25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DF oo war cusub ka soo saartay soo saarista shidaalka

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay soo saaran doonto shidaalka ku jiro dhulkeeda, sida uu maanta sheegtay wasiirka bartoolka Daahir Shire Maxamed oo haatan ka qayb-galaya Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee ka socda magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga.

Daahir Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato khayraadka dhex ceegaaga dhulkeeda, isla markaana haatan wixii ka dambeeya ay xoojin doonto iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ku taallo goob istaraatiiji ah, Allana uu ku maneystatay khayraad dabiici ah, isaga oo maalgashadayaasha caalamiga ah ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursaddaasi ee ay usoo bandhigtay dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waa goob istaraatiiji ah waxaana ku duugan Kheyraad farabadan oo dabiici ah, goobtaas muhiimka ah ee ay Africa kaga taalo waxay fursad weyn u tahay maalgashadayaasha caalamiga ah inay Soomaaliya maalgashi xoogan ku sameeyaan” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire oo madasha ka jeediyay Khudbad kooban.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dadaallada socda ee sahminta shidaalka Soomaaliya ee uu wado Turkiga, isaga oo xusay inuu marayo heer gabagabo ah, kadibna xigi doonto qorshaha qodiska shidaalka, si loo soo saaro, kadibna loo sii iib geeyo.

Sahminta ayaa hadda lasoo warinayaa in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay baarista shidaalka Soomaaliya, taasoo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay.

Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida uu haatan ka dhawaajiyay wasiirka batroolka Soomaaliya.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta.

Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro.

Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

Republican Senators move to block Somalia mission funding

WASHINGTON, USA — A group of Republican U.S. senators has introduced legislation blocking American funding for a new African Union peace operation in Somalia unless the European Union (EU), United Nations (UN), and the AU itself share the financial burden more equitably.

The proposal, known as the “AUSSOM Funding Restriction Act of 2025,” comes amid growing frustration in Washington over what lawmakers describe as a lopsided funding structure that unfairly relies on U.S. taxpayers.

It targets the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), which was authorized by UN Security Council Resolution 2719 to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

Three prominent Republican senators are spearheading the bill: Jim Risch (Idaho), the ranking member of the Senate Foreign Relations Committee; Ted Cruz (Texas); and Rick Scott (Florida).

“The aim is to protect American taxpayers and to hold the UN and AU accountable when conducting peacekeeping operations in Africa,” Risch told Fox News, which first reported the initiative.

Financial accountability demand

Risch said the bill aligns with former President Donald Trump’s foreign policy vision, which emphasized reducing overseas spending and demanding more responsibility from international allies.

“President Trump led a new era in U.S. foreign policy where taxpayer dollars serve only national interests. For too long, our partners have benefited while the U.S. pays the largest share of global security costs. Europe must now take responsibility,” Risch added.

According to the draft legislation obtained by Fox News, the bill would:

  • Ban U.S. funding for AUSSOM under UNSC Resolution 2719 until the AU and UN demonstrate responsible and transparent use of existing resources.
  • Require the Secretary of State to conduct annual independent assessments of AU compliance with Resolution 2719 across all AU-led peace operations.
  • Mandate reporting to Congress on the findings of those assessments, including AUSSOM’s performance, U.S. contributions, and overall funding status.
  • Oblige the U.S. to oppose any UNSC resolution enabling U.S. funding for AUSSOM under the current model.

EU criticized for dodging responsibility

The senators specifically accuse the EU of shirking its obligations.

“EU members at the UN are trying to offload their financial duties by proposing a new and unfair funding model that shifts the burden to the United States,” said Risch.

“That’s unacceptable. This bill prohibits any U.S. funding for AUSSOM using the proposed structure until the AU and UN prove they are managing funds effectively. We must prevent the U.S. from being locked into a dysfunctional system.”

Senator Rick Scott echoed the call for fiscal prudence and oversight:

“The U.S. should never allow taxpayer money to be spent while the UN avoids accountability—especially when the funded mission lacks transparency and oversight. I’m proud to work with my colleagues to ensure American interests come first and our money is wisely used.”

Senator Cruz, a co-sponsor of the bill and also a member of the Senate Foreign Relations Committee, supported the measure but was not quoted directly.

Ongoing threats in Somalia

Somalia, located in the Horn of Africa, has been plagued by violent insurgencies from al-Shabaab and Islamic State-linked fighters for decades. In the last five weeks, U.S. Africa Command (AFRICOM) confirmed four airstrikes: three targeting ISIS militants and one targeting al-Shabaab.

One of the airstrikes reportedly hit multiple sites, though AFRICOM has not disclosed full details. These strikes underscore the persistent threat posed by extremist groups and the importance of security assistance.

In June 2024, Somalia asked the UN Security Council to delay the withdrawal of African peacekeepers, warning that an abrupt exit could trigger a resurgence of al-Shabaab. The AU and Somali government have repeatedly called for a conditions-based drawdown to avoid creating a security vacuum.

AUSSOM was created as a follow-up mission to ATMIS, which began in 2022 and succeeded AMISOM. ATMIS was mandated to draw down gradually, ending in December 2024, with AUSSOM picking up the stabilization and counterinsurgency role.

While the UN has pledged to cover up to 75% of AUSSOM’s budget under Resolution 2719, U.S. lawmakers argue that America is once again poised to shoulder the largest share. They say other global partners, especially in Europe, must increase their contributions.

The bill’s fate remains uncertain, but its introduction marks a clear push by Republican lawmakers to reshape U.S. engagement in multilateral peacekeeping operations and insist on fairer burden-sharing among international allies.

Arrin xasaasi ah oo ka soo korortay xiisadda baarlamanka iyo kulankii maanta oo la…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa ee ka taagan baarlamaanka dalka.

Farriin oo diray xildhibaannada ayaa waxaa loogu sheegay in maanta aanu jirin kulan, isla markaana ay isku imaan doonaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa fadhiyadooda yeesha maalmaha Sabti, Isniin, iyo Arbaco, waxaana maanta la filayay in xildhibaannadu isugu yimaadaan kulankoodii caadiga ahaa, balse waa uu baaqday, sida ku cad farriinta loo diray.

Sababta ugu wayn ayaa lala xiririinayaa xiisadda ka dhex taagan baarlamaanka, taas oo saameyn ku yeelatay shaqadii socotay ee xildhibaannada, kadib markii uu iyaga iyo guddoomiyaha uu soo kala dhex-galay khilaaf xooggan.

Kulankii u dambeeyay oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa buuq iyo fowdo kusoo dhammaaday, waxaana kadib xigtay in qaar kamid ah xildhibaannada laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Aadan Madoobe.

Xaaladda ayaa u muuqata inay weli kasii dareyso, waxaana xildhibaannada mucaaradka ay wadaan mooshin ay rabaan inay xilka uga tuuraan guddoomiyaha, isaguna wuu ka horyimid, wuxuuna ka laabtay maamuus ka xayuubintii xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib oo iyadu sababtay buuqa haatan ka taagan baarlamaanka Soomaaliya.

Baaqashada kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo haatan dalka uu ka maqan yahay Sheekh Aadan Madoobe oo Khamiistii u baxay dalka Aljeeriya, halkaas oo uu maanta uga qayb-galayo shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Carabta oo ka furmayo magaalada caasimada Algiers.

Shirka oo socon doono illa berri ayaa waxaa kadib qorshuhu yahay inuu Aadan Madoobe soo laabto, kadibna uu guddoomiyo kulanka baarlamaanka ee loo ballansan yahay Isniinta.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Somalia defends revenue terms in oil deal with Turkey

MOGADISHU, Somalia — Somalia’s landmark oil and gas exploration deal with Turkey has sparked intense domestic debate. Critics have raised concerns over the deal’s lack of transparency, revenue-sharing terms, and constitutional oversight, while the government defends it as a strategic step toward economic independence.

The agreement, signed in Istanbul on March 7, 2024, grants Turkey’s state-run Turkish Petroleum Corporation (TPAO) exclusive rights to explore and extract hydrocarbons in Somalia’s offshore and onshore blocks. It is the first such contract in Somalia’s history, deepening Turkish influence.

According to the leaked documents, Turkey will receive up to 90 percent of the annual oil and gas output as cost recovery, a standard clause in frontier oil markets. Somalia is expected to receive a royalty of up to 5 percent, with profit-sharing to follow after costs are recovered.

The Federal Government of Somalia also committed to providing TPAO with technical and geological data free of charge and allowing the company to select its exploration zones unilaterally. The contract exempts TPAO from taxation and places its legal jurisdiction in Istanbul.

“This is a historic step. For the first time, Somalia is officially exploring its natural resources,” President Hassan Sheikh Mohamud said in a televised statement. “With Turkey by our side, Somalia is charting a new economic future.”

Legal and political pushback at home

The deal has drawn heavy criticism from Somali lawmakers, analysts, and civil society groups who accuse the government of sidestepping legal protocols and giving away too much control.

Abdisaid Muse Ali, a former national security adviser and ex-chief of staff to the president, described the deal as “unconstitutional and opaque.”

“There was no competitive bidding. No consultation with federal member states. No public debate. This is not just bad governance—it is illegal, Ali wrote on social media.

Somalia’s 2020 Petroleum Law requires transparency and federal consultation in resource contracts. Critics say the Istanbul deal violates those provisions and undermines the 2018 Baidoa revenue-sharing agreement, which allocates 55 percent of resource revenue to the federal government and 45 percent to federal states and producing communities.

The Parliamentary Committee on Natural Resources has also raised objections, demanding a review of the agreement and greater public accountability.

Despite the outcry, government officials insist the deal was made in Somalia’s national interest. State Minister for Foreign Affairs Ali Omar said the agreement covers just three 216 potential offshore blocks and will open the door to wider foreign investment.

Mogadishu-based economist Anisa Abdulkadir argued that Somalia cannot independently explore and develop its offshore reserves.

“Upfront oil exploration costs are high, and Somalia doesn’t have the money or technical know-how, she told The EastAfrican. “Partnering with a major company like TPAO is standard practice. This is how countries like ours begin.”

She added that Somalia could eventually develop its own institutions to manage natural resources and negotiate more favorable terms in future agreements.

Part of a broader strategic alliance

The oil deal follows a defense cooperation pact signed in February 2024, under which Turkey pledged to help train and equip Somalia’s navy. These moves come amid rising tensions in the Horn of Africa, particularly between Somalia and Ethiopia, which signed a controversial sea access deal in January with Somaliland—an agreement Mogadishu considers illegal.

Already deeply involved in Somalia’s infrastructure, military, and humanitarian sectors, Turkey appears to be expanding its geopolitical footprint. Analysts say Ankara is positioning itself as a long-term strategic ally for Somalia in a region increasingly shaped by rival foreign powers.

The government insists the deal complies with international norms and offers Somalia a path toward energy development. But as exploration activities prepare to begin, authorities face growing pressure to explain the contract’s terms, address legal concerns, and ensure equitable benefits across the country.

“Somalia must walk a tightrope—welcoming foreign investment without compromising sovereignty or the public trust, said one regional analyst. “How this deal is managed may define Somalia’s energy future.”

Khaatumo oo dalab culus soo saartay, ka hor imaanshaha Firdhiye ee Muqdisho

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana haatan soconayo qaban qaabo wayn loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Firdhiye ayaa magaalada Muqdisho u imaanayo ka qayb-galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ka casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Villa Soomaaliya ka dhacayo shanta bishaan May ee sanadkan 2025.

SSC-Khaatumo oo xaqiijisay safarka madaxweyne Firdhiye ayaa dalbatay in laga qayb-qaato soo dhaweyntiisa, iyada oo sheegtay inuu u taagan yahay wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

“Soo dhaweynta madaxweynaha cid kasta oo ummadda Soomaaliyeed oo jecel wadajirka iyo midnimada dalka ee fursad noo heli karto way nagala qayb qaadan kartaa soo dhaweynta madaxweynaha. Waxaan u cadeyneynaa in maanta oo Sabti ah uu Firdhire ka dagayo magaalada Muqdisho” ayay tiri Fahiimo Yuusuf Qooje oo ah gabar si weyn ugu dhaq-dhaqaaqda horumarka maamulka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo dhabaha cusub ee u furmay labada dhinac, gaar ahaan wadashaqeynta SSC iyo dowladda dhexe.

Shirka loo ballansan yahay oo ay ka qayb-geli doonaan madaxda Maamul-goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026.

Cabdulqaadir Firdhiye oo dhowaan wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay waxa ay uga dhigan tahay ka qayb-galka shirkan oo uu markiisii ugu horreysay imaanayo, isaga oo metalayo dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo oo dhowaan maamul goboleed loo aqoonsaday.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in wax wayb uga dhigan tahay tagistiisa Muqdisho, wuxuuna carabka ku dhuftay inay tahay markii u horreysay oo uu shirka ka qayb-galayo mas’uul reer waqooyi ah, maadaama markii hore ay madasha ku ekeyd reer koonfur oo kaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka golaha wadatashiga qaran ay gayn doonaan taladooda iyo arrinta midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

“Horta madasha markii ugu horreysay ka qayb-galo oo reer waqooyi ah weeyaan qoladaan reer Koonfureed ayaa madashaan iska haysatay marka waxaan leenahay waa nimid, waxaana soo kordhin doonaa qaybihii kala duwanaa ee qaranka Soomaaliyeed oo badankood ay dhan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waa taladii qaranka oo SSC ay bartanka u fadhiso, waxaanu soo kordhin doonaa midnimo, wadajir iyo Somalinimo”.

Imaanshaha Cabdulqaadir Firdhiye ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu booqasho taariikhi ah ku tegay Laascaanood, halkaas oo uu uga soo dhowaaqay aqoonsiga maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Waa markii labaad ee uu hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) imaanayo magaalada Muqdisho, laakiin safarkiisii hore ayaa ku koobnaa booqasho oo kaliya, laakiin hadda waa mid xambaarsan ujeedooyin siyaasadeed oo waawayn, maadaama uu qayb ka noqanayo go’aannada kasoo baxaya ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Congress-ka Mareykanka oo shuruudo adag ku xiray arrin muhiim u ah Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Warbaahinta Fox News ayaa ogaatay in Mareykanku uu ka ka fakarayo inuu joojiyo maalgelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiga ah ee xagjirka ah ee Soomaaliya, ilaa Midowga Yurub, Midowga Afrika (AU) iyo Qaramada Midoobay (QM) ay qaataan mas’uuliyad dhaqaale oo cadaalad ah si ay uga qayb qaataan hawlgallada nabad ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya.

Qorshahan lagu “xayirayo” adeegsiga dhaqaalaha Mareykanka ayaa ah qodob muhiim ah oo lagu muujiyay hindise sharciyeed cusub oo ay wadaan saddex Senator oo caan ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay heshay Fox News.

Hindisahan, oo la jaanqaadaya siyaasaddii Madaxweyne Donald Trump ee lagu adkeynayay xakameynta kharashaadka gudaha iyo dibaddaba, waxaa soo diyaariyay Sen. Jim Risch (Idaho), Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka, Sen. Ted Cruz (Texas), iyo Sen. Rick Scott (Florida). Waxaa lagu magacaabay: Xeerka Xaddidaadda Maalgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee 2025.

“Ujeeddadu waa in la ilaaliyo canshuuraha muwaadiniinta Mareykanka iyo in QM iyo AU lagula xisaabtamo marka ay fulinayaan hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika,” ayuu yiri Risch oo la hadlay Fox News.

Sharcigan waxa uu sidoo kale Mareykanka ku waajibinayaa inuu ka hor yimaado go’aanno kasta oo Golaha Ammaanka ee QM uu qaato si uu u ansixiyo maalgelin noocan ah.

Soomaaliya, oo ku taalla Geeska Afrika, waxa ay tobannaan sano la daalaa-dhacaysay weerarro iyo kacdoonno ay geystaan kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish, gaar ahaan Al-Shabaab. Shantii toddobaad ee u dambeeyay, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu fuliyay afar duqeyn: saddex lagu qaaday Daacish iyo mid lagu beegsaday Al-Shabaab. Duqeyn ka mid ah ayaa lagu sheegay inay bartilmaameedsatay dhowr goobood.

Senator Risch ayaa sheegay, “Maamulka Trump waxa uu qaaday tallaabooyin cad oo lagu wiiqayo kooxaha argagixisada ee Afrika, waxaana u taageersanahay si buuxda.”

Hase yeeshee, ayuu yiri Risch, Midowga Yurub waxa uu doonayaa in Mareykanka laga dhigo kan bixiya kharashka ugu badan ee hawlgalka AUSSOM, halkii uu si siman ula qaybsan lahaa mas’uuliyadda.

“Xubnaha Midowga Yurub ee QM waxa ay isku dayayaan in ay iska wareejiyaan waajibaadkooda dhaqaale ee AUSSOM, iyagoo soo jeediyay hab maaliyadeed cusub oo caddaalad darro ah oo culayska saaraya Mareykanka,” ayuu yiri Risch.

“Taasi ma oggolaan karno,” ayuu sii raaciyay. “Hindisahan waxa uu mamnuucayaa in Mareykanku wax maalgelin ah ku bixiyo AUSSOM iyadoo la adeegsanayo nidaamka cusub, ilaa AU iyo QM ay muujiyaan inay si hufan oo mas’uuliyad leh u isticmaalayaan dhaqaalaha jira. Waa in laga hortagaa in Mareykanka si joogto ah ugu xirmo nidaam aan shaqayn.”

Risch wuxuu intaa ku daray, “Madaxweyne Trump wuxuu horseeday waqti cusub oo siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ah, taas oo ah in doolarka canshuur-bixiyeyaasha loo adeegsado danaha qaranka kaliya. Waqti dheer ayay saaxiibbadeen ka faa’iideysanayeen Mareykanka oo bixinaya kharashka ugu badan ee amniga caalamka. Yurub waa inay qaaddaa mas’uuliyaddeeda.”

Senator Cruz iyo Senator Scott oo sidoo kale la socda hindisaha, waa xubno ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka.

Senator Scott ayaa u sheegay Fox News, “Mareykanka marnaba ma oggolaanayo in canshuurta muwaadiniinta la isticmaalo iyadoo QM aysan bixin wax mas’uuliyad ah, gaar ahaan marka hawlgalka la maalgelinayo uusan muujin hufnaan iyo isla-xisaabtan. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la shaqeeyo asxaabteyda si loo hubiyo in danaha Mareykanka hormuud ka noqdaan, isla markaana lacagteennu si xikmad leh loo maareeyo.”

Qodobada muhiimka ah ee lagu muujiyay hindisaha, sida ay heshay Fox News, waxaa ka mid ah:

  • Ilaalinta lacagta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka: Mamnuucista in Mareykanku maalgelin ku bixiyo AUSSOM iyadoo la adeegsanayo Qaraarka 2719 ee Golaha Ammaanka QM, iyo in Mareykanku si rasmi ah uga hor yimaado tallaabo kasta oo maalgelintaas suurto-gelinaysa.
  • Kormeer adag: In Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu waajibiyo inuu sannad kasta sameeyo qiimeyn madax-bannaan oo lagu ogaanayo sida AU u fulinayso shuruudaha ku cad Qaraarka 2719 ee dhammaan hawlgallada nabad ilaalinta ee uu hoggaamiyo.
  • Hufnaan iyo isla-xisaabtan: In Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay siiso Congress-ka warbixin dhammaystiran oo ku saabsan natiijada qiimeynta, waxqabadka iyo maalgelinta AUSSOM, iyo wixii lacag ah oo Mareykanku bixiyay iyadoo la raacayo Qaraarka 2719.
  • La-tashi Baarlamaan oo Dheer: In la ballaariyo warbixinnada ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda siiso Congress-ka si ay uga mid noqdaan xogta la xiriirta hawlgallada nabad ilaalinta AU ee lagu maalgeliyo Qaraarka 2719.

Wiilka Yoweri Museveni oo shaaciyey arrin yaab leh oo uu ku dhex sameeyey gurigiisa

Kampala (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa sheegay in uu qeybta hoose ee gurigiisa ku hayo Eddie Mutwe, oo ah nin mucaarad ah, isla markaana uu u hanjabayo rabshado, kaddib markii xisbiga ninkaasi uu sheegay in si xoog ah loo afduubtay toddobaadkii hore.

Eddie Mutwe, oo ah ilaaliyaha gaarka ah ee hoggaamiyaha mucaaradka Bobi Wine, ayaa la waayay dhammaadkii toddobaadka kadib markii rag hubeysan ay ku qabteen meel u dhow caasimadda Kampala, sida uu sheegay xisbiga mucaaradka ee National Unity Platform (NUP).

Booliiska ayaa sheegay in aysan haynin Mutwe, oo magaciisa dhabta ah yahay Edward Ssebuufu, mana jirin illaa iyo hadda wax war ah oo rasmi ah oo laga helay halka uu ku sugan yahay.

Fiidnimadii Khamiista, Kainerugaba ayaa bartiisa X kusoo qoray fariimo taxane ah, isagoo soo dhigay sawir la sheegay inuu yahay Mutwe oo aan gashanayn shaati, kuna andacooday in uu “u qabtay sida ayax.”

Reuters ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sawirkaasi, hase yeeshee xisbiga NUP ayaa mar kale u isticmaalay sawirkaasi bartiisa X si uu taageero ugu raadiyo Mutwe.

“Wuxuu ku jiraa qolka hoose ee gurigeyga… adigana waad ku xigtaa!” ayuu Kainerugaba ku qoray fariin uu kaga jawaabayay qoraal uu Bobi Wine ku baafinayay maqnaanshaha Mutwe.

“Wali kamaan jarin…,” ayuu sii raaciyay dhowr saacadood kadib, isagoo intaas ku daray inuusan sii deyn doonin Mutwe ilaa uu amar ka helo madaxweyne Museveni.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Uganda, oo ah hay’ad dowladeed, ayaa Khamiistii ku amray Kainerugaba in uu sii daayo Mutwe oo ay sheegeen in si sharci-darro ah loo hayay tan iyo 26-kii April, haddii kale uu wajihi doono dacwad ku saleysan baalmaridda dastuurka.

Afhayeenno u hadlay dowladda, ciidamada iyo booliiska Uganda ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo warcelin ah oo laga dalbaday.

Mucaaradka Uganda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Museveni in uu si degdeg ah u kororsaday darajada milatari ee wiilkiisa Muhoozi si uu ugu diyaariyo xil-wareejin siyaasadeed, inkastoo Muhoozi uu si joogto ah u dhigo hadallo kacsan oo uu ku baahiyo baraha bulshada — kuwaas oo ay ka mid ahaayeen hanjabaad 2022 uu ku sheegay inuu weerari doono Kenya iyo mid kale oo Janaayo uu ku hanjabay in uu “madaxa ka jari doono” Bobi Wine.

Bobi Wine, oo horey u ahaan jiray fannaan caan ah, ayaa galay siyaasadda wuxuuna galay kaalinta labaad ee doorashadii madaxtinimo ee 2021.

Museveni, oo hadda 80 jir ah, ayaa xukumayay Uganda tan iyo 1986, waxaana la filayaa inuu mar kale isu soo taago doorashada dhacaysa bisha Janaayo ee soo socota. Mucaaradka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si joogto ah ugu eedeeya dowladdiisa xadgudubyo ay ka mid yihiin afduubyo iyo xabsi aan sharci lahayn.

Museveni wuu beeniyay eedeymahaas.

“Dhibaatada Eddie Mutwe ma aha dhacdo keliya, balse waa qayb ka mid ah olole nidaamsan oo lagu caburiyo codadka ka soo horjeeda xukunka, isla markaana lagu quusiyo rajada dhalinyarada u hamineysa xorriyad,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ururka Qareenada Uganda.

Jimcihii galinkii dambe, Bobi Wine ayaa bartiisa X ku qoray in ciidamo ka tirsan milatariga ay weerar ku qaadeen xarunta dhexe ee xisbigiisa, xilli la qorsheynayay kulan lagu muujinayo taageerada Mutwe.

Kizza Besigye, oo ah hogaamiye mucaarad ah oo afar jeer la tartamay Museveni, ayaa la xiray bishii November, waxaana uu weli xiran yahay iyadoo lagu eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin khiyaano qaran.

Kooxda Daacish oo weerar is-miidaamin ah ku qaaday ciidamada PUNTLAND

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo qaraxyo ku bilowday oo ay xalay kooxda Daacish ay ku qaaday saldhig ciidamada difaaca Puntland ay ku leeyihiin aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ayaa sheegay in qaar kamid ah ragga weerarka soo qaaday ay isku qarxiyeen bannaanka xerada, halka kuwa kalena ay toogteen ciidamada ammaanka, inta uu socday dagaalka, lana fashiliyay weerarkooda.

Illaa 10 nin ayaa lasoo wariyay inay dagaalka soo qaadeen, kuwaas oo qaarkood ay fuliyeen qaraxyo is miidaamin ah, halka kuwii kalena dhammaantood la laayay.

“Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigay markii waagu baryo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in dhankooda uu uga dhaawacmay hal askari, uuna fududyahay dhaawaciisa, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maydad badan oo ka carareen Daacish ay daadsan yihiin aagga lagu dagaalamay, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay dagaalkii xalay ka dhacay aagga deegaanka Dhasaan ee gobolka Bari.

“Maydadka Argagixisada Daacish oo saaka gorofsan Dhasaan Sarre, waa halkii Xalay Ciidanku uu ku xasuuqay Argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada Puntland ay haatan howlgallo sifeyn ah ay ka wadaan qaybo badan oo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Horay sidaan oo kale Puntland ayaa uga hortegtay weerar is-miidaamin ah oo ay soo abaabushay kooxda Daacish, kaas oo ay la damacsaneyd ciidamadii la wareegay  Togga Miraale, waxaana la fashiliyay weerarkaas,, iyada oo la laayay xubnihii abaabulayay/

Ciidamada oo xiligaas ka war helay abaabulka weerarka ayaa cagta mariyay koox ka tirsan Daacish oo dooneysay inay qaadaan weeraro gaadmo ah.

Marka loo eego wararka ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo wariyay in haatan uu soo gabagoobay, waxaana kadib xigay wajia afaraad oo ay qorshihiisu dajineyso dowlad goboleedka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibadda oo xilka la wareegay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Axmed Macallin Fiqi, kadib munaasabad maanta ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo labada wasiir xilalka u kala wareejiyay.

Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa aad u boggaadiyay shaqadii uu wasaaradda ka qabtay Fiqi oo haatan loo beddalay wasaaradda gaashaandhigga, kadib isku shaandheyn dhowaan uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sidoo kale Xamza guul u rajeeyay wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa horay u ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda, waxaana hadda loo soo beddalay arimaha dibadda, kadib isbeddalkii dhowaan lagu sameeyay qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

Wasiirka cusub ayaa waxaa sugeysaa shaqo adag, maadaama wasaaradda arrimaha dibadda ay u xilsaarantahay xiriirika caalamiga ah iyo arrimaha diblomaasiyadda oo haatan maraya meel wanaagsan, marka loo eego fagaaraha iyo caalamka iyo gobolka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddallada ballaaran ee haatan ka socda dalka, gaar ahaan xukuumadda, waxayna arrintan bixineysa laba fasir, kuwaasi oo kala ah:

1. In isku shaandheynnadu ay yihiin kuwa ku salaysan jahwareer siyaasadeed.

2. In aanay madaxda sare heysanin dookh ka baxsan inta xukuumadda ku jirta.

Tan ayaa ka dhigan si kasta oo xubnaha golaha waxqabadkooda loo saluugana aysan madaxda sare haysan dookh ka duwan iyaga, halkii iyaga la beddeli lahaa boosaaska uun la isugu beddelayo — taas oo aanan meesha ka saaraan baahida joogtada ah ee loo qabo isbeddelka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad syaasadeed oo cakiran, waxaana buuqa uu gaaray baarlamaanka dhexdiisa iyada oo taasi sii dheertahay dagaalka Al-Shabaab.

DF oo war culus ka soo saartay dagaalkii lagu laayey Al-Shabaab ee ka dhacay Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyey guusha geesiyaasha Deegaanka iyo Ciidanka Qaranka ay maanta ka gaareen dagaalladii maanta ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu laayey Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarro seddax jiho ah ku soo qaaday galinkii dambe ee maanta kooxda ayaa weerarradaas ku soo qaaday deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Geesiyaasha halkaas ka dagaalamay waxay soo ururiyeen maydadka 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen afar  maleeshiyaad ah, iyadoo saddex ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in tiro kale oo maydad iyo dhaawac ah ay horay usii qaateen Khawaarijtu,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Guushan weyn waa tii labaad oo muddo kooban gudahood lagu jabiyo Khawaarijta, iyadoo la xusuusto jabkii xoogganaa ee Khawaarijta lagula beegsaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay guulo la taaban karo ka gaareen Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka.”

Intii uu socday howlgalka baacsiga ah, geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida waxay ka furteen Khawaarijta hub aad u badan.

Geesiyaasha reer Hiiraan waxay tusaale u yihiin halganka iyo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya Khawaarijta duulaanka ku ah qaranimadeena iyo diinteenna.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Shabaab soo qaaday weerar 3 jiho ah oo lagu laayey Hiiraan – Muxuu ahaa qorshahooda?

Moqokori (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qorsheysay inay cagta-mariyaan macawiisleyda reer Hiiraan, balse waxay kala kulmeen jabkii ugu culsaa ee waayahaan soo gaara, waxaana seddax goobood lagu soo bandhigay meydadka Al-Shabaab oo tirabeel ah.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa maanta jilibka u dhigay weerarro ay Al-Shabaab ka soo qaadeen seddax jiho oo gobolka Hiiraan ah, waxaana guuleystay Ciidamada Xoogga iyo xaq u dirirka deegaanka.

Waxaa lasoo bandhigay meydadka ku dhowaad 30 Shabaab ah oo ajaanib ay ku jiraan, sidoo kale waxaa muuqaalada laga soo duubay lagu dhex arkayaa horjoogayaal madaxda laga gooyey.

Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo looga hortegay weerar ay Shabaab ka soo abaabuleen degmada Aadan-yabaal oo gacantooda ku jirta.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in Khawaarijta ay ka dileen ku dhowaad 30 Shabaab ah oo meydadkooda ay dul istaageen, iyagoo kasoo furtay hub iyo saanadihii kale ee ciidanka ee ay ku soo weerar tageen.

Taliyaha Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale oo SNTV la hadlay ayaa yiri.  “25 ka tirsan meydadkii Khawaarijta ay ka carareen ayaan gacanta ku haynaa, Saddex aag oo ay ka soo weerar tageena waan ku jabinay.”

Meydad kale iyo dhaawacyo tiro beel ah ayaa la sheegay in Shabaab ay horay u qaateen, kadib markii dhamac aysan filaneyn ay kala kulmeen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanayey.

Taliyaha Guutada 21-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gashaanle Maxamed Cali Hilowle ayaa yiri, “Khawaarij tababar maleh, waxaana ka dhignay kuwa aan dilno iyo kuwa aan nolasha ku qabanay cadowgii maanta nagu soo duulay”.

Sawirro: Caananuug oo laga raali geliyey ‘aflagaadadii’ guddoomiye Aadan Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan raali-gelin ah ayaa galabta Muqdisho loogu sameeyey Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka lagu aflagaadeeyey.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo saaxiibo dhow la ah mucaaradkana ay iskala tirsan yihiin Xildhibaan Caananuug ayaa ka xaalmariyey aflagaadadii uu u geystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankii ugu dambeeyey ee Arbacadii ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo buuq iyo gacan qaad ku soo dhamaaday ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe ku dhex caayey xildhibaanada qaar.

Inkastoo dhowr xildhibaan oo mucaarad ah, buuqa iyo xasilooni daradana bilaabay uu mid mid u caayey Aadan Madoobe, hadana Xildhibaan Caananuug ayaa ugu daraa, wuxuuna yiri “Naga fariiso waxaa tahay Jiis daalane.”

XIldhibaan Caananuug waxaa qarax ay gaarigiisa ugu xireen lug uga jaray Khawaarijta, wuxuuna ku suntan yahay halgan iyo dhabar adeyg dalkaan looga xoreeyey Khawaarijta oo muddo dheer soo socday.

Wuxuu kamid yahay saaxiibada madaxweynihii hore Sheekh Shariif, wuxuuna xili ku jira ragg ay Shabaab ugu neceb yihiin, ilaa heer ay gaareen inay gaarigiisa qarax ugu xiraan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa aad loogu dhaliilay hadalkiisii ka dhanka ahaa xildhibaankaan dhibanaha u noqday beegsiga Al-Shabaab ee dalka ka socda, taasi oo mudan in mar kasta looga garaabo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa galabta Xildhibaan Caananuug dusha ka saaray Go’ shaal ah, kaas oo ka turjumaya in habdhaqanka raali gelinta Soomaalida.

Dhamaan Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa isugu yimid kulanka raali-gelinta xildhibaan Caananuug, waxayna soo qaateen ulaha Baakoorta ah ee dadka lugaha la’ ay cuskadaan.

Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan muhiim ah

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Hararta.

Deegaankan ayaa ku yaalla xuduudda u dhaxeysa degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waana meel istiraatiiji ah oo dhowr jeer ay ka dhaceen iska hor-imaadyo.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo fiidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay ku beegsanayaan goobaha ay Shabaabku isku aruursadaan. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, waxaa laga adkaaday kooxdii halkaasi ku sugneyd.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkaasi, halka in ka badan 10 qori ay ciidamada deegaanka gacanta ku dhigeen.

Ciidamada deegaanka ayaa si buuxda u fashiliyey dhagartii ay maleegayeen Shabaabka, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah goobaha ay ku sugan yihiin shacabka iyo ciidamada dowladda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu adkeynayo amniga gobolka.

Aagga uu howlgalka ka dhacay waxaa hadda si buuxda ugu sugan ciidamada deegaanka, kuwaas oo bilaabay baacsiga xubnaha firxadka ah ee ka tirsanaa kooxda. Saraakiishu waxay sheegeen in aysan joojin doonin hawl-gallada inta laga saarayo guud ahaan gobolka.

Howl-galkan guuleystay ayaa sare u qaadaya kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda ciidamada deegaanka, kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa si weyn u taageeraya ciidamada, iyadoo loo arko tiir muhiim u ah dagaalka socda.

Madaxweyne Guudlaawe oo eryay wasiiro dhowr ah xilli ay xaalad adag taagan tahay

Johwar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa muddo kooban gudaheed xilka ka qaaday xubno dhowr ah oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada maamulkaasi.

Wareegtooyin ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday lix mas’uul oo kala ah: Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiiru-Dowlaha Dastuurka, Wasiiru-Dowlaha Amniga Gudaha, iyo Wasiiru-Dowlaha Tamarta iyo Biyaha.

Isla markiiba waxaa la magacaabay shaqsiyaad cusub oo lagu beddelay xilalkaasi, kuwaasoo la filayo inay si deg-deg ah ula wareegaan shaqada.

Madaxtooyadu waxay ku sheegtay in isbeddelkan lagu doonayo dardargelinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista isla xisaabtanka hay’adaha maamulka.

Si kastaba, lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay xil-ka-qaadista wasiirrada, balse ilo wareedyo hoose ayaa tilmaamaya in shir dhowaan uu guddoomiyay Madaxweyne Guudlaawe lagu adkeeyay in golaha wasiirradu muujiyaan waxqabad dhab ah.

Xogtan ayaa imaanaysa xilli ay jireen dhaleeceyn xoogan oo bulshada qaar ay ku muujinayeen baraha bulshada, kuwaasoo sheegaya in maamulka uu ka gaabiyay horumarinta adeegyada dadweynaha, halkii xoogga la saari lahaa horumar muuqda, taas beddelkeed lagu mashquulay magacaabis iyo xil-wareejin joogto ah.

Isbeddelkan siyaasadeed ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli uu maamulka Hirshabeelle wajahayo xaalad dagaal oo adag, isla markaana kooxa Al-Shabaab ay dhawaan qabsatay deegaanno hoos yimaada maamulka oo hore looga xoreeyay.

KOOFI oo ka digay halis soo food leh kadib hab-dhaqanka gurracan ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda isla markaana haatan ah musharrax madaxweyne ee Galmudug, ayaa digniin culus kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Koofi oo soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?” ayaa wuxuu ku muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda taagan, isagoo ka digay halista ka dhalan karta tallaabooyinkii u dambeeyay ee qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

“Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada,” ayuu yiri Koofi.

Wuxuu si cad u cambaareeyey ficillada ay dowladdu ku caburinayo xorriyadda hadalka iyo wada-tashiga, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda dhexe inay door muuqda ka qaataan dib u furidda gogosha wada-hadalka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?

Sedax madal oo dalka muhiim u aheyd ayey u muuqataa in laba Albaabada loo xirey, midna albaabka laga xirtey. Waa Baarlamaanka, Golihii wada tashiga iyo warbaahinta.

Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada.

Sharciga oo aan la ilaalineyn, Xildhibaanada lagu jirdilayo gudaha xaafiisyadooda, ciidamada ka buuxsamaya fadhiga golaha B, iyo jirdilka wariyeyaasha waxay astaan u yihiin aragtida kalitalisnimada, mana ahan mid ka soconeysa Soomaaliya ee waqti ayey inaga qqadeysaa.

Waxaan canbaareynayaa talaabooyinkaas gurracan ee halista noo jiidayaa waxaana ka digayaa natiijada aan la mahdin doonin ee ka dhalan karta.

Waxaan weli rajo ka qabaa in cagligu soo noqdo oo lagu soo laabto dariiqa wadahadalka iyo is qancinta, madacxda dowladda dhexe ayeyna saarantahey masuuliyadda ugu weyn ee fududeynta, ballaaringa iyo dhiiragelinta goglaha wadahadalada.

“Haddaan is qancin wayno waa naloo qorayaa”

Xildhibaano Mareykan ah oo u hanjabay Soomaaliya kadib tallaabadii ay qaaday DF

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa warqad rasmi ah u diray Safiirka Soomaaliya ee Washington, Daahir Xasan Cabdi, iyagoo uga dalbaday in Dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aanka ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan.

Labada xildhibaan, Tom Tiffany iyo Andy Ogles, ayaa muujiyay walaac weyn oo ay ka qabaan tallaabada ay Soomaaliya ku joojisay isticmaalka baasaboorka Taiwan, iyagoo sheegay in arrintani u muuqato mid ka dhalatay cadaadis uga yimid Dowladda Shiinaha.

Waxay si cad uga digeen in go’aankaasi uu horseedi karo cawaaqib xun oo saameeya dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, gaar ahaan kuwa haysta oggolaanshaha ku-meel-gaarka ah ee TPS.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay suurtagal tahay in dadkaasi dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo laga laabanayo ilaalinta sharciyeed ee hadda lagu siiyay.

Sidoo kale, waxay xuseen in Mareykanku uu qaadi karo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ka mid yihiin joojinta fiisayaasha Soomaaliya, mamnuucidda baasaboorrada Soomaaliya in lagu galo Mareykanka, iyo hakinta gargaarka mustaqbalka ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Si jawaab ah, Taiwan ayaa xannibaad saartay muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliya, kuwaas oo laga mamnuucay inay u safraan Taiwan wixii ka dambeeya xayiraaddaas.

Dowladda Shiinaha ayaa si diiran u soo dhoweysay mamnuucidda baasaboorka Taiwan ee ay qaaday Soomaaliya, taasoo sida muuqata si weyn uga careysiisay Mareykanka oo haatan is-hayaan Shiinaha, si weyn u garab taagan Taiwan.

James Swan oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan nooca doorasho ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa bilaabay socdaallo rasmi ah oo uu ku marayo dowlad goboleedyada dalka, isaga oo xal u raadinaya is-mari waaga ka taagan doorashada dalka.

Ujeeddada safaradan ayaa ah inuu madaxda maamul goboleedyada uga dhaadhiciyo muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Swan ayaa safarkiisa ka bilaabay Galmudug, halkaas oo uu Talaadadii kulan kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye. Arbacadiina wuxuu gaaray Koonfur Galbeed, isagoo la kulmay Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Intii uu socday wadahadalka, danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la gaaro doorasho heshiis lagu yahay, iyo in la helo wada-hadal qaran oo mideeya dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu si gaar ah u muujiyay muhiimadda midnimo iyo wadahadal loo dhan yahay oo dhex mara hoggaamiyeyaasha dalka.

Danjire Swan ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan sii wado safarkiisa isagoo tegi doona Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa la filayaa inuu booqdo magaalada Garowe maalmaha Sabtida ama Axadda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si uu uga wada hadlo ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ergaygu wuxuu sidoo kale caddeeyay in beesha caalamka ay taageersan tahay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan qabashada madal qaran oo mideysa aragtida Soomaaliyeed, lagana hortago khataraha ay kooxaha xagjirka ahi ku hayaan dalka.

Somalia explains Taiwan Passport ban: It crossed red line

MOGADISHU, Somalia – Somalia and Taiwan have imposed reciprocal travel bans on each other’s citizens, Somali officials said Wednesday, in a sharp escalation of a diplomatic dispute linked to Taiwan’s expanding engagement with Somaliland—a self-declared republic in northern Somalia.

The Somali government announced the measure days before Taiwan’s foreign minister was scheduled to visit Somaliland, intensifying a standoff over sovereignty and international recognition in the Horn of Africa.

Ahmed Moalim Fiqi, Somalia’s former foreign minister who was in office when the decision was made, told the Associated Press that Taiwan’s decision to open “unauthorized offices” on Somali territory prompted the move, calling it a “blatant violation of Somalia’s sovereignty and territorial integrity.”

“These offices were established without the federal government’s consent and contradict Somalia’s long-standing policy of protecting its unity and independence, Fiqi said. “This unacceptable action undermines diplomatic norms and state legitimacy.”

Taiwan-Somaliland relations

The travel bans mark a setback for Taiwan’s strategy to expand its African diplomatic presence. Since 2020, Taiwan has cultivated ties with Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but remains unrecognized by any UN member state.

Despite the lack of formal recognition, Taiwan and Somaliland have exchanged representative offices and signed cooperation agreements in health, education, and infrastructure areas. These moves have angered Mogadishu, which views them as an affront to Somali sovereignty.

Somaliland’s foreign minister, Abdirahman Dahir Adan, condemned the Somali government’s decision, calling it “regrettable and “dangerous. Speaking to The New York Times by phone, Addan added, “Airspace and travel controls should not be used as political weapons.”

A senior Somaliland official, who requested anonymity due to the sensitivity of the issue, confirmed that the travel ban was imposed just five days ahead of Taiwanese Foreign Minister Lin Chia-lung’s anticipated visit to Hargeisa, Somaliland’s capital.

The now-postponed trip to Somaliland was part of Minister Lin’s broader tour of Africa, which last week included a visit to Eswatini—the only African nation that officially recognizes Taiwan.

The Somali government reportedly viewed the planned visit to Somaliland as a provocative act that could strengthen the region’s push for international recognition. Sources familiar with the matter told Caasimada Online that Somalia considered the timing of the visit “strategic and politically sensitive.”

Beijing, which claims Taiwan as part of its territory and opposes any form of official engagement with it, has consistently pressured governments around the world to isolate the island diplomatically. Somalia maintains a “One China policy and does not recognize Taiwan as an independent state.

Wider regional implications

This is not Somalia’s first time using travel restrictions to assert its territorial claims. In 2024, the federal government denied entry to an Ethiopian delegation amid growing tensions over a controversial port agreement between Ethiopia and Somaliland.

That deal, signed in January 2024, granted Ethiopia access to the Red Sea via Somaliland’s Berbera Port. Mogadishu condemned the agreement as a breach of Somalia’s sovereignty, further straining relations with Addis Ababa.

While Somaliland operates with its own institutions and government, Somalia continues to assert its authority over the region and rejects any international recognition of its independence.

SOMALILAND oo si yaab leh uga jawaabtay xayiraada DF ee baasaboorka Taiwan

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay go’aanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday baasaboorka Taiwan, iyada oo arrintaasi ku sheegtay mid aan sharciyad ku fadhiyin isla markaana farogelin ku ah arrimaha gudaha Somaliland.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si cad uga soo horjeedo xayiraaddaas, taas oo dhacday 22-kii Abriil 2025. Sidoo kale, waxa lagu adkeeyay in Soomaaliya aysan wax awood ah ku lahayn maamulka hawada Somaliland, maadaama ay Somaliland si madax-bannaan u maamusho hawadeeda.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka iyo nabad ku wada noolaanshaha, iyadoo lagu tilmaamay isku day siyaasadeed oo lagu faragelinayo madax-bannaanida Somaliland.

“Xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan waxa uu ku dhisan yahay is-ixtiraam iyo mabaadi’da xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu caddeeyay qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Isku day kasta oo lagu diiddan yahay dookha siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhanka siyaasadda arrimaha dibadda, lama aqbali karo.”

Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Taiwan ayaa sidoo kale tallaabo la mid ah qaaday, iyadoo mamnuucday dadka wata baasaboorka Soomaaliya inay soo galaan dhulkeeda.

Shiinaha ayaa si weyn u taageeray go’aanka Soomaaliya, isagoo u arkay inuu muujinayo in Soomaaliya ay garab taagan tahay siyaasadda midnimada Shiinaha.

Xiriirka sii xoogaysanaya ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sii xoojinaya cadaadiska ay labada dhinac saarayaan cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan, taas oo ay u arkaan mid khatar ku ah midnimadooda siyaasadeed iyo madax-bannaanidooda.

Isbahaysiga Barsan oo Deni ku cadaadinaya tallaabo culus oo la xiriirta SSC-Khaatumo

Garoowe (Caasimada Online) – Dalladda siyaasadeed ee Barsan, oo ay ku mideysan yihiin xildhibaanno iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobollada Bari iyo Sanaag, ayaa cadaadis siyaasadeed hor leh soo saaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Barsan ayaa madaxweyne Deni ka dalbanaya inuu si cad uga hadlo sida beelaha Puntland loogu qeybin doono 17-ka xildhibaan ee hadda magaca SSC-Khaatumo ku jooga Baarlamaanka Puntland.

Madaxda dhaqanka ee ka tirsan Barsan waxay xusuusinayaan Deni in sanadkii 2023 ay si buuxda u taageereen mowqifkii ay madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo ku diideen in xildhibaanno ay magaca SSC ku matalaan uga mid noqdaan baarlamaanka cusub, taasoo keentay in la buriyo qorshihii Saciid Deni uu ku doonayay doorasho qof iyo cod ah oo uu ku wajahay Puntland, taasoo aan taageero buuxda ka helin beelaha iyo saamileyda siyaasadeed.

Deni ayaa xilligaas u hoggaansamay baaqii madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha aragtida kala duwan ee ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka Puntland iyo hanaankii ay u dhaceen doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan marka laga reebo Garoowe iyo degmooyin kale oo gobolka Nugaal ka tirsan.

Haddase, xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland kuna metela gobolka Bari ayaa sheegay inaysan jirin sabab sharci ah ama siyaasadeed oo 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo ay ugu sii jiri karaan Baarlamaanka Puntland, maadaama maamulka SSC uu helay aqoonsi rasmi ah oo federaal ah.

Xildhibaankan oo codsaday in magaciisa la carabaabin ayaa sidoo kale xusay in aanay suurtagal ahayn in wasiirro ka soo jeeda SSC ay sii hayaan xilal ka mid ah golaha wasiirrada Puntland.

Dalladda Barsan waxay arrintan u aragtaa fursad siyaasadeed oo lagu dhammayn karo nidaamka seddex beelood ee ku kooban qabashada xilka Madaxweynaha Puntland, taasoo muddo dheer salka u ahayd cabashooyinka beelaha kale ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa lagu cadaadinayaa inuu qaado tallaabooyin muuqda oo dhanka metelaadda siyaasadeed ah si loo helo nidaam loo dhan yahay.

Beelaha aan horey u haysan matalaad siyaasadeed gudaha Puntland ayaa la filayaa inay heli doonaan kuraas iyo xilal marka la gaaro isbeddel rasmi ah oo lagu tirtiro xubinnimada 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo, taasoo suuragal ka dhigeysa dib-u-dhiska awood qeybsiga siyaasadeed ee Puntland.

Isbeddelka la filayo wuxuu noqon karaa mid saameyn weyn ku yeesha mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan marka la eego sida beelaha iyo awoodaha kala duwan ee maamulka ay ugu kala aragti duwan yihiin arrinta SSC-Khaatumo, dastuurka Puntland, iyo jihada doorashooyinka mustaqbalka.