25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaano Mareykan ah oo u hanjabay Soomaaliya kadib tallaabadii ay qaaday DF

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa warqad rasmi ah u diray Safiirka Soomaaliya ee Washington, Daahir Xasan Cabdi, iyagoo uga dalbaday in Dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aanka ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan.

Labada xildhibaan, Tom Tiffany iyo Andy Ogles, ayaa muujiyay walaac weyn oo ay ka qabaan tallaabada ay Soomaaliya ku joojisay isticmaalka baasaboorka Taiwan, iyagoo sheegay in arrintani u muuqato mid ka dhalatay cadaadis uga yimid Dowladda Shiinaha.

Waxay si cad uga digeen in go’aankaasi uu horseedi karo cawaaqib xun oo saameeya dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, gaar ahaan kuwa haysta oggolaanshaha ku-meel-gaarka ah ee TPS.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay suurtagal tahay in dadkaasi dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo laga laabanayo ilaalinta sharciyeed ee hadda lagu siiyay.

Sidoo kale, waxay xuseen in Mareykanku uu qaadi karo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ka mid yihiin joojinta fiisayaasha Soomaaliya, mamnuucidda baasaboorrada Soomaaliya in lagu galo Mareykanka, iyo hakinta gargaarka mustaqbalka ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Si jawaab ah, Taiwan ayaa xannibaad saartay muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliya, kuwaas oo laga mamnuucay inay u safraan Taiwan wixii ka dambeeya xayiraaddaas.

Dowladda Shiinaha ayaa si diiran u soo dhoweysay mamnuucidda baasaboorka Taiwan ee ay qaaday Soomaaliya, taasoo sida muuqata si weyn uga careysiisay Mareykanka oo haatan is-hayaan Shiinaha, si weyn u garab taagan Taiwan.

James Swan oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan nooca doorasho ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa bilaabay socdaallo rasmi ah oo uu ku marayo dowlad goboleedyada dalka, isaga oo xal u raadinaya is-mari waaga ka taagan doorashada dalka.

Ujeeddada safaradan ayaa ah inuu madaxda maamul goboleedyada uga dhaadhiciyo muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Swan ayaa safarkiisa ka bilaabay Galmudug, halkaas oo uu Talaadadii kulan kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye. Arbacadiina wuxuu gaaray Koonfur Galbeed, isagoo la kulmay Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Intii uu socday wadahadalka, danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la gaaro doorasho heshiis lagu yahay, iyo in la helo wada-hadal qaran oo mideeya dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu si gaar ah u muujiyay muhiimadda midnimo iyo wadahadal loo dhan yahay oo dhex mara hoggaamiyeyaasha dalka.

Danjire Swan ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan sii wado safarkiisa isagoo tegi doona Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa la filayaa inuu booqdo magaalada Garowe maalmaha Sabtida ama Axadda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si uu uga wada hadlo ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ergaygu wuxuu sidoo kale caddeeyay in beesha caalamka ay taageersan tahay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan qabashada madal qaran oo mideysa aragtida Soomaaliyeed, lagana hortago khataraha ay kooxaha xagjirka ahi ku hayaan dalka.

Somalia explains Taiwan Passport ban: It crossed red line

MOGADISHU, Somalia – Somalia and Taiwan have imposed reciprocal travel bans on each other’s citizens, Somali officials said Wednesday, in a sharp escalation of a diplomatic dispute linked to Taiwan’s expanding engagement with Somaliland—a self-declared republic in northern Somalia.

The Somali government announced the measure days before Taiwan’s foreign minister was scheduled to visit Somaliland, intensifying a standoff over sovereignty and international recognition in the Horn of Africa.

Ahmed Moalim Fiqi, Somalia’s former foreign minister who was in office when the decision was made, told the Associated Press that Taiwan’s decision to open “unauthorized offices” on Somali territory prompted the move, calling it a “blatant violation of Somalia’s sovereignty and territorial integrity.”

“These offices were established without the federal government’s consent and contradict Somalia’s long-standing policy of protecting its unity and independence, Fiqi said. “This unacceptable action undermines diplomatic norms and state legitimacy.”

Taiwan-Somaliland relations

The travel bans mark a setback for Taiwan’s strategy to expand its African diplomatic presence. Since 2020, Taiwan has cultivated ties with Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but remains unrecognized by any UN member state.

Despite the lack of formal recognition, Taiwan and Somaliland have exchanged representative offices and signed cooperation agreements in health, education, and infrastructure areas. These moves have angered Mogadishu, which views them as an affront to Somali sovereignty.

Somaliland’s foreign minister, Abdirahman Dahir Adan, condemned the Somali government’s decision, calling it “regrettable and “dangerous. Speaking to The New York Times by phone, Addan added, “Airspace and travel controls should not be used as political weapons.”

A senior Somaliland official, who requested anonymity due to the sensitivity of the issue, confirmed that the travel ban was imposed just five days ahead of Taiwanese Foreign Minister Lin Chia-lung’s anticipated visit to Hargeisa, Somaliland’s capital.

The now-postponed trip to Somaliland was part of Minister Lin’s broader tour of Africa, which last week included a visit to Eswatini—the only African nation that officially recognizes Taiwan.

The Somali government reportedly viewed the planned visit to Somaliland as a provocative act that could strengthen the region’s push for international recognition. Sources familiar with the matter told Caasimada Online that Somalia considered the timing of the visit “strategic and politically sensitive.”

Beijing, which claims Taiwan as part of its territory and opposes any form of official engagement with it, has consistently pressured governments around the world to isolate the island diplomatically. Somalia maintains a “One China policy and does not recognize Taiwan as an independent state.

Wider regional implications

This is not Somalia’s first time using travel restrictions to assert its territorial claims. In 2024, the federal government denied entry to an Ethiopian delegation amid growing tensions over a controversial port agreement between Ethiopia and Somaliland.

That deal, signed in January 2024, granted Ethiopia access to the Red Sea via Somaliland’s Berbera Port. Mogadishu condemned the agreement as a breach of Somalia’s sovereignty, further straining relations with Addis Ababa.

While Somaliland operates with its own institutions and government, Somalia continues to assert its authority over the region and rejects any international recognition of its independence.

SOMALILAND oo si yaab leh uga jawaabtay xayiraada DF ee baasaboorka Taiwan

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay go’aanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday baasaboorka Taiwan, iyada oo arrintaasi ku sheegtay mid aan sharciyad ku fadhiyin isla markaana farogelin ku ah arrimaha gudaha Somaliland.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si cad uga soo horjeedo xayiraaddaas, taas oo dhacday 22-kii Abriil 2025. Sidoo kale, waxa lagu adkeeyay in Soomaaliya aysan wax awood ah ku lahayn maamulka hawada Somaliland, maadaama ay Somaliland si madax-bannaan u maamusho hawadeeda.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka iyo nabad ku wada noolaanshaha, iyadoo lagu tilmaamay isku day siyaasadeed oo lagu faragelinayo madax-bannaanida Somaliland.

“Xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan waxa uu ku dhisan yahay is-ixtiraam iyo mabaadi’da xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu caddeeyay qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Isku day kasta oo lagu diiddan yahay dookha siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhanka siyaasadda arrimaha dibadda, lama aqbali karo.”

Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Taiwan ayaa sidoo kale tallaabo la mid ah qaaday, iyadoo mamnuucday dadka wata baasaboorka Soomaaliya inay soo galaan dhulkeeda.

Shiinaha ayaa si weyn u taageeray go’aanka Soomaaliya, isagoo u arkay inuu muujinayo in Soomaaliya ay garab taagan tahay siyaasadda midnimada Shiinaha.

Xiriirka sii xoogaysanaya ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sii xoojinaya cadaadiska ay labada dhinac saarayaan cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan, taas oo ay u arkaan mid khatar ku ah midnimadooda siyaasadeed iyo madax-bannaanidooda.

Isbahaysiga Barsan oo Deni ku cadaadinaya tallaabo culus oo la xiriirta SSC-Khaatumo

Garoowe (Caasimada Online) – Dalladda siyaasadeed ee Barsan, oo ay ku mideysan yihiin xildhibaanno iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobollada Bari iyo Sanaag, ayaa cadaadis siyaasadeed hor leh soo saaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Barsan ayaa madaxweyne Deni ka dalbanaya inuu si cad uga hadlo sida beelaha Puntland loogu qeybin doono 17-ka xildhibaan ee hadda magaca SSC-Khaatumo ku jooga Baarlamaanka Puntland.

Madaxda dhaqanka ee ka tirsan Barsan waxay xusuusinayaan Deni in sanadkii 2023 ay si buuxda u taageereen mowqifkii ay madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo ku diideen in xildhibaanno ay magaca SSC ku matalaan uga mid noqdaan baarlamaanka cusub, taasoo keentay in la buriyo qorshihii Saciid Deni uu ku doonayay doorasho qof iyo cod ah oo uu ku wajahay Puntland, taasoo aan taageero buuxda ka helin beelaha iyo saamileyda siyaasadeed.

Deni ayaa xilligaas u hoggaansamay baaqii madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha aragtida kala duwan ee ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka Puntland iyo hanaankii ay u dhaceen doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan marka laga reebo Garoowe iyo degmooyin kale oo gobolka Nugaal ka tirsan.

Haddase, xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland kuna metela gobolka Bari ayaa sheegay inaysan jirin sabab sharci ah ama siyaasadeed oo 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo ay ugu sii jiri karaan Baarlamaanka Puntland, maadaama maamulka SSC uu helay aqoonsi rasmi ah oo federaal ah.

Xildhibaankan oo codsaday in magaciisa la carabaabin ayaa sidoo kale xusay in aanay suurtagal ahayn in wasiirro ka soo jeeda SSC ay sii hayaan xilal ka mid ah golaha wasiirrada Puntland.

Dalladda Barsan waxay arrintan u aragtaa fursad siyaasadeed oo lagu dhammayn karo nidaamka seddex beelood ee ku kooban qabashada xilka Madaxweynaha Puntland, taasoo muddo dheer salka u ahayd cabashooyinka beelaha kale ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa lagu cadaadinayaa inuu qaado tallaabooyin muuqda oo dhanka metelaadda siyaasadeed ah si loo helo nidaam loo dhan yahay.

Beelaha aan horey u haysan matalaad siyaasadeed gudaha Puntland ayaa la filayaa inay heli doonaan kuraas iyo xilal marka la gaaro isbeddel rasmi ah oo lagu tirtiro xubinnimada 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo, taasoo suuragal ka dhigeysa dib-u-dhiska awood qeybsiga siyaasadeed ee Puntland.

Isbeddelka la filayo wuxuu noqon karaa mid saameyn weyn ku yeesha mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan marka la eego sida beelaha iyo awoodaha kala duwan ee maamulka ay ugu kala aragti duwan yihiin arrinta SSC-Khaatumo, dastuurka Puntland, iyo jihada doorashooyinka mustaqbalka.

Imaaraadka oo sheegay inuu qabtay hub loo waday…

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ay garoon diyaaradeed ku qabteen malaayiin rasaas oo si sharci-darro ah loogu waday ciidamada Suudaan, balse militariga Suudaan ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid gebi ahaanba been abuur ah.

Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa muddo dheer ku eedeynayay Imaaraadka inuu hub siiyo Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah koox sida militariga u tababaran oo ay colaadda sokeeye ee labo sano jirsatay ku loollamayaan. Eedeymahan, oo horey ay u xaqiijiyeen khubarada Qaramada Midoobay, ayaa mar kale la baarayaa.

Imaaraadka Carabta ayaa si cad u beeniyay dhammaan eedeymahaas.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka (WAM) ayaa sheegtay in “ku dhowaad shan milyan oo xabbadood oo ah nooca 7.54 x 62 mm ee Goryunov” laga helay diyaarad gaar loo leeyahay oo ku sugnayd garoon diyaaradeed, iyadoo la xiray dhowr qof oo lala xiriirinayo arrintaas.

WAM waxay intaas ku dartay in shirqoolka keenista hubka ay ku lug lahaayeen dad ay ka mid yihiin taliyihii hore ee sirdoonka Suudaan, Salah Gosh, oo Mareykanka uu cunaqabatayn kusoo rogay sanadkii 2023, sababo la xiriira carqaladeynta geeddi-socodkii dimuqraadiyadda Suudaan.

“Eedeysanayaasha waxaa la qabtay xilli baaritaan lagu samaynayay xabbado saarnaa diyaarad gaar ah oo ku jirtay mid ka mid ah garoomada dalka,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday WAM, iyadoo aan la shaacin magaca garoonka, jidkii ay diyaaraddu soo martay, ama magacyada dadka la xiray.

WAM ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiska guud ee la tuhunsan yahay oo lagu qiyaasay malaayiin doollar, uu ka koobnaa “qoryaha Kalashnikov, xabbado, qoryo waaweyn iyo bam gacmeedyo,” waxaana lagu qariyay magaca heshiis sonkor lagu soo dhoofinayo oo la sheegay inuu ku dhacay is-afgarad lala yeeshay Kornayl Othman al-Zubeir oo ka tirsan ciidamada Suudaan.

Reuters ma aysan awoodin inay la xiriirto Salah Gosh iyo Othman al-Zubeir si ay uga jawaabaan eedeymaha loo jeediyay.

Ciidamada Suudaan ayaa warbixintaas si cad u diiday, iyagoo sheegay inay marar hore gacanta ku dhigeen hub ay sheegeen inuu kasoo galay Imaaraadka.

“Markii dowladda Suudaan ay muujisay kaalinta ay Imaaraadku ku leeyihiin dambiyada ay RSF u geystaan shacabka, iyadoo si toos ah u taageeraysa maleeshiyaadkan, haddana Imaaraadka wuxuu isku dayayaa inuu indhaha shacabka ka jeediyo xaqiiqda isagoo sameynaya eedeymo been abuur ah,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka, Sarreeye Guuto Nabil Cabdalla oo la hadlay Reuters.

Suudaan ayaa sidoo kale dacwad u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), iyadoo ku eedaysay Imaaraadka inuu gacan ka siiyay RSF inay xasuuq ka geystaan Galbeedka Darfur — eedeymo Imaaraadka uu si adag u beeniyay. Maxkamaddu waxay la filayaa inay Isniinta soo socota go’aan horudhac ah ka gaarto dacwaddaas.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ciidamada Suudaan weli isticmaalayaan bankiyada Imaaraadka si ay u maamulaan dhaqaalahooda, inkastoo xiriirka labada dal uu meel xasaasi ah marayo. Lama hayo warar hore oo muujinaya in hub Imaaraadka laga soo dhoofiyay.

Dagaalka Suudaan oo ka dhashay loollan awoodeed oo u dhexeeya ciidamada iyo RSF, ayaa sababay burbur baahsan, iyadoo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, in ka badan 13 milyan oo kalena ay barakaceen.

Inkasta oo ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen inta badan caasimadda Khartuum iyo bartamaha dalka, haddana dagaallo culus ayaa weli ka socda Waqooyiga Darfur. Bishii April, weerar ay RSF ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Zamzam — oo duruufo adag iyo macaluul haysato — ayaa sababay barakaca boqollaal kun oo qof.

Dad u dhashay KOONFUR KUURIYA oo ku afduuban Soomaaliya oo soo hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sagaal bilood kadib afduubkii labo muwaadin oo u dhashay Koonfur Kuuriya, muuqaal cusub ayaa Axaddii, April 28, lagu baahiyay internet-ka, kaasoo muujinaya labada qof oo wali nool balse ku sugan xaalad cabsi leh gudaha Soomaaliya.

Muuqaalkan oo soconaya saddex daqiiqo ayaa lagu arkayaa samafale David Ian Lee iyo sodohdiis Hiwi Sokk Cheon, kuwaasoo la afduubtay 12-kii Agoosto 2024 iyadoo rag hubeysan ay ka kaxeysteen gurigooda ku yaalla tuulada Odda ee u dhow xuduudda Kenya iyo Itoobiya.

Lee, oo si cad u muujinaya walaac iyo daal nafsi ah, ayaa ugu baaqay dowladda Koonfur Kuuriya in ay si degdeg ah u farageliso si loo badbaadiyo isaga iyo Cheon.

“Maalmuhu aad bay u dheeraadeen, waxaana wajahnaa cabsi joogto ah iyo hubanti la’aan. Waxaan ku jirnaa xaalad halis ah oo aan difaac lahayn. Waxaan nahay dad aan waxba galabsan oo lagu dhex riday dagaal aanu waxba ka ogeyn,” ayuu yiri Lee, iyadoo Cheon ay fadhido dhinaciisa, wajigeedana laga dareemayo baqdin aad u weyn.

Lee ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Fadlan ha naga tegin. Ha sugin in xaaladdu kasii darto. Waxaan idinka codsaneynaa inaad si dhaqso leh u dhaqaaqdaan oo aad noo soo celisaan si nabad ah. Si aad ah ayaan uga walaacsanahay amnigeenna iyo badqabkeenna.”

Mas’uuliyiinta ammaanka Kenya ayaa aaminsan in muuqaalka, oo la tuhunsan yahay in ay baahiyeen kooxda Al-Shabaab, uu ujeedkiisu yahay cadaadis saaridda dowladda Koonfur Kuuriya si ay ula furto wadahadal.

Afduubkan ayaa horseeday baaritaan weyn oo iskaashi ah sanadkii hore, taasoo keentay in la xiro siddeed eedeysane, oo ay ku jiraan lix Itoobiyaan ah. Eedeysanayaashan ayaa wali xiran, iyadoo baaritaannada weli socdaan.

Safaaradda Koonfur Kuuriya ee magaalada Nairobi weli ma aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan fiidiyowga la baahiyay.

Dhinaca kale, saraakiisha Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay roondooyinka ammaanka ee ka socda xadka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira dhaq-dhaqaaqa kooxaha hubeysan ee ka tallaabaya xuduudda.

 

Fiqi oo shaaciyey sababta ka dambeysay go’aankii DF ee ka dhanka ahaa Taiwan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Taiwan ayaa is dhaafsaday xayiraado socdaal oo ay saareen muwaadiniinta labada dhinac, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin Soomaaliyeed Arbacadii. Talaabadan ayaa ka dhalatay khilaaf diblomaasiyadeed oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aqoonsiga Taiwan ay siisay Somaliland, oo ah gobolka ka tirsan Soomaaliya oo isku dayaya inuu ka go’o dalka intiisa kale.

Axmed Macallin Fiqi, oo markii uu go’aanka soo baxay ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabadan kadib markii Taiwan ay “furatay xafiisyo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka,” taasoo uu ku tilmaamay inay tahay ku xadgudub madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Fiqi wuxuu intaas ku daray in xafiisyadaas aysan ahayn kuwo la ansixiyay oo ay ka hor imaanayaan siyaasadda Soomaaliya ee ku saleysan ilaalinta midnimada dhulka iyo madax-bannaanida qaranka. “Waa tallaabo aan la aqbali karin, waxayna dhaawaceysaa xiriirrada caalamiga ah iyo xurmada dowladnimo,” ayuu yiri.

Xayiraadda socdaalka ayaa dhabar jab ku ah xiriirka Taiwan la damacsaneyd inay la yeelato waddamada Bariga Afrika, iyadoo marar badan ay isku dayday inay xoojiso xiriirka gobolka, gaar ahaan Somaliland oo horey u sheegtay inay tahay dawlad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku tilmaamay go’aanka Soomaaliya “nasiib darro” iyo “mid khatar ah.”

“Maamulka hawada sare looma adeegsan karo siyaasad,” ayuu yiri Aadan, isagoo waraysi telefoon ah siiyay The New York Times.

Go’aanka lagu mamnuucay muwaadiniinta Taiwan ayaa yimid shan maalmood kahor booqasho uu qorsheynayay inuu ku tago Somaliland wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Somaliland ah oo codsaday inaan la magacaabin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah.

Toddobaadkii hore, wasiirka Taiwan Lin Chia-lung ayaa booqday Eswatini, oo ah dalka keliya ee Afrika ee si rasmi ah u aqoonsan Taiwan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, booqashadan ayey Dowladda Soomaaliya u aragtay mid miisaan culus oo saameyn togan siin karta Somaliland, sidaas darteedna laga hortagay.

Tallaabadan Arbacadii lagu dhawaaqay ma ahayn tii ugu horreysay ee Soomaaliya ay kusoo rogtay xayiraado socdaal. Sannadkii hore, dowladda federaalka ah ayaa diidday in dalka ay soo gasho diyaarad siday mas’uuliyiin Itoobiyaan ah, xilli ay taagnayd xiisad ka dhalatay heshiiska dekedda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Maxaa iska beddelay xiriirka Somaliland iyo Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa isdhaafsaday 26 maxbuus, iyaga oo aan cid saddexaad ku lug lahayn, arrintaasoo muujinaysa isbeddel ku yimid xiriirka labada dhinac, kuwaas oo horey ay u dhexmareen khilaafyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay isdhaafsigaas, isagoo sheegay in “berri ay ka muhiimsan tahay shalay,” taasoo muujinaysa baahida loo qabo in laga gudbo khilaafyadii hore loona jeesto mustaqbal iskaashi.

Wasiir Juxa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in labada maamul iska kaashadaan la dagaallanka kooxaha xagjirka ah iyo ka faa’iidaysiga fursadaha horumarineed ee gobolka ka jira.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in isku soo dhowaanshahan uu la xiriiro dareen wadaag ah oo ka dhashay aqoonsigii dowladda federaalka ah siisay maamulka SSC-Khaatumo, taasoo dhalisay caro labadaba ka soo yeertay Puntland iyo Somaliland.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka isdhaafsiga maxaabiista mid ka tarjumaya isbahaysi siyaasadeed oo cusub, kaasoo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho doorashooyinka soo socda iyo saami qeybsiga awoodda siyaasadeed ee heer federaal.

Aqoonsiga SSC-Khaatumo ayaa sababay hoos u dhac ku yimid saamiga siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan tirada xildhibaannada beelaha waqooyi, taasoo keeni karta in Puntland raadiso isbahaysi cusub oo ay la sameyso xildhibaannada laga soo doorto gobollada waqooyi ee doorashadooda lagu qabto Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la rumeysan yahay inuu weli xiiseynayo inuu ka qeyb galo doorashada madaxtinimada Soomaaliya, isagoo horey ugu jiray musharraxiintii ugu sarreysay ee wareegga labaad gaadhay doorashadii 2022.

Wasiir Fiqi: Waxaan joojin doonaa dhaqanka ah in xildhibaano ama wasiiro ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi ayaa shaaciyay in uu dib eegis dhameystiran ku sameyn doono habka dalacsiinta ciidamada qalabka sida, si meesha looga saaro eexda iyo saameynta qabiilka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la doonayo nidaam cadaalad ku dhisan oo lagu hago sare u qaadista darajooyinka ciidamada, taas oo uu sheegay in ay ka shaqeyn doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Macalim Fiqi, oo maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ayaa caddeeyay in dalacsiinta dambe ee ciidamada aysan noqon doonin kuwo lagu saleeyo waji aqoon ama qaraabo kiil, balse ay noqon doonaan kuwa lagu saleynayo mudnaan shaqo iyo aqoon ciidanimo. Tani, ayuu sheegay, ay qeyb ka tahay dadaallada lagu hagaajinayo tayada iyo sumcadda ciidamada qaranka.

“Waxaan joojin doonaa dhaqanka ah in Xildhibaano ama Wasiiro ay u tagaan Madaxweynaha si ay ugu codsadaan in askari qabiil ahaan ay u yaqaanaan loo dalacsiiyo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wuxuu intaas ku daray in ciddii isku dayda inay carqaladeyso shaqada Wasaaradda lala xisaabtami doono, iyadoo loo marayo hannaan sharci ah oo cad.

Wasiirka cusub ayaa sidoo kale ka hadlay baahiyaha aas-aasiga ah ee ciidamada, isagoo xusay in cunto tayo leh, shidaal joogto ah iyo adeegyada loojistikada ay yihiin waxyaabaha uu mudnaanta siin doono. Wuxuu sheegay in ciidamada ay heli doonaan agabkooda meel kasta oo ay joogaan, si ay shaqadooda u gutaan iyagoo hufan.

Fiqi oo horey usoo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kan Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay inuu khibraddiisa kaga faa’iideyn doono sidii uu isbedel muuqda ugu sameyn lahaa Wasaaradda Gaashaandhigga. Wuxuu ballan-qaaday inuu xoojin doono xiriirka u dhexeeya hoggaanka ciidanka iyo wasaaradda.

Wasiirka ayaa muujiyay in la jooggo waqtigii la hagaajin lahaa kalsoonida shacabka ee ku aaddan ciidamada qaranka, isagoo carabka ku dhuftay in ciidamada la horumarin doono si ay u noqdaan kuwo matala qaran mid ah, kana madax bannaan saameyn kasta oo qabiil ku saleysan.

Xog: Odowaa oo tallaabo culus ka qaaday ciidan iyo saraakiil ka soo cararay dagaalkii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray go’aan hadda kadib badbaado u noqon kara ciidanka xoogga, waxaana lasoo xiray ciidan ka cararay dagaalka Al-Shabaab.

Cutubyo ka tirsan guutada 18-aad ee Gorgor ee ciidanka xoogga dalka ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo la reysteeyey qaar kamid ah saraakiishii guutadaas.

Ciidanka Muqdisho looga yeeray ee lagu xiray Gaashaandhigga ayaa ka soo cararay dagaalkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Wargaadhi, halkaas oo lagu laayey ciidamadii deegaanka oo aad u dagaalamay.

Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi oo hoggaamiya guutadaas ayaa marar badan lagu eedeeyey maamul xumo iyo bitiyari dagaal, guutada 18-aad ee Gorgor, mar waxay ahayeen ciidanka ugu awooda badan xoogga dalka, balse hadda waxaa heysa maamul xumo daran oo sababtay in lasoo xiro.

Xasan Ciraaqi ayaa la sheegay in maalintaas uusan joogin goobta dagaalka, balse saraakiishii ka hooseysay ayaa ku guul dareysatay in ciidanka ay dagaal geliyaan, waxaana dhamaantood looga yeeray Muqdisho, kadibna waa la reysteeyey.

Tallabada uu qaaday Taliyaha Xoogga ayaa loo arkaa mid badbaado u noqon karta ciidanka oo maalmihii dambe dagaalami diiday, taasi oo fududeysay in Shabaab ay laayaan ciidanka, markii ay ka cararaan difaacooda.

Qorshaha cusub ee Jeneraal Odawaa ayaa dalka ka badbaadi kara inay Shabaab qabsadaan, maadaama ciidamada oo aan dagaalameyn ay sababtay in kooxdu qabsato dhul aad u balaaran oo mar hore laga xoreeyey.

Qaar kamid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa si adag uga dagaamay Wargaadhi, waxaana la xiray dhamaan ciidamadii qaranka ee dagaalkaas ka soo cararay.

Arrinta xasaasiga ah ee DF kaga hortagtay mamnuucista baasaboorka Taiwan – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Arbacadii si rasmi ah u mamnuucday in dalka ay soo galaan, ka baxaan, ama dhex-maraan dadka wata baasaboorka Taiwan. Tallaabadan ayaa dowladda Taiwan ku tilmaantay mid ka dhalatay cadaadis sii kordhaya oo uga imaanaya Shiinaha.

Warqad nuqul ka mid ah ay heshay The New York Times ayaa muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay ku sababeeysay go’aankeeda in uu la jaanqaadayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758.

Qaraarkaas oo la ansixiyay 1971 ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha inay tahay dowladda keliya ee matasha Shiinaha. Inkasta oo uusan si toos ah u xusin madax-bannaanida Taiwan, haddana Beijing ayaa muddo dheer ku doodeysay in qaraarku siinayo xukun buuxa oo ay ku leedahay jasiiradda Taiwan.

Warqadda, oo taariikhdeedu tahay April 22, waxay sidoo kale cambaareysay furitaanka xafiiska Taiwan ee magaalada Hargeysa—caasimadda Somaliland—iyadoo ku tilmaantay “ku-xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.”

Go’aanka lagu mamnuucay muwaadiniinta Taiwan ayaa yimid shan maalmood kahor booqasho uu qorsheynayay inuu ku tago Somaliland wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Somaliland ah oo codsaday inaan la magacaabin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah. Toddobaadkii hore, wasiirka Taiwan Lin Chia-lung ayaa booqday Eswatini, oo ah dalka keliya ee Afrika ee si rasmi ah u aqoonsan Taiwan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, booqashadan ayey Dowladda Soomaaliya u aragtay mid miisaan culus oo saameyn togan siin karta Somaliland, sidaas darteedna laga hortagay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay “si degdeg ah” dib uga laabato go’aanka, waxayna sidoo kale ku dhiirrigelisay muwaadiniinteeda inaysan u safrin Soomaaliya ama Somaliland ilaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in safiirka wasiir Lin uu baaqday.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku tilmaamay go’aanka Soomaaliya “nasiib darro” iyo “mid khatar ah.”

“Maamulka hawada sare looma adeegsan karo siyaasad,” ayuu yiri Aadan, isagoo waraysi telefoon ah siiyay The New York Times.

Dowladda Shiinaha ayaa si buuxda u soo dhaweysay go’aanka Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii ku sheegay in tallaabadaasi ahayd “go’aan sharci ah oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Mr. Guo wuxuu sidoo kale xusay in Taiwan ay tahay “qayb aan laga goyn karin” Shiinaha.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi warcelin ah oo ay u dirtay Caasimada Online.

Tallaabadan Arbacadii lagu dhawaaqay ma ahayn tii ugu horreysay ee Soomaaliya ay kusoo rogtay xayiraado socdaal. Sannadkii hore, dowladda federaalka ah ayaa diidday in dalka ay soo gasho diyaarad siday mas’uuliyiin Itoobiyaan ah, xilli ay taagnayd xiisad ka dhalatay heshiiska dekedda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Khubarada gobolka ayaa sheegay in go’aankaasi uu xoojinayo xiisadaha sii kordhaya, isla markaana uu mid caalami ah ka dhigayo muranka muddada dheer u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

“Mamnuucidda waxay arrinta Soomaaliya iyo Somaliland gelinaysaa jawi cusub oo ah khilaaf juqraafi-siyaasadeed caalami ah,” ayuu yiri Moustafa Ahmad, khabiir ku takhasusay xiriirka Shiinaha iyo Taiwan ee Geeska Afrika. 

Wasiirkii ugu muddada yaraa wasaaradda difaaca oo maanta xilka wareejiyay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo hadda ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, kaddib markii uu hayay muddo 24 maalmood ah.

Wareegto uu todobaadkaan soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isku shaandhayn uu sameeyey waxa ay sababtay in xilkii laga qaado Mr. Jibriil, isaga oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad. Isku shaandheyntaas ayaa sababtay in xilka Wasiirka Gaashaandhigga laga qaado Jibriil, laguna beddelo Axmed Macalim Fiqi.

Jibriil Cabdirashiid ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga la wareegay 6-dii April 2025, isagoo xilkaas kala wareegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirkii muddada ugu dheer soo hoggaamiyay Wasaaradda.

Munaasabadda xil-wareejinta oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Wasiir Fiqi oo si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa sheegay inay u bilaabatay hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, isagoo tilmaamay muhiimada wasaaradda difaaca oo ah mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay.

Hoos ka aqriso qoraal uu xil-wareejinta kadib soo saaray Fiqi:

Waxaan si rasmi ah ula wareegay maantay xilka Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga – JFS oo uu igu wareejiyey walaalkay wasiirkii hore ahna Raysulwasaare ku xigeenka 2aad Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji, goob joogna uu ka ahaa Raysulwasaare ku xigeenka Md.Salah Jamac.

Waxaa noo bilowdey hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, wasaaradda Difaacuna waa mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay, waa halka laga ilaaliyo madaxbanaanida, gobonimada, midnimada dalka iyo dawladnimadiisa.

Waxaan xoogga saaraynaa dirirta iyo jabinta Khawaarijta qooqan, xoojinta tayada iyo dhismaha ciidankeena iyo hirgelinta siyaasaadka kala duwan ee la xiriira Difaaca.

Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwa dalkooda jecel, kuwa neceb Khawaarijta iyo wadaniyiinta waxaan ka codsanayaa in aan ka wada shaqayno oo garab weyn ay ka gaystaan sidii khawaarijta Loo baabi’in lahaa isla markaana ciidamadeena jihaadka ku jira Loo garab istaagi lahaa, si ay u noqdaan kuwo ku filnaada la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo difaaca dalka.

Waxaan mahadcelin gaar ah u dirayaa saaxiibada Soomaaliya ee nala garab taagan taakulada iyo sidii dalka looga baabi’in lahaa Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin cajiib ah u direy…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta qoraal soo saaray dhambaal u direy shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Madxweyne Xasan Sheekh ayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed, oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 1-da May 2025.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna. Wuxuu xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta Ajandaha Shaqo Wanaagga si loo yareeyo shaqo la’aanta, loona xoojiyo xiriirka shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu intaas kusii daray “Waxaan ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo, wuxuuna Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.

Daawo: Qeybdiid oo dacwo ka ah Xasan Sheekh xilli barakacin lagu sameeyey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey wax uu ugu yeeray dhul-boobka ka socda caasimadda.

Dhul-boobkan, oo uu ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu sheegay inuu u fulinayo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi.

“Macallin Mahdi ayaan u tagnay si aan dadka loo barakicin, laakin wuxuu nagu yiri: ‘Mar haddii waraaq ka timaaddo Madaxweyne Xasan Sheekh, wax la joojinayo ma jiro,’” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid.

Senatorka ayaa sheegay in dhul-boobka ka socda magaalada Muqdisho uu saameeyey dhammaan bulshada, isagoo ka sheekeeyey boosas laga kireeyey qoyskiisa oo markii dambena awood dowladeed looga saaray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintani ka mid tahay sharci-darrada ka jirta dalka, ayna madaxda sare ee dalka — oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh — sida ay rabaan ka yeelaan.

“Aniga hore ayaan u arkay in sida aad ku noolaan karto, ku nooloow waaye,” ayuu yiri Senator Qeybdiid, oo sheegay in inta uu xukunka hayo Xasan Sheekh uusan joogsaneen dhul-boobku.

Senatorka ayaa quus ka muujiyey hab-dhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku eedeeyey inuu ku tumanayo sharciga. “Maadaama dowladdii Soomaaliyeed aysan lahayn Maxkamad Dastuuri ah oo sharci loo raaco, waxaa dastuur u noqday in madaxweynuhu wixii uu rabo fuliyo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo muuqaalka

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay dib u dhaca shirka Golaha Wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn iyo hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay dib u dhaca ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayay inuu maanta ka furmo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha shirka ayaa si rasmi ah u furmi doono maalinta Isniinta ah oo ku beegan 5-ta bisha May 2025.

Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranka, sida lagu xusay bayaanka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waa madal muhiim ah oo ay ku kulmaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, si ay uga wada hadlaan arrimaha dalka u muhiimka ah, sida amniga, doorashooyinka, iyo dib-u-habaynta dastuurka.

Dib-u-dhigista shirka ayaa timid maalmo kadib markii uu qaadacay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo shuruud ku xiray ka-qaybgalka, wuxuuna tilmaamay in Puntland ay maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabanayso heshiisyadii ay horay uga baxday kuwaas oo sababay khilaafka taagan ee labada dhinac.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay dib u dhaca ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran?

Cali Aadan: “Buuqa Baarlamaanka ka jira miyaa lagu daminayaa in shirka dib loo dhigo?. Waa lays fahmay.”

Ayuub Barre: “Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa kala diray shirkii.”

Xarbi Yare: “Shaqa wacan madaxda Soomaaliyeed, hadaanahay shacabka wax wanaagsan ayaa idinka rajeneynaa.”

Maxamed Cabdi Cali: “Waan socon waynayee aan orodno ayaa la dhahaa alaabtaan.”

Bashiir Ibraahim Cali: ” Gogosha nabadeed ma waxaa lo beddalay mid maamul Gobaleed kaliya?”.

Rooble oo farriin culus u diray Sheekh Aadan Madoobe, kadib arrintii shalay dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan baarlamaanka, isaga oo u caqli celiyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa marka hore sheegay in wax laga xumaado ay tahay fowdada ka socota baarlamaanka, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu cambaareeyay hadalladii shalay kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Shacabka ‘oo jiis ugu yeeray mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka’ wuxuuna ugu baaqay inuu ka laabto waddada uu ku socdo, uuna  ilaaliyo sharuucda u taalla dalka.

Waxaa kale oo uu si adag cambaareerayay gacan qaadkii shalay loo gaystay qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka, isaga oo xusay inay ahayd xadgudub wayn oo dhacay.

“Waxaan cambaaraynayaa gacan qaadka loo gaystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka taas oo xadgudub ku ah xasaanadda Xildhibaannada, sidoo kale waa arrin argagax leh in Gudoonka Baarlamaanku ay isticmaalaan erayo takoor ah, kuwaas oo ka baxsan diinteenna iyo dhaqanka suubban” ayuu yiri Mudane Maxamed Xuseen Rooble

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Golaha iyo mudaneyaasha Baarlamaankuba in ay ku noqdaan xayndaabka Sharciga, ilaaliyaanna dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaadooda ku fadhiyaan”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

BISMILLAHI

Waa wax aad looga xumaado fawdada ka socota Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda oo ah hay’adda ugu sarraysa Dalka.

Hab-dhaqankaan waa mid niyad jabinaya Shacabka sawir xunna ka bixinaya Dawladnimadeenna.

Waxaan cambaaraynayaa gacan qaadka loo gaystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka taas oo xadgudub ku ah xasaanadda Xildhibaannada, sidoo kale waa arrin argagax leh in Gudoonka Baarlamaanku ay isticmaalaan erayo takoor ah, kuwaas oo ka baxsan diinteenna iyo dhaqanka suubban.

Sidoo kale waxaan cambaaraynayaa xadgudubka loo gaystay Saxafiyiinta oo isugu jiray gacan ka hadal iyo carqaladayn shaqadooda ah, waa arin Khilaafsan Dastuurka oo dhawraya xaqa fikirka iyo xornimadiisa.

Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Golaha iyo mudaneyaasha Baarlamaankuba in ay ku noqdaan xayndaabka Sharciga, ilaaliyaanna dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaadooda ku fadhiyaan.

Somalia denies rift with Egypt amid military pact delays

CAIRO, Egypt – Somalia has rejected claims of growing tensions with Egypt over a stalled military cooperation agreement, dismissing media reports of strained ties and a shift in foreign policy as “baseless and inaccurate.”

Ambassador Ali Abdi Awari, Somalia’s envoy to Egypt and permanent representative to the Arab League, said the relationship between the two countries remains “strong, historic, and unblemished.” He reaffirmed Somalia’s commitment to deepening cooperation with Egypt in security, political, and cultural fields.

His statement comes in response to a report by The New Arab, which cited unnamed sources claiming that Egypt is re-evaluating its military partnership with Somalia after delays in implementing a security pact signed in August 2024. The agreement had included plans to deploy over 1,000 Egyptian special forces to support Somali operations against Al-Shabaab militants in Middle Shabelle.

According to the report, Egyptian officials view Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s recent rapprochement with Ethiopia as a sharp departure from previous close coordination with Cairo — particularly on regional issues such as Ethiopia’s growing influence and the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

The shift, described as a “political shock” by Egyptian sources, has reportedly led Cairo to freeze troop deployment plans, although the agreement has not been officially canceled. Some Egyptian officials are said to now view Somalia as an unreliable partner.

Tensions were further reflected during last week’s African Union summit in Uganda, where Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi was notably absent. Prime Minister Mostafa Madbouly, who represented Egypt, voiced disappointment in Somalia’s “lack of clarity” on joint priorities, despite reaffirming Cairo’s support for Somalia’s unity.

Somalia’s ambassador dismissed the report’s claims as unfounded and urged media outlets to avoid spreading misinformation that could damage ties between “brotherly nations.”

“Egypt has always stood by Somalia, and we remain grateful for its support under the leadership of President Sisi,” Awari said.

The alleged friction comes as regional dynamics shift rapidly in the Horn of Africa, with Somalia strengthening ties with Turkey and Ethiopia — moves that some analysts say could complicate its relations with Cairo. The arrival of nearly 300 Turkish troops in Mogadishu to assist with security operations has added to Egypt’s unease, according to the report.

Despite rising speculation, there has been no official confirmation from either side that the military pact has been suspended. Both governments continue to emphasize their longstanding diplomatic partnership.

Sheekh Aadan Madoobe oo dalka ka baxay kadib tallaabo muran leh oo uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u baxay safar dibadeed, xilli ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhex jirta baarlamaanka.

Sheekh Aadan Madoobe oo goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa u ambabaxay magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Ujeedka safarka Aadan Madoobe ayaa la xiriiro ka qayb-galka shirka guddoomiyaasha baarlamaannada Carabta oo maalmaha soo socda ka furmi doona caasimadda Algiers .

Sida uu qorshuhu yahay shirka guddoomiyaasha baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha waddamada Carabta gaar ahaan xaaladda dadka Falastiin oo haatan wajahaya xaalad adag iyo weeraro ay weli ku hayso Israel.

Safarka uu galay Sheekh Aadan Madoobe ayaa kusoo aadayo xilli uu haatan wajayo culeys ka haysta baarlamaanka, kadib markii ay mooshin ka keeneen qaar kamid ah xubnaha Golaha Shacabka oo ku eedeeyay inuu jabiyay sharciga iyo xeerka golaha.

Arrinta ayaa isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah, kadib markii shalay uu buuq hareeyay kulan ay yeesheen xildhibaannada, kaas oo fowdo kusoo dhammaaday.

Kadib waxaa sii xigtay in xalay guddoomiyaha uu qaaday tallaabo kale, kadib markii xubno ka tirsan Golaha Shacabka uu ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha, sababo la xiriira amniga, sida lagu sheegay warqad xalay ka soo baxday xafiiskiisa.

Sidoo kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inay soo gudbiyaan talo-bixin iyo tallaabooyin ku habboon xubnahan, si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Dhankooda xildhibaannada ayaa soo saaray go’aan kale oo xasaasi ah, waxayna si adag u cambaareeyeen falkii ‘xad-gudubka’ ahaa ee shalay ilaalada xarunta golaha shacabka ay kula kaceen weriyayaasha Warbaahinta Madax-banaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyey in banaanka aysan waxba ka duuba karin saxaafadda, iyadoo laga hortegayo in xildhibaanada careysan ay helaan fursad ay kula hadlaan warbaahinta.

“Waxaan si cad u cambaareynayaa isticmaalka sharci-darrada ah ee Ciidamada loogu adeegsaday Saxaafadda, waxaana si gaar ah farta ugu fiiqayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo amar ku bixiyay in la caburiyo warbaahinta madaxa-bannaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xildhibaannada, gaar ahaan kuwa guddiga warfaafinta.

DF Soomaaliya oo Somaliland tusisay daciifnimadeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 30-kii April 2025 si rasmi ah u dhaqan gelisay xayiraad cusub oo mamnuuceysa in dalka soo galaan ama transit ahaan u maraan dadka haysta baasaboorada Taiwan.

Amarkan ayaa kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxaana si degdeg ah loogu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, iyadoo isla markiiba la dhaqan geliyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa si adag u cambaareysay go’aankaas, iyadoo ku eedeysay inuu ku yimid cadaadis Shiinaha ka yimid, islamarkaana ku baaqday in dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aankeeda.

Isla markiiba, Taiwan iyo maamulka Somaliland ayaa si wadajir ah ugu baaqay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee la aragti ah, in ay cadaadis ku saaraan Soomaaliya si loo laalo xayiraadda. Dhanka kale, Taiwan waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya iyo Somaliland labadaba.

Dhinaca kale, Shiinaha ayaa si buuxda u taageeray go’aanka Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay mid sharci ah oo muujinaya madax-bannaanida qaranka iyo xaqiijinta mabda’a “Hal Shiinaha”.

Tallaabo muujisay awoodda Soomaaliya

Xayiraaddan safarka ma aha oo keliya arrin sharciyeed, balse waa tallaabo istiraatiiji ah oo dowladeed oo muujinaysa awoodda dowladda federaalka. Waxay bidhaaminaysaa awoodda sii kordheysa ee Soomaaliya ay u leedahay saameynta siyaasadda gobolka iyo tan caalamiga ah, isla markaana caddayn u ah go’doonka diblomaasiyadeed ee weli haysta Somaliland.

Amarka dowladda Soomaaliya wuxuu tusaale u yahay sida ay u shaqeyso awoodda dawlad rasmi ah oo caalamku aqoonsan yahay.

Iyada oo kaashaneysa xeerka caalamiga ah iyo maamulkeeda hawada, Muqdisho waxay ku qasbi kartaa shirkadaha diyaaradaha inay u hoggaansamaan go’aamadeeda – xitaa haddii Taiwan xafiis ku leedahay Hargeysa ama xiriir dhow la leedahay maamulka Somaliland.

Tallaabadan ayaa sidoo kale si degdeg ah u beddeshay siyaasaddii socdaalka ee Taiwan, taasoo muujinaysa awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay saameyso dhaqanka caalamka iyadoo adeegsaneysa waddooyin sharci ah oo rasmi ah.

Go’aankani wuxuu xoojinayaa mowqifka Soomaaliya ee ah:

  • Inay tahay wakiilka kaliya ee sharciyan metela shacabka Soomaaliyeed heer caalami ah;
  • Inay leedahay awood madax-bannaani oo ay ku maamuli karto xuduudaheeda iyo hawadeeda;
  • Inay tahay saaxiib diblomaasiyadeed oo muhiim u ah Shiinaha, taasoo sii kobcineysa miisaanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Awoodda xaddidan ee Somaliland

Inkasta oo Somaliland leedahay maamul iyo nidaamyo amni oo u gaar ah, dhacdadani waxay si cad u muujisay xuduudaha ay leedahay awooddeeda diblomaasiyadeed.

Baaqii wadajirka ahaa ee ay Taiwan iyo Somaliland u direen beesha caalamka wuxuu ahaa codsi ka yimid laba dhinac oo aan haysan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah. Midkoodna ma leh awood sharciyeed oo uu kaga hortegi karo amarka ka yimid dowladda Soomaaliya.

Digniinta socdaal ee ay Taiwan bixisay, taasoo labadaba ku saabsan Soomaaliya iyo Somaliland, si dadban ayey u iftiimisay nuglaanta Somaliland ee dhinaca sharciyadda caalamiga ah.

Inkastoo Somaliland ay xafiis u oggolaatay Taiwan inuu ka shaqeeyo gudaha Hargeysa, haddana ma awooddo inay bixiso dammaanad sharciyeed oo caalami ah ama ay ka hor tagto xayiraado kasoo baxa Muqdisho. Xiriirka ay la leedahay Taiwan wuxuu leeyahay qiime siyaasadeed oo muuqaal ah, balse ma leh miisaan siyaasadeed oo wax ka beddeli kara go’aanada caalamiga ah.

Qaybta istiraatiijiga ah ee arrintani waa mid xasaasi ah. Sida Soomaaliya ula safatay Shiinaha oo bogaadiyay go’aankaas, waxay sare u qaadayso muhiimada Soomaaliya ay ku yeelan karto isbeddellada siyaasadeed ee caalamka.

Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadan uga faa’iideysanaysaa:

  • Inay kasbato taageero siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed;
  • Inay hesho dhiirrigelin dhaqaale mustaqbalka;
  • Inay muujiso inaysan ahayn kaliya dowlad la aqoonsaday, balse ay si firfircoon u adeegsanayso aqoonsigeeda si ay u go’doomiso ciyaartoy aan la aqoonsan sida Taiwan iyo xulafadeeda.

Aqoonsigu waa saldhigga awoodda

Arrintani waxay si gaar ah u muujinaysaa hal xaqiiqo oo ku saleysan siyaasadda caalamka: aqoonsigu waa halka ay ka dhalato awoodda dowladnimo.

Inkasta oo Soomaaliya ay wajahdo caqabado gudaha ah, haddana dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa si buuxda waxay u leedahay awoodda matalaadda diblomaasiyadeed iyo sharciyeed ee dalka.

Awooddaasi waxay u suurta-gelineysaa inay ku soo rogto xayiraado leh saameyn caalami ah – kuwaasoo aan xitaa lagu jebin karin maamul is-maamul ah sida Somaliland.

Dhanka kale, aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa xaddidaysa awooddeeda, xitaa gudaha dhulkeeda. Xayiraaddan ayaa muujisay daciifnimada xiriirkeeda dibadda iyo xannibaadaha diblomaasiyadeed ee hortaagan illaa ay hesho aqoonsi rasmi ah.

Soomaaliya, tallaabadan waa muujin xeeladaysan oo ku saabsan madax-bannaanideeda. Somaliland, se, waa xasuusin dhab ah oo muujinaysa in dariiqa aqoonsiga caalamiga ah weli fog yahay.