31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday Jeyte, guddoomiye cusub u magacaabay Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, oo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. 

Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte, ayuu madaxweyne Guudlaawe wuxuu sidoo kale xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).

Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo “markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla” maamulka gobolka Hiiraan “iyo mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowladda HirShabeelle.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa dhowaan sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.

Jeyte ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.

“Waxay u baahan tahay aragti qaran aniga masii wadi karo (dagaalka), mar haddii xaduuda Hiiraan laga gudbo ka masuul ahaan ima quseyso. Aragtida aan qabo dagaalkan markii hore kuma bilaaban aragti qaran ee si lama filaan ah ayuu ku bilowday wuuna ku guuleystay,” ayuu yiri Jeyte.

Ma cadda haddii ay xiriiraan xil ka qaadista Jeyte iyo hadalladii uu dhowaan jeediyey. 

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, ayaa mar sii horreysay sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale xusay in beddalka Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ugu baaqay inuu iska ilaaliyo dhagarta Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday in uusan beddalin Cali Jayte.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa,” ayuu yiri Waare.

“Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!.”

Urur Soomaali ah oo kaalinta labaad ka galay tartan loo qabtay 346 urur (Daawo)

Amsterdam (Caasimada Online) – Tartan sannadle ah oo loo qabto ururada ku shaqeeya waxa loo yaqaan “iskaa wax u qabso”  oo ka dhacay Magaalada Denhaag ee waddanka Netherland, ayna ka qeybgaleen 346 ururo ayaa waxaa kaalinta 2-aad ka galay ururka Himilo oo ah urur Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Amsterdam.

Ururka Himilo, ayaa ah urur ay ku mideysan yihiin Jaaliyada Galmudug ee ka dhisan dalka Netherland, wuxuuna ururkaasi ka caawiyaa dadka Soomaalida ee ku dhaqan Amsterdam iyo nawaaxigeeda barashada luqada Soomaaliga, Dutch-ka, arrimaha la xiriira isdhexgalka, sidoo kale wuxuu dhiirageliyaa isku xirnaanta iyo wada-shaqeynta Soomaalida dhexdeeda.

Himilo, waxqabadkeedu kuma koobna Netherlands keliya waxeey sidoo kale mashaariic dhinaca horumarinta ah ka fulisaa gudaha dalka, waxaanna hadda ay gacanta ku haysaa mushruuc Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ka hirgelineyso [Guriga martida] oo noqonaya dhismo ballaaran oo loogu talogalay in ay ku shiraan dadka cuqaasha ah, dhismahaasi oo la filayo in sannadkan gudihiisa uu soo dhammaado.

Guddoomiyaha Himilo Cali Hassan [Cali Istiila] iyo Cabdikariin Maxamuud oo ah madaxa mashaariicda ayaa ka hadlay waxqabadka Himilo waxeyna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin horumarka ay tiigsaneyso Himilo, iyaga oo u mahadceliyay dadka xubnaha ka ah.

Faallo: Doorashooyinka PUNTLAND iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran

Warqaddani waa mid kusocota Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiillada, Isimada, Aqoonyahanka, Ururrada Bulshada, Dhallinyarada, iyo Bulshaweynta reer Puntland oo idil. 

Walaalayaal, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaa haysata dhib weyn oo dhaawacday sharaf ku noolaanshaheeda kaddib markii ay dalkoodii shaqo, caafimaad, waxbarasho iyo amni intaba ka waayeen, dabadeedna ay dani u qaxisay dhulal ay ku waayeen dhaqankoodii, diintoodii iyo magacoodiiba.

Walaalayaal, annagoo ogsoon inaanay jiri doonin Somali si gaar ah u badbaadday iyo mid si gaar ah u duntay ee Koofur, Waqooyi, iyo Bari hal doon lawada saaranyahay, ayaa haddana waxaa nala gudboon inaan tusaale ku dayasho mudan u noqonno guud ahaan ummadda Somaliyeed iyo gaar ahaan intii ku midowday dhisitaankii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Walaalayaal, su’aasha is weydiinta mudani waa inaan meel u helno sababta 24 sano Puntland looga hirgelin waayey hannaan fur-furan oo ay dadka dhulkaan ku dhaqani ku doortaan madaxdooda iyo wakiiladooda. Ma dhinaca dadkii mas’uuliyaddu saarnayd bay ka suuroobi weyday mise dhinaca shacabka?

Shacabka reer Puntland waxay May 25, 2023 si cad u beeniyeen doodihii muddada dheer lugu hanjabin jiray ee lahaa dadku diyaar uma aha doorashooyinka ay shucuubta caadiga ah ee adduunka ku dhaqani qabsadaan. Xaqiiqdu waxay ahayd inaan shacabka reer Puntland ka liidan shucuubta kale ee dhiggooda ah, laakiin madaxdoodu ay ka liidatay madaxda kale ee dhiggooda adduunka. Dad diyaar u ah inay nolol fiican u baratamaan oo haddana ku dhaqan dhul ballaaran oo nabad ah inay 24 sano u gudbi waayaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay madaxdooda ku doortaan waa gal dacwadeed sugaya ciddii furi lahayd.

Xaggee Puntland loo wadaa 8 Jannaayo, 2024 iyo wixii ka dambeeya?

1. Sharciyeynta  saddex ama shan Urur-siyasadeed oo kusoo baxay doorashadii Golaha Deegaanka ee 25ka May, 2023. 

Waxaa doorashadaas isku diiwaan geliyey, una codeeyey dad aad u yar marka loo eego bulshaweynta reer Puntland, waxaana jira degmooyin uu wali muran ka taagan yahay oo aan laga codayn si kastaba sababtu ha ahaatee. Saddexdaan urur waxay kusoo bexeen dadaal iyo dhaqaale dheeraad ah oo ay geliyeen hawshaan waxayna qabaan inay si dastuurka waafaqsan ula wareegi doonaan talada Puntland 10ka sano ee soo socota. Aan is weydiinee xaggeebay ka jabantahay dooddoodu? 

Waxay doodu  ka jabantahay inay tartan ku galeen xeer doorasho oo khiyaano lugu dhisay markiisii horaba oo muwaadiniinta lugu marin habaabinayey. Xeerkaas doorasho, ma aha mid ay shacabku madaxdooda ku dooranayaan oo looga gudbayo 66 kii xildhibaan oo ay intooda badani habeenka doorashadu dhacayso sida foosha xun u diiran jireen inta tartanka madaxtinimada ku jirta.

Ma aha mid oggolaanaya in ay koox muwaadiniinta kamid ahi ra’yi ku midoobi karaan oo ay urur ula magac bixi karaan waqti walba oo ay sidaas jeclaadaan. Ma aha mid qofka dhallinyarada ah oo waxqabadka dalkiisa diyaarka u ah siinaya fursad uu ku doorto meeshii uu siyaasadda uga biiri lahaa ee waa mid marti uga dhigaya Urur-siyaasadeedyada tirada yari inay siday doonaan ka yeelaan.

Xaqiiqadiisu waa mid siyaasadda u xiraya dad kooban oo la imaan kara dhaqaale xad dhaaf ah, kaas oo laga yaabo inay kusoo helaan u adeegidda dano shisheeye.

Lagama yaabo, suurtagalna ma aha in Ururro kusoo baxay shirqoolkaas siyaasadeed oo la maleegay 2012 kii ay dalka taladiisa si nabad ah kula wareegaan, kuna maamushaan 10 ka sano ee soo socota iyo wixii ka dambeeyaba. Isku dayga noocaas ahi wuxuu dhalin doonaa dagaal dhex mara hoggaamiyeyaasha Urur-siyaasadeedyadaas iyo ummadda inteeda garan karta godka madow ee Puntland dowladnimadeedii lala damacsanyahay. Eelka uu isku daygaan gurracani reebo dartiis, waxaa laga rajo dhigi doonaa iskuday labaad oo qof iyo cod fasaxan lugu gaarsiiyo shacabka reer Puntland.

2. In lagu socda jidkii 24ka sano lagu socday:

Waxaa jira dad ku arriminaya in loo noqdo qaabkii hore ee xulashada golaha wakiillada, kaasoo ay xildhibaanadu ku imaan jireen qaab jifaysan dabadeedna ay xasaanadooda ku shaqo tegi jireen. Qaabkii ay u shaqo tegi jireen intaas u dhaafimaayo. 

Dadka qaabkaan u fakarayaa dhammaantood waa kuwo talada Puntland ay soo martay, soona qabtay xilal waaweyn oo ay ummadda si hufan ugu khidmayn kareen. Qaabkii ay usoo shaqeeyeen iyo inay waajibaadkoodii guteen dadweynaha ayaan u deynayaa, waxaanse hadda u jeednaa meesha ay dalka la rabaan inuu aado horay ma aha ee waa gadaal. Haddii tooda la qaato waxaan fili karnaa waa inay adkaan doonto sidii 66 ka qabaa’ilka loogu qaybin lahaa, waayo jifooyinlii 24 sano soo haystay xubnahaas waxay u arkaan kuwo ay ayagu leeyihiin, jifooyinka aan waligood qabanna waxay sugayaan inay usoo wareegaan. 

Haddii ay doorashada soo socotaa noqon weydo mid qof iyo cod ah oo lifaaqii qabaa’ilka loo noqdo, waxaa jira jifooyin doonaya in dastuurka loo furo si xubno dheeraad ah ayaga loogu kordhiyo, haddii ay taas waayaanna aan ka qayb qaadandoonin hawshaas. 

Waxaa iyana jira jifooyin kale oo ayaguna kordhis doonaya, laakiin dacwaddooda la sugaya inta kuwa ka horreeyaa ay kordhiska soo helayaan. Waxay noqon doontaa waddo furantay oo aan meel ay ku dhammaato lahayn.

Waxaa muddo 24 sano ah sir iyo caadba looga hadlayey in uu xilka madaxtinimadu ku dhex wareegayey dad kooban, haddana waxaa muuqata in uu samirkii kasoo idlaaday bulshada inteedii kale taasina ay Puntland wajigeeda ku qori doonto far aan qurux badnayn oo aan la mahdin doonin iyo in lakala tashado oo ay beeliba meel u jahaysato.

Xalku xaggee buu ka dhowyahay?

Xalku wuxuu ka dhowyahay inaynaan dib u noqon ee aan horay u soconno, laakiin waddada aan horay u raacaynaa ahaataa mid toosan oo meel dheer lugu gaarikaro.

In dib loo turxaan bixiyo Xeerkii Doorashooyinka ee la meel mariyey sanadkii 2012, kaas oo ah midka sababay in ay dadka intooda badani ku kalsoonaan waayaan xeerkaas, kana cududaartaan ka qayb qaadashada doorashooyinkii dhacay sannadkaan iyo ururradii u tartamayba. Taas macneheedu waa in dastuurka la furo, lagana saaro qodobbada qallooca dastuuriga ahi uu salka ku hayo. Qodobadaas waxaa kamid ah;

1. In unkidda Ururrada siyaasadda laga dhigo mid u furan muwaadiniinta danaynaya ka qaybgalka siyaasadda. Taasi waxay keeni doontaa in intii talo hoggaamineed oo ay isku ra’yi ka yihiin helaaba ay aragtidooda ku meel mariyaan urur siyaasadeed cusub oo ay samaystaan. Haddii ururrada lugusoo koobo tiro yar, waxaa dhici doonta in dalka talo loo waayo oo sidii Somaliland ka dhacday uu hoggaamiye Xisbi aqoonyahanba maalin diirto, ummaddana la hor taagnaado waxtar xumo aan lahayn meel looga irkado.

2. In isdiiwaangelintu noqoto mid u furan oo dadka doonahaya inay doorashada ka qeybqaataana aan albaabada laga soo xiran. Dadkaasi waxay ku biiri doonaan intii horay isku diiwaan gelisay oo Golayaasha Degaanka dooratay. 

Ma aha in dib loogu noqdo doorashadii Golayaasha Degaanka, waxaase muhiim ah in horay loo wada dhaqaaqo hadda iyo wixii ka danbeeya, isla markaana lasoo wada dhisto dowlad cusub oo ku timaadda qof iyo cod aan xeeladaysnayn.

3. In loo oggolaado shacabka reer Puntland inay toos u doortaan Madaxweynahooda iyo Kuxigeenkiisa iyo waliba madaxda kale ee dalka intii ay tahay inay doorasho ku yimaadaan. Taas macnaheedu waa in aanay dib danbe u dhicin xildhibaanno ka baayac mushtaraya codadka lagu dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen.

4. In la dabciyo shuruudaha ku xeeran liistada xiran ee dul saaran ka qayb galayaasha siyaasadda ee dhallinyarada u badan, liistaduna ay noqoto mid furan.

Ugu dambeyntii, dadka ku doodaya in doorashooyinka qof iyo cod la laalo oo dib loogu noqdo lifaaqii caalwaaga ahaa ee habka qabiileysan ku dhisnaa waa kuwii sida dulmiga ah u meel mariyey is diiwaan gelintii hor dhaca ahayd ee saddexda degmo, waxaana habboon in aan wax ka baranno 24kii sano ee lasoo dhaafay wixii inaga xumaaday.

Walaalayaal, waxaan horay u socon karnaa markii aan danta naga wada dhaxaysa ee guud siyaasadda ku dhisno. Ma aha inaan hoggaanka ummadda u jiidno kolba meeshii aan danahayaga gaarka ah ka aragno. Dhex-dhexaadnimada ayaa dantu inoogu jirtaa ee aan labada daraf kasoo kala durugno, wax ummadda danteeda u adeegayana aan ku dhaqaaqno.

Haddii aanan isku dhan u dhaqaaqin, taladuna aysan noqon mid bulshada loogu danaynayo, waxaa hubaal ah inaan ku sifoobi doonno kuwa hagraday halganka haatan ka socdo SSC-Khaatumo, kana shaqeynaya Puntland kala dhantaalan iyo Soomaali kala irdhawday.  

Horaa loo yiri, wixii hooyada u roon baa ilmahana u roon, aniguna waxaan leeyahay wixii shacabka in awoodooda dib loogu celiyo lagu gaari karo ayaa Puntland iyo Soomaaliba u roon ee aan u wada dhaqaaqno sidii loo xaqiijin lahaa.

Cabdiraxmaan Sh. Maxamed (Gablax)
Musharax hore ee Madaxtinnimada Puntland, Ganacsade iyo Samafale

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Biden oo qaaday tallaabo ka dhan ah dalka UKRAINE

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Sabtidii sheegay inaanu maamulkiisu “fududayn doonin” jidka ay Ukraine ugu biirayso, isbahaysiga NATO, isaga oo xusay in dalkaasi looga baahan yahay inuu maro, hannaanka loo dejiyey, xubnaha cusub ee ku biiraya isbahaysiga milateri.

Sida uu dhigayo, qorshaha loo dejiyey inay maraan xalalka xubnaha ka noqonaya NATO, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddaan, dib u habayn milateri iyo nidaam dimoqraadi ah, ka hor inta aanay dalban xubinimada.

Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Maraykanku, ay sheegeen inay diyaar u yihiin, in meesha laga saaro qaar ka mida shuruudaha ku xidhan, xubinimada isbahaysiga NATO, si ay Ukraine ugu fududaato inay ku biirto isbahaysigaas.

Hase ahaatee Biden ayaa sheegay in shaqo badan ay u hadhsan tahay, si loo hubiyo in Ukraine ay ay awood u leedahay inay xidhiidhiso hawlaha ciidamada.

Biden oo la weydiiyey Sabtidii in la fududaynayo jidka ku biiritaanka Ukraine ee NATO, ayaa ku jawaabay, maya, “sababtoo ah, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddan, shuruudaha looga baahan yahay dalalka kale, taasna waxba laga bedeli maayo.”

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii ka digay khatarta ka dhalan karta, haddii Ukraine ay ku biirto NATO, taasoo keeni karta, inay horseeddo dagaal dhex mara labada dhinac.

Somalia’s ticking clock: The ATMIS departure dilemma

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia could face a significant collapse of state institutions when the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) concludes by the end of 2024, security experts warn. 

Security experts suggest such an outcome may be inevitable unless the United Nations lifts the prevailing weapons embargo on the country.

The initial steps toward this outcome are already in motion. Somali authorities and African Union officials announced earlier this week a phased drawdown of ATMIS

By June 30 of this year, the operation intends to withdraw 2,000 soldiers as a prelude to the complete withdrawal of the African Union Mission in Somalia.

This mission, initiated in 2007, was subsequently replaced by ATMIS in 2022.

Voices of concern

Abdisalam Yusuf Guled, founder of Eagle Range Services and former deputy chief of Somalia’s National Security Agency, has expressed significant concerns over the proposed withdrawal.

“My concern is that Somalia could become another Afghanistan if the African Union troops withdraw without Somalia possessing strong, well-armed security forces with international funding and backing,” said Guled.

He draws a direct comparison to the swift collapse of the Afghan government after U.S. troops withdrew in August 2021.

Despite the warnings, the Somali government stated readiness to take over security responsibilities from ATMIS last week.

A technical team was appointed with ATMIS and the U.N. Support Office in Somalia to oversee the implementation of the ATMIS drawdown.

However, security experts contend that a swift pullout of African Union troops could potentially trigger the collapse of the Somali government.

Colonel Abdullahi Ali Maow, a former Somali intelligence official, told VOA, “ATMIS withdrawal will encourage al-Shabab to remobilize and launch more brazen attacks on the Somali government.”

Mixed views on militant threat

Contrary views exist regarding the potential threat from militants. Former deputy chief of Somalia’s National Intelligence and Security Agency, Ismail Dahir Osman, believes the militants are on a downward spiral.

He posits that they pose no significant danger to Somalia’s government once African troops depart.

“I believe the donor countries and the United Nations will direct ATMIS funding to Somalia’s National Army. If so, there will be no chance for al-Shabab to pose a significant threat to Somalia’s institutions,” said Osman.

Omar Abdi Jimale, a political science lecturer in Mogadishu, echoes this sentiment.

He argues that the Somali National Army can shoulder security responsibilities with genuine international support.

Phase two of the operation

Under the leadership of Somali President Hassan Sheikh Mohamud, the Somali National Army, with the support of ATMIS and anti-al-Shabab clan militias, dislodged the Islamist insurgency al-Shabab from significant portions of central Somalia in 2022.

Despite the successful operation, the counteroffensive against al-Shabab has stalled this year.

The militants have used this opportunity to remobilize, culminating in significant attacks, including a May 26 storm on an A.U. base and a siege of a beachside hotel in Mogadishu.

In response, a second phase of the offensive is being planned. Troops from neighboring countries, Djibouti, Ethiopia, and Kenya, are prepared for immediate deployment to Somalia.

“The new phase aims to flush out al-Shabab from the remaining parts of the country under its control,” said top Somali military commanders on condition of anonymity.

In preparation for ATMIS’ full withdrawal, senior ATMIS commanders recently met with top U.S. military officials to discuss the transition.

Lt. Gen. Sam Okiding, after the meeting, stated, “We are in the transition process, so as ATM exits, we should be proud of our brothers and sisters who remain behind to take charge of their country’s security.”

The long-standing international partnership, particularly with the United States providing security assistance, has been instrumental in Somalia’s journey toward stability and self-reliance.

The transition of power from ATMIS to the Somali National Army is a testament to this support and the commitment of the Somali people.

Bloody night in Uganda: Militants kill 41 in school massacre

Kampala (Caasimada Online) – Uganda experienced its bloodiest militant attack in over a decade as 41 people were brutally killed in a chilling assault on a school.

Sylvester Mapozi, the town council mayor of Mpondwe-Lhubiriha, where the assault occurred, revealed that 39 victims were students at Lhubiriha Secondary School in Mpondwe.

The attack also left two community members dead and several students missing or unrecognizable, said Mapozi.

The attackers, suspected to be linked to the Islamic State group and reportedly belonging to the Allied Democratic Forces (ADF), stormed into the school late on Friday night.

Mumbere Edgar Dido, a 16-year-old survivor, recounted the terrifying moments when the assailants, armed with guns and machetes, opened fire and set dormitories on fire.

The militants proceeded from the boys’ dormitory to the girls’ dormitory, leaving behind a trail of fear and death.

Global condemnation

The horrific attack was met with global outrage and condemnation. UN Secretary-General Antonio Guterres expressed his deep sadness and strongly condemned the attackers.

In a statement, his spokesperson, Farhan Haq, demanded that those responsible be held accountable.

International responses also poured in from France and the US, denouncing the attack and expressing condolences to the affected families.

The Uganda Peoples’ Defence Forces (UPDF), determined to bring the culprits to justice and rescue the abducted victims, launched an operation to pursue the assailants.

The perpetrators are believed to have fled towards Virunga National Park, a vast area bordering Uganda, explained UPDF spokesperson Felix Kulayigye.

Upon arriving at the school following an alert of a significant attack, the military and police units found the buildings ablaze, with student bodies scattered across the compound and the school’s food store looted.

Major General Dick Olum voiced concerns about the attackers’ intricate knowledge of the school’s layout, suggesting they were well-prepared for this barbaric act.

An investigation has been initiated to discern any potential intelligence lapses.

A History of Violence

This isn’t the first time the ADF, a militia group known for violence in eastern DR Congo, has targeted Ugandan schools.

In June 1998, the group burnt 80 students to death in their dormitories at Kichwamba Technical Institute, with over 100 students abducted.

A joint offensive by Uganda and DR Congo in 2021 to curb the ADF’s violence has been unsuccessful, as the group continues to wreak havoc in the region.

Reflecting on the brutality of the attack, Vice President Jessica Alupo expressed her profound grief, describing the incident as “pathetic and regrettable.”

This sentiment was echoed by Florence Kabugho, an MP for Kasese, who called for an examination of security measures given the heavy military presence close to the border.

These tragic events underscore the urgent need to strengthen security measures and work toward peace in the region.

Sawirro: Xasan iyo Xamsa oo xoojiyey qorshaha wax ka bedelka dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay guddiga la socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo.

Guddiyada ayaa Madaxweynaha ka balan qaaday inay si degdeg ah u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo bandhigay balanqaadyo ku saabsan sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii kulamadaan wuxuu ku bogaadiyey xubnaha labada guddi howlaha u qabsoomay.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan  sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Bloomington tragedy: Fatal crash claims five Somali girls

Minneapolis (Caasimada Online) – Bloomington’s Dar Al Farooq Mosque now mourns the untimely demise of five of its youthful members, extinguishing the hope these bright stars promised for their community’s future.

The victims, Sabiriin Ali, Sahra Gesaade, Salma Abdikadir, Sagal Hersi, and Siham Adam, were revered pillars of their faith.

A poignant message appeared on the mosque’s Facebook page early Saturday: “We find ourselves in deep sorrow today; our community has experienced a heartbreaking tragedy.”

A distressing car accident snuffed out the lives of these promising young women in a brutal twist of fate.

The tragedy unfolds

Details provided by the Minneapolis Police outline a harrowing series of events leading to the catastrophic crash.

On a routine patrol, a State Trooper stationed on northbound Interstate 35W near the 46th Street exit observed the suspect’s vehicle speeding down the interstate.

The trooper chose to tail the suspect without engaging the siren or flashing lights, intending to initiate a traffic stop further ahead.

However, the suspect, exiting at Lake Street – a mere two miles from the 46th Street exit, beat the stop. He raced through a red light and collided with the vehicle carrying the five women.

“This wasn’t a pursuit that led to this,” clarified Adam Kennedy, the Minneapolis police public information officer. “The trooper couldn’t get within a distance to initiate a traffic stop. It all happened very quickly.”

The aftermath

This devastating incident happened a little after 10 p.m. at Lake Street and 2nd Avenue intersect.

The driver involved fled the scene but was subsequently arrested in the vicinity and moved to Hennepin County Medical Center for evaluation.

Kennedy described the event as “an immense tragedy,” emphasizing the severity by highlighting the multiple agencies involved in the response.

Rescue and law enforcement units from the Minnesota State Patrol, Minneapolis police, Hennepin County EMS, Metro Transit police, and the Minneapolis Fire Department promptly responded to the crash site.

According to Kennedy, the initial State Trooper was the first to arrive at the scene.

Investigation and support

The ongoing investigation is set to probe the suspect’s speed on the interstate and whether intoxication factored into the crash.

In the meantime, Dar Al Farooq is stepping up to support the grieving families left behind by this tragedy.

In a recent Facebook post, the mosque announced, “We have set up a LaunchGood campaign to raise funds for the affected families. Your generous donation can help ease the burden on these families, no matter how small. Your contributions will be used to cover.”

The campaign intends to fill the void left by this tragedy and mitigate the heartache plaguing the community.

AL-SHABAAB oo dad badan ka afduubtay SH/DHEXE

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe aya waxa ay sheegayaan in xalay  kooxda Al-Shabaab ay afduubteen dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa agagaarka degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolkaasi.

Dadkaan ayaa si gaar ah looga watay deegaanada kala ah Ceelbacad iyo Daaru-Nicma oo hoostaga degmadaas oo horay loogala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in kooxda maalmihii u dambeeyay ay culeys soo saartay degmadaasi

“Dhibaatada wax badan ayay ku haayeen degmada Ruun-nirgood dhowrkii bil ee ugu dambeeyay hadda dhibaatada ugu foolka xumeyd ayay ka geysteen oo ah afduub carruur, haween iyo waayeel” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dadka ay kaxeysatay kooxda ay ka badan yihiin illaa 30 qof oo isugu jiro carruur, haween iyo dad da’ ah.

“Illaa 30 iyo dhowr qof ayaan heynaa inay wateen Al-Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood.

Maleeshiyada afduubka geysatay ayuu tilmaamay inay kasoo tallaabeen xadka kala qaybiya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ka tirsan Galmudug iyo HirShabelle.

“Dhinaca gobolka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe is qabadka dhulkaas ayay kasoo dusaan waxay si dhuumaaleysi ah ku waxyeeleeyaan degmada Ruun-nirgood guud ahaan, gaar ahaan meeshan Ceelbcad iyo Daaru Nicma” ayuu kusii daray guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka iyo HirShabelle oo uu ugu baaqay inay gurmad ciidan lasoo gaaraan, si wax looga qabto dhibaatada ka taagan halkaasi.

Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay Shabaab, balse haatan oo ay istaageen howlgallada ayay kooxdu sameyneysa dib usoo kabasho.

AADAN MADOOBE oo faro-geliyey dagaalka BARAAWE, qaadayna tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariya shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddigaan ayaa ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana warqadda lagu magacaabay lagu cadeeyey waajibaadkooda shaqo.

Labada qodob ee lagu xusay waajibaadka guddigaan ayaa kala ah:

1- Inay warbixin ka soo diyaariyaan xaaladda magaalada Baraawe oo ay ka dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

2- Guddigaan waa inuu warbixinta u soo gudbiyo guddoomiyaha golaha shacabka, si go’aan looga gaaro.

Sidoo kale xoghayaha guud ee golaha ayaa laga dalbaday inuu guddigaan la fududeeyo gudashada waajibaadka loo igmaday, waxayna shaqada guddigaan ku egtahay markii ay warbixinta u gudbiyaan guddoomiyaha golaha shacabka, sida lagu cadeeyey warqadda.

Dagaal culus ayaa maalmo ka hor ka dhacay magaalada Baraawe, kaas oo u dhaxeeyey ciidamada militeriga ah ee degan magaaladaas iyo ciidan ka tirsan ilaalada madaxtooyada K/Galbeed oo dhawaan magaaladaas loo geeyey inay ilaaliyaan madaxtooyada maamulkaas ee Baraawe.

Labada ciidan ee dagaalantay ayuu midba kan kale ku eedeeyey masuuliyadda dagaalka, waxayna taasi sababtay in guddoomiye Aadan Madoobe uu guddi xildhibaano ah u xil-saaro baaritaanka sidii ay ku bilaabayay shaqaaqadaas.

Hoos ka aqriso warqadda

Wararkii ugu dambeeyay loolanka xilkii uu iska casilay Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysnaya loolanka ay mucaaradka iyo xukuumadda ugu jiraan xilkii uu dhawaan iska casilay Cabdirisaaq Khaliif ee guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Xasan Muxumed Buuni oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in xisbul xaakimka uu doonayo in jagadaas uu qabto Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo reer Sool ah.

Afhayeen Buuni ayaa waxa uu ku eedeeyay gaar ahaan xisbiga Waddani oo iyagana olole xooggan ugu jira in Xildhibaan taabacsan loo doorto guddoomiyaha Golaha Wakiillada in uu isticmaalayo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Qorshaha mucaaradka ee xilkaan uu baneeyay Khaliif ku tilmaamay mid looga dan leeyahay in qof reer Sool ahi aanu kursiga guddoomiyaha ugaga danbayn Cabdirisaaq Khaliif oo dhawaan sheegay inuu la dareen yahay dadka deegaankiisa ee SSC, oo ay ciidamada Somaliland isku hor fadhiyaan magaalada Laascaanood.

“Iyaga (Waddani) oo aan taa hore iska bari yeelin, waxaanu ognahay maanta in ay sii wadaan fariimo uu isagii soo dirayo, oo ah bulshadii aan kasoo jeeday in aanay kursiga iiga danbayn ayuu maantana ku bixinaya juhdi, isaga oo wakiilo u yihiin kuwo halkaan nala jooga,” ayuu yiri Afhayeenka xisbul xaakimka Kulmiye.

Waxa uu intaas ku sii daray “Dadka deegaanka Sool iyo Sanaag kasoo jeeda ayaa kursigan matalaadisa iska leh,” isaga oo ganafka ku dhuftay in kursiga guddoomiyaha ay isku taagaan Xildhibaanada kale ee kasoo jeeda gobollada kale ee Somaliland.

Si kastaba, arrintaan ayaa banaanka usoo saaraysa qorshaha xukuumada Somaliland ee kursiga guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyada oo kursiga guddoomiyaha la rabta Prof Faratoon, oo markii hore Mudane Khaliif kula tartamay kursiga guddoomiyaha golaha, xilligaas oo tartanka looga adkaaday.

Fintech’s crucial role in Somalia: Overcoming challenges and empowering communities

Over the past decade, fintech has revolutionized the way we think about money transfer and finance. In Somalia, where traditional banking are confined to major cities,  fintech has played a particularly important role in enabling financial inclusion and promoting economic growth.

Somalia is widely regarded as a hub for remittances, with an estimated 2 million Somalis living abroad and sending money back to their families and communities., For many years, the country lacked a reliable and efficient system for transferring money. Traditional banks were few and far between, and those that did exist were often confined to big cities, and very in efficient. As a result, many Somalis turned to informal methods of money transfer, such as hawala networks, which were often risky and unreliable. 

Fintech has helped to change this situation, by providing secure and efficient methods for transferring money across borders. Companies like Hormuud have developed innovative mobile money platforms that allow Somalis to send and receive money using their phones, without the need for a traditional bank account. These platforms have become hugely popular in Somalia, and have helped to promote financial inclusion and economic growth.

But fintech has not just transformed money transfer in Somalia – it has also revolutionized the way we think about finance more broadly. Through digital lending platforms, Somalis can now access credit more easily than ever before, without the need for collateral or a lengthy application process. This has given small businesses and entrepreneurs the opportunity to grow and expand, which in turn has helped to drive economic development in the country. 

However, fintech is not without its challenges. As the industry continues to grow, there is a need for robust regulation and oversight to ensure that consumers are protected and that the financial system remains stable and secure. There is a need for continued investment in digital infrastructure and education, to ensure that all Somalis have access to the tools and resources they need to participate in the digital economy. 

The fintech companies like Hormuud have played a crucial role in promoting financial inclusion and economic growth in Somalia. By providing reliable and efficient methods for transferring money and accessing credit, Fintech has helped to create opportunities for millions of Somalis, and has paved the way for a more prosperous and connected future.

Indeed, Hormuud Telecom has played a vital role in providing a lifeline for Somalis, particularly in remote and underserved areas. Through its mobile money platform, EVC Plus, Hormuud has enabled millions of Somalis to access financial services and participate in the digital economy.

However, the lack of a strong and stable government in Somalia has posed significant challenges for the fintech industry, particularly in terms of cybersecurity. Without proper National ID  based on the latest biometric technology  and oversight, fintech companies may struggle to comply with the stringent Know Your Customer (KYC) regulations.

It’s worth noting Hormuud EVC Plus, a mobile money service, uses biometric phone identification to prevent theft and robbery. Biometric data, such as fingerprints, makes it harder for a burglar to steal money. This technology secures mobile transactions by allowing only the phone and account owner to access funds. Biometric identification reduces theft and robbery, making Hormuud EVC Plus a safe and dependable mobile money service. 

To address this issue, fintech companies & Federal Government in Somalia must work together to provide biometric based nation ID while  investing in robust cybersecurity measures and work closely with the other stakeholders to develop effective policies and regulations. This may include measures such as encryption, multi-factor authentication, and regular security audits and testing.

The success of the fintech industry in Somalia will depend on the Government ‘s ability to build trust and confidence among customers and stakeholders, by prioritizing compliance and regulations such as KYC (know your customer) and AML (anti-money laundering) and working collaboratively to address the challenges they face.

It’s without a doubt that fintech companies can help to create a more secure and prosperous future for all Somalis. 

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him [email protected] @osmando 

DF oo shaqaaleysiisay 23 kun oo dhalinyaro ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in muddada sanadka ah ee ay jirtay shaqaaleysiisay dhalinyaro gaareysa illaa 23 kun, sidaasna waxaa sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo maanta tababar u furay macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhowaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkan 2023-ka.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, ayaa dardaaran u jeediyay Macallimiinta, isaga oo ka codsaday in ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Xamza ayaa sheegay in waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. W

Waxaa kale oo ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana  la falgali kara.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray ra’iisul wasaaruhu in xukuumadiisa  iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira ciidan iyo shaqaale.

“In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin”. ayuu  yiri ra’iisul wasaaruhu.

Wuxuu mar kale ku celiyey digniintiisa ku aadan in la banneeyo dhammaan goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.

Doodishe oo si lama filaan ah uga hadlay arrinta GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka SMS Somali Tv ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda gobolka Gedo.

Doodishe ayaa si lama filaan ah uga hadlay arrinta Gedo, isaga oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xiisadda weli ka jirta gobolkaas ee u dhexeyso reer Gedo iyo Axmed Madoobe.

Wasiirka ayaa marka hore shaaca ka qaaday in arrinta Gedo aysan aheyn wax cusub, isla-markaana ay muddo dheer soo jiitameysay, taas oo ah dhibaato weli jirta.

“Xiisadda gobolka Gedo waxa cusub ma’aha muddo ayay soo jiitameysay Jubbaland dhismaheeda ayay kasoo bilaabatay culeyso ayaana imaanayay mar kasta,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xiisaddan ay salka ku heyso dhismaha Jubbaland, isaga oo xusay in sababteedana ay tahay doorashadii ugu dambeysay ee Axmed Madoobe.

Wasiir Doodishe ayaa si cad u sheegay inuu taageersan yahay reer Gedo, isla-markaana uu ku rabitaan yahay, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyay.

“Gobolka Gedo waa lagu diriray, waxaa loogu dirirayna waa Doorasho sababteed, sidii 2019-kii uu bannaanka u taagnaa ayuu bannaanka u tagnaanayaa illaa doorasho intay dhacdo Axmed Madoobe uu meesha ka tago, laakiin intaan dadkii u tago oran maayo maxaad rabtaan?, waan ogahay waxa ay rabaan, waxa ay rabaana waa waxa annigu rabo.” ayuu mar kale wareysigan ku yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu kasoo horjeestay maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo, isaga oo sheegay in xiisadda uu sii huriyay, maadaama isla markii uu weerar ka dhacay magaalada Garbahaarey, kaas oo lagu qaaday guriga Ugaas caan ka ah Gedo.

Ugu dambeyn wuxuu u jawaabay madaxweyne Saciid Deni oo Khamiistii ka hadlay arrinta gobolka Gedo, isaga kusoo daray khudbad uu u jeediyay baarlamanaanka Puntland.

“Shalay DF oo taageeraysa Gedo ayuu gacan siinayay Jubbaland oo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayuu kula loolamayay arrinta Gedo” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Afhayeenka Farmaajo oo ku dhowaaqay inay kala tageen Cali Yare iyo Nabad iyo Nolol

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warsaxaafadeed kasoo baxay kooxda Nabad iyo Nolol oo ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu sheegay inuu xisbiga isaga baxay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir.

Warkan oo uu soo saaray Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah afhayeenkii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Cali Yare uu is kiis uga baxay Nabad iyo Nolol, isla-markaana uu ku biiray dhinacyada kale ee siyaasadeed.

“Waxaan cid walba oo ay khusayso la wadaagaynaa in Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) uu waqti hore go’aan isaga ka soo fuley oo uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo Nabad iyo Nolol, go’aankaasna uu mar hore la wadaagay hoggaanka Nabad iyo Nolol, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa ay Nabad iyo Nolol shaaca ka qaaday in wararka uu haatan baahiyo Cali Yarey aysan quseyn kooxdooda, isla-markaana ay tahay afkaar isaga gaar u ah.

“Sidaas darteed waxaan cid walba u xaqiijinaynaa in afkaarta uu la wadaago dadweynaha ay yihiin kuwo isaga u gaar ah oo wixii hada ka danbeeya aysan ahayn fikrado lagu matalo Nabad iyo Nolol,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka Nabad iyo Nolol.

Qoraalka ayaa gabagabadii lagu shaaciyay farriin uu taageerayaashiisa u diray madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Farmaajo, taas oo lagu sheegay in ka shaqeeyaan midnimada iyo wadaniyadda.

“Ugu danbayn, waxa uu hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u mahad celinayaa dhammaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo marwalba heegan u ah in ay adkeeyaan mabaadida aan u taaganahay ee ay ugu horayso wadaniyadda (Patriotism), isaga oo ku dhiiri galiyey in ay marwalba adkeeyaan midnimadooda” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka Nabad iyo Nolol.

Muddooyinkii u dambeeyay Cali Yare Cali ayaa qoraallo xasaasi ah ku baahinayay baraha bulshada wuxuu qaarkood si toos ah ugu weeraray xubno kamid ah Nabad iyo Nolol, sida Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen guul-darrada doorashii u dambeysay kasoo gaartay madaxweyne Maxamed Farmaajo.

 

Saciid Deni oo xilka qaadis ku sameeyay 2 wasiir + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo goordhow soo saaray digreeto ayaa xilka qaadis ku saameeyay laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddiisa, sababo la xirira xil gudasho la’aan.

Wasiirada xilka laga qaaday waxaa kamid ah Cabdisamad Maxamed Galan oo ahaa wasiirka amniga gudaha Puntland, kaas oo muddo dheer la shaqeynayay madaxweyne Saciid Deni.

Qoraal ka soo baxay Xafiisk Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.”

“Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay: Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday madaxtooyada maamulkaasi.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland lagu weeraray bartamaha magaalada Garoowe, taas oo loo sababeynayo xilka qaadista maanta lagu sameeyay wasiir Galan iyo Cabdiweli Mire Xiirsi.

Si kastaba Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashooyinka qof iyo codka ah ee maamulkaas, gaar ahaan kuwa gobolka  Nugaal.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada oo dhammeystiran:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay:  Xil gudasha la’aantooda

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:

  1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.
  2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Wasiir Aw-Xirsi oo si kulul u cambaareeyey weerar ay Kenya ka gaysatay Saakoow

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa cambaarayn u jeediyey duqayn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya xalay u geysteen Xafiisyada Shirkadda Hormuud ee magaalada Saakoow ee bartama dawlad-goboleedka Jubaland.

Wasiirka, oo ka soo jeeda xilal dhawr ahna horay uga soo qabtay Jubaland, ayaa si kulul u cambaareeyey duqaymahaas. Hadal qoraal ah oo uu wasiirku soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayaa u qornaa sidan:- 

Xalay saqdii dhexe 11:00 habeenimo Xafiisyada Hormuud Telecom ay ku leedahay magaalada Saakow ee dowlad goboleedka aan ka soo jeedo ayaa waxaa ka dhacay weerar dhanka cirka ah oo lagu dilay labo haween oo waayeel ah oo ku sugnaa guri ku dhowaa Xafiisyada Hormuud. Duqaytaa dhinaca cirka ah waxaa lagu burburiyey xafiisyadii iyo taallooyinkii war-laliska ee Shirkadda, waxaana sidaa hawada uga baxay telefoonnadii Hormuud oo ay dadka degaanku intooda badan isticmaalaan.

Saaka ayay misna Khawaarijta magaalada ka arrimisa ka horjoogsatay farsamayaqaannada Hormuud in ay dib u soo celiyaan ateenadii, taasi oo keentay in kumanaan qoys oo ku xiriiri jirey Hormuud kuna dukaamaysan jirey adeegga EVC+ ay noqdaan kuwo kala go’an, gacan maran, aan dawo iyo cunto iibsan karin oo ay xaaladdoodii cakirnayd sii cakirantay. 

Haddaba, in Hormuud lala beegsado duullaan xagga cirka ah (ma ahan markii ugu horreysay) waa micne-darro, dacati iyo weliba wax-dhin ka dhan ah la dagaallanka iyo wiiqidda argaggixisada Al-Shabaab. 

1- Micne-darro: Ma jiro argagixiso baxsad ah oo seexda xafiisyo isgaarsiineed oo si weyn loo yaqaan (iyo xafiis kale toona.)

2- Dacati: Hormuud kaliya ma ahan shirkad isgaarsiineed, balse dadkayga waxay u tahay tahay Bangi, Isbitaal, Farmashiye iyo Suuq-cunto, maxaa yeelay inta badan dhammaan lacagahooda waxaa lagu keydiyaa oo laga isticmaalaa EVC+. 

3- Wax-dhin: ka sokow naxariis-darrada iyo aan loo baahnayn, carada iyo saboolnimada xad-dhaafka ah waxaa la caddeeyey inay sii kordhiyaan dadka ku biiraysa argaggixisada. 

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo ka danbeysa duullaannada noocaan ah in ay joojiyaan kana waantoobaan maadaama falalkan aysan ahayn keliya kuwo ka baxsan bini’aadanninada balse ay yihiin kuwo ciidanka u kordhin kara argaggixisada aynu dhamaanteen dagaalka kula jirno.

XOG: Xasan oo ku wajahan Mareykanka + Ujeedka

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada New York ee Mareykanka, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriira ka qayb-galka kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la filayo in looga hadlo xaaladda Soomaaliya, kaas oo ay shir guddoomin doonto dowladda Isu Tegta Imaaraadka Carabta.

Intiisa badan waxaa shirkan lagu gorfeyn doonaa qorshaha bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, cunaqabateynta hubka ee weli saaran dalka iyo taageerada Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono kulanka isaga oo ka xog warrami doono xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo qorshaha dowladdiisa ee ku aadan horumarinta dalka.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu golaha hordhigi doonaa codsi la xiriira sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ah ee saaran tan iyo 1992-dii, taas oo xilligan muhiim u ah dowladda federaalka, maadaama dagaal  adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doono hoggaamiyeyaasha ka qayb gala shirka, si uu ugu qanciyo qorshaha dowladdiisa, una taageeraan.

Horay wakiilo kala duwan oo indha-indheyn ku sameeyay amniga dalka ayaa xilliyo kala duwan soo gaaray Muqdisho, waxa ay la kulmeen xubno kormeer ahaan u qaabilsan oo waddanka jooga si ay uga xog-dhageystaan xaaladda xakameynta hubka ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa haatan wada qorshe guud oo dalka looga saarayo Al-Shabaab, sidoo kalena ciidamada dowladda ay kula wareegaan amniga guud ee dalka.

Si kastaba, qorshaha bixitaanka ATMIS ayaa goordhow bilaabanaya, ayada oo dhamaadka bishan June lagu wado in dalka ay ka baxaan 2,000 oo askari oo ka mid ah ATMIS.

Guddoomiye ku-xigeenkii degmada WANLAWEYN oo xalay shirqool lagu dilay

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay gobolkaas lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee maamulka degmada Wanlaweyn, Marxuum Haashim Maxamed Shareere.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in guddoomiyaha xalay saq-dhexe ay kooxa hubeysan ku dileen tuuladda Buulo Xaashi ee duleedka degmada Wanlaweyn.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha lagala dagay gaari uu la socday oo ka baxay magaalADA Muqqdisho, isla-markaana la geeyay banaanka magaalada oo lagu khaarijiyay.

Eehellada marxuumka ayaa shaaciyay in dilka uu dhacay abaare 1:00 habeenimo ee saq-dhexe, isla-markaan shirqool lagu dilay guddoomiyaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxaa goobta uu falku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo maydka kasoo qaaday halkaasi, ayaga oo la geeyay Wanlaweyn.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay howlgallo kooban oo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay dilkaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda ay cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Lama garan haybta kooxda ka dambeysay dilkan oo baxsatay iyo sababta rasmiga ee loo dilay Marxuum Haashim Maxamed Shareere oo ahaa guddoomiye ku ixgeenkii arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Degmadan ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay murano salka ku haya maamulka iyo dagaal beeleedyo, kuwaas oo saameyn ku yeeshay horumarkii degmadaasi,

Si kastaba, Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo sidoo kale dagaallo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

Imaaraadka oo duqeyntii ugu horreysay ka fuliyay Somalia

0

Galcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo Jimcihii shalay ka dhacday deegaano dhaca xadka u dhexeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.

Duqeyntan oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta, waana markii ugu horreysay, taas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Deegaanada la duqeeyaya waxaa ka mid ah Saban-sabley oo u dhaxeeya deegaanka Cali Axmed iyo degaanka Bud-bud, halkaas oo mararka qaar lagu arko Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay arkayeen diyaarado aan weli lagu arag Soomaaliya, kuwaas oo dul heehaabaya aagga degmada Galcad iyo deegaano kale oo dhaca xadka u dhexeeya labada gobol ee Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Diyaaradahan ayaa saacado badan duqeynayay goobo lagu tuhmayo inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana leh Imaaraadka Carabta.

Tallaabada uu qaaday Imaaraadka Carabta ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana horay duqeymahan oo kale looga bartay Mareykanka iyo sidoo kale Turkiga oo qayb ka ahaa wajiga koowaad ee howlgallada socda.

Imaaraadka wuxuu markii hore Soomaaliya ka caawinayay dhinaca howlgallada milatariga, gaar ahaan tababarida ciidamada iyo qalab siintooda, balse hadda wuxuu billaabay duqeyn.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo sidoo kale duqeyn tan lamid ah ay ka dhacday aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegay dowladdu.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howl-galkan oo ahaa duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday horjoogeyaal kooxda Al-Shabaab ka tirsan, waxaana halkaas ku gaaray khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dowladda ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda lagu gaarsiiyay duqeyntan, hase ahaatee waxaa la filayaa in faah-faahin dheeraad ah kasoo saarto howl-galkaan.

Bishii hore ayay aheyd markii uu Mareykanka duqeyn ka fuliyay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe, kaasi oo iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliy