25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Ajendaha wada-hadallada Somalia iyo Itoobiya oo lagu soo daray arrinta Jubbaland

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhameystiro heshiiska ay ku gaareen magaalada Ankara.

Wada-hadalladan ayaa waxaa maanta yeeshay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo dhiggiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, iyaga oo yeeshay wada-hadallo laba geesood ah.

Kulankan ayaa looga hadlay sii amba qaadisa heshiiskii Ankara iyo sida ay labada dowladood u xoojin lahaayeen xiriirkooda, waxaana warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay in la’isku raacay arrimo ay kamid ah ilaalinta madax banaanida.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaaday arrinta Jubbaland, iyada oo wasiir Cali Balcad uu Itoobiya u gudbiyay cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ay ka qayb qaateen ciidamadooda, waxaana Itoobiya dhankeeda ay sheegtay inay sameyneyso baaris ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda.

Hoos ka akhriso qoraalka;

War saxaafadeed 24ka Diseembar 2024 – Addis Ababa,

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay dhigiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Amb. Mesganu Arega.

Intii kulanku socday, labada dhinac ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-hadallada iyo kor u qaadidda xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo kale dib u xaqiijiyey in ay ixtiraamayaan midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Wada-hadalladan ayaa daba socday Baaqa Ankara ee December 11, 2024, waxaana lagu qabtay qaab-dhismeedka lagu hirgelinayo qodobadiisa.

Wasiiru Dowlaha Soomaaliya ayaa sheegay cabashada iyo cambaaraynta Soomaaliya ee ku saabsan ficilada ciidamada Itoobiya ee Doolow, Soomaaliya. Dhigiisa ayaa muujiyey u diyaar ahaanshaha dowladda Itoobiya ee ku aaddan in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo arrintaasi, isagoo ballan qaaday in ay wada shaqayn la yeelan doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Qodobada kale ee wada-hadalladu diiradda saareen waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si loo mideeyo dadaallada lagu hirgelinayo Baaqa Ankara, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeyey labada dal tan iyo Janaayo 2024.

DF Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii tegi jiray Kismaayo iyo GEDO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay hakisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanno kale oo kamid ah gobolka Gedo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la joojiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalada Kismaayo.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay la xiriirto kadib markii shalay ay sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow.

Hay’adda ayaa sidoo akle tilmaamtay in diyaaraduhu ay cabsi ka muujiyeen tagista Kismaayo, maadaama ay soo korortay xaalad amni darro.

Maamulka Shirkadda Halla Airlines oo war soo saaray ayaa horay dowlad goboleedka Jubbaland ugu eedeeyay in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu maamulka diyaaradda sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow.

Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland oo u weecatay Gedo ayaa kasii dareysa, waxaana shalay labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Doolow.

Yaa loo soo qabtay dilka sarkaalkii xalay lagu khaarajiyay Dhuusamareeb?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin loo heysto inuu xalay dilay Laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqaanay Xasan Quuri.

Allaha u naxariistee Xasan Quuri ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Galmudug.

Dilka sarkaalkan ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howl-gal ay fuliyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay ninkaan, waxaana hadda ku socda baaritaan, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha booliska Dhuusamareeb.

Ninka loo soo qabtay dilka sarkaalka ayaa ah askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana laga dhursugayaa natiijada baaritaanka oo laamaha amniga sheegeen inay bulshada lasoo wadaagi doonaan.

Dilkan ayaa xalay ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeyn isbitaalka magaalada Dhuusamareeb, waxaana sarkaalkan lagu dhex dilay gaari uu watay oo lagu rasaaseeyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiliga sarkaalkaan lagu dhex rasaaseynayay gaarigiisa ay la saarneyd haweeney, taas oo rasaasta ay kasoo gaartay dhaawac fudud.

Dilka sarkaalka ayaa lasoo warinaya inuu la xiriiro arrimo jaceyl, islamarkaana dilkiisa uu geystay nin la sheegay inuu jeclaa gabadha la joogtay sarkaalka xiliga la dilayay, balse weli lama oga xaqiiqda, waxaana socda baaritaanka kiiska.

Caro xooggan oo ka dhalatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 24 saac ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin dhowr ah, iyadoo wafdi sare u dirtay Itoobiya, halka ay geesta kale wada-hadallo ku saabsan galka Itoobiya la yeelatay dowladda Masar.

Tallaabooyinkan oo dadka qaarkood ku macneeyeen is-diidooyinka siyaasadda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo dowladda lagu dhaliilay inay ka shaqeynayso danta dalal kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo dhiggiisa Masar Badar Cabdilati kula kulmay Qaahira ayaa wuxuu warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Masar oo qeyb ka noqon doonta howl-galka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah usoo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintan?

Saajid Axmed: “Masar oo la yaaban siyaasada Soomaaliya sababaha aan Masar u aadnay sow kama mid aheyn in Itoobiya inaga celiso hadane Itoobiyadii ayaa dowladeenu u ogalatay sii joogista dalka siyaasad la yaab leh oo aan jiho laheen bee dowladeenu wadaa!!.”

Cabdiraxmaan Madoobe: “Laba wafti aya la kala diray mid Masar aday iyo mid cadawga Ethiopia aaday, waana laba dal oo cadow isku ah, yaa ku aaminaya marka waa isku dhex yaacaas cajaa’ib.”

“Diblumaasiyadeenu waxa ay noqotay cadow loo madax salaaxaayo iyo saaxiibtinino igu soo haad ah,” ayuu yiri Nuur Cabdi Jimcaale.

Cabdixakiin Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Masar, Turki, Kenya, Itoobiya, mid ba mar in lagu cararo dal laguma difaaci karo ee waddanka aan anaga difaacano ama aan Itoobiya iska siino. Hal milyan oo qof hadii ay ku dhintaan xitaa waan u qabnaa inta soo hartay iyo wixii dhalan doona ayaa si xoriyad leh ugu noolaan doona.”

“Ethiopia iyo Masar see leeysu qabadsiin rabaane?,” ayuu yiri Faarax Xuseen Jimcaale.

Mahad Xasan Cawaale: “Dalkasta danihiisu ilashadaa laakiin Soomaaliya danaha dalalka kala ayey ilaalisaa xukuumadda hada jirta waxaana kuu cadaynasa tan maanta taagan.”

“Waad fashilanteen meel kasta sidan ugu dhac-dhaca ballan inta soo gashan uga baxa, hadda waa la idin yaqaana,” ayuu yiri Ciise Macalin Waddani.

Cabdinuur Ciise: Dowladda Masar in ay Soomaaliya taageerto way rabtay laakiin mowqif la’aanta madaxda dalka ayay ku dabci wayday.”

Kayse Jaamac Ducaale ayaa isna waxa uu yiri “Dowladan ma shacabka Soomaaliyeed ayey u shaqeysaa mise shisheeyahay ayey qancisaa.”

Xog: Sidee Antony Blinken ugu qasbay Abiy Ahmed inuu ka qeyb-galo shirkii Ankara?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa sanadkii ugu dambeeyay isku dayaysay inay dhex dhexaadiso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay go’aankii Itoobiya ay heshiis dhinaca badda ah kula gashay Somaliland.

Kadib labo wareeg oo wada hadal ah oo aan lagu guuleysan, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa horaantii bishan Ankara ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si ay wada hadallo toos ah u yeeshaan.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shaki ka qabay in Abiy uu ka soo qeybgeli doono iyo in kale inkasta oo uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Go’aankii Erdogan uu 2021-kii uga iibiyay Itoobiya diyaaradaha hubaysan ee aan duuliyaha lahayn ayaa ka caawiyey Abiy in uu iska caabiyo ciidamada Tigrayga iyo sugidda ammaanka caasimadda Itoobiya.

11-kii December, Abiy ayaa yimid Ankara. Toddobo saacadood oo wadahadalo adag ah ka dib, isaga iyo Xasan Sheekh waxay saxiixeen “Baaqkii Ankara” oo ah qoraal wadajir ah oo xaliyay khilaafkooda. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana la billaabay wada-hadallo ku saabsan sidii Itoobiya ay marin badeed uga heli lahayd Soomaaliya.

Haddaba maxaa keenay in Abiy uu ka qeyb galo shir madaxeedkii Ankara?

Laba qof oo arrintan la socda ayaa warbaahinta Middle East Eye u sheegay in Washington ay door muhiim ah ka cayaartay ku dhiirigelinta Abiy inuu ka qayb galo wada-hadallada.

Sida ay dadkan sheegeen, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa si gaar ah teleefonka ugula hadlay Abiy, isaga oo ugu baaqay inuu ka soo qayb galo wada-hadallada Ankara.

Wicitaankii ugu dambeeyay ee taleefoon ee shaacsanaa ee dhex maray Blinken iyo Abiy waxa uu dhacay bishii November, mana jiro diiwaan rasmi ah oo wada-hadal bishii December.

Sarkaal Turkish ah ayaa qiray dadaallada reer galbeedka ee Abiy looga dhaadhiciyey inuu ku biiro wada-hadalka Ankara, balse wuu diiday inuu ka hadlo kaalinta Blinken ee la sheegay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Washington aysan ka hadleynin wada-hadallada gaarka ah ee aan shaacsaneyn.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu intaas ku daray: “Sida Xoghaye Blinken ku xusay qoraalkiisii December 12, waxaan soo dhawaynaynaa Baaqa Ankara, waxaana rajaynaynaa nabad iyo barwaaqo mustaqbalka dhexmarta Itoobiya iyo Soomaaliya.”

Xafiiska Abiy Ahmed oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaan bixin wax jawaab ah.

Dhinaca kale, sarkaal Turkish ah ayaa carabka ku adkeeyay in martiqaadka shaqsiga ah ee Erdogan ee wada-hadallada ay qeyb weyn ka qaadatay sidii Abiy loogu qancin lahaa inuu ka qeyb galo.

Maxaa laga filayaa shirka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Addis Ababa?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa wafdi muhiim ah u dirtay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya si ay ula kulmaan madaxda Itoobiyaanka.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee yeeshaan labada dhinac oo aan cidna garwadeen ka ahayn tan iyo markii uu billowday khilaafkoodii ku saabsan heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

Wafdiga dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa sidoo kale kamid ah taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ujeedka socdaalka wafdiga Soomaaliya ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyb dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Qodobada muhiimka ah ee miiska saaran ayaa waxaa kamid ah;

1. Hirgelinta heshiiskii Ankara oo dhigaya in labada dhinac ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

2. Xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal si loo horumariyo nabadda iyo amniga gobolka.

3. Dhib u xallinta arrimaha ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiska Ankara, oo garwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa muhiim loogu arkaa hagaajinta xiriirka labada dal, oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad xooggan.

Kulanka Addis Ababa ayaa laga filayaa inuu noqdo mid wax ka beddela xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu kasoo baxo.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana la filayaa in wada-hadalladan ay dajin doonaan xiisadaha u dhexeeya, ayna horseedi doonaan horumar dhab ah oo dhex-mara labada dal.

Rejada NETANYAHU ee sii deynta la heystayaasha gacanta ugu jira Xamaas

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay aqalka Knesset-ka ku sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Gaza.

Netanyahu ayaa shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda .

Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah

Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto

Dagaalyahannada Hamas ayaa weerarkoodii Oktoobar 2023-kii ee koonfurta Israa’iil ku dilay 1,200 oo qof iyagoo qafaashay ilaa 250 kale, sida ay sheegtay Isra’il.

Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Isra’il ay ku heyso Gaza.

Weerarkii rogal celiska ahaa ee ay Israa’iil ku qaaday Gaza, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 45,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Shirkadda Halla Airlines oo ka hadashay diyaaradii ay afduubatay Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda Halla Airlines ayaa dowlad goboleedka Jubbaland ku eedeeyey in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Masuul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka ay gaxaanday shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines, maadaama ay qabatay howl laga mamnuucay diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya.

DF Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in shaqo aan la ogeyn aysan ka qaba karin Jubbaland iyo in labo magaalo oo Jubbaland ku taalla aysan u kala duuli karin, iyagoo aan soo marin Muqdisho, si loo hubiyo waxa ay sidaan.

Diyaaradda ay shalay afduubatay Jubbaland ayaa Kismaayo ka qaaday ciidan gurmad ah iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxayna ka dejisay Doolow oo dagaal ka socday.

Diyaaradii ayaa dib ugu laabatay Kismaayo, waxayna Muqdisho ka soo dejisay rakaab muddo ku xayirnaa garoonka Kismaayo, dowladda federaalka oo sugeysay ayaa la sheegay in ganaaxooda ay farta ka saartay maamulka shirkadaas, in kastoo aan weli saxaafadda loo soo bandhigin ganaaxsaas iyo waxa uu yahay oo wadahadal uu socdo.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow.

Ugu yaraan 3 askari ayaa shalay ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwii Itoobiya ee is garabsanayey.

Sarkaalkii hoggaaminayey Ciidanka NISA ee Doolow u jooga DF oo magaciisa lagu sheegay Shiiqaalow oo wata ciidan xoogleh ayaa weli dhinac ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas.

Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayaa lagu laayey jidka dhexe, waxaana la garan waayey waxa loo adeegsaday in kastoo Jubbaland ay sheegtay in Shabaab miino u dhigeen, hadana waxaa la aaminsan yahay in ciidamada Itoobiya ay madaafiic la beegsadeen.

DF oo u hanjabtay Axmed Madoobe, kuna eedeysay tacadi ka socda 4 magaalo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa soo saartay qoraal dheer oo xiisadda Jubbaland ay uga hadashay oo ciwaan looga dhigay “Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula xisaabtamayaa weerarada uu ku hayo Shacabka Jubbaland.”

War-saxaafadeedkaan oo ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa looga warbixiyey dhibaatooyin culus oo la sheegay in Axmed Madoobe uu ka geystay, isla markaana uu weli ka wado deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, sida Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobley iyo Afmadow.

Hoos ka akhriso warkaan ka soo baxay DF ee lagu eedeynayo Axmed Madoobe:

Muqdisho – 23, Descembar – 2024: Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si dhow ula socotaa tacadiyada tiro beelka ah ee Eedaysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland.

Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u danbeeyay mid uu saakay ku qaaday Shacabka ku nool deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ahaa dad isku abaabulay in ay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gaystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba.

Falkaan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afmadoow.

Sidoo kale, waxa uu Eedaysane Axmed Madoobe ku hawlanyahay in uu iska horkeeno shacabka u diyaarsan in ay Khawaarijta ka difaacdaan deegaanadooda, iyada oo la ogyahay in uu duulaanadiisa u kaalmaysto Khawaarijta oo markasta marin u ah gacanna ku siya wax yeelaynta Shacabka reer Jubbaland ee xorta ka ah Khawaarijta.

Falalkiisu waa kuwa loo diin-waan galiyay, waana lagula xisaabtamayaa mana noqon doonaan kuwa la iska hilmaamo.

Shacabka Jubaland waxaan ugu yeeraynaa midnimo, adkaysi iyo wadajir.

Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Shacabkii uu Eedaysane Madoobe ku laayay, kuwii uu dhaawacay iyo kuwa u afduuban ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee Jubbaland.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la suuliyo dhaqamada noocaan ah, isla markaana sharciga lasoo taago kuwa ka danbeeya ee dhiig miratada ah.

–DHAMAAD–

 

Daawo: Jubaland oo si yaab leh uga hadashay dagaalkii Doolow, farriina u dirtay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cusman (Dhuumaal) oo ku sugan degmada Doolow ayaa qabtay Shir jaraa’id oo dagaalkii maanta dhacay iyo sababtii uu ku bilowday uu faahfaahin uga bixiyey.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen ciidmada dowladda federaalka ee ku sugan degmada Doolow, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyey in qorshaheeda uu ahaa in gacanta Jubbaland laga saaro Doolow, balse ay iska difaaceen.

Wuxuu sheegay in ciidanka dowladda federaalka uu saakay daandaansi cad ka bilaabay Doolow, balse hub ka dhigis ay ku sameeyeen dhamaan ciidamadii DF ee joogay degmada Doolow.

Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in ciidan kale oo dowladda federaalka ay ka dirtay Beledxaawo, si ay ugu gurmadaan ciidankii ka dagaalamayey Doolow ay dhex miino kula kacday, isagoo sheegay in miinadaas ay Shabaab u dhigeen gaadiidkii iyo ciidankii xoogga dalka ee watay.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey waxa ka dhacaya Jubbaland, wuxuu sheegay in dalka oo nabad ah uu Xasan la wareegay xukunka, balse hadda meel kasta uu dagaal ka socdo, ciidankii qarankana siyaasad loo adeegsaday.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow.

Ugu yaraan 3 askari ayaa maanta ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen Jubbaland iyo Itoobiya oo wada socda.

Sarkaalkii hoggaaminayey ciidamada dowladda federaalka ee Doolow ku sugan oo ah nin mayal adag iyo ciidan xoogleh oo uu wato ayaa weli gees ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas.

Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayey dhex miino kula kacday, waxaana gaaray khasare lixaad leh.

Hoos ka daawo Dhuumaal

DF oo Itoobiya ku eedeysay dagaalkii Doolow iyo burinta heshiiskii Ankara

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna ku eedeysay ciidamada Itoobiya.

Dowladda Soomalaiya aya falka Xadgudubka ah ku tilmaantay wixii ay maanta Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow Soomaaliya.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Saaka abaare 10:00AM ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Nugidda Qaranka ee NISA, iyo Booliska.

“Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi,” aya lagu yiri warka dowladda.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Doolow ee falkaasi uu maanta ka dhacay.

“Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

DF Soomaaliya ayaa Nasiib-darro ku tilmaantay ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya oo ah kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo dhaqanka deris-wanaagga.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad ku wada noolaanshaha, Sidoo kale, Dawladdu waxay ka digaysaa in aysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madax-bannaanida Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sawirro: Somalia iyo Masar oo iska warsaday qodobo xasaasi ah iyo heshiiskii Ankara

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Waxaa wadahadalladaas xoogga lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Cilaaqaadka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.”

Sidoo kale, waxaa laga wadahadlay dadaallada la dagaallanka argagixisada, iskaashiga militariga, amniga, iyo howlgalka cusub ee Soomaaliya ka bilaabanaya AUSSOM.

Intii uu socday kulanka labada wasiir, ayuu Axmed Macalin Fiqi warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo dan u ah nabadda gobolka, sida ay u dhigtay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Masar u sheegay in heshiiskaas uu buuxinayo dhammaan dalabaadka Soomaaliya ee ah in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warar soo baxay markii uu heshiiskaas ka dhacay Ankara ayaa sheegayay in Masar ay ka carootay heshiiska ay Soomaaliya la gashay Itoobiya oo ah dal cadowga koowaad u ah labada dal ee Masar iyo Somalia, balse Masar ayaan weli ka hadlin heshiiskii Ankara.

Masar oo qeyb ka noqon doonta howlgalka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah u soo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya.

Muxuu dastuurka ka qabaa arrinta uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu soo bandhigayo lacag cusub oo Puntland ay yeelato taasoo muujineysa khilaafka xooggan ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland ee ku saabsan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida hannaanka doorashada iyo dastuurka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladdiisa ay soo bandhigi doonto lacagteeda sanadka 2025-ka, go’aankaas oo la macno ah in lacagta Shilinka Soomaaliga aan laga isticmaali doonin Puntland marka uu si buuxda u dhaqan galo hadalka madaxweynaha.

“Dhibaatooyinka ugu weyn ee dhinaca maaliyadeed ee na haysta waxaa kamid ah dhinaca lacagta, shilinkii Soomaaliyeed waxa uu ka baxay khidmadii shaqada, lacagteenna iyo shaqadeedii waxa ay kusoo uruurtay qaab elektaroonik ah”, ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in deegaannada fog-fog ee miyiga ay ku adkaatay isticmaalka lacagaha hawada la’isu mariyo taasina ay qasabtay xal u raadin lacageed.

“Waxaa jira dalal badan oo fadaraal ah oo labo lacageed kala isticmaala, macneheedu ma aha Soomaalinimada in aan ka baxno balse waxa aan rabaa in Punland lacag ay leedahay aad daraaddeeda bilowdaan oo aad raadisaan”,ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in muddo ay sugayeen Lacag Soomaaliyeed oo lagu mideysanyahay balse taasi aysan dhicin.

Go’aanka ay Punland ku isticmaaleyso lacag u gaar ah ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo istaraatiijiyad lagu horumarinayo dhaqaalaha. Puntland ayaa tan iyo 2021 inteeda badan isticmaalaysay lacagta dollarka Mareykanka kadib markii ay joojisay lacagta shilinka Soomaaliga ah kadib sicir barar baahsan oo dhacay.

Deni ayaa sheegay in lacagta cusub ay la jaanqaadi doonto nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya mustaqbalka maadaama Puntland ay u dhaqaaqday madax-banaani dhaqaale. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay in ay soo daabacdo lacago cusub oo lagu bedelayo lacagaha duugga ah

Dastuurku muxuu ka qabaa in maamul uu sameysto lacag u gaar ah?

Kadib markii madaxweynaha Punland u uku dhawaaqay go’aanka ah in Puntland ay ku sameysaneyso lacag u gaar dood badan ayaa ka dhalatay sida maamul ka tirsan dhowladda dhexe uu u qaadan karo go’aankaas marka laga eego dhinaca sharciga.

Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ka faallooda arrimaha sharciga ayaa faah faahin ka bixiyay waxa dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya uu ka qabo arrinkan iyo sida ay ku dhaqan geli karto.

“Waxa aan eegeynaa cutubka shanaad ee dastuurka dalka, cutubkaan waxa uu kala dhig dhigayaa qaab dhismeedka iyo mabaadii’da wadashaqeynta heerarka xukuumadda, cutubkan waxa uu dowladda federaalka ah siinayaa awoodo gaar ah, dowlad goboleedyadana waxa uu siinayaa awoodo gaar ah iskuma Darsana”.

“Marka aad fiiriso qodobka 54-aad ee dastuurka ‘Kala qaybinta awoodaha’, awood qaybisga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa kawada xaajoon doonaya xukuumadda federaalka iyo dowladaha hoostaga, si gaar ah [D] Arrimaha siyaasadda lacagta oo ay awooddooda iyo mas’uuliyaddooda yeelaneyso dowladda fedraalka ah”, ayuu sii raaciyay Abuukaate Zakariye Yuusuf.

Waxa uu sheegay in sidaas daraadeed qodobakaas uu qeexayo in dowlad goboleed xubin ka ah dowladda federaalka ah aysan dowlad kale iyo shirkad kale la xaajoon Karin haddii ay noqoto arrimo lacageed iyo waxyaabo kaleba.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa muddaba soo jiitamayay iyada oo Punland ay sheegtay in aayeheeda masiiriga ah ay maamulan doonto una tashaneyso.

Madaxweyne Deni oo markii ugu dambeysay ka hadlay arrinkan ayaa yiri, “Dowladdii dhexe ee dalkan si mideysan ayey u shaqeyn jirtay oo qaabka dowladnimo uu ahaa hal mid oo Soomaaliya oo dhan ka jirtay, balse hadda taasi majirto, waana tan sababtay Puntland iyo aas-aaskeedii”.

Si kastaba ha ahaatee ganacsatada Puntland ayaa horay u qaadan jiray lacagta doollarka ah, taasi oo sii xoojisay fikirka ah in Puntland ay ka fakarto sameynta lacag cusub oo ay yeelato.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay isticmaalka Doollarka Mareykanka iyo lacagaha Elektarooniga ah ee ay bixiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay.

Isha: BBC

DF Soomaaliya oo wafdi sare u direysa Addis Ababa – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdigii u horreeyay u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo intii uu soo hagaagay xiriirka labada dal.

Socdaalka wafdigan ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad, sida lagu sheegay bayaan ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyb dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay sida ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska oo kamid tahay Itoobiya, iyadoo xiriirkiisa saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dal kasta.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb yahay agaasimaha hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, inkastoo aan lagu xusin bayaanka kasoo baxay wasaaradda.

Socdaalkan wafdiga dowladda Soomaaliya uga ambabaxayaan Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo dagaal ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya, kaai soo dhex-maray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Jubbaland.

Xasan Sheekh oo 5 QODOB oo muhiim ah kala hadlay safiirka Talyaaniga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Talyaaniga Amb. Pier Mario Daccò Coppi ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyey safiirka dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi.

R/W Xamza oo kulan xasaasi ah la qaatay guddiga doorashooyinka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay guddigan oo shaqadooda lagu muran yahay, kadib markii madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka diideen sida wax u socdaan.

Xamza ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl-galo hirgalinta doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.

Guddigan ayaa horey u shaaciyay in doorashooyinka ugu horreeyay dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, gaar ahaan bisha June ee 2025.

Qorshaha jadwalka doorashada ayaa ah in bisha Juun ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabtaan dalka oo dhan, halka bisha November ay qaban doonaa tan baarlamaanada maamul goboleedyada iyo madaxdooda, taas oo ku dhaceysa qof iyo cod.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay jirto dooda siyaasiyiinta qaarkood ee ku aadan in xaaladda dalku ku sugan yahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah, iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubaland iyo dowladda federaalka aanu wanaagsaneyn.

Xogta qarax culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya

0

Wajeer (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Khorof Haraar oo ka tirsan degmada Wajeer, una dhow xadka labada dal, xilli ay socdaal ku jireen ciidamada.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleeyay mid kamid kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo baaxad leh.

Ugu yaraan illaa 8 askari ayaa lasoo wariyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro burbur soo gaaray baabuurka uu qaraxu haleelay.

Weerarkan ayaa ku soo aaday y xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.

Ciidamada Jubbaland oo ka hortegay qarax laga fulin rabay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda maamulkaas oo xalay howlgal ka sameeyay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa ka hortegay weerar qarax ah oo ay soo abaabuleen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu diyaariyay xaafadda Farjanno, balse waxaa fashiliyay ciidanka amniga, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Jubaland.

“Ciidanka Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa ku guuleystey fashilinta miino nooca dhajiska ah oo ay khawaarijtu rabtey inay ku bartilmaameed-sadaan shacabka reer Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adaha amniga Jubbaland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in fashilinta qaraxa ay ka qayb qaateen dadka deegaanka, kadib markii ay soo wargeliyeen hay’adaha amniga oo sameeyay howlgal.

“Miinadan sawirkeedu hoos idiinka muuqdo ayay ciidanku ku qabteen xaafada Farjanno ee magaalada Kismaayo kadib markey shacabka xaafadaasi ku wargeliyeen laamaha amniga.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kismaayo ayaa waxaa badanaa howlgallo ka sameeyay ciidamada amniga Jubbaland oo horay sidaan oo kale u fashliyay weeraro ay soo abaabuleen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii Kismaayo lagu qabtay nin hubeysan oo weerar bam-gacmeed ah ka gaystay gudaha magaaladaasi, kaas oo ay soo bandhigeen laamaha amniga.

Daawo: Fursadda hortaallo reer GEDO kadib kala tegga Axmed Madoobe iyo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka haatan u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii ay kala tageen Villa Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo isku qabtay arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka.

khilaafka ayaa isku beddalay gacan ka hadal, ka gadaal markii labada dhinac ay dhowaan ku dagaalameen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dowladda oo laga adkaaday iyo kuwa daraawiishta Jubbaland.

Arrinta ayaa hadda u weecatay dhinaca gobolka Gedo oo ay dhaq-dhaqaaq culus ka waddo dowladda federaalka, si ay ula wareegto guud ahaan gacan ku haynta gobolkaasi oo ay u dirtay wafdi wasiiro ah iyo xildhibaanno oo hadda qorshe ka wada degmada Garbahaarey.

Haddaba maxay tahay fursadda hortaallo reer GEDO kadib kala tegga Axmed Madoobe iyo DF?

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax oo kamid ah wasiirrada dhaq-dhaqaaqa ka wada Garbahaarey ayaa isaga oo la hadlayay odayaasha Gedo wuxuu sheegay inay hortaallo fursad muhiim ah oo kala dhalatay kala tagista Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe, wuxuuna usoo jeediyay inay ka faa’iidestaan.

Cismaan Libaax ayaa shaaca ka qaaday in wixii loo talagalay Jubbaland la geyn doono Gedo, maadaama Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ay ku kala tageen siyaasadda.

“Axmed Madoobe, haddii uu dowladda la heshiin lahaa annaga taas ayaa noo darneyd fursad ma heli lahayn hadda fursad ayaan leenahay Axmed Madoobe iyo dowladda waa kala tageen wixii Jubbaland loo wado inta ayaa la keenayaa” ayuu yiri Cismaan Libaax.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga iskama aanan imaanin wixii mashaariic ah halkan ayaa la keenayaa, marka waa inaan fursaddan ka faa’iideysanaa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda federaalka ay isku dayeyso inay isku ballaariso gobolka Gedo oo dhan, halkaas oo ay joogaan qaar kamid ah ciidamdeeda.

Arrintii ka dhacday Raaskambooni oo lugaha la gashay Xasan iyo Xamza

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Fartaag ayaa soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Raaskambooni oo jab xooggan uu kasoo gaaray ciidamadii ay dowladda ku daabushay deegaankaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay bixiyeen amarkii ay dib ugu baxeen ciidamada, ayna ku wargeliyeen in aysan dagaalami karin, taas oo keentay in Jubbaland ay si buuxda ula wareegto magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

“Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa amray inay ciidamada dowladda iskaaga baxaan Raaskambooni, amarna uma haysan inay dagaalamaan ” ayuu yiri Fartaag oo la hadlayay odayaasha degmada Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu eedeeyn kulul u jeediyay Axmed Madoobe oo uu tilmaamay in mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa Jubbaland inuusan wax dagaal a ku qaadin Al-Shabaab, gaar ahaan inuu ka xoreeyo degmada Jamaame.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sidoo kale farriin u diray waxgaradka Gedo wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, ayna xor u noqdaan codkoda.

Fartaaq ayaa hadda jooga Garbahaarey halkaas oo uu ka wado qorshe iyo abaabul ka dhan ah Jubbaland, iyada oo ujeedka uu yahay in maamulka Axmed Madoobe la saaro gobolka.