27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Aadan Madoobe oo guddi u saaray heshiiskii Golaha Wadatashiga ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magacaabay guddi gaar ah oo ka soo tala-bixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha Shacabka.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay kasoo talo-bixin doonaan heshiiska xukuumaddu gashay, kadibna baarlamaanka ayay dib ugu soo celin doonaan talo bixintooda, sida lagu shaaciyay warqadda lagu magacaabay xubnahaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa uu Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka faray in uu xubnaha guddiga ku wargeliyo in ay si deg deg ah ku howl-galaan, kullamadooduna abaabulo una fidiyo dhamaan wixii xil-gudashadooda u fududeynayo.

“Si waafaqsan qodobka 37-aad faqradda 5-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, muddada xilhaynta guddigan waxay ku eg tahay isla maalinta guddiga joogtada Golaha Shacabka ka go’aan gaaro warbixintooda.”

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah;

  1. Xildhibaan Cabdisamad Maxamuud Xasan Faarax
  2. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux
  3. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego)
  4. Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed
  5. Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad)

Magacaabida guddigaan ayaa imaneysa xilli Gokaha uu isku khilaafsan yahay heshiiskan, oo wax ka bedel loogu sameeyay hanaanka dowladnimada Soomaaliua ay ku dhisnayd iyo midka doorashooyinka dalka.

Heshiiska uu guddigaan kasoo tala-bixinayo oo ah kii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale waxa uu jideynayaa in dalka uu qaadanayo nidaam xisbiyo badan oo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeenka ay dooranaya shacabka Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa waxaa diidmo xooggan uu durba kala kulmay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, iyo weliba maamulka Puntland oo isagu dibad joog ka ahaa kulamadii lagu gaaray heshiiskan.

Aqriso: Agaasimihii Hay’adda Socdaalka ee DF sheegtay in uu baxsad yahay oo iscasilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), oo xeer-ilaaliyaha qaranka uu shalay kusoo daray liiska mas’uuliyiin loo haysto musuq-maasuq oo baxsad ah, ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay,

Qoraal dheer oo uu xalay soo saaray ayuu Cabdul ku sheegay inuu is-casilaadiisa u gudbiyay Wasaaradda Amniga Gudaha, isagoo beehiyay inuu wax khalad ah sameeyay. Hoos ka aqriso qoraalka.

War-saxaafadeed: Taariikh: 07/07/2023

Ugu horeyn waxaa mahad leh eebbe SWC oo ii suurtagaliyay muddo ku dhaw 2 sano inaan si hufan u guto waajibaadka qaran ee iga saarnaa hoggaaminta Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo kamid ah haldoorka hey’adaha dowladda ee bixiya adeegyada bulshada dhammaan dalka oo dhan.

Dowladnimada Soomaaliya waa mid kooban oo sahleysa in laga warqabo habsami socodka hawlaha maalinlaha ah midka ugu sareeya iyo midka ugu hooseya waxa ay qabtaan. Sida ay horay u xaqiijisay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaan ku soo baxay safar horay uqorsheysnaa taas o lagu shaaciyey Warbaahinta Qaranka ee dowladda.

Ma aysan jirin cid ila wadaagtay eed la ii heysto safarka kahor, waana sababta ay Wasaaraddu u shaacisay warqadda. Inkastoo aanan la soo bandhigin nooca iyo waxa aan ku edeysanahay, waa muhiim in sida sharciga Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda qorayo, qodobka 16aad ee Xilka iyo Awoodaha Agaasimaha Guud ee HSJ iyo guud ahaan mas’uuliyadda Hey’adda aysan ahayn meelna uga jirin ururinta iyo maamulidda dakhli dowladeed, waxaana hey’addu si buuxda ah u dhaqangelisay ku dhaqanka Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud ee dalka.

Muddadii aan hogaaminayay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa noo suurtagashay oo ay hey’adaha maamulka Maaliyadda iyo dakhliga illaa heer Madaxda Qaranku ka markhaati kaceen kor u qaadista dakhliga qaranka kasoo xarooda adeegyada socdaalka iyo dal-ku galka kasso sare ukacay 40%.

Maalinba maalinta ka danbeysa Hay’addu waxa ay sii gaareysay horumar hor leh, hadii ay ahaan leheed in la dhiso xarumo cusub iyo bar xadudedyo hor leh si adeega dowladda loo gaarsiyo dhamaan muwadininta soomaliyeed meel walba ay joogaan. Waxaa sidoo kale qorshaysan in sanadkan ay dalalka horumaray ee dunida ay aqoonsadaan baasaboorka Soomaaliya oo dadaal badan ku bixinnay.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda waa muraayada dalka, waa Hay’adda kaliya ee si toos ah dalka ugu xirta dunida Inteeda kale. Waxaa nasiibdarro noqotay in sumcadda iyo sharafka hey’adaha dowladda ee lafdhabarka u ahaa kobcinta dakhliga laga dhigay mid si sahal ah loo dhaawaco, ayna gaarto heer dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Soomaaliya ka caawiya hufnaanta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka ay kala garan waayaan cidda ilaalinaysa hey’adaha dhisan iyo cidda duminaysa shuruucda iyo xeerarka lagu xisaabtami karo ee daahfurnaanta iyo maaraynta maaliyadda guud ee dalka.

Hey’ad iyo mas’uul dowladeed waa in la eedayn karo, la baari karo, isla markaana la hor keeni karo garsoor madax banaan, balse, kadib markii aan arkay ogolaansho la’aanta qareenada iyo xaqa cedaysanaha ee nidaaamka garsoor ee baarista la-dagaalanka Musuqa, maqnaanshaha garnaqsiga daahfuran, iyo hab-dhaqanka lagula kacay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladeed ee ku xiran sifo aan waafaqsanayn xeerarka dalka iyo dunida, tusaale-na u yahay Agaasimiha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrima Bulshada Cabdullaahi Suldaan, oo la xiray isaga oo aan la caddeyn, gal dacwadeed loo furin oo ilaa hadda ay u doodayaashiisa la’yihiin kiis furan, meel lagu furay iyo goor cadaaladda loo ogalaan doono asagoo waliba xilkii laga qaatay.

Kadib markii aan arkay sida sharciga iyo garsoorka dalka gacmaha loogu wato, garta aan lagu qaadin garsoorka ee xafiisyada lagu go’aamiyo, sida loo siyaasadeenayo hannaanka baarista iyada oo la hiigsanayo jago iyo shaqo, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 07/Luulyo/2023 Wasaaradda Amniga Gudaha u gudbiyay Warqadda rasmiga ah ee Iscasilaadayda Xilka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Maadaama Hay’addu ay tahay muraayaddii Qaranka, si joogta ahna ugu adeegta ummada Soomaliyeed waxaan rajeynaya in madaxda sare ay u xuli doonaan hogaan munaasab ku ah si uusan qalqal ugelin howlaha Hay’adda.

Waxaan ku gunaanadayaa: Mahadcelin iyo dhiirigelin:

Waxaan u mahadcelinayaa Dhammaan Hawlwadeenada HSJ magaalooyinka, xarumaha iyo baraha xuduudaha ka hawlgala ee har iyo habeen u taagan gudashada waajibaadka qaran, waa shaqaale howlkar ah qaarkood shaqeeya maalmaha jimcaha iyo weliba maalmaha ciida madama bar xaduudeedyadu shaqeynayaan hadana ugu xuquuq yar shaqaalaha dowlada, waxaan rajeynayaa in lasii wadi doono dadaalada lagu raadinayo xuquuqdooda.

Waxaan Bulshada Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa wadashaqaynta iyo ka faa’iidaysiga adeegga Hey’adda gudaha dalka iyo dibadda isla markaan ay muhiim tahay inaysan ku kadsoomin Dulmiga & marin habaabinta ujeedooyinka gurracan laga leeyahay arimaha Socda.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Hey’adaha Caalamiga ah ce shaqo wadaagta la ah Hey’adda iyo kalsoonida xiriirka wadashaqayneed ee ay la leeyihiin hey’adda. Dhammaan Hey’adaha Dowladda waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqaynta ay la leeyihiin Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Wasaaradda Amniga gudaha xilku waa meerto, in la kala qaatana waa sunno soo jireen ah, in leys sumcad dilo si loo baneysto xil ka qaadista waa sunno cusub oo la jideeyey balse aan ku ekaan doonin dowladda hadda jirta.

Inta aan anigu ogahay waxaan ka hadli doonaa waqti munaasib ku ah oo aanan fogeyn. “ballanteennu waa shaqo, dalka oo loo shaqeeyo sharciga oo shaqeeya, sharafka iyo xaqqa muwaadinka oo la dhawro.”

Golaha cusub ee hoggaanka Khaatumo oo lagu dhawaaqay

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, kadib muddo ay hoggaaminayeen guddiga 33-ka ah ee Isimida SSC.

Hoggaanka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa ka kooban 45 xubnood oo laga soo kala xulay garaadada iyo salaadiinta beelaha gobollada SSC.

Xubnahan ayaa noqon doona kuwa maamulaya arrimaha masiiriga guud ee gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyada oo shaqada ugu horeysa ee loo igmaday ay tahay in deegaanadooda ka saaraan Somaliland.

Hoggaanka cusub ee SSC ayaa waxaa ID-ga aqoonsiga xubinada hoggaanka maamulka lagu guddoonsiiyay munaasibad ay goobjoog ka ahaayeen Golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo, Maayirka, Maayir ku-xigeenka, xoghayaha fulinta degmada, xildhibaanada golaha deegaanka iyo garyaqaanada sharciga.

Maalmaha soo socda ayaa hoggaanka cusub ee SSC loo dhaarin doonaa masuuliyadan, ayaga oo sidoo kale markaas qaban doona shaqooyinka kale ee loo igmaday socod-siinteeda.

Xiisadda Laascaanood ayaa weli kacsan, ayada oo weli dagaalladu ay ka socdaan bariga iyo galbeedka magaaladaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in milatariga Somaliland iyo ciidanka deegaanka ay haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo uga sii dareyso xiisadda taagan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay heleen gurmadyo kala duwan oo ciidan ah, kuwaas oo maalmihi u dambeeyay gaaray duleedka Laascaanood, si ay ugu biiraan dagaalka ka socda halkaasi.

Si kastaba, Xaaladda Laascaanood ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana horay u fashilmay dhammaan isku dayadii la sameeyay ee ku aadana in la joojiyo dagaalka, kadibna la wada-hadlo.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeysa, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo Somaliland loogu baaqay in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Ciidamada DF oo howl-gal culus ka sameeyay degaano dhaca duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano isku xira gobollada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Howl-galkaasi oo qaatay muddo saacado ah ahaa waxaa si wada-jir ah u fuliyay ciidamo ka tirsan NISA, gaar ahaan Duufaan iyo kuwo kale oo ka tirsan ciidamada Booliska ee u tababaran sida milatariga.

Howl-galka ayaa waxa uu si gaar uga dhacay deegaanafa Geedfaqay, Sabyo, Beerta Cali Mahdi, Walaleey, Shirkada Gumar iyo Basro.

Taliyaha ururka ciidanka Duufaan Karkaar iyo Taliyaha ururka guutada koowaad ee ciidamada u tababaran sida milatariga Dhamme Maxamed Aadan ayaa hoggaaminaayey howl-galkaasi oo u dhacay si nabad ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in howl-galkaan ay ciidamada kusoo qabteen rag lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu sameynayo baaritaano dheeraad ah.

Deegaana la beegsaday ee uu ka dhacay howl-galkaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen kuwo istaraatiiji ah oo isku xira gobollada Banaadir iyo Shabeellooyinka.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ay howl-gal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Afgooye, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Haramcad ayaa howl-galkaas waxay ku burburiyeen maxkamad beenaadkii kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd deegaanadaasi, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u burburiyay maxkamado ay kooxda ku laheyd duleedka Muqdisho iyo deegaano kale, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay bulshada caasimada.

Howl-galladan ayaa imanaya, ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin.

Axmed Madoobe oo Jeneral Gurey u magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – General Cabaas Ibraahim Gurey ayaa loo magacaabay magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo magacaabay Taliyaha cusub.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in dib-u-dhis lagu sameeyo Ciidanka Daraawiishta Qaybta Gobolka Gedo.

Tani ayaa imaanaysa maalin uun ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay ka gaysteen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo.

Ciidamada degan Xerada Gariley ayaa u badan kuwo ka amar-qaata General Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa 29-kii bishii June sheegay in xeraadaasi ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Militariga Kenya ee ka tirsan ATMIS ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa xeradaasi, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Sidee ayaa looga fal-celiyay tallaabadii uu shalay qaaday xeer-ilaaliyaha qaranka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay liis uu shalay shaaciyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, kaasi oo ay kasoo muuqdeen illaa 18 masuul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

Masuuliyiintan loo haysto musuq-maasuqa ayaa waxay Sagaal kamid ah ay baxsad ka yihiin cadaalada, halka Sagaalka kale ay xiran yihiin, sida uu shaaciyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay daba-gal ku hayso shaqsiyaadkaasi. islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno masuuliyiintaasi.

“Dowladda Soomaaliya waxay wada shaqeyn la leedahay Booliska Caalamkga ah ee INTERPOL,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha oo sheegay in kiiskaan ay la kaashan doonaan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha baxsadka ah oo intooda badan haatan ku sugan dalka dibaddiisa.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo horay dowladda federaalka u xirtay masuuliyiin dhowr ah oo loo haysto musuq, kuwaasi oo qaarkood la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Ibraahim Saciid: “Wali laysma gaarin intaa arkeeno wasiiro loo xiray musuq-maasuq, howshaan waa billow fiican laakiin wasiirada iyo madaxda sar-sare ku xijiya.”

“Dadbaa hadhow qabiil ku taageeri doona dadka tuugada ah Khawaarijta sida loola dagaalay ayaa tuug loola dagaalamayaa, waa ku mahadsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh la-dagaalanka musuqa,” ayuu yiri Maxamed Cadde oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Yuusuf Qurbo: “Kuwa baxsadka waxaa ugu baaqayaa inay sharciga horyimaadaan waxa ay kala kulmaane qaataan.”

Aweys Axmed Taako ayaa isna yiri “Waa wax aad loogu farxo in maanta maqleyno eedeysanayaal loo haysto musuq, waxaa mahadeyda leh madaxda qaran oo igu horeyo Birmad Xasan Shiikh.”

“Masha Allah waa maalin weyn. Kuwa shacabka maatada ah qarxinaya iyo kuwa xaday xoolihii amnigooda lagu sugi lahaa waa isku mid,” ayuu yiri Yuusuf Cali.

Calasow Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada ay qaaday Xeer-ilaalinta ayaa yiri “Toos ayaa la iskugu bareeray markaan. Waxaan rajeynaa in madaxweyne Xasan Sheekh dalkaan u jiheeyo meel barwaaqo iyo horumar leh.”

Ustaad Saacid: “Bal meesha ay ku dhamaanayso aan aragno weli waan idinka guraynaa warka.”

“Xoolo dadweyne qof cunay ama awood dowladeed ku tagri falay khasaaro ayuu qabaa, waxaan rajeynayaa in maxkamad cadaaladda lasoo saaro oo siyaasad ka madax-bannaa, lagana ilaaliyo qaabkii Soomaalida inta badan lugu arki jiray ee xilka bursashada ahayd maadaama liiskaan masuuliyiin hore iyo kuwo hadda ahba ku jiraan,” Cabdikariim Xasan.

Liibaan Garaad: “Sidee qof eedeysane ah oo aan la xukmin loo faafin karaa magaciisa mise waa xukmanayaal oo maahan eedeysanayaal?.”

Aweys Axmed Cadaawe ayaa isna yiri “Cajiib qof walba oo dadwaynaha masaakiinta ah xoolohooda ka dhaca waa in la waajibaadkiisa la mariyaa.”

“Intaas oo dhan waxay dhaceen xiligii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa markaasee na leeyihiin musuq-maasuq ayuu necbanaa, muxuu wax uga qaban waayay waa-yahee,” ayuu yiri Cali Abuukar Shariif.

Axmed Faarax: “Cudurka halka sare hala ka soo bilaabo hadaad run sheegaysiin, bahashaan looma sinna.”

“Qoladaan laanta socdaalka ka shaqeyso ma waxay ku heshiiyeen dhamaantood in aysan dalka u shaqeyn oo ay ayaga shaqeystaan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed.

Mukhtar Marhaba ayaa isna waxa uu yiri “War dowladnimadii farahey ka baxday mar haddii sidaan dhan loogu falaadaayo musuq-maasuqa laftiisa ayaa si musuq-maasuq ah loola dagaalamayaa.”

Xukuumadda Somaliland oo hoos u dhigtay walaaca ay mucaaradku qabaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa war cusub kasoo saartay walaaca ay mucaaradka ka muujiyeen qorshaha xukuumadda ee kala horeynta doorashooyinka.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay go’aanka uu guddiga doorashooyinka Somaliland ka gaaro doorashooyinka muranka dhaliyay, kadib markii ay soo baxday inay gadaal ka riixeyso qorshe lagu soo hormarinayo doorashada ururrada.

Mucaaradka ayaa doonaya inay soo horreyso doorashada Madaxtooyada Somaliland, halka xukuumadda iyo xisbiga tallada haya iyo weliba ururrada cusub ee siyaasadda ay doonayaan inay soo horeyso doorashada ururrada.

Bayaan kasoo baxay kal-fadhigii 113-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu caddeeyay in guddiga doorashooyinka oo kali ah ay awood u leeyihiin cayimida waqtiga doorashooyinka.

“Goluhu waxa uu isku raacay in xukuumaddu marwalba diyaar u tahay jadwalka doorashooyinka ee ay soo saaraan Komishanka Doorashooynka Qaranku oo ah hay’adda keliya ee awood sharci u leh cayimaadda wakhtiga la qabanayo doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Wasiiradda Somaliland.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu markale cirka isku sii shareeray khilaafka doorashooyinka Somaliland, ayada oo xisbiyada mucaaradka ay meel adag iska taageen warqad ay guddiga doorashooyinka u gudbiyeen maxkmadda sare, taasi oo looga dalbaday fasiraad sharci ah.

Mucaaradka ayaa waxay uga digeen maxkamadda in ay Somaliland ku rido god mugdi ah, xilli ay xaalad adag oo amni iyo siyaasadeed ka taagan tahay gudaha Somaliland.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa caddeeyay inay ku dhawaaqi doonaan sida ay doorashooyinka u qabsoomayaan, kadib marka ay fasiraad sharci ka helaan maxkamadda.

Daawo: DF oo shaacisay inay si buuxda ula wareegtay xarumihii ay baneeyeen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shaaciyay in ay si buuxda ula wareegeen xarumihii ay baneeyeen ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Xarumahan oo ay la wareegeen ciidamada dowladda ayaa waxaa baneeyay 2,000 oo kamid ah ciidamada ATMIS, oo qorshuhu ahaa inay dalka ka baxaan daba-yaqaada bishii June.

“Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno in aan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo kamid ah ciidanka ATMIS, taas oo ah heshiiskii horay loo galay,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa xaqiiq ah walaalaheen ATMIS oo muddo nala joogay in ay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqtina ay geliyeen amniga dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni fiican.”

Wasiirka ayaa qiray in ciidamada xoogga dalka ay gaareen heer lagu haleyn karo amniga dalka una diyaar-garoobeen inta ka dhiman dhamaadka 2024-ka, oo ku aasteysan bixidda askariga ugu dambeeya ee ciidamada ATMIS.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu umahad-celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay fulinta qorshahaan, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo iyagu ka shaqeeyay in xarumahaasi si nabdoon loogala wareego ciidanka ATMIS.

“Waxaa leeyahay waa mahadsan tihiin hay’adihii iyo dhamaan kasoo qeyb-galayaashii fursadaas lagu wareejinayay ciidamadeenii qaranka masuuliyadaas ka qeyb qaatay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay ku garab istaagan dowladda iyo ciidankooda sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

“Shacabka waa in ku kalsoonaado oo ogaado in amnigeena inaga sugano inay tahay qeyb ka mid ah xoriyadeena iyo gobonimadeena, sidaas darteedna ay ku kaalmeeyaan wiilashooda iyo gabdhahood inay la wareegeen amnigooda.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Guddiga doorashooyinka SOMALILAND ‘oo fasiray’ warqadda muranka dhalisay

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay warqad ay dhawaan maxkamadda sare u gudbiyeen, taasi oo la xiriirtay muranka doorashooyinka ee u dhaxeeya xukuumadda iyo mucaaradka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay maxkamadda sare ka dalbadeen fasiraad sharci oo la xiriirta xeerarka doorashooyinka.

Gudoomiye Muuse ayaa meesha ka saaray in awooddii ka guddi ahaan ee ka go’aan gaarista labada doorasho ee la isku haya tan soo horeynaysa ay ku wareejiyeen maxkamadda sare ee Somaliland.

“Warqadaasi waxay ka hadlaysay fasiraad sharci oo aanu qornay ka Komiishan ahaan oo aanu u gudbinay maxkamadda dastuuriga ah, fasiraadaa sharci oo salka ku haysa xaaladan aanu hada ku jirno ee doorashooyinka lanana sugayo in aanu waqti u samayno,” ayuu yiri guddoomiyaha doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu ku dooday in markii la doortay ay soo saareen waqtiga ay ku qabsoomayso doorashada madaxtooyadu, laakiin intii waqtigaas lagu guda jiray ay wax badan is-badaleen.

“Waxaa soo baxay ururro cusub iyo in waqtigii uu ka dhacay xisbiyadii hore (Kulmiye, Waddani & Ucid), sidaas darteed waxaa fasiraad sharci uga baahanay maxkamadda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay ku dhawaaqi doknaan sida ay doorashooyinku u qabsoomayaan, kadib marka ay fasiraad sharci ka helaan maxkamadda.

“Awooddii aan u laheyn ka go’aan gaadhista waqtiga doorashooyinka dhacayaan uma aanu gudbin (wareejin) maxkamadda ee waxaa ka codsanay fasiraad sharci ah.”

Hadalkaan ayaa imanaya xilli xisbiyada mucaaradka ay meel adag iska taageen warqadda ay guddiga doorashooyinka u gudbiyeen maxkmadda sare, waxayna uga digeen maxkamadda in ay Somaliland ku rido god mugdi ah, xilli ay xaalad adag oo amni iyo siyaasadeed ka taagan tahay gudaha Somaliland.

Mucaaradka ayaa doonaya inay soo horreyso doorashada Madaxtooyada Somaliland, halka xukuumadda iyo xisbiga tallada haya iyo weliba ururrada cusub ee siyaasadda ay doonayaan inay soo horeyso doorashada ururrada.

Taliban oo soo saartay amar cusub oo dumarka ka dhana

Kabul (Caasimada Online) – Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa amar ku bixiyay in goobaha qurxinta ee dalka oo dhan la xiro muddo bil gudaheed ah, taasi oo ah xakameyntii ugu dambeysay ee nolosha guud ee haweenka, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah wasiir ku xigeennada Taalibaan.

Amarka ayaa ku qasbi doona xiritaanka kummanaan meherado ah oo ay haweenku maamulaan oo inta badan ah isha kaliya ee dhaqaale ee qoysaskan, waxaana uu mamnuucayaa mid ka mid ah fursadaha yar ee haray ee ay ku dhex sheekeysan karaan meel ka baxsan gurigooda.

“Waxay ila tahay inay fiicnaan lahayd haddii dumarku aanay ku jirin bulshadan,” ayuu yiri maamulaha salon Kabul ku yaalla oo codsaday inaan la magacaabin.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegtay Agoosto 2021, xukuumadda Taliban waxay ka mamnuucday gabdhaha iyo haweenka dugsiyada sare iyo jaamacadaha, waxay sidoo kale ka mamnuucday jardiinooyinka, jardiinooyinka madadaalada iyo goobaha jimicsiga, waxayna ku amartay inay ka fogaadaan goobaha fagaareyaasha ah.

Haweenka ayaa sidoo kale inta badan laga mamnuucay inay u shaqeeyaan Qaramada Midoobay ama hay’adaha NGO-yada, iyada oo kumannaan laga eryay shaqooyinkii dowladda ama la siiyay lacag si ay guryahooda ku joogaan.

Mohammad Sadeq Akif Muhajir, oo ah afhayeenka Wasaaradda Horumarinta Wanaagga iyo Kahortagga Xumaha, ma sheegin sababta amarkan loo bixiyay.

“Marka la xiro ayaan sababta loo xiray la wadaagi doonnaa warbaahinta,” ayuu u sheegay AFP.

Waxa uu sheegay in ganacsatada la siiyay waqti ay ku soo xiraan goobahooda, si ay uga faa’ideystaan hantidooda, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin.

KOOFI oo usoo jawaabay Xeer Ilaaliyaha Qaranka -“Waxaan u arkaa inuu yahay…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa ayaa usoo jawaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxauud oo maanta shaaciyay liiska 18 qof oo uu ku jiro Korneel Koofi, loona haysto musuq-maasuq.

Xeer Ilaaliyaha oo maanta shir jaar’iid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Aadan Koofi iyo sideed kale oo maqane ah loo haysto xatooyo xoolo dadweyne, ayna baxsad ka yihiin cadaaladda.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka oo ka jawaabay hadalkan ayaa shaaca ka qaaday in Xeer Ilaaliyaha uu dhibane yahay, islamarkaana aan loo madax banneyn shaqadiisa.

“Xeer ilaaliyaha, raalina ha iga ahaadee, waxaan u arkaa in uu yahey dhibbane aan shaqadiisa loo madax banneyn, waana dareemi karaa culeyska jira” ayuu yiri koofi.

Sidoo kale waxa uu ku dooday in dhammaan eedaha loo jeediyay ay yihiin kuwa lasoo dhoodhoobay, islamarkaana inta uu joogay hay’adda baaris lagu sameeyay dhowr mar.

Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inuu ka raalli-gelinayo ‘aflagaada uu sheegay in maanta loo gaystay’.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Dacasleey iyo Dowladnimo Maxaa Kala Heysta!

Hay’adda aan ka soo shaqeeyey;

1) Waajibaadkeeda kuma jirin qabasho dakhli ama wax lacag qabasho ah;

2) Sanad kasta, laba heer oo baaris Hanti-dhowr ah ayaa lagu sameynayey hay’adda (Hanti-dhowr guud iyo midka gudaha), mana jirin wax dayac ama xoolo maqan ah oo la sheegey;

3) Shaqada hay’adda waxaan qoraal ku wareejiyey sanado ka hor, waxaana marqaati aheyd dowladdii xilligaas, mana jirin hal shey oo ka dhunsanaa ama ka dayacnaa waajibkii la ii igmadey.

Ujeedada laga leeyahey hore ayaan uga hadley, hase ahaatee, dhareerka Eeyga, haddii uu ku gaaro, todobo jeer, ayaa la iska dhaqaa, wax kale oo dhib ahna ma lahan!

Xeer ilaaliyaha, raalina ha iga ahaadee, waxaan u arkaa in uu yahey dhibbane aan shaqadiisa loo madax banneyn, waana dareemi karaa culeyska jira.

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan, taageereyaasheyda, waan ka raali gelinayaa, aflagaadada loo geystey maanta!

Ugu danbeyn, Imaam aad ogtahey in uusan wayso qabin, kuma qasbanid inaad Salaadda ku xirato.

Maxaa ka jira in wasiir Huruuse uu is-casilay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn looga hadal hayay baraha bulshada warar sheegayay in uu is-casilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse).

Wararkaas ayaa waxaa gebi ahaanba jiritaankooda beeniyay wasiirka oo sheegay in uu safar shaqo ugu maqan yahay dalka dibadiisa.

Wasiir Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku tilmaamay wararka sheegayay inuu is-casilay kuwa been abuur ah oo lagu jahwareerinayo dadweynaha.

“Isma casilin; Wararka sheegaya in aan is casilay waa been abuur lagu jahwareerinayo dadweynaha,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse).

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Safar shaqo ayaan dibadda ugu maqanahay.”

Wararka la isla dhexmarayay ee uu beeniyay wasiirka ayaa waxay kusoo aadeysa saacado kadib markii ay Xeer Ilaalinta sii deysay liiska masuuliyiin loo haysto musuq-maasuq oo qaarkood xiran yihiin, kuwa kalena ay baxsad ka yihiin cadaaladda, oo ay ku maqan yihiin dalka dibadiisa.

Waxay sidoo kale kusoo aadeysa xilli uu wasiirka ka maqan yahay dalka, taasi oo keentay in uu si deg deg u beeniyo wararkaasi oo si weyn la iskula dhex qaadayay saacadihii dambe baraha bulshada ee Internet-ka.

Xaaladda madaxa Wagner oo weji cusub yeelatay

Minsk (Caasimada Online) – Madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin waxa uu weli ku sugan yahay Ruushka, mana jiro dagaal-yahan ka tirsan kooxda oo saldhigtay Belarus, waxaa sidaas maanta sheegay madaxweynaha dalkaas, taasi oo shaki gelineysa heshiika Kremlin-ka ee lagu soo geba-gebeeyey gadoodkii.

“Marka ay noqoto Prigozhin, waxa uu ku sugan yahay Saint Petersburg… ma joogo Belarus,” ayuu madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko u sheegay wariyeyaal ka socday warbaahinta dibedda.

Isaga oo ka hadlayey xarunta madaxtooyada ee Minsk, Lukashenko waxa uu sheegay inuu “si hubanti ah” u ogyahay in Prigozhin uu yahay nin xor ah, isaga oo intaas ku daray “shalay ayaan taleefonka kula hadlay.”

Lukashenko waxa uu sheegay in xubnaha Wagner aysan saldhig ka sameysan Belarus, inkasta oo uu jiro yabooh ka yimid Kremlin-ka oo ah inay sidaas sameeyaan kuwii ka qeyb-galay kacdoonkii fashilmay.

“Xilligan, go’aan lagama gaarin soo-wareegistooda ama saldhig sameysashadooda,” ayuu yiri Lukashenko.

Prigozhin ayaa billaabay kacdoon ka dhan ah hoggaanka militari ee Ruushka 23-kii June, wuxuuna ciidamo u diray Moscow, isaga oo loolankii ugu adkaa geliyey hoggaanka madaxweyne Vladimir Putin.

Qiyaastii 24 saac kadib, Kremlin-ka ayaa sheegay in xasaraddii la xaliyey kadib dhex-dhexaadin uu sameeyey Lukashenko, ayada oo lagu waday in Prigozhin uu u safro Belarus.

Wixii markaas ka dambeeyey, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa xiray ama weeraray ganacsiyada Prigozhin.

Sawirro ay Arbacadii baahiyeen warbaahinta Ruushka ayaa muujiyey booliska oo gelaya hoyga Prigozhin, ayada oo diyaaradaha qumaatiga u kaca ay banaanka guriga fadhiyaan, 25-kii June.

Sawirrada ayaa muujiyey in booliska ay soo haleen xirmooyin dollar iyo rubles ah, dahab, hub iyo dhowr baasaboor oo uu ku qoran yahay magaca Prigozhin balse leh sawirro kala duwan.

Lukashenko ayaa sheegay “inuusan ka walaacsaneyn” inuu waddankiisa ku marti-geliyo ciidamada Wagner, wuxuuna sheegay inay hanti noqon karaan.

“Uma maleynayo in Wagner ay kici doonaan oo ay hubkooda kusoo jeedin doonaan qaranka Belarus,” ayuu yiri.

“Haddii aan dooneyno inaan cutubyadan howl-gelino, waan howl-gelin doonnaa, islamarkaana khibraddooda aad ayaa looga faa’iideysan doonnaa.”

Lukashenko waxa uu sidoo kale ka hadlay xiriirka Prigozhin iyo Putin.

“Ma ogi wax kasta oo ku saabsan xiriirka Putin iyo Prigozhin, mana doonayo inaan wax kasta ogaado,” ayuu yiri.

“Putin ayaa in badan iga og Prigozhin,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray “Ma waxaad u maleyneysa in Putin sidaas u ciil qabo oo uu isla berri tuuri doono? Maya taas ma dhaceyso.”

AFP, VOA

Xisaabiyaha iyo agaasimaha dakhliga W/maaliyadda oo shaqo joojin lagu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shaqo joojin deg deg ah ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shaqo ka joojinta labada masuul ayaa salka ku haysa amar diido, wada-shaqeyn la’aan iyo caqabad ay ku noqdeen hanaanka lagu maamulo qarash bixinta dowladda ee SFMIS, sida lagu yiri warqadda shaqada looga joojiyay.

“Xisaabiyaha Guud waxa uu si badheedh ah ugu sameeyey dib udhac sabab la’aan ah iyo is hortaag bixinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo masuuliyiinta dowladda. Sidoo kale waxa uu si ula kac ah u damiyey system-kii SFMIS ee ay ku shaqaynayeen Waaxda Canshuuraha barrigu kana xidhay,” ayaa lagu yiri warqadda shaqada looga joojiyay Xisaabiyaha Guud, taas oo uu ku saxiixna Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa uu faray Xisaabiyaha Guud in uusan soo xaadirin shaqada illaa inta shaqo ka joojintu ay dhaqan-gal tahay, wuxuuna si kumeel-gaar ah ugu magacaabay inuu shaqada sii hayo Xisaabiyaha Ku-xigeenka Mudane Cabdirisaaq Maxamed Abukar.

“Taliyaha Amniga ee Wasaaradda Maaliyadda waxaa lagu wargelinyaa in uusan sarkaalkaan u ogolaan inuu soo galo xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale La-taliyaha Sharciga ee Wasaaradda waxaa la farayaa inuu baaris ku sameeyo falka sharci darrada ah oo uu ku kacay Xisaabiyaha Guud, uuna usoo diro warbixin Wasiirka muddo 10 maalmood gudahood ah.”

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale waxa uu Waaxda Canshuuraha Berriga iyo Waaxda Canshuuraha Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda uu faray inay si toos ah u hoostagaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda inta shaqo ka joojinta Agaasimaha Guud ee Dakhliga dhaqan-galka tahay.

“Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa waxa uu si sifo badheedh ah uga horyimid amarka wasiirka isuna hortaagay wareegtada magacaabista ku meelgaadhka ah ee Agaasimaha Canshuuraha Berriga, taasi oo saameyn ku yeelatay awoodii dhaqaale ee dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tallaabadan uu qaaday Wasiirka Maaliyadda ayaa imaneysa xilli uu hakad galay bixinta lacagaha kaalmada deeq-bixiyeyaasha ku deeqeen ee qaar kamid ah loogu tala-galay in loo wareejiyo dowladda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada.

Waxay sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo saraakiil sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq, halka qaar kalena ay baxsad yihiin, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dekedda BOOSAASO oo maanta xiran + Sababta

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay xiran tahay, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsatada.

Xirnaashaha dekedda ayaa yimid, kadib markii Shirkadda Imaaraadka ee DP-World ay canshuurTa ku kordhisay ganacsatada wax kala soo daga dekeddaasi oo muhiim u ah Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada ay ka biyo diideen lacagaHA canshuuraha ee lagu kordhiyay badeecadaha ay la soo dagaan, taas oo keentay inay shaqadu istaagto.

Qaaf kamid ah ganacsatada ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbaleyn lacagaha dheeriga ah ee ay DP-World kusoo rogtay badeecadaha ay kasoo degsanayaan dekadda Boosaaso.

Horay ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda degaannada Puntland iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada waxa ay ku eedeeyeen DP-World in aysan wax muuqda ka qaban marsada ay sanadaha badan gacanta ku hayso, balse taasi bedalkeeda ay samaysay canshuur kordhin.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in durbo saameynta go’aankan si weyn looga dareemay magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee dowlad goboleedka Puntland, waxayna dekeddu aheyd meesha kaliya ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan ganacsiga.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka sare ee dekedda iyo Puntland oo ku aadan hakadka ku yimid dhaq-dhaqaaqa dekedda.

DP-World ayaa waxaa horay loogu eedeeyay in aysan wax muuqdo ka qaban horumarinta dekedda, gaar ahaan marsada ay sanadaha badan gacanta ku hayso

Si kastaba, shalay ayay aheyd markii qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Boosaaso, nabadoono, dhalinyaro iyo howlwadeenno kale ay booqdeen dekedda, si ay usoo qiimeeyaan howlaha ballaarinta oo dhan 150M oo dhirer ah iyo 40M oo ballac ah.

Ciidamo Mareykan ah oo lagu qarxiyay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca miinada dhulka lagu aaso oo maanta ciidamo Mareykan ah oo ay wehlinayeen kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed lagula eegtay qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ciidamada huwanta ah lagu beegsaday duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida ay xaqiijisay AFRICOM.

Qoraal kasoo baxay taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in kolonyadooda lala bartimaameedsaday qarax miino oo la dhigay waddada dhinacdeeda, xilli ay ku socdaaleen agagaarka duleedka magaalada Kismaayo.

AFRICOM waxay sidoo kale sheegtay inaan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada Maraykanka iyo sidoo kale kuwa Soomaalida ah labadaba.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay been yihiin wararka sheegaya inuu khasaare soo gaaray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab ee lagu qarxiyay halkaasi.

Ciidanka huwanta ayaa weerarka kadib sii watay socdaalkooda oo ku wajahnaa deegaanada hoos-yimaada magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab.

Mareykanka ayaa qayb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ciidanka Soomaaliya ka taageeraa dhanka hawada, isaga oo duqeeyo goobaha ay joogto kooxda.

Weerarkan qaraxa looo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland uu ka socdo diyaar-garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Si kastana, dagaalkan oo ay dowladdu ugu magac dartay Libaaxa Madow, ayaa sidoo kale la filayaa inay kusoo biiraan waddada safarka hore, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

AFRICOM dismisses Al-Shabab’s casualty claim after attack

Mogadishu (Caasimada Online) – U.S. Africa Command (AFRICOM) has quashed the assertions made by the extremist group al-Shabab, which claimed it had inflicted casualties on U.S. troops in an attack on the outskirts of Kismayo, a southern coastal city in Somalia.

“The claims of casualties are not accurate,” stated Kelly Cahalan, AFRICOM spokesperson, dismissing the group’s assertions via the messaging app Telegram.

She revealed on Thursday that the convoy struck a roadside bomb that morning near Kismayo but insisted that neither the U.S. nor the Somali forces sustained any casualties.

History of al-Shabab’s false claims

It’s worth highlighting that al-Shabab, waging a relentless war for control, has had an extensive track record of unfounded claims of injuring or killing U.S. troops.

While they have occasionally successfully targeted U.S. forces in Somalia and nearby regions, their claims often far outweigh the reality.

Their most notable attack occurred on January 5, 2020, when al-Shabab insurgents overran an airfield in Kenya utilized by U.S. forces for operations in Somalia.

The offensive resulted in the death of a U.S. soldier and two American contractors.

Three months before this tragic incident, U.S. forces stationed at the Baledogle Military Airfield in Somalia also came under a ferocious al-Shabab assault.

This was the largest such onslaught on American troops in Somalia in three decades, involving a truck bomb that left a 20-foot-deep crater along the perimeter of a U.S. military outpost.

However, this battle saw a dozen al-Shabab fighters killed as the U.S. forces managed to repel the attack without any loss of life.

The U.S. mission in Somalia

The U.S. military’s role in Somalia, primarily focused on training and advising local forces fighting against al-Shabab, has been a matter of dispute within the Defense Department and more broadly.

It’s worth mentioning that several hundred U.S. troops are currently operating in the country, supported by periodic U.S. airstrikes against terrorist targets.

In May 2022, in a reversal of President Donald Trump’s late administration decision to withdraw 700 service members from the country, the U.S. announced the return of special operations troops to Somalia. 

Xeer-ilaalinta oo shaacisay magacyada 9 mas’uul oo baxsad ah iyo 9 lasoo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa, kaas oo ay haatan waddo dowladda Soomaaliya.

Suleymaan Maxamed ayaa shaaciyay liiska 18 mas’uul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo uu tilmaamay in 9 kamid ah ay baxsad ka yihiin cadaaladda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay xiran yihiin 9 kamid ah eedeysanayaasha, kuwaas oo kala ah

1– Cabdullaahi Maxamed Cali, agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
2– Maxamed Cabdi Mukhtaar Cabdiraxmaan, agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
3– Cabdullaahi Maxamed Cosoble, agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
4- Cumar Macallin Cali, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
5– Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
6– Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee Viso kordhinta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
7– Abuubakar Maxamed Cali, maamulaha xafiiska canshuuraha bariga ee garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.
8– Cabduqaadir Cabdi Socdaal, khasnajiga qaybta daqliga ajaaniibta ee Bankiga Dhexe
9– Maxamed Aadan Cabdullaahi, maamulaha Bankiga ee laanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale soo bandhigay magacyada sagaalka mas’uul ee baxsadka ah, kuwaas oo kala ah:-

1– Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahin, madaxa madax qeebeedka ruqsad-siinta ajaaniibta ee waaxda sharciga iyo xiriirka shaqaalaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

2– Cabdullahi Daahir Wehliye, khasnajiga qaybta daqliga ajaaniibta laanta garoonka Aadan Cadde ee Bangiga Dhexe.
3– Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim ,shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad-siinta ajaaniibta ee waaxda sharciga iyo xiriirka shaqaalaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
4– Muxudiin Xasan Jurus (Saabey), agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda.
5-Maxamed Idiris Axmed, madax qaybta canshuuraha dadban ee wasaaradda maaliyaddda.

6-Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
7-Cabduqaadir Cilmi Cali, agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
8-Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caato), agaasimihii hore ee waaxda ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka.
9-Abuubakar Xasan Aadan, madaxii hore ee xaqiijinta dukumintiyada codsiga Viso kordhinta waaxda ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Xeer ilaaliya ayaa intaas ku daray in dowladda ay dabagal ku heyso shaqsiyaadkaasi, isla-markaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno mas’uuliyiintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay wada shaqeyn la leedahay Booliska Caalmiga ah ee Interpl, isla-markaana ay la kaashan doonto kiiskan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysayaasha baxsadka ah oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo horay dowladdu u xirtay mas’uuliyiin dhowr ah oo loo haysto musuq, kuwaas oo qaarkood la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Go’aano kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Inta badan waxaa shirka goobjoog ahaa xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo shirkooda ku ansixiyay xeer cusub, sidoo kale ku dhageystay warbixino xasaasi ah.

Ugu horreyn kulanka golaha wasiirada ayaa lagu meel-mariyay Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo la xiriirta diyaar-garowga gulufka cusub ee ay haatan waddo dowladda federaalka ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warbixinteeda ku sheegtay in uu dhawaan bilaaban doono howlgalka wajigiisa labaad oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddu ay ka go’an tahay dabargoynta kooxda Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna  goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

FALCELIN ka dhalatay war yaableh oo ka soo baxay Booliska Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay dil ka dhacay degmada Dayniile, kaas oo uu askari ka tirsan ciidamada dowladda u geystay Hooyo Soomaaliyeed.

Warka kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in askariga uu xabadda ku fakiyay hooyada oo goobta ku geeriyootay, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha lagu xiray saldhigga booliska Dayniile, isla-markaana laga qaadi doono tallaabo adag.

“Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga booliska Dayniile ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane xabad ku fakiyay maamo Soomaaliyeed xabadaasi sababtay dhimasho, waxaana la horgeyn doonaa caddaalada.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidee looga falceliyay qoraalka yaabka leh ee kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir?

Qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha, gaar ahaan kuwa ku xiran bogga taliska booliska ayaa si adag uga falceliyay qoraalkan, ayaga oo sheegay in qiil loo raadinayo eedeysanaha.

Cabdicasiis Xaaji oo kamid ah dadka ka facleiyay ayaa yiri “Allah unaxriisto Marxuumada, Lkn maxaa sharciga la hor geynaa idinka ayaa qiil u raadinayee edeysanaha wuu ku fakiye maaha Ee wuu ku dhufte dhaha Mahadsanidiin maadama aad gacanta kusoo dhigteen”.

Xasan Sandheere ayaa isna su’aal adag ka keentay warka Booliska “Ku fakiyay maa dhahdeen?”

Cabdalla Suldaan, isna wuxuu yiri “Kufakiyey miyaa? mise ku dhuftay waaye qoralka amuu qiil radin yahay?”

Mursal Xasan ayaa falcelintiisa ku yiri “Muu Hooyo kala doonay Qori, ma xishoonaayo miyaaa? Ar soomali xagee usocotaa?”.