31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wiilka Biden oo lagu wado inuu qirto dambiyo culus

Washington (Caasimada Online) – Wiilka uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo lagu magacaabo Hunter Biden, ayaa heshiis la gaaray waaxda caddaaladda si uu u qirto saddex eedeymo oo la xiriira canshuur iyo mid kale oo hub federaal ah, heshiiskaas oo aysan u badneyn in xabsiga loo taxaabo.

Sida ku cad dukumeenti maxkamadeed oo la gudbiyay Talaadadii, wiilka madaxweynaha oo 53 jir ah, oo muddo dheer ay dillootay daroogada nooca cococaine-ta iyo baaritaan la xiriira ganacsigiisa uu la leeyahay ajnabiga, ayaa qiran doona laba eedeymo oo ah inuusan bixin wakhtigii lacaga canshuur ah oo lagu lahaa sannadihii 2017 iyo 2018.

Heshiiskan ayaa waxaa ka wadahadlay dhowr bilood qareennada Hunter Biden iyo David Weiss, oo ah xeer ilaaliyaha Mareykanka ee bariga gobolka Delaware, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Bayaan uu soo saaray, qareenka Hunter Biden, Christopher Clark wuxuu ku yiri: “Iyadoo lagu dhawaaqayo laba heshiis oo u dhexeeya macmiilkayga, Hunter Biden, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Degmada Delaware, waxaan fahamsanahay in baaritaankii shanta sano ee ku saabsan Hunter la xalliyey.”

Weiss ayaa markii dambe sheegay in baaritaanku uu “socdo.”

Trump iyo xubnaha xisbiga Republicans-ka ee Aqalka Wakiilada ayaa muddo dheer raadinayay inay ku xiraan heshiisyada ganacsiga ee Hunter Biden ee dibedda ee Ukraine iyo Shiinaha eedeymaha dhaqaale ee qoyska Biden.

VOA

Maxaa ka socda Garoowe caawa kadib dagaalkii maanta? + Khasaaraha oo kordhay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Garoowe oo maanta dagaal culus uu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in caawa maqribkii uu dagaalka ka istaagay magaalada, hase yeeshee saqdhexe kadib la maqlayey rasaasi.

Maqalka rasaasta ayaa imaneysa ayada oo labada dhinacba ay caawa aqbaleen xabad joojin ay ku dhowaaqeen isimada.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda go’aanka baarlamaanka Puntland ee mudo kordhinta xukuumadda hadda jirta iyo maamulka.

Dadka shacabka ayaa billaabay inay isaga cararaan guryahooda, iyadoo magaalada laga dareemayo barakac ballaaran.

Ciidamadii dagaalamay ayaa is hor fadhiya, waxaana suuragal ah in dib u qarxo dagaal ka culus rasaasta la maqlayo xili kasta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in khasaaraha dagaalku uu kordhay, in kastoo aysan jirin cid faahfaahin rasmi ah ka soo saartay, hadana waxaa la sheegay in ka badan 26 qof inay dhimatay, 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiligii uu dagaalka qarxayay wuxuu fadhi u socday baarlamaanka Puntland oo go’aanka mudo kororsiga meel marinayey, iyadoo markii dagaalku qarxay ay xilidhibaanadii kulanka fadhiyey oo dhamaa 35 ay doodoodii iska sii wateen ilaa ay ka ansixiyeen in wax laga bedelo dastuurka.

Isimada, waxgaradka iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa billaabay dadaal lagu doonayo in xabadda lagu joojiyo, isla markaana ay labada dhinac ka aqbaleen in xabadda la joojiyo, si xal loo gaaro.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dagaalka si shuruud la’aan ah u joojiyaan, una turaan shacabka, xabadna aysan xal noqon, wuxuuna cadeeyay in laga baaqsan karay xabadda.

Dowlad goboleedka Puntland madaxdeeda ayuu ugu baaqay Boqorku inay illaahey dartii ugu baqaan oo shacabka ay u turaan.

Taliyaha Booliska Puntland Muumin Cabdi Shire ayaa isna sheegay in dagaalku uu ka bilowday fadhigii baarlamaanka furitaankiisa, iyadoo shaqadooda watayna lasoo weeraray, sidaasna ay ciidamada boolisku u difaaceen sharciga.

Taliyaha ayaa cadeeyey in dagaalkaas uu istaagay, raggii weerarka soo daaqana ay ka qabteen gaadiid, maxaabiis iyo sanad ciidan, isla markaana ay ka sareen magaalada, iyagoo difaacaya dowladnimada Puntland, sida uu sheegay.

Daawo: Xasan Sheekh oo ka degay Washington iyo Xamse oo ka dhoofay Muqdisho

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.

Madaxweynuhu wuxuu xooga saari doonaa sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, isla markaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa  kulammo la qaada doona masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda hey’adaha caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogo Mareykanka wuxuu xoogga saari doonaa sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dagaalka dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed argagixisada, xasilinta deegaanada laga xoreeyay iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Dhinaca kale, Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa u ambabaxay wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Masuuliyiintaan ayaa ka mid ah xujeyda sanadkaan soo gudaneysa waajibaadka Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa umadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka.

Hoos ka daawo

Wareysi: Dhageyso Saabey oo jawaab ka bixiyey amarka ay DF bixisay ee lagu soo xirayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimaha la xiriira eedeymaha musuq-maasuq ee loo haysto iyo amarka soo qabasho ee dowladda.

Muxiyadiin Saabey oo la hadlay VOA ayaa ugu horreyntii iska fogeeyay inuu baxsad ka yahay dowladda federaalka, xilli xogo hoose oo aan helnay sheegayaan inuu ka baxay caasimadda oo uu gaaray deegaanka Guulane ee Shabeellaha Hoose oo uu kasoo jeedo.

Muxiyadiin ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay inuu ku lug leeyahay eedeymaha loo haysto ee musuq-maasuq, isaga oo sheegay in dhowr jeer baaris xafiiskiisa lagu sameeyay

Waxa uu sheegay in loo soo jaray waaran qabasho, iyada oo aan looga wicin maxkamadda iyo hay’adaha kale ee garsoorka, xilli ay xiran yihiin saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

“Wax gaar ah oo shaqsi ah oo aniga la igu haysto ima soo gaarin. Aniga lacag ma qabto oo khasnaji ma ihi, lacagna ma qaado oo bank ma ihi. Waxaa ku shubna akoonada bank-ga dhexe ee dowladda ugu tala-gashay, kamana bixin karno,” ayuu yiri Muxiyadiin Saabey oo la hadlay VOA.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay haddii ay jirto cadaalad la isku haleyn karo uu diyaar u yahay inuu ka gar baxo Xeer Ilaalinta oo sida la fahamsan yahay iyadu soo jeedisay eedeynta loo xirayo Muxiyadiin.

“Cadaaladda hadii ay noqoto tii la yaqaanay oo la isku haleyn karay, laakiin cadaaladda iyada oo aan la iiga wicin maxkamadda oo aan diidin oo la ii iman waaran la ii soo jaro, taasi cadaaladda ma noqon kartaa,” ayuu yiri Muxiyadiin Saabey.

Waxa uu intaas kusii daray “Xalkeygu waa iska cad yahay, aniga muwaadin ayaa ahay, dembi ma gelin ee ciddii dembi igu haysa si rasmi ah aan iskugu imaano maxkamadaha.”

Si kastaba, Qorshaha lagu xirayo Saabey ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay mas’uuliyiin sare oo dowladda ay dooneyso in la xiro.

Sababta isaga loogu billaabayo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay isku beel yihiin, uu ka cabsanayo in haddii uu xiro saraakiil kale oo sare oo beelo kale kasoo jeedo loo arko arrinta mid qabyaaladeed, sidaas darteedna uu go’aansaday in laga billaabo Saabey.

Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda federaalka, xilli uu sii xoogeysanayo olole baaritaan oo uu wado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsan musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda oo ilaa hadda loo xiray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Puntland in crisis: Power struggle triggers deadly violence

Garowe (Caasimada Online) – In the semi-autonomous region of Somalia’s Puntland, a struggle for power fueled violent clashes outside parliament on Tuesday. 

According to local law enforcement and eye-witness reports, the fighting between local security forces and opposition-affiliated armed militia resulted in at least 26 deaths.

Background and context

To fully understand the conflict, it’s important to delve into the region’s political history. Puntland, an oil-rich northeastern region of Somalia, declared autonomy in 1998.

The relationship between this semi-autonomous state and Somalia’s central government in Mogadishu has been strained for years.

Direct elections were held in Puntland in May, marking the first in over half a century for Somalia, barring the breakaway region of Somaliland. However, these were marred by accusations from opposition politicians.

They alleged that Puntland’s president, Said Abdullahi Deni, manipulated the election procedure and sought to amend the constitution to prolong his mandate, which is set to end in January next year.

Constitutional conflict erupts in violence

The conflict erupted during a parliamentary session debating changes to the regional constitution.

Opposition forces claimed this move was a veiled attempt by President Deni to extend his term in office.

Following the announcement of a one-man-one-vote election system with multiple political parties, the tension quickly escalated into a violent confrontation.

“Gunmen loyal to the opposition attempted to disrupt the parliamentary session, resulting in a fierce clash with security forces,” Abdiweli Hassan, a police officer in Garowe, the state capital, told Reuters.

He continued, “They were repelled. The city is now tranquil, although no one will be permitted to flout the law.”

Witnesses speak out

Eye-witness Mohamednur Ali reported the intensity of the fighting, recalling both sides using heavy machine guns and observing around six fatalities and numerous injuries.

Nimo Adan, who found herself amid the crossfire, reported seeing several casualties. Similarly, Seinab Omar, a mother of three, witnessed at least two civilian deaths and seven individuals with gunshot injuries.

Adding to the civilian narrative, local elder Farah Osman explained the tense situation: “Garowe is overrun with opposition forces. All routes are shut, and all businesses are closed. A very fierce battle is underway.”

Fatalities and future course

At least 26 individuals died in the turmoil, with 16 identified as soldiers. The wounded count stood at 30, per Dr. Abdirsak Ahmed from Garowe Public Hospital, the destination for several victims.

On its Facebook page, the Puntland government announced that the regional parliament had voted to consider amendments to the constitution, with more debates and voting sessions planned.

Looking towards the future, Somalia’s central government and four federal member states, excluding Puntland, announced in May a new one-person-one-vote system for local elections in June next year.

This system would replace the complex clan-based indirect voting system, which has dominated the political landscape of the Horn of Africa nation, steeped in decades of chaos.

Whether these initiatives lead to a more peaceful and democratic future or further tension and conflict, only time will tell.

Daawo: R/W Xamsa Barre oo war ka soo saaray dagaalka Garoowe, soona jeediyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Garowe oo maanta uu ka dhacay dagaal culus oo salka ku haya muranka doorashada dastuuriga ah ee maamulkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

“Waxaan ku baaqayaa in wax kasta laga wadahadlo, waxaan hubaa in jidkaas uu ka natiijo fiican yahay gacan ka hadalka, Soomaali xiiso uma qabto xabad la isku rido,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha XFS.

Wuxuu carrabka ku sii adkeeyey in Puntland ay ku asteysan tahay nabadda Soomaaliya, balse dagaalka maanta uu bixinayo macne aan qurxooneyn.

Xamse Cabdi Barre wuxuu dhinacyada is haya kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhaqanka kala dambeynta ee Puntland ka soo jiray sanadaha badan.

“Isimada, dhaqanka iyo ururrada bulshada ee deegaanada Puntland waxaan ugu baaqayaa in sidii lagu yaqiinaba ay ku baxaan dagaalka oo nabad ka dhaliyaan Puntland, miiska wadahadalkana ay isugu geeyaan dhinacyada is haya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Xamse Cabdi Barre ayaa umadda reer Puntland Alle uga baryaa inay nabad ku ciidaan, isagoo Puntland ku amaanay soo yaalkeeda wanaagsan.

“Jiritaanka Puntland waa nabadda Soomaaliya, Puntland wa astaanta dowladnimada dalkaan, wadajirka iyo xoojinta jiritaanka Puntland waa aas-aaska dhismaha Soomaaliya, waxaan codsanayaa in la soo afjaro wax kasta oo khilaaf ah,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hoos ka daawo

Dhageyso: Muxuu la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri dagaalka Garoowe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah la-taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka xooggan ee maanta ka qarxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

La-taliye Baadiyow ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Garoowe ee u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo ciidan taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waa wax aad iyo aad looga xumaado in aan maqalno maanta caasimadii Puntland uu dagaal ka dhacayo oo dadkii ka barakacayo, waan ka xumahay in dagaal meeshaas ka dhaco oo Puntland waxay asal u aheyd dowladaha federaalka ah oo waxaa laga sugayay inay meel nabad ah tahay” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo VOA la hadlay.

Waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Garoowe, islamarkaana dhinacyada isku haya halkaasi ay miiska wada-hadalka ku xaliyaan sababta ka dambeysa dagaalka iyo waxyaabaha ay isku hayaan.

“Waxa dhaheyna dagaalka ha la joojiyo oo wada-hadal iyo is afgarad ayaa wax lagu xaliyaa, siyaasad xoog ku timaada oo qori wax lagu maquuniyo waa tii lagu soo baaba’ay oo dhibaato dalka kasoo gaartay dhamaan, marka waa in dagaalka la joojiyo.”

La-taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in doodaha la xariira dastuurka, oo dagaalka Garoowe uu salka ku hayo ay tahay wax laga wada-hadli karo.

“Waa in mashaakilka xoog lagu xalin oo lagu xaliyo wada-hadal iyo isfaham. Waxgaradka reer Puntland oo talo soo jeedinta u sameeyay ee ku baaqay in aan dagaal la galin hadda kahor in warkooda la dhageysto.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uusan hadda wax weyn ka qaban karin waxa ka socda Puntland, ayna tahay inay xukuumadda iyo baarlamaanka maamulkaasi ay si deg deg ah wax uga qabtaan.

“Dowladda federaalka ah waxa ay la qaban karto way la qabaneysa laakiin reer Puntland ayaa la rabaa inay arrintaas ka tashadaan oo xaliyaan,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah la-taliyaha arrimmaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afar arrin oo xasaasi ah oo horyaalla taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin u magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu beddelay Odowaa Yuusuf Raage oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka.

Xilli hore ayaa la filayay in la beddeli doono Taliye Odowaa, kaas oo qeyb ka ahaa saraakiil ku eedeysna weerar lagu qaaday hoteel ay deganayeen madaxweynayaal hore xilligiii lagu jiray ololihii doorashada.

Laakiin kacdoonkii lama filaanka ahaa ee ka curtay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo ay ciidanka xoogga ku biireen ayaa la aaminsan yahay inay dib u dhigtay go’aankii madaxweynaha ee isbeddelka.

Dhawaan ayaa faafinay afar qodob oo sabab ka dhigaya in la beddelo Taliye Odowaa, balse warbixintaan waxaa ku eegayna caqabadaha iyo shaqooyinka horyaalla Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo u baahan inuu deg deg wax uga qabto.

1. Middeynta saraakiisha sar-sare iyo kuwa dhexe ee ciidanka xoogga

Doorashadii Soomaaliya ka dhacday iyo muddo kororsigii madaxweynihii hore waxay abuurtay kala qeybsanaan xooggan oo ku timid ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha la beddelay Odowaa Yuusuf Raage oo isagu dhinac la safnaa kuma guuleysan inuu dib u mideeyo saraakiisha qeybaha ciidanka, waxaana loo arkayay kala qeybsanaantaas mid kamid ah sababaha xoojiyay khasaaraha waayihii dambe soo gaaray ciidanka xoogga dalka.

2. Soomaaliyeen

Ciidanka xoogga weli waa qabiileysan yihiin, baabuurta ayaa qaar u kala suntan oo magacyo qabiilo loogu yeera. Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waxay ciidanka xoogga ku lug yeesheen isku-dhacyo u muuqday kuwa qabiileysan.

Dhowrkii taliye ee isaga dambeysay hoggaanka ciidanka xoogga dalka midna kuma guuleysan inuu abuuro ciidan wadaniyiin ah oo Soomaalinimada ay kala weyn tahay qabiilnimada oo u mideysan waxyaabaha danta guud.

Inkasta oo ay arrintaan mararka qaar siyaasadda saameyn ku leedahay, haddana Taliyaha cusub Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddoow waxaa laga rabaa inuu isagu la yimaado hal abuur gaar ah oo fikirka iyo shaqada ciidanka Soomaaliyeenaya, sidoo kalena ciqaab adag kaga jawaabaya askarta muujisa ficilada qabyaalada.

3. Dagaalka kooxda Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka waxay wax badan la dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab, laakiin horumarka la sameeyay marka ay qabaa’ilku kaceen weligeed lagama sameyn la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Qabiiladu kama hub iyo xeelad badna ciidanka xoogga dalka, balse sababta waxaa loo arkaa inay mab’da dagaalka la xiriirto. Taliyaha cusub waxaa hortaalla inuu tamar cusub kusoo kordhiyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, uuna kiciyo damiirka iyo mab’da ciidanka si natiijo wax ku ool ah looga gaaro wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

4. Baarista dhacdooyinkii u dambeeyay

Ugu yaraan shantii weerar ee ugu dambeysay oo ay Al-Shabaab kusoo qaaday ciidanka xoogga dalka waxaa ka dhashay khasaare xoog leh, gaadiid badan ayaa looga furtay dowladda.

Taliyihii la beddelay Odowaa Yuusuf Raage lama wadaagin umadda Soomaaliyeed sida ay wax u dhaceen iyo sababta fashilka, sidaas awgeed taliyaha cusub waxaa laga rabaa warbixin sax ah oo ku saabsan dhacdooyinkaas iyo cidda sameysa dayaca oo ay tahay in lagula xisaabto.

FAL-CELIN xooggan oo ka dhalatay xil ka qaadista Gen. Odowaa Yuusuf Raage

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayada oo la magacaabay taliye cusub.

Waxaa xilka Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, oo horey usoo noqday madaxii hab maamuuska madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.”

Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay xilka ka qaadista Odowaa iyo magacaabista Taliyaha cusub?

Sayid Cumar Sadiiq Caddow: “Micnaha macalinkii wajigii koowaad ee dagaalka hogaamiyay waa la cuney waxa ay ka macno tahay meeshaas ciyaarta halagu joojiyo oo yaan howl kale nala galin.”

Cabdifitaax Xasan Cumar ayaa isna waxa uu yiri “Hanbalyo taliyaha cusub waa tallaabo dhanka guusha loo qaaday.”

“Mar hore ayey ahayd ujeedadu maahan aragti siyaasadeed balse Odowaa, waa wiil yar oo aan qibrad lahayn waxaana ka muuqda fikir aan ka imaan maskaxdiisa inuu ku shaqeeyo, sidaa darteed bal aan kan cusub siduu yahay eegno ninkii malin Farmaajo kab ku tura waa in jago loo magacaaba,” ayuu yiri Carab oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Maxamed Amiin ayaa isna yiri “Baladkaan nabad-ba looma rabo wallee.”

Bukhaari Muxiyadiin: “Innaalilaah Soomaaliya godkeeday haday biyo dhigatay. General Odowaa 30 jir mintid ah oo dawlad yaqaan ah saacaan wadanku argagixisada faraha kulul kuhayso miyaa xilkii laga xayuubiyey.”

Mukhtaar Adan: “Soo dhawoow taliye kun iyo kow jeer hanbalyo.”

“Cajiib wali cuqdadii nabad iyo nolol baa idin haysa,” ayuu yiri Idiris Axmed Cali.

Indhacade oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo xil ka qaadista Jeneraal Odowaa ayaa yiri “Odowaa wallaahi geesi qaran ayuu ahaa waa ka xumahay wallaahi waxa ku dhacay.”

Bashiir Xasan ayaa isna yiri “Kan (taliyaha cusub) mid lagu farxaayo uma eeka bal aan sugno.”

Si kastaba, Xil ka qaadista Odowaa ayaa imaneysa maalin kadib markii sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Somalia: Political motives behind the removal of Hiiraan commissioner

Introduction:

The recent removal of the Hiiraan Commissioner has sparked controversy and raised concerns about potential political motivations behind the decision. This article aims to explore the possibility that the removal was a political act intended to undermine the president’s policy in combating al-Shabaab and hamper the overall efforts towards achieving peace and stability in the country. 

1. The Significance of the Hiiraan Commissioner’s Role:

The Hiiraan Commissioner holds a crucial position in the administration, responsible for overseeing the implementation of government policies, including security measures and development initiatives in the region. Their role is particularly important in the context of countering the threats posed by extremist groups such as al-Shabaab. 

2. The President’s Anti-Al-Shabaab Policy:

The president has made countering al-Shabaab a top priority in his agenda, aiming to weaken the extremist group’s influence and presence in the country. This policy includes a combination of military operations, intelligence efforts, and community engagement to address the root causes of radicalization.

3. The Impact of the Hiiraan Commissioner’s Removal:

Removing the Hiiraan Commissioner disrupts the chain of command and undermines the implementation of the president’s anti-al-Shabaab policy. It creates a void in the local leadership and coordination, which can have detrimental effects on security operations, intelligence gathering, and collaborative efforts with the community to counter the extremist group. 

4. Political Motives at Play:

There are indications that the removal of the Hiiraan Commissioner was politically motivated, aiming to sabotage the president’s policy. It is essential to examine the possible reasons behind this act, such as disagreements over political affiliations, personal rivalries, or attempts to weaken the president’s authority. 

5. Implications for Peacemaking and Pacification:

The removal of the Hiiraan Commissioner not only affects the fight against al-Shabaab but also has broader implications for national peacemaking and pacification efforts. The commissioner’s role includes promoting reconciliation, community dialogue, and peaceful coexistence among various groups. Removing a competent commissioner who is dedicated to fostering stability and unity in the region undermines these important goals. 

6. The Need for Transparent and Accountable Decision-Making:

To ensure the country’s progress towards peace and stability, it is crucial for decisions related to key appointments, such as the Hiiraan Commissioner, to be based on merit, transparency, and accountability. Political interference can hinder effective governance and hinder progress in areas of security and peacebuilding. 

Conclusion:

The removal of the Hiiraan Commissioner raises questions about potential political motives aimed at derailing the president’s anti-al-Shabaab policy and broader efforts towards achieving peace and stability. The government and stakeholders need to address these concerns, promote transparency, and prioritize national interests over political considerations to effectively combat terrorism and advance the country’s peacemaking agenda. 

Dr. Mohamed Hassan Tifow
Cultural Anthropologist and Development Sociologist.

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Xog: Muxiyadiin Saabey oo baxsaday kahor qorshe ay kusoo xiri rabto dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) ayaa gaaray deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muxiyadiin Saabey oo hadda ku sugan tuullada Guulane oo hoostagta Aadan Yabaal, ayaa waxa uu baxsad ka yahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo dooneysay in lasoo xiro.

Muxiyadiin ayaa habeen hore xilli dambe baxsaday kadib markii uu ka war helay qorashe la sheegay in lagu xirayo, xilli ay xiran yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Muxiyadiin Saabey uu tuullada Guulane oo uu kasoo jeedo ku abaabulayo maleeshiyo, ayna halkaasi ku ilaalinayaan maleeshiyo ay isku heyb yihiin.

Qorshaha lagu xirayo Saabey ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay mas’uuliyiin sare oo dowladda ay dooneyso in la xiro. Sababta isaga loogu billaabayo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay isku beel yihiin, uu ka cabsanayo in haddii uu xiro saraakiil kale oo sare oo beelo kale kasoo jeedo loo arko arrinta mid qabyaaladeed, sidaas darteedna uu go’aansaday in laga billaabo Saabey.

Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda federaalka, xilli uu sii xoogeysanayo olole baaritaan oo uu wado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsan musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda oo ilaa hadda loo xiray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, kuwaasi oo ay u jartay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Saraakiishan ayaa ka howl-galayay waaxo kala duwan, huwaasi oo kala ahaa; maamulaha xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee khasnajiga xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Puntland in chaos: Electoral reforms ignite conflict

Garowe (Caasimada Online) – Garowe, the capital of Somalia’s semi-autonomous Puntland region, was plunged into chaos on Tuesday as local lawmakers debated potential constitutional amendments regarding the voting system.

According to multiple on-the-ground accounts, the discord led to severe outbreaks of violence, leaving the city gridlocked and businesses shuttered.

A battle over constitutional amendments

Puntland’s regional government announced on social media that the local parliament had given the green light to discuss alterations to the constitution.

The affirmation implied that further deliberations and subsequent voting regarding these constitutional changes are expected to occur soon. However, the announcement was met with immediate unrest.

Local elder Farah Osman detailed the turbulent situation: “Fighting erupted immediately after the Puntland parliament voted for a one-man-one-vote election with multiple political parties.

The lawmakers are still in the building, and a fierce exchange of fire reverberates through the city.”

Paralyzed city and rising fears

Garowe, typically a bustling hub, has come to a standstill as the escalating conflict paralyzes the city’s functionality.

“All roads are closed, all businesses are closed,” said Osman, painting a grim picture of the volatile situation.

Caasimada Online tried to contact local and federal officials for comments, but they were unreachable at the time of writing.

This surge of violence stems from accusations by opposition groups against Puntland’s leader, Said Abdullahi Deni.

The opposition alleges that Deni is pushing for these constitutional amendments in a strategic bid to prolong his tenure beyond its current expiration in January of next year or to swing the electoral results in his favor.

The city’s denizens find themselves in the middle of this political upheaval. “Anti-aircraft guns and machine guns are raining down around Garowe today.

Government forces and other troops and clan militias loyal to opposition politicians are fighting over politics. I closed my shop and ran home,” stated Abdullahi Omar, a local shopkeeper.

As this political tug-of-war ensues in Puntland, the international community watches anxiously.

The future political landscape of this semi-autonomous region, and its impact on the broader Somali political sphere, hangs in the balance.

Time to fully lift the arms embargo in Somalia

The arms embargo in Somalia has been in place since 1992 during when the country descended into civil war and anarchy, it was sanctioned with the longest arms embargo in history. The embargo was intended to prevent the flow of weapons to armed groups and reduce the violence in the country. However, the rationale that gave impetus to the decades long embargo of conflict and instability must be reconsidered in the face of devastating international terrorism. it is time to reconsider the effectiveness of the embargo and its impact on Somalia’s security.

Massive Institutional Development

Somalia has made significant progress in recent years, including the election of a new government 2012, 2017 and most recent election in 2022, the establishment of Federal member states, and efforts to rebuild the country’s infrastructure. In addition, Somali Security institutions went through comprehensive reform as part of growing force development and generation with support of growing list of international partners including USA, UK, Turkey, EU, UAE,  the African Union and other bilaterals. However, the country still faces significant security challenges, including the ongoing threat posed by the terrorist group Al Shabaab.

Growing Terrorism Threat

Al Shabaab has been operating in Somalia for more than a decade and has carried out numerous attacks on civilians, humanitarian workers, and government officials. The group has been able to continue its operations due in part to the lack of sufficient resources and equipment available to the Somali National Armed Forces (SNAF). Without access to necessary military equipment, the Somali army may struggle to effectively respond to security threats and protect the country’s borders. As a result, the lifting of the arms embargo would enable the Somali government to acquire the necessary weapons and equipment to build a strong and capable national defense force.

Planned ATMIS Withdrawal

The withdrawal of forces from African Union Transition Mission (ATMIS) is a significant step towards the Somali government’s goal of taking full responsibility for the country’s security affairs. The decision to withdraw ATMIS forces is part of a broader plan to establish a self-reliant and capable national security apparatus that can effectively safeguard Somalia’s territory.

The withdrawal process involves a gradual transfer of security responsibilities from ATMIS to the Somali National Army (SNAF) and the Somali police force. This transfer is designed to ensure that the SNAF and police forces are adequately trained, equipped, and prepared to take over full responsibility for security operations in the country.

The Somali government recognizes the importance of building a strong national security apparatus to promote peace, stability, and development in the country. With the support of international partners, the government has been working to strengthen the capacity of the SNAF and police forces to effectively respond to security challenges and secure Somalia’s borders.

After 16 years in Somalia, the withdrawal of ATMIS forces is a critical milestone in this process, as it marks a significant shift in Somalia’s security landscape. The African Union has demonstrated that African problems can be resolved by African people and the sacrifices made by the African forces in Somalia are testament to this ideal. Somalis recognize and appreciate these sacrifices.

Capability Development and Lifting the Arms Embargo make sense

The SNAF has been working to improve its capacity to fight against Al Shabaab, but the arms embargo continues to constrain its ability to acquire the necessary weapons and equipment. The embargo has also made it difficult for the SNAF to partner with other countries and international organizations in efforts to combat terrorism and stabilize the country due to reputational risks and negative perceptions. Somalia’s image in the traditional media doesn’t match the growing, impressive development that has made Mogadishu the second fastest urbanizing city in the world. Somalia is thriving and its democratic institutions improving.

It is time to fully lift the arms embargo in Somalia and provide the SNAF with the resources it needs to defeat Al Shabaab and improve security in the country. This would allow the SNAF to acquire weapons and equipment that are essential for its operations, including armored vehicles, surveillance capability, and communications systems. It would also enable the SNAF to work with other countries and international organizations to enhance its training and capacity-building efforts.

Lifting the arms embargo in Somalia would not only improve the country’s security but would also create a more stable and prosperous future for its citizens. It would allow the SNA to take a more active role in protecting the country and its people, which would build trust and confidence in the government and promote peace and stability.

The international community should support Somalia in its efforts to improve its security and lift the arms embargo to  achieve lasting peace and stability in the country.

With a strong and capable national defense force, Somalia will be better equipped to defend against external threats and maintain stability within its borders. This, in turn, will help to promote economic development and improve the quality of life for the Somali people.

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him [email protected] @osmando

Sawirro: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ka gaaray wax ka beddalka dastuurka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn go’aan culus ka gaaray wax ka beddalka Dastuurka maamulkaas oo ay si weyn isugu hayeen madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee Puntland.

Kulanka golaha oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka  1-aad  Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaana sidoo kale soo xaadiray 35 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland.

Ajendaha kulanka yaa ahaa soo jeedinta wax beddalka Dastuurka Puntland oo ay golaha u soo gudbiyeen guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland.

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa galay doodda ku aadan ajendaha, waxaana ogol ugu codeeyay 34 mudane, sidoo kale waxaa diiday 1 mudane, mana jirin cid ka aamustay, sidaasna waxaa ansax ku noqday soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka.

Tani ayaa ka dhigan in xubnaha baarlamaanka ay si toos ah uga doodi doonaan qodobada Dastuurka ee wax laga bedeli doono sida sharcigu qabo, maadaama la meel mariyay.

Tallaabada uu qaaday baarlamaanka Puntland ayaa uga sii dareysa xiisadda hada ka taagan Garoowe oo maanta dagaal isku rogtay, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka ammaanka iyo kuwa mucaaradka oo diidanaa in la furo Dastuurka oo ugu dambeyn la meel mariyay.

Dagaalka maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale oo shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay siyaasiyiinta mucaaradka oo ku aadan go’aanka ay gaareen xildhibaanada baarlamaan goboleedka Puntland.

Si kastababa, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo hubanti la’aan ah, maadaama gacan ka hadal uu ka dhashay furista Dastuurka maamulkaasi.

 

 

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Garoowe iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal goordhow ka qarxay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka Puntland iyo sidoo kale kuwa mucaaradka ee ku sugan magaaladaas.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu hadda ka socdo xaafado ay ka midyihiin xaafadda Kowda Agoust, baarlamaanka, illaa jidka Soddonka ee magaalada Garoowe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in rasaas xoogan ay is qabsatay, isla-markaana ay mar qura xaaladdu faraha ka baxday.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka oo isaga barakacay xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe oo indhowanahaan uu dhaq-dhaqaaq ka jiray.

Mucaaradka ayaa diidan in la furo dastuurka Puntland oo ay haatan doodiisa u fadhiyaan xildhibaanada golaha wakiilada ee maamulkaasi

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisadda sii laba kacleyneysa iyo dagaalka ka socda halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe.

Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.

Sawirro: Ciidanka xasilinta oo maanta la wareegay amniga degaanka Ceelasha Biyaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahana kuwa xasilinta caasimada ee boolis milataaro ay dhaq-dhaqaaq ka bilaabeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ciidamadan oo wax badan ka beddalay amniga Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen haatan guud ahaan amniga deegaankan oo ku yaalla waddada aada Afgooye.

Ilo wareedyo amni ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay ka tirsan yihiin guutada 22-aad ee Gungaar, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Liibaan Golcad oo ah taliyaha howlgelinta.

Sidoo kale ciidamadan ayaa isla markii howlgallo culus ka bilaabay xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellada Hoose, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud.

Ujeedka ayaa ah inay sugaan amniga, isla-markaana ay ka hortagaan qatar kasta oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho, gaar ahaan in qaraxyo laga soo geliyo dhanka Sh/Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wada qorshe ballaaran oo lagu sugayo amniga caasimada oo mararka qaar ay weeraro culus ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamadan cusub oo tababar kusoo qaatay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa haatan inta badan la wareegay amniga caasimada, waxaana ay si weyn ula dagaalameen kooxaha burcadda iyo ciyaal weerada oo dhibaato weyn ku haayay dadka shacabka ah.

Xaaladda Muqdisho ayaa haatan ah mid deggan, marka loo eego sida ay aheyd bilooyin kahor, haddana saas oo ay tahay, waxaa isku dayo weerar ka sameysa Al-Shabaab.

Weerarkii ugu dambeeyay oo toos ahaa, kuna billowday qaraxyo ayay kooxdu dhowaan ku qaaday hoteel ku yaallo agagaarka xeebta Liido oo ay dadweynuhu u dalxiis tegaan.

Afduub ay geysatay Shabaab ‘oo looga aar-gutay’ carruurta iyo xaasaska madaxdooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariim Taakow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in dadka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab kasoo afduubteen carruurtooda iyo xaasaskooda, kadib markii kooxda ay afduubatay dad birmageyda ah.

Taakow ayaa sheegay in dadka deegaanka Daaru-Nicma ay arrintaas u sameeyeen si ay uga aar-gutaan kooxda Al-Shabaab oo deegaankooda ka afduubtay caruur iyo haween.

“Soomaalida waxay tiraahda qaniinyo qaniinyo ayaa ka fujisa, raggaasi maadaama uusan nagala dhaxeyn wax macaamil ah oo wada xaajood ah markii deegaanka ay ka wateen caruurtii, waxaa ka fikirnay qaabkii aan uga fal-celin laheyn arrintaas oo waxa noo soo baxday sidaas,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in carruurta iyo haweenka ay soo wateen dadka deegaanka Daaru-Nicma ay yihiin ilmo ay dhaleen qaar kamid ah madaxda kooxda Al-Shabaab ee deegaankaas u dhashay iyo xasaaskooda.

“Dadkaas ayaa soo wadanay si ay u dareemaan xanuunka dareemeyn waalidiinta carruurtooda iyo ilmahooda la ka xeeyay,” ayuu yiri Cabdikariim Taako oo u waramay warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay in dadka Al-Shabaab ay ka wateen dhan yihiin 36 qof, halka tirada dadka iyaga ay kasoo wateen kooxda ay dhan tahay 26 qof, islamarkaana ay ku howlan yihiin inay soo dhameystiraan tiro le’eg midda kooxda ay ka afduubatay deegaankaasi.

Taako ayaa ka dhawaajiyay in arrintaan ay dadka deegaanka u sameeyeen maadaama uusan wada-xaajood kala dhaxeyn kooxda Al-Shabaab, sidaas darteed ay ka wajaheen meesha ay ka jilcan yihiin.

“Waxaas in aan sameyno waxyaabaha aan ka xishoonayno oo aan dhaqan ahaan u laheyn. Marka raadinay meesha ay ka jilcan yihiin ayaa noo soo baxday inay tahay.”

DAGAAL culus oo dib uga qarxay LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma oo xalay dhanka bari ee duleedka magaalada Laascaanood ee Sool.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo aagga buuraha Hodan iyo Sayidka oo hoostaga Laascaanood oo ay muddo ku dagaalamayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhashay kadib weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana maqlayaan daryanka hubka culus.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

QM ayaa ku baaqday in Somaliland ay ciidamada ka qaado aagga Laascaanood, sidoo kale is xakameeyaan ciidanka SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Daawo: Axmed Madoobe oo balanqaad culus u sameeyey reer Gedo, haddii Jubaland…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta mar kale ka hadlay xiisadda ka taagan gobolka Gedo oo mamulkiisu uusan ka talin muddo ka badan seddax sano.

Axmed Madoobe ayaa hadalkaan ka sheegay shir uu maanta ka furay magaalada Kismaayo oo heshiisyo cusub looga gaaro ‘isku dabaridka xasilinta Qaranka’ qorshahaan waxaa hoggaamineysa wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsaday in cid kasta ay ka caawiso sidii gobolka Gedo loogu soo celin lahaa gacanta Jubbaland, isla markaana meesha looga saari lahaa ‘danaha shakhsiga ah ee hadda lagu maamulo gobolkaas’ sida uu hadalkiisa u dhigay Axmed Madoobe.

“Waxaan Gedo u diri doonaa wafdi ay ku jirto dowladda federaalka, si loo xaliyio tabashada dadka reer Gedo, arrinta gobolka Gedo waxay u baahan tahay masuuliyad dowladnimo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Wuxuu sheegay in wax dan ah aysan bulshada gobolkaas ugu jirin inay sii maamulaan shakhsiyaad aan laheyn masuuliyad dowladnimo, kuwaas oo sida uu sheegay danahooda gaarka ah ku gaaraya inay xoog iyo xeeladba ku sii heystaan bulshada gobolkaas.

Axmed Madoobe ayaa balan qaaday in wax cad oo la wada arki karo uu ka qaban doono gobolka Gedo, markii uu ku guuleysto in masuuliyadda gobolkaas ay dib ugu soo laabato maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu ka balan-qaaday reer Gedo in maamul dambe aan loo magacaabi doonin gobolkaas, balse bulshada loo dhisi doono nimaad dowli ah iyo gole deegaan, si ay isku soo doortaan.

Maalmo ka hor waxaa Garbahaarey laga soo celiyey  diyaarad siday maamul cusub oo Axmed Madoobe uu u magacaabay gobolka Gedo, waxaana halkaas ka taliya siyaasiyiin aan ka amar qaadan Jubbaland iyo dowladda dhexe toona.

Seddax sano ka hor, xukuumadii Farmaajo ayaa Gedo ka faro-maroojisay maamulka Jubbaland, waxaana iyadoo hal sano uu Farmaajo ka sii maqan yahay xukunka xal loo weysan yahay khilaafka maamul ee ka jira gobolkaas.

Hoos ka daawo Axmed Madoobe

Imaaraadka iyo QATAR oo qaaday tallaabo isbeddel weyn ku sameysay xiriirkooda

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa Isniinta maanta ah ku dhowaaqay dib u furista safaaradaha ay ku kala leeyihiin labada dal, lix sano kadib markii uu go’ay xiriirkooda.

Labadan dal ee Khaliijka ayaa xiriirkooda dib usoo celiyey Janaayo 2021, kadib afar sano oo dalal dhowr ah oo Carbeed ay go’doomiyeen Qatar ayaga oo saaray xayiraad dhulka iyo cirka ah.

“Imaaraadka Carabta iyo Qatarx waxay ku dhowaaqeen soo-celinta mataaladda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM.

Labada dhinac “waxay dib u billaabayaan howlaha safaaradda Imaaraadka Carabta ee Doha, iyo safaaradda Qatar ee Abu Dhabi iyo qunsuliyaddeeda Dubai,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaan kaas la mid ah waxaa baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrayn iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed iyo mid socdaal kusoo rogay Qatar 2017, ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto kooxo xagjir ah, ayna aad ugu dhowdahay Iran. Doha waa ay beenisay eedeymahaas.

Dib u furista safaaradaha ayaa imaneysa xilli ay yaraaneyso cadaawaddii Khaliijka kadib markii Sacuudi Carabiya iyo Iran ay bishii March ku dhowaaqeen inay soo afjareen toddoba sano oo xiriirkoodu go’anaa.

Waxaa taas xigay in Qatar iyo dalka ay deriska yihiin ee Bahrayn ay April ku dhowaaqeen inay xiriirkooda dib u billaabayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa Sabtidii booqday Iran, isaga oo la kulmay madaxweyne Ebrahim Raisi, taasi oo ah tallaabo kale oo weyn oo loo qaaday isu soo dhowaanshaha.

Iran ayaa dib u furtay safaaraddeeda Riyadh horraantii Bishan.

AFP