31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

La-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saartay tallaabadii Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa bogaadisay tallaabadii uu Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyay sharciga xakameynta hubka.

Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana ay tallaabadan qeyb ka tahay aragtida madaxweynaha Soomaaliya ee in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaligood ay gacantavku hayaan awoodda dalka.

“Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay qeyb ka tahay aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Mako Maxamuud Muuse.

Sidoo kale waxay tilmaamtay La-taliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cuna-qabatayna hubka ee saaran.

Waxay hoosta ka xariiqday in tallaabada iyo kuwa lamidka ah ay Soomaaliya u horseedi karaan qaadista cuna-qabataynta saaran, taasi oo laf dhabar u ah la-dagaalanka argagixisada.

Dhawaan ayey aheyd markii mudanayaasha golaha baarlamaanka dowlad-goboleedka Galmudug ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka xakameynta hubka Galmudug.

Hindise-sharciyeedkan meel-maray ayaa waxaa golaha baarlamaanka Galmudug horay ugu soo gudbisay wasaarada amniga gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Ciidamo careysan oo xalay isku hareereeyay xarunta baarlamaanka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weli ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ka dhalatay furista dastuurka Puntland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddu ay sii xoogeystay ka dib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay xalay fiidkii hore fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee maamulka Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay isku hareereeyeen xarunta baarlamaanka, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka taagan Garoowe.

Sidoo kale ciidamada careysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Qaar kamid ah shacabka deegaanka oo walaac ka muujinaya xiisaddan ayaa isaga barakacay aagga xarunta Baarlamaanka, maadaama ay xoogeysatay cabsida laga qabo in dagaal uu dhaco.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisadda sii laba kacleyneysa ee ka jirta maamulkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la shaaciyay ajendaha rasmiga ah ee kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah.

Ajendaha la shaaciyay ee kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe.

Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.

Somalia’s rebound: Major moves in security and education

Mogadishu (Caasimada Online) – In a transformative move, Somalia has broadened its public service workforce with the addition of 23,000 employees.

Prime Minister Hamza Abdi Barre announced this significant development on Saturday, underscoring Somalia’s commitment to restructuring the nation after two turbulent decades of violence.

The majority of the recruits have been appointed to the security sector, laying the groundwork for the nation’s plan to rebuild its military and other security services.

This strategic move comes as the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) prepares to exit the country by the end of next year.

PM Barre has been in office for the past year following President Hassan Sheikh Mohamud’s appointment and has steered the recruitment drive. The initiative aims to fill crucial gaps that have hindered public service efficiency.

Education at the core

Of the newly appointed public service personnel, 3,000 have been enlisted as teachers.

During a ceremony at the General Kahiye Police Academy in Mogadishu to launch a training program for these educators, PM Barre highlighted the pivotal role of education in a recovering society. He urged the teachers to foster tolerant, ethically sound, and globally competitive students.

During his address, Barre shared the financial challenges his administration had overcome to make recruitment possible.

He said, “Despite the difficulties, our Dan-Qaran (National Interest) government decided to recruit 20,000 security forces and 3,000 educators.”

A Security handover

In line with the Somalia Transition Plan (STP), the Somali government forces are preparing to assume security responsibilities once the ATMIS peacekeepers depart the Horn of Africa nation at the start of 2025.

The Somali government is also bidding to have the longstanding arms embargo lifted.

This restriction, first imposed in 1993, has evolved over the years to prevent arms from reaching al-Shabaab militants, having initially targeted warlords.

The current government argues the need for proper armament to equip its security forces against militant threats.

This stance is set to be the focus of the upcoming UN Security Council discussion this week, where President Mohamud is expected to appeal for his country’s release from these limitations.

President Mohamud has led a year of significant change since his election in May 2022 and the subsequent appointment of PM Barre a month later.

The comprehensive recruitment drive and the push for lifting the arms embargo demonstrate a government committed to steering Somalia onto a path of recovery and growth.

Read more Somalia news: Turmoil in Somalia: Army chief sacked, governor defiant

Daawo: Xildhibaano iska casilay guddigii xiisadda Baraawe kadib markii ay la safteen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba xildhibaan oo kala ah Maxamed Abuukar Cabdi iyo Maxamed Sheekh Bagadi oo ka mid ahaa guddi 10 xildhibaan ka koobnaa oo loo magacaabay inay soo baaraan waxa sababay dagaalkii Baraawe ayaa iska casilay guddigaas.

Labada Xildhibaan oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa xubnaha guddiga ku eedeeyey in aysan dhab ka aheyn shaqada loo xil-saaray, sidoo kale waxay sheegeen in kulamadii dhacay ilaa hadda aysan waxaba ka soo bixin.

Sidoo kale eedeynta ay xildhibaanadaan u jeediyeen guddiga ay ka baxeen waxaa ka mid ah in la doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, iyadoo ay kala maqan yihiin xubnihii 10-ka ahaa ee la magacaabay, sidaas darteedna ay iska casilayaan xubinimada guddigaas.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo laga soo doorto Galmudug, gaar ahaan Gaalkacyo ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Baraawe, gaar ahaan guddiga xildhibaanada ah ee maalmo ka hor uu baaritaanka xiisadaas u magacaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaan Cagaweyne, oo shir jaraa’id qabtay ayaa in xubno guddigaas ku jira ay toos ula safnaayeen garab ka mid ah dhinacyada isku haya magaalada Baraawe, isagoo dalbaday in guddigu ay soo bandhigaan warbixin lagu qanci karo.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in dhankooda ay ku qanacsan yihiin xubnaha guddiga ah ee xiisaddaas baaritaankeeda loo xilsaaray, balse ay isha ku hayaan cidii isku dayda inay cadiifadeeda kaga faa’iideysato warbixinta kiiskaas.

“Xildhibaanada walaalaheen ah waxaan rabnaa in dadkooda ay dhexdhexaadnimo ugu gar-naqaan, Soomaalidu maanta uma baahna in la sii kala qeybiyo, sidoo kale in guddigaan la duro waan diidanahay inta ka horeysa inta uu ka soo qabanayo shaqadii loo diray, anigu hadda guddigaas kuma jiro, laakiin waxaan aad u sugeynaa warbixinta guddiga oo meel ayaan u fadhinaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne.

Hoos ka daawo

Turmoil in Somalia: Army chief sacked, governor defiant

Mogadishu (Caasimada Online) – In a significant change at the heart of the military leadership of Somalia, the country has dismissed Army Chief Major-General Odawaa Yusuf Rageh.

The Somali Cabinet, led by Prime Minister Hamza Abdi Barre, made this decision during a meeting in Mogadishu, as relayed in an official statement.

Replacing Rageh is the newly appointed Chief of the Somali National Army, Brigadier-General Ibrahim Sheikh Muhiyadin Addow.

“The Council of Ministers has approved the proposal of the Ministry of Defence for the appointment of the Commander of the Somali National Army and appointed Brigadier-General Ibrahim Sheikh Muhyadin Addow,” stated the official release.

Before stepping into this role, Addow served as the Commander of the Presidential Guards and reportedly studied military logistics in Italy.

The underlying political tensions

The ousting of Rageh comes amid political tensions simmering in the central Hiran region of HirShabelle state.

Appointed in August 2020 by former President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, Rageh’s dismissal intersects with the ongoing fight against the Al-Qaeda-affiliated terror group, Al-Shabaab.

The Hiran region is the epicenter of this conflict, adding another layer of complexity to the political landscape.

Controversial dismissal leads to defiance

Adding to the upheaval, Ali Jeyte Osman, the governor of the Hiran regional administration, was recently dismissed by HirShabelle President Ali Gudlawe Hussien.

Osman, recognized as the face of the anti-terrorist fight in the province, has not taken his dismissal lightly.

In a defiant response to his termination, Osman announced at a press conference in Beledwayne, the capital city of the Hiran region, that he no longer recognizes the state.

Further stirring the political waters, he declared the formation of a new federal member state in the central province of Hiran.

With these concurrent political and military shifts in the Somali government, the next steps in the ongoing battle against Al-Shabaab remain to be seen.

As the dust settles, the effectiveness of these changes in combating terrorism in the region will be put to the test.

UN Report: The financial nexus between ISIS and ADF

New York (Caasimada Online) – The United Nations (UN) has unveiled fresh evidence of financial links between the notorious armed group, the Allied Democratic Forces (ADF), and the so-called Islamic State (IS). 

According to a yet-to-be-published UN report, this support has been ongoing since at least 2019 and involves a complex financial scheme straddling several African countries.

This crucial information is sourced from documents and testimonies, shedding light on the hazy financial connections between these terror groups. 

“The IS has provided financial support to ADF through a network involving individuals in several countries on the continent. The scheme originates from Somalia, extending through South Africa, Kenya, and reaching Uganda,” the UN report noted.

Tracing the origins of ADF

Originating from predominantly Muslim Ugandan rebels opposing President Yoweri Museveni, the ADF was established in the mid-1990s in the eastern Democratic Republic of Congo (DRC). 

By 2019, it shifted towards radicalism, pledging allegiance to the IS and transforming into one of the numerous outlawed forces in the troubled region.

The IS acknowledges the ADF as its regional affiliate, known as the Islamic State Central Africa Province (ISCAP). 

Consequently, in March 2021, the United States designated the ADF as one of the “terrorist groups” affiliated with IS.

Continuous threat despite operations

Despite joint military operations from Ugandan and Congolese forces to suppress the ADF, the group’s attacks have been relentless. 

This united force, Operation Shujaa, began after a series of bombings orchestrated by ADF in Uganda’s capital, Kampala.

Major General Dick Olum, spearheading the Ugandan side of Operation Shujaa, told AFP that intelligence suggested the ADF had scouted the area at least two days before the recent attack.

 “We have called for more firepower, planes to help in the rescue operation of those abducted, and locating the rebel hideouts for military action,” he said.

The ADF’s reign of terror

The ADF has been implicated in several civilian deaths in the DRC. It is suspected of a recent massacre at a Ugandan school, resulting in the death of 41 people. 

The attack happened in Mpondwe, a western Ugandan town less than two kilometers from the DRC border. 

Victims included 17 male students in a torched dormitory and 20 female students killed as they attempted to escape.

These horrific atrocities echo the June 1998 attack when the ADF set ablaze dormitories at the Kichwamba Technical Institute, killing 80 students.

Expansion and recruitment efforts

The UN report highlighted the ADF’s efforts to expand beyond North Kivu and Ituri provinces. 

The armed group has sent collaborators and combatants on scouting missions and has sought to recruit and conduct attacks in various provinces, including Kinshasa, Tshoppo, Haut-Uele, and South-Kivu.

While the UN report brings to light the financial support provided by IS to the ADF, the challenges of curbing this notorious armed group remain vast. 

However, with more insights into their operations and finances, authorities are better equipped to disrupt their activities and bring an end to their reign of terror.

Daawo: Xildhibaano si adag u diiday go’aankii Xawaadle, taageerayna in la eryo Jeyte

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano heer federaal ah oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa diiday go’aankii xalay ka soo yeeray xildhibaanada heer federaal ka soo jeeda beesha Xawaadle, kuwaas oo sheegay inay ka go’aan HirShabeelle oo ay dhisanayaan Hiiraan State.

Xildhibaanadaan Madaxweynaha HirShabeelle ku taageeray xil ka qaadistii guddoomiye Cali Jeyte oo aad ay uga xumaatay beesha Xawaadle.

14 xildhibaan oo u badan beelaha Gugundhabe iyo Dir oo Xawaadle la dega Hiiraan ayaa ku saxiixan war-saxaafadeedka galabta loo akhriyey warbaahinta, waxaana lagu soo dhaweeyey magacaabidda guddoomiyaha cusub.

Bayaankaan ayaa aad loogu adkeeyey in HirShabeelle ay tahay dowlad goboleed jira oo ka arrimiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana aan gorgortan laga geli doonin jiritaanka iyo midnimada maamulkaas.

“Hirshabeelle waxay ku dhisan tahay dastuur iyo heshiis bulsho, madaxda HirShabeelle waxay magacaabi karaan ama xilka ka qaadi karaan masuuliyiinta heerarka kala duwan, guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaa xilka u dhiibi kara kana qaadi kara madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, sida ku cad dastuurka,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanada Hiiraan ee heer federaal.

Sidoo kale bayaankaan waxaa Cali Jeyte looga codsaday in si xil-kasnimo leh uu masuuliyadda u wareejiyo, iyagoo aad u soo dhaweeyey magacaabidda guddoomiyaha cusub ee lagu beddelay.

“Waxaan dowladda HIrShabeelle ugu baaqeynaa inay dardar geliso dagaalka Al-Shabaab iyo xalinta khilaafaadka bulshada, sidoo kale reer Hiiraan waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan midnimadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanadaas ka soo baxay.

Hadalka xildhibaanadaan wuxuu ku soo aadayaa xilli xalay ay hadleen xildhibaanada Xawaadle oo si cad u sheegay inay Hiiraan ka go’day HirShabeelle, isla markaana ay dhisa doonaan maamul cusub, iyagoon wax tix gelin ama la tashi ah siin masuuliyiinta beelaha kale ee Xawaadle la dega gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa si cad u diiday xilka qaadista lagu sameeyey wuxuuna xirtay gobolka Hiiraan oo ma jirto cid uusan ogoleyn oo tegi karta, balse waxaa Beledweyne kula sugan Yuusuf Dabageed iyo guddoomiyaha cusub ee lagu beddelay.

Hoos ka daawo bayaanka xildhibaanada

Xasan Sheekh oo ansixiyey taliyeyaasha lagu beddelay Odowaa Yuusuf iyo Biixi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali.

Madaxweynaha oo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa saxiixay xeerkaan.

Caasimada Online, waxay galabta baahisay xogta magacaabidda taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, balse markii ay soo baxday dikreetada Madaxweynaha waxaa soo shaac baxday in la beddelay taliyihii ciidanka lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Taliyihii Ciidanka Lugta Jeneraal Biixi ayaa lagu beddelay Jeneraal Axmed Aadan Cali, halka Taliyihii ciidanka xoogga Jeneraal Odawaa lagu bedelay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka iyo ka go’naanta dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale masuuliyadaha uu madaxweynuhu xusay eek u jira waajibaadkiisa waxaa ka mid ah inuu muhiimad gaar ah siiyo dhismaha ciidanka xoogga dalka oo si xowlihi ah ku socda.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Maanta oo Isniin ah, 19-ka Jannaayo 2023-ka, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu cadeeyey dikreetadaan.

Xildhibaan shaaciyey arrin xasaasi ah oo darteed xilka looga qaaday Cali Jeyte

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si lama filaan ah uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan, taasi oo ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Xidhibaan Ilyaas ayaa go’aanka Cali Jeyte uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HiShabeelle Cali Guudlaawe ku tilmaamay “boor isku qaris” taasi oo ugu baaqay Jeyte inuu ka laabto.

Cali Jeyte ayuu ku eedeeyay xildhibaanka inuu is-hortaag ku sameeyay sidii loo mideyn lahaa canshuurta gobolka Hiiraan iyo maamulka HirShabeelle inteeda kale.

“Gudoomiye Cali Jayte boor iskuqariska iska jooji. Waxa la isku heeysto waa in la mideeyo Canshuurta Gobalka Hiiraan & dabcan guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle,” ayuu Xildhibaan Ilyaas ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Xildhibaan Ilyaas ayaa sidoo kale waxa uu usoo jeediyay Jeyte in uusan maanta god dheer oo mugdi ah ku ridin sharaftii iyo sumcadii uu ku kasbaday halgankii naf-hurnimada lahaa ee Soomaali oo dhan ay sharaf ugu heyso ee howl-gallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Baroorta Orgiga kawayn!

Gudoomiye Cali Jayte boor isku qariska iska jooji. Waxa la isku heeysto waa in la mideeyo Canshuurta Gobalka Hiiraan & dabcan guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle.

Waxaan la soconaa in dadaalo badan lagu bixiyay sidii loo mideeyn lahaa Canshuurta Gobalka Hiiraan lakin nasiibdaro uu is hor-istaag ku sameeyay Gudoomiye Cali Jayte.

Khilaafkuna uu halkaas salka ku hayo ee dhanka kale ee loo jiheeynayo oo dad waynaha lagu kicinayo uusan jirin!… Waa meeshaas halka boor isku qarisku uu ka jiro.

Waxaan kula talinayaa Gudoomiye Cali Jayte in sharaftii & sumcadii uu ku kasbaday halgankii naf-hurnimada lahaa ee Soomaali oo dhan ay sharaf ugu heeyso in uusan maanta god dheer oo mugdi ah ku ridin…wali caymasho ayay leedahay ee ka gaar.

Waa dhaqan aan kuu habooneeyn in Dowladii shalay ku siisay sharciyada Gudoomiye laguugu yeerayo in aad maanta ku soo duusho!.

Canahuurta Gobalka Hiiraan iyo guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle in la mideeyo oo ay ku dhacdo hal santuuq (Single Treasury Account) sida Maamul Gobaleeyada kale oo ay ugu dhowdahay Galmudug oo daris la ah Hirshabelle ayaa dan u ah Dowladnimada la barbaarinayo.

Saraakiil dowladeed oo loo haysto musuq oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa shaaciyay waaxaha ay ka howl-galayeen saraakiishan, kuwaasi oo kala ahaa; maamulaha xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee khasnajiga xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ayaa maanta hor-geeyay maxkamadda gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan wasaaradda Maaliyadda,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa eedaysanayaashan u gudbisay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay u gudbisay, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska.

Arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga.

Dwladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishaas dowladeed ayaa waxaa loo haystay musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Jeneraal Odowaa Yuusuf oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayada oo la magacaabay taliya cusub.

Waxaa xilka Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, oo horey usoo noqday madaxii hab maamuuska madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh. 

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.”

“Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.”

Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin. 

Xil ka qaadista Odowaa ayaa imaneysa maalin kadib markii sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dabageed iyo gudoomiyaha magacaaban oo kulan xasaasi ah la leh odayaasha Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa kulan xasaasi ah la leh odayaasha dhaqanka gobolkaasi.

Kulankaa oo albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, taasi oo ka dhalatay xil ka qaadistii uu habeen hore madaxweyne Cali Guudlaawe ku sameeyay Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale waxaa la sheegaya in saxaafadda uu iskugu yeeray, oo iyagu hadda dibad joog ka ah kulankaan ka socda Beledweyne.

Waxaa lagu wadaa in kulanka kadib uu shir jaraa’id qabto Dabageed, kaasi oo uu si rasmi ah ugu cadeyn doono mowqifkiisa ku aadan xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan.

Kulankaan ayaa imanaya xilli Cali Jeyte Cismaan uu si adag uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HirShabeelle, islamarkaana uu ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaaciyay in hadda kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”.

“Dhismaha Hiiraan State waxaa la isla gartay oo la ii wakiishay in laga soo qeyb-galo shir ay dadkaan wax ku dhisanayaan oo lagu dhameystirayo, intaas ayaa rabaa in si cad ugu sheego dadka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Sidoo kale Cali Jeyte waxa uu gobolka ku soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isaga oo ku goodiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan.

Si kastaba, maamulka HirShabeelle ayaa qorsheynaya inuu tallaabo ka qaado Cali Jeyte haddii uu u hoggaansami waayo xil ka qaadista lagu sameeyay habeen hore, sida uu shaaciyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta HirShabeelle.

Maamulka HirShabeelle oo faah-faahiyay xil ka qaadista Jeyte iyo tallaabo uu qaadayo

0

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka HirShabeelle ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta keentay in Cali Jeyte Cismaan laga qaado guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xilli uu hormuud u ahaa dagaalkii Al-Shabaab.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta HirShabeelle Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed (Shaashaa) oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Cali Jeyte iyo siyaasiin kale ay ka horyimaadeen mideynta canshuurta gobolka Hiiraan iyo HirShabeelle inteeda kale, iyo weliba inuu qaban waayay wixii loo igmaday.

“Ma leh xili gooni ah oo qof xil laga qaado ama xil loo magacaabo laakiin waxay ku jaan-go’an tahay haddba sida uu u arko qofka madaxda ah ee xilka bixinaya. Markii hore madaxweyne Cali isaga ayaa u magacowday inuu guddoomiyaha gobolka Hiiraan noqdo haddana isaga ayaa ka qaaday oo xilkii kala laabtay,” ayuu yiri Wasiir Shaashaa oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in Cali Jeyte ay hadda u arkaan ka maamul ahaan inuu yahay “nin siyaasi mucaarad ah oo wixii uu rabay waayay.”

Maamulka ayaa ugu baaqay Cali Jeyte iyo inta lamidka ah inay u hoggaansamaan dowladdnimada, haddii kala ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta.

“Gobolka Hiiraan dowladdii oo dhan wey joogta oo guddoomiyaha la magacaabay waxa uu ku shaqeyn doonaan xafiiskii Cali Jeyte uu ku shaqeynayay. Cali Jeyte waa xubin kamid ah dadka shacabka ah ee siyaasiyiinta ee reer HirShabeelle ee Beledweyne ku sugan.”

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta HirShabeelle Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed (Shaashaa) ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in maamulka uu tallaabo ka qaadi doonaan haddii Cali Jeyte u hoggaansami waayo xil ka qaadista lagu sameeyay habeen hore.

“Qof walba oo ka shaqeynaya in HirShabeelle horumarkeeda iyo dowladnimadeeda inay sii socoto diidan waxaa awood u leenahay in aan iska qabano oo umadda ka qabano, laakiin inta taasi dhicin ayaa rajeynayna inuu garto (Cali Jeyte) in shalay xilka loo dhiibtay maantana laga qaaday.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli Cali Jeyte Cismaan uu shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HirShabeelle, islamarkaana uu ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaaciyay in hadda kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”.

“Dhismaha Hiiraan State waxaa la isla gartay oo la ii wakiishay in laga soo qeyb-galo shir ay dadkaan wax ku dhisanayaan oo lagu dhameystirayo, intaas ayaa rabaa in si cad ugu sheego dadka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Sidoo kale Cali Jeyte waxa uu gobolka ku soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isaga oo ku goodiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan.

Museveni oo qorshe cusub shaaciyey kadib askartii looga laayey BUULO-MAREER

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni oo kulan gaar ah la qaatay taliyeyyaasha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan howgalkan oo ay qayb ka yihiin ciidamadiisa.

Yoweri Museveni ayaa si weyn u dhaleeceeyay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka duqeymaha oo uu ugu horreeyo Mareykanka, wuxuuna ku eedeeyay in aysan taageero ka helin xilliyada ay ciidamadooda la dagaalamayaan xoogaga hubeysan ee kooxda Shabaab.

Wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay ciidamada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya kaga howlgala diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah in aysan wax jawaab ah ka bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.

Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay ku qasban yihiin inay soo iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, si ay u adeegsadaan ciidamadiisa ku sugan gudaha Soomaaliya oo weeraro culus kala kulama Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weerarkii Buulo-Mareer Uganda looga dilay ugu yaraan 54 askari, halka Al-Shabaab ay shaaciyeen inay ka dileen illaa 137 askari oo ku sugnaa xeradaas oo gebi ahaan cagta la mariyay, isla-markaana laga qaatay hub badan.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika, waxaana dalka ugu badan ee ciidamo usoo diray Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo inta badan deegaano badan looga xoreeyay kooxda.

Dagaalka oo haatan galaya wajigiisa labaad ayaa sidoo kale la filayaa inay kusoo biiraan ciidamo horleh oo ka socda waddamada dariska, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Shacabka Beledweyne oo caddeeyay mowqifkooda kadib go’aankii CALI JEYTE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xiisadda kasoo cusboonaatay magaaladaasi ee ka dhalatay xilka qaadista gudoomiye Cali Jaytse Cismaan.

Qaar kamid ah dadweynaha reer Beledweyne oo u warramay Somali Cable TV ayaa taageero u muujiyay Cali Jayte oo soo saaray go’aanno ka dhan ah HirShabelle.

Sidoo kale shacabka ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweynayaan dhismaha maamulka Hiiraan State oo uu shalay ku dhawaaqay guddoomiyihii hore ee maamulka Hiiraan.

“Annaga Hiiraan State ayaan soo dhaweyneynaa, waan ku taageersanahay Cali Jayte fikirkaas wixii aqli leh ayaa qabo, laakiin annaga waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka uu qaatay Cali Jayte isagaa ku mowqif nahay” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wiil kale oo dhalinyaro ah oo ka hadlay qaddiyadan ayaa shaaca ka qaaday in markii horeba aysan HirShabelle wax u qaban, haddana ay ka tashanayaan aayahooda.

“Annaga HirShabelle waxba nooma heyn dadka meelaha ka qayl qaylinayo maba aqoonsanin iyo xittaa inay jirto HirShabelle” ayuu yiri wiil kale oo dhalinyaro ah.

Dhinaca kale xaaladda guud ee magaalada Beledweyne ayaa maanta dagan, kadib banaabaxyo waa weyn oo shalay ku dhacay gudaha magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, gaadiidka iyo waxbarashada ee magaalada Beledweyne.

“Ganacsigu waa caadi wuu kala socdaa dadka noloshooda caadiga ayay qabsadeen” ayuu isna yiri Aabe kamid ah dadka deegaanka ee reer Beledweyne.

Si kastaba, Guddoomiye Cali Jayte ayaa shalaty cadeeyey in warqadii xilka looga qaaday uusan u hoggaansami doonin, isagoo ku adkeystay in guddoomiyaha sharciga ah ee gobolka Hiiraan uu isaga yahay HirShabeellana uusan hoos tegin.

Daawo: Sarkaakiil Al-Shabaab u qaabilsaneyd deeganada Jilib iyo Jamaame oo la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay uga sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Warbixin ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday goob uu shir uga socday saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab.

Sida lagu sheegay warbixinta waxaa howlgalka lagu khaarijiyay laba horjooge iyo maleeshiyaad ka badan 40 ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaasi.

Labada horjooge ayaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cabdiraxmaan Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Baay iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Aadan ayaa ahaa madaxa ilaalada ee degmooyinka Jamaame iyo Jilib, halka Idiris uu ahaa ku xigeenkiisa, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in xilliga la weerarayayay ay qorsheynayeen inay weerar ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni oo ay dagan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Aqriso: Cali Yare oo laba mid ka dalbaday Farmaajo kadib markii laga saaray kooxdiisa

0

MOWQIFKEYGA WARQADDII SHALAY – W/Q: Cali Cabdi Wardheere ( Cali Yare)

Aniga oo ka jawaab celinaya warqaddii ku taariikheysneeyd 17 Juun, waxaan u caddeeynayaa bulshada Soomaaliyeed, xisbiga Nabad iyo Nolol, Jamaahiirta, hey’adaha garsoorka dalka, guddiyada doorashooyinka iyo diiwaangelinta iyo cidkasta oo ay khuseyn karto oo uu soo gaaray dhawaaqaas, in aanay jirin go’aan aan si iskeey ah u gaaray oo aan la wadaagay hoggaaniyaheenna MD Maxamed C/llahi Farmaajo, kuna aaddan in aan xisbiga ka tagayo.

Fajac ayuu igu noqday markaan arkay hadalka la sheegay in laga soo xigtay hoggaamiyaheenna oo tilmaamaya in aan anigu sidaas ka codsaday, waxaana aniga oo ixtiraam iyo qaddarin u haya Hogaamiyaha usoojeedinayaa, inuu bulshada Soomaaliyeed iyo Jamaahiirtaba u caddeeyo labada arrimood ee soo socota middood, maadaama Abdirashid warkiisa soo xigtay aan ku ogeyn afhayeen Madaxweyne hore balse aanu aheyn Afhayeenka magaca xisbiga ku hadla

B- Haddii run tahay in arrinta hoggaamiyaha laga soo xigtay waxaan ka codsanayaa inuu bulshadda caddeynta jirintaankeeda iyo goorta aan ka tegid N&N dalbaday, halka aan uga dalbaday iyo habka aan ku dalbaday, [qoraal, maqal, muuqaal iwm] ama

T- in uu bulshada u caddeeyo in laga been-abuurtay ee aanu waxba kala socon warqadda la sheegay in uu soo saaray.

  1. Taariikhda waa la maqlay qof is casilay iyo qof la casilay labadaba, lamase maqal qofaan iscasilin oo nool oo waliba qof jawaabta u sahlantahay oo lagu nabayo inuu iscasilay (waa haddii aad qortaye)

Arrinka lagu sheegay inaan xisbi kale aadayo waxaan ka oranayaa, Ma jirto xisbi kale oo aan go’aansaday in aan ku biiro waxaanan ahay oday aan dhaqan u lahayn cosobsiga, Soomaaliduna aanay guurguuritaanka ku aqoon.

Mabda’ayga, dhaqankeyga, qofnimadeyda iyo qadiyadda aan u taaganahay iyo loyal-nimadeyda ayaana taas ii diideysa.

Sannadkii 2010 ilaa maanta, waxaan xooggeeyga iyo xeeladeyda iskugu geeyay sidii aan uga mirodhallin lahaa siyaasaddii iyo afkaartii TAYO/N&N ee uu Farmajo nagu horkacayay walina waxba iskama badalin mowqifkeygii.

Ku dhaganaanta mowqifkeyga awgeed, waxaan ku soo mutay sooyaal nololeed oo xanuun badan, sida, halgan dheer oo halistiisa lahaa, guuldarrooyin tiro-dhaaf ah,, xabsi dheer, hagarjuun (harassment) iyo xorriyad la’aan, iyo arrimo kale dhexdeenna ahaa haddana aan halkan munaasab ku aheyn.

Ka gungaaridda yoolkaas intii aan ku gudajiray, waxay koox kasta oo isku dayday ay ku guuldarreystay isku-day walba oo qof noole lagu leexin karay in aragtideeyda la iiga leexiyo, sida, dan gaar ah, mid reernimo, hanti adduun, mansab siyaasadeed, xorriyad-kaqaadis, cabsi gelin iyo cagajugleeyn iwm, taas oo aan bulshada dhexdeeda uga helay xurmo iyo xasaanad ii gaar ah.

Waxaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol ka raalli-gelinayaa qalbi-jabinta ay la kulmeen oo ay maleegeen qaar walaalaheen ah oo aan aragti ka heysan, dhibka aad nala soo marteen iyo himilooyinka aad filan karteen.

Walaalayaal arrinkaas waan idinka ka raalli-gelinayaa cudurdaarna idinka siinayaa aniga oo afka aasaasayaasha ku hadlaya – mana aheyn mid aad naga mudneeydeen.

Waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad sii xoojisaan taageeradiinnii iyo midnimada dhexdiinna ah iyo udhago-nuglaanta hoggaamiyaheenna.

Saaxiibadeeyda kale ee Nabad iyo Nolol waxaan leeyahay: Saaxiibayaal, waxa ay ummaddu naga sugeyso waa himilo ka miisaan culus waxa aad ku mashquulsan tihiin, haddii aan shalay dhaqankiinna gurracan awgii ku waynay labeentii bulshada iyo siyaasiyiintii saameeynta lahaa ee Soomaaliyeed, mar kale sabab ha u noqonina inaan wayno taageeradii shacabweynaha Soomaaliyeed (shanta Soomaaliyeed) oo ah awoodda aan ku tiirsannahay koox ahaan- hana suurtagalinnina in hoggaamiyaheenna noqdo mid siyaasiyiintii iyo shacabka labadaba go’doon ka ah oo cimrigiisa martinnimo carbeed iyo mugdi afkaareed ku idleeysta.

Walaalkeen Farmaajo aan ugu miisno oo waqtigii uu olole kale ku sameeysan lahaa yaynaan kala adkaasho gudaheenna ah uga lumin markalana yaynaan sabab loo noqon guuldarradiisa laga maarmi karonoo fadlan kala miira cunfiga siyaassiga ah iyo cartanka kala cad-goosashada ku qotama ee dhaqanka idiin noqday.

Haddii ay nasteexaddaas idinla qurxoonaato oo aad takfiirninada siyaasadeed ka soo laabataan, walaalaheey shalay naftu naga dhaxeysay ayaad sidii hore u tihiin, haddi ay nasteexaydeeydu idin idinla qurxoonaan weyso, xasuusnaada in RUNTU LAMA HURAAN NOQON DOONTO oo ay N&N asal iyo farac kala tahay – asalkana ay u sugnaatay awoodda milkiyadda.

Ugu danbeyn Jamaahiirta; walaalayaal waan helay farriimihiinii tiro-beelka ahaa ee ay qaarkood qalbi-taabadka lahaayeen, waxaanan la ashqaraaray xurmadda aad ii heysaan oo xitaa kiinna iga fikir duwan uu ii muujinayo xurmada iyo qadarinta isaga/iyada oo taariikhdeyda ka xishoonaya iyo sida aad xisbigiinna u difaacateen, waana mid u dhiganta tan aan qabigeyga idiinkugu hayo.

Runtii ma garan karo si aan idinkugu mahadnaqo, waxaanse taas baddelkeeda idinka ballan qaadayaa inaan sii labo jibbaaro meelmarinta himilooyinka Nabad iyo Nolol ee na mideeysay, oo aanan idiin qarin fashilin danbe oo lagu sameeynayo hoggaamiyaheenna suuban.

Hoggaamiyaheenna isaga halkan waxba ka oran maayo, marbaan is iri armaad tiraa: – waa hadday xaashidu run noqotee – Madaxweyne, saaxiib, war Maxamed, soowtii aan 13 Sano ka hor wacad ku wada galnay inaan wadaniyadda (Patriotism) ka wada shaqeeyno oo aan midkeenna aannu reernimo qof kale hiil ugu noqon, saaxiiboow maxay tahay waxa aadan u diirin intii aan saaxiibadeenna kale ee ashraafta u badnaa oo ay nabiga CS is xigeen aan uleeynayay, oo hadda kulmiyay karka iyo kuleeylka ku gaaray markii aan saaxiibkeen Kulane xanjafiyay iyo xaanshida degdegga ah ee la leeyahay waxaa soo saaray saaxiibkaagii aad ku ballanteen wadaniyadda? Walba maxaadan ragga si siman ugu wada hiillin oo aad u kala laxa-jecleeysatay hadiiba aad go’aansatay inaadba saaxiib ila mid ah la kala dhimato? laakiin hadda, halkaan kaftankaas kama furna ee meel ka asturan iyo munaasabad kale oo ku habboon ayaan la eegan doonaa.

Runtii waan karhayaa inaan saxaafadda kaaga jawaabo qiimaha aan kugu ogyahay iyo inaad madax ii tahay, xushmadda aan kuu hayo darteed, laakiin lama huraan ayay ila noqotay, maadaama adiga oo ila hadli kara aad saxaafadda farriintaada ii soo marisay.

W/Q: Cali Cabdi Wardheere ( Cali Yare)

Muuse Biixi oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday qaar kamid ah masuuliyiintii gobollada Somaliland.

Madaxweynaha ayaa wareegtadan xilka uga qaaday guddoomiyaha gobolka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi Ducaale.

Sidoo kale waxaa lagu magacaabay wareegtada guddoomiyeyaasha cusub ee gobollada Hawad iyo Saaxil, ayada oo guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Gabiley loo beddelay guddoomiyaha gobolka Saaxil, sida lagu shaaciyay wareegtadaan.

Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha;

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Axmed Yaasiin Maxamed faarax
Guddoomiyihii Gobolka Hawd.

Ku: Axmed Maxamed Xaashi Ducaale
Guddoomiyihii Gobolka Saaxil.

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba cidii hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil iyo Hawd. Waxaanan idinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Ceeleeye Xuseen Aadan Xoosh laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In aan Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdillaahi Faarax laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Guuleed Cabdi Cabdillaahi Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada ka taagan Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamo kasoo horjeedo furista dastuurka Puntland ay isku fidiyeen qaybo horleh oo kamid ah gudaha magaaladaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Jaamac, kaas oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha madaxweyne Deni.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamadan ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen gudaha magaalada Garoowe, taas oo sii adkeysay xaaladda ka jirta halkaasi.

Sidoo kale qaar kamid ah shacabka deegaanka ayaa isaga barakacat aagga xarunta Baarlamaanka, maadaama ay xoogeysatay cabsida laga qabo in dagaal uu dhaco.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la shaaciyay ajendaha rasmiga ah ee kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah.

Ajendaha la shaaciyay ee kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah ajendahaan ka doodista xaaladda amniga Puntland, gaar ahaan amniga caasimadda Garoowe, oo muddooyinkii dambe ay kasoo cusboonaneysay xaaladdo amni darro.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe.

Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo gaaray Kismaayo + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad-goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxmed Cabdulle kusoo dhaweeyay madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Ujeedka socdaalka Wasiir Axmed Macallin Fiqi ee magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay inuu yahay shirka isku dubbaridka xasilinta qaran.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Socdaalka Wasiir Fiqi ayaa imanaya xilli ay maamulkaas ka taagan tahay xiisadda gobolka Gedo, islamarkaana ay mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore.

Toddobaadkan hore ayay aheyd markii magaalada magaalada Garbahaareey laga soo celiyay diyaarad uu la socday guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe, kadib markii ay is-hortaag ay ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka.

Si kastaba, lama oga halka ay ku furan doonto arrinta haatan soo korortay oo durbo saameynteeda la dareemay, maadaama la hakiyay duulimaadyadii gobolka Gedo.