27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray masaajidkii ay gubeen Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Carabta oo ka hadlay weerarkii ay maalmo kahor Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cambaareeyay falkii ay kooxda ku gubtay masaajiidkii deegaankaasi.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay dambi fool xun, isla-markaana kasoo horjeedo shareecada Islaamka iyo qawaaniinta caalamka ah.

Baarlamaanka  Carabta ayaa sidoo kale xusay in falkan uu caddeynayo in argagixisadu aysan diin laheyn, sidoo kalena ay dhibaato ku tahay dadka iyo dalka.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamayso khawaarijta heer gobol iyo mid caalami

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Carabta uu mar kale ku celiyay in si buuxdo ay u  garab siinayaan dagaalka dowladda ugu jirto ciribtirka kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Falkii lagu gubay masaajidka Daaru-Nimca ayaa dhaliyay falcelin xoogan, waxaana horay uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo arxan laawayaal ku tilmaamay Al-Shabaab.

Dhanka kale looxda Al-Shabaab ayaa ayadana markii u horreysay ka hadashay masaajid ay ku burburisay weerarkii dhawaan ay ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ee degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu sababta loo burburiyay masaajidkaas ku sheegay in ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa dowladda ay ka dhigteen saldhig ciidan.

“Masaajidka waxaa saldhig ka dhigtay ciidanka dowladda oo waxay noqotay goob lagu qayilo oo lagala diriro (kooxda) oo dadka masaakiinta ah lagu xabiso,” ayuu yiri Kaba-Kutukade oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, weerarka kadib ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka deegaanka Daaru-nimca oo Al-Shabaab ay qaraxa ku burburiyeen.

Ciidamada ISRAEL oo isaga baxay Daanta Galbeed

Jerusalem (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa saaka oo Arbaco ah ku dhawaaqay in lasoo afjaray hawlgal laba maalmood socday oo ay ka wadeen deegaanka Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kaasi oo lagu dilay 12 falastiiniyiin ah iyo hal askari oo Israa’iili ah.

“Howlgalku si rasmi ah ayuu u soo dhammaaday, ciidamaduna waa ay ka baxeen deegaanka Jenin,” ayay tiri afhayeen u hadashay ciidamada oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP.

Milatariga Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee shalay billaabay duullaanka ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin, iyadoo amarkan uu bixiyay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Duullaankan oo ah kii ugu weynaa ee ay Israa’iil ka fuliso Daanta Galbeed muddo sanado ah, waxaana ka qeybqaatay boqollaal askari iyo sidoo kale duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo cagaf-cagafyada ciidamadu ay ku burburiyeen waddooyinka.

Israa’iil ayaa markii dambe duqeymo cirka ah ku qaadday marinka Qaza kaddib markii ay ka hortagtay shan gantaal oo Israa’iil looga soo riday dhulka ay go’doomisay ee Falastiin.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in weerarku uu ku dhacay goob militari oo kooxda Xamaas ay ku leedahay waqooyiga Qaza balse ma uusan geysan wax khasaare ah.

Somaliland’s quest: Recognition bill challenges UK policy

Mogadishu (Caasimada Online) – “The face of millions of lives could be irreversibly changed overnight,” Sir Gavin Williamson, a former Tory cabinet minister, argued, making a case for the UK Government’s recognition of Somaliland as a sovereign state.

“A single act of recognition could significantly elevate the living conditions and prospects of nearly six million people.”

Somaliland, a self-proclaimed independent state in northwestern Somalia, has been on a quest for international legitimacy since it broke away from Somalia in 1991. 

Despite decades of perseverance, the East African nation still needs to be acknowledged on the global stage. Internationally, it has yet to be recognized as sovereign, even though it enjoys self-governance with a democratically elected government.

Distinct differences, equal consideration

Discussing his forthcoming Republic of Somaliland (Recognition) Bill, Sir Gavin openly criticized the UK’s policy towards Somalia and Somaliland.

He recounted his experience visiting both regions as defense secretary: “My visit to Mogadishu in Somalia presented a stark contrast to Hargeisa in Somaliland. The former was characterized by chaos and insecurity, while the latter represented stability and normalcy.”

In a tone rife with frustration, Sir Gavin reflected, “We recognize the chaotic nation without the rule of law and fail to acknowledge the country with stability, conducting elections and offering education to all children. The UK’s foreign policy doesn’t reflect the realities on the ground.”

Recognition could pave the way for benefits not only for Somaliland but also for the international community.

Sir Gavin said, “Recognition is crucial for British security and global trade due to Somaliland’s strategic position near the Gulf of Aden.”

His argument underscored the importance of endorsing nations that share the same values. “We should encourage countries that align with us rather than rewarding those that don’t.”

Unraveling diplomatic inertia

When questioned why the international community continues disregarding the de facto state in the Horn of Africa, Sir Gavin pointed to a “paralysis within diplomacy.”

He said, “There seems to be a commitment to maintaining the status quo, neglecting the evolving realities on the ground.”

Addressing Britain’s historical involvement in Somaliland and Somalia, Sir Gavin highlighted the UK’s role as the UN pen-holder for both regions.

“We have a duty to spark discussions on addressing this diplomatic stagnation. Ignoring the issue doesn’t diminish its importance or make it disappear.”

If the Republic of Somaliland (Recognition) Bill goes ahead, it could shatter decades of diplomatic stalemate, renewing hopes for Somaliland’s long-awaited international recognition.

Sidee ayaa looga fal-celiyay kulanka Xasan iyo Shariif?

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay kulan uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxtooyada Qaranka kula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu la wadaagay madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-Shabaab lagu cirib-tirayo, sida lagu yiri bayaan ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada.

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa kadib waxa uu u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo, sida lagu yiri bayaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Xasan iyo Shariif ayaa hordhac u ah kulamo siyaasadeed oo maalmaha soo socda uu bilaabayo madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabaas Daahir: “Waa geesinimo inaad dad wax la wadaagto iyagana ay kula wadaagan waxa ay qabaan ama wadatashi ah.”

Maahir Mukhtar Xasan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay kulankaan: “Masha Allah shaqa wacan guulesta waligiin.”

“Jagadee tallow lagu aamusin karaa madaama u yahay tolka. Ha socoto ViVa Xasan,” ayuu yiri Maxamed Jaamac Ciise.

Maxamed Cali ayaa isna yiri: “Allaha idin xafido madaxdii umadda Soomaaliyeed dalkeena maanta wadada kaliya u furan waa in Khawaarijta ka xoreyno, nabad iyo dib-u-dhis ba inoo ballan ah.”

Sakariye Cabdullaahi Maxamuud: “Waan aragna inaad sasabateen ee Puntland usoo dir si uu Saciid Cabdullaahi Deni kugu baryo (Xasanoow).”

“Ninka dhuumanaayee dhabarkiisa muqdoow waa lagu arkaa, hadaad fahantay waad fahantay,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed oo ka fal-celiyay kulankaas.

Maxamed Xikmaawi ayaa isna yiri: “Iga qalee saaxiiboow mucaaradka aad igu soo dhiseysid iga dhaaf miyuu dhahay odeyga.”

Amal Raage: “Ilmo Sheekh waxaa ka go’an in ay goofkooda ka nadiifiyaan Shabaab-ka iyo kuwa ku faraxsan in ay si hoosa ula shaqeeyaan iyo najaasta noo soo shaqo tagtay Viva Ilmo Sheekh cadowgu ha jabo.”

“Wada-tashigu waan Danqaran ee hadba ninka talada dalka haya wada-tashi ha ogaalaado, talo raacna ha noqdo mid toosan waliba,” ayuu yiri Cali Cabdi.

Maxamed Aadan Nuur: “Masha Allah waad mahadsan tihiin mudanayaal.”

Maxamed Goodame ayaa isaguna waxa uu yiri: “Haday jiri jirtay madaxwayne madaxwayneyaashii ka horeeyay qaab xun oo mooryaanimo ah ula dhaqmi jiray hada waxaa jooga madaxwayne ixtiraamaya madaxdii isaga ka horeeysay talladooda qaadanaya u wacanaya si maskaxdooda iyo waayo aragnimadooda uu uga faa’iidaysto.”

Garsoore loo haysto musuq oo maanta la horgeeyay Maxkamadda G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in maanta maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay Garsoore Maxakadeed, kaasi oo ku eedaysan musuq-maasuq iyo xatooyo dadweyne.

Garsoorahaan maanta la horgeeyay maxkamadda ayaa ah guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Degmada Yaaqshiid, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda ayaa eedaysanahaan u gudbisay xabsi ku-meel-gaar ah, kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah ee uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxay eedaysanaha u gudbisay xabsi kumeel-gaar ah, si loo soo dhameystiro baaritaankiisa loona bilaabo Maxkamadayntiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu maxkamadda gobolka Banaadir uu horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

Saraakiishaas oo ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga.

Si kastaba, ciidamada ammaanka ayaa la sheegaya inay weli ku raad-joogaan shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda ee loo haysto musuqa, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Daawo: Shariif oo war kasoo saaray xiisadda dagaal ee beelaha Abgaal iyo Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa beelaha Abgaal iyo Xawaadle ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Shariif oo barbar taagan yahay Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho wax aan la aqbali karin ku sheegay in dagaalka Al-Shabaab laga ag furo dagaallo kale oo macno darro ah.

“Dagaal nagula farad yeelay oo aan ka baaqsan karin ayaa nagu furan oo waa dagaalka Al-Shabaab. Mid kuwa meesha jooga iyo kuwa kale aan kala kaseyn oo in uu ku dilo kaliya loo soo diyaariyay oo waxba ku weydiineyn kaas ayaa jooga.”

“Hadda rag tahay oo tabar haysid xagga aad oo kaas wax ka qabo. Dalkaan waxaa la rabaa inuu istaago dhiigga bilaashka ku daadanaya, oo uu ku istaago hab nabadeed oo waxgaradnimo ah, hab dowladnimo iyo mid maamul uu ku istaago ayaa la rabaa.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxa uu taageeray dadaallo uu sheegay in madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe uu wado, kuwaasi oo xal loogu raadinayo xiisadda dagaal ee u dhaxeysay beelaha Abgaal iyo Xawaadle.

Shariif ayaa waxa uu ku baaqay in miiska wada-hadalka lagu xaliyo wixii la isku hayo, oo aan loo marin dhiig la daadiyo, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“HirShabeelle baryahan khilaafyo iyo culeyso ayaa ka jira waxaa rabnaa in howsha dhulka la dhigo ayaa rabna oo la wada-hadlo, maamul sidiisaba haddii cilad timaado fadhi iyo wada tashi ayaa lagu turxaan bixiyaa,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Madaxweyne Cali Guudlaawe wafdi ayuu diray waa tallaabadii habooneyd taas ha laga warsugo taas ayaa xoojineyna anaga,” ayuu yiri Shariif oo sheegay garab taagan yihiin dadaallada uu Guudlaawe xal ugu raadinayo xiisadda taagan.

Shariif ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in la joojiyo dhiigga sida macno darada ku daadanaya, islamarkaana loo wada jiheysto dagaalka Al-Shabaab, xilli magaalooyin kamid dalka ay ka dhaceen dagaal uu ku daatay dhiig.

“Maanta dadka Soomaaliyeed meel ay joogaan baahi uma qabaan dagaal iyo dhiig daata, waxay u baahan yihiin nabad iyo nolol fiican ay helaan oo sharafkooda uu soo noqdo. Dalkaan waa naga badan yahay kheyraadka ku jira naga badan.”

Deegaanka ay hadda xiisadaasi ka taagan tahay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xalfooley, wuxuuna dhacaa xuduuda labada gobol, Xalfooley ayaa ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Hadalka Shariif ayaa imanaya xilli qaar kamid ah waxgaradka beesha Abgaal ee degta xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay soo saareen digniin ku socota beesha Xawaadle.

Odayaal u hadlay beesha Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay xuduuda labada gobol ka bilowday dhul balaarsi cusub.

Sidoo kale odayaashaan waxay sheegeen in xaaladda ka taagan xuduuda labada gobol ay qarka u saaran tahay gacan ka hadal, iyagoo balan-qaaday in nabad darrada aysan ka bilaaba doonin Abgaal, balse ay ka baqayaan in walaalahood Xawaadle uu bilaabo.

“Walaalayaal dib u sikada waa taqaaniin degaankiina, Abgaal dhulkiisana waa taqaaniin, ma ogolin in dhulkeena aad baraago iyo baco ka qodotaan ama tuulo cusub ka aasaastaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay ee beesha Abgaal Cismaan.

Xiisadaan cusub ayaa timid xilli xaaladda gobolka Hiiraan ay qasan tahay oo maamulkii uu khilaaf culus ka dhex taagan yahay, sidoo kale dhulka uu murankaani ka taagan yahay waxaa dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay Shariif iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu la wadaagay madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-Shabaab lagu cirib tirayo, sida lagu yiri bayaan ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada.

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa kadib waxa uu u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo, sida lagu yiri bayaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Xasan iyo Shariif ayaa hordhac u ah kulamo siyaasadeed oo maalmaha soo socda uu bilaabayo madaxweynaha Soomaaliya.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Farmaajo.

Siyaasiyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkaan Muqdisho imaanaya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoo doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Si kastaba, Sheekh Shariif ayaa madaxweynaha horey uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Kaba-kutukade oo qiil yaab leh u sameeyay masaajidkii ay gubeen Al-Shabaab

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay masaajid ay ku burburisay weerarkii dhawaan ay ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ee degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu sababta loo burburiyay masaajidkaas ku sheegay in ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa dowladda ay ka dhigteen saldhig ciidan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in masjidkaas ay burburka xooggan u geysteen laga soo abaabuli jiray howl-gallada iyo weeraro ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo hore looga xoreeyay deegaankaasi.

“Masaajidka waxaa saldhig ka dhigtay ciidanka dowladda oo waxay noqotay goob lagu qayilo oo lagala diriro (kooxda) oo dadka masaakiinta ah lagu xabiso,” ayuu yiri Kaba-Kutukade oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab.

“Marka masaajidkii sidaa noqday waxaa wacnay dadkii aan fasaxa dhismaha (masjidka) awal aan siinay, waxaan ku nidhi meeshaas masaajidkii la isku oga ha lagu soo cesho. Markii ay ku fashilmeen odayaashii iyo dadkii deegaanka waxaa qasab noqotay in wax laga qabto.”

Kaba-Kutukade ayaa waxa uu ku dooday in sababta ay Masaajidka u burburiyeen ay tahay inuu ka baxay xeyndaabkii wixii lagu yaqaanay Masaajidda, “Duminta Masaajid ku sheegaash waa waajib, goob kasta oo afar shey ku sifowda waa in la dumiyo,” ayuu yiri.

Hadalka Kaba-Kutukade ayaa imanaya xilli kooxda Al-Shabaab ay dhalleeceyn xooggan kala kulantay burburinta masaajidkaas oo ay u adeegsatay qarax, kadib weerarkii ay dhawaan ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma.

Weerarkaas kadib ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka weyn ee deegaanka Daaru-nimca oo kooxda Al-Shabaab ay qaraxa ku burburiyeen.

GOR-GOR oo ka hortegay weerar qaraxyo ah + Sawirro

0

Galcad (Caasimada Online)  – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gorgor ay howlgal ka sameeyeen agagaarka degmada Galcad ee gobolkaasi, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu fashiliyay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Gorgor.

Warkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay howlgalladooda ku gaareen deegaanada Ceel Xaaji iyo Ceel Dhiigtaan oo hoostaga magaalada Galcad.

“Ururada 7aad iyo 9aad, guutada 18aad ee kumaandooska GorGor ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaanada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo Hoostaga Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxaa ay ku fashiliyeen dhagar Bulshada Soomaaliyeed uu cadowga Khawaarijtu la damacsanaa.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Gorgor.

Sidoo kale taliyaha ururka 7-aad ee ciidanka Kumaanooska Gorgor Dhamme Mahad Imaan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkooda, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid lagu baacsanayay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka Galcad.

Mahad Imaan ayaa sidoo kale sheegay in howlgalladan ay kusoo saareen miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmadaasi.

Taliyaha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi, isaga oo ugu baaqday dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda.

Galcad ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga faramaroojiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ay ku soo qaadaa weeraro arbushaad ah.

Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu dambeeyay ee kooxda Al-Shabaab looga saarayo gobolladaas oo hoostaga Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay madaafiic lagu garaacay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo saaka lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Weerarkan hoobiyeyaasha loo adeegsaday ayaa waxaa lagu beegsaday degmooyinka Warta Nabadda, Xamar-Jajab iyo Waaberi oo ku yaalla bartanka caasimada.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaafiicdan ay geysteen khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka ay waxyeelada soo gaaray qoys degan degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Ototo, kadib markii uu ku dhacay mid kamid ah hoobiyeyaasha lagu garaacay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in guriga uu ku dhacay madfaca uuu ku dhintay Macalin dugsi Qur’aan oo lagu Magacaabi jiray Macalin Aweys iyo gabadhiisa Xaliimo Macalin.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyada qoyska oo lagu Magacaabo, Naciimo Maxamed Cabdi, garbar yar oo lix jir ah laguna magacaabo Xaliimo Macalin Aweys Maadeey, Isra Macalin Aweys iyo Maxamed Macalin Aweys Madey.

“Saddex ayaa meyd ah oo wiilkeyga kow ka yahay iyo gabar iyo wiil uu isaga dhalay, saddex iyo hooyadoodna isbitaal ayay iga jiraan” ayuu yiri awoowaha reerka.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ee ka dhacay gudaha caasimada.

Bishii hore ayay aheyd markii sidan oo kale magaalada Muqdisho loogu garaacay madaafiic, inkastoo laamaha amniga ay soo qabteen hub iyo rag ku eedeysan weerarkaasi.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa dhowr oo weerar oo kala duwan ka fulisay gudaha caasimada oo ay dowladda dhigtay ciidamo suga amniga.

Yaa bixiyey amarka ah in qabuuraha Macallin NUUR laga saaro meydadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddexdii maalmood ee tegay, baraha bulshada ay Soomaalida ku wada xiriirto waxaa qabsaday muuqaallo iyo sawirro muujinayay xabaalo dib loo qodayo hadal hayn xoogganna abuurtay. 

Dadka ayaa sheegay in la soo wacay oo lagu amray inay eheladooda ka saaraan qabuuraha Sheekh Macallin Nuur.

Yaa dadka ku amraya inay qabuuraha ay meeydadka ehelladooda la baxaaan? 

Alle ha u naxariistee Sheekh Macallin Nur Maxamed Siyaad ayaa waqfay dhulkan uu ugu tala galay in maydka lagu aaso. 

Hase yeeshee waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in ehelada meydadkii qabuurahaas ku aasnaa lagu amro inay la baxaan oo ay meel kale ku aastaan.

Si arrintaan aanu wax badan uga ogaano ayaa waxaan la xiriirnay Cabdulqaadir Sheekh Macallin Nuur oo inoo sheegay in qoyskiisa aysan wax shaqo ku leheen arrintan.

“Qabuurahan waxaa 1980-kii waqaf ka dhigay aabo Sheekh Macallin Nur Maxamed intii ay jirtay dowladdii hore, wixii markaas ka dambeeyayna waxa dhib ah kama jirin illaa hadda muddo laga joogo 7 ilaa 8 bilood oo ay soo baxeen dad sheeganaya dhulkan oo dadka ku amraya inay dadkooda kala baxaan qabuurahaan kadib waan la dagaallanay, odayaal baan u dirnay, dowladdan gaarsiinay wax sharici ahna uma haystaan marka meeshiina waa laga celin waayay,” ayuu yiri Cabdulqaadir Sheekh Macallin Nuur wareysi siiyey BBC. 

“Muddo hadda lix bilood laga joogo waxaa meesha ka dhacday arrin xun oo meesha la isugu tagay. Wareysiyo aan bixinnay dolwaddana aan ka codsanay inay soo faragashato marka waagaas way hakadeen laakiin hadda ayay haddana dib u soo bilaabeen oo marna habeenkii ayay qabuuraha fagayaan marka dadka ayay inta ay soo wacaan ay ku dhahayaan qof walbow qabrigaaga la bax meesha waan dhisaneynaa.” 

“Dadkan waa dad dhuumanaya oo diiday inay sharciga tagaan. Waan la kulannay inaan dowladda isula tagnana waa ay naga diideen waxaana ku jira oday ka mid ah dadkii bixiyay ka mid ah waxa uuna leeyahay dhulka waan bixiyay aabo Macalin Nuur ayaana siiyay balse wuu diiday inaan darbi ku wareejino mana sheegayo waxa uu rabo sababtoo ah waxaanu weydiiyay ma bixintii baad ka laabatay.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqday goobta ay ku yaallaan qabuurahan ayaa warbahainta u sheegay in sharciga lala tiigsan doona cidkaste oo ku howlan burburinta iyo ka ganacsiga dhulka Qabuuraha Macallin Nuur ee ku yaalla deegaanka Garasbaaleey.

Wuxuu dadka deegaanka faray in ay joojiyaan meydadka dib loo soo saarayo si meel kale loogu aaso.

Hadalka guddoomiyaha waxaa soo dhaweeyay qoyska Sheekh Macallin Nuur gaar ahaan Cabdulqaadir.

”Maanta waan faraxnay markaan aragnay dowladda oo ka hadashay gaar ahaan guddoomiyaha oo meesha tagay marka anaga waxaan rabnaa inay fuliyaan waxa ay yirahdeen. Anaga reer Sheekh Macallin Nuur haddaan nahay inaan darbi ku wareejino qabuuraaha, dowladiina iyada sharciga haysaa waxaa laga rabaa inay fuliyaan,” ayuu yiri.

Daawo: Cumar C/rashiid oo Garoowe ka sheegay qorshe isaga iyo Gaas ay wadaan

Garowe (Caasimada Online) – Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cadiweli Gaas ayaa shalay gaaray magaalada Garowe oo xiisad ka dhalatay khilaafka doorashada ay ka taagan tahay.

Siyaasiyiintaan ayaa doonaya inay xal u raadiyaan khilaafkaas, sida uu warbaahinta la wadaagay Cumar Cabdirashiid, “Mar kasta oo doorasho soo dhawaato khilaafkaan waa yimaadaa, hadana arrinta taagan waxaan ku raja weynahay in jid loo bixiyo,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Wafdigaan lagu soo dhaweeyey Garowe ayaa cadeeyey inay xal u raadinayaan xiisadda, isla markaana ay wadahadal u furayaan dhinacyada isku haya doorashada Puntland.

“Masuuliyiin deegaankaan u dhashay ayaan nahay, in wixii jira xal waara loo helo ayaa nalaka sugayaa, khilaafkaan oo kale dowladda dhexe xitaa waa ku yimaadaa markii doorasho la gaaro, marka xalka arrintaan inaan ku guuleysa doono ayaan rajeynayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Cabdirashiid.

Wuxuu sheegay in Puntland ay tusaale muhiim ah u tahay Soomaalida oo dhan, sida doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay degmooyin dhowr ah.

“Waxaan rabnaa in Puntland ay ku daydaan dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana hubaa in wax kasta oo khilaaf ah oo Puntland ka jira xal loo heli doono,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Khilaaf adag oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka ayaa muddooyinkaan ka taagan Puntland, kaas oo sababay gacan ka hadal ay dadb badani ku dhinteen.

Mucaarad hubeysan ayaa dagaal kala hor yimid muddo kororsi uu miiska soo saartay Madaxweyne Saciid Deni, waxaana hadda istaagan wax kasta oo doorasho ama muddo kororsi ahaa.

Siyaasiyiinta timid Garowe ayaa laga raja weyn yahay inayt xal u keenaan khilaafka xukuumadda iyo mucaaradka Puntland ee salka ku haya doorashada baarlamaanka iyo madaxtimida maamulkaas.

Hoos ka daawo

Xog: Xasan oo isugu yeeray Midowgii Musharaxiinta, kalana hadli doona…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online maalmaha soo socda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Muqdisho ka bilaabaya kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaan in Madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Farmaajo.

Siyaasiyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkaan Muqdisho imaanaya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoo doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Kulamada uu toddobaadka soo socda bilaabayo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka horeeyey kulan uu dhawaan la yeeshay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Siyaasiyiinta uu hadda casuumay Xasan Sheekh ee la filayo inuu la fariisto ayaa war ay ku mideysan yihiin ka soo saaray markii uu soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga oo dhigayey in wax laga bedeli doono nidaamka ay u dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya iyo muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

Markii laga reebo Farmaajo, saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii isbaheysa uu la ahaa Xasan Sheekh ayaa si adag uga hor yimid in dalku uu u guuro nidaamka Madaxtooyada, in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi iyo in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu soo baxay heshiiskaas wuxuu soo saaray qoraal uu ku muujiyey inuu taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod oo lagu galo nidaamka xisbiyada, balse wuxuu soo jeesiyey wadar-ogol ay u baahanyihiin qodobada qaar ee heshiiskii golaha wadatashiga qaran ku jiray.

NISA oo howlgal ku dishay xubin ka tirsan Al-Shabaab

0

Bariire (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay gobolkaas howlgal culus ka sameeyeen ciidanka NISA.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob lagu tuhmayo kooxda Al-Shabaab oo ku taalla inta u dhexeysa deegaanada Bariire iyo Sabiid.

Ciidamada Nabad Sugidda ayaa halkaas ugu tegay mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab, kadibna ay dileen, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladdu.

Sidoo kale qoraalkan kooban ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay ninkaasi kasoo  furteen qoray AK47 ah iyo booshash uu watay.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Macalinka oo u dhaxeysa Bariire iyo Sabiid ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay mid ka mid ah dhagarqabayaasha Khawaarijta, iyadoo ciidamadu ay furteen hubkii uu watay” ayaa lagu yiri war qoraalka ah ee ay daabacday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ciidamada ay weli sii wadaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayaga oo isku ballaariyay tuulooyinka hoostaga deegaanka Bariire, halkaas oo ay inta badan weeraro kasoo qaadaan xubnaha kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka ammaanka ayaa sameeya howlgalo qorshaysan oo joogto ah, kuwaas oo looga hortagayo dhagar kasta oo ay Khawaarijta isku soo abaabulaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay weli kacsan tahay, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa ku xoogan gobolkan, waxayna kasoo abaabushaa weeraro culus iyo qaraxyo, kuwaas oo inta badan ay ku beegsato saldhiyada ciidamada huwanta ah.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan dalalka dariska.

Sawirro: Axmed Macallin FIQI oo xilalka u kala wareejiyay maamulka cusub ee NIRA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay maamulka cusub ee hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.

Mudane Cabdullahi Biixi Xuseen oo xilka ku wareejiyay Mudane Cabdiweli Cabdulle Timacadde ayaa hadal kooban uu goobta kajeediyay sharraxay waxyaabaha u qabsoomay hay’adda NIRA muddadii uu hayay xilka kusimaha Maareeyaha hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.

Waxa uu ka dhawaajiyay sameynta sida dejinta siyaasado iyo xeerar rasmi ah oo ay leedahay hay’adda, kuwaas oo ka tarjumaya shaqada iyo xarunta Hay’adda.

Maareeyaha cusub ee hay’adda Mudane Cabdiweli Timacadde ayaa dhankiisa u mahad-celiyay kusimahii maareeyaha shaqada wanaagsanay uu kasoo qabtay hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.

Mareeyaha cusub ee hay’adda ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in uu kordhin doono tayaynta hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ku ammaanay maamulkii hore ee hay’adda shaqada wanaagsan oo ay qabteen.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu kula dardaarmay maareeyaha cusub in uu dardar-galiyo shaqada muhiimka ah oo ay hay’addu hayso, isaga oo ku adkeeyay shaqaalaha kala duwan muhiimadda wada-shaqeynta oo ay saldhig u tahay in guulo laga gaaro shaqada hay’adda.

8-deeda June ayay aheyd markii Golaha Wasiirrada ay meel-mariyeen in Cabdiweli Timacadde noqdo maareeyaha hey’adda NIRA, halka Cabdullahi Biixina laga dhigay Maareeye ku-xigeen.

Sawirro: Jubaland oo tababar u xirtay ciidan nooc cusub ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa duleedka Kismaayo tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ciidankaan tababarka loogu soo xiray waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed iyo saraakiishii tababarka bixinaysay.

Tababarkaan oo socaday muddo labo bilood ah waxaa bixinayey saraakiil ka tirsan ATMIS, waxaana askartaan la baray caafimaadka oo laf-dhabar u ah nolosha aadanaha, kaalin weyna ku leh marxaladaha dagaalka ee dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Tani waxay ka mid tahay caawinaada ay ciidamada xoogga Soomaaliya ka helaan howlaglka ATMIS oo waqtigiisu gabaabsi yahay hadda, isla markaana baneeyey saldhigyadii ugu horeeyey.

Ugu yaraan lix saldhig ayey ATMIS ku wareejisay ciidamada xoogga dalka, bishii hadda dhamaatay, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Shabeellooyinka iyo Gedo.

Dabayaaqada sanadka soo socda ayaa lagu wadaa in askariga ugu dambeeya ee ATMIS uu Soomaaliya ka baxo, sida ay qorsheysay dowladda Soomaaliya oo halgan adag ugu jirta in mudadaas ka hor ay hanato guud ahaan amniga wadanka.

Kooxda Al-Shabaab oo hadda qeybo badan ka jooga dalka ayaa la doonayaa in sanadkaas lagu soo afjaro, si ATMIS ay ugu baxdo heshiiska ay ku joogaan wadanka oo cadeynaya waqtiga ay baxayaan.

Ciidamada ATMIS waxay wadankaan joogaan in ka badan 15 sano, waxayna mudadaas dagaallada Al-Shabaab ku waayeen kumanaan askari, sidoo kale waxay ka weyb qaateen dhismaha ciidanka qaranka oo hadda heer wanaagsan soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya oo curdun ah dagaal argagixisana ku furan yahay ayaa dadaal adag ugu jirta dhismaha ciidamada qaranka, waxaana hadda rajo badan laga qabaa in sanad gudihiis ay ciidanka Soomaaliya ku hantaan guud ahaan amniga Jamhuuriyadda.

Toogasho ka dhacday dalka Mareykanka oo 4 qof lagu dilay

Philadelphia (Caasimada Online)  – Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib toogasho xalay fiidkii ka dhacday magaalada Philadelphia ee xarunta gobolka Pennsylvania.

Afhayeen u hadlay booliska ee magaalada Philadelphia ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhowr qof ay waxyeello ka soo gaartay toogashada, balse ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in qofka dadka laayay uu hadda ku jiro gacanta ciidanka booliska.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegantay maalin kaddib, marki uu nin hubeysani sidan oo kale uu rasaas oodda uga qaaday dhalinyaro ku sugnayd goob ay xaflad ka dhacaysay oo ku taalla magaalada Baltimore ee gobolka Maryland, halkaas oo ay ku dhinteen 2 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 28 kale.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guud ahaan dalka laga xusayo, maalinta xorriyadda ee Maraykanka oo ku beegan, July 4-teeda.

VOA + Reuters

Al-Shabab’s relentless grip tightens on East Africa

Mogadishu (Caasimada Online) – Despite a significant blow on June 19th that claimed 43 al-Shabab fighters in a Somali National Army (SNA) airstrike, the group’s activities and presence in East Africa remain unabated.

The strike, coordinated with an undisclosed foreign partner, allegedly the U.S. Africa Command (AFRICOM), eliminated two high-ranking commanders, Aden Abdirahman Aden, and Kenyan national Idris Abdiramin Nur, in Somalia’s Lower Juba region.

Although al-Shabab has experienced frequent losses from U.S. airstrikes and clashes with the African Union Transmission Mission in Somalia (ATMIS), the group’s resilience is worth noting.

Eyewitnesses revealed a tragic loss of 17 lives during an attack on a Somali special forces base in Masagawa in late May, twelve of which were al-Shabab militants.

In February, three U.S. airstrikes neutralized 24 al-Shabab fighters. Despite these efforts, the group continues its audacious attacks, demonstrating a surplus of manpower and tenacity.

Revamping Somalia’s military leadership

The SNA announced the appointment of Brigadier General Ibrahim Sheikh Muhydin as the new commander on the very day the airstrike occurred.

Somali President Hassan Sheikh Mohamud endorsed Muhydin’s appointment through a decree following the nomination by a council of ministers.

The restructuring is part of an impending offensive against al-Shabab, termed the second phase of operations by President Mohamud.

The President said earlier this year about this new stage: “We have more experience than when we first entered the war in Galmudug and Hirshabelle states. We’ve learned the tactics of al-Shabab. Our morale tells us that we are capable of defeating them. The government’s current policy is to liberate the country from Al Shabab.”

United against the common Enemy

Marine Corps General Michael Langley, head of AFRICOM, undertook a tour of Mogadishu in early June in the wake of major al-Shabab attacks on ATMIS forces.

His visit included meetings with President Mohamud, Somali defense leadership, state department personnel, and ATMIS troops.

Additionally, General Langley traveled to Kismayo to observe U.S. troop operations and training, meeting Jubaland Federal Member State President Ahmed Madobe and Somali special forces leadership.

The mission was a clear statement of U.S. dedication to combating al-Shabab, marking a significant policy reversal from former President Trump’s withdrawal of U.S. troops from Somalia.

Al-Shabab’s reach is not confined to Somalia; its terrorism extends across the border into neighboring countries in retaliation for their troop deployment within Somalia.

On June 7th, al-Shabab alleged a suicide bombing against an Ethiopian military base near the border town of Dollo.

Ethiopia, however, refuted the claim, stating that their forces had successfully foiled the attempted attack.

The ability of al-Shabab to launch these daring cross-border attacks, regardless of their outcome, underscores its capacity to threaten regional stability.

Kenya: A growing target

Al-Shabab has escalated its operations in Eastern Kenya and confirmed attacks over the last month have killed over 30 individuals, including soldiers, police officers, and civilians.

In one of the ghastly incidents on June 24th, four villagers were brutally executed and another shot in the coastal Lamu province of Kenya.

In a France 24 interview, Kenyan President William Ruto promised a robust response to al-Shabab, hinting at the possibility of keeping Kenyan troops in Somalia beyond the end of June withdrawal date.

Even though al-Shabab was forced to retreat to the countryside after losing control of Mogadishu in 2011, its increased attacks and resolute insurgency highlight its burgeoning threat to stability in the Horn of Africa.

This enduring menace underlines a crucial reality: al-Shabab does not appear to be losing momentum anytime soon.

Jenin’s ordeal: The motives behind Israel’s latest assault

Jerusalem (Caasimada Online) – On Monday, Jenin, a significant city in the occupied West Bank, grappled with a devastating scenario. The aftermath of a rigorous Israeli offensive saw large swathes of the city reduced to rubble.

The operation, one of the most severe attacks in recent years, claimed at least eight lives, leaving over 80 people wounded and the city’s infrastructure devastated.

Observers have drawn grim comparisons between the current assault and the Israeli offensive of April 2002, codenamed “Operation Defensive Shield.” Launched during the Second Intifada, this military action culminated in over 52 Palestinian deaths.

Over 150 tanks, fighter jets, and armed forces had swarmed over Jenin, resulting in a grim situation where the city’s inhabitants were cut off from medical aid and essential supplies.

Peter Bouckaert, a senior researcher at Human Rights Watch investigating the 2002 attack, described it as “extremely serious,” suggesting that “some cases appear to be war crimes.”

Jenin Governmental Hospital’s spokesperson concurred, drawing parallels between the levels of destruction witnessed during the current assault and those from two decades ago.

The spokesperson shared that ambulances have been unable to reach casualties due to the devastation wrought on roads and buildings.

An altered strategy?

However, a Jenin-based journalist, Tariq Ziad, perceives critical differences between the 2002 attack and the current offensive.

“In 2002, Israel knew that invading would lead to the collapse of the Palestinian Authority, and at the time, it wanted to eliminate the PA because it considered that Yasser Arafat was part of the resistance,” Ziad told Middle East Eye.

In contrast, he argued, the present offensive targets the burgeoning armed resistance in Jenin, notably the Jenin Brigades, rather than aiming to dismantle the Palestinian Authority.

Sari Abu Nasr el-Din, a writer and political analyst, also suggested that the Israeli forces sought to send a potent message to resistance groups.

He detailed the extensive damage to Jenin’s infrastructure, with disrupted electricity, water, and phone lines. He pointed out that homes used by the Jenin Brigades were explicitly targeted.

A City in ruins 

Footage from the recent operation captured hundreds of soldiers and armored vehicles raiding homes and arresting people.

The onslaught of army bulldozers was evident, razing homes and streets, leaving Jenin peppered with debris.

Yet, resistance amongst the city’s populace remains steadfast. Nasr el-Din posited that the offensive could backfire by bolstering morale amongst resistance groups.

“Israel’s offensive on Jenin will not end in it becoming a peaceful city under the Israelis,” he stated.

“What is more likely to happen is for other Palestinian cities to end up like Jenin. The people will continue to resist.”

Awni al-Mashni, an activist and member of the consulting council for the Fatah movement, echoed this sentiment.

He suggested that the assault on Jenin might ignite a similar spirit of resistance in other Palestinian cities.

Analysts have also expressed concern about potential reactions from Gaza and Lebanon.

Ziad hinted that the severity of the response would be contingent on the extent of bloodshed in the current operation, suggesting that these regions wouldn’t idly stand by if the violence escalated dramatically.

An Uncertain Future

There’s palpable concern about the repercussions of this military action as it continues unabated.

With no immediate signs of the tensions waning, some predict that the unrest might escalate and spill into other cities.

According to Almashni, a shift in power dynamics is likely, with the Palestinian Authority’s influence in the West Bank weakening and the resistance growing.

“In my opinion, this is the start of a changed behavior from Palestinian people, this is a normal reaction from them, and the occupation will not last long in the West Bank,” he concluded.

As Jenin copes with the traumatic aftermath of the Israeli offensive, its resilience is a stark reminder of the city’s indomitable spirit. Its future, however, remains uncertain as the situation on the ground evolves.

Sidee looga fal-celiyey tallaabadii uu maanta qaaday guddoomiye MADAALE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta ku baxay xiisadda ka taagan qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla xaafadda Tareedisho ee deegaanka Garasbaaley oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Madaale oo halkaasi kula hadlay shacab ka wal-walsan arrinta kasoo korortay qabuuraha oo halkaasi buux dhaafiyay, ayaa waxa uu shaaciyay in qabuuraha Macalin Nuur ay yihiin kuwa soo jireen ah, islamarkaana aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda hoose mas’uul ka tahay Muqdisho iyo dhulalkeeda, sidaas darteedna aan la burburin karin qabuurahaasi. Waxaa kale oo uu amar ku bixiyay in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, si looga hortago in la deegaameysto halkaasi.

Guddoomiyaha ayaa faray maamulka deegaanka Garasbaaley iyo agaasinka waaxda dhulka dowladda hoose ee Xamar naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo qabuuraha Macallin Nuur, si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah.

Booqashada guddoomiyaha ayaa timid, kadib markii ay arrin walaac leh kasoo korortay qabuurahaas oo dadka qaarkood ay kala soo baxeen maydadka, kadib markii burburin lagu bilaabay dhulkaasi oo uu horay u waqfay Marxuum Macallin Nuur Maxamed Siyaad.

Arrintan ayaa marka ay soo shaac baxday waxa ay keentay in durbo dadka qaar oo ka walaacsan xaaladdaas ay maydadka ehelladooda kala baxaan qabuuraha Macallin Nuur oo dad badan lagu aasay, illaa 80-tameeyadii.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay tallaabadan uu qaaday Madaale?

Nuur Sheekh Cismaan: “Waa uu mahadsan yahay maamulka gobolka Banaadir sharaf iyo qiimo ayaad leedihiin.”

“Masha Allah mahadsanid guddoomiye waxaan ka walwalsanaa Waalidkeyga iyo Walaalaheey halkaas ku aasan balse kheyr waaye haddiiba dadka dhibka wado laga celinayo,” ayuu yiri Maxamed Muxiyadiin Ibraahim.

Daa’uud ayaa isna waxa uu yiri: “Wax walbo dusha in dowladda laga saaro iska jeceshihiin, qabuuraha waxa faagaayey ganacsato dhul raadis ah waad aragtaan maanta dowladda ku soo baxday.”

Liibaan Cali Maxamuud: “Ciidanka aad wadato akhlaaq u yeel marka hore maalin walba dadka sida macna darada ah jidadka ugu leynaya hadaad dhaqaaqdaba diyad soo hoyne saan ma guddoomiye ku tahay.”

“Mudane gudoomiye waad ku mahadsantahay sidaad ugu raali noqonin in dadkaas lafahooda banaanka loo soo saaro,” ayuu yiri Ismaaciil Cabdiqaadir.

Fariixa oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa waxa ay tiri: “Laakiin markii dadka la rafaadiyay oo mowtadii kala bar la baxshay miyaa imaaneysaan?.”

“Ganacsatada umadda dhiigooda intay dhuuqeen bay qabuuraha ugu daba tageen Subxaanallah,” ayuu yiri Daahir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu qaaday maamulka gobolka.

Daadir Maxamed: “Mahadsanid mudane Madaale arintaan wey soo laalabatay xal waara waa in loo keenaa.”

“Waa ka soo daahday laakiin shaqo fiican baa qabatay,” ayuu yiri Maxamed Nuur.

Dr’s Ifraax Xuseen Abkow ayaa tiri: “Ceeb aad u weyn baa asturtay Mudane Guddoomiye Mahadsanid. Dadkii falkaaas xun waday iimaanka Alle ha galsho.”

“Waa in laga hortagaa kuwa raba in ay Qabuurahaas dhistaan,” ayey tiri Cabdirisaaq Xaashi Cali.

Maxamed Mahad Maxamed: “Guddoomiyaha wuu la soo daahay hadalkaan dad badan ayaa la saaray qabriyadooda.”

Yuusuf Cabdirisaaq Cusmaan ayaa isna waxa uu yiri: “Halkaas kasii wad shaqada mudane guddoomiye.”