31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Jubaland oo jawaab ka bixisay weerarkii SACIID DENI

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kaasi oo uga deyriyay xiisadda gobolka Gedo, oo uu sheegay in lagu qasbayo maamul aysan raali ka aheyn.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in walwal ay ku heyso xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan xasilooni darro uu sheegay inay kasoo korortay gobolkaasi, oo isku hayaan maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiinta gobolka.

Saciid Deni oo nasiib darro ku tilmaamay in dadka gobolka Gedo lagu caburiyo wax aysan rabin, ayaa waxa uu soo jeediyay in Jubbaland dib-u-heshiisiin dhameystiran loo sameeyo, islamarkaana xiisada ka taagan gobolkaasi aan xabad iyo caburin loo adeegsan..

Cusmaan Xaaji Nuur oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalka kasoo yeeray Saciid Deni ku sheegay mid uu taageero kaga raadinaayo shacabka gobolka Gedo.

“Deni markii siyaasadiisa ay isaga hor yimaadeen dowladda Fedaraalka iyo dowlad-goboleedka Jubbaland ayuu taageero kaga raadsanaya shacabka gobolka Gedo,” ayuu yiri Cusmaan Xaaji Nuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in reer Gedo aysan jirin wax ka halaysan, islamarkaana madaxda xukunta uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa.

“Wax dhib ah oo ka jira gobolka Gedo ma laha. Dadka Reer Geddo wax aysan rabin meeshan ma yaalaan, dowlad-goboleedka Jubbaland ayey hoostagaan.”

Cusmaan ayaa waxa ka taagan Gedo ku eedeeyay shaqsiyaad horay xilal uga soo qabtay Jubbaland, kuwaasi oo uu sheegay inay fowdo wadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiyiintaas ayuu sheegay guddoomiye ku-xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo in xilalkoodii ay hayaan dad iyaga ku heyb ah oo ku matala maamulka Jubbaland.

Arrimahan ayaa imanaya xilli xiisadda Gedo ay mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore.

Toddobaadkan gudahiisa ayay aheyd markii magaalada magaalada Garbahaareey laga soo celiyay diyaarad uu la socday guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe, kadib markii ay is-hortaag ay ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka.

Si kastaba, lama oga halka ay ku furan doonto arrinta haatan soo korortay oo durbo saameynteeda la dareemay, maadaama la hakiyay duulimaadyadii gobolka Gedo.

Daawo: Shan gabdhood oo Soomaali ah oo ku dhintay MAREYKANKA + Sababta

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo uu khasaare xoogan kasoo gaaray gabdho Soomaali ah, kaas oo xalay ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Gabdhaha oo ka yimid Mall ay kasoo adeegteen ayaa intii ay waddada socdeen waxaa dul maray gaari, kaas oo sababay inay isla goobta ku geeriyoodaan.

Sheekh Tawakal Ismaaciil  kamid ah culimada Soomaalida ee ku dhaqan Minnesota ayaa u warramay SNTV, wuxuuna sheegay in shanta gabdhood ay saddex kamid ah ahaayeen walaalo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaariga dul maray uu waday nin tuug ah oo soo xaday baabuurka, kaas oo doonayay inuu la baxsado.

“Gabdhuhu adeeg ayay ka yimaadeen marka shilbaa ku dhacay nin tuug ah oo gaari soo xaday ayaa waxaa weeye gabdhaha kormaray shantaba way dhinteen ilaahey ha u naxariisto saddex waa isku famil” ayuu yiri Sheekha.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in eedeysanaha lasoo qabtay, isla-markaana ay haatan su’aallo weydiinayaan ciidamada booliska.

‘Ninka eedeysanaha waxaa haya booliska magacayada shanta gabdhood lama soo gudbin, laakiin waa la xaqiijiyay inay dhiteen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Nin kale oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Biixi, isla-markaana ka hadlay dhacdadan xanuunka badan ayaa sheegay in shanta gabdhood ay ahaayeen kuwa qalin-jebinayay, isla-markaana isku diyaarinayay xafladdooda, balse ay la kulmeen shilka sababay geeriyooda.

“Gabdho fiican oo waxbarashada ku wanaagsan ayay ahaayeen xilliga qalin-jebinta ayay isku diyaarinaayeen marka waa arrin xanuun leh” ayuu yiri Cabdirsaaq Biixi.

Mareykanka oo ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal, kuwaas oo sababa khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Mareykanka: Gabadhii ugu horreysay ee MUSLIM ah oo loo magacaabay xilka…

New York (Caasimada Online) – Golaha Senateka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslim ah oo xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkaan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladeshi.

Nuarat ayaa xilal sare horay uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois.

Gabadhaan ayaa wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada.

Golaha Senateka Mareykanka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100-ka mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane.

Nusrat ayaa fariisan doonta Maxkamad degmo oo heer federaal ah oo ku taalla magaalada New York.

Guddoomiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka Chuck Schumer ayaa Nusrat ku tilmaamay inay leedahay waayo aragnimo sare, karti iyo daacadnimo.

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay ingabadhaan muslimka ah ay khibrad u leedahay xuquuqda madaniga ah.

Guddoomiye Chuck wuxuu carrabka ku adkeeyey ansixinta magacaabidii madaxweynaha ee Nusrat ay keeni doonto inay xirfadeeda ugu adeegto kursiga loo magcaabay ee heer federaal.

Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii DF iyo maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyat shir maalmihii dame uga socdaydl dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS.

Shirkaan oo ahaa kii 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir ayaa socdey muddadii u dhaxeysay 12-ka illaa 16-ka bishaan.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada shirkani ayaa aheyd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana Falan-qayn iyo dood kadib laga soo saaray qoddobo dhowr ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahad-celiyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wada-tashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.

2. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

3. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

4. In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.

Putin oo xaqiijiyay in hubka Nukliyeerka uu geystay Belarus

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa xaqiijiyay in Moscow ay mar hore geysatay hubka Nukliyeerka ah waddanka Belarus, isagoo xasuusiyay reer Galbeedka inaysan u horseedi karin guuldarro istiraatiiji ah Ruushka.

“Madaxdaxyadii ugu horreeya ee nukliyeerka ayaa la geeyey dhulka Belarus. Laakiin kaliya marka hore waxaan geynay qaybta hore. Waxaanse si buuxda u qaban doonnaa shaqadan dhammaadka sannadka, “ayuu yiri Putin.

Isagoo ka hadlayay fagaaraha dhaqaalaha Ruushka ee magaalada St. Petersburg Jimcihii, Putin wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuusan u arag wax baahi ah in Ruushka uu hadda u adeegsado hubka nukliyeerka.

Tallaabada uu qaaday ee ah in uu hubka Nukliyeerka ah ee ridada gaaban geeyo Belarus, kaas oo loo isticmaali karo goobta dagaalka, waxa uu uga dan lahaa in uu digniin u diro reer galbeedka oo ku saabsan hubaynta iyo taageerada Ukraine, ayuu yidhi hogaamiyaha Ruushka.

Aqalka Cad ayaa cambaareeyay hadalka Putin, isagoo sheegay in Mareykanka uusan wax isbedel ah ku sameyn doonin mowqifkiisa Nukliyeerka, isagoo ka jawaabaya hadalladaas.

Sawirro: Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka ka socda magaalada Beijing?

0

Beijing (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay bandhiga carwada 13-aad ee maalgashiga dibadda ee Shiinaha (COIFAI).

Shirweynahan oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha (CODA), ayaa isu keenay in ka badan 500 oo wakiillo ah oo ka kala yimid dalal kala duwan, si ay uga wada-hadlaan una sahmiyaan fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee hoos yimaada hindisaha cusub “Belt and Road Initiative” ee dowladda Shiinaha ay ku dooneyso in ay horumar kaga sameyso dalalka soo koraya.

Danjire Kullane oo furitaanka bandhigga khudbad ka jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay carwada u leedahay horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo ku dheeraaday soo bandhigidda fursadaha iyo faa’iidooyinka maalgashi ee Soomaaliya

Waxa uu uga mahad-celiyey Mudane He Zhenwei, Guddoomiyaha CODA, martiqaadka uu u fidiyey, wuxuuna ku bogaadiyey ururka sida ay uga go’an tahay kobcinta iskaashiga iyo mashaariicda maalgashiga caalamiga ah.

Danjire Kullane ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay tahay marinka laga soo galo Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, isaga oo ganacsatada u iftiimiyay fursad ay ku ballaarin karaan ganacsigooda ayna ku abuuri karaan xiriir dhaqaale oo xooggan.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ee la cusboonaysiiyay ay tahay meel aad ugu wanaagsan ganacsiga iyo maalgashiga.

“Soomaaliya waxaa laga hela kheyraad badan oo dabiici ah, oo ay ku jiraan saliidda, gaaska, macdanta, kalluumeysiga, iyo dhul-beereedyo barwaaqo ah, oo ka bannaan fursado maalgashi.”

Wuxuu sheegay in dalku si weyn maalgelin ugu sameynayo isku-xirka gaadiidka sida waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, isaga shirweynaha ku soo bandhigay muhiimadd ay leedahay fursadaha ganacsi ee Shiinaha inay ku biiriyaan khibradooda iyo inay iskaashi la sameeyaan saaxiibada Soomaaliya.

Wuxuu ku dhiirageliyay shirkadaha Shiinaha ee quseeya tamarta la cusbooneysiiyo in ay maalgashadan, taas oo Soomaaliyaa ka dhigeysa in ay u gudubto in ay hesho tamar nadiif ah.

“Soomaaliya waxay leedahay dhul barwaaqo ah oo cimilo wanaagsan leh,” ayuu yiri Danjire Kullane oo iftiimiyay fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya.

Danjire Kullane ayaa waxa kale oo uu ku booriyay maalgashadayasha Shiinaha in ay sahmiyaan farsamooyinka beeraha ee casriga ah warshadaha tayada leh si kor loogu qaado sugnaanta cuntada, dhoofinta iyo abuuritaanka fursado shaqo.

Geba-gabadii munaasabadda, Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxibtinimo si loo gaaro barwaaqo.

Siyaasiyiinta Puntland oo war xasaasi ah ka soo saaray qorshe uu Deni wato

0

Garowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay bayaan ay uga digeyso muddo kororsi ay sheegeen inuu damacsan yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo la sheegay in Deni uu qorsheynayo inuu marsiiyo baarlamaanka.

Qoraalka ayaa lagu yiri, “Madashu waxay uga digeysaa baarlamaanka Puntland in la sameeyo wax ka beddel dastuur oo aan ku saleysneyn heshiis siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho, kaas oo keeni kara dhaawac dowladnimo, qalalaase amni iyo hubanti la’aan mustaqbalka Puntland.”

Waxay sheegeen inay u taagan yihiin ilaalinta xasiloonida, midnimada iyo dowlanimada Puntland, waxayna farriin u direen baarlamaanka Puntland, iyagoo ugu baaqay in kalfadhigaan lagu maareeyo taxadar iyo masuuliyad dheeraad ah, si looga badbaado qorshaha Saciid Deni.

“Madashu waxay Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Puntland xasuusinaysaa waajibaadkooda Dastuuriga ah iyo xaaladda xasaasiga ah ee uu kusoo aaday Kalfadhiga 52aad ee Golaha Wakiiladda Puntland, inuu yahay mid u baahan masuuliyad iyo  taxadar dheeri ah si aysan ugu dhicin dabinka Madaxweyne Deni uu ku doonayo in Baarlamaanka Puntland loo adeegsado muddo kororsi iyo Dastuur furid aan sharciga waafaqsanayn, xilli ay gabaabsi tahay mudada Dastuuriga ee Xilhaynta Golayaasha  Dowladda Puntland.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay madasha.

Sidoo kale Madashu waxay bayaankaan ku cadeysay in marar badan ay cod dheer ku sheegeen damaca Madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu yahay xukun maroorsi aan waafaqsanayn Dastuurka iyo xeerarka dowladnimada Puntland.

“Qorsha Saciid Deni waa arrin khatar ku ah xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay Madasha Siyaasadda Puntland.

Madashaan ayaa baarlamaanka ka codsatay in danaha xukuumadda Deni aysan ka hor marin danta shacabka reer Puntland, “Shacabka Puntland waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan amigooda, wadajirka iyo dowladnimadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran

 

Daawo: DF oo Bakaaro ka soo qabatay ganacsato ku kacday qiyaano halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay badeeco dhacday oo laga beddelay dheydkii, isla markaana bulshada lagu qiyaamay, iyadoo looga dhigayo badeeco cusub.

Sidoo kale waxaa la soo qabtay ganacsato lagu eedeeyey inay Suuqa Bakaaraha ka furteen xarun waqtiga dhicitaanka looga beddelo badeecada dhacda.

Xeer ilaaliye ku xigeen dalka Jabriil Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay inay soo qabteen dad jawaanada raashinka ka badalayey taariikhda, kuwaas oo xarun gaar ah ka furtay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la soo bandhigay raashin, cabitaano iyo badeecooyin kale oo la sheegay in bulshada lagu qiyaamayey isla markaana ay dhaceen, balse raggaani ay taariikhda dhicitaan ka beddeleen.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, wuxuu gacanta ku hayaa cunnooyin iyo cabitaanno uu dheydkoodu dhacsan yahay oo laga bedelay dheydkoodii saxda ahaa,” ayuu yiri Jabriil Cabdi Xeer ilaaliye ku xigeen dalka.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday in markii ay soo dhamaadaan baaritaanadaan ay eedeysanayaasha la hayo hor geyn doonaan maxkamadaha dalka, si sharciga loo marsiiyo dadka ku kacay qiyaanadaas.

Xafiiska xeer ilaalinta dalka ayaa bulshada Soomaaliyeed uga mahadceliyey in xogta sababtay in lasoo qabto raggaan ay soo gudbiyeen, wuxuuna Xeer ilaaliye ku xigeenku bulshada ka dalbaday inay kala shaqeeyaan soo qabashada dadka ku kacaya qiyaanada noocaan oo kale ah.

“Waxaan uga digeynaa cid kasta oo bulshada ka iibisa cunno dhacday, waxaan marsii doonaa qofkii ku kaca falkaas sharciga, wuxuuna la kulmi doonaa cawaaqib adag,” ayuu yiri Jabriil Cabdi.

Hoos ka daawo

Afar arrin oo Xasan ku riixaya inuu isbeddel sameeyo kahor wejiga 2-aad ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-dhacyada u dhaxeeya ciidanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa noqdya cinwaanka u weyn ee maalmahan, xilli dowladda Soomaaliya laga sugayay inay billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyinka Baraawe iyo Ceel-barde ayaa kamid ah goobaha laga soo wariyay in ciidanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya ay gacanta iskula tageen, halkaas oo khasaare nafeed laga soo wariyay.

Labadaan ciidan waa kuwii loogu tala-galay loona diyaariyay in Al-Shabaab ka saaran dalka, balse in iyagii is dilayaan ayaa ah farriin walaac ku ah aragtidii aheyd in wada-jir loola dagaalamo kooxaha argagixisada ee dhibaatada ba’an ku haya Soomaaliya.

In ciidankii xoogga dalka ay ku lug leeyihiin shaqaaqooyin joogto ah oo ka baxsan dagaalka Al-Shabaab, waxay su’aal dul dhigaysaa hoggaanka ciidanka.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa weli hoggaaminaya ciidanka xoogga dalka. Tan iyo markii ay shaqaaqooyinkan curteen waxaa billowday doodda ku saabsan gaabiska hoggaanka ciidanka xoogga dalka iyo suurtagalnimo sheegaysa in la gaaray xilligii madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqi lahaa isbeddel hoggaamineed.

Afar arrimood ayaa la aaminsan yahay inay qasbeyso isbeddelka, kuwaasi oo kala ah;

1. Gaadmada Al-Shabaab ee ciidanka xoogga dalka oo badatay

Kooxda Al-Shabaab waxay weeraro gaadmo ah ku qaadeen lixdankii cisho ee u dambeysay xarumo ay deganayeen ciidanka xoogga dalka.

Waxay geysteen khasaare baaxad weyn, waxaana loo sababeynaya taxadar la’aan, xog la’aan iyo wada-shaqeyn la’aan ciidanka dhexdiisa ah.

2. Isku dhacyada ciidanka dhexdooda ah

Labada dhacdo ee maanta ugu hadal haynta badan waa midda Baraawe iyo midda Ceel-barde, labadaba waxaa ku lug leh ciidanka xoogga dalka.

Waxay is-hayaan ciidan heer maamul goboleed ah. Fikirku wuxuu markii hore ahaa in labada ciidan is qaataan iskana garab diriraan oo ay argagixisada soo afjaraan.

In maanta iyagii qoryo isku sitaan waxay muujineysa in hoggaanka ciidanka xoogga dalka uusan xakameyn karin ciidanka, uusana dhigin xeer adag oo dhaqankaan ka hortagi kara.

3. Ciidan masuugsan hoggaankooda

Muddadii sanadka aheyd ee madaxweyne Xasan Sheekh joogay xafiiska waxaa xooggana warar ku saabsan in saraakiil sar-sare, taliye qeybeedyada iyo ciidanka badi masuugsan yihiin hoggaankooda.

Sababta aad uma cadda, laakiin waxaa muuqata in hoggaamiye Odowaa uusan ku guuleysan inuu kasbado ragga ay shaqada dhabta ah kala dhaxeyso.

Madaxweynaha waxaa la sheegay in dhowr jeer culeyska arrintaas lala wadaagay.

4. Wejiga labaad oo u baahan laba kacleyn

Dowladdu waxay ku jirtaa diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, wuxuu u baahan yahay laba kacleyn iyo tamar cusub.

Inkasta oo howl-galka isku dhafka ah hoggaaminayi Taliye Bariise, haddana waxaa jira dad badan oo aaminsan in isbeddel ku dhaca hoggaank ciidanka xoogga dalka inuu keeni karo dardar xoog leh iyo khibrad cusub.

Daawo: Taliyaha Militerigii ka dagaalamay Baraawe oo bixiyey xog xasaasi ah

0

Baraawe (Caasimada Online) – Taliyaha hoggaamiya ciidanka militeriga ah ee ku sugan degmada Baraawe oo dhawaan halkaas kula dagaalamay ciidanka ilaalada madaxtooyada K/Galbeed ee Baraawe ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu ku bilowday dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay magaaladaas iyo khasaaraha dhankooda ka soo gaaray.

Sarkaalkaan oo ah Taliyaha ururka 25-aad, guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay, waxayna reer K/Galbeed ku eedeeyeen in isagu uu hoggaaminayey dagaalka.

Hase yeeshee Korneyl Xorogaay ayaa beeniyey eedeyntaas, isagoo sheegay in taliska uu ka maqnaa markii uu dagaalku bilowday, wuxuuna sharaxaad ka bixiyey sidii uu dagaalku ku bilowday.

Wuxuu sheegay in dagaalka dhan uu ka bilowday gabar ay Qaad ka qaateen ciidanka K/Galbeed, kadibna ay lacagtii qaadka sii diideen, taas oo sababtay in ciidanku ay murmaan.

Muran kadib, Korneylkaan wuxuu sheegay in ciidanka ilaaliya madaxtooyada Baraawe ee K/Galbeed ay dagaal ku soo qaadeen militeriga, isla markaana ay ka dileen 3-sarkaal iyo hal sarkaal xigeen, halka afar askari oo kalena ay uga dhaawacmeen dagaalkii dhacay.

Taliye Xorogaay oo wareysigaan siiyey Universal TV ayaa sheegay in markii dagaalkaas uu bilaabanayey uu ku maqnaa xaafadiisa, isla markaana uu ka war helay rasaasta bilaabatay, markaas kadibna uu soo gaaray goobta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkaas uu joojiyey kaligiis, kadib markii uu ciidanka ku amray in wax xabad ah aysan ridin xitaa hadii lagu soo ridayo, sida uu sheegay.

“Kaligey ayaan dhexda istaagay muddo saacado ah ayaan ku howlanaa in dagaalkaas aan joojiyo, ugu dambeyntiina waxaan ku guuleystay habeenkii hal saac, ciidankeyga waxaan ku amray in xabad dambe aysan ridin, balse ciidanka K/Galbeed oo muddo ayey dhankooda kaliya xabaddu ka soo dhaceysay,” ayuu yiri Taliye Xorogaay.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in mudadii uu ku jiray joojinta dagaalka ay taleefanada ka qaban waayeen saraakiisha hoggaamineysa ciidanka K/Galbeed, balse ugu dambeyntii uu kaligiis ku guuleystay inuu hakiyo xabadii dhaceysay.

Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay waxay walaalo yihiin taliyihii 10 sano ka hor Baraawe ka xoreeyey Al-Shabaab AUN Jeneraal Goobaale oo 2016-kii lagu dilay qarax is-miidaamin ah.

Hoos ka daawo wareysiga

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay magacaabistii Cabdullaahi Goodax Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA Mudane Maxamuud Macallin ayaa Goodax Barre loogu magacaabay La-taliye sare ee arrimaha sugnaanta cunnada ee hay’adda.

Magacaabista Goodax Barre ayaa timid kadib markii guddoomiyaha hay’adda uu arkay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhameystiro howlaha dib-u-yagleelida hay’adda SODMA.

Shaqada La-taliyaha cusub ayaa la sheegay in lagu faah-faahin doono shaqo tilmaame (TOR) gaar ah oo qeexaya howlaha uu qabanayo, kaasi oo ay soo saari doonto hay’adda.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Xuseen Cabdulle Maxamed: “Hay’adda SoDMA Wasiir Goodax Barre gacanta miyaa uga dhacday mise waa ka dhab?.”

“Shaqa sharaf leh, Godax bare ha shaqeyso tareenkana dhiniicsa haka raaco. Loma qabanaayo ardaydii xamar uu ku adkeyey iyo kuwii uu Gado ee uu futiyey xita qabrigii Booqday,” ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Issak.

Sakariye Cabdulqaadir Aadan oo isagna ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Ninka kama xishoonin walaahi.”

Axmed Saalax ayaa sidoo kale yiri “Waa sheeko aan la yaabey anigu, bal waa yahay ee ka mira dhali.”

Dalmar Xaaji: “Goodax meeshaas meel ka sareeysa ayuu u qalmay, si kastaba waa nin aqoon tiisa io waayo aragnimadiisa loo baahan yahay waaye.”

“Shaqadan wasaarada beeraha ayaa laheed food security advisor ee si toos ah uma laheen SODMA,” ayuu yiri Maxamed Xaashi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay magacaabistan cusub.

Sakariye Sheekh Xuseen ayaa isna waxa uu yiri: “Inaa-lilaahi Goodax Barre ma sidaan baa u dambeysay.”

“Goodax waa jabay markaan laakiin libaax qoyay marna dawaca ha isku moodin,” ayuu yiri Mursal Cali.

Shaafici Cali Axmed oo isna ka fal-celiyay arrintaan, ayaa waxa uu yiri “Waa bahdil wasiir to lataliye Subxaanallah.”

Jawaari Yare: “Aduun waa har labadiisa gelin. From Wasiir ilaa La-taliye Hay’adeed.”

“Soo dhawoow Goodax Barre waa rug cadaa siyaasada muddo fog ku jiray xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, waana muhim qibrada ku jirta inaa laga faa’iideysto, so dhawoow mudane markale,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xuseen.

Cabdiraxmaan Nuur ayaa isna yiri: “Jago sare oo wasiir ayaa soo qabatay xishood majira miyaa!.”

“Sanadkaan xilkii lataliyuhu waa dhintay,” ayuu yiri Maxamed Cali oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xilka cusub ee loo magacaabay wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya.

Daawo: Beesha Murusade oo jawaab adag ka bixisay 10 qof oo uga xiran Cadale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay warbaahinta u sheegeen odayaal ka soo jeeda beesha Murusade ilaa 10 qof oo shacab ah oo u dhashay beeshaas ayaa muddo maalmo ah ku xiran degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dadkaas waxaa la sheegay inay Cadale ku xireen ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya, kadib markii ay kala degeen gaadiid ay la socdeen.

Sida ay cadeeyeen odayaasha Murusade ee warbaahinta la hadlay dadka lagu xiray Cadale waxay ka yimaadeen degmada Ceelbuur iyo deegaano hoos taga oo kooxda Al-Shabaab ay joogto.

Odayaasha ayaa sheegay in beegsi gaar ah lagu hayo dadkooda, sida ay hadalka u dhigeen, maadaama maalmo badan xabsi ku yaalla Cadale ay ku xiran yihiin dadkaas shacabka ah.

“Murusade wuxuu ka cabanayaa dad musaafir ah oo Cadale uga xiran, dadkaasi waxay isugu jiraan carruur, waayeel iyo dad xanuunsan oo dhakhtar loo soo qaaday, waxaana loo beegsaday inay ka yimaadeen dhul Shabaab joogo,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa la sheegay inay u xiran yihiin dadkaas, inkastoo odayaasha ay warbaahinta u sheegeen in taliska militeriga Soomaaliya uu iska fogeeyey gacan ku heynta dadka ku xiran Cadale.

“Dowladda iyo qabiilkaan Murusade waxaa jira dad iska hor keenaya oo beegsi gaar ah nagu haya, dadkeena dariiqa loo istaagay dowladdu wax haka qabato, dadkaas musaafirka ahna xoriyadoodii haloo soo celiyo,” ayuu yiri odagaan u hadlay waxgaradka beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sidoo kale odayaasha waxay sheegeen in dadkaasi ay xiran yihiin muddo ka badan intii sharcigu ogolaa in xabsiga lagu sii heyn karo oo ka badan laba habeen iyo laba maalmood.

“Dadkaas waxaa lagu heystaa qabyaalad iyo in lagu dhibaateynayo deegaanka ay ka yimaadeen, cabashadeena waxaan u gudbineynaa madaxda dalka ugu sareysa, dhibka dadkeena ku dhacaya idinkaa wax la idinka su’aalayaa, shaqsiyaad ayuu dadkeenii u xiran yahay,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay.

Hoos ka daawo cabashada odayaashaan

FAYSAL Cali Waraabe oo si adag uga jawaabay hadalkii DENI – “Waa inoo Garoowe”

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aysan marnaba kasoo bixi doonin Laascaanood, taasi oo ugu baaqay Deni, si ay u kala badbaadan.

Waraabe oo ka jawaabaya hadalkii Deni ee ahaa “Somaliland ciidankeeda haka qaado Laascaanood,” ayaa sheegay in ciidankooda aan la qaadayn in ay sii socdaan mooyee, sid uu hadalka u dhigay.

“Saciid Deni ciidamada ka qaada ayuu yidhi Laascaanood, ka qaadi maynee balanteenu waa Yoocada, hadad joogi waydana waa inoo Garoowe,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Deni ayuu sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dhibaatada Laascaanood ka dhacday uu masuul ka yahay, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu Laascaanood ka barakaciyay dadkeedii.

“Laascaanood waa ka nolol fiicnayd Garoowe iyo Boosaaso, laakiin (Deni) ayaa dadkeedii barakiciyay,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Ugu dambeyntiina waxa uu dadka reer Laascaanood ugu baaqay inay nabada qaataan, isaga oo sheegay in aanay jirin faa’iido ay dadka Laascaanood ka heli karaan maamulka Puntland, oo si weyn isku hayaan xukuumadda Somaliland.

Deni ayaa shalay ku goodiyay haddii ay Somaliland ka dhaga fureysato baaqaas ay si toos ah ula safan doonaan ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ee ku sugan magaaladaasi.

“Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii maamulka Muuse Biixi Cabdi uu ka dhega-fureysto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel oo ah in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dul qaadan karin dhibaato u sheegay in Somaliland ay ku heyso dadka reer Laadcaanood.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana ciidamada labada ay haatan isku horfdhiyaan duleedka magaalada , gaar ahaan aagga dhaanka xerada Goojacadde.

Xog: Daacish ‘oo laba arrin midkood kala dooransiinaysa’ ganacsatada Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa dardar-gelisay ololaha ay lacagta baada ah uga qaadaneyso ganacsatada maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kooxda Daacish ay ku qasbeyso ganacsatada Boosaaso in ay bixiyaan lacagta baadda ah ee ka qaado kooxda.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay ganacsatada ay weydiisatay lacagta ugu goodisay haddii ay bixin waayan in ay albaabada u laabaan mehradahooda.

Ganacsatada Boosaaso ayaa wajahaya laba doorasho oo midna u rooneyn, sida ay sheegeen, oo haddii ay diidan baadda kooxdan ayaa waxay ku qasban yihiin inay xiraan ganacsigooda.

Kooxda Daacish ayaa hore u xirtay xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay iska bixi waayeen lacag baad ah oo ay ku soo rogtay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Arrimahan ayaa imanaya xilli laamaha ammaanka maamulka Puntland ay ka gaabiyeen cadaadiska ka dhanka ah maleeshiyada Daacish-ta Soomaaliya, islamarkaana ay maamulkaas ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu eedeynayaa inay ciidanka u leexisay arrimo siyaasadeed, taasi oo diirada ka leexisay waajibkoodii shaqo ee loo igmaday.

Xogta dad badan oo Shabaab ay fagaare ku toogatay

0

Kuunya-barrow (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay shan qof oo kale oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Xukunka ay Al-Shabaab ku fuliyeen dadkaas ayaa ka dhacay deegaanka Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, Khamiistii shalay, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab.

Shanta nin ee lagu toogtay fagaaraha Kuunya-barrow ayaa la sheegay in da’doodu ay u dhaxaysay 28 ilaa 52 jir.

Al-Shabaab oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah, ayaa sheegtay in raggaasi ay ‘qirteen’ in ay u basaasayeen dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa dadka ay soo taagto maxkamadaheeda aan u oggoleyn qareen difaaca, iyadoo dadka kasoo goostay ay sheegeen in xaakimkoodu uu go’aan iska gaaro, marka qofka lasoo dacweeyo.

Markii laga soot ago dadka u kala dacwooda kooxdaan waxay dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan si joogto ah ugu toogtaan dad ay ku sheegaan inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha kale ee caalamka.

Wax yarna ha ahaatee sooma bandhigaan wax cadeyn ah oo ay ku xalaaleysa karaan dhiigga dadka ay tiirka geeyaan mar kasta, waxayna naxdin ku dileen shacabka ku nool deegaanada ay toogashada ka fuliyaan oo ay ku qasbaan inay daawadaan sida loo tooganayo qofka.

Inta badan gobollada koonfurta ayay hadda ku toogtaan dadka, maadaama awoodoodii laga soo wiiqay gobollada dhexe oo hadda ay ka joogaan Ceelbuur, Galhareeri iyo tuulooyin aad u kooban.

Gobollada Jubbooyinka, Bay iyo Bakool ayey dhulka ugu badan ka joogtaa kooxdaan, waxayna dowladda Soomaaliya abaabuleysaa duulaan culus oo guud ahaan dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Cabdullaahi Goodax Barre oo xil cusub loo magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay xil nooc cusub oo La-taliye ah.

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA Mudane Maxamuud Macallin ayaa Goodax Barre loogu magacaabay La-taliye sare ee arrimaha sugnaanta cunnada ee hay’adda.

“Waxaa u magacaabay Cabdullahi Godax Barre La-taliye ee sugnaanta cuntada (Senior Food Security Advisor) ee hay’adda Maareynta Musiiboyinka Soomaaliya (SODMA).”

Wareegtada kasoo baxday guddoomiyaha hay’adda ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu arkay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhameystiro howlaha dib-u-yagleelida hay’adda SODMA.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in shaqada La-taliyaha cusub lagu faah-faahin doono shaqo tilmaame (TOR) gaar ah oo qeexaya howlaha uu qabanayo.

Magacaabistan ayaa waxa uu guddoomiyaha hay’adda SODMA ka talo-galiyay guddoomiye ku-xigeenka hay’adda, sida uu ku sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadan lagu magacaabay La-taliyaha sare ee arrimaha sugnaanta cuntada ayaa sidoo kale waxaa si dhow ula socday agaasimaha guud ee hay’adda SODMA iyo guddiga qaranka shaqaalaha dowladda.

DF oo shaacisay in howlgalkii GALCAD lagu khaarajiyay horjooge Cali Qoyane

0

Galcad (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin cusub kasoo saartay howl-gal ay shalay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa Galacad iyo deegaanka Baraag Sheekh Caamir.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa shaacisay in howl-galkaas lagu khaarajiyay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure (Cali Qoyane).

Horjoogahan lagu khaarajiyay howl-galka ayaa waxaa horey isaga oo maqana ah Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil.

Sidoo kale waxa uu kamid ahaa horjoogayaasha ugu halisan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda, kaasi oo lagu baahiyay warbaahinta qaranka.

Howl-galkan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ku sugna aagga tuulada Aflax oo hoostagta magaalada Galcad.

Ciidamada iskaashanaya ayaa waxa kale oo la sheegay inay la wareegeen hub iyo gaarid NOAH ah oo ay wateen xubnahaasi, oo si dhuumaaleysi ah uga howl-galayay halkaas, islamarkaana ay muddo ku raad-joogeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Majiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

PUNTLAND oo digniin culus kasoo saartay qorshaha Somaliland ee SANAAG

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa digniin culus kasoo saaray imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland oo lagu wado inuu billowdo maalmaha soo socda.

Puntland ayaa ka digtay qorshaha Somaliland ay ku dooneyso in imtixaankaas ku keento gobolka Sanaag, oo ay ku sugah yihiin arday badan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa looga digay dhammaan dugsiyada Waxbarashada gobolka Sanaag in aysan geli karin imtixaanka Somaliland ee dhawaan bilaabanaya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in guud ahaan ardayda ku sugan gobolka Sanaag ay galeen imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, sidaas darteedna aan loo baahnayn imtixaan kale.

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa masuuliyiinta ay warqadani sida tooska ah iyo ogeysiintaba ugu socoto in dhamaan deegaanada gobolada Sanaag iyo Haylaan aysan soo geli karin haba-yaraatee wax imtixaan ah oo ka yimaada maamulka Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Sidaas daraadeed waxaa mar labaad la idin ku wargelinayaa in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ay gaarsiisay Imtixaanka Shahaadiga ah Fasalada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyadda Dhexe iyo Sare dhamaan deegaanada Puntland.”

“Hadaba lama ogola in la keeno deegaanada Puntland imtixaan aan ka ahayn kan ay dowladda Puntland qaaday.”

Digniintan ay Puntland soo saartay ayaa imaneysa xilli Somaliland ay qorsheynayso in imtixaanka shahaadiga ah geyso gobolo ay kamid tahay Sanaag, kaasi oo kamid ah deegaano kamid ah ay isku hayaan labada maamul.

Xildhibaan Dhaashane oo shaaciyay ujeedka laga lahaa weerarkii lagu soo qaaday

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey sida uu u dhacay weerar lagu soo qaaday.

Xildhibaanka ayaa habeenkii hore lagu weeraray hoygiisa caasimadda Puntland ee Garoowe, kadib markii uu maalin ka hor si kulul uga hadlay doorashada degmooyinka gobolka Nugaal.

Xildhibaanka oo hadlay ayaa sheegay inuu weerar ku socday muddo shan iyo toban daqiiqo ah, islamarkaana uu ku dagaalamayey dhagax maadaama uusan waardiye wadan isaguna hub sidan.

“Waxaan ka imid hoteel Martisoor kadibna waxaa iga soo raacay labo baabuur, markii aan usoo leexday xaafadayda gurigayga hortiisa marayey waxaa la igu horgooyey baabuur weyn oo daaqadu u furan yahay waxaana kasoo degay shan nin oo wajigu u xiran yihiin qoryana wata, shantaa nin waxaa daba taagna gaari kale oo gaarigayga lagu dabo gooyey oo afar nin oo kale saarnaayeen,” ayuu yiri xildhibaanka. 

Waxa uu intaas ku daray “waxaa la igu billaabay xabad waxaa la damcay in gaariga xoog la igaga soo saaro, afar nin baa gaariga daaqadaha furtay, ninkii daaqadayda furay baan qoriga ku qabsaday markii aan ku qabsadayna nabarka dhaawaca ah baa isoo gaaray, ninkii kale oo i dhinac taagnaa baa qorigiisa wuxuu igala dhacay wajiga, nimankaasi waxay lahaayeen ma adiga dastuur furi kara oo isku dayi kara berri inaa dastuur furtid,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane.

Weerarka lagu qaaday xildhibaan Dhaashane ayaa kusoo beegmaya iyadoo shacabka Garoowe dariiqyada ku arkayeen waraaqo digniina oo ka dhan ah inaan la furin dastuurka Puntland.

Sawirro: Madaale oo kulamo ka wada SERBIA

0

Belgrade (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda waddankaasi.

Guddoomiye Madaale ayaa waxa uu kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić.

Labada masuul ayaa kulankooda waxay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay iskaashiga maamulka labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade.

Kulankan waxaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo diplomaasiyiinta ka howl-gala safaarada.

Labada guddoomiye ayaa sidoo kale ka wada-hadlay dib u mataaneynta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade iyo weliba in khubaro injineero ah loo soo diro Muqdisho, si ay daraasad rasmi ah ugu sameeyaan habka biyo-mareenka caasimadda Muqdisho.

Khubaradan ayaa sidoo kale daraasad ku sameyn doona qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg-degga ah, gaadiidka waxbarashada iyo maareynta saxmadda magaalada.

Guddoomiye Madaale iyo Aleksandar Šapić ayaa isla qaatay xoojinta xiriirka labada magaalo, iyada oo Duqa Balgrade uu soo bandhigay keydka xusuus dhowrka Belgrade, oo ay ku aruursanaayeen wada-shaqeyntii ka dhaxeesay labada caasimadood xilliyadii ay Muqdisho Duq magaalo ka ahaayeen Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faarax, taasi oo muujineysa xiriirka soo jireen ee labada magaalo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga dowladda Serbia Col. Milos Andjic.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyay sida ay Serbia gacan uga geysaneyso dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaar kamid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dakhliyadda canshuurta.