27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Qodob kamid ah heshiiskii Golaha Wadatashiga ee doorashooyinka oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hal bil iyo dhowr cisho laga jooga markii Golaha Wadatashiga Qaran uu saxiixay heshiis muran badan dhaliyay oo lagu beddelay habka doorashooyinka dalka iyo hanaanka ay u dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya.

Durba waxaa buray oo hirgeli waayay qodob kamid ah heshiiskan oo aheyd inuu ku fulo bil gudaheed. 27-kii bishii May ayaa la saxiixay heshiiskan, kaasi oo la kulmay diidmo bulsho iyo mid siyaasadeed.

Sidoo kale beesha caalamka oo iyadu siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo milatari ahaanba caawisa dowladnimada Soomaaliya ayaa taxadar ka muujisay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Sababta uu taageero bulsho u waayay heshiiskan, waxaa lagu sheegay in beelaha qaar ay diidan yihiin in laga guuro hanaanka 4.5 oo laga reebay qoraalkii heshiiska, balse dib laga ogaaday in lagu heshiiyay in la tuuro.

Beelaha qaar waxay diidan yihiin in ra’iisul wasaaraha la tirtiro oo madaxweyne ku-xigeen loo guuro, qaarna waxay ka soo horjeedan sheekada laba xisbi.

Dhamaan qodobadan waxaa la isku raacsan yahay inay u baahan yihiin doodo iyo heshiisyo intaan ka gudo weyn.

Qodobka 12-aad ee heshiiskaas wuxuu ka hadlayay dhismaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha. Guddigan oo lagu heshiiyay inuu 15 xubnood ka koobnaado waxa 3 xubnood laga sugayay dowladda dhexe, halka shanta maamul goboleed iyo gobolka Banaadir laga rabay inay min 2 xubnood soo magacaaban.

Sida ku cad qoraalkii lagu heshiiyay bil gudaheed oo ka bilaabaneysay habeenkii heshiiska la saxiixay ee 27-kii May ayay aheyd in lagu soo magacaabo xubnahaan, laakiin waa shaqeyn weysay oo sidaas ayuu ku buray qodobkaan.

Inkasta oo Puntland ay hore u diiday guud ahaan heshiiska, haddana intii kale ayaa iyaguna wax tallaabo ah u qaadin fulinta qodobkaan. Waa qodobkii ugu horreeyay ee durba lagu fulin waayo xilligii lagu balamay.

Iyada oo aan xal loo helin tabashooyinka Puntland ma la dhisi karaa guddigan, iyaduna waa su’aal kale oo meesha taalla. Laakiin sida muuqata qaar kamid ah dhinacyadii heshiiskan saxiixay ayaa laga dareemayaa in aanay tabar badan galinayn fulintiisa iyo ku qancintiisa bulshada.

Madaxda maamul goboleedyada oo iyagu markii hore aad ugu cadaadinayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in heshiiskaan la gaaro ayaa markii ay heleen muddo kororsigii rabeen waxaa ka muuqata in aanay hadda waqti badan iska galinayn fulinta qodobada kale ee heshiiska.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo jawaab ka bixisay xukun ay ku riday maxkamad

0

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa markii u horreysay ka jawaabtay xukun ay ku ridday Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xukunka Maxkamadda ayaa yimid kaddib markii shirkadda dhismaha ee Kingsley Construction Limited ay ku dacwootay in looga baxay heshiis ay qandaraas ku qaadaneysay dib-u-dhiska safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Maxkamadda ku taalla Nairobi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya lagu xukumay lacag dhan 23 milyan oo shillin oo ah lacagta dalkaas, si ay magdhaw ahaan ugu hesho shirkadda, maadaama looga baxay qandaraaskii ay qaadan rabtay, sida lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda.

Qaraarka maxkmadda ayaa waxaa si adag uga horyimid qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Xabiib Maxamed Cigaal, oo isagu sheegay in aysan maxkamadda ku wargelin dhageysiga eedaha loo gudbiyay maxkamadda.

Xabiib oo la hadlay BBC ayaa waxa uu sheegay “in aysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamad iyo xataa xukun lagu riday midna.”

“Warkaas (xukunka) maxkmadda waxaa ka aragnay warbaahinta. Majirto shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraal ahba ay dowladda Soomaaliya ay la gashay shirkaddaasi,” ayuu yiri qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Xabiib Maxamed Cigaal.

Waxa uu intaas kusii daray “Majirto wax xukun ah oo nala soo socodsiiyay,” isaga oo sheegay in aysan hadda jirin lacag magdhow ah oo laga filanayo inay bixiyaan, kadib qaraarka soo baxay.

Si kastaba, Shirkaddan oo ay leeyihiin Soomaali ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay uga baxday qandaraaska dib-u-dhiska safaaradda, waxayna maxkamadda u xukmisay in 23 milyan oo shillin-ka dalkaas ah ka dalban karto dowladda Soomaaliya.

Daawo: Xiisad ka taagan deegaan ay DF ka dhiseyso garoon diyaaradeed cusub

Warsheekh (Caasimada Online) – Xiisad culus ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo Haabaay oo hoos taga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe, taas oo ka dhalatay qorshe ay damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

Waxaa soo baxday xog sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka ay ka dhisto aagga degmada Warsheekh, taas oo dhalisay xiisadaan.

Dadka deegaanka Haabaay ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsato iyo siyaasiyiin ay doonayaan in dhulkaas ay hadda gataan, si dhaqaale badan ay hadhow ugu xujeeyaan dowladda.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in hadda aysan xubnahaas ka xaraashi doonin dhulkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya ay mashruucaas ka fuliso deegaanka markii la gaaro qorshihiisa.

Xubnaha ugu muhiimsan bulshada deegaankaas oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin u diray dad ay sheegeen inay doonayaan inay boobaan dhulka la qorsheeyey in laga dhiso garoonka cusub, si dowladda ay lacag badan ugu rakaateeyaan.

Dadka deegaanka ayaa ku doodaya inay ka hortegayaan suurad xumeyn ay bulshada deegaankaas ku sameyn doonaan xubnaha hadda doonaya in dhulkaas ay kula wareegaan si xaraash ah, si qiimo qaali ah ay dowladda kaga siistaan markii uu bilaabanayo mashruuca dhismaha garoonka.

Waa khasab in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho u hesho garoon caalami ah oo ka weyn kan Aadan Cadde, maadaama dhowr mar ay Muqdisho ka laabteen diyaarado waaweyn oo ka degi waayey garoonka, kadib markii ay hawada sare ka qiimeeyeen.

Bulshada hadashay waxaa ku jiray siyaasiyiin dadka deegaanka ku kala metesha dowladda federaalka iyo HirShabeelle, waxayna shirkadaha iyo ganacsatada ugu baaqeen in aysan ku hungoobi in dhaqaalahooda ay iska geliyaan dhulkaas, maadaama aysan gorgortan kala geli doonin cid aan dowladda aheyn, sida ay hadalka u dhigeen.

Hoos ka daawo cabashada dadkaas

PUNTLAND oo qabatay shabakado Shabaab ah oo qorsheynayay arrin halis ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa shaacisay inay gacanta ku soo dhigeen shabakado ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo qorsheynayay inay fuliyaan qaraxyo ismiidaamin ah.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade oo arrintaan shaaciyay ayaa sheegay in shabakadaha Shabaab-ka ah ee la qabtay ay doonayeen in qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliyaan goobaha lagu ciidayo ee magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha amniga maamulka ay qabteen xubnihii Shabaab ee dilalka ka geysan jiray Gaalkacyo muddooyinkii ugu dambeeyay.

“Waxaa la fashiliyay dhagaro iyo khataro amni oo lagu fashilin lahaa nabad-galyada magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ma sheegin xilliga iyo meesha lagu qabtay shabakadaha uu shaaciyay inay qorsheynayeen falal ka dhan ah amniga magaalada.

Hase yeeshe, waxa uu ka dhawaajiyay in laamaha amniga ay qaadeen tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, loogana hortagayo kooxaha argagixisada ah ee maleegaya qaraxyada iyo falalka kale ee amni darro.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyay shacabka in aysan ka baqin in hay’adaha amniga lasoo wadaagaan xogaha gacanta ka siinaya sugida amniga, islamarkaana ay guryahooda ka kireyn qof aan la garaneyn oo aysan aqoon u laheyn.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe amaankeedu soo hagaagayay, inkasta oo marar dhowr ah dilal qorsheysan loogu geystay odayaal-dhaqameed, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka oo maanta tegay jiidda hore ee dagaalka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii hore ee June, wuxuuna gaaray degaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Taliyaha oo ay wehlinayaan saraakiil Mareykanka ayaa booqday furimaha dagaalka, wuxuuna tegay aagga degmada Galcad halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa sidoo kale booqday saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla duleedka magaaladaasi oo kamid ah goobaha ay sanadaha badan heysteen kooxda Al-Shabaab, balse haatan laga fara maroojiyay.

Ugu horreyn taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan difaacyada hore ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka faahfaahiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

Dhankiisa taliye Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa, wuxuuna shaaciyay inuu salka ku hayo isbarasho iyo kala xog-qaadasho.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay isu diyaariyaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inoo dhawaan billowdo, waxaana qorshuhu yahay in howlgalkaas lagu qabto degmada Ceelbuur oo ay heysato Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu ka war heyn doono ciidamada, isaga oo ballan-qaaday inuu dib ugu soo laaban doono mar kale, si uu dhageysto cabashadooda.

Safarkan ayaa hordhac u ah booqashooyin kala duwan oo uu gobollada dalka ku bixin doonto taliyaha cusub oo xilkan loo magacaabay 19-kii bishii hore ee June ee 2023-ka.

Ninkan ayaa beddalay General Odawaa Yuusuf Raage oo ah sarkaal sare oo dhalinyaro ah, sidoo kalena hormuud ahaa dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo hal arrin ku amaanay reer Laascaanood, farriin culusna u diray S/land

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayey garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa hambalyo gaar ah u diray dadka reer Laascaanood oo habeenkii 1-da Luuliyo saaray calamka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Laascaanood waxaa dhawaan laga xoreeyey ciidamada Somalilad oo dadka ku dili jiray hadii ay ku arkaan calanka buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse hadda waxaa magaaladaas buux-dhaafiyey calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo shucuubta kala duwan ee ku nool gobollada dalka Soomaaliya uga mahad celinayey sida ay u xuseen todobaadka xorriyada iyo wadaniyadda ay muujiyeen ayaa si gaar ah carrabka ugu dhuftay mahad-naqa dadka reer Laascaanood.

“Waxaan si gaar ah hambalyo u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee halkaan aan joogin ee gobollada oo dhan ka xusay todobaadkaan qiimaha badan noo leh ee calanka Jamhuuriyadda saaray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “Magaalooyinka calanka laga saaray waxaa ku jirta Laascaanood o xalay calanka laga saaray, dalka oo dhan ayaa laga xusay sanad guuradaan, laakiin waxaan filayaa reer Laascaanood waxay u tahay markii ugu horeysay oo si muuqata ay ugu dabaal-degeen toddobaadka xorriyadda, guuleysta ayaan leeyahay.”

“Inta dhiman waan u dabaal-degi doonaa sanadaha soo socda nabada iyo wanaagga la heystana waa ku naalooneynaa, marka aan saas leeyahay cid gaar ah oo warkaan aan ku xumeynayo ma jirto,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku soo daray.

Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu farriin u diray reer Somaliland, isagoo ugu baaqay midnimo Soomaaliyeed “Walaalayaal Aabayaashiin ayaan keenay midnimada 63-kii ka hor, waxaan ku dayanaa aabayaashiin oo xornimada noo horseeday,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in garowshiyo buuxa ay Soomaaliya ka bixineyso dhibka ay tirsanayaan reer Somaliland, isagoo ku baaqay in gogol nadiif ah la isugu yimaado, iyadoo inta ka horeysana lagu dadaalayo wanaagga iyo nabadda dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Sawirro: Horjoogayaal ka tirsan Daacish iyo ajaaniib ‘oo isku soo dhiibay’ Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa soo bandhigay sagaal horjooge oo ka tirsanaa kooxda Daacish-ta Soomaaliya, kuwaasi oo isku soo dhiibay ciidanka maamulkaasi.

Taliska qeybta ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa soo bandhigay horjoogayaashan, oo uu sheegay inay soo dhiibeen kadib howl-gal ay fuliyeen ciidanka.

Howl-galkaas ayay ciidamada Puntland ka fuliyeen deegaanada Camaamo iyo Siido ee degmadda Balidhidhin gobolka Bari, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay Booliska Puntland.

Booliska ayaa sidoo kale baahiyay magacyada iyo sawirada horjoogaasha usoo gacan galay ciidanka, kuwaasi oo ay ku jiraan ajaanib.

Horjoogayaashan ayaa u kala dhashay dalalka Suuriya, Suudaan, Itoobiya iyo kuwa u dhashay Koonfurta dalka Soomaaliya, waxayna muddo ka tirsanaayeen Daacish-ta Soomaaliya, sida uu shaaciyay Booliska Puntland.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubnaha isa soo dhiibay badankood yihiin dad looga faa’idaystay daruufo shaqo raadis ah.

“Waxay kasoo carareen afkaarta qaldan ee Daacish. Dadka ugu badan ee ku biira kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta (Soomaaliya) waa dad masaakiin ah oo nolol raadis ah,” ayuu yiri taliye Cabdiqaadir oo sheegay sababaha ay inta badan dhalinyarada ugu biiraan kooxaha argagixisada.

Booliska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay weli socdaan howl-galada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaasi oo dhibaateeya dadka shacabka.

Hoos ka aqriso magacyada xubnahaan;

  1. Muhanad Abdalla Cabdiraxmaan, magaciisa afgarashada yahay Muslim una dhashay dalka Suuriya.
  2. Maxamed Ibrahim Daaha oo u dhashay dalka Suudaan.
  3. Maxamuud Macalin maxamad oo magaciisa af garshada yahay (Cabdisemad) Soomaali ah.
  4. Cali Yuusuf Cali oo magaciisa afgarashada yahay (Ikrama) Soomaali ah.
  5. Maxamed Cisman Nuur Adan, Soomaali.
  6. Adiso Maxamed Dayib, Soomaali.
  7. Xasan Maxamed Maxamud oo ka soo jeeda degaanka Wardheer, dalka Itoobiya.
  8. Deeq Xuseen Cabdullaahi, Soomaali.
  9. Siraaji Maxamed Isaaq, Soomaali.

Cabdulqaadir Nuune: Waxaa muuqata rajo + Sawirro

Amsterdam (Caasimada Online) – Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay  xuska 63 guuradii ka soo wareegatay xornimadii gobolada Koofureed iyo Midowgii gobolada Waqooyi iyo Koofureed ayaa lagu qabtay Magaalada Zwolle ee dalka Nederlands.  

Munaasabaddan, oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, marti sharaf ka socotay maamulka degmada Zwolle (Gemeente raad), wefdi ay horkaceysay qunsulka safaarada Soomaalida ee Brussels, odayaal iyo. waxgarad ka socday qeybaha bulshada. 

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Cali [Nuune] oo dhinaca kale-na ah Guddoomiyaha Jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda oo munaasabadaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay  taariikhda Soomaaliya iyo halgankii dheeraa ee la soo galay xorrnimadda iyo madax-bannaanadda Soomaaliya, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in da’yarta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray la baro taariikhda dalkooda.  

“Walaalayaal, waxaad la socotaan in  26-kii June 1960 ey aheyd maalintii ay xoroobeen dadkii Soomaaliyeed ee Gobolada Waqooyi oo xornimadii ka qaatay gumeystihii Ingiriiska,  iyada oo  afar cisho kaddibna ay xornimo ka qaateen Talyaaniga Gobollada Koofureed, kaddibna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii midoobay labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaas ka dhashay Jamhuuriyadii Soomaaliya”ayuu yiri Cabdulqaadir Cali Nuune oo hormuud u ahaa dadkii munaasabadaasi soo qabanqaabiyay. 

Cabdulqaadir Nuune, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waddan kasta marka ay dhibaato ku dhacdo ay u soo kacaan dadkiisa wax bartay si ay u samata-bixiyaan, isaga oo Soomaalida ku booriyay in ay meel iska dhigaan qabyaaladda iyo nin tooxsiga, ayna fahmaan in sharaftooda iyo karaamadoodu ku jiro dowladnimo, midnimo iyo wadajir.  

Cabdulqaadir Nuune, wuxuu soo jeediyay in jiilashada dalkan ku dhashay ama ku koray in la baro taariikhda iyo qiyamka dalkooda, taas oo wax ka taraysa in marka la weydiiyo taariikhda dalka uu asal ahaan ka soo jeedo inuu jawaab ka bixin karo. 

“Inkastoo Soomaali haddaan nahay Qaran-jab  innagu dhacay oo aan soo marnay dagaalo sokeeye, burbur, haddana waxaa ALLE mahadii ah in ay muuqato rajo iyo yididiilo, waxaana ugu baaqeynaa Dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan “institution” Dowladda in sharciga iyo cadaaladdu noqdaan halka loo irkanayo, loona sinaado sharciga” Ayuu yiri Cabdulqaadir Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed waxa keliya ee deeqi karaa ay tahay cadaalad iyo sharci aan la kala xigin. 

Cabdulqaadir Cali Nuune, wuxuu ammaanay dalladda FSAN oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah, isla markaana Soomaalida ku metesha  fagaarayaasha caalamiga ah ee dalkan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dalladda guud ee Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN waxaan hambalyada xuska 1-da Luuliyo u dirayaa  guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan dalkan Nederlands, waxaanna leeyahay waxaan ILLAAHEEY ka baryeynaa in sannadkan sannadkiisa kale inaan ku gaarno nabad iyo dowladnimo taam ah” Ayuu yiri Cabdulqaadir Cali [Nuune], isaga oo dhinaca kalena uga mahadceliyay Guddiga maamulka FSAN sida ay uga shaqeynayaan mar walba isku xirnaanta iyo wax wada-qabsiga Soomaalida dhexdeeda.  

Qunsulka safaarada Soomaaliya Fahdia M. Cabdullaahi oo madasha ka hadashay ayaa dhinaceeda u mahadcelisay Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Nuune iyo guud ahaan dadkii soo qabanqaabiyay munaasabada, waxeyna sidoo kale qunsulka ugu hambalyeysay ummadda Soomaaliyeed munaasabadan Qaranka ah. 

Barnaamij-ka waxaa si qurux badan u xiriirinayay Cabbaas Cali Nuur oo ka mid ah aasaasayaashii Jaaliyada Zwolle. 

Madaxda guddiga maamulka degmada Zwolle [Wethouder] ayaa kala qeybgalay Soomaalida munaasabadda maalinta Qaranka, isaga oo guud ahaan dadka Soomaalida ah ugu hambalyeeyay 1-da Luuliyo.  

Ugu dambeyntii, xafladda oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxay ka qeybgalayaashu isugu hambalyeynayeen munaasabadda xornimo-qaadashadii Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena ALLE ka baryayay in uu dhibaatada ka dul-qaado Dalka Soomaaliya. 
 

Al-Shabaab oo degaanka Daarunicma ku dhex dilay xoghayihii Ruun-nirgood iyo…

Daaru-nicma (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in kooxda Al-Shabaab ay qarax ku dishay masuul sare oo ka tirsanaa maamulka degmada Ruun-nirgood, xilli uu ku sugnaa degaanka Daarunicma oo maalin ka hor ay kooxdu qabsatay.

Abuukar Jawiil oo ahaa xoghayihii degmada Ruun-nirgood iyo darawalkiisii ayaa lagu dilay qarax loo adeegsaday miino lagu aasay dhulka oo Al-Shabaab ay meel geliyeen intii ay joogeen deegaankaas, Jimcihii lasoo dhaafay.

Xaaladda degaanka Daarulnicma ayaa degan, waana khasaare nafeed kii ugu horeeyey oo weerarkii kooxda Al-Shabaab uu sababay, maadaama deegaankaas looga baxay markii laga war-helay weerarkooda.

Kooxda Al-Shabaab oo saacad ama daqiiqdo kooban joogtay deegaankaas, kadibna dib uga guratay maleeshiyaadkeeda ayaa durbadiiba qarax ku qarisay meel, kaas oo galaaftay nolosha Allaha u naxariistee xoghayihii degmada Ruun-nirgood iyo darawalkiisii.

Al-Shabaab, can ayey ku yihiin dhagarta noocaan ah, balse dadka iyo ciidanka ku sugan deegaankaas ayaan shareysan magaalada, maadaama ay daqiiqado kooban joogtay kooxdii qabsatay oo deg deg ay u baneeyeen, iyagoo ka cabsi qaba in weerar rogaal celis ah lagu soo qaado.

Intii ay joogeen Al-Shabaab deegaanka Daarunicma waxay ka burburiyeen Masjidkii ugu weynaa oo ahaa halka dhisme oo dhagax ah ee deegaankaas ku yaalla, kadib markii ay ku dhufteen gaari qarax ah, kaas oo sida caadiga ah bilow u ahaa weerarkooda.

Qaraxaas kadib, kooxdu waxay ogaatay in dadkii iyo ciidankii magaalada uusan qofna ka joogin deegaanka oo dib u gurasho ay sameeyeen, taas oo sababtay in ayaguna ay deg deg uga cararaan deegaanka, balse waxay meel ku qariyeen qaraxa ay ku dileen xoghayaha oo ka yimid dhinaca degmada Ruun-nirgood oo degaankaan Daarunicma uu hoos tago.

Masjidka ay Al-Shabaab burburiyeen ee deegaanka Daarunicma ayaa abuuray hadal heyn badan, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay sheegay in Shabaab aysan weligood Masjid dhisin, balse ay dumiyeen ama xireen masaajid badan oo kii Daarunicma uu u dambeeyey, isagoo cadeeyey in kooxdaasi ay duulaan ku tahay diinteenna suuban ee Islaamka.

Sawirro: Xamza oo dalka dib ugu soo laabtay kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhammaystay gudashada waajibaadka Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha oo kamid ahaa Muslimiinta Alle fursadda u siiyay Xajka sanadkan, ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ugu soo duceeyay ummadda Soomaaliyeed nabad, horumar iyo midnimo.

Mudane Xamza ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Muslimka ee iyaguna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka.

Masuuliyiinta uu ra’iisul wasaare Xamza kula kulmay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxa kamid ah madaxweynaha dalka Pakistan Mudane Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada-hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Sidoo kale waxay kulankooda diirada ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soo saarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.

Labada masuul ayaa intii uu socday kulankaan isla soo qaaday qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la-dagaallanka argagixisada.

Waxay isla qaateen in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibedda, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo xafiiska ra’iisul wasaaraha uu kasoo saaray kulankaas Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku dhexmaray Mudane Xamza iyo Mudane Arif Alvi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo ay haatan taageero caalami ah u raadinayso, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Madaxweynihii hore ee Brazil oo laga mamnuucay tartanka doorashada ilaa 2030

Brasília (Caasimada Online) – Guddi garsoorayaal ah ayaa u codeeyay in madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro uusan u qalmin inuu mar kale u tartamo xafiiska madaxweynaha.

Guddigaan ayaa warbixintooda kusoo geba-gabeeyay inuu ku takri falay awooddiisa, uuna shaki la’aan sal iyo raad toona lahayn ka galiyay nidaamka cod bixinta ee dalkaas.

Go’aankaan ayaa ka joojin doona Bolsonaro inuu u tartamo madaxweynaha ilaa 2030, taasi oo mugdi gelineysa mustaqbalka siyaasadeed ee 68-jirka, waxayna u badan tahay inay tirtirto fursad kasta oo uu dib ugu soo noqon karo awoodda.

Afar ka mid ah toddobada garsoore ee maxkamada ugu sarreysa dalka ayaa isku raacay in Bolsonaro uu ku takri falay awooddiisa isaga oo adeegsanaya kanaalada isgaarsiinta dowladda si uu u dhiirrigeliyo ololihiisa oo uu shaki geliyo codka.

Carlos Melo, oo ah bare sare oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Insper ee Sao Paulo ayaa yiri: “Go’aankani wuxuu soo afjari doonaa fursadaha Bolsonaro ee ah inuu mar kale madaxweyne noqdo, wuuna ogyahay.”

Kiiska loo heysto ayaa diiradda saaray shirkii bishii Julay 18-keedii, 2022, halkaas oo Bolsonaro u adeegsaday shaqaalaha dawladda, kanaalka telefishinka dawladda iyo qasriga madaxtooyada e eBrasilia si uu ugu sheego safiirrada ajnabiga ah in nidaamka codbixinta ee elektaroonigga ah ee waddanka la musuqmaasuqay.

Madaxweynihii hore ee Brazil Fernando Collor de Mello iyo madaxweynaha hadda Luiz Inácio Lula da Silva ayaa horay loogu dhawaaqay inaysan u qalmin inay u tartamaan madaxtinimada, laakiin kiiska Bolsonaro ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee madaxweyne shaqada looga joojiyo xadgudubyo doorasho.

Sharciga Brazil ayaa ka mamnuucaya musharraxiinta lagu xukumay dambiyada inay u tartamaan jagada.

Drones over Somalia: How Biden’s new rules change the game?

Washington (Caasimada Online) – In an unparalleled disclosure, the Biden administration has unveiled its comprehensive guidelines on drone operations in Somalia an other countries.

The rules, inked in October, show a drastic shift from those relaxed under President Trump’s tenure, reinstating stringent procedures surrounding drone strikes and commando operations.

Under these guidelines, U.S. military and C.I.A. drone operators require presidential approval before targeting suspected militants outside conventional war zones.

This prerequisite comes with a firm assertion of “near certainty” that civilians won’t be collateral damage in these strikes.

Notably, the rules reserve their application for scenarios where capturing the target alive via a commando raid is deemed implausible. If an American citizen is targeted, a more extensive review is triggered.

A calibrated counterterrorism strategy

The declassified 18-page document outlining the administration’s international counterterrorism strategy paints a tempered picture of terrorist threats.

Unlike the sometimes overwrought assessments post the Sept. 11, 2001 attacks, this strategy stems from a comprehensive policy review by the Biden administration.

The strategy encapsulates a balanced approach to international terrorism threats.

With the evolution of these threats, the document underscores addressing direct terrorist threats to the U.S. and its installations overseas while acknowledging the need to prioritize risks amid other national security threats and resource constraints.

As per the strategy, the U.S. is to avoid large-scale, U.S.-led nation-building efforts under the guise of counterterrorism, opting instead for “tailored approaches” such as assisting local authorities to bolster security through local forces.

Geographic constraints and Exceptions

Regarding geography, the rules apply globally, exempting only Iraq and Syria. These countries, where the remnants of the Islamic State linger, are currently regarded as areas of active hostilities, allowing military operators greater leeway in ordering airstrikes.

Therefore, the regulations govern drone operations in other countries where the U.S. has conducted recent strikes, including Afghanistan, Yemen, Libya, Somalia, and certain tribal regions of Pakistan.

However, exceptions to these rules exist. Drone strikes in defense of American forces or partner forces trained and equipped by the U.S. are exempt from the special procedures.

They are permitted when “foreign partners and allies are under attack or are threatened with an imminent attack.”

Yale Law School professor Oona Hathaway regards the new strategy’s recognition of other competing national security priorities as significant.

“Its call for ‘realistic and achievable goals’ is a rare U.S. government acknowledgment that eliminating all possible terrorism risk is impossible,” she said.

Former senior counterterrorism aide in the Obama administration, Luke Hartig, commended the document, stating, “This is sound for where we are now in the struggle against terrorism.”

The evolution of counterterrorism

As a new style of warfare in the 21st century, counterterrorism drone strikes in remote and poorly governed regions pose unique legal and policy challenges. The past four presidencies have wrestled with these dilemmas.

These regions, neither battlefield zones where American ground forces are fighting nor normal countries where police can arrest terrorists, have seen an uptick in drone strikes.

However, increased botched strikes and civilian casualties have led to human rights controversies and backlash against the U.S.

The threat of global terrorism has evolved significantly, particularly with the rise and fall of the Islamic State.

The decline of the Islamic State might mean a return to a more geographically dispersed terrorist threat. The rules cover capture operations, introducing more regulations, such as reporting to the International Committee of the Red Cross upon detaining someone and forbidding the arrival of new detainees at Guantánamo Bay.

These adjustments in U.S. drone policy reflect an adaptive, more calculated approach towards counterterrorism designed to meet the changing landscape of global terrorism. The full extent of their efficacy, however, remains to be seen.

Xog: Go’aankii Jeyte oo uga daray xiisadda Hiiraan iyo HirShabelle oo baacsi ku bilowday…

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii maanta guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan uu labo u qeybiyey gobolkaas, isla markaana uu magacaabay maamullo cusub oo kala hoggaami doona labada gobol.

Cali Jeyte oo markii xilka laga qaaday sheegtay madaxweynaha Hiiraan State ayaa maanta sheegay in Hiiraan uu labo qeybiyey oo dhanka xiga Buuloburde uu u bixiyey Shabeellada Sare, waxaana la sheegay in HirShabeelle uu baacsi ku billaabaay xubnihii uu magacaabay.

Dad ku nool Buuloburde ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta ay ciidamo boolis ah tageen guriga mid ka ah raggii uu magacaabay Cali Jeyte, in kastoo aysan ugu tegin oo guriga uu ka maqnaa masuulkii ay raadinayeen.

Durbadiiba maanta waxaa bilaabatay hanjabaad, waxayna garabka Cali Jeyte ku goodinayaan in HirShabeelle aysan ku dhicin inay ku xirto Hiiraan masuuliyiintooda.

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle ayaa xalay ka hadlay is qabqabsiga maamul eek a jira Hiiraan, isagoo dadka reer HirShabeelle ka codsaday inay u dul qaataan xiisadaha maamul ee soo cusboonaaday.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, wuxuu sheegay in HirShabeelle aysan aheyn xisbi la galo oo laga baxo, balse ay tahay maamul goboleed jira oo la aqoonsan yahay, dadka dega gobolladiisana ay ku qasban yihiin  inay ka mid ahaadaan abid.

Dhinaca kale, waxaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay duleedka magaalada Beledweyne isbaaro dhigteen ciidamo maleeshiyaad ah oo taabacsan guddoomiyaha cusub ee Cabdullahi Sufurow, maadaama dhammaan barihii kontorool ee maamul ay weli joogaan ciidan taabacsan Cali Jeyte.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa HirShabeelle ka wada waan waan si hoose ku socota oo la doonayo in xal looga gaaro tabashooyinka sababay in Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay kala go’aan.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo saddex qodob kaga hadlay khudbadii Stadium Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay kumanaan shacab ah ayaa maanta ka qayb galayay munaasabada 63 guurada 1-da Luuliyo oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Madaxwweynaha ayaa tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay door ku yeeshaan halganka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah oo Al-Shabaab ay u horeeyaan.

Xasan Sheekh oo dhibaatada ay Al-Shabaab dadka Soomaaliyeed ku hayaan ku tilmaamay gumeysi ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, musuq-maasuqa iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo waarta.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in gobanimada Soomaaliya aysan dhameystireyn inta Al-Shabaab ay dalkaan joogaan, wuxuu si qota dheer uga hadlay dagaalka ay ku hayaan diinteena suuban ee Islaamka.

Wuxuu tusaale u soo qaatay Masjidkii ay shalay Al-Shabaab ku qarxiyeen degaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaada Dhexe, isagoo sheegay in kuwaas ay ka baxeen diinta Islaamka.

“Al-Shabaab masaajid ay dhiseen weligiin ma aragteen, waa dumiyaan ee ma dhisaan, mana sheega karaan diin, gumeystihii dalkaan masaajid ayuu ka dhisay, laakiin Al-Shabaab waa dumiyaan ee aan iska qabano,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa aad u amaanay ciidanka Macawiisley ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, isagoo sheegay in taariikhdu ay xusi doonto halganka ay jirto Macawiisley.

“Walaalayaal dalku waa xoroobi rabaa, dhul balaaran ayaa maanta Khawaarijta ka xoroobay, waxaana lagu gaaray in dadkii deganaa dhulkaas ay maya iska dhaheen oo la dagaalameen Khawaarijta, walaalayaal dalkeeno xorriyad ayuu qaatay, in Shabaab la iska soo afjaro ayaana naga go’an,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo khudbadii Madaxweynaha

Cabdirisaaq Khaliif oo ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira dagaalka Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasabadda Kowda Luulyo uga qayb-galay magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay dagaalka weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood.

Ugu horreyn Khaliif oo indhowanahaan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa Puntland uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujisay dadka reer Laascaanood.

“Waxaan runtii jeclahay oo maanta si gaar ah ii taabaneyso bulshada reer Puntland oo ugu horreeyo madaxweynaheeda, madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo dhammaan shacabka reer Puntland sida ay u garab istaageen walaalahood iyo dadka ay ehelka yihiin, ayna uga dhiidhiyeen dulmigii lagu hayay aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Somaliland.

Cabdirisaaq Khaliif oo guud ahaan isaga soo baxay Somaliland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu aad ula yaabay taliska Hargeysa iyo Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay inay sida dab oo kale dhalinyaro Soomaaliyeed ugu shidayaan dagaalka ay ka wadaan Laascaanood.

“Waxaan runtii aad ula yaabay warar kasoo baxayay taliska ciidanka Hargeysa iyo madaxweynahooda maalmo dhoweyd oo ay tababaro u xirayeen dhalinyaro aan isleeyahay xabaashoodii baa la soo fogeeyay oo ay tilmaameen ina dagaalami doonaan” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in guusha ay soo dhowdahay, isla-markaana ay reer Laascaanood yeelan doonaan talo deegaanka ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaan leeyahay oo aan dadka reer Puntland u ballan qaadayaa in dagaalka ka socdaa Laaacaanood uu guuleysanayo, mana dheeraneyso guushiisa. Taladeeda deegaanka iyo dadkaana waxaa wada leh intii u dhimatay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay yiri C/risaaq Khaliif.

Waxaa kale oo C/risaaq Khaliif uu khudbaddiisa kusoo gabagabeeyay “Waxay noqon doonaa munaasabaddan, munaasabaddeeda kale inaynu ku dabaaldagno Laascaanood”

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, ayada oo weli dagaalladu ay ka socdaan bariga iyo galbeedka magaaladaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Sawirro: Haramcad oo howlgal culus ka fuliyay Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Booliska gaarka ah Haramcad ay ka sameeyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Haramcad ayaa isku fidiyay duleedka magaalada, waxayna gaareen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

“Ciidamadda Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Deegaanada ku teedsan Degmada Afgooye ka wada howlgallo lagu cirib tirayo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay dadka shacabka ah lacago uga qaadi jireen xubnaha Al-Shabaab.

“Ciidamada ayaa howlgalkan ku burburiyay Isbaarooyin ay Khawaarijta u dhigteen Shacabka oo lacago baad ah ay ku qaadi jireen” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Howlgallada ayaa weli sii socda, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada hoos yimaada magaalada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa deegaanadaas weeraro kasoo qaada, sidoo kalena ku diyaariyo qaraxyada lasoo geliyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli kascsan, ayada oo abaabul xoogan laga dareemayo duleedka Afgooye oo ay inta badan ay soo gaaraan xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Khadiija Diiriye oo shaacisay in munaasabadda kowda Luulyo looga xaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka haweenka iyo xuuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xalay laga xaday taleefankeedii gacanta, intii ay socotay munaasabadda xuska kowda Luulyo oo lagu qabtay xarunta Villa Soomaaliya.

Muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiir Khadiijo oo taagan masraxa xafladda, isla-markaana raadineysay taleefankeeda.

“Taleefoon yaa inta ka qaaday?” ayey ku tiri muuqaalka la baahiyay oo si u weyn u qabsaday baraha ay ku wada xiriirto ee Internet-ka.

Sidoo kale waxa ay dadka meesha joogay weydiisay cidda qaatay moobeylkeeda oo ay saaratay miis yar oo meesha yiilay.

“War taleefankeygii yaa qaaday intaan ayaa meesha joogtee?” ayay mar kale cod dheer ku tiri, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ma cadda in taleefanka ay mar dambe heshay iyo in kale, balse waxaa ku dhacay jahwareer, maadaama ay kaamirada soo qabatay, ayada oo qaylineysaa, isla-markaana raadineysa taleefankeeda gacanta.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana kamid ah dadka ka falceliyay siyaasiga caanka ah, Cali Yari Cali, wuxuuna yiri “War toloow Mobile-ka Khadiija hala keeno. “Intiinaanaa meesha joogtay” miyay tiri ? Waa Mention gareyn kartaa qofkaa tuhmeeyso”

Waxaa sidoo kale ka hadlay dhalinyaro badan oo isticmaala baraha bulshada, sida Barwaaqo Xuseen oo tiri “Madaxtooyo Mobile lagu xadayo Inalilaah war somalia cilmi badanaa”.

“Waa Musuq Maasuqii oo Practical ah. Waxaanse ka cabsi qabaa in wax lasoo qarxiyo” ayuu isna yiri wiil lagu magacaabo, Garaad Yaasiin.

“Wasiirad dhan oo meesha kadhax qeylinee oo leh yaaqaaday talefankeeygi waa wax aad loola yaabo” ayuu isagana yiri Soulman Oscar Jr.

Daawo: Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday Biixi

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay munaasabadda kowda Luulyo oo lagu qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo weerar ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda Laascaanood uu yahay wax laga xumaado, isla-markaana ay nasiib darro tahay dhiigga ku daadanaya magaaladaasi.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dhibaatada ka socota Laascaanood ay dhaawaceyso halganka odayaashii reer Hargeysa ee keenay guusha calanka Soomaaliya.

“Arrinta midnimada markaan ka hadlo waxaan rabaa inaad qodob yar ku daro oo aan ka hadlo dagaallada ka socda Laaascaanood oo aan is leeyahay ma’aha dagaal loo baahnaa in maanta intaas oo dhiig ah ay daadato odayaasha reer Hargeysa ee shalay calanka keenay haddii lagu yiraahdo xaaladda noocaas ayaa bariga jirta xabaasha inay qotaan ayey kasoo bixi lahaayeen” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu toos ugu weeraray khudbaddiisa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku eedeeyay in wado wixii uu shalay isagu diidayay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan saaxibkey Muuse Biixi iraahdo Muusow waxaad shalay diiday maanta ha’isku dayin inaad ku dhacdo” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jubbaland.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xalka uusan ku jirin xabad, balse loo baahan yahay in lagu raadiyo wadahadal iyo deganaan.

“Sidaas daraadeed waxaan rabaa inaan iraahdo war wax walba oo xal lagu dhameyn karo in xabad lagu raadiyo xal noqon meyso,” ayuu sii raaciyay Axmed Madoobe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu mar kale dagaalka dib u qarxay Laascaanood, waxaana ugu dambeysay xalay oo madaafiic lagu weeraray gudaha magaaladaasi.

Jeyte oo magacaabay xilal dhowr ah, soona kordhiyey gobol loogu magac daray…

Beledweyne (Caasimada Online) – Cali Jeyte Cusmaan, oo dhowaan sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka uu iskiis ugu dhowaaqay ee Hiiraan State, ayaa magacaabay xilalka xubno uu sheegay inay maamulka ka mid noqonayaan. 

Cali Jeyte ayaa wareegto uu soo saaray ku magcaabay taliyaha Ciidanka Daraawiishta Hiiraan State oo loo magcaabay Suleeymaan Geeddi Ibraahim. 

Waxa uu sidoo kale u magcaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Cabdullahi Maxamed Faarax Biriq, halka uu taliyaha Saadka Ciidanka Daraawiishta u magacaabay Afrax Cali Xasan (Afrax Yare). 

Jeyte Cismaan ayaa wareegto kale oo uu soo saaray ku magcaabay guddoomiyayaasha gobolka Hiiraan iyo gobol cusub oo loogu yeeray Shabeellada Sare. 

Jeyte ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cabdicasiis Axmed Cadoow (Jaaburi), halka uu guddoomiyaha “gobolka Shabeellada Sare” u magcaabay Cabdiladhiif Faarax Aadan. 

Ugu dambeyn Jeyte ayaa afhayeenka madaxtooyadiisa u magacaabay Maxamuud Maxamed Saxane Odowaa.

Tallaabooyinkan ayaa imanaya ayada oo sidoo kale Cali Jeyte uu Khamiistii magaalada Beledweyne ka dhagax-dhigay madaxtooyo cusub oo maamulkiisa Hiiraan State uu yeelanayo.

Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in reer Hiiraan ay dhisa doonaan madaxtooyadaas oo ‘igu sawir’ aysan ka noqon doonin, wuxuu sheegay in hadda ay ka baxayaan tabasho ay qabeen tan iyo xornimadii dalka.

Cali Jeyte ayaa toddobaad kahor ku gacan sayray xil ka-qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, wuxuuna kadib qaaday tallaabo uu ku xajisanayo awoodda gobolka Hiiraan, isaga oo ku dhowaaqay maamul uu ugu magac daray Hiiraan State.

Somaliland ‘oo duqeysay’ Laascaanood xilli ay socotay xafladda kowda Luulyo

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay ciidamada Somaliland ay madaafiic xoogan ku garaaceen gudaha magaalada Laascaanood oo 15 sano kadib xalay lagu qabtay xuska Kowda Luulyo.

Madaafiicda oo laga soo tuuray duleedka Laascaanood ayaa ku dhacday gudaha magaalada oo xalay si weyn loogu dabaaldagayay sanad guurada 63-aad ee 1-da Luulyo.

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa shabakadda wararka ee Caasimada Online u sheegay in xilliga ay bilaabaneysay duqeynta ay magaalada ka socotay munaasabad ballaaran oo ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo lagu xusayay Kowda Luulyo oo ah markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Sidoo kale waxaa dhankooda madaafiic ku jawaabay ciidamada SSC-Khaatuma ee difaacyada kaga jira bannaanka magaalada, taas oo uga sii dartay xaaladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse waxaa sidii loogu talagalay kusoo dhammaatay xafladda Kowda Luulyo ee lahi qabtay Laascaanood.

Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlay duqeyntaas, ayaa  cambaareeyay, isaga oo ku eedeeyay maamulka Hargeysa.

“Waxaan hambalyeynayaa in caawa markii ugu horreysay xafladda dabaaldagga kowda Luulyo lagu qabto magaalada Laascaanood, waxaanse aad uga xumahay dadkaas ku jiray waqtiga farxadda leh saacadihii aanu soo dhaafnay in maamulku duqeynayay goor habeenimo ah magaalada” ayuu yiri guddoomiye hore, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Xiisadda Laascaanood ayaa mar kale dib u qaraxday todobaadkii lasoo dhaafay, kadib markii ay dagaalladu dib uga billowdeen bariga iyo galbeedka magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa sidoo kale helay gurmadyo dheeraad ah, kadib markii ay ciidamo horleh gaareen aagga hore ee dagaalka, si ay uga qayb-qaataan.

Xaaladda ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana horay u fashilmay dhammaan isku dayadii la sameeyay ee ku aadana in la joojiyo dagaalka, kadibnaa la wadahadlo.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.