27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Overstated threats stir U.S. troop return to Somalia

Washington (Caasimada Online) – A new report suggests that the move to redeploy U.S. troops in Somalia last year was significantly influenced by an overestimated terror threat evaluation from the U.S. Africa Command (AFRICOM).

This new investigation highlights the necessity of reassessing strategic approaches to the crisis in the East African nation.

General Stephen Townsend, former head of AFRICOM, had outlined a grave security image resulting from Trump’s order to withdraw troops, pushing both publicly and behind closed doors for a military re-engagement.

In his 2022 presentation to the Senate Armed Services Committee, Townsend maintained that “Al-Qaida’s al-Shabab remains the greatest threat to U.S. persons and interests in the region as well as the homeland… if left unchecked, al-Shabab will soon expand beyond Somalia’s borders and become an even greater threat to regional stability and American interests.”

Unchallenged Decisions

According to the International Crisis Group, a multinational independent think tank, these alarming claims essentially went unquestioned.

The report was based on interviews with serving and previous U.S. government officials.

It stated, “Despite the sense among some U.S. officials that Townsend may have been inflating the threat, especially to the U.S. homeland, his position faced little if any dissent at the Defense Department. Not even political appointees who otherwise supported scaling back the war on terror vigorously challenged his proposal.”

As a result, a return to the previous military status quo in Somalia was seen, with hundreds of troops again supporting the country’s ongoing fight against Islamic militants.

AFRICOM is yet to comment on the revelations of the report.

Troop deployment: The ‘least bad’ option

The decision to redeploy appeared to face little opposition due to its alignment with the Pentagon’s preferred method: using a relatively small number of troops at a low cost to contain a threat from spreading outside of the region.

The report revealed that officials from the Pentagon and State Department deemed this move “the least bad option.”

“There were doubtless several reasons for the diffidence. One was likely that the threat of a terrorist attack weighs heavily on senior leaders, who never want one to happen on their watch,” the report noted, explaining that this perspective often leads to a policy favoring troop deployment to mitigate any risk.

A call for political reconciliation

The International Crisis Group, however, calls for a shift in focus towards non-military means to resolve the long-standing conflict in Somalia.

They argue that the current approach, overly reliant on military force, is unlikely to succeed due to the intricate political landscape of Somalia and al-Shabab’s enduring resilience.

The report pushes for the U.S. to concentrate on political reconciliation efforts among Somalia’s diverse groups and tribal factions.

It suggests that the U.S. should seize any opportunity to aid Somalia’s government in negotiation talks with al-Shabab, weakening the terrorist organization through diplomatic channels.

It further states, “A corollary to the broadly accepted analysis that al-Shabaab cannot be defeated militarily is that, at some point, a settlement with the group may offer the best hope of stabilizing the country. Although many officials in Washington recognize that dialogue could be in the cards, they tend to brush off the need for long-term planning toward this end.”

This report underscores the critical need for a strategy recalibration concerning U.S. involvement in Somalia, favoring diplomacy and dialogue over militaristic solutions.

It provides a comprehensive framework to understand the nuances of the situation, thereby opening avenues for policy discourse that could reshape the future of Somalia.

Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin loo haysto kiis culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin ku eedeysan in uu xaday cunug yar.

Booliska ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanahan kadib markii lagu soo wargeliyay kiiskaan, wuxuuna talisku soo bandhigay sawirkiisu.

Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ninkaan lasoo qabtay loo horgeyn doono cadaaladda.

Booliska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka reer Muqdisho ka dalbaday inay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan falal amni darro, “Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhigga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991.”

Maalin kahor ayay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin ganacsatada Soomaaliyeed ee caasimada ku ganacsade ku dhacaya lacag doolar oo been abuur ah.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Ducale Maxamed ayaa waxa uu talisku sheegay in la horgeyn doonaa Maxkamada Awooda u leh, si loogu qaado dambiga loo haysto, loona marsiiyo cadaaladda.

Si kastaba, Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ayadu aad uga nasataya qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqda mid soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee dowladda federaalka ay ku sugeyso amniga, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.

Sawirro: Ciidamo horleh oo gaaray Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa maanta gaaray ciidamo horleh oo ka baxay gobolka Sanaag, kuwaas oo ku biiraya ciidanka deegaanka SSC ee ku sugan halkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa si weyn magaaladaas ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka SSC-Khaatuma iyo waxgaradka deegaanka.

Sawirro laga soo qaaday ciidanka ayaa la arkayay, ayaga oo qalabeysan, isla-markaana kusii jeeda aagga dagaalka ee Laascaanood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidankan oo u abaabulan hab beeleed ayaa ka soo baxay degaanka Xingalool ee gobolka sanaag, iyaga oo qeyb ka noqonaya xoogagga SSC ee duleedka magaalada Laascaanood kula dagaalamaya milatariga Somaliland.

Waa markii saddexaad oo ay xarunta gobolka Sool gaarayaan ciidamo ka tegay deegaanka Xingalool oo beesha degta ay si weyn taageero ugu muujibeyso xoogagga SSC-Khaatuma.

Dhanka kale, Somaliland ayaa ciidamo horleh geysay xerada Goojacadde oo ah furinta dagaal ee ugu adag, isla-markaana ay haatan isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool.

Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Puntland oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah dayn cafinta Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland, oo uu weli khilaaf xoogan kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa dalab culus oo xasaasi ah u gudbisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka, kaas oo ku aadan arrimaha deyn cafinta.

Wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Dhabancad oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in IMF iyo Bankiga Adduunka ay ka codsadeen in dib loo dhigo deyn cafinta Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan mareyso.

Dhabancad ayaa sababta ku sheegay inay muhiim tahay in marka hore heshiis laga gaaro nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya, si xal waara loogu helo maamulka maaliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan qaabka ay wax ku waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay halis u keeneyso deganaasha Soomaaliya, maadaama aan heshiis lagu aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in arrintan ay saameyn doonto GPD-ga dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha, sidaas daradeedna ay dalbanayaan in marka hore heshiis la gaaro.

“Haddii maanta IMF iyo World Bank dhahaan dalkii dayn cafin baan ku sameynay, oo 2 billion-dollar lasoo qaato, oo Soomaaliya lasoo galiyo, grants ama deeqihii caalamku bixinayeen ay istaagaan, hadhow maxay samayn ah ayay ku keenaysaa GPD-ga dalka, iyo dhaqaalaha dalka. Annagu waxaan rabnaa inuu dalku marka hore heshiis yahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo sameeyay wada shaqeynta labada dhinac, waxayna arrintu kasii dartay markii uu madaxweyne Deni xiriirka u jaray maamulka dowladda dhexe.

Si kastaba, horay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu u sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe aanu saamayn ku yeelan doonin barnaamijla deyn cafinta.

Sawirro: Saney Cabdulle oo saldhig ciidan kala wareegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay inay wareejiyeen maamulka iyo gacan ku haynta laba saldhigyo milatari oo kale, iyadoo ay sii socoto hawsha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee ka hawlgala Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu wareejiyey Cadale, iyo Arbacow.

Magaalada Cadale ayaa hawlgalka ATMIS uu sheegtay in ciidamada Burundi ay maamulka ku wareejiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wareejinta waxaa sameeyey taliyaha ciidamada Burundi ee ATMIS sarreeye guuto Jean Claude Niyiburana oo ku wareejiyey Gaashaanle Sare Saney Cabdulle, oo ah taliye guuto oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Saldhigga Arbacow oo ku yaalla maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ATMIS sheegtay in lagu wareejiyey ciidamada xoogga dalka.

ATMIS waxay sidoo kale sheegtay in la xiray saldhigga Marka Ayuub oo ay horey u joogi jireen ciidamada Midowga Afrika.

ATMIS waxay horey u wareejiyeen saldhigyada Xaaji Cali iyo Miirtaqwo. Waxaa harsan in cidamada ATMIS ay wareejiyaan saldhigyada Aljazeera 1 iyo Geriley.

ATMIS ayaa sheegtay inay dalka ka bixi doonaan ciidamo dhan 2 kun oo laga soo qaaday saldhigyada la wareejiyey bishan Juun oo ay berri u dambayso.

Dawladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay inay diyaarisay ciidamadii la wareegi lahaa mas’uuliyadda ciidamada 2-da kun ah ee la dhimayo.

Tallaabada ay ATMIS ku dhimayso ciidankeeda ayay horey ugu heshiiyeen dawladda Soomaaliya yo Midowga Afrika, waxaana la filayaa in tallaabada xigta ay noqoto 3 kun ciidan dhan oo iyaguna ka bixi doona Soomaaliya bisha September ee sannadkan.

Ciidamada ATMIS ayaa la filayaa inay gebi ahaan ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024-ka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan muddo lix bilood ah cusboonaysiiyey muddo-xileedka ATMIS.

Isha: VOA

Dalalka Bariga Dhexe oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka ee dalka…

Riyadh (Caasimada Online) – Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa maanta cambaareeyey falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka.

Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm.

Booliska caasimadda Sweden ayaa Salwan siiyey fasax uu dibadbax ku dhigo, si waafaqsan waxa loogu yeero xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxay goor dambe sheegeen inay fureen baaritaan ka dhan ah oo la xiriira “kicin”.

Dhacdadan ayaa timid ayada oo Muslimiinta caalamka ay u dabbaal-degayeen maalinta Ciidul Adxa.

Ciraaq ayaa mas’uuliyiinta Sweden ku cambaareysay go’aanka ay “xagjir” ku siiyeen fasax uu ku gubo qur’aanka.

“Dhacdooyinkan waxay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka, waxayna ka dhigan yihiin daan-daansi halis ah oo lagu sameeyey,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq.

Iiraan ayaa sidoo kale ku biirtay cambaareynta, ayada oo gubitaanka qur’aanka ugu yeertay mid “daan-daansi ah, aan laga fiirsan, oo aan la aqbali karin.”

“Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan… uma dulqaataan aflagaaddada noocan, si xooggan ayeyna u cambaareynayaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanani.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay falkan.

“Falalkan naceybka ah ee soo noqnoqda laguma aqbali aqbali karo wax cudur daar ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa ku tilmaamtay gubista Qur’aanka Kariimka ah “fal fool-xun oo ka caraysiinaya dareenka Muslimiinta.”

Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira ayaa isna ku tilmaamay gubista Qur’aanka Kariimka ah “weerar lagu soo qaaday xuddunta diinteena Islaamka.”

Kuwait ayaa ku baaqday in dambiilayaasha falalka noocan ah cadaawadeed la horkeeno cadaaladda “lagana hortago in mabaadi’da xorriyadda ay qiil uga dhigtaan cadaawad ka dhan ah Islaamka ama caqiido kasta oo muqaddas ah.”

Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, halka Morocco ay u yeertay safiirkeeda Stockholm.

Sidoo kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeysay Sweden “inay qeyb ka tahay dambiga.”

Xizbullah ayaa ugu baaqday Sweden inay joojiyaan falalka noocaan ah “halkii ay ku dhuuman lahaayeen xoriyadda hadalka.”

Waxay ku boorisay Mas’uuliyiinta iyo dalalka Islaamka iyo Carabta inay qaadaan “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay ugu qasbaan Sweden iyo dalalka kale in laga hortago soo noqoshada dhacdooyinka noocan oo kale ah iyo joojinta “fidinta dhaqanka nacaybka ah.”

Bishii Janaayo, nin xagjir oo Swedish-Danish ah, kana tirsan kooxaha garabka midig, ayaa ku gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm, taasi oo sidoo kale ka careysiisay dunida Muslimka.

AFP, VOA

Go’aanka Jeyte ee casuumad ay u fidisay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan uu ku gacan seeray dalab uga yimid dowladda federaalka oo ku aadan in uu soo gaaro gudaha nmagaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu Cali Jeyte ku casuumay Villa Soomaaliya, balse waxaa iska diiday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Jeyte uu shaki ka muujiyay Villa Soomaaliya, isaga oo tuhun ka qaba, haddii yimaado Muqdisho in lagu xanibo ama loo diido inuu ku laabto Beledwene, maadaama ay haatan xiisad xoogan kala dhexeyso HirShabelle iyo dowladda dhexe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Villa Soomaaliya oo ku aadan diidmada Cali Jeyte, maadaama uu diiday inuu yimaado magaalada Muqdisho, si ay dowladda ugala hadasho xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay.

Cali Jeyte oo ciidamo beeleed ku heysta Beledweyne ayaa maalmo ka hor ku dhowaaqay in loo doortay madaxweynaha KMG ah ee ‘Hiiraan State’ taas oo ay dad badan ay la yaabeen.

Waxaa kale oo uu sheegay in reer Hiiraan ay tashadeen, isla-markaana ay sameysteen maamul ka madax bannaan HirShabelle, kaas oo la magac baxay “Hiiraan State” waxa uu tilmaamay inay go’aansadeen inay ka hoos baxaan HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Cali Jeyte ayaa horay weerar afka ah ugu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay in talada dalka uu gacanta u galiyay rag kale oo ay saaxibo yihiin.

Soomaaliya ‘oo ogolaatay’ inay ka qeyb-gasho kulanka Madasha Negev ee Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Comoros ayaa ogolaaday inay saraakiil sare oo korjoogto ah u diraan shirka heer wasiir ee Madasha Negev, oo ah koox ay ku jiraan Mareykanka, Israel, Masar, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco, waxaa sidaas warbaahinta Axios ee Mareykanka u sheegay laba sarkaal oo Israeli ah.

Soomaaliya iyo Comoros oo ah laba dal oo Islaam ah wax xiriir diblomaasi oo rasmi ah lama lahan Israel.

Saraakiisha labada dal ayaa wada-hadallo qarsoodi ah la lahaa Israel muddo sanado ah, waxayna dhowaan si qarsoodi ah u booqdeen Israel, sida ay sheegeen saraakiisha Israel ee la hadlay Axios.

Ka qeybgalkooda kulanka ayaa noqon karta tallaabo weyn oo loo qaaday hanaan ay labada dal xiriir diblomaasi kula yeelanayaan Israel.

Madasha Negev waxaa la aasay March 2022, kadib kulan aan caadi aheyn oo ay ka qeyb-galeen xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken iyo wasiirada arrimaha dibedda Israel, Masar, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco.

Aas-aadka madasha ayaa looga dan leeyahay inay dalalka gobolka iskaashi ka yeeshaan arrimaha caafimaadka, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada, biyaha iyo ammaanka.

Kulankii labaad ee heer wasiir ee Madasha Negev ayaa la qorsheeyey bishii March ee lasoo dhaafay, hase yeeshee waxaa dib loo dhigay dhowr jeer, kadib markii xubnaha Carabta ay walaac ka muujiyeen inay si toos ah ula macaamilaan dowladda garabka midig ee fog ee Israel.

Waxaa hadda la filayaa in kulanka uu dhaco xagaagan.

Kahor dib u dhigista kulankii March, Israel ayaa soo jeedisay in Soomaaliya iyo Comoros ay kulanka uga qeyb-galaan hab korjoogto ahaan ah, wayna aqbaleen labada dal, sida ay saraakiisha Israel u sheegeen Axios.

Isaga oo u warramayey weriyayaasha Axaddii, wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen ayaa sheegay “laba ama saddex dal oo aan xiriir diblomaasi la lahayn Israel ayaa ka qeyb-geli doona kulanka.”

Waxa uu intaas ku daray in Israel ay weli rumeysan yahay “inay ka qeyb-geli doonaan kulamada mustaqbalka, ayna noqon doonto tallaabo horey loogu qaaday xiriir rasmi ah.” 

Safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo howlgalka Comoros ee QM ayaan ka jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Xasan Sheekh oo xiriir la sameeyay madaxda Turkey, Jabuuti iyo Qatar + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal khadka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynayaasha dalalka Turkey, Jabuuti iyo Qatar.

Wadahadalkan ayaa qaatay saddex saacadood, wuxuuna si gaar gaar ah u dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh,  Rajab Dayib Ordogan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Amiir Tamiim Binu Xamad.

Ugu horreyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxdan ka guddoomay hambalyo ku aaddan Ciidda barakaysan ee Carafa, oo ay usoo direen dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, oo haatan la daala dhacaya dhibaatooyin gudaha ah.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo sannado barwaaqo ah, wuxuuna uga mahadceliyay saddexda hoggaamiye garab istaaga ay u muujiyeen Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray dadaalka ay dowladdu gelinayso kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka Turkiga, Qatar iyo Jabuuti, kuwaas oo soo garab istaagay xilliyada adkaa.

Wadahadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalintii labaad loo dabaal-dagayo, munaasabadda Ciida Carafo oo ah maalmo ku weyn quluubta ummadaha Muslimiinta.

Si kastaba, dowladaha Turke, Jabuuti iyo Qatar ayaa kamid ah waddamada xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, sidoo kalena qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Qaban-qaabadii u dambeysay ee xuska 1-da Luulyo oo ka socota Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ku saabsan u diyaar-garowga iyo isku dabaridka dabaaldaga munaasabada Kowda Luuliyo ayaa maanta waxa uu ka qabsoomay garoonka Stadium Muqdisho.

Garoonka uu kulankaan ka qabsoomay ayaa ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.

Kulankani oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga heer qaran iyo heer gobol ee isku dabaridka munaasabada maalmaha xorriyada, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda ciyaaraha dalka.

Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda Mudane Axmed Cali Fiqi iyo guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daah-furan loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb-galka munaasabadaasi.

Guddiga iyo masuuliyiinta kale ee goobjoog ka ahaa kulankaan ayaa waxay ku go’aamiyeen in Stadium Muqdisho lagu qabto munsaabadda, iyada oo galabtaasi lagu maamuusi doono cayaar dhexmari doonta kooxaha kubadda cagta ee Horseed iyo MCC.

Guddigaan oo ka kooban qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horraantii bishaan waxaa magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Guddigan ayaa maalmihii dambe ka shaqeynay qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda.

Morocco oo safiirkeeda u yeeratay kadib falkii lagu gubay Qur’aanka ee Sweden

Stockholm (Caasimada Online) – Marooko ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden, iyadoo uu maqnaan doono muddo aan la cayimin.

Arrintan ayaa daba socota falkii uu ninka kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku jeexjeexay dabna ku qabadsiiyay bannaanka masaajid ku yaalla bartamaha Stockholm, warkaasina waxaa faafisay wakaaladda wararka ee dawladda Marooko.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Morocco ayaa sidoo kale Arbacadii shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden ee Rabat, ayadoo u muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin” sida ay wakaaladda wararku ku tiri qoraalka ay faafisay.

Dhacdadan lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayaa halis gelineysa inay ka careysiiso Turkiga oo diidan codsiga ay Sweden ku dooneyso in ay xubin kaga noqoto gaashaanbuurta NATO, maadaama booliiska Sweden ay oggolaanshiyo siiyeen in la qabto mudaaharaadka lagu gubay kitaabka.

Booliiska ayaa markii dambe ninkan kusoo oogay dacwad ah inuu ku kacay fal ka dhan ah qowmiyad ama kooxo gaar ah.

Mudaaharaadyo is daba joog ah oo ka dhacay Sweden oo looga soo horjeedo Islaamka, laguna doonayo xuquuqda Kurdiyiinta ayaa ka careysiiyay Ankara, iyadoo Sweden ay u baahan tahay taageerada Ankara si ay uga mid noqoto xulufada NATO.

Somalia agrees to attend Negev Forum meeting in Israel

Washington (Caasimada Online) – In an unprecedented move, two Muslim-majority nations, Somalia and Comoros, have decided to send senior delegates to observe a forthcoming ministerial gathering of the Negev Forum.

The Negev Forum, established in March 2022, is a prestigious body comprising nations such as the United States, Israel, Egypt, the United Arab Emirates, Bahrain, and Morocco.

This development, confirmed by two high-ranking Israeli officials to Axios, signals a positive shift in these nations’ stance towards Israel, with whom they have no official diplomatic ties.

While both Somalia and Comoros are part of the Arab League, the decision to engage with the Negev Forum underscores a subtle yet substantial stride towards normalizing relations with Israel.

According to sources, representatives from these two nations have been engaged in secret discussions with Israel over the past few years and have recently made confidential visits to the country.

Background of the Negev Forum

During an extraordinary meeting held in Israel in 2022, the Negev Forum was conceived to foster regional multilateral cooperation.

The forum primarily focuses on critical health, economy, climate change, water, and security sectors.

It was endorsed by significant political figures such as Secretary of State Tony Blinken and foreign ministers from member countries.

The second ministerial meeting of the Negev Forum, initially slated for March, has been deferred multiple times.

The delay stems from the concerns voiced by Arab members regarding public engagement with the right-wing Israeli government amid the tense Israeli-Palestinian conflict conditions.

However, the meeting is now anticipated to occur post-summer.

Behind-the-scenes developments

Before the latest postponement, Israel had invited Somalia and Comoros to participate in the meeting as observers. According to Israeli sources, both nations accepted the proposal.

In a recent press briefing, Israeli Foreign Minister Eli Cohen confirmed that several countries with Israel lacking formal diplomatic relations were expected to attend the meeting.

He optimistically added that Israel believes their participation in future meetings will be crucial to normalization.

Cohen further provided updates to US Secretary of State Blinken regarding Israel’s ongoing dialogue with Arab and Muslim-majority countries that currently lack diplomatic relations.

To sustain the momentum, Cohen emphasized the need to schedule the Negev Forum ministerial meeting soon to facilitate the participation of representatives from these nations.

Neither the Somali Embassy in Washington nor the Comoros mission to the UN responded to requests for comment on the matter.

UN sanctions AU’s strategic retreat from Somalia

New York (Caasimada Online) – In a significant move towards complete disengagement, the United Nations Security Council recently decided to extend the mandate of the African Union’s forces in Somalia for an additional six months.

However, the authorization is coupled with the continuation of a systematic drawdown of personnel, a process initiated earlier.

On Tuesday, the Council announced the timeline for the departure of an additional 3,000 soldiers by September.

This marks the second withdrawal phase following the removal of 2,000 personnel, which is nearly completed, according to Deputy Somali Ambassador Mohamed Rabi Yusuf.

Yusuf confirmed that the Somali government would collaborate with the African Union for the necessary arrangements for the next phase.

A shift in the peacekeeping landscape

The African Union has been a significant presence in the country since 2007 when the Security Council approved the creation of AMISOM (African Union Mission in Somalia).

By April 2022, a change was deemed necessary, and AMISOM was replaced by ATMIS (African Transitional Mission in Somalia).

The ATMIS force, empowered with a strengthened mandate to combat the Al-Shabaab Islamists, operated with over 19,000 soldiers and police officers.

However, the Security Council has outlined plans for the number to reduce to zero by 2024, slowly transitioning the responsibilities to the Somali forces.

The resolution, unanimously adopted on Tuesday, imposed a new cap on uniformed personnel at 14,626 from October 1 to December 31, 2023.

Yet, the Council demonstrated its adaptability, stating it is “ready to review these figures” based on the evaluation of a technical assessment due on September 15.

The African Union and Somalia will provide the assessment and detail the first phase of the drawdown and a “clear plan and timetable” for the remaining transition.

Security concerns and dilemmas

Despite the apparent progress Somalia has made against Al-Qaeda affiliate Al-Shabaab, the resolution voiced “grave concern” that the group continues to threaten Somalia and the region’s peace and stability.

“We should not be hasty when it comes to withdrawing the African peacekeeping mission from Somalia,” Deputy Russian Ambassador Anna Evstigneeva argued, warning against creating a security vacuum.

Despite these security challenges, Somalia has renewed its calls to lift an arms embargo.

“The partial UN arms embargo on Somalia hinders the federal government of Somalia’s ability to adequately resource its security forces to counter the evolving threat of Al-Shabaab,” Yusuf stated.

In November, the Security Council extended the arms embargo, established in 1992.

Although it no longer applies to arms deliveries intended for the Somali security forces’ development, the UN sanctions committee must be notified of such deliveries.

In the case of certain heavy weapons, the committee may object. According to the Somali government, these restrictions limit their ability to deal with the threat Al-Shabaab poses effectively.

Axmed Madoobe oo tegaya gobolka Gedo, shaaciyeyna qorshe uu wado

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kale ka hadlay arrinta gobolka Gedo, kadib markii uu maanta boqolaal qof oo reer Kismaayo ah uu ugu khudbeeyey goob ay ku oogeen salaadii Ciida Carafo.

Axmed Madoobe ayaa ku celceliyey in Gedo aysan sii ahaa karin sidaan, isagoo cid kasta oo wax ka gashay ka dalbaday inay maamulkiisa ku garabsiiso sidii Gedo loogu soo dari lahaa Jubbaland.

“Ragga maamula Gedo cuqdad kama qabno, anigaa tegaya, wasiiraa tegaya, madaxweyne ku xigeenkaa tegaya, xildhibaanaa tegaya, waxaan rabaa dadkaas wax kasta oo la isugu keeni karo inaan sameyno, gobolkaas wax uusan mudneyn ayaa dib u dhigay, waa inay meesha ka baxaan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu siyaasiyiinta reer Gedo u sheegay in aysan jirin wax naceyb ah oo lah qof oo ka mid ah uu u qabo, isla markaana uu doonayo in gobolkaas dadkiisu ay ka baxaan maamul xumada, sida uu sheegay.

“Masuuliyad ayaa naga saaran gobolkaas dib u dhac badan oo ka jirana waxaa u keentay asbaab siyaasadeed, reer Gedo waxaan leeyahay intaas ha idin kaga filaato wixii dhibaato ah oo idin soo gaari lahaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maxaxweynaha Jubbaland, wuxuu sheegay in Gedo uu tegayo oo wasiirradiisu ay tegayaan, isla markaana xal loo raadi doono khilaafka siyaasadeed ee 3-dii sano ee lasoo dhaafay ka jiray gobolkaas.

“Arrinta gobolka Gedo waxay noo tahay muhiim, Gedo waa Jubaland, waxaa jira wax siyaasadda lagu qalday, laakiin ma sii daba-geli doono wixii dhacay,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuu qorsheynayo in Gedo laga sameeyo dib u heshiisiin, iyadoo qof kasta lagu tix-gelinayo mansabka uu ku dhex leeyahay bulshada gobolkaas oo uusan jiri doonin qof gooni loo riixi doono, sida uu  balan-qaaday.

“Gedo waxaan u magacaabay maamul gobol, waxaan rabaa in la isugu yimaado oo qof kasta wixii uu tabanayo laga xaal-mariyo, kuwa maanta maamulka ka ah gobolka Gedo kuma jiro qof aan xumaan u qabno, waa inaad qaadataan masuuliyadiina, waxaan rabnaa in dadku wada noolaadaan iyagoo isku calool fiyow,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

 

DF Soomaaliya oo soo saartay war-saxaafadeed 33 qodob ka kooban

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 33 qodob oo lagu faahfaahinayo waxyaabihii todobaadkaan u qabsoomay hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Bayaankaan oo toddobaadle ah ayaa Arbaco kasta ka soo baxa wasaaradda warfaafinta, waxaana qodob-qodob loogu dul istaagaa kaliya waxyaabihii u qabsoomay dowladda todobaadkaas.

Hoos ka akhriso qodobada oo dhameystiran:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda Ciidul Adxa shacabka la hadlayey ayaa dul istaagey caqabadaha curyaamiyey nolosha dadka oo musuqmaasuqa ugu horeeyo.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka inay garab istaagaan qorshaha dowladda ee la dagaalanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa. Madaxweynaha waxaa uu hadalkaasi ka jeediyay Masjidka Isbahaysiga oo uu shacab iyo mas’uuliyiin kala qeybgaley salaadda Ciidul Adxa.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka, lagana fogaado colaadaha iyo kala qeybsanaanta, isagoo ka hadlayey munaasabba 26-ka June ee xornimada gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle u diray hambalyo ku aaddan maalinta xoriyadda Djibouti ee 27 June.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu khudbad u jeediyay uga warbixiyay xaaladda amniga dalka, waxa uuna u jeediyay codsi ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ahmiyad weyn siinayso horumarinta waxbarashada, isla markaana shaaca ka qaadey in ilaa 10,000 oo macalimiin cusub la shaqaaleysiin doono.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, iyagoo ka wadahadley arrimo la xiriira nabadda, amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Maka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Arif Alvi, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Maka ee dalka Sacuudiga kula kulmey Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aden Barre Ducaale.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tababar la xiriira isku-xirka shacabka iyo ciidanka u soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

12- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo Soo Kabashada ee goobaha laga xorreynayo cadowga Al Shabaab.

13- Ciidamada ammaanka oo la wareegay guri saldhig u ahaa Khawaarijtii isku dayday khalkhal galinta amniga Muqdisho ee ku soo weerarey gantaallo macmal ah.

14- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa guddoomiyey shirka amniga iyo xasiloonida ee maalmaha Ciidda iyo toddobaadka xoriyadda.

15- Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cali ayaa guddoomiyay kulan oo looga arinsanayay sugida amniga iyo xasiloonida caasimadda.

16- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa magaalada Muqdisho ku daahfuray Istaraatijiyadda Qaran ee Istaatistikada Arrimaha Bulshada oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed.

17- Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Taqal Cabaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa shirkadaha bixiya adeega biyaha ee gobolka Banaadir kala Hadley sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen biyo-nadiif ah oo qiimo jaban.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah furay ololaha bilic soo celinta iyo nadaafada caasimadda.

19- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si rasmi ah Muqdisho uga daah-furay shirkii 4aad ee Madasha Garsooreyaasha Dalka.

20- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo madaxda Maxkamadda Milateriga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa kormeer ku tagay Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

22- Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday mas’uuliyiin ka kala socday Guddigga Wadatashiga Waxbarashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

23- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa Austria kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaas Alexander Schallenberg.

24- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay goobaha la dajiyay xujeyda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Maka Al-Mukarama ee Dalka Sacuudi Caraabiya.

25- Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kala wareegay saldhigga Mirtaqwo oo ku yaalla Dowlada Goboleedka HirShabeelle.

26- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ku dhowaad hal milyan iyo labo boqol oo neef oo xoolo ah sannadkaan laga dhoofiyay Soomaaliya.

27- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa Gobolka Shabeellaha Hoose ka fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab, halkaas oo lagu dilay 45 isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

28- Shir looga hadlayo istiraatiijiyadda xafiisyada xeer ilaalinta oo Muqdisho lagu qabtay.

29- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Muqdisho kulan kula qaatay dhammaan ganacsatada shirkadaha ka shaqeeya shidaalka.

30- Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka warbixin baariseed fatash ah (Forensic Audit Report) warbixintaas oo sheegeysa in lacag dhan 21 milyan oo dollar ay ku maqan tahay mas’uuliyiin ka tirsan laamaha dowladda ee bixinta rukhsadaha shaqo ee shisheeyaha Soomaaliya ka hawlgala.

31- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

32- Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha wadahadalka Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Muqdisho kulan kula yeeshay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya.

33- Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa daah-furay hannaan casri ah oo loo yaqaan SOMQR, kaas oo fududeynaya habka lacag bixinta iyo wax kala iibsiga.

==========DHAMMAAD===========

Golaha Ammaanka QM oo isku raacay in ciidamada ATMIS laga saaro Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa Talaadadii lix bil cusbooneysiiyey ogolaanshaha joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse ansixiyey qorshe si tartiib ay uga baxayaan dalka illaa ay ka wada dhammaadaan.

Ciidamada Midowga Afrika, oo mar horeba billaabay ka bixitaanka Soomaaliya, ayaa waxaa la siiyey illaa dhammaadka September, si ay dalka uga saaraan 3,000 oo askari oo kale oo dheeraad ah.

Golaha Ammaanka ayaa bishii April ee 2022 ansixiyey in ciidamada AMISOM oo la aas-aasay 2007 lagu beddelo ciidamada ATMIS, oo la siiyey awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab.

ATMIS oo ka kooban 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah ayaa waxaa qasab ah in la yareeyo illaa laga geeyo 0 dhammaadka 2024, ayaga oo si tartiib ah awoodda ugu wareejinaya ciidamada Soomaaliya.

Si waafaqsan qaraaradii hore ee Golaha Ammaanka, ATMIS ayaa billowday inay 2,000 oo askari ka saaraan Soomaaliya dhowr maalmood kahor, hanaankaas oo lasoo geba-gebeyn doono dhammaadka June.

Bixitaanka “wuxuu ku dhow yahay geba-gebo” waxaa sidaas Talaadadii yiri safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee QM Mohamed Rabi Yuusuf.

Waxa uu intaas ku daray in dowladdiisa ay sameyn doonto “diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah ayada oo kaashaneysa Midowga Afrika wejiga labaad ee bixitaanka 3,000 oo askari oo ATMIS ah oo dalka laga saarayo dhammaadka September.”

Qaraarka ay ATMIS kusii joogayaan Soomaaliya illaa dhammaadka 2023 ayaa waxaa si aqlabiyad ah loo ansixiyey Talaadadii, waxaana uu tirada askarta howlgalka ka dhigayaa 14,626 laga billaabo 1-da October illaa 31-ka December.

Golaha Ammaanka ayaa sheegay “inuu diyaar u yahay inuu dib u eego tiradan” kadib marka qiimeyn farsamo ay soo gudbiyaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika kahor 15-ka September, si gaar ahna u qiimeyn doono wejiga koowaad ee qorshaha yareynta, kadibna bixin doono “qorshe cad iyo jadwal” oo la xiriira inta harsan.

Isaga oo xusaya “horumarka” Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda ku xiran Al-Qaacida, qaraarka Golaha Ammaanka ayaa “walaac xooggan ka muujiyey in kooxda Al-Shabaab ay weli halis ku tahay nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka.”

“Ma ahan inaan degn degno marka ay noqoto in howlgalka nabad-ilaalinta Afrika laga saaro Soomaaliya,” waxaa sidaas tiri Anna Evstigneeva oo ah safiir ku-xigeenka Ruushka. “Abuurista firaaq amni lama aqbali karo.”

Dhinaca kale, isla kulanka ayey Soomaaliya mar kale ku codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka.

“Cunaqabateynta qeybta ah ee hubka ee Qaramada Midoobay saartay Soomaaliya waxay caqabad ku tahay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay awood u yeelato inay si ku filan u hesho ciidamadeeda ammaanka si ay uga hortagto khatarta isa soo tareysa ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Mohamed Rabi Yuusuf.

Bishii November, Golaha Ammaanku wuxuu dib u cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saarnayd tan iyo 1992-kii. Cunaqabatayntan hadda ma khusayso keenista hubka lagu horumarinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Si kastaba, guddiga Qaramada Midoobay ee mas’uulka ka ah cunaqabateynta waa in lagu wargeliyaa keenista hubka noocaan ah, waxaana suurta-gal ah inay ka soo horjeestaan keenista hubka culus qaarkood.

AFP, VOA

Daawo Xasan Sheekh: Waxaan ilaahey hortiisa ka ballan-qaadayaa inaan ceebeeyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo caawa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda ciidda Carafo ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna qeybtaan uga hadlay musuq maasuqa.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed u cadeeyey sida ay uga go’antahay inuu suuliyo musuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha, isagoo ku goodiyey in qof kasta la baari doono.

“Dowladda Soomaaliya ma ogolaa doonto in dhaqaalaha yar ee gabadha ama wiilka maskiinka ah laga soo qaaday guryo looga dhisto Turkiga iyo Nairobi, balan ilaahey waxaan ku qaaday marna inaan la ogolaaneyn taas,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka xil doonka ah ee dooranaya in loo magacaabo goobaha dhaqaalaha uu ka soo galo ku tilmaamay kuwo u badan tuugo.

Wuxuu wacad ku maray in xatooyo dambe aan la isaga hari doonin, isagoo farriin u diray odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta ka naba-dooniya dadka lagu soo qabto kiisaska xatooyada ah.

“War ka joog ha garabsiin, hana la soo safan nin tuug ah, tuug umad xaday hala safan, subax dhan gurigaaga ha uga soo lebisan sidaa u difaaci laheed nin tuug ah oo aad dhahdo maxaa loo xiraa?” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in la ceebey doono oo la karaama tiri doono qofkii lagu qabto ama lagu helo xatooyo xoolo dadweyne “Ninkii Alle ka cabsa waaya sharaf malahan, wax uu mudan yahay ma jirto nin sameeyo xatooyo, xaaraam ayuu ku dhacay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan.

Wuxuu sheegay in diinteenna suuban wax ay diiday aysan dowladiisu ogolaa doonin, “Maanta tuugnimada heer aan ku faano ayaan gaarnay, meel lacag lagu qaado ninka raadinaa waa tuug, nin umadda u shaqey raba maaha, hadaa dadkaan u shaqeyneyso iskuulka tag ee ilmaha wax bar,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbadiisa qeybtii uu uga hadlay musuqa.

Hoos ka daawo

QM oo sheegtay in ku dhawaad 1 milyan ay ka qaxeen colaadda SUDAN

0

Khartoum (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa Talaadadii ka digtay in colaadda ka taagan Suudaan ay ku riixdo hal milyan oo qof inay isaga soo cararaan dalkaas, iyaga oo ka baxaya xuduudaheeda.

Ilaa hadda, iskahorimaadka u dhexeeya kooxaha millatari ee dagaallamaya, oo billowday bartamihii bishii Abriil, ayaa sababay in ku dhawaad 600,000 oo qof ay u qaxaan dalalka deriska ah, sida Masar, Chad, Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

“Nasiib darro, markaan eegno sida ay wax u socdaan, marka loo eego xaaladda Darfur, waxay u badan tahay inaan dhaafno 1 milyan,” ayuu yiri Raouf Mazou, Kaaliyaha Wakiilka Sare ee Hawlgalka UNHCR.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 2.5 milyan oo qof inay tan iyo bishii April ay ka barakaceen guryahoodii.

VOA

Dowladda oo war cusub kasoo saartay cunaqabteynta hubka

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan dadaal xoogleh ku bixineyso in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taas oo lagu soo rogay sanadkii 1992.

Dowladda ayaa qorshe ballaaran oo arrintan ku aadan hadda ka wada magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo fadhi u ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Cali Cumar Cali (Balcad) oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas ayaa war cusub kasoo saaray howsha ay wadaan ay ku aadan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in haatan shirar ay ka wadaan dalka Mareykanka, isla-markaan looga hadlayo sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in cunaqateynta hubka saaran Soomaaliya, uu yahay midkii ugu dheeraa ee waddan la saaro, taasi ayuu sheegay in ay dadaal ku bixinayaan sidii waddanka looga qaadi lahaa Cunaqateynta hubka, .

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay hadda dhiseyso Ciidamadeeda, isla markaana Dalka uu ku jiro Xaalad dagaal.

Cali Balcad ayaa sidoo kale shaaciyay in Soomaaliya ay u baahan tahay fursad ay hub kusoo iibsan karto, taasina ay ku xiran tahay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

“Haddii la rabo in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto, haddii la rabo in Soomaaliya ay yeelato Ciidan badali kara, Ciidamada wadamada aan saxiibada nahay ee noo soo gurmaday ee nala jooga in muddo 16-sanno ee ATMIS ( EX AMISOM ), waxa ay Soomaaliya u baahan tahay in ay hesho fursad ay ku soo biibsan karto hub noocyadiisa kala duwan hubka ee ay rabto si ay Ciidamada qeybahooda kala duwan ay ugu qalabeyso marka muhiimad weyn ayey inoo tahay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka ee saara, inta sanadkan uusan dhammaan ayaan qorsheyneynaa si sanadka dambe aan u dhisno Ciidamo ilaalin kara amniga iyo Qaranimadiisa Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Cali (Balcad).

Si kastaba, dhowaan madaxweynaha Soomaaliya oo New York uga qaybgalay shirka Golaha Ammaanka ee QM ayaa ka dalbaday in dalkiisa laga qaado cunaqabateynta hubka, isaga oo dhanka kale golaha la wadaagay guulaha ay dowladdiisa ka gaartay dagaalka adag ee ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Soomaalida Zwolle, Nederlands oo munaasabad gaar ah u sameysay Ciidda

Amsterdam (Caasimada Online) – Munaasabad lagu maamuusayay  fadliga & kheyrka ay xambaarsan tahay  ciidul-adxa, ayna soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow ayaa maanta lagu qabtay magaaladaasi. 

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle C/qaadir Cali [Nuune] oo dhinaca kalena ah Guddoomiye ku-xigeenka dalladda ay ku middeysan yihiin ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN, oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa ugu horreeyn u mahadceliyay qoysaska Soomaalida ah ee ku dhaqan Zwolle & nawaaxigeeda sida ay mar walba u ilaaliyaan midnimada & wadajirka dhexdooda ah, isaga oo dhinaca kalen xusay in Zwolle ey tahay Magaalo dadka Soomaalida ah ee deggan ay tusaale u noqon karaan mushtamacyada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Nederlands. 

“Maalmahan barakaysani waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna.. dadka  Muslimiinta ah ee soo  gudatey acmaasha Xajka ee sannadkan waxaan ALLE uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan. Xajku waa tiir weyn oo ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinteennu, ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ALE uga baryayaa midnimo, dowladnimo & in ALLE uu quluubtooda burcad isu-mariyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda C/qaadir Cali [Nuune], isaga oo dhinaca kalena u mahadceliyay hooyooyinkii & walaalihii kale ee isku xilsaaray in ay raashin macaan oo kala ceyn ah u soo diyaariyaan Jaaliyada munaasabadan qiimaha badan darteed.  

Nuune, mar uu ka hadlayay qiimaha midnimadu u leedahay Soomaalida, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dadka Soomaalida ee deggan Zwolle yihiin dad ka kala yimid cirifyada Soomaaliya & meelo kale oo dunidda ah, haddana uu ALLE ku kulmiyay halkan [Zwolle & nawaaxigeeda] ayna ka middeysan yihiin in iyaga oo isku hadaf ah ay wax la qeybsadaan mushtamacyada kale ee dalkan ku dhaqan, si ay u helaan xuquuqda ay dalkan ku leeyihiin, iyaga oo buu yiri dhinaca kale na ilaalinaya sharafta & karaamada dalkooda & dadkooda.  

“Mushtamaca Soomaalida ee deggan Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow waxeey mar walba caan ku yihiin in ay tusaale wanaagsan u noqdaan mushtamacyada kale ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Magaalooyinka kale. Anigoo fursadan ka faa’’iideysanaya waxaan u mahadcelinayaa hooyooyinkii & walaalihii inoo soo qidmeeyay ee raashinkan caynba-caynka ah inoo keenay waxaan leeyahay waqtigiina & xoogiina ALLAHA idinka ajar siiyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.  

Guddoomiyaha Jaaliyada Zwolle  & nawaaxigeeda waxaa kale uu sheegay in dalladda FSAN oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 56 ururo Soomaaliyeed ah in  sannadkan ay go’aamisay in Magaalada Zwolle ay martigeliso xuska & dabaaldaga munaasabadda 1-da Luuliyo oo ah munaasabad ku weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed. 

“1-da Luulyo, waa maalintii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka qaateen xornimada gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay la midoobeen gobollada Waqooyiga. Sannadkan Zwolle waxeey dusha u ridatay in ay qabato xaflad lagu maamuusayo 1-da Luuliyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. 

Xafladdan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay waxaa kale oo kelmado qiimo badan ka jeediyay qaar ka mid ah hormuudka Jaaliyada Zwolle, waxaanna dadkii ka soo qeybgalay ay dhammaantood si wadajir ah ugu duceeyeen ummadda Soomaaliyeed inuu ILLAAHEEY culeyska ka qaado.