27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo: Xildhibaan weji kale u yeelay xiisadda beeshiisa kala dhaxeysa Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa su’aal ka keenay sababta mar kasta xilka looga qaado guddoomiye kasta oo gobolka Hiiraan soo mara.

Xildhibaan ayaa tusaale u soo qaatay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe Axmed Faal oo sida uu sheegay xilkaas haya muddo dheer, isla markaana aan laga qaadin.

“Ilaa maalintaan dalkaan imid guddoomiyaha Shabeellada Dhexe waa joogay, maxaa keenay in mar kasta la soo saaro warqad xilka looga qaadayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan?” ayuu yiri Maalik Cabdalla.

Xildhibaanka ayaa sheegay in HirShabeelle aysan wax adeeg ah siin dadka reer Hiiraan, taas bedelkeedna madaxa laga jaray hoggaamiyihii u soo baxay ee gobolka ka xoreeyey Al-Shabaab.

Wuxuu intaas ku sii daray, in Cali Jeyte ay ka go’need inuu sii baacsado kooxda oo inta hartay uu ka saaro, balse taas aysan rebin madaxda hoggaamisa HirShabeelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga waxaan aragnaa in ninkii Shabaab la dagaalamay oo sii eryanaya feylaha la jaray oo Soomaalinimadii la taabtay, iyadoo Shabaab la garab siinaayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdimaalik.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku goodiyey in magacaabista HirShabeelle aysan ka shaqey doonin gobolka Hiiraan, “Runta hadaan idiin sheego maba arkin meel HirShabeelle ka shaqeyso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dadka uu metelo ee Hiiraan dega waxa dantooda ah uu ku hoggaami doonin, “HirShabeelle waxaba kama qabato Hiiraan dadkaas isbaaro, qabiil iyo in Shabaab loo duleeyo ayaa lagu hoggaamiyaa, laakiin ma yeeleyno markaan in Shabaab nalo duleeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda HirShabeelle uu dhowr jeer uga digay inay iska dhaafaan warqadahaan ay soo tuurayeen ee xil ka qaadisata ah, isla markaana uu kula taliyey inay hubka qaataan oo dagaalka Al-Shabaab ay dadka ku hoggaamiyaan.

Hoos ka daawo

 

Sababta xildhibaan Gavin Williamson uu aqoonsiga ugu raadinayo SOMALILAND

London (Caasimada Online) – “Nolosha malaayiin qof ayaa habeen qura is beddeli karta haddii xukuumadda UK ay Somaliland u aqoonsato dal madax banaan” sidaa waxaa yiri Sir Gavin Williamson.

Wasiirkaas hore oo xubin ka ah xisbiga muxaafidka wuxuu shalay baarlamaanka hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo ujeeddadu tahay in loollan lagala hor tago mowqifka diblomaasiyadeed ee aan isbeddelka lahayn ee tobanaan sano hor taagnaa Somalland.

Isagoo la hadlayey wakaaladda wararka PA ayuu Williamson ku dhaliilay xukuumadda UK qaabka ay u wajahdo Soomaaliya iyo Somaliland.

“Markii aan ahaa xoghaya gaashaandhigga waxaan safar ku tegey Soomaaliya anigoo gaaray Muqdisho, waxaanan sidoo kale fursad u helay in aan booqdo Hargaysa, Somaliland. Waxaan arkay waxa xad ee ay labadu ku kala duwan yihiin” ayuu yiri Williamson.

Waa uu sii watay hadalkiisa “waxaad aragtay fowdada iyo amni darrada ka taagan Soomaaliya, misna marka aad tagto Somaliland waxaad arkaysaa dal aad u safri karto, oo ka soo duuli karto, oo aad tagsi u raaci karto bartamaha magaalada, oo aad ku dhex lugayn karto, oo aad dadka la hadli karto. Waxay ahayd mid sahlan, waana mid caadi ah” ayuu yiri.

“Sidaasoo ay tahay waxaan aqoonsannay dal ay fawdo ka taagan tahay, oo aan lahayn sharci, mana aynaan aqoonsan dal ay degenaansho ka jirto oo doorasho ay ka dhacday oo carruurtu ay iskuullada aadaan” ayuu yiri Gavin Williamson.

Wuxuu sheegay in siyaasadda Britain ee arrimaha dibadda ay xaqiiqda ka fog tahay.

Wuxuu wakaaladda PA u sheegay faa’iidada aqoonsi ay Somaliland hesho ugu jirta Somaliland qudheeda iyo beesha caalamka.

“Intaa yar ee aqoonsiga ah, waxaad habeen qura wax kaga beddeli kartaa heerka nolosha ee 5.7 malyan oo qof”.

Xildhibaankaas laga soo doorto koofurta Straffordshire wuxuu intaa sii raaciyey in aqoonsiga Somaliland uu muhiim u yahay amniga Britain iyo baayac mushtarka dunida marka laga hadlayo intaraatijiyadda halka ay ku taallo Somaliland ee gacanka Cadmeed.

Sababta ilaa hadda Somaliland aan loo aqoonsan ayuu farta ku fiiqay inay tahay “fadhiidnimo ka dhex jirta diblomaasiyadda”.

Aragtidaas “fadhiidnimada” waxaa isna qaba Cabdinaasir Axmed Aadan oo ah cilmi baare falanqeeya arrimaha Somaliland. Cabdinaasir ayaa BBC u sheegay in ay talaabo weyn uga dhigan tahay galaangalka Williamson u ictiraafka ugu raadinayo Somaliland.

“waxay ka dhigan tahay in Ingiriisku qaaday talaabo hogaamineed oo uu ku taageerayo qaddiyadda Somaliland o ah qaddiyad ku dhisan sharciyad, siyaasad iyo taariikh, uuna Ingiriisku ka gaabiyey” ayuu yiri.

Wuxuu tusaale u soo qaatay mowqifkii u Ingiriisku ka qaatay markii ay kala go’ayeen Bangladesh iyo Pakistan, isagoo ula jeeda in aysan muhiim ahayn in Soomaaliya wax laga weydiiyo gooni isu taagga Somaliland.

Inkastoo dhowr iyo soddonkii sano ee Somaliland ay raadinaysay aqoonsiga aysan wax ictiraaf ah helin, misna ololaha Gavin Williamson wuxuu yididiillo galinayaa rajada aqoonsiga, laakinse waxay su’aal ka taagan tahay sida dagaalka ka socda Laas caanood uu u saamayn karo wixii aqoonsi ah ee Somaliland ay heli lahayd.

KENYA oo duqeyn culus ka fulisay GEDO + Khasaaraha

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo saaka ka dhacday deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid kamid ah labada qof ee geeriyootay ayaa ahaa wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Miskiinow.

Sidoo kale duqeyntaan ayaa geysatay burbur xoogan, maadaama uu weerarku ka dhacay goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaca ka qaaday in weli xaaladdu ay kacsan tahay, isla-markaana ay dareemayaan cabsi xoogan.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka Gedo iyo Kenya oo ku aadan weerarka maanta ka dhacay halkaasi.

Duqeyntan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Gedo iyo deegaanada ku yaalla xadka labada dal.

Si kastaba, weerarkan cusub ayaa u muuqda mid jawaab u ah weerarada ay Al-Shabaab ku qaadaan gudaha waddanka Kenya, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii la soo dhaafay.

Wareysi: Saabeey oo bixiyey xog yaab leh iyo ‘dagaal lagu qaaday’ isaga iyo Cali Jeyte

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Saabeey ayaa ka hadlay eedeynta musuq maasuq ee loo heysto, isagoo shaaciyey halka uu joogo.

Muxudiin ayaa sheegay in u jeedo siyaasadeed oo salka ku heysa dagaalka ay la galeen Al-Shabaab lagu beegsaday isaga iyo guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

“Ujeedada beegsigeyga waa hankayga Hirshabeelle oo laga cabsi qabo, aniga iyo Cali Jeyte isku u jeedo weeye duulaanka nala ku qaaday, waa in aan argagixisada lala dagaalamin,” ayuu yiri Muxudiin Saabeey oo wareysigaan siiyey Weriye Faarax Geylan.

Saabeey ayaa markii lagu soo eedeeyey musuq maasuqa wuxuu u baxsaday dhanka gobolka Shabeellada Dhexe, wuxuuna wareysigaan ku sheegay in deegaankiisa uu joogo oo dalka uusan ka bixin.

Sidoo kale Saabeey ayaa sheegay in la dagaalanka musuqa uu aad u taageersan yahay, balse asaga aan sharci loo marin baaritaankiisa oo beegsi toos ah uu kala kulmay xafiisyo gaar ah.

“Aniga musuq maasuq maana sameyn, qof kasta oo sameeyana waan ka soo hor jeeda, laakiin waa iska arrimo siyaasadeed in qolo u socota booskaaga ay ku arbushto,” ayuu yiri.

Saabeey ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in hey’adaha cadaaladda uu hor tago oo musuqa lagu eedeeyey uu iska beri yeelo, waa hadii la helo garsoor dhex-dhexaad ah, sida uu hadalka u yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray Saabeey in ragga baacsanaya dadka ee musuqa la dagaalamaya ay yihiin shaqaale u shaqeeya madaxda xukunka joogta, balse loo baahan yahay garsoor madax-banaan oo siyaasadda banaanka ka jooga.

“Ma jirto cid I baartay ama wax I weydiisay, waxaana ka war helay in waaran la ii jaray, taasna sharci maaha, cid su’aal I weydiisay oo garsoorka dalka ka tirsan hadey jirto waa igala doodi kartaa,” ayuu yiri Saabeey.

Ugu dambeyntii Muxudiin Saabeey wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab uu muddo dheer dagaal kula soo jiray oo macawiisleydii ugu horeysay uu ka aas-aasay Shabeellada Dhexe, isla markaana dagaalkaan lagu qaaday uu salka ku haayo dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso wareysiga

ATMIS oo shaacisay inay ka baxday 7 saldhig + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa howlgalka ATMIS, ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha kala guurka ee amniga Soomaaliya.

Mohamed El-Amine ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inay bilaabeen qorshahooda ka bixitaanka Soomaaliya, isla-markaana ay wareejiyeen illaa 7 saldhig oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay hadda ka howlgalaan ciidamada Soomaaliya.

Todobada saldhig ee ay wareejiyeen ayaa kala ah: Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub.

Xerada Gherille oo ku taalla Gedo  ayaa waxaa ku sugnaa ciidamaka Kenya oo hadda isaga baxay, halka saldhigga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka magaalada  Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen ciidamada Uganda ee qaybta ka ah ATMIS.

Wakiilka Midowga Afrika ayaa sababta ay uga soo baxeen xerooyinkaasi ku sheegay inay qayb ka tahay suurtagalnimada dhimmista Ciidanka Nabad ilaalita Soomaaliya u jooga ee ATMIS, kuwaas oo tiradooda ay gaarayaan 2,000 oo Askari.

ATMIS oo ka kooban illaa 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah ayaa waxaa qasab ah in la yareeyo illaa laga geeyo dhammaadka 2024, ayaga oo si tartiib ah awoodda ugu wareejinaya ciidamada Soomaaliya.

Si kastaba, qorshahan ayaa kusoo aadayao, ayada oo weli ay dalka qaybo kamid ah ku sugan yihiin Al-Shabaab oo weli dagaal kula jirta dowladda , waxaana ugu dambeeyay oo ay shalay weerartay xerada Gheille oo kamid ah meelaha ay ka baxeen ciidanka ATMIS,

Duulaanka Al-Shabaab ee saldhigga deegaanka Gheille ayaa muujinaya inay kooxda ka faa’iideysaneyo qorshaha kala guurka ee haatan socdo, maadaama ay weeraro ku billowday maalmo gudahood saldhigyadii ugu dambeeyay ee ay wareejiyeen ATMIS.

Xiisadda Somaliland oo kasii dareysa iyo mucaaradka oo digniin culus u diray…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Somaliland ayaa kasii dareysa, iyada oo mucaaradka uu digniin culus kasoo saaray kala horeynta doorashooyinka Somaliland.

Xiisadda doorashooyinka ayaa markale cirka isku sii shareertay kadib markii Guddiga Doorashooyinka Somaliland uu Maxkamadda Sare ka dalbaday in go’aan ka gaadho doorashada soo horeynaysa ee Madaxtooyada iyo midda ururrada.

Guddiga ayaa ka codsaday maxkamadda sare in tafsiir rasmi ah ay ka bixiyaan tan xaqa u leh inay soo horeyso labada doorasho ee isku hayaan xukuumadda Muuse Biixi iyo mucaaradka.

Xisbiyada mucaaradka ayaa doonaya inay soo horreyso doorashada Madaxtooyada Somaliland, halka xukuumadda iyo xisbiga tallada haya iyo weliba ururrada cusub ee siyaasadda ay doonayaan inay soo horeyso doorashada ururrada.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay xiisadda taagan ayaa soo jeediyay in xalka keliya ee lagaga bixi karaa uu yahay doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu.

“Awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Qaraarkii hore ee Maxkamadda sare ee sannadkii hore ayaa sabab u ahaa khilaafka doorashooyinka ee daba dheeraaday ee maanta dalka ka taagan.”

Guddoomiye Cirro ayaa waxa uu maxkamadda sare uga digay in ay Somaliland ku rido god mugdi ah, xilli ay xaalad adag oo amni iyo siyaasadeed ka taagan tahay gudaha Somaliland.

“Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasi, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta mas’uulyadeedana uu qaadi doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare!.”

Biden iyo Kristersson oo ka wada-hadlay xubinimada Sweden ee xulufada NATO

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ku qaabilay ra’iisal wasaaraha Sweden Ulf Kristersson, xilli Maraykanku uu ka shaqaynayo sidii uu Turkiga ugu qancin lahaa inay meel mariyaan xubinimada Sweden ee NATO, ka hor kulanka ay gaashaanbuurta NATO ku yeelanayaan dalka Lithuania, toddobaadka soo socda.

Biden ayaa sheegay in Sweden ay awood ku soo kordhin doonto Isbahaysiga NATO, sidaas awgeedna ay muhiim tahay in la meel mariyo xubinimadeeda.

Turkiga ayaa weli ka cago-jiidaya inuu ansixiyo xubinimada Sweden, isaga oo hordhigay shuruudo kala duwan, ka hor inta aanay ansixinin.

Ankara ayaa ku eedaynaysa Sweden inay gabaad siiso kooxaha mayalka adag ee Kurdiyiinta, kuwaas oo ay Turkey u aqoonsan tahay inay yihiin argagixiso. Turkiga ayaa ka dalbaday Sweden inay dib u habayn samayso, gaar ahaan, xeerkooda la dagaalanka argagixisada.

Illaa haatan ma kala cadda, in la ansixin doono xubinimada Sweden, shirka dhacaya toddobaadka soo socda.

ISHA: VOA

Daawo: Hanti-dhawraha oo war kasoo saaray baaritaano musuq oo socday 2 bilood

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa galabta shaaciyey inay soo gabagabeeyeen wajiga koowaad ee baaritaanka xafiisyo lagu tuhmay musuq maasuq ka dhex dhacay hey’adaha dowladda.

Guutaale oo ka qeyb galayb  kulan su’aalo weydiin ah oo warbaahinta iyo aqoonyahano badan ay ka qeyb galeen ayaa soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan hanaankii ay u wajaheen baaritaanka uu sheegay in wajigiisa 1-aad ay soo gabagabeeyeen.

“Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka wuxuu ku dadaalay in baaristaan lagu saleeyo cadaalad iyo hufnaan,” ayuu yiri Abuukaate Axmed Ciise Guutaale.

Wuxuu sheegay in baaritaankaan uu socday muddo laba bilood ah, isla markaana ay xafiiska xeer ilaaliyaha guud u gudbiyeen warbixinta 20-kii bishii hore ee Juun.

“Sida ku cad dastuurka, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka wuxuu u taagan yahay ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed, si madax banaan oo hufan ayuu xafiisku u sameeyey baaritaankaan, waxaana u mahad celineynaa dhamaan xafiisyadii masuuliyiintii lagu sameeyey baaritaanka fatashka ah oo si hufan noola shaqeeyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guutaale.

Sidoo kale Handhowraha qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay sharciga u waafajiyaan warbixinnada ka soo baxaya xafiiska iyo sida ay ula wadaagaan warbixinadooda hey’adaha fulinta iyo sharci dejinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan bilowday dagaal culus oo ka dhan ah musuq maasuqa, waxaana xabsiga loo taxaabay, qaarkoodna maxkamad la soo taagay masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Waxaa jirta hadal heyn ah in baaritaan ay ku kooban tahay masuuliyiinta xafiisyo hoose oo gaar ah, iyadoo dadka qaar ay dowladda ku eedeynayaan in baaritaankaan musuqa aysan daacad ka aheyn.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka dhex aloosan beelaha Abgaal iyo Xawaadle

0

Ceelbaraf (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha dowlad-goboleedka HirShabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore oo ay wehlinayaan wasiiro ka tirsan maamulka iyo xubno ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka HirShabeelle ayaa gaaray degmada Ceel-baraf iyo deegaano kale oo hoostaga.

Wafdigaan ayaa halkaas u tegay sidii ay u dhex-dhexaadin lahayeen khilaaf u dhaxeeya beelo wada dega xuduuda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo xiisadd dagaal ay ka taagan tahay.

Wafdigan uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha maamulka ayaa kulamo kala duwan ka wada halkaas, iyaga oo la kulmay waxgaradka deegaanada ay gaareen.

Sidoo kale waxay kulamo la qaadan doonaan waxgaradka kale, si loo dejiyo xisaadda ka aloosan deegaanka Xalfooleey ee hoostaga degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa si habsami leh u socda daadallada xal loogu raadinayo xiisadda taagan, ayada oo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdi Waare ay taageero u muujiyeen dadaalladan oo uu garwadeen ka yahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe.

“Madaxweyne Cali Guudlaawe wafdi ayuu diray waa tallaabadii habooneyd taas ha laga warsugo taas ayaa xoojineyna anaga,” ayuu yiri Shariif oo sheegay inay garab taagan yihiin dadaallada uu Guudlaawe xal ugu raadinayo xiisadda taagan.

Arrimahan ayaa imanaya xilli qaar kamid ah waxgaradka beesha Abgaal ee degta xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay soo saareen digniin ku socota beesha Xawaadle.

Odayaal u hadlay beesha Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay xuduuda labada gobol ka bilowday dhul balaarsi cusub.

Sidoo kale odayaashaan waxay sheegeen in xaaladda ka taagan xuduuda labada gobol ay qarka u saaran tahay gacan ka hadal, iyagoo balan-qaaday in nabad darrada aysan ka bilaaba doonin Abgaal, balse ay ka baqayaan in walaalahood Xawaadle uu bilaabo.

Dhankooda odayaasha Xawaadle oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal aysan u qabin beesha Abgaal, islamarkaana ay ku baaqayaan nabad iyo walaalnimo.

Odayaasha ayaa waxay soo jeediyeen in guddi ka socda labada dhaqan ee beelaha Abgaal iyo Xawaadle loo diro xuduuda uu khilaafkaasi ka taagan yahay.

Waxay ballan-qaadeen in natiijada baaritaanka la sameeyo uu dhankooda ka dhaqan geli doono oo dib ay ugu soo celi doonaan walaalahood Abgaal wixii ay sitaan.

Si kastaba, Xiisadaan cusub ayaa timid xilli xaaladda gobolka Hiiraan ay qasan tahay oo maamulkii uu khilaaf culus ka dhex taagan yahay, sidoo kalena dhulka uu murankaani ka taagan yahay dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Puntland oo amar culus kusoo rogtay Garoowe xilli ay xiisadd taagan tahay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo la xiriirta amniga caasimadda, oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd xiisadd u dhaxeysa xukuumadda Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Maamulka ayaa mamnuucay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasimadda maamulka ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxay digniin kama dambeys ah siisay dad ay sheegtay inay wadaan kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha, iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn, islamarkaana ciddii lagu helo ay wajahi doonto sharciga.

“Dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaan xeryahooda, si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir amniga Puntland looga hadlayay oo ka qabsoomay Garoowe.

Waxaa maanta xarunta dhexe wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta dowlad-goboleedka Puntland ka dhacay shir looga hadlay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan amniga caasimadda Puntland.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga wada-hadlay xaaladda amniga guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka amniga caasimadda oo baarlamaanku meel-mariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta amniga gudaha.

Shirkaan aywa waxaa ka soo qayb-galay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga maamulka Ismaaciil Saleebaan Geelle, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), taliyaha ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire, taliyaha la-dagaalanka argagixisada iyo mukhaadaraadka Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirkaan, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Faarax, guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed iyo Duqa caasimadda Cabdiqaadir Axmed Maxamuud.

Ugu dambeyntiina masuuliyiintii ka qayb-galay shirka amniga Puntland gaar ahaan caasimadda ayaa isku raacay qodobada hoos ku xusan, iyada oo la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka amniga, kuwaasi oo kala ah;

1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasumadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaa Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah.

2. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga.

3. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga.

4. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka.

5. In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.

Turkey oo ka digtay arrin la isku dayayo in lagu cadaadiyo

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa Talaadadii ka digtay in aan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO.

Waxay sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga.

Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin Brussels, si ay uga wada-hadlaan damaca Stockholm ay ku noqoneyso xubinta 32-aad ee NATO.

NATO ayaa rajeyneysa inay Sweden kusoo dhoweyso xulufada kahor kulan madaxeedka ka dhacaya Lithuania 11-ka illaa 12-ka July.

Hase yeeshee, Turkey iyo dalka kale ee xubinta ka ah NATO ee Hungary ayaa diidan inay ogoladaan Sweden, sababo la xiriira murano kala gaar gaar ah oo kala dhaxeeya.

Dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qasab ah inay wada ogolaadaan si dal cusub uu xubin uga noqdo isbaheysiga.

“Marnaba ma ogolaaneyno isticmaalka cadaadiska waqtiga,” Fidan ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id.

Ankara ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanada ay Sweden ku fasaxday dibad-baxyo ay dad Islaamka neceb ay bogag ka mid ah qur’aanka ku hor gubeen safaaradda Turkey ee Ankara iyo Masaajiddo.

Dibad-bixii ugu dambeeyey ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Adxa ka dhacay magaalada Stockholm.

Fidan ayaa dhacdooyinkaas ku sheegay inay tusaale u yihiin in Sweden ay ku guuldarreysatay inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay sameysay markii hore ee ay ku guuleysatay taageerada Turkey sanad kahor markii ay codsiga NATO ku gudbisay Madird.

“Hannaanka amni ee Sweden awood uma lahan inuu joojiyo kicinta, tani macnaheedu ma ahan inay awood dheeri ah keenayaan NATO balse dhibaato dheeri ah,” ayuu yiri.

“Marka ay noqoto xeeladda iyo amniga, marka aan ka wada-hadleyno xubinnimada Sweden ee NATO, waa su’aal la xiriirta haddii ay noqon doonto faa’iido ama culeys.”

AFP + VOA

Shariif oo shaaciyay arrin ay isfaham ka gaareen Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray kulan uu shalay Madaxtooyada Qaranka kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif ayaa waxa uu shaaciyay in kulankaas ay madaxweynaha iskula qaateen in si deg deg ah u qabsoomo kulan ay isku arki doonaan siyaasiyiintii horay u diiday heshiiskii 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Kulanka Shariif iyo Xasan ayaa ahaa kulankii labaad ee noociisa ah, kadib markii ay siyaasiyiintii mucaaradka ay meel adag iska taageen heshiiskii u dambeeyay ee Golaha, kaasi oo wax ka bedel loogu sameeyay hanaanka doorashooyinka dalka.

“Aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan Madaxtooyada ku yeelanay kulan gaar ah. Aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan isku raacnay in shirkaas u qabsoomo si deg deg ah, ayna ka soo qayb galaan siyaasiyiintii soo saaray warmurtiyeedkii looga soo horjeeday heshiiskii GWQ,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu soo saaray.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha ay ka wada-hadleen xaalada dalka iyo arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay.

Kulanka madaxweyne Xasan iyo Shariif ayaa hordhac u ah kulamo siyaasadeed oo maalmaha soo socda uu bilaabayo madaxweynaha Soomaaliya.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Farmaajo.

Siyaasiyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkaan Muqdisho imaanaya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoon doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Si kastaba, Sheekh Shariif ayaa madaxweynaha horey uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha weerarkii Geriley iyo war kasoo baxay Jubaland

Garbahaareey (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay weerar ay kooxda Al-Shabaab xalay fiidkii ku qaaday deegaanka Geriley, gaar ahaan saldhig ay ciidanka Daraawiishta Jubbaland ku lahaayeen deegaankaasi.

Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo la hadlay VOA ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka warheleen, islamarkaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen kooxdii weerarka soo qaaday.

“Khawaarijta ayaa bacda maqrib weerar kusoo qaaday ciidnka xogtoodana waa la hayay oo nidaam fiican ayuu ciidanka sameeyay oo markii xabadda ay bilaabeen meel aysan iyagu fileyn ayaa xabadda looga bilaabay, dhimasho iyo dhaawac fara badan ayay jiidanayeen,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland oo la hadlay VOA.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khasaaraha ciidanka kasoo gaaray weerarkaas uu yahay dhaawaca hal askari, uuna jirin wax dhimasho ah, sida uu sheegay.

“Wax askar ah oo dhintay ma jiraan, hal askari ayaa naga dhaawacmay. Dadka rayidka ah wax khasaare ah oo soo gaaray nalooma sheegin, koley waa ogaan doonaa laakiin wax khasaare oo naloo soo sheegay majiro.”

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu beeniyay in kooxda Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Geriley, “May oo xilli ay la wareegaan majirin waa la jabiyay oo waa carareen oo dhaawac iyo dhimasho ayay sii jiidanayeen.”

Ugu dambeyntiina waxa uu wasiirka ka dhawaajiyay in ciidamada Daraawiishta ee la soo weeraray ay gacan ka heleen ciidanka Kenya ee ku sugan dhanka xuduudda.

“Waxaa jira ciidan dhanka xuduudka ku jira oo ciidamada Kenya ah oo ciidankayaga madaafiic ku caawinayay ee wax diyaarado la yiraahdo ma jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland.

Saldhiga Geriley ee weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab ayaa waxa uu ka mid yahay saldhigyadii ay toddobaadkii hore wareejiyeen ciidamada Kenya ee ku jira ATMIS.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sladhigga la weeraray ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horay ATMIS ugala wareegay xeradaasi.

Weerarka Al-Shabaab ayaa muujinaya inay kooxda ka faa’iideysaneyo qorshaha kala guurka ee haatan socdo, maadaama ay weeraro ku billowday maalmo gudahood saldhigyadii ugu dambeeyay ee ay wareejiyeen ATMIS.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qorshuhu yahay inuu billowdo wejiga labaad ee dagaalka oo ay kusoo biirayaan dalalka dariska ah.

SSC-Khaatuma oo hal arrin ka dalbatay Xasan Sheekh

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah hoggaanka sare ee dhaqanka SSC-Khaatuma oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood iyo dagaalka weli ku jiraan ciidamada Somaliland.

Ugu horreyn Garaadka ayaa shaaca ka qaaday in reer Laascaanood dagaalkan lagu qasbay, isaga oo eedeymaha ugu jeediyay xukuumadda Somaliland.

Garaad Jaamac ayaa sidoo kale farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay arrinta Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ay dooneyso inay dhex-dhexaad ka noqoto dagaalka, si ay u raalli-geliso labada dhinac, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Cidda ay mas’uuliyaddan saarantahay ee aad mooddo weli in kii dulmiga waday iyo kii la dulminayay ay isleedahay wada raali gali waa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Garaadku.

Waxaa kale oo dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu baaqay inuu go’aan dhab ah ka qaado colaadka Laascaanood, sidoo kale uu caddeeyay mowqifka dowladda federaalka ee ku aadan dagaalka SSC-khaatuma iyo Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sidoo kale wareysigan ku sheegay in dowladda dhexe laga rabo inay caalamka u sheegto cida gar darran labada dhinac, maadaama ay xaaladdu faraha kasii baxeyso, welina uu socda dagaalka uu dhiiga badan ku daadanayo ee Sool.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xuskii kowda Luulyo khudbaddii uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay dagaalka Laascaanood, isaga oo farriin u diray labada dhinac, taas oo oo arkay madaxweynuhu inuu ka gaabsayo eedeynya Somalilamd.

Jubbaland oo ka hortimid qorshaha bixitaanka ATMIS

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS oo ay si weyn u dooneyso dowladda federaalka, ayada oo la filayo in dhammaanka sanadka 2024 ay ka baxaan dalka.

Sayid Aadan ayaa ka horyimid qorshahan, isaga oo uu tilmaamay inuu yahay mid aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Jubbaland ay ka walaacsan tahay qorshaha bixita ATMIS, maadaama weli dalka uu ka socdo guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa xusay haddii aan laga fiirsan arrintan in fursad weyn ay heli doonaan Al-Shabaab oo haatan halis ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay marar badan isku dayeen in la hakiyo qorshahan, balse laga dhaga fureystay, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeyso dowladdii hore.

“In la hakiyo ayay ahayd, marar badan waan codsanay, madashana way kawada hadleen, laakiin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS inay dalka ka baxaan, waxaana qorshahaas ka dambeeyay dowladdii hore,’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Soomaaliyeedn aysan xilligan la wareegi karin amniga dalka, wuxuuna sheegay inay u baahan yihiin fursado kale.

Wuxuu ku taliyay in laga hortego isku-dayada Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay sameyn karaan falal aargoosi ah oo ka dhan ah dadkii iyaga kasoo horjeeday.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday in ATMIS ay dalka ka baxeyso, amnigana ay la wareegayaan ciidamada Xoogga dalka, waxaana haatan bilowday fulinta qorshahan, maadaama 7 saldhig ay wareejiyeen ciidamada ATMIS.

Daawo: Koofi oo shaaca ka qaaday ujeed laga leeyahay dagaalka musuq-maasuqa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ee ay haatan billowday dowladda federaallkaSoomaaliya.

Koonfi ayaa kamid ah mas’uuliyiinta lasoo eedeeyay ayaa shaaca ka qaaday in ujeed gaar ah laga yeelay qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka ayaa xusay in la doonayo kaliya in la ceebeeyo dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Arrintan sida loo dhigayo marka la fiiriyo ama ayn u socoto iyo faragelinta, qaylada iyo buuqa waxa ka daba furan markaad aragtid waxay u muuqaneysaa arrin laga yaabo in ujeedooyin gaar ah laga leeyahay” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa suuragal ah oo ii muuqaneyso in ujeedka uu yahay in dowladdii hore oo dowladdan ka horreysay ay tahay wax loogu talagalay in lagu ceebeeyo”.

Maxamed Aadan Koofi intaasi kusii daray haddii uu dhab yahay dagaalkan in loo baahan yahay in baaritaanka laga soo bilaabo muddo xileedkii 2012-kii oo uu tilmaamay inuu jiray khaladaad badan, isla-markaana la dhacay xoolo dadweyne, sida uu hadalka u dhigay.

“Sababta waxaa waayay ragga hadda xukunka jooga markii ay joogeen 2012, illaa 2017-kii dalka daqliga waxaa lagu uruurin jiray baco iyo jawaanno, waxaana lagu qaadi jiray meelo kala duwan, ayada oo hay’ado kala duwan ay uruurin jireen” ayuu mar kale yiri Mr. Koofi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii la doonaya xaqiiqada dhabta ah in dib u eegis lagu sameeyo systemka la sameeyay oo uu tilmaamay in wax kasta lagu ogaan karo, balse waxa uu carabka ku goday in dano siyaasadeed iyo kuwa gaar ahaaneed intabal aga leeyahay arrintan, isla-markaana lagun beegsanayo shaqsiyaad gaar ah.

Al-Shabaab oo WEERAR ku qaaday xero ay dhowaan wareejiyeen ciidanka ATMIS

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Talaadadii shalay uu weerar ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Geriley oo ay isaga soo baxeen ciidamada ATMIS.

Weerarka oo ay qaadeen Al-Shabaab ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigga Geriley oo ka mid ahaa saldhigyadii ay toddobaadkii hore wareejiyeen ciidamada Kenya ee ku jira ATMIS.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos oo u dhexeeyay ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo raggii weerarka qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaallo la’isku noq-noqday ay saldhigga ka dhaceen, kuwaas oo geystay khasaarooyin iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee lagu ekeeyay sadlhigga deegaanka Geriley ee gobolka Gedo.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sladhigga la weeraray ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horay ATMIS ugala wareegay xeradaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay haatan ciidamada ATMIS ayisaga baxaan dalka,waxaana la diyaariyay bixitaanka labadii kun ee ugu horreysay.

Duulaanka Al-Shabaab ee saldhigga deegaanka Geriley ayaa muujinaya inay kooxda ka faa’iideysaneyo qorshaha kala guurka ee haatan socdo, maadaama ay weeraro ku billowday maalmo gudahood saldhigyadii ugu dambeeyay ee ay wareejiyeen ATMIS.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana qorshuhu yahay inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka oo ay kusoo biirayaan dalalka dariska ah.

Daawo: Jeesow oo sheegay in 11 qof oo beeshiisa ah ay Danab gacanta u galeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa war ka soo saaray dad ka soo jeeda beeshiisa oo sida ay sheegay ay ciidanka Danab xabsi ku gureen, kadib markii lasoo qabtay iyagoo hubeysan.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada Danab ka sameeyeen aagga degaanka Yaaqbari-weyne ee gobolka Shabeellada Hoose lagu soo qabtay 11 qof oo u dhashay beesha uu metelo ee Gaaljecel.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadkaas loo heysto Shabaabnimo, balse ay yihiin shacab difaac uga jiray beel kale oo la degta deegaanada hoos taga degmada Walaweyn oo dagaal sokeeye uu kala dhexeeyo.

Beesha uu metelo xildhibaan Daahir Jeesow ee Gaaljecel ayaa dagaal xal loo waayey oo dakanadiisu ay sanado badan taagan tahay wuxuu kala dhexeeyaa beesha Shan-caleemood oo ay wada degaan Wallaweyn iyo qeybo badan oo Sh/Hoose ka mid ah.

“Ciidanka Danab Shabaqii ay dhigteen waxaa ku dhacay dad rayid ah oo hubka u soo qaatay difaacu-nafsi,11-qof oo reer Miyi ah oo aan Xildhibaankooda ahay ayey xireen Ciidanka Danab, waan baaray arrintaas, waxaan hayaa liiska 11-ka qof oo aan hubiyey inay shacab yihiin,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in hubkaas aan loo wadan in lagu dhibaato dowladda ama dad kale, balse dadku ay u hubeysan yihiin, sidii ay u difaacan lahaayeen naftooda oo kaliya.

Xildhibaanka oo la hadlay Somali Cable TV ayaa sheegay in dadkaas shacabka ah laga qabqabtay daafaha deegaanka Yaaqbariweyne xilli ay doonayeen inay soo galaan magaalada iyagoo safar ah oo miyiga ka yimid.

“Hadii ciidanka Danab loogu sheekeeyey magaalada Shabaab ayaa yimaada maalmaha qaar oo Shabaab ay shabaq u dhigteen, waxaan u cadeynayaa in shabaqaas aysan Shabaab ku dhicin oo shacab hubkooda difaacu nafsi u soo qaatay ay ku dhaceen,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir.

Ugu dambeyntii Jeesow ayaa taliska ciidanka Danab ka codsaday in 11-kaas qof iyo hubkooda ay si nabad ah ku sii daayaan, maadaama uu soo xaqiijiyey in aysan Shabaab aheyn, isagoo xildhibaankoodii ah.

Hoos ka daawo

Caalamka oo ka walaacsan farsamo casri ah oo khatar ku ah ammaanka dunida

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay qabanayaan kulankii ugu horreeyey ee ku saabsan halista uu garaadka macmalka ah ee la horumariyey “Artificial Intelligence”, uu ku hayo nabadda iyo xasiloonida caalamka.

Bishan July 18-keeda ayaa loo ballansan yahay in la qabto kulankii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagaga hadlo, halistan ku soo korodhay caalamka, waxaana kulankan gadhwadeen ka ah dawladda Ingiriiska.

Garaadka Macmalka ah ayaa loo arkaa inuu halis badan ku hayo ammaanka dunida, maadaama si madax-banaan loogu adeegsan karo maamulka, hubka meelaha durugsan laga hago ama xataa hubka nukliyeerka oo ku xidhan aaladaha internet-ka ku shaqeeya.

Danjiraha Ingiriiska u fadhida Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shaacisay in dalkeedu uu horkacayo, sidii caalamku wax isaga weydiin lahaa halista barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu marti-qaado khubaro aqoon durugsan u leh garaadka macmalka ah, iyo weliba Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasi oo toddobaadkii hore soo saaray qaylo dhaan ku aaddan, xawaaraha ay ku socoto, horumarinta barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah.

Xoghayaha Guud ayaa hore u sheegay, isaga oo soo xiganaya saynisyahanada iyo khubarada aqoonta u leh in barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ahi inay halis aad u weyn ku hayaan jiritaanka aadanaha, iyagoo horseedi kara in si fudud loo adeegsado hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inuu bisha September soo magacaabi doono gole ka soo talo bixiya garaadka macmalka ah ee horumarsan, kaasi oo diyarin doona qorshe ay ku hawlgasho Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu ku talo jiro inay yagleelaan hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay oo si gaar ah isha ugu haysa, barnaamijyada garaadka macmalka ah, taasi oo la mid ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha Nukliyeerka ee IAEA.

Garaadka Macmalka “Artificial Intelligence”

Aaladaha Computer-ada iyo barnaamijyada kale ee Internetka ku xidhan ayaa caadiyan u baahan inay helaan tilmaamaha iyo amarada aadanaha, si ay u qabtaan shaqooyinka iyo hawlaha ay fulinayaan.

Hase ahaatee, Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey ayaa haatan loo qaabeeyey inuu ka maarmi karo shaqada, tilmaamaha iyo amarada uga imanaya aadanaha.

Si la mid ah, maskaxda aadanaha, barnaamijyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah ayaa u baahan inay helaan macluumaad aad iyo aad u faro badan, kaasi oo ka caawin kara inay si hufan u shaqeeyaan.

Garaadka Macmalka ah ayaa laga soo minguuriyey habka ay u shaqayso maskaxda aadanuhu.

Daawo: Odayaasha beesha Xawaadle oo ka jawaabay hadalkii kuwa beesha Abgaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle ayaa ka soo jawaabay eedeyntii kaga timid odayaasha dhaqanka beesha Abgaal oo sheegay in Xawaadle uu dhul boob ka wado xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Odayaashaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaal aysan u qabin beesha Abgaal, isla markaana ay ku baaqayaan nabad iyo walaalnimo.

Sidoo kale odayaasha Xawaadle ee maanta hadlay waxay soo jeediyeen in guddi ka socda labada dhaqan ee beelaha Abgaal iyo Xawaadle loo diro xuduuda uu khilaafkaasi ka taagan yahay.

Odayaasha Xawaadle waxay balan qaadeen in natiijada baaritaanka la sameeyo uu dhankooda ka dhaqan geli doono oo dib ay ugu soo celi doonaan walaalahood Abgaal wixii ay sitaan.

“Walaalaheen waxaan ka wadno waa ogonahay, laakiin hadda waxaan qabnaa in waxaba aanaa u dhibin Abgaal, hadalkii maalin dhaweeto ka soo yeeray wuxuu ahaa mid colaadeed, nabad ayaan ku baaqeynaa, anagu dhihi meyno saacado kooban ayaan u qabaneynaa Abgaal,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha u hadlay beesha Xawaadle.

Oday kale ayaa yiri, “Abgaal sidii safaaradii Ruushka ayey 48 saacadood noo qabteen, hadana waxaan aaminsan nahay in dhul nooga maqan yahay walaalaheen, anagu waxaan diyaar u nahay inaan gogol dhigno meesha xiisadaasi ay ka taagan tahay.”

Odayaasha Xawaadle ayaa beelaha kale ee Mudullood iyo guud ahaan Hawiye waxay ka codsadeen in la kala qabto walaalahood Abgaal oo iclaaminaya dagaal sokeeye, sida ay hadalka u dhigeen, “Waxaan soo jeedineynaa in dhaqanka iyo siyaasadda aan la isku milin oo dhaqanka labada beelood loo daayo xalka arrintaan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ka hadlay xiisadda u dhaxeysa beelaha Abgaal iyo Xawaadle, kadib shir jaraa’id oo Muqdisho ay ku qabteen.

Labada masuul oo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay colaadaan ayaa sheegay in arrintaan ay tahay caqabad lagu fashilinayo dagaalka Al-Shabaab, “Dagaal nagula farad yeelay oo aan ka baaqsan karin ayaa nagu furan oo waa dagaalka Al-Shabaab. Mid kuwa meesha jooga iyo kuwa kale aan kala kaseyn oo in uu ku dilo kaliya loo soo diyaariyay oo waxba ku weydiineyn kaas ayaa jooga,” ayuu yiri Sheekh Shariif.