31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Saddex arrin oo waaweyn oo ka dhalanaya tallaabada uu qaaday Cali Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa habeen hore shaqada ka eryay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Maamulka ma sheegin eed gaar ah oo loo qaaday tallaabadan, laakiin illo madax-banaan ayaa sheegaya inay la xiriirto arrimo muddo soo jiitamayay oo ku saabsan hanaanka canshuuraha maamulka HirShabeelle.

Cali Jeyte waxa uu ahaa ruuxiyadda dagaalka kooxda Al-Shabaab lagula jiro, lama dhihi karo maamulkiisa waxba kama qaldaneyn, laakiin shaqada ugu weyn ee Soomaaliya taalla oo ah in laga adkaado aragagixisada Al-Shabaab boos weyn ayuu kaga jiray Cali Jeyte.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si weyn uga horyimid xil ka qaadista, isaga oo ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale waxa uu bandow kusoo rogay gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”.

Saddex caqabadood waaweyn ayaa ka dhalaneysa xil ka qaadistan, kuwaasi oo kala ah;

1. Al-Shabaab oo laga hor qaaday caqabad weyn

Sida uu Cali Jeyte u muujiyay dareenkiisa oo u abaabulay una kiciyay qabiilkiisa, waqtiga uu jiida dagaalka galiyay iyo sida uu dunida iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu soo jeediyay dagaalka Al-Shabaab lama inkiri karo.

Kooxda Al-Shabaab waayahan ma wajahin hoggaamiye sidaas u mideyn kara fikirkiisa, qabiilkiisa, cududdiisa iyo ra’yu caamka.

Al-Shabaab waxay maanta u tahay fursad gaar ah oo ay u abuureen isla kooxdii kasoo horjeeday.

2. Baahida loo qabay siyaasi ay Al-Shabaab kala dhinteen

Madaxda degmooyinka iyo gobollada Soomaaliya waxaa badi lagu eedeeya inay cilaaqaad qarsoon la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Qaarkood iyaga oo dano gaar ah ilaalinaya ayay ka gaabsadaan inay kooxda u bareeraan. Dadka Soomaalidu waxay marwalba sheegaan baahida loo qabo siyaasiyiinta ay Al-Shabaab toos u kala dhinteen, si kuwaasi ay uga dhabeeyaan riyada ah in kooxda laga takhaluso.

Cali Jeyte waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta naadirka ah ee Soomaalida ee ay kala dhinteen kooxda Al-Shabaab. Mana mudneyn ayay dadweynuhu leeyihiin in la lumiyo marxaladan dagaalka lagu jiro, maadaama ay yar yihiin kuwa sidiisa oo kale u bareeri kara khatar weyn.

3. Dib u kicinta qabiilka

Xil ka qaadista Cali Jeyte waxay u badan tahay inay abuuri doonto kala qeybsanaan ku saabsan sida ay beeshiisa ugu mideysan tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Iyada oo loo diyaar-garoobayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la rabo in la raadiyo aragti cusub oo qabiilo kale lagu kicin karo, in kuwii abaabulna lasii kala dhantaalo oo hoggaamiyahooddii la lumiyo, iyada oo aan talada waxba laga siin.

Waxay adkeyn doonta sida wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab loo heli karo beeshaas oo mideysan, ama sida loo kicin karo beelo kale oo hadda arkaaya in aanay xitaa libintooda u goyn karin in tallo laga siiyo isbeddelka hoggaankooda.

Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiic xalay lagu garaacay GOLWEYN

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay tiro madaafiic ah lagu garaacay degaanka Golweyn oo hoostaga magaalo xeebeedka Marka ee xarunta gobolkaasi, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicda ayaa lagu eedeeyay inay soo tuureen ciidamada ATMIS oo fariisin ku leh duleedka degaankaasi oo 7 KM u jira magaalada Buulo-Mareer oo dhowaan weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Uganda ay ku qaadeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhacday guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, ayada oo duqeyntu dhacday xilli habeen ah oo dadka ay hurdayeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan ku dhintay nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Axmadey Caliyow Cabdullaahi, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.

Sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray guryo badan oo qaarkood la sheegay inuu dab ka kacay, taas oo sii adkeysay xaaladda.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dibad-bax ka dhan ah ATMIS ay shacabka Golweyn ka dhigeen gudaha degaankaasi, si ay uga dhiidhiyaan dhibaatada ka dhalatay weerarka madaafiicda ah ee xalay saq dhexe ka dhacay halkaasi.

Maalmo kaho ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamada ATMIS ay tiro madaafiic ah ugu garaaceen degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray qos daganaa gudaha degaankaasi.

Sida uu sheegay mid kamid ah ehellada dadka waxyeelada soo gaartay waxaa guriga uu ku dhacay hoobiya ku dhaawacmay hooyo, aabe iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen.

Ma’aha markii ugu horreyay oo ay ATMIS waxyeelo u geysato dad shacab ah, waxaana marar badan lasoo wariyay dhibaatooyin ay ciidamadooda ka geysteen Soomaaliya.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya, xilli dhowaan magaalada Buulo Mareer lagu laayay ciidanka Uganda, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab.

Waa kuma Injineer Ismaaciil: Horjoogaha uu Mareykanka dul-dhigay 5 milyan dollar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan 5 milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaano Injineer Ismaaciil.

Horjoogahan uu Mareykanku dul-‘dhigay madaxiisa lacagta shanta milyan ee dollar ayaa ah nin dhagar badan, kuna shaqeysta maleeshiyaad la sheegay inay daacad u yihiin.

Cabdullaahi Cusmaan oo kooxda Al-Shabaab u yaqaannaan “Ismaaciil Injineerka”, waa horjooge ka soo jeeda gobolka Hiiraan una qaabilsan kooxda labo qeybood oo kala ah;

1- Waa madaxa guud ee warbaahinta Al-Shabaab, waxaana hoostaga maleeshiyaad uu u adeegsado faafinta wararka been abuurka ah iyo buun-buuninta hadallada horjoogayaasha Al-Shabaab ay ku banneysanayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

2- Wuxuu mas’uul ka yahay qeybta qaraxyada oo ay ka shaqeeyaan maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaasi oo diyaariya qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qeybtan qaraxyada waa si garab ah mas’uul uga ah ku-xigeenka Ismaaciil Injineerka oo lagu magacaabo Mustafa Jihaad oo loo garan ogyahay Axmed Gurey.

Ninkan ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka, horjoogahan magaciisa kor ku soo xusnay ayaa si gaar ah hagar-daamooyinka iyo dhagaraha ugala shaqeeya horjooge Axmed Diiriye oo kooxda Al-Shabaab ay u yaqaanaan “Abuu Cubeyda”.

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan ayaa waxa uu ku dhuumaaleysanayaa gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu ugu badan yahay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Si kastaba, Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray dhawaam ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan.

Mareykanka ayaa xilligaas shaaca ka qaaday in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu yahay Injineer khabiir sare oo Al-Shabaab u sameeya qaraxyada.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in sidoo kale uu yahay la-taliyaha hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, isla-markaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Putin iyo Zelensky oo diiday hindisaha nabadda Afrika

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday hindise nabadeed oo Sabtidii ay u keeneen wafdi ka socda madaxda Afrika oo rajaynayay in la soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Hogaamiyayaasha toddobo dal oo Afrikaan ah ayaa u sheegay in dagaalka Putin uu dhibaato ku yahay caalamka oo dhan.

Wafdiga ayaa la kulmay Putin maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Labada hoggaamiye ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid aan socon karin.

Putin ayaa wada-hadallada Sabtidii la furay wakiillo ka socda Comoros, Congo Republic, Masar, Senegal, South Africa, Uganda iyo Zambia oo ka dhacay qasri u dhow St.

Balse madaxweynaha Ruushka ayaa diiday qorshaha nabadeed ee wafdiga ee ku saleysan aqbalaadda xuduudaha Ukraine ee caalamku aqoonsan yahay.

Waxa uu ku cel-celiyay mawqifkiisii ahaa in Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ay mas’uul ka ahaayeen iska horimaadka ka hor intii aanu Ruushku ku duulin Ukraine bishii Febraayo 2022.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in reer galbeedku ay mas’uul ka yihiin sare u kaca qiimaha cuntada adduunka, taas oo si aad ah u saameeyay Afrika.

Aqriso: Ajendaha rasmiga ah ee kalfadhiga baarlamanka PUNTLAND oo la shaaciyay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ajendaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa la shaaciyay, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah.

Ajendaha la shaaciyay ee Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah ajendahaan ka doodista xaaladda amniga Puntland, gaar ahaan amniga caasimadda Garoowe, oo muddooyinkii dambe ay kasoo cusboonaneysay xaaladdo amni darro.

Ka doodista xaaladda gobolka Sool oo uu ka socdo dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC ayaa sidoo kale ku jirta ajendaha la shaaciyay ee kal-fadhiga baarlamaanka Puntland.

Waxa kale oo qeyb ka ah ajendaha Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland arrimaha mushaharka ciidanka iyo shaqaalaha dowlad-goboleedka Puntland, oo muddooyinkii dambe ay ka taagnaayeen cabashooyin xooggan.

Hoos ka aqriso qodobada ajendaha oo dhameystiran;

Si waafaqsan qodobka 42-aad faqradiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ee Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, waa sidan;

  1. Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Dawladda Puntland.
  2. Ansixinta Ajendaha Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiadda DPL.
  3. Warbixinta Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada DPL.
  4. Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada DPL.
  5. Xeerarka ay Xukuumaddu soo gudbisay/gudbiso.
  6. Dabagalka Hirgelin la’aanta go’aamadii Golahu soo saaray.
  7. Ka doodidda Mushaharka Ciidanka iyo shaqaalaha Dawladda.
  8. Ka doodidda Xaaladda Gobolka Sool.
  9. Ka doodidda Amniga Puntland iyo kan caasimadda Garoowe.
  10. Go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira doorashooyinka 2023/2024.
  11. Ansixinta Xisaab xirka Sanad-maaliyadeedka 2022-ka.

Daawo: Qoor Qoor oo cadeeyey mowqifkiisa muddo kororsiga madaxda DF

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa fagaare ka sheegay inay soo dhaweynayaa damaca madaxda dowladda federaalka ee muddo kororsiga, isagoo sheegay in dastuurka wax laga bedeli karo.

Wuxuu sheegay in madasha golaha wadatashiga qaranka ay ku heshiiyeen in dastuurka la waafajiyo bayaankii ay soo saareen ee heshiiska looga gaaray masiirka dalka.

“Dastuurka dalku Qur’aan maaha, waala bedeli karaa, madasha golaha wadatashiga qaran ayaa hey’adaha dastuuriga ah ka dalbatay in wax laga bedelo oo dalka loo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah, markii aan is doorano ayaan yeela doonaa dowlad awood badan,” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay aad ugu diyaarsan tahay inay qabato doorasho qof iyo cod ah, “Kama jirto Soomaaliya meel nooga haboon oo doorasho qof iyo cod ah lagu qaban lahaa,” ayuu yiri.

Qoor Qoor ayaa sheegay in hadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada is ogolaaday ay Soomaali sharaf u tahay, isagoo sheegay in lagu howlan yahay xalinta madaxda aan ku qanacsaneyn sida ay wax u socdaan.

“Waxaa jiri kara in qodobada qaar dood laga keen, balse ay muhiim tahay in la qaato go’aan kasta oo laga dhex arkayo danta Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa aad u dhaliilay ganacsatada deegaanada Galmudug, isagoo sheegay in maalkooda aan lagu baahi bixin, si gaar ah kuwa ugu dhaqaalaha badan ayuu u beegsaday Axmed Qoor Qoor.

“Waa dhaliilan yihiin ganacsatada reer Galmudug, weliba kuwa ugu dhaqaalaha roon waxaan leeyahay xoolihiina loogama bixin baahi,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hadalkaan ka jeediyey madal lagu soo bandhigay hanaanka uu Galmudug uga hir-galay nidaamka dowladnimada loo dhanyahay oo lagu qabtay Dhuusamareeb,

Hoos ka daawo

 

Xogta kulan xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyey bogga xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed uu hoggaamiyo ayaa lagu sheegay in caawa kulan gaar ah uu madaxtooyada dalka uga socdo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu daba socdo kulamo Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed uu maalmahaan la yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta dalka.

Ajendaha kulamada uu Sheekh Shariif ka wado Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ku qotomaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin horay u soo saaray qoraal ay ku diideen qorshaha muddo kororsiga ah eek u jiray heshiiskii ugu dambeeyey ee madaxda golaha wadatashiga qaranka.

“Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sh Ahmed ayaa la filayaa inuu kala hadli doono Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka, muddo kororsiga, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, arrimaha la dagaallanka argagixisada, arrinta Gedo, colaadda Laascaanood iyo colaadaha kasoo cusboonaaday qaybo ka mida gobollada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu baahiyey xisbiga Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay dalka dibadiisa, wuxuuna ku jiraa ragga hor boodaya siyaasiyiin diidan muddo kororsiga ay damacsan tahay xukuumadda cusub ee Xasan Sheekh.

Caawa ayaa lagu wadaa inay dood adag arrintaas ka yeeshaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, xilli uu meel dhexe marayo qorshaha ay dowladda federaalku dooneyso inay ku meel mariso muddo kororsigaan oo doodiisu ay taallo golaha shacabka.

Markii laga soo tago Shariifka, waxaa jira siyaasiyiin kale oo miisaan culus, aadna u diidan muddo kororsigaan, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho soo gaaraan intooda badan oo mowqifka ay ku diidan yihiin qorshahaan ay ololihiisa bilaabaan.

Xildhibaanada Xawaadle oo ku dhawaaqay go’aan culus iyo Hiiraan State + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hor yimid go’aankii xilka looga qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Xildhibaanada ayaa iclaamiyey shir deg deg ah oo la isugu tegayo magaalada Beledweyne, iyagoo ku dhawaaqay in halkaas laga dhisi doono maamul ka madax-banaan HirShabeelle.

Sidoo kale xildhibaanadaan ayaa shaaciyey in habeen ka hor ay kala furfureen mooshin xilka looga qaadi lahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed.

Waxay farriin u direen Yuusuf Dabageed oo ay ku eedeeyeen in loo adeegsaday cayrinta Cali Jeyte, waxayna u sheegeen in hadii Cali Jeyte uu meesha ka baxo uusan isaguna ka dambeyn doonin.

Sidoo kale waxay farriin kale u direen guddoomiyaha cusub ee madaxda HirShabeelle ay u magacaabatay gobolka Hiiraan, iyagoo si dabacsan ugu sheegay in xilkaan uu u qalmo, balse loo adeegsanayo fashilinta dagaalka Al-Shabaab iyo walaalkiisa Cali Jeyte.

“Dadka aan xildhibaanada u nahay maanta kadib ma aqoonsana HirShabeelle wax la dhaho, waana u camireynay awalba maamul kama jirin halkaas, intii yareedna maanta ayey is toogatay, qofka xilka waa laga qaadi karaa, laakiin waxaa laga qaadaa xili munaasib ah, marka waxaan cadeyneynaa in HirShabeelle ay geeriyootay, anaguna aan ka tashanay,” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Xildhibaanadaan oo shaaciyey inay tegayaan magaalada Beledweyne ayaa Cali Jeyte ku amaanay halgankii uu gobolka Hiiiraan intiisa badan uga xoreeyey kooxda Al-Shabaab iyo go’aanka uu ku diiday xilka kaadista ay ku sameeyeen madaxda HirShabeelle.

Xildhibaanada Xawaadle ee caawa shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxay balan qaadeen inay dhisi doonaan maamul cusub oo la yiraahdo Hiiraan State, kaas oo qorshihiisa lasoo dhameystiray, sida ay hadalka u dhigeen.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa galabta cadeeyey in warqadii xilka looga qaaday uusan u hoggaansami doonin, isagoo ku adkeystay in guddoomiyaha sharciga ah ee gobolka Hiiraan uu isaga yahay HirShabeellana uusan hoos tegin.

Sidoo kale Cali Jeyte wuxuu galabta soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isagoo ku goodiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan.

Xamza oo wasiirrada faray amar cusub oo la xiriira ‘Soomaali heshiis ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah.

Kulankaan ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu warbixino kaga dhagaystay masuuliyiinta wasaaradaha qaar, iyada oo soo bandhigay waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka “Soomaali heshiis ah” in ay dardar-galiyaan qorshayaasha xukuumadda, islamarkaana bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco, saldhigna u ah halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda ee tiirka Soomaali heshiis ah.

Halbeegyadan ayaa waxaa kamid ah sida dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka, dimuqraadiyaynta iyo dardar-galinta dowlad wanaagga iyo hiigsiga xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka.

Dhawaan ayay aheyd markii uu ra’iisul wasaaruhu bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballan-qaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Si kastaba, Halku-dhigga Madaxwaynaha ee ah Soomaali heshiis ah waa mid kamid ah waxyaabaha laf-dhabarta u ah xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

“Haddii aan la heshiinin wax horumar ah lagama gaari karo dhamaystirka dastuurka, doorasho qof iyo cod ah iyo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab,” ayuu kal hore ka dhawaajiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sawirro: SOMALILAND oo ciidamo cusub oo tababar dhameystay u diraysa SOOL

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tababar usoo xidhay ciidamo milatari oo tababar dhamaystay, kuwaasi oo dhawaan ku biiraya ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee gobolka Sool.

Munaaswbadda tababarka loogu soo xidhayey ciidamadan oo ay madaxweyne Biixi kala qayb-geleen wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada, macallimiintii tababarka bixinaysay, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada ciidamada milatariga kusoo biiray ee tababarka qaadatay.

Taliyaha ciidanka militariga Somaliland, Sarreeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ciidanka tababarka loo soo xidhay uu kamid yahay ciidan faro badan oo tababar ugu jira kulliyadaha Sheekh, Badar Wanaag, Dararwayne, iyo Goroyocowl, islamarkaana loo qaadi doono gobolka Sool.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay tacab badan gelisay ciidamadan, loogana baahan yahay “inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gardarrada maamulka Puntland kusoo qaadeen gudaha Somaliland,” sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha Puntland wuu caddaystay maalintii dhawayd oo wuxuu yidhi weerar ayaan ku qaadayaa halkaa (Sool), mudane madaxweyne arrimihii way joogsan waayeen wataa Puntland leedahay anaga dagaalamayna, hadaanu markii hore xaraga dagaalamaynay, maanta waa la is xiniinyo taabanayaa,” ayuu yiri Nuux Taani oo hanjabaad culus u diray maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey ciidamada tababarka dhammaystay iyo macallimiintoodaba.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay kusoo biireen ciidamo sharaf leh oo xuquuqaha aadamaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ciidamada, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey tababarka u dhammaaday.

Waxa uu caddeeyey inay ciidanku yihiin astaan nabadeed dhaxanta iyo goobaha naf waaga u taagan sidii muwaadiniintu ugu seexan lahaayeen nabad.

“Waxaan aad u hambalyeynayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka ee habeen iyo maalinba u heegan inay dadkoodu nabadgelyo ku seexdaan, kuna soo toosaan, hantidoodu nabadgasho, dadkeenu horumaraan,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

“Geesiyaasha ciidamada kala duwan ee ciidanka qaranku u xoog weyn yahay ee dadkooda nabaddooda iyo mustaqablkooda u heeganka ah baynu hambalyeynaynaa.”

Daawo: CALI JEYTE oo ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub “HIIRAAN STATE”

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Cali Jeyte Cismaan oo xalay uu madaxweynaha HirShabeelle ka qaaday xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaaciyay in maanta kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”.

“Dhismaha Hiiraan State waxaa la isla gartay oo la ii wakiishay in laga soo qeyb-galo shir ay dadkaan wax ku dhisanayaan oo lagu dhameystirayo, intaas ayaa rabaa in si cad ugu sheego dadka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Waxa uu sheegay in gobolka Hiiraan gudaheeda ay mamnuuc ka tahay qof ka tirsan ama sheeganaya maamulka HirShabeelle, “Haddii Beledweyne uu joogo qof sheeganaya magaca la yiraahdo HirShabeelle, meesha uu ka dhoofayo ma ahan Hiiraan ee malaha biyo baxada uu sii raaci doonaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in masuuliyiinta maamulka HirShabeelle aysan iman karin gobolka Hiiraan, “Mid banaanka jira ma iman doono.”

Bandow ayuu kusoo rogay gobolka Hiiraan, isaga oo iclaamiyay inuu xiran yahay garoonka Beledweyne iyo sidoo kalena uu xiran yahay dhulka, oo isku socodka gaadiidka uusan shaqeynayn.

“Diyaaradii isku deyda inay si qalad ah wax kusoo qaada Wallaahi Billaahi Tallaahi dhulka soo dhigeyna, ma joogno maalinkii Shabaab buuraha noo saarna oo Soomaaliya inteeda badan maanta waa xor,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Jeyte ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in go’aankan cusub ee maanta uu ku dhawaaqay uu ka yimid bulshada gobolka Hiiraan, oo uusan aheyn mid uu kaligiis iska wato, sida uu sheegay.

“Waxaa ku hadlayaa dareenka bulshada oo xilal hore ayaa u soo qabtay oo maalina is-hortaga sameeyay ma jirin ee waxa ku hadlayaa dareenka Cali Jeyte ma ahan ee waa dareenka bulshada,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Hoos ka daawo

Ciidamo hubeysan oo xiray isku socodka Beledweyne kadib xil ka qaadistii Jeyte

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan ay xireen isku socodka magaaladaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa saaka kusoo toosay iyada oo ciidamadaan ay xireen isku socodka magaalada, xilli xil ka qaadis uu madaxweynaha maamulka HirShabeelle ku sameeyay gudoomiye Cali Jeyte.

Ciidamada ayaa la sheegaya inay yihiin Macawiisleey, waxayna xirteen wadada ugu muhiimsan ee laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee gudaha magaalada Beledweyne illaa garoonka diyaaradaha.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaan, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidanka Macawiisleeyda ay kasoo horjeedaan tallaabadii xalay saq-dhexe uu Cali Guudlaawe xilka uga qaaday Cali Jeyte.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo ku aadan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HiShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu arrinkaasi ka hadlo Jeyte.

Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte oo la baahiyay xalay saq-dhexe ayuu madaxweyne Guudlaawe waxa uu xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).

Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba “mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowlad-goboleedka HirShabeelle.

Si kastaba, Cali Jeyte ayaa waxaa lagu xasuusta doorkii weyna ee uu kasoo qaatay wejiga hore ee dagaalka Al-Shabaab, ee looga xoreeyay kooxda guud ahaan Bariga gobolka Hiiraan, markii dambena ku faafay inta badan ee gobollada dalka.

Hiiraan ayaa xudun u aheyd kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi.

Machadka Hilaal oo dood wadaag u sameeyay weriyayaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox wariyayaal ah ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka loogu qabtay kulan la xiriira warbaahinta iyo Garsooka. 

Kulankan is dhaafsiga doodda ah ee dhex maray wariyayaal ka kala socday warbaahinta dalka, ayaa waxaa cashar ka bixiyay wariyaha kaliya ee si gaar ah Soomaaliya loogu bartay arrimaha Garsoorka sanadihii dambe Abdulkadir Isse ahna wakiilka Garsoorka Ciidamada ee xagga xiriirka dadweynaha.

Waxa si gaar ah la isku dhaafsaday sida warbixinta loogu qaybiyo qaybaha dacwadda sida Garsoorka, xeer-Ilaalinta iyo qareenada. 

Waxa uu Abdulkadir Isse sheegay in garsoorka ay muhiim u tahay in qofka wariyaha ah kiiska uusan marin habaabin, sidoo kale u mar kasta eego danaha caddaaladda. 

Wariyayaasha Soomaalida ah ayaa aad uga gaabiyay ka sheekeynta arrimaha garsoorka, waxa ayna aad xoogga u saaraan dhacdooyinka kale ee amniga iyo siyaasadda. 

Mahadka daraasaadka Hilaal, oo sameeyey kulankan, ayaa isna si gaar ah uga faallooda arrimaha amniga, gaar ahaan dhacdooyinka kooxaha Dowladda ka soo hor jeedo sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay ceyrintii Cali Jeyte

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, oo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte, ayuu madaxweyne Guudlaawe wuxuu sidoo kale xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).

Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba “mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowlad-goboleedka HirShabeelle.

Tallaabadan xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Sheekh Cabdiweli: “Hirshabeele rajadii yareyd ee laga qabeyna halkaas ayay ku dhamaatay!!.”

Cabdixakiim Badio ayaa isna yiri “Caliyow waxaa rabtid sameyso waqti marka dhamaado kadib kuma so laaban meysid.”

“Waan soo dhaweynayaa xil ka qaadistaas. Gudoomiyaha cusub Sufuroow Allaha u fududeeyo xilka loo magacaabay guuleyso mudane Madaxweyne Cali Guudlaawe,” ayay tiri Salmo Jowhar.

Cali Ibraahim Xasan ayaa isna yiri “Xilka qaadista gudoomiye cali jeyte maxaa xiligan kusoo beegay ayadoo xaladaha xiligan jira aanu ognahay.”

“Xawaadle dhabar jabinta kala tag , awalba faa’iido Kuma qabin aan hagar daamo ahayne,” ayuu yiri Rabiile oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xil ka qaadista guddoomiye Cali Jeyte.

Cabdisalam Xaaji Cali ayaa isna yiri “Halyeey qaran waxow qabtay cid aanan qaban in xilka laga qaado waa arin laga fiican yahay.”

“Ninkii gobolkiisa Hiiran ka saaray Al-Shabaab baa waxaa rabtaan in aad si fudud xil uga qaadan,” ayuu yiri Cabdimaalik Saalax.

Cabdicasiis Cali Faarax: “Cali Jeyte Cismaan waa ninka Hirshabeelle ugu shaqada fiicnaa, xil ka qaadistiisuna waxa ay niyad jab ku ridaysaa qof kasta oo ku hami jiray inuu mar uun taariikhda dalkiisa baal dahab ah ka galo. Sidoo kale waxa ay toosh ku ifinaysaa madaxwaynaha Hirshabeelle.”

“Calaw dhibka umada kada Ilaahey ban kugu dharshe,” ayuu yiri Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xil ka qaadista uu Cali Guudlaawe ku sameeyay Jeyte.

Maxamed Axmed: “Xil ka qaadista Cali Jeyte waa lagu deg degay lagama fiirsan waa xil ka qaadis Al-Shabaab farxad gelinaysa.”

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Guudlaawe waa in uu baxaa shaqo aan eheen xil ka qadis iyo xil u dhibid ma yaqaano.”

Cabdullaahi Diini Macallin: “Ma waxaa xilka looga qaaday xaad ugu dhiiri gelisay bulshada in ay Khawaarijta la-dagaalamaan waan ka xumahay maamulka fadhiidkaa.”

Cabdullaahi Cabdiqani: “Xawaadlow katashada oo cali soo ceshta Hirshabeelana ka go’a.”

“Xilka qaadistaaan ani wan kaso horjeeda gudomiye mudane Cali Jeyte wax badan ayuu Hiiraaan iyo Hirshabele u qabtay mana aheeen in xil ka qaadis lagu abaalmariyo,” ayuu yiri Maxamed Axmed Xasan.

Ismaaciil oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu qaaday Guudlaawe ayaa yiri “Maxaa kale oo aan qabtaaba oo aan xil Ka qaadis iyo magacaabis aheyn.”

Guddoomiye Macallimuu oo u jawaabay KULANE JIIS

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Gedo, Mudane Cismaan Nuux Xaaji oo kamid ah xubnaha uu dhawaan magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Gedo.

Macallimuu ayaa shaaca ka qaaday in haatan uu ku sugan yahay gudaha degmada Garbahaarey, isla-markaana uu joogo xarunta maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kaliya guddoomiyaha cusub uu ka maqan yahay gobolka, isla-markaana wax dhibaato ah aysan ka jirin Gedo.

“Maamul hadda la diiday oo shacab ay diideen ma jiro maamulkaan dhamaan degmooyinka waa laga soo dhaweeyay, waxaana soo dhaweeyay shacabkii iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka wax culeys oo gaar ah hadda ma jiro” ayuu yiri guddoomiye Macallimuu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka dhibaatada inay wadaan aad maleyneyso ee baraha bulshada waa dad iska fowdo ah ayada oo dhib dhicin ayaa laga yaabaa in la yiraahdo dhibaato ayaa dhacday”.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeyn culus u jeediyay xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwo kasoo jeedo Galmudug oo uu sheegay inay sii hurinayaan arrimaha gobolka Gedo.

“Xildhibaanadaas meelaha wax kasoo qoraya oo deegaan doorashadooda meel kale ay tahay waxaan arkaayay, ayaga oo laga yeerinaayo liiskii Baarlamaanka oo saddex kalfadhi laga la’yahay marka shaqadooda ha qabsadaan ayaan leeyahay” ayuu mar kale yiri.

Guddoomiye Macallimuu ayaa si gaar ah ugu jawaabay Kulane Jiis, wuxuuna tilmaamay in wax shaqo uusan ku laheyn gobolka Gedo oo uu carabka ku dhuftay inuu horay u qaribay.

“Waxaan arkaayay nin la yiraahdo Kulane Jiis oo aad uga hadlayo gobolka Gedo maxaa ka galay?. Dhib haddii la geystay Kulane Jiis asaa gobolkan horay uga geystay” ayuu sii yiri.

Gedo ayaa waxaa weli ka taagan muran ku aadan maamulka gobolkaas, kaas oo u dhexeeyo shacabka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Xildhibaan shaaciyay in Al-Shabaab ay $2 milyan ku bixisay xilka qaadista Jayte

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidlhibaan Maxamed Cabduqaadir oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana kasoo jeedo Hiiraan ayaa ayaa si adag uga hadlay xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii gobolkaas, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Xildhibaanka ayaa si weyn ug soo horjeestay xilka qaadista uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku sameeyay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.

Maxamed Cabduqaadir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan lacag laba milyan oo dollar ah ay ku bixisay kooxda Al-Shabaab, si meesha looga saaro Cali Jayte.

“Warqadii ugu qaalisaneed ee soo baxday qarniga 21aad laguna gatay inta illaaa iyo hada aan ognahay 2 million oo dollar ee ay argagixisadu bixisay si looga hor wareejiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri xildhibaanku,

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in horay ay kooxda lacag dhan hal milyan oo dollar madaxiisa u dul dhigtay Cali Jayte Cismaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Cali Jeyte waxuu noqday qofkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ay dilkiisa argagixisadu ku bixisay qarash dhan 1 Million Dollar , Marki ay u suurageli waaysayna ku bixisay 2 Million Xil ka qaadistiisa” ayuu sii raaciyay xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.

Dhanka kale, xiisad ka dhalatay xilka qaadista Cali Jayte ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne, oo ay ka billowdeen dibad-baxyo ka dhan ah HirShabelle.

Ciidamo hubeysan ayaa sidoo kale lagu arkayaa waddooyinka qaar ee magaaladaasi, taas oo uga sii dareyso xaaladda ka taagan gudaha magaaladaasi.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.

Dhowaan Cali Jayte ayaa sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.

Ciidamada DF oo howlgal culus ka fuliyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo xalay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sameeyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ka kala dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa iyo deegaanka loo dalxiis tego ee Daarusalaam oo isna ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho

Ciidamada howlgallada sameeyay ayaa isku ballaariyay labadaasi xaafadood, ayaga oo gudaha u galay guryo bartilmaameed u ahaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in inta ay socdeen howlgallada lagu soo qabtay ku dhowaad 5 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Ragga lasoo qabtay ayaa waxaa horay usoo watay ciidamada ammaanka Soomaaliya oo haatan ku haayo baaris dheeraad ah.

Weli ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan howlgalladaas iyo dadka lagu soo qabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kordhiyay dhaqdhaqaaqooda.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa mararka qaar weeraro culus ka fulisa gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii dhowaan lagu qaaday agagaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Cali Yare oo jawaab yaab leh kasoo saaray warqaddii looga saaray kooxda FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Yare Cali ayaa beeniyey inuu ka baxay xisbiga Farmaajo hoggaamiyo ee Nabad iyo Nolol, isagoo ka jawaabaya warqad uu ku saxiixnaa Afhayeenka Farmaajo oo saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta.

Cali ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in warqadaasi ay tahay is qarxin lagu kala dilayo waxa uu ugu yeeray ‘jamaahiirta’ oo uu kala jeedo taageerayaasha xisbiga Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

“Waxaan aqriyay warqad tilmaamo ISTASHHAADEED leh, oo lagu kala dhantaalayo cuddudda shacab iyo taageeradda baaxadda leh ee xisbigeennu leeyahay, laguna sheegay inaan anigu si iskeey ah uga baxay xisbigii aan 14 Sano ka hor wada aasaasannay Hoggaamiyaheenna, Madaxweyne hore Farmaajo iyo aniga [Ali Abdi Wardhere], ee ku soo billowday magicii TAYO, markii dambana aan u bixinnay magaca Nabad iyo Nolol,” ayuu yiri Cali Yare.

Sidoo kale Cali wuxuu sheegay in goordhow uu cadeyn doono mowqifkiisa cadeyn doono, “Hadda waxaan ku jiraa safar dheer oo diyaaradeed.”

“Marka ugu horreysa ee aan meel gaaro lana tashada rukniyadda xisbiga iyo taageerayaasheenna naftood-hurayaasha ah ayaan mowqifkeyga rasmiga idinla wadaagi doonaa IA,” ayuu yiri Cali Yare oo mar gobolka Banaadir ka soo noqday guddoomiye ku xigeen.

Ninkaan ayaa wax badan u dagaalamay qadiyadda Farmaajo, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay sii daayey xogo qarsoonaa oo ka dhan ah xubnihii kale ee la shaqeyn jiray taliskii Farmaajo.

Mar kasta wuxuu is xijiyaa Farmaajo, wuxuuna dadka u sheegay in xisbigii Farmaajo kala jabay oo kaligiis uu ku haray garab Farmaajo, balse Afhayeenkii Farmaajo, Cabdirashiid Duqa ayaa soo saaray warqad uu ku sheegayo in Cali Yare uu mar hore ka tegay xisbiga, in kastoo saacado gudahood uu Cali ku beeniyey arrinkaas.

Warqadda ka soo baxday kooxda Farmaajo waxaa lagu sheegay in Cali Yare uu mar hore iska casilay xubinimadii xisbiga, isla markaana afkaaraha uu soo qorayo aysan ka turjumeyn aragtida Nabad iyo Nolol, sida loo dhigay qoraalka.

Daawo: Dibadbax xooggan oo ka dhacay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay dibadbax xooggan oo looga soo horjeedo tallaabadii uu qaaday madaxweynaha maamulka HirShabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa xalay saq-dhexe soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, oo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dadweynaha reer Hiiraan ee dibadbaxa ka dhigay magaalada Beledweyne ayaa xirtay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, iyaga oo si adag uga horyimid xil ka qaadista Jeyte.

Dibad-baxayaasha oo qaarkood la hadleen warbaahinta ayaa Jeyte ku sifeeyay nin qadiyad leh, islamarkaana ay tahay inay reer Hiiraan midooban oo hal noqdaan, islamarkaana ay ka tashadaan maamulka HirShabeelle ee Cali Guudlaawe.

“Reer Hiiraan ee imaqleysa waxaa leeyahay haddii laba la yahay waxba lama qabsan karo marka hore waa in isku mid noqdaan oo qadiyadoooda ka hadlaan, kana tashadaan Cali Guudlaawe. Cali Jeyte waa nin qadiyad leh oo ninka qadiyada leh looma baahna dadka runta ma rabo,” ayay tiri haweenay kamid ah dadka dhigayay dibadbaxa.

Mid kale ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Iyada oo qaban-qaabadii wejiga labaad lagu jiro waxaa soo bedelay halgamayaasheeni dalka in xilalka laga qaado, ma qaadan karno haddaa nahay reer Hiiraan.”

Waxay ka dalbadeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya oo ugu sarreeyo madaxweyne Xasan Sheekh in gobolka Hiiraan uu ka qabto madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

“Haddii nalaga qaban waayo waxaa ballan qaadeyna in sidii shalay Shabaab loo laayay mid ka daran. Cali Jeyte xil kama dego oo ugama dego Hiiraan, isaga kala baxay Shabaab oo usoo halgamay Hiiraan.”

Reer Hiiraan ayaa si weyn ugu amaanay Cali Jeyte halgankii uu hormuudka u ahaa ee kooxda Al-Shabaab inta badan looga xoreeyay deegaanada gobolka Hiiraan.

“Cali Jeyte hoggaan ayuu u ahaa xoreynta oo warqadii xalay soo tuureen ayaa shucuurteena soo kicisay, xil ka qaadistaas oo aan loo meel dayin oo ah dhabar jabin loogu tala-galay howl-galkii socday.”

Dadka reer Hiiraan ee dhigayay dibad-baxaan xooggan ee looga soo horjeedo xil ka qaadista Cali Jeyte, ayaa si cad u sheegay in aysan yeelayn arrintaan, islamarkaana ay maamulka HirShabeelle ula dagaalami doonaan sida kooxda Al-Shabaab ay ula dagaalameen, sida ay hadalka u dhigeen.

Cali Cosoble: CALI JEYTE kursiga dhaxal kuma helin, doorashana kuma imaan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu xalay xilka ka qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo wareegto soo saaray.

Cali Cosoble ayaa soo dhoweeyay xilka qaadista lagu sameeyay Cali Jayte, wuxuuna hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee la magacaabay, Cabdullahi Sufurow.

Sidoo kale wuxuu ugu duceeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uiliyadda culus ee loo igmaday, maadaama ay hortaallo shaqo adag.

“Hambalyo Mudane Cabdullahi Sufurow guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan. Allah kuu fududeeyo xilka culus ee lagu saaray” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cosoble.

Intaas kadib ayaa waxaa qoraalkan falcelin ka sameeyay dadweyne kala duwan oo uu ka mid yahay Farxaan Axmed oo isticmaala baraha bulshada, kaas oo ku eedeeyay Cosoble iyo Dabageed in ay ka dambeeyeen tallaabada xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Hiiraan.

“Adiga iyo Dabageed waa ku guuleysateen Jayte xilka in laga qaado” ayuu falcelintiisa ku yiri Farxaan Axmed.

Cali Cosoble oo u jawaabay Farxaan ayaa shaaca ka qaaday in kursiga uusan aheyn dhaxal, sidoo kalena Jayte uusan ku imaan doorasho, sidaas daraadeedna xilka laga qaaday.

“Jayte kursiga dhaxalna kuma helin, doorashana kuma imaan. Waa loo dhiibay, waana laga qaaday” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.

Dhowaan Cali Jayte ayaa sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.