27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo xalay ka dhacday Villa Soomaaliya, taas oo lagu xusayay 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa u dhacday si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciuidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa munaasabadda, waxaana kadib la saaray calanka Jamhuuriyadda abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Villa Soomaaliya.

Maanta ayaa sidoo kale la filayaa in dibaaldagyo lagu xusayo Kowda Luulyo lagu qabto caasimada, ayada oo shalay xukuumadda ay ku dhowaaqday in uu jiro isku soo bax.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa dadka reer Muqdisho ugu yeeray in ay isugu yimaadaan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Fiqi ayaa sheegay in munaasabad weyn ay maanta ka dhacayso halkaas, isla markaana la go’aamiyey in halkaas la isugu geeyo dadka isugu soo baxaya dabaal-degga.

Sidoo kale Fiqi wuxuu sheegay in berri uu Madaxweyne Xasan Sheekh dadka kula hadli doono Stadium Muqdisho, markii la isugu yimaado munaasabadda 1-da Luuliyo.

Si kastaba, sanad kasta Soomaaliya waxaa lagu qabtaa munaasabad weyn oo lagu xuso 1-da Luuliyo oo ku asteysay 63-sano ka hor markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur.

Isbeddelka taliska ciidanka oo durba saameyn weyn ku yeeshay dagaalka Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii shalay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ayaa waxa uu banaanka usoo saaray saameynta uu durba dagaalka socday uu ku yeeshay isbeddelka lagu sameeyay taliyeyaasha ciidanka.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda federaalka ay isbeddel ku sameysay taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta ee Soomaaliya, ayada oo taliyeyaasha cusub ay xilka la wareegeen.

Taliyihii Ciidanka Lugta Jeneraal Biixi ayaa lagu beddelay Jeneraal Axmed Aadan Cali, halka Taliyihii ciidanka xoogga Jeneraal Odowaa ayaa sidoo kale waxa lagu beddelay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Isbeddelkaan ayaa keenay in dib u dhac ku yimaado howl-galadii ciidanka dowladda, xilli uu dalka ku jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo wejigii hore ee dagaalka looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan gacantooda ku jiray.

Taliyaha ciidanka Macawiisley ee ka dagaalama deegaanka Daaru-Nicma Cabdi Taakow Qodaxow oo la hadlay VOA ayaa arrintaan ka dhawaajiyay, taasi oo kooxda Al-Shabaab ay durba ka dhex aragtay fursad ay ku sameyn karto rogaal celin.

Cabdi Taakow ayaa waxa uu sheegay in isbeddelka saraakiisha sare ee taliska xoogga iyo munaasabadaha xorriyada iyo ciida ay saameeyeen dhaq-dhaqaaqii ciidan ee aagaas ay ka waday dowladdu.

“Waxaa jira kala guur, oo waa tii la bedelay taliyeyaasha iyo hoggaanadii ciidamada, taliyihii xoogga iyo taliyihii lugta. Waxaa lagu jira maalmihi xoriyada iyo ciiddo, sidaas darteed waqtigii loogu tala-galay in ciidanka xoogga dalka inay deegaankaas iyo deegaanada lamidka ah ee degmada Ruun-nirgood ay soo gaaraan ayaa dib u dhac ku yimid,” ayuu yiri Taliye Cabdi Taakow.

Waxa uu intaas kusii daray “Shabaab-ka waxay iyaguna ka faa’iideysteen inta ciidamo dowlad deegaanka soo gaarin inay waxay boobi karaan ama dafi karaan dafaan.”

Si kastaba, dowladda federaalka iyo taliska cusub ee ciidanka ayaa waxaa xilligaan la gudboon inay meesha ka saaraan gaabka ku yimid howl-galada iyo dhaq-dhaqaaqii ciidanka, si aysan markale fursad ugu noqon kooxda Al-Shabaab, sida ay qabaan khubarada amniga.

Daawo: Cali Guudlaawe oo ka jawaabay tallaabadii Jeyte

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay xilka qaadista uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Cali Guudlaawe oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa si adag uga hadlay tallaabada uu qaaday Jeyte oo ku dhowaaqay maamulka ‘Hiiraan State”.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aysan noqon karin maamul goboleedka kale, isla-markaana aysan aheyn xisbi la’isaga bixi karo marka loo baahdo.

“Waxaa xaqiiqaa dowlad goboleed kale noqon mee HirShabelle, mana ahan xisbi laga baxayo waa sida aad ugu dhalatay deegaankan waad ku jiree intaad nooshahay qaybtaada ka qaado annagana waxaan ballan qaadeynaa inaan u nuglaano talo kasta oo naloo keeno” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay in loo baahan yahay in qofka haya mas’uuliyadda muddada uu joogo xafiiska lala shaqeeyo, haddii xilka laga qaadana lasoo dhaweeyo midka cusub.

“U dhalashada HirShabelle ahaashadeedu ma aha waxa dhamaanaayo, laakiin qof kasta oo mas’uuliyad haayo muddo kooban ayey leedahaye ee halagula shaqeeyo muddadaas, midka beri imaanaayana loola shaqeeyo waxay u dan tahay danta iyo degaanka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ku dadaali doono sidii looga gudbi lahaa in guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka lagu soo magacaabo digreeto, isla-markaana qorshahooda uu yahay in bulshada ay soo doortaan hoggaankooda.

“Guud ahaan degmooyinka HirShabelle dad la magacaabay oo digreeto kusoo baxay ayaa maamulo wixii hadda ka dambeeya dad ay bulshadu soo dooratay inuu hoggaamiyo ayaa naga go’an” ayuu  mar kale hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in guul weyn laga gaaray howlgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in deegaanada la xoreeyay ay gaarsiiyeen adeegyada muhiimka ah nolosha aas aasiga ah, si bulshada loo taageero.

Farmaajo oo farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska munaasabadda maalinta qaran ee Kowdo Luulyo oo maanta ku beegan.

Farmaajo ayaa marka hore hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed isaga oo la wadaagay hambalyo ku aadan munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

“Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay maalintii gobollada koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda qaateen, isla markaana labadii gobol ee woqooyiga iyo koonfurta dalkeennu ay midoobeen” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maanta ku suntan tahay maalin gobanimo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay Kowda Luulyo.

Waxaa kale oo uu xusay in maanta oo kale ay aad muhiim uy tahay in la muujiyo waddaniyad iyo dal jaceyl.

“Toddobaadka xorriyadda dalkeennu waa mid ku suntan, una taagan gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadnimo. Waxaana xuska iyo weynaynta maalmaha xorriyaddu ay dib inoo xasuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka ahaa ee dhaliyey xorriyadda dalkeenna” ayuu mar kale ku yiri bayaanka uu soo saaray madaxweynihii hore ee dalka.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay mar walba ilaashadaan taariikhdooda, isla-markaana ay xasuustaan, una duceeyaan dhamaan halyeeyadii naftooda u huray xornimada dadka iyo dalka Soomaaliya.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa in ay mar walba xusuustaan una duceeyaan halyeeyadii naftooda u huray sidii ay dalkeenna iyo dadkeenna uga kor qaadeen heeryadii gumaystaha, waana in aynu sooyaalkooda ka barannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka iyo midnimada dhexdeenna ah. Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Si kastaba, sanad kasta Soomaaliya waxaa lagu qabtaa munaasabad weyn oo lagu xuso 1-da Luuliyo oo ku asteysan 63-sano ka hor markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur.

48 qof oo ku dhintay dalka KENYA, kadib markii…

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Londiani ee galbeedka Kenya fiidnimadii Jimcaha, kadib markii gaari xamuul ah oo siday konteenar shixnad ah uu waddada ka baxay kadibna uu ku jiiray dhowr baabuur, sida ay sheegeen booliska iyo goob-joogayaal.

Muuqaallo laga soo duubay shilkan oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah ayaa muujinayay burburka baabuurta iyo mootooyinka oo ay barbar socdeen bas yar iyo baabuur kuwa xamuulka ah oo burburay.

Taliyaha booliiska gobolka, Tom Odera ayaa sheegay in dhimashadu ay mareyso 48 fiidnimadii Jimcaha.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in gaarigan xamuulka ah uu jiiray in ka badan lix baabuur, islamarkaana uu dilay dad lugeynayay, waxayna intaas ku dartay in inka badan 20 dhaawac ah ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaallada deegaanka.

“Dalku waxa uu la murugeysan yahay qoysaskii eheladooda ku waayay shil bahalnimo oo ka dhacay magaalada Londiani,” ayuu madaxweynaha Kenya William Ruto kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii lasoo dhaafay ka dhaca waddooyinka dalka Kenya.

Sannadkii hore 34 qof ayaa ku dhintay bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen uu ka dhacay buundo, kuna dhacay webiga.

VOA +  Reuters.

Sawirro: DF oo tababar usoo xirtay 3,000 askari oo cusub

Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta 3,000 oo askari tababar ugu soo xiray dalka Uganda.

Ciidamadan oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay lagu tababarayay dalkaasi.

Ciidamada ayaa halkaasi ku soo bandhigay dhoolatus ku aaddan xirfadooda ciidanimo, xilli munaasabaddii tababarka loogu soo xirayay ay ku sugnaayeen Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Vincent Ssempijja iyo Taliyaha Ciidamada ee dalkaasi, General Wilson Mbadi.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa ciidamada ku bogaadiyay inay u diyaargaroobeen difaaca qarankooda.

“Maanta waxaad qaadateen tababarkii ugu horreyay oo jir iyo farsamaba leh, waxaad kaloo qaadateen tababar maskaxeed oo ah inaad u diyaargaroodeen maskax ahaan inaad qarankiina ku difaacdaan naftiina, caqligiina iyo xoogiina,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Diyaargarowgaasi aad u diyaargaroodeen la dagaalanka Khawaarijta iyo inaad shacabka Soomaaliyeed amnigooda sugtaan, waxaad go’aan ugu qaadateen inay dhab idinka noqoto ayaa la idinka rabaa.”

“Qofka bani’aadamka ah waxa ugu dambeeyo ee uu bixiyo waa nafsaddiisa, waxaad keenteen oo aad la soo shir-tagteen idinkoo dhallinyaro ah mustaqbalkiina hor leeyahay inaad dalkiina, dadkiina iyo diintiina u dhimataan,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiir Jaamac ayaa ciidamada kula dardaarmay “Waxaa idinka reeban wax walba oo xumaan ah inaad ku gaysataan tababarka la idin siiyay, oo diintuna xarimtay, shuruucda dalkana xarimtay.”

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo caawa dalka looga dabaaldegayo munaasabadda sanad guurada 63aad ee ka soo wareegatay, markii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Soomaaliya.

Dhageyso: Taliyaha Macawiisley oo xog xasaasi ah ka bixiyey weerarkii Daaru-nicma

0

Daarunicma (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Macawiisley ee ka dagaalama degaanka Daarunicma Cabdi Taakow Qodaxow  ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay kooxda Al-Shabaab ugu suurta gashay inay saakay qabsadaan degaankaas.

Cabdi oo la hadla Idaacadda VOA ayaa sheegay in xalay xiligii dambe ay ka war heleen in kooxda Al-Shabaab ay duulaan ku soo tahay deegaanka, isla markaana ay sameeyeen xeelad dagaal.

Wuxuu sheegay inay isaga baxeen deegaanka oo hal qof uusan ka harin, taas oo sababtay in kooxdii ay si nabad ah ku soo galaan deegaanka Daarunicma oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay maamulayeen ciidanka Macawiisley.

Cabdi Taakow wuxuu sheegay in khadaaraha ugu badan ee weerarkaas ka dhashay uu soo gaaray Masjid weyn oo deegaanka ku yaalla, kaas oo kooxdu ay ku dhufatay gaari qarax ah.

Wax dhimasho ama dhaawac ah kama dhalan weerarkaas, sida uu sheegay Taliye Cabdi Taakow, waxayna daqiiqado gudahood Al-Shabaab ku baneeyeen deegaankaas ay dagaal la’aanta kula wareegeen.

“Xalay saqdii dhexe ayaan dareenay culeyska kooxda, kadibna waxay sameynay dib u gurasho, waxay soo galeen afartii habeenimo, waxayna gaari qarax ah ku dhufteen Masaajidka, kadib hal qof waa ka waayeen deegaanka, waana isaga carareen oo 10 daqiiqo ma joogin, sababtoo ah waa cabsadeen oo xeelad dagaal inaan magaalada uga baxnay waa dareemeen, ayuu yiri Taliyaha ciidanka Macawiisley ee aagga degmada Ruun-nirgood.

Maanta waxaa deegaanka Daarunicma dib ula wareegay ciidanka macawiisley ee markii hore baneeyey deegaanka iyo kuwa xoogga dalka oo gurmad ugu tegay, waxayna gelinkii dambe ee maanta xaaladu ku soo laabatay si caadi ah.

Taliye Cabdi Taakow waxaa la weydiiyey sababta aysan deegaankaas u joogin ciidan ka tirsan xoogga dalka, wuxuuna sheegay in isbedelka saraakiisha sare ee taliska xoogga iyo munaasabadaha xorriyada iyo ciida ay saameeyeen dhaqdhaqaaqii ciidan ee aagaas ay ka waday dowladdu.

Daawo: Fiqi oo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay berri isugu soo baxaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa dadka reer Muqdisho ugu yeeray in berri ay isugu yimaadaan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in munaasabad weyn ay berri ka dhacayso halkaas, isla markaana la go’aamiyey in halkaas la isugu geeyo dadka isugu soo baxaya dabaal-degga.

Sidoo kale Fiqi wuxuu sheegay in berri uu Madaxweyne Xasan Sheekh dadka kula hadli doono Stadium Muqdisho, markii la isugu yimaado munaasabadda 1-da Luuliyo.

Sanad kasta Soomaaliya waxaa lagu qabtaa munaasabad weyn oo lagu xuso 1-da Luuliyo oo ku asteysay 63-sano ka hor markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur.

Kooxda Al-Shabaab ayaa looga go’ay garoonkaas oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan dib u dayac tirtay, kadib markii ay hoobiye ku garaaceen mar lagu qabtay ciyaar kulmisay dadweyne badan.

Hadda waxaa soo hagaagay amniga Muqdisho, waxaana lagu rajo weyn yahay in munaasabadaas ay si nabad ah uga dhacdo Stadium Muqdisho, maadaama ciidanka xasilinta caasimadda ay dhanka amniga ka soo hooyeen natiijooyin amni oo bulshadu wada dareentay.

Wasiir Fiqi oo ah guddoomiyaha guddiga munaasabadaha toddobaadka xorriyada ayaa shacabka reer Muqdisho ka codsaday inay ciidamada amniga ku garabsiiyaan sugidda amniga, si munaasabadaas ay si nabdoon ugu qabsoonto.

Hoos ka daawo

Minnesota Muslims hold strong amidst Adhan controversy

Minneapolis (Caasimada Online) – A recent amendment in Minneapolis permitting mosques to broadcast the Adhan, or call to prayer, at any hour has led to increased tension and attacks on local mosques, sparking widespread concern among Muslim residents.

Despite these incidents, community members remain committed to practicing their faith openly and are working to ensure their safety.

In a landmark move this April, Minneapolis became the first major American city to allow mosques to broadcast the Adhan around the clock publicly.

Previously, a city noise ordinance permitted broadcasts only between 7 am and 10 pm, interfering with the traditional Islamic practice of commencing the first prayer, Fajr, before sunrise and the last, Isha, after sunset.

The Muslim community welcomed the modification, including Wali Dirie, the Islamic Civic Society of America executive director, and the Dar Al-Hijrah Mosque.

“Three years ago, his mosque was the first to obtain permission to broadcast all five calls to prayer during Ramadan,” said Dirie.

Rising Islamophobia and Mosque attacks

Despite the city council unanimously passing the change, the decision has not been without controversy.

Since the rule alteration, the Twin Cities of Minneapolis and St Paul have seen an alarming spike in mosque and community center attacks, with some attributing these incidents to a backlash against the new law.

70-year-old congregant, Sareedo Abdi, voiced fears that her mosque could be the next target: “We feel it’s Islamophobia.” This sentiment is echoed by many Muslims who feel targeted in the aftermath of the ordinance change.

In response to the attacks, the Muslim community has sought the assistance of the Democratic governor, Tim Walz, and mayors of Minneapolis and St Paul, as well as various police departments.

The community is working to bolster mosque security, including installing surveillance cameras.

State Attorney General Keith Ellison, the first Muslim to hold this position, has also pledged to tackle hate crimes in the region.

This determination is mirrored in the community, with a shared resolve to persevere. As Wali Dirie puts it, “We’re not going to stop, and we’ll work with law enforcement.”

Minneapolis: A Muslim stronghold

Minneapolis, long known for its Democratic leanings, is home to one of the largest Somali-American populations in the United States.

The Minnesota Compass, a nonprofit, estimates that over 70,000 Somali Americans live in the Twin Cities. They worship at about 30 mosques, 22 of which are in Minneapolis.

The city council unanimously passed the change during Ramadan, including three Muslim members among its 13. In 2018, Ilhan Omar became the first Somali American elected to Congress, symbolizing a significant milestone for the Muslim community.

However, challenges persist. Recent data from the FBI reveals a 12% increase in hate crimes across America in 2021, with an even higher surge in Minnesota, up nearly 40%.

Aisha Chughtai, a 25-year-old council member and the youngest in the council’s history, attributes the attacks on mosques to a rise in white supremacist beliefs.

“Being Muslim in this country, being Jewish in this country, being Black in this country, being a person of color in this country, being an immigrant in this country, means that you experience discrimination, racism, and violence in all aspects of life,” she said.

Despite the current challenges, Minneapolis’s Muslim community remains steadfast in its faith and committed to coexistence.

Ahmed Jamal, who often delivers the call to prayer, remains undeterred by the threats: “When I am calling, it makes me feel so happy.”

Sawirro: Macawiisley oo dib u qabsaday Daaru-nicma oo Shabaab ay burburiyeen

0

Daaru-nicma (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka ayaa maanta gelinkii dambe dib ula wareegay degaanka Daaru-nicma ee gobolka Shabeellada Dhexe oo hoos taga degmada Ruun-nirgood.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay oo Jimco aheyd weerar ku soo qaaday deegaankaas oo ciidamada deegaanka ee Macawiisley ay difaac uga jireen.

Ciidanka deegaanka ayaa dib uga gurtay deegaankaas, waxaana si nabad ah kula wareegtay kooxda Al-Shabaab oo maanta isaga baxday markii ay ka war-heleen duulaanka kaga soo wajahan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo dib isku soo abaabulay.

Faahfaahin badan lagama helin dhibaatooyinka ay geysteen Al-Shabaab saacadihii ay joogeen deegaankaas, balse waxaa la xaqiijiyey inay burburiyeen goobo uu ku jiro Masjid weyn oo ciidamada deegaanku ay ka dul-dagaalami jireen, markii ay soo weerarto kooxdu.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxyo culus ay ku xireen ceel-biyoodka deegaanka, balse aysan u suurta gelin inay qarxiyaan, kadib markii ciidanka deegaanka oo garabsanaya kuwa xoogga dalka ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen kooxdii Al-Shabaab ee qabsatay deegaanka.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka weyn ee deegaanka Daaru-nimca oo Al-Shabaab ay qarax ku burburiyeen maanta.

Dadkii ugu muhiimsanaa ee deegaankaas ayaa xalay saqdii dhexe isaga cararay deegaanka, markii ay ciidanku ku war-geliyeen inay dib u gurasho sameynayaan, mana jirto cid weli shaacisay waxa ay kooxda kala kulmeen dadkii ku haray deegaanka.

Mudooyinkaan kooxda Al-Shabaab waxay naawileysay inay dib u qabsadaan deegaanka Daaru-nicma, waxayna horay deegaankaas iyo tuulooyinka u dhow kaga afduubteen dad u badan carruur iyo haween.

Hase yeeshee waxaa la sheegay in markii dambe ay dadkaas soo daayeen, kadib markii ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda ay soo afduubteen carruur iyo haween kale oo ay qaraabo dhow ahaayeen hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

President Hassan’s crackdown on corruption has already fared well as a deterrence policy!  

After years of civil war, Somalia has been on a long trajectory towards evolving into a nation with the gadgets needed to effectively deliver decent governance. The most remarkable democratic culture that established itself in Somalia’s political landscape is the peaceful and mutual transfer of power between elected leaders with a fixed term for the presidency, despite some undemocratic flaws brought on by the force of circumstances, like clan-bargaining politics. Another damning indictment of our hard-earned governance system is the rampant corruption as a corollary of the generally held perception of the government as being nothing but a conduit used to navigate toward racketeering and self-enrichment.

The current administration under the leadership of President Hassan Sheikh Mohamud has recently declared a crackdown on corruption. Since the epochal moment of his re-election in May 2022 as Somalia’s first-ever president to be voted in for a second term, the word “Corruption” remained on the president’s lips. He kept addressing the matter with guns blaze in almost every speech he delivered- be it televised or given in the presence of public gatherings. The most recent was delivered on the day of Eid Al-Adha when the president spoke to a sizable throng of people in Mogadishu’s Mosque of Islamic Solidarity immediately following the Eid Prayer. In regards to corruption, he compared it to terrorism, which is currently in the government’s sights. He claimed that since the government sees those who steal public funds fraudulently on a par with terrorists in terms of harm and severity, both will be equally targeted.  

Many people originally had some qualms about the president’s rhetorical reiteration of his commitment to lance the boil of corruption because they thought it was just easier said than done. Because of the long-standing laissez-faire and ambivalent tactics taken by Somalia’s past governments in addressing these challenges, the idea of anti-corruption has long been considered as a political mantra whose materialisation was inconceivable.

As a carryover from that bitter reality of the past, the president’s frequent pledges to cut adrift corruption of the entire public services failed to gain traction in the public sphere, owing that a large number of people raised questions regarding the trustworthiness of the president’s promises as a result of an extrapolation from the experience of similar vows which ended up in vein.

However, simply at the stroke of a pen, the government has been able to overturn the negative public opinion regarding its intention to seriously fight corruption after the wheels of a real anti-corruption campaign were set in motion with a string of actions taken in holding some government officials accountable for shenanigans they were found to have been up to. Since these new turn of events have surfaced, the scale of public opinion is arguably tilted in the government’s favour in a variety of ways as follows:

 1. It worked as a deterrence strategy:

Over the past few weeks, the government’s war on corruption has become the talk of the town with references made to some big names rumoured to have fled the country in fear of getting arrested over corruption charges. Those fugitives in question were once held in high regard, enjoying a prerogative carte balance to behave outside the law and get away with it. 

The current anti-corruption uproar erupted after a series of court warrants were issued for several government officials slated to appear in trials over indictments of misappropriation of public funds. However, little is known about the individual identities or the precise number of those implicated because the cases since the cases are still pending. 

The news of government officials getting arrested over corruption has confirmed President Hassan Sheikh’s zero tolerance for corruption, one of the sticks that his critics have long used to beat him. Those who are in the know about this matter contend that for the President, corruption is more than misconduct that needs to be redressed. Rather, it’s an unfairly concocted misrepresentation of his public image that he surely suffered as his worst nightmare throughout the years he’s striving to reclaim the power, an aim that he probably pursued just to purge himself of that negativity by turning the tide on those individuals who are infamous for thriving on the abuse and misuse of power for personal gains.

In a bid to get a grasp of this situation, I approached some relevant and reliable sources who told me about what can be regarded as the mainstay of the current movements by the government to eradicate corruption. One riveting account narrated that the president whilst on a work visit to a foreign country has received a Somali citizen whom he has long known. As expected, the guest seized the opportunity of meeting the president to make his wishes for government positions, brazenly enumerating some offices with unbridled access to public affluence so that an impoverished person can easily grow into a swift richness. According to this source, what that person blatantly uttered with no regard for any due decorum, etiquette, or respect required in such highly prestigious settings has given away a lot about how people think of the government under the leadership of President Hassan Sheikh- a distorted image crafted by trusted individuals in his inner circle whose wrongdoings played into the hands of the President’s political rivals.

That random encounter might have left its stamp on the president’s way of looking into the matter of corruption, as he continued referring to what could be seen as an implicit recount of the same incident whenever addressing the subject in his subsequent speeches since then. He also kept noting that the most sought-after positions within the government are those associated with income generation, a clear sign of a commonly corrupted public attitude in the ascendancy over the probity and integrity necessary for a decent discharge of public duties. 

The president’s recent stringent words have projected his strong-willed orientation and unyieldingly intent on rooting out all sorts of underhanded activities within the government, a fact that began to dissuade many people from committing such crimes in one way or another. For instance, the demand for government positions has recently diminished at a noticeable level as a result of the new developments which made anybody perturbed about coming into contact with any government jobs that can place them on the line for corruption charges.

One anecdote to this effect comes from a Somali politician (preferred to be anonymous) who shared what he learned about the strange ways that certain people think when it comes to their desire for government posts. He recalled from personal experience the instance of a man who irritably called his phone to inquire about a position with the government prior to the President’s declaration to clamp down on corruption. Even though he had a good work and a good salary, this job seeker was unhappy with his situation and strangely vied for a government position with a salary that was less than half of what he was receiving. A baser inclination of unquenchable hunger to steal public cash was the ulterior motivation behind this man’s choice of demotion over promotion. Those kinds of retarded mentalities are now brought to their senses, having desisted from bothering politicians with absurd bids for government jobs with a view to unrightfully earn money.

2. Changing the perception is instrumental in ending the corruption:

By unleashing a ferocious blitz to combat corruption, the Somali government has thus far helped the recalibration of the long-held public attitude and perception of the its sincerity in getting rid of corruption and other clandestine and dishonourable activities that have permeated across the realm of public services and remained an egg on the government’s face. 

Against the backdrop of the present anti-corruption drive, it’s safe to conclude that the public’s perception of corruption will likely alter significantly for the better. Many people who once wanted to seek employments in the government in search of illegal money-making opportunities are now starting to pull back and have second thoughts. 

According to academic theory, how corrupted a nation is judged depends on how that corruption is perceived. This is where the Corruption Perception Index (CIP) comes in, which rates nations based on how allegedly corrupt their political systems are. Scores vary from 0 to 100, with 0 indicating high levels of corruption and 100 signifying low levels. Transparency International, a group that works to end bribery, fraud, and other types of public sector corruption, releases the CPI every year.

In this regard, President Hassan Sheikh’s steadfastness and intransigence in the face of corruption would prove to be adaptable in deterring those who wish to commit corruption, reshaping and positively skewing the perception of corruption, and paving the way for new opportunities going forward to help our nation achieve a good rating in the upcoming assessment of the level of corruption worldwide.  

More importantly, the president’s position on this issue would undoubtedly allow him to revive his political reputation, which has for a long time been the target of malicious defamation campaigns.

Mohamed Dhaaley, a UK-based writer, has a university degree in journalism and a long span of experience writing about Somali politics and other significant social topics for his own blog and online outlets.

Email: [email protected]

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Sawiro: Waqtiga ay dhaceyso munaasabadda 1-da July iyo halka lagu qabanayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamnisay in munaasabadda 1-da Luuliyo sanadkaan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, kaas oo bilo ka hor cabsi badan laga qabay in bulsho badan ay isugu tagto.

Soomaaliya waxaa ka socda dabaal-degga toddobaadka xorriyadda, hadda waxaa dhiman munaasabadda ugu weyn 1-da Luuliyo, taas oo Sabtiga gelinka dambe ka dhici doonta garoonka Stadium Muqdisho.

Guddiga qaranka ee dowladu u xil-saartay qaban-qaabada munaasabadaha toddobaadkaan ayaa go’aamiyey in sanadkaan munaasabadda lagu dhigo Stadium Muqdisho.

Maalinta 1-da Luuliyo, waxaa Soomaaliya ka dhaca munaasabadda ugu weyn, maadaama ay kulansatay midowgii koonfur iyo waqooyi iyo xornimadii gobollada koonfureed ee dalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa looga go’ay garoonkaas oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan dib u dayac tirtay, kadib markii ay hoobiye ku garaaceen mar lagu qabtay ciyaar kulmisay dadweyne badan.

Hadda waxaa soo hagaagay amniga Muqdisho, waxaana lagu rajo weyn yahay in munaasabadaas ay si nabad ah uga dhacdo Stadium Muqdisho, maadaama ciidanka xasilinta caasimadda ay dhanka amniga ka soo hooyeen natiijooyin amni oo bulshadu wada dareentay.

Guddiga ay dowladu u xil saartay howshaan ayaa kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dubbaridka dabaaldaga munaasabada 1-da Luuliyo ku yeeshay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.

Kulankaas oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddiga heer qaran iyo heer gobol ee isku dubbaridka munaasabada maalmaha xorriyada, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda cayaaraha dalka.

Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda Axmed Macalin Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaas.

Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii deegaanka Daaru-Nicma

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar ay saaka waaberigii ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma, kaasi oo uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray maleeshiyaadkeeda iyo ciidanka dowladda.

Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerarkaasi, iyada oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Daaru-Nicma, islamarkaana ay burburisay saldhigyadii ciidanka dowladda ee deegaankaasi, sida ay sheegtay.

“Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar kula jarmaaday deegaanka Daarunicma oo ay saldhigyo ku lahaayeen (ciidanka) dowladda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Ciidamada (kooxda) waxay saakay oo Jimca ah dagaal kula wareegeen deegaanka Daarunicma – ee Shabeellada Dhexe.”

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal kooban kadib ay ciidanka dowladda ay iskaga carareen deegaanka, islamarkaan ay u baxsadeen dhinaca deegaanada Al-Kawthar iyo Aadan Yabaal, ayna ku daba jiraan firxadkooda, sida lagu yiri sheegashada kasoo baxday kooxda Al-Shabaab.

Sheegashada kooxda Al-Shabaab ay kasoo saartay weerarkii saaka iyo dagaalkii xigay ee dagaal-yahaanada kooxda iyo ciidanka dowladda ku dhexmaray deegaanka Daaru-Nicma, ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijin karo.

Dagaalka saaka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo dowladda oo ku aadan sheegashada kooxda Al-Shabaab iyo khasaaraha dagaalka arroornimadii saaka ka dhacay deegaanka Daaru-Nicma.

Si kastaba, Deegaanka Daaru-Nicma ayaa kamid ahaa deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay kala wareegeen kooxda, oo ku dhawaad toban sano ka talineysay halkaasi.

Sawirro: Ciidanka Haramcad oo burburiyay maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkaan oo ay sameeyeen ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmadaasi, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Haramcad ayaa howl-galkaan waxay ku burburiyeen maxkamad beenaadkii kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd deegaanadaasi, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Howl-galkaan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u burburiyay maxkamado ay kooxda ku laheyd duleedka Muqdisho iyo deegaano kale, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay bulshada caasimada.

Howl-galkan ayaa imanaya, ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin.

XIISAD culus oo maanta ka taagan Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaalada ay xiisad dagaal ka taagan tahay, taasi oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Xiisadda dagaal ayaa si gaar ah uga taagan bariga magaalada, gaar ahaan aagga xerada Goojacadde oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada hubeysan ee labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in milatariga Somaliland iyo ciidanka deegaanka ay haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo uga sii dareyso xiisadda taagan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay heleen gurmadyo kala duwan oo ciidan ah, kuwaas oo saacadihii ugu dambeeyay gaaray duleedka Laascaanood, si ay ugu biiraan dagaalka ka socda halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland iyo SSC-Khaatuma oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.

Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay.

Duqeymaha ayaa si gaar ah u saameeyay xarumo ku yaalla bartamaha Laascaanood, kuwaas oo isugu jiro guryo ay dagan yihiin dad shacab ah iyo goobo ganacsi intaba.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Wareysi: Maxaa ka jira in la dayacay xujayda Soomaaliya?

0

Makkah (Caasimada Online) – Waxaa lagu jiraa maalmihii ugu dambeeyay ee gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo kumannaan Soomaali ah oo ka dhoofay gudaha waddanka ay sanadkaan gudanayaan cibaadadaasi.

Waxaa maalmihii dambe si weyn baraha bulshada loogu baahinayay in la dayacay Xujeydii Soomaalida aheyd oo meelo cidla ah looga tegay, xilli dowladda ay ku faantay in sanadkaan meesha laga saaray musuq-maasuqii adeega Xajka

Haddaba, Waa sidee xaaladda Xujeyda Soomaalida ah iyo waxa ka jira dayaca la sheegay?

Weriye Xasan Cabdi (Xasan Yufle) oo kamid ah Soomaalida sanadkaan xajineysa oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in Xujeyda Soomaalida ay heleen adeeg aad u wanaagsan, islamarkaana la dejiyay meelo u dhow Mina.

“Adeeg fiican oo wanaagsan ayaa loo sameeyay Xujeyda. Runtii waxaa Soomaalida la dejiyay huteello aad u wanaagsan oo isku xiga, sida u soo gaadhana waa fududaaneysay. Qofka xilli kasta oo uu soo kaco Xaramka waa uu haleelayay,” ayuu yiri Xasan Yufle oo u waramay VOA.

“Qof meel looga tegay oo la dayacay ma arkin. Iyada oo baska uu jiray oo xilli kasta heegan yahay ayaa dadka Soomaalida qaar taksi raacayay, waxay u raacayaan qof caafimaad u socda, qof suuqa kasoo adeeganaya ama qof qaraabadiisa soo booqanaya.”

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, “Dadka lasoo duubay ee baraha bulshada lasoo dhigay ee la yiri Soomaalida waxay tuugsaneysa taksiile waa been.”

“Maalintii 8-deed ee Dul-Hijjah ayaa nidaam xumo yar dhacday oo Soomaalida waa iska taqaana oo qof walba wuxuu isleeyahay yaan laga tegin. Markii dadkii si nidaam darro ah u koreen basaska waxay sababtay in markii la tegay Mina in dadka qaar meeshii loogu tala-galay waayeen.”

Waxa uu ka dhawaajiyay in Xujeyda Soomaalida qaarkood ay seexdeen banaanka, markii la tegay Mina, taasi oo uu sheegay inay sababtay nidaam darro ka dhalatay qaabkii Soomaalida usoo raaceen basaskii loogu tala-galay.

“Waa jireen dad banaanka ku baryay oo qoraxda seexday, laakiin sababta keentay waxay aheyd nidaam darada baska lagu koray,” ayuu yiri Xasan Yufle.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Faah-faahinta dagaal culus oo ciidanka DF iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Sh/Dhexe

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka waaberigii hore ka dgacay deegaanka Daaru-Nicma ee hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo dhinac ah iyo dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma, halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Mana jiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarka Al-Shabaab iyo khasaaraha dagaalkii xigay weerarkaasi oo arroornimadii saaka ka dhacay deegaanka Daaru-Nicma.

Hase yeeshe, kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul weyn ka sheegatay weerarkaasi, ayada oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta Daaru-Nicma, islamarkaana ay cagta marisay saldhigyadii ciidamada dowladda ay halkaasi ku lahaayeen. Sheegashadan weli si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastab, Deegaanka Daaru-Nicma ayaa kamid ahaa deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay kala wareegeen kooxda, oo ku dhawaad toban sano ka talineysay halkaasi.

Arrinta ugu weyn ee ay isku hayaan DF iyo PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay Puntland uga hortimid hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo arrinta ay isku hayaan dowladda federaalka.

Wasiir Dhabancad ayaa waxa uu shaaciyay in Puntland ay diidan tahay qorshaha mideynta hanaanka maaliyadeed ee dalka, taasi oo ay dooneyso dowladda federaalka, ayada oo weli heshiis wadar ogol ah aan laga gaarin.

“Sababta aan isku hayno dowladda federaalka waa in Muqdisho aragtida ay qabto shuruucda ku dhisto, anaguna waxaa leenahay miiska ha la iskugu yimaado oo ha laga heshiiyo,” ayuu yiri Wasiir Maaliyadda Puntland oo la hadlay BBC.

“Waxay rabaan in nidaamka maaliyadeed la mideeyo oo hal irid leh, waxa uu halkaas irid ka hor imaanaya Dastuurka KMG ee Federaalka, dowladda federaalka waa ku raacday IMF iyo Bangiga Aduunka oo ma dhihin waxan Dastuurkeena ma waafaqsana.”

Wasiirka ayaa waxa uu ku dooday in dalka uu federaal yahay, sidaas darteed uu maamul kasta u madax banaan yahay nidaamkiisa maaliyadeed, ayna marnaba aqlabeyn in toos loo hoos geeyo Xamar, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa la raadinayo waxa kamid ah in la mideeyo canshuuraha, akoonada ay ku shaqeynayaan maaliyadaha iyo hanaanka maaliyadeed oo dhan la mideeyo oo Xamar la dhigo, oo ay sahlanaanto in halkaas wax walba laga maamulo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay isku hayaan dowladda federaalka ee salka ku haysa hanaanka deyn cafinta u baahan tahay wada-hadal, ayna diyaar u yihiin ka maamul ahaan inay kala fariistaan madaxda sare ee dalka.

“Deyn cafinta iskama imaneyso waxay rabtaa in hanankii dalka la isku dhiso oo hanaankii maaliyadeed la dhiso oo hal mid laga, hanaankii canshuuraha mid laga dhigo anaguna taas ma qabno. Marka waxaa rabnaa in dalka heshiis yahay, oo anaga waxaa qabnaa in hanaanka canshuurahayga u madax banaanahay.”

“Waxaa leenahay in miiska wada-hadalka ay dowladda federaalka ogolaato in la isku yimaado. Puntland waxay diyaar u tahay in dowladda federaalka wada-hadal la galno oo kala hadalno arrimaha awood qeybsiga, kheyraadka iyo dalkaan federaalnimadiisa sida ay noqoneyso.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda Xasan Sheekh ay hore usii waday wixii ay isku hayeen dowladii hore ee madaxweyne Farmaajo, “Wixii aan diidaneyn oo madaxda dowladda federaalka ee hadda joogta ay nala diidaneyd in hore loo sii wado, waxaa ku qasbanaanay in aan banaanka ka istaagno.”

Ethiopia oo codsatay in ay ku biirto ururka BRICS

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya oo kamid ah dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu aadka u kobcayo ayaa codsatay inay ku biirto ururka BRICS ee suuqyada soo koraya, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Waxaan filaynaa in BRICS ay jawaab wanaagsan naga siin doonto codsiga aan sameynay,” ayuu saxaafadda u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Meles Alem, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda ee ENA.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Itoobiya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta hay’adaha caalamiga ah ee ilaalin kara danaheeda.”

Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee ugu tirada badan qaaradda Afrika, balse dhaqaalihiisu uu ku jiro kaalinta 59-aad ee dunida, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, waxaana uu kala bar ka yar yahay waddanka ugu yar xubnaha BRICS ee Koonfur Afrika.

Wadamada BRICS waxay matalaan in ka badan 40% dadka adduunka iyo ilaa 26% dhaqaalaha aduunka.

Erayga BRIC waxa alifay dhaqaaleyahan Goldman Sachs, Jim O’Neill, sannadkii 2001 si uu u qeexo kor u kaca Brazil, Russia, India iyo China.

Awoodaha BRIC ayaa shirkoodii ugu horreeyay 2009 ku yeeshay Ruushka, iyada oo Koonfur Afrika ku biirtay 2010-kii.

MALI oo dalbatay in dalkeeda si deg deg ah looga saaro ciidamada QM + Sababta

Bamako (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Qaramada Midoobay ka socda dood la xiriirta in la sameeyo waqti ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta ah ay kaga baxaan dalka Mali.

Dooddan ayaa imaneysa, iyada oo dowladda Bamako ay dooneyso in aan dib loo dhigin ka bixista ciidanka Qaramada Midoobay ee dalkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mali Abdoulaye Diop ayaa cambaareeyey waxa uu ugu yeeray guuldarrada howl-galka nabad ilaalinta QaramadaMidoobay.

Wasiir ayaa fadhi ay lahaayeen Golaha Ammaanka waxa uu si lama filaan ah uga jeediyay dalab ah “in ciidamadaasi ay si deg deg ah uga baxaan Mali.”

Howl-galka nabad ilaalinta ee loo yaqaan Minusma oo ah kii ugu qaalisanaa ee QM oo ay sanadkii ku baxaysay lacag dhan $1.2 billion oo dollar, ayaa hadda u muuqda in uu meesha ka baxayo, iyada oo Mali oo la tacaaleysa kooxaha Jihaadiyiinta ahna ay wajihi doonto xaalad aan la ogeyn waqtigan.

Horraantii June ayuu Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka hadlay sii joogista ciidanka Qaramada Midoobay ee Mali, iyada oo ay guud ahaan gobolka sii kordhayaan cabsida ah inay sii kordhayaan khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah haddii ay ciidanka QM baxaan.

REUTERS + VOA