31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Al-Shabab strikes as AU troops retreat in Somalia

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s ongoing struggle with Al-Shabab militant group intensified on Wednesday when the jihadists targeted a military base in the southern city of Baardhere.

The incident, which coincided with the announcement of an African Union (AU) troop reduction, prompted a fierce exchange of gunfire.

In an attack underscoring the volatile security situation in the African nation, two suicide bomb blasts wreaked havoc at the military base.

Ethiopian and Somali forces share this facility.

Local police officer Abdi Bare detailed the sequence of events, stating, “The first explosion was likely executed by a suicide bomber at the entrance of the ADC military base, where Ethiopian forces are based and also train Somali troops.”

The second blast transpired within minutes of the first, prompting casualties whose details were not immediately available.

In the aftermath of the attack, Bare Hassan, a local resident, reported “heavy gunfire.” He noted, however, that normalcy had since been restored in the area.

The Al-Shabab threat: A persistent challenge

This attack is another chapter in the ongoing bloody insurgency waged by Al-Shabab, an Al-Qaeda-affiliated group, against the fragile Somali central government.

Despite significant efforts from pro-government forces and the AU-backed ATMIS force, Al-Shabab continues to pose a potent threat.

In a recent demonstration of their might, 54 Ugandan peacekeepers lost their lives last month when Al-Shabab stormed an AU base southwest of Mogadishu.

This incident was among the deadliest since the offensive was launched last year.

On the same day as the Baardhere attack, the African Union Transition Mission (ATMIS) announced its plan to reduce troop numbers in Somalia, following United Nations resolutions mandating the drawdown of 2,000 soldiers by June end, 2023.

ATMIS, a more offensive-oriented mission, replaced AMISOM last year. The latter was a 20,000-strong force drawn from several nations, including Burundi, Kenya, and Uganda.

New leadership amid security concerns

The security situation remains tenuous with the upsurge of Al-Shabab attacks, so the Somali government has taken proactive steps.

President Hassan Sheikh Mohamud replaced the head of the army, Odowaa Yusuf Rageh, with Ibrahim Sheikh Muhidin earlier this week.

Since the fall of dictator Siad Barre’s military regime in 1991, Somalia, one of the world’s poorest countries, has been ensnared in political instability.

The recent surge in Al-Shabab attacks adds another layer of complexity to a nation yearning for stability and peace.

Wareysi: Hanti-dhowraha DF oo shaaciyey magacyada 5 xafiis oo musuq loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa faahfaahin ka bixiyey baaritaanka ay ku wadaan hey’ado ka tirsan dowladda oo musuq maasuq loo heysto iyo waxa ay ku ogaadeen.

Warbixin uu soo saaray xafiiska Hantidhowraha ayaa lagu soo gudbiyey in lacag ka badan 21 milyan oo dollar ay ka maqan tahay khasnadda dowladda.

Guutaale oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa shaaciyey magacyada hey’adaha ay hadda ku socdaan baaritaanada la xiriira musuq maasuqa iyo kiisas uu xafiiskiisu u gudbiyey xeer ilaalinta guud ee dowladda.

Sidoo kale dowladdu waxay amar xarig ah ku soo rogtay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii iyo shaqaalihii hay’adaha ee sida gaarka ah loo baarayey, kuwaas baaritaano culus ay ku socdaan weli.

“Baaritaanka fatashka ah ee xafiiska Hantidhowrku uu sameeyey hadda waxaa gacanta ku haya xafiiska Xeer ilaalinta qaranka, iyadoo dadka iyo hey’adaha la heysto uu eedeynayo xafiiska Hantidhowrka Qaranka,” ayuu yiri Axmed Ciise Guutaale.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa mid mid u sheegay shan ka mid ah xafiisyada ay baaritaanada ku sameeyeen oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

1 – Waaxda ruqsadda shaqada ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

2 – Waaxda kordhinta Fiisaha ama dal ku jooga ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

3 – Waaxda qabashada daqliga ay xafiisyadaasi sameeyaan ee wasaaradda maaliyadda.

4 – Waaxda hubinta iyo xisaabinta in daqliga xafiisyadaas si sax ah loo qabtay ee xafiiska Xisaabiyaha guud.

5 – Iyo waaxda xareynta daqliga ka yimaada xafiisyadaas oo ka tirsan Bangiga Dhexe ee dowladda.

“Dhamaan xafiisyadaasi waxay ka howlgalaan garoonka Aadan Cadde, waxaana baaritaankaan lagu soo bilaabay bishii Maarso, waxaana la baaray shaqadii xafiisyadaas ee intii u dhaxeysay Marso 2018 ilaa 2023 Abriil,” ayuu yiri Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Hantidhowraha Qaranka

Wasaaradda Amniga oo 3 qodob kasoo saartay arrinta agaasimaha Hay’ada Socdaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS ayaa soo saartay qoraal ay ku beenisay in Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu dalka ka baxsaday.

Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku soo koobtay seddax qodob oo kala ah:

1 – In Agaasime Cabdul uu ku maqan yahay safar dalka dibadiisa ah oo wasaaraddu ay ka war-qabto.

2 – In wax is bedel maamul ah uusan ka jirin Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

3 – Iyo in shaqada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay si caadi ah ku socoto.

In kastoo wasaaradda amniga ay qoraalkaan ku sheegtay in Agaasime Cabdul uu safar uga maqan yahay dalka, hadana waxaa howshaan ku howlan oo baaritaankan wada hay’ado kale, taas oo suurtagal ka dhigeysa warka baxsashada Cabdul.

Xog maanta soo baxday ayaa sheegaysay inuu dalka ka baxsaday Agaasime Cabdul, kadib markii kamid noqday madax lagu soo eedeyay kiis musuq-maasuq ah.

Cabdul ayaa waxaa haatan baaris ku hayay hay’ado ka tirsan dowladda oo loo xil-saaray baaritaanada musuq maasuq ee masuuliyiinta qaar ay ku kacayaan, waxaana kamid ah xafiiska Hantidhawrka Qaranka oo cadeeyey in hey’adda Socdaalka ay ku jirto hey’adaha uu baaritaanku ku socdo.

Warka ku saabsan baxsashada Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soo baxay xalay, ayada oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyay, maadaama uu ninkan ka mid yahay agaasimeyaasha saameynta leh ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Horay waxaa Muqdisho uga baxsaday Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxudiin Saabey), kaas oo gaaray deegaan hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe.

Saabey ayaa baxsaday kadib markii uu ka war helay qorshe la sheegay in lagu soo xiri lahaa, maadaama uu kamid noqday ragga loo soo jeedeeyay inay ku kaceen musuq-maasuq, balse aan la soo bandhigin cadeymo rasmi ah.

Hoos ka eeg qoraalka wasaaradda amniga

NISA oo laysay Al-Shabaab qorsheynayey inay weeraraan Bariire + Tirada la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay hey’adda NISA oo ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey xogta howlgal culus oo dhacay Sh/Hoose, kaas oo lagu dilay in ka badan 40 dagaalame iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay gudaha beer weyn oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalkaan, waxaana howlgalkaas fuliyey ciidanka NISA oo kaashanaya la howlgalayaashooda.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay Gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuullada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyaad gabbaad ka dhiganayay hawdka iyo geedaha ku yaalla deegaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalkaas oo saacado badan qaatay wuxuu galaaftay nolosha ugu yaraan 45 xubnood oo Shabaab ah, saraakiilna ay ku jiraan, sida lagu cadeeyey xogtaan, waxaana weli aaggaas ka socda baacsiga firxadkii Al-Shabaab.

“Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-Shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha la khaarijiyay ayaa maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay oo la baadi-goobayo firxadkooda.”

Ugu dambeyntii qoraalka NISA waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.”

Xogta qarax culus oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay waddada Via Liberia, gaar ahaan arfaafka hore ee maqaayad caan ah oo lagu magacaabo Sanca oo ku taalla aagga isgoyska Shaqaalaha.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas uu ka dhex kacay gaari nooca raaxada ah, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Xogta ugu badan waxay sheegeysaa in qaraxaasi uu ahaa mid gaarigiisa loogu soo xiray shakhsigii watay, kaas oo ku dhex gubtay gaariga, maadaama uu qaraxu ahaa mid culus.

Walaac badan ayaa ka jira aagga uu qaraxaasi ka dhacay, mana jirto cid faahhaafin ka bixisay weli khasaaraha uu geystay qaraxaan ka dhacay agagaarka isgoyska shaqaalaha.

Mudooyinkii dambe waxa Muqdisho ka yaraaday qaraxyadi laga soo buuxi jiray gaadiidka iyo dilalkii qorsheysnaa ee loo geysa jiray dadka haldoorka ah.

Hadda waxaa weli socda qaraxyada gaadiidka loogu dhejinayo shakhsiyaadka wata, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dhowr qof gaadiidkooda loogu xiray qarax miino.

Inta badan waxaa soo hagaagay ammaanka caasimadda, kadib markii Muqdisho loo soo tababaray ciidan gaar ah, kuwaas oo lagu wareejiyey sugidda amniga malaayiinta qof ee Muqdisho ku nool.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Taliye ciidan oo loo haysto musuq oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan hoggaanka ilaalada canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir.

Sarkaalkan ayaa si gaar ah uga howl-gali jiray laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha bariga, wuxuuna ahaa Taliyaha ciidanka ilaalada xafiiska Canshuuraha bariga ee degmada Warta-Nabadda.

Sarkaalkaan ayaa sida uu shaaciyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku eedeysan yahay xatooyo xoolo dadweyne iyo qaadasho laaluush lid ku ah shaqadiisa.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa maanta horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir Sargaal ka tirsan hoggaanka ilaalinta canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed,” ayaa kagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa eedeysanahan isla maantaba u gudbisau xabsi ku-meel-gaar ah si loo soo dhameystiro baaritaankiisa loona bilaabo maxkamadayntiisa.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay u gudbisay, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska.

Maalmo kahor ayay aheyd markii maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, kuwaasi oo ay u jartay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Saraakiishan ayaa ka howl-galayay waaxo kala duwan, huwaasi oo kala ahaa; maamulaha xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee khasnajiga xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Si kastaba, Arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga.

Hanti-dhowrka Qaranka oo shaaciyay in khasnadda DF laga waayey $21 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay in Xeer Ilaalinta Qaranka uu ku wareejiyay warbixin baariseed fatash ah oo Hanti-dhawrka ku sameeyay saddex waaxood oo ku jirto Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Waaxyadan uu baarista ku sameeyay Hanti-dhawrku ayaa kala ah; Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in baaristan ay ku caddaatay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023).

“Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso”

Ujeeddada baaristan fatashka ah ee Hanti-dhawrka ayuu ku sheegay inay tahay oo keli ah ka hortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga yar ee dowladda Soomaaliya ka soo gala ilaheeda dhaqaalaha, ayna jirin habayaraatee cid, koox iyo qof gaar ah oo uu lid ku yahay ololahan la-dagaallanka musuqa iyo lunsiga dakhliga dowladda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka Hanti-dhawrka oo dhameystiran;

Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (Forensic Audit Report) oo Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyay Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Warbixin baariseedkan fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku wareejiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa muujisay in khasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya uu ka maqan yahay dakhli ay xafiisyadaasi soosaareen oo gaaray 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023, taas oo ku maqan mas’uuliyadda iyo maamulka Xafiisyada bixiya adeegyada kordhinta fiisaha iyo ruqsadda shaqada oo kala raacsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’adda Scodaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga oo kala raacsan Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso.

Hay’adaha qaabilsan hufnaanta iyo dhaqan-gelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan olole lagula dagaalayo musuqa iyo wax- isdamarinta oo sabab u ah gaabiska iyo caajiska miisaaniyadda dalka. Hay’adahan oo ka ambaqaadaya waajibkooda shaqo waxa ay ugu baaqayaan dhammaan madaxda iyo shaqaalaha ka shaqeeya ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo feejignaan dheeri ah ayna xilkooda u gutaan sida ugu habboon.

Sidoo kale Hay’adaha qaabilsan hufnaanta, ilaalinta iyo dhaqangelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka codsanayaan in dowladda lagu taageero laguna garab-istaago dagaallada ka dhanka ah musuqa iyo Khawaarijta Alshabaab.

La dagaallanka musuq-maasuqa iyo Khawaarijta Alshabaab waa qorshe qaran oo qof walba oo Soomaali ah ay ku jirto dantiisa maanta iyo mustaqbalka carruurtiisa.

Ujeeddada baaristan Fatashka ah oo keli ah waa kahortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga yar ee dowladda Soomaaliya ka soo gala ilaheeda dhaqaalaha, mana jirto habayaraatee cid, koox iyo qof gaar ah oo uu lid ku yahay ololahan la dagaallanka musuqa iyo lunsiga dakhliga dowladda Soomaaliya.

DHAMMAAD

Xog: Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo baxsaday kahor qorshe lagu xiri rabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inuu dalka ka baxsaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), kaas oo kamid noqday madax lagu soo eedeyay kiis musuq-maasuq ah.

Cabdul ayaa waxaa haatan baaris ku hayay hay’adaha amniga dowladda, kadib markii ay Xeer Ilaalinyta Qaranka usoo jeedisay eed ku aadan xatooyo xoolo dadweyne.

Kahor inta aan la soo qaban, isla-markaana loo geyn waarankii lagu soo xiri lahaa ayaa la sheegay inuu dalka isaga cararay agaasimuhu, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasime Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu Talaadadii shalay ka dhoofay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, mana cadda halka uu u dhoofay ama dalka uu haatan u baxsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha uu dalka kaga baxay ninkan ay u fududeeyeen rag qaraabadiisa ah oo ka shaqeeya garoonka, taas oo keentay inuu ka baxsado laamaha amniga, maadaama ay baadi goobayeen, si ay gacanta ugu soo dhigaan, loona soo xiro.

Sidoo kale warka ku saabsan baxsashada Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda ayaa soo baxay xalay, ayada oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyay, maadaama uu ninkan ka mid yahay agaasimeyaasha saameynta leh ee ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Horay waxaa sidaan oo kale Muqdisho uga baxsaday Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey), kaas oo gaaray deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe.

Saabey ayaa baxsaday kadib markii uu ka war helay qorashe la sheegay in lagu xirayo, maadaama uu kamid noqday ragga loo soo jeedeeyay inau ku kaceen musuq-maasuqa.

Si kastaba, waxaa haatan dowladda federaalka u xiray saraakiil sare sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kuwaas oo ay baaris ku heyso Xeer Ilaalinta.

Goobo ay kooxda Al-Shabaab lacag ku urursaneysay oo cagta la mariyay (Warbixin)

0

Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howl-gal ballaaran ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkaan qorsheysan ayaa waxa uu ka dhacay deegaano u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada huwanta ayaa waxay si gaar ah uga fuliyeen howl-galkaan tuulooyinka kala ah; Harboole, Miido iyo Biibi, iyada oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaaro xoog leh, sida ay sheegtay dowladda federaalka.

Bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ayaa waxaa lagu shaaciyay in ciidamada ay cagta mariyeen goobo ay dadka ku dhacayeen kooxda Al-Sabaab.

Goobahaasi ayay sheegtay in kooxda ay ku qaadanayeen lacago baad ah, islamarkaana ay ciidamada is garabsanayey ay suurta-galiyeen inay fasaxaan dad safar ahaa oo Al-Shabaab haystay, kuwaas oo safarkoodii sii watay.

Xalay ayay aheyd markii ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen deegaan ka tirsan isla gobolkaasi Jubbada Hoose.

Howl-galkaas ayay ciidanka DANAB ku beegsadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhaca duleedka tuullo lagu magacaabo Yaaq-dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ahaa howl-galkaas qorsheysan ku dilay ugu yaraan 13 dhagarqabe oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale ciidanka waxay howl-galkaas kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub culus, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, kadib muddo bil ah oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda.

SOMQR Code: Somalia’s leap towards digital economy

Mogadishu (Caasimada Online) – In a significant step towards economic modernization, Somalia has inaugurated a Quick Response (QR) Code Standard to streamline secure payments across banking and e-commerce platforms.

The Central Bank of Somalia (CBS) unveiled the SOMQR Code Standard on Tuesday, a groundbreaking development aimed at enhancing security for users’ money.

This innovative system will allow merchants and consumers to make or receive transactions under a unified framework.

The initiative positions Somalia alongside African nations such as Kenya and South Africa, which have already embraced such standardization.

Abdirahman Mohamed Abdullahi, Governor of CBS, emphasized the transformative potential of the SOMQR Code Standard.

“This will revolutionize the payment landscape in Somalia as a low-cost, scalable, secure, and interoperable solution towards a cashless society,” he asserted before an audience in Mogadishu.

Collaboration between CBS and commercial entities

Governor Abdullahi also discussed the pressing need for Somalia to continue modernizing and digitizing its national payment systems on the principles of interoperability, financial inclusion, and efficiency, thus transitioning into a digital economy.

This move serves as a part of the broader rebuilding process following years of conflict.

A key component of this advancement is the strategic collaboration between the CBS and thirteen licensed private banks.

Under the auspices of the Somali Bankers Association (SBA), these entities established the Somali Payments Switch (SPS), a strategic payments company.

Ahmed Shirwa, chairman of the SBA, underlined the importance of this partnership.

“The close cooperation between the Central Bank of Somalia and 13 commercial banks has been instrumental in setting up the SPS,” he stated.

The road to reinventing the national currency

While the digitization drive is impressive, CBS will have to address the challenge of reintroducing its convertible shilling currency.

Long marred by counterfeiting, the Somali shilling lost its credibility amidst conflict and international humanitarian intervention.

Its current exchange rate is nearly unpredictable and is widely unrecognized due to difficulties distinguishing genuine notes from forgeries.

The Somali Parliament is expected to consider a policy paper soon. If approved, it will shape how the country re-establishes its currency.

The launch of the SOMQR Code Standard marks a pivotal moment for Somalia.

CBS seeks to foster ambitious interconnections among all financial service providers in this predominantly dollarized economy where mobile payments calculate prices in dollars.

The objective is to enhance payment platform security and reliability and maintain tariff consistency.

This move closely follows similar developments in the region.

Last month, the Central Bank of Kenya rolled out the Kenya Quick Response Code Standard 2023, following South Africa’s earlier introduction.

As Somalia embarks on this digital journey, it represents a stride toward financial innovation and a step closer to a future of economic stability.

Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday Baardheere

0

Baardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo xoogan oo ay maanta kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Weerarkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday xerada ADC ee degmada Baardheere, halkaas oo ay sidoo kale gudaha u galeen rag hubeysan.

Dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ragga weerarka qaaday ayaa ka dhacay gudaha degmada, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xerada la weeraray ayaa waxaa tababar lagu siinayay ciidamo gaar ah oo loo diyaarinayay xoreynta deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya im weerarkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Inta la xaqiiyay waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeem in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.

Si kastaba, Baardheere ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan Gedo iyo Jubbooyinka.

Daawo: Axmed Madoobe oo farriin culus u diray DENI

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Madoobe oo war cusub soo saaray ayaa si adag uga hadlay dagaalkii xooganaan ee Talaadadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Axmed Madoobe ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi, wuxuuna xusay in Garoowe aan looga baran dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

“Dhacdooyinkii ka dhacay Garoowe oo aynan aheyn meel looga bartay dhaqanka gacan ka hadalka ah, Puntland-na ay aheyd aas aaska dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri.

Sidoo kale wwaxa uu tilmaamay in Puntland xilligan oo kale aan laga sugeyn dagaal iyo fowdo, maadaama ay tahay hooyada federaalka Soomaaliya.

“Lama sugeyn Puntland waqtigan maanta ah in arrintaas oo kale ay ka dhacdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo uu tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalkii shalay, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

“Waxaan leeyahay marka hore intii dhimatay Allaha u naxariisto, Innaa Lilaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun, inta dhaawacantana Allaha u booga dhayo,” ayuu mar kale yiri.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray madaxweynaha Puntland, isaga oo dalbaday inuu xaaladda dajiyo, sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan reer Puntland inay qaataan doorkooda, una istaagaan xalinta dagaalkaasi.

“Intaa waxaa raacinayaa madaxweynaha Puntland saaxibkey Saciid, Odayaasha Dhaqanka, Culuma U Diinka iyo Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan samaha wadahadalka iyo is afgaradka,” ayuu farriinta uu soo saaray ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland.

ATMIS oo billowday dhimista ciidanka ka jooga Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbcada maanta ah sheegay inuu billaabay dhimista tirada ciidamada, si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya.

“ATMIS waxay billowday yareynta ciidamada si waafaqsan qaraarka QM oo ku qasbaya ATMIS inay 2,000 oo askari kala baxdo Soomaaliya dhammaadka June 2023,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ATMIS.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada weli ay socdaan weerarada dhimashada leh ee kooxda Al-Shabaab, inkasta oo dowladda ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxda oo ATMIS ay taageereyso.

Bishii tagtay kaliya, 54 askari oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ku yaalla deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkaas ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dowladda ay billowday howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda bartamihii sanadkii tegay.

Howlgalka ATMIS ayaa April sanadkii tegay beddelay howlgalka AMISOM, oo ka koobnaa 20,000 oo askari oo kala kala yimid dhowr dal oo ay ka mid yihiin Burundi, Kenya iyo Uganda.

ATMIS ayaa sheegtay inay saldhig ciidan oo ay ka howlgalayeen ciidamada Burundi oo ku yaalla HirShabeelle u gacan gelisay ciidamada xoogga dalka.

ATMIS ayaa haysata fasax ka badan AMISOM oo ay weeraro ku fulin karto, waxaana qorshahoodu yahay inay amniga Soomaaliya kuw areejiyaan ciidamada xoogga dalka dhammaadka 2024.

AFP, VOA

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada magaalada Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta xaaladda ay dagan tahay, kadib markii shalay illaa xalay ay ku dagaalameen ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka jawiga uu xasilan yahay, isla-markaana uu istaagay dagaalkii ka socday xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in la kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay gudaha magaalada, kadib markii ay dadaallo sameeyeen isimimada dhaqanka Puntland.

Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland, si xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay Garoowe.

Dagaalkan ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 qof, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa isugu jira askar iyo shacab.

Dhinaca kale, waxaa dagaalkan siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka oo baaq u diray dhinacyada isku haya Puntland.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale bayaan kasoo saartay dagaalka ka qarxay Puntland, ayada oo dalbatay in la dajiyo xiisadda, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha Beesha Caalamka.

Si kastaba, dagaalka Garoowe ayaa ka bilowday muddo kororsi uu qorsheynayo Deni, kaas oo xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, waxaana ka soo hor keestay xubnaha mucaaradka oo soo abaabulay dagaalkaas

Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri dagaalka Garoowe?

0

Istanbul (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka soo hadlay xiisadda ka taagan magaalada Garowe, isagoo nasiib darro ku tilmaamay dagaalka ka dhacay magaaladaas.

Farmaajo ayaa sheegay in arrimaha sababay dagaalka ka dhacay Garoowe wadahadal lagu dhamey karay, balse weli uu rajo ka qabo in la isugu yimaado miiska wadahadalka.

“Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxay astaan u tahay nabadda iyo amniga, sidaas awgeed waxaa nasiib darro ah dagaalka maanta ka dhacay ee salka ku haya arrimo lagu dhammeyn karo isfahan iyo wada-xaajood,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynihii hore ayaa qoraalkaan ku muujiyey inuu kalsooni badan ku qabo in dadka reer Puntland ay iska xali doonaan tabashooyinka sababay gacan ka hadalkaan.

“Waxaan ku kalsoonahay garashada iyo aqoonta dadka Puntland, oo aan ka rajaynayo in ay si deg-deg ah ugu istaagaan daminta dhawaaqa rasaasta, soo celinta amniga iyo adkeynta dowladnimada,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambeyntii Farmaajo wuxuu u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalka Garowe.

“Alle waxaan naxariistiisa u weydiinayaa dadkeenna birmo-geydada ah ee ku geeriyooday dagaalka maanta, aniga oo caafimaad degdeg ah u rajaynaya intii ay waxyeelladu ka soo gaartay,” ayuu yiri Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraalkaan ka soo saaray dagaalkii Garowe.

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka Garowe, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa isugu jira askar iyo shacab.

Dagaalkaan ayaa ka bilowday muddo kororsi uu qorsheynayo Saciid Deni, kaas oo xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, waxaana ka soo hor keestay mucaaradka oo soo abaabulay dagaalkaas.

Sawirro: Ujeedka kulan uu guddoonka BF maanta ku yeeshay Villa Hargeisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeennada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeisa.

Kulankaan ayaa waxay guddoonka uga wada-hadleen dardar-gelinta howlaha shaqo ee hortebinta u leh Baarlamaanka 11-aad ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa kulankaan guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku wehlinayay hab-dhowrayaasha iyo xoghayeyaasha labada aqal Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Waxay isla garteen in ay si wadajir ah u wajahaan kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah qaranka, oo ay ugu horreeyaan dhammasytirka wax ka bedelka dib-u-eegista Dastuurka KMG, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran iyo qodobo kale oo muhiim ah geedi socodka dowladnimadda dalka.

Kulanka wada-tashiga ah ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar, Cabdullahi Cumar Abshirow iyo hab-dhowraha Aqalka Sare, Senator Samsam Ibraahim Cali.

Dhawaan ayay aheyd markii la hakiyay fadhiga Golaha , ayada oo la go’aamiyay in dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkaan 2023-ka, sida uu shaaciyay guddoonka golaha.

Si kastaba, Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka, iyo weliba qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, oo dood badan dhaliyay.

Daawo: Maxaa keenay in la furo dastuurka Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadda dagaal ee ka taagan Garoowe oo ugu dambeyn dagaal isku rogtay ayaa keentay inuu dhiig badan ku daato magaaladaasi, kadib markii ay shalay ku diriireen ciidamada mucaaradka iyo kuwa ammaanka ee maamulka Puntland.

Dagaalkan ayaa ka dhashay doodda la dhalatay furista dastuurka Puntland oo ay Talaadadii shalay ansixiyeen xubnaha baarlamaanka ee maamulkaasi.

Haddaba Maxaa keenay in furo Dastuurka Puntland?

Falanqeeye siyaasadeed oo u warramay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrinta Puntland, isaga oo shaaciyay in aan la fileyn dagaalkii shalay ka dhacay Garoowe.

“Xaqiiqdii waxaa dhacay dagaal aan la fileyn markii hore waxay aheyd isku goodin, laakiin farasaar ayaa hadda dhacay oo gacan ka hadal ayay gaartay” ayuu yiri falanqeeyuhu.

Sidoo kale siyaasigan dhalinyarada ah ayaa ka hadlay waxa keenay in la furo dastuurka Puntland, wuxuuna shaaciyay in sababta ay tahay in laga guuray nidaamkii hore ee qabaa’ilka, loona guuray nidaam qof iyo cod ah oo dadweynuhu ay wax soo dooranayaan.

“Furitaanka dastuurka waxaa keenay markii nidaamkii hore ee qabaliga ahaa laga tegay oo loo guuray nidaam qof iyo cod wax loo yaqaano oo axsaab loo codeeyay” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay “Dastuurka waxa uu qabaa qodobkiisa 46-aad lambarka saddex in xisbiyada ay noqonayaan saddex xisbi, laakiin hadda 5 xisbi ayaa loo guuray taas ayaa keentay inay sababto in dastuurka la furo”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xubnaha mucaaradka ay dhankooda shaki weyn ka muujinayaan hubanti la’aanta doorashada, si aysan u dhaafin sideeda bisha january.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemyo magaalada Garoowe, inkastoo haatan ay billowdeen dadaallo dhex-dhexaadin ah.

Beesha caalamka oo war ka soo saartay dagaalka Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka shalay ka qarxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan madaxweyne Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.”

Saaxiibada beesha caalamka waxay intaas ku dareen in khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan ay halis gelinayso natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Saciid Deni iyo ciidamo taabacsan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda go’aanka baarlamaanka Puntland uu ku furayo dastuurka, si wax looga beddelo qodobo ka mid ah.

Dagaalka ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 26 qof, oo 16 ka mid ah ay yihiin ciidamada dagaalamay, 10 kalena shacab. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 30 qof oo kale. 

Isimada, waxgaradka iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa billaabay dadaal lagu doonayo in xabadda lagu joojiyo, islamarkaana ay labada dhinac ka aqbaleen in xabadda la joojiyo, si xal loo gaaro.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dagaalka si shuruud la’aan ah u joojiyaan, una turaan shacabka, xabadna aysan xal noqon, wuxuuna cadeeyay in laga baaqsan karay xabadda.

Maamulka madaxweyne Deni oo si yaab leh uga hadlay dagaalka Garoowe + Video

0

Garowe (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Garowe iyo xaalada amni ee magaalada.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxdii dagaalka soo qaaday ka difaaceen oo banaanka ay uga saareen magaalada, isagoo sheegay, in kiiskaas la isku daba joogo oo dowladda lagu soo duulay.

“Waxaan masuul ka aheyn amniga goobtii ay xildhibaanadu ku shirayeen, waxaa dhacday in barqadii lasoo weeraray, anaguna waan difaacnay oo waajib ayey nagu aheyd, taasna qalad kuma lihin,” ayuu yiri Taliye Muumin.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in khasaare culus uu ka dhashay dagaalkaas in kastoo uusan xusin tiro cayiman, wuxuuna ku faanay in ka boolis ahaan ay aad u axadarayeen, si khasaaruhu u yaraado.

“Waxaan ku guuleysanay in amniga aan sugno oo magaalada ka saarno kooxihii soo duulay, hal meel ayaan isugu geynay, gaadiid dagaal, maxaabiis iyo hub ayaan ka qabanay, dagaalkaasi waa istaagay xaaladuna waa caadi,” ayuu hadalkiisa ku sii daray taliye Muumin.

Wuxuu sheegay in wax eed ah aysan laheyn oo dowladda lagu soo duulay, “Cid kasta oo kiiskaan ku lug leh waan daba joognaa, waxaana difaaci doonaa dowladnimada iyo nidaamka Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray taliyaha booliska Puntland.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay raadiyeen xal kasta oo dagaalkaas looga hor tegi lahaa, isagoo cadeeyey in wasiirro iyo saraakiil iyagoo ah ay u tageen xubnaha dagaalka wada xalna ay ka diideen.

“Wax kasta waa diideen,  ayagaa nasoo weeraray, mar kasta waxaan ilaali doonaa dowladnimada iyo amniga, waa nagu ceeb in dagaal uu halkaan ka dhaco, ciidamadu waxay u dhaqmi doonaan si masuuliyadi ku jirto, ka horna waxaan raadinay wax kasta xal ah, balse waa nala fahmi waayeen, waana na soo weerareen,” ayuu yiri.

Taliyaha booliska Puntland, wuxuu intaas ku sii daray inaysan hor istaagi karin dastuurka iyo sharciga Puntland, isla markaana ay ku qasbanaayeen inay ilaaliyaan amniga xildhibaanada, taasna ay ku guuleysteen.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa dagaalkii ka beri-yeelay madaxweyne Deni, isagoo sheegay in wax talo ama lug ah uusan ku laheyn, booliskuna uu ku jiray xaalad is difaac ah.

Khasaare culus ayaa ka dhashay dagaalka. Ugu yaraan 26 qof ayaa la sheegay in dagaalkaas lagu dilay, halak 30 kalena ay ku dhawacmeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

16 ka mid ah dadka ku dhintay dagaalkaas waxaa la sheegay inay askar ahaayeen, halka inta kale ay shacab tahay, dagaalka ayaa qarxay barqadii Talaadada, wuxuuna ka bilowday afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Puntland oo weerarku uu ku wajahnaa.

Dr. Cabdirsaaq Axmed oo ka hawlgala isbitaalka guud ee Garoowe ayaa warbaahinta la wadaagay xogta dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay dagaalkaas oo markii la isku daro gaareysa 56 qof.

Hoos ka daawo

Sawirro: Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Shabaab badan, kana furtay hub culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gal qorsheysan oo xalay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkan ayay ciidanka DANAB ku beegsadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhaca duleedka tuullo lagu magacaabo Yaaq-dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB howl-galkaas qorsheysan ku dilay ugu yaraan 13 dhagarqabe oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale ciidanka waxay howl-galkaas kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub culus, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale soo bandhigtay qaar kamid ah hubka ay howl-galkaas kusoo furteen ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB.

Howl-galkaan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka ay shaacisay in howl-gal qorsheysan oo ka dhacay isla gobolka Jubbada Hoose lagu khaarijiyay laba horjooge iyo maleeshiyaad ka badan 40 ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaasi.

Labada horjooge ayaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Cabdiraxmaan Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Baay iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Aadan ayaa ahaa madaxa ilaalada ee degmooyinka Jamaame iyo Jilib, halka Idiris uu ahaa ku xigeenkiisa, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, kadib muddo bil ah oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda.