27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Madaxweyne DENI iyo Karaash oo isku khilaafay qorshaha muddo kororsiga

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Axmed Karaash ayaa isku khilaafay qorshaha muddo kororsiga ee xukuumadda waddo.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa isku seegay qorshahaas, ayada oo Karaash uu ka horyimid muddo kororsiga ay waddo xukuumadda uu hoggaamiyo Deni.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa muddooyinkii dambe ka shaqeynayay sidii uu muddo kororsi u sameyn lahaa, si aysan doorashada kusoo food leh u qabsoomin waqtigii sharciga ahaa ee la doortay oo ku beegan 8 Janaayo ee sanadka 2024-ka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa lasoo warinayaa inuu diidan yahay qorshaha Deni ee muddo kororsiga, wuxuuna doonaya in doorashada lagu qabto waqtigeeda, si meesha looga saaro xiisadda ka dhalatay qorshahaan iyo rabitaanka guracan ee Saciid Deni.

Karaash ayaa waxa uu go’aankiisan ku ladhay dooda ah “in haddii muddo kororsi yimaado uu horseedayo qalalaase amni iyo dagaal sokeeye oo ka qarxa Puntland,” sidii horeba isku-deygaas looga dhaxlay.

Axme Karaash oo hadda ku maqan Xajka ayaa waxaa la filayaa in marka uu soo laabto uu si rasmi ah u caddeeyo mowqifkiisa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taasi oo salk ku haysa damaca guracan ee madaxweyne Saciid Deni.

Arrimahan ayaa kusoo aadeysa, xilli ay kasii daretso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, iyada oo Isimada gobolka Nugaal ay dalbadeen in la hakiyo tallaabooyinka wax ka bedelka Dastuurka Puntland illaa inta ay ka dageyso xiisadda siyaasadeed ee dhawaan isku rogtay gacan ka hadalka.

Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa gadaal ka riixaya qorshaha wax ka bedelka loogu sameynayo Dastuurka, oo sida la fahamsan yahay gacan-saar la leh madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhawaan ayay aheyd markii Golaha uu ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka Puntland, kadib markii ay ogol ugu codeeyeen 34 mudane oo kamid ah 35 mudane oo soo xaadiray kulankaasi.

Si kastababa, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo hubanti la’aan ah, maadaama gacan ka hadal uu ka dhashay furista Dastuurka maamulkaasi, kaasi oo ay meel adag iska taageen siyaasiyiinta mucaaradka.

Hanti-dhowrka qaranka oo u yeeray madax ka tirsan Villa Somalia, xafiiska R/W iyo BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee JFS.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa la isla lafa-guray warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dardargalin lahaa dhaqangalinta talooyinka uu xafiisku bixiyay.

Hanti-dhawrka iyo madaxda kale ayaa ugu dambeyntiina waxaa la iskula meel-dhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.

Kulanka maanta ayaa imanaya ka gadaal markii shalay uu xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka uu soo saaray war-saxaafadeed uu ku shaaciyay in labada Aqal ee BFS uu ugudbiyay warbixinta baarista u hoggaansanaanta sharciga (Compliance Audit Report) iyo warbixinta baarista Maaliyadeed ee dowladda (FGS Financial Audit Report) ee sanad maaliyadeedkii dhammaaday ee 31-kii Diseembar ee sanadkii hore 2022.

Tallaabadan ayaa ah midii ugu horeysay ee uu qaado xafiisku soona soo saaro warbixinnada baarista si waqtiyeysan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Hantidhowraha.

“Haddaba XHGQ oo gudanaya waajibkaas dastuuriga ah waxa uu markii ugu horreysay soo saaray warbixinnadiisa baarista si waqtiyeysan, isaga oo u gudbiyay labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, xafiiska Madaxweynaha JFS iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS si waafaqsan sharciga” aya lagu yiri qoraalka.

Madaale oo go’aan kasoo saaray xiisadda Qabuuraha Macallin Nuur + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta ku baxay xiisadda ka taagan qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla xaafadda Tareedisho ee deegaanka Garasbaaley oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Booqashada guddoomiyaha ayaa timid, kadib markii ay arrin walaac leh kasoo korortay qabuurahaas oo dadka qaarkood ay kala soo baxeen maydadka, kadib markii burburin lagu bilaabay dhulkaasi oo uu horay u waqfay, Marxuum Macallin Nuur Maxamed Siyaad.

Duqa Muqdisho oo ay wehlinayeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay shacabka ka wal-walsan arrintaasi oo halkaasi buux dhaafiyay.

Madaale ayaa shaaca ka qaaday in qabuuraha Macalin Nuur ay yihiin kuwa soo jireen ah, isla-markaana aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda hoose mas’uul ka tahay Muqdisho iyo dhulalkeeda, sidaas daraadeedna aan la burburin karin qabuurahaasi. Waxaa kale oo uu amar ku bixiyay in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, si looga hortago in la deegaameysto halkaasi.

“Waxaan arki jirnay dad nool oo la barakicinayo, balse maanta waxaan arkeynaa meydad la barakicinayo. Qabri la qodi karo ma jiro dowladda hoose ayaan mas’uul ka ah qofkii lagu arkana waa la xirayaa” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ugu dambeyn wuxuu faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo qabuuraha Macallin Nuur, si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah.

Arrintan ayaa marka ay soo shaac baxday waxa ay keentay in durbo dadka qaar oo ka walaacsan xaaladdaas ay maydadka ehelladooda kala baxaan qabuuraha Macallin Nuur oo dad badan lagu aasay, illaa 80-tameeyadii.

Mid kamid ah ehellada dadka ay saameysay arrintan oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna sheegay in habeenkii la burburiyo Qabuuraha, isla-markaana uu ka socdo dhisme qarsoodi ah, taas oo keentay in dadka qaar meydadka kala baxaan.

“Qabuuraha habeenkii ayaa lagu soo dheelmadaa waa la jajabiyaa dadkii waqfay ee ilmo Macallin Nuur wax ballan qaad ah oo aan ka heyno ma laha. Aniga Aabahey 2008-dii ayaa lagu aasay marka dad badan oo qaraabadeyda ahna waa lagu wada aasay” ayuu yiri.

Si kastaba, dhacdadan ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana horay hadlay qoyska reer Macallin Nuur oo beeniyay in dhulkaasi la iibiyay, waxayna si cad u sheegeen in dhulka uu ahaan doono sida uu u bixiyay Aabahood oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamka.

Saudi Arabia oo u yeertay safiirka Sweden kadib falkii ka dhacay Stockholm

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay safiirka Sweden u fadhiya dalkaas, si ay u cambaareyso falkii lagu gubay Kitaabka Qu’raanka, oo Arbacadii ka dhacay dibedda Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, waxaa sidaas maanta werisay warbaahinta dowladda.

Boqortooyada, oo hoy u ah labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Makka iyo Medina, ayaa horey Arbacadii u cambaareysay falkaas oo uu gaystay Salwan Momika oo ah 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden.

Salwan ayaa ku istaagay kitaabka kahor inta aanu jeexin bogag ka mid ah oo dabadeedna dab qabadsiin, taasi oo dhalisay caro xoogga oo Sweden kaga timid dalalka Islaamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga waxay Axaddii u yeertay safiirka Sweden, si ay Sweden ugu booriso “inay joojiso dhammaan ficillada sida tooska ah uga hor imaanaya dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu faafiyo qiyamka dulqaadka, dhex-dhexaadnimada iyo diidmada xagjirnimada, islamarkaana wiiqaya ixtiraamka labada dhinac ee lagama maarmaanka u ah xiriirka ka dhexeeya dadka iyo dowladaha,” ayey tiri wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Gubitaanka Qur’aanka ee Salwan ayaa ku soo beegantay maalinta Ciidul Adxaa, islamarkaana la soo gaba gabeeyay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadlaha ah ee dalka Sacuudiga, taasoo keentay caro baahsan.

Dalal ay ka mid yihiin Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa sidoo kale u yeeray safiirada Sweden u fadhiyan dalalkaas.

Iran ayaa Axaddii sheegtay inay dib u dhigeyso safiirkeeda cusub ee ay u diri lahayd Sweden sababo la xiriira dhacdadaas.

Kulan aan caadi aheyn oo Axaddii uu ku yeeshay xaruntiisa Jeddah, ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka wuxuu ku baaqay tallaabooyin midaysan oo looga fogaanayo gubitaanka qur’aanka ee mustaqbalka.

Booliska Sweden ayaa markii hore Momika siiyay ogolaansho, si waafaqsan waxa loogu yeeray ilaalinta xorriyadda hadalka, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa markii dambe sheegay inay fureen baaritaan ka dhan ah oo ku saabsan “kicin ka dhan ah qowmiyad”, iyagoo xusay in Momika uu bogag ka mid ah kitaabka ku gubay meel aad ugu dhow Masjidka.

Dowladda Sweden ayaa cambaareysay falkii Momika ee Axaddii, waxayna ku tilmaantay mid Islaam nacayb ah.

AFP, VOA

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay xiisadd ka taagan qabuuro ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay xiisad cusub oo walaac leh oo markale kasoo korortay Qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla gudaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, taas oo keentay in maydadka qaar laga bixiyo halkaasi.

Dadweyne fara badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay buux dhaafiyay Qabuurahan, kadib markii loo sheegay in la burburinayo dhulkaasi, wararkaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Arrintan ayaa keentay in durbo dadka qaar oo ka walaacsan xaaladdiisa ay maydadka ehelladooda kala baxaan Qabuurahaasi oo dad badan lagu aasay, illaa 80-tameeyadii.

Walaaca arrintaas la xiriira ayaa marar badan soo noq-noqday, ayada oo horey u hadleen qoyska reer Macallin Nuur oo beeniyay in dhulkaasi la iibiyay, waxayna si cad u sheegeen in dhulka uu ahaan doono sida uu u bixiyay Aabahood oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamka

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Xamdi Cali Xasan: “Subxaanallah Ilaahay umada xaqa ha tuso war saan xal maahan dadku akhiro kama fekeraan miyaa aaway dowlad isku sheegii?. Soomaliya may degto baa la’leeyahay inta waxaas iyo wax lamida jiraan sidee waddan degan loo helayaa?.”

Cabdullaahi Axmed oo kamid dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa isna yiri: “Dowladdu waa in ay wax ka qabataa arrintaas oo aysan indhaha ka daawan.”

“Qabri lagu fakanmaa dhulka korkiisana lagu badbaadimaayo Mars maan uguurnaa,” ayuu yiri Ibraahim Abuukar.

Maxamed Saalax: “Meyd la qodaayo waa qalad ee wax ha laga qabto arinkaas.”

Abu-razaan Cadde ayaa isna yiri “Kan qodaayo rabi waxan uga baryaa inuu ku dhago meydka uu kasoo saari rabo qabriga, nacladii rabi ha ku degto kan soo abaabulay arrinkaan iyo kan qodaya oo bariiska meel xun ka galay Bismillahi!, war waxaan maxay ahaayen?!.”

Cabdinaasir Maxamuud Aamiin: “War Soomaaliyey dadkii banaanka joogay ayaa idinka baxsan waayay hadda kuwii akhira umooday miyaa idinka baxsan la’ waa yaabe.”

“Aniga waxan dhihi lahaa hadda kadib reer walba inta Alle wax siiyay dhulkooda waalidkood ha ku duugtaan aduunyadaan waa halowday wallaahi,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed.

Mahad ayaa waxa isaguna yiri: “Dowladda lacag ha bixiso dhulka hala xidho, qofkii daga xabsi daa’in hala yiraahdo markaa qof u dhawaan kara majiro. Dad waa hore dhintay sidee loo soo saaraya geeri cusub iyo xanuun lama ilaawan ah ayuu ku noqon qofkii soo saare, dadka qalbiyadooda hala ilaaliyo Soomaaliyey dhulka intan xabasha ahayn naga badane goorma saan dhan cawaan loo noqday waalidka la soo bax haddii lagu odhan lahaa xanuun intee le’eg ayuu dareemaya, qofkii la dhaho wax la qiyaasi karo mahan.”

“Ceeeeb ma ahan hada mesha loo baah do maxa diiday in laga saaro oo mel kale la geeyo wayabe somalidaan war jecelka ku nacay ma xamar saan meee cariiri u ahaaneee soo lama.dagayo dhulka banan oo waa ween,” ayuu yiri Xasan Cadde.

Cabdiqaadir Cabdulle Maxamed: “Dhulkii ayaa qaali noqdey markaa ayey mar labaad soo kacsadeen miyaa?. Mar hadii la-waqfey waxaa la rabaa in la ogaado waxa isbeddelka keenay.”

Cabdikariim Cusmaan ayaa isna yiri: “Waa loo soo shaqo tagay, waana qaxootiga iyo kuwa raba inay dadka u fagaan si ay lacag uga helaan iyo kuwa raba in ay ku magac dilaan dowladda.”

“Istaqfarulaah Soomaali mayd kii xataa dhulka makaga jiri la tahay subxaana allah allow  dalkaan bad iyo dadkaan badbaadi,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Cali. 

Saciid Qasaali: “Dhulkii caadiga ahaa dadka waa ku qanci waayeen ilaa aaqiraa la isla galay miyaa?. Waar meeytadii xataa miyay nabad-gali waysay.”

Daawo: Waa immisa tirada Xujayda SOOMAALIDA ee geeriyootay ama la la’yahay?

0

Madiina (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ee weli ku sugan Boqortooyada Sacuudiga.

Roobow ayaa xaqiijiyay in sanadkan ay Xajka ku geeriyoodeen 4 Xaaji oo ay laba dumar tahay, sidoo kalena la la’yahay saddex Xaaji oo kale, kuwaas haatan la baadigoobayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan illaa 60 Xaaji oo kale loo sameeyay howlo caafimaad, kuwaas oo uu tilmaamay in daaweyntooda ay wasaaradda kala kaashatay dowladda Sacuudiga, haddana ay caafimaad qabaan.

Sheekh Mukhtaar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ka ka mas’uuliyiin ahaan aysan ka tegin Xujeyda, isla-markaana ay weli la joogaan, si ay ula qaybsadaan xaalad kasta.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay soo dhammaatay acmaasha xajka iyo adegyadii ay dowladda u qabatay Xujeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka Xajka.

Wasiir Roobow ayaa sidoo kale amray in si deg deg ah dalka dib loo soo celiyo Xujeyda Soomaaliyeed ee dhammeystay acmaasha Xajka, si dalkooda hooyo loo keeno.

Ugu dambeyn wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamza, mudnaanta ay sanadkaan siiyeen arrimaha Xujeeyda Soomaaliyeed.

WAARE oo shaaciyay ujeed laga leeyahay xiisadda beelaha Abgaal iyo Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga hadlay xiisadda haatan kasoo cusboonaatay gobolka Hiiraan.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in ujeed gaar ah laga leeyahay xiisadda haatan soo korortay, isaga oo sheegay in la doonayo in lagu fashiliyo guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro Shabaab.

Waare ayaa sheegay in Al-Shabaab looga adkaaday Hiiraan iyo guud ahaan HirShabelle, balse hadda la doonayo in dib loo soo celiyo, sida uu hadalka u dhigay

“Shabaabkii waan kaga adkaanay furimaha dagaalka. Si kastaba ha ahaatee hadda ayaa la isku dayayaa in dib loogusoo celiyo furimaha.” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiisad cusub laga dhex abuurayo beelaha Abgaal iyo Xawaadle, si fursad loo siiyo kooxda Al-Shabaab, ugana faa’iideysato colaadda taagan.

“Dagaalka laga dhex hurinayo beelaha Xawaadle & Abgaal ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee arrintan” ayuu qoraalkiisa raaciyay madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale farriin culus u diray dowlad goboleedka HirShabelle iyo dowladda dhexe, isaga oo ugu baaqay inay ka hortagaan arrintaasi, isla-markaana ay xal u keenaan xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

HirShabelle ayaa haatan wajaheyso xiisad siyaasadeed, taas oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo hadda maamul kale ku dhowaaqay.

Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada sida weyn loogu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama laga saaray dhul ballaaran oo ay ku jiraan degmooyin qadiimi ah.

Shacabka Garbahaarey oo MOWQIF culus ka qaatay maamulka cusub ee GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee weli ka taagan gobolkaas iyo magacaabista maamulka cusub ee uu soo dhisay, Axmed Madoobe.

Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen reer Garbahaarey ayaa waxa ay ku caddeeyeen mowqifkooda ku aadan maamulka cusub ee uu hoggaaminayo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir), kaas oo uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Mid kamid ah waxgaradka shirka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay go’aan ku gaareen in Axmed Madoobe iyo maamulkiisa uusan ka shaqeyn Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka mideysanahay Axmed Madoobe iyo waxa uu wato midna aysan ka shaqeyn Gedo, kana shaqeyn doonin idinkuna middaas ogaada” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ma rabno inaan gumeysi galno, Kismaayo dadaa lagu soo gumeystay, lagu soo laayay in Gedo looga daba yimaado oo lagu gumeysto wax wanaagsan ma’aha”

Sidoo kale Nabadoon kale oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay la dagaalami doonaan Jubbaland, hadiisan aysan joojin gar darro uu sheegay inay ku heyso reer Gedo.

“nHaddii Nabadda la’iskala baxo, xornimada la’iskala baxo, gobonimada la’iskala baxo waxaa imaaneyso in la diriro, haddii hala diriro la yiraahdi waa nala yaqaanaa waxaynu nahay” ayuu isna yiri oday kale oo kamid ah dadka deegaanka, kana qayb-galay shirkaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) uu ku sugan yahay gudaha magaalada Garbahaarey, oo uu safar dhulka ah ku gaaray, kadib markii hawada dib looga soo celiyay.

Dowlada Sweden oo mowqif cusub kasoo saartay kitaabkii Qur’aanka ee la gubay

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden oo markii ugu horeysay war ka soo saartay falkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay dalkeeda ayaa cambaareysay tallaabadii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxayna sheegtay inay u aragto fal Islaam-naceyb ah.

Dowladda Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in falkaas uu ku kacay nin u dhashay dalka Ciraaq oo degenaa dalka Sweden, kaas oo afaafka hore ee Masjidka weyn ee magaalada Stockholm ku gubay kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Sweden waxay sheegtay inay u aragto in ninkaasi uu sameeyay “fal Islaam-diid ah.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri, “Dowladda Sweden waxay si buuxda u fahansan tahay in falalka liddiga ku ah Islaamka ee ay shaqsiyaadka ku kaceen dibadbaxyada Sweden ay noqon karaan kuwo meel ka dhac ku ah Muslimiinta.”

War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Sweden ayaa intaas ku daray, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalkaas oo aan sinaba uga tarjumayn aragtida dowladda Sweden.”

Dhinaca kale, Dowladda Iiraan ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu Kitaab Qur’aan ah ku gubay bannaanka masjid ku yaalla caasimadda Stockholm.

Qaxooti u dhashay dalka Ciraaq ayaa kitaabka ku gubay bannaanka masjidka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa. Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa dowladda ku eedeeyay inay siisay ninkaas fasax uu ku qabto mudaaharaadyo xun.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa ka codsatay dhiggeeda Sweden in loo soo celiyo qofkii gubay qur’aanka kariimka ah oo la sheegay inuu u dhashay dalka Ciraaq.

Dowladda Ciraaq ayaa dalbaneysa in ninkaas lagu maxkamadeeyo caasimadda Ciraaq ee  Baqdaad, wixii ka dambeeyey markii uu falkaasi dhacay, kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Ciraaq, mudaharaadkaas waxaa la sheegay inuu soo abaabulay wadaadka Shiicada ah ee Moqtaha al-Sadr.

Maxaa kasoo kordhay xiisada siyaasadeed ee Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa weli ka taagan xiisad xoogan oo u dhexeyso xukuumadda Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo, kuwaas oo horay ugu dagaalamay gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo xoogan oo ku aadan, sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira Puntland, kaas oo ay wadaan Isimada Dhaqanka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in wufuud kala duwan ay hadda kusii qul-qulayaan Garoowe oo la filayo inuu ka dhaco shirweyne xal loogu raadinayo xiisaddaasi.

Xubnaha gaaray magaalada, waxaa kamid ah Islaan Bashiir Islaan Cabdille, iyada oo maantana la filayo in ay halka tagaan Isimo kale oo qayb ka ah dadaallada socda.

Waxaa sidoo kale maanta ka dagay Garoowe, ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke iyo Cabdiweli Gaas oo iyaguna halkaas lagu soo dhaweeyay.

Qorshaha uu yahay inay waa-waantaa ku biiraan waan-waanta socota, ayada oo sidoo akel qayb ka noqon doonaan siyaasiyiin kale, sida Cabdiraxmaan Faroole, Axmed Ciise Cawad iyo kuwa kale.

Ujeedka ayaa ah in dhinacyadu ay isugu yimaadaan shir ballaaran oo looga tashanayo aayaha Puntland iyo xiisadda taagan, kaas oo lagu wado inuu furmo maalmaha soo socda.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay doorashada guud ee maamulkaas iyo wax ka beddal dastuurka.

Si kastaba, arrinta ayaa faraha ka baxday markii uu dagaal culus ka dhacay bartamaha magaalada oo ay isku fara-saareen labada dhinac, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Daawo: Amar culus oo dul-dhigay ciidanka uruuriya canshuuraha MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar G/Sare Maxamed Carabow oo shir jaraa’id qabtay ayaa go’aan culus ku soo rogay ciidanka uu xukumo ee ilaalada deegaanka Xamar.

Taliyaha ayaa sheegay in xiligaan ay taagan yihiin xaalado kala duwan oo loo baahan yahay in xalkooda la helo, wuxuuna ugu horeyn fartiin u diray ciidanka ka maqan shaqdooda.

Taliye Maxamed Carabow ayaa 6 maalood u qabtay ciidanka ka maqan shaqadooda ee taliska ka tirsan, isagoo shaaciyey ciqaabta uu mari doono askarigii ka dhega adeyga amarkaan.

Xaadirinta ciidanka maqan oo shalay soo bilaabatay ayaa ku eg 8-da bishaan, “Askarigii waqigaas aan ku qabtay ku soo shaqo geli waaya, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga  waafaqsan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ciidanka ka shaqeeya canshuur qaadis wuxuu faray inay u dhimriyaan shacabka, isagoo uga digay dacwo ay kaga timaado shacabka.

Sidoo kale askarta aan diriiskooda xiraneyn ayuu aad u canaantay, isagoo sheegay in askari kasta ah dowladdu siisay hub iyo dariis, balse qofka asaga laga rabo inuu is dayactiro.

“Nin kasta waxaa laga rabaa inuu is qurxiyo sharafta dowladdana uu ilaaliyo, waxaan rabnaa in askarigu uu dadka si karaamo leh ula shaqeeyo,” ayuu yiri sarkaalkaan xukuma ciidanka soo uruuriyaha canshuuraha.

Ugu dambeyntii taliyaha ayaa kala cadeeyey cidda awooda u leh inay bixiso darajooyinka ciidanka ilaalada deegaanka Xamar oo hoos taga maamulka gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in duqa Muqdisho uu askariga soo gaarsii karo ilaa kormeere seddaax, balse wuxuu ka sareeya uu biyo madaxweynaha dalka, iyadoo duqa Muqdisho uu xaq u leeyahay inuu gudbiyo warbixinta sarkaalka la dalacsiinayo.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xerada ciidamada Itoobiya ee CEELBARDE

0

Ceelbarde (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Baay, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar arbushaad ah ku qaadeen saldhig ay ciidamadaasi ku leeyihiin degmada, waxaana kadib dhacay iska hor imaad toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay marka hore mdaafiic ku garaaceen saldhigga, kadibna ay u jawaabeen ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay mar dambe ku biireen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, taas oo keentay in dagaalka uu sii qaraaraado.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyio weerarka ka horreeyay, kaas oo xalay si weyn looga dareemay guud ahaan degmada Ceelbarde iyo degaanada ku dhow.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in Al-Shabaabkii weerarla soo qaaday ay dib u laabteen, kadib saacado ay dagaal ka wadeen halkaasi.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta iski fidiyay duleedka degmada, halkaas oo ay ka wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan xubnaha soo weeraray.

Ceelbarde ayaa waxaa todobaadyadii u dambeeyay weeraro ku haysay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada ku xeeraan degmadaasi.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaaday beegsiga ay ku heyso xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka.

Mungaab oo is-barbardhig ku sameeyay falkii Al-Shabab iyo ninkii Qu’raanka gubay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa is barbardhig ku sameeyay falkii Al-Shabaab ku qarxiyeen Masjidka Daaru-nimca ee Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo falkii nin asalkiisu yahay Ciraaqi ku gubay kitaabka Qur’aanka kariimka oo ka dhacay dalka Sweden.

Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa deegaanka Daarunicma waxay ka burburiyeen Masjidkii ugu weynaa oo ahaa halka dhisme oo dhagax ah ee deegaankaas ku yaalla, kadib markii ay ku dhufteen gaari qarax ah, kaas oo sida caadiga ah bilow u ahaa weerarkooda.

Qoraal kooban ayuu labadan dhacdo uga fal celiyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, isagoo is weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin falalka ay ku kaceen Al-Shabaab iyo ninka reer Ciraaq ee dabka qabadsiiyay Qur’aanka.

“Maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa waxaa magaalada Stockholm ee Dalka Sweden Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah dab ku qabadsiiyey Nin gaal ah oo asalkiisu yahay Ciraaq, isagoo la hortegay masjidka Magaaladaas. Maalintii sadexaad ee Ciidul Adxaa, Khawaarijta Al-Shabaab ayaa dab qabad siiyey Masjidka deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Kitaabadii Qur’aanka ee ku dhex jiray. Haddaba aan is-weydiinee maxay ku kala duwan yihiin labadaas dhacdo?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Siyaasiga Muungaab.

Wuxuu farriin u diray dadka weli taageersan Al-Shabaab, isagoo qoraalkiisa ku yiri: “Qof waliba oo is-moodsiinayay in Khawaarijta Al-Shabaab ay Diin wadaan iyo Kuwa laga yaabo in ay weli taageero dhaqaale siinayaan Khawaarijta Al – shabaab haku quus qaateen!”

Daawo: Beesha Abgaal oo ka digtay ‘qorshe ay waddo’ beesha Xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waxgaradka beesha Abgaal ee degta xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa soo saaray digniin ku socota bessha Xawaadle.

Odayaal u hadlay beesha Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay xuduuda labada gobol ka bilowday dhul balaarsi cusub.

Sidoo kale odayaashaan waxay sheegeen in xaaladda ka taagan xuduuda labada gobol ay qarka u saaran tahay gacan ka hadal, iyagoo balan qaaday in nabad darrada aysan ka bilaaba doonin Abgaal, balse ay ka baqayaan in walaalahood Xawaadle uu bilaabo.

Deegaanka ay hadda xiisadaasi ka taagan tahay waxaa lagu magacaabaa Xalfooley, wuxuuna dhacaa xuduuda labada gobol, Xalfooley ayaa ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Odayaasha hadlay waxay sheegeen in aysan diidaneyn in walaalahood Xawaadle ay la soo degaan oo dhulka Abgaal ay xoolaha daaqsadaan, ceelashana la cabaan, balse waxay diidan yihiin in deegaameysi cusub laga sameysto aagaas.

Odayaasha Abgaal ee warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in qoysas ka soo naq raacay Hiiraan oo beesha Xawaadle ah ay aagga degaanka Xalfooley ka bilaabeen deegaameysi cusub, iyagoo qodanayo Baraago, Baco ama aas-aasaya tuulooyin cusub.

“Walaalayaal dib u sikada waa taqaaniin degaankiina, Abgaal dhulkiisana waa taqaaniin, ma ogolin in dhulkeena aad baraago iyo baco ka qodotaan ama tuulo cusub ka aasaastaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay ee beesha Abgaal Cismaan.

Xiisadaan cusub ayaa timid xilli xaaladda gobolka Hiiraan ay qasan tahay oo maamulkii uu khilaaf culus ka dhex taagan yahay, sidoo kale dhulka uu murankaani ka taagan yahay waxaa dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Hanti-dhawraha oo warbixino xasaasi ah u gudbiyay BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale  ayaa maanta Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, xafiiska Madaxweynaha iyo xafiiska Ra’iiisul wasaaraha u gudbiyay warbixino xasaasi ah oo ku aadan sannad maaliyadeedkii dhammaaday ee 31-kii Diseembar ee sanadkii hore 2022.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha ayaa waxaa lagu sheegay in warbixinnada uu gudbiyay ay kala yihiin warbixinta baarista u hoggaansanaanta sharciga (Compliance Audit Report) iyo warbixinta baarista maaliyadeed ee dowladda (FGS Financial Audit Report) ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2022.

Talaabadan ayaa ah midii ugu horeysay ee uu qaado xafiisku soona soo saaro warbixinnada baarista si waqtiyeysan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Hantidhowraha.

“Haddaba XHGQ oo gudanaya waajibkaas dastuuriga ah waxa uu markii ugu horreysay soo saaray warbixinnadiisa baarista si waqtiyeysan, isaga oo u gudbiyay labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, xafiiska Madaxweynaha JFS iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS si waafaqsan sharciga” aya lagu yiri qoraalka.

Warbixinnada uu xafiisku gudbiyay ee la xiriira sanad maaliyadeedka dhammaaday  31-ka Diseembar 2022 ayaa sidoo kale ah kuwo waafaqsan shuruucda dalka iyo heerarka baarista Hantidhowrada Caalamiga (IISAIS), waxayna kala yihiin:

1-Baarista U-hoggaansanaanta Sharciga (Copmliance Audit)

2-Baarista Warbixinta Maaliyadeed ee dowladda (Finacial Audit)

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa warbixinnadan waxa uu kusoo bandhigaa talooyin lagu xoojinaayo isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta nidaamka maaliyadda ee dowladda, si kor loogu waxqabadka hay’adaha iyo awooddooda la xiriirta bixinta adeegga dadweynaha.

Warbixinnadan ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga isla markaana loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha muddo hal (1) bil ah kaddib sida uu qabo Qodobka 45, farqaddiisa 4 ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, ee 25/12/2019).

Halkan hoose ka aqriso:-

Shir deg deg ah oo la isugu yeeray dalalka Islaamka kadib falkii ka dhacay Sweden

Qaahira (Caasimada Online) – Wadamada Muslimka ah ayaa ku shiraya dalka Sacuudiga si ay uga hortagaan gubitaanka qur’aanka kariimka ah ee lagu gubay dalka Sweden

Ururka OIC ayaa shir deg deg ah ku yeelanaya magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, waxaana shirkan looga hadlayaa sidii si wadajir ah tallaabo looga qaadi lahaa gubitaanka Qur’aanka Kariimka ee Arbacadii ka dhacday dalka Sweden.

Doodda ay soo qaban qaabisay Sacuudiga ayaa lagu lafa gurayaa tallaabooyinka ku haboon ee laga qaadi karo waxa ay kooxdu ugu yeertay falka gardarrada ah.

Kooxdan ayaa horey u cambaareysay falkii uu wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq kanasoo cararay dalkiisa uu Sweden.

waxa uu ka sameeyay bannaanka masjidka weyn ee magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, fal ay ka gadoodeen dhamaan Muslimiinta maalintii Ciidul Adxaa.

Inta badan wadamada Muslimka ah ayaa casuumaad u fidiyay safiiradooda u jooga dalka Sweden si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin.

Shirkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ay cambaareeyeen falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka.

Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm.

Si kastaba, dhacdadan ayaa timid ayada oo Muslimiinta caalamka ay u dabbaal-degayeen maalinta Ciidul Adxa.

XOG: Taliyaha Sirdoonka KENYA oo qarsoodi ku tegay KISMAAYO + Qorshaha

Kismaayo (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maanta oo Axad ah taliyaha guud ee hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo NIS, Nuuradiin Yuusuf Xaaji uu booqasho qarsoodi ah ku tegay Kismaayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Nuuradiin Yuusuf Xaaji uu kulan gaar ah madaxweynaha Jubbaland kula yeeshay xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay ammaanka deegaanada dhaca xadka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday kororka weerar ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobollada Lamu iyo Waqooyi Bari, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen qaraxyo iyo weeraro kale oo khasaare xoogan dhaliyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Axmed Madoobe iyo Nuuradiin Xaaji ay si gaar ah diiradda ugu saareen wadahadalkooda wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay inuu ka billowdo Jubbooyinka oo ay ka howlgalaan ciidanka Kenya.

Dhaka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax faah-faahin ah oo ay Jubbaland ka bixisay socdaalka taliyaha Sirdoonka Kenya uu ku gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo.

Booqashada Nuuradiin Xaaji ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay sidoo kale Kismaayo uu tegay taliyaha ciidanka difaaca Kenya, Jen. Francis Omondi, kaas oo isna wadahadal la yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Madoobe.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubaland oo ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dowladaha dariska ah” ayaa lagu yiri war qoraal ah kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay Kenya ayaa dhaq-dhaqaaq culus ka wadday xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana socdaalka saraakiisha amniga Kenya ay ku tageen Kismaayo lala xiriirinayaa qorsho ay uga hortageyso weerarada kordhaya ee Al-Shabaab.

Daawo: Arrin walaac leh oo kasoo korortay qabuuraha Macallin Nuur ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale xiisad cusub oo walaac leh ay kasoo korortay Qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla gudaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, taas oo keentay in maydadka qaar laga bixiyo halkaasi.

Dadweyne fara badan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay buux dhaafiyay Qabuurahan, kadib markii loo sheegay in uu soo baxay amar ku aadan in la burburinayo dhulkaasi, wararkaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Arrintan ayaa keentay in durbo dadka qaar oo ka walaacsan xaaladdiisa ay maydadka ehelladooda kala baxaan Qabuurahaasi oo dad badan lagu aasay, illaa 80-tameeyadii.

Mid kamid ah ehellada dadka ay saameysay arrintan oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa la hadlay Shabelle TV, wuxuuna sheegay in habeenkii la burburiyo Qabuuraha, isla-markaana uu ka socdo dhisme qarsoodi ah, taas oo keentay in dadka qaar meydadka kala baxaan.

“Qabuuraha habeenkii ayaa lagu soo dheelmadaa waa la jajabiyaa dadkii waqfay ee ilmo Macallin Nuur wax ballan qaad ah oo aan ka heyno ma laha. Aniga Aabahey 2008-dii ayaa lagu aasay marka dad badan oo qaraabadeyda ahna waa lagu wada aasay” ayuu yiri.

Gabar kale oo ka hadashay dhacdadan, isla-markaana Aabaheed uu ku aasan yahay goobta ayaa farriin guud u dirtay reer Macallin Nuur iyo dowladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay soo farageliyaan xiisadda ka taagan halkaasi ee walaaca weyn ku abuurtay.

“Annaga ma hooyano, mana harsano lafihii Aabahey ayaa meesha ku jira waa sii ordaa waa soo ordaa marka war cad ha nala siiyo, dowladana haka hadasho” ayey tiri gabar dhalinyaro oo ayadan Aabaheed uu ku aasan yahay Qabuuraha Macallin Nuur.

Wiil kale oo kamid ah dadka deegaanka ayaa isna sharraxaad ka bixiyay, sida ay wax u jiraaN, wuxuuna tilmaamay inay soo gaartay in Qabuuraha la deegaameynayo.

“Waxaan soo maqalnay in Qabuuraha Macallin Nuur ay dadka kala baxayaan meydadkooda oo meel kale ay u qaadanayaan ma runbaa mise waa been? Baaq waxaan u direynaa qolada u fasaxday inay runta noo sheegaan kala baxa ama hakala bixin” ayuu isna yiri.

“Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Illaa 4 Qabuuro oo laga bixiyay meydadka ayaa arkay shalay iyo maanta ayaana laga saaray”.

Dhanka kale, maamulka deegaanka Garasbaaley iyo saraakiisha laamaha amniga oo ka hadlay arrintan ayaa meesha ka saaray inuu soo gaaray amar guud oo ku aadan dhulkaasi la sheegay in la dhisayo taasoo keentay in dadweynaha ay meydadka kala baxaan halkaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana horay hadlay qoyska reer Macallin Nuur oo beeniyay in dhulkaasi la iibiyay, waxayna si cad u sheegeen in dhulka uu ahaan doono sida uu u bixiyay Aabahood oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamka.

Daawo: Maamulka Beledweyn oo war cusub soo saaray, kuna dhowaaqay in amarka…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow oo maanta u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaaladaasi, oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Ugu horreyn Calasow ayaa ka warbixiyay howlgal amni xaqiijin ah oo ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi, kadib markii ay kusoo kordheen dhaca mootooyinka, wuxuuna tilmaamay in laamaha ammaanka ay qaadeen talaabooyin lagu sugayo amniga degmada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne, wxuuuna farriin u diray ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska oo uu ugu baaqay in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda ee haatan taagan.

“Waa iska caadi dhaqanka siyaasadeed mararka qaar inuu buuq dhaco, waana iska xalismaa, balse waxaan rabnaa in aanu saameyn ciidamada ammaanka, sida Booliska, annaga haddaa nahay heer degmo waxaas waxba nagama gelin” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Guddoomiye Calasow oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ka degmo ahaan aysan shaqo ku laheyn arrimahaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan shaqooyinkooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in magaalada uu ka shaqeyn doono hal amar, kaas oo ka imaanaya kaliya dowlad goboleedka HirShabelle.

“Magaalada Beledweyne hal amar ayaa ka shaqeynayo waana kan Hirshabeelle” ayuu mar kale shirkiisa jaraa’id ku yiri guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne.

Ugu dambeyn wuxuu baaq culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga, una hiiliayaan dowladnimada iyo kala dambeynta.

“Ma dooneyno in loo hiiliyo amni darrada, laakiin waxaan rabnaa in loo hiiliyo dowladnimada, wanaaga iyo kala dambeynta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Cali Jeyte uu dhaq-dhaqaaqyo ciidan uu ka wado Beledweyne, isaga oo uga dhowaaqay maamul la magac baxay ‘Hiiraan State’.

Xog: Villa Somalia oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta khilaafka PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaalo la xiriira sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Villa Somalia ayaa la sheegaya inay dadaal xooggan ku bixinayso inay si deg deg ah wada-hadal ula furto xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan, tallaabadan ayaa timid kadib markii ay Villa Somalia ay walaac ka muujisay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonayo in la hakiyo hanaanka deyn cafinta dalka, oo meel wanaagsan maraya, illaa inta laga heshiinayo khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

“Madaxweynaha (Xasan Sheekh Maxamuud) iyo Ra’iisul Wasaaraha (Xamza Cabdi Barre) ayaa bilaabay inay xiriir la sameeyaan dhinacyda kala duwan oo saameyn ku leh siyaasadda maamulkaasi (Puntland) si ay ugu kala dab qaadaan maamulka Deni iyo Villa Somalia,” ayey Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo muhiim ah.

Sida muuqata madaxda sare ee dalka ayaa raadinaya in si dhakhso ah u furmo wada-hadal ay labada dhinac ku gaaraan heshiis siyaasadeed lagu soo afjarayo khilaafka Puntland iyo Villa Somalia.

Haddii ay tani dhacdo waxaa laga baaqsan doona in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo xilligaan maraya marxalad wanaagsan, balse laga cabsi qabo in khilaafka labada dhinac uu saameyn ku yeesho haddii uu sii socdo.

Puntland ayaa dhankeeda marar dhowr ah kor u sheegtay inay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladdafederaalka, balse lama oga inay aqbali doonaan dadaalada ay Villa Somalia ku dooneyso in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, oo heshiis looga gaaro khilaafka taagan.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli la rumeysan yahay in xiriirka Villa Somalia iyo maamulka Deni uu marayo heerkii ugu liitay, kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay wada-shaqayntii labada heer dowladeed.