ah iyo sida ay dalalku u danayn jireen Afrika, waana wajiga cusub ee Faransiiska uu rabo inuu ula macaamilo,” ayuu yiri Dr Gurey.

“Faransiiska waxa uu kamid yahay dowladaha Itobiya u soo dhisayay ciidanka badda, taas ayaana keenaysa inay ku taageerto helista marin biyood, waxbadan ayayna wadaagaan labadaas dal,” ayuu yiri Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey.

Falaqeeyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in heshiiskii u danbeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhanka muranka badda uu wali sugayo in la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka.

Faransiiska ayaa hab militari iyo diblomaasiyadeed ku taageeraya Itoobiya, iyadoo Paris ay tababar iyo qalabeyn siiso ciidanka Itoobiya ee loo tababaray inay ka howlgallaan badda, taas oo la xiriirta tallaabo ay ku doonayso Itoobiya sida ay ku heli lahayd saldhig ciidanka badda, mana aysan sharrixin waligeed Itoobiya sababta ay u doonayaan saldhig ciidanka badda ah.

Mareykanka oo sabab yaab leh usoo riday diyaarad uu leeyahay

0

Washington (Caasimada Online) – Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagu soo riday badda cas, kadib markii uu si kama ah u toogtay” Markab Mareykanku leeyahay”, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Laba duuliye oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ee F/A-18 Hornet ayaa si nabad ah uga badbaaday, iyadoo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay Taliska Dhexe.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu qaaday weeraro is xigxigay oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday goob lagu keydiyo gantaallada iyo xarumaha laga hago ee caasimada Yemen ee Sanca oo ay maamulaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay sidoo kale duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta iyo gantaallada lidka maraakiibta badda cas.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in shilku si kama ah u dhacay oo aanu ku tala gal ahayn.

“Markabka laga rido gantaallada la hago ee USS Gettysburg, oo ka tirsan kooxda USS Harry S Truman Carrier Strike Group, ayaa si qalad ah u ridey oo ku dhuftay diyaaradda F/A-18, taasoo duuleysay hawada USS Harry S Truman,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray taliska dhexe ee Mareykanka.

Ma cadda in diyaaradda la soo riday ay ku lug lahayd howlgalka lagu beegsanayay Xuutiyiinta Yemen.

Horey ayaa taliska dhexe ee Mareykanku u sheegay in duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Sanca looga dan leeyahay “in lagu carqaladeeyo laguna wiiqo hawlgallada Xuutiyiinta, sida weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsi ee ku sugan Koonfurta Badda Cas, gaarahaan Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed”.

Milateriga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen “dhowr meelood oo ay yaalliin aalado is wado oo Xuuthiyiintu leeyihiin , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada lidka maraakiibta.

Xuutiyiinta, oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib markii uu billowday dagaalka Qasa, toddobadii Oktoobar sanadkii 2023-ka, iyagoo sheegay inay ay garab siinayaan Falastiiniyiinta.

Tan iyo bishii Nufeembar 2023-ka, weerarrada gantaallada ee Xuutiyiinta ayaa laba markab ku quusiyay badda cas, kuwa kalena waxyeello u geystay. Waxay ku andacoodeen, inta badan inay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee laga leeyahay Mareykanka iyo Uk.

Isha: BBC

Xog: Laftagareen oo xabsiga dhigay saraakiisha ciidankii isaga 24-ka saac u qabtay

0

Walaweyn (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa amar ku bixiyey in lasoo xiro saraakiisha hoggaamisa askar shalay ka soo muuqatay baraha bulshada, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan, kuwaas oo ka tirsan daraawiishata maamulkaas.

Xubno ka tirsan booliska degmada Walaweyn ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta xabsiga booliska ee degmadaas lagu xiray afar sarkaal oo hoggaamineysay ciidanka cabashadooda soo bandhigay.

Amarka lagu xiray saraakiishaan waxaa bixiyey Laftagareen, waxaana saraakiisha la xiray ugu sareeya Taliye ku xigeenka Daraawiishta Koonfur Galbeed, sarkaal magaciisa lagu sheegay Xuseen Maduul iyo saraakiil kale oo hoggaamineysay ciidanka K/Galbeed ee ka howlgala aagga degmada Walaweyn.

Caasimada Online ayaa xalay baahisay cabashada askartaas oo sheegay in muddo dheer ay mushaar la’aan ahaayeen, isla markaana ay dhibaateysan yihiin qoysaskoodii oo ku gaajeysan gobollada Bay iyo Bakool.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in Laftagareen uu ka soo fogeeyey qoysaskoodii oo degan inta badan gobolka Bay, waxayna ka howlgalaan gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan aagga degmada Walaweyn oo dagaal ay ku galeen.

Laftagareen ayaa ciidankaan horay ugu adeegsaday dagaal uu maamulkiisu la galay beesha Gaaljecel ee degan Yaaqbariweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas Sh/Hoose, waxaana hadda taagan cabasho ka dhalatay mushaar la’aanta uu dhigay Laftagareen.

Ciidamada cabashada soo bandhigay waxaa ka careysiiyey xafladii sanad guurada ee habeen hore uu dhigtay Laftagreen, taas oo ka dhacday Baydhaba, 6-sano ayuu u dabaal-degay oo labo kamid ah ay sharci darro tahay.

Sidoo kale maamulka Laftagareen wuxuu maanta xabsiga dhigay wiil TikTok-gar ah, oo dhaliilay xafladii uu dhaqaalaha badan ku dhigtay, iyadoo dadka reer Koonfur Galbeed la daalaa dhacayaan sicir barar adag, cunaqabateynta Al-Shabaab iyo maamul-xumo.

 

Wasiirkii Batroolka oo shaaca ka qaaday arrin ay isku qabteen DF oo xilka looga qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta xilkii laga qaaday ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimo uu sheegay inay sababeen xil-ka qaadistiisa, kuwaas oo dhamaantood salka ku haya masiirka HirShabeelle iyo qadiyadda Hiiraan.

Wasiir hore Cabdirisaaq Cumar ayaa sababta xilka looga qaaday ku soo koobay kala aragti duwanaasho soo kala dhex gashay isaga iyo Xasan Sheekh, taasi oo ku saabsan tabashada reer Hiiraan, gaar ahaan beeshiisa Xawaadle ay ka qabaan awood qeybsiga maamulka HirShabeelle.

Cabdirisaaq iyo Xasan Sheekh ayaa muddo dheer soo ahaa saaxiibo siyaasadeed oo aad isugu dhow, sidoo kale waxaa la sheegay in Cabdirisaaq uu Abti dhow u yahay Xasan Sheekh, markii ay maanta dhacday xilka qaadistaan, waxaa soo yeeray war sheegaya inay isku qabteen lacago si hordhac ah looga helay saxiixa heshiisyadii Shidaalka, balse cadeyn raami ah looma hayo.

Qoraalka Wasiir Cabdirisaaq oo faahfaahintiisu aysan dhaafsaneyn kala aragti duwanaasho soo kala dhex-gashay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid lagu jiheynayo aragtida iyo fahanka arrinkaan ee dadweynaha.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirkii la bedelay ee Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed:

Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha.

Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele.

Tabashooyinkii oo marba marka ka dambeeyo isa soo tarayay ayaa sii xoogaystay waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro.

Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe.

Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele.

Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda.

Ugu dambayn waxaan halkan ku cadaynayaa in aan ka shaqayn doono Dawladnimada, iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka HirShabeele.

Diyaarad ay ciidamada Turkiga leeyihiin oo burburtay iyo khasaare ka dhashay

0

Ankara (Caasimada Online) – Afar qof ayaa geeriyootay kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku burburtay isbitaal ku yaalla Koonfur-galbeed ee Turkiga maanta, guddoomiyaha gobolka uu shilkaasi ka dhacay ayaa sheegay in shilkaas ay sababtay ceeryaamo aad u badan oo jirtay.

“Diyaarad helikobter ah ayaa dhulka ku dhacday ka dib markii ay ku dhufatay dabaqa afraad ee isbitaalka markii ay kacday,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Mugla Idris Akbiyik.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shilkaas ay ku dhinteen laba duuliye, dhakhtar iyo shaqaale saarnaa.

“Waxaa jirtay ceeryaamo xooggan, taasi oo sababtay in duuliyuhu uu arki waayo dabaqa hortiisa ah, sidaas ayey diyaaraddu ugu dhacday qeybta 4-aad ee dabaqa,” ayuu yiri Akbiyik, isagoo intaas ku daray in masuuliyiinta ay baarayaan sababta shilka.

Diyaaradda helicopter-ka ayaa ku soo kacday xaalad aan si wanaagsan loo arki karin, iyadoo ka soo duushay saqafka sare ee isbitaalka Mugla oo ku sii jeeday magaalada Antalya, sida lagu arkay sawirro uu baahiyay TV-ga NTV.

Helikobterka ayaa markaas la arkayay iyadoo ceeryaamo ku dhex jirta dhowr daqiiqo kadib markii ay kacday, ka hor inta aysan ku dhicin meel bannaan oo ku dhow cisbitaalka ay ku dhufatay, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.

Shilkan ayaa yimid wax ka yar labo toddobaad kadib markii lix askari ay dhinteen kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo helicopter ah xili uu tababar ciidan ka socday gobolka Isparta ee koonfur galbeed dalka Turkiga.

Waqtigaas wasaaradda gaashaandhigga ma aysan cadeyn waxa sababay shilkaas, sidoo kale kan maanta dhacay weli kama aysan hadlin.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabada uu maanta qaaday Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta abaal-mariyay mid kamid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi oo dhowaan sheegay in uu diiday inuu hoggaamiyo afgembi ay dooneysay in dowladda federaalka kursiga kaga tuurto Axmed Madoobe.

Sarkaalkan ayaa horey u sheegay in dowladda Soomaaliya ay lasoo xiriirtay, ayna usoo dirtay lacag gaareysa 90 kun oo dollar ah, si uu afgembiyo madaxweynihiisa balse uu sheegay inuu iska diiday qorshahaasi.

Axmed ayaa maanta sarkaalkan oo lagu magacaabo Dhamme Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) oo ah taliyaha aagga waqooyi ee Kismaayo u dalacsiiyay Darajada Gaashaanle, sida lagu sheegay digreeto ay maanta soo saartay madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Tallaabadan ayaa si weyn looga fal-celiyay, iyadoo dad badan ay su’aal ka keeneen dalacsiinta uu sameeyay Axmed Madoobe iyo inuu awood u leeyahay inuu derajooyin siiyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Maxamed Muxiyadiin: “Inta hartay yaanan la kala dirin miyuu isleeyahay markaas buu bilaabay in uu darajo been ku sharxo.

Xasan Keeyow oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa isna waxa uu yiri “Dowladda federaalka buuqeda ha iska wadato oo caadi ahaa?.”

“Oday-gii wajiyadda badnaa maanta waji cusub ayuuba lasoo baxay,” ayuu yiri Cabdifataax Axmed Maxamuud.

Shariif Axmed Nuur: “Mina-shiibiyo lee waaye waxaas derejo maaha waa wax aan Kismaayo dhaafsaneyn.”

“Gaashaanle inaderka ku siyey oo aanad karti iyo waxqabad midna ku mutaysan xaggee wax kaaga goyn aan ka ahayn kii ku siiyey,” ayuu yiri Kaad Xasan Maxamed.

Saabir Cali: “Xasan damac kama lahan Jubbaland ee umadda beenta ka daaya xarig aan shaqeynin ayaad bilad uga dhigeysaan miskinkaan.”

Cabdishakuur Sheekh Aadan ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Intaas ma ahan in ku filan askarta Soomaaliyeed balse waa dhoolatus iska yar.”

“Sharciyan madaxweyne maamul goboleed oo dhacay darajo ciidan ma bixin karaa?,” ayuu yiri Ugaas Saalaxow.

Guddoomiye Amiir oo ku dhaqaaqay qorshaha Xasan – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta guddoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa looga hadlay qorshaha dar-dargelinta bilicda caasimadda, wax ka qabashada biyo qabadyada iyo biyo mareenada, amniga iyo u diyaar garowga doorasho qof iyo cod oo ka dhacda gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shirka kusoo bandhigay qorshayaasha hortabinta u leh oo ay ugu horeeyaan magaalo Nabdoon, Nadiif ah, cagaaran, bulshada caasimadda oo hesha adeegyada aas-aasiga ah iyo in talada dib loogu celiyo bulshada si ay usoo doortaan hogaankooda.

Waxa uu sidoo kale ku dheeraaday ka go’naashiyahiisa ku aadan hirgelinta qorshayaashaasi uu ka leeyahay caasimadda, asigoona kula dar-daarmay maamulada degmooyinka gobolka Banaadir in si wadajir ah loogu wada-shaqeeyo horumarinta caasimadda.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay masuuliyiinta degmooyinka in bulshada si hufan oo daacadnimo ah loogu adeego, islamarkaana loo dhimriyo dadka baahiyaha gaarka qaba iyo barakacayaasha ku nool Muqdisho.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay qorshaha u diyaar garowga miisaaniyad sanadeedka 2025.

Waxa kale oo lagu soo bandhigay intii uu socday shirka qaab-dhismeedka maamulada degmooyinka, qorshe howleedka sanadka 2025 iyo xoojinta horumarada dhinaca amniga ee ka jira caasimadda Muqdisho.

Tan ayaa ka dhigan in guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho uu ku dhaqaaqay ka miro-dhalinta qorshaha doorashada uu ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

R/W Xamza oo magacaabis iyo isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Daahir Shire Maxamed loogu magacaabay wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Daahir Shire ayaa waxaa lagu beddelay Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa xubnaha gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna ninkii haayay galka shidaal baarista.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa isku beddalay wasiirradii wasaaradaha, qoyska iyo xuquuqul insaanka iyo deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda qoyska iyo xaquuqul insaanka, halka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu wareegtadiisa ku magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo biyaha Cismaan Axmed Macoow.

Wareegtooyinkan ayaa waxaa si gaar ah hadal-heyn badan dhalisay xil ka qaadista wasiirka batroolka Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa kaadiriinta xisbiga UPD, sidoo kalena ah madaxweynaha abtigiisa, waxaana durba arrintan loo qaatay in madaxweynuhu uu tartiib tartiib u bixinayo saaxibadiisii dhiigga u shubay.

Ciidamadii Koonfur Galbeed oo gadooday 24 saacna u qabtay Lafta-gareen

0

Walaweyn (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ka gadooday munaasabadii uu dhigtay Cabdicasiis Laftagareen, waxayna saacado kooban u qabteen hoggaamiyaha maamulkaas oo u dabaal-degay sanad-guuradiisa 6-aad ee mudadii uu xukunka joogay.

Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas ayaa iska soo duubay muuqaalo ay ugu hanjabeen Laftagareen, iyagoo soo gudbiyey cabasho yaab leh, soona bandhigay dayacaad ay kala kulmeen Laftagareen.

Ciidanka maanta hadlay ayaa badankood waxay joogaan degmada Walaweyn iyo deegaano kale oo Laftagareen uu geeyey dhowr bilood ka hor, xilli ay isku dhacsanaayeen beesha Gaaljecel oo Daraawiishta maamulkaas ay dagaal la galeen.

Waxay sheegeen in Laftagareen uu habeen hore dhigtay xaflad weyn oo boqolaal kun oo doolar ay ku baxday, xilli ay ku dhibaateysan yihiin duurka oo mushaar iska dhaafe aysan heysan wax sahay ah.

Ciidamada ayaa muuqaaladan ku faafiyey barahooda bulshada, iyagoo isaga duubay taleefanadooda, muddo 24-saac gudahood ah ayey u qabteen in Laftagareen uu uga soo jawaabo cabashadooda.

Ciidamada qaar ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Laftagareen oo u dabaal degaya sanad guuro sharci darro ah, maadaama uu dhamaaday labo sano ka hor muddo xileedkiisii, in hadana madaxdii qaranka ay tageen Baydhaba oo la dabaal degeen Laftagareen.

Sidoo kale waxay sheegeen in ciidankiisii oo gaajo u dhimanaya uu Laftagareen boqolaal kun oo dollar ku dhigtay hal munaasabad oo ku kacday boqolaal kun oo doolar, ciidankaan ayaa muujiyey cabasho xoogleh oo sanado ay la aamusnaayeen.

Guud ahaan Koonfur Galbeed waxaa ka jirta saboolnimo ay sababeen qabado is biirsaday, caqabadahaas waxaa kamid ah go’doominta Al-Shabaab, maadaama aysan magaalo ku gudbi Karin magaalo kale.

Sidoo kale waxaa ka mid ah maamul xumo iyo eex uu hormuud u yahay Laftagareen, hadana labo sano ayuu sharci darro ku joogaa xukunka, waxayna xalay Xamsa iyo Aadan Madoobe oo wata raxan masuuliyiinta kale ee qaranka ah kula dabaal degeen Baydhaba, isagoo u dabaal degaya sanad guuradii 6-aad oo labo sano uu sharci darro ku joogo xukunka.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo ka dhacay degmada Xarfo ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi, waxaana ka dhex qarxay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen laba ruux, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisga ceel-biyood habeen kahor lagu gubey deegaan dhanka Galbeed ka xiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

Xiisad culus oo ka taagan xadka Somalia iyo Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto halkaasi, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo xooggan.

Xiisadda ayaa u dhexeyso ciidamada dowlad deegaanka iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo haatan isku horfadhiyo magaalada Xarshin oo ah halka ay ka dhaceen dagaallada.

Labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, waxaana suuragal ah in markale uu dib u qarxo dagaalka oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

Dagaallada dhex-maray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallada la doonayo in xal looga gaaro colaadda sii xoogeysaneysa ee ka taagan xadka labada waddan.

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkan ayaa baaq nabadeed u diray labada dhinac, si xal loogu gaaro.

Dagaalladan waxaa ka horreeyay fal kale oo lagu dilay 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlad deegaanka, kadib weerar gaadmo ah oo lagu soo qaaday, xilli ay ku sugnaayeen  degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhacdadan waxaa ka horreeyay dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.

Waa kuma ninka lagu tuhmayo weerarkii ka dhacay Jarmalka?

0

Magdeburg (Caasimada Online) — Nin lagu tuhmayo in uu gaari ku jiiray dad isugu soo baxay suuqa Christmas oo ku yaalla Jarmalka, halkaasi ay ku dhinteen shan qof, laguna dhaawacay tobaneeyo kale, ayaa wajahaya eedeymo badan oo ah dil iyo isku day dil, sida ay booliisku sheegeen Axadda maanta ah.

Weerarkii fiidnimada Jimcaha ka dhacay bartamaha magaalada Magdeburg ayaa argagax geliyay dalkaas, waxaana uu dhaliyay xiisad la xiriirta arrinta muhaajiriinta.

Eedeysanaha oo xabsiga ku jira ayaa ah 50-jir ku takhasusay dhimirka oo u dhashay dalka Sacuudiga, islamarkaana horey loogu bartay hadallo Islaam nacayb ah, wuxuuna ku noolaa dalka Jarmalka ku dhawaad labaatan sano. Sababta weerarka ka dambeysay ayaan weli caddeyn.

Mudaaharaad ay abaabuleen kooxah midigta fog ah, oo ay ka soo qayb galeen ilaa 2,100 qof, ayaa habeenkii Sabtida ka dhacay Magdeburg, sida ay booliisku sheegeen.

Dibad-baxayaasha ayaa qaarkood sitay boorar ay ku qoran yihiin “dib u tahriibin” oo ah eray ay caan ku yihiin taageerayaasha midigta fog oo doonaya tarxiilin baaxad leh oo lagu sameeyo dadka aan jin ahaan aheyn Jarmal.

Dadka kale ayaa isugu soo baxay si ay ugu baroor-diiqaan dadkii dhintay.

Garsoore maxkamad ayaa amray in tuhmanaha, oo warbaahinta Jarmalka magaciisa ay ku sheegeen Taleb A., xabsiga lagu sii hayo, isagoo lagu eedeeyay shan dambi oo dil ah iyo sidoo kale dambiyo badan oo isku day dil ah iyo dhaawacis halis ah, sida ay booliisku sheegeen.

Si deg deg ah looma xaqiijin karo haddii tuhmanaha uu leeyahay qareen matala.

Dadka la dilay ayaa kala ahaa wiil sagaal jir ah iyo afar dumar ah, oo da’doodu kala tahay 52, 45, 75 iyo 67, ayaa lagu yiri bayaanka booliska. Dadka dhaawaca ah, ku dhawaad 40 ayaa qaba dhaawacyo halis ah.

VOA

Jeneraal Muungaab oo ka digay ‘halis kusoo food leh’ shacabka degan Warsheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qoraal soo saaray ayaa ka digay halis uu sheegay inay kusoo food leedahay shacabka deggan dhulka xeebta ee aagga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muungaab oo ka hadlayay mashruuca lagu dhisayo garoonka cusub iyo dekedda ay yeelaneyso Muqdisho ayaa sheegay in uu ku hoos duugan yahay qorshe kale oo dhul boob ah, isaga oo tilmaamay inuu ka digayo in dhul boobka ka socda caasimada loo raro gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay inay sameeyaan baraarug bulsho, kahor inta aan la boobin dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka akhriso qoraalka;

Mashruurca Dekadda & Garoonka cusub (New Mogadishu Development Corporation)

In dadka degaanka talo iyo tixgelin kadib danguud ahaan looga qaado dhul la doonayo in laga hirgeliyo mashruuc Garoon iyo Dekad oo ay yeelato Muqdisho,isla markaana dadka deegaanka laga siiyo Mashruuca ugu yaraan 35% waa wax macquul ah caalamkana kajira.

Waxaase curato diimoon iyo yaab ah in aan helayno xog ah in la doonayo in magaca Danguud lagula wareego dhul xeebeedka u dhexeeya deegaanka Ceelmacaan ilaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe oo gaaraya (30 KM oo dherer ah iyo 10KM oo ballac ah).

Arintaan waxaan u arkaa Boob iyo barakicin dadka deegaankaasi ku nool, ujeedkuna ma aha mashruuc Garoon oo ay ku filan tahay (5 Km oo dherer ah iyo 2.5 Km ballac ah, mana aha Dekad u baahan 7 KM oo dherer xeebta ah iyo 2.5 KM oo ballac ah).

Waxaan ka digayaa in barakicinta iyo dhul boobka ka socda Xamar loo raro Degmada Warsheekh.

Dadka deegaanka waa inay baraarugaan, fadhigana ka kacaan dal iyo dibad inta ay goori goor tahay.

Axmed Madoobe oo abaal-mariyey sarkaal la sheegay in uu diiday inuu afgembiyo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta abaal-mariyay mid kamid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi oo dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay lasoo xiriirtay, ayna usoo dirtay lacag kumaan kun oo dollar ah, si uu afgembiyo madaxweynihiisa balse uu sheegay inuu iska diiday qorshahaasi.

Axmed ayaa maanta sarkaalkan oo lagu magacaabo Dhamme Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) oo ah taliyaha aagga waqooyi ee Kismaayo u dalacsiiyay Darajada Gaashaanle, sida lagu sheegay digreeto ay maanta shaacisay madaxtooyada maamulka Jubbaland.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) Taliyaha aaga Waqooyi ee Magaalaada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubaland oo si geesinimo ah u diiday damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalaha ku Kala furfurayay Ciidamada Dowladda Jubaland u dalacsiiyay darajada gaashaanle” ayaa lau yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay in Cabdixakiin Jabuuti uu iska diiday lacag tiro badan oo ay usoo dirtay dowladda dhexe, ujeedkana uu ahaa inuu ku afgembiyo Axmed Madoobe.

“Gaashaanle Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) ayuu Xasan Sheekh Maxamuud lacag gaaraysa 90,000 kun oo dollar ugu soo diray si uu u hogaamiyo afgambi la doonayay in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyadoo howshaas Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo wakiishay Maxamuud Fanax oo ahaa Gudoomiyahii hore ee Degmada Badhaadhe oo hogaaminayay duulaankii lagu soo qaaday Dowladda Jubaland ee sida gardarada ah Ciidamada loogu soo daabulay deegaanka Raaskambooni oo 13sano kahor ka xoroobay Khawaariijta” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka ree Jubaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda.

Horay telefishinka Jubbaland ayaa u baahiyay codad uu sarkaalka maanta la dalacsiiyay ka duubay guddoomiyihii hore ee degmada Badhaadhe Maxamed Fanax, iyaga oo ka wada-hadlayay arrimo ku aadan xaaladdii ka taagneyd Raaskambooni oo mar dambe lasoo afjaray.

Si kastaba, xiisada u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa weli taagan, waxaana haatan ay u weecatay gobolka Gedo oo ay isku hayaan labada dhinac.

Madaxweyne Cirro oo caddeeyay siduu u wajahayo colaadda Sool iyo Sanaag

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in colaadda ka taagan gobollada Sool iyo Saang uu ku wajahayo wada-hadal, uuna ku dadaalayo in xasarada lagu dhameeyo wada-hadal.

Madaxweyne Cirro oo kulan amniga lagaga hadlayay shalay la yeeshay hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo Kaah ayaa sidoo kale wuxuu gogol nabadeed oo bilaa shuruud ah ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag, si loo gaaro xal ku dhisan is afgarad.

“Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumadiisu aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse ay tahay waajib Dastuuriya in dalka laga difaaco cadow kasta oo isu soo bahaysta, ciidamada qarankuna ay amar buuxa ku qabaan in ay difaacaan dalka iyo dadkaba,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Somaliland.

Xuseen Deyr ayaa intaas kusii daray “Madaxweynuhu wuxuu xisbiyada qaranka u sheegay in ay qayb ka yihiin talada qaranka, wuxuuna u ballan qaaday in uu si toos ah ula socdsiin doono kolba wixii qaranka ku soo kordha.”

Dhinaca kale, madaxweyne Cirro ayaa ciidamada millateriga ku amray inay si buuxda u difaacaan Somaliland, iyadoo xisbigiisana uu soo jeediyay in mucaaradka kala shaqeeyaan sidii talo qaran looga yeelan lahaa xasilinta shaqaaqooyinka ka taagan degmada Ceerigaabo iyo bariga Sool.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda ballan-qaaday inay barbar istaagayaan xukuumadda cusub, islamarkaana ay kala shaqaynayaan difaaca iyo midnimada shacabka Somaliland.

“Labada xisbi mucaarid waxay madaxweynaha u soo jeediyeen talooyin waayeelnimo oo dhaxal-gal ah oo la xidhiidha xaaladaha amni ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa colaadaha haatan taagan,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Deyr.

Si kastaba, madaxweynaha cusub ee dhawaan la wareegay tallada Somaliland ayaa marar badan muujiyay inuu doonayo sidii xal nabadeed looga gaari lahaa colaadaha soo noq-noqday ee Sool iyo Sanaag, oo iyagu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac horleh.

Jubbaland oo war culus kasoo saartay qorshaha uu Fartaag ka wado GEDO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo dowladda federaalka oo dagaal uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa si gaar ah uga hadashay qorshaha uu gobolka ka wado wasiirka amniga Jubbaland Cabdullahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag) oo haatan ku sugan degmada Garbahaarey, waxayna ku eedeysay inuu colaad ka horinayo gobolka Gedo.

“Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag ayaa Garbahaareey la tagay qorshe siyaasadeed qaldan oo ah hurinta Colaado u dheexeeya Dadka walaalaha ah ee Deeganka wada daga iyo duminta Nidaamka Dowliga ah ee ka dhisan Jubbaland kaas oo ay wada dhisteen Shacabka Wada dagan deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale qoraalka lagu sheegay in wasiirka iyo xubnaha wehlinaya oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir ay waji gabax kala kulmeen odayaasha dhaqanka ee degmada, kadib markii ay ka biyo diideem qorshaha ay usoo bandhigeen.

“Wefdiga uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS ee jooga Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa ku hungoobay qorshaha ay Wateen kadib Markii ay qorshahaasi iska diideen Odoyaasha Dhaqanka rasmiga ah ee degmada” ayaa lasii raaciyay.

Jubbaland ayaa ugu dambeyn ku eedeysay Villa Soomaaliya inay awood adeegsaneyso, si ay ugu qabsato gobolka Gedo, waxayna ka digtay in dhiig uu ka daato gobolkaasi.

“Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa awoodooda iskugu geynaya sida ay iskaga horkeeni lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee wada dagan deegaanada Nabada ah ee Jubbaland taas oo keeni karta in uu faraha ka baxo amaanka ay ku nool yihiin shacabka Jubaland iyo in uu daato dhiig laga baaqsan karo daadintiisa.” ayaa mar kale lagu yiri.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo horay isugu wajahay Raaskambooni ayaa haatan mar kale isku haya dhinaca gobolka Gedo oo uu haatan ka socdo dhaq-dhaqaaq u dhexeeyo labada dhinac.

Sawirro: DF oo la wareegtay hoggaanka ciidanka heeganka ah ee Bariga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika (EASF).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika.

Hoggaakaan ay Soomaaliya la wareegtay ayaa mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika.

Xil-wareejintaan ayaa dhacday intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.

Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo casuumaad u fidiyey ururkaan ayaa balan-qaaday in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto.

Madaxweyne Deni oo shaaciyey in uu diyaarsaday ciidan qaadi doona duullaan culus

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, isagoo shaaciyey in ciidamada Puntland ay galeen diyaar garow iyo heegan culus, si dhibaatooyinka kooxdaas ay uga dul-qaadaan shacabka Puntland.

Siciid Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso uga qeyb galay munaasabad lagu daah-furay bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso, isagoo halkaas ka iclaamiyey dagaal ka dhan ah Khawaarijta oo baad iyo cagajugleyn ku heysa ganacsatada Puntland.

“Waxaan bishaareynayaa reer Boosaaso, ganacsatada iyo guud ahaan reer Puntland in culeyskii iyo cagajugleyntii lagu hayey aan u diyaar garownay sidii looga dul qaadi lahaa shacabka, ciidanka Puntland wuxuu galay diyaar-garow culus, waxaan ku kalsoonahay diyaar garowga ciidanka, waxaadna maqli doontaan war farxad leh oo ku saabsan guulaha ay ciidankeenu gaari doonaan.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa maleeshiyaadka kooxdaas eek u dhuumaaleysta Puntland ugu baaqay inay isku soo dhiibaan maamulka, halka kuwa ajaanibta ah uu uga digay inay sii joogaan deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabkiisa ugu baaqay inay isku diyaariyaan, kuna dhiiradaan inay garab istaagaan ciidamada loo diyaariyey inay galaan dagaalka Khawaarijta, kuwaas ooh adda diyaarsan, sida uu sheegay Deni.

Dhanka kale Siciid Deni ayaa ka hadlay in Puntland ay bilowday daraasad ku saabsan in ay sameysato lacag iyada u gaar ah.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka gaabisay sameynta lacag cusub, balse ay hadda iyagu tashan doonaan, haddii aan la helin lacag cusub oo uu yeesho dalka.

Puntland ayaa horay u qaadatay go’aanno ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay in dhowaan ay ku dhowaaqday in xiriirkii u jartay dowladda dhexe, ayna u dhaqmeyso si madax banaan, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Deni iyo Xasan Sheekh.