Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ay dooneyso inay ku gaarto Badda Cas.
Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya uga yaalla damaca Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Itoobiya aan loo ogolaan marin ay ku gaareyso biyaha Soomaaliya.
“Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas, Sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn ayaa ka maqan wax aasaas ah,” ayuu yiri Fiqi.
Qoraalka Wasiir Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka.”
Qoraalkaan Wasiir Fiqi uu ku baahiyey bartiisa Twitterka ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Asmara Eritrea, kadib markii uu soo yeeray war sheegaya in Eritrea ay ka carootay heshiiskii Ankara ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale shalay tegay Qaahira Masar, isagoo isla heshiiskaas kala hadlay dowladda Masar, dowladda Soomaaliya ayaa Masar iyo Eritrea ku qancineysa heshiiskii Ankara.
In Mogadishu, a pioneering business is transforming the laundry industry by introducing professionalism and modernity to this essential service. With an estimated population of 3 million in 2024, the vibrant capital of Somalia is well-positioned for innovation. Likenew Smart Laundry, which launched on June 2, 2023, is leading the way in setting new standards for quality and convenience.
The brainchild of local Somali entrepreneurs, Likenew Smart Laundry , was created to address the increasing demand for high-quality laundry services. As per the information from the company, Likenew understood the market demand and responded accordingly with its unique concept of using technology and modern merchandising to attract customers, differentiating itself from existing businesses and positioning itself as an innovator.
“The Likenew business concept came due to the growing need for professional services and the limited local options to meet this demand,” shared Mahad Mohamed Issack, CEO & Co-founder. “Urban areas with higher population densities require more laundry services, and we aim to disrupt the market with innovative concepts while expanding nationwide.” Although the business was conceptualized in 2021, its launch was delayed due to the COVID-19 pandemic.
Celebration for the Grand Opening of Likenew Smart Laundry – June 2, 2023
Likenew Smart Laundry stands out in the market by combining cutting-edge technology with exceptional customer service, providing an unmatched laundry experience. From advanced eco-friendly equipment to a sleek, inviting interior, the establishment ensures a premium experience for every customer. Its tagline, “Your clothes deserve the best,” perfectly encapsulates its mission and unique selling points.
Although information about the scale of the laundry market in Mogadishu is relatively limited, the number of laundry services opening has been increasing since 2012, when the late Mohamed Mahamoud Sheik opened Somali Premium Laundry, the country’s first laundry service since the civil war more than 30 years ago.
Customer Abdiwali Omar shared his experience: “Every person’s clothes are washed separately and within minutes. I’ve been a customer of Likenew for the past one year. My family and I have enjoyed their fast, clean, and best service. Just as their name says, you come and take your clothes as they are new.”
Over the past two years, the company has attracted many clients, including businesses and individuals, demonstrating its growing popularity and trust. With services like express cleaning, online booking, and reliable pick-up and delivery, Likenew caters to Mogadishu’s busy and tech-savvy residents.
Likenew Laundry store interior with washing machines. Photo: Likenew.so
Companies like Likenew rely heavily on imported supplies, highlighting the need for local production of sustainable materials. Challenges remain, from energy and logistics to supply chain management: Businesses face complicated operating procedures. This reliance presents a golden opportunity for Somali companies to develop eco-friendly and locally sourced products, benefitting industries like hospitality, healthcare, fitness, and beyond.
According to the Somali National Bureau of Statistics (NBS), imports accounted for 76.69% of Somalia’s GDP in 2023. Despite these hurdles, Likenew continues to innovate and position itself as a market leader, paving the way for a more self-sufficient and sustainable business ecosystem in the country.
Sustainability is not just a buzzword at Likenew, it’s a cornerstone of our operations. The company reduces its environmental footprint by using water-efficient machines and biodegradable detergents, setting an example for others to follow and appealing to environmentally conscious customers and investors.
Likenew Smart Laundry Store – Hodan District, Mogadishu, Somalia
In response to increasing customer demand, Likenew Smart Laundry is not resting on its laurels. The company plans to open a second store in Mogadishu in 2025 and is developing a mobile application that will allow customers to seamlessly order pick-up and delivery services. This mobile app will complement its current automated order status update system, which is sent directly to customers’ WhatsApp numbers. Likenew also aims to adopt new and innovative technologies to disrupt the market further, enhance operational efficiency, and deliver an unparalleled customer experience.
Likenew also aims to adopt new and innovative technologies to disrupt the market further, enhance operational efficiency, and deliver an unparalleled customer experience.
“Our goal is to bring innovative laundry services to more neighborhoods and inspire broader transformation in Somalia’s private sector,” said Ahmed Bashir, Chairman & Co-founder.
The company’s expansion aligns with its mission to elevate customer expectations and redefine regional service standards.
Transforming Mogadishu’s Narrative
Local brands like Likenew Smart Laundry are not just changing the narrative of Somalia’s private sector, they’re rewriting it. They’re showcasing the city’s potential for innovation and growth, and as they thrive, they’re exemplifying Mogadishu’s resilience and adaptability. Their success is not just inspiring, it’s a source of pride for the city’s residents, and it’s setting a new standard for others to follow.
For Mogadishu residents, Likenew Smart Laundry is more than just a service; it represents a brighter, more sustainable future for the city and its people. With its commitment to excellence and expansion, the company is setting the stage for continued success and industry transformation.
Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardar-galinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada.
Shirka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay dhiismaha waddooyinka, xal u helida maareynta biyaha roobka iyo dib u dhiska xarumaha danta guud.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl-wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu bilaabanayo isla-xisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda.
Haddii uu qorshahan isla xisaabtan iyo daba-gal uu si rasmi ah uga bilowdo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay dad badan aaminsan yihiin in wax ka tari doonto in sida ugu habboon wax looga qabto baahiyaha ka jira caasimadda.
Maamulka gobolka ayaa inta badan lagu eedeeya musuq-maasuq iyo is-dabamarin, taas oo wax ka qabashadeeda ay ku guul-dareysteen guddoomiyeyaashi kala dambeeyay ee gobolka, waxaana laga dhursagayaa in hadalka Amiir uu lamid noqdo kuwii hore iyo inuu noqdo mid ficil la socdo.
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay weerarkii lagu qaaday shacabka Dacawalay, kaas oo ay ku tilmaamtay xasuuq ay geysteen ciidanka Liyuu Booliska.
Sidoo kale waxay xukuumadda gef iyo xad-gudub cad ku tilmaamtay afduubka ay ciidamada Liyuu Booliska u gaysteen odayaal dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo deegaankaas u tegay ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda halkaas ka dhacday maalmihii u danbeeyey.
Somaliland ayaa dhacdadan u gudbisay dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo ku dacweysay ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka maamulka Soomalida Itoobiya, oo ay sheegtay inay qaadi doonaan masuuliyadda ka dhalata.
Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay Somaliland;
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasi oo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.
Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.
Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.
Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.
Warsame oo sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta waayahan dambe aan la dhacsaneyn siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweynaha u furan tahay labo waddo, taas oo midkood ay dhaymo u noqon karto xaaladda taagan.
Hoos ka aqriso qoraalka CC Shakuur;
Culaysyada gudaha iyo cadaadiska dibadda, xaaladaha qalafsan iyo duruufaha adag ee siyaasadeed, milateri, diblomaasiyad, iyo isbahaysi ee haysta maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ma aysan qaawin oo keli ah itaal yaradiisa hoggaamin ee waxay daqarro laxaadka leh iyo dhaawcayo culus gaarsiiyeen qaranka iyo dowladnimada.
Waxay kaloo burriyeen labo go’aan oo uu Madaxweyne Xasan xafiiska kula soo laabtay dadkana si kalsooni leh ugu sheegayey ;
1- In uu doonayo in uu markaan isagu is eedo, cid uu talo kaga baahan yahayna jirin, maadaama uu aqoon PhD ka gaaray, da’na 70 jiro, laba jeerna la doortay, taasoo laga rabay in ay tawaaduc u kurdhiso, balse ismahdin iyo islaweyni uu ku qaaday.
2- Wuxuu kaloo la yimid in dadku waxba is dhaamin oo ay isku wada mid yihiin, qof mid kale ka karti (aqoon, waaya aragnimo iyo xirfad) badan jirin, keliya ay muhiim tahay daacadnimo, dhega fudayd iyo culays yari ka dhigan in qofka xilka loo dhiibayo uusan u doodin degaan iyo dad la metalayo, ama is bidin aqoon iyo waaya-aragnimo dood iyo muran keenaysa, ama sheegan xiriir dadweyne ama mid dibadeed.
Mar uu sifaynayey qof uu xil wayn u dhiibay, dadkuna la ahayd in uusan qaadi karin ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay;
Xukun wanaagsan waxaa aasaas u ah xeerinta danta qaranka iyo badbaadinta dowladda oo ku dhisan aragti la hiigsanayo, istaraatiijiyad iyo qorshe la raacayo, talo la rogrogay oo la isku miisaamay, xog, xisaabtan iyo suurgalnimo ku dhisan, si taasi u hirgashana waxay ka fursan karin kaadir aqoon, waaya-aragno iyo xirfad leh, iyo hoggaan dulqaad, dabeecad tanaasul, tawaaduc iyo ogaal tabar guuris leh.
Labo mid ayaa u furan Madaxweyanaha;
1- In uu cashar ku filan ku qaato, garawsadana in guuldarrada siyaasadeed, dhaawacyada soo gaaray qaranka, iyo daqarrada ku dhacaya dowladnimada ay sabab u tahay taladiisii ahayd aan is eedo iyo dadku waxba isma dhaamo oo uu tawaaduco, qaladkiisa garto, ogaadana in uusan talo ka dhammayn, lana yimaado tanaasul uu dadka iskugu baadigoobo, taladana dhexda dhigo.
2- In uu waddada qarda jeexa iyo hubanti la’aanta ah ku sii socdo, subaxba kastana xaaladdii soo wajahda iyo sideey u qabataba kula tacaalo, eeddana dadka kale iyo duul shisheeye dusha kaga tuuro.
Tan hore in uu Alle waafajiyo ayaan ugu ducaynaynaa, laakiin haddii uu tan danbe doorto, Madaxweynuhu markaa waa nin garnayl gaanjadiisu furan tahay dadka la dhex ordaya ama gaari xawaare dheereeya ku socda oo aan fariin lahayn shacabka ku dhex wada ee waa in aan isagana naftiisa ka badbaadinno, innagana iska badbaadinno.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale wuxuu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Suldaan Saleebaan ayaa ahaa oday dhaqan oo wehel u ahaa nabada, isagoo door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.
Sidoo kale wuxuu kamid ahaa salaadiinta ugu facaweyn salaadiinta Somaliland ama guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ayadoo geeridiisana ay si weyn uga tacsiyadeeyeen madaxda Soomaalida.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneyso in gole deegaan loo dhiso gobolka Banaadir, si loo guda galo howlaha doorashooyinka iyo arrimaha hortabinta u leh, maadaama la aadayo qof iyo cod.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo ka hadlay qorshahooda ku aadan hannaanka doorashooyinka ayaa sheegay in sanadka ina soo aadan ee 2025-ka la dooran doono Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kadibna ay dooran doonaan guddoonkooda.
Cabdikariin Axmed ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ugu wayn uu yahay in laga gudbo Maayar lasoo magacaabo, si loo helo hoggaan ay soo doortaan reer Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay qayb ka tahay hoos u daadejinta maamulka iyada oo saddex heer ay noqon doonto doorashada dalka sida Golaha Deegaanka, Dowlad-Goboleedyada iyo tan Dowladda Dhexe ee Federaalka.
“Doorashadeennu waa saddex heer, waxa aan kasoo billaabeynaa Golaha Deegaanka, Marka xigta waa Dowlad-Goboleedyada halka tan saddexaad tahay Doorashada Federaalka, waxa aan wadnaa shaqadeenna oo ah 100% hirgelinta Doorashada, 2025 waxa aan wadnaa in aanay mar dambe digreeto lagu soo magacaabin Maayar dambe oo la doorto Golaha Deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed.
Qorshaha lagu doonayo in gobolka Banaadir uu ku yeesho gole deegaan waxaa horay uga dhawaajiyay guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo sheegay inuu rajeynayo inuu noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee lasoo magacaabo, isaga oo ballan qaaday inay ka shaqeyn doono sidii ay doorasho uga dhici lahayd gobolka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta u baxo safar qarsoodi ah oo aan horay loo sii shaacin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa u dhoofaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho qaadaneyso dhowr cisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu wada-hadallo toos ah la yeelan doono dhiggiisa Isiask Afwerki oo ay ka wada-hadali doonaan arrimo xasaasi ah.
Eritrea oo ciidamo u tababarto Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay saameyn ku lahayd arrimaha Soomaaliya, waxaana kulamadii ugu dambeeyay ay labada dal ku sameysteen iskaashi cusub oo ay ku wajahayaan heshiiska badda ee Itoobiya ee carada dhaliyay.
Dhanka kale, Eritrea ayaa haatan saluug ka muujineyso isku soo dhawaanshaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii ay dhowaan ku gaareen magaalada Ankara.
Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara.
La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea.
Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya
“Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya.
Asmara (Caasimada Online) – Xukuumadda Asmara ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrimo ku aadan isku dhowaashaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii Ankara ee ay dhex-dhexaadisay dowladda Turkiga.
Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara.
Idirs ayaa tilmaamay in hehsiiskaas ay u arkaan mid uu ku ku jiro mad-madow, isla-markaana aan la’isku haleyn karin, sida uu hadalka u dhigay.
La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea.
Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya
“Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya.
Kismaayo (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kadib markii uu soo magacaabay Madaxweyne ku xigeenadiisa, isagoo dib u soo celiyey xubnihii horay u joogay.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa dib loogu soo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka labaad.
Wax is bedel ah ma muujin dikreetada Axmed Madoobe soo saaray, waxaana xusid mudan in labadaas nin ay ku xigeenno u ahaayeen Axmed Madoobe intii uu heystay Jubbaland.
Haddaba sidee looga falceliyay?
Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Shaqsi ahaan lamaanan yaabin xaanshida Madoobe oo abidkeeyba nimcooyinka rabbi i siiyay ayay kamid tahay inuusan marnaba igu darin kuwa Madoobe iyo hab-dhaqankiisa ku sirma — waxaanse is waydiiyay nuuca tilmaameed ee la siin karo qofka Xasan Shiikh ku diidan maamul xumo iyo kali-talisnimo, midkaan falaadkiisu ilaa heerkaan gaaraysiisanyahayna taageersan!”
Cabdiraxmaan Sandhool Cali “Agaasime waxeedka iyo madaxweyne ku xigeen Jubaland waa isku mid Axmed baa magacaaba Axmed baana eryi kara !!!!”.
Mahad Cabdulqaadir Axmed “Madaxwyne ku xigeenka sowtii la dooran jiray, waa maxay magacaabistu!”.
Siyaad Maxamed Dool “Hambaliyo mas’uuliyiinta dowladda Jubaland Alle ha idiin fududeeyo xilka iyo mas’uuliyadda”.
Cabdiwahaab Xasan “Warqada 2019 unba Date laga beddalay Axmed daacad Jubaland waa xoraystay lol”.
Axmed Dhaaye ayaa isaguna yiri “Reer Jubaland ayaa ku qanacsan ayey ila tahay ninka sidaa yeelaya”.
Cabdiraxmaan Xarage “Ninkaan meesha waa u xureysan tahay wlhi madaxweyne ku xigeenka asigaaba iska magacaabanaa”.
Jigjiga (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka Booliska.
Dagaalka saaka ayaa ah mid aad u culus, waxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo indhowanahaan ku dagaalamayay halkaasi.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan.
Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda.
Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidamo badan oo boolis ah geeyay halka lagu dagaalamayo, si ay ula wareegaan deegaanka, balse waxaa diidan maleeshiyaad deegaanka.
Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horay uga soo saareen baaqyo nabadeed.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo isla todobaadka lagu dilay 5 askari oo kamid ahaa ciidanka dowlad deegaanka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi.
Waxaa kale oo jira dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ujeedka socdaalkooda lagu sheegay xal u raadinta khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo taagan muddo bilooyin ah.
Caasimada Online ayaa ilo xog ogaal ah ka heshay xogta rasmiga ah ee socdaalka wafdigaas oo ergo ka ahaa Axmed Madoobe oo xaalad caafimaad ku wajahaya magaalada Kismaayo.
Xubnaha yimid Muqdisho oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka codsaday dowladda federaalka in Axmed Madoobe loo ogolaado safar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday dalabkaas, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyada noo waramay, dowladda ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay Jubbaland.
Diyaaradii Kismaayo ka qaada Axmed Madoobe waxay ku qasban tahay inay ka soo degto Muqdisho, waana sababta kaliftay in Axmed Madoobe uu ergo u soo dirsado dowladda federaalka, si loogu ogolaado diyaarad u qaada safar caafimaad oo dibadda ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba joojisay diyaaradihii qaadi jiray rakaabka caadiga ah ee tegi jiray Kismaayo, Doolow iyo magaalooyinka kale ee nidaamka Axmed Madoobe uu ka jiro.
Go’aankaas ayaa la sheegay inuu ka dhashay afduub shalay Kismaayo loogu geystay diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines, taas oo lagu qasbay in ciidan iyo masuuliyiin ay Jubbaland u geyso degmada Doolow.
Markii laga soo tago xayiraadda dadweyne oo maanta u bilaabatay reer Jubbaland, waxaa jirta dhibaato xoog leh oo cunaqabateyntaan ay ku heyso madaxda Jubbaland oo Axmed Madoobe ugu horeeyo, maadaama dhulkaas aysan jirin degmo looga gudbi karo degmo kale oo Shabaab ay joogaan, taas oo muhiim ka dhigeysa safarrada diyaaradaha.
Xogtaan sheegeysa in Axmed Madoobe soo dirsaday ergo dowladda federaalka ka dhaadhicisa in loo ogolaado safar caafimaad oo dibadda ah, waxaa ka horeysay xog soo baxday intii uusan dhicin dagaalkii Raaskambooni oo sheegeysay in Axmed Madoobe wajahayo xaalad caafimaad oo isisoo tareysa.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in mar kasta uu dibadda u aadi jiray safar caafimaad, balse wixii ka dambeeyey markii uu ka baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, isla markaana uu qarxay khilaafkii isaga iyo dowladda federaalka waxaa ku adkaatay inuu ka baxo Kismaayo.
Musambiiq (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool dalka Musambiiq ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi la xiriirta bedqabka naftooda iyo maalkooda, ka dib markii ay dalkaas ku faafeen rabshado ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.
Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhacay Mozambique tan iyo markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay xaqiijisay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo ee doorashooyin lagu muransan yahay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.
Dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan laba sarkaal oo boolis ah, sida uu wasiirka arrimaha gudaha, Pascoal Ronda, ka sheegay shir jaraa’id Talaadadii.
Bannaanbaxyada ayaa billowday kadib markii Golaha Dastuuriga uu xaqiijiyay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo. Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa ku andacoonaya in doorashadii 9-kii Oktoobar la musuqmaasuqay.
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale soo magacaabay Madaxweyne ku xigeenadiisa, isagoo dib u soo celiyey xubnihii horay u joogay.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa dib loogu soo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka labaad.
Wax is bedel ah ma muujin dikreetada Axmed Madoobe soo saaray, waxaana xusid mudan in labadaas nin ay ku xigeenno u ahaayeen Axmed Madoobe intii uu heystay Jubbaland.
Ku xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, wuxuuna dhankiisa ka hurinayaa colaadda ka loosan deegaanada Jubbaland.
Ninkaan ayaa maalmo ka hor u safray Addis Ababa, waxaana lagu tilmaamaa gacanta koowaad ee Axmed Madoobe u adeegsado meelaha qaar, sida beesha uu ka dhashay ee reer Sade Mareexaan.
Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud waa ku xigeenka labaad ee Axmed Madoobe, wuxuu ka soo jeeda Shiiqaal, maaha nin saameyn badan, wuxuuna iska joogaa Kismaayo.
Markii laga soo tago Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa koowaad Maxamuud Sayid Aadan, qofka seddaxaad ee ugu dhaqdhaqaaqa badan Jubbaland waa Wasiirka Amniga Maamulkaas Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, oo isna ka soo jeeda Mareexaan.
Dhuumaal iyo Sayid Aadan ayaa hadda ku sugan Doolow oo shalay uu ka dhacay dagaal ay ciidamada Jubbaland oo garabsanaya kuwa Itoobiya la galeen ciidamada dowladda federaalka u jooga degmadaas.
Dagaalkii Doolow ayaa qorshaha Jubbaland wuxuu ahaa inay magaaladaas ka saarto ciidamada dowladda federaalka, balse waxay isku difaaceen si aysan ka maleysa karin, maadaama ay aad u yaraayeen.
Ciidamada dowladda federaalka ka jooga degmada Doolow oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid ayaa weli ku sugan saldhigyadooda, waxayna iska difaaceen awood kasta oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen inay uga saaraan degmada Doolow.
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo saartay warbixin lagu sharaxay qaabkii loo ciribtiray kooxihii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho.
Warbixintaan oo lagu baahiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in NISA ay ku guuleysatay burburinta xafiiskii qaraxyada Al-Shabaab ee Muqdisho iyo shabakad isku xirneyd gobolka Banaadir ilaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.
Magaalooyinka Jilib, Mubaarak iyo Gandarshe ayaa lagu sameeyaa qaraxyada lagu laayo shacabka Muqdisho, NISA ayaa warbixintaan ku shaacisay magacyada ragga ugu sareeya kooxda qaraxyada Al-Shabaab.
Sida ay shaacisay NISA, Saleebaan Sheekh Cumar Cali Fiidow waa ninka ugu sareeya kooxda qaraxyada u sameysa Al-Shabaab, wuxuu joogaa degmada Jilib, waxaana ku xigeen u ah Yaxye Axmed Maxamuud (Yaxye Buur).
Hay’adda NISA ayaa soo bandhigtay magacyada iyo muuqaalka raggii adeegayaasha ahaa ee Al-Shabaab ay u soo dirsadeen howlgalkooda Muqdisho, balse u gacan galay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale NISA ayaa warbixintaan ku soo bandhigtay seddax nin oo dhanka sahanka kala shaqey jiray shabakadaan, kuwaas oo sarkaal labo xidigle ah oo ka tirsan ciidamada dowladda uu ku jiro, xubnaha shabakadda qaar ayaa la hor geeyey sharciga, qaarna waxaa weli ku socota baaris.
Waxaa jira xubno Shabaab ah oo ka baxsaday Muqdisho, markii ay ogaadeen inay fashilmeen, waxaa ku jira nin magaciisa lagu sheegay Jeeri oo ahaa madaxii shabakadaan la burburiyey ee qaabilsaneed qaraxyada Khawaarijta ee Muqdisho ka dhici jiray.
NISA ayaa sheegtay in Jeeri uu u cararay Jilib, balse aagga Afgooye lagu qabtay qoyskiisa oo ka guuray Muqdisho, una socday halka uu joogo ee Jilib.
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland ayaa war kasoo saartay go’aanka Jubbaland looga joojiyey duulimaadyadii diyaaradaha, go’aankaas ayaa ka dhashay diyaarad la sheegay in shalay laga afduubtay Kismaayo, taas oo Axmed Madoobe uu Doolow ku geystay ciidamo, hub iyo masuuliyiin.
Jubbaland ayaa ku dooday in diyaaradaas ay kireysatay, sidoo kale warkaan waxaa si adag loogu eedeeyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Jubbaland ay sheegtay inay ku milantay siyaasadda dalka.
Hoos ka aqriso warkaan ka soo baxay wasaaradda gaadiidka Jubbaland:
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Jubbaland waxay shacabka Soomaaliyeed u cadeyneysaa in warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee lagu sheegay in diyaaradda Halla Airline laga afduubay garoonka diyaaradaha Sayid Mohamed Abdulle Hassan ee Magaalada Kismaayo, taariikhdu markay ahayd 23-kii December 2024, uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Garoonka diyaaraadaha ee Sayid Maxamed 13-kii sano ee Dowlada Jubaland gacanta ku haysay wax amni xuma ah kama dhicin, waxa uuna kamid yahay garoomada ugu amniga badan dalka.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku dhex milantay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowladda Jubbaland, taas oo ka hor imanaysa xeerarka caalamiga ah ee duulimaadka rayidka, waxaana reeban in hawada la siyaasadeeyo.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay sidoo kale joojisay dhammaan duulimaadyadii rayidka ahaa aadi jiray goballada dalka, taariikhdu markay ahayd 6-dii December 2024, iyadoo amartay dhammaan diyaaradaha inay ciidan iyo hub u daabulaan magaalada Raaskambooni, taas oo gebi ahaanba ka hor imaanaysa xeerarka duulimaadka Rayidka.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay horay u joojisay duulimaadyadii tagi jiray degmooyinka Doolow iyo Baardheere ee Gobalka Gedo, halka ay maanta joojisay gabi ahaanba duulimaadyadii rayidka ahaa ee Magaalada Kismaayo.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland waxay cadaynaysaa in diyaaradii aaday Degmada Doolow ee Gobalka Gedo taariikhdu markay ahayd 23-kii December 2024, ee shirkada diyaaradaha Halla Airlines, ay gaaday masuuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowlada Jubaland, isla markaana aanu jirin wax ciidan ama hub ah oo ay gaaday diyaaradaasi oo si sharci ah looga kiraystay shirkadda.
Wasaaraddu waxay markale cadayneysaa in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay ku xad-gudubtay shuruucdii lagu aasaasay, taas oo wax u dhimi doonta dadaaladii isdaba jooga ahaa ee loo galay in maamulka hawada Soomaaliyeed dib loogu celiyo gacanta dalka.
Maanta, waxaa si cad loogu xadgudbay xuquuqda muwaadinka ee ah inuu meesha uu doono u safro, sida ku cad dastuurka dalka, iyadoo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed nogotay xarun laga hago arrimaha siyaasadda.
Haddaba waxaan ugu baagaynaa Hay’adaha kale ee adeeg bixinta shacabka ee dalka inay ka fogaadaan in loo adeegsado dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay maanta qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay joojisay duulimaadyadii diyaaradaha ee tagi jiray Kismaayo iyo Doolow, sababo la xiriira xiisadda kala dhexeyso Jubbaland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la hakiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalo xeebeedka Kismaayo.
Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay la xiriirto kadib markii shalay ay sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow.
Arrintan ayaa keentay inay saameyso shacab fara badan oo maanta ku xayirmay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuna soo jeeda caasimada Muqdisho.
Haddab sidee looga fal-celiyay tallaabada ay maanta qaaday DF?
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan culus oo la xiriira Soomaaliya, isla markaana saameynaya Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile.
Xukuumadda Qaahir oo war culus soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu baddelayo kan ATMIS, kaas oo lagu wado inuu billowdo bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2025-ka.
Warkan waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ku jirto waddamada ciidamada ku yaboohay howlgalka cusub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale garab taagnaa dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qayb ka tahay howlgalka AUSSOM.
Sidoo kale Badri ayaa tilmaamay in dowladdiisa waajib ka saaran yahay garab istaagga Soomaaliya sidaas awgeed Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar diyaar u tahay kamid noqoshada howlgalka lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta.
“Masar waxa ay qayb ka tahay oo Dowladda Soomaaliya ka codsatay howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay taageerayaan si loo xoojiyo nabadgalyada” Sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi.
Masar ayaa sidoo kale isla maanta ka dhawaajisay hadal kale oo ka dhan ah Itoobiya, iyada oo si cad u sheegtay in marnaba aan loo ogolaan doonin gaaridda Badda Cas.
Go’aanka Masar ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmahan aad loo hadal hayay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dib uga laabatay go’aankeedii ahaa in howlgalka AUSSOM laga saaro Itoobiya, kadib heshiiskii ay labada dowladood ku gaareen magaalada Anakara.
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay eedeynta ay u jeedisay Soomaaliya, kadib dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ay ka qayb-qaateen ciidamada Itoobiya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in eedeyntan ay Soomaaliya uga gol leedahay in aan xariirka la wanaajin, ayna jirto gacan 3-aad oo daganaanta Geeska Afrika diidan, oo la rumeysan yahay inay kala jeedo dowladda Masar.
“Eedeyntan run maaha. Dhacdadan waxaa billaabay dhinacyo gaar ah oo doonayo in ay wiiqaan caadiyeynta xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Dhinacyadan saddexaad ayaa damacsan inay khalkhal galiyaan xasilloonida Geeska Afrika, waana qaswadayaasha joogtada ah ee nabadda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya.
Itoobiya iyo Masar ayaa maanta hadallo ad adag hawada isku mariyey, waxayna Qaahira sheegtay in marnaba Itoobiya aan loo ogolaan doonin Badda Cas, xilli uu goobtaas ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi oo booqasho ku jooga Qaahira.
Labada wasiir ayaa isla soo qaaday dagaalkii Doolow, wuxuuna Cali Balcad u gudbiyay Itoobiya cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay dhacay ay ka qayb qaateen ciidamadooda.
Dhankiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, ayaa sheegay inay sameynaayaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Addis Ababa ay ka bilowdeen wada-hadallo u dhexeeyo Somalia iyo Itoobiya oo lagu sii amba qaadayo heshiiskii lagu gaaray Ankara.